Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxa ay sheegayaan in halkaasi ay howlgal ballaaran ka fuliyeen ciidamada dowladda federaalka, K/galbeed iyo kuwa Itoobiya. Howlgalkan ayaa la doonayey in lagu joojiyo dibadbaxyada ka soconayey magaaladaasi, waxaana ciidanku ay xabsi dhigeen in ka badan 200 qof oo shacab ah una badan dhallinyaro dibadbaxyadan dhigayey. Wararku waxay sheegayaan in dhammaan dadkan la xirey loo qaaday xabsiyada Baydhabo, iyadoo dhanka kale dib ay hawada ugu soo noqotay isgaarsiintii magaalada oo saacado badan maqneyd. Wariyaheena C/qaadir War Cadde ayaa soo sheegaya in xaaladda magaalada ay hadda deggan tahay, dibna u furmeen xarumaha ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha. Saraakiisha ammaanka magaalada Baydhabo weli wax war ah kama aanay bixin howlgalladan ay ciidanku ka sameeyeen magaaladaasi. Baydhabo waxaa Maalmihii lasoo dhaafay ka jiray dibadbaxyo xooggan oo ay dhigayeen dadka shacabka ah kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya halkaasi kasoo xireen musharrax Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka. Ugu horreyn guddoomiye Mursal ayaa shirkiisa jaraa’id ku soo qaaday xiisadaha ka jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, isagoonaka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaaladaasi. Sidoo kale waxa uu ka hadlay xarigga loo geystay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Masnsuur oo ka mid ahaa Musharraxiinta K/ Galbeed Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sharci darro ku tilmaamay xarigga Sheekh Abuu Masuur, waxaana uu ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Musharraxaasi. Dhinaca kale Afhayeenka BFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa soo hadal qaaday arrimaha doorashada K/Galbeed iyo qaabka ay hadda wax u socdaan. Guddiga qaban qaabada doorashada maamulkaasi ayuu ka dalbaday in ay dib u dhigaan waqtiga doorashada, si loo xaliyo xiisadaha siyaasadeed ee haatan ka aloolsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli weli xiisado xoogan ay ka taagan yihiin gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka K/Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo ka dhashay xarigii Khamiistii la soo dhaafay loo geystay Musharrax Sheekh Mukhaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Al Shabaab. The post Guddoomiye Mursal Oo dalbday in dib loo dhigo doorashada K/Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-15122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  4. The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia (SRCC) and Head of AMISOM, Ambassador Francisco Madeira, has been following closely the events in the South West State of Somalia that culminated in the arrest of Mr. Mukhtar Robow. Ambassador Madeira wishes to inform the public and its partners that AMISOM had no part in the arrest of Mr. Robow and his subsequent transfer to Mogadishu. AMISOM will continue to recognize and respect the sovereignty of the people and the government of Somalia and reiterates its resolve to remain impartial in the implementation of its mandate in the country. “I wish to call upon all parties to exercise the utmost restraint in resolving the issues related to the current situation in the country and the upcoming elections in the South West State of Somalia. AMISOM will continue to execute its mandate in close cooperation with the people and the government of Somalia, with maximum respect for their laws, their culture, and their values,” said Ambassador Madeira. “We are saddened by the loss of