Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,174
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jigjiga (SMN)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in saaka xaaladdu ay tahay mid dagan. Xiisadihii ka jiray magaaladaasi ayaa lagu soo warramayaa in la xaliyay, kadib markii ay ka wadahadleen madaxda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Madaxweynaha ismaamulkaasi Mustafe Cagjar iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide oo isku hayay dhinaca maamulka ayaa ka heshiiyay khilaaf soo kala dhexgalay. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa qalalaase xoogan ay ka taagnaayeen gudaha magaalada Jigjiga, kadib markii ay isugu soo baxeen dad dibadbaxayaal ah. The post Xaaladda magaalada Jigjiga Oo saaka dagan appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (PP) ─ Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 1.5 Milyan ruux oo Somalia ah ay u baahan yihiin gargaar dhaqso ah, kaddib markii ay yaraadeen roobabkii dayrta ee la filayay inay da’aan. Saraakiil ka tirsan hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO ayaa uga dhawaaqay Muqdisho shalay in cunno-yaraan ba’an ay jirto, iyagoo hay’adaha samafalka ugu baaqay inay gacan ka geystaan sidii loo quudin lahaa dadka ay cunno la’aantu saameynta ku yeelato. Hay’adda ayaa sheegtay in loo baahan yahay in dadka ugu nugul bulshada oo ay u badan yihiin barakacayaasha in si dhaqso ah loo caawiyo si looga fo’aado in nafaqo-darro iyo cudurro baahida ka dhasha ay ku dhacaan. “Dhibaatooyinka laga baqdin qabo ayaa waxay ka dhasheen dib u dhac weyn oo ku yimid roobabkii dayrta ee la filayay inay da’aan bilihii Oktoobar iyo December ee sannadkii hore 2018-ka, saameyntii ay reebeen abaarihii ku dhuftay Somalia 2016-kii iyo 2017-kii iyo colaadao meelaha qaar ka socda,” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adda badbaadada cunnada ee FSNAU oo ay hawl-wadaag yihiin Hay’adda FAO. Sidoo kale, Hay’adda ayaa sheegtay in loo baahan yahay sannadkan 2019-ka inay sii socoto kaalmada bani’aadamnimo ee caalamku siiyo Somalia, si looga fogaado inay xaaladdu ka sii darto, waxaana kaalmada ka mid ah inay sii socoto gargaarka la siiyo beeraleyda, xoolo-dhaqatada iyo kalluumeysiga si ay uga faa’iideystaan xilli roobaadka soo socda ee Guga oo lagu wao inuu billowdo Abriil 2019-ka uuna socdo illaa Juun 2019-ka. Ugu dambeyn, Ma ahan digniintan middii ugu horreysay ee Hay’adaha ka shaqeeya gargaarka ay aadanaha ay bixiyaan, waxaase horay diniino la mid ah kuwan u bixiyay hay’ado kale oo samafal. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo sheegtay in Malaayiin Somali ah ay u baahan yihiin Kaalmooyin appeared first on Puntland Post.
  3. London (Caasimada Online)-Xaaska hogaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa dacwad ka gudbisay hay’adda sirdoonka dalka Ingiriiska ee MI6, sida lagu sheegay warbixin warbaahinta dalkaasi ay shaacisay. Muna Cabdulle oo ah xaaska hogaamiyaha Daacish ee Soomaaiya C/qaadir Muumin, ayaa dacwadaasi ka gudbisay Hay’addaha sirdoonka dalka Ingiriiska, si magdhow looga siiyo bahdil ay sheegtay in lagu sameeyay. Muna Cabdulle, ayaa sheegtay in sirdoonka dalka Ingiriiska ay jirdileen kadib markii ay ka laabatay Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in jirdilka uu ka dambeeyay markii lagu eedeeyay inay la kulantay seygeeda. Haweeneyda ayaa dacwadda ka gudbisay hay’adda Sirdoonka ingiriiska, iyada oo sheegtay inay koronto u adeegsadeen markii ay dalkaasi ku laabatay, iyada oo loo heysto inay la kulantay hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya. Haddii ay Muna ku guuleysato dacwadda ay ka gudbisay Hay’adda sirdoonka UK waxay heli doontaa magdhow lacageed oo gaareysan Hal Miylan oo lacagta Ingiriiska ah, sida warbixinta lagu sheegay. Xaaska hogaamiyaha kooxda Daacish ayaa ku nool dalka Ingiriiska, waxaana C/qaadir Muumin oo heysta dhalashada Sweden loo diiday inuu tago dalkaasi, kadib markii la ogaaday inuu xiriir la lahaa xubno kooxda ka tirsan. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  4. Balcad (SMN)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo xalay ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa u dhexeeyay ciidamo kala taabacsan guddoomiyaha Balcad iyo xoghayaha cusub ee degmadaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay illaa labo Qof, halka ay ku dhaawacmeen afar kale oo dhammaan ahaa dhinacyadii dagaalamay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in saaka labada dhinac ay isku hor fadhiyaan qeybo ka mid ah magaaladaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi. The post Faah faahinno ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay Balcad appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa goordhow ka dhacay qarax. Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa. Si weyn ayaa looga maqlay maqalka qaraxaan inta badan magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Xamar-weyne gaar ahaan agagaarka xarunta dowlada Hoose ee Muqdisho. Waxaa jira khasaaro hayeeshee si rasmi ah looma oga. Wixii ku soo kordha dib kala soco Insha allah. The post Qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (PP) ─ Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta degmada Hodan oo loo dhisayo qaab casri ah, taasoo ku burburtay qaraxii ka dhacay bishii Sebtembar ee sanadkii hore. Guddoomiyaha degmada Hodane Cabdixakiin Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib-u-dhismaha xarunta Degmada, isagoo ka sheekeeyey dhibaatadii dhacday bishii Sebtemar 2018, taasoo tiiraanyo gaar ah ku reebtay dadka deegaanka, Waxana uu sheegay in dib-u-howlgelinta xarunta degmada ay qeyb muhiim ah ka qaadan doonto gaar siinta adeegyadii kala duwanaa ee shacabka ku nool Hodan. Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa tilmaamay ahmiyadda ay degmada ku leedahay gobolka, gaar ahaa xaruntii adeegga, waxuuna sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu awooddiisa galinayo in Hodan ay ahaato mid xasiloon oo hormarka la qaybsata degmooyinka kale, dadka degana looga baahan yahay inay kaalintooda qaataan dib-u-dhiska. Guddoomiye Xuseen ayaa ka codsaday bulshada degmada Hodan in lala shaqeeyo maamulka iyo kan gobolka Banaadir, islamarkaasna loo midoobo sidii looga hortagi lahaa cidkasta oo cadow ku ah nabadda Caasimadda. “Xarunta degmada Hodan ee maanta aan dhagax-dhigayno waxaa burburiyey koox cadow ku ah horumarka iyo jiritaankeena, waana in meel looga soo wada jeesto wax walba oo dib-u-dhac lana doonaya, maamulka gobolka Banaadir na wuxuu diyaar u yahay idinkoo isku duuban inuu gacan idinku siiyo horumarinta degmadiina iyo sidii dib loogu soo celin lahaa kaalinteedii”. Ugu dambeyn, Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo ah. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Dhagax-dhigay Dhismaha Xarunta Degmada Hodan appeared first on Puntland Post.
