Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Nairobi)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa intii uu socday shirkii shalay soo gabogaboobay ee Dhaqaalaha Biyaha waxa uu booqday goobtii lagu soo bandhigayay wax soo saarka Soomaaliya, wuxuuna ka yidhi hadal kaftan-ah. Sida ka muuqata muuqaal ay faafisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, mid ka mid ah hawlwadeenada goobta bandhigga ayaa madaxweynaha u sharaxayay kheyraadka kalluunka ee Soomaaliya, wuxuuna yidhi “Waxaan rabnaa in kalluunka Soomaaliya loo iib keeno Kenya”. Kadibna Uhuru Kenyatta ayaa ku jawaab celiyay “Haa kalluunka Soomaaliya waan soo dhoofsanaynaa, idinkuna qaadka naga dhoofsada”. Qaadka ayaa ah 90% badeecooyinka ay u dhoofiso Soomaaliya, sannadkii horena waxaa kasoo galay lacag dhan Sh8.02 bilyan oo lacagta Kenya ah. Kalluunka Soomaaliya Lahaanshaha sawirka. Inkasta oo inta baddan la sheego in kalluunka Soomaaliya si sharci darro ah loo guryo, haddane waxaa jirta xaddi yar oo ganacsato Soomaaliyeed ay u iib geyso dalka Kenya. Sida aan ku faafinay warbixin bishii June ee sannadkan, ganacsato ku sugan magaalada Kismaayo ayaa BBC-da u sheegay in sannadkii lasoo dhaafay ay magaalada Mombasa u dhoofiyeen 47 tan oo kalluun ah. Labadan dal ayaa waxaa ka dhaxeeya heshiis aan cago badan ku taagnayn oo iskaashi ganacsi ah, kaas oo illaa hadda la sheegay in dheelitirka uusan sax ahayn, una janjeero dhanka Kenya oo maalin kasta qaad aad u tiro badan u dhoofisa Soomaaliya. Source
  2. (SLT-Georgia)-Salome Zurabishvili ayaa ku guulaysatay doorashadii madaxweynenimada ee dalka Georgia, iyada oo sidaas ku noqotay haweenaydii u horraysay ee kursigaas ku fariisata. Iyada oo codadka oo dhan la tiriyayna dublamaasiyaddan hore ee Faransiiska ku dhalatay ayaa heshay 59%, Grigol Vashadze oo ay is hayeenna wuxuu helay 40%. Zurabishvili ayaa taageero ka heshay xisbiga talada haya ee Georgian Dream halka Vashadze uu u sharaxnaa mucaaradka. Dastuur cusub ayaa dalkaas ka dhaqan galaya dhawaan, doorka madaxweynaha ayaana intiisa badan noqon doona mid maamuus. Lahaanshaha sawirkaEPAImage captionMr Vashadze ayaa loo arkaa in uu u janjeero dhanka reer Galbeedka Zurabishvili ayaa qabta in la isu miisaamo xiriirka uu dalka Georgia la leeyahay Ruushka iyo reer galbeedka. Vashadze oo ahaaa wasiirkii arrimaha dibadda markii uu dagaalku dhex maray Georgia iyo Ruushka ayaa loo arkaa in ay uu u janjeerto dhanka reer Galbeedka. Source
  3. (SLT-Hindiya)-Dhakhtar ka hawl-gala Cisbitaal ku yaalla gobolka Gujarat ee galbeedka dalka Hindiya ayaa la xidhay ka dib markii isaga oo khamraysan uu qaliin ku sameeyay haweenay xaamilo ah, sida ay booliisku u sheegeen BBC. Ilmihii yaraa ayaa isla markiiba dhintay, hooyadiina wax yar ka dib ayay dhimatay. Booliska ayaa sheegaya in qalabka lagu baaro darooga uu u xaqiijiyay in dhaktarka uu khamri cabay. Waxay hadda baaritaan ku sameynayaan in haweeneyda ay dayac u dhimatay ama ay eersatay xaalad caafimad oo soo wajahday. Dr PJ lakhani wuxuu ka mid yahay dhakhaatiirta ugu khibrada badan dalka Hindiya wuxuuna 15 sano ka shaqeynayay cisbitaal ay dowladda maamusho. Kamini Chachi, ayaa la keenay cisbitaalka galankii dambe ee Isniintii iyadoo foolanaysa. Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheetay in qoyska oo ka warsugayay natiijada qaliinka lagu wargeliyay in cunugii uu dhintay, hooyadiina ay aad u dhiig baxayso. Intaas ka dib ayaa qoyska gabadha waxay go’aan ku gaaren inay geeyan cisbitaal si gaar ah loo leeyahay, balse nasiib daro waxay nafta ka baxday iyadoo cisbitaalka loo sii wado. .Booliska ayaa uu sheegay BBC-da in Diktoor Lakhani uu iyaga soo wacay oo uu caawin ka codsadayy isagoo ka cabsi qaba in qoyska ay weerar u geystaan marka ay ogaadaan dhimashada. “Markaan Cisbitaalka gaarnay ayaan ogaanay in uu khamreysnaa sidaas daraadedna xabsiga ayaan u taxaabnay” ayuu yiri HR Goswami oo booliska ka tirsan. Cisbitaalka ayaa guddi u saaray in baaritaan ay ku sameeyan waxa sababay dhimashadeeda. Xigasho BBC Source
  4. Dhuusamareeb ( Sh.M.Network):-Guddoomiyaha deegaanka Dhabad ee Gobolka Galgaduud Adan Cabdinuur Galaal ayaa sheegay in 1 qof uu ku geeriyooday deegaankaas kadib markii uu ka dhacay Qarax Haraadigii Dagaalladii Sokeeye ahaa oo yiilay halkaas. Waxaana Guddoomiyuhu xusay in qofka Geeriyooday uu ahaa qof Shacab ah oo ku sugnaa deegaankaasi Dhabad ee Gobolka Galgaduud. Sidaas daraadeed ayuu Guddoomiye Adan Cabdi Nuur Galaal ugu baaqay Hay’adaha ku shaqada leh Miino Baarista in ay ku gacan siiyaan howlgallo Miino baaris ee ku wajahan qeybaha kala duwan ee deegaankaasi Dhabad. Qaraxyada nuucaani ah ayaa siyaabo kala duwan aalaaba uga dhaca qaar ka mid ah Gobollada dalka iyagoo inta badan waxyeelo u geysta Caruurta oo aan waxba ka aqoon Qaraxyadaasi. Mana jirto Cid Masuuliyad gaar ah iska saarta wax ka qabashada arrimahaas oo ah kuwa soo noq noqday waxyeeladooda. The post Maamulka Deegaanka Dhabad oo ka warbixiyay Qarax ka dhacay deegaankaasi. appeared first on Shabelle. View the full article
