Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa Magaalada Muqdisho si heer sare loogu soo dhaweeyay xidigaha xulka 23-jirad ee dalkeena Soomaaliya oo laba kulan oo ka tirsan is reeb reebka ciyaaraha olomikada ku ciyaaray caasimada Addis Abba iyo Jabuuti waxaana si weyn caasimada ugu soo dhaweeyay wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada Khadiija Maxamed Diiriye iyo gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab. Xidigaha dalkeena ayaa kulankii labaad dhigooda Ethopia kaga adkaatay 1-0 waxaana goolkaas taageerayaasha Ocean Stars ay uga mahad celinayaan laacib Feysal Xasan Axmed oo ka mid ahaa kooxdii qurbajoogta oo caasimada Muqdisho ciyaar saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho ka samaysay 17-October wuxuuna Feysal sheegay in aad ugu faraxsanahay guulaha uu la gaaray dalkiisa hooyo. Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada Khadiija Maxamed Diiriye oo garoonka kusoo dhawaysay xidigaha 23-jirada waxa ay sheegtay in dhawaan dalka lagu ciyaaridoono tartamada ay xulalka kala duwan ku dheelaan qaarada Afrika si xidigaha matalaya wadanka ay u helaan dhiiri gelin badan. Qaar ka mid ah xidigaha 23-jirad markii ay kasoo dageyn garoonka Aadan Cadde ayay inagoo warmeyn dareenkooda waxayna u mahad celiyeen taageerayaashooda sida ay u garab istaageyn Kulamadii ay ku ciyaareyn caasimada Addis Abba iyo Jabuuti. Gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Cabdqani Saciid Carab ayaa u mahad celiyo xidigaha iyo macalimiinta guusha weyn ka gaaray Ethopia wuxuuna sheegay in maamulkiisa uu ku daa’daaliyo horomarinta iyo garab istaagtida ciyaarahanada difaacaya calanka Soomaaliya Bahada ciyaaraha dalka iyo dibada waxa ay mahad celin u direyn Feysal Xasan Axmed oo waajibaadkiiisa xulkiisa uga haray kulaa bashada dalka Norway madaama isaga ka mid ahaa kooxdii qurbajoogta ee dalka imaaday intii u dhaxeesay 17-30-October waxayna baal cusub u furtay xirfadlayaasha ku koray qurbaha oo iminkaba isku diyaarinayo waajibaadka wadankooda Halkaan Daawo Qaabka Ay Igu Soo Noqdeyn Caasimada Muqdisho Xidigaha 23-Jirada Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar dhaawac loogu geystay guddoomiye ku xigeenkii Maxkamadda Sare ee gobolka Bari ee maamulka Puntland. Weerarka ayaa ka dhacay mid kamid ah hoteelada ku yaala magaalada Boosaaso oo lagu magacaabo Jubba, sida Al Shabaab ay baahiyeen, waxaana weerarka fuliyay rag hubeysan oo AL Shabaab ka tirsan. Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ee Puntland Saciid Cabdi Muumin ayaa la dhigay xarumaha caafimaadka kadib dhaawac kasoo gaaray weerarka oo Al Shabaab ay abaabuleen. Xaaladda magaalada ayaa degen, balse ciidamada Puntland ayaa sheegay inay ku raadjoogaan dadkii ka dambeeyay weerarka ka dhacay Hotelka Jubba ee magaalada Boosaaso. Dhinaca kale waxaa degen xaalada magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo Al Shabaab ay xalay weerar ka geysteen, waxaana socdo gurmad ciidamada Jubbaland ay ka helayaan deegaanada kale ee gobolka Gedo. Dadka deegaanka waxaa soo wajahay xaalad cabsi ah, waxii ka dambeeyay markii Al Shabaab ay go’doomiyeen magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Sidoo kale wararka aan ka heleyno degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose aya sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto magaalada duleedkeeda, halkaasi oo uu dagaal xoogan shalay gelinkii dambe ka dhacay. Dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan deegaanka Jilibka Marko iyo deegaanada kale ee hoostaga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Belad-xaawo (Sh.M.Network) – Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa udhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab. Warar ayaa intaas ku daraya in xoogaga Shabaab ay xalay usuuragashay inay la wareegeen magaalada kahor inta uusan dhicin iska hor-imaad. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegayaa inuu geystay dagaalka, inkasta oo aanan la hubin tirada saxda ah. Maamulka degmada ayaa tilmaamay inay Al-Shabaab ka saareen magaalada, islamarkaana ay haatan iyaga gacanta ku hayaan amniga Belad-xaawo. