Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Gedo)Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Fafax-dhuun. Sida lagu qoray baraha Internet-ka ee Al-Shabaab wararka ku faafiso madaafiic ayaa lagu garaacay saldhigga Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka madaafiicda kaddib uu xigay dagaal xooggan oo labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in la iska difaacay weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Fafax-dhuun, isla markaana tiro dagaalamayaal ka dileen. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa mid socday saacado, isla markaana labada dhinac isku adeegsadeen madaafiic. Deegaanka Fafax Dhuun ayaa hoostagta degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaa gacanta ku haya ciidanka dowladda iyo kuwa Kenya oo saldhig milateri ku leh. Source
  2. Itoobiya oo Wakiilkii u Fadhiyey Hargeisa la baxday+Sababta Qaar ka mid ah Warbaahinta Geeska Afrika ayaa Saacaddihii lasoo dhaafay qoraayay in Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya Qunsulkii u joogay Somaliland dib ugu yeertay. Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in sababta loogu yeeray Qunsulka in ay tahay Isbadelka ka socda Geeska Afrika,islamarkaana Itoobiya ay guud ahaan joojisay xiriirkii kala dhaxeeyay Somaliland,taas badalkeena Arrimaha Somaliland ay kala tacaamuli doonto Soomaaliya. Qunsulka oo lagu Magacaabo Bereha Tesfay ayaa shalay gelinkii dambey gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka dib markii uu diyaarad ka raacay Magaalada Hargeysa. Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa Warbaahinta u sheegay in Bereha Tesfay, uu saraakiisha Somaliland shalay ku wargeliyay in ay u yeertay dowladdiisa isaga oo aan sheegin wax intaas dhaafsiisan. Sababta ugu weyn ayaa lagu sheegay in tahay in dowladda Itoobiya ay kala noqotay Somaliland xiriirkii dublomaasiyadeed ka dib markii Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ,Eritrea iyo Itoobiya ay isku raaceen ilaalinta Midnimadda iyo Madaxbaanida Saddexda dal. Somaliland ayaa 20 kii sano ee lasoo dhaafay xiriir wanaagsan kala dhaxeeyay dowladda Ityoobiya, waxaana soo maray dhowr Qunsul oo Somaliland si gaar ah ula tacaamuli jiray. Xiriirka Jabuuti iyo maamulka Somaliland ayaan isaguna fiicneyn kaddib markii ay Somaliland heshiis la gashay Sharikadda DPWorld ee lagu wareejiyay Berbera taas oo ay Jabuuti u aragtay tartan dhinaca dekadaha ah,waxaana ay ruqsaddii kala noqotay DPWorl oo maamuleysay Dekadda Dooraale ee Jabuuti. Somaliland ayaa dhawaan xafiis ka shaqeeya horumarinta Xiriirka Ganacsiga ka furatay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa isna dhawaan sheegay in Dowlado badan ay weydiisteen dowladda dhexe in ay qunsuliyado ka furtaan Magaalada Hargeysa kana oggolaadeen. Isbadellada ka socda Geeska Afrika ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u muuqda in uu meesha ka saaray Qulqulkii siyaasadeed ee dowladda Itoobiya ay ku heysay Soomaaliya. Qaran News
  3. Isniintii shalay aheyd, dalka Talyaaniga waxaa booqasho rasmi ah ay uga wada bilaabatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Amiirka Qatar Tamiim Bin Xamad. Booqashadan oo ah markii ugu horeysay oo mid weliba uu Talyaaniga tago ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan in qorsha iyo barnaamijka labada mas’uul uu ku jiro inay is arkaan. Villa Somalia ayaa isniintii sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu Talyaaniga ku tagayo booqasho 3 maalin ah halka isla isniintii ay Amiir Tamiim Roma uga bilaabatay booqasho 2 maalin ah. Amiir Tamiim oo ka yimid Croatia ayaa ilo halkaasi ku sugan waxaa ay sheegayaan in lagu wado inay is arkaan madaxweyne Farmaajo, taasi oo ah is-arag dadban, oo ka duwan midkii indhaha Soomaalida, gobolka iyo Caalamka arki jireen ee ka dhici jiray caasimadda Doxa. Madaxweyne Farmaajo waxaa uu Qatar u booqday 2 