  5. (SLT-Muqdisho)-Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegtay duqeyn ka dhacday deegaan ku dhow Caad oo ka tirsan Gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya. War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta ay dhacday xalay fiidkii oo taariikhda ku beegneyd 27 November. Duqeynta ayaa lagu dilay saddex dagaalame, waxaana wararka sheegayaan in la beegsaday kolonyo ay la socdeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in qiimeyn ay sameeyeen ku ogaadeen in aanay jirin dad rayid ah oo ku waxyeeloobay duqeyntaas. Sidoo kale War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in duqeyntii xalay ka daba socoto duqeymo guuleystay oo ka dhacay deegaanka 19 iyo 20 bishan November. Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa si joogta ah war uga soo saara duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaana shalay booqasho lama filaan ah ku yimid Muqdisho Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika Gen. Thomas Waldhauser. Source
  6. (SLT-Minnesota)-Ilaa Isniintii toddobaadkan oo taariikhdu ay ku beegneyd 26-ka November ayaa waxaa gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka lagu la’yahay wiil lagu magacaabo Wali Dhuxulow oo dhashay sanadkii 2004-tii. Wiilkan ayaa arday ka ah dugsiga Southwest oo ku yaalla magaalada Minneapolis. Source
  7. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Guddoomiye Ku-xiggeenka dhanka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah Koontaroolada ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska ee ammaanka Muqdisho ay ka sugaan. Guddoomiye Ku-xiggeenka ayaa tagay Koontaroolada kala ah Waxar Cadde, Daaru Salaam Galgala, iyo Gubadleey halkaasi oo Ciidamada Booliska ay ku leeyihiin Koontaroolo ay ku baaraan gaadiidka. Ujeedada Kormeerka ayaa ahaa qiimeyn guud oo ku aadan sida Ciidamada ay halkaasi uga shaqeeyaan, waxaana uu dhiirageliyay ciidamada Booliska ee u taagan Suggida ammaanka Muqdisho ee Koontarooladaasi ku soo arkay. “Waxaan kormeer ku tagay ciidamada ku sugan checkpoint yada magaalada laga soo galo gaar ahaan Galgalato iyo gubadley iyo waxar cadde iyo xaafadda daaru salaam halkaas oo ay ka hawlgalaan ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir.” “Waxaan ku soo arkay ciidan heegan ah habeen iyo maalin una taagan qoraxda sidii ay dadka magaalada dagan nabadgalyo ugu seexan lahaayeen waxaana ku dhiirigeliyay shaqada ay u hayaan Qarankooda.” Ayuu hadalkiisa ku daray Gudoomiye Tuulax. Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe waday dardargelinta qorshaha suggida & kormeerka ammaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo Gudoomiye Tuulax inta badan uu kormeer ku sameyay Degmooyinka Muqdisho oo isbedel amni wayn laga dareemaayo. The post Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka G.Banaadir oo Kormeeray Kontaroolada laga soo galo Muqdisho. appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee ku kala aragti duwan xiisadda cusub ee ka dhex taagan guddoonka baarlamaanka ayaa ka hadlay eedaha loo jeediyay guddoonka baarlamaanka. Khilaafka u dhaxeeya xildhibaanada baarlamaanka iyo guddoonka baarlamaanka ayaa sababay in muddo labo maalin ah ay baaqdaan kulamadii caadiga ahaa ee ka dhici lahaa golaha shacabka. Xildhibaan C/fataax Daahir Ismaaciil ayaa sheegay in hanaankii ugu dambeeyay ee shirka baarlamaanka uu u maamulay Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ay keentay khilaafka iyo xiisadda cusub ee ka dhex jirta baarlamaanka. ” Sabtidii Qaabkii uu u hogaaminayay oo aheyd sida arday iskuul oo kale, ayaa ciladda keentay, dowladda waxay ku amaanan tahay waan ku amaaneynaa, laakiin waa inaan ka qabanaa waxay ku liidato”ayuu yiri xildhibaanka. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ah xildhibaanada taageersan xukuumadda ayaa sheegay in khilaafka cusub uu niyad ku abuuri karo shacabka, waxaana baarlamaanka horyaala shaqooyin muhiim ah. Baaqashada kulan walbaa oo baarlamaanka yeelan lahaa ayaa la sheegay inay dhibaato ku tahay dowladda Soomaaliya oo shaqooyin badan ay horyaalaan, waxaana baarlamaanka laga doonayaa meel marin sharciyo badan oo doorashada xigta muhiim u ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho ku magaaladda Dhahar ee xarunta gobolka Hayland halkaas oo uu gaaray Arbacadii shalay ayaa maanta ayaa ka dhagax dhigi doonaa Mashaariic ay ka mid tahay Waddo cusub. Booqashada Madaxweynaha oo ah tii u horraysay ee madaxweyne Puntland uu ku tego gobolkaas ayaa mudane Gaas ku sheegay inay fure u noqon doonto shanta sanno ee soo socota oo uu madaxweynuhu doonayo