Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,987
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasha ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___Qubanaha-11032019.mp3 View the full article
  2. Taageerayaasha madaxweyne Farmaajo ayaa su’aalo ka keenay, walaacna ka muujiyey safarka ra’iisul wasaare Kheyre uu ku tegay magaalada Kismaayo, ayaga oo dareemay isbaheysi siyaasadeed cusub oo abuurmaya. Walaacooda ayaa salka ku haya laba qodob 1 – Kheyre oo isbahaysi la sameysanaya Axmed Madoobe, isaga oo wada olole siyaasadeed oo uu madaxweynenimo ku doonayo, taasi oo ay dareemayaan inaysan sax ahayn maadaama uu la shaqeeyo madaxweynaha. 2 – Inuu sharciyad siinayo Axmed Madoobe oo waqtiga kasii dhammaanayo, xilli ay jiraan warar sheegaya in xukuumadda ogolaatay in laba sano oo kale uu sii joogo. Waxaa xusid mudan in loolan uu ka dhexeeyo beesha Axmed Madoobe iyo tan madaxweynaha, kaasi oo ku salaysan maamula Jubaland, islamarkaana taageerayaasha madaxweynaha ee walaacsan ee u badan yihiin xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo shacabka ku beesha ah. Inkasta oo labada tuhunba aan caddeyn loo hayan, haddana isbahaysi dhex-maray Kheyre iyo Axmed Madoobe, waa mid macno badan u samaynaya labadaba, ayna aad suurta-gal u tahay. Muxuu yahay ujeedka guud ee labada nin? Kheyre waxa uu doonayaa inuu dalka madaxweyne ka noqdo, sidaas darteedna wuxuu u baahan yahay taageerada maamul goboleeyada, si gaar ahna maamulka Jubaland oo marka laga soo tago Puntland, ah kan labaad ee ugu saameynta badan. Axmed Madoobe waxa uu doonayaa inuusan dagaal siyaasadeed kaga iman dowladda federaalka ah, uuna kursiga iska sii haysto waqtigii ay doontaba ha la ekaatee. Axmed Madoobe sidoo kale wax rajo ah kama qabo, kumana jiro hami ah inuu dalka madaxweyne ka noqdo. Waxaa u daran oo kaliya Jubaland Sidee isku fahmi karaan? Kheyre, wuxuu Axmed Madoobe siin karaa taageerada dowladda iyo inaan kursigiisa lagu qabsan. Wuxuu sidoo kale u ballan-qaadi karaa in qof isaga ka socda uu siiyo ra’iisul wasaare haddii madaxweyne la doorto ama xilal wasiiro iyo safiiro muhiim ah, haddii ra’iisul wasaaraha uu ku qanciyo maamul goboleed kale sida Puntland, maadaama ay ka saameyn badan tahay Puntland. Axmed Madoobe, wuxuu xaqiijin karaa in xildhibaanada baarlamanka federaalka ee lagu soo dooranayo Jubaland, ay noqdaan kuwa isaga dacaad u ah oo codadkooda siiya qofka isaga uu amro. Sidaas darteed, wuxuu kaalin wanaagsan ka qaadan karaa in Kheyre ay u rumowdo riyadiisa madaxweyne. Qorshahaas ma socdaa? Anigu ma lihi, Axmed Madoobe iyo Kheyre ayaa qorshahaas wada, waxaanse cabirayaa sida ay macquul u tahay inay is-fahmaan iyo in walaaca ay qabaan taageerayaasha madaxweynaha uu noqon karo mid loo qiil dayi karo. Marka aan eego xaaladda siyaasadda ee hadda dalka ka taagan Axmed Madoobe iyo Kheyre waa labada nin ee sida ugu dhow u bahoobi kara, sabbatoo ah danahooda siyaasadeed iskama hor-imanayaan halisna iskuma ahan. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay safarka madaxweyne Farmaajo uu ku tagay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasi oo uu caawa marti ugu yahay madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni. Qoraal uu Mahad Salaad soo dhigay facebook, hoos ka aqriso. Madaxweyne Farmaajo oo caawa marti u ah Madaxweyne labo jeer u gafay dalka iyo dadka Soomaaliyeed! Warbaahinta dalka Uganda, gaar ahaan Baraha Bulshada ayaa lagu faafiyay maalmihii lasoo dhaafay askari u dhashay dalkaasi oo dharbaaxaya haweenay da’ah oo Ugandees ah, isagoo ka hadlaya arinkaas ayuuna yiri Madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni: “Askari in uu dumar dharbaaxo ama ku qayliyo qof reer Uganda ah waa wax aan laga aqbali karin, waana gaf weyn oo bulshadda ceeb ku ah, askarta aan laheyn asluubta wanaagsan oo aan bulshadda la dhaqmi karin, waxaan u direynaa Soomaaliya oo ah meesha dhaqan xumadda siddaan oo kale ah looga baahan yahay. Haddii aad careysan tahay waxaad i weydiisan kartaa dal ku galka (fiisaha) Soomaaliya, maxaa yeelay halkaasi ayaa looga baahan yahay gardarada” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni. Waa markii labaad oo Madaxweynaha Uganda usoo qaato Soomaaliya tusaaleyn xun, iyadoo la wada xusuusto bil ka hor in uu ku tilmaamay Soomaaliya dal aan laheyn dowlad! Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Farmaajo, in Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu raali gelin buuxda ka bixiyo hadalada gafka iyo tusaalaha xun ah ee uu ku tilmaamay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ka baxsan anshaxa diblomaasiyadda iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad
  4. Dubai (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa magaalada Dubai ee dalka isku taga Imaaraatka Carabta kula kulmay masuuliyiin ka tirsan Imaaraatka, iyaga oo ka wada hadlay arimo dhowr ah. Muuse Biixi Cabdi ayaa magaalada Dubai kula kulmay amiirka Imaaraadka Carabta, iyaga oo ka wada hadlay arimo dhowr ah, oo ugu dambeyn la yeeshay inay heshiis ka wada gaareen qodobada qaar. Kulanka kadib waxaa labada masuul ay kala saxiixdeen Heshiis dhowr ka koobnaa, kaasi oo lagu balamay in labada dhinac ay ka dhabeeyaan dhaqan gelinta qodobada lagu heshiiyay oo kala ahaa :- 1- Xoojinta xiriirkaka Soomaaliland iyo Imaaraadka. 2- Dardargelinta mashaariicda 3- Horumarinta kaabayaasha dhaqaale 4- Furitaanka Suuqa Xoolaha iyo kalluunka 5- Jaaliyadda Somaliland ee imaaraadka in si mug leh looga qaybgeliyo shaqooyinka iyo helitaanka sharci. Wakiilka Somaliland ee Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in kulankaasi kadib, sidoo kale lagu balamay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaqan geliyo dhamaan qodobada lagu heshiiyay. Maamulka Somailand ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ayaa dhawaan dhaliilsanaa heshiiskii Imaaraatka kula wareegay dekada Berbera waxaana taasi ay dhalisay in la bilaabo qodobada qaar ee lagu heshiiyay, iyadoo isagana looga yeeray Imaaraatka. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. (SLT-Washington)Aasaasaha shirkadda Amazon Jeff Bezos ayaa hadda ah qofka ugu taajirsan adduunka, sida lagu qeexay liiska bilyaneerrada sannadka 2019-ka ee ay isbuucan shaacisay hay’adda Forbes. Hantidiisa qiimaheeda waxaa lagu qiyaasay $131bilyan oo doolar, oo u dhiganta 99bilyan oo gini. Laakiin Jeff wuxuu noqonayaa qof lacag yar heysta marka la barbar dhigo ninkii ugu taajirsanaa ee abid soo maray dunida. Ninkaasi wuxuu ahaa Mansa