-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa cod u qaaday muddo kordhin loo sameeyay shirweynaha xisbigaasi. Xubnaha golaha dhexe ayaa waxa ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in muddo sannad ah dib loo dhigo shirweynaha xisbigaasi, waxaana loo asteeyay in uu qabsoomo bisha April 2020-ka. Shirakan la asteeyay April 2020 ayaa waxa la filayaa in lagu dooran doono hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE. Waxaana la soo gabogabeeyay shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo laba maalmood ka socday magaalada Boorama. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Kooxo hubeysan ayaa goor dhow dil u geystay nin dhalinyaro ah oo ku ganacsanayay Suuqa Xamar weyne. Wararka ayaa sheegaya in labo dhalinyaro oo bastoolado ku hubeysan ay toogasho ku dileen ninka dhalinyarada ahaa oo ku ganacsanayay halka loo yaqaano Afar Irdooka Xamar weyne. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in raggii dilka geystay ay ka baxsadeen goobta, iyadoo markii dambe ay goobta gaadheen ciidammada amniga. Dilkan ayaa ka mid ah dilal qorsheysan oo muddooyinkii u dambeeyay ku soo kordhayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho Source
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhaw u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa martiqaad ka helay Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani, waxayna ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta. “Booqashada Madaxweynuhu waxay daba socotaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha. Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac. Ugu dambeyn, booqashadan ayaa waxay imaanaysaa isagoo shalay kasoo laabtay dalka Masar oo uu kaga qayb-galay shrkii Carabta iyo Yurub, kaas oo qodobbadii looga hadlay ay ka mid ahaayeen horumarinta Qaaradda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Dalka Qatar appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya magaalada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu ka socdo muddaharaad lagu muujinayo dareenka murugo iyo xanuunka uu reebay dilkii waxashnimada ahaa ee loo geystay Caa’isha Ilyaas. Dad u badan haween iyo dhalinyaro ayaa muddaharaad ku maraya qeyba kamid ah magaalada waxaana ay dalbanayan in caddaalad loo raadiyo marxuumad Caa’isha Ilyaas oo si banii’aanimada ka baxsan kufsi iyo dil loogu geystay Gaalkacyo. Sidoo kale guud ahaanba waxaa maanta la fasaxay xarumaha waxbarashada waqooyiga Gaalkacyo waxaana ardaydii dugsiyadu ka qeyb qaadanayan muddaharaadka ka socda magaalada ee caddaalada loogu dalbayo Caa’isha oo ka tirsaneyd bahda waxbarashada. Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa isna haatan la shiraya laamaha amniga mas’uuliyiinta maxkamadaha ganacsatada iyo isimada gobolka iyadoo laga arrinsanayo kiiska gabadha yar. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdulqaadir Xuseen Nuur (Dirir) ayaa kulanka ka sheegay in goob fagaare ah lagu ciqaabi doono cid kasta oo ay ku caddaato jariimada Caa’isha laga galay. Guddoonka waxbarashada gobolka Mudug ayaa isna maanta booqday dugsiga hoose/ dhexe Salaama oo ay dhiganaysay Caa’isha Ilyaas gaar ahaanna fasalka lixaad ee ay ka tirsaneyd. Maamulka ayaa ku dhawaaway in fasalka lixaad ee dugsiga Salaama loo bixiyay “Fasalkii Caa’isha” si loogu xasuusto mustqabalka. Dhinaca kale maxkamadda darajada kowaad ee magaalada Gaalkacyo ayaa soo saartay waaran lagu soo soo qabanayo magacyo lagu tuhmayo dilkaasi Halkaan ka akhriso PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in fagaare lagu ciqaabi doono ciddii lagu helo dilkii Caa’isha appeared first on Puntland Post.
