Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay labo ruux oo la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilkii xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore. Taliyaha waaxda Canshuuraha ee ciidamada booliska Cabdullaahi Xasan Bariise oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la qabtay labo ruux oo la tuhunsan yahay iyo gaari ay wateen. Taliye Bariise ayaa waxaa uu bulshada Soomaaliyeed u sheegay in kiiskaas aan laga hari doonin lagu raad joojo kuwo kale,isla markaana eedeysanayaasha loo soo qabtay dilkaasi la horgeeyn doono Cadaaladda. Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada booliska ay baaritaan ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, islamarkaana ay soo qabteen dadka falkaasi ka dambeeyay kadib xog ay ka heleen shacabka. Kooxo Hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Kaaraan xildhibaan Boqore oo kamid ahaa guddiga difaaca ee baarlamaanka, waxaana la sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay ay sii yaraanayeen ilaaladiisa. Hadal uu ka jeediyay golaha shacabka ayuu u sheegay inuu waayay mushaaraad uu siiyo ciidamada ilaalada u ahaa, waxaana uu deganaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Unidentified gunmen have killed a Somali MP in the Somali capital, the latest in string of attacks targeting the country’s legislative body members, officials said Saturday. Osman Elmi Boqore was assisinated by two gunmen in Karan district, north of Mogadishu. Witnesses told that the attackers escaped the scene. There was no immediate claim of responsibility for the attack, however, it carries the hallmarks of Al-Shabab group. Somalia’s security officials said investigations were underway as security forces moved to pursue the attackers. Hon. Boqore is the first law maker killed this year in Somalia. Qaran News
  3. Maxamed Bin Salmaan oo taageeray gumaysiga lagu hayo muslimiinta… Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa difaacay gumaysiga dowladda Shiinaha ay ku hayso muslimiinta dalkaas. Bin Salmaan ayaa xerooyinka xabsiyada ah ee lagu hayo muslimiinta Shiinaha ugu yeeray “Mid Beijing ay xaq u leedahay inay sameyso” “China waxa ay xaq uleedahay inay sameyso howl-gal ka hortag argagixiso iyo ka saaris xagjirinimo oo ay ku sugeyso amnigeeda” ayuu yidhi Bin Salmaan oo Beijing u jooga inuu China la saxeexdo heshiis ganacsi. China ayaa xabistay ku dhowaad hal milyan oo qof oo ah muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighur, kuwaas oo lagu hayo xerooyin la sheegay in wax lagu barayo, taasi oo qeyb ka ah barnaamij la sheegay in lagula dagaalamayo xagjirnimada. Uighur ayaa ah dad jinsiyad ahaan Turki ah oo haysta diinta Islaamka oo ku nool Galbeedka Shiinaha. Beijing ayaa ku eedeysay muslimiinta laga tirada badan yahay ee ku nool gobolka Xinjiang inay taageeraan argagixisada, waxaana lagu hayaa kormeer joogto ah. Uighur ayaa ka codsaday dhaxal-sugaha Sacuudiga inuu arrintan kala hadlo dowladda Shiinaha inta uu ku guda jiro socdaalkiisa, hase yeeshee Bin Salmaan ayaa kala hadal iska dhaaf’e, sheegay in China ay xaq uleedahay ficilladeeda. Hoggaamiyayaasha muslimiinta ayaa inta badan ka aamusay xadgudubka lagu hayo muslimiinta Uighur, marka laga reebo madaxweynaha Turkiga Erdogan, oo dhowaan sheegay in ficillada China ay yihiin “kuwa ka baxsan bani aadannimada” Qaran News
  4. Koox hubeysan ayaa meel aan ka fogeyn hoygiisa magaalada Muqdisho ku dishay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Shacabka, horeyna u soo noqday guddoomiye ku-xigeenka Labaad Baarlamaankii KMG. Dilkan ayaa ka dhacay degmada Karaan, waxaana la soo weriyey inay goobtaa ka baxsadeen kooxdii dilka geystay.ilaa hadda ma jirto cid loo qabtay Dilkiisa. Xildhibaan Boqorre ayaa hore loogu dilay magaalada Muqdisho Wiil uu dhalay,Xildhibaan Boqorre ayaa ka soo jeeda Degaanka Saylac ama Selel Qaran News