lives in Baidoa and send our heartfelt condolences to the bereaved families and pray for the quick recovery of those who sustained injuries,” he added. The post AMISOM appeals for restraint on political standoff in Southwest State appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadani ee Soomaaliland Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xarigii loo geeystay Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo ah musharax madaxweyne Koonfur Galbeed. Faysal ayaa sheegay in ay aheyd wax aad looga xumaado falkii ka dhacay Baydhabo. Waxaa uu ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Abuu Mansur.“Waan cambaareyneynaa xariga loo geystay muqtaar roobow,waana ka xunahay dadka ku dhintay Magalada Baydhabo,Farmaajo waxa uu wadaa kaligiis talisnimo ee ha joojiyo,sidoo kale waxaan ka dalbanayaa Ciidamada AMISOM inay Soomaaliya isaga baxaan” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Dowlada Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay Muqtaar Rooboow Abuu Manauur. Xasan Maxamed Samatar Cowke. Puntland Post The post Faysal Cali Waraabe oo ku baaqay in la sii daayo Abuu Mansuur appeared first on Puntland Post.
  6. Gidoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa Qoraal uu soo saaray wuxuu Amar ku bixiyey in si deg deg ah dib loogusoo celiyo Xoriyadiisa Musharx Mukhtaar [...] Source
  7. Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal oo maanta shir jaraa’id ka qabtay shaqaaqada ka socota arrimaha doorashada koonfur galbeed ayaa ugu horeyn u tacsiyeeyey dadkii Baydhabo ku dhintay, isaga oo intaas raaciyey in Mukhtaar Roobow uu yahay muwaadin xaq u leh tartanka doorashada. Guddoomiye Mursal waxaa uu sheegay in dastuurka uu qaba in muwaadin kasta xaq u leeyahay in uu wax dooran karo, lana dooran karo, muwaadinka Mukhtaar Roobowna uu buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay murashaxnimadiisa sida ay cadeeyeen guddiga oo guddoonsiiyey shahaado cadeyneysa inuu u tartami karo doorashada koonfur galbeed, isla dastuurka waxaa uu sheegay in aan qof la xiri karin xarig aan sharciga waafaqsaneen, awoodda dowladana aan marna loo isticmaali karin meel ka dhac dhan ka ah karaamada iyo xuquuqda aadanaha, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti uu dhasho qabashadii Mukhtaar Roobow, oo sida uu sheegay loo soo xiray si baal-marsan sharciga, maadaama aan amar maxkamadeed lagu soo qaban. “Sida uu qabo dastuurka, xukuumadda waxaa iney heysataa kalsoonida dadweynaha, sidaasi daraateed waxaa mudan in la xuso in shacabka dowlad goboleedka koonfur galbeed ay ka biyo-diidsanyihiin faragelinta xukuumadda, una baahan yihiin iney u madaxbannaanadaan aayo ka tilinta arrimaha gudahooda”. Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa ku baaqay in doorashada dib loo dhigo, lana soo daayo roobow, kuna laabto deegaankiisa. Ugu danbeyn waxaan ku Baaqayaa: In shacabka reer Koonfur Galbeed ay is dejiyaan, nabadda adkeeyaan, sharcigana dhowraan. In Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ay dib u dhigaan doorashada Madaxweynaha inta lagahelayo jawi xasiloon oo ku haboon qabashada doorasho xor iyo xalaal ah. In ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka shaqeeyo dejinta iyo qancinta shacabka iyo dib u soo celinta kala danbeyntii. In odayaasha dhaqanka ay muujiyaan kaalinta dhaqan ee ay ku leeyihiin nabbada iyo wadajirka guud ahaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaana Shacabka Koonfur Galbeed. In musharaxa xiran xorayadiisa dib loogu soo celiyo sida ugu dhakhsaha badan loona ogolaado in uu