-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal CalI Waraabe ayaa sheegay in dhibaatooyinka dalka yaala ay sabab u tahay in aanu dalku lahayn dadkii hogaamin jiray bulshada sida salaadiinta,culimada, aqoon yahanka iyo siyaasyiinta. Waxa uu guddoomiye Faysal Cali Waraabe shacbig u soo jeediyay in loo baahan yahay in dadku ay midoobaan oo la helo masuul la doortay oo bulshada u adeega, isla markaasna lala xisaabtamo, waxaanu arimahan ka sheegay xaflad uu kaga qaybgalay degmada Bali-mataan, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidh“Qaybis iyo kala qaybin meelna laguma gaadho, Xamartaas aad aragtaan ee beenbeenta ah nabadgalyo mahaystaan waad arkaysaan waxa maalin walba ka dhacaaya wax u dhisan ma jiraan ee waa la haystaa 22 kun oo ciidamo ah ayaa haysta neecawdaas ay aan maanta ku shirayno kuma shiri karaan, samir ayaa la yeeshaa wanaagana waxa lagu gaadhaa tartiib tartiib, dal waa lagu dumin karaa maalmo laakiin laguma dhisi karo sanado midba marka uu yimaado waxbuu ku dari doonaa sidaas ayuu u soconayaa horumarku. Anaga noo daaya siyaasada anaga ayaa la xisaabtamayna maalinba kuwa meesha fadhiista ha na dhex eryina qabiilka hadda qabiilkiiba na fuushan oo naga xoog batay asxaabtiina waa ay jiifsatay hada ayaanu doorashadii soo celinaynaa, waxaanu rajaynaynaa inaan sanadkan doorasho inoo qabsoonto, waxaanu jecelnahay inaan dad wanaagsan aanu baarlamaanka u keeno, dawladah hoose u keeno musuqa la dagaalama qabiilka la dagaalama oo dad wanaagsan ah, markii hore miyiga la joogay waar yaa geedka inoo tagaa ayaa la odhan jiray qofka wanaagsan ayaa la gayn jiray, hada kii qaad bixiya ayaa la keenayaa oo aan caqli lahayn waatas magaaladeenii kudaafad noqotay Hargeysa, 25 nin oo reer Hargeysa ah ayaa fadhiya.” Guddomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Baarlamaankeenii waad aragtaa qof kaliyaata oo meeshii laga soo doortay u doodayaa ma jiro oo leh magaaladayada biyo iyo dugsi halakeeno oo caafimaad ma jiro, nin waliba tiisa ayuu u ordayaa dabadeedna tii la wada lahaa ayaa baylahday, wax aan wada leenahayba ma jirto oo hadaan umaddu wax ay wada leedahayba oo ay ilaashanaysaa aanay jirin waxba iskuma aha waa inaan yeelanaa abtirsiimo qaran ah.” ugu danbayntii waxa uu soo jeediyay in lasy jeclaado oo umaddu hogaamin wanaagsan ay hesho“Halays jeclaado oo dadka mudakarka ah ee magacyada sitaa caaqil,Suldaan ama siyaasiye waa inuu dadka wanaag faraa inuu dadka qaybiyo maaha, qaybis waxba laguma noqdo idnimo ayaa wax lagu noqdaa. Alle nabadalyada haynoo adkeeyo, barwaaqo hayna siiyo iyo hagaan fiican, hogaan la’aan ayaa ina haysata suldaan ma lihin,sheekh ma lihin, siyaasi iyo mutacalinba ma lihin, umad dhan oo meel aad u irkataa aanu jirin kawaran, alle hogaan fiican hayna siiyo.” Source
-
(SLT-Jigjiga)-Boqollaal ka tirsan ciidammada jabhadda hubeysan ee ONLF ayaa Maanta gaadhay magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Labo diyaaradood oo siday ciidammadan oo ka soo kicitimay dalka Eritrea ayaa gaadhay Jigjiga, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne, masuuliyiin iyo xubno jabhadda ka tirsan oo ku sugnaa Dowlad Deegaanka Soomaalida. Ibraahim Maxamed Beddel oo ah madaxa ciidammada ONLF ee cutubka Maanta gaadhay Jigjiga ayaa BBC-da u sheegay in mas’uuliyiinta ururka ee ku sugan dalka Eritrea ay dabayaaqada bishan gaadhi doonaan Jigjiga sii loo ambaqaado dhaqan-gelinta heshiiskii dhexmaray iyaga iyo dowladda Itoobiya. Wuxuu sheegay in wada nolaanshaha shacabka iyo ka shaqeynta horumarka ay tahay arrin ay shacabka ku dhiiro gelinayaan isla-markaasna lagu tallaabsan doono nabadda. Cabdi Saxane Cumar oo ah abaanduulaha ONLF ee ka hawlgalayay gudaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay inay mabda’a iyo fikirka ay wateen uu ahaa inay u halgamayeen danta shacabka ayna ku rajaweynayeen inay gaadhaan guusha “Waxaan is leeyahay mustaqbal, nolol, horumar iyo midnimo ayaa xigi doontaa Inshaa Allah” ayuu yidhi Saxane. Wuxuu sheegay in wax dhibaato ah ayna dhexmari doonin iyaga iyo ciidammada Dowlad-Deegaanka ayna mid yihiin isla-markaanaa isbadallada ka dhacay waddanka Itoobiya ay u horseedeen in la gaadho heshiis nabadeed. Dowladda Itoobiya ayaa ururka ONLF ka saartay liiska argagixisada si loo ambaaqado dib u heshiisiinta, nabadda iyo isbaddalada kasocda dalkaasi. Ururka ONLF