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Shabaab oo ku aadan dagaalka xoogan ee ka dhacay degmada Belad-xaawo ee gobolka Gedo. Dhanka kale, fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in Al-Shabaab ay xalay kala soo baxeen hoygiisa Nabadoon caanka ka ahaa gobolka. Nabadoon “Dhaqane Muudey” oo dhowaan ka yimid dhanka Doolow ayay wararku sheegayaan inay Al-Shabaab gawracday. Ma cadda sababta ka dambeysay arrintaan, xili aanu jirin war ay xarakad Al-Shabaab kasoo saartay dhacdadani. Degmada Belad-xaawo oo ku taala xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa in-dhawaanahaan amnigeeda wuxuu ahaa mid liitay, xili saraakiisha ciidanka xooga dalka ay sheegteen inay xaqiijin doonan. The post Dagaal ka dhacay Belad-xaawo iyo Nabadoon la gawracay appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Wararka ka imaanayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi saaka lagu dilay mid kamid ah shaqaalaha ganacsiga magaalada,laba qof oo kalena lagu dhaawacay. Bartamaha Suuqa Magaalada Boosaaso ayaa lagu dilay xisaabiye ka tirsanaa shirkada Ganacsiga ee SAABIR,kaaasoo magaciisa lagu sheegay Axmed Cali Nuur (Dalaqo),waxaana sidoo kale la dhaawacay laba qof oo kale,sida ay sheegeen goobjoogayaal. Dilka ayaa sida la sheegay waxaa gaystay koox bastoolado ku hubaysnaa oo markiiba goobta ka cararay. Hay’adaha amniga gobolka Bari,gaar ahaanna taliska Booliisku weli faahfaahin kama bixin dhacdadaas. PUNTLAND POST The post Mid kamid ah shaqaalaha ganacsiga oo lagu dilay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  5. Australia[Puntland Post] Duufaanno xoogan ayaa ku dhuftay dalka Australia ,kuwaas oo midabkii cirka ka dhigay Jaale, isla markaana kor u qaaday wallaaca laga qabo tayada hawada. Waxa madaxda dalkaasi ay soo saaray digniin ku saabsan xagga caafimaadka kuwaas oo loo jeedinaayo dadka ku sugan magaalada Sydney iyo kuwo kale ee aysan soo gaarin duufaantani. Gobollo badan oo ay ku jirto koonfurta Wales ,waxaa liita muuqaalka deegaanka ee ay saameeyeen dabeylaha wada boorka, waxaana la sheegaya in duufaantasi ay riixayaan dabeylo qallallan oo wata carro. Laga soo bilaabo bishii Agoosto dhibaatada waxaa sii kordhinaya abaaro saameeyay gobollo badan sida woqooyiga ,koonfurta iyo galbeedka. Saraakiil xaggga caafimaadka ah ayaa dadka ku boorinaya in ay joogaan guryahooda,gaar ahaa caruurta,dadka da’da ah iyo kuwa ay dhibaatadu ka heyso dhinaca neefsashada. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Duufaan ku dhufatay gobollo ku yaala dalka Australia appeared first on Puntland Post.
  6. Rome[Puntland Post]-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii 3aad booqasho rasmi ah ku jooga Talyaaniga ayaa wada hadallo kula yeeshay Qasriga Quirinale Madaxweynaha dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargalin lahaa iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal kaasoo ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’ideysi, isagoo uga mahad celiyay Dowladda Talyaaniga soo dhaweynta ay u fidiyeen dadka Soomaaliyed ee dalkaasi ku nool. Madaxweyneyaasha ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in laga wada faa’ideysto fursadaha waaweyn ee horyaala labada dal ee dhanka maalgashiga iyo ganacsiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kala hadlay dowladda Talyaaniga sidii ay uga caawin lahayd Soomaaliya tababarro dhanka farsamada ah iyo in ay dalka ka hirgalinayaan warshaddaha yar yar, si looga kaaftoomo adeegyada ay dalalka fog u tagaan ganacsatada Soomaaliyeed. “Dadka Soomaaliyeed waa dad ganacsiga aad u yaqaan oo karti u leh inay wax soo saar ku dhex sameyaan xaalado adag. Waxaan ku kalsoonahay in wadashaqayn iyo iskaashi aan la yeelano dalalka aan bahwadaagta iyo saxiibada nahay ay noo horseedi doonto horumar fa’iido u leh dadkeenna.