Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa kasoo horjeestay shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo la sheegay in lagu qabanayo magaalada Boorama. Shabeel wuxuu yidhi khilaaf ayaa ka jira xisbiga dhexdiisa, waxaana uu dacwad u gudbiyay guddida diiwaangalinta ururrada siyaasadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SL-T Burco) Wariye Maxamed Jokar Oo Kamida Bahda Eryal Tv, Ayaa Warbixin Ka Diyaariyey Nolosha Qoysas Darn-yar Ah Oo Ku Nool Xaalado Adag, Daawo Muuqaalka, Murugada Leh Ee Warbixinta. Source
  3. (SLT-Jigjiga)-Madaxweynaha dawlad degaanka soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa xilkii ka qaadey wasiirkiisii warfaafinta Guuleed Aw Cali Kaahin. Xilka qaadistan ayaa lala xidhiidhinayaa khilaafka u dhaxeeya wasiirka maaliyadda dawladda federaalka Itoobiya Axmed Shide iyo madaxweynaha kumeel-gaadhka ah ee degaanka Mustafe Cagjar. Cabdillaahi Maxamed Mowliid ayaa loo magacaabey wasiirka cusub ee warfaafinta degaanka soomaalida dalka Itoobiya. “Qof kasta oo ummadda dhibaato u gaystay sharciga ayaa la hor keeni doonaa cidna gorgortan lagalama gali doono” Sidaas waxa yidhi wasiirka cusub ee warfaafinta degaanka Soomaalida Cabdillaahi Maxamed Mowliid. Madaxweyne Mustafe Cagjar oo xilka loo doortay bishii August ee sanadkii 2018 ayaa waxaa soo food saaray caqabado badan oo ku aadan sidii cadaalad loogu heli lahaa dadka tacadiyada kala kulmay Maamulkii hore ee deegaanka. Dad badan ayaa walaac ka muujiyay khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay dowlad deegaanka Soomaalida iyo dowladda Federaalka Itoobiya. Source
  4. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23 January 2019 xafiiskiisa kulan kula qaatay Madax ka Socotey Hay’adda Interpeace. kulanka [...] Source
  5. Wasiirkii hore ee arimaha dibada dalka Kenya Moses Wetangula ayaa waxa uu walaac ka muujiyay howlgalka ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya . [...] Source
  6. Baardheere ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku warramaya in maanta xiisad xoogan laga dareemayo gudaha degmada Baardheere ee gobolkaasi. Xiisadan ayaa waxa ay ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay guddoomiyihii degmadaasi iyo ku xigeenkiisa. Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya oo ka Gadoodsan arrintaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay hakad dhaq dhaqaaqiiGanacsi magaalada Baardheer ee G/ Gedo. Sidoo kale Ciidamada ayaa boobay xoogan u geystay diyaarado qaad siday oo ka dagay Garoonka diyaaradaha magaaladaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay cabsi xoogan ka qabaan xiisadahaasi. Dhawaan ayey aheyd markii Jubbaland ay shaqo joojin ku sameysay maamulkii M/Baardheere, taas oo ay ka dhasheen qalalaase illaa iyo haatan ka taagan halkaasi. The post Xiisad xoogan Oo ka taagan degmada Baardheere appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Waxaa maanta magaalada Garowe ku geeriyooday allaha unaxariistee, General Cabdullaahi Cali Mire (Careys) oo horey usoo noqday taliyihii ciidamada Difaaca Puntland, kana mid ahaa saraakiisha [...] Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa waxa uu warsaxaafadeed ka soo saaray muddo kordhinta golaha guurtidu u sameeyeen golaha wakiillada, halkan hoose ka akhriso: Source
  9. Gudoomiyaha gobolka Garad Fuu ee Puntland Maxamuud Axmed Caynab oo maanta waraysi dhinacyo badan taabanayay siiyay warsidaha Puntlandi.com xafiiskiisa Bosaaso ,ayaa waxa uu uga hadlay [...] Source
