-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Macluumaad ku Saabsan online. Ganacsiga Online.. Markaa aad bilaabayso maaha mid sahlan waa Shaqo aad u adag oo uu ka baxo qof ama Group dhiiran oo adag oo maskax adeegsnaya . 1.Aaminaad:– →Waxaad u baahan tahay in Lagu Aamino Shayga aaminaada la yidhaana waa shay aad u muhiima waxa La Rabaa In qof kasta ku aamino adigaana ka kasbanaya,markaad u qabato hawshu uu kaa soo dalbaday sida ugu fiican. 2.Adeeg:– →Qofku inuu adeega uu kaa soo dalbado aad sidiisa ugu fuliso hadiiba aad haysaan hadii aydaan haynina aad u sheegtaan wakhtiga la helayo ama la keenayo,hadii uu qof kaasi lacagta soo diro oo aydaan haynin Alaabta uu ka soo dalbaday waa inaad u celisaa sida ugu dhakhsaha badan waayo Aaminada uu idinku Qabay Ay Kor Ugu Sii Qaadmaysa. 3.Dedegsiimo delivery :– →Wakhtiga aad la balanto inaad u Qaado shayga ama Alaabta uu kaa soo dalbaday sida ugu macquulsan Una sheegto Saacada iyo wakhtiga ay Soo gaadhayso. 4-Qancinta macmiilka. Inaad iska war haysaan hadiiba call center laydinka soo wacayo Ama whatsapp Ama Facebook page ama website online chat,ama message email inaad iska war haysaan oo aad Oo wada shaqayn baaxad leh idinka dhaxayso. 5.dalbashada websiteka Macluumaad kusaabsan . Website Alaabta marka Laga soo dalbanayo maaha wax si fudud lagu dalban karo isku daya inaad websiteka u samaysaan luuqadaha ha ugu horeeyaan Somali,Arabic, English sadexdaa object waa inaad ku dartaa in Uu Website isku badalo marka wax laga dalbanayo qof kastaana luuqada uu fahmayo wax ku dalbado ,inataasi waa guud mar aan hal iyo laba qodob oo kale kuugu daro 1.Tusaale alaabta qofku arka uu soo dalbanayo waa inaad Website kaaga ka dhigtaa mid su fudud salada ama (cart) loogu iibsan karo hal page inaad ku koobtaano waa mid aad u wanaagsan .si qofku hal mar u dalbado waxa uu doonayo,una Fududaato. 6:Dalbashada whatsapp ka :- Qofku inuu idinka dalbado alaab Waa shayga aad u baahan tihiin Tusaale dadku mawada fahmayaan in Aqoon u leh mooyaane inay website wax ka iibsato balse hadiiba qofku isku dayo inuu alaab iibsado uuna ka iibsado whatsapp ka waa inaad soo dhawaysaa sida ugu haboon Una Fududeyso hadiiba uu ka iibsan karayn website inaad hagto waa mida ugu fiican hadiiba aanu fahmayna inaad waafajisaan oo aad buuxbuuxisaan idinku ayaa laydinka Rabaa Alaabtiina aad macmiilka kaga iibisaan whatsapp ka uu garanayo intuu idinla waadago waxa uu ka Rabo websiteka . 7: Celinta Lacagta Hadii macmiilku ka maarmo (RE funds):- marka laga dalbnayo Website oo uu macmiilkii dalbado lacagtiina uu soo diro ka dibna uu ka maarmo maaha in aad macmiilka qasabtaan oo aad tidhaahdaan Terms of Conditionka ayay ku jirtay shardigaasi ee soo cancel garee ka dibna lacagta aanu kuu soo celino qodabkan inaad ka taxadirtaa waa mid aad U fiican waayo dadbaan garanayn sida loo cancel garaynayo Itemkii ay Dalbadeen hadiiba laga fursan waayo inaad tidhaa xarunta noogu kaalay anagaa kuu cancel garynayna ka dibna lacagtaada kuu celinayna ama call centerka naga soo wac anaga ku hagayna,waa habka Macmiilka aad ku ilaasgan karto. 8: Qiimaha :- Qiimaha aad macmiilka wax kaga iibinaysaan waa inuu noqdaa ka saxda ah ee ku dul qoran Alaabta Wajiyo Badana inuu Yeesho sida laba qiimo oo kuwada qorma waa Muhiim Inaad Ka ilaaliso. 9: Discount:- Waa inaad macmiilka u sheegto sida uu discount ku helayaa inay Tahay inuu lamabarkiisa ama email kiisa soo qoro iyo Alaabta uu dalbanayo ka dibna cord discount Oo Alaab kasta Qiimo leedahay oo idiin diyaarsan aad ku tidhaahdaan halkaas loogu Tala galay gali discount sidaas ayuu kaaga go’ayaa macmiil. 10: Hadyada aad bixinaysaan:- Hadiiba aad hadyad bixinaysaan waa inay noqotaa mid ah sida aad macmiilka ugu sheegteen oo aydaan marka uu uu helo ama aad bonus ku siinaysaan Qiimaha ay hadyadu Tahay in aydaan ka badalin oo aydaan hadhow odhan Tan ayaad ku Guuleystay si aad u kasbato macmiilka waa inaad siisaa Ta xaqa uu u lee yahay. Iyo Macluumaad kale oo badan Wabilahi Tawfiiq Dhamaad. Qore Engr Abdifatah jama Date 21-02-2019 Email id Sircabdifataxj@gmail.com Source