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo Xigasho Wakaaldda SONNA Cabdiqani Boos Puntland Post The post Farmaajo iyo Mattarella oo ka wada Hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah xildhibaanada Koofur Galbeed oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa ku hanjabay inaysan codeyn doonin doorashada madaxweynaha. Xildhibaan Maxamed Macalin Axmed oo kamid ah baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa ka sheegay magaalada Baydhabo inaysan codeyn doonin, haddii aan la joojin cadaadiska lagu hayo guddiga doorashada. Xildhibaanka wuxuu sheegay inay ka warhayaan in guddiga lagu cadaadinayo inay badalaan habraaca doorashada Koofur Galbeed, iyadoo lagu cadaadinayo inay liiska musharixiinta ka reebaan seddex musharax. Wuxuu sidoo kale sheegay in haddii la joojiyo cadaadiska lagu hayo guddiga doorashada inay doorashada ka qeyb gali doonaan, haddii la joojin waayana aysan ka qeyb gali doonin codeynta doorashada. “Waxaan isku ogeyn in habraaca doorashada aan waxba laga badalin, dowladda Dhexe ayaa cadaadis wada, mana aqbali doono, haddii habraaca la badalo maka qeyb gali doono doorashada”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Macalin. Xiisad cusub ayaa muuqata inay halkaasi kasoo baxday, iyadoo xubnaha guddiga doorashada qaarkood ay ku hanjabeen inay iscasili doonaan haddii aan cadaadiska laga joojin. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in guddiga laga doonayo inay doorashada aysan ka qeyb galin Musharixiinta kala ah Mukhtaar Roobow, Aadan Saransoor iyo agaasimihii hore ee Nabad sugidda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  8. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Engineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Doorashooyinka Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada Degmooyinka ay Shacabka dooranayaan. Mr Yariisow ayaa hoosta ka xariiqay in tallaabadaan ay tijaabo u noqoneyso doorashooyinka Golaha deegaanka oo iyana shacabka la filayo in ay soo doortaan. Muddooyinkii dambe ayaa la arkay qorshayaal maamulka Gobolka Banaadir iyo Laamaha Ammaanka ay ku dar dar gelinayaan Ammaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoona Ciidamo Boolis ah la geeyay dhammaan waaxaha degmooyinka Gobolka Banaadir. Waxaana dadka qaar qabaan in Ammaanka Magaalada Muqdisho uu ka soo reynayo , marka loo eego xilliyadii hore oo dilalka iyo qaraxyadii dhici jiray. The post Maamulka Gobolka Banaadir oo qabanaya doorashooyin ay shacabka codeynayaan. appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Puntland Post-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee waddanka Sucuudi Carabiya, Caadil al-Jubayri ayaa sheegay in xad lama dhaafaan ah ay tahay in su’aal la galiyo ama la dhaleeceeyo hoggaanka boqortooyada, taas oo ay ka mid tahay baaqyada ah in la badelo Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan. Wareysi ay BBC-du kula yeelatay magaalada Riyaad ayuu ku celceliyay in Amiirka dhaxalsugaha ah uusan wax lug ah ku lahayn dilkii weriyaha Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji oo 2-dii bishii hore lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Hadalka wasiirka ayaa yimid maalin un kadib, markii aqalka kongareeska ee dalka Mareykanku uu amray in baaritaan lagu sameeyo dowrkii uu Amiirka ku lahaa dilka weriyaha, taas oo ay ka dhalatay caro caalami ah. Wasiirka ayaa mar wax laga weydiiyay tallaabo laga qaado dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan haddii lagu helo falkaasi waxaa uu sheegay in marnaba taasi aysan aqbali doonin dowladda Sacuudiga. Inkastoo Dowladda Sucuudiga lacag dhan balaayiin doolaar ah ku maalgelisay dalka Mareykanka ayaa hadana madaxweyne Trump waxa uu qiray in dhaxal suge Maxamed bin Salmaan “ay suuragal tahay inuu si wanaagsan” u ogaa dilka Khaashuqji. Hay’adda sirdoonka ee dalka Mareykanka ee CIA -da ayaa baaritaan ay sameesay waxaa ay ku sheegtay in Maxamed Bin Salmaan uu ku lug lahaa dilka weriye Jamaal Khashoggi, balse wasiirka ayaa dilka weriyahaasi ku edeeyay kooxo sirdoon oo aan damiir lahayn, isagoo na dowladda Turkiga ku booriyay inay soo bandhigto cadeymo dheeraad ah, ayna joojiso xogta ay dusineyso. Madaxweyne Trump oo u muuqda inay ka go’antahay sidii uu u difaaci lahaa danaha ka dhaxeeya Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa waxaa uu sheegay in Mareykanka uu saaxiib dhaw la yahay Sacuudiga, taasi na laga eegayo danaha Mareykanka iyo Isra’iil ee ku aadan Sacuudiga, waxaana uu intaa ku daray in toddobaadka dambe uu shirka G20 ee ka dhici doonaa dalka Argentina uu kula kulmi doonaa ninka lagu tuhmayo inuu amray dilka Khashoggi. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan oo laga dalbaday in uu Baneeyo Xilka appeared first on Puntland Post.
