-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddiga difaaca BFS Oo soo xiray kulan lagu qabtay Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta la soo gabagabeeyay shir u dhexeeyay guddiga difaaca Golaha Shacabka, wasaasaradaha Gaashaandhigga iyo Maaliyadda oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday gudaha magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa waxa sidoo kale ka qeyb galay saraakiil Ciidan, Arday ka socotay Jaamacadaha dalka iyo qeybaha kala duwan ee Ururada bulshada rayidka ah. Waxaana uu intii uu socday shirkani looga dooday arrimo ku aadan Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Xoogga Dalka marka ay noqday Howlgab. Qaar ka mid ah Ardaydii ka qeyb gashay shirkan oo laga talagalinyay Sharciga Xaqsiinta Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay aragtidooda. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise guddoomiyaha guddiga difaaca Golaha Shacabka ee BFS oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in lagu dhiira galiyo, laguna garab istaago Ciidamada ammaanka sugida nabad galyada guud ahaan dalka. Sidoo kale guddoomiyaha guddiga difaaca Golaha Shacabka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa xusay in Sharciga Xaqsiinta Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed uu dhiira galinayo in dhalinyarada Soomaaliyeed Gabdho iyo Wiilal ay qortaan Ciidanka, maadaama uu qeexayo sharcigan dhammaan xaquuqaha ay leeyihiin Ciidamadu marka ay noqdaan howlgab. Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidanka Soomaaliyeed ayaa hor yaalla Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu muhiim u yahay meel marintiisa Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed oo haatan wajahaya marxalado adag. The post Guddiga difaaca BFS Oo soo xiray kulan lagu qabtay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article -
Suspected US fighter jets have carried out an overnight airstrike against Al-Shabaab stronghold in central Somalia, residents said on Wednesday. The air raid took place near the coastal town of Harardhere, a main Al-Shabaab bastion in the central region of Mudug, which has been the scene of US airstrikes in the past few weeks. It’s not clear the exact number of casualties as result of the aerial bombardment targeting Al-Shabaab base and local authorities are yet to comment on the incident. There was no immediate confirmation which country belongs to the warplanes conducted the strike. US military killed dozens of militants in the latest airstrikes in the region, according to US Africa Command, which oversees the counter-terrorism operations in the continent. The post A new airstrike reported in central Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan guddiga maaliyadda baarlamanka Soomaaliya ee la sheegay in maanta la kala diray, ayaa Caasimada Online u sheegay inay diideen yabooh lacageed oo xukuumadda ay u sameyeysay. Ilaa saddex xubnood oo ka mid ah guddiga ayaa sheegay inuu u yeeray guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad, kana codsaday inay la shaqeeyaan xukuumadda, oo ay joojiyaan eedeymaha musuq-maasuqa. Arrintan ayaa timid kadib markii guddiga uu soo saaray toddobaadkii tegay warbixin si xooggan ugu eedeysay xukuumadda Kheyre inay musuq maasuq xooggan ku kacday ayada oo lagu la’yahay lacag gaareysay 42 milyan oo dollar. “Waxaa naloo sheegay inaan lacag qaadanno, oo aan xukuumadda ka joojino eedeymaha, balse waan diidnay” ayuu yiri xubin ka mid ah guddiga oo la hadlay Caasimada Online balse codsaday inaan la magacaabin. Waxa ay sheegeen in loogu hanjabay in haddii aysan la shaqeyn xukuumadda, la kala diri doono guddiga, lana soo magacaabi doono guddi cusub, taasi oo maanta dhacday. Xubno ka mid ah guddiga oo ilaa 10 gaaraya ayaa horey ula saftay xukuumadda, kadib markii sida la sheegay ay is-fahmeen, ayada oo aan la macneyn is-fahamkaas. Xiriir aan la sameynay xafiiska Mahad Cawad, nooma suurta-gelin inaan helno si ay arrintan uga jawaabaan. Guddoonka golaha shacabka ayaa maanta sheegay in kala diray guddiga miisaaniyada, maalliyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka ee golaha ayadoo gudoonka uusoo dhisi doono gudi cusub. Warqad kasoo baxday guddoonka oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudeey ayaa lagu sheegay in kala diristan ay ka dambeysay kadib markii xubnaha guddiga ay ku xadgudbeen xeer hoosaadka baarlamanka, islamarkaana xubnaha uu khilaaf soo kala dhex-galay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The council of inter-state cooperation has welcomed has today welcomed the report on the dispute between the federal government and the federal member states. The council hailed the efforts of the upper house to get a lasting solutions for the political tensions in the country. “ Now, while considering the efforts of the upper of federal parliament to execute their constitutional duties to find and assess the cause-root of the standoff between the federal government of Somalia and federal member states, the council confidently welcomes the efforts and the stand of the senate so that the regional states get good representation” the statement reads in a part. The council said they will readily support the hardwork of upper aimed to get solutions to the looming political difference between the federal member states and the federal government of Somalia. “ The council is ready to work hand in hand with the senate on how to get solutions on the differences between the sides while considering the general interest of Somali people” The Senate has on Tuesday released its report on the disagreement between the Federal Government and the regional states calling for resolution of the differences the sides. The report which was based on fact-finding mission by Senators elected from the regional state who paid visit to the region last September categorized the concern of the state into eight major issues. Some of the grievances raised by the regional states include formation and building of national army, completion of constitutional review process, formation of constitutional court among others. The post Federal states welcome the Senate report on the ongoing political crisis appeared first on Shabelle. View the full article
-
U.S. Marine Gen. Thomas D. Waldhauser, commander of U.S. Africa Command (AFRICOM), met with senior government officials during a visit to Somalia on Nov. 27, 2018. During the visit, Waldhauser met with Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed, also known as President Farmaajo, and key Somali defense officials. “AFRICOM and the U.S. government support the Federal Government of Somalia, the people of Somalia, and the African Union and its mission to Somalia in their efforts to achieve sustained progress in governance, development and security,” said Waldhauser. AFRICOM, in close collaboration with the U.S. Mission to Somalia and the U.S. Agency for International Development, provide support to President Farmaajo and his administration across the “3 Ds”: development, diplomacy and defense. Under this strategic framework, the U.S. takes a whole-of-government approach to addressing security issues and broader challenges alongside Somalis, because the solutions in Somalia require efforts beyond just the military. “I’m proud of the strong relationship we have established with President Farmaajo and his government,” said Waldhauser. “President Farmaajo and his administration have made measurable progress and it’s clear they are dedicated to reaching the goal of a safe, stable and prosperous Somalia.” U.S. foreign policy objectives in Somalia are to promote political and economic stability, prevent the use of Somalia as a safe haven for international terrorism, and alleviate the humanitarian crisis caused by years of conflict, drought, flooding, and poor governance. The U.S. is committed to helping Somalia’s government strengthen democratic institutions, improve stability and security, and deliver services for the Somali people. For its part, AFRICOM is committed to serving as the security component of the broader political-diplomatic efforts of the U.S. Mission to Somalia, whether it is in protecting U.S. personnel and facilities, or in supporting Somali forces through train and equip, as well as advise and assist missions. “It is imperative to understand that everything we do in Somalia is at the request of the Federal Government of Somalia and part of our military support to public diplomacy efforts of the State Department,” said