-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
CLICK HERE Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) oo uu weheliyo taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismacil Taani ayaa dalka ku soo dhaweeyey Xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska(Uk) Gavin Williamson, oo ka soo dagay Gagida diyaaradaha ee Egal International Airport. Wasiirka ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan si weyn u soo dhawaynayaan Xoghayaha Difaaca Dawlada Ingriiska oo si weyn ay wada shaqayn weyn leeyihiin kaasi oo tilmaamay in ay Somaliland danaynayso cid kasta oo wada shaqayn la rabta in ay soo dhawaynayso waxaana hadaladisa ka mid ah(‘’Waxaanu soo dalka ku soo dhawaynay Xoghayaha Difaaca Dawlada Ingriiska Mr Gavin Williamson, oo aanu wada shaqayn leenahay ka wasaarad ahaan waanu soo dhawaynaynaa cid kasta oo wada shaqayn diyaar u ah, Somaliland hiigsigeedu waa qaran horumara oo la talaabsada wadamada Caalamka’’) Ayuu yidhi Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf. Imaatinka Xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska (Uk) Gavin Williamson ayaa ku soo beeg maya xili wasaarada gaashaandhigu ay horumaro iyo dadaalo ay ku doonayso in ay kor ugu qaado dhanka dhanka xidhiidhka iyo wada shaqaynta dawladaha dibada uu yimi taasi oo doonaysa in ay kor u qaado dhanka Amaanka guud ee madaqada, hanaanka xaqsiinta ciidamada ayaa la filayaa in uu wax weyn ka qaban doono Xoghayaha difaaca ee dawlada Ingriisku. Xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska oo ah masuul meeqaam sare ku leh dawlada Ingriiska ayaa safarkan uu dalka Somaliland ku imid ah mid meeqaamka iyo qaranimada somaliland kor u qaadaysa in sarkaalkaas uu dalka imaado. Source
-
Shacabka ku nool dowlad goboleedka Puntland waxaa ay dhagta u taagataan natiijada doorashada madaxtinnimada ee dhici-doonta 8-da bishan. Haddaba, maanta waxaa ay aheyd maalin aad mashquul u ah, arrimaha dhacay waxaa ka mid ahaa: 1. Go’aanka Ka Dhan Ah Muqdisho: Dowlad goboleedka Puntland ayaa mar kale ku celisay ku wargelinta hay’adaheeda amniga ee ahaa iney dib u celiyaan saraakiisha dowladda federaalka ah ee tagaya magaalada Garoowe. 2. Ammaanka Garoowe: Ciidamada ammaanka Puntland ayaa bilaabey inay adkeeyaan ammaanka magaalada Garoowe, ciidamada howsha loo xilsaaray ayaa kala ah: PSF-ta , Booliiska , Daraawiishta iyo PMPF-ta. 3. Diiwaangellinta Murashaxiinta: Inta badan murashaxiinta waxaa ay shubeen lacagtii lagu xiray, madaxweynnimada oo $20,000 iyo ku-xigeenka oo $10,000 ah. Murashaxiinta kursiga madaxweynaha u tartamaya ee lacagta shubay waxaa ka mid ahaa: Cali Xaaji Warsame, Maxamuud Jebiye, Siciid Dheere, Siciid Deni , Cabdi Faarax Juxa, Asad Diyaano, Faarax Cali shire, Maxamuud Cabdi Axmed , Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), Maxamed Axmed Jaamac (Shaale), Cali Cabdi Awaare, Khaliif Ciise Mudan iyo Cabdi Samad Maxamed Gallan. 4. Khudabadaha: Murashax walbo oo u tartamaya labada kursi waxaa uu berri ka hor khudbeyn-doonaa wakiillada Puntland, muddo 15 daqiiqo ah. 5. IGAD OO Garoowe Gaartay: Wafti ka socda urur goboleedka IGAD ayaa gaaray magaalada Garoowe, waxaana lagu wadaa inay korjoogayaal ka noqdaan doorashada 8-da Janaayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Heshiiska dekedda Berbera, wuxuu u muuqday fursad faqriga ka saari kartay Somaliland, balse wax walba mar qura ayay si lama filaan isku beddeleen. Somaliland waxa ay iminka ka fakaraysaa wixii ay sameyn lahayd. Hoos ka daawo warbixin muuqaal ah oo arrintan faah-faahinaysa.
