-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Cabdullaahi Maxamed Aadan, oo kamid ah Qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Mooshinka ay Xilldhibaanada Gollaha Shacabka ka gudbiyeen Madaxwaynaha dalka. Aadan oo wareysi siiyay idaacadda Shabelle ayaa ku baaqay in xal laga gaaro Hindisa xilka qaadista Madaxwayne Farmaajo, kaasi oo uu carabka ku adkeeyay inuu yimid waqti aanan munaasab ahayn. Gudoomiyaha Aqalka Hoose ayuu ku tartarsiiyay in looga baahan yahay inuu ka laabto Mooshinka uu qabtay, kaasi oo uu ku nuux-nuux saday in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay walaac xoogan ka muujinayaan. 9-kii bishaan ayay ahayd markii Mudanayaal ka tirsan Gollaha Shacabka ay tibaaxeen inay gudbiyeen Mooshinkaasi, kaasi oo xiisad siyaasadeed iyo kala qayb-sanaan Gudoonka dhexdiisa ah abuurtay. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Tak.mp3 The post Qurbajoogta oo ku baaqday xalinta Mooshinka Madaxwaynaha appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inay sii xoogeysteen rabshadaha ka socdo magaalada Baydhabo ee bilowday gelinkii dambe ee shalay. Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka koofur Galbeed uu ku geeriyooday rabshadaha ka taagan magaalada Baydhabo, sida ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyeen. Xildhibaanka oo lagu magacaabo Cabdishakuur Buule oo ka mid ahaa Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa toogasho lagu dilay intii ay socdeen Banaanbaxyadda ka dhanka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya. Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa Maanta ah mid kacsan, waxaana jirin cid ilaa iyo hadda isku dayeysa inay xal ka gaarto xaalada cakiran iyo rabshadaha ka socda Magalada Baydhabo. Ciidamada booliska ee magaalada Baydhabo ku sugan ayaa heegan buuxa ku jira, iyadoo ay doonayaan inay ka hor tagaan waxyeelo kale oo ka dhalata xiisada ka taagan magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Waxaa saaka magaalada Baydhabo lagu dilay xildhibaan Cabdishakuur Buulle, oo ahaa guddoomiyaha guddiga amniga ee baarlamaanka koonfur galbeed ee Soomaaliya. Amni ahaan, waxaa Baydhabo lagu daadiyey ciidamo booliis ah oo la doonayey iney furaan jidadka laakin waxaa ka hor istaagay ciidamo taageersan Mukhtaar Roobow. Dhinaca kale, weriyaha Goobjoog News ee Baydhabo waxaa uu soo sheegayaa in dibad-baxyo socdaan kuwaas ilaa shalay socday. Qalalaasaha Baydhabo aya imaanaya kadib markii Khamiistii ay dowladda federeaalka ah soo xirtay murashaxii madaxtinnimada koonfur galbeed Mukhtaar Abuu Mansuur Roobow. Mansuur hadda waxaa uu ku xiranyahay Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garbahaarey (Sh.M.Network) – Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee gobolka Gedo ayaa ka warbixiyay xarig dhowaan loo geystay Gudoomiyihii degmada Ceel-waaq iyo sarkaal ka tirsan degmadaasi. Cusmaan Nuur Xaaji, Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay xariga masuuliyiintaas oo ay xabsiga dhigeen ciidamada Kenya, madaxda dowlad goboleedka Jubbaland. Xaaji oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Shabelle ayaa hoosta ka xariiqay in Gudoomiyaha Ceel-waaq iyo sarkaalka lagu haysto dibad-bax dhowaan halkaasi ka dhacay oo looga soo horjeeday maamulka Axmed Madoobe. Hoos ka dhageyso warka oo codka ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Mahad.mp3 The post Maamulka G/Gedo oo fahfaahiyay masuuliyiin la xiray appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ciidamada booliska Somaliland ayaa waxaa ay xalay xabsiga u taxaabeen weriyihii Goobjoog Media Group ee magaalada Burco Xasan Xandulle. Xasan ayaa maalin ka hor intii aan la xidhin waxaa uu xafiiskeenna Hargeisa u sheegay in la raadinayo laguna haysto war aanu baahin hase ahaatee uu bartiisa Facebook ku sheegay in uu baahin doono. ilaa hadda kama hadlin hey’adda booliiska ama guud ahaan Somaliland sababta loo xiray iyo haddii ay tahay qoraal bartiisa Facebooga ah. Warbaahinta Goobjoog waxaa ay ka wal-walsantahay nolosha iyo xaaladda weriye Xasan, iyada oo xarigaas u aragto caburin xuriyadda hadalka ah, dalbaneysana in si degdeg loo sii daayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhab (Caasimada Online)-Rabshado iyo banaanbaxyo ayaa dib kaga bilowday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaasi oo shalay ay banaanbaxyo waaweyn ay ka dhaceen. Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa gubaya lugaha “Taayarada” baabuurta, waxaana ay dhagxaan la dhacayaan goobaha ganacsi ee furan ee ku yaala magaalada Baydhabo, sida uu ku waramayo Warimaha Caasimadda Online ee Baydhabo. Xaaladda wali wey kacsan tahay, waxaana sidoo kale la arkayaa dadka oo ku banaanbaxaya gurigii uu deganaa Sheikh Mukhtaar Roobow ilaa madaxtooyada Koofur Galbeed. Wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaas laga maqlayo xaafadaha magaalada Baydahbo, waxaana ridaya ciidamada amaanka oo la sheegay inay doonayan inay banaanbaxyada ka hor tagaan. Leyrarkii ku shaqeynayay cad cadeeda ayay dhulka dhigeen qaar kamid ah dadka banaanbaxyada dhigaya oo careysan, waxaana jirin saaka wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah oo magaalada ka taagan. Waxaa laga baqayaa inay xaaladda is badasho, haddii aan wax laga qaban, maadaama dadka careysan ay taageersan yihiin Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) –Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa xalay Muqdisho ugu sameeyay dhigiisa Eritrea kulan casho ah. Isaias Afwerki, madaxwaynaha dalka Eritrea, ayaa Khamiistii wuxuu yimid magaalada caasimada ah, isaga oo ay wehliyaan wafuud heer sarre ah. Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qaybgalay kulankani casho sharafta ahaa. Qaar kamid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalo madaxda wadanka ayaa munaasabadda ka qaaday Heeso ka turjumaya nabada. Waa markii ugu horeysay oo uu Madaxwaynaha Eritrea safar uu ku yimaado Muqdisho xili uu socdaalkiisa qayb ka yahay is-dhexgal siyaasada Geeska Afrika ka curtay. The post MD Farmaajo oo Casho sharaf u sameeyay dhigiisa Eritrea appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Mucaaradsan dowladda Soomaliya islamarkaana gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka walaacsan safarka madaxweynaha Eritrea uu ku joogo magaalada Muqdisho. War saxaafadeed ay soo saareen xildhibaanadan ayna warbaahinta u aqriyeen xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo xildhibaano kale ayaa waxay si cad ugu sheegeen inaysan taageersaneeyn safarka Madaxweynaha Eritrea ee Muqdisho. Waxay sheegeen in safarkiisa uu ku yimid Muqdisho, iyada oo uu Mooshin ka yaala madaxweyne Farmaajo inay ka dhigan tahay siyaasadda guracan ee ay heshiiska ku yihiin, sida ay hadalka u dhigeen. Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay inay ka warhayaan madaxweynaha Eritrea inuusan aheyn ruux dalkiisa ka ogol dastuurka iyo Dimuqraadiyadda, sidaasi daraadeedna ay walaac ka muujinayaan safarkiisa. Waxay ugu dambeyn qoraalkooda ku sheegeen in saraakiil Eritrean ah uu keenay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo hogaamin doono ciidamo ka socda dalkaasi oo Muqdisho imaanaya. Dowladda Soomaaliya wali ma aysan shaacin wax heshiis rasmi ah oo ay la gashay dowladaha Ethiopia iyo Eritrea marka laga yimaado isfahamka dhex marayay seddexda dowladood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Baydhabo (Sh.M.Network) – Xaaladda magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa degan kadib rabshado ka dhacay shalay. Shaqaaqadda ayaa ka dhalatay markii dowladda Soomaaliya ay caasimadda KMG maamulka Koonfur Galbeed ay kasoo xirtay Mukhtaar Roobow. Wararkii ugu dambeeyay oo ay idaacadda Shabelle halkaasi ka helayso waxay sheegayaan in saaka jawiga uu yahay mid xasiloon. Xariga Roobow oo ay wasaaradda Amniga war kasoo saartay waxay sababta ku sheegtay inuu jabiyay heshiisyo kala galay. Wasaaradda ayaa tilmaamtay inuu magaalada lasoo galay ciidamo iyo inuu sameeyo kacdoon milatari oo dowladdu uga soo horjeedo. Mukhtaar Roobow, oo kamid ahaa murashaxiinta doorashada Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa laga soo dejiyay Muqdisho, wuxuuna hadda ku jiraa gacanta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed. The post Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan wali rabshado looga soo horjeedo xariga musharax Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xaafadaha magaalada Baydhabo ay wali kala xiran yihiin, iyadoo xalay la gubay goobo ganacsi oo ku yaala magaalada Baydhabo, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in cabsida darteed wali ay xiran yihiin goobaha Ganacsiga. Dadka banaanbaxyada dhigayay ayaa dalbanaya in lasoo daayo Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shalay dowladda Soomaaliya ay kasoo kaxeysay magaalada Baydhabo isagoo lagu xiray Muqdisho. Iyadoo rabshadahaasi ay ka jiraan magaalada Baydhabo ayaa kulamo looga hadlayo xaaladda kasoo korortay Koofur Galbeed waxay ka dhaceen magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay siyaasiyiin kasoo jeeda Koofur Galbeed. Wararka ayaa intaasi ku daraya in laamaha amaanka ee magaalada Baydhabo ay doonayaan inay ka hor tagaan dadka abaabulaya rabshada kasoo cusboonaaday magaalada Baydhabo. Maalintii shalay dad ayaa ku dhintay kuwo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ay israsaaseeyeen ciidamada ilaalada u ah Mukhtaar Roobow iyo kuwa sugaya amaanka magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-14122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax ee idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa magaalada Dooxa ku kala saxiixday shan heshiis iyo Sedex is-afgarad oo khuseeya arrimha maalgashiga, ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha. Guddi farsamo oo ka socda Soomaaliya iyo Qatar ayaa lagu heshiiyay in ay ka shaqeeyaan dhamaystirka heshiisyada la kala saxiixday si fulintooda loo boobsiiyo, dadka Soomaaliyeedna dhawaan u helaan faa’iidooyinka kasoo baxa. Wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga, iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan, oo ka warbixiyay heshiisyada ayaa sheegay in dhammaan heshiisyada ay dawladda iyo dadka Soomaaliyeed ay dani ugu jirto. Wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga, iyo horumarinta dhaqaalaha iyo wasiir ku-xigeenka maaliaydda oo qayb ka ah wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhanka Soomaaliya heshiiska u saxiixay. Heshiisyada waxaa sidoo kale kamid in diyaaradda Qatar Airways ay billaawdo bartamaha sannadka 2019 duullimaado toos ah oo ay ku imaanayso magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. The post XFS oo fahfaahisay heshiisyo ay la gashay Qadar appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha shacabka Cabdi Weli Muudey ayaa eed kulul kala kulmaya xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaanada ayaa sida ay xogo hoose ku warramayaan ku dhaliilaya Muudey in uu mas’uul ka yahay hab-dhaqanka uu la soo baxay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan maadama uu isaga uu markii hore sabab u ahaa in dowladda ku taageerto qabashada xilka gudoomiyaha baarkamaanka markii uu is-casilay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Xilligii lagu jiray ol’olihii doorashada gudoomiyaha golaha shacabka waxaa jiray xubno dhawr ah oo ay xukumadda gadaal ka riixeysay sida Cabdicasiis Lagtagareen iyo kuwo kale, hase ahaatee, waxaa la xaqiijinayaa in uu Muudey ku qanciyey in Mursal yahay shaqsiga ugu mudan ee la shaqeyn kara. Si kastaba, taas ayaa hadda ku noqotay Muudey iyo Xukumadda waji gabax kaddib markii uu Mursal uu kasoo horjeestay dowladda kuna biiray xubnaha mucaaradka ah. Xogta ay Caasimadda Online heleyso ayaa ku warramaysa in habeenkii Salaasada ay xubno ka mid