  5. Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa lagu haystaa inuu ka been sheegay xiriir diblomaasiyadeed aan jirin oo uu sheegay in dowladdiisa ay la leedahay Soomaaliya iyo Jabuuti. Dooddan ayaa ka dhalatay qariirad uu maamulkiisa diyaairiyey, oo Netanyahu uu dhowaan tusiyey hogaamiyayaasha Yahuudda-Mareykanka. Qariiradda ayaa waxaa midabo kala duwan ay ku muujineysaa xiriirada kala duwan ee Israel la leedahay dalalka Afrika. Sida uu qoray wargeyska Times of Israel, warbixinta la socota qariiradda ayaa cinwaan looga dhigay “Israel waxay ku laabaneysaa Afrika” waxaana dalalka Afrika ay u qeybineysaa afar nooc oo afar midab kala ah. Mid ka mid ah afartaas midab oo ah midabka buluga qafiifka ah, ayaa waxaa lagu muujiyey inay yihiin dalalka Israel ay la leedahay xiriirka diblomaasiyeed, balse aysan wax safaarad ah ku lahayn. Waxaa dalalkaas ku jira Soomaaliya iyo Jabuuti, hase yeeshee wargeyska Times of Israel ayaa qoray in maamulka Netanyahu uu arrintaas ka been sheegay, islamarkaana labadaas dal aysan wax xiriir ah la lahayn Israel. Xafiiska Netanyahu iyo wasaaradda arrimaha dibedda oo wargeyska uu wax ka weydiiyey arrintan ayaa diiday inay wax jawaab ah ka bixiyaan. Si kastaba, sarkaal sare oo ka tirsan dowladda oo codsaday inan magaciisa la sheegin ayaa wargeyska u sheegay in la midabeeyo Soomaaliya iyo Jabuuti laguna sheego inay xiriir la leeyihiin Israel ay ahayd qalad ay sameeyeen kooxdii diyaarisay qariiradda. Netanyahu oo wajahaya doorasho adag oo dhowaan dhaceysa ayaa loo arkaa inuu sidan u sameeyey inuu ku xoojiyo guulihiisa siyaasadda arrimaha dibedda. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Dr. Michael Rubin, oo ah madaxa machadka American Enterprise Institute, ayaa dawladda Maraykanka ugu baaqay in la joogo wakhtigii ay aqoonsan lahayd qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxaana caalamka uga digay inay ku dheganadaan raadinta midnimo dambe oo uu ka digay halis amni oo ay keeni karto. Dr. Rubin oo toddobaadkii hore safar ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa, lana kulmay Madaxweyne Biixi, ayaa wuxuu toddobaadkan baahiyay qoraal uu kaga hadlay qaddiyadda Somaliland iyo midnimada Soomaaliya. Qoraalkaas oo aan usoo tarjunnay Soomaali, wuxuu u dhignaa sidan:- “Siyasadda Maraykanka ee ku aadan Soomaaliya waxaay salka ku haysa fekerka odhanaya midnimada Soomaaliya ayaa si buuxda uga dhigi karta nabad dalka, islamarkaana suurtagelin karta inay nabad ka dhigto dhulkeeda. Tan ayaa ahayd fekerka ay qabeen jiilal badan oo ah dadka go’aan qadashada leh [ee Maraykanka ah], balse waa mid caqli ahaan daciif ah. Arinku wuxuu yahay in la doonayo Somaliland oo ku taal dhinaca woqooyi oo ah saddex meelood ba meel dalka oo ahayd nabad tan iyo 1991kii, inay mar labaad is hoos gayso dawladda iyo maamulka Muqdisho. Inkasta oo ay run tahay in qabiilku yahay waxa kala duwa Somaliland iyo Soomaaliya inteeda kale ee aanay ahayn qoomiyadnimo, hadana aragtida odhanaysa qoomiiyadnimadu waa inay qeexda dalnimada waa mid aan micno ku dhisnayn. Ugu horayn bal eeg tusaalayaasha faraha badan ee muujinaya qoomiyado iyo luqado isku mid ah oo ah dalal kala duwan: waxa jira laba Roomaaniyiin (mid kood la yidhaahdo Moldova), laba Albaaniyiin (oo midkood yahay Kosofo), iyo in ka badan 20 dal oo Carab ah. Waa marka labaad e, haddii xitaa Muqdisho ay dib u maamusho Somaliland, taasi ma keeni doonto midnimo Soomaali. Sida Kurdiyiintu ay afar dal u degan yihiin, ayay Soomaaliduna sidaas oo kale u tahay: marka Soomaaliya laga yimaado, Jibuuti dadkeeda inta badani waa Soomali; sababta keliya ee ay dal madax banaan u noqotayna waa cidda gumaysatay darteed; gobolka Ogaadeen ee Itoobiya qoomiyad ahaan waa Soomaali, sidaas oo kale waxa la mid ah Gobolka Woqooyi Bari ee Kenya. Haddii lagu adkaysto dib u midaynta Somaliland iyo Soomaaliya waxaay keenaysaa khatar ah inay dhiirigelinayso dhul raadin amni darro keenta. Dagaalkii 1977-1978 oo bilaabmay markii Soomaaliya ay weerartay Itoobiya si ay u qabsato dhul ay degen yihiin dad qoomiyad ahaan Soomaali waxaa ku dhintay kumanaan qof, waxaa ku bara-kacay nus malyuun qof, wuxuuna mudo kooban noqday xiisad ka mid ah Dagaalkii Qaboobaa. Dhowaan, xiisadda ka dhaxaysa Muqdisho iyo Nayroobi ayaa cirka isku shareertay markii Dawladda Ku-meel gaadhka ah ee Federaalku ay isku dayday inay xaraashto goobo shidaal ku jiro oo ku yaal dhul biyoodka Kenya. Hadii laga helo shidaal biyaha gobolka Soomaalidu degto ee Kenya, dhul raadinta Muqdisho way sii xumaan kartaa. Malaha dadka go’aan qadashada lihi [ee Maraykanka ahi] xagga danbe ayay ka soo bilaabeen; halka looga arko dawlad dhexe oo