Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jigjiga (Itoobiya):Waxaa magaaladda Jigjiga iyo meelo kale oo kamid ah Ismaamulka Soomaalida Itoobiya isagu soo baxay boqolaal dadweyne kuwaasoo ka banaanbaxay dhibka lagu hayo Soomaalida [...] Source
  2. Nairobi ( Sh. M. Network )-Saraakiisha ammaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay ku raad joogaan Maryan Cabdi oo la rumeysan yahay in dowr muhiim ah ay ka qaadatay weerarkii dhawaan Al Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka DusitD2 M/ Nairobi ee dalkaasi. Haweeneydan ayaa la sheegay in hub ay u geysay Raggii fuliyay weerarkaasi oo dhacay Talaadadii la soo dhaafay. Ciidamada ayaa haatan ka baadi goobaya Haweeneydaasi magaalooyinka Bandoni iyo Mombasa, halkaasi oo la rumaysan yahay in ay ku sugan tahay. Sidoo kale sirdoonka Kenya ayaa sheegay in Haweeneydani ay ka timid degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo la rumeysan yahay in weerarka laga soo abaabulay. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda wararkaasi, waxaana ay tilmaameen in ay uga jawaabayeen go’aankii Trump ee uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Israel. The post Kenya Oo ku raad joogto Haweeney ku lug laheyd weerarkii Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Howlgal qorshaysn oo ay ciidamada amniga ka fuliyeen xalay magaalada Bosaaso ayaa waxaa lagu fashiliyay qarax weyn oo lagu rakibay bartamaha suuqa weyne ee magaalada [...] Source
  4. Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal saakay ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Dagaalkan ayaa u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka oo garabsanaya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinac ah. Abaanduulaha Qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Maxamed Ibraahim Buulle oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in ay iska caabiyeen Al-shabaab islamarkaana ay khasaare soo gaarsiiyeen…. Waxa uu tilmaamay in ay ka hortageen Saddex gaari oo ismiidaamin ah, islamarkaana ciidamada ay rasaas ku qarxiyeen. Sidoo kale, waxa uu sheegay Abaanduulaha in ay dileen 7 ka mid ah Al-shabaab, dhankoodana ay Labo askari ka geeriyootey. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WAREYSI-ABAANDUULAHA-QEYBTA-43-AAD-EE-CIIDANKA-XOOGGA-DALKA-GAASHAANLE-SARE-MAXAMED-IBRAAHIM-BUULLE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay weerarkii ay ku qaaday sakldhigga Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, oo ay ku sugnaayeen ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya. War ka soo baxay taliska ciidanka Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Shabaab ay si buuxda ula wareegeen xerada, ayna halkaas ku dileen ugu yaraan 41 askari. Al-Shabaab waxa ay sheegtay in weerarka ay ku bilowday qarax aad u xoogan oo ka dhacay bartamaha Xerada, kadibna ay ciidamo hubeysan ay ku daateen saldhigga, kuwaas oo, sida ay sheegtay laayey ciidamadii ka bad-baaday qaraxa. Warka Al-Shabaab ayaa ka duwan kan maamulka Jubaland. Warbaahinta ku hadashada afka maamulka Jubbaland ayaa iyada oo soo xiganaya Saraakiisha Ciidamada Maamulkaasi, waxa ay baahisay in Dagaalyahanadii Shabaab ka tirsanaa ee soo weeraray saldhigooda ay khasaare xoogan gaarsiiyeen. Jubaland waxa ay sheegtay in 73 askari oo Shababab ah dileen, islamarkaana ay sidoo kale ka hortageen gaari kale oo walxaha qarxa ay kasoo buuxiyeen. Sarkaal u hadlay Al-Shabaab ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada ka bad-baaday weerarka oo isku dayey in ay u baxsadaan dhanka Buula-Gaduud iyaguna lala eegtay qarax gaari oo lagu diyaariyey wadada dhinaceeda. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  6. Boosaaso( Sh. M. Network )-Laamaha ammaanka ee Puntland ayaa soo bandhigay qaraxyo ay ku qabteen gudaha suuqa weyn M/ Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Ciidamada amniga ayaa sheegay in ay fashiyeen isku day lagu doonayay in lagu dhibaateeyo, sida ay tilmaameen shacabka ku ganacsada suuqaasi. Guddoomiyaha degmada Boosaaso C/salaan Bashiir C/salaan oo ku sugnaa goobta ay Ciidamadu ku soo bandhigayeen qaraxyadaasi ayaa sheegay in ay baari doonaan shaqsiyaadka ku lugta lahaa falkaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Ciidamadu ay heegan ugu jiraan ilaalinta amniga shacabka Boosaaso. Lama oga cida ku lugta leh walxahan qarxa, balse Al Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan sheegta falalka noocaan oo kala ah ee ka dhaca deegaanada Puntland. The post Ciidamada Puntland Oo qaraxyo ku qabtay magaalada Boosaaso appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Heavily armed Al-Shabaab fighters have launched a daring attack on Somali military base located in a small village on the outskirts of Kismayo on Saturday morning. In a statement, Al Shabaab said it has overrun the base and killed at least 41 government soldiers, a claim rejected by Jubbaland state army commander Aden Goojaar as baseless. Al Shabaab added that its fighters stormed the camp in Baar-Sanguuni, approximately 50 kilometers north of Kismayo port city after detonating a massive car bomb at the gates. Meanwhile, Jubbaland claimed it killed 77 militants in the attack and an airstrike conducted by suspected US warplanes in support of the local forces attack by the militants. There was no independent source verifying both claims as the area is remote and villagers unwilling to speak to the media outlets, fearing their safety. The post Al-Shabaab launches attack on military base near Kismayo city appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa maanta ku dilay gudaha Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Daawada laba ruux oo mid ka mid ah uu ahaa guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Dilkan ayaa yaa yimid, kadib markii rag ku hubeysnaa Bastoolado ay weerareen marxuumka oo lagu magacaabi jiray Axmed Maxamuud Nuur Abiikar. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daaraya in qof ka kale ee la dilay uu la socday marxuumka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gaaray meesha ay wax ka dhaceen ayaa baaritaano ka sameeyay halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Howlwadaag oo ku aadan dilkaasi. Shalay ayey aheyd markii guddoomiyaha dhalinyarada Hodan lagu dhaawacay gudaha degmadaasi, kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawac ahaan. The post Rag hubeysan Oo Guddoomiye Waaxeed ku dilay Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article
  9. 19/01/2019 Go’aan Uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex Soo Saaray Oo Uu Ku Durrayo Magdhawgii Shirkadda Haatuf Media Network Hargeisa, January 1, 2019 (Haatuf) – “Ugu horayn go’aankan kasoo baxay maxkamadda gobolka Maroodi jeex ee ku taariikhaysan 16/01/2019, waa mid aan ka jawaabayn kana turjumaynin dacwadii magdhawga ahayd ee ay Shirkadda Haatuf Media Network ka furatay Maxkamadda. Dacwadda aanu furanay waxay ku saabsanayd Ciidanka Bilayska ee xooga ku qabsaday xaruntii soo saari jirtay saddexda Wargeys ee Haatuf, The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-Carabi, iyagoo aan u haysanin amar maxkamadeed. Qabsashadaasna waxa ka dhashay khasaare laxaad leh oo maad iyo macnawi iskugu jira. Dacwadda aanu furanay waxa uu ahaa khasaarihii ka dhashay xoog ku haysashada meherad iyo hanti gaar ah oo haatan ay ciidamadaasi dul fadhiyeen mudo 5 sanadood ku dhawaad ah. Hadaba garsooruhu wuxuu majaro-habaabiyey cadaaladii iyo wixii ay dacwadu ku saabsanayd oo uu meel kale oo aanay dacwadu ku saabsanayn ula kacay. Maxaa yeelay, waxa uu ka hadlay xukunkii ciqaabta ahaa ee guddoomiyaha shirkadda Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafatiraha Wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige ( bishii June 2014) lagu xidhay ka dibna qoraal amar Madaxwayne lagu sii daayey. Xukunkaasi isagu halkaas ayuu ahaa. Balse