Waldhauser. “AFRICOM and the Department of State are working as part of a substantial international security assistance effort in support of our Somali partners.” Prior to meeting with President Farmaajo, Waldhauser met with U.S. Ambassador to Somalia Donald Yamamoto. Yamamoto is one of the highest-level U.S. ambassadors on the African continent, a symbol of the significance the U.S. places on its relationships with the people and government of Somalia. The two interagency leaders discussed the progress the Somali government has achieved in terms of improving stability, strengthening democratic institutions, and delivering results. “In the end,” said Waldhauser, “the objective is to support the Somali government as it progresses towards delivering the future that the people of Somalia deserve.” The post US Africa commander meets with Somali president appeared first on Shabelle. View the full article
-
Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo ka sameeyay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa laga sameeyay xaafado ku yaalla waqooyiga magaaladaasi. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladaasi ayaa sheegay in ujoodka baaritaanadaasi uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in howlgalladu ay sii socon doonaan, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca halkaasi. Isniintii la soo dhaafay ayey aheyd markii Al Shabaab weerar xoogan ay ku qaadeen xarun uu Wadaad caan ah uu ku lahaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. The post Howlgallo ballaaran Oo laga sameeyay M/ Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Balcad ( Sh. M. Network )-Ciidamo uu watay guddoomiyaha degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe Qaasim Cali Nuur ayaa la sheegay in maanta weerar xoogan ay ka fuliyeen duleedka degmadaasi. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa la sheegay in lagu qaaday deegaanka Geed Fiqi, iyadoona ay waxyeelo ay ka soo gaartay dad Rayid ah oo aan waxba galabsan. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/qof-Deegaanka-ah-.mp3 The post Weerar qorsheysan Oo laga fuliyay duleedka Balcad appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Dacwad ka dhan ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaasi Mahad Cabdalla Cawad u gudbiyay guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku eedeeyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka in uu ku xad gubday xeerhoosaadka Baarlamaanka Soomaalia. Sidoo kalena uu qaab qaldan u maamulay kulankii Golaha Shacabka ee Sabtidiii la soo dhaafay, sida uu hadalka u dhigay.. Ugu dmabeyn Xildhibaan Mahad Salaad oo eedan cuskaday qodobo Dastuuri ah ayaa ka dalbaday guddoonka BFS in uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaado guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Mahad Cabdalla Cawad Oo Dacwad laga gudbiyay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ayaa looga hadlay go’aankii shalay ka soo baxay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo qodobo ka soo saaray khilaafka labada dhinac. Warkan ka soo baxay golaha iskaashiga, oo uu hadda guddoomiye u yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa lagu sheegay in ay si kalsooni leh u taageerayaan dadaallada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale goluhu waxa uu sheegay in uu diyaar u yahaya in Aqalka Sare uu kala shaqeeyo sida xal loogu heli karo khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. Khilaafkan oo muddo soo jiitamayay ayaa saameyn ku yeeshay wadashaqeynta labada dhinac, inkasoo weli ay socdaan dadaallo lagu xalinayo khilaafkaasi. Halkan hoose ka Akhriso:- The post GIDG Oo soo dhaweeyay go’aankii Aqalka Sare appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guddigii Maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya oo la kala diray
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warqad ka soo baxday Goordhow guddoonka golaha Baarlamaanka Soomaaliy ayaa lagu kala diray guddigii Maaliyada Soomaaliya. Hoos Ka Aqriso Warqada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Guddigii Maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya oo la kala diray appeared first on Puntland Post. -
