-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha Shirkadda Telesom oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guddoomiyaha shirkadda Telesom Md. Cabdikariin Maxamed Iid ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey madaarka caalamiga ah ee CIGAAL ee magaaladda Hargeysa, guddoomiyaha ayaa ka soo laabtay munaasibad lagu abaal-mariyey inuu noqday Hogaamiyaha ugu wanaagsan Isgaadhsiinta Afrika ee Abaal-marinta AFRICACOM 2018 .Guddoomiyaha waxaa madaarka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan golayaasha qaranka Somaliland ee Wakiiladda, Guurtidda, Culimo-awdiin, madax-dhaqameed, hogaamiyaasha xisbiyada qaranka Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, maayarka magaaladda Hargeysa, xubno ka mid ah saamilayda iyo shaqaalaha shirkadda, ganacsato kala duwan iyo marti-sharaf kala oo tiro badan. Masuuliyiinta ka soo qayb-galayaashii soo dhawaynta Guddoomiye Cabdikariin Maxamed Iid oo ka hadashay shir jaraa’id ka dhacay madaarka Cigaal ayaa guddoomiyaha Telesom ugu hambalyeeyey guusha Somaliland iyo Shirkadda Telesom uga soo hooyatay hogaanka dhinaca isgaadhsiinta ee Afrika. Guddoomiyaha shirkadda Telesom Md. Cabdikariin ayaa isna dhankiisa waxaa uu u mahadnaqay dhamaan shacabka Somaliland, shaqaalaha shirkadda iyo cid kasta oo ka qayb-qaadatay guushiisa. Halkan ka daawo warkan: https://youtu.be/awtZ7AHmKRc Qaran News
-
Sida ay shaaciyeen gudigii uu Aqalka Sare u xil saaray xalinta khilaafkii u dhexeeyey dowladda Federal-ka ah iyo dowlad goboleedyada, waxaa la dhammeeyey khilaafkii u dhexeeyey labada dhinac. Inkastoo labada dhinac aysan weli war kasoo saarin. Arrinta ayaa ku soo aadeysa xilli ku dhawaad sanad uu muran weyn u dhexeeyey dolwadda dhexe iyo maamulada oo xataa gaaray in uu meesha ka boxo wada shaqeyntii u dhexeeysay. Maamulada waxa ay sameysteen gole iskaashi iyo guddoomiye metala, hase ahaatee waxaa ka baxay laba ka mid ah kuwii sameeyey golaha sida Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Shariif Xassan oo ay dowladda ka taqalustay. Sida uu warbaahinta la wadaagay Fareelo oo ah Senator loona igmaday In uu hoggaamiyo gudigii Aqalka ee u kala dabqaadayey labada dhinac, maamulada waxa ay si guud oo cabasho ah u soo gudbeen sideed qodob halka mid walba gaar kuwo isaga u gooni ah soo bandhigay oo ay ka tabanayaan dowladda dhexe. Hase ahaatee, dhammaan qodobada ay soo bandhigeen, marka si qotodheer loo qiimeeyo, waxaa soo baxeysa in maamulada aysan la gole imaan wax lagu qanco ilaa ay ka gaadhay ‘Wax aad sheegto ha waayin”, oo ay is-dhiibeen. Aan is dul taagno qodobadii ugu diciifsanaa ee ay la gole yimaadeen maamulada 1 – Ka howlgelidda dhismaha ciidama qaranka iyo sugidda amniga. Haddii aad qodobkan is dul taagto waxaa ku soo baxaya in maamulada aysan ahayn kuwo waaqici ah ama xushmeynaya garaadka bulshada Soomaaliyeed, waayo, waxaa marag ma doonta ah in xukumadda hadda jirta tahay tii ugu horreeysay oo ahmiyadda kowaad siisa dib u dhisidda ciidamada qalabka sida, sirdoonka iyo Booliska. Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhisay gudiga Amniga Qaranka oo ay qeyb ka yihiin Maamul Gobolleedyada, guddigaas waxaa la’isla meel dhigay qodobo badan oo wax ku ool Qaranka u ahaa, hase ahaatee, khilaafkii ay dhaliyeen Maamulada ayaa hakad galiyey. Ma ahayn qodob mudnaa in ay la horyimaadaan bulshada Soomaaliyeed! Waxaa sidoo kale xusid mudan, in mucaaradka, gaar ahaan xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah kuwa u durbaan tumayey Maamulada uu dowladda Farmaajo ku eedeeyey in ay xoogga saartay dhisidda ciidamada taasna tahay tusaale kalitalisnimo! Ogow, waa markii ugu horreeysay 27 sano kaddib oo ay ciidamada mushaar toos ah qaataan. 2 – Ka heshiinta qaabka doorashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha axsaabta. Lagama heshiin nidaamka doorasho!? Waa qodob mudan in lagu qoslo! maxaa laga heshiiyey kulankii ugu dambeeyey ee ay dowladda iyo dowlad gobolleedyada ku yeesheen Baydhabo? Miyaan laga heshiin In 2021 nooca doorasho ay noqoto MID XIRAN (Proportional representation)? Haddii aan la’isku waafaqinse, maxay shirkii Baydhabo loogu xusi waayey in aan lagu heshiin ama ay bulshada ugu sheegi waayeen? Dhammaan su’aalahaas waxa ay jawaab uga baahin yihiin hoggaamiyeyaasha hadda ku haray maamulada ee ka tirsanaa Golihii Iskaashiga Maamulada! 3 – Faragelin la’aanta doorashooyinka maamullada iyo kuwa dowladda dhexe Halkee ayey dowladda farogelineysaa? Djibouti, Kenya mise Uganda? Dowladda Federal-ka ah iyada ayaa u leh awood dastuuri ah in ay korjoogteyn ku sameyso dhaq dhaqaaqyada maamulada hoos yimaada marka laga soo tago afarta waaxood ee ay iyada kaliga ku tahay. Dabcan, dareenka iyo rabitaanka shacabka, dowladda dhexe kama hor imaan karto laakiin waa haddii ay ku qanacsan yihiin! Shariif Xassan, Madoobe iyo Gaas midna shacabkiisu marabaan mana ah kuwo lagu kalsoonaan karo in ay ridaan doorasho daahfuran! Waa waajib saaran dowladda in ay farogaliso si loo adkeeyo xasilloonida dalka oo dhan. Dhammaan qodobada kale marka aad si dheer u qiimeyso waxaad ogaaneysaa in hoggaamyeyaasha hadda ku haray maamulada u muuqdaan kuwo taagnaa “Mar Yaa Naga Dhammeeya Khilaafka”, oo isa soo dhiibay. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudiga khayraadka qaranka, kaabayaasha dhaqaaalaha iyo gaadiidka ee Aqalka Sare ayaa maanta kulan la yeeshay Taliyaha Guud ee ciidamada cirka Soomaaliya Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali. Kulanka ayaa wuxuu ku saab-sanaa cabashooyin uu talisku usoo gudbiyay Gollaha oo ku aadan dhul uu ciidanka cirka leeyahay oo ay ka haystaan shirkado gaar loo leeyahay oo isugu jira Soomaaliya iyo Shisheeye. Marka uu soo dhamaaday shir, Senator Ilyaas Cali Xasan, oo ah gudoomiyaha Guddiga ayaa wuxuu warbaahinta la wadaagay qodobadda ay isla afgarteen Taliye Cali, iyo sida muhiim ay u tahay in loo dhaqan-geliyo. Dhinaciisa, taliyaha ciidamada cirka Soomaaliya, Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali, ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay in aysan jirin cid sii haysan karta dhulka ciidanka cirka iyo kuwa danta guud. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Soofeysane.mp3 The post Digniino loo diray shirkadaha degan dhulka ciidanka cirka DFS appeared first on Shabelle. View the full article
-
Somaliland: Muddo Kordhis iyo Dib u Dhac Waxay Noqdoon Arrimo Caadi Ah Guddiga Doorashooyinka Somaliland (NEC) iyo dhamaan xukuumadaha kala duwan ee dalka soo maray waxaad moodaa in ay ka dhigteen muddo kordhis iyo dib u dhac wax caadi ah. Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo golayaasha deggeenada ee la filayey in la qabto bisha seddexaad ee sannadka soo socda, oo laga yaabo in dib loo dhigo, waa in la qabto. NEC xilligan fadhiya oo uu saxiibkay Siciid Cali Muuse, ka yahay af-hayeen, wax alaale wax kale oo loo xil saaray ma jirto. Ma aha wasaarad, wakaalad, ha’ayad, maxkamad, iskuul, jaamacid, ciidan, ama qayb kale oo ka mid ah laamaha dawlada. Xilkoodu waxa kaliya uu yahay, waa qabanqaabinta, maamulka iyo hirgelinta doorashooyinka golaha deggaanadda, wakiilada iyo ta madaxweynaha. Wax kale oo loo diray ma jiraan. Markaa siday ku dhacdaa, maanta oo misaaniyad ahaan dalku taagan yahay Al-xamdullilah, oo la haya farsamo aan waddamada kale ee Afrika laga isticmaalin iyo ummada hiil iyo xoogba la barbar taagan, in dib loo dhigo doorashooyinka? Markuu dalku iska leetay, ee aan waxba la isla hayn, ee siduu nin berri yidhi “beerka loo jiifay”, ayaa doorashooyin la qaban jiray. Madaxweynihii hore, Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo”, siddeetan (80) cod, ayuu ku qancay! Khali Wali! Haddii guddiga NEC ee maanta fadhiya ay doorashooyinka laba sannadood ka hor lagu heeshay in la qabto, ay qaban kari waayaan, dee ha iska rawaxaan. Somaliland ma weydo khuburo hawshaa qaban kara. Muddo kordhis iyo dib u dhac, waa wax la iska caadiyaystay Somaliland. “Waar muddo ii kordhi”. “Waar dib iigu dhig”. Waxaad maanta qaban kartid maanta, maxaad berri ugu dhigan? Waddamada hore u maray waxay badaanaa ku sheegaan dalalka soo koraya, musuq-maasuq iyo wahsi, “corruption & idleness”. Weynu ka xanaaqnaa “stereotype” kaas oo kale. Run ahaantiina Somaliland waxay soo qabsatay 30kii sannadood ee ina soo dhaafay, cid gaadhasaa way iska yar tahay. Lakiin, waxaad moodaa in maanta dadka dalku xilka u dhiibtay wakhtigan xaadirka ah in ay noqdeen dad wahsi badan oo kursi jacayl hayo. Musuq-maasuqa iyo wahsigu waa waxyaabaha dal iyo dadba burburiya. Madaxweyne Muuse Biixi haddii uu yidhi “handaraab” baan ku qabanayaa maaliyada dawladda “public spending” anigu waxaan odhan lahaa “quful ku xidh”, asxaabtan NEC iyo Golaha Wakiiladana ka soo hurguf meesha. Allaa Mahad Leh Axmed Kheyre Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-271118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray hadalkii maanta kasoo baxay xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ee ahaa in la dhameeyay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda iyo dowlad goboleedyada dalka. Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaanni, ayaa isaga oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan hadalka kasoo baxay Aqalka sare, balse taa macnaheeda uusan aheyn in Khilaafka la dhameeyay. Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in la xaliyay qeybaha ugu horeeya ee tabashooyinka dowlad goboleedyada, balse ay wali harsan yihiin waxyaabo badan iyadoo dowladda laga doonayo dhaqan gelinta qoraalka kasoo baxay aqalka sare. Sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan qodobo kale oo aqalka sare aysan kusoo darin siddeeda qodob ee loo baahan yahay in xal laga gaaro, waxaana uu sheegay inay yihiin kuwa maqan qoraalka. Ugu dambeyn Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegay in Jubbaland ay sugeyso jawaabta dowladda Soomaaliya iyo fulinta qodobada kasoo baxay golaha Baarlamaanka ee Aqalka sare. Galmudug iyo Puntland ayaa ah maamulada kaliya ee harsan ee la doonayo inay ka jawaabaan hadalka kasoo baxay golaha aqalka sare oo wakiil ka ah dowlad goboleedyada dalka. Halkan ka dhageyso codka Xirsi Jaamac https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Codka-Wasiiru-Dowlaha-Madaxtooyada-Jubbaland.mp3 Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