-
Qaran News
-
Qaran News
-
Garowe (Caasimada Online) – Iyadoo ay maalin qura ka harsan tahay doorashada madaxweynaha Puntland ayaa xubno ka tirsan gudiga Garsoorka Puntland waxa ay ku baaqeen in Madaxweyne Gaas laga reebo tartanka doorashada Madaxweynaha Puntland. Waxay ku eedeeyeen madaxweynaha musharaxa ah in uu cunay xaqoodii isla markaana mushaharaadkoodana aan la siin mudo sanado ah. Sidoo kale Xubnahan ka tirsan gudiga garsoorka Puntland ayaa waxay sheegeen in ay gudiga doorashooyinka Puntland u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanayo ee Cabdiweli Maxamed Cali ahna musharax madaxweynaha Puntland. Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya gaar madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayay ugu dambeyn ugu baaqeen in xaqooda ay ka siiyaan Madaxweynaha xilku ka dhamaanayo ee Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Si kastaba, waxaa cad inaysan jirin cid wax ka gasha eedeymahooda, ama Gaas ka hor-istaagi karta inuu doorashada ka qeyb-galo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qorashahan oo lagu dhisayo 19 Waddo oo ka mid ah Jid-Cadayaasha dhex mara xaafadaha M/ Muqdisho ayaa waxaa maamulka gobolka Banaadir ka gacan siinayo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan howlaha guud. Duqa Muqdiso Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ku qaabilay xafiiskiisa madaxa hay’adda howlaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay ka go’an tahay maamulkiisa horumarinta magaalada Caasimadda ee Muqdisho. Sidoo kale guddoomiye Yariisow ayaa xusay in qorshahani lagu dhisayo Waddooyinkaasi laga hir gelin doono illaa 7 degmo oo ka tirsan gobolkan Banaadir. Maalmihii dambe maamulka G/Banaadir ayaa waday qorshayaal lagu horumarinayo magaalada Muqdisho, si dib loogu soo celiyo bilicdii ay lahaan jirtay Caasimadda. The post QM Oo dhismaha waddooyinka ka taageereyso G/ Banaadir appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in sanadkan cusub ee 2019-ka wasaaraddu ay qaban doonto shaqada ugu ballaaran ee dhoofinta badeecadaha dalka. Wasiir Maareeye ayaa xusay in badeecadaha dibadda uga yimaada Soomaaliya la yaren doono, islamarkaana sare loo qaadi doono wax soo saarkadibadda loo dhoofiyo. Sidoo kale wasiirka ganacsiga iyo warshadaha XFS ayaa ugu baaqay ganasatada in ay maal-gashadaan dalkooda, ugana faa’iideeyaan dadkooda Soomaaliyeed. Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday qorshayaal kala duwan oo lagu horumarinayo dhinaca maalgashiga iyo dib u dhiska dalka. The post Maareeye “Waxaan kordhineynaa badeecadaha laga dhoofiyo dalka” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Addis Ababa ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay urur gobleedka IGAD ayaa ugu horreyntii looga hadlay weeradadii Hoobiyeyaasha ahaa ee dhawan lagu qaaday xarunta Qaramad Midoobay ee magaalada Muqdisho. IGAD ayaa si kulul u cambaareysay weeraradaasi oo ay sheegtay in ay ka dambeeyeen kooxaha loogu yeero argagixisada, sida lagu yiri qoraalkani. Sidoo kale IGAD ayaa ballan qaaday in ay xoojin doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya, si ay ugu guuleysato sugida amniga. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli tododbaadkii hore Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay. The post IGAD Oo xoojineyso taageerada Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Cape Town ( Sh. M. Network )-Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa saacadihii la soo dhaafay magaalada Cape Town ee dalka Koomfur Afrika ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/casiis Roorow, kaas oo ay burcadu ku dhex dishay goobtiisa Ganacsi. Sidoo kale kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in ay boob xoogan kula kaceen goobta Ganacsi oo uu lahaa Marxuumkaasi. Inta badan waxaa K/ Afrika ka dhaca dhibaatooyin xoogan oo loo geysto Ganasatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dakaasi. The post Muwaadin Soomaaliyeed Oo lagu dilay dalka K/ Afrika appeared first on Shabelle. View the full article
-
