-
Content Count
212,155 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
A student who was fatally stabbed outside a sixth-form college fled “war-torn” Somalia when he was a toddler, his family has said. Mohammed Sidali was attacked outside Joseph Chamberlain College, in Highgate, Birmingham, last Wednesday. In a statement, relatives said Mohammed, known as Sidali, was an ambitious young man “fuelled” by his family’s flight from Africa. Flowers have been laid outside the college since his death on Friday. Family members said Sidali, who was born in Somalia, “had many ambitions and goals” and wanted to be an accountant. They went on to say he was an “honourable young man who strived to do his best” for his family, “who came from poverty as they fled from a war-torn country when he was just a toddler”. “He was a son, a brother, a cousin, a nephew and an amazing friend.” Several floral tributes have been left outside the college, on Belgrave Road. One read: “My thoughts and prayers are with your family at this time. You will be deeply missed”, while others said “Rest in peace angel” and “You will always be remembered”. College principal Tony Day said: “The whole college community is devastated and shocked by the tragic loss of our student, Sidali. “Sidali was a wonderful young man, who was extremely popular with his peers and teachers. “He was doing well on his science course at college and had a really bright future ahead of him.” West Midlands Police said a post-mortem examination took place on Monday, but have yet to release its findings. A 16-year-old boy has appeared at Birmingham Crown Court charged with attempted murder. The defendant, who cannot be named for legal reasons, is expected to be charged with murder at his next court appearance, due on 18 March. The post Stabbed schoolboy had fled war-torn Somalia for a new life appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Agaasimaha cisbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar, ayaa la sheegay in la filayo in xilka laga qaado, iyadoo xilkiisa loo magacaabi doono masuul kale. Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi uu toddobaadkan kulan la yeeshay agaasime Askar, oo uu ku wargeliyay in xilkiisa loo magacaabi doono Dr. Yaasiin Carab oo mar sii horaysay soo noqday agaasimaha cisbitaalkan, waxaana la sheegay in Madaxweyne Biixi uu Dr. Askar u sheegay inuu uga mahadcelinayo dedaalka uu geliyay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Lama garanayo jawaabta uu Dr. Askar ka bixiyay soo jeedinta Madaxweyne Biixi ee in xilkiisa loo magacaabi doono masuulkii uu isagu hore xilka ugala wareegay. Weli may soo bixin xil ka qaadista agaasime Dr. Askar iyo weliba magacaabista Dr. Carab, laakiin waxa la filayaa inay sida ugu dhaqsaha badan u soo baxdo. Dr. Axmed Cumar Askar, ayaa mudadii uu ahaa agaasimaha cisbitaalka Hargeysa waxa lagu ammaanaa waxyaabo badan oo horumar ah oo ku soo kordhay cisbitaalka guud ee Hargeysa, waxa kale oo lagu ammaanaa sida uu u caawiyo dadka reer Somaliland ee ay baahida caafimaad hayso ee aan awoodin inay iska bixiyaan kharashaadka cisbitaalka. Source
-
Ka dib imaatinkii kooxaha qurbajoogta ee ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada sanadihii lasoo dhaafay waxa ay fursad iyo iso soo dhawaasho u noqotay in xirfadlayaasha wadanka imaaday ay ka faa’ideestaan macalimiinta xulka qaranka iyo kooxaha kubbadda cagta ee ka dhisan gudaha dalka. Khadar Yuusuf waxa uu ka mid ahaa ciyaartooydii kooxda qurba joogta ee bishii October 2018 caasimada Muqdisho u yimid ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada tirada wafdiga kooxdaas ayaa ka kala yimid dalalka Egland,Sweden,Canada,Norway,America,isagana waxa uu kooxda kaga soo biiray degmada Gaarisa ee waqoyi bari ee Kenya,wuxuuna Goobjoog u sheegay in uu ku farax sanahay u ciyaarida kooxda Dekedda. “Tani waa tusaale yar oo qeyb ka ah horomarka safarkeenii kowaad ee Soomaaliya sanadaha soo aadan qorshaheena waa in xirfadlayaasha aan dalka kaynayno ay ka faa’iideestaan tababarayaasha xulka qaranka iyo naadiyada kubbadda cagta” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay macalin Nuur Xaaji Cabdi Wali oo ahaa layliyihii caasimada Muqdisho keenay ciyaaryahan Qadar Yuusuf bishii October 2018. 