ayaa tobanaan sanno dagaal kaga soo horjeeday dowladda Itoobiya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in kooxda Daacish ay ciidamo badan oo Ajaaniib ah kusoo daabushay Soomaaliya labadii sano ee lasoo dhaafay, ayada oo isku diyaarineysa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Dagaalyahanada ugu badan ee Ajaaniibta ee kamid ah Daacish ayaa waxay ka howlgalaan gobolka Bari ee Puntland, sida lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay, balse qaarkood ayaa dhowaan billaabay inay Koonfurta Soomaaliya usoo dhaqaaqaan. Badankood ajaaniibta ka mid noqonaya Daacish ayaa la sheegay inay kasoo cararayaan dalalka Syria iyo Iraq, halkaasi oo ay ka dareemayaan cadaadis Militari oo kaga imaanaya ciidamada halkaasi kula dagaalamaya. “Ururka Daacish Hadda si muuqata ayuu u kordhayaa waxaa uu ka batay 2016-kii oo uu ahaa wax ka yar 12 waxaa uuna gaaray 200” ayey QM ku sheegtay warbixin ay soo saartay. Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa lagu cadeeyay inay qatar ku yihiin Puntland, gaar ahaan maamulka gobolka Bari, waxaana qorshaha ugu weyn ee ay damacsan yihiin lagu sheegay inay doonayaan inay Al-Shabaab kala wareegaan deegaanada ay maamulaan. Halis weyn ayaa laga fileysan karaa kooxda Daacish ee la dagaalamaysa Al-Shabaab iyo maamulada ka jira dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
US airstrike in Somalia against al-Shabab kills 7 militants
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The U.S. military says it has carried out an airstrike in central Somalia targeting al-Shabab that killed seven extremists. The U.S. Africa Command statement says Tuesday’s airstrike occurred in Quy Cad in the Mudug region. The strike was carried out a day after two other U.S. airstrikes killed 37 extremists with the al-Qaida-linked al-Shabab. Like the previous statement, this one says it believes no civilians were killed or injured. The U.S. has carried out 33 airstrikes this year against al-Shabab, the deadliest Islamic extremist group in Africa. The military says the airstrikes are aimed at reducing al-Shabab’s ability to plan attacks, disrupting its leadership networks and limiting its freedom of movement in the Horn of Africa nation. Al-Shabab often targets the capital, Mogadishu, and other cities with deadly bombings. The post US airstrike in Somalia against al-Shabab kills 7 militants appeared first on Shabelle. View the full article -
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalo-madaxda gobolka Daad-madheedh iyo deegaanno hoos yimaadda, waxana uu madaxweynuhu dhagax dhigay mashaariic waaweyn oo xukuumaddu halkaas ka hirgelisay, isaga oo kuwo dhammaadayna xadhigga ka jaray. Shacabka ku dhaqan guud ahaanba gobolka Daad-madheedh oo isugu jira, madax-dhaqameed, haween, dhallinyaro, aqoonyahan iyo siyaasiyiin, isla markaana ay hormood u yihiin mamulka gobolka ido degmada, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga horyimi goob magaalada ka baxsan, waxana iyaga oo lulaya calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan ay u galbiyeen dhinaca buddha magaalada, halkaas oo uu madaxweynuhu kala hadlay bulshada soo dhaweysay. Ugu horrayn xubno kamid ah madam-dhaqameedka ugu magaca weyn gobolka Daad-madheedh oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Oodweyne ugu mahad-celiyey sida aan kala hadhka lahayn ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyeen, iyaga oo madaxweynahana ku bogaadiyey booqashada shaqo ee uu gobolkaas ku tegay iyo mashaariicda horumarineed ee uu dhagax dhigay iyo kuwa uu xadhigga ka jarayba. Guddoomiyaha gobolka Daad-madheedh, mudane Cabdixakiim Nuur Muuse iyo badhasaabka gobolka, mudane Axmed Diiriye Cabdilaahi oo iyaguna madasha lagu soo dhaweynayey madaxweynaha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa si isku mid ah ugu mahadnaqay shacabka reer Oodweyne, waxana ay sharraxaad dheeri ah ka bixiyeen mashaariicda midho-dhalka ah ee ay xukuumaddu ka hirgelisay guud haan gobolka Daad-madheedh. Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, Marwo Shugri Xaaji ismaaciil Baandare, ayaa iyaduna ku dheeraatay sida ay xukuumaddu ugu hagarbaxday gobolka Daad-madheedh, waxana ay madaxweynaha ku ammaantay dedaalka uu ugu jiro sidii uu shacabka reer Oodweyne ugala shaqayn lahaa horumarka iyo dedaalka ay ugu jiraan inay noqdaan shacab kasoo dhalaala dedaallada la geliyey iyo taageerada xukuumaddooda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dheer oo dhinacyo badan leh u jeediyey shacabka reer Oodweyne ee soo dhaweeyey, ayaa ugu horrayn ka mahadceliyey soo dhaweynta aan kala hadhka lahayn ee lagu qaabilay, waxana uu sharraxay sida ay reer Oodweyne weligoodba caanka ugu ahaayeen soo dhaweynta iyo marti-soorka, isaga oo ku baaqay inaan la isku dhibsanin kala duwanaanshaha afkaarta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “ Doorashada laguma colloobo, qof walibana qofkii ay la noqotay inuu dalka horumarinayo ayuu codka ugu riday, in la yidhaahdo qofkaasi xisbi kale ayuu u codeeyey oo col baan la ahay, taasina waa xaaraan oo caqliyan iyo waxa aynnu isku nahayba waa xaaraan, waana ra’yi qalad ah oo dad badani qaatay, Oodweyne-na waa dadkaygii oo weligoodba sidan si ka sharaf badan noo soo dhaweeyeen, waait waxa aynnu isku nahay baa ka weyn maalmi siyaasad ah iyo kaambayn la isku qaado,” Madaxweynuhu waxa uu bulshada reer Oodweyne uge bushaareeyey mashaariic waaweyn oo ay xukuumaddu ugu talo gashay, taas oo ah xuquuq ay qaranka ku leeyihiin, isagana madaxweyne ahaan fulintoodu waajib ku tahay, “Oodweyne waa magaalo taariikhi ah, dadka ku noonla ninna harraadka ku eega maayo, anigaan ku eegaynin, ka iga dambeeyaana ku eegi maayo, kii iga horreeyeyna kumuu eegin, mana aha xod-xodasho siyaasadeed iyo i doorta’e waa waajib qaran oo qofka xilka haya saaran, mashaariicda ay sannadkan hay’aduhu bixinayaan ka ugu badani waxa uu ku wajahan yahay Daad-madheedh, laaluushna uma anu siinne waxannu u eegnay halkaas maxaa looga baahan yahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambayntii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xadhigga ka jaray Buundo weyn oo duleedka Oodweyne ku taalla, isaga oo dhagax-dhigay Riig-biyood cusub oo biyo lagaga baadhi doona duleedka Oodweyne, kuwaas oo kamid ah tallaabooyinka horumarineed iyo dedaallada ay xukuumaddu ugu jirto inay biyo ku filan ugu raadiso dakka iyo duunyada ku dhaqan gobolka Daad-madheedh. Allaa Mahad leh Source
-
(SLT-Kismaayo)-Guddoomiyaha xisbiga midowga nabadda iyo horumarka(UPD Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga oo ku sugan magaalada Kismaayo, waxa uu sheegay in xilligan aanay suurtagal ahayn in Soomaaliya iyo Itoobiya ku midoobaan arrimaha siyaasadda. Wuxuu sheegay in kaliya laga wadahadli karo arrimaha dhaqaalaha iyo maslaxadda Labada dal, balse aanay habooneen in la isugu yimaado arrimo siyaasadeed waqtigan. Madaxweyne hore Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in markii la helo dowlad sal adag leh suurtagal tahay in laga wadahadlo arrimaha siyaasadda waa sida uu hadalka u dhigaye. “Annaga iyo Itoobiya siyaasad ayaan ka midoobeynaa in la yiraahdaa lama billaabi karo, waqtigeedana ma ahan, dalkaan markii uu dego oo dowlad uu yeesho oo dowladdiisu dowlad deggan oo adag ay noqoto markaasi waa dooddeeda iyo ra’yigeeda waa la furi karaa…maanta waxaan qabaa wada xaajoodkeeda lama bilaabi karo iska daa waan midoobeynaa iyo Hal madaxweynaan yeelaneynaa, xaggaan ka dhaceynaa..mana furno albaabkaasi maanta, laakiin midda dhaqaalaha ah iyo masaaliixda in laga wadahadlo wadahadalkeeda waa la bilaabi karaa” ayuu yiri Xasan Sheekh. Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretria ayaa gaadhay heshiis Saddex geesood ah, kaasi oo u badan iskaashi. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Siciid Warsame oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu maanta warbaahinta u sheegay in shirkada gacanta ku haysa maamulka Dekada Berbera ay dekada ku aastey Sun ay ka soo qaadey , taas oo uu sheegay in xukuumadu aaney warba ka heynin, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Warbaahinta BBC Sports ayaa diyaarisay warbixin qiimo badan oo si dhab ah u taabanaysa nolosha shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, taariikhdeeda illaa Midowgii Somaliya, xornimadii ay lasoo noqotay, sida aanay dunida uga helin caawimo caalami ah, caqabadaha hor yaalla iyo heerka ay ka marayso ciyaaraha. Warbixintu waxay sheegtay in Somaliland oo aan haysanin aqoonsi ay la dhibaatoonayso duruufo nololeed oo sababay in 11-kii carruur ahba uu mid ka mid ah u geeriyoodo duruufta adag ee jirta, isla markaana dadku noolaadaan qiyaastii 50 sannadood, balse ay dhinaca kale jiraan horumar iftiimaya oo ay ka samaysay amniga iyo maal-gashiga caalamiga ah. Halkan hoose ka akhriso warbixintan “Xulka Qaranka Dalka Aan La Ictiraafin Ee Somaliland Ma Sahlana Dhismihiisu” – Warbixin Qiiro Leh Oo BBC Sports Ka Diyaarisay Nolosha, Ciyaaraha Iyo Taariikhda Somaliland Source
