-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay dalka Qatar, sida aan shalay daabacnay inuu maanta baxayo. Ra’iisul Wasaaraha oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Qatar ayaa la filayaa marka uu gaado Dooxa in uu madaxda dalkaas la yeesho kulamo ay uga wada hadlayaan xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo dhinacyada iskaashiga laba geesoodka ah. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shirka sannadlaha ah ee Madasha Dooxa oo sanadkii hore ee 2017 uu sidaan oo kale uu uga qayb galay. Dowladda Qatar ayaa ah dowladda carbeed ee xiriirka ugu weyn la leh dowladda federaalka Soomaaliya. Waxa uu safarkan kusoo aadayaa ayada oo xiisad siyaasadeed ay ka taagan magaalada Muqdisho, kadib markii xildhibaano ay mooshin ka keeneen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Si kastaba, mooshinka ayaa hadda mugdi badan uu galay kadib markii 14 xildhibaan oo la sheegay inay ka mid ahaayeen 92-ka xildhibaan ee saxiixay mooshinka, ay sheegeen in magacooda laga been abuurtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay dalka Qatar. Ra’iisul Wasaaraha oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Qatar ayaa la filayaa marka uu gaaro Dooxa in uu madaxda dalkaas la yeesho kulamo ay uga wada hadlayaan xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo dhinacyada iskaashiga laba geesoodka ah. Sidoo kale R/wasaae Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galaya shirka sannadlaha ah ee Madasha Dooxa oo sanadkii hore ee 2017 uu sidaan oo kale uu uga qayb galay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo U Ambabaxay Qatar appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Shabeella Hoose) ararka ka imaanaya deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay toogteen saddex ruux oo ay sheegeen in labo ka mid ah ka tirsanaayeen ciidanka dowladda iyo nin kale oo ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka. Maxkamad ay leeyihiin Al-Shabaab ayaa raggan ku riday xukun dil ah, iyadoo shalay gelinkii dambe lagu toogtay fagaare ku yaal deegaanka Mubaarak. Saddexda nin ee la toogtay ayaa lagu kala magacaabaa Maxamuud Faarax Aadan oo 28 jir ahaa iyo Mahad C/laahi Abuukar oo 29 jir ahaa, kuwaasoo ka tirsanaa ciidanka dowladda, halka Maxamed Tifow Xeydar oo 59 jir ah uu ka tirsanaa Odayaashii Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka. Al-Shabaab ayaa horay deegaanada ay maamulaan ka fuliyay toogasho dad ay sheegeen inay basaas u yihiin sirdoonada shisheeye, dowladda Federaalka iyo dalalka deriska ah. Source
-
(SLT-Muqdisho)Waxaa ilaa xalay kulamo gaar gaar ah ay ka dhaceen magaalada Muqdisho kuwaasi oo looga hadlayay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya. Kulamada ka dhacay Villa Somalia ayaa xooga lagu saaray sidii loo xalin lahaa mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana xalinta arintaan ku biiray siyaasiyiin xilal kala duwan horey dalka uga soo qabtay. Kulamada ugu badan ayaa u dhaxeeyay xildhibaanada baarlamaanka iyo xubnaha golaha wasiirada ah ee baarlamaanka ku jiro, waxaana loo xilsaaray qaarkood kala furfurida xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha. Warar radio lugo badan heleyso ayaa sheegaya in xildhibaanada sida adag ugu taagan mooshinka ay gaarayaan ilaa 50 xildhibaan inta kalana ay yihiin kuwo aan la isku haleyn karin, sida xildhibaanada qaar ay inoo sheegeen. Xildhibaanada sida adag mooshinka u riixaya ayaa sheegay in xildhibaanada sheegay in laga been abuuray magacyadooda ay ka baqeen caga jugleyn lagu sameeyay, balse aysan jirin cid ka been sheegtay. Xildhibaanada mucaaradka ayaa dhankooda kulamo kala duwan yeelanaya, waxaana ay ka tashanayaan sidii aan loo kala dhantaali laheyn, waxaana ay doonayaan in dood adag laga yeesho mooshinka. Kulamada kala duwan ee isdiidaya ayaa sii kordhin kara xiisadda ka dhalatay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, waxaase wali socda kala xodxodashada xildhibaanada baarlamaanka. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa maanta meel mariyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda Qaranka ee dadka Naafada ah. Ugu horreyn Xildhibaan Samsam Ibraahim Cali oo ah guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka iyo cadaalada Aqalka Sare oo kulanka ka hadashay ayaa Golaha ka dalbatay in ay Ansixayaan sharcigan oo ay Goluhu marsiiyeen akhrinta 2 aad iyo 3aad.. Intaasi kadib Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa meel mariyay Hindise sharciyeedka Naafada Qaranka oo xaqsiinaya dadka Naafada ah. Cabdi Xaashi C/laahi guddoomiyaha Golaha Sare oo oo guddoomiyay kulankan ayaa Xildhibaanada uga mahadceliyay meel marinta Hindise Sharciiyedkan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in xilligan si aad ah loogu baahnaa dhismaha hay’adda Qaranka ee dadka Naafada ah . Horay waxaa Hindise Sharciyeedkan u soo meel mariyay Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoona u gudbay Aqalka Sare oo isna maanta Ansixiyay Sharcigaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Aqalka Sare Oo Ansixiyay Sharciga Naafada Qaranka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta ka guuray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, iyada oo uu wali jiro khilaafka dhinaca siyaasadda ee u dhaxeeya isaga iyo ku xigeennadiisa. Xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed Jindi, oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Guddoomiye Mursal uu degay Dhisme ku yaalla agagaarka xarunta Hay’adda UNDP ee Magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Hotel Shabeel. Xildhibaan Jindi ayaa sheegay in sababta uu Guddoomiyaha u guuray ay tahay qatar dhinaca amaankiisa la xiriirta. Waxaa uu intaas ku daray in mas’uuliyiin ka mid ah Dowladda Federaalka ah ay amaankiisa qatar geliyeen islamarkaana uu qatar galay amnigiisa. Xildhibaan Jindi ayaa sheegay in goobta hadda uu degay Guddoomiyaha Golaha shacabka uu amaankeeda suganyahay islamarkaana aysan jirin wax amnigiisa la xiriira oo ay shaki ka qabaan. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta hadalka xildhibaan Jindi ee ah in halis la geliyey nolosha guddoomiye Mursal Muqdisho waxaa wali ka jira khilaaf u dhaxeeya Golaha Shacabka Soomaaliya kuwaas oo isku khilaafay mooshin ay ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Paris) Laba qof ayaa dhimatay, 11 kalana waa ay ku dhaawacantay toogasho ka dhacday magaalada Strasbourg ee bariga dalka Faransiiska, booliska ayaa sidaasi sheegay. Nimanka hubaysan waa ay badanyihiin, ayay intaasi ku dareen boolisku. Toddobo ka mid ah dadka uu dhaawaca soo gaary ayaa la sheegay in ay xaaladooda ay aadc u liidato. Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Fransiiska ayaa dhacadada ku tilmaamay xaalad amni darro ah waxa uuna dadka deegaanka ugu baaqay in ay guryahooda ku nagaadaan. Toogashada ayaa la sheegay in ay ka dhacday meel u dhaw suuq looga dukaameeysanayay agabka loogu tala galay ciidda masiixiyiinta. Saraakiisha amniga ayaa xiray goobta uu weerarka ka dhacay. Peter Fritz oo goob jooge ahaa ayaa BBC-da u sheegay in uu maqlayay dhawaqa rasaasta uuna arkay qof la toogtay oo yaalla buundada. Waxa uu yiri waxaan isku dayay in aan soo badbaadiyo balse mayd ayuu ahaa. Warar qaar oo aan la xaqiijin ayaa sheegay in Saddex qof ay dhinteen. Weriye maxalli ah oo lagu magacaabo Bruno Poussard ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in uu maqlay raas badan oo lagu furay waddadii uu ku sugnaa- waxa uu yiri markii hore 1ama laba xabadood ayay ku bilaabatay kadibna baas ayay isku bedeshay. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta ka guuray dhismaha Madaxtooyada, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo madaxa banaan. Guddoomiyaha ayaa la sheegay in uu dagay Hoteel ku yaalla degmada Wadajir, una dhow Garoonka diyaaradaha Aada Cadde ee magaalada Muqdisho. Lama oga sababaha uu guddoomiyaha BFS uga guuray Madaxtooyada, balse waxaa jiray cadaadisyo uu la kulmayay, tan iyo markii uu qabtay Mooshinka Madaxweynaha. Dhinaca kale Afhayeenka G/Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo. War ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Mooshinka uu qabtay 9-kii bishan uu waafaqsan yahay qodobka 92aad, faqradiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka KMG ah. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Guddoomiyaha BFS Oo ka guuray Madaxtooyada appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dhinaca kale kooxda Tottenham ayaa Barcelona la soo gashay barbaro 1-1 ah si ay ugu soo baxdo wareega 16ka UCL taas oo keentay in Inter Milan ay ku dhacday tartanka laabad ee Europa league. (SLT-Barcelona)Liverpool ayaa si laayableh ugu soo baxday wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League kadib markii ay 1-0 ku garaacday kooxda Napoli kulan cajiib ah ahaa oo ay Reds min bilaw ilaa dhamaadkii awooda sare lahayd balse ay fursad lumin aan la rumaysan karin soo bandhigtay. SHIXIHII BARCELONA VS TOTTENHAM: TOTTENHAM (4-2-3-1): Hugo Lloris; Kyle Walker-Peters, Toby Alderweireld, Jan Vertonghen, Danny Rose; Moussa Sissoko, Harry Winks; Christian Eriksen, Dele Alli, Son Heung-min; Harry Kane Kaydka: Paulo Gazzaniga, Olver Skipp, Eric Dier, Ben Davies, Lucas Moura, Fernando Llorente, Erik Lamela.. BARCELONA (4-3-3): Jasper Cillessen; Nelson Semedo, Juan Miranda, Clement Lenglet, Thomas Vermaelen; Arthur, Ivan Rakitic, Carles Alena; Coutinho, Ousmane Dembele, Munir El Haddadi. Kaydka: Lionel Messi, Sergio Busquets, Arturo Vidal, Jordi Alba, Gerard Pique, Denis Suarez, Marc-Andre ter Stegen. Daqiiqadii 7 aad Ousmane Dembele ayaa gool cajiib ah oo uu si shaqsi ah uga shaqaystay ku burburiyay difaaca Tottenham isaga oo markale muujiyy sida aan loo joojin karin marka uu xaalad fiican ku jiro wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad laaga xorta ahayd oo Tottenham tuurtay oo ay Barca iska soo saartay. Dembele oo markii hore si sahlan u garaacay ayaa si sahlan ku garaacay Walker-Peters laakiin qaabka uu kubbada ula orday iyo sida uu ciyaartoyda Tottenham u wareeriyay ayaa qurux gaar ah goolkan u sii yeeshay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Barca hogaanka ku qabtay. Tottenham ayaa dagaal wayn u gashay sidii ay ciyaarta ugu soo alaban lahayd halka Barcelona ay wali raadinaysay qaabkii ay goolal kale ku keensan lahayd. Fursadii ugu fiicnayd ee Tottenham waxaa qasaariyay Son laakiin Coutinho ayaa dhamaadkii qaybtii hore helay fursad uu Tottenham ku sii niyadjabin lahaa balse fursad cajiib ah oo uu helay ayay birtu ka beenisay. Qaybtii hore ee ciyaarta Barcelona ayaa ahayd kooxda fursadaha ugu badan abuurtay laakiin Tottenham ayaa bandhig fiican oo ay niyadsami ka heli kartay kala soo muuqatay Camp Nou. Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay Barcelona hogaanka ciyaarta ku haysay iyada oo Tottenham wali u baahnayd in ay badbaadiso rajadeeda Champpions League. Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Tottenham ayaa si wayn ugu dagaalantay in ay barbaraha keensato maadaam oo ay ku soo bixi karaysay. Daqiqiadii 85 aad Tottenham ayaa ugu danbayn keensatay goolka barbarhaa ee ka caawiyay in ay ugu so baxdo wareega 16ka kooxood ee Champins League iyada oo Lucas Moura uu goolkan u saxiixay Spurs. Lucas Moura ayaa noqoday geesiga Tottenham u soo saaray wareega 16ka Champions League kadib markii ay Tottenham barbaro la soo gashay Barcelona isla markaana ay Inter Milan barbaro 1-1 ah la gashay kooxda PSV. Ugu danbayn Barcelona iyo Tottenham ayaa barbaro 1-1 ah galay taas oo Inter Milan daaqada ka turutay kadib markii ay awoodi wadyay in ay dhaafto kooxda PSV Source
-
Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-121218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne ayaa gaartay Magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed waxaana si heer sare uga soo dhaweeyay bahda ciyaaraha,shacabka iyo madaxda waxayna halkaas joogidoonaan maamlo,iyagoo halkaa ku leh ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho sidoo kale waxa ay caawindoonaan dadka baahiya gaarka qaba ee xaga caafimaadka Gudoomiyahay kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne Xuseen Xarakow ayaa ka warbixayay socdaalka Koonfur Galbeed,isagoo mahad celiyay xiriirka kubbadda cagta iyo shacabka Koonfur Galbeed sida weyn ay ugu soo dhaweeyeen. Cabdullahi Cali Watiin oo ah Gudoomiyaha degmada Baydhabo ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin boooqashada jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Austaralia ayna sugidoonaan jaaliyadaha ee kale qurbaha ku nool si loo arko horomarka ka jira deegaanada Koonfur Galbeed. Ku simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa bogaadiyay maamulka jaaliyada Austaralia wuxuuna sheegay fursadaha ay qurbaha ku haystaan ay ku caawiyaan walaalahadooda ku dhibaataysan dalka. Bahda ciyaaraha Koonfur Galbeed ayaa booqashadii kowaad ee kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne u araka talaab wanaagsan oo ku aadan kobaca iyo horomarka ciyaaraha deegaanadooda. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Safarka Kooxda Melbourne Ee Koonfur Galbeed W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Guddomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa markii uu ka guuray gurigii uu ka deganaa Villa Somalia wuxuu soo saarey qoraal kooban. Qoraalkan ayuu kaga hadlayaa arrimo ku aaddan mooshinka madaxweyne Farmaajo, wuxuuna sheegay in si sharci ah oo waafaqsan dastuurka loo soo gudbiyey. Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in mooshinkaan la horegyn doono xildhibaannada golaha shacabka ah, si ay go’aan uga gaaraan. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamanka dowladda Federaalka Soomaaliya,Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa maanta markii u horeysay war ka soo saaray mooshinka xilka qaadista madaxweynaha ee 9-kii bishan December 2018 uu ka qabtay qaar kamid xildhibaannada. Qoraal ka soo baxay xafiiskka guddoomiyaha oo lagu faafiyay baraha bulshada ayuu ku sheegay in mooshinka xilka qaadista madaxweyne Farmaajo ee ay soo gudbiyeen xildhibaannadu la waafajin doono sida uu qabo Dastuurka dalka iyo xeer-hoosaadka Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya. Warka uu soo saaray guddoomiyaha ayaa jawaab looga dhigay qoraal kale oo shalay ka soo baxay xoghayaha Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya,Cabdikariin Xaaji Cabdi(Buux) kaasoo lagu sheegay in uu jabay mooshinkii laga gudbiyay madaxweynaha,maadaama 14 kamid ah xildhibaannada ku saxiixan ay sheegeen in laga been abuurtay,sida ku xusan qoraalka mudane Buux. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Mursal oo war ka soo saaray mooshinka laga gudbiyay Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Dr Bashiir Maxamed Xuseen 11 December 2018 Dr Bashiir Maxamed Xuseen oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland, ayaa Garoowe kaga dhawaaqay inuu u tartamayo, doorashada madaxweynaha Puntland ee la qorsheeyay 8-da January 2019 oo haatan maalmo kooban ka harsan yihiin. Mudane Bashiir ayaa xalay murashaxnimadiisa ka shaaciyay, munaasabad si maqaam sare ah loo agaasimay oo ay ka qeyb galeen; siyaasiyiin,aqoonyahanno,isimo,haween iyo dhalinyaro isaga kala yimid xaafadaha ay ka koobantahay caasumadda dowladda Puntland ee Garoowe. “Waxaa sharaf ii ah, in aan caawo mar kale hortiina soo istaago, anigoo si rasmi ah u caddeynaya, in aan doonayo in aan u tartamo,xilka ugu sarreeya Puntland ee ah jagada madaxweynaha dowladda Puntland” ayuu yidhi Dr Bashiir oo shaacinayay murashaxnimadiisa. Murashaxa ayaa khudbad dheer oo uu munaasabadda ka jeediyay, wuxuu si faahfaahsan ugu soo bandhigay qorshihiisa waxqabadka,haddii la doorto madaxweynaha Puntland,waxaana uu sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad tiro yar oo tayo fiican,taasi oo wax ka qabata arrimaha amniga,dhaqaalaha,ka faa’idaysiga khayraadka dabiiciga ah,arrimaha bulshada iyo la’agaallanka musuq maasuqa &eexda ragaadisay hay’adihii dowliga ahaa ee Puntland. Wuxuu si gaar ah u ballan qaaday, in uu musuq maasuqa u aqoonsan doono musiibo qaran,islamarkaana uu dagaal adag la geli doono,haddii uu ku guulaysto xilka madaxweynaha Puntland”waxaan maalinta koowaadba musiibo qaran u qoonsan doonaa musuq maasuqa,sababtoo ah musuq maasuqu waa isha ugu weyn ee ay ka soo burqadaan xanuunnada bulshada ku dhaca oo dhan” ayuu murashax Bashiir. Dhinaca kale, Af-hayeenka guud ee isimada Puntland,Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo munaasabadda hadal ka jeediyay, ayaa ammaanay qorshaha hiigsiga murashaxu soo bandhigay ee ku jihaysan waxqabadkiisa haddii la doorto,wuxuuna Garaadku ku boorriyay in uu ballanqaadkaasi ka dhabeeyo, haddii Alle ku guuleeyo xilka madaxweynaha Puntland. Dhammaan dadkii munaasabadda ka hadlay, ayaa si midaysan u soo dhoweeyay khudbadda murashaxa ee maaxanaysay waxqabadka qodobaysan oo uu ballan qaaday haddii la doorto. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Garoowe: Murashax cusub oo ku dhawaaqay inuu u tartamayo doorashada madaxweynaha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online)- Guddoomiyaha Barlaamanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa soo saaray waraaq xasaasi ah oo uu kaga hadlay mooshinka laga soo gudbiyey Madaxweyne Farmaajo. Gudoomiye Mursal ayaa si rasmi ah u sheegay inuusan Jabin mooshinkii laga gudbiyey Madaxweynaha. Wuxuu xildhibaanada Baarlamaanka ku wargeliyey inuu dastuur ahaan sax yahay mooshinka isla markaasna dhawaan laga doodi doono si codka kalsoonoda loogu qaado. Waraaqda Guddoomiye Mursal ayaa kusoo aadeyso xilli Shalay uu xoghayaha guud ee Baarlamaanka uu sheegay inuu mooshinkii jabay kadin markii laga been abuurtay saxiixa illaa 14 xildhibaan. Xiisadda ka dhalatay mooshinka Farmaajo ayaa cirka isku sii shareertay waxaana lasoo sheegayaa inuu Guddoomiye Mursal ka guuray Xarunta Madaxtooyada isla markaasna uu dagay Hotel u dhow garoonla Diyaaradaha Aadan cadde. Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda uu soo saaray guddoomiye Mursal