31-January 2019-Kooxda Dekedda ayaa ku guulaystay koobka Somali Super Cup 2018 laacib Qadar waxa uu ka mid ahaa xidigihii Dekedda la hantay koobkaa,wuxuuna markale sheegay in sanadaha soo aadan uu ku guulaysano koobabka kale ee kooxdiisa kusoo wajahan. 13-Febraayo 2019– Kooxda Dekedda ayaa 8-2 kaga badisay dhigeeda L.L.P Jeenyo kulan ka tirsanaa horyaalka Somali Primer League Qadar ayaa kooxdiisa u dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay tan iyo markii uu kusoo biiray bishii Janaayo. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan ciyaaryahanka Cusub Ee Kooxda Dekedd W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
‘We have called for an urgent summit so the decision can be reconsidered,’ says Burundi President Pierre Nkurunziza. Burundi President Pierre Nkurunziza has called for the African Union (AU) to urgently convene following a decision by the AU Mission in Somalia (Amisom) to withdraw its soldiers from Somalia. Nkurunziza said he wanted this decision reviewed following a closed-door meeting with Somali President Mohamed Abdullahi “Farmajo” at State House Bujumbura on Tuesday, the East African reported. Farmajo, accompanied by a delegation that included his minister of defence and the Somalia National Army (SNA) chief of staff, was in Burundi for a two-day state visit. “There is a decision which was taken by the peace and security council of the AU which we Burundians didn’t welcome and we know Somalia wasn’t pleased with it. That’s why we have called for an urgent summit so the decision can be reconsidered,” Nkurunziza said during a press briefing. The AU’s Peace Support Operations Division last December said it planned a further reduction in Amisom troops in Somalia by withdrawing 1,000 soldiers from the Burundian contingent. The UN Security Council (UNSC) stated in 2017 that it planned to significantly reduce the number of peacekeepers in Somalia by the end of February – a decision opposed by Burundi. The Somali government is also uncomfortable with the planned phased drawdown arguing that its army was not ready to take charge of the country’s security. “Burundi soldiers in Somalia have made the ultimate sacrifice and I assure the people of Burundi your soldiers’ sacrifice will not go in vain,” said Farmajo.Bujumbura asserts that since its election to the African Union Peace and Security Council on February 14, its troops should stay in Amisom. Burundian troops in Amisom are a source of hard currency for the country, with government receiving $18 million from the AU quarterly, as compensation for the soldiers. – African News Agency The post Burundi calls for urgent AU meeting over Amisom withdrawal from Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah gaadiidleyda alaabaha kasoo daabula dekada magaalada Muqdisho ayaa cabasho ka muujinaya lacago badan oo ay ka qaadaan ilaa lix shirkadood oo ay sheegeen inay qaabilsan yihiin diiwaan gelinta gaadiidka dekadda alaabaha kasoo daabula. Iyaga oo gaadiidleydaasi warbaahinta la hadlayay ayay sheegeen in laga qaado lacag gaareysa 150 dollar, balse warqadda boonada lagu qoro kaliya in laga qaado 10 dollar, iyaga oo sheegay inay taasi tahay musuq maasuq shirkadaha ay sameynayaan. Afhayeenka Guddiga Gaadliidleyda cabaneysa Cabdulaahi Cali Mujaahid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dekadda ay taalo isbaaro sharciyeysan oo aan waxba laga qaban karin, sida uu hadalka u dhigay. ”Halkii gaari ee Dekadda doonaya in uu alaab kasoo qaado boonada uu ku galayo