  7. Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaasi saaka lagu dilay mas’uulkii mashruuca P&O ee shirkadda DP World u joogay magaalada Boosaaso, Paul Anthony Fermosa. Sarkaal ka tirsan hay’adaha amniga Boosaaso ayaa Puntland Post u sheegay in dilka mas’uulka uu geystay qof hubaysan oo aan weli la aqoonsan dhinaca uu ka tirsanyahy,balse isagiina isla goobta lagu dilay. Mr Paul ayaa madax ka ahaa mashruuca P&O Ports ee shirkadda DP World u qaabilsanaa dhismaha iyo ballaarinta dekedda Boosaaso. PUNTLAND POST The post Madaxii PO Ports oo Boosaaso lagu dilay appeared first on Puntland Post.
  8. Garbahaarey ( SMN )-Korneyl Aadan Rufle oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ciidanka Kenya in ay wadaan dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ay ku doonayaan in markale ay ku burburiyaan xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuuud ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya. Aadan Rufle ayaa tilmaamay in ay heleen xog ku aadan qorshe ciidamada Kenya ay ku burburinayaan xarumo hor leh oo ay leedahay shirkaddaasi. Waxaana uu ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay ka war heyso, kana hortagto dhibaatooyinkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-ismaaciil.mp3 The post Kenya Oo weli burburin ku heyso xarumaha Hormuud appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Warar aanu hadda helnay ayaa sheegaya in magaalada Bosaso lagu toogtay madixii shirkada DP world ee dekeda Bosaso lagu dilay mngaalada Bosaso. Paul Anthony Fermosa, [...] Source
  10. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-040219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. HORN INSTITUTE FOR PUBLIC POLICY AND SOCIAL RESEARCH POLICY BRIEF #3 FEBRUARY, 2019 SOMALILAND DEMOCRACY AT CROSS ROADS SUMMERY Tribalism in Somaliland is proving to be the stumbling block to the evolution of its democracy and political system The Significantly eroding influence of the traditional leaders and the lacking trust in the judicial system might complicate the prospect for resolving the current political stalemate among the political parties Somaliland’s political leadership should take this opportunity to enact reforms and rethink their concept of nationhood and the way forward Somaliland, dubbed as an “oasis of peace in an unstable region”, has also recorded significant strides along its journey to electoral democracy compared with any of its neighbors. Since unilaterally reclaiming independence and retreat from its unity with former Italian Somaliland in May 1991, the people of Somaliland have made every effort to build a democratic country from the rubble of where a security state once stood. Ratifying the constitution through popular referendum, they have also chosen the path of constitutional democracy which resulted in the election, through popular vote, of their presidents, local councilors to devolve power, and the representatives in the lower house. This is not done only once but six times. With the local council elections held in 2002 and 2012. Presidential elections held in 2003, 2010 and 2017; and House of Representatives held in 2005. With a long overdue elections of the House of Representatives and district councilors tentatively scheduled to be held by the end of the year of 2019. This journey, however, is not one without its difficulties and many setbacks. Political Parties and the Challenge of the Tribalism Multiparty system was introduced in Somaliland in the year of 2002. The intention was and still remains to transition to progressive, democratic and representative institutions that are not based on clan kinship as has been the norm in the traditional Somaliland communities. However, the migration towards political Parties as forums for political representation and competition did not live to that expectation. The major political parties that emerged since are much divided along clan lines rather than on ideologies and programs. For example, Wadani enjoys support mainly in the Habaryounis subclan, UCID with Ciidagale, while Kulmiye draws the bulk of its support from Gabiley Clan and East Burco Clan subclans. This shows that the support revolved around the clan identities of the leaders more than any other consideration. Indeed, it is the clan character of political parties that has contributed to the mounting polarization in Somaliland, leading to the tribalism in both the election and post-election politics that became the striking feature of Somaliland politics. During the 2017 presidential elections, for example, Somalilanders have watched with great concern the politicians revert to clan identities as the bases for the political competition. In consequence, when the voters came out in droves to cast their votes, voting was almost entirely along tribal lines. Consequently, since clans are not predicated on democratic ideas but thrive on the misconception of zero-sum gain the presidential elections resulted in Somaliland that’s more divided along clan lines than ever. Now, with the new elected government in office more than a year, the elected president has spent most of his time tackling the after-effect of the campaign and concerns on clan equilibrium in the leadership structure rather than on development programs and the many other social problems that should have occupied him. Thus far, the challenge, to the nascent Somaliland democracy is not the prevalence of diverse clans, but the use of identity politics for self-aggrandizing and to access and maintain power on the part of the politicians. Many attribute the rise of this “political tribalism” phenomena to the absence of concerted effort to build political parties that compete on ideas. In fact, the tribal practices in the Somaliland political parties has laid bare the absence and the need for strong democratic