-
Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo left Mogadishu Tuesday for Qatar, a day after he returned from Egypt where he attended EU-Arab League summit. Farmajo will meet Qatari Amir His Highness Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani at the Amiri Diwan, on Wednesday and are expected to discuss bilateral relations between the two countries and means of boosting. The state of Qatar and the Federal Government of Somalia developed close diplomatic relations since Somalia neutral stance on gulf blockade on the tiny wealthy nation. Saudi Arabia, UAE, Bahrain, and Egypt imposed a blockade on Qatar one year ago blaming Doha for supporting terrorism accusations denied by the monarch government. Qatar is supporting the Somali government in several development projects across the country. The Gulf state donated $200 million and more than 67 armored vehicles last month to Somali armed forces in its efforts to help fight against the militant group in the country View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacado kadib markuu kasoo laabtay dalka Masar wuxuu maanta u ambabaxay magaalada Doha ee dalka Qatar. Caasimada Online ayaa xalay heshay xogta safarka madaxweynaha, waxaana halkaasi uu ku tagayaa safar muddo labo maalin ah oo uu kula kulmayo masuuliyiinta kala duwan ee dowladda Qatar. Wafdiga madaxweynaha waxaa kaga horeeyay magaalada Doha Fahad Xaaji Yaasiin, waxaana socdaalka ku wehliya wasiiro iyo xubno ka tirsan baarlamaanka. “Booqashada Madaxweynuhu waxay daba socotaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha. Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac ayaa qeyb ka ah wafdiga madaxweynaha ee maanta u duulay dalka Qatar. Qatar ayaa dhawaan dhagax dhigtay mashaariic ay kamid yihiin dhismaha waddooyinka Muqdisho ku xira magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The U.S. military said on Monday that a recent airstrike in central Somalia killed 35 al Shabaab fighters. The United States carries out regular air strikes in Somalia in support of a United Nations-backed government there, which has been fighting against an al Shabaab insurgency for years. In a statement, U.S. Africa Command said the strike took place on Sunday near Beledweyne, Hiran Region in Somalia. “This air strike targeted armed al Shabaab militants as they were transitioning between locations in a rural area,” the statement added. While the pace of strikes has increased recently, it is unclear what lasting impact, if any, the strikes are having on the militant group. Al Shabaab wants to overthrow the weak, U.N.-backed Somali government and impose strict Islamic law. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa dil ka dhacay degmada X/Weyne ee gobolka Banaadir, waxaana dilka ka dambeeyay kooxo hubeysan oo ka baxsan halka falka uu ka dhacay. Dilka ayaa ka dhacay Afar irdoodka Xamarweyne, waxaana la sheegay in goobta lagu dilay ruux dharka Huudheyda ku iibin jiray degmada Xamarweyne, kaasi oo dadka deegaanka si weyn ay u yaqaaneen. Ruuxa la dilay ayaa meydkiisa laga qaaday goobta uu falka ka dhacay, iyadoo la sheegay in muddo kooban uu goobta yaalay, waxaana baxsaday kooxda falka dilka ay geysatay, sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiliga uu dilka dhacayay ku sugnaa goob aan sidaa u fogeyn ayaa tegay, iyagoo haatan halkaasi ka wada baaritaano ku aadan qaabka uu falkan u dhacay. Magaalada Muqdisho ayaa