Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Bangladesh)-Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Bangladesh ayaa toogasho ku dilay qof looga shakiyay inuu afduubto diyaarad rakaab ah oo ku sii jeeday Dubai. Diyaaraddan oo ay laheyd shirkadda Biman Bangladesh Airlines ayaa waxaa saarnaa 148 oo rakaab ah iyo shaqaalaha diyaarada. Qofka isku dayay inuu afduubto diyaarad ayaa ku hanjabay inuu wato bastoolad, lana soo baxay, waxaana taas ay keentay howlgal ku dilaan Ciidamada Bangladesh. Ninkan ayaa da’diisa lagu qiyaasay 25 sano jir, waxaa la sheegay in dhaawac ka soo gaaray rasaasta ciidamada uu u geeriyooday. Lama oga sababta qofkan laga shakisanaa uu isku dayay inuu diyaaradda u afduubto, waxaana diyaaradda ay mar dambe oo ka duushay Bangladesh ay si nabad uga degtay magaalada Dubai. Source
  2. Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in waaberigii saaka lagu arkay mid kamid ah xaafadaha magaalada Meydka gabar yar oo muddo la raadinayay. Meydka Gabadha oo da’deeda aheyd 12 sano jir ayaa la dhigay guriga ehelka raadinayay gabadhaasi yar oo la sheegay inay ka maqneyd maalmihii ugu dambeeyay, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Waxaa magaca Gabadha lagu sheegay Caasho Ilyaas Aadan oo 12 sano jir aheyd, waxaana jirkeeda ka muuqday jirdil xoogan, sida ehelkeeda ay sheegeen. “Meydka Gabar da’yar ayaa saaka lagu arkay magaalada Gaalkacyo, waxaa la soo hor dhigay guriga ehelo ilaa xalay baafinayay, Caaisha Ilyaas Aadan oo 12 sanno jir aheyd” “Isbitaalka wayn ayaa hada la keenay meydka Gabadha oo muujinaya in si fool xun loo jir dilay, sida ay ii xaqiijiyeen saraakiil caafimaad”, sidaasi waxaa sheegay wariyaha Caasimada Online ee gobolka Mudug. Dhacdadaan ayaa aad loga hadal hayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana socda baaritaanka la xiriira dadka ka dambeeya falkaasi ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo. Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaala Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay taariikhda la qabanayo ayaa waxa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya dalalka Yurub iyo kuwa Carabta, xallinta caqabadaha ay wadaagaan iyo in laga hawlgalo sidii xasilooni buuxda looga suurtagelin lahaa dalalka Carbeed ee ay amni darradu ka jirto. Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaq Mudane Barham Salih, Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte. Madaxweynaha iyo dhiggiisa dalka Ciraaq Mudane Barham Salih ayaa kulankooda ku lafo-guray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagaxisada, sare u qaadidda ganacsiga labada dal iyo sidii deeqo waxbarasho loogu suurtagelin lahaa ardayda Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Madaxweynaha dalka Ciraaq kala hadlay cafinta deynta ay Dowladda Ciraaq ku leedahay Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii Sweden ay Soomaaliya uga taageeri lahayd dhisidda iyo tayeynta hay’adaha dowladda. Madaxweyne Farmaajo oo shir-doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga ayaa kala hadlay xiriirka soojireenka ah ee labada waddan, isaga oo Dowladda Talyaaniga ka codsaday inay door weyn ka qaadato dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, tayeynta waxbarashada iyo hirgelinta dugsiyo farsamo. Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Nigeria)-Dadka reer Nigeria ayaa weli sugaya natiijada doorashadii dalkaasi ka dhacday,iyadoo weli ay socoto tirinta codadka doorashado si weyn loogu baratamay. Axadddii shalay meelaha qaar dhulka fog fog ee miyiga ah waxaa ka socday codbixin daahday. Guddiga dorashadu waxey sheegeen inay meelaha qaar doorashada dib u dhigeen, rabshado laga soo sheegay owgood. Waxaa ugu daraa goobo codbin oo ku yaala qeybo ka mid ah magaalada Legos, iyo gobolada Rivers iyo Anambra, halkaas oo codbixintii ka socotay qalqal la geliyay Sabtidii. Wariyaha VOAda uga soo warmaya doorashada Peter Clottey, oo ku sugan Abuja ayaa ku soo waramaya in Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashada la filayo inay natiijooyina horudhaca ah ku dhawaaqaan maanta oo Isniin ah. Labada Madaxweynaha Talada Haya Muxamadu Buhari iyo Ninka ay sida weyn u baratamayaan ee Atiku Abubakar, ayaa ladabuda mid waliba uu sii saadaalinayaa inuu guul gaaray. Ciidamada Amaanka ayaa xaqiijiyay in 16 qof lay ku dhinteen rabshado dhacay intii ay doorashada socotay. Source