African Utility Week gets seal of approval from U.S. Department of Commerce for greater American presence at the event Mother City to welcome back 10 000+ energy and water professionals The 19th edition of the multi-award-winning African Utility Week conference and exhibition in Cape Town has obtained official U.S. Trade Fair Certification from the U.S. Department of Commerce, paving the way for a greater American participation at the event in Cape Town from 14-16 May next year. Along with the recently acquired, co-located event POWERGEN Africa, the event gathers the largest group of power, energy and water professionals in the African market. “We are delighted to announce that U.S. Trade Certification has been granted, with the United States officially endorsing the event. We are looking forward to working with the U.S. Commercial Service over the next few months to facilitate U.S. participation at the event” says Edgar Baron, International Sales and Business Development Manager for Spintelligent, the organisers of African Utility Week. He adds: “U.S. exhibitors will be able to connect with 10 000+ attendees from over 80 countries over the 3-day exhibition and conference and generate leads and qualified business enquiries showcasing their innovative solutions and build partnerships at the leading power, energy and water expo in Africa.” The U.S. Commercial Service/ITA team will be providing export assistance to U.S. exhibitors. B2B matchmaking meetings with utilities, energy providers and Government officials will be available to U.S. exhibitors. Apart from the official U.S. country pavilion at African Utility Week and POWERGEN Africa showcasing specialised technology and services for the utility, metering, renewable and water industries, country pavilions from Germany, India, Denmark, France and Canada have already confirmed their presence at the 3-day event in May 2019 at the CTICC in Cape Town. At least four more country pavilions are expected on the exhibition floor. Industry support A multi-award-winning conference and exhibition, African Utility Week and POWERGEN Africa has already secured early support from industry stalwarts including Conlog, Dromex, Landis+Gyr, Sumitomo and Utility Systems as platinum sponsors and Aberdare and Sulzer as gold sponsors. Along with multiple side events and numerous networking functions the event also boasts a five track conference with over 300 expert speakers, focusing on industry disciplines such as: thermal generation, water, renewables, revenue cycle management and metering, transmission and distribution as well as project finance and investment. The African Utility Week and POWERGEN Africa expo offers an extensive Knowledge Hub programme that is CPD accredited, free to attend, and offers hands-on presentations that take place in defined spaces on the exhibition floor. They discuss practical, day-to-day technical topics, best practices and product solutions that businesses, large power users and utilities can implement in their daily operations. African Utility Week and the co-located POWERGEN Africa is the flagship energy event organised by Spintelligent, a multi-award-winning Cape Town-based exhibition and conference producer across the continent in the energy, infrastructure, mining, real estate and agriculture sectors. Other well-known events by Spintelligent include Future Energy East Africa, Future Energy Nigeria, the Utility CEO Forums, Agritech Expo Zambia, Nigeria Mining Week and DRC Mining Week. Spintelligent is part of the UK-based Clarion Events Group and African Utility Week and POWERGEN Africa form part of Clarion Energy, which runs over 40 events that cover the oil, gas, power and energy sectors, making it one of Clarion Events’ largest portfolios. Dates for African Utility Week and POWERGEN Africa: Conference and expo: 14-16 May 2019 Site visits: 17 May 2019 Location: CTICC, Cape Town, South Africa Website: http://www.african-utility-week.com Twitter: https://twitter.com/AfricaUtilities #AUW2019 Linkedin: African Utility Week Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay lacagtii dowladda Sacuudiga ugu deeqday Soomaaliya. Wasiir Beyle wuxuu sheegay in lacagtaasi ay aheyd mid dowladda Sacuudiga ugu deeqday Sacuudiga, isaga oo amaanay in lacagtaasi lagu aamino dalka oo toos loogu soo shubay Bangiga dhexe ee dalka. Wasiirka ayaa sheegay in lacagtaasi bil walbaa ay kasoo bixin jireen inta ay u baahdaan inay ku kabaan mushaaraadka