jeer, May 2017 iyo May 2018, isaga oo xiriir fiican la leh Doxa, go’aan dhex-dhexaadnimo ahna ka qaatay xiisaddii Khaliijka. Wixii wararkan, ka soo baxa, Kala soco, Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ka bad baaday qarax gaarigiisa loogu xiray ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu qaraxaasi u dhacay. Xildhibaan Jeesoow ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xili uu ka dagay gaariga xili uu galay mid kamid ah Hoteelada Muqdisho. Xildhibaanka ayaa sheegay in qaraxaasi in uu dhaawac culus ka soo gaaray darawalkiisa oo doonayay in uu gudaha u galay gaariga xiliga qaraxa uu dhacayay. Waxa uu sheegay in ha’adaha amaanku ay hadda wadaan baaritaano ku aadan qaabka uu qaraxaasi u dhacay. Hoos ka dhageeyso Codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Cod-Xildhibaan-Jeesoow-PP-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo faah faahiyay qarax uu ka bad baaday appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Burco) Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa Sheegay In ay faan u tahay in Burco siweyn loogu soo dhaweeyo Madaxweyne Muuse Biixi . Hoos ka DAAWO . Source
  6. Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Diyaarado dagaal ayaa lagu soo warramayaa in markale maanta ay duqeyn ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lagu garaacay Tuulooyin hoos yimaada deegaanka Caad ee gobolkaasi. Waxaana la sheegay goobaha la duqeeyay in ay ku sugan yihiin Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, lamana oga halka laga leeyahay diyaaradaha fuliyay. Shalay gelinkii dambe ayey aheyd markii duqeyn culus ay ka dhacday inta u dhexeysa deegaanada Camaara iyo Ceel-Huur ee gobolka Mudug. The post Duqeyn xoogan Oo markale ka dhacday gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacbaka ayaa ka hadlay qarax uu ka badbaaday oo Maanta loogu xiray Gaarigiisa. Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigay Barta Bulshada ee Facebook ayaa waxa uu ku sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid ay ka dambeeyaan dad cadaw ah,isla markaana uu ahaa mid loo fududeeyay. “Waxaan nafteyda u huray qaranka, qarax iyo weerar laygu soo qaado marna ima baqdin galinayaan lakiin waxaan bulshada u shegayaa in qaraxa maanta lagu xiray gaarigeyga oo la rabay in la igu dilo ay suurta gal tahay in qorsheynta iu cadowgu yeesho hasayeeshee waa lagala qeyb qaatay ciddey doontaba ha noqotee oo waa loo fududeeyay, kamana hordhacayo baaritaanka.” Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in mar walba isaga uusan ka tanaasuli doonin u Shaqeynta Qaranka Soomaaliyeed. Qaraxii lagu xiray Gaariga Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa waxaa ku dhaawacmay Darawalka Gaariga iyo Qof la socday,mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka Jawaabay Warbixin ay soo saareen Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, taasi oo eedeyn loogu jeediyay Wasaaradda Maaliyadda. Wasiirka ayaa sheegay in Hay’adda Maaliyadda ee Golaha Shacabka ay xaq u leedahay inay Warbixin soo saaraan oo ay ku kor joogteynayaan Wasaaradda Maaliyadda laakiin wuxuu soo jeediyay inay ku wanaagsaneyd in Labada dhinac marka hore ay isla hubiyaan waxa Bulshada loo gudbinayo. “Hay’adda Maaliyadda ee Golaha Shacabka waa Hay’adda ugu sareysa Dalka Kor jeegteyna way nagu leeyihiin xaq ayay u leeyihiin inay Report soo saaraan laakiin waxaa wacnaan laheyd arrimaha qaarkood anagaa Hawsha ku jirnee inaan isla hubsano waxa Bulshada aan u gudbineyno, diyaar ayaan u ahay inaan hortago Golaha oo aan si fiican u balbalaariyo si tifaftirana uga jawaabo Is afgaran waaga jira”.ayuu yiri Wasiirka. Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in Dakhliga Dalka uu kordhay iyadoo ay cadeyn u tahay sida ay Soomaaliya kaga soo baxday Heshiisyadii ay la gashay IMF oo ku aadanaa Kororka Dhaqaalaha. “IMF waxyaabaha ay nagula heshiiyeen waxaa ka mid ah in Dakhliga la Kordhiyo dhamaan Bilihii naloo qabtay halkii la rabay waan dhaafnay, annaga iyo Dowlada Hoose si fiican ayaan u wada shaqeynaa wax kastana way cad yihiin, Guddiga sharafta leh wax ay arkeen inay jiraan ayaa laga yaabaa wixii khaldan waan saxeynaa laakiin guulo badan ayaan ka gaarnay Kordhinta Dakhliga”. Wasiirka Maaliyadda Beyle ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu hortago Guddiga Maaliyadda iyo Golaha Shacabka si uu kaga jawaabo dhamaan Su’aalaha ay qabaan, isagoo xusay in haatan isbadal wayn uu ka jiro Maamulka Maaliyadda Soomaaliya isla markaana taasi ay keentay in caalamku uu aamino dalkeena. The post Wasiir Beyle Oo ka jawaabay eedeyn uga timid Golaha Shacabka appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Garissa ( Sh. M. Network )-Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in ay dileen illaa iyo 4 Dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab, kadib howlgallo ay ka sameeyeen Keymaha xadka maamullada Lamu iyo Gariisa ee dalkaasi. Taliyaha howlgalka la daagaalanka Al Shabaab ee Keymaha Boni Joseph Kanyiri ayaa xusay in ay dileen xubnahaasi, islamarkaana ay ka furteen 6 Qoray oo Nuuca AK47 ah iyo rasaastii ay wateen, sida uu hadlka u dhigay. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in Al Shabaab ay weerar ku soo qaadeen xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ee deegaanka Ijara, ayna hortageen weerarkaasi. Waxaana uu intaasi ku daray in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamadooda iyo Dagaalyahannadii weerarka soo qaaday. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi. Inta badan Al Shabab ayaa weeraro ku qaada fariisimaha Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. The post Ciidamada Kenya Oo dilay xubno ka tirsan Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  10. (SLT-Burco) Maayirka Burco Maxamed Yuusuf Muraad, Ayaa K Hadlay Soodhawynta Madaxwayne Muuse Biixi Ee Magaalada Burco. Source
  11. Byadhabo ( Sh. M. Network )-Maxkamadda Ciidamada Qalabka qeybta 60-aad ee gobollada Baay iyo Bakool ayaa maanta xukun dil ah ku riday Askari ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo Dable Maxamed Nuur Macalin Aadan Askarigani ayaa lagu eedeeyay in uu dilay Marxuum Maxamed Nuur Janow Aadan oo ka mid ahaa shacabka ku dhaqan M/ Baydhabo ee gobolka Baay. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida 60-aad ee Baay iyo Bakool Gaashaanle Dhexe Aadan Abuukar ayaa ku dhaawaqay go’aanka Maxkamadda. Sidoo kale Gaashaanle Dhexe Aadan Abuukar ayaa uga digay Ciidamada dowladdu in ay waxyeeleeyaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolladaasi. Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ay horay xukuno kala duwan ugu riday Askar ka tirsan Ciidamada DFS oo lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan. The post Maxkamadda CQS Oo xukuntay Askari dilay Qof Rayid ah appeared first on Shabelle. View the full article
  12. (SLT-Hargaysa)Qaar ka mid ah Warbaahinta Geeska Afrika ayaa Saacaddihii lasoo dhaafay qoraayay in Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya Qunsulkii u joogay Somaliland dib ugu yeertay. Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in sababta loogu yeeray Qunsulka in ay tahay Isbadelka ka socda Geeska Afrika,islamarkaana Itoobiya ay guud ahaan joojisay xidhiidhka kala dhaxeeyay Somaliland,taas badalkeena Arrimaha Somaliland ay kala tacaamuli doonto Soomaaliya. Qunsulka oo lagu Magacaabo Bereha Tesfay ayaa shalay gelinkii dambey gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka dib markii uu diyaarad ka raacay Magaalada Hargeysa. Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa Warbaahinta u sheegay in Bereha Tesfay, uu saraakiisha Somaliland shalay ku wargeliyay in ay u yeertay dowladdiisa isaga oo aan sheegin wax intaas dhaafsiisan. Sababta ugu weyn ayaa lagu sheegay in tahay in dowladda Itoobiya ay kala noqotay Somaliland xiriirkii dublomaasiyadeed ka dib markii Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ,Eritrea iyo Itoobiya ay isku raaceen ilaalinta Midnimadda iyo Madaxbaanida Saddexda dal. Somaliland ayaa 20 kii sano ee lasoo dhaafay xiriir wanaagsan kala dhaxeeyay dowladda Itoobiya, waxaana soo maray dhowr Qunsul oo Somaliland si gaar ah ula tacaamuli jiray. Isbadellada ka socda Geeska Afrika ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u muuqda in uu meesha ka saaray Qulqulkii siyaasadeed ee dowladda Itoobiya ay ku heysay Soomaaliya. Source
  13. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Waddada Makka Al Mukarrama ee M/ Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari Hilux ah oo la sheegay in lagu soo xiray qaraxa, kaas oo ku qarxay inta u dhaxeysa Isgoysyada Shaqaalaha iyo Dabka ee magaalada Muqdisho. Gaariga Qarxay ayaa waxaa lahaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka BFS, inkastoo uu ka badbaaday qaraxaasi. Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah waxaa qaraxa ku dhaawacmay Darawalka Xildhibaankaasi, iyo Qof kale oo la socday Gaariga. Xildhibaan Daahir Amiin jiisow oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Facebooka ayaa waxa uu uga hadlay qaraxa lagu xiray Gaarigiisa. ”Waxaan nafteyda u huray Qaranka, qarax iyo weerar laygu soo qaado waa waxaan u soo bareeray oo marna baqdin iguma beereyso” ayuu yiri Jeesow. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in cida qaraxa ku xirtay Gaarigiisa loo fudeeyay, balse uu ka war sugi doono baaritaanka socda. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin oo ay saraakiisha laamaha amnigu ka bixiyeen qaraxaasi. Xaaladda ayaa haatan caadi ku soo noqotay, maadaama goobta qaraxu uu ka dhacay ay tahay meel Mashquul badan. The post Xildhibaan ka tirsan BFS Oo ka badbaaday qarax Gaari appeared first on Shabelle. View the full article
  14. (SLT-Muqdisho)Hadal-qoraal oo ka soo baxay EU-da ayaa lagu sheegay in Hawlgalka lagu tababarayo Ciiddanka Dawladda Dalkaasi Soomaliya sii socon doono ilaa bisha December 31-da ee sanadka 2020-ka. Waxaa kaloo Hawlgalka Tababarka EU-da ee ciiddanka DFS oo loo yaqaano EU Millitary Training Mission (EUMT in Somalia) loo ansixiyey miisaaniyad dhan € 22.9 million oo EURO, taasi oo ah kharajka ay ku hawl-geli doonaan laga bilaabo 1-da bisha Janaayo ee sanadka 2019-ka ilaa 31-ka bisha December ee sanadka 2020-ka. Dhinaca kale, in ka badan 200 Tababarayaal Milliteri oo ka kala socda dalalka Midowga Europe ayaa xilligan ka hawl-gala gudaha Somalia, kuwaasi oo Tababara Ciiddanka DFS. Hawlgalka EUTM waxay Tababarkaasi bixin jireen tan iyo sanadkii 2010-kii, iyagoo tababaray Kumana Source
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kadib markii warbixin ka hadlaeyso Miisaaniyadda dowaldda ee 2018ka loo qeybiyay shalay xildhibnaaanada golaha shacabka ee Golaha Shacabka Soomaaliya islamarkaana ay soo diyaariyeen warbixintaasi guddiga maaliyadda ee golaha shacabka ayaa eedeemo kulul loogu jeediyay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya. Warbixinta ayaa lagu sheegay in wasaaradda maaliyadda ay ku howlantahay masuq maasuq xoog leh loona baahanyahay in arintaasi wax laga qabto haddii kale ay ragaadineyso howlaha dowladda ee socda. Sidoo kale warbixinta ayaa ku xusneyd inuusan waxba ku kordhin miisaaniyadda dowladda arintaasi ayaa waxba kama jiraan waxaa ku tilmaamay wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle. Wasiir Bayle ayaa beeniyay warbixinta guddiga maaliyadda ee golaha Shacabka isagoo faah faahin ka bixiyay waxyaabaha lagu eedeeyay. Mudane C/rximaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in haatan isbadal wayn uu ka jiro Maamulka Maaliyadda Soomaalia isla markaana taasi ay keentay in caalamku uu aamino dalkeena, wuxuuna xusay inay diyaar u yihiin inay hortagaan Guddiga Maaliyadda iyo Golaha Shacabka si ay uga jawaabaan wax kasta oo madmow uu ku jiro. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/DHAGEYSO-Wasiir-Bayle-oo-beeniyay-musuq-maausq-lagu-eedeeyay.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-20112018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Xulka qaranka dalkeena Soomaaliya ee 23-jirada ayaa kulankoodii 2-aad ee tartanka is reeb reebka olimbikada la dheelidoono dhigooda Ethopia inkastoo ciyaartii kowaad ay xulkeena soo gaartay guul daro Maalmihii lasoo dhaafay waxa ay diyaar garow xoogan ku qaateyn dalka Jabuuti oo guri ahaan xulkeena ugu dheelo waxaana muuqanaysa rajo ahaan in ay kasoo laaban karaa guul daradii kasoo gaartay Ethiopia oo xifaaltan soo jireyn inaga dhaxeeyso sanadihii laga soo gudbay. “Ma aanan filanaynin wixii ka dhacay magaalada Addis Abba maalmihii lasoo dhaafay oo aheyd guul daradii soo gaartay xidigaha aan hogaaminayo ee 23-jirada,balse iminka waxaa xooga saaraynaa in aan samayno wax ay ku Farxaan taageerayaasha iyo muwaadanniinta dalkeena”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay tababaraha xulka 23-jirada wadanka Maxamed Cabdulle Farayare. Xulalka kubbadda cagta Sooomaaliya iyo Ethiopia marar badan ayay wada ciyaareyn tartamada kala duwan ee qaarada Afrika waxaana labada dal ka dhaxeeyo xifaaltan adag oo soo jireyn ah. “Guul ayaan u rajeenaynaa xiddigaha dalkeena Soomaaliya oo kulan adag la leh dhigooda Ethiopia muhiimada ma ahan guul iyo guul daro,balse waxaan ku kalsoonahay xirfadlayaasha lasoo xulay iyo bandhigooda” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay tababarihii kooxda kubbadda cagta qurba joogta ee bishii lasoo dhaafay dalka u timid ciyaaro saaxiibtinomo iyo is dhaxgal bulsho Nuur Xaaji Cabdi Wali. Ogeysiiska Kulanka Tartanka:-Is Reeb Reebka Olimkada Dalalka-Somalia VS Ethiopia Taariikhda:-20-11-2018 Maalinta:-Talaado Xiliga Ciyaarta:-3:30pm Garoonka:-El Hadj Hassan Gouled Stadium Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka waxaa uu wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Kheyre ku eedeeyey wax is-daba marin, canshuur qaadista oo gaabis ah ayna wasaaraddu ku guul-dareysatay soo xareynta ku talagalka dakhligan 2018-ka iyo inay bixin waayeen howlaha adeega wasaaradaha. Qoraalka Guddiga waxaa ku jirtay in wasaaradda maaliyadda ay si aan sharci ahayn ku aruurisay lacago loona bixiyay, lacagahaas Waxaa laga soo aruuriyey Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka, oo weliba aaney ka qaadin wax canshuur ah goobahaas, waxaa kale oo wasaaradda maaliyadda lagu la’yahay lacag 20 Milyan ah oo Sacuudigu bixiyey. Sidoo kale wasaaradda maaliyadu waxaa ay isticmaashay si aan waafaqsanayn xeerka qoondada Miisaaniyadda boqolaal kun oo doolar oo ka dheeri ah Miisaaniyadeeda, Waxaa kale oo guddiga usoo ifbaxday in amarka kharash bixineed ee khasanada dhexe oo si gaar ah awooda u siinaya xafiiska xisaabiyaha Guud in uu Bangiga dhexe ula wareegay si aan waafaqsanayn hab-raaca shuruucda maamluka maaliyadda ee dalka. Qeybta 1aad: Halkan Hoose Ka Akhriso, Ilaa 10 Qodob uu Guddiga Ku Faah-faahiyey Musuqa Wasaaradda Maaliyadda: Ugu horeyn, Guddiga maaliyadda golaha shacabka waxaa uu sheegay inuu jiro koror kooban meelaha qaar sida canshuurta qaansheegadka Hotelada iyo canshuurta shaqqalaha gaarka ah. Sidoo kale waxaa jira gaabis ama hoos u dhac meelaha qaar sida canshuurta Qaadka, canshuurta mushaarka shaqaalaha dowlada oo aanan fadhin, sidoo kale waxaa jira ilo dakhli laga filayay sida ka muuqata saadaasha qoondada Miisaaniyadda balse aan wax dakhli ah kasoo xeroon muddadii u dhaxaysey Janaayo ilaa Agoosto 2018, sida xawaaladaha, bangiyada, warshadaha korontada iyo biyaha iwm. Kabidda Miinsaaniyadda: Sida Guddiga maaliyadda golaha shacabka uu qoray, waxaan lahelin dhammaan kabki/kaalmadii Miisaniyadeed laga filayay wadamada Sacuudiga, Imaaraadka