waxa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dilalka qorsheysan ay geysanayaan Ragga ku hubeysan Bastooladaha. Dhawaan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray ciidamo badan oo boolis ah kuwaasi oo loo qorsheeyay inay sugaan amaanka magaalada Muqdisho, waxaana wali jirin cid loosoo qabtay dilalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa la filayaa in khamiista toddobaadkan uu socdaal ku yimaaddo Somaliland. Madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar ayaa la filayaa in uu booqan doono magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu ka qayb-qaadan doono, dhagax-dhigga waddada Berbera illaa Wajaale, oo uu Madaxweyne shaaciyay in dhawaan la dhagax dhigi doono. Madaxweyne Cagjar ayaa la sheegay in uu soo wakiishay raysal-wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed. Source
-
Gaalkacyo (SMN) – War ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuquraadiyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa lagu wargeliyay maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo iyo in ay u diyaar-garooban dhismaha golaha degaanka magaaladaasi. Qoraalkan ayaa lagu sheegay in dhismaha golahaasi wasaaraddu ay qorsheysan 25-ka biasha soo socota ee Maarso ee sanadkan 2019-ka. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen taliye ku xigeenka cusub ee AMSOM Nakibus Lakara iyo taliye ku xigeenkii hore Tai Gituai ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Taliye Lakara oo kasoo jeeda dalka Uganda ayaa markii labaad qabanaya xilkan, isagoo horay ugu soo shaqeeyay sanadihii 2015 iyo 2016. Musaabadda xil wareejinta ugu horreyn waxaa ka hadlay taliyaha xilka wareejinayay oo ka hadlay hormarada iyo caqabadaha haatan uu wajahayo howlgalka AMISOM ee Soomaliya . Dhankiisa taliyaha cusub oo xilka la wareegay ayaa mahadceliyay taliye Tai Gituai, waxaana uu ballan qaaday in halkiisa uu ka sii wadi doono shaqada. AMISOM ayaa waxaa haatan horyaalla qaraarka QM ee ka bixitaanka Soomaaliya sanada 2021-ka, iyadoona DFS ay isku diyaarineyso la wareegitaanka amniga dalka. View the full article
-
Baladweyne (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay askari ka tirsanaa ciidanka maamulka HirShabelle lagu dilay bartamaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi. Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in toogasho ay ku dileen askarigaasi, xilli uu ku sugnaa xaafadda howlwadaag ee magaaladaasi. Sidoo kale rasaasta ay fureen raggaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen illaa 2 Qof oo rayid ah oo ka agdhawaa goobta uu dilku ka dhacay. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dableydii ka dambeysay falkaasi ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambe gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kana sameeyay baaritaano kooban. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Dabkii oo la bakhtiiyay Wararka ka imaanaya degmada Buurtinle koonfurta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in hal ruux ku dhintay mid kalena ku dhaaawacmay dab saaka qabsatay kaalin shidaal oo ku taalla degmadaasi. Qofka dhintay oo nin ahaa ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Cabdiweli Diiriye waxaana dhaawac culus soo gaaray aabbihiisa oo lagu magacaabo Cabdiweli Diiriye sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada. Dadka magaalada oo adeegsanaya booyado biyaa ayaa markii dambe bakhtiiyay dabkii kaalinta qabsaday inkastoo sida la