-
Somali youth are on the frontline of promoting recovery in the strife-torn Horn of African nation after pursuing higher education in foreign countries, including China. Hundreds of Somali youth have undergone university education in China either through scholarships or through self-sponsorship in recent years. These graduates are now forming the background of the country’s key sectors such as education, health, and engineering among others. Adan Abdulkadir is a surgeon based in Bay Regional Hospital in southwestern Somalia. He studied in China and decided to bring his skills home at a time the country was undergoing an acute famine in 2012. “I started my study in medicine in 2007 in China and after completing with a Bachelor’s degree, I returned to Somalia in 2012. The country was undergoing a severe famine,” Abdulkadir told Xinhua on Monday. He took up assignment at Banadir hospital in the city. “There were so many children suffering from diarrhea and so my main work was to treat these children,” said Abdulkadir. According to the United Nations, the famine in Somalia which started in 2011 claimed about 260,000 lives. “I moved to Bay region in southwestern Somalia and started working in the biggest hospital there – Bay Regional Hospital,” said Abdulkadir, adding that he is now in charge of the surgery department. Abdulkadir has been able to transfer his skills and knowledge to several of his colleagues both in Mogadishu and Bay region. He is not alone in the cause. Amin Mohamud earned his Master’s degree in medicine from China in 2017. “I started my undergraduate studies at Wuhan University and thereafter proceeded for masters at Central South University. I came back to the country and teamed up with friends we studied together in China to establish a hospital to serve our people,” Mohamud told Xinhua. He said he received quality education in China which has enabled him offer professional services to his clients, adding that he appreciated the support he got during his studies. “The people in China are very friendly and we got all the support we needed,” said Mohamud. Mohamed Deeq shares similar experiences with his colleagues. He too studied at Wuhan University. He is an internal disease doctor (internist) in Mogadishu. “I finished both my Bachelor’s and Master’s degree at Wuhan University in China,” said Mohamed. “When you get the chance to study in China, you are lucky. They teach using high-end technology and that has helped me a lot as internal disease doctor at Digfer Hospital.” He revealed that plans were afoot to set up a voluntary program with colleagues who studied in China that will focus on raising awareness and sensitization on disease spread and prevention. Recovering from two decades of civil war which destroyed infrastructure and social institutions, Somalia is tapping on skills from its citizens who fled the country and got the chance to study abroad. Chinese embassy in Mogadishu flagged off 42 Somali students drawn from all regions in September to study in China through a Chinese government funded scholarship scheme. The number was double that of 2015 which saw 20 students benefit from the scholarship. The return of these students to their homeland after completion of their studies in China is expected to bridge a yawning skills gap. Source: Xinhua
-
The U.S. military says it has carried out an airstrike in central Somalia targeting al-Shabab that killed seven extremists. The U.S. Africa Command statement says Tuesday’s airstrike occurred in Quy Cad in the Mudug region. The strike was carried out a day after two other U.S. airstrikes killed 37 extremists with the al-Qaida-linked al-Shabab. Like the previous statement, this one says it believes no civilians were killed or injured. The U.S. has carried out 33 airstrikes this year against al-Shabab, the deadliest Islamic extremist group in Africa. The military says the airstrikes are aimed at reducing al-Shabab’s ability to plan attacks, disrupting its leadership networks and limiting its freedom of movement in the Horn of Africa nation. Al-Shabab often targets the capital, Mogadishu, and other cities with deadly bombings. Source: AP
