-
Content Count
215,327 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dadweynaha Soomaaliyeed ee Qaadanaya Boosaboorka Soomaaliga ah ayaa waxaa wali heysta xayiraad dhinaca helidda Baasaboorka ah. Dadweynaha horay u dalbaday Baasaboorka ayaa muddo laba bilood ku dhow waxaa ay la’yihiin Baasabooraddii dalbadeen. Qaarkood oo maanta Magaalada Muqdisho kula hadlay dalka ayaa sheegay in maalin waliba la ballamiyo haddana aan loo sheegin sababta uu hakadka ugu jiro baasaboorka lacagaha looga qaatay. Dadka ka cabanaya Baasaboor la’aanta ayaa sheegaya in ay Bukaanno uga jiraan Ibsitaallada una rabaan Isbitaallo dibadda ah,kuna adag tahay in ay helaan Baasaboorkooda. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo uu u xayiranyahay Baasaboorka, waxaana ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online ay sheegeen in uu jiro muran u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo sharikadda sameysa Baasaboorka Soomaaliya. Xogta ay heshay Caasimada Online waxaa ay sheegeysaa in Dowladda Soomaaliya ay go’aansatay in ay ka wareegto sharikadda sameysa Baasaboorrada, sharikaddana ay lacag ku leedahay dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Baarlamaanka Hindiya ayaa talaaladadii ogolaaday sharci dhalasho ama jinsiyad lagu siinayo dadka laga tirada badan yahay ee ku nool dalkaasi. Dadkaasi jinsiyadda la siinayo waxaa ku jira dad aaminsan Hinduus, Christian iyo Siikh, kuwaas oo ka yimid dalalka Bangladesh, Pakistaan iyo Afgaanistaan, laakin waxaa laga reebay kuwa diintoodu tahay Islaamka. Dad arrintan dhaliilsan waxaa ay sheegeen in ra’isul wasaare Narendra Modi uu iska gadayo codbixiyeyaasha ka hor doorashada May. Ilaa shalay waxaa socdo dibad-baxyo arrintaasi looga soo horjeedo, waxaana muuqato in loo arko takoor iyo mid laga leeyahay ujeedo gaar ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Deputy Prime Minister of the Federal Government of Somalia, Mahdi Mohamed Guled has jetted out of the country on an official trip to Jordan on Wednesday. The deputy PM is expected to attend a conference by the Arab league members in the capital of Jordan, Amman to discuss climate and environmental change. Mahdi Guled said his presence at the climate conference is very significant to Somalia since the country is one of the league members heavily impacted by the influence of climate change including recurring droughts and famines that have been experienced in the horn of the African nation in recent years. The forum will be also be attended by the leading international organisations dealing with the climate, and environmental changes will discuss how the Arab league members can cooperate to curb the challenges that arose as a result of human impact on nature. The post Deputy PM leaves for Jordan on official visit appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wasiir hore oo Israeli ah oo qirtay in uu basaas u ahaa dowladda Iran+Xukun lagu riday Wasiir hore oo ka tirsanaan jiray Israa’iil ayaa qirtay inuu basaas u ahaa Iiraan, Gonen Segev oo ahaan jiray wasiirkii tamarta Israa’iil badhtamihii sagaashamaadkii ayaa lagu wadaa in lagu rido xukun 11 sanno oo xadhig ah. Gonen Segev ayaa lagu eedeeyay in xog ku saabsan suuqyada tamarta, saldhigyada ammaanka Israa’iil iyo xog ku saabsan saraakiisha sirddoonka uu u gudbin jiray dalka Iiraan. Dacwad oogayaasha Israa’iil waxay sheegen in arrintani uu ku tallaabsaday markii Segev uu ku sugna dalka Nigeria tan iyo sannadkii 2012-kii ilaa sannadkii lasoo dhaafay. Gonen Segev ayaa xabsiga la dhigay isagoo la sheegay inuu jaajuus u ahaa Iiraan Qaran News
-