sheegay ay wakhti badan ku qaadatay. Qaar kamid ah dadkii u gurmaday kaalinta Shidaal ee gubatay ayaa sheegayaa in dab-damis la’aan ka jirta degmada Buurtinle awgeed ay wakhti badan ku qaadatay in la bakhtiiyo dabka. PUNTLAND POST The post Dab ka kacay Buurtinle oo dhimasho iyo dhaawac dhaliyay appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online)-Koox Dhalinyaro Kenyan ah oo watay Bootooyinka loo yaqaan Dhug dhugleey ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan booliska magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Ciidamada booliska ee la weeraray ayaa ku sugnaa wadada Thika ee magaalada Nairobi, waxaana la sheegay inaysan waxyeelo kasoo gaarin ciidamada la socday gaariga bam gacmeedka lagu weeraray. Ciidamada booliska ayaa tilmaamay in la qabtay dadkii ka dambeeyay weerarka, waxaana isku dhac uu ka dhacay wadada Thika ee magaalada Nairobi, iyadoo xabsiga la dhigay dhalinyaro Kenyan ah oo falkaasi ka dambeeyay. Mooto ay ka carareen kooxda weerarka geysatay, Seddex Mobeyl iyo labo bambaano oo aanan qarxin ayaa la sheegay in gacanta ay ku dhigeen ciidamada booliska ee dalka Kenya, waxaana la dhigay xabsiga shan ruux. Shanta qof ee weerarka geysatay ayaa u dhashay kenya,waxaana lagu kala magacaabaa Kevin Opiyo Onyango 24, Maricus Odhiambo 30, Moses Okiri Nyarianga 21, Collins Juma Oduor 19, iyo Samwel Wanyoike Njeri oo 19 jir ah. Dhawaan ayay sheegeen inay laamaha cadaalada ku wareejin doonaan shanta ruux ee lagu qabtay howlgalka ka dhacay magaalada Nairobi, waxaana wali ku socda baaritaanka xogaha looga raadinayo. Warbixinta Booliska ee la xiriirta weerarkan wali si rasmi ah uma soo bixin sidoo kale ma sheegin dhallinyaradan ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE uga socday magaalada Boorama ayaa waxa uu galay maalintiisii labaad, waxaana shir guddoomiyanayay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE. Shirka ayaa waxa lagu ansixiyay 260 xubnood oo ka kooban yahay golaha dhexe ee xisbiga kuwaas oo doortay guddoomiyaha golaha dhex iyo ku-xigeenkiisa. Qaabka ay u dhacday codaynto guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE: Xildhibaan Maxamuud Jaamac waxa uu helay 257 cod. Shariif Abokor Maxamed waxa uu helay 13 cod. Qaabka ay u dhacday codaynto guddoomiyaha ku-xigeenka golaha dhexe ee KULMIYE: Cabdi Siciid Faahiye waxa uu helay 21 cod Nasra Maxamed Cabdi waxa ay heshay 44 cod Cali Maxamed Cali waxa uu helay 200 oo cod. Shirka waxa guddoomiye golaha dhexe loogu doortay Xildhibaan Maxamuud Jaamac , halka guddoomiye ku-xigeena loogu doortay Cali Maxamed Caliyow. Shirkan oo shir guddoominayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu u muuqday mid hore loogu soo kala baxay oo la soo calaamadiyay cidda noqonaysa hoggaanka golaha dhex. Somalilandtoday/Hargeysa/Office Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.com Source
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa iney maanta howlgallo ballaaran ka wadaan xaafado ka mid ah magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan. Howlgalkaan ayaa xooggiisa waxay ciidanka ka wadaan xaafadda Howlwadaag ee B/weyne, waxayna wararka sheegayaan in ciidanka dad kusoo qabteen. Howlgalkan ayaa daba socda dil shalay xaafaddaasi loogu geystay Labo wiil oo dhallinyaro ah, mid ka mid ah wuxuu ahaa askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka. Saraakiisha ciidanka dowladda ee howlgalkaan wada kama aanay hadalka sida ay wax u socdaan, hase