  5. Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, dilkaasi oo ka dhacay degmada Mahadeey ee Gobalka Shabeelada Dhexe 26-11-2018. Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud ayaa aha wada gaari oo ku safrayay qeyba kamid ah gobalka Shabeelada dhexe, waxa uu caan ka ahaa deeganada gobalkaasi, marxuumka ayaa istaagsanaa halka loogu tala galay hubinte gaadiidka ee ah meesha laga soo galo degmada Mahadeey ee goalka Shabeelada Dhexe, ciidamada amniga ee ku sugnaa goobta ayaa hubinyay gaariga iyo laba qof oo kale oo la socday balse nasiib xumo Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali ayaa ka soo toogtay meel fogaan u jirto taasi oo sababtay geerida Marxuumka. Isla maalintaas ayay ciidamada amniga ku soo wareejiyeen saldhiga Boliska Degmada Jowhar Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali oo ah eedeysanaha dilka Marxuumka loo heysto. Ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay hey’adaha dambi baarista, waxa ay sidoo kale hey’adaha ku wareejiyeen Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali xafiiska Xeer ilaalinta 22-12-aad ee sanadii tagtay, Xafiiska ayaa xilligaas codsaday in loo gudbiyo xabsiga dhexe Gar-suge ahaan. Muddo kadib baaristooda ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali 12-01-aad ee sanadkan, waxaana loo ballamay fadhiga hore ee maxkamadda 9-ka Bishii 2-aad ee sanadkan. Garsoorayaasha ayaa garowsaday in aysan ku filneyn dhageysiga dacwadda fadhi qura, waxa ayna xafiiska xeer ilaalinta amreen in la soo dhameystiro cadeymaha dambi ee loo heysto eedeysanaha. Afar cisha kadib ayaa markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda, waxa ayna xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen , Qiraalka eedeysanah, Markaatiyaal gaariga la saarnaa marxuumka, Warqadda cadeynta dhimashada oo ku lifaaqan sawirka Marxuuumka iyo qoreygii lagu toogtay Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud. Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in eedeysanaha oo ku liif bartay Marxuumka maadaama aysan jirin sabab qasbeyso in uu toogto muwaadin marayay hubinta howlaha nabad-gelyada, waxa uuna weydiistay garsoorayaasha in lagu xukumo dil toogasha ah. Iyadoo dhanka kale Qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa ku doodeen in loo fududeeyo maadaamaa qiraal uu yahay eedeysanaha oo ay bixiyaan magta marxuumka. Garsoorayaasha ayaa maalintaas soo xiray fadhiga Maxkaamdda, waxaana ku dhawaad bil kadib ay maanta go’aan kasoo saareen dhageysiga dacwadda loo heystay, Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay dil-toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanaha ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Source: goobjoog.com
  6. Caa’isha Ilyaas Aadan Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi saaka laga helay maydka gabar yar oo shalay lagu waayey waqooyiga Gaalkacyo. Caa’isha Ilyaas Aadan oo da’deeda lagu sheegay 12 sano ayaa shalay subax la’ waayay xilli ay adeeg u doontay suuqa waxaana tan iyo xalay laga baafinayey idaacadaha maxalliga ah iyo baraha bulshada balse saaka ayaa maydkeeda laga helay meel u dhow xaafadooda sida ay xaqiijiyeen qoyska dhalay. Maydka gabadha yar ayaa la dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo waxaana jirkeeda lagu arkay calaamado muujinaya in si xun loo jirdilay sida laga soo xigtay saraakiil caafimaad oo ku sugan isbitalkaasi. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Gabar la waayay oo maydkeedii la helay iyo calaamado lagu arkay appeared first on Puntland Post.
  7. Sharm El-Sheikh (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaala Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay taariikhda la qabanayo ayaa waxa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya dalalka Yurub iyo kuwa Carabta, xallinta caqabadaha ay wadaagaan iyo in laga hawlgalo sidii xasilooni buuxda looga suurtagelin lahaa dalalka Carbeed ee ay amni darradu ka jirto. Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaq Mudane Barham Salih, Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte. Madaxweynaha iyo dhiggiisa dalka Ciraaq Mudane Barham Salih ayaa kulankooda ku lafo-guray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagaxisada, sare u qaadidda ganacsiga labada dal iyo sidii deeqo waxbarasho loogu suurtagelin lahaa ardayda Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Madaxweynaha dalka Ciraaq kala hadlay cafinta deynta ay Dowladda Ciraaq ku leedahay Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii Sweden ay Soomaaliya uga taageeri lahayd dhisidda iyo tayeynta hay’adaha dowladda. Madaxweyne Farmaajo oo shir-doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga ayaa kala hadlay xiriirka soojireenka ah ee labada waddan, isaga oo Dowladda Talyaaniga ka codsaday inay door weyn ka qaadato dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, tayeynta waxbarashada iyo hirgelinta dugsiyo farsamo. View the full article