institutions and Parties that are underpinned by a search for development ideas—not the appeal to tribal alliances. Therefore, without strong democratic institutions, tribalism shall continue to fill the vacuum derailing the democratic aspirations and endangering, in the process, the hard won stability. Thus far, if Somaliland is to survive, it needs to work towards discovering an identity and institutions that transcend the current blind clan allegiances. Legislation elections and the Current Political Deadlock The original mandate of the parliament has been unduly extended many times In Somaliland. The elections have been plagued by delays attributed to technical issues as well as political disputes over the process and timing. The parliamentary election has now been delayed once again until late 2019. Absence of population census and demarcation of constituency borders, as a means to the distribution of seats between the regions, as well as some loopholes in the law has been cited as the major challenge. Complicating the matter further is the clan influence which has always played a major role in the significance attached to the distribution of the seats. The regions, in Somaliland, are defacto clan enclaves, making the parliament representation more of a clan representation perceivably reflecting clan size. On the down side, this thinking ignores to account for the mass migration towards the urban centers that has been taking place. Aware of this, two quick fixes that worked in the past may not work this time. Namely, the proportional number of seats allocated conforming to the ones assigned to respective different districts back in the 1960 but corrected to an agreed upon population growth factor; and the high court intervention. More importantly, at that time, the country was prevented from slipping into turmoil by the actions of the traditional leaders who were garnering, then, higher credibility and some diplomatic pressure from the friends of Somaliland. This time around, however, with the influence of the traditional leaders significantly waned and with no much trust in the judicial system, many see that Somaliland faces a critical constitutional and political dilemma exacerbated by cultural crises with no solution in sight. Never the less, Successful negotiation out of this political quagmire would mark a significant step forward in the evolution of the Somaliland political system, but failure with result potential for a more authoritarian governance system. On the current inter party deadlock over the holding and participation of the parliamentary elections, and the credibility of the national elections commission. The root cause can be traced to the 2017 presidential elections. In that election, Muse Bihi was declared the winner with a margin close to 15percent over the nearest political contender in an election that was widely ruled, despite minor electoral flaws here and there, as a free and fair in the international standards, and a major step towards Somaliland democratization efforts. Even so, the opposition parties grudgingly, especially Wadani, accepted the results. Subsequently, the Constitutional court upheld president Bihi’s election victory, clearing the way for the fifth Somaliland president to be sworn in. Wadani party continued with incessant complaint about the National Elections Commission (NEC), however, implying that they had been disenfranchised by a process that lacked credibility. This is widely interpreted by ruling party as an attack on the legitimacy of the president. Resulting in the ruling party fervently defending the credibility and the efficacy of the NEC citing the commendations of the international elections observers and the civil society. Upping the ante, on their part, the Wadani party casted doubt on their participation in the coming parliamentary and local council election demanding the disbanding of the current NEC and instituting a more “credible” and “representative” one as a condition for their participation. Need for Rethinking and Broad Reform The advent of the multiparty system in Somaliland has been an important mark in the democratization process. The one factor that facilitated the process was the realization that the tribalism is not sustainable; hence the need to free the people of Somaliland from the shackles of the tribalism and the old clan order. Thus far, the multiparty system must respond to the yearnings of the electorate for opportunity to identify with associations that transcend blood relations and stood for values, policies and programs that appeal to them. The political parties, hence, should reflect such aspirations and the desire for reconciliation, national unity and democratic consolidation. It should be underlined, however, that the existence of many parties per se does not necessarily provide a setting for competing values, policies and programs especially in developing polities where the basis of political affiliation is more often than not clan loyalties. The parties formed in Somaliland since 2002 have all been victims of this situation. In holding timely elections, Somaliland suffers from flexible timeline predicament, resulting in the main government organs over staying their original mandate. Resulting from these extended terms in office, though, is denying the citizens the periodic right to elect their representatives and increasing levels of unaccountability on the part of the representatives. To put to stop this culture of procrastination and mitigate the clan drag on the democratization process, what is needed is to proactively resolve the outstanding issues including the district border demarcations with the view of multi-clan representation within the district in order to encourage social integration, patching of the constitution loopholes, and