-
Tan iyo intii Raiisal wasaaraha Ethiopia ee Abby ahmed uu la wareegay shaqada waxa uu si xawli ah u dhaqaajiyay isbeddelo laga yaabay oo xawli ah oo dabcan waddamo faaiido u keenay sida Ertrea oo kale qaar kalena walaac ku abuuray sida jabuuti oo kale,Somaliland wuxu ku furay woxoogaa brobagando ah Dhinaca Somalia way is yara buurtay oo woxoogaa awood aanay lahayn ayay is bidday,waxayna isu aragtay inau ku amar ku taaglayn karto siyaasadda arrimaha dibadda. Hase ahaattee wixii waxad mooddaa in isbeddel ku yimid oo ay Runi run timid oo howlo badan oo gudaha Ethiopia ahi ka horyimaadeen abby ahmed sidaas darteed uu dhimay socodkii,waxa kalood mooddaa Madaxweynaha Federalka Somalia oo uu awal hore aad ugu xidhnaa inuu ka xiiso dhacay hadda oo dhinaca Somaliland oo markii hore uu u yara aamusay inuu hadda u soo janjeedhsaday waxad ka garan heerka martiqaad ee uu u sameeyay madaxweyne Biixi. Dhinaca kale Xukuumadda jabuuti ayaa aad uga niyad jabtay Xukuumadda Somalia in kastoo jabuuti ay tahay waddan guun ah oo qarsan kara cadhada ay u qabaan Somalia ka dib markii madaxweyne Farmaajo oo uu ka danbeeyo abby Ahmed uu ugu baaqay UN in cunaqabataynta laga qaado Eritrea arrintaas oo jabuuti aad uga walaacday,maadaama dhul jabuuti ay leedahay ay haysato Eritrea. Dhinaca kale Kenya iyo Somalia ayaa xidhiidhkoodu aad u xumaaday iyadoo kolka horeba Kenya walaac xagga Amniga ahi kaga furnaa dhinaca Somalia ayay haddana Arrinta badda ay timid sidaas darteed xaalkoodu wuu cakiranyahay. Waxad moodda in xaaladu ay ku adkaanayso Somalia sababtu waxay tahay Somalia oo awoodeedu u badantahay xagga arrimaha dibadda ayaan waxba ka qaban xagga arrimeheeda gudaha,waxayna inta badan ku mashquulsantahay safarro dibadda ah oo ay lacag meelahaas kaga urursato.haba se ahaattee dhaqaalaha soo gala waxba uguma qabato Umadda Somaliyeed ee tabaalaysan ee waxay u adeegsattaa Brobagando ay qori dable isugu dhiibto dhulal nabadi ka jirto Sida Somaliland oo kale ama Sida koonfur galbeed Somalia oo kale. Guud ahaan waxa soo yaraanaya xiisihii geeska Afrika u qabeen Somalia waayo Siyaasadda arrimaha Dibadda waxa hogaamisa siyaasadda arrimaha gudaha Mar haddii ay Somalia aanay gudaha waddankeeda waxba ka qaban Karin ama xaqiiqada taalla aanay ka tarjumayn dabcan way iska yaraanaysaa rajadii ay ka qabeen waddamada Geesku. Maanta Somaliland fursad wayn ayaa u taalla oo ay si run ah geeska Afrika waddamada ku yaalla ay kula macaamili karto waxana shaqayn doona samirkii reer Somaliland muddada dheer muujiyeen inuu haatan midho dhalo waase hadba sida looga faaiideeyo,waayo waddamo hore indhaha uga lalin jiray Somaliland oo maanta soo waayo arkay ayaa soo hor fadhiisanaya Somaliland markaas waa fursaddii ay Somalilnd ugu gardhigan lahayd waddamadan geeska Afrika ku yaalla Runta in lagala hadlaana maanta way sahlantahay. Wa billaahi towfiiq Rashiid odowaa khadarsalaan@gmail.com 063-4101213 Source
-