  10. Muqdisho ( Sh. M. Network)-Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa saaka Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda ku dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee M/Muqdisho. Raggani oo gaarayay illaa labo ayaa waxaa la sheegay in dilka kadib ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaiya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano ka bilaabay halkaasi. Howlgalka intii uu socday ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadu ay Toogteen mid ka mid ahaa Raggii ka dambeeyay dilka Askarigaasi, kadib markii uu diiday in uu hubka dhigo. Sidoo kale Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay wiil kale oo dhalinyaro ah, kuna hubeysnaa Bastoolad, kaas oo la rumeysan yahay in uu wax ka geystay dilkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Xaaladda ayaa hadda dagan, iyadoona howlgalkan uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii Ganacsiga Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. The post Kooxo hubeysan Oo Askari ku dilay Suuqa Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)-Hooyo ku nool magaalada Hargeysa ayaa waxa ay walaac xooggan ka muujisay musuq-maasuqa ka jira Somaliland oo ay sheegtay in uu xadkii ka baxay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Kulan ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa looga hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku dhex nool gudaha iyo weliba duleedka magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa ka soo qebgalay wasiirka gargaarka iyo musiibooyinka Xukuumadda federalka ee Soomaaliya Xamse Siciid Xamse iyo gudoomiyaha gobalka Banaadir Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow. Wasiirka oo furay kulanka ayaa yiri “Nus Malyuun Barakayaanlka ah ayaa ku ku nool gudaha magaalada Muqdisho iyo waliba daafaha magaalada, waa nasiib daro inaan si wada jir ah aan uga qeyb qaadan weyno sidii looga saari laha barakacnimada, ayada oon dowladda federaka looga fadhiyo in doorka ugu weyn ka qaadato sidii dadkan barakacanimada ku nool in mustaqbaka dhaw laga saro” Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wato waxaa uu yiri “Waxaa la sheegaa in magaalada Muqdisho ay ku noolyihiin Nus Malyan dad ah oo barakacayaal ah iyo daafaheeda maahan mid xaqiiq ahl, waxaan dareemayaa iney ka badan yihiin, waayo m ajiro ruux sameeyey tira koob sax ah, magaalada ma xamili karto barakacayaal intaas dhan, waxa ay u bahan yihiin in la xaliyo wax ka horeeyo la xallin lahaa majiraan, qofka soo barakacay waxa uu leeyahay xaq la siman midka ay leeyihiin dadka aan baraca aheyn, waxa uu u baahan yahay inuu helo hooy, biyo nadiif ah ,musqul, waxbarasho, caafimaad iyo wax waliba oo nolosha aas aas u ah”. Dhanka kale guddoomiyaha gobalka Banaadir Injineer Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo asagana qeyb ahaa kulanka looga hadalayey sidii xal loogu heli lahaa barakacayaasha Soomaaliyeed mustaqbaalka dhaw ayaa yiri “Maanta waxaan daah fureynaa barnaamijka xal u helidda barakacayaasha oo aan in badan soo wadnay juhdi badana galinay mudo 12 bilooda ah sidii dadkeena barakacayaashaa ay u heli lahaayeen xuquuq dhan mida ay heystaan dadka kale iyo badbaadaba, runtii annaga gobalka Banaadir waxaa naga go’an shacabka in loo adeego si ayaguna waajibaadkooda u gutaan, sidii loo gaari lahaa waxaan in badan soo wadnay wadatashiyo ku aadan arrintaan oo aan la qaadanay dadka ay quseyso shacabkuna ugu horeeyo, waxaana ka soo baxay barnaamijkan aan maanta daah fureyno oo ah sidii xal waara loogu heli lahaa dadka barakacayaasha ah, waxaa loo bahan yahay in laga yeesho siyaasad furan oo shacabka dadka barakayaashaa iyo hay’adaha caalamigaa ay nala ogyihiin in la helo, siyaasadaas hadana waa mid dhameys tiran