intensive engagement in civic education. Bickering aside, it is known that political actors tend to make judgments about the efficacy of elections based on their perceived prospects and the existing balance of power. Thus far, Political parties and the other stakeholders need to observe the relevant laws, while agreeing on and developing an electoral commission model that results in independent, efficient and acceptable to all competing political groups, such that the country can avoid further reversions to squabbles every time election season is around the corner, derailing efforts to democratize in the process. HIPPSOR Is an independent research and debate institution dedicated to providing strategic insights and policy solutions pertaining to the region of Horn of Africa. Our research focus is on economy, energy, security, health, governance, migration and citizenship. HIPPSOR Ist Avanue. Imaratal Kheyr Bldng. Hargeisa, Somaliland . Tel. 252-63-4017979, info@hippsor.org ©HIPPSOR 2019 Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska African Intelligence ayaa warbixin uu qoray kaga hadlay khilaaf ka dhex-taagan dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka oo ku saabsan habka dowladeed ee Soomaaliya. Wargeyska ayaa qoray in madaxweyne Farmaajo iyo beesha caalamka ay isku fahmi la’yihiin madaxweynaha oo rumeysan dowlad dhexe oo awood badan, halka ayaguna ay doonayaan in sare loo sii qaado nidmaamka federaalka ee dowlad goboleedyada ay awoodda leeyihiin. Sida warbixinta wargeyska lagu sheegay, dowladda federaalka ayaa lacag badan ku bixisa sidii ay uga adkaan lahayd madaxda dowlad goboleedyada, sababto ah waxay doonayaan inay awoodooda soo xajistaan, waxayna kasoo horjeedaan nidaam dowladda dhexe ay awood leedahay. Si kastaba, wargeyska waxa uu sheegay in Farmaajo uusan walaac ka qabin aragtida dalalka caalamka badankood, gaar ahaan kuwa reer Yurub, dhowr sabab dartood. “Dib ula saaxiibka Eritrea iyo Ethiopia ayaa ka dhaadhicisay Farmaajo inuu noqon karo mid ka maarma saaxiibadiisa caalamka” ayey tiri warbiixnta. “Sidoo kale Farmaajo waxa uu rumeysan yahay inuu haysto taageerada shuruud la’aanta ah ee Washington iyo taageerada maaliyadeed ee dowladda Qatar.” Saddexdaas qodob, ayaa ku dhiiri-gelineysa Farmaajo inuu iska fogeeyo QM iyo dalalka reer galbeedka, ayay tiri warbixinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Inta aanan hoos u daadegin, horta ma aragtay xildhibaanno aad doonaysay in aad xaflad ku maamuustid oo marka aad u sheegtid inta su`aalo badan ku weydiiya, cabbaar ka dib kaa cudurdaarta? Ma la kulantay Xildhibaanno kaa ballanqaaday in ay kaala qaybgalaan xaflad, laakiin markii xilligii la gaaray taleefoonka kaa qaban waayey ama kaa cudurdaartay? Ma aragtay Xildhibaanno ku soo ajiibay oo kuu yimid, laakiin marka ay yimaadaanba kaa codsada in hadalka loogu hormariyo, marka ay hadlaanna horay ka baxa? Ma fahantay sababtaasi? Haddii aadan kasin hadda ayaan kuu sheegine, wax yar sug. Magaalada Muqdisho, waxaa waayadan ka dhaca xaflado farihii ka batay oo kala nooc ah. Iskool la furayo, jaamacad la xirayo, arday qalinjabinaysa, buug, urur, ganacsi la daahfurayo, xaflado sagoontis IWM. Qolo kasta oo hawlahaasi wax ka mid ah qabsanaysa, waxa ay raadiyaan Xildhibaanno uga qeybgala oo ay munaasabaddaasi ku weynaystaan, markaasba laga yaabaa in ay Xildhibaanno ay maalintaas oo wacaan 10naan qof oo warsanaysa in ay munaasabad kala qeybgalaan. Maxaa Xildhibaannadii ku soo kordhay? Xildhibaannadii marka ay arkeen sida loo raadinayo, waxa ay bilaabeen in ay dadka la kafkaftamaan oo markaasi ay aadaan qolada garashada leh ee maalintaas bixin karta dhaqdhaqaaqa xildhibaanka. Tii igu xiisaha badnayd Subax dhaweyto ayaan tagay hoteelka Maka-al-mukarrama. Laba wiil oo aan garanayey ayaa kor inta iga aragtay ii yeertay. Wiilashaan oo xaflad qabanqaabiyeyaal ka ahaa, ayaa inta raadiyey la kulmay Xildhibaan ay doonayeen in uu xafladdaas kala qeybgalo, laakiin waxa uu u sheegay in boqollaal meel laga wacay maanta, laakiin uu iyaga raaacayo haddii ay bixiyaan shidaalka iyo qayilaaddaa wardiyihiisa. Markaa ayey isweydiinayeen, qaddarka ay siin lahaayeen Xildhibaankaas oo gudaha hoteelka ku jiray oo ka sugayey go`aan. Aniga ayey taladii iga qeybgeliyeen, markaas baan ku iri, “War haddii ay lacag joogto, Xildhibaan lacag badan buu u baahan yehee, mana bixin kartaane, iska dhaafa.” Isjiidjiid dheer ka dib, waxa ay isla qaateen in ay 200 Doolar ku dayaan, oo haddii uu yeelana ay ballansadaan, haddii uu diidana ay iska dhafaan. Waa u tageen, waana u sheegeen. Waxa uu ku yiri, “Adeerrayaal waxaasi waxba ma ahan laakiin soo tuura, ogaadana in aan bilaash idin kugu imid iyo Soomaalinimo ee aanan waxaas meel ku tegin.” Galabtaasi waa tagay xafladdaasi aniga oo rabay in aan eego habdhaqanka Xildhibaankaasi. Waxa aan la yaabay in uu Xildhibaankaasi ahaa qofkii ugu dambeeyey oo xafladdaasi ka baxa, illeen waa nin 200 dhaarsanayee! Galabtaasi ayaan wax badan fahay. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka Kenya ayaa waxa ay ku eedeeynayaan booliska dalkaas ee ka hawlgala xadka Soomaaliya, inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, kana caawiyaan ganacsiga iyaga oo ka qaata lacag. Sida laga xiganayo cabasho ay gudbiyeen ciidanka Xoogga ee Kenya 1-da bishan Febraayo, booliska ayaa la sheegay in ay ganacsi sharci darro ah uu kala dhaxeeyo Al-Shabaab. Ciidamadu waxa ay sheegeen in ganacsigaas uu dhaqaale u soo hooyo kooxaha argagixisada ah ee falalka amni-darro ka geysta Kenya. “Waa ganacsiga sharci darada ah waxa maalgaliya Al-Shabaab hawlgaladooda oo ay ku helaan qaadidda Zakawaadka,” waxa ay ku qorneyd sidaas qeyb ka mid ah cabashada. Sida ay sheegeen ciidamada Xoogga ee Kenya, xarun boolis oo ku taal degmada Habasweyn, booliska waxa ay u adeegsaneyeen gaadiidkooda ganacsiga shacri darada ah ee ay la sameeyaan