Mahadaay ( Sh. M. Network )-Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in maanta agagaarka degmada Mahadaay ee gobolkaasi lagu rasaaseeyay Gaari ay la socdeen dad shacab ah. Gaarigan oo ka baxay Mahadaay, kuna sii jeeday halka loo yaqaano afarta Tuulo ayaa waxaa la sheegay in dhexda ay u galeen, kuna rasaaseeyeen kooxo burcad ah. Inta la xaqiijiyay waxaa falkaasi ku dhaawacmay i illaa 2 Qof oo kala ahaa Wadihii Gaariga iyo Kirishboygiisa. Ilo dadka deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in sidoo kale kooxdaasi burcada ah ay dhac baahsan u geysteen Rakaabkii la socday Gaarigaasi, kana furteen dhammaan waxyaabihii ay siteen dadkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray walaac ka taagnaa ammaanka waddooyinka xiriiriya deegaano iyo degmooyin dhaca gobolka Sh/ Dhexe. The post Gaari Rakaab siday Oo lagu rasaaseeyay Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Columbus ( Sh. M. Network )-Gabadhani Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Abiir Macalin oo aheyd Arday wax ka baranaysay koleej ku yaalla magaalada Columbus gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa dib loo helay, sida ay sheegeen Booliska dalkaasi. Ardayadani Soomaaliyeed oo baraneysay cilmiga Kalkaalisnimada ayaa la sheegay in ay ka tagtay kaligeeed Maqaayad ay ku suganeyd Hooyadeed, taas oo ku taalla magaalada Minneapolis , sidaasina lagu waayay. Booliska ayaa maalmo kadib baahiyay magaca iyo sawirarda gabadhani, si loogu soo gacan galiyo. Qaar ka mid ah saraakiisha Boolisku waxa ay sheegeen in ay rumaysan yihiin in gabadhani ay qorshayneysay ku biiritaanka kooxda Daacish oo inta badan qorata dhalinyarada reer galbeedka. Sidoo kale Booliska ayaa tilmaamay in ay wadaan baaritaano ku aadan qorshaha iyo sababta ay gabadhani uga dhuumatay Qoyskeeda , xilli ay safar ahaayeen. 14-ka bishani Janaayo ayaa lagu wadaa in gabadhani Soomaaliyeed ay dib ugu laabato Iskuukeedii, si ay usii wadato wabarashadeeda. Ma’ahan markii ugu horreysay oo Booliska Mareykanku muwaadin Soomaaliyeed ku eedeeyo qorsheynta ka mid noqoshaqashada kooxda Daacish oo inta badan sheegata weerarada ka dhaca dalalka caalamka. The post Gabar Soomaali ah Oo lagu la’aa Mareykanka Oo la helay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Iyadoo ay gelinka dambe ee maanta ku egtahay diiwaangelinta Musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland ayaa illaa haatan waxaa shahaadada Musharraxnimo la guddoon siiyay xubno ay ka mid yihiin General Saciid Dheere, Saciid C/laahi ( Dani ), Cali Xaaji Warsame, Asad Cismaan ( Diyaano) iyo Cali Xaaji Warsame oo dhammaantood ka mid ah Musharraxiinta ugu cad cad tartanka doorasho ee maamulka Puntland. Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in hoolka doorashada ay ka bilaabato hadal jeedinta Musharraxiinta, maalinta xigta ee Talaadadana waxaa dhici doonta doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka ee maamulkaasi. Waddada gasha xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa aad loo xadiday dhaq dhaqaaqeeda, iyadoo lagu arkayo Ciidamo fara badan oo la dhigay Waddadaasi. Sidoo kale waxaa magaalada Garoowe ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo xubno matalaya beesha caalamka oo marqaati ka noqon doona hanaanka doorashada. Waxgaradka Puntland qaarkood ayaa Warmurtiyeed ka soo saaray arrimaha doorashada, waxayna cid kasta ugu digeen in ay la yimaadaan wax qal qal galin kara doorashada. Ugu dambeyn waxgaradkani ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Puntland in ay si cadaalad ah u soo xulaan hoggaan hufan oo wax ka qaban kara xaaladda maamulkaasi. The post Musharraxiin badan Oo iska diiwaangeliyay M/ Garoowe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Shir ka dhacay Cabud-waaq ee Galmuduug ayaa lagu gaaray heshiis horudhac ah oo lagu soo afjarayo dagaalkii ka dhacay deegaanka Kaxandhaale , kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof. Shirkan, waxaa ka hadlay qaar ka mid ah nabaddoonada labada dhinac iyaga oo mid waliba uu sheegay inay diyaar u yihiin in dhankooda ay ka xoojiyaan nabadda kana qeyb qaataan in si nabada loogu wada noolaado deegaanka. ‘Waxa aan dagaal ka dooranay naban, waxan doonayna nabad iyo walalnnimo lagu wada noolaado, gacantana heshiis lagu badalo,waxaan leennahay dagaalka hala joojiyo, oo soo laab laabtay, dowladda waxaan u sheegayna dagaaladu in ay meelo badan ka jiraan, waadna ogtihiin waxii Balanbale ka dhacay hadana ka taagan Hiiraan, inta aad timaadaan halaabannina, oo ka shaqeeya in dadkii is hor yimaadaan, lana wada hadlo madaama dadka adinka aad hoggaan u tihiin’, oday ka mid ahaa ayaa sidaa yiri. Wadahal muddo socday kadib, waxaa la gaaray heshiis, iyada oo lagu balamay in shir kale la qabto bisha soo socota. Qodobada waxaa ugu muhiimsanaa: 1. In la joojiyo xabadda, oo laga hortago dhiig walaal oo micno daro iyo si aan sharci aheyn ku daata. 2. In 10/2/2019 shir dib u heshiisiin ah laagu qabto dagmada Galinsoor. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageyso:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-06012019.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article