oo taabanaysa meelo badan ayna ugu horeyso in xal loo helo dadka.barakacayaasha ah maahan in la dawado, waa mawaadiniin Soomaaliyeed waxa ayna leeyihiin xaqa mawaadin waliba oo Soomaaliya uu leeyahay shacabka waa lagu yaqaanay in walalahood ay soo dhaweystaan” Ugu danbeen guddoomiya maamulka gobalka Banaadir ayaa sheegay in uu qorsheynayo in shanta sano ee soo socota aan laga helin caasimada Muqdisho iyo duleekeeda ruux barakac ah dadka ay wada helaan nolol siman Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay waxaa dalka ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho u imaaday macalimiin iyo ciyaartooy Soomaaliyeed oo badankooda ku barbaaray qurbaha,iyagoo ka kala yimid wadamo badan oo yurub ah waxayn arinta dhiiri gelin weyn u noqotay ciyaaraha gudaha iyo kooxaha ka dhisan Soomaaliya. 18-December 2018-Caasimada Muqdisho waxaa soo gaaray kooxda kubbadda cagta Som United oo ah naadi Soomaaliyeed oo ka ciyaarta horyaalka afaraad ee wadanka Sweden yoolkooda ugu weynaa waxa u ahaa is-dhaxgal bulsho iyo ciyaar saaxiibtinimo iyo in ogaadaan is badalka ka jira Soomaaliya si dhalinyaradda ku dhashay qurbaha loo tuso dalkooda hooyo. “Aniga oo ka mid ah qurbajoogta reer Sweden Goobjoog waxaan ugu mahad celinaynaa barnamijyadii quruxda badnaa ee aad ka samayseen socdaalkii kowaad ee Som United taas oo si weyn usoo jiidatay waaladiin badan oo caruur badan ku dhalay qurbaha markii ay daawadeen habka loo sameeyay barnaamijkii ku saabsanaa safarka kooxda Som United waxaa is badalay dareenkooda waxayna iminka qorshaynaynaa in ay dalka ku soo laabtaan””waxaa sidaas Barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog TV u sheegay Axmed Xassan Xarabi Xidig oo ah qurbajoog ka yimid wadanka Sweden iminkana ku sugan caasimada Muqdisho. 26-December 2018-Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulan is barasho iyo xog wareesi la yeeshay wafdiga ciyaartooyda iyo macalimiinta kooxda Som United,Khayre ayaa dhageestay fikirka dhalinyarada ku koray qurbaha ee ku aadan horomarinta wadanka,isagoo si guud mahad celin ugu diray dhamaan kooxihii qurbajoogta ee sanadkii tagay 2018 dalka u yimid ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka. “Sheekada ugu weyn ee maal mahan ka jirta Sweden waa ka hadlida safarkii taariikhiga ahaa ee kooxda Som United sanadkii dhamaaday 2018 ay ku imaadeen caasimada Muqdisho iyo qaabka wanaagsan ay u soo dhaweeyeen madaxdda dowladda iyo qurbajoogta kasoo laabtay Sweden”waxaa sidaas Barnaamijka Xeyndaabka isboortiga ugu waramay Axmed Xassan Xarabi Xidig oo ka mid ah qurbajoogta reer Sweden. Si kastaba maamulka kooxda Som United waxa ay balanqaadeen in sanadaha soo aadan ay booqan-doonaan dhamaan gobolada dalka si dhalinyarada ku koray Sweden ay u bartaan dhaqanka dalkooda hooyo Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Waraysiga Axmed Xassan Xarabi Xidig W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho ( Sh. M. Network )-La-taliyaha dhinaca amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka jaawaabay hadalkii dhawaan ka soo baxay dowladda Kenya ee ku aadanaa in Raggii weeraray magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi ay wateen Hub ay laheyd dowladda federaalka Soomaaliya. La-taliyaha ayaa marka hore sheegay in xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo dalalka Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana DFS ay ka xun tahay weerarkaasi. Sidoo kale Cabdi Siciid Muuse ayaa warka ka soo yeeray laamaha amniga Kenya ku tilmaamay mid aan sax aheyn. Waxaana uu xusay in madaxda Kenya ay u sheegeen in qofka wareysiga bixiyay uu shaaciyay war aan la