  8. Afgooye (SMN) – Wararka laga helayo Sh/Hoose ayaa ku warramaya in xalay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah ay weerar ka fuliyeen gobolkaasi. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Toora-toorow oo ay ku xoogan yihiin Al Shabaab. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in wax dagaal ah uusan ka dhicin deegaankaaasi. Balse ciidamadu ay bartilmaameedsadeen guryo ay daganaayeen xubno ka tirsan Al Shabaab oo la sheegay in lagala baxay tiro dad ah oo aan la shaacin. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan weerarkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay howlgallo iyo duqeymo ka dhan ah Al Shabaab ayaa ka dhacayay gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka K/ Galbeed Soomaaliya. View the full article
  9. Beledweyne (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan, duqeyntaasi oo lala eegtay saldhig Al Shabaab ay ku lahaayeen gobolka Hiiraan. Duqeynta ayaa lagu waramayaa inay ka dhacday deegaan ku yaala inta u dhaxeysa Degmooyinka Beledweyne iyo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana la sheegayaa inay khasaaro kasoo gaartay xubno ka tirsan Al Shabaab. Deegaanka uu weerarka ka dhacay ayaa Al Shabaab waxay sheegeen shalay inay ku gubeen gaari nooca dagaalka ah oo ciidamada maamulka Hirshabeelle ay la socdeen, islamarkaana ay ku furteen hub ciidamada ay wateen. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa dhawaan shaaciyay inay kordhiyeen weerarada ay la eegenayaan Al Shabaab, waxaana habeen hore oo kaliya ay lix duqeyn ka fuliyeen Shabeelaha Hoose. Duqeynta xalay diyaaradaha dagaalka ay ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, waxaana saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan ay sheegeen inay dib ka faah faahin doonaan. Duqeyntii ka dhacday Shabeelaha Hoose ayaa waxay ahaayeen kuwii ugu khasaaraha badnaa ee soo gaaray Al Shabaab iyo dad shacab ahaa oo ku sugnaa deegaanada la duqeeyay. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (SMN) – Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, dilkaasi oo ka dhacay degmada Mahadeey ee Gobalka Shabeelada Dhexe 26-11-2018. Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud ayaa aha wada gaari oo ku safrayay qeyba kamid ah gobalka Shabeelada dhexe, waxa uu caan ka ahaa deeganada gobalkaasi, marxuumka ayaa istaagsanaa halka loogu tala galay hubinte gaadiidka ee ah meesha laga soo galo degmada Mahadeey ee goalka Shabeelada Dhexe, ciidamada amniga ee ku sugnaa goobta ayaa hubinyay gaariga iyo laba qof oo kale oo la socday balse nasiib xumo Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali ayaa ka soo toogtay meel fogaan u jirto taasi oo sababtay geerida Marxuumka. Isla maalintaas ayay ciidamada amniga ku soo wareejiyeen saldhiga Boliska Degmada Jowhar Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali oo ah eedeysanaha dilka Marxuumka loo heysto. Ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay hey’adaha dambi baarista, waxa ay sidoo kale hey’adaha ku wareejiyeen Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali xafiiska Xeer ilaalinta 22-12-aad ee sanadii tagtay, Xafiiska ayaa xilligaas codsaday in loo gudbiyo xabsiga dhexe Gar-suge ahaan. Muddo kadib baaristooda ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali 12-01-aad ee sanadkan, waxaana loo ballamay fadhiga hore ee maxkamadda 9-ka Bishii 2-aad ee sanadkan. Garsoorayaasha ayaa garowsaday in aysan ku filneyn dhageysiga dacwadda fadhi qura, waxa ayna xafiiska xeer ilaalinta amreen in la soo dhameystiro cadeymaha dambi ee loo heysto eedeysanaha. Afar cisha kadib ayaa markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda, waxa ayna xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen , Qiraalka eedeysanah, Markaatiyaal gaariga la saarnaa marxuumka, Warqadda cadeynta dhimashada oo ku lifaaqan sawirka Marxuuumka iyo qoreygii lagu toogtay Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud. Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in eedeysanaha oo ku liif bartay Marxuumka maadaama aysan jirin sabab qasbeyso in uu toogto muwaadin marayay hubinta howlaha nabad-gelyada, waxa uuna weydiistay garsoorayaasha in lagu xukumo dil toogasha ah. Iyadoo dhanka kale Qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa ku doodeen in loo fududeeyo maadaamaa qiraal uu yahay eedeysanaha oo ay bixiyaan magta marxuumka. Garsoorayaasha ayaa maalintaas soo xiray fadhiga Maxkaamdda, waxaana ku dhawaad bil kadib ay maanta go’aan kasoo saareen dhageysiga dacwadda loo heystay, Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay dil-toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanaha ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. View the full article