degaankiisii ugu laabto si nabad ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa kadib soo saaray war-saxaafadeed ka kooban shan qodob. Warsaxaafadeedka ayuu Mursal ku baaqay shanta qodob ee hoos ku qoran. • In shacabka reer Koonfur Galbeed ay is dejiyaan, nabadda adkeeyaan, sharcigana dhowraan. • In Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ay dib u dhigaan doorashada Madaxweynaha inta lagahelayo jawi xasiloon oo ku haboon qabashada doorasho xor iyo xalaal ah. • In ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka shaqeeyo dejinta iyo qancinta shacabka iyo dib u soo celinta kala danbeyntii. • In odayaasha dhaqanka ay muujiyaan kaalinta dhaqan ee ay ku leeyihiin nabbada iyo wadajirka guud ahaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaana Shacabka Koonfur Galbeed. • In musharaxa xiran xorayadiisa dib loogu soo celiyo sida ugu dhakhsaha badan loona ogolaado in uu degaankiisii ugu laabto si nabad ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arimaha Baydhabo. Gudoomiye Mursal ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay Baydhabo uu kamid yahay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka maamulkaasi iyo dad shacab ahaa. Waxa uu sheegay in uu ka xunyahay dhibaatooyinkii ka dhacay magaalada Baydhabo, wuxuuna intaas ku daray in ay xukuumada Soomaaliya dhabarka u ridaneyso. Isaga oo sii hadlayo ayuu ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Muqtaar Roobow islamarkaasina uu xaq u leeyahay in uu isi soo sharaxo. Waxa uu ku baaqay in dib loo dhigo doorashada madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed oo Arbacada soo socoto lagu wado in ay ka dhacday Baydhabo. Dhinaca kale gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa xukuumada ku eedeeyay in ay xanibtay dhaq dhaqaaqa xildhibaanada Baarlamaanka isaga oo sheegay in uu ka soo guuray xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya. Waxaa uu soo hadal qaaday mooshinkii laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo waxaana uu sheegay in mooshinkaasi uu yahay mid sharci ah islamarkaasina Baarlamaanka xalkiisa uu gaarayo. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiyaha Baarlamaanka “Doorashada Koonfur Galbeed dib haloo dhigo” appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo badan ku qabtay magaalada Muqdisho. Labo arin ayaa ugu Muhiimsaneyd shirka Jaraa’id ee uu Guddoomiye Mursal ku qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ugu horeeyay xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan Koofur Galbeed iyo xariga Mukhtaar Roobow. Guddoomiye Mursal ayaa sharci daro ku tilmaamay xariga Mukhtaar Roobow, waxaana uu sheegay in Roobow uu buuxiyay dhamaan sharuudihii musharaxnimo ee laga doonayay inuu kaga qeyb galo doorashada Koofur Galbeed. Wuxuu Sidoo kale sheegay in Xariga Mukhtaar Roobow uu muujiyay sida loo baalmaray Dastuurka, maadaama aan loo jarin warqad lagu xerayo, taasi badalkeeda qoorta laga soo qabtay. Guddoomiye Mursal ayaa cadeeyay in rabitaanka Shacabka Koofur Galbeed loo baahan yahay in la tixgeliyo isagoo dalbaday in dib loo dhigo doorashada, islamarkaana xal laga gaaro arimaha taagan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in dad ka careysan xariga Mukhtaar Roobow ay ka bilaabeen magaalada Banaanbaxyo Rabshado wata. Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa ku dhawaaqaya erayo ay ku muujinayaan sida ay u taageersan yihiin Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, islamarkaana ay kasoo horjeedaan dowladda Soomaaliya. Muuqaalo laga soo duubay dadka banaanbaxa ka bilaabay Bardaale ayaa muujinaya iyaga oo gubaya taayadarada Gaadiidka, waxaana ay ku banaanbaxayaan xaafadaha kala duwan ee degmada Bardaale. Waxaa la arkayay ciidamada amaanka degmada Bardaale oo rasaas ku kala ceyrinaya dadka banaanbaxa dhigaya, mana jirto khasaaro ilaa iyo hadda lasoo wariyay. Wariyaheena magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xaalada Bardaale ay lamid noqon karto tan ka taagan magaalada Baydhabo, Haddii aan wax laga qaban. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  12. Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in goor dhow uu qarax Miino ka dhacay degmadaasi. Miinadan ayaa la sheegay in lagu aasay bartamaha suuq lagu iibiyo Khaadka, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare, Labo qof ayaa naloo xaqiijiyey in qaraxaasi ku dhaawacmeen, iyadoo mid ka mid ah Labadan qof uu ka mid yahay ciidanka dowladda. Ciidamada dowladda ayaa hadda howlgal ballaaran ka wada degmadaasi, gaar ahaan halka qaraxan uu ka dhacay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo kamid ah wasiiradda Xukuumada madaxweyne Gaas 5 tii sano ee lasoo dhaafay ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamayo Madaxweyne [...] Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali soconaya banaanbaxyadii saaka ka bilowday magaalada Baydhabo oo galay maalintii seddexaad, iyadoo dadka ay wali ka careysan yihiin xarigii Mukhtaar Roobow. Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa maanta ka duwan sidey ahaayeen labadii maalin ee lasoo dhaafay, maadaama ay dhagxaan la dhici jireen goobaha Ganacsiga ee ku yaala magaalada Baydhabo. Wariyaha Caasimadda Online ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dadka ay banaanbaxyadooda si nabdoon maanta ku dhiganayaan, laakiin waxaa hawada laga saaray isgaarsiinta Teleefanada. Ciidamo boolis iyo kuwo meletari ah ayaa lagu daadiyay magaalada si ay kaga hortagaan inay dhibaatooyin geystaan dadka shacabka ah ee banaanbaxyada dhigaya. Ilaa maalintii Khamiista oo lasoo xiray Rooboow oo iminka Muqdisho Maxbuus ku ah ayaa waxaa Baydhabo gilgilay banaanbaxyo rabshado wato, waxaana ku geeriyooday dad badan oo uu xildhibaan Koonfur Galbeed kamid ahaa. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (PP) ─ War-saxafaadeed ay dowladaha caalamka iyo ururadda wada-shaqeynta la leh Dowladda Soomaaliya soo saareen ayay ku sheegeen in ay ka walaacsan yihiin dhacdooyinka ka socda dowlad-gobaleedka Koonfur-galbeed, iyagoo Tacsi u diray geeridii xildhibaankii ka tirsanaa baarlamanka maamulkaas iyo dadkii kale ee ku geeriyooday qalalaasha Baydhabo ka socda. Warbixinta Beesha Caalamka ayaa lagu xusay inaad u cambaareynayaan dhammaan qalalaase kasta iyo falalka kale ee sii xumeyn kara xaaladda samafalka aadminimo ee Soomaaliya. Sidoo kale, Beesha Caalamka waxay hoosta ka xariiqday in loo baahan yahay taageero mideysan oo ku aaddan jadwalka shaqo ee lagu heshiiyay ee lagu maamulayo doorashooyinka, iyagoo dhinacyada oo dhan ku booriyay inay xushmeeyaan daacadnimada ee dadaalka hawlaha doorashada. Beesha Calaamka waxay sheegeen inay dhiiri-gelinayaan wada-xaajoodka wax dhisayo si loo xaliyo kala-duwanaanshaha siyaasadeed iyo caqabadaha kale, si horumar looga sameeyo geeddi-socdka siyaasadda iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya. Dhanka kale, Qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka waxaa ku saxiixnaa Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, AMISOM iyo Dalalka Maraykanka, Britain, Sweden, Norway, Denmark, Finland, France, Holland, Germany, Turkiga, Talyaaniga, Ireland, Kenya, Uganda