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa ka guuray xafiiskiisa xarunta Villa Uganda oo ku dhexyaala Villa Soomaaliya, halkaasi oo maalmahaan uu ku sugnaa. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya inuu u guuray mid kamid ah Hoteelada ku dhow garoonka diyaaradaha, gaar ahaan Hotel ku dhow Xarunta hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP. Wasiirkii hore ee amniga ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka C/risaaq Cumar Maxamuud ayaa kusoo qoray Barta uu ku leeyahay Twitter-ka in guddoomiyaha baarlamaanka uu ka guurey Villa Hargeysa. Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay ku adkaatay xildhibaanada ay ugu tagaan guddoomiyaha baarlamaanka, waana tan keen karta inuu ka guuro xafiiskaasi si uu fursad ugu helo la kulanka xildhibaanada mooshinka Gudbiyay. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah Maxamed Mursal ayaa degay Hoteel Shabeel ee degmada Wadajir, waa Hoteel ku yaalla agargaarka Aiportiga Muqdisho. Guddoomiye Mursal ayaa horay u deganaa Villa Uganda oo ku taalo gudaha madaxtooyada Villa Somalia, laakin waxaa muuqato inuu ka soo guuray. Maxamed Mursal, guddoomiyaha golaha shacabka ayaa waxaa saarnaa cadaadis badan tan iyo markii uu qabtay Mooshin xilka looga qaadayo madaxweyne Farmaajo 9-kii bishan. Lama oga, in guddoomiyaha uu sii deganaa-doono Shabeel iyo in kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
PRESS RELEASE Africa is an extremely important market for South Africa Minister Davies was speaking at the launch of the South African pavilion in Cairo, Egypt during the Inaugural of Intra-Africa Trade Fair (IATF) PRETORIA, South Africa, December 12, 2018/ — The Minister of Trade and Industry, Dr Rob Davies says South African business people should consider the continent as an extremely important market, especially for trade in value added products. Minister Davies was speaking at the launch of the South African pavilion in Cairo, Egypt during the Inaugural of Intra-Africa Trade Fair (IATF). Minister says the IATF provides a platform for sharing trade, investment and market information and enabling buyers and sellers, investors and countries to meet, discuss and conclude business deals. IATF is an excellent opportunity to position South Africa to grow the export volumes especially into the rest of the continent and to promote the export of goods and services; as well as exposing South African buyers to what the rest of the continent has to offer in advancing South African imports. “When we look at trade with the continent from the South African point of view, there is an easy way of telling the big story. The story is that two-thirds of South Africa’s trade are with the world, whilst a third of the trade is with the African continent. Of the latter, two-thirds comprise trade in value added products,” said Davies. Davies added that even though total trade among African countries is still lower than those compared to other continents, he is still hopeful that platforms such IATF will pave the way to increase trade in Africa. “We believe that during the course of the Intra-African Trade Fair, South African exhibitors will find trading partners with the Egyptian business community and hopefully with other African countries too. And I am also glad to see in particular that so many of these companies are here under the banner of the Export Councils because I think we realise that through these councils, we are able to get our business people to export into other markets,” he said. Egypt is South Africa’s largest trading partner in North Africa. Total trade between the two countries stood at R4 billion in 2017. It is anticipated that the IATF will host at least 1,000 exhibitors from across Africa and beyond with more than 70,000 visitors, generating in excess of $70 billion in trade deals. Caption: Minister Rob Davies together with South Africa’s Ambassador to Egypt Mr Vusi Mavimbela at the IATF South Africa National Pavilion. Distributed by APO Group on behalf of The Department of Trade and Industry, South Africa. SOURCE The Department of Trade and Industry, South Africa Qaran News