Nin philosopher ah oo Denish ah ( Dr. Soren Kierkegaard) Wuxuu yidhi ” Haddaad Doonaysid inaad Horuumar Samaysid waa inaad ADOO DIB U JEEDA HOORUU DHAQAAQDAA . Wuxuu u jeedaa waa inay kuu muuqanayaan wixii aad soo martay OO dhami Isla markaana aad horuu socinaysid, Wuxuu uga jeedaa waa inaad Ka dhereg santay taariikhdaad soo martay si aan dhibaatadeedii iyo faaiidadeeddiiba aanad u hilmaamin waa inaad Ka dhereg santay ,mustaqbalka soo socdaana waxaa laga dersaa oo laga bartaa waxa soo socdaana waa wixii KU soo maray. Hadaba Haddaad hoos ugu dhaadhaco dulucda maqaalkaygan reer Somaliland waxaa soo maray Shan QAX oo mid walba waqtigiisii dhib badnaa shantaana dad Fara KU tiris ah ayaa Ka nool goob jooga yaashii DADKA badankiisu afar ama seddex bay goob joogayaal ahaayeen. Xaaji Cabdi Waraabe oo kale shantaba qaxoontigii buu Ka mid ahaa. 1- Qaxii ugu horeeyey waa dagaal Xaakimo ama Xukuumadi keento waxaa ugu horeeyey reer Somaliland waa Qaxii 1940gii waa dagaalkii labaad ee adduunka (proxy War) buu ahaa oo Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa ayaa Somaliland isku dhex dilay intuu Talyaanigu Somalia Ka soo duulay. Waa dagaalkii la baxay BAANDADA . Ingiriisku Wuxuu Somaliland Ka Xukumi Jiray Berbera berigaa, waa Dagaalka geesigii Cumar KU joog ciidanka yar la galay buurta yar ee saaran Tuulada Dacar-budhuq ee uu muddo KU hakiyey ciidankii Talyaaniga resistance wacanna sameeyey rag kalaa Kula dhintay oo qaar magacyadoodii labgaranayo isagu hogaamiye ayuu u ahaa. waa Dagaalka dhawaaca sahlani Ka soo Mohamoud Axmed Cali ( Father of Education of Somali oo dhan) isagoo KU xigeen u ahaa Sarkaal ciidanka Ingiriiska watay Berbera, waa dagaalka Ingiriiskii Hindidii iyo Somalidii raacday ay Cadan u qaxeen Somalidii Berbera joogtay oo dhami miyi u qaxeen oon Berbera qof KU hadhin. Berigaa gaadiid ma jirin lug iyo awr baa socodku ahaa ,dhibta waad garan kartaa markaad bill socod uun KU jirto si aad reerihiinii u gaadho. 2- QAXII labaad we Xukuumad Ka yimmaaddaa Wuxuu ahaa dagaalkii Xabashida iyo Somalida we 1964kii . Waa dagaalkii afarta baynu jaho looga yaacay ha loo badnaado dhinaca bariga Hargeysa ee loo xulay Dooxa Maroodi jeex dhinaca Bari waa maalintay baxday BAKAYLA-QALAD ee bakaylayaasha dadku qasheen oo wax inagu cusub ahayd. 3-QAXII SEDDEXAAD Wuxuu ahaa ee Xukuumad kaga yimmaadda reer Somaliland kii 1988kii ee Daaquud kii Afweyne uu Somali Kala dilay halkay maanta kala joogtana Kala geeyey. Kumaankun KHASAARAHA ah baa Ka dhashay oo naf iyo maalba leh. 4- QAXII AFRAAD Wuxuu ahaa kii 1991kii Oo ahaa markii NIFIRKA loo taagay keligii taliyihii Mohamed Siyaad Barre oo isna ahaa Qax Xukuumadi keentay. 5- Qaxii Shanaad isna Xagga Xukuumaddii ina Cigaalbaa keentay isna khasaare dad iyo maala baa KU hoobtay halkaa. Runtii hadalkii Ka soo baxay Gabayaagii fiicnaa ee Tima cadde been Muu sheegin markii uu KU gabyey QORAXDII DHACDABA TEENU WAY KALA QAXAYSAA. waxaa kaloo mucjisa ah Quran Ka Allah inoogu sheegay marka ummad jiritaan keeda laga hadlayo ama qaxeeda iyo burburkeeda ina Xumaanta keentaa Ka timaado Xagga Xukaamta oo hoos ugu soo degto xagga shacabka oonay weligeed Xumaanta ummad burburisaa Ka Iman xagga shacabka oo kor u socon xumaanta . Ayadaa Quranka ah shantaana QAX back waa u markhaati. shantaa reer Somaliland KU dhacayba xagga Xukaamta ayey Ka yimmaaddeen haddii Qax kale soo socdana sidaa Allah sheegay xagga Xukaamtuu Ka imanayaa . Waa suaal da weynoo Madaxa daalinaysee QAX miyaanay Ka Tasha Karin reer Somaliland oo Dagaalka xagga Xukaamta Ka soo imanaya iska guarantee Karin si horuumar lawada leeyahay WADANKU ugu waaro???? M Bashe qoranebashe@gmail.com Source
