-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-281118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khadka Telfoonka kula xidhiidhay Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani, iyagoo isla soo qaaday Arrimo khuseeya Labada Dal. Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka Labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa taagerada Dowladda Qatar ay ka geeysanayso dib u dhiska dalka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo laamaha dowladda. Madaxweyne Farmaajo ayaa Amiirka Qatar la wadaagay Horumarada ay Soomaaliya ku talaabsatay muddadii la soo dhaafay. Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa ballan qaaday in Dowladdiisu ay Soomaaliya garab taagan tahay, gacanna ka geeysan doonto kobcinta dhaqaalaha dalka, dib u dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha nolasha. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan diblumaasiyiinta labada dal sidii sare loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dal loona gaadhi lahaa iskaashi dhammaystiran oo ah dhammaan dhinacyada horumarka. Source
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxalsugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa gudaha dalkaas ka sameeyey hawlgallo Militari oo qarsoodi ah kaddib warar sheegayey in ay jiraan isku dayo afgambi isaga lala damacsanaa, sidaas waxaa wargeyska Khaleeji Online u sheegay heesaga caanka ah ee Mujtahid. “Maxamed Bin Salmaan, kaddib markii uu ka tagay Sucuudi Carabiya, waxa uu u sheegay in ay jiraan qorsheyaal qoyska dhexdiisa ah oo lagu diyaarinayo afgambi ka dhan ah isaga,” sidaas waxaa yiri Mujtahid oo Twitter-ka ku soo gudbiya xogaha Sacuudiga. “Bin Salmaan waxa uu amray hawlgallo taxadar leh isaga oo ku amray ciidamada ilaaliya boqortooyada ee ku kala sugan Bariga iyo Galbeedka Riyaad in ay ka hortagaan afambi” waxaa sidaas Khaleej Online u sheegay Mujtahid. “Haddii uu Amiir Axmed dalbado in xukunka lagala wareego boqor Salmaan , waxa uu heli doonaa 95% taageerada qoyska, taas waxa ay walaac ku haysaa boqor Salmaan.” Amiirka mucaaradka ah, Ahmed bin Abdul Aziz al Saud, waxa uu ku soo laabtay caasimadda Riyaad kaddib sanad uu ka maqnaa, waxaana si diiran u soo dhaweeyey Maxamed Bin Salmaan. Sida ay qortay New York Times, Ahmed Bin Abdul Aziz waxa uu ku soo laabtay Sucuudi Carabiya salaasadii, October 30, sida ay sheegeen saddex Sucuudiyaan ah oo ku dhaw boqortooyada waxaana madaarka ku soo dhaweeyey Maxamed Bin Salmaan. Amiirka waxa uu doonayaa in uu kaalin ka qaato is bedelada, taas oo ka dhigan in uu door lixaad leh ka ciyaarayo iyo dib u habbeyn lagu sameenayo qoyska boqortooyada ama in uu gacan ka geysto in la doorto qof bedela Bin Salmaan. Tan iyo khamiistii, dhaxalsugaha waxa uu booqasho ku marayaa dalal caalamka ah oo Imaaraadka uu ku jira, taasi oo ay ahayd meeshii ugu horreeysay oo uu tago socdaal uu ku kala bixinayo dunida oo ay ku jiraan wadammo carbeed. Waa safarkii kowaad oo uu Bin Salmaan ku baxo kaddib dilkii wariye Jamal Khaashuqji, oo isaga loo haysto. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
(SLT-Senegal)-Madaxweynaha dalka Senegal, Mcky sall waxaa uu sheegay inay doonayaan in dhamaan farshaxanada laga qaaday dalkiisa iyo dalalka kale ee Afrika ee iminka yaala madxafka Fransiiska dib loogu soo celiyo qaaradda Afrika. Madaxweyne Macky Sall ayaa sidoo kale sheegay in arrintan uu ku wargeliyay dhigiisa Fransiiska, Emmanuel Marcon, waxaana uu yiri waxana dooneynaa in farshaxanada gaaraya tobanaanka kun ee la qaatay xiligii gumeystaha dib loogu soo celiyo dalalka Afrika. Wasiira dhaqanka ee dalka Senegal, Abdou Latif Coulibaly waxaa isna sheegay in durbaba dowladda Fransiiska ay weydiisteen inkabadan boqol farshaxan. Madxaf cusub oo lagu keydinayo ilbaxnimada iyo dhaqanka dadka madow ayaa lagu wada in laga furo dalka Senegal, kadib markii dowladda Shiinaha ay ku maalgelisay lacag dhan labaatan milyan oo doolar. Dowladda Benin ayaa horay iyadu na u dalbatay in lasoo celiyo dhamaan farshaxanadii laga qaatay dalkaasi xiligii gumeysiga. Arrinka ayaa sidoo kale imaaneysa iyaduu inta badan madxafyada Yurub ay oggolaadeen inay farshaxana badan ay dib ugu celiyaan dalka Nigeria. Dadka qaar ayaa arrinta u arka mid u wanaagsan sumacadda dalalka Yurub oo inta badan guumeystay qaaradda Afrika. Ousmane Aledji oo ah agaasimaha xarunta dhaqanka ee dalka Benin ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay qaabkan cusub ee la isku weedaarsanayo waxyaabaha dhaqanka iyo taariikhiga ah. Arrintan ayaa waxay sidoo kale imaaneysaa, kadib markii koox khubara ah ay madaxweynaha Fransiiska u gudbiyeen warbixin ka hadleysa qaabka loo celin karo farshana gaaraya tobanaanka kun ee yaala dalka Fransiiska, kuwaa oo intooda badan la qaatay xiligii gumeysiga. Hasayeshee madaxweyne Macroon ayaa ballan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo celin doono farshaxanadaasi. Source
-
(SLT-Gaalkacyo)-BBC-da waxaa u suurogashay inay hesho magacyada qaar dadkii shalay ku dhintay weerarkii lagu qaaday xarun Sh. Cabdiwali Sh. Cali Cilmi Yare uu ku lahaa magaalada Galkaacyo halkaaso ay ku dhinteen ku dhawaad 20 qof oo ku sugnaa xarunta. Cabdi Naafac sh Kulli sh Caalam oo kamid ahaa dadkii ka badbaaday weerarka ayaa BBC-da u sheegay in hadda uu ku sugan yahay xaruntii lagu qaaday weerarka isla markaasna uu dhaawac yahay. Wuxuu sheegay in qaar kamid ahaa dadkii ku sugnaa xarunta ay dhinteen. “Xarunta waxaa joogay ku dhawaad 130 qof markii weerarka lagu soo qaadayay” ayuu yiri Cabdi Naafac. Dadka ku dhintay weerarka waxaa kamid ah: Shiikh CabdiWeli Shiikh Cali Cilmi Yare wadaadkii xarunta lahaa ee la weeraray. Farxaan Garyare Cali: Wuxuu ahaa ciidanka ilaalda xaruunta. Suudi Cabdi Kulane: Wuxuu ahaa ciidanka ilaalda xaruunta. Ceynaanshe Shikh: Wuxuu kamid ahaa dadkii qasaa’idka qaada jiray wuxuu sidoo kale garaaci jiray qalabka. Maxamed Qaliif Axmed: Qasaai’dka ayuu qaadi jiray. Sayad Bakar Shiikh Cabdi:Wuxuu ahaa sawir qaade ka tirsan xirta. Cabdi Mahad Cali Abshir: Durbaanka ayuu garaaci Jiray xiliyada loo baahdo. Shiikh Cali Shiikh Maxamed Cismaa: Culimada u adeega Shiikha la dilay. Cabdinuur Shiikh Cabdulweli Shiikh oo uu dhalay shiikha xarunta lahaa ahaana wiil , qasiidooyinka qaadi Jiray. Dumarka Ku dhintay qaraxa Waxay isugu jireen kuwo u adeega Shiikha Iyo kuwa qasiidooyinka wax Ka Qaadi Jiray. Nasra Sh.Cabdulwali shiikh Cali Xamdi xasan Sh.Axmed Xaawo cabdi Kulane Bilsan Shiikh Weerarkan ayaa isugu jira mid is qarxin ah iyo weerar toos ah oo lagu bartilmaameed saday xarunta wadaadkaas. Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Sababta ay u beegsadeen waxay ku sheegeen inuu af lagaadeeyay nabi Maxamed NNKH horey ayay Alshabaab digniin ugu dirty. Source
-
Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqanaya magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland. Socdaalka madaxweynaha ayaa ku qotoma u kuur-galka nolosha bulshada ku dhaqan degmada Dhahar,waxaana uu halkaasi ka daah-furayaa mashaariic kala duwan oo dhanka horumarinta ah,sida xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada. Socdaalka mudane Gaas ayaa noqonaya markii u horraysay ee madaxweyne Puntland uu booqdo degmada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland oo kamid ah degaannada ay wada-sheegtaan Puntland iyo Somaliland. Dhinaca kale socdaalka ayaa ku soo aaday xilli madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu booqasho ku joogo magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag,isagoo kulamo halkaasi kula yeelanaya qeybaha kala duwan ee bulshada. PUNTPAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo markii ugu horraysay booqanaya degmada Dhahar appeared first on Puntland Post.