Musa, waana boqorkii qarnigii 14-aad maamuli jiray Galbeedka Afrika. Hantidiisu aad bay u badneyd waxaana ku tiirsanaa guud ahaan dhaqaalaha uu dalka ku taagnaa. “Dhaqaalaha uu Musa heystay aad buu u ballaarnaa, lacagihiisuna waxay yaalleen meel walba, taasina waxay xitaa sababtay in aan la xisaabin karin inta ay tiro ahaan dhanneyd lacagtiisa”, waxaa sidaas Radio lugo badan yidhi Rudolph Butch Ware oo cilmiga taariikhda ka dhiga jaamacadda California. Sidoo kale qoraa lagu magacaabo Jacob Davidson ayaa buug uu sannadkii 2015-kii ka qoray taariikhda boqorkaas reer Afrika ahaa ku yidhi “Mansa Musa wuxuu ka taajirsanaa qof walba oo niyada kusoo dhici kara”. Sannadkii 2012-kii, Website laga leeyahay Mareykanka oo looga sheekeeyo dadka taajiriinta ah ayaa hantidii uu Musa heystay ku qiyaasay $400bilyan oo doolar, balse dadka ku xeel dheer taariikhda dhaqaalaha waxay intooda badan isku raaceen in boqorkaas hantidiisa aan tiro sax ah lagu jaan goyn karin. Boqorkii dahabiga ahaa Mansa Musa waxa uu qoys boqorro ah ka dhashay sannadkii 1280-kii. Walaalkiis oo lagu magacaabi jiray Mansa Abu-Bakr, waxa uu boqortooyada maamulayay ilaa sannadkii 1312-kii. Abu-Bakr wuxuu boqortooyada maamulkeeda uga dagay si uu u aado safar uu go’aan ku gaaray. Sida laga soo xigtay taariikhyahankii qarnigii 14-aad ee lagu magacaabi jiray Shibab al-Umari, oo u dhashay Suuriya, Abu-Bakr wuxuu jecleystay inuu soo ogaado waxa ka dambeeya badweynta Atlantic. Safarkiisa waxa uu ka koobnaa 2,000 oo maraakiib ah iyo kumannaan ruux oo isugu jiray rag, dumar iyo addoomo. Way shiraacdeen laakiin waligood dib uma soo laabanin.. Taariikhyahannada qaar, sida Ivan Van Sertima, oo u dhashay Mareykanka waxay sheegeen in safarkaas uu gaaray koonfurta Amerika, laakiin taas wax caddeyn ah looma hayo. Si kastaba ha ahaatee, Mansa Musa ayaa dhaxlay boqortooyadii uu ka tagay walaalkiis. Markii uu xukunka la wareegay waxaa si weyn u ballaartay xukunkii boqortooyada waxaana la helay kheyraad faro badan oo dahab ah. Safarkiisii Maka Inkastoo boqortooyadii Mali ay saldhig u ahayd dahab faro badan, haddana boqortooyada laf ahaanteeda aad caan uma ahayn. Safarkii Maka wuxuu caan ka dhigay Mali iyo boqortooyadii Musa Laakiin arrintan waxay isbaddashay markii uu Mansa Musa, oo muslim ahaa go’aansaday inuu soo xajiyo, isagoo sii maraya lama degaanka Sahara Desert iyo Masar. Waxaa lagu soo warramay in Boqorku uu Mali kala tagay wafdi ay tiradoodu gaareysay 60,000 oo rag ah. Waxaa raacay dhammaan saraakiishii boqortooyadiisa, askartiisii, majaajileystayaashiisii, ganacsatadiisii, wadeyaashiisii gaadiidka geela iyo 12,000 oo addoomo ah. Waxaa sidoo kale raacay ari aad u faro badan oo isugu jiray riyo iyo ido. Marka taariikhda looga sheekeynayo waxaa lagu tilmaamaa in safarka boqorku uu ahaa magaalo guureysay oo dhex mareysay Saxaraha. 