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku taxan website-ka waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (PP) ─ Wasiiradda arrimaha dibadda Kenya, Danjire Munica Juma oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegtay inay dhici karto in Kenya ay cunno-qabteyn kusoo rogto Somalia, haddii bay tiri Somalia ay raalli-gelin bixin waydo. Danjire Juma, ayaa sheegtay in Kenya ay doonayso in laga qanciyo badda ay khayraadkeeda beecisay Somalia, iyadoo xustay in Kenya aysan aqbalayn in taako ka mid ah dhulkeeda ay cid kale la wareegto. “Ma jirto dowlad aan ku wareejinayno taako ka mid ah dhulkeenna,” ayay ku tiri Juma shirkeeda jaraa’id iyadoo intaas ku dartay. “Dalal ayaa dagaal ku gala wax ka yar arrintaan oo kale.” Inkastoo wasiirradu aysan sheegin in Kenya ay diyaar u tahay inay Somalia kula dagaalanto badda ay isku haystaan, ayaa haddana waxay sheegtay inay Somalia ka sugayaan faahfaahin ku saabsan qodobadii waaweynaa ee looga hadlay shirkii beecinta shidaalka Somalia ee bishan lagu qabtay London. “Waa lagama maarmaan in Somalia ay sharraxaad ka bixiso goobaha lagu soo bandhigay shirkii London ee khayraadku jiro,” ayay hadalkeeda raacisay iyadoo xustay in badda lagu muransan yahay ay Kenya leedahay oo aysan raali ka ahayn in Somalia ay sheegato. Sidoo kale, Wasiirradda ayaan soo hadal-qaadin go’aanka kasoo bixi kara maxkamadda ICJ oo ay taallo dacwadda badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya, taasoo lagu wado inay maxkamaddu dhawaan ka gaaro go’aan kama dambeys ah. Balse, Monica Juma ayaa sheegtay in Kenya ay u muuqato in looga awood badan yahay siyaasadda dibadda, waxayna hadalkeeda raacisay inay dadaal u galayaan inay ku guuleystaan go’aankooda ku aaddan murakna badda ee kala dhexeeya Somalia. Dowladda Kenya ayaa dhawaan xiriirka u jartay Dowladda Somalia, kaddib markii ay ku eedeysay inay beecisay khayraadka ku jira badda labada dal ay ku muransan yihiin, inkastoo Somalia ay go’aankaas ka bixisay jawaab aan aad loo jeclaysan. Ugu dambeyn, Muranka badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya ayaa u muuqda inuu waji kale yeelanayo, iyadoo la ogyahay in Kenya ay ciidammo ka tirsan AMISOM ka jogoaan Somalia. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Kenya oo maanta si ka duwan sidii hore uga hadashay muranka badda appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland: President Muse Bihi Visits Ethiopia Adis Ababa, (Qaran news)-The Somaliland President Muse Bihi Abdi, accompanied by several senior ministers, including the Foreign, Interior, Finance and Commerce, is currently visiting the Federal Republic of Ethiopia. This is President Bihi’s first visit to our neighbor and comes at the invitation of the Ethiopian government led by Dr. Abiy Ahmed. The President of Somaliland, Muse Bihi Abdi met with the Ethiopian Prime Minister, Dr. Abiy Ahmed to discuss areas of mutual interest, including bilateral co-operation on security, economic development and social affairs. The two sides, Somaliland and Ethiopia, also discussed the future developments of the talks between Somaliland and the federal government in Somalia. According to the communique issued by the Somaliland government, it was agreed all future talks be held within the international arena. In a bizarre sidebar, the head of the federal government in Somalia, Mohamed Abdillahi Farmajo who has expected to meet with President Muse Bihi, abandoned the meeting and headed for Mogadishu after his trip to Djibouti. Upon arrival in Mogadishu, a press release was issued stating that “President Muse Bihi agreed to work with the federal entity in Mogadishu”. The press release issued in Mogadishu has been widely ridiculed as a blatant miss-interpretation of the communique issued by the Federal Governement of Ethiopia, which stressed the “need for co-operation for all the countries in the Horn of Africa” All in all, the visit has been a success on Somaliland’s part and has once again clearly highlighted the strong ties between the two countries. Qaran News