-
Shirka Dastuurka ee arrimaha Xuquuqda Aadanaha oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee matalaya dadka Naafada ah, Haweenka, dadka Matalaada Siyaasadeed aan lahayn iyo Barakacayaasha ayaa laga soo saaray talooyin muhiim ah. Waxaa ku jiray Sugidda xuquuqda dadka naafada ah, Iswaafajinta tabashada Dadka aan matalaada siyaasadeed lahayn iyo Dastuurka, Isu-Dheelitirka ragga iyo dumarka iyo matalaada siyaasadeed, sugidda xuquuqda dadka barakacayaasha, Lahaanshaha Dastuurk iyo arrimo kale. Qodobbada ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa: Shirku wuxuu ku boorinyaa Dowladda Federaalka inay dardargeliso dhameystirka Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka, sida uu farayo Qodobka 111B ee Dastuurka KMG ah. 2. Shirku wuxuu ku baaqayaa in la dardargeliyo dhismaha Xafiiska Gardoonka Dadweynaha, Sida ku cad Qodobka 111J ee Dastuurka KMG ah, si xal loogu helo cabashooyoinka dadka aan Matalaada Siyaasadeed Lahayn, dadka Naafada ah, Haweenka, Barakacayaasha, iyo dhamaan dadka Xuquuqdoonka. 3.Shirku waxa uu ugu baaqayaa Hay’adaha u Xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka inay Dastuurka ku sugaan qodobo tilmaamaya xuquuqda dadka Naafada ah islamarkaana siinaya takoor quman (Positive Discrimination), sida ku xusan Qodobka 11aad Farqadiisa 4aad ee Dastuurka KMG ah. 4. Shirku waxa uu ugu baaqayaa Dowladda inay la timaado qorshayaal iyo siyaasado cad-cad oo fududeynaya in ay dadka naafada ah ay Hay’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka ahba ka helaan xuquuqaha iyo adeegyada ay ula simanyihiin dadka kale sida shaqada, waxbarashada, caafimaadka iyo fududeeynta isu-socodka. 5. Shirku waxa uu ku baqayaa in la ciribtiro caadooyinka iyo dhaqamada ku saleysan hoos u dhigidda haweenka. 6. Shirku waxa uu ku baqayaa in Hay’adaha u Xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka ay Dastuurka ku sugaan qoondada haweenka ee boqolkiiba soddonka ee matalaadda siyaasadeed, mataladda xafiisyada loo tartamo iyo kuwa la isku magacaabo. 7. Shirku waxa uu ugu baaqayaa Barlamaanka JFS ansixinta Hindise Sharciyeedka Dambiyada Jinsiga kaasoo horyaalla Golaha Shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
WAR-SAXAFADEED: HOOS U DHACA SICIR BARARKA IYO DIGNIIN KU WAAJAHAN SARRIFLAYAASHA & SHIRKADAHA ISGAADHSIINTA. Waxaan marka hore waxaan hanbalyo diiran u dirayaa Guddoomiyaha Shirkada Telesom Mudane Abdikareem Mohamed Eid oo ku guulaystay inuu noqdo Hogaamiyaha ugu wanaagsan Isgaadhsiinta Afrika ee Abaal-marinta AFRICACOM 2018. Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Labada Shirkadood ee Telesom iyo Dahabshiil waxa ka dhaxeeya wadashaqayn wanaagsan , waxaanay labada shirkadood ka mid yihiin tiirarka ugu waawayn ee dhaqaalaha iyo horumarka teknoolajiyadda Somaliland ku qotonto. Waxaynu beryahan danbe maqlaynay kooxo kala duwan oo ay ka mid yaheen Sarriflayaashu, oo si qaldan uga hadlay xaaladda dhaqaalahe ee dalka ka jirta.Waxaanu bulshada Somaliland u iftiiminayna in waajibaadka asaasiga ee Baanka Dhexe yahay dejinta ascaarta iyo ilaalinta qiimaha Shilinka Somaliland. Waxa kale oo uu Baanku masuul ka yahay samaynta iyo fulinta siyaasadda lacagta “Monetary Policy”. Haddaba annaga oo waajibaadkaas ka duulayna waxaanu idinla wadaagaynaa sababaha keenay hoos u dhaca sicir bararka iyo kor u kaca qiimaha SLSH. A ) Hoos u dhac ku yimid sicir bararka & Sababaha. Sicir bararkii ka jiray Somaliland waxa uu halkii ugu saraysay gaadhay bishii February 2018 oo uu taabtay 19.1%. Balse laga bilaabo Bishii March 2018 sicir bararku bil walba si tartiib ah ayuu hoos ugu soo dhacaayay. Tusaale ahaan Bishii March 2018 wuxuu sicir bararku hoos ugu soo degay:18.9 %; April 18.3%; May 17.6%; June 15%; July 13.6%; Aug 13.7%; Sept 9.6%; iyo Oct, 2018 oo uu ku soo dhacay 8.4%. Taas macnaheedu maaha sicir barar ma jiro, balse waxa weeye xaalad cusub oo dalku galay afka qalaadna loogu yeedho “Disinflation”. Waa xaalad dhaqaale oo caafimaad qabta una wanaagsan dalalka soo koraaya ee sicir bararku haleelay. Sababaha ugu mudan ee keenay hoos u dhaca tartiibta ah ee sicir bararka “Disinflation” waxa ka mid ah: Kharashaadkii badnaa ee dawladda Dhexe soo dayn jirtay kana baxsanaa oddoroska Miisaaniyadda iyo mashariicda horumarinta qaranka oo guud ahaanba joogsaday. Baanka Dhexe oo xakameeyay xaddiga lacagta suuqa gelaysa “Money supply”. Baanka Dhexe oo maareeya suuqa sarrifka lacagta soona saara sicir dhexe “Daily guidance rate”. Sarriflihii Sicirka Dhexe kor u dhaafa wax ka badan 2% waxa laga saaraa systemka elekrooniga ah ee lacagta lagu kala beddesho ruqsaddana waa lagala noqdaa. Wax-soosaarka dalagga beeraha dalka oo kordhay iyo khudaartii laga keeni jiray dalalka jiiraanka oo yaraatay. Xukuumadda Somaliland oo mamnuucday in wixii ka yar $100 laysugu diro adeegyada Zaadka & Edahab taaso kor u qaadday Isticmaalka, Faafinta, , Kaydinta iyo kor u kaca qiimaha Shilinka Somaliland.Waxa xusid iyo ammaan mudan in adeegyada Zaad & Edahab ay door wayn ka qaateen hirgelinta mashruuca isticmaalka iyo faafinta lacagta qaranka. B) Digniin Ku waajahan Sarriflayaasha & Shirkadaha Isgaadhsiinta. Sida ku cad Xeer No. 54/2012, Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuu u xilsaaran yahay dejinta ascaarta guud iyo xasilloonida qiimaha SLSH, dalkuna wuxuu galay xaalad cusub oo sicir bararku hoos ugu dhacay 8.4% bishii October 2018. Haddaba, waxaanu dareen-nay dad aan ku xeel dheerayn arrimaha dhaqaalaha oo si khaldan u tarjumay sababaha keenay hoos u dhaca tartiibaysan ee sicir bararka. Waxaanu uga digaynaa Sarriflayaasha iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee wareegtadani khusayso inay ka waantoobaan qabashada War-saxaafadeedyo ay ku baahinayaan xogo-dhaqaale oo xaqiiqada ka fog bulshadana ku ridaaya jaahwareer. Waxa kale oo Baanka Dhexe ee Somaliland si dhaw ula socda qaar ka mid ah Shirkadaha Waawayn ee Isgaadhsiinta oo si dadban ugu xadgudbay Go’aankii Xukuumadu ku mamnuucaayay in laysu diro wixii kar $ 100. Waxa iyana jirta Shirkadda Golis oo suuqa sarrifka soo gashay iyadoon Baanka Dhexe ka haysan ruqsad Maaliyadeed “Financial License”. Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuu si dhakhso ah u qaadi doonaa tallaabooyin waafaqsan sharciga oo ay ka mid yihiin ruqsad kala noqosho iyo xidhitaanka xafiisyadooda iyo goobaha ganacsigooda. Ali Ibrahim Jaamac “ Baqdaadi “ Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in hanjabaad joogto ah uu la kulmayay saacadihii ugu dambeeyay. Walow uusan cadeyn nooca Hanjabaad ee loo jeediyay, haddana wuxuu sheegay in labadii maalin ee lasoo dhaafay ay soo gaareen ilaa shan fariin oo isaga loogu hanjabayo, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaanka ayaa arrimaha ugu badan ee loogu hanjabay ku sheegay inay tahay arrinta la xiriirta maaliyadda, isaga oo sheegay in lagu wargeliyay inuu arrimahaasi faraha kala baxo. Sidoo kale wuxuu sheegay in hanjabaada ay tahay mid fariimo loogu soo dirayay iyo mid toos loo hor imaanayay,”Anigu ma ahi dadka handadaada ka cabsada, laakiin inaha ay quseyso ayaan la wadaagi doonaa”ayuu yiri xildhibaanka. Hadalka Xildhibaanka ayaa yimid ka dib markii dhawaan uu sheegay xoghayaha ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed in ay jiraan Suxufiyiin dowladda handaday iyo kuwo ay xabsiga dhigtay, taasina ay tahay wax laga xumaado. Hoos ka dhageyso codka Xildhibaanka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/cod-1-xildhibaaan-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mudug (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn xalay markale diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay ka geysteen deegaan hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Duqeynta ayaa lala eegtay saldhig Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Goodirley oo 10 Km dhanka Koofureed kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Si rasmi ah ilaa iyo hadda looma oga khasaaraha ka dhashay duqeynta, laakiin waxaa soo baxaya in dhimasho iyo dhaawac ay sababtay duqeynta markii labaad xalay ka dhacday duleedka degmada Xarardheere. Masuuliyiinta maamulka Galmudug ayaa sheegay in duqeynta ay haleeshay saldhig Al Shabaab ay ciidamada ku tababaraan, waxaana ay xaqiijiteen inay khasaaraha dib ka shaacin doonaan. 19 Bishaan ayay aheyd markii diyaarado dagaal ay duqeymo xooggan ay la beegsadeen deegaanada xalay la duqeeyay, waxaana taliska Mareykanka uu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay in ka badan 40 Al Shabaab ka tirsan. Dhawaanahaan waxaa soo kordhaayay duqeymaha diyaaradaha ay ka geystaan degaanada ay gacanta ku haayaan Shabaab iyadoo dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in duqeyn lagu burburiyay Idaacad afka shabaab ku hadli jirtey. Taliska Mareykanka ee Africa ayaa dhawaan guulo ka sheegtay duqeymo ka dhacay gobolka Mudug oo lala eegtay Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Lix Musharax ayaa isugu Soo haray doorashada Koofur Galbeed, kadib markii shalay Musharixiintii ugu badnaa ay ka tanaasuleen doorashada madaxweynaha iyaga oo wakiishay Mukhtaar Roobow Mansuur. Lixda Musharax ee isku soo haray ayaa Seddex kamid ah la saadaalinayaa inay isugu soo hari karaan wareegyada ugu dambeeya ee doorashada, waxaana la hadal hayaa in xubno taageero ka helayo dowladda ay ka mid yihiin dadka ugu cad cad. Lixda Musharax ee isku soo haray ayaa kala ah:- 1- CabdiCasiis Lafta gareen 2- Mukhtaar Rooboow 3- Ibraahim Macalin Nuur 4- Xuseen Cismaan Xuseen 5- Amb Sayid Axmed 6- Aadan Saran Soor Seddexda Musharax ee isku soo hari kara ayaa kala ah Cabdi Casiis Lafta Gareen, Mukhtaar Roobow iyo Xuseen Cismaan Xuseen, waxaana la dhayalsan karin Aadan Saran soor oo isna taageero heysta. Lafta Gareen ayaa ah ruuxa sida weyn loo hadal hayo inuu taageero buuxdo ka helayo dowladda Soomaaliya, laakiin markaan waxaa fursad kale helay Mukhtaar Roobow oo musharixiin uu kamid yahay wasiirkii maaliyadda uu u tanaasulay. Haddii Aadan Saransoor iyo Mukhtaar Roobow ay usoo gudbaan wareega ugu dambeeya ee doorashada waxaa la saadaalinayaa inay iskuugu shubi karaan wareega ugu dambeeya iyaga oo ka horjeeda in musharaxa dowladda Dooneyso uu guuleysto. Labo maalin kadib doorasho adag ayaa ka dhaceysa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana ku loolamaya musharaxa dowladda Soomaaliya ay dooneyso iyo Musharax mucaaradka ay wataan. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Uk:Haweenay Somaliyada oo Saygeedu ku dilay Toorey aasiya Xirsi Dad daris la ahaa haweeney uu seygeeda toori la dhacay ayaa ku mashquulay iney abtigeed ugu yeeraan, intii ay wici lahaayeen taleefanka booliska ee 999, xilli ay dhaawaca soo gaaray u sii dhimaneysay. Aasiya Xirsi oo 27 sano jir ah ayaa u geeriyootay toorri uu la dhacay seygeeda ka dib markii ay isku dayday iney iska furto, maadaama uu muddo dheer tacaddi ku soo hayay. Markii ay dadka dariska la ah maqleen qeylada Marwo Aasiya Xirsi waxay waceen abtideed, “maadaama ay isaga yaqaanneen”, sidaas waxaa yiri walaalkeed Shuceyb. Booliska ayaa sheegay in arrimaha la xiriira bulshooyinka iyo diimaha ay hor istaagi karaan iney dadka si dhaqso ah isugu soo gurmadaan. Aasiya oo u dhalatay Soomaaliya ayaa waxaa weerar ku qaaday Aadan Daahir, oo ah aabaha dhalay labadeeda carruurta ah, xilli ay ku sugnaayeen gurigooda oo ku yaalla xaafadda St Paul’s ee magaalada Bristol, sannadkii 2017-kii. Aadan waxaa lagu xukumay xabsi dhan 16 sano, ka dib markii lagu helay dambiga la xiriira dilka xaaskiisa. ‘Dib u dhac’ Dhowr jeer oo hore ayey xubno ka tirsan qoyskeeda u sheegtay in seygeeda uu weeraro u geystay toorina ku dhuftay. Amaal Cabdi waxay ahayd xaamilo canugii labaad markii uu dilayay ninkeeda Shuceyb Xirsi ayaa sheegay inuu aad u jeclaan lahaa in qoyskiisu ay booliska mar horeba ku war galiyaan arrinta, balse ay iyaga uun ku ekeyd isla markaana ka dib dhaceen iney laamaha ammaanka gaarsiiyaan. “ilaa saddex jeer ayey isku dayday iney ka tagto, laakiin mar kasta oo ay qoyskeeda caro ku tagtay dib ayaa loo soo guryo celin jiray” ayuu yiri. “Qalalaasaha ka dhex jira qoysaska waa mid aad halis u ah mana aha in la qariyo iyadoo haweenka ay rafaad marayaan” ayuu yiri. Natasha Rattu, oo ka tirsan hay’adda samafalka ee Karma Nirvana ayaa sheegtay in dadka dhibaatooyinka qoyska la kulma ay ilaa 2 sano iyo bar iska aamusnaadaan, ka hor inta aysan caawinaad raadsan. Qaran News
-
Sanadkii 1991 waxa ay kooxo hubeysan Somalia ku afgambiyeen Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Waxaa qarxay dagaallo sokeeyo oo horseeday gaajo ba’an; ugu yaraan waxaa la dilay saddex boqol oo kun. 1992, golaha amniga ee Qaramada Midoobay waxa ay sameeyeen hawgal oo ujeedkiisu ahaa sidii cunto loogu geyn lahaa dadka Jamhuuridda Somalia. Hase ahaatee, maalintii ugu horreeysay kolonyadii garaarka waxa ay bilaabeen in ay la kulmaan caqabado uga imanaayey dagaalyanahada hubeysan ee maxaliga ah. Cuntada kaliya waxaa lagu gudin karay in lacag la siiyo maleeshiyada. Taas waxaa dheeraa, cuntada xataa ma gaari jirin dadka baahan. QM waxa ay go’aansatay in ay sameyso ciidamo nabad ilaalin ah oo ay ka mid ahaayeen 20 dal, Mareykanka wuu ku jiray. Hase ahaatee, farogalinta arrimaha gudaha ee Soomaaliya ee caalamiga ah waxa ay mushtamaca kala kulmeen dagaal uu hoggaaminayey madaxii isbahaysiga qaranka Somalia (Somali National Alliance) ama SNA, Jeneral Maxamed Faarax Caydiid, kaas oo dagaal ku iclaamiyey nabad ilaaliyaashii. Dagaalka u dhexeeya ciidamada QM iyo kooxaha hubeysan waxa uu bilowday markii la qabsaday Raadiyihii SNA-da taas oo ay ciidamada nabad ilaalinta UN-ka ku sheegeen in ay kicin waday. 