xoogan oo Muqdisho fadhida -federaal ha noqoto ama yay noqone- inay u tahay fure xasiloonida gobolka, malaha siyaasadda ka fiicani waa in la abaal mariyo goobaha ku guulaystay degenanasho iyo xasilooni. Jibuuti waxaay in ka badan afartan sanadood ahayd meel qoys maamulo (madaxwaynaha hada waxa adeer u ahaa madaxwaynihii u horeeyey ee dalka). Inkasta oo Jibuuti aanay xornimo iyo dimoqraadiyad tooni ka jirin, hadana sababo istiraajiyadeed iyo kuwo taariikheed ayaa keenay in la aqbalo madax-banaanideeda iyo in iskaashi lala samaysto. Somaliland waxay si buuxda u ahayd dal madaxbanaan tan iyo 1991kii markii ay ka soo dhex baxday dambaskii dagaalkii keligii taliyihii hore Maxamed Siyaad Barre uu ku doonayay inuu ku tirtiro qabiilka Isaaqa. Waxaay qabatay dhawr doorasho oo is xiga oo madaxwaynenimo, waxaayna qaban doontaa sanadkan dhamaadkiisa doorashadii baarlamaanka ee mudada dheer dib loo dhigay. Marka la eego warbixinta Freedom House, [Somaliland] waa meesha ugu xorsan Soomaaliya, marka lagu daro Jibuutina waa meesha ugu nabadsan. Halka ciidanka militeriga Soomaaliya uu yahay mid musuq dishooday oo aan waxba qaban karin, ciidanka yar ee Somaliland wuxu ku gulaystay inuu nabad ka dhigo gobolka, xitaa isaga oo la legdamaya cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay. Puntland oo ah gobol iskii isku xukuma oo isku daya inuu ku daydo Somaliland, isna wuxuu leeyahay is-xukun, degenanashona waa ka jiraa inkasta oo uu ogol yahay inuu ka mid ahaado dawladd Federaalka ah ee Soomaaliya oo aanu ka go’in. Inta kale ee Soomaaliya oo ay ku jirto Muqdisho waa meel qasan oo aan nabadi ka jirin, iyada oo hadana laga buux dhaafiyay lacag ay sida daadka ugu deeqeen maamulada Obama iyo Trump. Halkii ay ka dhisi lahayd dalka, lacagtaas waxa lagu bixiyaa sidii taageero loogu kala iibsan lahaa, waxaayna inta badan sii xoojisaa kala qaybsanaanta. Qoraalkaygii aan ugu magacdaray “La Ciyaar gudista Shaydaanka” waxaan ku sheegay in Wasaaradda Arimaha Debedda [ee Maraykanku] aanay ku samayn dib u eegis diblomaasiyadeeda la xidhiidha talisyada faro laga qaadka ah. Marka ay noqoto Geeska Afrika, dhibaatadu laga yaabee inay ka duwan tahay, balse waxaay kala siman tahay in lagu guuldaraystay in qiimayn siyaasadeed la sameeyo. Soomaaliya waxaay tobanaan sanadood ahayd dal fashilmay oo ku jira oo keliya joogitanka ciidamo nabad ilaalineed oo ku shaqeeya hadhka Midawga Afrika. Halkii uu ka aqoonsan lahaa fashilkaas, maamulka Trump wuxuu ka daba tuurayaa lacag fiican cidii xumayd, taas oo sii laban laabaysa wax Transparency International ugu yeedhay dalka ugu musuqmaasuqa badan aduunka, iyada oo taas loo samaynayo midnimada aan jirin darteed. Siyaasad xikmad ku dhisani waxay tahay in Muqdisho lagu xisaabiyo fashilkeeda, loona ogolaado Soomaalida kale xaqa aayo ka tashiga. Haddii mustaqbalka dalal badan oo Soomaali ahi ay doonaan inay midoobaan, iyaga ayay u taal, balse maaha wax ay tahay Washington inay ku adkaysato.’ Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa walaac ka muujiyay hubka dowladda Soomaaliya ay ka hesho caalamka, isaga oo sheegay in hubka dowladda la gaarsiiyo aysan helin maamulka Puntland. Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ka codsaday beesha caalamka inay ka taageeraan dhanka amaanka, maadaama sida uu sheegay Puntland ay dagaal adag kula jirto Al Shabaab iyo kooxda Daacish. Wuxuu sheegay in maamulka Puntland uusan helin taageerada dhanka amaanka ee maamulada loogu soo dhiibo dowladda Soomaaliya, waxaana uu dalbaday in arimahaasi si gaar ah looga taageero. Madaxweynaha Puntland Siciid cabdullaahi Deni ayaa yiri “Kaalmadda beesha caalamku ugu tala gashay maamul goboleedyadda Dowlad Federaalka Soomaaliya ayaa iska qaadata, oo waxba nama soo gaaraan, dadka Puntland way isku filan yihiin” Waxaa uu xusay in Puntland ay tahay meesha ugu daran dhinaca amaanka oo ay si wadajir ah uga dagaallamaan Daacish iyo Al-shabaab, sidaasi daraadeed ay u baahan yihiin hub iyo dhaqaalo ay kula dagaalamaan labada koox. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in haddii taageerada caalamka aan Puntland qeybteeda laga siin ay isku tashan doonto Puntland sida uu hadalka u dhigay. Hadalka madaxweyne Deni ayaa u muuqda mid muujinaya inaysan helin taageeradii dhanka amaanka ee loo qorsheeyay dowlad goboleedyada, waxaana arintaasi ay joogsatay markii madaxweyne Gaas iyo dowladda is qabteen mudaddii uu xilka hayay. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Asad Cusmaan Diyaano oo ahaa ruuxii looga guuleystay wareegii ugu dambeeyay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe ee maamulka Puntland. Asad Diyaano ayaa kusoo baxay doorashadii Puntland ka dhacay 8 Janaayo sanadkaan 2019, waxaana uu yimid wareegii ugu dambeeyay oo aan laga fileysan. Masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Asad Dyaano, waxaana uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo safarkiisa magaalada Muqdisho. Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa masuuliyiinta Asad kusoo dhaweeyay magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Beijing (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa difaacay gumaysiga dowladda Shiinaha ay ku hayso muslimiinta dalkaas. Bin Salmaan ayaa xerooyinka xabsiyada ah ee lagu hayo muslimiinta Shiinaha ugu yeeray “Mid Beijing ay xaq u leedahay inay sameyso” “China waxa ay xaq uleedahay inay sameyso howl-gal ka hortag argagixiso iyo ka saaris xagjirinimo oo ay ku sugeyso amnigeeda” ayuu yiri Bin Salmaan oo Beijing u jooga inuu China la saxiixdo heshiis ganacsi. China ayaa xabistay ku dhowaad hal milyan oo qof oo ah muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighur, kuwaas oo lagu hayo xerooyin la sheegay in wax lagu barayo, taasi oo qeyb ka ah barnaamij la sheegay in lagula dagaalamayo xagjirnimada. Uighur ayaa ah dad jinsiyad ahaan Turkic ah oo haysta diinta Islaamka oo ku nool Galbeedka Shiinaha. Beijing ayaa ku eedeysay muslimiinta laga tirada badan yahay ee ku nool gobolka Xinjiang inay taageeraan argagixisada, waxaana lagu hayaa kormeer joogto ah. Uighur ayaa ka codsaday dhaxal-sugaha Sacuudiga inuu arrintan kala hadlo dowladda Shiinaha inta uu ku guda jiro socdaalkiisa, hase yeeshee Bin Salmaan ayaa kala hadal iska dhaaf’e, sheegay in China ay xaq uleedahay ficilladeeda. Hoggaamiyayaasha muslimiinta ayaa inta badan ka aamusay xadgudubka lagu hayo muslimiinta Uighur, marka laga reebo madaxweynaha Turkiga Erdogan, oo dhowaan sheegay in ficillada China ay yihiin “kuwa ka baxsan bani aadannimada” Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur ayaa ugu horeyn ka hadlay dilkii gelinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo kamid ahaa guddiga difaaca ee baarlamaanka. Ugu horeyn wuxuu tacsi u diray xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka iyo ehelada xildhibaanka, isaga oo sheegay in Xildhibaan Boqore uu kamid ahaa odayaasha baarlamaanka ku jira. Siyaasi Warsame, ayaa sheegay in walwal weyn ay ka qabaan xaalada amaan ee magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in maalin kastaa dilal kala duwan ay ka dhacaan caasimadda. Wuxuu sidoo kale sheegay amaanka Muqdisho loo baahan yahay in wax la iska weydiiyo, maadaama ay dilal kala duwan ka dhacaan Muqdisho. “Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelka iyo xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka dilka loo geystay Allaha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Climi Boqre oo ka mid ahaa odayaasha Golaha Shacabka. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, waxaanse welwel ka qabaa xaalada nabadgelyo xumi ee magaalada Muqdisho” “Waxaa maalin kasta la dilaa saraakiil ciidan iyo masuuliyiin dawladeed. Waa arrin u baahan in si dhab ah la isaga warsado” ayuu yiri Mr Warsame. Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay galab degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ku dilay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo kamid ahaa xildhibaanada baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Shalay galab waxaa degmada Kaaraan lagu dilay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee sidda ay u yaqaanaan Bulshadda Soomaaliyeed. Xildhibaanka waxaa uu ahaa nin si weyn usoo bandhigga Aragtidiisa, waxaana lagu xasuustaa in uu Muddo dheer uu ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha Shacabka. Waxaa uu kasoo jeeddaa Gobolka Awdal ee Somaliland, wuxuu golaha shacabka ee hadda jira ahaa ninka ugu da’da weyn. Dhamaadkii 2016-ka Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u