-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The motion of no confidence against the President of the federal republic of Somalia does not have the required numbers to proceed, the secretary general of the Somali lower house of the people has confirmed. The secretary of the parliament, Abdikarim Hajji Bux said his office has received complaints from14 members who appeared in the submitted list without their knowledge. The legislators claimed that their names were included without their consent. Mr. Bux has notified the office of the speaker in a letter to call off the motion, saying the numbers are below the threshold. “My office has received complaints from fourteen members of the house whose names were listed in the sheet of members moving the motion against the President of the federal republic,” Bux told the speaker. “If you deduct the number (14) from the previous ninety-two (92) the result is seventy-eight (78), thus according to article 92 sub article 2 motion cannot proceed as per the constitutional requirement,” he added. The speaker of Somali parliament, ambassador Mohamed Mursal has on Sunday approved the motion to be tabled in the house for debate. Demonstrations in support of the President Abdullahi Farmajo government was staged in the capital by the section the public in Mogadishu. The post Parliament secretary says Motion against President “invalid” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Somalia’s Immigration Department has announced the resumption of its operations that include the processing of national identity cards and passports, after modernization of the system for several weeks. The agency informed the public at large that it will recommence normal processing of applications for renewal and issuance of new passports starting from Today, and apologized for the inconvenience. It says applicants may now submit their applications for passports through the Regional and district offices of the Immigration Service. In the past, the immigration announced it expanded its services to across the country and opened immigration offices in all the states so that it is easily accessible to all citizens. The post Somalia resumes issuance of passports appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargaysa) Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa muddo saddex sanno oo xadhig ah ku xukuntay Qareen Asad Nuur Cilmi, oo Maxkmaddu sheegtay 900 dollar oo Laaluush uu ka qaatay qof dhibane ah. Asad, ayaa sidoo kale Ruqsadii Qareenimo ay Maxkamaddu kala noqotay muddo 5 sanno ah. Guddoomiyaha Maxkamadda Maroodi-jeex Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan musuq-maasuqa Garsoorka dhexdiisa. Shacabka Somaliland ayaa muddo dheer eedaymo musuq maasuq u jeedin jiray Garsoorka walow ay qayb ka yihiin . Source
-
Muqdisho (Caasimada online) – Qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhow ka hadlay qoraalkii kasoo baxay xoghayaha baarlamaanka iyo halka uu marayo mooshinka. Xildhibaan Axmed Macalin, Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar iyo xildhibaano kale oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay soo saareen warqad ay ku cadeynayaan halka uu marayo mooshinka, islamarkaana ay ka horjeedaan qoraalka kasoo baxay xoghayaha guud xafiiskiisa. Xildhibaanada ayaa ugu horeyn ka hadlay diidmada loo diiday Villa Hargeysa waxaana ay tilmaameen ineysan aqbaleynin in xarunta Villa Somalia laga dhigo meel shaqsiyaad gaar ah ay maamulaan. Qoraalka ay soo saareen ayaa u qornaa Sidan:- Waxay xildhibaano metelaya shacabka iyo deegaanka laga soo doortay ay ayagoo gudanaya waajibaadkooda keenneen soo jeedin sharci ah oo uu qabtay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo haddii uu aqoonsan yahay baarlamaamkii doortay iyo dastuurkii uu ku dhaartay awooddana siiyay, wuxuu kuqasbanaa in uu maro waddo sharci ah baarlamaankana u hoggaansamo. Beddelkeeda madaxweynaha wuxuu u dhaqmaqmayaa mas’uuliyad darro: 1-Waxaa la xanibay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, looma geli karo oo xataa xildhibaanadii waa loo diidey 2.Waxaa laga hadashiinayaa xildhibaanno aanan aslanba mooshinka saxiixin, iyo qaar aamusnaa illaa mooshinka lagasaaro shaabadda, Guddoonkana uu qabto, Sida sharciga ah mooshin la qabtay kaddib