  10. Ceel Afweyn( Sh. M. Network):-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sanaag ayaa ku soo warramaya in Saacadihii la soo dhaafay Dagaal khasaaro sababay uu ka dhacay degmada Ceel Afweyn ee Gobolkaasi. Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhexeeyay Ciidamo uu hor kacayo Sarkaal lagu Magacaabo Caraale oo dhawaan ka goostay maamulka Soomaaliland iyo Ciidamada Maamulkaas ee ku sugan degmada Ceel Afweyn. Ma Cadda Khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay balse ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in maalmihii la soo dhaafay Magaalada Ceel Afweyn ay ku sugnaayeen Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Maamulka Somaliland kuwaas oo waan waan ka dhex waday Sarkaalka Gadooday iyo maamulka Somaliland taas oo ku aadan sidii isaga iyo Ciidamadiisa dib loogu soo celin lahaa Maamulka. Wafdigaan ayaa kulamo la qaatay Maamulka iyo waxgaradka degmadaasi Ceel Afweyn ,walow aysan muuqan , Natiijo la taaban karo oo ka soo baxday dadaaladooda. Weli waxaa xiisad xoogan laga dareemayaa degmada Ceel Afweyn walow dhinacooda dadaallo xoogan wadaan Wasiirada gaaray degmadaasi. The post Dagaaal Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Ceel Afweyn appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Maalmahaan waxaan warbaahinta BBC da qaybteeda Afrika kala socday qoraallo badan, oo laga sameeyay dhaqdhaqaaqyada ganacsi uu Shiinuhu ka wado Afrika. Qoraalladaas waxay u badnaayeen naqdin iyo dacaayad siyaasi ah (Political propaganda). Shiinuhu, waxaa lagu dhaliilay in uu la yimid caqliyaddii gumeystaha, oo ku dhisnayd ka macaash khayraadka Afrika. Laakiin Shiinuhu, wuxuu ku andacooday in xiriirka kala dhexeeya Afrika uu yahay mid ku dhisan is-aaminaad iyo is-xushmayn, wadashaqayn dhaqaalle iyo isweydaarsi dhaqan. Maqaalkan waxaan ku sahmin doonaa xiriirka ganacsi ee uu dhexeeya Afrika iyo Shiinaha. SHIINAHA: Saaxiib kal furan Habka uu shiinuhu ula macaamilo dalalka Afrika waa mid ay u riyaaqayn madax badan oo Afrikaan ah. Waa hab ku kooban keli maslaxad ganacsi (Fiiri Beijing Consensus). Halka hay’adaha aan dowliga ahayn ee reer galbeedka sida IMF iyo World Bank iyo dowladda Maraykanka ay dalalka Afrika ku xiraan shuruud ah furfuris dhaqaalle (Fiiri Washington Consensus) iyo furfuris siyaasadeed (Fiiri Post-Washington Consensus). Farqiga u dhexeeya labadaas hab, waxay keentay in madaxda Afrika ay shiinuhu u arkaan shaydaanka sharta yar (lesser evil), laakiin dhaliisha warbaahinta reer galbeedka waxaa xoojiyay deymaha tirada badan ee Shiinuhu amaahiyay dalal badan oo Afrikaan ah. Waxay ku noqotay dabin deyn. KADEED DEYN Wixii ka dambeeyay 1960, dalal badan oo madaxbannaani helay waxay xoogga saarayn gaarista horumar dhaqaalle oo degdeg ah, iyaga oo u maray habka (Developmental state)-oo ah in dowladdu majaraha u hayso horusocodka dhaqaalle ee dalka. Laakiin waxaa lagamamaarmaan noqotay deyn qaadasho. Fursaddaa waxaa dano siyaasi ah uga faa’ideystay dalalka reer galbeedka, IMF iyo World Bank oo balaayiin doollar amaahiyay. Waxaa la xusuustaa dhaqaalle burburkii ku dhacay Afrika sanadkii 1980 ilaa 1991, oo lagu sababeeyay shuruudahii wax ka beddelka haykalka dhaqaallaha (Structural Adjustment Programme), ee World Bank ga hordhigay dalalka Afrika markii ay weyddiiyeen deyn. Wixii ka dambeeyay 1990, deyn-bixiyaasha Afrika waxaa ku soo biiray Shiinaha, oo markaa raadinaayay suuq cusub oo baaxad leh si uu u iib geeyo badeecooyinkiisa iyo helidda khayraadka dabiiciga sida shidaal, maadaama uu kordhay baahidiisa shidaal. Sanadkii 2000 ilaa 2014, wuxuu Afrika amaahiyay 89 bilyan oo doollar. Wuxuu fuliyay in ka badan 3,000 kun oo mashaariic kaabadhaqaalle dhisid ah. Waxaa ka mida mashruucii waddada tareenka ee isku xirta Jabuuti iyo Itoobiya oo ku baxday in ka badan hal bilyan oo doollar iyo kii Kenya. Haddaba, sanad ba sanad ka dambeeyay Afrika waxay dhex maquuranaysay