iyo Switzerland. Ugu dambeyn, War-saxaafadeedka Beesha Caalamka ayaa imaanaya iyadoo maalintii saddexaad ay Baydhabo ka socdaan Dibadbaxyo Rabshado wata oo u dhexeeya shacabka iyo ciidamada maamulka Koonfur-galbeed iyo kuwa ka socda Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM. PUNTLAND POST The post Waa Maxay Mowqifka ay Beesha Caalamku ka qabto Rabshadaha ka Aloosan Baydhabo? appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xildhibaanada horboodaya mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa su’aalo ka keenay hadal uu jeediyay Xasan Cali kheyre. Xildhibaanka ayaa su’aalihiisa waxay u muuqdaan kuwo muujiyay carada uu ka qaaday hadalka ra’iisul wasaaraha dalka oo ku sheegay in Qabqablayaal aysan ku cabsi gelin doonin shaqada ay u hayaan shacabka. Qoraalkiisa oo taabanayay dhowr arin ayaa u qornaa sidan:- “Shuruucda iyo dastuurka dalka u degsan oo la ixtiraami waayo, isla xisaabtankii oo la diido iyo haddii aad iga aragti duwanaanto sidii shabaabkii ayaan ku shaabadaynayaa intaasi haddii dhaqan qabqable iyo argagixiso ay noqon weydo, ha naloo weydiiyo odoga wuxuu u yaqaan qabqable”. “Isbaarooyin magaalo la dhexdhigo, umadda oo isu socodkeeda la xannibo, siyaasiyiin la afduubto, hubka oo sharciga ka sara-mara intaas haddii ay noqon waydo qabqablanimo odoga hala weydiiyo waxa uu qabqable u yaqaan”. “Dhiigga dadka oo si fudud loo daadiyo, shisheeye dadkaada loo adeegsado iyo qabyaaladda oo la Soo faago haddii lagu noqon waayo qabqable, odayga ha naloo weydiiyo waxa intaas ka xun oo qabqable lagu noqon karo”?. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (PP) ─ War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa looga hadlay xiisadaha ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur –galbeed. Qoraalka ayaa lagu sheegay inay walaac xooggan ka qabaan xariga Sheekh Mukhtaar Roobow oo dhaliyay xiisadaha ka taagan Baydhabo, iyadoo lagu sheegayo qoraalka inaysan ciidamada AMISOM wax lug ah ku lahayn xirga loo geystay Roobow. “Waxaan il-gaar ah ku haynay xiisada siyaasadeed ee ka taagan Koonfur-galbeed iyo soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow oo ka mid ahaa xubnaha u taagan doorashada maamulka Koonfur-galbeed,” ayuu Danjire Madeira ku yiri qoraal uu soo saaray. Sidoo kale, Wuxuu ciidamada AMISOM kula dar-daarmayaan in aysan ka qeyb noqon xiisadaasi siyaasadeed ee Baydhabo ka socda, isagoo xusay inay rajeynayaan in xiisadaasi ugu dambeyn la xaliyo. “AMISOM, waxay diyaar u tahay inay xushmeyso jiritaanka midnimada guud ee Somalia, waana waajib in dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed aynan qayb ka ahaan, waana ku dadaali doonaa inaan ciidamadeena xadeyno,” ayuu mar kale ku yiri qoraalkisa ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya. Danjire Madiera wuxuu hadalkiisa ku daray inay ka xun yihiin shacabkii ku dhintay xiisada ka taagan Baydhabo, isagoo xusay inay u rajenayaan in dad kale aysan ku dhiman rabshadahaas, lana soo af-jaro. Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo xiisad ay ka tagan tahay Baydhabo maalintii saddexaad, isla markaana ay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ay la wareegeen amniga guud ee Baydhabo. PUNTLAND POST The post Midowga Afrika oo Markii ugu horreysay ka hadlay Rabshadaha ka socda Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  18. Maxkamadda gobolka Togdheer ayaa maanta weriya Xasan Xandulle u dirtay 7 maalmood oo xabsi ku hayn ah, waxaana loo gudbiyay jeelka wayn ee Burco. Wariyaha Goobjoog ee Burco waxaa uu xidhan yahay