ahaatee magaalada B/weyne ayaa maalmahan dambe amni ahaan ahayd mid soo hagaageysay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno ku aaddan dadkii ka dambeeyey dilkii shalay deegaanka Xaawo Cabdi loogu geystay dad shacab ah. Jeneraal C/laahi Xasan Bariise, taliyaha hoggaanka waaxda canshuuraha ee ciidanka Booliiska oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in geerida ay gaartay 9 qof, islamarkaana hadda ay wadaan baaritaanno xooggan. Wuxuu taliyaha sheegay in ay soo qaban doonaan cid walbo oo falkaasi ka dambeysay, islamarkaana aan laga daba hari doonin. “Baarista si xowli ah ayeey u socotaa, waxaa halkaa loo taagan tahay in baaris looga dabatago dhagar-qabayaashii falkaasi geystay, gacantana lagu soo dhigo, natiijadana shacabka waan la wadaagi doonnaa” ayuu yiri taliyaha. Rag hubeysan ayaa shalay barqadii waxay deegaanka Xaawo Cabdi ku dileen 9 qof oo ka shaqeynayey nafaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Godinlabe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi maanta uu ku wajahan yahay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf. Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ku aadan soo dhaweynta madaxweynaha Galmudug, waxaana safarka ku wehlinaya xubno ka tirsan maamulka Galmudug. Madaxweyne Xaaf ayaa u tagaya degmada Godinlabe dhameynta dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Kaxandhaale, halkaasi oo labo maleeshiyaad ay ku dagaalamay sanadkii lasoo dhaafay. Deegaanka Kaxandhaale waxaa horey odayaasha dhaqanka ay u diideen inuu halkaasi tago wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya kadib markii ay ku qanci waayeen hanaanka loo maray wadahadal siinta labada beeleed. Xubno ka tirsan maamulka Degmada Godinlabe ayaa sheegay in la adkeeyay amaanka magaalada iyo deegaanka Kaxandhaale, halkaasi oo dib u heshiisiin laga dhex bilaabayo dhinacyadii ku dagaalamay. Madaxweyne Xaaf ayaa dhawaan eedeyn u jeediyay dowladda Soomaaliya, waxaana uu marar badan dhaliilay in waxyaabaha dowladda ka hergelineyso deegaanada Galmudug aanan lagala tashan. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com
-
Saciid C/laahi Dani, madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay dilka iyo kufsiga loo geystay Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd 12 sano jir ku nool magaalada Gaalkacyo. Waxa uu sheegay Dani in falkaasi aad uga xunyahay, isaga oo sheegay in hay’adaha ammaanka ka rajeynayo in ay gacanta kusoo dhigaan dadkii falkaasi sameeyey. “Waxaa soo badanaya dhaqamo iyo caado aad u xun, oo aad moodin in ay dib inoogu celinayaan wixii aan kasoo gudubnay, dadkii aan rabnay inaan karaameyno oo aan hormar la rabay in la gaaro, dadkii aan ku tuhmyenay iney aqoontooda iyo ilbaxnimadooda korortay…waxaa socda dhaqamo aad u xun oo naxdin leh…waxaan rajeeneynaa in dowladda tallaabo adag ka qaadi doonto cid walbo oo ku xadgudubta karaamada bini’aadamka” Caasho ayaa saacado ka maqneyd hoygooda, waxaana kadib meydkeeda lasoo dhigay bannaanka gurigooda xilli habeen ah waliba iyada oo lasoo kufsaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasiyiin kala duwan oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaan sannadkan ka qayb galayn shirka golaha dhexe ee KULMIYE ee shalay ka furmay magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal. Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi oo sidoo kale ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa shalay furay shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo la qorsheeyay inuu socdo laba maalmood, waxaana shirka ka qayb galaya ergo tiradoodu tahay 398 xubnood. Hase yeeshee waxaan siyaabo kala duwan uga qayb galayn shirka golaha dhexe ee KULMIYE siyaasiyiin caan oo reer KULMIYE ah. Siyaasiyiinta qaarkood ayaa waayay xubinimadii golaha dhexe, waxaanay u badanyihiin xubno wasiiro ka ahaa xukuumadii Siilaanyo oo golaha dhexe ku soo galay kursiga wasiirnimo, halka ay siyaasiyiin kalena uga maqanyihiin sababo aan la garanayn. Siyaasiyiinta waayay xubinimada golaha dhexe ee hore ugu jiray golaha dhexe xilkii wasiirnimo ee ay hayeen waxa badankooda la siiyay xubin goob-jooge ah oo aan shirka golaha dhexe ku lahayn wax cod iyo tallo ah. Shakhsiyaadka caanka ah ee KULMIYE ka tirsan ee wejiyadooda madasha laga waayay ee aan shirka ka qayb galayn waxa ka mid ah Professor Axmed Ismaaciil Samatar, Jamaal Cali Xuseen, Samsam Cabdi Aadan. Saddexdan xubnood oo safaro dibadda ah ku maqan ayaa si weyn loo dareemay maqnaanshahooda maadaama oo ay ololihii doorashada si weyn uga dhex muuqdeen xisbiga KULMIYE. Siyaasiyiinta kale ee xilalka wasiirnimo ugu jiray golaha dhexe ee KULMIYE, balse shirka Borama ku jooga xubno sharafeed, waxa ka mid ah Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), Cismaan Saxardiid Cadaani, Cali Siciid Raygal iyo xubno kale. Wasiirkii hore ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo madasha shirka hadal ka jeediyay ayaa soo hadal qaaday siyaasiyiinta wasiirnimada ugu jiray golaha dhexe ee KULMIYE ee aan maanta haysan xubinimadii golaha dhexe , waxaanu sheegay in isaga iyo Xaglatoosiye aanay sidoo kale haysan xubinimada golaha dhexe laakiin ay buuxiyeen laba jago oo ka banaanaaday golaha dhexe, waxaanu sheegay inaanay jirin siyaasiiin gaar loo faquuqayaa. Maxamuud Xaashi oo arrintan ka hadlayaa wuxuu yidhi “Siyaasiyiinta kamid ka ahaa xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee aan nasiibka u helin inay maanta ka soo qayb-galaan shirkan, ama ba’se aan helin kaadhka golaha dhexe waxaan jecelahay inaan cadeeyo in aan ujeedo gaara oo looga gol-leeyahay jirin, anniguba kuma jirin golaha dhexe laakiin boos banaan ayaan galay, wasiir Xagla-toosiye qudhiisu kuma jirin golaha dhexe balse nin baneeyay ayuu booskiisa galay, sidaas awgeed ma jirto faquuq u gaara siyaasiyiintaas aan helin kaadhka golaha dhexe hadii iyaga la cadaadinayo ama cidi faquuqaysana waan ka gil-gilan lahaa laakiin xisbigu xurmo iyo xaqdhawr iyo abaal-dahabi ah ayuu u hayaa siyaasiyiintaasi miisaanka ku leh bulshadda.” Source
-
“Waxa yidhaahdeen Anaga SNM-tii Aanu Waagii Raacnay ayaa lanagu dilayaa,Ina Awcali Kasoo bilaw, Daahir Riyaale ku dar, Waar Saylici ayaa noogu daran, Ragbaa Xoog nagu jiidhaya” Madaxweyne Biixi. (SLT-Hargeysa)-Waxa isasoo taraya khilaaf xoogleh oo ka dhex taagan Madaxweyne Biixi iyo Ku xigeenkiisa Saylici oo ku saabsan qaabka loo marayo xalinta Beelaha Hubaysan ee isku hor fadhiya Xeebta Gobolka Awdal, waxaanu Shalay Shirkii Kulmiye ee Boorama ka dhex sheegay Madaxweyne Biixi in Beelaha Ciise ay khaati ka taagan yihiin oo ay ka cawdeen inuu dhibta ugu badan iyo culays gaar ah ku hayo Cabdiraxmaan Saylici “Waar Saylici ayaa noogu daran”. Qayb ka mid ah Khubaddii uu Madaxweyne Muuse Biixi ka jeediyay Shirkii Golaha dhexe ee Shalay uga furmay Xisbiga Kulmiye Magaalada Boorama ee uu kaga hadlay shaqaaqada ka taagan Xeebta Gobolka Awdal ayaa waxa ka mid ahaa “Dhibaatada