halka Dowladda Qatar ay bixisay $3Malyan una dhiganta 30%, balse Dowladda Turkiga ayaa bixisay dhammaan kabki miisaaniyadeed ee ay ballan qaaday oo ahaa $20 Malyan. Hoos-u-dhac Dhaqaale: Sida ka muuqata jaantus-ka guddiga waxaa soo xerooday 8dii bilood ee sannadkan ugu horreysay dakhli dhan $ 156,717,203.52 una dhiganta 57%, halka laga sugayay muddada 8da bilood ah in uu soo xeroodo dakhli dhan $183,086,794 taasi oo muujineysa inuu jiro hoos u dhac dakhli mudada 8da bilood ee lasoo dhaafey oo dhan $26,369,590.48 una dhiganta 14% . Sidaa darteed muddada 4ta bilooda ah ee sannadka ka hartay waxaa la filaayaa in uu soo xeroodo dakhli dhan 117,912,987.48 una dhigma 43%, taas oo muujinaysa in uu gaabis xoogle kajiro in la xaqiijiyo ku talagalka sanadkaan ee ahaa dakhli dhan $274,630,191.00. Haddaba in kastoo uu ka muuqdo xaaladda miisaaniyadda isdhin xoog leh haddana xukuumaddu waxay marar badan sheegtay inuu koror dhaqaale jiro oo dakhliga soo xerooday ka batay intii uu ku talogalku ahaa. Kharashka baxay Sannad Miisaaniyadeedka 2018 bilaha Janaayo ilaa Agoosto Guddiga oo tixraacaya warbixinada iyo baaritaanada uu ka helay xafiiyada Xisaabiyaha guud iyo Hantidowraha aadna ugu kuur galay dib u eegisna ku sameeyay hab-maalmulka kharash bixinta qoondada miisaaniyadda waxaa usoo ifbaxay arimaha hoos ku xusan: In Wasaaradda Maaliyaddu ku dhaqmin asalkii Qoonda Miisaaniyadda 2018 ee Golaha shacabku ansixiyay sida ka muuqata warxin maaliyadeedka soo gaartay guddiga horane u dhacday sanadki 2017 taas oo kaliftay in uu xirmi waayo xisaab-xirki 2017 ee golaha loo soo gudbiyay kaliftane in guddigu dib ugu soo celiyo guddonka Golaha si dib loogu celiyo Wsaaaradda Maaliyadda. Qarashaadka socodsiinta howlaha adeega (Running Cost) inta badan mahelaan hay’adaha dowlada marka laga reebo madaxtooyada, golaha shacabka, Xafiiska Ra’iisulwsaaraha iyo Wasaaradda Maaliyadda taas oo ay ka dhalan karto gaabis ku yimaada howlaha ay u xilsaaranyihiin hay’adahaasi sida Safaaradaha aan ku leenahay dalka dibadiisa, waxaa kale oo ka dhalan kara in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury Account) sida hore u dhacday hay’ada qaar kana muuqatay Warbixinta hantidhowraha. Waxaa guddiga usoo baxday in si aan sharci ahayn lagu soo aruuriyay lacago loona bixiyay, lacagahaas Waxaa laga soo aruuriyay Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay. Waxaa ku amray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda in ay bixiyaan waxaana uu ku tilmaamay qaaraan lasiinayo Xarunta Warbixinta Maaliyadeed ama Financial Reporting Centre (FRC) oo ah hay’ad dowladeed oo leh qoondo miisaaniyadeed. Hadaba arintaan waxaa ka muuqata iska hor imaad maslaxadeed (conflict of interest) maadaama xaruntaan sababaha loo abuuray ama waajibaadkeedu yahay in ay korjoogtayso xawaaladaha iyo bangiyada gaarka loo leeyahay si looga hortago lacagaha fal dinbiyeedyada ku xusan sharciga ka hor tagida lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada (AML/CTF). Waxaa kale oo xusuusin mudan in lacaghaas lagu shubay xisaabta gaarka ah ee wasaaradda Maaliyada ku leedahay bangiga dhexe sida uu amray Wasiirka Wasaaradda taas oo khliaafsan dhammaan shuruucda maaliyadeed ee dalka, halka ay ahayd in lagu shubo khasnada dhexe ee dowladda. Waxaa kale uu guddiga u cadaatay in ilaa iyo hadda aan laga qaadin shirkadaha xawaaladaha iyo bangiyada gaarka loo leeyahay aan laga qaadin canshuurti Sharciga ahayd halka lagu amray in ay bixiyaan lacago aan sharciga waafaqsanayn, iyadoo habka loo maray qabashada/ aruurinta lacagahaas amma lagu bixiyay ay baal marsanyihiin nidaamka maaliyadda iyo xeerarka loo jideeyey. Qasanadda Dhexe ee dowladda waxaa soo gaartay lacag dhan $50 Malyan sannadki 2017 kana timid Dowladda Sacuudi Carabiya, waxaana la iscticmaalay isla sanadandkaas lacag dhan $30 malyan halka ay Wasaaraddu guddiga kusoo wargelisay $20ka Malyan