dekadda waxaa looga qaadayaa 150-dollar, waxaana boonada loogu qorayaa kaliya 10-dollar, hadii aadan lacagtaasi lagaa rabo aadan dhiibin dekadda laguuma ogolaanayo in aad gasho, lacagtan xooga noolaga qaado rag baa kala qeybsada oo ku heshiiyay” Ayuu yiri Afhayeenka Gaadiidleyda cabaneysa. Afhayeenka u hadlay gaadiidleyda ayaa sidoo kale sheegay inay cabashadooda ay u gudbiyeen wasiirka gaadiidka iyo duulista Hawada, islamarkaana uu u balanqaaday inuu wax ka qaban doono, balse aysan jirin wax uu ilaa iyo hadda qabtay. ”Adeer waxaan kuu sheegayaa cid loo dacwoodo oon alle aheyn ma jirto, Wasiirkii aan u dacwoonay lacagta nalaga qaado ayaa wax looga qoondeeyay, Maareeyaha dekadda sidoo kale, saldhiga booliiska dekadda hadaad tagto albaabka laga soo celinayaa, rag baa noo heshiiyay oo kala qeybsada lacagtan sharci darada ah ee noolaga qaado, Madaxda dowlada hadaan u caban laheyn rag baa naga hortaagan ” Ayuu yiri Cabdulaahi Cali . Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka dekadda iyo shirkadaha la sheegay inay qaabilsan yihiin diiwaan gelinta gaadiidka ka shaqeeya dekadda magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku kulmaya magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Ra’iisul wasaaraha dalkaItoobiya Abiy Axmed ayaa casuumaad u fidiyay labadaan masuul ay wada qaadan doonaan. Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goordhow u duulayagaaladda Addis Ababa. Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay gaaray Magaaladda DJ. Jabuuti ee Caasimdda dalka Jabuuti kuna wajahan magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya. Warbaahinta si rasmi ah uma ogaan ajendayaasha looga hadli doono kulanka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi. Hadii kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi uu dhaco waxa uu noqon doonaa kulankii ugu horeeyay ee Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ay yeeshaan tan iyo sanadkii 2015kii iyadoo hakad uu ku yimid wadahadalada labada dhinac. Sanadkii 2012-dii oo aheyd xiligii uu madaxweynaha Somaliland ka ahaa Siilaanyo ayuu bilaambay wada hadalada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Wali dhinacyada dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland kama hadlin wada hadalkaan galinka dambe ee maanta Addis Ababa ku dhexmari doono Farmaajo iyo Muuse Biixi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi oo kulan ku yeelanayo Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
-
Mandera (SMN) – Maxkamad ku taalla magaalada Mandera gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa amartay in muddo shan maalmood ah la sii hayo nin Soomaali ah oo looga shakiyay in uu basaas u ahaa Al Shabaab. Maxkamadda ayaa sheegtay in muddada shanta cisho ah ay sameyn doonto baaritaano ku aadan kiiska loo heysto muwaadinkan Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Abdul Yamah Xasan oo sidoo kale heysta dhalasho Ugandes ah. Laanta la dagaalnka argagixisada dalka Kenya ayaa dhawaan ninkan ka soo qabatay gudaha magaalada Mandera,waxaana uu ku eedeysay in uu si hoose siro ugu gudbinayay Al Shabaab oo weeraro ka geysta Dalkaasi. Muddooyinkii dambe ciidamada Booliska Kenya ayaa kordhiyay howlhgallada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda xadka Soomaaliya. The post Kenya Oo amartay in xabsiga lagu hayo nin Soomaali ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jabuuti (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Jabuuti ayaa maanta kulan la qaadanaya Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle. Labada madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka walaaltinimo, iskaashiga amni ee labada dal iyo xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika. Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya wasiirka Gaashaandhigga, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. The post Madaxweynaha JFS Oo la kulmaya Dhiggiisa Jabuuti appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta dhaliilsan siyaasadda dowladda ayaa si kulul uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladaha Kenya iyo Soomaaliya. Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa sheegay in xiisaadda cusub loo baahan yahay in loo maro hab raac wanaagsan oo siyaasadeed, islamarkaana ay wanaagsan tahay inaan loo marin hadalo xanaf iyo xiisad kale abuuri kara. Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in looga baahan yahay in waxyaabaha qaar ee masiiriga ah ka qeyb galiyaan talo ahaan xisbiyada kala duwan ee dalka iyo maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya. Markii ugu horeysay ayuu ka hadlay dadka cadaadiska ku saaraya dowladda Soomaaliya inay qaadato go’aano xiisad kale abuuri kara, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in dowladda laga daayo cadaadiska lagu saarayo xiisadda ka cusub dhanka Kenya iyo Somalia. “Maalmahaan waxaan arkayay dhalinyaro badan oo ah kuwa aadka u taageera dowladda oo dhahaya Jaadka hala joojiyo iyo waxyaabo kale, waxaan leeyahay dowladda cadaadiska halaga daayo, dowladana waxaa looga baahan yahay inay go’aanadaan oo kale inay latashiyo kala sameyso xisbiyada iyo maamul goboleedyada” ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur. Dhulka ay Kenya sheeganeyso ayuu sheegay inuu yahay dhul Soomaaliyeed, islamarkaana lagu raadin doono hanaanka saxda ah, maadaama caalamka uu ka jiro heshiisyo kala xadeeya dowladaha isqabta. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/cod-1-Abdirahman-cabdi-shakur.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd masuul ka tirsanaa xafiiska xeer ilaaliyaha dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku dileen Muqdisho. Allaha u naxariistee Maxamed Mursal oo katirsanaa xafiiska xeerr ilaaliyaha ayaa waxaa toogtay koox hubeysan oo Mooto Bajaaj wadatay. Kooxdii dilka geystay ayaa waxaa ay horay u sii ka xeysteen gaari uu lahaa marxuumka ay dileen. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta dilka uu ka dhacay kuwaasi oo howlgalo sameeyay. Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca falalka dilalka ah ee loo geysto shaqaalaha dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Sarkaal katirsan xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka oo Muqdisho lagu dilay appeared first on Puntland Post.
-
Birmingham (SMN) – Ciidamada Booliska dalka Ingiriiska ayaa baaraya dil Arday Soomaaliyeed loogu geystay magaaladda Birmingham ee dalkaasi. Maxamed Sidali oo ahaa Arday wax ka baranayay College-ka lagu magacabo Joseph Chamberlain ayaa u geeriyooday dhaawac Arbacadii la soo dhaaf loogu geystay ilinka hore ee goobta uu wax ka baranayay. Waalidiinta wiilkani Soomaaliyeed ayaa ka dalbaday hay’adaha garsoorka Ingiriiska in ay cadaaladda horkeenaan cidii ka dambeysay dilka wiilkooda. Sidoo kale Waalidiinta ayaa xusay in wiilkoodu aha Arday lahaa hami mustaqbal oo ifiya, islamarkana dilkiisu uu ku reebay argagax iyo murugo xoogan. Ugu dambeyn waxa ay tilmaameen in colaadihii sokeeye ee Soomaaliya ay kaga soo carareen dalkooda, balse haatan si nasiib darro ah wiilkooda lagu dilay halkii ay soo maciin bidieen. The post Ingiriiska oo baaraya dil loo geystay Arday Soomaali ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax saakay ka dhacay degmadda Baardheere ee gobolka Gedo. Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal qaraxa ayaa lala beegsaday ciidamadda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo marayay Bartamaha degmadda. Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Itoobiya khasaare uu ka soo gaaray qaraxaasi. Dhanka kale ciidamadda Itoobiyaanka ee qaraxaasi lala eegtay ayaa furay rasaas fara badan waxayna gudaha u galeyn xaafadda Degmadda Baardheere. PUNTLAND POST The post Ciidamada Itoobiyo oo qarax lagula eegtay Baardheere appeared first on Puntland Post.