xaqiijin, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn la-taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Raggii weeraray todobaadkii la soo dhaafay hoteel-ka DusitD2 ay ahaayeen Muwaadiniin Kenyaan ah oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab, islamarkaana hubka ay wateen laga heli karo meelkasto. The post Soomaaliya Oo ka jawaabtay eedeyn uga timid Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-La-taliyaha arrimaha dibadda ee guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Marwo Faadumo Siciid ayaa waxa ay si adag u naqdisay xukuumadda KULMIYE iyada ka warrantay fashilka dul-hoganaya wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Qaran ayaynu nahaye Booliska inoo qurxiya ma Qadafbaa walal ? Oday Cabdi Haybe oo aanu isku WADDANI nahay wuxuu yidhi “ Fadal Ha la ixtiraamo”. Ma hiil Boolisba? ma hiil Taliya? ma hiil Samanaa?! Booliska Jamhuuriyadda Somalilnad waa dhab waa ciidamo aan qaadan mushahar ku filan, ma helaan tababar iyo imkaaniyaadkii ciidan dhaqaalaha Dalka awgii iyo qorshe dhammaystiran oo aan marna loo dejin. In kasta oo ay ku ammaanan yihiin dadaalka ay mujiyeen hadana in badan ayaa ka dhiman oo ay ugu wayntahay dib-u eegis kor iyo hoosba ah in la sameeyo. Maanta Burco Askari Boolis ah ayaa rasaas uu furay Dhib iyo dhaawac gaysatay, qaylada Xabsiyadeena ka taagan waynu ognahay hadana Dadka qaar ayaan arkaa leh Booliska yaan la soo hadal qaadin! Waar Adeer aynu wax hagaajisano oo Booliskeena siduu yahay ka sii qurxino oo Saxiibka Dadweynaha ka dhigno ma qadafbaa? Maya maha walal Kii u arkaa waa yeelkii: Anigoo Ixtiraamaya waxaan Saxaafadda ku arkaayay Oday Cabdi Haybe oo leh “Taliye Fadal ha la daayo “. Oday Cabdi Haybe Waan garanwaayay sababta uu sidaa u leeyahay, Fadal Guri uu leeyahay ma jooge xil Qaran ayuu hayaa, in la faleeyo lagu dhaliilo wixii ka qaloocdana waa daw iyo gar . Hiilka Cabdi Haybe waxaan garan waayay waa mid halkee ah . Ma mid Boolis difaac ahba? ma mid Taliye Fadal ahba mise waa mid Samane Difaac ah ? Aniga ka iigu xiga hadduu wax qaribo qofka ugu horeeeya ee ku qaylinaaya ayaan ahay . Wasiirkaygii Axmed Faarax ayaan ugu qayla badnaaba waayo Kala aragti ayaanu ahayn … Anigu ta Oday Cabdi Haybe mid ka duwan ayaan qabaa oo ah . Madaxweyne adigoo mahadsan habaynta Ciidanka Booliska ku noqo qayladoodu dami waydaye, Madaxweyne maraa waaxid Taliye Fadalna mid dhaama ku badal Hadad Jeclaysatay guul wadayntiisana dee Iska hayso kuwii ka horeeyayba way haysteene. Sawirkan Sare waa mar ciidamadda Boolisku Iga xidheen Huteel Maansoor: Mala 20-ba hal Mar igu dagay iyadoo ay igu filayd gaadhiga soo fool.. Wakhtigaas waxa ila socday Jamaal Cali Xuseen oo aanu Saxiib dhaw nahay . Tusan Qaran News
  17. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-230119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  18. (SLT-Muqdisho)-Kooxo hubeysan ayaa maanta barqadii ku dilay Xaafada Al-Baraka ee degmada Hodan Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Cosoble oo loo yaqaanay Cabdi Madoobe, waxaa la sheegay in rag ku hubeysnaa Bastoolado ay toogteen, xilli uu ka soo baxayay gurigiisa. Xilliga la tooganayay ayaa la sheegay inuu watay gaari, waxaana markii dambe kooxdii hubeysneyd ka baxsatay goobta. Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, inkastoo aanay suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan kooxdii ka dambeysay dilka. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay Sarkaalka ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, sida lagu qoray baraha Internet-ka ee taageera. Dilalka qorsheysan ee loo geysanayo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ku soo badanaya Magalada Muqdisho, waxaaana maalmo ka hor Suuqa Bakaaraha lagu dilay Mas’uul ka tirsanaa Maamulka degmada Hawl-wadaag. Source