argagixisada. Ciidamada waxa ay ugu baaqeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Fred Matiang’i, iyo baaraha guud Joseph Boinnet iyo agaasimaha dacwad oogaha dowladda Nuuradiin Xaaji in ay soo faragaliyaan arrintan. Waxyaabaha booliska lagu eedeenayo waxaa ka mid ah in ay iibiyaan sonkor koontara baan ah oo ay leeyihiin Al-Shabaab oo ay kaga qaataan lacago badan. “Ciidamada Xoogga ee ku sugan Habasweyn waxa ay ka gudbiyeen booliska ku sugan halkaas eedeymo cul culus oo ay ka mid yihiin boqolaal juwaan oo sonkor ah oo ahaa sharci-darro, balse la waayey oo lagu ogaa dukaanka booliska” “Sonkorta la sheegayo waxa ay tiradooda guud lagu sheegay 309 jawaan oo sanadkii ciidamada xoogga la wareegeen xilli laga soo gudbinayey xadka Kenya iyo Soomaaliya lalana xiriiriyey Al-Shabaab,” waxaa sidaas ku cawday milatariga. Hase ahaatee, ciidamada waxa ay sheegeen in taliyaha booliska ee Habasweyn uu sonkortaas ku qaaday gaarigiisa oo uu geeyey gurigiisa ku yaala magaalada Kitui oo inta la iibiyey lacagtii loo keenay Al-Shabaab. “Taliyaha waxa uu alaabta iibinayey isaga oo adeegsanaya gaariga booliska si loo fududeeyo ganacsiga sharci darada ah. Alaabta qaar waxaa la sheegay in la geeyey gurigiisa oo ku yaal Kitui siloo sii iibiyo” “Halkii uu noqon lahaa qof ilaaliya sharciga, taliyaha waxa uu ku tagrifalay awooddiisa isaga oo ku caawiyey Al-Shabaab dhaqdhaqaaqooda isaga oo iibiyey sonkor si sharci darro ah habeen madow la soo galiyey,” waxaa sidaas sheegay ciidamada. Ciidamada waxa ay ogaadeen in sonkorta maqan tahay kaddib markii ay wey weydiiyeen oo loo waayey sharraxaad. Koox ciidamada ka mid ah oo ku sugan Dadajabula ee gobolka Wajiir ayaa sheegay in laga horistaagay in ay baaritaan ku sameeyaan dukaanka xarunta booliska markii ay ka shikiyeen in ay maqan tahay. “Ciidamada waa loo diiday in ay wax ka ogaadaan dukaanka saldhigga booliska si ay u caddeeyaan eedda. Muxuu taliyaha qarinayaa ama ka baqayaa marka uu diidayo baaritaankaas yar hadii uusan dambiile ahayn?” Waxaa sidaas yiri ciidamada. “Ha ogaado muwaadiniinta way la socdaan! Ciidamada Xoogga waxa ay dareemayaan niyad jab oo tani waxa ay saameyn doontaa la dagaalanka argagixisada ilaa la qaado tallaabo deg deg ah,” waxaa sidaas laga soo xiganayaa Ciidamada. Isha warka laga soo xigatay ayaa sheegay in ay la yaabanaayeen sida Al-Shabaab maalgalin ugu heesho dhaqdhaqaaqyadooda dalka Kenya gudihiisa ah iyo sida ay ku helaan xogaha ciidamada loo diyaariyo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  15. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan ku eedeeyey Puntland in ay tahay maamul laga xigo beesha Sool clan kaddib doorashadii dhawaan dhacday. Biixi waxa uu tusaale u soo qaatay guuldaraddii doorashadii dhaweyd ka soo gaadhay beesha Sool clan kaddib markii lagu bahdilay Garoowe Dr. Cali Ciise oo ka mid ah siyaasiyiintooda ugu saameynta badan. Madaxweynaha Somaliland oo la hadlayey ciidamada qalabka sida ee maamulkaas ayaa sheegay in Garoowe iyo Soomaaliiya la kala xigo oo ay tusaale cad u tahay sidii Dr. Cali Ciise loogu galay Puntland. Hase yeeshee, Muuse Biixi waxa uu ilaaway sida ay Somaliland oo uu Madaxweynaha u yahay xaqooda u duudsiisay beelaha aan Isaaqa ahayn sida Awdal Clan, East Sanaag Clan iyo Beesha Sool clan oo saameyn deegaan ku leh. Muuse Biixi waxa uu meesha ka saaray oo uu iska indha tiray in Sool clan aysan wali ku yeelan Xisbi Siyaasadeed Somaliland iyada oo ay dhammaan xisbiyada yihiin kuwo ay hoggaamiyaan beesha dhexe waxa loo yaqaan ee uu ka soo jeedo. Waxa uu hadalkiisa ku soo hadal qaaday Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo isna miisaan siyaasadeed ku leh Somaliland oo ka soo jeeda beesha Awdal Clan oo ay meel cidla ah dhigeen. Haa, wuu soo qaatay in Daahir Rayaale oo ay isku hayb yihiin Professor Axmed 8 sano hogaamiyey Somaliland balse kuma uusan darsan xisaabta in Samatar uga soo goystay mabdi’ii Soomaali weyn ee uu aaminsanaa. Dhammaan markii aad eegto qodobadaas waxaa kuu soo baxaya in Muuse Biixi iska hadlay ee xaqiiqda u saleysneyn waxa uu ka hadlay. Tusaale, Dr. Cali Ciise beesha uu ka soo jeedo waxa ay Somaliland uga saami yo miisaan culustay Puntland oo ay ku haystaan Madaxweyne ku xigeen iyo jagooyin badan. Madaxweynaha Somalland Muuse Biixi, kahor inta aan looga garaabin doodiisa ah in Puntland reer leeyahay waa in uu su’aalahaas ka jawaabo! W/Q: Guuleed Baashe Axmed Hargeysa, Somaliland Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Hafuus Abdullahi ayaa ka tagtay magaalada Mugdishu taarikhdu markey aheyd 14 Decembar 2018 ayadoo u Baxdey Xaalad Caafimaad Una Aadey Wadanka India Gaar Ahaan Delhi Hafuus waxey galeysaa qaliin maanta oo Isniin ah Taariikhdu Ku beegan Tahey 4 Febraury sanadka 2019-ka. Qaliinka ay galeeyso waxaa loo yaqaan (Liver Transplantation) Beerka waxa uu ka mid yahay, xubnaha ugu muhiimsan nolosha noolaha oo dhan, waxa uu qabtaa shaqooyin dhammaantood lagama maarmaan ah oo khubaradu ku sheegeen illaa 500 oo shaqo, halka qarkoodna ay kumannaan gaadhsiiyaanba. Shaqooyinkaas tirada badan ee beerka waxaa ka mid ah in uu burburiyo ama jirka ka saaro suntan soo gasha, waxa uu kaalin mug leh ka qaataa shaqada hab-dhiska difaaca, gaar ahaan shiidista maaddooyinka carbon Hydrate ka ah, Bartootiinnada iyo dufanka, sidoo kale dufanka dheeraadka ah ayaa uu jirka ka saaraa iwm, Cudurka beerka wuxuu naqan karaa mid daran oo Aan daaweyn laheyn ku dhaca beerka kuna Yeesha saameyn Xun. Wax qabadka beerka xalkiiza waa kaliyah Qofka In beerka Laga Saaro oo beer Cusub Oo Qof Kale Looga soo saarey La siiyo Hafuus ayaa waxaa beerka muddo bilooyin ah ka xanuunsanaya aabaheed daawadiisa Waxey Naqatey Inuu qaliin galo si Looga badalo Beerka. Hafuus waxey la xanuunsaneysa aabaheyd Xanuunka uu dareemaayo marwalba Wey la Murugooneysay waxey go’aansatey Iney aabaheyd ayada beerka u badasho si uu aabe caafimaadkisa ugu