gartay in uu noqdo Gudoomiyaha Kumeelka gaarka ah ee Labadda Aqal tan iyo inta laga dooranaayo Gudoonka Golaha Shacabka. Dowladdii uu hoggaamin jiray Cabdullaahi Yuusuf waxaa uu kasoo noqday Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka. Boqore oo ahaa Xildhibaanka ugu da’da weyn golaha Shacabka ee baarlmaanka Soomalaiya,Wuxuu ahaa nin qaranka u soo shaqeeyey mud dheer, isagoo ka qeybgalay dagaalkii 1964 ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray kuna dhaawacmay asagoo askari ah. Waxa uu ciidanka ku gaaray gaashaanle sare, wuxuu soo noqday guddoomiye ku xigeenka barlamaanka, Isagoo haatan xubin ka ahaa Gudidga Difaaca Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomalaiya. Hadda Wuxuu ka tirsanaa Golaha Shacabka waxaa uu ku jiray Guddiga difaaca iyo xisbiga UPD ee hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Kenya needs to tone down on its maritime dispute with Somalia. On Thursday, Foreign Affairs Cabinet Secretary Monica Juma told journalists:“We will not cede an inch of Kenyan territory to any government”. She further noted that there could be sanctions against Somalia depending on the kind of response the country gives and or fails to apologise. She also said countries have gone to war for lesser reasons. Granted that Kenya has a responsibility to protect its territorial integrity, the language Kenya is using can be interpreted by some as coercion and intimidation. This is despite the matter being before the International Court of Justice, where each of the parties has had an opportunity to file their submissions. And although Kenya opposed ICJ’s jurisdiction over the matter — preferring diplomatic and political settlements as agreed in 2009 — Somalia won the first round and the case is now before the court. Sounding the drums of war will not solve the problem. It is imperative that Kenya lets ICJ hear and determine the matter. Source: The Star
  13. Dalka Somalia oo ay jaarka yihiin Jamhuuriyadda Somaliland, hadda yuunbey cagta saartey dhabadii keli taliska . Waxa cadaatey in ay Somali ku socoto wadadii jabka , halaaga iyo Burburka. Waxa aynu maqleeney ilaa intii ay timid dawladaa uu gadhwadeenka yahey farmaajo dhacdooyin, dadnimada , biniaadinimadaba iyo muslinimadaba ka baxsan , Ha ugu sii xanuun iyo xumaan badnaato arintii Abdikarin qalbi dhagaxa loogu dhiibey Xabashida , arintaas oo in uun qof damiir islaami ku jiraa aanu sameyn kareyn sida loo qabtey iyo cida loo adeegsadey , waa dhacdo inoo cadeyneysa waxa ay dawlada farmaajo tahey , waana dhacado inta damiirka fayo lahi ku reebeysa xanuun aan laga bugsan . Arinta ka sii darani waxa uu Abdikarim ah sarkaal ka tirsanaan jirey ciidan kii somaaliya kana qeyb galey dagaalkii 1977 . Dalkii uu naftiisa u hurey ayaa cadw gacanta u geliyey . Arinta ay dawlada ku kacdaaba nuqsaan bey ku tahey umada somaliyeed meel ay joogtaba . Waxa ay dawladani isku dayeysaa in ay cidwalba oo waxa fahmeysaba ay indhaha karido , gaar ahaan cida fahmeysa waxa uu soo wato sida maamul goboladii , barlamaanka siyaasiyinta iyo xataa gancastada . Waxa ilaa hada gacanta ku dhigtey heyadihii kala madaxa banaana sida garsoorka iyo sharcidajinta . waxa aynu lasoconaa wixii kadhacey beydhaba oo dad shacab ah xabashidu ku xasuuqdey isla markaan umadii reer beydhabo dusha lagag keeney musharax aney dooneyn halka kii ay doonayeena si diinta iyo somaalinimada kabaxsan loo xidhey iyada oo ciidama xabashi ah loo adeegsanayo . waxa kale aynu ognahey sida Galmudug loo dulkeeney nin dawladu wataan in kasta aney u suurta gelin arintaasi waxa ay ahyd si loola dagaalamey Madaxaweyn Xeef . Waxa kale aan ognahey sidii loo afganbeyey Hirshabeele . waxa dawlada uu gadhwadeen ka yahey farmaajo waxa ay ku mashquul santahey ladagaalanka umada soomaaliyeed si uu u helo maamul uu awoodisa aan cidi la qeybsan sida uu doonna kayeelo . waxaanu kula dagalamayaa dumuqradiyada . Farmaajo ugamatagi doono talada dalka sidii Shiikh Shriif iyo Hassan shiikh uga tageen ee waxa uu uga tegayaa sidii Siyad barre markii uu umada wixii uu galaafan karaayo galaafto uu uga tegey .Waxa aynu ogeyn halka la mariyey jawaari , waxa aynu kale ognahey in mursal uu tarwadhey markii la bahdiley ee loo hanjabey oo uu noqdey qolf madhan oo