  11. Sharm El-Sheikh (SMN) – Khudbadda Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub. Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxa sharaf ii ah inaan kamid ahaado masuuliyiinta iyo saaxiibbada sharafta leh ee ka qayb-gelaysa Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay qabsoomaya. Waxaan Dowladda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar uga mahadcelinayaa martisoorka heerkiisu sarreeyo ee aniga iyo wafdigayga na loo fidiyey iyo inay martigelisay wadahadalladan taariikhiga ah ee ku aaddan mustaqbalka iskaashiga dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub. Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Carabtu waxa uu qabsoomay wakhtigii loo baahnaa, wuxuuna adkeynayaa xiriirka labada dhinac oo ku dhisan is-ixtiraam iyo kalsooni, asaaskiisuna yahay iskaashi siyaasadeed iyo dhaqaale oo miradhal ah. Xiriirka saaxiibtinnimo ee u dhexeeya dalalka Carabta iyo Midowga Yurub waa mid taariikhi ah balse waxaan u baahannahay inaan sii xoojinno innaga oo abuurayna iskaashiyo cusub oo laga wada faa’ido. Mudanayaal iyo Marwooyin, Cinwaanka Shirka “Maalgelinta Xasiloonideenna” waa mid wakhtigan la jaanqaadaya maadaaama oo uu caalamku uu si xawli ah isu beddelayo. Dalalka Carabta iyo Midowga Yurubba waxay waajahayaan caqabado ay wadaagaan oo la xiriira amni darrada, dhaqaale xumada, tahriibka iyo dhibaatada deegaanka. Caqabadahani waa kuwo caalami ah oo aan hal dal keligiis wax ka qaban karin—si kasta oo uu hodon u yahay ama u diyaarsan yahay. Sidaasi awgeed, iskaashiga dalalka Carabta iyo Midowga Yurub waxa uu muhiim u yahay xallinta caqabahan caalamiga ah. Iskaashigeenna laba-geesoodka ahi waa inuu ahaadaa mid ay hagayso aragti iyo ujeeddo guud isla markaana ku salaysan natiijooyin waxtar u leh shucuubteenna iyo caalamka intiisa kale. Wadashaqaynta dhanka dhaqaalaha iyo ganacsigu waxay gundhig u noqon doontaa iskaashiga Carabta iyo Midowga Yurub. Labada dhinacba , dowladuhu waxay dadaal ku bixinayaan inay badiyaan ilaha dhaqaalahooda, dhiirrigeliyaan halabuurka ganacsi, abuuraan marinno ganacsi oo cusub, isla markaana ganacsatada u suurtageliyaan deegaan ay ku kobci karaan, shaqooyin cusubna ku abuuri karaan. Marka arrintan laga hadlayo, waxa jira heshiisyo badan oo ku saabsan ganacsiga xorta ah balse waxaa muhiim ah inaan xoojinno wadashaqaynteenna iyo tan ganacsatadeenna si aan si dhab ah uga faa’idaysanno iskaashigeenna. Waxaan rabaa inaan hadalkayga ku soo koobo ku celinta muhiimadda uu leeyahay iskaashiga dalalka Carabta iyo Midowga Yurub wakhtigan la joogo ee ku suntan isku xirnaanta iyo isku tiirsanaanta. Waxaan ku kalsoonahay inaan caqabad kasta ka gudbi karno, kana faa’idaysan karno fursadaha waaweyn ee ina horyaalla haddii aan si dhaw isula shaqayno. Innaga oo wadajirna, iskaashi waxtar lehna ina dhex yaallo waxay ka dhigan tahay inaan xooggannahay, isku xirannahay, sidii horena ka hodonsannay. Kani waa maalgashiga ugu weyn ee aan ku samayn karno xasiloonideenna mustaqbalka iyo barwaaqada guud. Dhammaantiin waad mahadsan tihiin. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-25022019.mp3 View the full article
  13. Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in dalal kale ay ku biireen wadahadal siinta madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, waxaana muuqata in isbadal uu ku yimid wadahadalka labada dhinac. Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markale shaaciyay in Dowladda Turkey ay u gudbiyeen qoraal ay ku cadeynayaan inaysan dhexdhexaad ka aheyn wadahadalka labada dhinac. Wuxuu sheegay in Turkey uu taageero dowladda Soomaaliya, sidaasi daraadeedna ay ku diideen inuu kaligii wadahadalsiiyo dowladda Soomaaliya iyo maamulka uu madaxweynaha ka yahay ee Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale sheegay in Turkey uu kasoo jawaabay warbixin ay u direen oo aheyd in dowlado kale lagu soo daro wadahadalka. Muuse Biixi ayaa sheegay in Turkiga uu arrintaas ka aqbalay islamarkaana ay wadahadalka ku soo biirayaan dalalka Mareykanka,UK iyo kuwo ka mid ah Jaamacadda Carabta. Hadalkiisa ayaa imaanaya iyadoo dhawaan uu tagay magaalada Addis Ababa halkaasi oo uu kula soo kulmay madaxda Ethiopia, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in arintaasi ay taageersan yihiin qaar kamid ah dalalka reer Galbeedka oo dagaal kula jira Turkey. Bisha soo socota ee April ayaa la filayaa inay dib u bilowdaan wadahadalada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo hakad ku jiray labadii sano ee lasoo dhaafay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa warka subaxnimo ee Idaacadda Goobjoog, waxaana akhrinaya Hanad Cali Guuleed. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/SAAKAY-IYO-GOOBJOOG-25-02-2019.mp3 Source: goobjoog.com