xildhibaanka ra’yigiisa haddii uu is beddelo waxaa u furan cod. Waxaa lasoo saaray warqad uu ku saxiixan yahay Buux oo oo la yiri mooshinka waa jabay si buuq loo abuuro. Haddii aysan xusuustooda yareyn, isla Buux ayaa March 14, 2018 wuxuu shir jaraa’id la qabtay Guddoomiye Jawaari oo mooshin ka yaallay asagoo yiri xildhibaanno badan ayaa ka noqday, wuuna jabay. Mooshinkii inuu jabay Guddoomiye Muudey wuu diiday, sidiina Jawaari isku casilay. Buux ma aha xildhibaan, shalay warkiisa Guddoomiye Muudey oo mooshinka hayay iyo xildhibaanada ayaa diidday, maantana waa sidoo kale. Shalay iyo maanta Buux ma kala aha. Mooshinku waa sharci, waa waajib, madaxwaynaha haraaco sharciga, fowdo ma aha dowladnimo. Caasimada Onine Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The International Monetary Fund (IMF) on Monday urged the Somali government to sustain reform momentum to help long-term recovery and growth objectives. The IMF mission led by Mohamad H. Elhage, who visited Kenya from Dec. 1 to 6 to meet Somali financial officials and conduct the first review under the 12-month (May 2018-April 2019) Staff-Monitored Program (SMP), said it stands ready to continue supporting Somalia’s reform agenda and capacity development needs by intensifying technical assistance and training. “Despite a difficult environment, performance under the SMP is strong,” said the mission in a statement. The IMF team welcomed the government’s commitment to continue improving the fiscal framework for the remainder of 2018 and for 2019 by expanding gains from the new tax measures and by keeping expenditure under control. The team recommended several measures to strengthen public financial management reform, including expenditure control and minimizing the use of cash advances; improving domestic arrears management capacity; maintaining efforts toward achieving Treasury Single Account; and continuing to make progress toward fiscal federalism. “The authorities have made considerable progress in implementing steps to support the launch of the new national currency,” said the IMF mission. The IMF team said it supports the Somali authorities’ effort to continue reaching out to donors to secure funding for the currency reform project. It noted that economic activity in 2018 is recovering from the 2016-17 drought, noting that a favorable rainy season is supporting the economic recovery, particularly in the agriculture and livestock sectors. “Increased activities in the construction, communication, commerce, and service sectors are expected to be sustained,” the IMF said, noting that real GDP growth and inflation are projected at 3.1 and 3.5 percent from 2.3 and 5.5 percent in 2017, respectively. “Overall, fiscal performance through September 2018 has been strong. The fiscal balance at end of September recorded a surplus of 8 million dollars (up from 2.3 million dollars in June), mainly due to continued strong domestic revenue collection,” the Washington-based lender said. The IMF team stressed the importance of accelerating the implementation of financial sector reforms, with priority placed on restructuring of the central bank and regulating the mobile money sector. “While progress continues on improving commercial bank and non-banking supervision, there is a need to further strengthen the capacity of the Licensing and Supervision Department,” said the lender. The post IMF urges Somalia to sustain reform momentum appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hadda naga soo gaaraya Villa Hargeysa ayaa sheegaya in kulan gaar ah oo u dhaxeeya guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddoomiyaha aqalka sare uu ka socdo halkaasi. Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku biiray shaqsiyaadka doonaya in xal laga gaaro mooshinka maalin ka hor laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo hadda uu kulan la qaadanay guddoomiye Mursal. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la filayay inuu ka hadlo maanta halka uu marayo mooshinka iyo qoraalka kasoo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Baarlamaanka, waxaana uu maanta oo dhan ku jiray kulamo kala duwan sida xogheynta ay inoo xaqiijiyeen. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa kulan la qaatay guddiyadda joogatada ee baarlamaanka qaarkood, waxaana uu kala hadlay howlaha baarlamaanka iyo xiisadda taagan, laakiin natiijada kulankooda lama shaacin. Warbaahinta ayaa loo diiday inay wax ka ogaadaan kulamada ka dhacaya Villa Hargeysa, iyadoo xildhibaano la doonayay inay warbaahinta kula hadlaan Villa Hargeysa loo diiday. Cabdi Xaashi Cabdullaahi, guddoomiyaha aqalka sare ayaa shalay kasoo laabtay magaalada Kismaayo oo uu u joogay xalinta khilaafkii u dhaxeeyay dowladda iyo maamulada. La soco waxii kasoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho) Xoghayaha Guud ee Golaha Baarlamaanka Dalkaasi Soomaliya C/kariin Xaaji Buux ayaa sheegay inuu mooshinkii laga keenay Madaxweynaha 9-kii bishan uusan soo buuxin shuruudii Dastuuriga aheyd, isla markaana ay ka baxeen 14 Xildhibaan. Mr Buux ayaa sheegay inuu arkay qoraalo Xildhibaano ka tirsan u soo gudbiyeen oo ay ku sheegeen in laga been abuurtay saxiixooda. Waxaa uu sheegay in 92 Xildhibaan oo mooshinka ku saxiixnaa ay ka laabteen 14 Xildhibaan, sidaas darteed tirada Xildhibaanada ku soo haray Mooshinka ay gaarayaan 78 Xildhibaan sida uu yiri. Arrintan ayaa u muuqataa caqabado hor leh uu sii galayo Mooshinka laga keenay Madaxweynaha oo ka dhashay in Guddoonka ku kala qeybsamo. Bishii March ayay aheyd mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari in markii hore la sheegay in Mooshinka jabay, kana laabteen xildhibaanada, balse dhinaca kale ee Mooshinka waday ku adkeysteen in aanu mooshinka jabin, uuna yahay mid sax ah, waxaana is jiid jiid badan iyo qalalaaso uu galay Baarlamaanka uu sababay inuu is casilo Guddoomiyihii hore Mr Jawaari. Source
-
Guddoomiyeyaasha Labada aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Senator-ada aqalka sare ayaa kulan ku leh magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa ka dhacaya hoyga guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Illaa iyo hadda lama oga waxa kulamadan looga hadlayo, hase ahaatee waxaa loo badinayaa inuu la xiriiro arrinta mooshinka laga keenay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey kulamo kala duwan oo ay leeyihiin qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka. Warkaan wixii kusoo kordha dib ayaan idin kala soo socodsiin doonnaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha loo diiday inay warbaahinta kula hadlaan Villa Hargeysa. Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada ay doonayeen inay warbaahinta kula hadlaan Villa Hargeysa, balse waxaa warbaahinta loo diiday inay gudaha u galaan madaxtooyada, sida wararka aan ku heleyno. Villa Hargeysa ayaa ku dhextaala madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ku sugan Afhayeenka baarlamaanka, iyadoo halkaasi ay doonayeen inay kaga jawaabaan warqadda kasoo baxday xafiiska xogheynta baarlamaanka. Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada ay qorsheeyeen inay isaga soo baxaan madaxtooyada ayna warbaahinta kula hadlaan mid kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho. “Halkee ayaad soo mareysaan, annaga diyaar ayaan u nahay inaan warbaahinta la hadalnee, Albabaabka ayaa la idinka celinayaa, marka annagaa soo baxeyso oo hoteel idiinkuugu waceyno naga warsuga”sidaasi waxaa inoo sheegay mid kamid ah xildhibaanada mooshinka gudbiyay oo aan teleefanka kula hadalnay. Xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka ayaa cirka isku shareereysa, waxaana la ogeyn sida xaalka uu noqon doono haddii sidaan xiisadda sii ahaato. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya oo uu qabtay guddoomiyaha baarlamaanka. Banaanbaxa waxaa ka qeyb galay dadweyne aan badneyn, waxaana ay ku dhawaaqayeen inay taageersan yihiin madaxweynaha Soomaaliya, iyaga oo muujiyay sida ay kaga soo horjeedaan mooshinka cusub. Dadweynaha ayaa ugu baaqay xildhibaanada mooshinka gudbiyay inay ka laabtaan mooshinka oo aysan ka shaqeyn dib ugu laabashada waxyabihii laga soo gudbay. Dhinaha kale waxaa banaanbax lagu taageerayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, iyadoo dadweyne lamid ah kuwa ku banaanbaxay Magaalada Garowe ay ku kulmeen Baydhabo. Banaanbaxyo waaweyn ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dadka banaanbaxayay ay ku taageerayeen madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo kasoo horjeeday mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha. Mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha ayaa maraya marxalad adag iyadoo xoghayaha guud ee baarlamaanka uu sheegay inuu buray mooshinkaasi, kadib markii dad badan oo laga been sheegtay ay ka laabteen mooshinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargaysa) Iyadoo ay Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay hadda sanad jirsatay ayaa keli ah waxa laga hayaa mudadaasi ay jirtay amaro isburinaya oo kasoo baxaya Hay’addaha Dawladda kuwaasi oo jahawareer iyo Saluug dhinaca Dawladnimada ah ku abuuraya Bulshada. Arimaha ugu layaabka badan ayaa waxa ka mid ah in Hay’addaha Dawladda qaarkood ay toodii oo dayacan ay isku qaadaan meelo kale oo ay amaro dul dhigaan waana dhacdooyinka mudooyinkan dambe aad loo maqlo ee aadka uga Dhaka faariyay bulshada. Waxa ay soo saaraan amaro layaableh oo aan ka tarjumayn shaqadii rasmiga ahayd ee loo igmaday ama ay Qaranka u xilsaarnaayeen,waxaaba dhacdaba in Hay’addahaasi ay tii loo xilsaaray dayacan tahay oo meel kale oo aanay hawli uga oolin ay isku qaadaan, waana dhacdooyinka mudooyinkan dambe ugu badan ee laga arko Wasaaraddaha Qaarkood. Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo ugu horayn Qaranka uga Xil saaran Gaadiidka iyo jidadka oo talaabada koowaad ee laga eegayay inay qaado ay ahayd marka loo kaco dhinaca gaadiidka inay xadido dhaq dhaqaaqa Gaadiidka Dawladda oo wakhti walba lagu arko faras-magaalaha Hargeysa iyo Gobolada dalka ayaa waxa ay dhawaan isku qaaday oo ay soo saartay amar umaddu fahmi wayday oo ay dul dhigtay gaadiidka yar yar ee VITZ loo yaqaan ee dadka gaar ka ahi ku shaqaystaan ee Takaasida ah, waxa ay wasaaraddaasi gaadiidkaasi ku amartay inaanay Gobolada iyo Degmooyinka ukala gooshi Karin, waxa uu Amarkaasi abuuray buuq iyo sawaxan waxaana xabsiyada lagu guray dirawalo ka biyo diiday kuwaasi oo qaarkood u caraabi jireen intay caasimada maalintii ka shaqaysa gobolada dalka ee dhaw dhaw, waxaanu amarkaasi ku noqday caqabad. Dhinaca kale Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Qaranka uga xil saaran Tayaynta Dugsiyadda Dawladda oo ugu horayn laga sugayay inay Albabaada u furto dugsiyada Dawladda ee xidhan iyo inay boodhka ka jafto ayaa durba waxay Shalay isku qaaday oo ay soo saartay amaro aan laga filayn oo u muuqda Gale ka fuul xumo, waxa ay joojisay furashada Dugsiyo Cusub oo gaar loo leeyahay iyo in wax balaadhin ah lagu sameeyo kuwo hore u jiray. Ma Xuma in amarkaasi oo kale la soo saaro laakiin Waxa la iswaydiinayaa miyaanay ka haboonayn inay Wasaaraddu ugu horayn ku talaabsato waxa ay umaddu ka sugaysay ee uu Waliba wakhtigii Ololaha Madaxweyne Muuse balan Qaaday inuu tayayn doono Waxbarashada Dugsiyadda Dawladdaasi kuwaasi oo aanay Xukuumaddu waxba ka qaban muddaasi ay jirtay, islamarkaana Duruufo adag iyo xaalado laga argagaxayaa ay hoy u noqdeen Dugsiyada Dawladda. Labadan Amar ee kasoo kala baxay Labadan Wasaaraddood Ayaa Ka Dhigan, Tiisaba Daryeele Ayaa Tukale Ku Dara, Gaadiidkii Dawladda Oo Saqda Dhexe Suuqyada Wareegaya Iyo Dugsiyadii Dawladda Oo Albaabadu U Xidhan Yihiin oo aanay xiitaa soo eegi Karin Masuuliyiinta Wasaaradda oo ay indhaha ka qarsanayaan. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa shaaciyay in uu buray sharci ahaan Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Qoraal uu soo saaray Xoghayaha, loona diray guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo labadiisa ku xigeen ayaa lagu sheegay in tirada soo gudbisay Mooshinka ay tahay 78 Xildhibaan, sidaas darteedna aan la hor keeni karin Golaha. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo Oo buray appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo goordhow xafiiska xoghayaha guud ee Baarlamaanka laga soo saaray warqad lagu cadeynayo inuu buray mooshinkii laga keenay madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa soo baxaya in guddoomiyaha baarlamaanka uusan waxba kala socon warqadan. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xoghayaha guud ee baarlamaanka ay ku kooban tahay warqadan kasoo baxday xafiiskiisa, waxaana guddoomiyaha baarlamaanka la filayaa inuu arintaan ka hadlo. Saacadihii ugu dambeeyay waxaa diyaar garow ku jiray warbaahinta, waxaana hadda socota qaban qaabada la doonayo inay bahda warbaahinta ku gaaraan xafiiska Guddoomiyaha baarlamaanka. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la filayaa inuu ka hadlo halka uu marayo mooshinka laga soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, iyo waxa uu ka og yahay warqadda kasoo baxday xafiiska xoghayaha guud ee Baarlamaanka. Xiisad ayaa ka taagan siyaasadda Soomaaliya, waxaana wararka aan heleyno ay sheegayaan in xildhibaanada gudbiyay mooshinka dhankooda ay doonayaan inay warbaahinta la hadlaan. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)Gudoomiyha Golaha Shacabka ee Baaralamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacaddaha Soo aadan uu kulan la qaato Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka soomaaliya ee Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaanada mooshinka gudbiyay iyo Gudoomiye Mursal ayaa waxaa ka hadli doonaan sida ay ka yeelayaan Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo. Saleebaan Maxamuud Xaashi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ee mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha ayaa sheegay in Villa Hargeysa uu kulan xasaasi ka dhici doono,kaasi oo u dhexeeya Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada Mooshinka Keenay. Lama oga Go’aanka kas oo bixi doono kulanka maanta la filayo in ay wada qaataan Gudoomiyaha Golaha shacabka iyo Xildhibaanada Mooshinka keenay. Waxaa cirka isku sii shareeraya Khilaafka u dhexeeya Madaxda ugu sareysa ee Dowlada FederaalkaSoomaaliya. Source
-
Xoghayaha guud ee baarlamaanka Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa shaaciyay in Hindisihii xil ka qaadista Madaxweyne Farmaajo uusan shuruudihii soo dhamaystirin, sidaasna ku jabay. Halkaan [...] Source
-
(SLT-Muqdisho)Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa xalay waxaa uu lakulmay Siyaasiyiin horey xilal ugu sooqabtay dalka. Madaxdii uu kulanka la qaatay ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi ,Ra’iisul wasaarihii hore Nuur Cadde Senetor Muuse Suudi iyo Gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macalin Muuse. Siyaasiyiinta ayaa waxaa ay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u sheegeen in dhawaan ay bilaabi doonaan xalinta khilaafka ka dhex aloosan madaxda ugu sareysa ee Dowlada. Waxaa xusid mudan in Xubnaha uu la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ay qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu u mahadceliyay Xubnahan uu qaabilay, islamarkaana doonaya in ay xal ka gaaraan Khilaafka Siyaasadeed ee udhexeeya Madaxda ugu sareysa ee dowlada Soomaaliya. Source
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa sheegay in uu ka laabtay dawacdii dhinaca maamulka ee kala dhexeysay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Warqad uu soo saaray C/xakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa waxa uu ku sheegay in uu ka tanaasulay dacwadaasi. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-Camey Oo ka laabtay dacwadii kala dhexeysay Gaas appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Cali Maxamuud Faarax ( Cali Seeko ) oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan Mooshinka ka dhanka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Siyaasigan ayaa sheegay in Xildhibaanada wada Mooshinka ay ka leeyihiin dano gaar ah, kadib markii ay waayeen, sida uu sheegay xilal wasiiro ah. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Mooshinkan ay gadaal ka riixayaan dowlado shisheeye oo uusan shaacin magacyadooda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Seeko-1-.mp3 The post Cali Seeko “Dowlado Shisheeye ayaa gadaal ka riixaya Mooshinka Madaxweynaha” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online)- Xafiiska Xoghayaha Golaha Shacabka Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Jamhuuriyadda uusan ansax ahayn maadaama uusan helin tiradii loogu talagalay inuu ansax ku noqdo. Mudane Buux ayaa intaas ku daray in Hindisaha XIl ka qaadista Madaxweynaha uusan buuxin shuruudaha ku cad qodobka 92aad ee Dastuurka Farqadiisa 2aad oo dhigaysa in Hindisaha Xil ka qaadista Madaxweynaha uu ansax ku noqonayo marka ay soo gudbiyaan 1/3 (saddex meelood meel). Warqaddan oo ay nuqul kamid ah heshay Caasimadda Online ayaa lagu caddeeyay in mooshinkaasi uusan haysan shuruudihii lagu qaban lahaa.