Ex-Wasiir Yuusuf Garaad oo sheegay hal arrin oo warqadii kasoo baxday Deni ay muujisay Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ammaanay warqaddii shalay kasoo baxday madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ee uu ku joojiyey in wax kharash ah ay ka baxsaan qasnadda dowladda Puntland. Yuusuf Garaad ayaa sheegay in tallaabadaas ay muujineyso in Deni yahay nin qorshe lahaa ka hor inta aanu xilka ku guuleysan, oo uusan kaliya ka fakarin inuu guuleysto. Yuusuf Garaad ayaa yiri “Marka doorasho lagu dhawaaqo, murashixiinta qaar waxa ay ka fekeraan sidii ay doorashada ugu guuleysan lahaayeen oo keliya. Kharash iyo dadaal aad u fara badan ayay geliyaan. Marka la doorto ka dib ayay is weydiiyaan wixii ay qaban lahaayeen!” “Warqadda maanta ku asteysan ee Kharash – Joojinta Puntland haddii ay sax tahay, waxaa cad in Siciid Dani aanuu keliya ku mashquulin ololaha doorashada ee uu hore uga fekeray waxa uu qaban doono doorashada ka dib iyo halka uu ka billaabayo.” Go’aankan ayaa u muuqda mid uu Deni kaga hortagayo in wax is-daba marin ay dhacdo ama lacag laga lunsado qasnadda dowladda, inta lagu guda jiro xilliga kala wareegga labada maamul. Qaran News
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/laahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha amniga ee maamulkaasi. Kulanka oo ahaa mid deg deg ah ayaa waxaa looga hadlay xoojinta ammaanka deegaanada maamulkaasi. Madaxweyne Deni ayaa ku booriyay saraakiisha amniga adkeynta nabadgalyada iyo sidoo kale in ay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin shacabka Puntland. Waa kulankii ugu horreeyay oo uu Madaxweynuhu la qaato saraakiisha amniga, tan iyo shalay markii lagu doortay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. The post Madaxweyne Deni Oo la kulmay saraakiisha amniga Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Furitaanka tababarkan iyo aqoon isweydaarsigan oo ku saabsan tubaha loo dhanyahay oo loo qabtay shaqaalaha iyo maamulka wasaradda Dekdeha iyo Gaadiidka badda XFS waxaa goob joog ka ahaa xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha,wasiir kuxigeenka wasaaradda,agaasimaha guud iyo mas’uuliyiin kale. Mudada uu socdo oo 4 maalmood ah waxaa diiradda lagu saari doonaa Tubaha horumarinta dhaqaalaha,siyaasadda loo dhanyahay,ariimaha bulshada amniga iyo cadaaladda,waxaana aagaasimaha guud ee wasaraadda dekedaha iyo Gaadiidka badda uu sheegay in wasaarddu ay wado qorshayaal ay kamidka yihiin dhismahah xaruntii wasaraadda iyo sare u qaadista aqoonta shaqaalaha. “Si wasaaradda ay cageheeda ugu istaagto waxaan xooga saaranay horumarinta howlaha horyaal sida dhismaha xaruntii wasaaradda,hada waxaa ay mareysaa meel dhamaad ah,waxaa jira shaqaale kooban oo dowladii dhexe soo joogay oo kooban,balse waxaan ku qasbanaanay in aad waxbarasho u dirno dhalinyarada cusub si sare loogu qaado aqoontooda,waxaana dirnay dhalinyaro badan”. Ayuu yiri agaasime Dhagaxtuur. Maxamed Nuur Maxamed Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska R/wasaaraha XFS ayaa ka sheekeeyay ahmiyadda laga leeyahay tubahani loo dhanyahay. “Tubaha loo dhanyahay waxkale ma ahan waa Soomaali is xilqaantay oo garatay wadadii ay ku socotay una diyaar garowday dhibaatooyinka wadadaasi ay leedahay in ay u bareerto,intii karaan ah,awood iyo caqli iyo dadnimoba la isugu geeyo si loo soo celiyo sumcaddii sharafkii iyo karaamadii dalka.” Mudane Cismaan Cabdi (Daalo) wasiir kuxigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS ayaa ku booriyay shaqaalaha wasaraadda in ay ka faaidaystaan tababarkan. “Sanadkii 2018 waxyaabihii ay gudbisay wasaaraddu oo loogu talagalay waa ay qabatay, sanadkan 2019 maxaa horyaala wasaaradda Dekedaha,tababarkan waxaad ka faaidaysaan waxaad arkaysaan wixii aan soo qabanay 2018 si daahfuran, si 2019kan ay uga timaado maskaxdiin”. Ayuu yiri Wasiir Daalo. The post XFS Oo ku howlan horumarinta tubaha loo dhanyahay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ku xigeenka ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Raisedon Senenga ayaa hambalyo u diray madaxweyanha cusub ee Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Kaaraash ,kuwaasi oo ku guuleystay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. Sidoo kale Amabasdor Senanga ayaa bogaadiyay guddiga doorashooyinka Puntland, kuwaasi oo uu sheegay in ay suura galiyeen in doorashadu ay u qabsoonto qaab daahfuran oo nabdoon, islamarkaana ah xor iyo xalaal. Ku xigeenka Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonan madaxda cusub ee maamulkaasi. Mr Senenga ayaa sidoo kale amaan u jeediyay madaxweynahii hore ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, waxaana uu xusay in guddiga doorashooyinku usuura galiyay in qabtaan hanaankii doorashooyinka ee guuleystay. Shalay ayey aheyd markii Madaxweyanaha cusub ee Puntland loo doortay Saciid Deni, halka ku xigeenka maamulkaasina loo doortay Axmed Karaash. The post QM Oo hambalyo u dirtay madaxda cusub Ee Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 09 January 2019 qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ku soo dhoweeyey Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Kaaraash. Kulanka uu laqaatay Madaxweynihii hore ee Puntland Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland ayaa waxaa ku wehelinaayey Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey masuuliyiin ka tirsan gelyaasha dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shalay 08 January 2019 ku guulaystey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ee shanta sano ee soo socota, ummadda Soomaaliyeed, shacabka reer Puntland, beesha caalamka iyo dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa qiray in Puntland ay ka dhacday doorasho xor iyo xalaala oo taarikhdu ay xusidoonto. Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kusoo dhoweeyey Madaxweynaha cusub iyo masuuliyiinta wehelinayseyba qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe, waxaana ay wadayeesheen kulan gaara oo ay kaga wadahadleen arrimo muhiim u ah dowladda Puntland iyo shacabkeeda. Ugu danbeyntii, Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa masuuliyiinta dowladda Puntland iyo shacabka Puntland kula dardaarmay inay ilaaashadaan sharaftooda karaamadooda, dowladdooda iyo wada jirkoodaba, kana wada shaqeeyaan kobcinta horumarka Puntland maanta ka jira. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Wakiilka gaarka ah ee urur goboleedka IGAD u qaabbilsan Soomaaliya, Dr, Maxamed Cali Guuyo, ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Maxamed Deni ee shalay la doortay. Wuxuu sidoo kale u hambalyeeyay dhammaan tartamaashii xilka madaxtinimo ee Puntland, isagoo madaxweynaha cusub kula dardaarmay in uu la yimmaaddo hufnaan iyo maamul wanaag,islamarkaana uu la shaqeeyo Dowladda Federaalka iyo maamullada Dalka ka dhisan. Dhinaca kale qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya(UNSOM) ayaa hambalyo iyo bogaadin loogu diray hoggaanka cusub ee dowladda Puntland,waxaana ay sheegeen in ay si dhow ula shaqeyn doonaan madaxda cusub. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo u hambalyeeysay madaxda cusub ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya loogu geystay gudaha M/ Muqdisho. Dilkan oo ka dhacay isgoyska Ex Koontarool Afgooye , gaar ahaan qeybta xigta degmada ayaa waxaa loo geystay laba Askari oo ka tirsanaa Ciidanka milatariga Soomaaliya. Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay fuliyeen weerarkaasi, islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay dilka Askartaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in Dagaalyahanno ka tirsan kuwooda ay fuliyeen weerarkaasi, kadibna ay si nabad galyo ah uga baxsadeen goobtaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa beegsada saraakiisha iyo askarta Ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho. The post Dabley hubeysan Oo askar ku dishay M/ Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha cusub ee Dawlada Puntland Dr Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta booqday qasriga madaxtooyada ee magaalada Garowe isaga oo halkaas kula kulmay madaxweynaha xilka ka degaaya Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Madaxweynaha la doortay ee Puntland(Saciid Deni) iyo Madaxweynaha talllada ka degaaya(Cabdiwali Gaas) Madaxweyne Deni waxaa qasriga madaxtooyada kusoo dhaweeyey hawldeenada madaxtooyada iyo qaar kamida masuuliyiinta xilka kasii degaaya oo kamid yahay madaxweyne Gaas. booqashada Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa kusoo aadaysa xili ay xukuumadii hore diyaarinayso sidii ay xilka ugu wareejin lahayd Dawlada cusub ee talada la wareegtey. Doorashadii Puntland ayaa muujisay bisaylka iyo ilbaxnimada umadda Puntland, waxaana doorashadan amaanay dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo Dawlado caalami ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha cusub ee Puntland oo booqday qasriga madaxtooyadda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta u dhoofay dalka Jordan oo uu uga qayb galayo shir ay leeyihiin madaxda wadamada Carabta oo looga hadlayo Is-bedelka Cimillada adduunka iyo deegaanka. Shirkaan oo diiradda lagu saarayo hanaanka wadamada Carabtu isaga iskaashanayaan hagaajinta deegaanka iyo arrimaha la xariira is-bedelka cimilada aduunyada ayaa waxaa sidoo kale ka qayb gelaya hey’adaha caalamka ee ka shaqeeya deegaanka iyo is-bedelka cimilada aduunyada. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay Soomaaliya oo kamid ah dalalka dhibaatada badan ku qaba xaalufinta iyo jaridda dhirta iyo waxyaabaha kale ee laga dhaxlo ee ay kamidka yihiin fatahaadda iyo abaaraha. The post R/wasaare Ku-xigeenka XFS Oo u dhoofay Dalka Jordan appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-090119.mp3 The post Dhageyso:-Warka DuhurEe Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
The Officer-in-Charge of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) and Deputy Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, Raisedon Zenenga, congratulates Mr. Said Abdullahi Deni and Mr. Ahmed Elmi Karash on their election as President and Vice-President of Puntland, respectively, in yesterday’s balloting in the Federal Member State’s Assembly. The Officer-in-Charge also congratulates Puntland’s electoral commission for organising and conducting a transparent, peaceful, free and fair electoral process. “We look forward to working closely with the administration of President Deni in Puntland,” said Mr. Zenenga. “We also commend outgoing President Abdiweli Mohamed Ali ‘Gaas’ and his administration for overseeing a peaceful transfer of power and for establishing conditions that enabled the electoral commission to conduct a successful electoral process.” The post UN congratulates the president-elect of Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in koronto la’aan ay ka jirto degmadaasi 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Maamulka degmada Balcad ayaa la sheegay in ammar uu ku bixiyey in la damiyo korontada oo dhan, kadib markii ay isku dhaceen maamulka shirkaddii adeeggaasi siin jirtay degmada. Ilo lagu kasloon yahay ayaa u sheegay Goobjoog News, in shirkaddan ay lacag awgeed korontada uga jaratay hoyga guddoomiyaha degmada Balcad, isaguna uu ammar ku bixiyey in shirkadda dhan la damiyo. Koronto la’aantan ayaa saameyn weyn ku yeelatay guud ahaan degmada, si gaar ahna xarumaha caafimaadka iyo ganacsiga. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WARKA-KORONTO-LA-AAN-KA-JIRTA-DEGMADA-BALCAD.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