5-tii bishii Juun ciidamada nabad ilaalinta waxaa soo gaaray khasaarihii ugu horreeyey. Markii ugu horreeysay waxaa weerar qorsheysan lagu dilay 24 askari oo Pakistani ah, isla maalintaas kaddib waxaa weerar lagu qaaday dhawr kooxood oo nabad ilaaliyeyaal ah. Iyaga oo ka jawaabaya, ciidamada cirka ee Mareykanka waxa ay duqeymo u geysteen xarumaha kooxaha hubeysan iyaga oo burburiyey xaruntii Isbahaysiga qaranka Soomaaliya, raadiyihii iyo gurigii Caydiid. Hase ahaatee, ficilkii ceynkaas ahaa kaliya wax uu si xumeeyey xiriirkii dadweynaha iyada oo ay dhalisay in bulshada go’aan dagaal ka gaaraan Mareykanka. Hase ahaatee, hoggaankii QM waxa ay go’aan ku gaareen in la soo qabto iyada oo madixiisa la dul dhigay 25 kun oo dollar-ka Mareykanka ah. Soo qabashada Caydiid waxaa hawlgalkiisa loo xilsaaray ciidamada gaar ah ee Mareykanka iyada oo kooxda xeeladda gaarka ah lagu soo daabulay Soomaaliya (Tactical Ranger Forces). Kaddib markii ay sameeyeen dhawr hawgal oo muran dhaliyey, laguna khasaaray, Mareykanka waxa ay si KMG ah uga wareegeen Caydiid iyaga oo beegsaday saaxiibadiis. Hadafka Mareykan-ka waxa uu ahaa soo qabashada Cumar Salaad oo ahaa la taliyaha Caydiid, October 3-deedii 1993, kaddib saddex maalin oo ay dheceen dibadbaxyo looga soo horjeeday Mareykanka waxa uu qorshaha ahaa in la joogo dabaq saddex fookh/biyaano ah oo xataa sida la sheegay Caydiid ku jiray. Mareykanka oo halkaas ugu magacdaray xaafadda Badda Madow, waxaa daganaa inta badan taageereyaasha Caydiid kuwaas oo haystay hub wanaagsan. Sida laga soo xiganayo dhawr khiyaas oo la sameeyey dagaalyahanada waxa ay tiradooda u dhexeeysay 2 kun ilaa iyo lix kun. Mareykanku waxa uu qorsheeyey in 160 ciidamada gaarka ah ay ku hawlgalaan laakiin wanaag uma ballan qaadin isku daygaas. Hawlgalka waxa uu bilowday 3pm (Galabkii). Ciidamada Mareykanka oo adeegsanaya Helicopter ayaa bilaabay in ay ku soo dagaan dhismaha waxa ayna bilaabeen in ay hub ku rideen daaraddiisa. Hase ahaatee, wax daqiiqad ka yar waxaa jug culus ayaa uga timi dhisme kaas ku dhawaa ciidamadii gaarka ahaa. Jawaabtii kooxaha hubeysan waxa ay la yaab aan wanaagsaneyn ku noqotay Mareykanka. Hase ahaatee, ciidamadii gaarka ahaa waxaa u suurtagashay in ay qabtaan Cumar Salaad iyo 23 ka mid ah Isbahaysiga Qaranka Soomalya laakiin Maxamed Faarax Caydiid guriga ma joogin. Horjoogeyaashii kooxihii dableyda ahaa iyo ciidamadii waday waxa ay galeen gaarigii Hammer-ka kaas oo yimi goobtoo hawlgalka, laakiin wadaddii xornimada ayaa ku noqotay mid dheer. Saacado gudohood, jidadkii Muqdisho waxaa la wada dhigay jidgooyooyin, iyaga oo wajahayey caqabaddi labaad, kolanyadii Mareykanka waxaa lala beegsaday duqeymo culus. Intii ay ciidamada Mareykanka wadeen iska caabinta waxaa la soo riday diyarad Helicopter ah oo siday 6 askari. Ciidmadii gaarka ahaa waxaa loo diray in ay badbaadiyaan diyaaradda soo dhacday waxa ay dagaal qaraar kala kulmeen kooxihii hubeysnaa. Iska horimaan fool ka fool ah ayaa qarxay waxaana la sheegay dhawr saac godhood in la’iskuriday lixdan kun oo rasaas ah. Saacad walba waxaa xumaanayey xaaladda sideetanka ciidamada Mareykanka ee hareereysnaa. Rasaasta ka yaraaneysay, biyaha iyo daawada. Waxa ay saqdii dhexe ku baxsadeen kaddib markii ay u yimaadeen ciidamo gurmad ah oo ka socday nabad ilaaliyeyaashii. Dhammaan dagaaladdii ka dhacay jidadka Muqdsho, ciidamada gaar ah waxa ay ku dileen 18 halka 84 kale dhaawac soo gaaray. Intaas waxaa dheer kooxaha hubeysan waxa ay bur buriyeen diyaaraddii Black Hawk, saddex gaariwada qafilan ah iyo hal kuwa xamuulka ah. Dabaaldagga carruurta Soomaaalida kaddib markii la soo riday diyaaraddii Black Hawk Marka la qiimeeyo in ciidamada ugu wanaagsanaa ee gaarka ahaa ka qeybgaleen hawlgalka, natiijadii ka dhalatay waxa ay ahayd ‘MASIIBO’. Guuldaraddii Soomaaliya waxa si xanuun badan u liqay wasiirkii difaaca ee Mareykanka Les Aspin kaas oo durbadiiba is casilay. Wixii ka dhacay Muqdisho waxa ay dhaliyeen jawaab bulsho oo Mareykanka ah taas oo uusan ka jawaabi kareyn madaxweyne Bill Clinton. Amarkiisa, waxaa lagu joojiyey dhammaan hawlgaladdii uu Mareykanka ka waday Soomaaliya, bishii Maarso 31-keedii, waxaa loo qorsheeyey bixitaankii ciidamadii ugu dambeeyey ee Mareykanka. Waxaa la soo gabagabeeyey heshiis lala galay hoggaamiyihii kooxaha hubeysnaa ee Soomaaliya, Caydiid. W/Q: Joel Savage W/T: Caasimada Online
-
Dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay isbadal xoogle oo dhanka siyaasada, nabad galyada, dhaqaalaha iyo dawladnimada ah kadib curashadii hogaanka dalka loogu doortay Mudane Madaxweyne Muxamed Cabdullahi 8/2/2017. Dawlada fadaraalka ee Soomaaliya ayaa leh hadaf cad oo guud ahaan dalka ku soo dabaalaya nidaamkii iyo kala danbayntii dawladnimo ee burburtay 1991-kii. Mudo ka yar laba sanadood markaad eegta waxqabadka halkay dawladu dalka ka qaaday iyo halkay maanta gaarsiisay, waa mid qofkii damiir leh oo iimaan leh oo wadaniyad lihi ku farxo kuna faano kuna qanco. Mudadu yaraa oo wax qabadku badanaa! Mahad alle weeye. durba ciidamadii qarankaa inoo dhismay oo bilaw fiican ah, durba hawadeenii ayaan lasoo wareegnay rag haysatay, durba caasimadeenii ayaa aduunkii kusoo dhiiraday oo nabad laga dhigay, durba diyaaradihii aduunka oo nabada ka faa iidaysanaya iyo dawladnimada Soomaaliyeed ee taaba gashay, ayaa garoonkeenii Adan Cadde saf uugu jira. Durba dawladihii dariska ayaa inoola dhaqmaya siday inoola dhaqmi jireen markayno xiniinyaha lahayn shalay ee aynu ahayn dawlad jirta, durba wadamadii aduunka haday ahaan lahaayeen reer galbeed, dunidii carbeed, tii muslimka, Aasiya iyo Afrika oo dhan ayaa inagu soo qamaamaya iyagoo raba xiriir iyo wax wada qabsi dhulkena hodanka ah in ay la yeeshaan. Durba Afrika iyo aduunkaba waxaa ka socda codkeena iyo soo jeedinteena, oo aad arkaysaan in taladii madaxweynaheena Farmaajo lagu nabadeeyay, Ethiopia, Erataria, Jabuuti, Suudaan, Masar, Uganda, iyo Kenya iyo Soomaaliya. Waxaan ka qaadanay kuna biirinay heshiiskaa qaarada oo talo la qaatay oo hirgashay. Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba waa jecel yahay dawladan fadaraalka ah ee samata bixinaysa dalkeena hooyo. Waxay dawladu la kulantay dhibaatooyin aan la xisaabin karin, oo dalkeena dhex yaala; nina kama sugayo in ay maalin ku xaliso dhib soo jiray ku dhawaad nusqarni. Hadaan soo qaadano bal hada hal dhib oo ka mid ah kuwa ay wajahayso dawladeenu ayaa wuuxu yahay. CAQABADAHA MAAMUL GOBOLEEDYADA: Maamul goboleedyada ama dawlad goboleedyada fadaraalka Soomaaliyeed, waxaan wada ogsoonahay in ay ka dhasheen xiligii dalka Ethiopia ay ka talinayeen TEGREEGII cadawga Soomaaliyeed ahaa. Waxay inoo soo gudbiyeen waxay ugu yeereen fadaraal, oo dalkeena laga aqoon, fadaraalku waa nidaam jira dunida oo dawlado ku dhisan yihiin, laakiin lama gato badeecadkastoo suuq taal ee wixii adiga kaa anfacayaa laga taa oo baahidaada ah iyo dantaada. FADARAAL macnaheeda waxa uu yahay, dad aan waxbadan wadaagin oo aan is qaadan karayn, wax u dhaxeeya oo lagu haynkaro ayaa layiraahdaa FADARAAL. Hadaba Ethiopia tusaale ahaan waa kala diin, kala af, kala dhaqan, dawladna way rabaan wadaag ah oo ka dhaxaysa, hadaba waxaa xal u ah nidaamka fadaraalka waana qaateen. Markay timaado inaga soomaalida ah waxaynu nahay dad isku isir ah, isku diin ah, isku af ah, isku midab ah, wax kala duwaansho ahi majiro soomaali waa uun soomaali mahadaa illaahay baa iska leh. Hadaba sidaa ayaynaa waahoreba u qaadan fadaraal maadama dalkeena uusan uqabin baahi. Hadaba dadbaa ku andacooda oo qiil uuga doondoona fadaraalka, dadkeenaa laysugu keenayaa oo dawladnimo ayaan ku dhisanaynaa iyo wax lamid ah, kolkaa hada waa iskuwada raacsanahay in aan wadano nidaamka fadaraalka ah. Hayeeshee maha mid inaga inaga yimid oo aynu xal u aragnay, ee waa mid TIGREE inoo keenay kuna dhisay maamul goboleedyada dalkeena. hadafkiisuna Tigreega waxa uu ahaa qaab cusub oo u keeni kara soomaali mudo dheer in ay is fahmi waydo, kuna jirto fadaraal qablilaysan oo aan ahayn fadaraalka dunidu taqaan. Hadba waxaan leenahay haraadigii Tigreegu, waxay hore u ahaa yeen caqab hortaagan in dawlad dhexe oo xoogleh oo fadaraal ahi ka dhalato dalkeena, waadna aragteen in dawlad walba oo tan ka horaysay ay dhaqaaqi wayday oo lugaha ay ku dhageen. Maxaa yeelay nin walba madaxweyne ayaa loogu yeeraa, bilwalbana malaayiin doolar ayuu helaa, markaa ma doonaayo dawlad xoog leh oo dalka ka dhalata, qabiilkiisii uu ka dhashayna wuu isku hareereeyay xarantayna la cunaan. Markii dawladani dhalatay, markiibii dagaal bay ku qaadeen, dhan walba ah. Dagaalka dawlada lagu qaaday in aysan hirgalin, waxaa ugu daran Puntland oo waxayba gaareen heer, dawlad goboleedyadii dalka ay isu keenaan oo shaqadii dawlada dhexe ee fadaraalka ah qabtaan iyagu sidii iyagoo dalka xukuma oo soomaali dooratay. Hadafkoodu waxa uu ahaa in laga tuuro kursiga hada faramaajo, hadii lagu guul daraystana doorashada soosocota ay iyagu hogaanka sare ku guulaystaan. waxayna ka dhameeyeen dawlad goboleedyadii oo dhan mashruucaas. Soomaalidaa ku maah maahda “Sirmaqabe saabaa biyo u cesha” Dawladeenii waxay ku baraarugtay dhagarta intay qodontahay, kolkaas ayay go aan satay in dawlad goboleedyada boodhaka laga jafo, waajibna ay tahay in laysla jaan qaado oo loowada adeego danta dalka iyo dadka ayadoo laraacayo rabitaanka shacabka oo ku salaysan maslaxda dalkeena. Dawladnimadu macaanaa! halmar unbaa la arkay shantii shaydaan ee tigreega hoos fadhiday, oo gudoomiyaha samaystay, oo kolba ku shiraayay gobolada dalka, oo noqday, oo libaax ku dhax dhacay!! hadee miyaan ka sheekayn karaaba fiigoodii ilaa kenya waa sii marayay waa maqlaynay. caqli xumo waa nimanka fahmi waayay hade awlaba tigtee ayaa meesha idinku hayay isgiina daadkaa qaaday. waxaa layiri “Dawaco meeshay malabsi uuga baratay, ayay macaluul uugu bakhtidaa” Dawlad layskuma taag taago, hadaba dawladeenu si weyn ayay uuga guulaysatay dawlad diidkii isbahaysi ee soomaali hortaagnaa waana lakala adkaaday. dawladii iyo shacabkii Soomaaliyeed ayaa guulaystay. Waxaan idin waydiinaa soomaaliyeey, away ningii Gaas ahaa ee madaxda u ahaa maamul guboleedyada dalkeena? Mar labooqday isagoo kusugan waxaan dhaamin sariir hoosteed! ayaa niman akhyaara oo reer Puntland ubadan ay booqdeen gurigiisa. Waxay warsadeen Mudane madaxweyne Dr. Gaas, waydan olole xoog leh ayaad waday, goboladii dalkana waad isku dubariday, shirar badan baad qabatay, laakiin ayaamahan laguma hayo, edeb ayaad yeelatoo saaxafada xataa ma ka hadashid, marka aqoontaadii miyaad boodhka ka jaftoo ku bartay edebtaan kaa muuqata iyo gaabsashadaan? Wuxuu yiri Dr. Gaas jawaaab nin wali qosol aflabadii yeeray “Adeerayaal dhirbaaxadii shariifsakiin ku dhacday ayaa ishaa iiyeeshay aamuskana ibartay” Waji cusub iyo dhagar loo dagay dawlada fadaraalka, marlabaad, ayadoo laga duulaayo doorashada 2020 dalkeena hadii illaahay idmo. Markay arkeen in markaan laga adkaaday, waxay badasheen shaadhkii, khamiis cad ayaa loo soo xirtay Madaxweyene farmaajo iyo Madaxtooyada Soomaaliya. Waxay xasuusan yihiin isbadalka socda iyo wixii shariifka ku dhacay. Waxaa lagu guulaystay in madaxtooyada Soomaaliya, laga dhaadhiciyo, in ay Puntland majaraha u qabtaan Dr. Gaas kadib 2019, dad taageersan dawlada fadaraalka ah, oo kabadalan tii Dr. Gaas. waxaana lagu beer laxawsaday in loo hayo nin baari ah oo lashaqaynaya dawlada fadaraalka ah amarkeedana u hogaan samaya. waxaana lagu salaaxay in xisbi nabad iyo nolo taageersan oo codsiinaya 2020 laga hirgalinaayo Puntland. Dawladu waa u guuxday saxankaa loo saaray madaxa kore ayayna ka cayaareen! Waxaa loo soodiray Mogdisho nin daganaa, oo taksiile ka ahaa maraykanka, marna meelaha caruurta lagu hayo ku lacag qaadan jiray, laakiin hada sheegta in uu yahay milyaneer!! aduunkoo dhan laga yaqaan, ayaamahana qaybinaayay, laaluush lagu doorto Puntland gudaheeda iyadoo shacabku is waydiinaayo halkee katimid lacagtaani? Ninkan oo lagu magacaabo Maxamuud Khaliif Jabiye. Jabiye oo ah mid ay Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, mudane Cumar Sharmarke amray saaxiib kii Dr. Gaas fulinta mashruucaan laga soo qaaday Mogadishu, kharashkana Gaas waa diiday waxaa jira tuhun dhanka Sharmarke ah. Dawladu waxay soo siisay Maxamuud Khaliif gaariga aan xabadu karin, diyaarad ayay Mogadishu uuga soo qaaday kuna keenta garoonka magalada garoowe, jabiye iyo baabuurkaas, Dr. Gaasna waa soo dhaweeyay guushaas. Cumar oo malaayiin doolar ka helaya dawlada Emaradka saaxiibo uu ku leeyahay ayaa salaxday Puntland iyo jubaland codkooda 2020. markii ninkan la diray jabiye uu Mogdisho kula kulmay madaxda qaranka u saraysa, ee arinkii hirgalay ayaa waxaa xaflad gaara dhigtay Hagbadleyda Puntland, waxaana Mogadishu laga dhaadhiciyay in markaan ay tahay markoodii ninkanina yahay mid daacad u ah dawlada fadaraalka ah. Waxaay heleen waxay rabeen oo dadban, waxayna doonayaan in ay lumiyaan kalsoonida shacabka Puntland ku qabaan dawlada fadaraalka ah ee Mogadishu fadhigeedu yahay, waxayna ogyihiin sida shacabka Puntland u rabaan madaxweyne farmaajo iyo raysal wasaare khayre oo ay uugu soo dhaweeyeen Puntland, taasoo ay kaxumaayeen hadana ku dadaalayaan kala shaki galin iyo fidno dhexmarta. Waxay shacabka Puntland ku faraxsan yihiin isbadalka dalkeena ka dhacay, waxayna doonayaan isbadal ka dhaca Puntland iyo in laga baxo hagbada 20 jirsatay ee dikteeytar ee Garoowe. Dadku waa garanayaan in baabuurka lasiiyay Jabiye oo ah isla noocii ay Baydhabo ka dijisay uu yahay mid lasiiyay Dr. Gaas mid lasiiyay cumar oo ka dhigan ninkii doontuu saaraa bad wayn dhexdeed