-
The President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo has received the credential from the new Turkish Somalia. Ambassador Mehmet Yilmaz presented a letter to PresidentAbdullahi Farmajo from his Turkish Counterpart President Rajab Tayyip Erdogan. In the letter, President Erdogan thanked the federal government of Somalia and its people for the warm welcome and the existing strong relationship between the two brotherly nations. On his side, President Farmajo congratulated the new envoy by wishing him well in his new assignment as the ambassador of the Republic of Turkey in Mogadishu. The President has praised the strong diplomatic relationship between his country and Ankara based on mutual interest of both countries. Somalia and Turkey share very close diplomatic, defense and economic ties since the first visit of Prime Minister Now President Rajab Erdogan in Mogadishu on August 2011. Ankara has since built a military academy in Mogadishu to train Somali armed forces, offered scholarship for thousands of Somalis tudents and took part in the renovation of main roads in the capital. The two Muslim countries have also signed various agreements for cooperation in different field such as trade, defense, health and education. The post New Turkish ambassador Presents his credentials to president Farmajo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo si weyn loogu yaqaanay difaacidda xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadlay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya. Xildhibaan Daahir Jeesow, ayaa u muuqda mid ka walaacsan xiisadda ka dhalatay mooshinka, waxaana uu ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa madaxda sare ee dalka. Xildhibaanka wuxuu sheegay inay wadaan dadaaladii lagu dhameyn lahaa xiisadda ka dhalatay mooshinka, loona xalin lahaa khilaafka sababay in mooshinkaan uu yimaado iyada oo loo turayo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu ku baaqay in la furo kulamada baarlamaanka islamarkaana xildhibaanada baarlamaanka ay dood ku kala baxaan. Xildhibaan Daahir, ayaa waxaa uu xusay in isaga uu dhex dhexaad ka yahay mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo muujineysa inuu mar walbaa dhinac noqon karo Daahir Jeesow, ayaa lagu xasuustaa sida uu u difaacayay xukuumadda Soomaaliya markii wasaaradda Maaliyadda laga keenay eedeynta la xiriirta Musuq maasuqa, waxaana la ogeyn in hadda uu isbadal ku yimid fikirkiisii iyo inkale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maanta u fariisan doonta dawacd u dhexeysa Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey. Fadhiga Maxkamadda ayaa lagu wadaa in uu furmo saacadaha soo socda ee maanta, iyadoona ay Goobjoog ka noqon doonaan Qareeno kala matalaya labada dhinac ee Gaas iyo Camey. Dacwadan ayaa ka dhalatay khilaaf ka dhashay laba guddi oo ay xilliyo isku dhow kala magacaabeen mas’uuliyiintaasi. Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland ayaa maanta la filayaa in go’aan kama dambeys ah ay ka gaarto kiiskaasi. The post Maxkamadda Sare Ee Puntland Oo qaadeysa dacwad u dhexeysa Gaas iyo Camey appeared first on Shabelle. View the full article