so laabto Dad baadan ayeey la yaab ku naqatey arintaan Qaarkood ayaa is weydiinaya horta beerka qof malo bixin karaa? Beerka Qof waa Lo bixin karaa sida Loo badalo kilyaha Ayaa Isaga na Lo badalaa qeyb Ka mid Ah beerkeeda Ayaa La siinaa aabaheyd Qalitaanka beerka Inta badan waa lagu guuleystaa In yar mooye Hafuus Abdullahi waxey gudaneysa waajibkeeda Oo kaliyah waxa nalo dhaley nalo soo Barbaariyey Waalidkeena Dhibaato Badan ayey naga Soo mareyn waxey ku dadaaali jireyn caafimaadkena, Waxey u qadi jireyn si ee anaga cunna noo siiyaan, Farxadeena ayey tooda ka hormariyaan had iyo jeer waalidka xaqooda ma gudi karno kun Iyo koow jeer mJeera nantaha hadey qatar ku Jirto nafta In loo Huro Weliba Qatar Loo Geliyo si noloshooda ay u bad baado. Gabdhaha iyo wiilasha ayaa la tilmaamaa in ay kala beer jilicsanyihiin marka laga hadlayo dhanka u baari falka waalidka gabdhaha ayaana baarisan ayeey dadka yiraahdaan. Waalidka gabdha dhalay ayaa bulshada Muslimka ah ka codsanaya in ay u soo duceeyaan gabadha iyo aabaheed. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Gabar Soomaaliyeed oo Aabaheed Maanta Beerka ugu Bixineeyso Hindiya appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa walaac xoogan ka muujiyay qorshaha bixitaanka ciidamada Burundi ee dalka Soomaaliya. Madaxweyne Waare ayaa sheegay in qorshaha bixitaanka ciidamada Burundi aan la gaarin waqtigiisa, isaga oo sheegay in maamulka Hirshabeelle uu walaac badan ka qabo go’aankaasi oo horey loo gaaray. Hadalkiisa ayaa ka dambeeyay kadib markii uu magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ahna taliyaha ciidamada ugu sareeya ee AMISOM Mr Fransisco Madeiri. 25 Maalin kadib waxaa qorshaha uu yahay in ciidamo ka tirsan kuwa Burundi oo gaaraya 1000 askari ay ka bixi doonaan dalka Soomaaliya, waxaana maamulada ay saameyn doonaan kamid ah Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed oo ay joogaan ciidamada ugu badan ee ka socdo dalka Burundi. Madaxweyne Waare ayaa sheegay in haddii ciidamada Burundi ay ka baxaan deegaanada maamulkiisa ay dib usoo noolaan karaan ciidamada Al Shabaab ee horey looga saaray deegaano badan oo ka tirsan Hirshabeelle. Ciidamada Burundi ayaa ku sugan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Mahadaay iyo deegaanada kale ee maamulka Hirshabeelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa dib usoo cusbooneysiisay qorshaha ay ku dooneyso inay ku xerto xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya kadib weerarkii Al Shabaab ku qaadeen hotelka ku yeela xaafadda Westland. Warbaahinta dalka Kenya oo soo xiganeysay saraakiisha amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ruux kamid ah shantii ruux ee weerartay Hotelka Dusit D2 ee magaalada Nairobi uu ku sugnaa xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya. Baaritaano laamaha amaanka ay sameeyeen kadib waxaa la ogaaday ruuxa kamid ah shanta ruux in cadeymo qaxootinimo inuu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadibna ay u sahlanaatay inuu weerarkaasi fuliyo. Dowladda Kenya ayaa hadda sheegtay inay dib u eegayaan xeritaanka xerada Dhadhaab ee dalka Kenya, waxaana la sheegay in mar badan shakiyo laga muujiyay suurta galnimada in Al Shabaab ku dhuumaaleysan karaan xeryahaasi. Dowladda Kenya weli kuma dhawaaqin qorshaha la sheegay inay ku xiri doonaan Xeryahaasi, balse waxaa socda La-tashiyo iyo Dib-u-eegista qorshahaasi. Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dalka Kenya Mr Nakiaseri ayaa horey u sheegay in Al Shabaab ay ku dhuumaaleystaan xeryaha qaxootiga islamarkaana loo baahan yahay dowladda Kenya inay xerto xeryahaasi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  19. By MOHAMED AHMED When authorities raided four mosques in Mombasa following their links to radicalisation of youth in 2014, police said they had made a “major” step in the fight against terrorism. The mosques – Masjid Musa, Masjid Sakina, Masjid Swafaa and Masjid Mina – located in Majengo and Kisauni were then temporarily shut down and opened later after an agreement between security agents and local Muslim leaders. By then, police believed they had dismantled terror cells that were the breeding grounds for terrorists. It was after the raid that hundreds of youths from Mombasa who had been radicalised were forced to flee to hideouts. The radical teachings had by that time spread to Kwale County where a number of youths were also recruited. Many, according to police reports, ended up in Somalia to join the Al-Qaeda affiliated terror group Al- Shabaab. After a few years of training, the recruits, most of whom are well educated ,sneaked back into the country to lure their peers into the group. It was not until the recent Dusit complex terror attack in Nairobi, which claimed 21 lives, that Anti-Terror Police Unit (ATPU) officers affirmed that the war on terror was far from over. After the attack, a series of arrests of suspects believed to be planning to join the terror group were made across the country. CHANGE TACK There was a raid in Kitui County where four suspects, among them three foreigners and a Kenyan, were arrested in two hotels over terror-related suspicions. Also arrested were 12 suspects including a New Zealand national and another foreigner in possession of an Ethiopian passport. The two were arrested near the Kenya-Somalia border. The other 10 suspects were arrested during an operation at the Dadaab Refugee Camp in Garissa County. Others in the list of the arrests are 17 youths arrested at a house in Samburu, Kwale County. Police say they had lived in that house for a few weeks. The 17 youths arrested included two women. Recruitment, according to intelligence reports, has now changed from being conducted in mosques to being done in “discreet” places. “The cells are currently active especially in Majengo (Mombasa). Only that the recruiters have