ka taagan Woqooyiga, dad badan waa kuwii Ciidamadu u soo xidhay, Odayaal ayay u badnaayeen, Warbixintii la iiga keenay laba oday oo qudha ayaa u hadlay,oo dhinacba oday ayaa u hadlay, Mid waad garanaysaan eh xagga Galbeedka ayuu u hadlay oo Waxaa la yidhaa Muumin Bahal Waaberi(Beesha Awdal Clan), waa la waraystay oo wuxuu yidhi,”Waar dee Nabad ayaanu ahayn, waligayana dhal iyo dhasheed ayaanu ahayn, ismaanaan khilaafin, dalkana waanu wada deganayn, Laakiin Walaalahayga Galbeedka naga xiga,Dawlad ayaa dabada ka riixaysa, oo wixiiba dawladnimo ayay noo sheeganayaan oo Somaliland ayaa lanagu dilayaa, Dhibaatadana Somaliland ayaa na galisay, Sidii Shirkii 1993-kii loogu qabtay Sheekh Cali Jawharba waar duulimaad ayaa lanagu yahay oo xoog iyo rag ayaa lasoo riixayaa”. “Kii Kale ayaa la waraystay ee Galbeedka, oo layidhaa Aadan Dharaar Yabaal(Beesha Ciise), labada nin ee laga qoray Warbixintu(Report) waa isku seedi labadoodu midba qolada u hadlayaa, wuxuu yidhi ninkani “waar dee anaga Somaliland ayaa lanagu dilayaa, wuxu yidhi, ina Biixi “Ninka Madaxweynaha ah” isaga ayaa og waxa lanagu dilayo, wuxuu yidhi, anaga Somaliland ayaa lanagu dilayaa oo aanu eednay, dee Berigii ay SNM-ta ahaayeen sawnagii raacnay maahin, saw sidii loo qabtay shirkii Boorama saw Madaxweyneyaal umaydaan samayn, Ina Awcali Kasoo bilaw, ALLAAHU Nebi, kaasi sahaale, Daahir Riyaale ku dar, Waar abtaw naga daa, Naaskaaga ayaanu jaqnee, Wixii oo dhan iska ilaw, Waar Saylici ayaa noogu daran, Ragbaa Xoog nagu jiidhaya, Waar ma naga qabanaysaan, Labadii Qoloba Somaliland ayay ka cawdeen”. Illo-Wareedyo Wargeyska Foore helay oo ka agdhaw Madaxtooyadda ayaa iftiimiyay inay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu qaabka xal looga dhalin karo beelahaasi hubaysa ee uu Madaxweynuhu Boorama ka sheegay inay isku hor fadhiyaan Xeebta Gobolka AWDAL. Source
-
(SLT-Hindiya)-Diyaaradaha dagaalka ee India ayaa subaxnimadii Salaasada markii ugu horeysay duqeyn ka geystay gudaha dalka Pakistan. Duqeynta ayaa ka dhacday meel u dhaw xaduuda Kashmir ee dhinaca Pakistan, waxayna dowlada India sheegtay in weerarkan lala beegsaday xarun lagu tababaro kooxda Jaysh Maxamed oo maalmihii lasoo dhaafay dagaal kula jiray militariga India ee ku sugan Kashmir. Kooxda Jaysh Maxamed ayaa ka danbeeyey weerarkii 14kii Feberaayo ka dhacay Kashmir ee lagu dilay 42 askari oo ka tirsan ciidamada India. India ayaa sheegatay inay duqeyntan ku dishay xubno kamid ah kooxda Jaysh Maxamed. Dowlada India ayaa maalmihii lasoo dhaafay sheegaysay inay qaadi doonto tilaabo militari iyadoo ku eedeenaysay Pakistan inay soo hubeyso kooxaha ka dagaalamaya Kashmir. Jawaabta Pakistan War kasoo baxay dowlada Pakistan ayaa sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ka hortageen diyaaradaha India ee hawadooda soo galay isla markaana ku khasbay diyaaradaha India inay dib ugu noqdaan dalkooda. Pakistan ayaa sheegtay in diyaaradaha India ay bambaano ku tuureen goob lama degaan ah ee buuraleyda labada dal u dhaxeysa, isla markaana aysan jirin wax khasaaro ah oo halkaasi ka dhashay, waxaana la shaaciyey sawiro laga soo qaaday goobta oo uu muujineysa in duqeynta India ka dhacday goob banaan. Xukuumada Islamabad ayaa sheegtay in falkan dowlada India ay dooneyso inay ka dhigato dacaayad ay doorashada ku galaan isla markaana shacabkooda ku qanciyaan inay ka jawaabeen dilkii 42dii askari ee todobaadkii hore looga dilay Kashmir. Source
-
Popular Contributors