dalooliyay!. markaa waxaan leenahay waa gool haduu u hirgalo quruxbadan oo laga dhaliyay Mogdisho 2020 doorashada. Waxaanse lasaadalin karin siyaasada Mogadishu oo ah mid qodo dheer. Dadka Puntland maha dad loo soo hulaabto oo lamaro, waxaana ka go an isbadal dhab ah sanadka 2020 (no more hagbadleey) hor istaagta dawlad Soomaaliyeed oo dalka o dhan hanata. Waxaan higaadin doonaa hab usocodka isbadalka dalkeena, anigoo idiin soo bandhigi doono arrimaha siyaasada ee qarsoon. W/Q: Yuusuf Cumar mashruuc5@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Badanaa ma hadal badna madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, hase ahaatee, waxa uu mar mar tuurtaa hadallo NAANEYS noqda saameyn weynna yeeshaa, Waxaa aad loo xusuustaa hadalkiisii ahaa “siyaasiyiinta xanaaqsan!” iyo “waali ayey ku dhawyihiin!” Hadaba, inta badan waxaa ka soo falceliyey oo baraha bulshada siiba Facebook soo tiigsada siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ahaa musharixiintii xilka madaxweynenimada 2017. Aqri sida uu uga soo falceliyey hadalkii ugu dambeeyey ee uu nairobi ka sheegay Farmaajo. Wuxuu Cabdiraxmaan yiri:- Saaxibkey ayaa i waydiiyey ra’yigayga ku aadan khudbad uu xalay jeediyey Madaxweyne Farmaajo. Waxaan ku iri Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay waalida Soomaaliduna waxay tiraahdaa “Waalida ninkii soo maraa laga waraystaa”. Waxay kaloo tiraahdaa “Xilku wuxuu u baahan yahay Xikmad”. Abwaan Dhoodaan oo arrinkaas ka hadlayana wuxuu yiri “Barashada xaggeediyo cilmiga, kii aan ku xisaabno Shahaadooyinna u xaadiree, dhowr xilliba qaatay Xafiis kaligii uu maamushey, xiiso ka hayaane Xikmada asaageen watee, xoogga lagu yeesho Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe?” Hadaba waxaa is weydiin mudan, waa maxay xikmadda ku jirta in CC Shakuur durba ka soo falceliyo hadallada kulkul ee Farmaajo? Dowladda ay hoggaamiyaan Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Xassan Cali Kheyre waxa ay leedahay mucaarad tiro ahaan badan, xooggan oo dal iyo dibadba ku nool, taas waxa ay muujineysaa in hadaladda sarbeebta ah ama weerar siyaasadeedka ah ee labadooda ka soo baxa in aysan si gaar ah shaqsi ama koox kuwaas ka mid ah ku socon. Maxaa keenay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur si kulul oo waliba aflagaado qaawan wadata uga soo jawaabo? Halkan waxaa ka muuqata in siyaasiga doonayo in uu bulshada ka iibiyo in farriimaha Farmaajo kaligii ku socdaan oo aysan jirin siyaasiyiin kale ama mucaarad kale oo uu ula danleeyahay. Caadiyan, Madaxweyne Farmaajo waxaa uga dhib badan ugana miisaan culus CC Shakuur xildhibaano badan, Daljir, Dhaamujadiid, Cumar Cabdirashiid oo la fahansan yahay in uu gadaal ka hago Cabdiraxmaan Cabdishakuur balse siyaasiga waxa uu doonayaa in uu ISKA SARREEYSIIYO intaas oo dhan oo uu MUCAARADNIMADA kaligii qaato! Maxay Faa’ido u leedahahay CC Shakuur? Haddii ay u suurtagasho in uu bulshada ka iibiyo in Madaxweyne Farmaajo isaga ku dhaga hadlo oo uu farriimaha siyaasadeed ku rido! Waxaa halkaas uga soo baxaya MUDNAANTA mucaaradnimo in la siiyo isaga oo uu noqdo HALBEEGGA kuwa naqdiya dowladda!! W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya Generaal Maxamuud Sheekh Cali (Dable-Beyloot), ayaa shaaciyay in wali gacanta ciidamada cirka ay ka maqan yihiin dhismooyinkii iyo xarumihii ay daganaan jireen ciidamada Cirka ee dalka. Taliye Dable-Beyloot ayaa isaga oo warbaahinta la hadlayay wuxuu sheegay in shirkado gaar ah ay gacanta ku hayaan dhulkii iyo xarumihii ay lahaayeen ciidamada cirka ee dowladda Soomaaliya. Shirkadaha gacanta ku haya dhulka iyo xarumaha ciidanka Cirka ayuu tilmaamay inay leeyihiin shaqsiyaad Soomaali ah iyo Dad ajaaniib ah, isaga oo sheegay in looga baahan yahay inay soo wareejiyaan. Shirkadaha ay leeyihiin Soomaalida iyo Ajaaniibta ayuu qaarkood sheegay, waxaana uu dowladda ugu baaqay inay arimahaasi wax ka qabato. Taliyaha ciidamada cirka ayaa tilmaamay in haddii shirkadahaasi dowladda ay la og tahay loo baahan inay cadeyso “Dowladda haddii ay la ogtahay waxba ma dhibeyso, oo KMG waa lagu heysan karaa, laakiin haddii aan lala ogeyn waa dhibaato”ayuu yiri Taliyaha. “Wey badan yihiin shirkadaha, hal iyo labo maaha, Soomaali iyo ajaaniib ayay ka kooban yihiin”ayuu hadalkiisa ku daray taliyaha ciidamada cirka dowladda Soomaaliya Generaal Dable-Beyloot. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Al- saacdicuun waa koox diineed ka soo diga-rogatay Jamacaada Al- Dacwah Walhijra, ama Jaamacada Muslimiinta (sida ay isku yaqaanaan) ama Jaamacada Altakfiir Walhijra (sida loo yaqaan) laakiin magaca beddelatay ee la baxday الصادعون بالحق”, oo Af-keenna marka lagu fasiro noqoneysa “kuwa aan xaqa la gabban” Sanad ka hor ayaan maqaal ka qoray kooxdaas, http://aawarsame.so/Blog/194-2/, laakiin waxaan maanta ka hadlayaa ma aha iyaga iyo waxa ay u taaganyihiin ee waxaan doonayaa in aan ka hadlo muxuu fikirkoodu ugu faafayaa si xawli ah? Aniga oo isha ku haya dhaqdhaqaaqa kooxdan iyo sida xirfadaysan ee ay uga faa’iidaystaan warbaahinta baraha bulshada, ayaa subax aan sii dheerayn waxaa i soo wacay nin dhallinyaro ah oo ka walwalsan sida ay dhallinyardii ugu hoobteen qaadashada fikirka kooxdan. Waxaan u kuurgalay sababta uu fikirka kooxdaan sida aadka ah ugu faafayo. Waxaa ii soo baxday in uusanba jirin fikir kale oo kooda dhinac yaal. Fikir la’aan Dunida Islaamka, Carabta iyo Afrikaba waxaa ka socda doodo aan kala go’in oo fikir iyo aydoolijiyad la isku hayo dhinaca fikirka diiniga ah ee ay hor boodayaan kooxaha Islaamiyiinta kala duwan, Ikhaawanul Muslimiin, duruqu Suufiya, Salifiyada iyo Caqlaaniyiinta. Dhinaca kale iyana waxaa jira Qowmiyiin, Calmaaniyiin, Liibaraaliyiin midigta xiga, Sooshaalista bidixda xiga, doodaha la xariira boor ka jafista fikirka Islaamiga ah iyo sida ay iskula jaanqaadi karaan dawladda casriha ah, gaar ahaan nidaamka dimoqoraadiga. Soomaaliya kama jiro suuqa fikirka iyo mid afkaareed toona. Ma jirto cid xiisanaysa fikirka oo aasaas u ah nolasha bani’aadamka, xil, xoolo iyo xoog aysan fikir iyo aragti hagaynin waa tacab qasaaro oo burbur horseedi kara Fikirku waa kan gundhiga u ah nolosha bulsho, dhaqan, siyaasad iyo dhaqaale, suugaan, masraxiyad, sheekooyinka, doodaha iyo qoraalladu waxay ka midyihiin hidde tebinta bulshada. Waa muraayadda ay jiilalka iyo faca mustaqbalka ka dheehan karaan fikirka, dareenka, dooqa, himillada iyo hamiga awooweyaashood. Fikirka oo ah curiyaha aragtida, nolosha isbedelkeedana horseeda wuxuu ka noqday dalkeenna saylad macaamiil la’aan ah. Kooxihii Islaamiyiinta ee kala duwanaa sidii ay u galeen ganacsiga, samafalka iyo siyaasadda waxa ay mudnaanta siiyaan ilaalinta danaha ay ku hawlan yihiin. Waa jiraan culimo ganacsato u badan oo dadka xoogaa wacdi ah ku tuurtuura, oo aan raadeyn