in mar labaad la doorto. “Waxaan ka xumahay oo runtii dareemayaa inaan idiinka soo daahay, laakiin waxaan rajeynayaa inay tani fure u tahay shanta sano ee soo socota, waan idiin nimid, waxaan u imid inaan idiin soo booqano, Inaanu ogaano xaalada dhabta ah ee gobolka ka jirta, waxaanu idiin keenay dhowr mashruuc, mashaariicdaasi waxay ka koobnaayeen mashruuc ay fulinayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dhismaha guryaha dadka loogu talagalay barakacayaasha, gaar ahaan dadkii kusoo barakacay abaarihii iyo Barnaamijkan Mashruuca Caafimaadka” ayuu yiri Yiri Madaxweyne Gaas. Wuxuu sheegay in uu isbeddel dhan walba ka sameeyo doono gobolka Hayland oo ku tilmaamay mid difaac u ah Puntland“waxaan u baahannahay in isbedel gobolka laga suubiyo dhan walba, gobolku wuxuu difaac iyo xayndaab u yahay Puntland, dhabtii waa difaacii Puntland, waxaan isku waraysan doonaa Haylaan oo horumartay dhanwalba, waxaan u baahanyayhay taageeradiina, ducaddiina iyo garab istaagiinna si isbedel u suubsamo aadna horseed ka noqotaan isbedelkaas” ayuu yiri Madaxweyne Gaas. Ugu dambeyntii, madaxweynuhu wuxuu shalay Degmada dhahar ka daah-furay mashruuca daryeelka caafimaadka as’aasiga ah ee gobolada Hayland iyo Sanaag oo ah mashruuc ay ka faa’idaysanayaan boqolaal dadweyne ah isla’markaana madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada dhahar ka dhagax dhigii doona mashaariico horumarineed. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo mashaariic cusub ka dhagax-dhigaya degmada Dhahar appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Taliska Mareykanka ee Africa oo la soo gaabiyo AFRICOM ayaa war kasoo saaray duqeyn cirka ah oo ay kageysteen deegaanka Quycad ee Gobolka Mudug Maalinimadi Arbacad ahayd. Warka Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi ku dileen ilaa iyo 3 ka mida ahaa dagaalyanada Al Shabab oo ay ku beegsadeen halkaasi. Sidoo kale waxa ay sheegeen in aysan jirin wax waxyeelo ah oo dadka rayidka ah ka soo garay duqeyntaasi. Majiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Xarakadda Al Shabab oo ku Aadan duqeyntaasi Mareykanku sheegay in ay ku dileen Dagaalyanadooda. The post Mareyakanka oo Faah faahino ka bixiyay duqeyn ay ka fuliyeen Soomaaliya. appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Wajeer ( Sh.M.Network):-Xarakadda Al Shabaab ayaa siideysay labo nin oo Kenyan ah kuwaasi oo ay Todobaad kahor ka afduubteen Deegmada Wajeer ee Gobolka waqooyi Bari Kenya.. Maxameed birik Taliyaha Booliska Gobolka Waqooyi Bari ayaa xaqiijiyay siideynta labadani nin oo la sheegay in ay xoolo dhaqato kenyaan ah ahaayeen kadib wada hadal guulesytay oo dhexmaray Al Shabab iyo Ehelada Ragaasi. Taliyaha ayaa xusay in ay si Nabad gelyo ah ay kusoo laabteen Islamarkan ay yimaadeen deegaanka Khorof Kharar. Waxaana uu intaasi ku daray in Dowladda Kenya ay haatan waddo qorshe ay ku xaqiijineyso Amaanka xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, Horaantii bishaan ayay ahayd markii koox hubaysan ay deeganka kilifi ee dalka Kenya ka afduubteen haweenay u dhalatay dalka Talyaniga. The post Al Shabab oo siidaayay Muwaadiniin Kenyan ah oo horay ay u Afduubteen. appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho ( Sh.M.Network)Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-291118.mp3 The post Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka golaha shacabka ayaa sheegay in la kala diray guddiga miisaaniyada, maalliyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka ee golaha ayadoo gudoonka uusoo dhisi doono gudi cusub. Warqad kasoo baxday guddoonka oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudeey ayaa lagu sheegay in kala deristan ay ka dambeysay kadib markii xubnaha guddiga ay ku xadgudbeen xeer hoosaadka baarlamanka, islamarkaana khilaaf uu ka dhex dhashay xubnaha.. Muudeey waxa uu yiri waxaan guddiga kala diray 1 – Markii caddaatay khilaafka ka dhex jira guddoonka guddiga, oo gaaray heer fool xun. 2 – Markii ay xubnaha isku khilaafeen golaha hortiisa, oo aaney muuqan wadashaqeyn ay ku guraan waajibkooda, Caasimada Online ayaa ogaatay labada sabab ay kor ku xusan uu Muudey cuskaday kadib laba warqad oo ay kala qoreen guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad iyo xoghayaha guud ee golaha Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux. Cawad ayaa warqaddiisa eedeyn ba’an ugu jeediyey xubnaha guddiga, oo ay ka mid ahaayeen xeerar lagu xadgudbay, wada-shaqeyn la’aan xubnaha dhexdooda ah iyo xubno ka mid ah guddiga oo cabasho usoo gudbiyey. Warqadda Buux soo saaray oo iyana ku timid codsi uu u jeediyey Mahad Cawad, waxaana lagu sheegay in soo gudbinta warbixintii musuq-maasuqa ku eedeysay xukuumadda aan loo marin habraaca saxda ah. Hoos ka arag warqadda Cawad oo saddex bog ah iyo tan Buux ooh al bog ah.