mushkilad deyn. Waxaa dusha u saaran 417 bilyan oo doollar oo deyn dibadda ah (foreign dept). Boqolkiiba 20 waxaa ku leh shiinaha. Hay’adda World Bank ga, waxay sheegtay in 18 dal oo ka mida dalalka Afrika ay halis ugu jiraan kadeed deyn (dept crisis). Sidoo kale, hay’adda IMF waxay ka digtay in dalal badan oo Afrikaan ah ay dabin ugu jiraan deynta Shiinaha. Jabuuti, Saambiya iyo Gongo waxay halis ugu jiraan kadeed deyn. Tusaale, Saambiya waxaa lagu leeyahay 8.7 bilyan oo doollar, waxaa ku leh Shiinaha. Jabuuti, boqolkiiba 77 deymaheeda dibadda waxaa ku leh Shiinaha. DALALKA GOBOLKA Itoobiya, waxay Shiinaha ka qabtaa deyn lacagayd oo gaaraya 13.73 bilyan oo doollar. Kenya, waxaa ku maqan 9.8 bilyan. Ugandha, waxaa lagu leeyahay 2.96 bilyan. Tansaaniya, 2.34 bilyan. Rwanda, 289 milyan, Burundi 99 milyan, iyo Koonfurta Suudaan oo ku maqan 182 milyan. Deymahaas lacageed inta badan waxay ku baxayn mashaariicda waaweyn, ee kaabayaasha dhaqaallaha sida dhismaha waddooyin tareen, dekedo iwm. Xiriirka Shiinaha iyo Afrika waa mid ku dhisan isweydaarsi badeecad, tiknoolojiyad iyo xirfad. Dalal ka mida Afrika sida Nayjeeriya, Angola, Sudan Iyo Equatorial Guinea waxay wax u dhoofiyaan suuqyada Shiinaha. Halka Shiinuhu uu isagana Afrika u dhoofiyo badeecooyin badan. WQ: Xassan Mudane Lafogure Arrimaha Afrika Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. Doodda qeyb ka noqo, oo fikirkaaga iyo qoraallada ku soo dir info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Ceel-afweyn)-Ciidamo ka tirsan jabhadda uu hoggaamiye kornayle Mahad Siciid Jaamac Caarre oo wata afar-gaadiidka dagaalka ah, ayaa rasaas culus ku gaaraacay xaafadaha dhinaca Waqooyi ee degmeda Ceel-afwayn oo ku yaalla guriga gobolka oo la sheegay in ay ku suganyihiin xubno wasiirro ah oo ka tirsan xukuumadda Somaliland. Sida uu xaqiijiyay weriye kusugan Ceel-afwayn, wasiirrada waxaa kamida wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Boos Mire Maxamed shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada Marwo Hinda Jaamac Gaanni iyo masuuliyiin kale. Ciidamada millateiga Somaliland, ayaa wararku sheegayaan in ay dhinaca Koonfureed uga Saareen magaalada. waxaana ciidamadu rasaasta isku waydaarsanayaan dhicana koonfureed ee magaalada sida hadda uu xaqiijiyay weiye ku sugan Ceel-afwayn. Source
  13. (SLT-Riyadh)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee waddanka Sucuudi Carabiya, Caadil al-Jubayri ayaa sheegay in xad lama dhaafaan ah ay tahay in su’aal la galiyo ama la dhaleeceeyo hoggaanka boqortooyada, taas oo ay ka mid tahay baaqyada ah in la badelo Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan. Wareysi ay BBC-du kula yeelatay magaalada Riyaad ayuu ku celceliyay in Amiirka dhaxalsugaha ah uusan wax lug ah ku lahayn dilkii weriyaha Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji oo 2-dii bishii hore lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Hadalka wasiirka ayaa yimid maalin un kadib, markii aqalka kongareeska ee dalka Mareykanku uu amray in baaritaan lagu sameeyo dowrkii uu Amiirka ku lahaa dilka weriyaha, taas oo ay ka dhalatay caro caalami ah. Wasiirka ayaa mar wax laga weydiiyay tallaabo laga qaado dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan haddii lagu helo falkaasi waxaa uu sheegay in marnaba taasi aysan aqbali doonin dowladda Sacuudiga. Inkastoo Dowladda Sucuudiga lacag dhan balaayiin doolaar ah ku maalgelisay dalka Mareykanka ayaa hadana madaxweyne Trump waxa uu qiray in dhaxal suge Maxamed bin Salmaan “ay suuragal tahay inuu si wanaagsan” u ogaa dilka Khaashuqji. Image captionTrump iyo Maxamed Bin Salman Hay’adda sirdoonka ee dalka Mareykanka ee CIA -da ayaa baaritaan ay sameesay waxaa ay ku sheegtay in Maxamed Bin Salmaan uu ku lug lahaa dilka weriye Jamaal Khashoggi, balse wasiirka ayaa dilka weriyahaasi ku edeeyay kooxo sirdoon oo aan damiir lahayn, isagoo na dowladda Turkiga ku booriyay inay soo bandhigto cadeymo dheeraad ah, ayna joojiso xogta ay dusineyso. Madaxweyne Trump oo u muuqda inay ka go’antahay sidii uu u difaaci lahaa danaha ka dhaxeeya Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa waxaa uu sheegay in Mareykanka uu saaxiib dhaw la yahay Sacuudiga, taasi na laga eegayo danaha Mareykanka iyo Isra’iil ee ku aadan Sacuudiga, waxaana uu intaa ku daray in toddobaadka dambe uu shirka G20 ee ka dhici doonaa dalka Argentina uu kula kulmi doonaa ninka lagu tuhmayo inuu amray dilka Khashoggi. Source