changed tack but that is where activities are going on,” said a security source. Majengo is the place where the Nairobi attack suicide bomber Mahir Khalid Riziki comes from. Police said he was radicalised at Musa Mosque. Our source said three other cells; two in Likoni and one in Kisauni are the only ones that are currently inactive. Police believe the returnees are the operatives spreading the recruitment gospel by all means especially in Mombasa and Kwale counties. RELIGIOUS STUDIES In September last year, Sunday Nation learnt from security sources in Kwale that a number of youth were recruited with a promise of being taken to madrasa. The new way of recruitment involved the youth aged between 15 and 24 to collect letters of “consent” from their area chief for them to proceed for “religious studies.” “Recruitment has been on and it is now worse here at the interior parts of Kwale. A group of youth were lured into joining the terror group by false promise of being taken to madrasa. To date their parents have not heard anything from them,” said our source. The new recruitment strategy which was discovered later by both the area chiefs and parents after the youth had been recruited was conducted in Mwaluvamba and Mbita villages in Kwale. Among other ways that the recruitments are being done is through social media and disguise of businesses. Investigators of the Kwale arrests, for instance, said the youth had been assembled at the house with a promise of being offered “sales person jobs”. “Some of those arrested are as young as 17 years-old and you wonder what kind of jobs they were being offered. The probe is still on, we are sure we will get crucial leads on this,” said an officer privy to the investigations. The promise of lucrative jobs has been top on the list of ways of luring potential recruits into joining the terrorists group. COMBAT TRAINING In a past interview, an Al-Shabaab returnee who spoke to the Sunday Nation on condition of anonymity said that recruits were only given transport money to facilitate movement to the “workplace”. “The big salary you had been promised remains a dream,” he said. While at the camp, the returnee said, youths are taken through paramilitary training for two years before “graduating” and going to war. They would wake up at 4am and end the day at 5pm every day. He said the recruits are trained on how to operate firearms and grenades. On Tuesday, the Sunday Nation learnt, top security agents at the Coast met at the Uhuru na Kazi offices to discuss how to counter the threat. They discussed how to destroy the cells which, sources said, have been “active and operational.” Meanwhile, on Monday, the government said it was focused on the war on terrorism. Government Spokesman Eric Kiraithe said the government would seal all loopholes exploited by the radicals. MADRASA Mr Kiraithe said the country will only defeat terrorism if vigilance from the community to the government level is seamless. “Efforts to eradicate terrorism must continue. The multi-agency approach is bearing fruit and everyone should be on the lookout. Nobody should be complacent as we are dealing with a wicked enemy,” he said. He said Kenyans must be vigilant and have zero tolerance for this crime in order to end it. His remarks came a week after President Uhuru Kenyatta directed county commissioners to ensure every county launches and implements a “County Action Plan for the Prevention and Countering of Violent Extremism”. The commissioners are expected to report on the progress of their collaboration with civil society groups, religious leaders and other stakeholders, to ensure radicalised Kenyans and those who sway them are quickly detected and dealt with. Source: DAILY NATION
  20. GARISSA, Kenya, Feb. 3 (Xinhua) — Kenyan security forces have intensified patrols along the border with Somalia as hunt for individuals involved in the Jan. 15 attack at a Nairobi business complex gathers steam. The authorities said on Sunday that a multi-agency security team has been deployed along the Kenya-Somalia border to ward off intrusion by al-Shabab militants who carried out the attack at a hotel and business complex in Nairobi where 21 people lost their lives. Mohamed Birik, North Eastern regional commissioner, told reporters on Sunday that deployment of additional security personnel along the common frontier coupled with a swoop in the expansive Dadaab refugee camp aims to neutralize any terror threat. “We will not relent in our effort to secure the country. We will go for the terrorists and smoke them from their hideouts. However this can only be achieved through cooperation by residents volunteering information to the security apparatus,” said Birik. He said the current operation going on in Dadaab refugee complex that hosts mainly displaced Somalis has yielded fruit since it had led to the arrest of several terror suspects and recovery of some weapons and ammunitions. Birik revealed that two foreigners who were among the 12 terror suspects arrested last week in a police swoop in the refugee camp are still being interrogated. According to him, the two were holding Ethiopian and Switzerland passport that had expired visas. He said the duo gave conflicting information during interrogation on among other issues why they had not renewed their visas. “We want to dig deeper and establish their motive, whom they were working with and where they were destined to,” said Birik. He said the anti-terror police in Garissa have also sought 10 extra days from the court to probe the suspects and gather crucial leads in planning and execution of terrorist attacks in Kenya by Somalia-based militant group al-Shabab. Birik said security checks have been enhanced on public and private vehicles plying the major roads in northeastern Kenya and those destined for Nairobi.