  19. Hay’ada Tayadhorka badeecadaha Punland ayaa maanta duleedka magaalada Bosaaso waxa ay ku gubtay Timir waxqtigii loogu tala galay dhaaftay, taas oo laga soo qabtay mid [...] Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in mar wlaba la maqlo in loo bahaan yahay dowlad awood leh oo dadka gacan adag ku qabata, balse taas ay tahay arrin halis ah. Xasan Sheekh oo u muuqda inuu duraya madaxda dowladda ee hadda xilka haya ayaa sheegay in aan la baahneyn shaqsiyaad dalka xoog iyo awood ku qabsada, hase yeeshee loo baahan yahay sharci iyo qaanuun adag. “Runtii waan ognahay inaan maqalno waxaa loo baahan yahay dowlad adag, balse xaqiiqda ayaa ah in halka aan maanta joogno ay ka dhalatay dowlad adag oo isku dayday inay xoogw ax ku maamusho” “Shaqsiyaad awood wax ku maamula iyo beelo ama shacab la dhibaateeyo awoodna la adeegsado dowlad laguma noqdo” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna guddoomiyaha xisbiga UPD ayaa bilihii la soo dhaafay waxa uu aad u dhaliilayay siyaasada madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana muuqata inuu sii xoojiyey weerarkiisa. Halkaan hoose ka dhageyso Xasan Sheekh https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Cod-Cadow.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. The president of Hirshabelle state, Mohamed Abdi Ware has carried out major cabinet shake-up on Tuesday. President Ware’s new line-up has affected 12 ministries including youth and sports, agriculture, communication, Justice and Humanitarian and fisheries. All the new cabinet members in the reshuffle are members of the state regional assembly. This reshuffle has not affected the ministries of Interior, security, planning, and finance. The leader of the regional state earlier said he will carry out reshuffle to get a competent cabinet to deal with challenges in the state topped by the security and the social services sector. Hirshabelle state is the youngest federal state formed on 2016 by the administration led by the former President of Somalia Hassan Sheikh. The post Hirshabelle state president makes cabinet reshuffle after political standoff appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Al Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ku toogtay sarkaal ka tirsanaa xafiiska hanti dhowrka qaranka Soomaaliya, xili uu ku sugnaa xaafadda albarako ee degmada Hodon. Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa sarkaalka ku dilay meel aan ka fogeyn gurigiisa, waxaana la toogtay xili uu kusii jeeday goobtiisa shaqada, sida masuuliyiinta wasaaradda ay sheegeen. Cabdi Maxamed Cosoble oo loo yaqaanay Cabdi Madoobe, oo ka tirsan xafiiska Hanti dhowrka qaranka ayaa xiliga la tooganayay wuxuu saarnaa gaarigiisa, waxaana dilka kadib kooxaha hubeysan ay isaga baxsadeen halka dilka uu ka dhacay. Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, waxaana ay kasoo qaadeen Meydka Cabdi Madoobe oo la dhigay xarunta Dambi baarista Soomaaliya si baaritaan loogu sameeyo. Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda dilka ayaa sheegay in Cabdi Madoobe uu kamid ahaa dad u shaqeeya Xafiiska Hanti dhowrka qaranka, waxaana markii hore soo baxday inuu kamid ahaa wasaaradda arrimaha gudaha. Dilalka qorsheysan ee loo geysanayo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ku soo badanaya Magalada Muqdisho, waxaaana maalmo ka hor Suuqa Bakaaraha lagu dilay Mas’uul ka tirsanaa Maamulka degmada H/wadaag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com