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah arday dhawaan waxbarasho ahaan loogu qaaday dalka Ethiopia ayaa ku sugan xaalad ka duwan tii ay ku taamayeen markii laga qaaday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ardaydan ayaa qeylo dhaan ka muujiyay habkii loola dhaqmay markii laga dajiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa. Ardaydaan oo qaarkood Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in looga kala dhuuntay garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa, halkaasi oo loo geeyay deeq waxbarasho inay ka faa’ideystaan. Mid kamid ah ardayda ayaa sheegay in markii looga kala dhuuntay garoonka diyaaradaha ay garan waayaan goob ay u dhaqaaqaan, iyadoo ciidamada amaanka ee garoonka jooga ay si xun ula dhaqmeen. Ardaydaan ayaa dhawaan ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana sagootiyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Ardayda deeqaha waxbarasho ka helo dalalka Yemen, Ethiopia, Sudan, Masar iyo dalalka kale ee Africa ayaa siyaabooyin kala duwan loola dhaqmaa, waxaana la ogeyn sida xaalkooda uu ku dambeyn doono ardaydaan. Ma jiro wax jawaab ah oo madaxda wasaaradda waxbarashada ay ka bixiyeen cabashada kasoo yeertay ardaydii ugu dambeysay ee loo qaaday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Gunmen kidnapped an Italian volunteer and wounded a woman and four children in Kenya late on Tuesday, police and witnesses said – the first abduction of a foreigner there since raids blamed on Somali Islamist militants six years ago. Men armed with AK-47 rifles seized the 23-year-old woman from a guesthouse in Chakama, near Kenya’s southeast coast, witnesses said. Officers said they had not identified the attackers – and no group immediately claimed responsibility. Two witnesses told Reuters they heard the gunmen speaking Somali. “There were three attackers and they targeted the Italian lady,” said Chad Joshua Kazungu by phone. The woman – who police said was volunteering for the small the small Italian charity Africa Milele – was seized after she came out of her room to find out what was going on, a third unnamed witness told Kenyan TV channel KTN News. “Their aim was to get money but they took off with her to the river,” he said. The attackers opened fire as they left, wounding a woman and four children, he added. A 10-year-old child was shot in the eye and a 12-year-old was hit in the thigh, police said. TOURISM Chakama in Kenya’s Kilifi region is 60 km (40 miles) inland from the bustling coastal tourist resort of Malindi. A series of abductions further north up the coast in 2011 and 2012 – and other attacks by al Qaeda-linked Al Shabaab militants from neighboring Somalia – caused a sharp decline in tourism numbers and revenue. But local tour operators said they thought Tuesday’s attack would only have a limited impact on the vital tourism industry. “The European market might have a small shake-up, but Malindi is 500 km from Nairobi so I don’t expect the safari industry to be affected,” said Robert Katithi, sales director from Go Kenya Tours and Safaris. Gunmen grabbed a wheelchair-bound Frenchwoman from her home on the northern island of Manda in 2011 weeks after attackers killed a British man and kidnapping his wife from another resort island. Armed men kidnapped four aid workers and killed a driver at Kenya’s Dadaab refugee camp near the border with Somalia in 2012. The Italian foreign ministry said on Wednesday it was aware of the reports of the abduction and was looking into the situation. There was no immediate comment from the charity Africa Milele which, according to its website, was founded in 2011 by an Italian couple after they honeymooned in Africa. Suspected Shabaab militants have killed Kenyan soldiers in a series of recent attacks further north in Lamu County, which borders Somalia. Chakama is nearly 300 km southwest of the Kenya-Somalia border. Source: Reuters
-