maalintii saddexaad. Xeer ilaaliyaha gobolka Togdheer Jaamac Ducaale Siciid ayaana uu u xidhan yahay. Wariye Xasan waxaa lagu haystaa war uu ku faafiyay bartiisa facebookga. Warbaahinta Goobjoog Media Group waxaa ay ka walwalsan tahay xaaladda weriye Xasan, iyada oo xadhigaas u aragta cabudhin xorriyadda hadalka ah, dalbaneysana in si degdeg ah loo sii daayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Kulan wadatashi ah oo ay si wada jira u qaban-qaabiyeen Xafiiska Madaxweyneku-xigeenka Somaliland u qaabilsan nafaqaynta hooyada iyo dhalaanka ee qaran iyo hay’adda WFP ayaa lagu qabtay magaaladda hargaysa. Kulankan oo lagag wada hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa nafaqaynta hooyadda iyo dhalaanka ayaa waxa kasoo qayb galay xubno ka kala socday wasaaradaha ay hawshani qusayso, xubno ka socday bulshada rayidka ah ,ganacsatada , masuuliyiin ka socday hay’adda WFP iyo Guddomiyaha barnaamijka nafaqaynta hooyada iyo dhalaanka ee xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Dr.Sakariye Daahir Cige. Barnaamijkan ayaa diirada lagu saarayay qiimaynta raashinka nafaqaysan ee laga heli karo Somaliland iyo sidii looga wacyi gelin lahaa laamaha hay’addaha kala duwan ee ay khusayso iyo shacaka Somaliland. Kulan oo hal maalin qaatay ayaa loo balamay kulamo badan oo kor loogu qaadayo barnaamijka nafaqaynta caruurta iyada oo lala kaashanaayo wasaaradaha ay hawshani qusayso. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Barnaamij Laga Diyaariyey Wax Qabadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Muddadii Uu Xilka Hayey Iyo Waxyaabaha U Qabsoomay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Maamulka K/galbeed ayaa fariin nabadeed u direy shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaasi oo aad uga gadooday xariggii dowladda dhexe ee Mukhtaar Roobow. Nuuradiin Gacma, Afhayeenka maamulkaasi oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in looga baahan yahay shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo in nabadooda ay ka shaqeeyaan. Wuxuu sheegay in aysan u baahneyn dhibaato kale oo magaalada ka dhacda, islamarkaana wixii rabitaankooda ah ay si nabad ah ku muujiyaan. Dhanka kale, Afhayeenka oo aanu wax ka weydiinnay arrimaha doorashada iyo go’aankii waxgaradka K/galbeed ayuu sheegay in doorashada go’aankeeda leeyihiin oo kaliya guddiga doorashooyinka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/AFHAYEENKA-KONFUR-GALBEED-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Baydhabo (Caasimada Online)-Senetor Ilyaas Cali Xasan, oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka kana careysan dhibaatooyinka ka socdo magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay xaaladda Koofur Galbeed. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga uuna cinwaan uga dhigay Musharax Lawato! ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay in musharax la wato uu ka qeyb qaato doorashada Koofur Galbeed. Wuxuu Su’aal ka keenay Musharaxa la wato, Waxaana uu qoraalkiisa ahaa sidan:- “Musharax Lawato! :- Iyadoo lajoogo 2018 dhamaadkiisa dalkuna Federal yahay, waa nasiib daro in sanka laga gelinaayo musharax ay Dowlada u arkeyso inuu danteeda kashaqeynaayo”. “Waxaa amaan Mudan iney iska diideen dadka reer Koonfur Galbeed, waxaana leenahay Musharaxu lawato dadkaaga iyo deegaankaaga ku kalsoonow”. #SUAAL “Hadii aad ahaan laheyd musharax lawato maxaad sameyn laheyd? Aniga Musharaxnimadeyda waan katanaasuli lahaa! DoorashadaKG”. Qaar kamid ah xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka ayaa si adag u dhaliilsan hanaanka dowladda Soomaaliya u mareyso doorashada Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  23. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ergaygii hore ee Qaramada Midoobay Soomaaliya Ambassador Michael Keating oo Wareysi gaar ah siinayay Televisionka DW ee fadhigiisu yahay dalka Germalka ayaa sheegay in Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo uu yahay mid aan samayn doonin geedi socodka nabadeynta Soomaaliya. Mr Keating ayaa xusay in nasiib darada haysata Soomaaliya haatan ay tahay nidaamka Qabiilka iyo raadinta xilalka, kuwaasi oo loo marayo hab musuq ah. Sidoo kale Dastuurka qabyada ah ayuu sheegay in uu yahay caqabad weyn oo haysata Soomaaliya, kaas oo u baahan waqti dheer oo lagu dhameystiro. Hadalka Ergaygii hore ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya ayaa imaanaya, xilli uu taagan yahay khilaaf xoog leh oo ka dhshay Mooshinka Madaxweyne Farmaajo. The post Keating Oo ka hadlay Mooshinka Madaxweyne Farmaajo appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan dalka Qadar ayaa ka hadlay xaaladaha dalka Soomaaliya iyo mooshinkii laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo. Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha aanay aqbaleynin in la cabsiiyo, islamarkaasina loogu hanjabo in xilalka laga tuurayo. “Inta aan anaga joogno xukunka, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan aqbali doonin in nalaga cabsiiyo dariiqa saxda ah, in aanan aqbali doonin in nala yiraahdo nala shaqeysta haddii kale waan idinka ridayna, inta aan anagu madaxna nahay anigoo ku hadlaayo kayga iyo kan Madaxweynaha waxaan idiin sheegi doonaa Sharafta aan raadinayno kama raadinayno Qab qablayaal ee waxaan ka raadinaynaa shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre. Hadalkan ka soo yeeray Ra’iiuil wasaare Kheyre ayaa ku soo beegmaya xili Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay mooshin ka gudbiyeen madaxweyne Farmaajo. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/cod-Kheyre.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Kheyre “Ma aqbaleyno in nala yiraahdo nala shaqeysta ama waan idin rideynaa” appeared first on Puntland Post.
  25. (SLT-Hargeysa)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Ahmiyadda Islaamku siiyey Akhlaaqda Wanaagsan iyo Wada-tashiga. Sheekh Aadan-Siiro wuxuu khudbaddii Jimcaha ee shalay kaga hadlay labada Sifo ee kala ah ‘Akhlaaqda wanaagsan iyo Wada-tashiga’ kuwaasi oo uu sheegay inay yihiin kuwii uu ku guulaystay Rasuulkeena Muxamed (CSW), Hoggaamiye kasta oo Muslim ah oo labadaa Sifo yeeshaana uu guulaysanayo. Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan ka hadlayaa laba Sifo oo ay tahay inay la yimaaddaan Dadka Ummadda hoggaamiyaa, kuwaas oo kala ah ‘Xusnul khuluq iyo Wada-tashiga’ taas oo guul badan gaadhsiinaysa (Dadka Dadka Hoggaamiya). In Ninka Amiirka ahi yahay Nin Dhibirsan oo Dadka Ururriya oo dulqaad badan oo Dadkiisa hadalladooda aan Tix-raacin, laakiin muhiimadda hoggaankiisa ilaashada iyo mid la tashada Dadkiisa wanaagsan ee Aqoonta iyo Kartida leh ee u ilo-bixiya wuxuu markaa doonayo. Labadan sifo waxaan doonayaa inaan u diro Hoggaanka Dalka oo aan dardaaran uga dhigo Naftayda iyo kuwa meesha hoggaaminaya..” Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu tilmaamay in Hoggaamiyaha doonaya inuu guulaystaa tahay inuu ku daydo Rasuullulaahi Muxamed CSW “Haddii Hoggaamiye la doonayo Qofku waa inuu Rasuulka CSW ku daydo, si uu u guulaysto if iyo Aakhiro. Innagu Guusha waxaynu u aragnaa Guusha uu Qur’aanku tilmaamay, waxaynu u aragnaa guusha uu Sunaha Rasuulku lagu tilmaamay, waxaynu guusha u aragnaa kuwa Illaahay leeyahay darajadii Sidiiqiinta ayay gaadheen, kuwa illaahay Qur’aanka ku tilmaamayo ee uu leeyahay Illaahay baa ka raalli noqday oo Adduun iyo Aakhiraba way guuleysteen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Guushu waxay ku xidhan tahay, Qofku markuu hoggaamiye yahay inuu raaco Dariiqii Rasuulka CSW, Rasuulku wuu guulaystay isagoo Agoon ah, isagoon Hanti badan haysan, wuu guulaystay isagoon Inamo lahayn, wuxuu ku guulaystay inuu sameeyo Bulsho Dunida hoggaamisa, 25 sannadood ayuu oodda ugu rogay boqortooyooyinkii shan kun oo sannadood soo taxnaa. Rasuulku wuxuu ku guulaystay Akhlaaq wanaag iyo Wada-tashi, guusha Rasuulka waxa ka mid ahayd Akhlaaq wanaag, Rasuulku wuxuu ahaa Mid Saxaabadiisu ku dul socdaan (oo u dul-qaata). Salaaddii oo la gelayo ayuu Nin Reer Miyi ahi Rasuulka Gu’iisa soo qabtay, markaasuu ku yidhi ‘Nebi Alloow waan baahanahay ee ha gelin Salaadda illaa aad wax ii dhiibto’, markaas ayuu Rasuulku Saxaabi ku yidhi ‘u dhiib’, markaas ayuu Ninkii yidhi ‘Nebi Alloow Alle hakaa abaal-mariyo Adigoo Salaadda gelaya ayaan ku idhi ha gelin, markaas ayaad ii dhiibtay..’ waa sifaadkii Rasuulka CSW, Illaahayna wuxuu Qur’aankiisa ku yidhi ‘Rasuulkii Alloow dhaqan wanaagsan baad leedahay’ Ilaahay wuxuu yidhi ‘Muuminiintu waa kuwa Cadhada Qarsada marka lagu gefo, waa kuwa Dadka Cafiya marka lagu gefo’ taasina waa sifada Rasuullulaahi Muxamed CSW.” Sheekhu waxa kale oo uu tilmaamay “Rasuulku weligii kama aar-goosan wax isaga gaar loogu sameeyay, laakiin marka dulmi yimaaddo wuu ka dhiidhiyi jiray oo xaqa wuu u gargaari jiray..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Rasuulku wuxuu ahaa mid aan Saxaabadiisa laga dhex garan oo is dhul-dhiga, halka Maanta Innaga oo Cidlo fadhina lagu odhanayo kuwii la shaqaynayey ayaa Madaxweynihii raadinaya 15 cisho, hadda waa kuwii uu dirtay.” Sheekh Aadan-Siiro oo khudbaddiisa sii wada ayaa yidhi “Waxyaabihii uu Rasuulku wuu Saxaabadiisa ku ururriyey waxa ka mid ahaa Akhlaaq wanaag iyo Wada-tashi. 124 Kun oo Saxaabi ayuu Rasuulku la hadlay, Saxaabi walba markii la waydiiyey ka warran xidhiidhkiina ? Saxaabi walba wuxuu yidhi ‘Aniga ayuu Rasuulku CSW iigu jecel yahay’..” Sheekhu waxa kale oo uu sheegay “Faadumo Bintu Rasuullulaahi ayaa Masaajidka ugu timid Rasuulka, waxay ku tidhi ‘Cali-na waxba ma hayo, Anigana waad ogeyd wixii aad i raacisay, markaa Farihii baa i baxay ee waxaan u baahanahay inaad Qof shaqaale ah ii dabbarto’, Nebigu wuxuu ku yidhi ‘Halkan waxa ii jooga 83 Saxaabi, illaa kuwaa aan meel dhigayo Faadumooy Samir, ducaan ku raaciyey Illaahayna dambi-dhaaf waydiiso, waxaan kaa horreysiinayaa Saxaabadaa Masaajidka jooga, waxaan doonayaa intaan kuwaa meel dhigayo inaynu Innagu dambayno, bal Tusaalahaa ag dhiga kuwa Maanta u taliya Dadka Muslimiinta ah ee soo wada ootay ee Salladdooda gaadiidka lagu doono.” Sheekhu waxa uu ka hadlay Wada-tashiga “Waxyaabaha uu Rasuulku CSW ku guulaystay waxa ka mid ahaa inuu la tashado Saxaabadiisa waaweyn. Waddamada Muslimiinta ah Maanta halkaa maxaa dhigay, Nin isagu wax is mooday, Taladii isku ururriyey, markaa Xukuumadda waxaynu kula talinaynaa laba Arrimood, Madaxweynaha waxaannu leenahay Dadkaaga la tasho, waxa la leeyahay kuwii Aqoonta badnaa, Kartida badnaa ee lacagta kugu bixiyey waxba ma waydiinaysid, Albaabka kama furaysid, waar Dadkaaga la tasho, Xukuumadda waxaanu leenahay wax badan baa innagu xeeran ee Dadkaaga ururri, Dadkaaga wanaagsan la tashada oo Talada badsada…”ayuu yidhi. Source