  14. (SLT-Muqdisho)-Qoraal ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan qaarada Afrika AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ay ka geysteen ciidamada Maraykanka deegaan ka tirsan gobolka Mudug ay ku dileen 7 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab. AFRICOM ayaa qoraalka ku sheegtay in duqeynta ay ka dhacday degaanka Caad ee Gobalka Mudug laguna dilay illaa 7 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab. “Waxaan sidoo kale qiimeyneynaa oo aan baareynaa in dad rayid ah aysan wax ku noqon duqeyntan.”ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka kooban oo ka soo baxay Africom ayaa lagu xusay inay gacan ka heleyaan ciidamada dowlada Federalka ayna joogteyn doonaan sidii ay u wiiqi lahaayeen awooda ururka Alshabaab. Shalay ayey aheyd markii taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika sheegeen iney 37 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab ku dileen duqeymo doraad lala beegsaday isla fariisimahan xalay la weeraray. Source
  15. Wanlaweyn ( Sh.M.Network):-Ugu Yaraan 2 Askari ayaa ku Geeriyootay 3 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib weerar Qarax Miino loo adeegsaday oo xalay Saqdii dhexe lagula beegsaday degmada Wanlaweyn Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia. Ilo wareedyo ku sugan meesha wax ka dhaceen ayaa ku soo warramaya in Qaraxaasi lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Guutada 6aad ee Military-ga Somalia. Waxaana la sheegay in Qaraxa uu haleelay Gaari Dagaal oo Nuuca Cabdi Bilaha loo yaqaanno ah. Dadka waxyeeladu ka soo gaartay ayaa wararka qaar sheegayaan In uu ku jiray Taliyaha Guutada 6aad ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed. Ma jiro wax war ah oo Saraakiisha Military-ga Soomaaliya ka soo saareen weerarkaasi la sheegay in uu khasaaraha dhimasho iyo dhaawac intaba kala kulmeen. Kolonyada la weeraray ayaa ka soo ambabaxay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose. The post Faah Faahin:- Qarax Askar ay ku geeriyoodeen oo ka dhacay Shabeelaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Ceel-Afweyn-[Puntland Post]-Wararka Warbaahinta Puntland Post ka soo gaadhay Magaalada Ceel Afweyn waxaa ay sheegayaan in Ciidamo uu wato Korneyl Caare ay xalay weerar ku soo qaadeen Saldhig Ciidan oo ku yaala Magaalada Ceel Afweyn isla markaana ay ku sugan yahiin ciidamada ka tirsan Soomliland . Puntland Post oo la hadashay mid ka mid ah dadka deegaankasi waxa uu u sheegaya in Korneyl Caare uu ku amray ciidamada saldhiga joogay in ay hubka dhigaan islamarkaasna ay saf galaan sidaasn uu hubkii uga uruursaday. Wararka ayaa intaas ku daraya in marki danbe ay rasaas is weydaarsadeen Ciidankaa Jabhada Caare iyo ciidan saldhiga ka maqnaa oo mardanbe iyagu goobta soo gaadhay. Arintan ayaa waxaa ay ku soo beegantay xili ay degmada Ceel-Afweyn ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan golaha wasiirada ee Maamulka Soomaliland kuwaas oo la sheegay inay gogol xaadh ay u yahiin Madaxweyne Muuse Biixe Cabdi oo la filaayo inuu Ceel Afweyn Gaadho. Ilaa hada ma jir wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Soomaliland Cabdiqani Boos Puntland Post The post Degmada Ceel Afweyn oo Xalay dagaal ku dhexmary Ciidamo u wato Korneyl Caare iyo ciidamo ka tirsan Soomaliland. appeared first on Puntland Post.