10-kii ruux ee ugu taajirsanaa dunida Mansa Musa oo ahaa boqorkii Mali, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (1280-1337) – hantidiisa lama qiyaasi karo. Augustus Caesar oo ahaa boqorkii Roomaanka, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (63 BC-14 AD) – hantidiisa waxaa lagu qiyaasay $4.6tirilyan oo doolar. Zhao Xu oo ahaa boqorkii Shiinaha, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (1048-1085)- hantidiisa lama qiyaasi karo. Akbar I oo ahaa boqorkii maamulka Mughal dynasty ee Hindiya, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (1542-1605)- hantidiisa lama qiyaasi karo. Andrew Carnegie oo ahaa ganacsade kasoo jeeday Scotland iyo Mareykanka, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (1835-1919)- hantidiisa waxaa lagu qiyaasay $372bilyan oo doolar. John D Rockefeller oo ahaa ganacsade Mareykan ah, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (1839-1937) – hantidiisa waxaa lagu qiyaasay $341bilyan oo doolar. Nikolai Alexandrovich Romanov oo ahaa boqorkii Ruushka, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (1868-1918) – hantidiisa waxaa lagu qiyaasay $300bilyan oo doolar. Mir Osman Ali Khan oo ahaa bioqorkii Hindiya, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay ( 1886-1967) – hantidiisa waxaa lagu qiyaasay 230bilyan oo doolar William The Conqueror oo noolaa intii u dhaxeysay (1028-1087)n – hantidiisa waxaa lagu qiyaasay $229.5bilyan oo doolar. Muammar Gaddafi oo ahaa hoggaamiyihii muddada dheer xukumayay dalka Liibiya, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (1942-2011) – hantidiisa waxaa lagu qiyaasay $200bilyan oo doolar. Source
  6. (SLT-London)Waxa xalay ka qabsoontay galbeedka London xaflad balaadhan oo qaadhaan urrin ah iskuulka Maxamuud Axmed Cali Hargaysa S/Land.Xaflada waxa daadihinay Suldaan Mubarik Cumar Ibrahin .xafladaas oo ay soo qaban qaabiyeen ardaydii iskuulka dhigan jirtay wakhtii dagaalda ka hor (1988) ardaydaas oo isku xilsaartay dib u dhiska Iskuulkaas oo dayac badani ka muuqday horana wax badan uga qabtay qalab badan geeyay .Xafladaas oo ay isugu yimaadeen dhamaan bulshada kala duwan ee ku dhaqan UK ee reer Soomaliland oo aan si kala hadh lahayn madasha u soo buux dhaafiyay .xaflada waxa furay Guddomiye Xuseen Askar oo ka warbixiyay waxqabadki gudigiisa & halka wax u marayaan si baaldhana ugu mahad celiyay dadkii madasha soo ajiibay dadakana ka codsaday in ay kaalin laxaadleh ka qaatan dib u dhiska iskuulka Maxauud Axmed Cali Hargaysa Somaliland. Intaa ka dib waxa hadalka lagu wareejiya Safiirka Somaliland u fadhida Wadankan UK Marwo Ayaan Cashuur warbixin koobana ka jeedisay madasha kana hadashay qiimaha ay waxbarshadu leedahay kuna bogaadisay gudigan is xilqaantay ee wax qabadka muujiyay qof kasta oo madasha fadhiyana ka codsatay in uu ka qayb qaato qaadhanka iskuulka wax loogu qabanayo gaar ahaan Xisbiyada Qaranka oo goobta joogay waxaany halkii kaga dhwaaqday $1000 . waxa isna hadalkii qaatay Ambasidor Diinaari oo ka yimi waddanka Denmark oo ka mid ah madaxda Xisbiga Waddani mahadcelin balaadhan ka dib waxaan ku faraxsanahy in aan idinkala soo qayb galo xafladan quruxda badan oo sida bilan loo soo agaasimay hadaanu Xisbiga Waddani nahayna waxaanu qaadhaanka kaga qayb qaadanayna $1000 isla goobtiina lacagti wuu ku wareejiyay.Gudoomiye ku xigeenka 2aad UK, goobta mahadcelin ka dib goobta kaga dhawaaqay $1000,sidoo kale Xasan Macalin oo matalayay Xisbiga Ucid ayaa goobta ka jeediyay taariikhdii Maxamuud Cali waxaanu qaadhanka ku dhawaqay $1000 ,Xildhibaan Kaltuun baanday oo ka soo baqooshay Sheffield oo goobta hadal kooban ka jeedisay taariikhdi Aabihii waxbarashada