oo ka haray loo wareejinayo sanadka 2018 balse kama muuqato lacagtaas dakhliga dowladda mudada u dhaxaysa Janaayo ilaa Agoosto 2018 sidoo kale kama muuqato in ay kasoo wareegtay lacagtaasi sannadki 2017 kuna soo wareegtay Miisaaniyadda 2018 dakhli ahaan. Madax xigaha Adeega Dowlada gaar ahaan cuuraarta oo loo qoondeeyay xuquuq gaar ah waxaa laga wareejiyay lacag dhan $3 Malyan si aan waafaqsanayn sharciga kala wareejinada waxaana loo isticmaalay si aan waafaqsanayn Qaraarkii Miisaaniyadda 2018 uu golahu ku ansixiyey. Raasumaalka: Waxaa jira Madax xigayaal kala duwan oo ay kujiraan lacago loogu tala galay raasumaal/ama mashaariic hurumarineed oo ka mid ah qoondada Miisaaniyadda 2018 oo loo istimcaalay si aan waafaqsanayn Qaraarkii golahu ku ansixiyay qoondada Miisaaniyada sida ku cad qaybta 8aad qodobka 4aad farqadiisa T ee Xeerka qoondada Miisaaniyadda 2018 oo farayay in loo isticmaalo habaraaco uu farayo sharciga iibka qaranku. Dowlad gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir: Sida ku cad qaybta 8aad qodobka 4aad farqadiisa J golahu waxaa uu faray Wasaaradda maaliyadda in ay guddiga horkeento ka hore bisha April 2018 faahinta Miisaaniyadaa Dowlada gobaleedyada iyo Maamulka Gobalka Banaadir ilaa iyo hadda oo sanadki sii dhamaanayo wax faahfaahin ah Wasaaradu lama soo wadaagin guddiga. Wasaaradda Maaliyada: Sida ka muuqata warbixin xisaabeedka mudada u dhaxaysa Janaayo ilaa iyo Agoosto 2018 Wasaaradda Maaliyadu waxaa ay isticmaashay si aan waafaqsanayn xeerka qoondada Miisaaniyadda boqolaal kun oo doolar oo ka dheeri ah Miisaaniyadeeda mudada sare ku xusan. Sidoo kale waxaa guddiga usoo ifbaxday in ay jiraan shaqaale ka qaatada mushaaro in kabadan hal meel/hay’ad taas oo aan waafaqanayn nidaamka maaliyadeed ee dalka. Guddiga waxaa usoo ifbaxday in amarka kharash bixineed ee khasanada dhexe oo si gaar ah awooda u siinaya xafiiska xisaabiyaha Guud in uu Bangiga dhexe ula wareegay si aan waafaqsanayn hab-raaca shuruucda maamluka maaliyadda ee dalka taas oo abuurtey; dibu dhaca kharash bixnta ayada oo dakhli ku filani ku jiro khasmnadda dhexe sida ku cad warbixinta Hantidhowraha Guud ee Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Waxaa soo idlaaday wajiga kowaad ee nadaafada garoonka Stadium Muqdisho oo ay dowlada la wraeegtay labo bil ka hor waxaana iminka muuqanaya is badal tan iyo kolkii ay ka baxeyn ciidamada nabad ilaalinta Amisom oo halkaa ku sugnaa mudo 7-sano, iyagoo iskaga baxay 27-August 2018. Waxaa booqasho iyo indho indheyn ku tagay garoonka ciyaartooydii hore ee dalka dhinac Kolayga,kubbadda cagta iyo qeybaha kala duwan waxaana wehlinayay wasiirka iyo wasiirka ku xigeynka wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada xukuumada iyo xildhibaano ka tirsan golaha shacabka. Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada Khadiija Maxamed Diiriye oo labadii bil ee lasoo dhaafay siyaabo kala duwan ula socotay howlaha nadaafadeed ee Satdium Muqdisho ayaa ka warbixisay muqaalka iminka muuqanaya iyo wax iska badalay labadii bil ee laga soo gudbay Ciyaartooydii soo martay wadanka oo inta badan tartamada caalamiga iyo gudaha ku dheelay garoonka Stadium Muqdisho ayaa tibaaxay in aysan qiyaasi karin dareenkooda ayna u mahad celinaynaa dadkii ka qeyb qaatay in uu dib u shaqeeyo Stadium Muqdisho iyagana ay u diyaar u yihiin doorkooda ka qeyb qaadashada. Saciid Maxamed Maxamuud Xeyd oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa u sheegay bahda ciyaaraha gudaha iyo qurbajoogta in ay ka qeyb qaataan dib u howl galinta tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho si ay usoo noqdaan tartamadii xiisaha badanaa uu garoonka marti gelin jiray. Dowlada Norway oo Wakiil ka ah Midowga Yurub ayaa bixineysa Malyuun Dollar ah Wajiga labaadee lagu dayactirayo Laguna dhisayo qaybaha Kubbadda Cagta,Kolayga,Gacanta Fustalka iyo qeybta dabaash waxyaalaha qorsheyn in la qabto wajiga labaad waxaa sharxaad ka bixiyay wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada Khadiija Maxamed Diiriye Sawirro badan oo lagu soo bandhigay baraha bulshada kana tarjumayay is badalka Stadium Muqdisho ayaa wax ay ya’diilo iyo kalsooni galisay bahweyn isboortiga gudaha iyo dibada Halka Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Is Badalka Stadium Muqdisho W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  20. Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Gaari noociisu yahay Hilux oo uu leeyahay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa ku qarxay afaafka hore ee Hotelka Maka Al-Mukarama, xilli Xildhibaanku la sheegay inuu ku jiray carwo ku taalla halkaas. Sid ay xaqiijiyeen goob-joogayaal ku sugnaa halkaas, waxaa qaraxa ku dhaawacmay labo ruux oo mid ka mid yahay darawalkii gaariga Xildhibaanka. Ciidamada ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxayna damiyeen gaarigii qarxay oo gubanayay. Wadada Maka Al-Mukarama oo aad loo ilaaliyo, ayna isticmaalaan musuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa inta badan waxaa ka dhaca qaraxyada magaalada Muqdisho. Ilaa iyo hadda ma jirto cid ka hadashay qaraxa lagu xiray gaariga Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Xildhibaan ka badbaaday qarax gaarigiisa lagu xiray appeared first on Puntland Post.
  21. At least two people were reported to have been wounded in a car bomb explosion in Mogadishu, the Somali capital on Tuesday noon. The blast occurred near Dabka junction, along the busy Makka Al-Mukarama road in the capital after a bomb concealed under the seat of a car belonging to Somali lawmaker. The MP, Dahir Amin Jesow has not been traveling in the vehicle at the time of the explosion. He was a nearby shopping mall. There was no immediate claim of responsibility for the attack. The post Somali Lawmaker Survives Bomb Attack in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  22. The European Union [EU] said it has extended the mandate of EU military training mission EUTM Somalia until 31 December 2020. In a statement issued on Monday, EU Council agreed on a budget of €22.9 million for the period 1 January 2019 until 31 December 2020. The Council also slightly adapted the mission’s existing mandate of providing political and strategic level military advice to Somali authorities and contributing to the development of the Somali National Army (SNA)’s own training capacity with a view to handing over training activities for tactical units once conditions are met. The mission continues to support Somali-owned and Somali-provided training. It also supports other actors in carrying out their respective mandates in the security and defense area in Somalia. EUTM Somalia was launched in December 2010 to provide political and strategic level military advice and mentoring to Somali defence institutions. The mission focuses on specific mentoring, advice, tailored training and capacity-building in order to contribute to the development of the Somali National Army, with the focus of delivering effective and sustainable security in the country. EUTM Somalia has been based in Mogadishu since 2014. It has a team of more than 200 staff and is led on the ground by Brigadier General Matteo Spreafico (Italy). EUTM Somalia is part of the EU’s comprehensive approach to Somalia, which comprises diplomatic efforts, development support, humanitarian aid as well as security engagement. It includes two complementary missions under the EU’s Common Security and Defence Policy: EUNAVFOR Operation ATALANTA contributing to fighting piracy off the Somali coast and EUCAP Somalia for maritime security capacity development in the Horn of Africa and the Western Indian Ocean. The post EU training mission in Somalia extended with new budget appeared first on Shabelle. View the full article