  17. Marka ( Sh.M.Network):-Dagaalkaan oo u dhexeeyay Ciidamada DF Somalia iyo Al Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay Saaka deegaanka Gandarshe ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Sida ilo deegaanka ah ay ku soo warrameen Dagaal aad u culus oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Somalia iyo Al Shabaab ayaa Saaka ka dhacay deegaanka Gendershe oo dhaca Wadada dheer ee Xiriirisa Muqdisho iyo Magaalada Marka. Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka uu yimid kadib markii Al Shabaab ay weerar xoogan ku ekeeyeen deegaankaasi Gandershe oo Fariisin ay ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo diiday in Codkooda iyo Magacyadooda loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa xusay in ay iska caabiyeen Al Shabaab oo saaka soo weeraray Fariisimahooda ayna baacsadeen sida ay hadalka u dhigeen. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale soo wariyay in ay jiraan Khasaaro labada dhinac soo kala gaaray walow aysan cayimin. Dagaalka saaka ayaa ku soo beegmaya xilli Saacadihii aan ka soo gudubnay sidoo kale Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda ay ku dagaalameen deegaanka Jilib Marka oo aan ka fogeen deegaanka Gendershe ee saaka dagaalku uu ka dhacay. The post Ciidamada DF Somalia iyo Al Shabaab oo saaka ku dagaalamay G.Shabeelaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay talaabadii magaalada Addis Ababa looga yeeray qunsulkii Ethiopia u fadhin jiray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa si cad u sheegay in wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin xiriirkii kala dhaxeeyay Ethiopia qunsulka dib ugu laabtay magaalada Addis Ababa. Wasiir ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in warbaahin cadow ku ah Somaliland ay faafisay warar been abuur ah oo ah inuu dhamaanayo xiriirka Somaliland iyo Ethiopia, markii haddii qunsulka dib loo celiyay. “Xiriirka Somaliland iyo Ethiopia waa sidiisii,waxaana ay ka mid tahay isbeddelka hanaanka Diblomaasiyadeed in beddelkiisii la soo magacaabo ayaan rajeyneynaa, wax saameyn ahna naguma yeelan doono” ayuu yiri Liibaan Yuusuf Cismaan. Warbaahinta Soomaalida ayaa Todobaadkan qortay in qunsulka la beddelay ay la xiriirto heshiiskii dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay magaalada Baxardaar kula saxiixatay Itoobiya iyo Eritrea,kaas oo dhowrayay midnimada dhuleed iyo madaxbanaanida Soomaaliya. Kadib isfahamkii dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa culeesyo badan uusoo wajahay Dowlad goboleedyada dalka, waxaana Somaliland ay kamid noqotay maamulada waayay dhaqdhaqaaqyo badan iyo saameyn ay ku lahaayeen Ethiopia. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-221118.mp3 The post Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Ugu yaraan 40 qof ayaa ku geeriyootay qarax ka dhacay agagaarka goob ay xaflad aroos ka dhaceysa caasimadda dalka Afqanistaan ee Kabul, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi. Waxaa lagu soo warramaya in 60 qof ay ku dhaawacmeen weerarka oo ka dhacay degmada PD15, dadka dhaawaca ah waxaa loo qaaday isbitaallada aggaasi. Ila hadda lama ogo waxaa dhaliyay qaraxa. Si kastaba ha ahaate,Ururka Taalbaan iyo kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka ayaa marar badan weeraro ka gaystay dalka Afqanistaan. Source
  21. (SLT-Moscow)-Booliska adduunka ee Interpol ayaa Kim Jong-yang u doortay inuu noqdo madaxweynaha Interpol kaddib markii laga hor yimid nin u dhashay Ruushka oo lagu eedeeyay inuu si khaldan u istcmaalay laanta ha’yaddan u qaabilsan xiridda dadka. Kim oo u dhashay Kuuriyada Koonfureed waxaa uu ku guulaystay codad gadhayo 194, waxayna arrintani ka dambeeysay markii dalalka xubnaha ka ah Interpol ay kulankooda sanadlaha ah ku yeesheen magaalada Dubai. Wuxuu ka guuleystay Alexander Prokopchuk oo Ruushka u dhashay kaaso la filayay inuu guulaysto. Waxaa jiray walaac ah in Alexander Prokopchuk uu ha’yadda u adeegsan karo in uu ku bartilmaameedsado dadka dhaleeceeyo madaxweynaha Ruushka Putin. Xukuumadda Moscow waxay sheegtay in Alexander Prokopchuk uu sii ahaan doono madaxweyne ku-xigeenka Interpol. Doorashada booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa imaaneysaa xilli la waayay madaxweynihii hore ee Interpol, Meng Hongwei kasoo la waayay markii bishii Septembar uu booqasho ku tagey Shiinaha. Xukuumadda Beijing waxay sheegtay in loo xiray si baaritanno lagu sameeyo eedeymo loo haysto oo ah laaluush. Source