dacwadayadu xukunkaasi lamay xidhiidhaynin ee waxay la xiidhiidhaysay xukun amar ah oo ka horeeyey oo isla garsoore Axmed Dalmar soo saaray 07/04/2014, isagoo xayiraad saaray in aanu Wargeyska Haatuf soo bixi karin, iyadoo xayiraadaasi lagu socodsiiyey dhamaan madbacadaha dalku inaanay soo saari karin wargeyskaa oo kaliya. Xukunkaasi waxa kale oo uu xambaarsanaa ruqsad-laalis wargeyska ah. Balse marna muu dhigaynin in ciidanku xoog ku qabsado xaruntayada ganacsi. Dacwadayada magdhawga ahayd waxay ku saabsanayd qabsashadaasi aanay jirin maxkamad amartay ee ciidankaasi ku haysteen xafiisyadayadii isla markaana khasaaraha laxaadka leh naga soo gaadhay. Markaa guddoomiyaha maxkamadda gobolku wuxuu gadhka isku galiyey laba dacwadood oo kala duwan oo aan shaqo isku lahayn, iyadoo aanu u aragno in aqoon darro xaga sharciga ahina ka muuqato go’aankaas, maadaama oo dacwad meesha aan oolin uu soo galiyey. Eeg:- Qaraarka Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex 7/4/2014 meel qudha kagama qorna in ciidanku qabsado oo uu mudo shan sano ku dhawaad ah dul-fadhiyo. Xitaa markii qabsashadaasi aanu dacwad ka furanay, garsoorihii u horeeyey ee xarunta booqday ciidankaasi way u diideen inuu xarunta gudaha u gallo, waxaana dhacdadaasi laga daawaday Telefishanada dalka. Ka dib garsoorahaasi cabsi awgeed ayuu dacwadii iskaga wareejiyey. Aakhirkii galkii dacwadan waxa gacanta ku dhigay guddoomiye Dalmar, waxaana dhacday in isaga laftigiisu maalintii uu goobtaas noo raacay ay ciidanku u diideen inuu gallo xarunta Haatuf Media Network, ilaa taliyaha qaybtu goobta noogu yimid sidaasna aanu ku galnay. Hadaba qofkasta oo caqli lihi wuxuu garankaraa khasaaraha baaxada leh ee na soo gaadhay, laakiinse waxa muuqata in garsoore Axmed Dalmar uu ka habraday inuu cadaalada u hiiliyo”. Afhayeenka Haatuf Media Network Maxamed Ibraahim Sagax Qaran News
  10. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-19012019.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Waxaa lagu wargalinayaa dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Denmark in la qabanayo xaflad lagusoo dhaweynayo Madaxda Cusub ee Dowlada Puntland, Xafladu waxay ka dhacaysaa Magaalada [...] Source
  12. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maagalada Muqdisho ka furidoono koob lagu xusayo Allaha Unaxariiste Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa haldoorayaasha ugu wanaagsanaa ee soo maray warbaahinta dalka. Wariye Cawil Daahir Salaad iyo Saddex kale oo ka mid ahaa shaqaalaha Universal TV ayaa u dhintey Qaraxyadii 22-December 2018 ee ka dhacay nawaaxiga Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho. Dabayaaqadii siddeetanmeeyadii ayuu weriye Cawil Daahir Salaad ka shaqeynayay raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho oo ahaa halka raadiye ee wadanka jiray. Markii uu dalka burburka galay wuxuu weriyaha ka mid ahaa dhalinyaradii isku dayay dib u soo nooleynta warbaahinta wuxuu soo saari jiray mid ka mid ah wargeysyadii tirade yaraa ee gacanta lagu daabici jiray. tartankan waxaa ka qeyb galaya kooxaha kubbadda cagta ee kala ah Elman,Heegan,Jeenyo iyo kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club. Isku Aadka Koobka 19-01-2019-Muqdisho City Club VS Elaman 20-01-2019-Heegan VS L.L.P Jeenyo 22-01-2019 oo ah maalinta Talaadada ayaa la dheelidoonaan fiinaalaha koobka lagu xusayo Allaha Unaxariiste Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa shaqaalaha Universal TV. Source: goobjoog.com
  13. Ciidamada Jubbaaland ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyey iney dileen ku dhowaad 56 ka mid ah Maleeshiyaadka Al-shavaab kuwasoo saaka Aroortii weeraro nafti xoornimo ah kusoo qaaday [...] Source