Soomaaliland/Soomaaliya Maxamuud Axmed kuna tlmaantay wax laga xumaado in maanta qaadhaan loo ururinayo iskuul huwan magaci Aabihii waxbarashada Dadkana ku boorisasy in si mug & miisaanleh looga qayb qaato qaad  hanka iskuulan loo ururinayo.Bahda Isboortiga Mohamed Badhsab & Basalo oo hadal kooban goobta ka jeediyay waxay ku yabooheen £2000 .Gudoomiya jaaliyada SSUK oo goobta ka hadlay aadna ugu farxsanaa waxqabadka jaaliyada uk wax qabdkooda wuxu goobta ka cadeeyay in ay £1500 bixin doinaan hadii ilaahay.Gudoomiyihii Jaaliyada Bariga London oo xaflada bogaadiyay ayaan isna goobta ka sheegay in bixinyaayaan $2500 hadi ilaaha yidhhahdo .intaa ka dib dadkii xaflada ka soo qayb galay ayaa iyaguna si aan hagrasho lahayn gacanta u boobay iyagoo isku qoray lacagayow kala duwan $500,300,200,100 .Gabagabdii waxa xaflada lagu gudoonsiiyay shahaado sharaf fanaantii qaranka & xubno kale oo muhiim kaalin xoogan ka gaystay taburaca iskuula. Waxa kale oo madasha ka hadlay Ambasodar C/risaq Afqaraf, Xusen Asad, Deeqa,Asma,sahra,Mushtaaq. Xafladiina waxay ku dhamaatay Guul. Soomaalind allow dhawr!. Sent from Yahoo Mail on Android Source
  7. Kampala (PP) ─ XukuumaddaUganda ayaa xaqiijisay maanta dhimashada taliye ku xigeenkii booliska AMISOM eek a hawlgala Somalia, Christine Alalo taasoo ka mid ahayd rakaabkii la socday diyaaradda Ethiopian Airlines ee ku bur-burtay gudaha dalka Itoobiya. Inkstoo Taliska booliiska Uganda uu xalay beeniyay warkan oo markii ugu horreysay lagu shaaciyay baraha bulshadu ay ku xiriirto, ayaa haddana mar dambe waxaa taliska booliiska Uganda uu xaqiijiyay geerida Christine Alalo. Sidoo kale, Christine Alalo ayaa waxay ahayd taliye ku xigeenka ciidammada booliiska AMISOM ee ka socda dalal dhawr ah, kuwaasoo ciidamada booliiska Somalia gacan ka siiya dhanka tababarrad iyo qalabeynta. Dhanka kale, Afhayeenka booliiska Uganda, Fred Enanga ayaa wuxuu xalay beeniyay geerida gabadhaas, balse wuxuu xaqiijiyay Isniinta maanta ah inay ku geeriyootay shlka diyaaradeed. Rakaabkii la socday diyaaradda Itoobiya laga leeyahay oo safarkeedu ahaa Addis Ababa iyo Nairobi oo ah xarumaha Kenya iyo Itoobiya ayaa dhamaan la sheegay inay ku geeriyoodeen, kuwaasoo tiradoodu ahayd 149 qof oo ah rakaab iyo sideed shaqaalihii diyaaradda ahaa. Soomaalidii ku dhintay shilkan diyaaradeed ayaa tiradooda lagu sheegay in ay dhan tahay sagaal qof oo dhammaantood watay baasaboorro ajnabi ah marka laga reebo mid ka mid ah shaqaalaha xafiiska RW Khayre oo isagu watay baasaboorka Soomaaliga. Ugu dambeyn, Shilkan diyaaradeed ayaa waxaa kaloo ku geeriyooday qaar ka mid ah hay’adaha QM ee fadhigeedo yahay Nairobi, kuwaasoo qaarkood ay u dhasheen dalka Kenya oo ahaa dalkii ay tiradii ugu baydn ku waayay shilkaas diyaaradeed. PUNTLAND POST The post Mid ka mid ah Madaxda Ciidamada AMISOM oo ku geeriyooday shilkii Diyaaradeed ee Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  8. Kismaayo (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana soo dhaweeyay shacab fara badan, iyadoo madaxweyne Madoobe iyo xubno kale oo dowladdiisa ka tirsan ay soo dhaweeyeen RW Khayre iyo wafidiisa. Axmed Maxamed Islaam ayaa shaaca ka qaaday sababta rasmiga ah ee ka dambeysa