  22. (SLT-Benishangul Gumuz)-Saddex ardey ah ayaa ku dhintay jaamacad ku taalla dalka Itoobiya kaddib markii rabshado ay salaasadii ka dhaceen gudaha jaamacadda, sida ay ku warrantay wasaaradda waxbarashada ee dalkaasi. Jaamacaddan oo ku taalla gobolka Benishangul Gumuz waxaa ku dhaawacmay 34 ardey, sida ay sheegtay Hirut Woldemariam oo ah wasiiradda sayniska iyo waxbarashada sare ee dalkaasi. Waxay ku eedeysay in dhibaatadan ay ka dambeeyeen ciidammo ay ku sheegtay inay kasoo horjeedaan isbaddallada ka socda Itoobiya. Hirut waxay sheegtay inay jireen isku dayo ah lagu carqaladeynayo waxbarshada jaamacadda isla markaasna lagu hurinayay dagaallo u dhexeeyo qowmiyadaha gudaha jaamacadda. Waxay intaasi ku dartay in la sameeyay koox gaar ah si ay uga shaqeeyaan soo celinta nabadda. Bishii Oktoobar ayay ahayd markii dagaallo u dhexeeya bulshooyinka dego Itoobiya ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga. Qaramada Midoobey waxay sheegtay in 70,000 qof ay dagaallada ka barakaceen. Source
  23. Weerarkii saddexad oo ay Mareykanku ka fuliyan gudaha Soomaaliya todobbaad gudahiisa ayey sheegeen inay ku dileen 7 Al-shabaab ah, taas oo 2 maalin gudaheed tirda guud ka dhigeysa 44, weerarrada waxa ay ka dhaceen deegaanno ku dhow Camaara iyo Caad, Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Qoraal ay soo saareen AFRICOM arbacadii ayey ku sheegeen inay dileen 7 ka tirsan Al-shabaab, duqeyn ka dhacday Quy Cad ee Xarardheere, Mudug. Weerarkan waxaa uu daba socday, labo kale oo isla gobolka ka dhacday, kuwaas oo lagu dilay 37 ka tirsan Al-shabaab. Mareykanka ayaa si joogta ah u duqeeya xarumaha Al-shabaab ee koonfurta Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Talyaaniga ayaa wada hadallo la Madaxweynaha dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargalin lahaa iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal kaasoo ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’ideysi, isagoo uga mahad celiyay Dowladda Talyaaniga soo dhaweynta ay u fidiyeen dadka Soomaaliyed ee dalkaasi ku nool. Madaxweyneyaasha ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in laga wada faa’ideysto fursadaha waaweyn ee horyaala labada dal ee dhanka maalgashiga iyo ganacsiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kala hadlay dowladda Talyaaniga sidii ay uga caawin lahayd Soomaaliya tababarro dhanka farsamada ah iyo in ay dalka ka hirgalinayaan warshaddaha yar yar, si looga kaaftoomo adeegyada ay dalalka fog u tagaan ganacsatada Soomaaliyeed. “Dadka Soomaaliyeed waa dad ganacsiga aad u yaqaan oo karti u leh inay wax soo saar ku dhex sameyaan xaalado adag. Waxaan ku kalsoonahay in wadashaqayn iyo iskaashi aan la yeelano dalalka aan bahwadaagta iyo saxiibada nahay ay noo horseedi doonto horumar fa’iido u leh dadkeenna.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Mr. Farmaajo wuxuu horay ula kulmay ra’isul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii ay u yeelan-lahaayeen iskaashi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Garoowe (Caasimada Online) – Musharaxa madaxweynaha Puntland Maxamuud Khaliif Jebiye ayaa si xawli ah u wada ol’olihiisa doorashada ee madaxtinimada maamulkaas, isaga oo booqanaya deegaano badan, kuna deeqay lacag kumaan dollar ah. Musharaxan oo sidoo kale bulshada Puntland iyo kuwo Soomaaliyeed oo dhan uga yaabiyey gaariga aan xabadda karin ee uu maalinta cad kala dagay Garowe, ayaa laba su’aalood la iska weydiinayey, oo mid ka mid ah ay tahay inay wadato dowladda federaalka. Dhawr wareysi oo lala yeeshay ayuu Jabiye ku sheegay in uu yahay siyaasi milyaneer ah oo ay aflagaado ku tahay in lagu sheegi dowlad ayaa wadata! Hase ahaatee, baaritaan ay Caasimadda Online sameysay ayey ku soo xaqiijisay in isaga iyo dowladda xiriir ka dhexeeyo, balse uusan buurneyn! Sida ay ilo ku dhaw dhaw dhaq dhaqaaqiisa ol’ole u sheegeen Caasimada Online, Jabiye ma jirin wax aqoon ah ama saaxiibtinimo kala dhexeysay madaxa sare ee dowladda, hase ahaatee, uu isagu Muqdisho ugu yimi iskuna baray. Ka hor inta uusan shaacin Jabiye waxa uu hoggaanka sare ee dalka kula kulmay Muqdisho oo uu sheegay in uu yahay musharax diyaarsan, ahna jifida sanadkan xaqqa u leh xilkaas oo uu la shaqeyn doono haddii la doorto. Madaxa dowladda waxa ay u sheegeen in ay taageerayaan balse ay shuruud uga dhigayaan in xoogga ay galinayaan hadba ku xirnaan doonto dhaq dhaqaaqiisa iyo firdircoonida uu muujiyo. Sidoo kale Jabiye waxa uu wacad ku maray in uu diyaar u yahay ugu yaraan in uu shaqsi ahaan doorashada ku khasaariyo saddex Milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com