shaqaalaha dowladda, oo aysan jirin cid si gaar ah lacagta kaga baxsaneysay Bangiga dhexe ee dalka. Kalsooniyadda maaliyadeed ee ay sameeyeen xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay inay keentay in midowga Yurub dhankooda ay ku deeqeen 100 milyan oo lagu kabayo miisaaniyadda dowladda. Lacagta hartay ayuu sheegay inay gaareyso 15 milyan oo doolar ayna adeegsan doonaan marka ay u baahdaan sida uu hadalka u dhigay wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya. “Markii ugu horeysay Sacuudi Carabiga oo aan warbixin la siin jirin, ayaan warbixin ka siinay sidaan lacagta u adeegsanay, waxaan u dirnay labaatanka kun sidaan u adeegsanay, 15 Kun ee harayna waan u sheegnay”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda. Wasiirka maaliyadda ayaa dhinaca kale sheegay inaysan jirin dhaqaalo qaab aan la ogeyn looga bixiyo qasnadda dowladda Soomaaliya, waxaa kale oo uu beeniyay in xasaradaha siyaasadeed lagu bixiyo dhaqaalaha dowladda si loo xaliyo. Wasiirka maaliyadda ayaa sidoo kale sheegay in bil walbaa uu bixiyo warbixin la xiriirta dhaqaalaha wasaaradda maaliyadda soo galay iyo sida loo adeegsaday, halkaasna laga ogaan karo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee wasaaradda. Dhageyso wareysi uu Beyle siiyey VOA https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Beyle.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha gobolka Nugaal,Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) ayaa ku wargeliyay musharrixiinta xilka madaxweynaha ee imaanaya guud ahaan gobolka Nugaal in ay laba maalmood ka hor imaatinkooda sii ogaysiiyan maamulka. Mudane Gu’jir ayaa Sidoo musharrixiinta u sheegay in aysan qabsan karin shirar iyo xaflado aysan ka war-qabin guddiga amniga gobolka Nugaal. Tallaabadan ayaa loo qaaday sida guddoomiyuhu sheegay sugidda amniga musharrixiinta iyo guud ahaan amniga gobolka. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo amarro duldhigay musharrixiinta appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya ayaa waqti u qabatay Hay’adaha wali ku shaqeeya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasi oo ka shaqeeya arrimaha Soomaaliya. Xoghayaha Joogtada ee wasaaradda Qorsheynta C/qaadir Aadan Maxamed ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha dalka gudahiisa loogu soo celinayo Hay’addaha fadhigoogu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kana shaqeeyan arimaha Soomaaliya. Xoghayaha ayaa sheegay in Hay’addaha la doonayo inay usoo guuraan magaalada Muqdisho inay yihiin kuwa aan dowliga aheyn oo xorriyad u heysta inay magaalada ka dagaan magaalada halka ay doonaan, sida uu sheegay. Xoghayaha ayaa isaga oo ka jawaabayay Hay’addaha Sheega in amaanka Muqdisho uusan wanaagsan, ayaa cadeeyay in hay’adahasi qaarkood ay Xarumo ku leeyihiin Dalalka Ciraaq, Syria, Afgaanistaan iyo Libya oo uu sheegay inay amaan ahaan ka hooseeyaan Muqdisho. Hay’addo badan ayaa hadda xarumo ku leh xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana hay’adaha kale uu sheegay in looga baahan yahay inay yimaadaan magaalada Muqdisho ayna ku shaqeeyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The reference to a “poisoned chalice” was most notably used in Act I, Scene VII of Shakespeare’s Macbeth, when Macbeth is contemplating the consequences of murdering King Duncan. Macbeth broods as follows: “…that we but teach bloody instructions, which, being taught, return to plague the inventor:this even-handed justice commends the ingredients of our poison’d chalice to our own lips.”With respect to the usage of the phrase herein,while the “inventor” of the “bloody instructions” or “poison’d chalice” is the previous Kulmiye government of President Silanyo, the real victims of imbibing the said chalice are the people of Somaliland which had voted the said government into power and are left to suffer the consequences of its actions. As we approachthis first anniversary of Muse Bihi’s assumption of the Presidency of Somaliland, we must ask what the future has in store for the country. It is an undeniable fact that the previous administration has passed on to its successor a poisoned chalice regarding the almost uniformly negative legacy they have bequeathed with respect to both the domestic and foreign consequences its policies. The government of Muse Bihi has succeeded the most corrupt, most cynical and most divisive government in the short modern history of Somaliland. Accordingly, the vast majority of the people were happy that a new leadership assumed power on 13 December 2017 in the expectation that there would a major change in the outlook for the country, not to mention a complete overhaul of domestic politics from division and tribalism towards unity and reconciliation which have been the country’s ethos and the foundation of its national success in an increasingly fractured and restive region. This expectation was occasioned, in large