  14. Somalia’s National Intelligence and Security Agency [NISA] said it captured an Al-Shabab member during a covert operation carried out in Mogadishu on 18th January 2019. NISA announced the arrest in a statement on its Twitter account on Friday, seen by Radio Shabelle. “In a careful and planned operation, the security forces detained a member leading Al-Shahab Amniyat operation in Mogadishu,” said NISA in the Twitter post. The spy agency did not disclose the identity of the militant but said he was the kingpin of Al-Shabab’s Amniyat wing operating in the Somali capital. Al-Shabab has stepped up attacks in the capital as part of its struggle to topple the Western-backed Somali Federal government based in Mogadishu and fighting AMISOM. The post NISA says Al-Shabab operative arrested in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Saldhig ay Ciidanka Jubbaland ku leeyihiin meel 45 km u jirta Kismaayo ayaa saaka oo sabti ah Aroornimadii waxaa soo weeraray Meleeshiyada Al-shabaab. Weetarka oo [...] Source
  16. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax oo aheyd Xaaskiisii hore, dilkaas oo ka dhacay degmada Yaaqshiid taariikhdu markey aheyd 19-12 sanadkii tegay. Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali iyo Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax ayaa horey u ahaa qoys, balse mar dambe ayay kala tageen, wixii xilligaas ka dambeeyay ayay u baxday dhankaas Doolow oo ay deganaayeen eheladeeda. Muddo kadib ayay soo noqotay waxa ayna guurstay nin kale, Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa isna dadaal ugu jiray sidii uu markale u heli lahaa xaaskiisii hore, waxa uu isticmaalay xeelado kala duwan oo ku heli karo markale, waxa uuna ogaaday in ay reer kale leedahay. Halkii ay daganeyd ayuu ugu tegay isagoo isku dayay in uu xoog ku soo kaxeysto balse dadka deegaanka iyo ninkii qabay ayaa ku soo baxay, waxa uuna go’aansaday in uu dhaafiyo nolosha isagoo ku dilay Toorey (Mindi). Ciidamada Amniga degmada Yaaqshiid ayaa isla xilligaas oo aheyd habeen soo qabtay eedeysanaha, waxa ayna ku wareejiyeen Hey’adda baarista dambiyada ee CID. Baaristooda kadib ayay ku soo wareejiyeen 23 bishaas Xafiiska Xeer-Ilaalinta, waxa ayna codsadeen Xeer-Ilaalinta in loo gudbiyo xabsiga dhexe si loo soo dhameystiro cadeymaha dambi ee lagu soo eedeeyay Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali. Muddo kadib ayay codsadeen xafiiska Xeer-ilaalinta 5- bishan aynu ku jirno, waxa ayna shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadda. Xafiiska Xeer-Ilaalinta ayaa hor keenay fadhiga Maxkamadda Qiraalka eedeysanaha, marqaatiyaal sedax shaqsi ah oo goob joog u ahaa dhacdada, Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ee cadeyneysa dhimashada. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo kamid ah xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku dooday in eedeysanaha uu u bareeray dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, waxa uu sidoo kale fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha uu dadaal badan geliyay dilka Marxuumadda. Qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa weydiistay Garsoor in loo naxariisto eedeysanaha maadaama uu jiray rabitaan uu u qabay xaaskiisii hore. Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lagu xukumo Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Xukunsaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. The post Sarkaal dilay Haweenay ay kala tageen Oo la xukumay appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo saakay ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka oo garabsanaya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinac ah. Sidey inoo xaqiijiyeen saraakiil xoogga dalka ah, Al-shabaab ayaa weerar kusoo qaaddey fariisin ciidanku ku leeyihiin deegaankaasi. Saddex gaari oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayeey Al-shabaab ku bilaabeen weerarkooda, iyadoo saraakiisha DFS ay sheegeen in qaraxyadaasi ka hortageen. Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, iyadoo xaaladda hadda ay tahay midda aad u deggan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga KULMIYE ayaa waxa uu maanta shaaciyay wakhtiga la qabanayo shirweynaha xisbigaasi iyo magaalada lagu qabanayo oo lagu dhawaaqay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Ku dhowaad Seddex Boqol oo qoys oo ah Beeraley wax soosaarkii ay ku tiirsanaayeen ay ragaadiyeen Roob yaraan ayaa waxay kasoo kala barakaceen deegaanno hoostaga degmooyinka Bardaale iyo Qansaxdheere ee Gobolka Baay, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyey gaarey degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo sida Goobjoog u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Guddiga xeryaha barakacayasha ee Buurdhuubo. Cabdulaahi Rashiid waxaa uu ka mid yahay Guddi ay leeyihiin dadka Barakacayaasha ee deggan duleedka Buurdhuubo, wuxuuna sheegay tan iyo bilowgii bishan January in degmada ay soo gaareen Qoysas barakacayaal hor leh oo ka kala yimid degaanno ka kala tirsan gobolka Baay, isagoo sheegayna qoysaskaasi oo tiradoodu ay gaareyso ilaa 300 qoys in ay Qaarkood dejiyeen ilaa 4 xero oo ku yaalla duleedka degmada. Sababaha qoysaskani ay ugu soo barakaceen deegannaadooda ayuu sheegay beerihii ay ku tiirsaneyd noloshooda oo baaqdey roob yaraan darteed, taasi oo keentay in ay nolosho ay ku adkaato kadibna ay maciin bidaan xeryaha Barakacayaasha. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Barakacayaal-hor-leh-oo-ka-soo-kala-barakacay-deegaano-ka-tirsan-Gobolka-Bay-oo-soo-gaarey-Buurdhuubo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Dowlada Soomaalida Itoobiya waa iney ilaalisaa Amaanka iyo xuquuqda Soomaalida degan Ismaamulada Dariska ee Canfarta iyo Oromada. Jigjiga (Itoobiya): Waxaa magaaladda Jigjiga iyo meelo kale [...] Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray oo ka mid ah mas’uuliyiinta xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa si weyn naqdiyay hab-dhaqanka ciidammada booliska Somaliland, isaga oo si toos ah u weeraray hoggaanka booliska gaar ahaan taliyaha ciidammada booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan. Cali Guray ayaa qoraal oo soo dhigay barta uu ku leeyahay facebook waxa uu ku yidhi “Haye Bilayskeenu waa kaa taliye Fadal silcinayo. Xataa waaxdii socdaalka ayuu sadheeyay. Waa kaa ka doonaya , warbaahintii oo dhan, halabuurkii oo dhan iyo dhalinyaradii Somaliland oo dhan inu dawladda ka horkeeno Dal Bilayskiisa taliskiisi casaabad qawlaysto ah noqday kob caleen leh in aanu ka soo durdurinayn waa la garanayaa ee bal aan sugno halkay ay Bilayska Somaliland dhigaan Fadal iyo kooxdiisu” Source
  22. Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax oo aheyd Xaaskiisii hore, dilkaas oo ka dhacay degmada Yaaqshiid taariikhdu markey aheyd 19-12 sanadkii tegay. Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali iyo Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax ayaa horey u ahaa qoys, balse mar dambe ayay kala tageen, wixii xilligaas ka dambeeyay ayay u baxday dhankaas Doolow oo ay deganaayeen eheladeeda. Muddo kadib ayay soo noqotay waxa ayna guurstay nin kale, Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa isna dadaal ugu jiray sidii uu markale u heli lahaa xaaskiisii hore, waxa uu isticmaalay xeelado kala duwan oo ku heli karo markale, waxa uuna ogaaday in ay reer kale leedahay. Halkii ay daganeyd ayuu ugu tegay isagoo isku dayay in uu xoog ku soo kaxeysto balse dadka deegaanka iyo ninkii qabay ayaa ku soo baxay, waxa uuna go’aansaday in uu dhaafiyo nolosha isagoo ku dilay Toorey (Mindi). Ciidamada Amniga degmada Yaaqshiid ayaa isla xilligaas oo aheyd habeen soo qabtay eedeysanaha, waxa ayna ku wareejiyeen Hey’adda baarista dambiyada ee CID. Baaristooda kadib ayay ku soo wareejiyeen 23 bishaas Xafiiska Xeer-Ilaalinta, waxa ayna codsadeen Xeer-Ilaalinta in loo gudbiyo xabsiga dhexe si loo soo dhameystiro cadeymaha dambi ee lagu soo eedeeyay Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali. Muddo kadib ayay codsadeen xafiiska Xeer-ilaalinta 5- bishan aynu ku jirno, waxa ayna shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadda. Xafiiska Xeer-Ilaalinta ayaa hor keenay fadhiga Maxkamadda Qiraalka eedeysanaha, marqaatiyaal sedax shaqsi ah oo goob joog u ahaa dhacdada, Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ee cadeyneysa dhimashada. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo kamid ah xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku dooday in eedeysanaha uu u bareeray dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, waxa uu sidoo kale fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha uu dadaal badan geliyay dilka Marxuumadda. Qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa weydiistay Garsoor in loo naxariisto eedeysanaha maadaama uu jiray rabitaan uu u qabay xaaskiisii hore. Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lagu xukumo Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Xukunsaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Source: goobjoog.com
  23. A loud explosion was heard last night in the downtown Baidoa, the interim capital city of Southwest State of Somalia, police, and witnesses said. The explosion has resulted from a grenade bomb carried out by men riding on an auto rickshaw who managed to escape the scene before the arrival of the local security forces. There were reports of arrests made following the blast, which did not cause any casualties on civilians as well as the soldiers. No group has so far claimed responsibility for the attack which comes days after Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo visited the strategic city, situated 250Km southwest of Mogadishu. Baidoa has been relatively stable since last year and the government forces have been conducting operations in the city to flush out Al-Shabab sympathizers and sleeping cells. The post Bomb explosion reported in Baidoa town, no casualties appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Five suspects, including a Canadian citizen, appeared in a Kenyan court on Friday in connection with an Islamist attack on a Nairobi hotel complex that left 21 dead. A magistrate granted a request from the prosecution to detain the four men and one woman for 30 days while investigations continue. The suspects are accused of “possible involvement in the almost 20-hour siege of the DusitD2 hotel and office complex by a suicide bomber and four gunmen who were all killed by security forces, a court document said. “The investigations into this matter are complex and transnational and would therefore require sufficient time and resources to uncover the entire criminal syndicate,” a statement from Director of Public Prosecutions Noordin Haji said. A total of 11 suspects were arrested after Tuesday’s attack, however investigations into the others were still ongoing. Those who appeared in court include Joel Ng’ang’a Wainaina, a taxi driver who ferried the attackers around on several occasions, and Oliver Kanyango Muthee, a taxi driver who drove one of the assailants to the scene of the attack. Gladys Kaari Justus is being investigated over the transfer of money while Guleid Abdihakim — who holds Canadian citizenship — is being probed over suspicious communication. The other suspect Osman Ibrahim is alleged to have met with one of the attackers on January 8. Two suspects yet to appear in court, Ali Salim Gichunge and Violet Kemunto Omwoyo possessed SIM cards that were in “constant communication” with numbers in Somalia, court documents revealed. The attack was claimed by Somali Islamist group Al-Shabaab, an affiliate of Al-Qaeda which has repeatedly targeted Kenya over the presence of its troops in Somalia. In 2013 an attack on the Westgate mall in Nairobi left 67 dead, while in 2015 Shabaab killed 148 people at a university in Garissa, eastern Kenya. The post Five suspects in court over Nairobi hotel attack appeared first on Shabelle. View the full article