  14. Cabdiweli Gaas & wafdi uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Dhahar oo Muuse Biixi tahli kari waayey inuu tago+Sawirro Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa safar taariikhi aha kusoo gaadhay gelinkii hore ee Arbacada 28 November 2018, magaalada Dhahar. Gaas & Weftigiisa ayaa markii ay soo gaadheen magaala Dhahar, waxaa kusoo dhoweeyey Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulaahi Cartan, maamuulka degmada Dhahar, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, ururada bulshada rayid ka ah, isimo, waxgarad, nabadoono, siyaasiyiin & aqoonyahano, bahda wax barashada degmada iyo dhammaan shacabka magaalada Dhahar. Safarka madaxweynaha ee uu ku gaadhay halkaas yaaa daaran u kuur gelid uu kusoo eegayo iyo xaalada Dhahar iyo baahiyaha shacabka, iyo mashaariic horumarineed oo ka socda Degmada. Gaas ayaa si guud ugu mahadnaqay shacabka reer Dhahar soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo weftiga uu hogaaminayey, waxaana kamid ahaa hadaladiisa. “Aad baan uga mahadnaqayaa soo dhoweynta quruxda badan, runtii waxaan oran karaa soo dhoweyn waa ka weyn tahay, Waxaan ka xumahay oo runtii dareemayaa inaan idiinka soo daahay, laakiin waxaan rajeynayaa inay tani furre u tahay shanta sano ee soo socota, waan idiin nimid, waxaan u imid inaan idiin soo booqano, Inaanu ogaano xaalada dhabta ah ee gobolka ka jirta, waxaanu idiin keenay dhowr mashruuc, mashaariicdaasi waxay ka koobnaayeen mashruuc ay fulinayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dhismaha guryaha dadka loogu talagalay barakacayaasha, gaar ahaan dadkii kusoo barakacay abaarihii iyo barnaamijkan mashruuca caafimaadka,. Waxaan u baahannahay in isbedel gobolka laga suubiyo dhan walba, gobolku wuxuu difaac iyo xayndaab u yahay Puntland, dhabtii waa difaacii Puntland, waxaan isku waraysan doonaa Haylaan oo horumartay dhanwalba, waxaan u baahanyayhay taageeradiina, ducaddiina iyo garab istaagiinna si isbedel u suubsamo aadna horseed ka noqotaan isbedelkaas” Ugu danbeyntii Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Degmada dhahar ka daah furay mashruuc daryeelka caafimaadka Aasaasiga ee Sanaag oo ah mashruuc ay kafaaidaysanayaan boqolaal dadweyne ah isla’markaana madaxweynaha ayaa intuu ku sugnaa Degmada dhahar ka dhagax dhigay mashaariico horumarineed oo uu kamid yahay laami dheer ee isku xiri doona Sheerbi iyo Xiingalool. Qaran News
  15. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi Gujir ayaa warqad uu u diray laamaha amaanka wuxuu ku wargaliyey amar uu ku soo rogay musharixiinta madaxweynaha ee imanaya magaalada Garowe. Amarkaas ayaa guddoomiyuhu wuxuu farayaa musharixiinta ku tartami doona doorashada madaxweynaha ee bisha Janaayo 2019 in ay laba cisho ka hor inteysan soo galin Garowe ay soo wargaliyaan Xarunta Gobolka. Gudoomiye Gujir wuxuu kaloo musharixiinta ku amray ineysan wax shir ah oo la xiriira ololohooda doorashada oo aan gobolku ka warqabin aysan ku qabsan karin magaalada Garowe. Sida ay baahiyeen warbaahinta gobolka, qaar ka mid ah murashaxiinta ayaa iska diiday amarka, iyaga oo ku tilmaamay in loo diidayo xuquuq ay sharci ahaan iyo dastuur ahaan u leeyihiin, loona baahan yahay in la dhowro xuquuqdooda dastuuriga ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Soomaali weerar ku qaaday macbad Yahuudeed oo ku yaalla Dalka Maraykanka Nin Soomaali ah oo ku nool magaalada Seattle ee dalka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay Dambi naceyb ah kadib markii dacwad oogayaashaay sheegeen inuu isku dayay inuu raacdeysto labo ruux oo ku sugnaa macbad Yahuudeed ku yaala magaalada Los Angeles. Maxamed Maxamed Cabdi oo 32 jir ah ayaa ku qeylinayay labada ruux, kala duwanaanshahooda xagga diinta darteed, isagoo kaga soo baxay dariishada gaarigiisa, waxaana uu isku dayay inuu waxyeeleeyo, sida ay sheegeen qareenada xafiiska magaalada Los Angeles, waxaana la sheegay labada ruux oo wada dhinaceeda ku lugeynayay inaysan waxyeelo gaarin. Maxamed ayaa intii uu ku mashquulsanaa labada ruux wuxuu ka baxay wadadii uu ku socday, waxaana uu ku dhacay gaari gale, sida ay sheegeen saraakiisha booliska, iyadoo isla goobta lagu xiray. Waxaa Maxamed lagu eedeeyay labo dambi oo hal mar dhacay, kan koowaad oo ahaa fal naceyb ah iyo kan labaad oo ahaa inuu gaarigiisa ku dhacay mid kale, waxaana la sheegay inuu galay dambi aan dhiig ku daadan. Qareenka u doodayay Maxamed oo maxkamadda ay u qabatay Micheal R, Enger, ayaanan wax jawaab ah ka bixin kiiska loo heysto Maxamed. Maxamed, oo lagu sii deyn karo damaanad dhan $500,000, ayaa suuragal ah inuu wajaho xabsi sideed sano iyo sideed bilood ah oo uu ku qaadanayo gobolka, sida qaadiyaasha ay sheegeen. Maxamed ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho, laakiin wuxuu ku nool yahay dalka Mareykanka oo dhalasho uu ka heysto, sida uu sheegay Frank, waxaana booliska ay sheegeen in markii la wareysanayay uu qariyay xog badan oo ku saabsan isaga, isagoo magaciisa ku sheegeen Maxamed Maxamed Cabdi. Qaran News