part, because of perceived differences between the new President and his predecessor despite the fact that they were both Kulmiye Party stalwarts and candidates. Firstly, Muse is perceived as a staunch nationalist who is irrevocably committed to Somaliland’s independence; whereas his predecessor’s commitment to this cause was called into question by his own public statements during the 2010 presidential campaign, not to mention his pro-federalist positions during the SNM struggle. Secondly, Muse was not directly implicated in the blatant and naked corruption of the Silanyo government whereby the senior members of the regime enriched themselves through the exercise of their official powers, so the new President assumed office with the perception of ‘clean hands’. Thirdly, Muse was known as a strong leader willing to take hard decisions and unwilling to suffer fools; whereas his predecessor had been ill for much of his term and was indeed largely absent from day-to-day management of national affairs which had become delegated, perforce, to a ‘kitchen cabinet’ of family members and senior governmentofficials. The components of this poisoned chalice can be summarised as follows: Ø With respect to foreign policy, the previous government severely compromised the country’s strong independence stance by entering into a pointless and counter-productive policy of dialogue with the successive, illegitimate and unrepresentative so-called governments in Mogadishu. By conferring some level of legitimacy upon these rogue, foreign sponsored regimes in Mogadishu under the aegis of the so-called dialogue, the Silanyo government hadcommenced the process to subjugate Somaliland’s quest for recognition to the whims of the reigning regimein Mogadishu. Ø In addition, the Silanyo government deliberately sabotaged the campaign for international recognition by abandoning it as the focus of its foreign policy. Instead, foreign policy was focused upon maximising foreign aid receipts and the marketing of national assets for the enrichment of government officials and their acolytes. When this effort required the subordination of the country’s national interest to the dictates of the Mogadishu ‘government’ of the day, this was accepted. Thus, for example, Somaliland students wishing to apply for the foreign scholarships extended by donor countries had to travel to Mogadishu in order to do so; while Somaliland Haj pilgrims had to travel to the holy sites as part of the Somalia delegation since no serious effort to secure Saudi agreement to a Somaliland delegation was made or even contemplated. Ø The assault of the Silanyo administration upon Somaliland’s independence stance are also evident in the deliberate downgrading of the creditable achievements of the Egal and Rayalle governments in securing key supporters for the country throughout Africa, e.g. Ethiopia, Kenya, Ghana, South Africa and Senegal. Instead, countries with an avowed hostility to Somaliland’s quest for recognition, such as Turkey, were actively wooed and their overt attempts to compel Somaliland’s acquiescence to Mogadishu’s sovereignty accommodated, and even quietly encouraged. Ø With respect to national security and domestic unity, the alienation of the majority population in the Sool&Sanag regions through the naked, tribal and divisive support of the President’s clan in land & pasturage disputes with other resident communities in these regions has resulted in exacerbating divisive feelings in these key border areas. The overt tribalistic tendencies of the Silanyo government, evidenced by the loud trumpeting of its tribal “Cheegaan” alliance by its Isaaqstalwarts and supporters, have lead to the splintering of the unity and national ethos that it had inherited from the two previous administrations. Ø With respect to economic policy and financial strategy, the Silanyogovernment effectively abandoned any effort at developing and enacting any policy at all. It left economic and financial affairs to the whims and dictates of itsmajor donors and supporters in the business community, thereby abrogating its statutory responsibilities. Indeed, the only significant action the previous government took with respect to the economy was to impose sales taxes and increase customs duty which hurt the small traders as well as impose income taxes which hurt public sector employees. The Silanyo government also failed to take advantage of the lifting of the livestock ban by the Arab Gulf states to implement procedures and regulations to both modernise and streamline the sector to prevent future bans and also to bring it within the control of local authorities and local stakeholders, i.e. pastoralists, merchants and exporters. Instead, the entire livestock sector was delivered into the hands of a few foreign, principally Saudi, merchants which have a key interest in keeping the local players