  15. Waxaan ku jiray aamusnaan sharaf ku dheehan tahay muddada ugu dheer marka laga hadlayo Xasan Cali Kheyre. Maadaama uu raadracayo tayada hoggaamiyaasheennii 1960kii. Aniga waxaan ka soo jeedaa qoys waddaniyiin ah. Aabahay wuxuu ahaa, yahanya waddani Soomaaliyeed oo la xushmeeyo, ahna hoggaamiye qaran oo dhab ah. Waxaanu nahay dad waxbartay, waddaniyiin ah, hal qof oo qoyskeenna ka mid ahna weligiis laguma soo eedeyn musuqmaasuq iyo qabyaalad (ruux jecleysi). Waayo-aragnimadeyda shaqo, waxaa jira labo Xasan Cali Kheyre oo kala geddisan – Mid jeediya hadallada ubexeysan (macaan), oo ugu khudbeeya Soomaalida dib u heshiisiin, la dagaalanka qabyaaladda, ruux tooxsiga iyo musuqa. Sida xaqiiqda ah, waa isaga kan ugu bahdillaada badan, is qaad-qaad badan, qabyaaladeyste iyo masuulka dowladeed ee ugu musuqmaasuqa badan, jecelna khiyaameynta iyo ku gardaroodka. Wuxuu xushmad dilaa Ra’isul Wasaare ku Xigeenkiisa, wasiiradiisa, Xildhibaannada, wuxuuna aad ugu raaxeystaa markay jiraan dad dhageysanaya si uu ugu markhaati-geliyo gardarradiisa. Sida daacadda ah, waxaan u bandhigay is casilaadeyda markaan ogaaday in qiyamkeena aanu isku meel u jeedin. Wuu iga diiday, wuxuuna igu booriyay inaan dib uga fiirsado waayo dalka ayaa u baahan hibadeyda. Markaan isla oggolaanay inaan si dhow u wada shaqeyno, wuxuu farxadiisa ka heley inuu xilka iga qaado 4am (saqdii dhexe), wuxuuna eedeeyay Madaxweynaha. Nasiib wanaag, ka sokow in shaqada indhaha dadweynuhu ku jeedaan la iga fariisiyay, waxaan si gaar ah u heley inaan ka nastay fadhiga 5ta saacadood ah ee la dhex fadhiyo Golaha Wasiirada oo uu ula hadlo si xadgudub ah, kulana hadlo ereyo qiimo liidis ah oo kala bar been tahay. Wuxuu nala wadaagi jiray xog been ah oo la soo allifay markastuu doono inuu ceyriyo masuuliyiinta sare, wuxuuna dhiirigaliyay dhiibista saraakiisha Soomaaliyeed iyadoo sal looga dhigayo warar been ah si uu u helo codadka “NACAMTA”. Nasiib darro, waxay ahayd goor dambe markaanu ogaanay in nala isticmaalay. Wuxuu maroorsadaa wax kasta oo uu is leeyahay inuu ku dhibaateyn karo nooc kasta oo horumar ah. Wuxuu abuuraa xaalado uu isku qaniinsinayo (isku dir) wasiiradiisa dhexdooda – farsamadii duqowday ee qeybi oo xukun. I aamin, waxay ii ahayd nabar iga fuqay in la iga qaado booskeyga. Talada kaliya ee uu i siiyay waxay ahayd, muddadii halka sano ahayd ee aan la shaqeynayey, inaan aaminin Wasiiru Dowlahayga, Wasiir ku Xigeenka, Xildhibaanada, Xafiiska Madaxweynaha iyo badi Golaha Wasiirada. Markay halkaa mareyso ayaan shaahid u noqday hoggaamiye waxkasta ka cabsada oo dareemay inuu go’doon yahay. Muddadii waayo aragnimadeyda iyo la shaqeyntiisa, waxa kaliya ee han geliya waa rabitaanka qofeed qiime kastoy ku kacaysaba. Soomaaliya way hagaagi wayna inay hagaagtaa. Waddanku wuxuu u baahan yahay hoggaamiye aragti leh, qaangaar ah, dhab ah oo ka run sheega hadalladiisa iyo ka go’naantiisa. Fadlan ha aaminina – ereyadiisa waa kuwo maran oo eber ah. Madaxweynaha, haddaad ka aragti duwan tahay, iyo haddii kalaba, ugu yaraan waxaad ka heleysaa ixtiraam, wada hadal sharaf leh, xitaa haddaad siyaasadaha isku diidan tihiin. Wuu ku faa’idi lahaa hadduu qoran lahaa la taliyayaal badan oo xirfadyahanno ah. Qalbigiisu meesha san ayuu jiraa laakiin wuxuu u baahan yahay Ra’isul Wasaare aan lugaha qabanin, oo aanna kula jirin tartan toos ah. Xasan Cali Kheyre wuxuu ku faanaa inuu annaga nagu yiraahdo inuu isagu waddanka xukumo — laga yaabee inuu dhageysto heestii fannaanada Beyonce ee ahayd “Dunida yaa xukuma” Haddaba isla weynidii ayaa xarko goosatay. Xasan Kheyre wuxuu abaalmariyaa kuwa isaga “shakhsiyan” daacadda u ah ee ma’ahan kuwa qaranka daacadda u ah. Wuxuu isku saf ka dhigtaa kuwa xisaabtiisa bangiga u badin kara, heerkiisa awoodeed, ama kuwa ku quudiya xanta cadowgiisa – ama haloo arko ama si ka duwan ha ahaadeene. Way i murug gelisaa inaan arko isagoo weli isku dayaya inuu doqomeeyo Soomaalida. Ugu yaraan, waxaan joogaa marxalad aan sheegi karo aragtideyda si xor ah. Wuu cabsi galiyay waddanka intiisa kale. Madaxweynuhu wuxuu sameyn karaa wax wanaagsan, waddankuna wanaag ayuu u qalmaa. Illaahay ha naga badbaadiyo xukunka dhagarta Xasan Cali Kheyre. Intani waa fekerkeyga shakhsiga ah oo ku saleysan la macaamilkeygii shaqo. Intan nagu filan. Soomaaliya way dhibtootay muddo dheer. W/Q: Khadra Dualeh, Wasiir hore ee ganacsiga iyo warshadaha Tarjumidda: Abdalle Ahmed Mumin Tixraac: https://www.facebook.com/khadra.dualeh.3