-
Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye Oo Qado Sharaf Ku Maamuusay Golaha Abwaanada Somaliland Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye oo ku magac dheer (Aadan Baradho) ayaa hadhimo sharafeed ku maamuusay Golaha Abwaanada Somaliland oo ah gole ay ku midoobeen dhamaan Abwaanada Waa-weyn ee reer Somaliland . Madasha ayaa waxa ugu horeyn hadalo kooban kasoo-jeediyey Xaaji Aadan Axmed Diiriye, isagoo isla markaasina Golaha uga mahadnaqay sida qiimaha leh ee ay munaasibadan ugu soo ajiibeen, Sidoo Kale Xaaji Aadan Axmed Diiriye waxa uu Golaha Abwaanada uga mahadnaqay kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaataan wacyigalinta iyo isku soo dhawaynta bulshada , isagoo isla markaasina ku dhiirigaliyey inay halkaas kasii wadaan dadaalada qiimaha leh iyo kaalintaas muhiimka ah ee ay qaranka ugu jiraan. Dhinaca kale Xaaji Aadan Axmed Diiriye ayaa Golaha Abwaanada waxa uu ku booriyey inay sii laban-laabaan wacyi-galinta Bulshada ee Qabyaalada oo uu tilmaamay in Qaran-nimadii iyo wada-jirkii bulshada Somaliland wakhti xaadirkan aya halis ugu jirto in waxyeelo aad u weyni kasoo gaadho Qabyaalada. Dhinaca kale waxa iyagu kalmado mahad-naqa kasoo jeediyey xubno kamida Golaha Abwaanada Somaliland oo ay kamid ahaayeen, Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi Xaaji Xasan ( Xasan Ganey), Abwaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg), Saxafi Maxamed Xasan Cali Waji, iyagoo dhamaantood si wada jira uga mahad-celiyey hadhimo-sharafeedkan uu xaajigu ku maamuusay Golaha , iyagoo isla markaasina ka marag kacay doorkii muhiimka ahaa ee Xaaji Aadan Axmed Diiriye kasoo qaatay Halgankii hubays-naa, Nabadayntii iyo dib-u-dhiskii dalka iyo sidoo kale ad-kaynta qaranimada iyo wada-jirka Ummadda Somaliland Qaran News
-
Garowe (SMN) – Gollaha Wasiirada maamulka goboleedka Puntland ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa. Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa gudoomiyay shirka looga hadlay qodobo kala duwan oo muhiim ah. Hoos ka akhriso war-saxaafadeed laga soo saarey qodobadii looga dooday kulanka oo ay kasoo qaybgaleen inta badan wasiirada. The post MD Deni oo gudoomiyay shirka Gollaha Wasiirada Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa shaaca ka qaadday inaysan waxba iska beddeli mowqifka Kenya ee ku aaddan “muranka xuduudda badda” ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Hadalkeeda ayaa yimid maanta kadib markii madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta uu guddoomiyey shir golaha wasiirada dalkaas ay yeesheen oo la isku raacay tallaabooyin ay tahay in la qaado, si loo xaliyo xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya, islamarkaana loo ilaaliyo dhulka Kenya. Monica Juma ayaa sheegtay in ficillada dowladda Soomaaliya ee “dhulka la isku haysto” ay yihiin kuwa aan wanaagsaneyn. Juma ayaa tiri “In inkasta oo dowladda Soomaaliya ay soo saartay bayaan ay ku diiday eedeymaha Kenya, haddana way caddahay inaysan beenin jiritaanka qariirad muujineysa in xirmooyinka shidaal ee la xaraashay ay yihiin kuwa Kenya.” Juma waxay ku dooday in kiiska hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ eek u saabsan dhul-badeedka labada dal ay isku hayaan, ay Soomaaliya ku sheegtay inay ilaalineyso xuduudaheeda, taasina ay caddeyn u tahay in Soomaaliya aysan aqoonsaneyn xuduudda ay Kenya dooneyso. “Xitaa hal mitir oo dhul ay Kenya keedahay ugama tagi doonno dowlad kale” ayey tiri Monica Juma. Juma ayaa sheegtay in Kenya ay weli Soomaaliya ka sugeyso jawaab faah-faahsan oo ku saabsan arrimaha Kenya ay ka walaacsan tahay, islamarkaana Kenya ay isku dayeyso inay