weak, divided and disorganised. Thus, Muse Bihi has inherited a toxic brew of (an arguably treasonous) subjugation to Mogadishu; regional & international isolation and subservience to foreign donors and investors externally; a worsened security situation in the eastern regions and increased fragmentation and social frictions domestically with a negative economic environment characterised by high inflation and rapidly depreciating currency. This is the poisoned chalice that the current Kulmiye government has inherited from its predecessor.It is a mammoth task to overcome the major wounds inflicted upon the country by the previous government and it will require a sustained national effort to effect the changes required; nevertheless, this is what the situation requires and what the people of Somaliland expect from their new government. This mission will require skill, tenacity, patience and true patriotism from Muse Bihi and his team. The new President’s patriotism and patience are not in question and he must assemble a team with the requisite skills, tenacity and public spirit to work with him to bring the country back on track. The single greatest asset the new administration has is in the patience and political maturity of its people which have consistently chosen to protect their hard won peace and independence in the face of all provocations by internal and external forces seeking to subvert their wishes. Muse and his government must proven themselves equal to the task facing them and thus worthy of the support they have secured at the ballot box. It is most disturbing that Muse Bihi and his government have not undertaken any significant initiatives, domestically or externally, to address and reverse the disastrous policy outcomes listed above. One calendar year is more than sufficient to at least commence the process of mitigating and overcoming the obstacles to the country’s continued progress, yet there has been no concerted effort to design, espouse and implement such a strategy. This lack of a coherent and effective strategy to address the nation’s negative position, externally and domestically, has not gone unnoticed by the public as well as by Somaliland’s enemies. This is demonstrated by the increasing groundswell of frustration domestically as many voices are being raised imploring the government to take corrective steps, as well as by the growing assertiveness of the Mogadishu regime in confronting Somaliland militarily as well as diplomatically at every turn. Muse Bihi and his government must take this matter to heart and treat it as the national security issue that it is since nothing less than the independence, not to mention the very existence, of Somaliland is at stake. Ahmed M.I. Egal November 2018 Qaran News
-
Muuse Biixi Cabdi ayaynu aragnaa inta badan khudbadihiisa ama hadaladiisa isaga oo ku soo qaadanaya Soomaaliya. Marba meel ayuu hadalka ka soo geliyaa, mar wuu dhalliilaa, mar wuu u hanjabaa, marna siyaasaddooda ayuu ka hadlaa oo dhex dabaashaa. Muddadii uu xilka hayay Muuse khaladaadka siyaasaddeed ee uu dhex dabaalanaayo ayay arrintani kow ka tahay. Mararka qaar waxaan idhaahdaa; tallow madaxweynuhu ma wuxuu ka hadlo ayuu wayay? Hase yeeshee waxa ii soo baxda in uu u hamuun qabo in uu la hadlo Soomaaliya. Madaxwayneyaashii Muuse ka horeeyay ee Somaliland soo maray dhaqanka noocan ah may lahayn, intaan ka war hayo. Waxaan garanayaa in ay maalin la hadli jireen oo ay si miisaaman oo macno leh ay ula hadli jireen, kadibna hadalkaasi saameyn iyo isbedel yeelan jireen. Inta kalena ay dadnta dalkooda iyo dadkooda ka hadli jireen. Soomaaliya oo uu Muuse Biixi la hadlo maalin walba oo uu fagaare iyo warbaahintaba marka uu soo hor istaago ma soo jawaabaan. Sababtu ma cadda hase yeeshee waxay u dhowdahay uun in hadal micno ah oo ay ka soo jawaabaan aanu u muuqan iyaga. Ma diidani in madaxwaynuhu Soomaaliya la hadlo oo wixii laga tabanaayo u sheego isaga oo metalaya shacabkiisa, bal se waxaan diidanahay qaabkan uu wax u waddo. Saacad walba, iyo maalin walba haddii aad Soomaaliya u jawaabto ood ka hadasho waad xikmad guuri oo xattaa shacabku hadhow dan iyo muraad toona kama yeelan doonan marka ay maqlaan; Muuse Biixi ayaa Soomaaliya la hadlay ama farriin u diray – Soomaaliya qudheedu haddaad la hadasho iyo haddii kaleba micno u sameyn mayso. Xisaabta ku darso mudane madaxweyne; la hadalka badan ee dawladda Soomaaliya mararka qaar dawakhaad laga qaadi doonno. Waxaaba laga yaabaa in uu madaxwaynaha ujeedadiisu tahay in uu kasbado taageerada shacabka Somaliland ama ugu yaraan in uu hadalkaasi sababo isku soo dhowaansho dhanka shacbiga ah laakiin madaxwaynuhu ma dhaadin in ka hadalkani dhaawac ku yeelanayo shakhsiyaddiisa oo hadalkiisuba wax ka soo qaad yeelan waayo. Tusaale; maanta ayaad tidhi ma oggolin wada-hadal na dhex mara. Beri ayaa beesha caalamku caddaadis kugu saari doontaa in aad aqbasho wada-hadal ay