aan ciidan ku jirin . Maamulkani waxa uu waxa badan kashaabaha maamulkii somaali cabudhiyey bahdiley , xasuuqey ee dabadeena ay afrta beynu jaha Somalia ukala yaacadey . Waxa ahyd in ay somaalidu ka digtoonaato cidanbe oo kelidii talis ah laakiin waxa aad moodaa maahmahdii ahyd ilwshiin ya dhawaa ma umul baa sikastaba ha ahaate waxey u gashey talis danbe oo kala qeybinta iyo xasuuq ku xeeldheer . Waxa meesha ka baxadey dumuqraadiyadii ay labadii madaxweyne ee shiriif iyo xasan shiikh so barbaariyeen . Waxa ay somaaliya fooda saartey in ay gobolgobol , degmo degmo u kala goaan oo Moqdisha iyo shanta maamul goboleed isku basbeelaan dabadeedna midba goonidiisa uu maamul u gaar ah u yagleelaan oo aan dib leysu aminin . By: Cabdi Sulux. Birmingham/UK Source
  14. Waxaan si sharaf leh muddo dheer uga aamusnaa wax ku saabsan Hassan Ali Kheire. Maadaama uu soo hadalqaado hogaanadeenii hore laga bilaabo 60-yadii. Anigu waxaan [...] Source
  15. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho. “Eebbe ha u naxariisto XIldhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday. Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga amray inay baaris degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas geysateyna hor keenaan sharciga. Xildhibaanka waxaa lagu dilay gudaha hoygiisa, iyadoo Askarigii ilalaada u ahaana uu isaga faray inuu Seexdo, maadaama uu Xalay oo dhan soo jeeday, waxaa sidaas Mustaqbal u sheegay ehelka marxuumka. Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in gacanta lagu soo dhigay nin la sheegay inuu gaari ku waday Kooxda dilka geysatay, haatanna ay gacanta ku hayaan maamulka degmada Kaaraan. Marxuumka la dilay oo ahaa Xildhibaanka ugu da’da weyn golaha Shacabka ee baarlmaanka Soomalaiya,Wuxuu ahaa nin qaranka u soo shaqeeyey mud dheer, isagoo ka qeybgalay dagaalkii 1964 ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray kuna dhaawacmay asagoo askari ah, waxa uu ciidanka ku gaaray gaashaanle sare, wuxuu soo noqday guddoomiye ku xigeenka barlamaanka, Isagoo haatan xubin ka ahaa Gudidga Difaaca Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomalaiya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madax kale duwan ayaa tacsi ka diray dilkii galabta magaalada Muqdisho loogu gaystay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka tirsanaa baarlamanka federaalka Soomaaliya. Haddaba hoos ka aqriso qoraalladooda. Sheekh Shariif Inaa lillah wa inaa ileyhi raajicuun, ilaahay ha u naxariisto walaalkeen Cismaan Cilmi boqorre oo xildhibaan ka ahaa golaha shacabka oo gacan ka xaq daran ay ku dishay Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa Golaha shacabka oo uu ka tirsanaa, qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay. Waxaan ilaahay uga baryeyna inuu janadii ka waraabiyo, aniga oo ugu baaqaya laamaha amniga ee dowladda in ay cadaaladda marsiiyaan soona qabtaan kooxii falkaasi foosha xun fuliyay. Xildhibaan Mahad Salaad: INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN Naxariistii Jano Alle haka waraabiyo Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo goor dhow lagu dilay magaalada Mogadishu. Qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday samir iyo iimaan Alle haka siiyo. Annagana gadaashiis Ilaahey nama fidneeyo. Amiin Amiin Amiin. Hon. Mahad Salad Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur: Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun, allah ha u naxariisto Ex Xildhibaan Maxruum Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa Golaha Shacabka Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ay dileen kooxo dablay ah daqiiqado ka hor, Waxaana allah uga baryayaa Janatulfirdowasa, Dhammaan shacabka, Dowlada Soomaaliya iyo qayskiisana Samir iyo iimaan. Xildhibaan Cabdifataax Daahir: Maanta waxa gacan ka xaqdarran ku dishay magaalada Muqdisho Xil Cusmaan Cilmi Boqorre. Illahay waxaan uga baryaynaa in uu jannada ka waraabiyo, eheladiisii, asxaabtiisii iyo qarankana samir iyo iimaan ka siiyo. Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelka iyo xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka dilka loo geystay Allaha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Climi Boqre oo ka mid ahaa odayaasha Golaha Shacabka. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, waxaanse welwel ka qabaa xaalada nabadgelyo xumi ee magaalada Muqdisho. Waxaa maalin kasta la dilaa saraakiil ciidan iyo masuuliyiin dawladeed. Waa arrin u baahan in si dhab ah la isaga warsado. Cabdirashiid Xidig: Bismilaah: Inaa Lilaah wa inaa Ilaayhi raajucuun: Ilaahay Naxariistii Jano ha ka waraabiyo inagana Samir iyo Iimaan haynaga siiyo Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa Golaha Shacabka Federaalka oo Galabta Lagu dilay Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey Taliska Guud ee Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ee Xerada 54-aad oo uu tababar [...] Source
  19. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho. “Eebbe ha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday. Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga faray inay baaris degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga. Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre waxa uu ka tirsanaa Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, horena waxa uu u soo qabtay xilka Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo amray in la soo qabto ragii dilay xildhibaan Boqore appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa ka hadlay dil gelinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo kamid ahaa golaha shacabka. Qoraal Al Shabaab ay soo dhigeen baraha ay wararka ku faafiyaan ayaa lagu sheegay inay iyaga ka dambeeyaan weerarka lagu dilay xildhibaan Boqore, waxaana la sheegay in rag ka tirsan Amniyaatka Al Shabaab ay fuliyeen dilka. Qoraalka ayaa sidoo kale lag sheegay in kooxaha dilka fuliyay ay si nabad galyo ah kaga baxsadeen goobta falka uu ka dhacay, waxaana la sheegay in howlgalkaasi lagu dilay xildhibaanka uu kamid yahay kuwa ay ka wadaan Muqdisho. Waxaa sidoo kale Al Shabaab ay sheegeen inay horey u dileen xubno ka tirsan ciidamada dowladda iyo xildhibaanada golaha shacabka. Sheegashada Al Shabaab ee masuuliyadda dilka xildhibaan Boqore iyo goorta la dilay ayaa waxaa u dhaxeeyay muddo kooban, waxaana xildhibaanka la sheegay in rasaas badan ay ku dhacday jirkiisa. Al Shabaab ayaa dhawaan soo bandhigay muuqaalka dilal qorsheysan oo ay ka geysanayeen magaalada Muqdisho, kaasi oo ay kasoo muuqdeen ciidamo iyo xubno ka tirsan dowladda oo si bareer ah loo dilayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. (SLT-Muqdish)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho. “Eebbe ha u naxariisto xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday, Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga faray in ay baadhis degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Cilmi Boqore oo ay gacan ka xaq daran ku dishay Magaaladda Muqdisho,waxaana uu Alle uga baryay in naxriista jano uu ka waraabiyo Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iimaan ka siiyo. “Innaa Lillaah Wa Innaa Illeehi raajicuun waxaan ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Boqore oo ay gacan ka xaq daran dishay Rabi naxriistiisa haka waraabiyo ehelkiisa iyo guud ahaan umada Soomaaliyeedna Samir iimaan Allaha haka siiyo. Gudddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaan uu ahaa AUN muwaadin jecel Dowladnimada Soomaaliya. “Anigoo ku hadlayay magacayga iyo kan guud ahaan golaha Shacabka waxaan qirayaa Allaha ha u naxriistee marxuumka Inuu ahaaa qof Cibaado badan, dadka mar walba wanaaga fara, qof dowaldnimada jecel iyo sidoo kale oday Soomaaliyeed oo ay ka go’antahay in Dalkeena uu horumar gaadho” Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa rajo ka muujiyay in hay’adaha ammaanka ay gacanta kusoo dhigi doonaan gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay Dilka Allaha u naxriistee Xildhibaanka ,wuxuuna hay’adaha ugu baaqay in ay baaraan cidii ka dambeysay dilka Xildhibaana. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka hadlay dilka xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore. War Saxaafadeed uu soo saaray Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu tacsi ugu direy qoyskii iyo eheladii iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed geeridii allaha u naxariistee Ex Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre. “Anigoo ku hadlaayo magacayga iyo magaca dhammaan xubnaha iyo bahweynta Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (UPD) waxaan halkaan tacsi uga dirayaa qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka mid ahaa aasaasayaashii Xibiga isla markaana xubin firfircoon ka ahaa Xisbiga.”ayuu ku yidhi War Saxaafadeedkiisa Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Source