  17. Garowe (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cameey ayaa weeraray markale golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo uu ku tilmaamay inay haraadi yihiin. Mr Cameey, ayaa ku eedeeyay dowlad goboleedyada inaysan dooneyn in horumar laga sameeyo Soomaaliya, sida uu sheegayna ay hortaagan yihiin inta ka hartay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada. Kadib Heshiiskii dhexmaray dowladda iyo maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed wuxuu sheegay inay sii dhamanayaan xubnaha ku haray golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada. “Qolooyinkaan waxaa iminka oran karaa Haraadiga, Waare iyo SHariifka wey ka baxeen, Haraadiga waxaan ogahay inaysan dooneyn in horumar la gaaro, anigu waxaan qabaa in fakar wanaagsan ay la yimaadaan, wax kale ayay doonayaan waxay doonayaana lama yaqaan”ayuu yiri Cameey. Wuxuu Cameey sheegay in seddexda madaxweyne ee kusoo haray golaha iskaashiga inay dhawaan iyagana meesha ka bixi doonaan, maadaama doorasho ay kusoo wajahan tahay Puntland iyo Jubbaland. Golaha oo ay ku hareen maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug waxaa guddoomiye ka ah madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
  18. Wajeer (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa sii daayay xubno Ajaaniib ah oo u afduubnaa muddooyinkii ugu dambeeyay, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dowladda Kenya ee gobolka waqooyi Bari. Al Shabaab ayaa xubnaha ay sii daayeen waxay ahaayeen kuwo xoolo dhaqato ah oo ay ka afduubteen deegaan hoos taga degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Wajeer. Labada Ruux ee Xoolo dhaqata Kenyan-ka ah ayaa lagu sii daayay ka dib wadahadal dhex maray Al SHabaab iyo beelaha ay kasoo jeedaan xoola dhaqata, sida uu sheegay guddoomiyaha. Maxamed Biriik, guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari ayaa dhankiisa sheegay inay adkeeyaan amaanka deegaanada dhaca xuduuda waqooyi bari ee dalka Kenya, isaga oo xoolalayda u sheegay inay amaankooda sugayaan. “Waxaan ku soo shaqeeynay howlgalo badan oo dhinaca ammaanka ah si aan uga hortagno dhacdo la mid ah tan, Ilaalinta iyo amaanka deegaanada xadka ayaa si weyn loo xoojiyay” ayuu yiri Birik. Al Shabaab ayaa dadkaasi ka afduubtay duleedka degmada Wajeer kadib markii ay ka hor yimaadeen Zakawaad ay Al Shabaab ka qaadayeen dadka xoolaleyda ah ee ku sugan gobolkaasi. Caasimada Online Xafiiska Mandheera Caasimada@live.com
  19. Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka walaacsan musharaxnimada Mukhtaar Roobow ee xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, balse walaaca dowladda lama xiriiro inuu ahaa Al-Shabaab, sida ay dad badan qabaan. Taageereyaasha Robow iyo qaar ka mid ah fallanqeeyeyaasha siyaasadda waxa ay qabaan in dowladda aysan dan iyo heello ka lahayn taariikhdii hore ee musharaxa ee Shabaabnimo, balse ay wal wal ka qabaan taageeradiisa ku xoogeysaneysa qabiilka Raxanweyn oo hogaamin karta in uu uga guuleysto doorashada. Robow wali si shaarac ah falcelin uma sameyn, laakiin, saacado kaddib markii uu gudiga doorashada u gudbiyey warqadihiisa doorashada, shan musharaxa ayaa u tanaasulay oo garabka ka taabtay. “Dhammaan aqoonyahanada, dhallinyarada iyo ganacsatada Koonfur Galbeed waxa ay go’aansadeen in musharaxeennu Sheekh Mukhtar Robow yahay,” Xassan Xaaji oo ahaa musharax ayaa sidaas yiri kaddib markii ay gudiga doorashada ku dhawaaqeen xiilliga doorashada. Robow waxa uu ku ol’oleynayaa kaar ammaan, isaga oo ballan qaaday mar uu isu soo baxayaal la hadlayey bishii Oktoobar: “Haddii aan guuleysto, waxaan cidhib tiri doonaa maleeshiyaadka Al Shabaab, burcadda xiran dharka dowladda iyo maleeshiyaadka kale ee qabaa’ila ee dhibta ku haya maamulkeena.” Inta badan Soomaalida, in siyaasad ahaan loo dhaqan celiyo Robow waa mid waqti fog qaadaneysa. Dhammaan doodaha baraha bulshada waxa ay tixraacayeen weeraradii uu ka caawiyey Al-Shabaab. Hase yeeshee, marka laga yimaado shakiga ay ka qabaan iyo midda dowladda, Roobow waxa uu qodax ku noqon karaa dhinaca Al-Shabaab, wuxuuna fursad u noqon karaa dowladda, sidaas waxaa aaminsan qaar ka mid ah fallanqeeyeyaasha siyaasadda. Rashiid Cabdi oo ka tirsan kooxda xasarada caalamka ayaa ku dooday in haddii loo ogolaado in uu tartamo ay ay dowladda u noqon doonto tallaabo ay ku soo jiidato dagaalyahanno kale oo soo goosta. “Dadka waxa ay u tahay dimuqraadiyad cusub,” ayuu yiri. “Haddii aysan abaalgud lahayn in dhinacan la yimaaddo, waxa ay dhiirigalineysaa in la dagaalamo ilaa laga dhimanayo.” Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  20. Riyadh (Caasimada Online) – Dhimashadii Wariyaha Reer Sacuudi Jamaal Kashoqji ee ka dhex dhacay qunsuliyadda Istanbul iyo dareenkii Xigay ee diidmada Siyaada Caalamiga ayaa horseeday in maalgashadayaashii Sacuudiga inay dhaqaalahooda u xawishaan meel ka baxsan Sacuudiga, ayna joojiyaan maalgalintii gudaha, sida Shabakada Bloomberg ay shaacisay. “Maalgashadayaasha Reer Sacuudi ayaa sida muuqata lumiyay aaminaadooda inta Maxamed Bin Salmaan laga difaacayo geeridii Kashoqji, gaar ahaan intii lagu gudo jiray howlgalkii ka dhanka ahaa dadka taajiriinta iyo ololihii ka dhanka ahaa Musuq maasuqa”ayaa lagu yiri warbixinta Bloomberg. Marka la wareystay inka 10 ruux oo kala duwan ayaa waxaa la sheegay in dadka maalgashan jiray Sacuudiga ay dhaqaalahooda u xawisheen meel ka baxsan Sacuudiga, waxaana lagu guul dareystay in la ogaada marka xawaaladaha ay dhigayeen. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu ka badbaaday dilka wariyaha, laakiin dadka gudaha Sacuudiga ayaa lumiyay kalsoonidii lagu maalgashan lahaa, sidoo kale wuxuu u horseeday burburka dib habeynta lagu waday dalkaasi. Waxyaabaha kale ee uu burburiyay waxaa kamid ah hay’addo ka qeyb qaata dhaqaalaha dalkaasi kuwaasi oo kor u qaadi lahaa dakhliga Sacuudiga ee kaliya Shidaalka ku tiirsan. “Lacagta wey kasoo baxday gudaha Sacuudiga xitaa inta aan la xirin Ritz” Sidaa waxaa yiri Stephen Hertog oo ah qabiir ku taqasusay arimaha Khaliijka, waxna ka dhiga iskuulka dhaqaalaha ee London, “Tani waa sababta hoos u dhigtay dhaqaalaha oo waxay mas’uuliyiinta ay ku talaabsanayaan tallaabooyin miisaaniyadeed oo looga jawaabayo qiimaha saliida hooseeya.” Haddii xaaladdan sii socota waxaa Sacuudiga qasab ku noqon doonta in Maxamed Bin salmaan meesha laga sarao si loo bad-baadiyo dhaqaalaha dalka. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com
  21. New York (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah oo ku nool magaalada Seattle ee dalka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay Dambi naceyb ah kadib markii dacwad oogayaashaay sheegeen inuu isku dayay inuu raacdeysto labo ruux oo ku sugnaa macbad Yahuudeed ku yaala magaalada Los Angeles. Maxamed Maxamed Cabdi oo 32 jir ah ayaa ku qeylinayay labada ruux, kala duwanaanshahooda xagga diinta darteed, isagoo kaga soo baxay dariishada gaarigiisa, waxaana uu isku dayay inuu waxyeeleeyo, sida ay sheegeen qareenada xafiiska magaalada Los Angeles, waxaana la sheegay labada ruux oo wada dhinaceeda ku lugeynayay inaysan waxyeelo gaarin. Maxamed ayaa intii uu ku mashquulsanaa labada ruux wuxuu ka baxay wadadii uu ku socday, waxaana uu ku dhacay gaari gale, sida ay sheegeen saraakiisha booliska, iyadoo isla goobta lagu xiray. Waxaa Maxamed lagu eedeeyay labo dambi oo hal mar dhacay, kan koowaad oo ahaa fal naceyb ah iyo kan labaad oo ahaa inuu gaarigiisa ku dhacay mid kale, waxaana la sheegay inuu galay dambi aan dhiig ku daadan. Qareenka u doodayay Maxamed oo maxkamadda ay u qabatay Micheal R, Enger, ayaanan wax jawaab ah ka bixin kiiska loo heysto Maxamed. Maxamed, oo lagu sii deyn karo damaanad dhan $500,000, ayaa suuragal ah inuu wajaho xabsi sideed sano iyo sideed bilood ah oo uu ku qaadanayo gobolka, sida qaadiyaasha ay sheegeen. Maxamed ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho, laakiin wuxuu ku nool yahay dalka Mareykanka oo dhalasho uu ka heysto, sida uu sheegay Frank, waxaana booliska ay sheegeen in markii la wareysanayay uu qariyay xog badan oo ku saabsan isaga, isagoo magaciisa ku sheegeen Maxamed Maxamed Cabdi. Caasimada Online Xafiiska USA Caasimada@live.com
  22. Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka Degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay amaanka garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi oo maalmahaan qaraxyo ay ka dhex dhacayeen. Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxiim Muxumed Taakoy ayaa isaga oo la hadlay VOA wuxuu sheegay in ciidamada Al Shabaab ay habeenkii ay maamulaan garoonka diyaaradaha maalintiina ciidamada Jabuuti, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Al Shabaab ay waxyaabaha qarxa ku aaseen garoonka diyaaradaha iyo agagaarkiisa, waxaana mid kamid ah miinooyinkaasi ku dhintay askari ka mid ah ciidamada Jabuuti. Isaga oo ka hadlay dhinaca amaanka ayuu sheegay in Al Shabaab marar badan ay weeraro qorsheysan ka geysteen degmada iyo deegaano dhowr ah oo hoostaga, maadaama hareeraha magaalada ay ku xoogan yihiin. “Haddii aan warbixin ka bixiyo xaalada amaan, maanta waa wanaagsan tahay, shalay ayay qaraxyo garoonka geliyeen iyagii ayaana ku dhintay, haddana xaaladeena waa wanaagsan yahay”ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka amniga. Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in Al Shabaab badan oo doonayay inay Zakawaad ka qaadan dadka deegaanka lagu laayay deegaanka Ceel-cadde oo hoostaga degmada Farlibaax ee gobolka Hiiraan. Al Shabaab ayaa go’doomiyay muddo sanad ku dhow degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan, waxaana yar dhaqdhaqaaqa ganacsi ee degmadaasi. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