socdaalka Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo xubno la socday ay ku tageen maanta magaalada Kismaayo. Socdaalka waxay kusoo aadeysaa xilli la saluugsanaa xiriirka ay madaxda Jubbaland la leeyahiin dowladda Federaalka, hadana Axmed Madoobe wuxuu sheegay iney ku faraxsan yahiin imaatinka mas’uuliyiintii timid. Madaxweynaha wuxuu shaaca ka qaaday iney wadahadalo dhici doonaan isla markaana uu maamulkiisa la yeelan doono masuuliyiinta ugu sarreysa dowladda ee booqashada ku jooga magaalada Kismaayo. Xubnaha booqday Kismaayo iyo maamulka Jubbaland ayaa dadweynaha kula hadlay bartamaha magaalada Kismaayo, wuxuuna madaxweynaha Jubbaland sheegay iney tahay guul weyn oo muujineysa nabadgalyada iyo dowladnimada iney dad sidaas u badan isugu soo baxaan soo dhaweynta madaxdooda isla markaana si dhaga nuglaan ah ku dhageystaan. Ugu dambeyn, Ra’iisul Was aare Kheyre wuxuu sifo wanaagsan u yahay xiriirka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka la saluugsanaa ee Jubbaland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbaland oo ka War-bixiyay Socdaalka RW Khayre uu ku tagay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa soo saaray wareegto ku aaddan xaruntii ciidamada Badda Somaila ee degmada CabdulCasiis ee Muqdisho iyo gurigii taliyaha ciidamada badda Inj. Yariisow ayaa markii uu arkay dastuurka Somalia, shariciga maamulka gobollada iyo degmooyinka, Sharciga maamulka dhulka iyo dhismaha ee Gobolka Banaadir, isla markaaba uu hubsaday inay lagama maarmaan ay tahay in Dib u hagaajin lagu sameeyo Qorshaha Guud (Master Plan) ee caasimadda, arkayna baahida deg-dega ah ee loo qabo in safaaradaha loo asteeyo goob ku habboon. Waxuu soo saaray Xeerkan: Waxaa cid allaale iyo ciddii ay khuseyso lagu wargelinayaa in Xaruntii Ciidamada Badda iyo Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda iyo dhulka dhanka danbe uga beegan illaa Xeebta Badda loo asteeyey goob ama deegaan diblomaasi ah, dhulkaas oo ahaa Dhul Dowladeed oo Dan Guud loogu talo galay. Qorshahan ayaa ujeedadiisu tahay in Safaaradaha iyo Hay’adaha Caalamiga ee dalka ka howlgala loo helo goobo ku habboon iyo in dib loo soo celiyo bilicdii Caasimada Muqdisho oo ah xarunta ay diblomaasiyiinta uga howlgalaan Dalka. Waxaa Xeerkan lagula wareegay ama dib loogala noqday dadka dokumentiyada u heysta dhulkan, maadaama dhulkaas uu ahaa dhul Dan Guud ah; Sidoo kale waxaan Hay’adaha Dowladda Federaalka ku wargelinayaa inay joojiyaan dhulalka ay bixiyaan ama siiyaan fasax dhismo, maadaama cidda kaliya ee maamul ahaan ay Dowladdu u wakiilatay ay tahay Dowladda Hoose ee Xamar. Waxaan ognahay in Taliyeyaashii Ciidamada Qalabka sida qaarkood ay goobtaas ka dhisteen guryo dabaqyo ah oo ay dantooda kaliya ka fikireen, halkii ay danta shacabka ka fikiri lahaayeen, waana inay u hoggaansamaan go’aankan si danguud ahaan loogu isticmaalo goobtaas. Yaa u maqan shacabka haddii ay mas’uuliyiintu ka fikiraan danahooda gaarka ah. Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho Inj. C/raxmaan Yarisow ayaa ciddii amarkan jabisa ama u hoggaansami weysa sheegay in laga qaadi dona tallaabo sharci ah. PUNTLAND POST The post Xaruntii Ciidamada Badda iyo gurigii Taliyaha Badda oo dib ugu soo laabtay gacanta DFS appeared first on Puntland Post.