is-xakameyso oo ay ka bad-badin. “Dalalka dunida waxay go’aanno ka adag kuwii aan qaadannay u qaateen wax ka yar arrimaha aan ka walaacsannahay” ayay tiri. Ayada oo warbaahinta caawa kula hadleysay Nairobi ayay sheegtay inay jiri karto cunaqabateyn Kenya ay saarto Soomaaliya, taasi oo ku xirnaan doonta jawaabta dowladda Soomaaliya ay ka bixiso “xuduudda lagu muransan yahay” Waxa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka doonayaan in sharaxaadda ay siineyso Kenya ay qeyb ka ahaato raali-gelin ay siiso Kenya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin ugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin ugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Mossoco) Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo soo jeediyey khudbadiisii sanadlaha ayaa si adag uga hadlay ka bixitaanka uu Maraykanka ka baxay heshiiskii ay labada dal wada saxiixdeen 1987dii ee INF oo lagu xakameenayey hubka gantaalada yaala dalalka Yurub. Heshiiskan INF ayaa ka xakameenayey Maraykanka iyo Ruushka inay hawlgeliyaan gantaalada kuwooda ridada dhexe ee Maraykanka Yurub dhigay iyo kuwa Ruushka kusoo jeediyey wadamada Yurub. Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa horey u sheegay in Ruushka uu jabiyey heshiiskaasi isla markaana soo saaray hub cusub oo ah nooca gantaaladii horey loo mamnuucay. Putin ayaa sheegay in hadii Maraykanka uu dalalka uu xulafada la yahay ee Galbeedka Yurub uu keeno gantaalo cusub, inay iyaguna gantaalo cusub oo casri ku sii jeedin doonaan dhamaan goobaha Maraykanka uu saldhiga ka dhigto. Hogaamiyaha Ruushka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay ku guuleysteen dhameystirka hub badan oo casri ah kuwo kale oo badana ay marayaan heer gebo gebo ah. Waxaana kamid ah hubkaasi Ruushka sameystay gantaalada cusub ee Nukliyeerka ee qaaradaha isaga gudba (Sarmat), kuwa jawiga hoose ku duula iyo kuwa loo adeegsado badda ee loo yaqaan Boseydon (Poseidon). Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo oo ku sugan caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa waxa hadhimo-sharafeed ku casuumay wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo maaliyadda dalka Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu iyo Mudane. Axmed Shide. Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinaya, ayaa waxa kulanka hadhimo-sharafeedka ah ee ay la qaateen wasiirrada arrimaha dibadda iyo maaliyadda ee dalkaas Itoobiya oo ay wehelinayaan Safiirka Dawladda Itoobiya u fadhiya Dalka Somaliland, Mudane Shamsudiin Axmed Rooble iyo diblomaasiyiin ka tirsan dawladda Federal-ka Itoobiya waxa ay ku wadaageen is xog-waraysi iyo kaftan muddo qaatay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-London)-Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa ka xayuubiyay xuquuqdii dhalasho labo gabdhood oo ku biirey ururka IS balse haatan doonaya inay dib ugu soo laabtaan dalalkoodii. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Hoda Muthana oo ka tagtay gobolka Alabama kuna biirtay ururka IS ee ka dagaalamayay dalka Siiriya laga xayuubiyay dhalashadii Maraykanka ayna iman karin dalka Maraykanka. Hoda Muthana oo wadata wiil yar oo 18 bilood jira ayaa dooneysa inay dib ugu soo laabato Maraykanka kadib markii ururka IS loogaga awood roonaaday dalka Siiriya. Muthana ayaa waalidkeed waxa ay ka soo jeedaan dalka Yemen oo aabaheed ayaa ahaa diblumaasi dowlada Yemen u joogay dalka Maraykanka. Gabadhan oo dhalatay 1994tii ayaa waxa ay ku guursatay intii ay joogtay dalka Siiriya labo ka mid ah dagaalamayaasha IS ama Daacish oo labaduba lagu diley dagaalada ka dhacay dalka Siiriya. Sidoo kale Shamima Begum, oo ah gabar u dhalatay dalka