badan lahayn. Iyadoo aysan awalba Soomaaliya ka jirin loolanka dhinaca fikirka iyo aragtida siyaasadda ayaa haatan waxaa la oran karaa siyaasadda Soomaalida waxa ay ku sifowday waxa uu aqoonyahankii Faransiiska ahaa Jean Bayart ugu yeeray siyaasadda caloosha (Politics of The Belly). Kolkii kooxda keli ah ee fikir iyo aragti suuqa la taagan ay Al-saaciduun noqoto, waxaan marna la yaab lahayn in jiilka dhallinyarada ee u ooman fikirka iyo aragtida ay dhinacooda u jabaan. Dalkeena oo ay dhallinyaradu 70% ka badan yihiin, waxay ka daaleen colaadda, cabsida, qabiilka, nacaybka, waxaa kaloo aad u niyad jebinaya dhaqanka siyaasadeed ee calool u shaqaysiga ah. Dhaqaale-yahankii Ingiriiska u dhashay John Maynard Keynes oo ahaa hindisaagii aragtida (Macroeconomics) ayaa laga reebay In uu yiri “fikir ayaa taariikhda beddela, laakiin dhibku kama jiro curinta fikir hor leh, ee waa ka guurka kan lagu dhegganyahay”. Horumarka bani’aadamka waxaa aasaas u ah feker wax curiya, suugaan xaaladda ka warranta iyo aragti garaadka dhista, sida uu jirka ugu baahanyahay raashin tamar siiya ayuu garaadka iyo caqliguba ugu baahanyihiin fikir iyo aragti kobcisa, sida ay ruuxdu ugu baahan tahay cibaado kor u qaadda. Haddii aan fikirka iyo aragtida la tixgelin waxaa meesha ka baxaya, kobaca caqliga iyo garaadka iyo awoodda in uu samay karo qiimayn dheellitiran, dhaliil cilmiyeysan, dulqaadka lagu aqbalo aragti kala duwan. Waxaa mar kasta sii murjinaya dhibaatada dalkeena ka taagan waa in caadifad iyo xamaasad lagu wajaho arrimo iyo hawlo fikir qodan, aragti qoto dheer iyo ka fiirsasho badan u bahaan. Ma sahlana in aan dhibka ka baxno ilaa iyo inta aan caqliga ka adkeysiino caadifadda, khuraafaadka aan cilmi ka horgeyno, lana helo siyaasad fikir, aragti iyo faham ka duulaysa oo aan ka baxno siyaasada xagey ka bishisahay maanta?? Mahadi ha adiin sugnaato, Jimco suubban W/Q: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar__Qubanaha-271118.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
kaftanka maanta, dheeraad…W/Q Axmednuur Guruje Aduunyada wax walba waxbaa Ku dheeraada ,hadii aan dheeraas aan laga saarina dhabqiya, Jacaylka beentu waa Ku dheerad Soomaalidu aduunka waa Ku dheeraad Ganacsiga kootadu waa Ku dheerad Dhoofka tahriibku waa Ku dheeraad Heesaha koombituurku waa Ku dheeraad Faladagan fanka waa Ku dheeraad Hargaysa biyo la aantu waa Ku dheeraad Doorashada kordhintu waa Ku dheeraada Siyaasada hagbadu waa Ku dheeraad Maxamuud xaashina kulmiye waa Ku dheeraad . Source
-
Muuse Biixi Cabdi ayaynu aragnaa inta badan khudbadihiisa ama hadaladiisa isaga oo ku soo qaadanaya Soomaaliya. Marba meel ayuu hadalka ka soo geliyaa, mar wuu dhalliilaa, mar wuu u hanjabaa, marna siyaasaddooda ayuu ka hadlaa oo dhex dabaashaa. Muddadii uu xilka hayay Muuse khaladaadka siyaasaddeed ee uu dhex dabaalanaayo ayay arrintani kow ka tahay. Mararka qaar waxaan idhaahdaa; tallow madaxweynuhu ma wuxuu ka hadlo ayuu wayay? Hase yeeshee waxa ii soo baxda in uu u hamuun qabo in uu la hadlo Soomaaliya. Madaxwayneyaashii Muuse ka horeeyay ee Somaliland soo maray dhaqanka noocan ah may lahayn, intaan ka war hayo. Waxaan garanayaa in ay maalin la hadli jireen oo ay si miisaaman oo macno leh ay ula hadli jireen, kadibna hadalkaasi saameyn iyo isbedel yeelan jireen. Inta kalena ay dadnta dalkooda iyo dadkooda ka hadli jireen. Soomaaliya oo uu Muuse Biixi la hadlo maalin walba oo uu fagaare iyo warbaahintaba marka uu soo hor istaago ma soo jawaabaan. Sababtu ma cadda hase yeeshee waxay u dhowdahay uun in hadal micno ah oo ay ka soo jawaabaan aanu u muuqan iyaga. Ma diidani in madaxwaynuhu Soomaaliya la hadlo oo wixii laga tabanaayo u sheego isaga oo metalaya shacabkiisa, bal se waxaan diidanahay qaabkan uu wax u waddo. Saacad walba, iyo maalin walba haddii aad Soomaaliya u jawaabto ood ka hadasho waad xikmad guuri oo xattaa shacabku hadhow dan iyo muraad toona kama yeelan doonan marka ay maqlaan; Muuse Biixi ayaa Soomaaliya la hadlay ama farriin u diray – Soomaaliya qudheedu haddaad la hadasho iyo haddii kaleba micno u sameyn mayso. Xisaabta ku darso mudane madaxweyne; la hadalka badan ee dawladda Soomaaliya mararka qaar dawakhaad laga qaadi doonno. Waxaaba laga yaabaa in uu madaxwaynaha ujeedadiisu tahay in uu kasbado taageerada shacabka Somaliland ama ugu yaraan in uu hadalkaasi sababo isku soo dhowaansho dhanka shacbiga ah laakiin madaxwaynuhu ma dhaadin in ka hadalkani dhaawac ku yeelanayo shakhsiyaddiisa oo hadalkiisuba wax ka soo qaad yeelan waayo. Tusaale; maanta ayaad tidhi ma oggolin wada-hadal na dhex mara. Beri ayaa beesha caalamku caddaadis kugu saari doontaa in aad aqbasho wada-hadal ay idin dhexdhexaadin doonnaan. Markaa madaxweyne mar labaad miyaad odhan diyaar ayaanu u nahay wada-hadal anagga iyo Soomaaliya na dhex mara? Si taas la mid ah madaxwaynuhu waxa uu colaadda Tukaraq iyo xiisadda Puntland ugu soo cel-celiyaan si joogto ah oo aad mooddo in mar walba ay wax ka soo cusboonaadeen. Isagoo xittaa mararka qaar u jawaabay afhayeenka Cabdiwali Gaas. Mudane madaxwayne kaarka ku hayaa kululaa. Tukaraq maanta gacanta Somaliland ayay ku jirtaa Puntland ood xoog iyo xiinyaba kaga qaaday sidaad uga hadlayso ugama hadlaan ee halkee ayay wax ka khaldan yihiin. Hoggaamiyuhu in uu dagaal ka hadlo inta ugu badan iyo in uu horumar ka hadlo iyada lafteedu waa qiimayn ay diblomaasiyaddu akhrido oo muujinaysa garaadka hoggaamiyaha iyo waxa uu xiiseeyo. Marka ay sidaas tahay miyaanay madaxwayne kula qumanayn in aad mar ama laba goor si waafiya oo xaqiiq ah intood ula hadasho aad ka aamusto Soomaaliya. Taasi waxay keenaysaa in xattaa lagu dhageysto, dadku ay xiiseeyaan hadalkaga. Caalamka qudhiisu markaad maalin walba aad Soomaaliya la hadasho waxay kuu arkayaan uun nin aan macnaha diblumaasiyadda iyo siyaasadda wax badan ka garanaynin. Mudane madaxwayne horaa loo yidhi; nin hadlay nin aamusaa ka badiyay, maanta waad la hadashay ku dhawaad 20 jeer kuuma soo jawaabaan oo way kaa aamuseen! Ha micno guurin madaxwayne. Mohmoud O Osmaan Email: mohoomer@gmail.com Mobile: +252634129326 Thank you. Source
-