  21. Waxaan dhegeystay khudbad maanta Muuse Biixi ka jeediyey Hargeysa. Khudabaddaas meel aan u qaado waan garan waayey. Khudbaddaasi wax nuxur ah ma lahayn runna haba sheegin. Kaaga sii darane wax badan oo iska hor imaanaya oo isaga dib ugu soo noqonaya ayaa ka buuxay. Bal aan soo qaadano waxyaaluhuu ka hadlay. 1) Farmaajo iyo Khayre: Wuxuu Muuse yidhi dagaal iyo colaad joogta ah iyo weeraro ayay Somaliland ku hayaan. Waa eed, ha yeeshee Muuse ma raacin meelaha ay colaadda ku soo qaadeen iyo goorta/amminta ay soo qaadeen. Waxa intaas dheer weli maynaan maqal Farmaajo iyo Khayre oo Somaliland wax xun ka sheegaya (inta badanna maba soo hadal qaadaan)! 2) Xuduud beeleed: Muuse wuxuu sheegay in Farmaajo xuduud beeleed samaynayo ama taageerayo, warkan xaggee buu Muuse Biixi ka keenay? Weli yaa maqlay Farmaajoo xuduudo beeleed ka hadlaya. Xuduuddase Muuse ka hadlayo waxaan u qaatay tan gobolka Sool, Koonfurta iyo Bariga Sanaag iyo Buuhoodle. Degaannadaas cidda aya isku hayaan Muuse waa ogyahay oo waa dadkii degganaa oo Soomaalinnimo raba, iyo maamulka Puntland. Cabdiweli Gaas iyo Farmaajona labada nin ee Soomali ugu kala fog bay ahaayeen xidhiidh iyo wadashaqaynina kamaba dhexeyn mana qarsoonayn. 3) Arrinka kale ee Muuse Biixi ka hadlay waa niman aqoonyahanno/siyaasiyiin Soomaaliyeed oo gobollada Waqooyi ka soo jeeda oo koonfur lagu xumeeyey! Su’aashu waxay tahay haddaynu tiisaba u raacno, odayadan ma Hargaysaa wax looga ogol yahay? Bal aan midmid u soo qaadanno waxay hargeysa kala kulmeen. A) Samatar 2012 ayuu kursiga Soomaali u sarreeya u tartamay cid iska hortaagtay tartankaas ma jirin nasiibkiisa ayuuna ka qaaday. Samatar siduu sheegay koonfur wuu kasoo “qalbijabay”. Wuxuu u soo wareegay dhanka Hargeysa iyo “Somaliland”. Shan sano ayuu olole ku jiray wax walba oo lagu aamminikarona wuu sameeyey xataa Hooyadiisna wuu ku abtirsay! Xisbigii uu u ololaynayey markuu guulaystayna halkuu ka sugayey in wasaiirka ugu miisaanka weyn loo dhiibayo “handaraab baa la saaray”. B) Dr. Galaydh, isaguna toddoba sanadood ayuu halgan ku jirey wuxuu ku guulaystay inuu badi dadkii degaannada SSC iyo Puntland iska horkeeno, dabadeedna u jihesto dhankaa iyo Hargeysa. Dr Galaydh waxa heshiisyo horudhaca iyo ballan qaadyo la wada galay oday Siilaanyo. Heshiisyadaas oo nuxurkiisu ahaa in Somaliland dib loo eego wada lahaanshaheeda, in xukunka iyo hantidana si siman loo qaybsado, iyo in dastuurka dib loo furo si awoodaha si xaq ah loogu qaybsado. Dr Galaydh wuxuu muddo Hotel Maansoor iyo Amabassador dhul-jiifeeyeeba Muuse Biixi markuu xukunka la wareegay dhammaan ballan qaadyadii Dr Galaydh uu Siilaanyo lagalay “Handaraaabkuu u jiiday”. C) Dr Cali Ciise Cabdi: Dr C Ciise wuxuu qayb ka ahaa kacdoonkii Khaatumo ee Dr Galaydh hoggaaminayey ee xidhiidhka u gooyey Puntland. Dr C Ciise iyadoo doorasho socoto ayuu kasoo degay Garoowe kuna dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka Madaxweynaha ee ugu sarreeya Puntland. Waxa xusid mudan inaanu wax caqabada iyo is-hortaag iyo handadaad toonna kala kulmin Puntland. Ma jiro qof keliya oo fikirkiisii ku cunsuriyeeyey ama ceeb uga dhigay. Taasi waxay tusaysaa inaan Puntland laga xigin Cali Ciise fikirkiisana uu xor u yahay markuu doonana uu ka hor imaan karo, markuu doonana Madaxweyne u tartami karo. Dr. Cali Ciise si xor ah oo la mid ah sida madaxweynihii xilka hayey iyo murashaxiintii kale ayuu hawlihiisa ololaha umaareynayey tartankiina sidaasuu ku galay nasiibkiisa ayuuna ka qaaday, isagoo qanacsan oo weliba faraxsanna Garoowe ayuu ka mababaxay, dhowaanna dib buu ugu soo noqonayaa siduu sheegay. D) Dr. Ismaciil Buu-baa: Dr. Buubaa raysalwasaare kuxigeen iyo wasiirka Arrimaha dibedda ayuu Soomaaliya ka ahaa cunfi iyo caqabad toona kalama kulmin intii uu joogay Xamar. Waxase xaqiiqo ah inuu denbiile ka qornaa dhanka Hargeysa imaatinkiisiina uu ku soo galay “cafis madaxweyne”. Halka Dr. Galaydh hadduu rabo uu Garoowe ka degi karo markuu rabo cid uu cafis ka dalbanayo iyo cid uu marti ugu noqonayaa toonna aanay jirin, sidoo kalena Xamar uu ka tegi karo markuu rabo weliba Xamar iyo Garooweba uu u tartami karo jagada ugu sarraysa (hadduu rabo). Sidoo kale Ismaaciil Buu-baa uma baahna cafis hadduu rabo inuu berrito Xamar ku noqdo amaba uu Garoowe u baahdo. Buubaa Hargeysuu kula joogaaye wuxuu Xamar ka waayey oo aad adiga Muuse Biixi ahi siisay bal hadda dadka u sheeg waa adiga “handaraabka saaraye” Gebagebadii khudbadii Muuse Biixi waxay ahayd mid iska muusanoow iyo jaahwareerin ah. Ujeedaduna waxay hayd inuu dadka Somaliland ka jeediyo dhaliilaha badan iyo qalbijabka uu ku riday. Weriyeyaasha xidhxidhan, abwaanada xildhxidhan, DERBIJIIFKII Hargeysa oo xidhxidhan, dhulkii danyarta bacadlayaasha ahaa ku ganacsan jireen oo laga dumiyey, masaakiinta dhulkoodii inta laga qaaday madaxtooyo laga dhisayo, cadaalad darrada xukunkiisa laga tabanayo oo qoyskiisa uu xilalkii ku taxay, iwm ayaa Muuse Biixi u yaalla ee hakala hadlo dadka reer Somaliland. Xuduud-beeleedka uu sheegayona cidda ay isku hayaan Farmaajo maahee waa dadkii xuduudda deganaaye Muuse yaanu dadka been ay ogyihiin u sheegin. Nabad hadduu rabona ciidankiisa hakala baxo Sool. Muuse ha ogaado in la joogo 2019 ee aan la joogin 1998. Siyaad Barre iyo ciidankii xoogga badnaa Xamar ma joogaan, Xamarna teedii baa cuslaysay. Muuse sidoo kale ha ogaado inaanu maanta ahayn jabhad SNM oo jooga Balligubadle iyo Qaaxo. Dadka Somaliland uma baahna kaana qaadan maayaan DAAROOD baa ina soo weeraraya iyo ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed baa laynoo adeegsanayaa 2019! Mohamoud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@gmail.com Qaran News