  22. Muqdisho (PP) ─ Kooxo hubeysna oo aan haybtooda la garanayn ayaa ku dilay Muqdisho gellinkii dambe ee maanta xildhibaan ka tirsan aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Somalia. Marxuum Cismaan Cilmi Boqorre oo ka tirsanaa Golaha Shacbaka Somalia isla markaana horay u soo noqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaanadii dalka soo maray ayaa waxaa lagu dilay degmada Kaaraan ee Muqdisho. Kooxaha dilay xildhiaanka ayaa la sheegay inay wateen gaari kuwa raaxada ah, iyagoo toogasho ku dilay xildhibaanka, waxaana dableyda u suuro-gasha inay goobta ka baxsadaan. Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka xildhibaan Cismaan Boqorre oo horay u soo noqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Somalia, xilligii ay jirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed. Sidoo kale, Marxuumka oo ka soo jeeday gobollada Waqooyi ee Somalia, gaar ahaan gobolka Awdal ayaa wuxuu ahaa xildhibaan si cad u soo jeediya aragtidiisa, waxaana uu ahaa ruuxa ugu da’da weyn baarlamaanka Somalia. Baarlamaanka hadda jira ayaa markii lasoo xulay sannadkii 2016-ka, waxay u doorteen inuu noqdo shir-guddoonka baarlamaanka maadaama uu ahaa qofkii ugu da’da weynaa ee baarlamaanka Somalia, iyadoo marii la doortay guddoonka cusub uu xilka ku warejiyay Jawaari oo markii dambe xilka laga qaaday. Dhanka kale, Waxaa dilka xildhibaanka si caro leh uga hadlay Madaxda kala duwan ee dalka, iyagoo ku baaqay in baaritaan dhaqso ah la sameeyo lana soo qabto kooxihii ka dambeeyay dilka mudanahan si sharciga loo horkeeno. Ugu dambeyn, Marxuumka ayaa lagu wadaa in lagu aaso Muqdisho berri oo Axad ah, waxaana horay loogu dilay Muqdisho wiil uu dhalay marxuumka oo muran badan dhaliyay, wuxuuse caawa ka mid noqday Boqorre tiro ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka oo Al-shabaab ay Muqdisho ku dishay. PUNTLAND POST The post Kooxo hubeysan oo Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Baarlamaanka ku dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  23. Rag hubeysan ayaa maanta waxa ay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dileena Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Ragga dilka geystay ayaa ku hubeysnaa Bistoolado waxaana ay ku weerareen gaari uu xildhibaanka la socday. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Cilmi Boqore oo ay gacan ka xaq daran ku dishay Magaaladda Muqdisho,waxaana uu Alle uga baryay in naxriista jano uu ka waraabiyo Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iimaan Eebe ka siiyo. “Innaa Lillaah Wa Innaa Illeehi raajicuun waxaan ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Boqore oo ay gacan ka xaq daran dishay Rabi naxriistiisa haka waraabiyo ehelkiisa iyo guud ahaan umada Soomaaliyeedna Samir iimaan Allaha haka siiyo,” ayuu yiri Guddoomiye Mursal. Gudddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaanka uu ahaa muwaadin jecel Dowladnimada Soomaaliya. “Anigoo ku hadlayay magacayga iyo kan guud ahaan golaha Shacabka waxaan qirayaa Allaha ha u naxriistee marxuumka inuu ahaaa qof Cibaado badan,dadka mar walba wanaaga fara, qof dowaldnimada jecel iyo sidoo kale oday Soomaaliyeed oo ay ka go’antahay in Dalkeena uu horumar gaaro”ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistii Xildhibaan Cismaan Cilmi boqore oo lagu dilay Muqdisho. Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa uga tacsiyadeeyay Qoyskii,Qaraabadii,Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Xildhibaanka,isagoona Alle uga baryay inuu Janadii fardowso ka waraabiyo marxumka,Qoyskii iyo Qarankii uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo. Dhanka kale, Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho. “Eebbe ha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday. Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga faray inay baaris degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga. Source: goobjoog.com