-
Bujumbura (SMN) – Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa dalalka qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ugu baaqay in ay isugu yimaadaan shir deg-deg ah,si ay uga arrinsadaan qorshaha ciidamada dalkiisa uga baxayaan Soomaaliya. Madaxweyne Nkurunzizi ayaa baaqaasi jeediyay mar uu shir jaraa’id qabtay ,kadib kulan albaabada ay u xirnaayeen uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya . Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Bujumbura ee caasimada dalka Burundi,waxaana booqashadiisa ku wehlinayay wafdi balaaran oo uu ka mid yahay wasiirka difaaca Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka. Pierre Nkurunziza madaxweynaha dalka Burundi ayaa tilmaamay in gudiga nabada iyo amniga ee Midowga Africa ay gaareen go’aan aan farxad galin dowladdiisa,taasina ay tahay sababta uu shir deg-deg ah isugu yeeray dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya. Sidoo kale madaxweynaha Burundi ayaa ku baaqay in qorshaha ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya loo baahan yahay in tiro ahaan si isku mid ah loogu qeybiyo shanta dal ee ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya. Dowlada Burundi ayaa lixdii bilood 18 Milyan oo Dollar ka hesha howgalka Midowga Africa,taas oo mag dhaw u ah ciidamada looga dilo howgalka Soomaaliya. The post Burundi Oo ku baaqday shir looga hadlayo arrimaha AMISOM appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka Golaha aqalka sare ee Kenya ayaa sheegay in uu ka kalsoon yahay in Soomaaliya ay ku guul-darreysan doonto kiiska dacwada badda Soomaaliya ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ. Kithure Kindiki, ayaa dadka Kenyaanka ah niyadda ugu dhisay in ay ka wal wal la’aadaan dacwadda dhinaca Badda ah ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo sheegay in Kenya ay guuleysan doonto. Hadalkiisa ayaa u muuqda mid aan waafaqsaneyn xaqiiqda jirta iyo cabsida xukuumadda Kenya, oo dooneysa in kiiska maxkamadda laga laabto laguna dhameeyo wada-hadal, ayada oo wararku sheegayaa inaysan kalsooni badan qabin. Kithure, ayaa sheegay in biyaha la isku heysto oo gaaraya 100,000km ay si rasmi ah u leedahay Kenya, Soomaaliyana ay dooneyso in ay xoog ku qaadato qeyb ka mid ah biyaha Dalka Kenya. Soomaaliya ayaa sanadkii 2014-kii kiiska muranka labada dal horgeysay Maxkamadda ICJ, waxaana ay Kenya dood ka keentay kiiskaas oo ay sheegtay in ay dooneyso in bannaanka lagu xalliyo. Labada dal, garyaanno ka socda ayaa isku wajahay Maxkamadda,waxaana Soomaaliya ay ku guuleysatay wareegga 1aad oo kaliya ahaa in kiiska ay Maxkamadda qaaddo iyo in meel aan maxkamad ahayn ay labada dal ku heshiiyaan. Kenya oo ilaa hadda ka biya diiddan in kiiskan ay Maxkamadda gasho ayaa waxaa ay sabtidii la soo dhaafay dalkeeda ka soo ceyrisay danjiriha Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,waxaana ay sidoo kale la baxday danjiraheedii Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dileen sarkaal ka tirsanaa xafiiska ilaalinta Qaranka, kaasi oo ku sugnaa degmada Hodon ee gobolka Banaadir. Kooxo hubeysan ayaa sarkaalka ka tirsan xafiiska Xeer ilaalinta waxay ku dileen xaafadda Siigaale ee degmada Hodon, sida dad goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen. Ruuxa la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Mursal, waxaana wararka ay sheegayaan in dablayda dilka geysatay ay ka baxsadeen goobta. Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in dableyda dishay Maxamed Mursal ay kaxeysteen gaari uu watay. Ma jirto cid sheegatay ilaa iyo hadda masuuliyadda dilka, waxaana ciidamada dilka kadib ay goobta ka bilaabeen baaritaanka dadka gaariga la baxsaday. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya. Kulankan oo uu soo qabqanqaabiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa haddii uu dhaco waxa uu noqonayaa kulankii ugu horreeyay ee Soomaaliya iyo Somailand ay yeesheen tan iyo sannadkii 2015-kii iyadoo hakad uu ku yimid wadahadallada labada dal. Madaxweyne Farmaajo xalay gaadhay magaalada Jabuuti, halkaasoo uu kula kulmayo Madaxweynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle kahor inta aanu u ambabaxin magaalada Addis Ababa. Lama oga ajandayaasha kulankan lagaga hadli doono hase yeeshee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa hore ugu eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu cunoqabatayn dhinac walba ah ku hayo Somaliland. Madaxweyne Farmaajo ayaa toddobaadkii hore kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed xilli uu ka qeybgalayay Shir Madaxeedka Ururka Midowga Afrika. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa la filayaa in uu maanta u safro magaalada Addis Ababa, kaddib markii uu martiqaad uu u soo diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Dalalka Turkiga, Jabuuti iyo Britian ayaa hore u waday dadaalada lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo shirar lagu qabtay dalalkaas. Somalilandtoday/Hargeysa/Office Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.com Source