-
Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inuu jiro qorshaha safarta ay Muqdisho ku imaanayaan ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afawarki si loo sii wado arrimaha iskaashiga dalalka geeska Afrika balse waxaa ay meesha ka saartay inuu kulankaasi maanta dhacayo. Cabdulqaadir Axmed- Kheyr Cabdi, wasiiru dowlaha arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ee JF Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in kulanka Muqdisho ee madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea uu sidiisa u jiro, laakin aanu maanta aheyn. “Shirkii Gondar ee gobolka Baxar-daar waxaa la isku afgartay in shirka xiga ka dhaco Muqdisho, shirka waa uu dhacaa, laakin maanta ma aha”, sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay wasiir Cabdulqaadir Axmed Mar aan weydiinay, haddii aanu maanta ka dhaceyn shirkaasi, waa goorma?, waa uu ka gaabsaday wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, isaga oo intaasi raaciyey “Arrinta la rabo shirka Muqdisho ka hor waa in la qiimeeyo heshiisyadii hore, si looga ambaqaado”. Galabtii Talaadada, ilo xog-ogaal ah ayaa Goobjoog News u xaqiijyey in maanta oo arbaco ah ay Muqdisho ku soo wajahan yihiin ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afawarki, si loo ambaqaado shirarkii iskaashiga. Sooyaalka Heshiisyada 3da Dal: 1) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Asmara 5 – 6 September 2018 ee lagu sheegay war murtiyeedkii kasoo baxay in lagu heshiiyey 4 qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen iskaashi dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan iyo amni oo sadexda dowladood sameystaan. 2) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar November 10, 2018 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Qadiimiga ah ee Bullo-xaar Bullo-xaar nabdoonaa Badeeduna qurxoonaa Bulshadeedu wacanaa Ninkii maalin bookhdaa Bilo kama go,aayee Runtii wuu u bogayaa. Maxamed Miyir (AHUN) Bullo-Xaar waa magaalo xeebeed ku taala waqooyiga Somaliland. waxa ay ka mid tahey Gobolka Saaxil, iyada oo u jirta magaalada Berbera oo ah xarunta gobolka Saaxil qiyaas ahaan 76 KM, halka ay u jirto caasimada Hargeysa 136 KM. Bullo-Xaar waa magaalo aasaasantay qarniyo ka hor iyadoo raadadkii kala duwanaa ee muujinayey ilbaxnimooyinkii iskaga danbeeyay ay kasii muuqdaan magaala xeebeedka Bullo-Xaar. Taariikhdii hore ee magaalada Bulaxaar Magaca Bullo-xaar oo lagu kala aragti duwan yahey halka uu ka yimi iyo sida uu ku baxay. Axmed Cali Gaydh oo kamid ahaa ardeydii wax ka baran jirtay dugsigii Bullo-xaar wuxu yidhi “magacu wuxu ugu baxay ceelkan biyaha dhanaan ee Bullo, Bullo-xaar waxa loogu bixiyey geelu markuu qalamawdka daaqo ee uu biyahaa dhanaan cabo ee uu ka soofo waxa uu samaystay wado “xaarka” layidhaa oo u baxda dhankaa salal. Markaa magacani wuxu ka sameysmay biyahaa qadhaadh ee Bullo-xaar.” Guddomiyaha Magaalada Bullo-xaar isagu wuxu yidhi “anuu sidaan ku maqlay waa Bullo oo ah biyaha adag, Xar na waa kalmad carabiya oo ka dhigan kuleyl markaa waa Bullo-xar”. Madaama bulsho ahaan qoraalku inagu yaraa waayadii hore ma jirto cid saxaysa taariikhda dhabta ah ee Bullo-Xaar aasaasantay. “waa taariikh hore oo ilaa wakhtigii cusmaaniyiinta ah, waa ilbaxnimo hore waxan ku qiyaasayaa in ay tahey ilaa iyo 1800 oo inbadan bay ka horeysay qeybsigii Afrika.” (Maxamed, 2017). “magaaladaasi waxay ka aasaasantay Berbera horaantii 1850 kii, dagaalo sokeeye oo ka dhacay Berbera dad kasoo guuray baa aasaasay Bullo-xaar, aadbay u camirantay oo Hindibaa timi, Carabaa timi sidaasay ku camirantay Bullo-xaar.” (Gaydh, 2017). “waxa ku taal Aasaar fara badan oo aad arkayso in cid inaga horeysay oo Somalida ka duwanayd oo ka ilbaxsanayd aasaastay, cidaasina waxay ahayd cidii u horeysay ee Bullo-xaar maamul ka noqota oo ahayd Turki, waayo waxa ku yaala jeelashii oo dunsan oo haddana qabcadahoodii yaalaan & meelihii dadka lagu daldali jiray. Dhismayaal qadiimiya oo wali imika hadaad tagto aad arkayso in ay dhisan yihiin. Asaartaasi waxay noqon karaan ilaa 1800.” (Ibraahim, 2017). Taariikhda magaalada Bullo-xaar sida aynu arkayno ma aha mid laysku raacsan yahey, lakiin waxa ka cad hadalada dadka la waraysanayo in ay ka horeysay wakhigii qeybsigi Afrika, oo ay iska danbeeyeen maamulo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen: dawladii Cusmaaniyiinta, Masaari, Turki & Ingiriis. “ganacsatii