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, dilkaasi oo ka dhacay degmada Mahadeey ee Gobalka Shabeelada Dhexe 26-11-2018. Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud ayaa aha wada gaari oo ku safrayay qeyba kamid ah gobalka Shabeelada dhexe, waxa uu caan ka ahaa deeganada gobalkaasi, marxuumka ayaa istaagsanaa halka loogu tala galay hubinta gaadiidka ee ah meesha laga soo galo degmada Mahadeey ee gobolka Shabeelada Dhexe, ciidamada amniga ee ku sugnaa goobta ayaa hubinyay gaariga iyo laba qof oo kale oo la socday balse nasiib xumo Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali ayaa ka soo toogtay meel fogaan u jirto taasi oo sababtay geerida Marxuumka. Isla maalintaas ayay ciidamada amniga ku soo wareejiyeen saldhiga Boliska Degmada Jowhar Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali oo ah eedeysanaha dilka Marxuumka loo heysto. Ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay hey’adaha dambi baarista, waxa ay sidoo kale hey’adaha ku wareejiyeen Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali xafiiska Xeer ilaalinta 22-12-aad ee sanadii tagtay, Xafiiska ayaa xilligaas codsaday in loo gudbiyo xabsiga dhexe Gar-suge ahaan. Muddo kadib baaristooda ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali 12-01-aad ee sanadkan, waxaana loo ballamay fadhiga hore ee maxkamadda 9-ka Bishii 2-aad ee sanadkan. Garsoorayaasha ayaa garowsaday in aysan ku filneyn dhageysiga dacwadda fadhi qura, waxa ayna xafiiska xeer ilaalinta amreen in la soo dhameystiro cadeymaha dambi ee loo heysto eedeysanaha. Afar cisha kadib ayaa markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda, waxa ayna xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen , Qiraalka eedeysanaha, Markhaatiyaal gaariga la saarnaa marxuumka, Warqadda cadeynta dhimashada oo ku lifaaqan sawirka Marxuuumka iyo qoreygii lagu toogtay Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud. Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in eedeysanaha oo ku liif bartay Marxuumka maadaama aysan jirin sabab qasbeyso in uu toogto muwaadin marayay hubinta howlaha nabad-gelyada, waxa uuna weydiistay garsoorayaasha in lagu xukumo dil toogasha ah oo kaga filan abaalka ficilkii uu geystay eedeysanaha. Dhanka kale Qareenada ayaa ku dooday maadaamaa qiraal uu yahay eedeysanaha in loo fududeeyo oo ay bixiyaan magta marxuumka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Nairobi (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta dalka Kenya ayaa daraf saddexaad ku eedeeyey inay mas’uul ka yihiin xiisadda siyaasadeed ee ka dhex ooggan Nairobi iyo Muqdisho, sida uu qoray wargeyska The East African Standard ee Nairobi kasoo baxa. Darafka saddexaad ayay Kenya rumeysan tahay inay dano ka leeyihiin shidaalka iyo kheyraadka Soomaaliy, ayna ku riixayaan dowladda Soomaaliya siyaadado Kenya ay u aragto kuwa qaldan. Shirkadaha Soma Oil and Gas iyo Spectrum oo labadaba ka diiwaan gashan UK, ayaa horey dowladda Soomaaliya ula saxiixday heshiis shidaal sahmin iyo xog-ururin ah, waxaana dhowr jeer ay London ku qaabteen shir ku saabsan shidaalka Soomaaliya. Hase yeeshee, Kenya ayaa rumeysan inay jiraan shirkado kale oo Soomaaliya ka leh dano shidaalmiyo mid kalluumeysi, oo ka diiwaan gashan dalal ay ka mid yihiin Holland, France, Norway, Canada, China iyo Japan. Kenya ma aysan magacaabin shirkadaha ay ku eedeyneyso xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya. Kenya ayaa sheeganeyso dhul-badeed ay leedahay Soomaaliya oo uu kheyraad ka buuxa, waxaana dhulkan haddii ay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ u xukmiso Soomaaliya uu macnaheedu yahay in Kenya ay weyn doono 26% aagga dhaqaalaha (EEZ) ee hadda ay xogga ku sheegato. Dowladda Kenya ayaa isku dayeysa inay dowladda Soomaaliya ku cadaadiso wada-hadal si loo baajiyo kiiska maxkamadda ICJ, hase yeeshee Soomaaliy ayaa xalka kaliya ee xiisaddan u aragta go’aanka maxkamadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee UPD ayaa baaritaan deg deg ah oo lagu sameeyo dilkii xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre, waxa uu ka dalbaday laamaha amniga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Xildhibaan Boqorre, oo ahaa xubin ka mid ah xisbiga UPD, islamarkaana ka tirsanaa aas-aasayeesheeda, ayaa sabtidii lagu dilay degmada Kaaraan ee Muqdisho, waxaana dilkiisa sheegtay kooxda Al-Shabaab. Qoraal uu soo saaray xisbiga ayaa lagu yiri “Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ayaa ugu baaqay laamaha amaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya in ay si deg deg ah baaritaan dhab ah ugu sameeyaan arxanlaaweyaashii ka dambeeyay dilka marxuum xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo axaddii lagu aasay magaalada Muqdisho, si cadaaladda loo horkeeno, isagoo ka mid ahaa aasaasayaasha xisbiga.” Dhinaca kale xisbiga UPD ayaa sheegay inuu qaban doono kulan baroor-diiq ah. “Insha allah dhowaan xarunta dhexe ee xisbiga UPD ayaa lagu qaban doonaa kulan baroor diiq ah oo lagu xusayo taariikhihii kala duwanaa ee marxuumka iyo kaalintiisa muga weynd ee uu xisbiga kaga baxay.