  23. Garoowe (Caasimada Online) – Xili wax ka yar 40 maalmood ay ka harsan tahay doorashada madaxweyne ee Puntland oo la filayo in ay dhacdo 8 Janaayo ee sanadka soo socda ee 2019 ayaa waxaa xiligan jirta hadal hayn ku aadan qabsoomida doorashada. Siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada reer Puntland ayaa ku kala ra’yi duwan qaabka iyo xiliga ay dhacayso doorashada waxaana qaarkood ay shaki galinayaan qabsoomida doorashada maadama aan wali lasoo dhisin gudigii xalinta khilaafaadka ee ka shaqeyn lahaa habsami u socodka doorashada. Hase aahatee madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay daahfurka mashruuc dib u casriyeyn loogu sameeynsyay Isbitaalka guud ee magaalada Qardho ayaa meesha ka saaray hadal haynta ay qabaan Siyaasiyiinta iyo dad ka qaar ee reer Puntland kuna aadan in la arko Puntland oo doorashadeeda si xalaal ah xili la cayimay uga dhacda. Hadalka Madaxweyne Gaas ee ah in ay dhacayso doorashada madaxweyne ee Puntland waxaa ku lifaaqnaa hadalka kale oo muujinayay damac uu markale madaxweyne Gaas ku doonayo in uu ku hanto kursi maaxweynenimo ee Puntland. Hoos Dhageyso Codka Madaxweyne Gaas iyo muujinta damaciisa doorashada 2019 https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/GAAS-DOORASHO.mp3Hadaba Siyaasi muuse cali jaamac oo kamid ah Siyaasiyiinta reer Puntland oo aan wax ka weydiinay hadalka madaxweyne gaas iyo damaciisa siyaasadeed ee doorashada waxa uu sheegay in hubanti ay tahay in Gaas uu doonayo in markale uu kusoo laabto hogaanka Puntland. Hase ahaatee Siyaasiga ayaa shaki galiyay in 8-Janaayo ay dhacdo doorashada madaxtinimada Puntland duruufo iyo daldaloolo siyaasadeed oo jira owgood. Duruufaha aan saamaxayn in ay dhacdo doorashada ayuu siyaasi Muuse Cali Jaamac ku sheegay maqnaanshiyaha gudigii ka shaqeyn lahaa doorashada oo aan wali la magacaabin hadii la magacaabana aysan xiligan noqon doonin gudiga cadli ah oo si hufan u guta howlohooda shaqo. Daldaloolada siyaasadeed ee aan suurtgal ka dhigayn qabsoomida doorashada Puntland ayuu Siyaasi Muuse ku sheegay faragelin ay xukuumada wakhtigeeda gabo gabad marayo ku hayso howlihii doorashada sida soo xulistii xildhibaanada iyo maroorsiga awooddii isimidu ku lahaayeen ka qeyb qaadashada iyo xulida xildhibaanada beelaha ku matalaya golaha wakiilada. Waxa uu sidoo kale sheegay in madaxweyne Gaas uu miciin biday cudud ka raadinta haweenka Puntland xili uu dhowr jeer oo hore warqado uu kasoo saaray xafiiskiisa ku sheegay in ay lama taabtaan tahay doorka haweenka ee kamid noqoshada xildhibaanada cusub ee golaha wakiilada Puntland. Si kastaba xaal ha noqdee siddeeda Janaayo (8 January) ayaa loo madlan yahay in Puntland ay ka dhacdo doorasho dad badan ay aaminsan yihiin in ay ka duwanaan doonto doorashooyinkii hore marka la eego sida awoodo kala duwan ay ugu baratamayaan ku guuleysiga kursiga looga arimiyo Puntland iyo isbedel ay rajaynayaan in shacabka Puntland ka fishaan doorashada. Hadaba Hoos ka dhageyso wareysi dheer Siyaasi Muuse Cali Jaamac https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Wareysi-siyaasi-Muuse-Cali-Jaamac-28-11-2018.mp3
  24. Hear Voices of Somaliland _____________________________________________________________ Press release by: Hear voices of Somaliland (HEVOS). Date: 28/11/2018 As you may already be aware the Somaliland Mission to the UK is organising a one day conference in London on 1st December 2018. The aim of the conference is said to be ‘’constructing diaspora Somaliland identity in an ever-changing Europe: Unity, patriotism and contributing through positive activism. In simple terms, their objective, as they claim, is to harmonise and unite Somaliland communities in Europe. This topic raises many questions including the simple ones of why now and what does it really mean? We ask these questions, because we all know Somaliland has existed for the past 27 years and its people both inside and outside Somaliland have been working very hard to convince the international community about