  10. ANKARA (Reuters) – Turkish President Tayyip Erdogan on Sunday accused a women’s march in central Istanbul on Friday of disrespecting Islam by booing the Islamic call to prayer. Several thousand women had gathered in central Istanbul on Friday evening for a march to celebrate International Women’s Day but police fired tear gas to disperse them. In an election rally broadcast on television on Sunday, Erdogan showed a video taken during the protest, showing women chanting while a nearby mosque was reciting the call to prayer. “They disrepected the Azan (call to prayer) by slogans, booing and whistling,” Erdogan told the crowd. Women who took part in the march said on Twitter the chanting and whistling was part of the demonstration and was not aimed at the call to prayer, which began during their protest. Turkish police regularly prevent protests in central Istanbul and elsewhere. Ankara tightened restrictions after the imposition of emergency rule following an attempted coup in 2016. The state of emergency was lifted last July. Erdogan’s rally was ahead of local elections on March 31 for mayors and municipal boards. Reporting by Ece Toksabay, Editing by Jane Merriman Source: Reuters
  11. (SLT-Muqdisho)-Wafti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda. Madaxweyne Farmaajo oo bishan oo kaliya safarkii saddexaad uga baxay dalka ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo shir ay ka soo qeybgali doonaan qaar ka mid ah madaxda dalal ka mid ah qaarada Afrika. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmi doono Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni iyo weliba madaxda kale ee ka qeybgalaysa shirka. Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa waxaa ay ku soo beegantay xilli uu dhowr jeer Madaxweynaha Uganda uu hadalo qadaf ah ku tilmaamay dowlada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa uu dhowaan ku dhowaaqay Madaxweynaha Uganda in uu kala bixi doono dhammaan ciidamadiisa jooga dalka Soomaaliya haddii laga dalbado in uu dhimo tirada ciidamada Uganda ee jooga dalka Soomaaliya. Source
  12. Muqdisho (SMN) – Madaxwaynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa galabta u ambabaxay dalka Uganda. Farmaajo ayaa waxaa socdaalka ku wehliya masuuliyiin ka tirsan madaxtooyadda iyo xukuumada federaalka ah. Ujeedka safarka madaxwaynaha ayaa lagu sheegay in uu Uganda uga qeybgalayo “Shirka Afrikada Hadda” kaasoo berri furmaya. Shirkaas oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa la rajeynayaa in looga hadlo arrimo badan oo qaaradda quseeya. View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaannada Golaha Wakiillada Oo Dood Adag Ka Yeeshay Arrimo Xasaasi Ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Wasiir Ka Tirsanaa Xukumadii Siilanyo Oo Si Adag U Duray Shirka Direed Ee Adis-Ababa, Ragga Ka Qayb-galay-na Dagaal Oogeyaal Ku Sheegay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa madaxweynaha iyo shacabka Jubaland ku ammaanay inay si wanaagsan usoo dhoweeyeen ra’iisul wasaare Kheyre in kasta oo xukuumaddiisa ay aad u xumeysay. “Reer Jubbaland iyo hogaamiyahoodu gobonimo ayey muujiyeen halka ay gaarsiiyeen soo dhoweynayta Kheyre, waxey liqeen wax kasta oo ay u qabeen xukuumadiisa colka la ahayd maamulkooda” ayuu Fiqi ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiis facebook. Waxa uu sidoo kale sheegeen in “Tusiyeen In magaalo nabad iyo xasilooni harsanaysa ay ku nool yihiin taasoo ah nabaddii ay xukuumaddiisu ku fashilantay In ay ka hirgaliso MUQDISHO” “Waxaan rajaynayaa In Soo dhoweyntaas iyo niyadsamida Jubbaland ay idinku Soo dhowaysay aydnaan dhabarka ka toogan doonin sidii caadadu ay aheyd, kuraasta aad ku fadhidaana aad iimaansataan, qarankana aad ugu shaqaysaan oo aydaan u Soo hanqal taagin kuraasta gobolada dalka.” Ayuu yiri Fiqi “Waxaan ku rajaweynahay in Jubbaland ay fure u noqon doonto isfaham, wada shaqeyn ku salaysan dastuurka iyo is-tixgelin dhexmarta dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada, taasoo u adeegaysa midnimada dalka iyo danta qaranka.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.vom
  16. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasha ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/warka-Habeen-11032019.mp3 View the full article
  17. Wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta dowladda Puntland ayaa Isniinta maanta Garoowe ku qabatay shir ku saabsan xeerka Qandaraasyada Puntland. Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda wasaaradda oo uu ugu horreeyo wasiirka, mas’uuliyiinta wasaaradda ee gobolada, xubno ka socday Qandaraasleeyda Puntland, sharci-yaqaanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana loo soo bandhigay xeerka si ay ugu biiriyaan afkaarta iyo talooyinka ay ka qabaan islamarkaana dib u-habayn lagu sameeyo meelaha la’dhaliinsanyahay. Agaasimaha wasaaradda hawlaha guud ee Puntland, Cabdulqaadir Sheikh Maxamuud ayaa shirka ka sheegay in xeerkan cusub markii uu soo baxo kala nidaamin doono dhammaan heerarka kala duwan ee shirkadaha qaabilsan dhismayaasha,wuxuuna ka-qeyb galayaasha codsaday in ay soo gudbiyaan ra’yigooda ku aaddan qodoba uu ka koobanyahay xeerka. Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Puntland Axmed Bashiir Muuse oo shirka furay ayaa dhankiisa ka qeyb galayaasha ku boorriyay in ay si wanaagsan u akhriyaan xeerka oo ka doodan qodobada ay dhaliilsanyihiin si loo saxo ka hor inta uusan soo bixin. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xeerkan markii uu soo baxo golaha wasiirada la horgeyn doono kadibna Baarlamanka loo gudbin doono si ay u meel-mariyaan. PUNTLAND POST The post Wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka Puntland oo qabatay shir ku saabsan xeerka qandaraasyada Puntland appeared first on Puntland Post.