waaweynayd ee ka ganacsan jirtay Magaalada Bulaxaar oo aan ka xasuusto X. Axmed Ildab & rag kale oo imika dhintay ayaa aasaasay magaalada Hargeysa.” (Maxamed, 2017) “Guryahan waxa lagu dhisi jiray dhagaxaan, Sonkor & Nuurad. Dhulka xeebta ah milixdaa cunta dhismayaasha waadiga arkaya wali way taagan yihiin.” (Maxamed, 2017). Madaama ay magaaladu ahayd magaalo ganacsiyeed waxa ku taalay dakad yar oo ay doonyuhu kusoo xidhan jireen oo loo jeexay gacan, gacankaaso oo ku aadanaa dooxa waaheen intiisa u galbeedaysa. Dakadaas oo laf dhabar u ahayd isku socodka ganacsi oo wax ka dhoofi jireen waxna ka soo dagi jireen. ”maalin walba waxa dhinac walba kasoo galayey ilaa 500 oo awr ayuu aabahay yidhi, waxay keeni jireen waxyaabaha ay ka midka yihiin Fooxa, Malmalka, Muqumada, Baalgoreyga, Subaga IWM, halka ay doonyuhuna keeni jireen Timirta, Dharka, Sonkorta & agabka dadku istimcaalo oo laysku badalan jirey. Odeyadu waxay yidhaahdeen waxay magaaladu si degdega ugu camirantay waxay suuq u ahayd dhulkan galbeedka oo aad dadku aad u camiran yahey ilaa Etoobiya ayey suuq u ahayd.” (Gaydh, 2017) Haddaba magaaladani sidii ay u camirnayd ayaa markaliya laga kala yaacay, maxaa sababay baa,bii magaalada Bullo-Xaar? Xilim ayey se ahayd goorti laga guuray magaaladani. “Dagaalkii koobaad 1aad ee aduunka 1914kii, bad xidhankii ayaa baabi,iyey, waxa u raacday abaar aad uxun xun baa ka dhacdey 1920-1922kii ayaa sababay. Markii danbana Hargeysa ayaa aasaasantay.” (Gaydh, 2017). “dagaalkii 2aad ee dunida ayaa bilaabmay xiligaa Bullo-xaar baaba’eedu kama horeyn 1939 ka bilaw waxa istaagay isu socodkii ganacsiga. Wadooyinkii baa go,ay markaa dadkii waa ka guureen.” (Ibraahim, 2017) Magaalada Bullo-xaar waxay wakhtiyadii dhexe caan ku noqotay wax barashada, iyada oo laga hirgaliyey 1964 kii iskuul ardeydu dagto (Boarding school) kaas oo kamid noqday dugsiyada noocan ah kuwii hir galay soona saaray ardey badan. Halkaas oo ay ardeydu aad ugu soo dhismi jirtay. “waan xasuusanahay caruurta waxa la siin jiray maalina hilib Riyaad maalina kalluun, ilma walbana waxa lasiin jiray koob caano ah. Cuntadaa dheeliga tiran leh waxay sababtay in maskaxdoodu aad bay u koraysaa, aasaaska ayey waxbarashadu ka dhisantaa, haddii aasaasku wanaagsanaado inta kalena way la wanaagsanaanaysaa” (Maxamed, 2017). Waxan ka mid ahaa ardeydii wax ka baratey Dugsiga (boarding) ka ahaa ee magaalada qadiimiga ah ee Bullo-xaar, waxa jiray afar fasal uunbuu ahaa iskuulku, waxaana u sareeyay fasalka afraad. Waxa kasoo baxay ardeyda ugu wanaagsan guud ahaan dalka dugsigan” (Ibraahim, 2017) . Sidoo kale Bullo-xaar waxay caan ku ahayd beertii Timirta oo uu aasaasay Ingiriisku 1948kii, beertaas oo ay tiradeedu gaadhay ilaa 10,000 oo geed oo markii danbe dalka dibadiisa loo dhoofin jiray. Beertaasi waxay baaba,day 1988-1991kii wakhtigii dagaaladu ka socdeen wadanka. Balse waxa ay maamulka Bullo-xaar iyagoo la kaashanaya wasaaradda Horumarinta beeruhu dib u bilaabeen beertii Timirta. Si uu mashruucaasi u hirgalo waxa uu deegaanku u baahanyahey in gacan laga siiyo si uu noqdo mashruuc balaadhan oo ku filnaada dalka lana dhoofiyo mustaqbalka. Masnooyinka Bullo-xaar Bullo-xaar waa magaalo xeebeed leh bad aad u nadiif ah oo kusoo baxaysa dalxiiska iyadoo ay u waheliyaan raadadka taariikhda faca weyn leh ee ay leedahay, waa magaalo dalxiiseed qurux badan dhan kastoo loo dhigaba. Sidoo kale badda Bullo-xaar waxa ay hodan ku tahey noocyada kala duwan ee Kalluunka oo meel dhaw laga soo jillaaban karo. Bullo-xaar waa meel beero laga beeri karo oo waxa mara dooxa weyn ee Waaheen, dooxaasi oo ay iskugu yimaadaan dooxyo badan, dabadeedna halkaa uu kaga darsamo badda. Halkuu dooxa waaheen bad waqooyi kaga daro Waadigu hakula tago walahaan kugu raran Axmed Cali Cigaal & Khadra Daahir dooxaasi oo biyihiisa looga faa,iideysan karo beero & meesha oo ah carro san ay si fudud waxyaabo badan uga bixi karaan biyaha badan ee badda iskaga darsamayana ay u baahan yihiin in la xidho si abaarahan soo noqnoqonaya looga hortago. Sidoo kale deegaankani wuxu caan ku yahey dhaqashada xoolaha kala duwan sida Geela & Adhiga oo ay jiraan meelo aan Adhiga & Geela midna meel fog loo daaqgeyanayn ee ay kambalka reerka baad & biyaba ka helayaan. Meelahaa waxa ka mida dooxaada Wiriir. aan ina xasuusiyo muuqaal qurux badan oo ay ina tusaysay hees uu sameeyay Xasan X.Cabdillahi (ganey) oo uu qaado Xasan Aden Samater. Dalsankii Wiriiroo Xili