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha dibada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa sheegay inay Somaliland diyaar u tahay cid kasta oo Soomaaliya dhex-dhexaadin karta oo aanay Itoobiyana ka madhnayn. Waxa uu wasiirku sida oo kale uu si kooban uga hadlay in shirkii madaxweyne Biixi iyo raysal wasaaraha Itoobiya layskula soo qaaday wadahadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaana wasiirku uu sidan u sheegay laanta afka Soomaaliga ee VOA oo waraysi ka qaaday. Ugu horayntii wasiirka waxa la waydiiyay kulankaas wadahadaladii Somaliya iyo Somalilad wax layskala soo qaaday, waxaana uu yiri “Somaliland iyo Somaliya inay wada hadlaan arimaha ay isku maan dhaafsan yihiin iyo khilaafaadka jira iyo afkaarta siyaaadeed ee ay kala wataan in laga wada hadlo waa arimo mar walba dhaca maaha arimo maanta bilaabmay mar walba waa la soo hadal qaadaa, haday dalalka Geeska Afrika tahay iyo haday dalalka waaweyn ee caalamka ay tahayba had iyo goor way la soo qaadaan Somaliland qodobada la soo qaadayna waa ay ka mid ahayd.” Waxa la waydiiyay wasiirka in raysal wasaaraha Itoobiya uu doonayo in uu meel wada fadhiisiyo madaxweyne Biixi iyo Farmaajo, waxaanu ku jawaabay “raysal wasaaruhu inuu isbadalo Geeska ka wado waa la og yahay anaguna waa mid aanu ayidsanahay In Geeska laysku soo dhaweeyo dadkiisa ganacsiga iyo nolasha,nabadgalyadba in laysku soo dhaweeyo waa arimaha aanu waafaqsanahay taasna waanu u sheegnay, taas ku saabsan Somaliland iyo Somaliya raysalwasaaruhu waa uu soo hadal qaaday anaguna waxaanu u sheegnay hadaanu nahay Somaliland nabad iyo wada hadal iyo khilaafaadka Somaliya na dhex yaala in aan ka wada hadalno inaanu diyaar u nahay horena aanu u sheegnay imkana ay jiraan dadaalo caalami ah oo socda oo arintaas ku saabsan in wax lagaga qabto halkaas ayaanu ku eekaynay oo intaas ayuunbaan ka odhanayaa” Ugu danbayntii waxa wasiir Faratoon la waydiiyay sida uu u arko hadii Itoobiya ay dhex dhexaadiso iyaga iyo Somaliya“ Anagu cid kasta oo aanu u aragno inay ka daacad tahay oo qaabka hawsha ay u qabanaysaa ay tahay qaab lagu gaadhi karo ujeedooyinkii la lahaa ee ahaa in khilaafaadka dhabta ah la dhameeyo diyaar ayaanu u nahay ama kuwii hore ha noqoto ama kuwo cusub oo danbe ha noqoto cidii loo arko marka la eego ajandaha iyo sida ay arinta u soo qabanqaabiyaan dabcan Somaliland diyaar ayay u tahay.” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Reccep Tayyip Erdogan, ayaa weerar xoogan ku qaaday dhiggiisa dalka Masar Cabdifataax Al-Sisi, oo xurguf xooggan ay ka dhaxeyso. Weerarka Erdogan ayaa yimid kadib markii dowladda Masar xukun dal-dalaad ah ku fulisay 9 xubnood oo ka tirsan mucaaradka Masar oo lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen shirqoolkii lagu dilay xeer-ilaaliyihi guud ee hore ee dalka Masar Hishaam Barakaat. Erdogan oo wareysi siiyay labada muuq-baahiye ee lagu kala magacaabo (CNN Turk iyo Kannel D), habeenimadii sabtida ahayd waxa uu yiri “tan iyo markii uu xukunka dalka Masar la wareegay Sisi xukuumaddiisa waxa ay daldaleen 422 qof, ugu dambayntii sagaal dhallinyaro ah, tani waa mid aan la aqbali karin.” Madaxweyne Erdogan waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay “Tani waa jawaabtayda kuwa i weydiiya maxaad ula kulmi la’dahay Sisi? Xiisadda Erdogan iyo Sisi ayaa waxaa qeyb ka ah cadaadiska dowladda Masar ay ku hayso kooxda Ikhwaanul Muslimiin oo Erdogan uu taageersan yahay balse dowladda Masar ay ku sheegto koox argagixiso. Sanadii tagtay Erdodan oo ku sugan shirka QM ee New York ayaa kursi uu qadi kulka cuni lahaa madaxweyne Trump ka kacay kadib markii uu soo fariistay Sisi. Caasimada Online Xafiiska Ankara caasimada@live.com
  21. Waxaan safar ku joogay baryahaan dagmada Garbahaareey ee gobalka Gedo. Maalinti shalay ahayd waxaa dhagtayda kusoo dhacay hadal la hayay oo Qur’aan akhris ahaa. Waxaan sheekadi ka helay in ujeedku yahay duco iyo xirsi-xir loo sameeyo Soomaalida qurbaha ku nool. Waxaan jeclaystay inaan wax badan ka ogaado waxaana codsaday in maanta aan ka qayb galo Alla bariga taasoo la ii ogolaaday. Salaaddi Casar ka dib ayaan tagay goobta la ii sheegay in muraadku ka dhacayo. Waxaan koox koox u yimid wadaaddadi ducayn lahaa. Waxaa soo xaadiray 21 wadaad oo dhalinyaro aan labaatan gaarin u badan. Waxaa la keenay cunno fudud sida bun, daango, timir iyo cabbitaanno kala duwan. Cunto ka dib waxaa naloo qaybiyay boqol boqol kun oo Soomaalli ah. Waxaana la yiri akhriya waxaad kartaan oo Qur’aan ah duceeyana. Waxaa loo duceeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed ducadina waxaa lagu khatimay qurba-joogta oo aad iyo aad loogu duceeyay in Eeebbe dhowro iyaga iyo caruurtooda. Waxaan codsaday in aan la kulmo agaasimayaasha Alla-bariga waxaana la yeeshay waraysi kooban. Waxaa howsha wado hooyooyin iksu xiran oo koox ah. Waxay qofkiiba ka qaadaan 100 kun oo Soomaali ah oo u dhiganta $4. Alla-bariga waxaa loo qabta bille mararna waxaa dhacda inuu noqdo bil dhaaf. Waxaa la ii sheegay inuu socday muddo saddex sano oo uusan baaqan. Waxaase jirtay in shan sano ka hor