Britain ayaa laga xayuubiyay dhalashadii dalkaas kadib markii ay sheegtay inay dooneyso inay ku soo laabto dalka Britain oo ay hore uga tagtay kuna biirtay ururka IS ama daacish. Shamima Begum ayaa waalidkeed ay ka soo jeedaan dalka Bangaladesh ayaa sidoo kale loo diiday in ay timaado dalkaas waxaana uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada dalka Bangaladesh inay tahay muwaadin British ah. Gabadhan oo wadata wiil yar oo aabihiis lagu diley dagaalka Siiriya kana mid ahaa ururka Daacish ayaa sheegtay inay dooneyso inay dib ula midowdo waalidkeed oo ku nool dalka Britain, waxaana socda haatan dadaalo uu ku doonayo qareenka qoyska Shamima Begum sidii ay u heli lahayd xuquuqdeeda muwaadinimso. Labadan gabdhood ayaa waxaa ay ka wada siman yihiin iyagoo doonaya in ay u helaan nolol labada carruur ee yaryar ee ay ku dhaleen dalka Siiriya waxayna haatan ku jiraan xeryo qaxooti oo ku dhex yaal dalka Siiriya. Boqolaal dhalinyaro ah oo ku noolaa wadamada Yurub,Maraykanka iyo Canada kuwaasoo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa ku biirey ururka IS oo xarumo ku lahaa dalka Siiriya, hase yeeshee dagaalo xoogan oo lagu qaaday ururkaas ayaa sababay in laga saaro magaalooyinkii ay saldhigyada ku lahaayeen waxaana haatan socda weeraradii ugu dambeeyay ee lagu doonayo in lagu baabi’iyo ururka Daacish. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna ku-siamaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiir ku-xigeen dawladda Denmark u fadhida dalka Kenya Ms. Nina Berg oo socdaal ku timi Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankaasi ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka u dhaxeeya labada dal ee Denmark iyo Somaliland iyo dardargelinta kaalmada ay dawladda Denmark kaga qayb-qaadato mashaariicda horumarineed ee Jamhuuriyadda Somaliland ka socda. Kulankan, ayaa waxa madaxweyne-ku-xigeenka ku wehelinayey wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad buuxa. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Laanta afka Somaliga ee Idaacada BBC-da ayaa waxaa ay wareysi la yeelatey afhayeenka madaxtooyada Somaliland isla markaana waxaa ay wax ka weydiisay Kulankii Addis Ababa ku dhex maray Madaxweyne Biixi iyo Raysal wasaaraha dalka Itoobiya iyo war qoraal ah Soomaaliya ka soo saartay kulankaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka soo laabtay socdaal uu ku tagay dalka Isu-tagga Imaaraadka Caratbta oo aan ujeedadiisa la shaacin. Madaxweyne xigeenka ayaa kulamo la qaatay masuuliyiinta shirkadda maamusha dekedda Berbera ee DP World. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay safarka madaxweyne xigeenka iyo arrimaha ay ka wada hadleen madaxda uu la kulmay laakiin, warar xogogaal ah oo wargeyska Waaberi ka helay socdaalka mudane Cabdiraxmaan Saylici ayaa xaqiijiyay in uu farriin ka siday xukuumadda madaxweyne Biixi taas oo nuxurkeedu ahaa fahan la’aan ka taaggan waxyaabaha Somaliland ka faa’iidayso heshiiska dekedda Berbera iyo Saldhigga Militari ee Imaaraadka laga siiyay Berbera. Xogaha ayaa sheegaya in aanay madaxtooyada Somaliland hayn raadraaca geeddi socodkii ay soo mareen heshiisyada xukuumaddii Siilaanyo iyo Imaaraadka, isamarkaana aanay gacanta ugu jirin nuqullada rasmiga ah ee faahfaahinaya dheefaha labada dhinac ugu kala jira heshiisyada, sidaas awgeedna madaxweyne xigeenku sharraxaadaha arrimahan kala hadlay madaxda uu la kulmay ee Imaaraadka. Wasiirka maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa dhawaan daboolka ka qaaday in aanay Somaliland wax kiro ah ka qaadan Saldhigga Militari ee Imaaraadka. Madaxweyne Biixi ayaa hore telefishanka Universal ugu sheegay in Saldhigga la kireeyay. Wasiir