Qoraal ka soo baxay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayuu ku dhawaaqay in la kala diray Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka. Muudeey waxaa uu ku sababeeyey: Markii caddaatay khilaafka ka dhex jira guddoonka guddiga, oo gaaray heer fool xun. 2. Markii ay xubnaha isku khilaafeen golaha hortiisa, oo aaney muuqan wadashaqeyn ay ku guraan waajibkooda, 3. La tashtay guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad Intaasi kadib, waxaa uu soo saaray go’aankan: Waa la kala diray xubnaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka Waxaa degdeg loo magacaabaa guddi maaliyadeed oo cusub Waxaa degdeg loo qaban-doonnaa doorashada guddoon cusub ilaa hadda xubnaha guddiga kama hadlin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddiga Doorshooyinka Somaliland oo maanta warbaahinta u shaaciyey inay doorashooyinkii dalka ka dhici lahaa bilowga sanadka 2019 aaney dhaceen , ayaa su,aalihii ay warbaahintu weydiin laheyd ka cararay isla markaana warbaahinta aan ka ogolaan wax su’aalo ah, Halkan Hoose Ka DAAWO Source
-
Qardho-[Puntland Post]-Boqolaal ka mid ah Taageerayaasha Musharax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si weyn ugu soo dhaweeyey Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar, waxaana soo dhaweyntiisa ka qeybgalay isimada, Nabadoonada,Siyaasiyiinta,Ururada Haweenka,Ururada Bulshada, iyo waxgarad kala duwan. Musharaxa ayaa loogu hortagay meel ka baxsan Magaalada waxaana lagu soo galbiyey Fardo si gaar ah loogu talagalay soo dhaweynta Musharaxa. Musharax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Khudbad kooban u jeediyey Boqolaal qof oo sidoo kale isugu soo baxay Banaanka hoolka Beeyada Magaalada Qardho, waxaana dhammaan dadka soo dhaweeyey ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin Musharax Siciid Cabdullaahi Deni. Nabadoon Maxamed Aadan Cali (Xangaag) oo ka hadlay soo dhaweynta Musharax Siciid Deni ayaa Sheegay in uu ku faraxsanyahay soo dhaweynta Musharaxa, waxa uuna Sheegay in Musharax Deni yahay Shaqsi saameyn ku leh Bulshada oo aad loo yaqaano. Musharax Siciid Deni ayaa ka Mahadceliyey sida weyn ee loo soo dhaweeyey “Aad ayaa ugu faraxsanahay sida la iigu soo dhaweeyey Magaalada Qardho, Saaka halkaan waxaan si Nabadgalyo ah isku weydaaranay Madaxweynaha hadda ee Puntland, Insha’allaah Madaxtooyadana sidaas oo kale ayaan isku weydaaran doonaa si nabad ah” …….. Soo dhaweynta maanta oo aheyd mid saameyn leh ayaa waxaa cad in Musharax Siciid Deni yahay Musharaxa kaliya ee illaa iyo hadda heysta Taageerada Dhammaan Reer Puntland. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Musharax Siciid Cabdullaahi Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyey Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoonka Golaha Shacabka BFS ayaa goor dhow kala diray Guddigii Miisaaniyada, Maalliyadda,Qorsheynta iyo La Xisaabtanka ee Golahaasi. Warqad ka soo baxday Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee C/weli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa lagu kala diray Guddiga, iyadoo la soo dhisi doono Guddi cusub. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-Guddiga Maaliyadda G/ Shacabka Oo la kala diray appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-281118-sx.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka golaha shacabka ayaa kala diray guddiga miisaaniyada, maalliyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka ee golaha ayadoo gudoonka uusoo dhisi doono gudi cusub. Warqad kasoo baxday guddoonka oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudeey ayaa lagu sheegay in kala deristan ay ka dambeysay kadib markii xubnaha guddiga ay ku xadgudbeen xeer hoosaadka baarlamanka. Waxaa sidoo warqadda lagu sheegay in sababta kala dirista ay tahay yada oo xubnaha guddiga ay is-khilaafeen, iskuna hor khilaafeen guddoonka hortiisa. Warqadda Muudeey ayaa sidoo kale u muuqata in kala dirista ay tahay mid ku timid soo jeedinta guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad, oo si aad ah ugu xiran xukuumadda. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo gyddigan ay dhowaan soo saareen warbixin musuq-maasuq xooggan ku eedeysay xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, oo fadeexad ay ka raacday arrintan. Kala diristan ayaa muujineysa awoodda xukuumadda iyo sida baarlamanka u noqday meel ay xukuumadda maamusho. Hoos ka aqriso warqadda.