ISMA DOORIN GAALKAAN DIRIYO DAARTA KII GALAYE!. Somaliland ahaan waxa aynu la soo noqoney xoriyadeenii 27 sanadood horteed, laakiin waxa aad la yaabeysaa markaad eegto hab dhaqanka madaxda somaaliland.Mar mar ayaan is idhaahdaa malaha maydaan xoroobiin ee weli halgankii waa dhiman yahay,Tusaale ahaan kolkaad eegto sida ay eexdu ku jirto ee ay ummada ugu garsoorayaan amba ay u dhaqmayaan, waxaan daawaday booqashadii uu madaxweynuhu ku tagay burco kolkaas ayaan idhi malaha maaha madaxwenihii somaaliland oo booqanaya magaalo ka mid ah dalkii uu madaxweynaha ka ahaa ee waa magaalo ay daganyihiin dad u cadow ah oo laga ilaalinayo,ma aha in aan diidanahay in la ilaaliyo madaxweyne laakiin tii shalay waxa ay ahayd ceeb u soo hoyatay dadka somaliland waayo waxa ay muujisay in aanu madaxweynuhu ku qabin kalsooni shacabkiisa, waxaan dub u daawaday cajalado hore oo uu muse ku tagay burco oo kala ahaa mar uu wasiir ahaa iyo mar uu ahaa musharax xisbi waxaa isku mid ahaaday markuu ahaa wasiirka iyo markuu ahaa madax weynaha waayo labadaba waxaad ka arkeysaa in ay ku jirto cabsi badan iyo feejignaan aad u badan oo kalsooni aanay ka muuqan,waxaa aad arkeysaa kolkii uu ahaa musharaxa xisbiga uu magaalada soo wada maray oo kheyriyada kala hadlay dadweynaha laakiin shalay xarunta gobolka dad xoogaa ah loogu diyaariyay, taasina waa guul daro weyn oo kala kulmay burco.Shaqsi ahaan waxaan soo xasuustay gabay Allaah ha u naxariisttee uu tiriyey abwaan qaasim oo ahaa isma doorin galkaan diriyo daarta kii galay eh, waayo waxaan xasuustay nidaamkii siyaad marka ay booqdaan gobolada ay u arkaan in dadku aanay ku farxayn booqashada in ay siddii shalay oo kale ay isaga ilaalin jireen dadka ay aaminsanaayeen inay soo doorteen. ABDI ABDI madoobe2@hotmail.com Qaran News
-
Dhuusamareeb (Sh.M.Network) – Xilldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, garabka Dhuusamareeb, ayaa meel-mariyay Golle wasiiro cusub oo soo dhisay Madaxwayne Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Fadhiga ay mudanayaasha yeesheen maanta oo Arbaco ah ayay cod wada ogol ah ku anisixiyeen wasiiradda, kuwaasi oo uu horgeeyay madaxa xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka maamulka Galmudug, Xareed Cali Xareed, oo natiijadda coddeynta ku dhawaaqay ayaa tilmaamay in 127 sharci-dejiye ay codkooda siisay Gollaha Wasiiradda. Wasiiradda oo ka kooban 27 ayaa meel-marintooda waxay imaanaysaa xili dowlad goboleedkaan uu ukala qaybsan yahay labo garab oo ku kala sugan xarunta Galgaduud iyo magaalada Cadaado. The post Xilldhibaano ku ansixiyay Dhuusamareeb wasiiro cusub appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jigjiga (Sh.M.Network) – Garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga waxaa maanta ka degay ciidamo ka tirsan Jabhadda ONLF, kuwaasi oo kasoo kicitamay xarunta Eritrea ee Asmara, halkaasi oo ay muddo u ahayd xarun. Talaabadani ayaa waxay ka dambeysay markii isbedal wayn uu ka dhacay degaanka Soomaalida ee hoostaga dowladda Federaalka Itoobiya, oo sanadihii udambeeyay ay ka dhacayeen tacadiyo kala duwan. Xubnaha dib ugu laabtay xarunta dowlad degaanka Soomaalida oo dareenkooda ka hadlay ayaa muujiyay farxad, iyaga oo tilmaamay in isbedalka uu horseeday inay dib u arkaan eheladooda oo ay muddo moogeen. Shacab badan oo soo dhawaynta ciidamada ONLF ka qaybqaadanayay oo dhankooda dareenkooda la wadaagay warbaahinta ayaa laga dheehan karay inay uriyaaqeen isbedalka sida xowliga ah ku socda. Tan iyo markii la doortay Abiy Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya bishii April ee sanadkan 2018 waxaa siyaasadda wadankaan ku dhacay isbedal wayn oo fur-furay siyaasadda ku saleysnaa kaliya-talisnimadda. The post Ciidamo ka tirsan ONLF oo lagu soo dhaweeyay Jigjiga appeared first on Shabelle. View the full article
-
British charity Save the Children says that an estimated 85,000 children under the age of 5 may have died from extreme hunger or disease since the war in Yemen escalated more than three years ago. Through new analysis of UN data, the charity found that between April 2015 and October 2018, about 84,701 children under 5 died from untreated cases of severe acute malnutrition — or in simple terms, hunger. These grim figures, detailing the horrors of the world’s worst humanitarian crisis, come as intense fighting has again erupted in Yemen’s strategic port city of Hodeidah — a vital entry point for UN and other humanitarian aid and the center of the conflict between the US-backed