Sacad oo mar kale la waydiiyay hadalladooda is khilaafsan wuxuu sheegay in laga yaabo madaxweynaha oo aan xog buuxda arrinta Saldhigga ka hayn hadalka sheegay. Wararka la xidhiidhka socdaalka madaxweyne xigeenka Somaliland ayaa intaas ku daray in madaxweyne Biixi saluugsan yahay waxyaabaha Somaliland ka faa’iidaysay heshiisyada oo aan wali fulin sida: balaadhinta dekedda iyo dhisamaha jidka isku xidha Berbera iyo Wajaale. Geesta kale waxa ay xogo intaas ku dareen in Madaxweyne xigeenku gaadhsiiyay Imaaraadka dhawr qodob oo aan heshiiskii ku jirin oo Somaliland ka doonayso dawladda Imaaraadka kuwaas oo kala ah:- 1- In Imaaraadku kabo dakhliga xukuumadda Somaliland, in uu ka caawiyo kobcinta dhaqaalaha, iyo in Baanan Imaaraad ah laga furo Somaliland, laguna xidho ka Somaliland. 2-In ay ka caawiyaan xoojinta adeegyada dhakhtarada iyo caafimaadka Somaliland 3- In Imaaraadku safka hore ka galo u ololaynta qaddiyadda Somaliland. Dhinaca kale masuuliyiinta shirkadda Dp World ayaa la sheegay in Somaliland ku canaanatay in aanay ka soo bixin qodobo hore oo ay dalbatay in ay soo darsayso, islamarkaana waxa weftiga madaxweyne xigeenka la siiyay qoraalladii hore loogu heshiiyay oo la sheegay in aanay nuqulladooda indhaba saarin xukuumadda madaxweyne Biixi lana rumaysan yahay in ay xukuumaddii hore haysay iyada oo laga yaabo in wasiir Sacad iyo danjire Baashe Cawil wakiilkii Imaaraadku hayaan laakiin, aanu madaxweynuhu hore u hayn waxaana weftiga madaxweyne xigeenka laga sugaya in ay dib u dheehdaan geeddi socodkii uu soo maray wada xaajoodku kadibna dhan walba waxa qabyo ka ah iyo waxa xaq loogu leeyahay la isla fahmo. Dadka ka agdhaw kulamada madaxweyne xigeenka iyo shirkadda ayaa sheegay in ay Dp World ka cago jiidayso dhismaha jidka isku xidha Berbera iyo Wajaale oo laga yaabo in ay ku baxayso lacag ka badan tan ku baxaysa balaadhinta dekedda Berbera maaddaama ay tahay waddo si casri ah loo dhisayo oo yeelanaysa biriijyo iyo buundooyin casri ah. Bulshada Somaliland ayaa si weyn isu waydiinaysa muddo kadib waxa ay Somaliland ka faa’iiday Imaaraadka Carabta iyo xulufada Sucuudiga. Waxa si weyn la isu waydiinaya sababta Imaaraadku u taageeri waayay qaddiyadda Somaliland siiba basaboorka Somaliland la hadal hayay in ay ogolaanayaan. Waxa kale oo dhawaan wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed sheegay in ay warqado lagu xasho oo dadka Somaliland ku tagaan Xajka laga waayay Sucuudiga. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillaahi jawaan ayaa waxaa uu ka hadley sida uu u arko kulankii shalay ku dhex-maray magaalada Addis Ababa madaxweynaha Somaliland iyo raysal wasaaraha Itoobiya Cabdilaahi Jawaan waxaa uu sheegay in markii ugu horeysay ay Itoobiya sidii ugu qiimaha badneyd u soo dhaweysay madaxweyne Somaliland ka socda, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Golaha wasiirada cusub ee Puntland, ayaa maanta yeeshay shirkoodii ugu horreeyay ee Khamiislaha, tan iyo markii ay xilka la wareegeen. Kulanka oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa looga hadlay; arrimaha amniga, xeer-hoosaadka xukuumadda, kobcinta dakhliga Puntland, wada-dhaqeynta wasaaradaha iyo warbixinno laga dhegaystay qaar kamid ah wasaaradaha. War-saxaafadeed ka soo baxay shirka ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu wasaaradaha ku amray in ay soo diyaariyaan qorsha-hawleedka dowladda ee sannadka 2019, islamarkaana u diyaar-garooban qorshaha horumarinta Puntland oo ay hoggaamin doonto wasaaradda Qorshaynta ee Puntland. PUNTLAND POST The post Golaha xukuumada cusub ee Puntland oo shirkoodii ugu horrreyay kulmay appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