ah baarlamaanka taageersan Xukumadda ay ku canaanteen Muudey soo xulistii Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Arbacadii ayuu gudoomiyaha Baarlamaanka ka guuray gurigiisa ku yaal Villa Somalia kaddib markii la sheegay in ay Xukumadda ku cunaqabateysay muddo laba maalmood ahaa. Lama oga halka uu ka dambeyn doono khilaafka xooggan ee ruxay siyaasadda Soomaaliya wallow la sheegayo in gudoomiyaha Baarlamaanka laga keeni doono Mooshin maadama Xukumadda ay haysato xildhibaano badan oo taageeraya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Go’aankii ay dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya ay ku soo xirtay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa ahaa mid aan lama filaan ku noqon bulshada Soomaaliyeed maadama hore loo sii saadaalinayey. Roboow oo hore uga tirsanaa Al-Shabaab kana soo qabtay xilal waa weyn ayaa isu soo dhiibay dowladda 2017-dii kahor inta uusan isu taagin xilka Madaxweynimo ee maamulka Koonfur Galbeed. Hase ahaatee, dowladda ayaa bishii tobnaad ee sanadkan go’aan ay uga soo horjeeddo musharaxnimadiisa haacisay balse dhag jalaq uma uusan siin. Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Roobow la xiray kadib markii uu jebiyey laba qodob oo horey lagula heshiiyey, kuwaas oo kala ahaa:- In Mukhtaar Roobow uu ka tanaasulo fikirki xagjirnimada, si cad oo aan qarsoodi lahayn u cambaareeyo fikirka xag-jirka ah, isla markaana taageero dowladda Federaalka Soomaliyeed. In aanu ku talaabsan ficil wax u dhimaya nidaamka dowliga ah iyo minjo-xaabin ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaliyeed iyo Dowlad Goboleedyadaba xubnaha ka ah. Warbixintan kooban waxaan diiradda ku saari doonnaa laba qodob oo lagu tilmaami karo in dowladda u qaadato go’aanka ceynkaas ah, oo aan ahayn kuwa la sheegay. 1 – Dowladda oo hubtay in haddii uu doorashada galo ku guuleysan doono Taageerada Mukhtaar Rooboow ee uu ka haysto shacabka Koonfur Galbeed ayaa aad u korotay tan iyo markii ay soo ifbaxday in dowladda gadaal ka riixeyso Cabdicasiis Laftagareen oo isaguna naceyb badan ku kasbaday arrintaas. Waxaa la baajiyey doorashada Koonfur Galbeed tiro saddex jeer ah iyada oo laga baqay guusha Roobow taas waxa ay dhabbaha uxaartay in dowladda ay qaadato go’aanka ah in ay soo xirto oo uusan tartanka galin. 2 – U Quus goynta gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Toddobaadkan waxaa hareeyey siyaasadda Soomaaliya xassilooni darro ka dhalatay mooshin laga keenay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal-ka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu qabtay gudoomiyaha baarlamaanka Mursal. Arrintaas waxa ay aad u kala qeybisay labada gole iyada oo ay qaar dheheen in uu mooshinka buray halka kuwa kalena ay ku adkeysanayaan in uu sidiisii yahay. Arrimahaas waxaa barbar socday waan waan laga dhex waday gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xildhibaanada mooshinka diidan balse lagu guuleysan waayey xilli uu gudoomiyaha shalay ka guuray Villa Somalia. Waxyaabaha la’isku mari waayey waxaa ka mid ahaa in gudoomiyaha baarlamaanka uu doonayey in isaga looga dambeeyo arrimaha Koonfur Galbeed ayna helaan badaxbaanni taas oo ka dhigan in Rooboow uu si sahlan ugu soo boxo xilka Madaxweyne. Iyada oo taas ka duuleysa dowladda waxa ay gaartay go’aankan si ay gebi’ahaanba ugu quus goyso gudoomiyaha baarlamaanka si uu u waayo wax uu ku mar marsiiyoodo haddii la’isgu yimaado miiska wadahadalka. W/Q: Xasan Aadan Muumin Baydhaba, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa dulmi iyo bah-dilaad lagula kacay Koonfur Galbeed ku tilmaamay xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Isaga oo ka hadlaya dhibaatooyinka deegaanada Koofur Galbeed ayuu sheegay in siyaasiyiinta Reer Koofur Galbeed ay sanad gudahiis dhibaatooyin dhowr ah kala kulmeen dowladda Soomaaliya. “Waxa maanta Baydhabo ka dhacay waxay ahayd dulmi lagula kacay Shacabka reer Koonfur Galbeed. Inkastoo deegaanada oo idil la dulmiyey, haddana reer Koonfur Galbeed dulmi iyo duulaan dheeraad ah ayaa ku socda. Afar hogaamiye ayaa sanadkaan gudihiise mid xiray, mid xilka laga tuuray iyo mid la xanibay laga dhigay. Jawaari, Sharif Xasan, Roobow iyo Mursa”. “Dhinaca Galmudug Xaaf ayaa la isku deyey In xilka laga tuuro, Hoyga Qaybdiid ayaa loo dhacay, anigana waa tii weerar la igu soo qaaday. Somaliland mucaawinada in laga jaro, mashaariicda horumarintana laga hor istaago ayaa la isku dayey” “Jabuuti geeskaa la geliyey, Puntland waa la fadqalaleeyey oo muran ayaa Madaxweynihii iyo ku xigeenkiisii laga dhex aloosiyey. Jubaland na maleeshiyaad ayaa lagu hubeeyey. Shacabku waa in uu baraarugaa oo Dawladan xasilooni darida caadada ka dhigatay waa in meel looga soo wada jeestaa” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Macallin Fiqi ayaa war kasoo saaray xariga shalay magaalada Baydhaba loogu gaystay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qoraal uu soo dhigay facebook, ayuu Fiqi ku sheegay in xariga Roobow “uu qeyb ka yahay heshiisyadii qarsoodiga ahaa ee lala galay Ethiopia iyo Eritrea” ee xildhibaanada baarlamanka ay mooshinka ka keeneen. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi ee facebook oo dhameystiran. Waxaa Baydhabo dad joogaa ii xaqiijiyeen in ciidamada Abiy Axmed ee Itoobiya ay xoog ku qafaasheen musharaxii madaxweynaha Koonfur Galbeed Mukhtaar Roobow oo guddiga doorashadu u diiwaan galiyeen ka qeybgalka tartanka doorashada madaxweynenimada K/G. Waa ayaandarro in ciidamo ajnabi ah loo adeegsado ku xadgudubka muwaadiniin Soomaaliyeed iyo u xoog sheegshadooda. Falkani wuxuu qeyb ka yahay heshiisyadii qarsoodiga ahaa ee lala galay Ethiopia iyo Eritrea, waa midkii ay xildhibaanada qaranku ay ka sii digeen, maalinba maalinta ka danbaysa waxaa soo cadaanaya wajiga dhabta ah ee madaxda dalkeena. Dalkaan Itoobiyaan iyo Eritreeyaan laguma qabsan karo! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senatarada Aqalka Saree e Soomaaliya ee laga soo doorto deegaanada Koonfur Galbeed ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray xarigii ay shalay dowladda Soomaaliya kusoo qabatay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka. War-Murtiyeed: 13 December 2018 Senatarada Dowlada Federalka ku-matalaayo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayagoo kaduulaayo dhibaatooyinkii ay horey uga digeen ee xaladaha Amni, Siyaasadeed, waxaa ay soo saareen qodobada soo socda: Tacsi: Senatarada waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan ehelada dadkii ku geeriyoodey dhibaatadii maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo waxayna u rajeynayaan inta ku dhaawacantay inuu Alle u boogo dhayo Insha Allah. Afduub: Waxaa wax laga xumaado ah Afduubkii maanta magaalada Baydhabo loogu geystey Sheikh Mukhtar Robow oo kamid ahaa musharaxiintii sida sharciga ah ubuuxisey shuruudaha musharaxnimo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana DFS kadalbaneynaa in ay xuriyadiisu dib ugu soo celiso si uu Doorashada lafilaayo uga qeyb galo Doorashada: Kusimaha Madaxweynaha, Gudoonka, Gudiga Doorashada, xildhibaanada KG iyo Dhamaan daneeya-yaasha Doorahada KG waxaan usoo jeedineynaa in dib loo dhigo Doorashada ilaa iyo inta laga helaayo jawi Xasiloon oo suurta gelin kara doorasho Xur iyo xalaal ah. Ciidanka AMISOM: waxaa wax laga xumaado ah in ciidanka AMISOM ee Ethiopia ay kudhex milmaan siyaasada Soomaaliya gaar ahaan tan Koonfur Galbeed, loona adeegsado faragelinta iyo dhibaatada ay Xukuumada Federaalka Soomaaliya ku hayso arrimaha Doorashada Koonfur Galbeed. Gaba-gabadii: waxay Senatarada ugu baaqayaan shacabka Koonfur Galbeed in ay is dejiyaan, ilaashadaana midnimadooda, iyo xasiloonidooda iskana ilaaliyaan in iyaga loo adeegsado burburinta Maamulkooda. Mahadsanidiin Wabillahi Towfiiq Dhamaad:
-
Mas’uul ma jiro, iyo muwaaddin kale toona, ka sarreeya sharciga dalka. Waddanka adduunka ugu muruqa weyn jeebkiisuna ugu gun dheer yahay waxaa hadda ka socda baaritaan laga doonayo in uu ka jawaabo in Madaxweynaha iyo kooxdiisu ay si sharci darro ah ku heleen kursiga iyo in kale. Qareenkii Madaxweynahana xabsiga ayaa loo taxaabay. Markaa ma qabo, marnabana kuma talinayo in Madaxweyne ama mas’uul kale uu isku dayo in uu ka sare maro sharciga dalka u yaalla. Aniga oo afeeftaas hor marsaday ayaan jecelahay in ra’yi shakhsi ah aan ka dhiibto mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaheenna. Waxaan inta badan maqlaa Siyaasiyiin xukuumad kasta oo ay ka maqan yihiin, muddada ay ka maqan yihiin, si ba’an u mucaarada sidii oo ay tahay middii ugu xumeyd ee abid na soo marta, haddii aan la ridinna uu dalku dib u noqon doono. Waxaa kuwaas u jawaaba qaar xukuumad kasta oo ay ka tirsan yihiin, muddada ay ku jiraan, afka ugu ekeysiiya middii la sugayay ee dalka ka saari lahayd dhibka. Labada dhinacba waxaan ku arkaa mas’uuliyiin aan qaarkood uga haya sababo ku xeeran oo ka yeersiinaya waxa ay ku hadlayaan. Uma gelayo waxa ku qoran mooshinka oo ma baarin, cid kale oo aan ku qanco oo baartayna ma arko. Sidoo kale uma gelayo sharciyadda ama la’aanteed uu ku saleysan yahay mooshinku. Uma gelayo qiimeynta waxqabadka Dowladda oo aan dhaliil la’ayn laakiin tallaaboyin horumar ah oo la taaban karo ku tallaabsatay. Umana gelayo in hanjabaadda la meelmar karo iyo in kale. Waxaan rabaa hal dhinac oo yara xasaasi iigu muuqda in aan iftiimiyo si talada loogu darsado. Xilalka siyaasadda ee dalka marka laga reebo Aqalka Sare, waxaa lagu qeybsaday hab qabiil ayada oo Soomaalida loo kala saarayo shan qabiil. Shanta qabiil midkiis aad ayaa loo duudsiyay oo xataa lama qeyb aha afarta kale. Taas waxaa lagu saleyay mala’awaal ah in ay inta kale mid mid uga tiro yar yihiin. Caddaalad darrada koowaad uguna weyni, malahayga, waa middaas. Dhanka kale afarta qabiil waxaa jira xeer aan u qorneyn ase ay ku dhaqmaan. Inkasta oo aan hibo iyo xataa qabiil la isu siin, laga soo billaabo maalintii aan xornimada qaadannay, laba qabiil oo keliya ayaa Madaxweyne ka noqday dalka. Marka ay doorasho joogto iyo xataa halkii mar ee ay afgembi militeri ahayd waxaa shabaqa u dhigtay siyaasiyiin labadaa reer ah. Tan militerigu inkasta oo ay hal mar ahayd, haddana waa ay daba dheeraatay oo waa middii ugu wakhtiga dheereyd. Labadaas qabiil oo siman ayaad haddana mooddaa in ay sii kala mudan yihiin. Labada qabiil midkood, Madaxweyne kasta oo la doortay waxaa uu fursad u helay in marka uu xilligiisu dhammaado sidii ballanku ahaa uu kursiga dib ugu tartamo, marka uu waayana uu xilka si nabad ah ku wareejiyo. Madaxweynayaasha ka soo baxay qabiilka kale, midkoodna weligii fursad looma siin in uu xilligiisa dhammaysto, oo uu doorasho galo, xilkana nabad ku wareejiyo maaddaama aan Soomaaliya weli mas’uul Madaxweyne soo noqday aan mar labaad la dooran. Waxa keliya oo taa weydaaran waa Madaxweynihii Militeriga ahaa oo wakhtigiisu aad u dheeraaday aakhirkiina dagaallo jabhadeed oo lagu hoobtay iyo kacdoon shacab oo is kaashaday ay meesha ka saareen. Maanta oo Madaxweynaha xilka haya muddadii loo doortay aanay kala bar gaarin ilama qummana isku dayga ah in Madaxweynaha maanta lagu daro liiska Madaxweynayaasha aan rabitaankooda uga tegin xafiiska. Dooddeydu ma ahan in ay dhan walba ka eegtay dacwadda oo ay soo gunaanadday, ama ay tahay fikirka keliya ee laga qabi karo. Ma aha wax qurxoon oo dood lagu saleeyo, laakiin xaqiiqada aan qorneyn ee siyaasadda Soomaaliya ee 2018 ayaa sidan qoreysa. Waanan ogahaya aragti dooddeyda lid ku ah in la keeni karo, oo sannadkan nuskiisii hore nin aan arrinkaan ka sheekeysannay wuxuu igu yiri, ‘kala daa waa Madaxweyne iyo waa loo turayaa’. Laakiin muhiim ayay iila muuqataa in taariikhdan lagu darsado sawirka guud. Xagga sharciyaddana marka hore ayaan ka afeeftay sababta oo ah ma haysto awood aan uga daba tago eedeymaha duulaya ee weerarka iyo rogaal celiska ah guntoodu waxa ay tahay. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Dadka Soomaalida waxaa lagu yaqaan in ay ku farxaaan marka ay maqlaan in beelo dagaalamay la dhex dhigo Heshiis iyo afgarad. Marka ay sidoo kale maqlaan dagaal ka qarxay qabiilada dhexdooda, waxaa hadal hays u ah “Ilaahow Kala Qabooji.” Arrintaa caksigeed waxaa la soo shir tegay nin Soomaalidu ay ku baratay in afka la gaaro Dir iyo daaroodba, taasoo ay Soomaalidu ka hal qabsato marka ay rabaan inay muujiyaan arrin dabooshay dad iyo degaano badan oo Soomaalida degto. Ninkaasi Waa Faysal cali waraabe oo magaalda Hargaysa magacyo badan looga yaqaan. Magacii ugu danbeeyana ahaa Faysal 4%, ka dib markii doorashadii kal hore oo ahayd tiisii afaraad u helay boqoliiba afar, ayaa ka soo dhex muuqday Tv Ereyal oo u muuqday mid heshiis kula ahaa Faysal aflagaadada iyo Cayda afkiisa ka soo burqanaysay. Faysal ayaa ku eedeeyey Boqor Burhan,oo ahaa Isimkii hogaaaminayay heshiiskii la dhex dhigay beelo mudddo todobo sano ku daalamaya magaalada Taleeex, inuu wado ababul qabyaaladeed. Waxaana la yaab noqotay in werihii warka ka qaadaya aanu weydiin inuu hayo wax cadaynayaa eedda uu usoo jeeediyay Isimka. AkhristowFaysal heshiiskii Ceel-Afweyn isagoo qiiraysan ayuu si niyad ah usoo dhaweeyey oo ku amaanay cid walba oo qayb ka qaadatay. Dadka Faysal taariikhdiisa hayaa waxay isla qireen in Faysal ka muraala dilaacay in Boqor Burhan ku guulaystay in isagoo aan Maamulna kaashan uu soo afjaro colaaddii ragaadisay magaalo taariikheedka Taleex, oo muddo ka badan toddobo sano isku horfadhiyeen beelo Jufi hoose isku ah oo deggan magaaladaa. Faysal waxaa uu inta badan sheegaa inuu isagu mar walba u taagan yahy cadaalada iyo daryeel, laakiin sida muuqata waxa wax walba kala weyn qabyaaladda iyo in la yiraahdaa Faysal baa sidaa yiri. Marar badan waxaa uu si aan dhaqanka qofka Muislimka ku haboonayn u caayaay madax, culimo, madax dhaqameed, dumar iyo dad sharaf leh oo aan luu quurin cay iyo xag xagasho. Mar haddi faysal ka maagay inuu dadka Muslimka ah afkiisa ka ilaaliyo, waxaa la gudboon saxaafadda Hargaysa in aanay cod baahiye u noqon ninka noocaas ah. Waxaa saxaafadda xorta laga rabaaa in ay ilaaliyaan anshaxa iyo akhlaaqda suuban ee laga filayo warbaahintooda. Haddii kale wax ay la qaybsanayaan waxii danbi ah ee ka dhasha warka ay fidinayaan. Ugu danbayntii waxaan raali gelin u diraynaa Boqor Burhaan oo aan geyin in been abuur iyo cay lagula duldhaco. Waxaan leenahay isaga iyo Isimadii kale ee hawsha la qabtay Jazakumullahu Khayran. Kuna Sabra in Cibaadooyinka la amaanay ay xaga sare kaga jirto heshiisiinta dad Muslim ah oo dagaalamay. Soomaali meel ay joogtaba waxaan leenahay Tolow Colka Jooja! Qore: Yuusuf A. Geele Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
“I believe the future of Africa is female” Nobel Peace Prize co-laureate Leymah Gbowee tells conference Abidjan, Cote d’Ivoire, 12th December, 2018 – “Don’t buy into the myth that African women are weak. If you sit and engage them and let them be part of the process, we will have sustainable peace,” 2011 Nobel Peace Prize co-laureate, Leymah Gbowee told attendees at the Kofi Annan Eminent Speakers’ Lecture on Tuesday, convened by the African Development Institute in Abidjan. Speaking at the African Development Bank Group headquarters, on the theme “Grassroots Women Activists: The Underrated Power,” Gbowee made a strong and passionate speech urging women and young girls not to “undervalue themselves.” “In Africa there is this myth that women are just doing simple grassroots work. What you fail to realize is that this is powerful work that is keeping the fabric of communities together. “There is no sustainable development in the absence of peace. Africa must ensure that conflict and post conflict interventions are part of development,” Gbowee said. The Nobel co-laureate recounted how her journey towards women activism started with a group of likeminded women, US$10 dollars, commitment, and tenacity. Her initiative led to the launch the Women of Liberia Mass Action for Peace. “The impact of conflict on women is the reflection of the interaction during peace time,” Gbowee said, insisting on the need for greater involvement of women in peace building. Gbowee told the audience, “it’s high time that Africa stops looking with one eye covered. If each of you cover one eye now. You will never be able to see the full picture. This is how Africa is functioning, we focus on men, we focus on boys, we focus on every other thing but the empowerment of women”. The President of the African Development Bank, Dr. Akinwumi A Adesina, lauded her achievements. “No one understands grassroots better than Ms. Gbowee, who led the Liberian women’s peace movement and help bring a desired end to the Liberian war. After 14 years of war she helped unite and mobilize thousands of Liberian women”. Adesina highlighted the importance of gender to Africa’s economic progress and the fact that over 56% of the Bank’s projects have a gender bias that includes women and civil society. According to the Bank’s President, “we believe very strongly in the power of women, the power to be creative, the power to support young people and the power to build resilient societies. When Africa gets the issue of women right, Africa will finally get everything right”. The African Development Bank is working with a number of commercial banks in Kenya, Nigeria, Sierra Leone, and the Democratic Republic of Congo to support 200,000 women-owned businesses through financing coaching and mentoring programs. The Bank plans to raise a US$300-million guarantee fund for Affirmative Finance Action for Women in Africa (AFAWA). The initiative is expected to leverage close to US $3 billion over 10 years to empower female entrepreneurs through capacity-building development, access to funding, and policy, legal and regulatory reforms to support enterprises led by women. In her concluding remarks, Gbowee said “unleashing the power of ‘underrated’ women will ultimately help transform the continent.” The Kofi A. Annan Eminent Speakers Lecture series is a forum for policy dialogue to achieve inclusive development in Africa. Its goal is to accelerate the delivery of the Bank’s High 5 strategy and achieve the Sustainable Development Goals and African Union’s Agenda 2063, through dialogues and policy engagement. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xashi Cabdillaahi ayaa magacaabay guddi billaabaya xalinta khilaafka u dhaxeeya madaxda Dowladda, si gaar ahna madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka. Guddiga ayaa ka kooban 7 Xubnood oo laga soo xulay Xildhibaanada Aqalka Sare, waxaana ay xal u raadinayaan khilaafka maalmahaan ka dhexjira madaxda ugu sareysa dalka. Xoghayaha Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Guddoomiyaha Aqalka Sare markii uu u kuur galay xaalada cakiran ee siyaasadeed ee dalka in uu magacaabay Guddigaas. Waxa uu sheegay in guddigaads uu guddoomiyaha Aqalka Sare ugu kalsoon yahay in ay xal waara ka gaara khilaafka Madaxda Dowladda,iyada oo aysan noqon kuwa dhinac raaca. Magacaabista guddigan ayaa imanaysa, ayada oo Mursal uu maanta wareysi uu siiyey VOA ku sheegay in xildhibaanada keenay mooshinka ay yihiin kuwa xal raadinaya, oo aan dooneyn inay wax dumiyaan, islamarkaana ay xaq u leeyihiin inay baarlamanka wax ku saxaan. Mar wax laga weydiiyey inay is-arkeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ka hadleen mooshinka, waxa uu sheegay in baarlamanka uu ka madax banaan yahay hay’adda fulinta, sidaas darteedna uusan u baahneyn inuu mooshinka kala hadlo. Daawo Xoghayaha Golaha Aqalka Sare
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-13122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Yemen’s warring parties have agreed to an immediate ceasefire in the Red Sea port of Hodeidah, the UN secretary general has said, in a potential breakthrough at the end of a week of peace talks in Sweden. Antonio Guterres said the agreement included the future deployment of UN-supervised neutral forces and the establishment of humanitarian corridors. Troops from both sides will withdraw from the entire Hodeidah area within a maximum of 21 days in a process overseen by a UN-chaired committee. A political framework for Yemen will be discussed in a next round of meetings, scheduled for late January. If implemented on the ground, the deal would represent a breakthrough because the port is the gateway for the bulk of humanitarian aid coming into the country, and has been the subject of intense fighting. Ceasefires have also been agreed at two other ports, Salif and Ras Issa. Guterres said the UN would play a key role when the troops withdrew. “It is obvious the UN will play an important role in the port, probably a monitoring role and the management of that port,” he said. This would help “facilitate the humanitarian flow of goods to the civilian population and it will improve the living conditions for millions of Yemenis”. The UN special envoy for Yemen, Martin Griffiths, said troops would withdraw from the port within days, and from the wider city in a second phase. He said the ceasefire was designed to open up the east-west road that connects Hodeidah to the capital, Sana’a “so that the humanitarian pipeline, which is crucial to the people of Yemen, can start delivering aid”. Agreements have also been reached on a mass prisoner swap and the easing of the siege of the south-western city of Taiz. Guterres said the UN security council would discuss the terms of a draft resolution designed to monitor and verify the troop withdrawal agreements on Friday. Western powers will offer to provide technology to monitor the redeployments, with an agreement that policing in Hodeidah becomes the responsibility of “local security forces in accordance with Yemini law”. He said the outcome of the talks in the Swedish town of Rimbo would mean “concrete results in the daily lives of Yemenis”. The UN-backed Yemeni government lost control of Hodeidah and Sana’a to Iranian-backed Houthi rebels in 2015. Despite heavy military support from Saudi Arabia and the United Arab Emirate, the government, which is based in Aden, has been unable to take back either city. Western backing for the Saudi-led war has frayed in the face of mass casualties, starvation and, more recently, allegations that the Saudi crown prince, Mohammed bin Salman, was instrumental in organising the killing of the Washington Post contributor Jamal Khashoggi. The agreements, sealed with a handshake between the two sets of negotiators but not any signatures, include the shoring up of the country’s central bank, which should eventually enable the payment of salaries to 1.2 million public sector workers. The plan raises questions about the capacity of the UN to administer Hodeidah port, including ensuring revenue from it is transferred to Yemen’s central bank. If it fails, the risk remains that fighting for control of the port will continue. Nearly 27% of the Houthi movement’s income comes from the port. The UK foreign secretary, Jeremy Hunt, who flew to Sweden to attend the final day of the talks, said: “It is now vital that the parties act in good faith and take urgent steps to implement these agreements.” Griffiths had never expected to reach an overall political settlement in this round of talks, the first since 2016, but he said the agreements covered the most sensitive, dangerous and difficult part of Yemen. He overcame obstacles to the talks ever starting, including the size of the Houthi delegations, its means of transport to Sweden and a demand that 50 of its most seriously injured fighters be flown to Oman for medical treatment. Despite