mar la billaabay laakiin u kala go’ay marka bilowgiisa marka danbe ayaa loo nisbeeyaa maadama inuusan marnaba baaqan. Hooyooyin caruuro waxbarsho ooga aadeen waddamada Aasiya iyo Afrika ayaa bilowgi lahaa. Hooyinkaas ayaa u kulmay inay caruurtooda u xirsi-xirtaan maaddaama ay ahaayeen kuwa yaryar oo tahriibna looga cabsi qabay. Marki in muddo ah ducudu socotay kuna jihaysnayd ardayda kaliya una muuqatay hooyooyinki waday in baryadi la aqblay ayay go’aansadeen inay ballaariyeen oo u ducooyeen inta qurbaha nool oo dhan. Waxaan waydiiyay sidi ay ku ogaadeen in ducadi la aqbalay. Waxay iigu jawaabeen caruurti ducada lagu jiheeyay midna kama tahriibin, kama saaqidin wax dhib ah lama kulmin intii ay maqnaayeen. Maadaama arrimihi laga ducaystay ay baaqdeen waxaa loo sababeeyay Alla-barigi. Waxay ii sheegeen hooyooyinkaas in hadda dad badan kusoo xirmeen oo uu batay dadka danaynayo inay lacag ku bixiyaan ducadi kheyrkaasna aysan ma maqnaan. Halkaas waxaa laga dheehan karaa qiimaha hooyooyinka Soomaaliyeed. Waxaa muuqato jeceylka iyo lexojeclada ka haysa dadka Soomaaliyeed. Waxaa muuqdo sida dadka daggan Garbahaareeey walwal ooga qabaan dhib ku dhaca ummada soomaaliyeed taasoo tusaysa waddaniyad iyo galgacayl. Waxaa kaloo iyana jirta, inkastoo ay dalka intiisa badan la qabaan, in dibadda dad badan ka jiro Garbahaareey tasoo ay dhici karto inay qayb ka tahay in loo gooni yeelo qurba-joogta. Sida ay doonto ha noqotee tani waa arrin u gaar ah Garbahaareey. Waa jid wanaag ah oo ay billaabeen mudanna in lagu daydo. Eebbe ha inoo aqbalo ducadooda hana nagu nabad yeelo meel walba oo aan joogno. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/
  22. Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda dalalka Ciraaq, Sweden iyo Talyaaniga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaala Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay taariikhda la qabanayo ayaa waxa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya dalalka Yurub iyo kuwa Carabta, xallinta caqabadaha ay wadaagaan iyo in laga hawlgalo sidii xasilooni buuxda looga suurtagelin lahaa dalalka Carbeed ee ay amni darradu ka jirto. Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaq Mudane Barham Salih, Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte. Madaxweynaha iyo dhiggiisa dalka Ciraaq Mudane Barham Salih ayaa kulankooda ku lafo-guray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagaxisada, sare u qaadidda ganacsiga labada dal iyo sidii deeqo waxbarasho loogu suurtagelin lahaa ardayda Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Madaxweynaha dalka Ciraaq kala hadlay cafinta deynta ay Dowladda Ciraaq ku leedahay Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii Sweden ay Soomaaliya uga taageeri lahayd dhisidda iyo tayeynta hay’adaha dowladda. Madaxweyne Farmaajo oo shir-doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga ayaa kala hadlay xiriirka soojireenka ah ee labada waddan, isaga oo Dowladda Talyaaniga ka codsaday inay door weyn ka qaadato dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, tayeynta waxbarashada iyo hirgelinta dugsiyo farsamo. DHAMMAAD Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda dalalka Ciraaq, Sweden iyo Talyaaniga appeared first on Puntland Post.
  23. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garoowe kaga qayb galay shir sanadle ah oo Qurba-joogta Puntland Dalka ku yeeshaan sanadkiiba mar. Ka qayb galka shirkani ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, Guddoomiyaha iyo masuuliinta Hay’adda xiriirka Jaaliyadaha Puntland. Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyey shirka jaaliyadaha Puntland ayaa ku dheeraaday doorka qurba-joogta Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu xusay inay muhiim tahay in dalka la maalgashado, laga sameeyo ganacsi, lasoo kordhiyo khibrado shaqo iyo abuuridda fekrado wax soo saar oo soo kordhinays horumar iyo bilicsan. “Waxaan aad ugu faraxsanahay sida quruxda badan ee shirkan loo soo agaasimey, waxaan halkaan ka cadeynayaa in xagaaga soo socda in halkaan lagu qabanaayo shir ku saabsan maalgashiga, oo dadka jecel maalgashiga dalkooda aan u soo bandhigno fursadaha maalgashi ee dalka ka bannaan, iyo in ay indhaha caalamka ay ku nool yihiin u soo jiidaan fursadaha maalgashi ee dalka ka bannaan”. “Dowladdan waa dowladdiinii waxaa loo baahan yahay in aad dalka wax muuqda oo la taaban karo aad ku soo kordhisaan, ma aha jagada dalka ka bannaan mid siyaasi ah oo kaliya, dalka waxaa ka bannaan fursado badan oo loo baahan yahay in laga faa’iidaysto waxaana laga qabsado” Ayuu yiri madaxweynaha Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo khudbad u jeediyay Qurba-joogta Puntland appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-24022019.mp3 View the full article