Saudi-led coalition and the Iranian-aligned Houthis. The renewed violence follows progress toward ending Yemen’s war of nearly four years, a conflict that has killed at least 10,000 people and has pushed the nation to the brink of the world’s worst famine in 100 years, leaving 14 million people at risk of starvation, according to the United Nations. Since a Saudi coalition blockade of the port of Hodeidah, followed by ongoing violence and other disruptions, commercial imports of food have dropped by more than 55,000 metric tons a month, according to Save the Children. That food could meet the needs of 4.4 million people, half of whom are children. Any further decline in imports, the charity warns, could lead to famine. Tamer Kirolos, Save the Children’s country director in Yemen, said that the charity is horrified by the number of children who may have died because of hunger. “Children who die in this way suffer immensely as their vital organ functions slow down and eventually stop. Their immune systems are so weak they are more prone to infections, with some too frail to even cry,” Kirolas said. “Parents are having to witness their children wasting away, unable to do anything about it.” Save the Children says that an increase in fighting, blockades and bureaucracy in Hodeidah have forced it to bring supplies through the southern port of Aden, tripling the amount of time for that aid to reach the people who need it the most. An estimated 400,000 children are expected to suffer from severe acute malnutrition in 2018, according to the United Nations — 15,000 more than last year. CNN’s Angela Dewan contributed to this report.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa dib udhigay meel-marinta sharciga hanti dhowrka guud ee Qaranka. Kulanka oo ay soo xaadireen 141 xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 10aad ee dalka mudane Mahad Cabdalla Cawad. Xildhibaan Dr Cilmi Maxamed Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Golaha Shacabka ayaa sharaxaad ka bixiyay heerarka kala duwan ee uu soo maray hindise sharciyeedkan. Sidoo kale waxa uu ka warbixiyay muhiimada uu xeerkan leeyahay iyo sida ay guddigooda ugu soo shaqeeyeen bilihii u dambeeyay. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xeray ayaa sheegay sababta dib udhac ay tahay markii ay mudanayaasha ka baxeen kulanka xiliga coddeynta isaga oo xusay in maalinta Sabtida ah ee isbuuca dambe cod loo qaadayo hindise sharciyeedkan. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Mahad-2.mp3 The post BFS oo dib udhigay ansixinta sharciga Hantidhowrka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Koox hubeysan ayaa maanta labo qof oo shacab ah ku dilay isgooska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in koox hubeysan ay halkaasi dil ugu geysteen shaqaalle ka tirsan shirkada isgaarsiinta Hormuud ee Soomaaliya ka howlagasha. Dadka la dilay ayey Goobjoogayaasha sheegeen in ay ka tirsanaayeen mid ka mid ah Sharikadaha Isgaarsiinta ee ka howlgala Soomaaliya. Ciidamada Dowladda Federaalka ah ayaa gaaray halkii uu dilka ka dhacay,waxaana ay halkaas ka sameeyeen howgal kooban oo aan wali la sheegin cid loo soo qabtay. Dhaq dhaqaaqa dadka ayaa hakad galay muddo kooban inkasta oo markii dambe uu dib u furmay sida ay sheegeen dad ku sugan suuqa Bakaaraha. Maalmihii dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo badanaayay dilka loo geysto shaqaalaha shirkadaha ganacsiga ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaan weli gacanta kusoo dhigin dadka dilka geysanayo, sidoo kalana lama yaqaan illaa hadda sababta loo ugaarsanayo Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Agaasimihii guud ee wasaaradda Caddaaladda Somaliland, Xuseen Maxamed Maxamuud ayaa Arbacada maanta ah xilkii iska’casilay,kadib markii lagu bahdilay munaasabad xadhiga looga jarayey xabsi laga hirgeliyay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Muuqaal laga soo duubay munaasabadda xadhig-jarka xabsiga Burco oo la soo geliyay baraha bulshada, ayaa laga arkayaa taliyaha ciidamada Asluubta Somaliland Gen Maxamed Cismaan Xudhuun oo agaasimaha ku leh”shut up”(naga aamus),waxaana xilligaasi taliyuhu hor taagna madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Agaaasimaha ayaa daqiiqado kadib, shir jaraa’id oo uu qabtay ka shaaciyay, in