the antagonism and brutality of the war, many of the talks in Sweden were conducted face to face. Pictures from inside the conference showed the two teams of negotiators smiling and shaking hands. Backing in the US Senate for the for the Saudi war in Yemen is declining rapidly, placing pressure on the secretary of state, Mike Pompeo, to urge Washington’s allies to negotiate an end to the conflict. With both sides suspicious that the other will not honour the agreements struck, Griffiths has tried to draw up detailed implementation plans in an attempt to prevent backsliding. In Hodeidah, Salem Jaffer Baobaid, an aid worker with Islamic Relief, said: “It is much quieter today. We are not sure what is going to happen, but any relief is welcome.” Baseem al-Janani, a local resident, said: “We have heard about the ceasefire, but we are very cautious. Today the Houthis dug new trenches, closed off and emptied some neighbourhoods. They do not seem like they are going to stop fighting.” Source Theguardian Qaran News
-
Saami Qaybsi: The Tyranny of Somaliland’s Minorities A Critique of Ahmed I. Samatar’s Op-Ed Keen observers of domestic Somaliland politics would not fail to notice a certain talking-point that has recently been doing the rounds in the political circles of Hargeisa and taken up by a number of prominent politicians and intellectuals hailing from Somaliland’s minority communities, namely that of Saami Qaybsi. The phrase Saami Qaybsi is Somali euphemism for “power sharing” in the context of clan communities. It is a very vague concept often repeated without much clarification as to what it actually means. What is interesting is that despite Somaliland fully adopting a one-person-one-vote model as a foundation for its political discourse ever since the 2002 local election and the subsequent 2003 presidential election, the concept of power sharing based purely tribal-allocation is gaining support among minority communities in Somaliland. It is worth noting in this context that the winner of the 2003 presidential elections was former President Dahir Riyale Kahin who was a candidate belonging to one of these aforementioned minority communities of Somaliland. This article is a response to Prof. Ahmed I. Samatar’s op-ed published on Somaliland Chronicle on 5/12/2018. Prof. Samatar is one of Somaliland’s foremost academic minds, and much of his opinion piece is worthy of consideration and implementation. Yet it is his discussion of power sharing, and demands for a proper Saami Qaybsi enshrined in law that is troubling. It advocates for going backwards and adopting a system similar to Somalia’s dreadful 4.5 formula for Somaliland instead of continuing on the path of clan-blind democracy of one-person-one-vote. By creating a tribal quota, Somaliland reneges on its democratic credentials and succumbs to what would essentially be political regression, or “snatching defeat from the jaws of victory” to borrow Samatar’s subheading. In that context, this article is a response to the issue of Saami Qaybsi as it relates to these two statements by Prof. Samatar: “In fact, Bihi immediately returned to the old and defective formula of at once exaggerated appointments (32 ministers and deputies) and conspicuous communal imbalance that is exceedingly partial to the kin community in middle of the country (22 vs. 10 and only one full minister who is female).” “… the long-‐ standing disgruntlement by the kin communities in the western and eastern Somaliland over what they believe to be a severely lopsided and unacceptable distribution of parliamentary seats, one that allots 56 out of the total of 82 seats to the kin community in the geographical center of the country.” From the quotes above, Samatar appears to be criticising a number of things, chief among them is what he describes as “lopsided and unacceptable distribution” of political appointments in favour of what he describes as the “kin community in the middle”. It is useful here to clarify the nomenclature, “kin community in the middle” here is a reference to the Isaaq clan of Somaliland, whilst references to communities in the peripheries relates to the Dir clan (to which Samatar belongs) in the West of Somaliland and the Harti clan in the East of the country. The use of these euphemisms has become prevalent among members of Dir and Harti communities recently and it has become the acceptable way of naming clans in polite company. These demands on the face of them appear righteous and fair, but they are problematic because the basis on which Samatar (and others who campaign for it) have deemed the current arrangements unjust, or lopsided, are not entirely clear. Is it in relation to population sizes of different clan communities? Is it relative to voting power? Or a different metric altogether? In order to arrive at a solution, the basis for which they deem current arrangements inadequate must be voiced, so that other segments of society can take part in the discussion. Furthermore, proponents of Saami Qaybsi have not presented any solutions or visions for a system of power-sharing that would be more equitable to the one currently used in Somoaliland. In summary, the issue with Saami Qaybsi advocacy in Somaliland is two-fold: 1- What exactly is the problem with the current power-sharing arrangements? What is the cause of the perceived injustice? 