their self-determination and aspiration to secede from the union it entered with the Italian Somalia after its independence in 1960, and the causes for its withdrawal from the union. This statement is to address whether holding this kind of conference in Europe, particularly in London is the right answer and solution in uniting the Somaliland Diaspora in Europe and elsewhere when we realistically consider the social, economic, political and geopolitical challenges Somaliland is currently facing. If we want to achieve the aforementioned objective of the conference we will need to be sincere and truthful to ourselves and we can only do that if we are thinking realistically and not idealistically. Therefore, it is of significant importance not to shy away from pointing out issues that unite us and those that divide us and unless we can find a sound balance on these issues we will be doomed to fail and history will repeat itself. Before we outline the serious challenges Somaliland is currently facing, we would like to make one thing very clear, we are and will always support and encourage the peace, stability and unity of all Somalilanders wherever they are as we believe this is the only way we can build a solid statehood. But, at the same we must not and cannot ignore the real problems and challenges Somaliland is facing and how best to address them, then I believe we can talk about sense of patriotism and activism. Social Cohesion – anyone with little knowledge of Somalis knows they are generally a homogenous ethnic group inhabited in several countries in the Horn of Africa i.e. Somaliland, Somalia, Djibouti, parts of Ethiopia and Kenya, united by common language, religion and culture but their diversity is defined by tribal lineages, and this is a significant social structure which one must not ignore, because if tribal balance is lost in the system, then that system will undoubtedly fail to maintain peace, stability and to harmonise the various tribes and regions. It is unfortunate that since the Kulmiye party took over power in 2010, the trust between tribes has gradually declined and this is due to the divisive policies promoted by the Kulmiye leadership in which favouritism, nepotism and massive corruption by particular groups have become the norm and many feel that the system has encouraged those groups to enrich themselves from public resources. Development projects were corrupted and many regions in Somaliland have not benefited from the increasing international assistance such as the projects funded by the Somaliland Development Fund which Britain and Denmark contribute to. One example of many projects misappropriated by the administration is the multimillion Dollar Humbowayne Water project funded by the United Arab Emirates which failed due to corruption. Both previous and current Kulmiye administration failed to shed a light on why the project failed, how they spent the money earmarked for the project, and why those responsible for the failure of this lifeline project got away with impunity. Furthermore, the lack of equal opportunities for work, government contracts, development projects between regions and tribes have damaged social cohesion, polarised public opinion and the vast majority of the population were hoping a new political direction from the new government but nothing has changed, and Somaliland has never been so divided before. Public services – many regions, particularly those in the east of the country lack the basic public services such schools, health centres, clean water and child and Mother mortality is the highest in the world, yet the president’s priority is to build a new presidential Palace in his tribal backyard, which is a testament to his priorities for the country. Peace and security – there have been recurring tribal clashes in the east of the country where hundreds of people lost their lives, and the government failed to intervene in a timely fashion to save lives and find lasting solution for their problems. Hundreds of government soldiers defected from the military, because they have been complaining growing injustices within the military forces. It is thus HEVOS’ view that this conference is no more than a public relationships exercise aimed to camouflage the fundamental issues facing the country at present and the government’s failure to find solutions for them. Therefore HEVOS will not be supporting this conference and feels it is a waste of badly needed money that could be used to save lives of Mothers and Babies in Somaliland. HEVOS is urging the government to focus on improving those above named areas. HEVOS executive committee Qaran News