Qof ahaan waxa aan bartay isaga oo bare ka ah Kulliyaddii Tababarka Macallimiinta Hargeysa, 2001-2003 ayay ahayd. Gu’gii 2004-2005 ayuu bare iigu ahaa dugsiga sare ee Aljasiira. Laba saacadood oo is-xiga ayaan ka dhigan jiray maaddada Bayoolajiga. Macallin aftahan ah, aqoon leh, ardaydana guubaabiya ayuu ahaa. Waxa uu ka mid ahaa indheer-garadkii doorka ka qaatay hal-tebinta cilmiga Sayniska. Dhanka kale waxa uu qabtay xilal ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland.Hannaankii waxbaristiisa oo isoo jiidatay awgeed waxa aan ku maamuusay maanso magaceeda la yidhaahdo Bariidiyo Salaan. Tan iyo waagaas oo laga joogo 14 gu’ ayaanu lahayn is-aqoon iyo xidhiidh toos ah oo ku salaysan qaddarin iyo xurmo. Professor Axmed Maxamed Cadaad waxa uu noqday Hormoodka Kulliyadda Sayniska iyo Tiknoolajiga ee Jaamacadda Hargeysa. Markii uu xilkaas qabtay waxa ay ka koobnayd laba dhudood oo kala ah: Bio/Chemis iyo Physio-Maths. Waxa uu ku kordhiyay laamo ay kamid yihiin: Nutrition, Biomedical Sceince iyo Statistics Professor Axmed Maxamed Cadaad waxa uu ka mid ahaa dad aan u bandhigay inay soo akhriyaan, weedhna ka yidhaahdaan buugga Quraanka iyo Sayniska. Hilaad ku siman 2011kii ayay ahayd. Weedh-maamuuskiisa ayaa u dhignaa sidan: ”Aqoon-sayniseedka iyo aqoonta Quraanka ee uu buuggani dadka ku kordhinayaa waa mid qotodheer, oo mug iyo baaxadba leh, oo korinaya ama kobcinaya fahmo-garashadooda (intelligence), dareennadooda aragga, urinta, maqalka, dhadhanka iyo taabashada. Waxa ay indha-indhaynaysaa waxyaalaha Eebbe-abuurka ah (nature). Waxa ay kobcinaysaa sidii ay dadku ugu fiirsan lahaayeen gedgeddoonka Eebbe-abuurka. Waxa ay daah-rogaysaa awoodda Eebbe ee ku mooro-duugan carro-edeg. Waxa ay kordhinaysaa waxa ugu cabbir yar sida atamka illaa waxa ugu weyn ee ifka Alle ku abuuray. Buuggani waxa uu soo bandhigayaa aqoon saynisku ogaaday xilliyadan dhaw, Quraankuna ka warramay 1400 sano ka hor, taas oo saamayn ku yeelan karta dadka sayniska yaqaan ee aan Islaamka ahayn. Waxa aan u soo jeedinayaa aqoonyahannada Culuumta sayniska ka soo dheegay Quraanka iyo duco ballaadhan oo qotodheer oo ah in uu Ilaahay cilmi-baadhis sayniseedka ku qotonta ka dheegista sayniska Quraanka in uu u fududeeyo, hilaadin iyo hanweynna Ilaah ku abuuro. Hambalyo iyo bogaadin muhiim ah oo u qalanta, isla markaasna ay mutaysteen ayaa aan u soo jeedinayaa. Waxa kale oo ay mudan yihiin in lagu ammaano inta ifka ka joogta aragtida ebyan ee ergada u ah uunka arlada ku uumman oo idil. Maadaama oo aynu nahay ummad 100% Islaam ah, waa ay habboon tahay waanan taageersanahay in mustaqbalka Culuumtan lagu daro manhajka kulliyadaha sayniska iyo Daraasaadka Islaamka ee Jaamacadaha dalka, haddii Alle idmo. Siciid Maxamuud Gahayr waxa uu istaahilayaa isla markaasna uu mutaystay in loogu yeedho ”Cilmi-baadhe” ”researcher”. Waxa aan ku bogaadinayaa dedaalkaa dheeraadka ah ee uu sameeyay, aniga oo horena ugu bartay in uu yahay hal-abuur gabayaa ah (creative poet). Buuggan uu amuumaday ee ibdaac ahaan uga soo maaxday waa hawl qaali ah oo qiimo iyo qaayo ugu fadhida dadka oo dhan. Waxa aan ku dhiirrigelinayaa in aanu ka daalin, kana niyad-jebin, tifaf-tirka buugga, sidoo kalena uu u qori lahaa buugaag kale oo inna anfaca if iyo aakhiroba. Waxa aan ku guubaabinayaa in uu wacneeyo, oo uu wanaajiyo buuggan. Himiladaaduna ha ahaato in aad gaadho heerka qoraayada caalamiga ah (International Historian Status)” Bare Sare Axmed Maxamed Cadaad, Hormoodkii Hore (Dean) Ee Kulliyadda Sayniska iyo Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Hargeysa Source
-
Dalku Wuxuu u baahan yahay karti- hogaamineed oo qoto dheer oo ka mudh-bixi karta dabeylaha siyaasadeed ee maanta ka taagan Somaalilaan iyo mandaqada. Waxaa Xukuumadihii kala danbeeyey ee JSL ay caadeysteen in kolba dib loo dhigo Doorashooyinka iyaga oo indhaha ka qarsanaaya cawaaqib xumada ay ku reebayso habka Dimuqraadiyadeed ee aynu qaadanay. Waxay arintani baabiisay sumcadii iyo karaamadii Somalilaan, Gaar ahaan hab maamuuskii gaarka ahaa iyo hab dhaqankii Siyaasadeed ee Caalamku Somalilaan ku qaabili jirey. Hab maamuuskaas ( Somaliland Special Arrangement ) Wuxuu hada ku danbeeyey in uu meesha ka baxo. Waxaana dhamaan mashaariicdii Horumarineed ee Somalilaan la siin jirey lagu xawilay Somali-Weyn si loogu soo mariyo, taana waxaa keenay Siyaasad xumadii xukuumadihii Kulmiye ee kala danbeeyey . Galaan galkii siyaasadeed ee caalamiga ahaa ee Diblomaasiyiinta Somaalilaan ay ictiraafka ku raadin jireen ayaa isna sii wiiqmay oo meesha ka baxay, maadaama aan la hubin in doorasho dhacayso sanadka danbe iyo in kale . Dabcan sida Madaxweyne MBA shirkiisii Jaraa’id kaga dhawaajiyey wuxuu qiray in doorashooyinka is barkani ay u baahan yihiin mudo 10 bilood ah ugu yaraan oo loogu diyaar garoowo, sidaa daraadeed waxaa aan caad saarneyn oo ummadda u cadaatay in aanay Doorashooyinku marnaba ku dhaceyn waqtigii loo cayimay ee loogu talo galay. Nasiib daro doorasho kasta oo Somaalilaan ka dhacday midna kumay dhicin waqtigii loo cayimay ee loogu talo galay .Bal u- fiirso caadooyinka mudo kordhineed ee hoos ku taxan: A ) Silsilada taariikhda muddo kordhineed ee Golaha Baarlamaanka JSL ee maanta kuraasta ku fadhiya : 1. Waxa loo kordhiyay laba sannadood oo ka bilaabantay 30/10/2010, kuna beegnayd 30/6/2013 2. Waxa loo kordhiyay laba sannadood bil iyo 27 maalmood oo ku beegnayd 2/27/2015 3. Mar saddexaad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo kaga eekayd 27/10/2017 4. Markii afraad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo aheyd 28/4/2017 ilaa 28/4/2019 5- Mar Shanaadkiina dhawaan ayaa lagu dhawaaqi doonaa ka soo bilow 28/4/2019 ilaa iyo ??? B) Taariikhda mudo kordhineed ee Madaxweynayaashii iyo Madax-weyne ku xigeenadii JSL soo maray. 1- Madaxweyne Cigaal ka soo bilow 1995 ilaa iyo 2002 2- Madaxweyne Riyaale ka soo bilow 2008 ilaa iyo June 2010 3- Madaxweyne Siilaanyo ka soo bilow Juune 2015 -27/10/2017 4- Madaxweyne MBA isagana ka filo in mudo loo kordhiyo hadii la nool yahay ? C ) – Goleyaasha deegaanka JSL iyagana waxaa muddada loo kordhiyey 28/4/2017 ilaa 28/4/2019 D ) – Golaha guurtida iyagana waxaa mudo kordhitii ugu danbeysay loo kordhiyey 28/4/2018 ilaa 28/4/2020. “Waa in Goleyaasha qaranku ka waan toobaan Mudo kordhinta aan la garaneyn Sababeynteeda. Waana in ay ixtiraamaan caqliga bulshada rayidka ah, karaamadda musharaxiinta cusub ee soo cartamaaya iyo dooca iyo dareenka daneeyayaasha Somaalilaan ee beesha caalamka” Xisbiyada qaranku iyaga oo ka duulaaya awoodaha Dastuuriga ah ee ay leeyhiin , hadii ay Xukuumada kula heshiin waayaan in doorashada waqtigeeda lagu qabto.Talo qaran oo aan ka hor-imaneyn dastuurka way ku baaqi karaan, waayo goleyaal xeer dejineed ( guurti iyo Wakiilo) ku fadhiya kuraasta mudo kordhin waqtigoodii iyo maandheytkoodiba uu dhamaaday go’ aanka masiiriga ah ee ay gaadhaan muxuu noqonayaa ? ma mid xalaal ah oo waafaqsan dastuurka mise mid aan waafaqsaneyn? wuxuu noqonayaa mid aan waafaqsaneyn dastuurka qaranka. Sidaa daraadeed Dimuqraadiyada Somaalilaan sheeganaysaa xalaal ma noqonayso hadii ay dalka sii wadaan oo sii maamulaan Sadex Gole oo maandheytkoodii doorasho iyo mudooyinkii la doortay uu ka dhamaaday. Doorashooyinka aan waqtigii loo cayimay ku dhacayni waxay dhaawac iyo dhiig bax ku yihiin mar kastaba Geedi socodkii Dimuqraadiyada JSL lagu majeeran jiray. Allaa Mahad Leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London inafidhinle@gmail.com Source