2- What alternative power-sharing arrangements do you propose? There is no evidence presented to substantiate the claims of current allocations in Somaliland’s parliament, for instance are unjust, or how the ministerial appointments are lopsided in favour of one group (Isaaq) and to the detriment of others (Dir and Harti). The most immediate way of coming upon a palatable power-sharing arrangements for the whole nation is to award political representation based on percentage share of the population. The problem with this is that a census has never been conducted in Somaliland since regaining independence, so having exact figures for the various kin communities is not possible for now. With that being said, the closest equivalent we have is a look at historical data, be it past election results, or colonial records, to try and find a starting point for this new, more fair, equitable sharing of political representation. – Firstly, lets look at past elections. The most recent one has taken place in 2017, and saw the advent of biometric voting systems that proved very reliable in recording voter population. Samatar’s Dir community mainly inhabits the region of Awdal within Somaliland. Awdal (and Samatar’s Dir community) produced 81,436 votes out of a total of 565,617 votes in Somaliland. This constitutes 14.39% of the population of voters. – Before that in the 2010 elections, Awdal produced 81,338 out of 538,246 votes in Somaliland, this amounted to 15.11% of the total voting population. – Historically, the only census that was conducted in Somaliland is the old British colonial census of clans of British Somaliland Protectorate. The Dir kin community at the time was recorded to number 100,000 people (Gadaboursi being 45,000 whilst Ise being 55,000), whilst the total Protectorate population was 640,000 people, the Western kin community (modern day Awdal) collectively represented 15.62% of the population of the Protectorate. – Furthermore, Somaliland’s Parliamentary elections of 1960 resulted in 5 members of the Dir clan community (3 Gadaboursi and 2 Isa) elected to Somaliland’s first parliament out of 33 total elected representatives, this represents a percentage share of 15.15% of all representatives. – And lastly, Borama district (modern day Awdal) returned 14,965 votes in the Somali Republic’s 1961 referendum of a total Somaliland vote of 104,033, which represents 14.38% of the total vote produced in Somaliland. What the numbers above show is that the western community of Somaliland represents a voting block that corresponds to 14-15% of the total voting population of Somaliland. This can be construed to mean they make up about 14-15% of the total population of Somaliland. Seeing as a main point of contention of those advocating for Saami Qaybsi particularly from the western Somaliland kin community is the inadequate number of parliamentarians, which was a specific point highlighted by Samatar in his article, we can now compare that percentage figure of of 14-15% that they represent in Somaliland to their current allocation in Somaliland’s parliament. There are currently 14 MPs representing this particular kin community of Awdal (13 Gadaboursi and 1 Ise) out of a total of 82 Somaliland representatives. This corresponds to a share of 17.07% of the total number of parliament representatives, which amounts to more political representation than the actual voting power of this kin community. All the hard numbers and historical data above present a sizeable population ranging between 14-15% of the total population of Somaliland, yet receive political representation to the tune of 17.07% of the total number of Parliamentarians. Samatar’s other point of contention was number of government ministers, if we count full ministers, there are 23 full ministers in Somaliland’s cabinet, of which 4 belong to the Dir kin community, that represents 17.39% of all government ministers. Any reasonable examination of the figures would agree that it is adequate representation. If anything, a more equitable sharing or clan-based Saami Qaybsi based on population figures would involve removing MPs from this community, not adding to it as Samatar demands. These demands of more representation without any justification of basis upon which representation is given exemplify a case of tyranny of a minority. In this context these political figures demanding additional representation over and above what their communities’ share of the vote would dictate does nothing but creating a sense of paranoia and pollution of political discourse of Somaliland with unfounded fears of domination. Let us not forget that it was only in Somaliland out of all Somali-speaking nations that a minority candidate was elected to office in a free and fair elections, this would not have ever happened had there been a overbearing push to politically sideline minority kin groups in Somaliland. This Saami Qaybsi rhetoric is very dangerous and sets the stage for even more outrageous demands of ‘justice’ that are not justified by any measurable metric one uses. In reality these are demands of appeasement and political blackmail by politicians hailing from minority groups in Somaliland aimed against the majority kin group, which would no doubt create an opposing and equally domineering wave among the majority Isaaq kin group in response. This damages our civic cohesion as a nascent nation and creates an environment ripe for ‘tribal justice warriors’ keen on taking advantage of these conditions to capitalise on said fears for their own gain. It is prudent before demanding justice, to explain why the current system is flawed and offer alternatives, calling for justice for the sake of calling for justice is an exercise in futility. It is damaging and sows the seeds of distrust and paranoia within our brotherly communities. The alternative is clear. Going back to the 1990s to create a tribal power-sharing agreement flys in the face of everything the people of Somaliland achieved since declaring independence. Democratic vote should be the only arbiter of the issue of representation, its the most transparent and fair way to distribute political representation. It is the only sustainable political model we can use. Warsame Abdinour warsameabdinour@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News