idin dhexdhexaadin doonnaan. Markaa madaxweyne mar labaad miyaad odhan diyaar ayaanu u nahay wada-hadal anagga iyo Soomaaliya na dhex mara? Si taas la mid ah madaxwaynuhu waxa uu colaadda Tukaraq iyo xiisadda Puntland ugu soo cel-celiyaan si joogto ah oo aad mooddo in mar walba ay wax ka soo cusboonaadeen. Isagoo xittaa mararka qaar u jawaabay afhayeenka Cabdiwali Gaas. Mudane madaxwayne kaarka ku hayaa kululaa. Tukaraq maanta gacanta Somaliland ayay ku jirtaa Puntland ood xoog iyo xiinyaba kaga qaaday sidaad uga hadlayso ugama hadlaan ee halkee ayay wax ka khaldan yihiin. Hoggaamiyuhu in uu dagaal ka hadlo inta ugu badan iyo in uu horumar ka hadlo iyada lafteedu waa qiimayn ay diblomaasiyaddu akhrido oo muujinaysa garaadka hoggaamiyaha iyo waxa uu xiiseeyo. Marka ay sidaas tahay miyaanay madaxwayne kula qumanayn in aad mar ama laba goor si waafiya oo xaqiiq ah intood ula hadasho aad ka aamusto Soomaaliya. Taasi waxay keenaysaa in xattaa lagu dhageysto, dadku ay xiiseeyaan hadalkaga. Caalamka qudhiisu markaad maalin walba aad Soomaaliya la hadasho waxay kuu arkayaan uun nin aan macnaha diblumaasiyadda iyo siyaasadda wax badan ka garanaynin. Mudane madaxwayne horaa loo yidhi; nin hadlay nin aamusaa ka badiyay, maanta waad la hadashay ku dhawaad 20 jeer kuuma soo jawaabaan oo way kaa aamuseen! Ha micno guurin madaxwayne. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa goor dhow Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda ku dilay Carwadii hore Taleex degmada Hodan ee g/Banaadir. Marxuumka la dilay aya lagu magacaabi jiray C/maalik Sheekh Maxamed, waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Raggii ka dambeeyay dilka Askarigaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen dilka kadib. Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaan ka wada halkaasi. Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada ka dhanka ah Ciidamada Ciidamada dowladda ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho. The post Askari ka tirsanaa Ciidanka DFS Oo lagu dilay Hodan appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho guddiga difaaca Golaha Shacabka ee BFS, Wasiirka Gaashaandhigga, wasiir ku xigeenka Maaliyadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa looga hadlay sharciga Xaqsiinta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Sharcigan ayaa waxaa dib u habeyn ku sameeyay guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya, si ay dhammaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed u helaan xuquuqda ay ku leeyihiin dalka, marka ay noqdaan howlgab. Ugu horreyn waxaa kulanka ka hadlay wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Cali (Amar Dambe) oo sheegay in sharcigan uu muhiim u yahay dhismaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Dhankiisa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda C/laahi Sheekh Cali (Qaloocow) ayaa carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in muhiimad gaar ahkoowaad la siiyo CiidankaXoogga Dalka, si loogu garab istaago howlaha ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed. Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Xukuumadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in dhaqaale weliba oo ku baxayo Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn xoghayaha guddiga difaaca Golaha Shacabka Sadiiq Warfaa oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa sheegay in loo baahan yahay in labada Aqal ee BFS ay meel mariyan Sharcigan, si loo helo Ciidamo tayo leh oo ay yeelato Soomaaliya. The post Guddiga difaaca BFS Oo kulan ku qabtay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha shirkadda isgaadhsiinta Telesom Cabdikariin Maxamed Iid ayaa waxaa maanta madaarka diyaaradaha ee Hargeysa loogu sameeyey soo dhaweyn ballaadhan. Guddoomiyaha Telesom ayaa dib ugu soo laabtey safar uu dhawaan ku tagay dalka South Africa halkaas oo lagu soo guddoonsiiyey abaal marin caalami ah oo uu ku guulleystay. Guddoomiyaha waxaa madaarka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan golleyaasha qaranka Somaliland ee Wakiiladda, Guurtidda, Culimo-awdiin, madax-dhaqameed, hoggaamiyaasha xisbiyada qaranka Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, maayarka magaaladda Hargeysa, xubno ka mid ah saamilayda iyo shaqaalaha shirkadda, ganacsato kala duwan iyo marti-sharaf kala oo tiro badan. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Doorashada madaxtinnimada dowlad goboleedka koonfur galbeed oo dhaceysa 5-ta bisha soo socota, waxaa isugu soo haray 6 murashax oo kala ah: Xuseen Cusmaan Xuseen, Cabdi Casis Xasan Maxamed(Lafta-Green), Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur, Ibraahim Macalin Nuur, Ambassador Sayid Axmed iyo Aadan Saran Soor. Xildhibaannada koonfur galbeed tiro ahaan waa 149, 6-dan murashax waxaa ay raadinayaan kalsoonida xildhibaannadaas, waxaana kala xulashada qeyb ka noqon-doonta ajendaha mid weliba uu wato iyo taageerada uu ka heysto gobolka. Haddaba, waxaan idiin soo gudbineynaa taariikhda raggaas iyo qof walba inta laga yaqaanno: 1. Xuseen Cusmaan Xuseen: Ajendihiisa iyo sababta uu u tarmayo weli kama hadlin, laakin waaxaa uu ahaa taliye iyo wasiir aad ugu dhow xukuumadda Federaalka ah. Waxaa khibraddiisa shaqo ka mid ahaa: Taliyaha NISA(2018), wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka(2017-2018), Xildhibaan golaha shacabka ah(2004-2016), wasiir ku-xigeenka wasaaradda beeraha(2006-2007), wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga(2004). 2. Cabdi Casis Xasan Maxamed(Lafta-Green), Waxaa lagu tiriyaa murashaxa xukuumadda federaalka ah, isaga oo iska casilay jago muhiim ah. Cabdi Caziz Lafta-gareen, waxaa uu bartay culuum kala duwan sida culuumta siyaasadda ee jaamacadda ONEIDA oo Mareykanka ah iyo shahaadooyin kale oo ku saabsan maamulka, maareynta iyo dib uheshiiisiinta. Waxaa xubin ka ahaa baarlamaankii 8aad iyo midkan 10aad, 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu noqday: Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, wasiiru dowle ka noqday wasaaradda ganacsiga, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga, wasiiru dowlaha warfaafinta isaga oo dowladihii KMG ahaa ka noqday sida dowladii Sheekh Sharif wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka dekadaha iyo dowladii Cabdulahi Yusuf uu ahaa wasiirka dekadaha, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka maaliyadda. 3. Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur: Sheekh Roobow Abuu Mansuur, waxaa uu reer Baydhabo u sheegay in ajendihiisa ugu weyn uu yahay amniga iyo inuu gobolkaas ka saari-doono Al-shabaab. Sheekh Mukhtaar, waxaa uu ka baxay xarakada Al-shabaab, dowladda federaalkana isku dhiibay August 2018-kii, xilligaas waxaa uu ahaa guddoomiye ku xigeenka xarakada Al-shabaab, waxaa uu ku jiraa aasaasayaashii Xarakada. Inta aan loo magacaabin Guddoomiye ku-xigeenka Xarakada Al-shabaab, waxaa uu muddo ahaa afhayeenka Al-shabaab, dalka Mareykanka ayaa bishii June 6, 2012-kii ku daray liis la dul dhigay lacag, iyaga oo madaxiisa dul dhigay $5 Milyan. Tillaabada Mareykanka kadib, Abuu Mansuur Roobow oo ka hadlayey masjid uu salaadda jincaha ku tukaday oo ku yaalo Buur-hakaba waxaa uu sheegay in aanu iska qari doonin Mareyaknaka, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Aw Mareykanka aniga waxaa jooga Buurhakaba, Masaajidka ayaa salaadii jimcaha ku dukaday, jimcihii hore waxaa ku dukaday Tiyeeglow”. Bilowgii Xarakada, Mukhtaar waxaa la sheegaa in Xudur iyo gobollo badan oo Koonfurta Soomaaliya ah uu ka sameeyay xerooyin dadka lagu tababaro, waxaa kale uu isaga ka mid ahaa koox tababar ku soo qaadatay dalka Afgaanistaan. Mukhtaar Robow waxaa ay isku dhaceen madaxii Al-shabaab Axmed Godane taasi oo keentay in lagu weeraro guri uu ka deganaa degmada Baraawe kadibna uu u baxsaday gobollada Bay iyo Bakool. 3dii sano ee ugu dambeysay, inta aanu isku soo dhiibin dowladda, waxaa hayey maleeshiyaad beeshiisa ah, waxaana sidoo kale muuqata in uu wada hadal la galay maamulka Koonfur Galbeed iyo dalka Mareykanka, tilaabadan looga laabtay lacagta la dul dhigay waxaa ay soo dedeji kartaa in uu dowladda federaalka ah isku dhiibo. 4. Ibraahim Macalin Nuur: Ma aha shakhsi siyaasadda lagu yaqaan, waa Sama fale, waxaa uu wax uu dhisay Isbitaalka Bay-how ee magaalada Baydhabo, hadda waa murashax u tartamaya madaxtinnimada koonfur galbeed. 5. Ambassador Sayid Axmed: Muddo dheer ayuu safiir ahaa, waxaa uu soo noqday safiirka Soomaaliya u fadhiyey dalalka Tanzania iyo Uganda, iyo xildhibaan golaha shacabka ah, hadda waa murashax u tartamaya madaxtinnimada koonfur galbeed. 6. Aadan Saran Soor: Waxaa uu ka mud ahaa hoggaamiye kooxeedyadii hore, khibraddiisa shaqo waxaa ka mid ahaa: Xildhibaan(2010), wasiirka ganacsiga iyo warshadaha (2015), kooxdii ARS( 2007-2009), wuxuu aad u diidanaa dowladdii Cabdullahi Yusuf, oo marar badan isku dhaceen Aaden Madoobe, dhismaha dowladda Cabdullahi Yusuf ka hor wuxuu ka mid ahaa guddiga fulinta ee jbahaddii RRA. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
(SLT-Addis Ababa)-Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya maanta ka furmay shir ay leeyihiin mucaaradka iyo xukuumadda, waxaana looga hadlaya arrimaha ku saabsan doorashada 2020-ka ee dalkaasi ka dhici doonto. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo kulanka soo qabanqaabiyay ayaa sheegay in kulanka ay uga hadlayaan sidii doorashada caddaalad ah, xor iyo nabad ah u dhici lahayd. Shirka oo hadda socda waxaa la filayaa inay kasoo saaraan qodobada doorashada oo wax ku ool ah oo ay isku afgartaan mucaaradka iyo dowladda Itoobiya. Kulanka waxaa ka qeyb galaya ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo hoggaamiyeyaal mucaaradka ka socda. Abiy Axmed ayaa madaxda mucaaradka kala hadlaya sidii loo sii xoojin lahaa isbadallada horumarineed ee dalkaasi ka socda. Source