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Iyadoo ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu maanta gaaray magaalada Kismaayo, ayey hadana dad badan is weydiinayaan ujeedka uu masuulkaan ka mid ah kuwa ugu sarreeya ku tagay dowlad goboleedka Jubbaland. Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ah Madxweynaha dowlad goboleedka martida loo yahay ayaa shaaca ka qaaday sababta rasmiga ah ee ka dambeysa booqashada Kheyre iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka. Booqashadaan waxey kusoo aadeysaa xilli la saluugsanaa xiriirka ay madaxda Jubbaland la leeyahiin dowladda Federaalka, hadana Axmed Madoobe wuxuu sheegay iney ku faraxsan yahiin imaatinka mas’uuliyiintii timid. Madaxweynaha wuxuu shaaca ka qaaday iney wadahadalo dhici doonaan isla markaana uu maamulkiisa la yeelan doono masuuliyiinta ugu sarreysa dowladda ee booqashada ku jooga magaalada Kismaayo. Xubnaha booqday Kismaayo iyo maamulka Jubbaland ayaa dadweynaha kula hadlay bartamaha magaalada Kismaayo, wuxuuna madaxweynaha Jubbaland sheegay iney tahay guul weyn oo muujineysa nabadgalyada iyo dowladnimada iney dad sidaas u badan isugu soo baxaan soo dhaweynta madaxdooda isla markaana si dhaga nuglaan ah ku dhageystaan. Si kastaba safarka Ra’iisul Was aare Kheyre wuxuu sifo wanaagsan u yahay xiriirka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka la saluugsanaa ee Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi kana mida odayaasha dhaqanka ee reer Somaliland ayaa ku dhawaaqay inuu yahay boqorka beelaha Direed. Boqorku waxaa uu sidan ka sheegay wareysi gaara oo uu siinayay muuq baahiyaha Bulsho. “Beelaha Direed gudoomiyahooduna waa aniga, Dirka aniga ahaa gudoomiyahoodii aniga ah, markaa in laga been abuurto arrin aad u khaldan ayaan u arkaa” Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi ayaa waxa uu sheegay in Lala’yahay xisaabiyihii guud ee gobolka Togdheer, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo ay wehliyaan xubna kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo taliyaasha ciidanka Booliiska iyo meteriga ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee dawlad gobaleedka Jubland. Madaxwaynaha dawlad gobaleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo ay wehliyaan ku-xigeennadiisa, guddoonka baarlamaanka, golaha wasiirrada, xildhibaanda Jubaland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa garoonka diyaarada Kismaayo kusoo dhaweeyay wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Ra’iisul Wasaaraha Khayre oo Aargada Kismaayo kula hadlay kumannaan dadwayne ah oo isugu soo baxay soo dhawaynta wafdiga uu hoggaaminayo ayaa sheegay, “Madxwayne Axmed Waa mahadsantahay, Dhammaan adiga iyo madaxda kale ee Jubaland waa idinkaga mahadcelinayaa soo dahwaynta. Guud ahaanna Shacabka reer Jubaland waan u mahadcelinaayaa. Halkaan waxaa ka muuqata Faraxad iyo rayn rayn. Waa ogahay in aad qoradaxa taagneedeen waa ogahay in aad na sugayseen laakiin waxaan rabaa sida aad noo sugaynseen in aan idiinkugu sheego Sidaas iyo si ka badan inaan raalli idinkaga nahay” Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Socdaalkiisu waxa uu salka ku haya xoojinta wada shaqaynta dawlad gobaleedka Jubaland iyo dawladda dhexe, arrintaas oo muhiim u ah geedi socodka soo kabashada, dib-u-dhiska Soomaaliya iyo soo celinta sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa ay u tahay markii labaad ee uu yimaado Jubaland, sannadakii 2017-adii ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sidaan oo kale u yimid Kismaayo, xilligaas oo lagu qabtay shirkii ugu horreeyay ee golaha wasiirradu ay ku yeeshaan meel ka baxsan magaalada Muqdisho.