roobku di,I jirayeey Dambarsamuhu ku onkoday Darantuna ugbaad tahey Oo ramadku dayr dhalay… Waxa kale oo uu deegaankan & deegaano kale oo u dhaw ay caan ku yihiin geedka loo yaqaan Kullanka oo afka ingiriisidana lagu yidhaa (Argan), geedkaas oo siyaalo farabadan looga faa,iideysto. “Geedkan saddex noocbaynu uga faa,iideysanaa intaan ogahay. Mar waa la Dhuwamaa inta la dubo ayaa la cunaa, marna waa la qalajiyaa oo beerkiisa ayaa saliid laga sameeyaa, marna waa la kariyaa oo cunto ahaan ayaa loo isticmaalaa.” (Maxamed, Guddoomiyaha Magaalada Bullo-xaar, 2016) Geedka Kullanka oo midhihiisa laga sameeyo saliid aad u qaaliya & shaambooyo, waxa caan ku ah wadanka Marooko oo aad uga faa,iideysta sheegtana in uu wadankooda oo kaliya ka baxo. Geedkani wax daryeela kuma haysto deegaanka uu kuyaal cidina ma beerto, waxa uu u baahanyahey in la tarmiyo oo beero waaweyn laga sameeyo wax soo saar & warshadayna laga bilaabo. Sidoo kale waxa deegaanka ka baxa geedka loo yaqaan Xudhuunka oo ah geed ay geelu daaqaan, geela daaqa geedka xudhuunka caanihiisa afkaa ka qaadi maysid. Dadka yaqaanaa waxay ku odhanayaan geel Xudhuun daaqay caanihiisa isoo lis. Iskusoo wada duuboo way yartahay in aduunka gabi ahaantiisba meel kaliya laga wada helo Beerihii, Xoolihii, Kalluunkii, Dooxyadii & waliba Quruxdaa dabiiciga ah ee bad & banaan ba leh. Waa nimcooyin badan oo is barkan isla jeerkaasna dihin. Duruufaha yaala magaalada Bullo-xaar Kollay duruufo fara badan waa ka jiraan goobtaa sidaan kusoo arkay ee aan ka wareystay dad xog ogaal ah oo deegaanka degan balse kuwa ugu sii waaweyn ee ay aad uga cabanayaan waxa ka mid ah Geedka Garanwaaga Magaaladan waxa aad u hadheeyay geedka “Garanwaaga” aynu u naqaano, afka ingiriisadana lagu yidhaa “Prosopis julifora” oo runtii aad ugu fiday wadanka gabi ahaanba, geedkan oo lagu sheego geedaha aan deegaanka u wanaaganayn isla jeerkaasna la dagaalama dhirta kale ee deegaankaa ka baxda. 1960 kii waxa lagu ogaaday geed ku yaalay saxaraha Arizona in xidadiisu ay hoos dhulka u gaadheen ilaa 53 Mtrs. Taasi oo ka dhigaysa geedkan geedaha ugu xididka fog, isla markaana uu meel fog oo dhulka hoostiisa ah ka doonan karo biyaha, taasina ay keenayso in uu geedaha kale ka adkaysi badnaado (Phillips, 1963). Sidoo kale geedkani waxa uu bixiyaa siidh maalaayiin noqonaya taasi oo xooluhu markay daaqaan ay gaynayaan meelo fogfog amaba dabayshu qaadayso oo uu aad ugu fidayo deegaankii isla wakhti yar gudihiina uu ku baxayo. Haddaba geedkan ayaa qariyey in badan oo kamid ah magaalada Bullo-xaar gaar ahaana dhismayaashi duuga ahaa ee taariikhda & tixraaca laga sameynayay kuwaas oo haddii aan waxba laga qaban dhawrka sanno ee soo socda gabi ahaanba uu qarin doono geedkaasi. Biyo Qadhaadh ama Adag Magaaladan nolosheeda waxa adkeeyay biyaheeda oo ah kuwo adag ama qadhaadh sidii aynu ku haynay magaca Bullo oo ah biyihii adkaa ama qadhaadhaa. Biyahaasi oo ay adagtahey in ay dadku u adeegsadaan cabitaan. Waa caqabadaha u waaweyn ee haysta magaaladan. Adeegyada aasaasiga ah Bullo-xaar way leedahay goob waxbarasho oo hoose/dhexe, xarunta dhalaanka & hooyada, saldhig balse uma dhamaystirna amaba ma gaadhsiisna heerkii loogu talo galey. Xanaanada Bullo-xaar waxa ay u shaqeysaa deegaano u jira ilaa 50 Km haddana malaha Umblance. Soo Jeedin Magaaladani waxa ay leedahay khayraad badan oo wadanka dhaqaalihiisa wax ka badelli kara haddii si cilmiyaysan looga hawlgalo, qorshe wax ku ool ahna loo dajiyo. Waxa aan soo jeedin lahaa in daraasad cilmiyeed laga sameeyo xaalada dhabta ah ee magaaladan isla markaana la maal galiyo lagana hirgaliyo mashaariic beereed waaweyn, madaama biyo xaddigoodu badanyahey ay keenaan dooxyada deegaanka mara, sidoo kalena laga faa,iideysto kalluunka badan ee badda ku yaal. Dalxiiska kor loo qaado oo la maalgaliyo. Mashaariicdaasi waxa ay saameyn ku yeelan karaan guud ahaanba dhaqaalaha wadanka, waxa laga yaaba in ay hoos u dhigaan shaqo la,aanta baahsan ee aynu ka cabano. Hibo Ciise Maxamed hibafaakhir@gmail.com References Gaydh, A. C. (2017). Arday wax ka baran jiray Dugsigii Bullo-xaar. (SLNTV, Interviewer) Ibraahim, C. (2017). Ardeydii wax ka baratey Dugsigii Bullo-xaar. (SLNTV, Interviewer) Maxamed, I. X. (2016, November). Guddoomiyaha Magaalada Bullo-xaar. (C. Hereri, Interviewer) Maxamed, I. X. (2017). Guddoomiyaha Magaalada Bullo-xaar. (SLNTV, Interviewer) Phillips, W. S. (1963, April 01). Depth of Roots in Soil. Qaran News