uu iska’casilay xilkii wasaaradda,isagoo sheegay,in Somaliland mustaqbal madow ku soo wajahanyahay oo ay haadaan ka sii dhacayso,sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay in go’aanka is’casilaadda uu u qaatay, kadib markii uu arkay, in Somaliland ay burbur ku socoto,islamarkaana ay gacanta u gashay koox uu ku tilmaamay”ciil-qabayaal” oo doonaysa in ay ka aar-gudato cid kasta oo maalin wax ka sheegtay ama wax ka qortay. PUNTLAND POST The post Somaliland: Mas’uul is casilay kadib markii si xun loogu bahdilay meel fagaaraha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu uga hadlayo musuq maasuqa uu baarlamanka Soomaaliya ku eedeeyey xukuumadda Kheyre, isaga oo sheegay in markii uu warbixinta arkay uu hal mar afka gacanta saaray, madaxana qabsaday. Hoos ka aqri qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran. Inta badan dhaliishayda waxqabad ka dawlada uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo waxay ku aadanayd hawlaha siyaasada iyo amniga. Waxaan is lahaa oo ay warbaahinta naga raariday in ay ku roonyihiin hawlaha maamulka iyo maaliyada, laakiin markii aan aqriyey warbixinta Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda waxaan hal mar afka gacanta saaray, madaxana qabsaday anigoo bisinka boobaya. Guddiga oo baaritaan ku sameeyey dakhligii dawladda u soo xarooday bishii Jannaayo ilaa Bishii Agooato ee 2018 ayaa sheegay in $20m (labaatan milyan oo doolar) oo ka mid ah lacagtii Sacuudiga ugu deeqay Soomaaliya sanadkii 2017 aysan ka muuqan miisaaniyada dawladda ee 2017/18. Guddigu wuxuu kaloo sheegay in sharciga hareer marsan loo isticmaalay $3m (sedex milyan oo doolar) oo ahayd xuquuq gaar ah oo ay mushaar ahaaan u lahaayeen ciidan, shaqaale iyo xildhibaannadii Baarlamaankii 9-aad. Wuxuu kaloo guddigu caddeeyey in $1.5m (hal milyan iyo bar doolar ah) oo ka mid lacagihii loo qoondeeyey isticmaalka xaaladaha deg degga ah sida fatahaadaha, abaaraha, cudurrada dillaaca iyo kharashaad leh muhiimad qaran loo isticmaalay safaro dibedda ah, sahay safar, xaflado, dayn bixin shakhsi ah, dayactir, kiro guri, martigelin iyo kharashaad Hotel. Dhinaca kale maamul xumo maaliyadeed oo baahsan ayuu Guddigu ku eedeeyey maamulka Gobalka Banaadir oo ay soo gashay lacag gaaraysa $ 16.5m ( lix iyo toban milyan oo doolar). Khasnajiga dowladda hoose ayuu Guddigu sheegay in uu si shakhsi ah bangiga dhexe kaga soo bixiyey lacag dhan $5,972,0852.82, iyadoo aysan caddayn sida loo isticmaalay. Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay ayuu guddigu sheegay in aan canshuur laga qaadin, laakiin taa beddelkeeda laga qaaday lacago lagu shubay akoonka khaaska ah ee Wasaaradda Maaliyadda. Haddaba waxaa ayaan darro ah, in la baacsado dhallinyaro shaqaale hoose ah, iyada uu musuqmaasuqii degan yahay qalbiga hay’adaha xukuumada, madaxdii sare ee dalkana hormuud ka yihiin. Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa Baarlamaanka in aysan ansixinta miisaaniyadda inta laga helayo Xisaab Xir sax ah. Hanti dhorka Guud iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka haddii ay yihiin hay’ado madax bannaan, damiir leh, dalkana daacad u ah waa in ay tillaab cad ka qaadaan musuqa intaa la eg.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dabley hubeysan ee suuqa Bakaaraha gaar ahaan dhinaca lagu iibiyo khudaarta ee xigta dhanka degmada Hodan waxay ku dishay labo ruux, sida ay idaacadda Shabelle u sheegeen Goobjoogayaal. Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in labada qof ee la khaarijiyay ay sii galayeen Masaajid halkaasi ku yaala xili la tilmaamay inay kamid ahaayeen shaqaalaha mid kamid ah shirkadaha Is-gaarsiinta ee dalka, oo ay waqtigaasi kasoo baxeen. Laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo falka kadib soo gaarey meesha ay wax ka dhaceen ayaa sameeyay howlgal baaris ah, inkasta oo aanan la ogayn hadii ay cid kusoo qabtaan, iyaga oo goobta ka qaaday meydadka. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Hodan iyo hay’addaha nabad-gelyadda ee dowladda Soomaaliya. Maalmihii udambeeyay Muqdisho waxaa ka dhacayay falalka noocaan ah xili laamaha amaanka ay sheegayaan inay ku howlan yihiin sidii ay usugi lahaayeen nabad-gelyadda magaalo madaxda dalka. The post Rag hubeysan oo 2 qof ku toogtay suuqa Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article