-
Xildhibaan Mahad Salaad, oo ah xubin ka tirsan Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka ayaa soo saaray qoraal ka dhan ah Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad isaga ku eedeeyey in Cawad uu si ula kac ah u baalmaray sharciga kulankii Golaha Shacabka ku yeeshay 24 bishaan xarunta Golaha Shacabka, wuxuuna dalbaday in tillaabo sharci ah laga qaado. Mudane Mahad Salaad waxaa uu sheegay in guddiga joogtada aanu shirin mudo afar asbuuc ah, guddoonkana uu go’aan ka gaaro ajendaha, sidaa darteedna gudoomiye ku xigeenka labaad isaga uu marooqsaday awoodii golaha shacabka taas oo meel ka dhac ku ah xeerhoosaadka Golaha Shacabka iyo waajibaadka shaqo ee gudiyadu u idmanyihiin. Xildhibaan Mahad Salaad waxaa uu difaacay qoraalka guddiga maaliyadda isaga oo sheegay qoraaladii gudiga kasoo baxay uu saxiixay gudoomiyaha gudiga, sifo sharci ahna loogu soo gudbiyay guddoonka golaha, looguna soo daray ajandaha golaha, isla markaana faqrooyinka Gudoomiye ku xigeenka labaad soo daliishaday ee ku xusan qodobkaan ee ku jirtay hadal jeedintiisii lama xariiraan arimaha maaliyadeed ee si cad sharcigu u qeexay ee waa arimo uu ka lahaa dano siyaasadeed oo ujeedadeedu ahayd in meesha looga saaro warbixintii guddiga maaliyada. Mr. Salaad waxaa uu aflagaado ku tilmaamay hadalkii wasiirrada ka jeediyeen gola shacabka “Wasiiradii uu hadalka siiyay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha waxay Golaha hortiisa ku aflagaadeen xubnaha gudiga, iyaga oo gudiga ku sifeeyay erayo anshaxxumo ah, gefna ku ah sharafta iyo xasaanada Xildhibaanada. Iyaga oo iska indho tiraya cadeymaha iyo dokumentiyada guddiga maaliyadu hayo ee cadeynaya musuqmaasuq baahsan, ku tumasho sharciyada maamulka maaliyada dalka, ku xadgudub qaraaraadkii Golaha Shacabka iyo naasnuujin ka dhex jirta hay’adaha dowlada qaarkood oo ay ugu horeyso wasaarada maaliyada sida Hantidhowrka Qaranka soo cadeeyay kuna cad warbixinta gudiga maaliyada”. Ugu dambeyntii, Xildhibaan Mahad Salaad waxaa uu dalbaday in Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad tallaabo sharci ah laga qaado, uu raalli-gelin ka bixiyo hab-dhaqankiisa, sida uu uga tuntay xeerhoosaadka Golaha Shacabka iyo siyaasadeeynta shaqooyinka la xisaabtan iyo kor-joogtayn ee Gudiyada Golaha Shacabku u xilsaaranyihiin. Source: goobjoog.com
-
Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in ay dib u dhacday doorashadii baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka oo la filayay in ay dhacdo 27-ka bisha March ee sannadka 2019ka. Gudoomiyaha guddidaasi Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay ka hor yimaadeen caqabado ay kamid yihiin Xisbiga Waddani oo kalsoonidii kala noqday, diiwaangalintii codbixiyeyaasha oo aan weli la bilaabin. Wuxuu sheegay Cabdiqaadir Iimaan Warsame in hawlaha guddida u yaallaa qaadan karaan muddo ku siman toban bilood, hase ahaatee muu sheegin wakhtiga danbe ee la qaban doono. Waa markii shanaad ee ay dib u dhacdo doorashada baarlamaanka Somaliland, iyadoo baarlamaanka Somaliland la doortay sannadkii 2005tii. Halkan ka akhriso shanta jeer ee ay dib u dhacday doorashada Baarlamaanka Somaliland; 30. 2010 — June.30. 2013 30. 2013 — Feberuary.27.2015 27.2015 — October.27. 2017 27. 2017 — March.27.2019 2019—-Lama garanayo. Source: goobjoog.com
-
Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa si kalsooni leh u soo dhoweeyay go’aankii shalay ka soo baxay guddiga Aqalka sare ee u xil-saaran xal u helidda khilaafka xukuumadda Federaalka iyo GIDG. War-muriyeed ka soo baxay Golaha islaashiga oo uu ku saxiixanyah guddoomiyaha Golaha ahna madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa lagu sheegay in ay Aqalka sare kala shaqeynayan xal u helidda khilaafka jira ee salka ku haya fulin la’aanta xukuumadda Federaalka ee wixii lagu heshiiyay,sida qoraalka loo dhigay. PUNTLAND POST The post GIDG oo soo dhoweeyay go’aankii Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxa ay War-Saxaafadeed ka soo saareen Go’aankii Guddiga Aqalka Sare ee xalinta khilaafka dowladda iyo Dowlad Goboleedyada. War kasoo baxay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda oo hadda uu Gudoomiye ka yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa si buuxda loogu taageeray dadaallada Aqalka Sare. Sidoo kale Golaha Iskaashiga ayaa qoralkooda waxa ay ku sheegeen inay diyaar u yihiin in Guddiga Aqalka Sare ka gacan siiyaan dhameystirka xalinta khilaafka dowladda iyo Dowlad goboleedyada. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo ka mid ahaa ergadii Somaliland ee ka qayb gashay shirkii Djibouti ka qabsoomay December 2014 ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu jeex-jeexay heshiis uu dalka Djibouti kula saxeexday madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo. Dr. Xuseen Bulxan oo hadal ka jeediyay kulan Hargeysa ka dhacay oo lagaga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu sheegay in Soomaaliya wakhtigaas ka cadhootay in dalka Djibouti lagu soo daro wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya si ay Djibouti u noqoto xidhaaga dhinaca heshiiska jebiya. Dr. Bulxan oo arrintaas ka hadlaayay wuxuu yidhi “Tii ahayd dawlad kale ma doonayno ayaanu aniga iyo Yuusuf (Yuusuf Garaad) ku heshiinay in Djibouti noqoto xidhaaga haddii wada hadalada Istanbul socon waayo, anaana fikrada soo dhigay markii la diiday wax kale ayaan idhi Djibouti halagu daro.” Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Dr. Bulxan yidhi “Markii aanu ula tagnay ayaa la yidhi ma doonayno Djibouti inaad soo gelisaan oo anaga iyo Djibouti ayaad isku kaayo dilaysaan. Cabdikariim (Cabdikariim Guuleed, wasiirkii daakhiliga ee Xasan Sheekh] markuu diiday ayaanu nidhi ma adigaa Cabdikariimoow Madaxweyne ah mise Xasan Sheekh, markii Xasan loo dhiibay nuqul, ayaa Cabdikariim intuu cararay ku yidhi Xasan Sheekh arrinkaas diid, Xasan Sheekh ayaa Wasiir Maxamed Biixi isna ku yidhi sidii, dabadeed Maxamed Biixi ayaa ku yidhi Xasan Sheekh madaxweyne arinkan aad leedahay ka saar ma arrinka Djibouti ayaad doonaysaa inaan ka saarno markaas ayuu arrinkii fashilmay oo uu Ismaaciil Cumar Geelana kor u soo fadhiistay waayahay ee ku daayay ayuu yidhi waanu saxeexay. Madaarkii ayuu Xasan Sheekh ku jeex jeexay heshiiskii, sidaan warar rasmi ah ku helay.” Qodobada sannadkaas 2014 ay Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen ayaa kala ahaa: 1. Dardargalinta wada hadalada iyo in loo yeelo waqti ku jaan go’an 2. Fulinta wixii lagu heshiiyay iyo in la dardar geliyo mashaariicda dib u dhiska iyo howlaha bini’aadanimo, lana siyaasadeyn. 3. Fulinta heshiiskii hawada ee labada dhinac ku heshiiyeen. 4. In Wada hadalka lagu soo daro ama laga qeyb galiyo Xeeldherayaal iyo dawlado saxiib ah. 5. Ilaalilnta xuquuda aadanaha, iskaashi labad dhinac dhex mara , in meel looga soo wada jeesto argagixisada iyo budhcad badeedka. 6. In kulanka xiga uu dhaco 26-27 Febraayo ee 2015 kana dhaco stanbul. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Komishanka Doorashooyinka looga baahan yahay inay is casilaan, madaama uu tilmaamay in Xisbiyadii Mucaaradka ahaa ay kalsoonidii kala noqdeen. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Barlamaanka sii joogayaan, ilaa iyo inta laga helayo Barlamaan iyaga bedelo, oo la soo doortay, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Sharci saxda ah waxaa weeye in ilaa inta laga helayo Barlamaan la soo doortay, oo Sharci lagu soo doortay anaga ayaa fadhiyeyna, sharci ayaana ku fadhiyeynaa, waana ceeb dal dhisan in Barlamaankiisa sharci daro lagu sheego, ninkaas yidhina khalad buu u yidhi, Doorashada oo dhacdana waxaa ka horeeya Saami-qaybsigii, tirikoobkii baa ka horeeya, Dastuurkii oo la furo ayaa ka horeeya, waayo waa in Beelaha darafyada saamigoodii la siiya, haddii kale Beesha Dhexe ayuun baa kuraasta ugu badan mar walba helaya”. Xildhibaan Nacnac mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Doorasho lama qaban karo ilaa iyo Komishankani is casilaan, oo ay meesha iskaga tagaan, haddii ay Komishankani dadka iyo dalkaba ka naxayaan, waxa u wanaagsan inay is casilaan, maxaa yeelay Xisbiyadii Mucaaradka ahaa, gaar ahaan Xisbigii kaalinta labaad ka galay Doorashada, ahaana Xisbigii ugu codka badnaa marka laga yimaado Xisbiga Kulmiye, ayaa kalsoonidii kala noqday Komishanka, sidoo kale Xisbiga, sidaas oo ay tahay yey Doorasho u qabanayaan Komishankani, si Komishan kale oo bedelo loo helo, hawshana loo dhaqaajiyo, waa inay Komishkani is casilaan, xilalkana baneeyaan”. Source