-
BY MICHAEL RUBIN The State Department and USAID will invest more than $500 million in Somalia this year. That comes in addition to more than $1 billion in United Nations assistance. Each may hope such funds will restore prosperity and stability to Somalia, but they are wrong. Rather than ensure stability, the State Department’s Somalia strategy wastes taxpayer money and promises an Al Qaeda renaissance in the strategically important Horn of Africa. The basic problem is centralization. By deciding to channel all funds through Mogadishu, Washington and the UN are replicating the Iraq program mistakes that culminated in the UN’s oil-for-food program which to this day remains the largest corruption scandal in UN history. That program started with good intentions: To ensure Iraq used its oil revenue to the benefit of its people. But for both bureaucratic and diplomatic reasons, the UN channeled all money first through Iraqi President Saddam Hussein’s government. The rest is history: The General Accounting Office estimated that Saddam Hussein’s’ regime derived more than $10 billion in illegal revenues, and an independent investigation commissioned by UN Secretary-General Kofi Annan largely affirmed the findings. The program’s origins may have been relief, but Saddam weaponized it. When I first visited Iraqi Kurdistan in 2000, Kurds complained that they lived under double sanctions: First, the international community against Iraq and, second, the Iraqi regime’s against them. Both the UN and US effectively allowed Saddam to feed his allies and starve his opponents. Corruption thrived and, in 2003, war returned. The parallels between Iraq and Somalia are eerie. Both Saddam Hussein and Mohamed Siad Barre seized power in the late 1960s and consolidated iron grips over their countries. Both amassed huge fortunes, and both invaded their neighbors. And, as with Saddam Hussein, Siad Barre’s ambitions drove his country to genocide. While Saddam bombarded Iraq’s northern Kurds. Siad Barre turned MiG fighters against the Isaaqs in the Somaliland region. In 1991, both the Kurds and the Isaaq emerged from their respective killing fields with de facto autonomy and nascent democracy. But even as Kurds and Somalilanders began running their own affairs, UN and US sanctions remained. Symbolic unity required treating Kurds as no different than Saddam’s regime. Today, the same dynamic continues in Somaliland. Visiting diplomats and NGO workers acknowledge that the difference between the Somaliland region and Somalia proper are night and day. Somalia is among the world’s most dangerous countries; Somaliland is among the safest in Africa. Somalia’s president controls a few neighborhoods in Mogadishu and relies on foreign troops to defend even that. Somaliland has managed to secure an area the size of Missouri without foreign aid. In Somalia, an appointed parliament itself elects a president. Somaliland’s last presidential elections were the world’s first secured by biometric iris scans. Alas, the State Department’s antiquated Africa policy and lax Congressional oversight may now enable a perfect storm. Secretary of State Pompeo and USAID administrator Mark Green have doubled down on their predecessors’ policy to channel all money through Mogadishu. While the State Department tells itself it is alleviating suffering and stabilizing the Somali state, it is in reality fueling corruption, enabling Al Qaeda’s expansion, facilitating the ambitions of U.S. adversaries, and undercutting democracy. To channel all aid through Mogadishu, the State Department and USAID apparently believe, both strengthens Somalia’s recovery and reinforces the sanctity of Africa’s borders. The border issue is a red herring. Somaliland’s borders are set by map and treaty. The bigger problem is corruption. Transparency International now ranks Somalia as the world’s most corrupt country: worse than Afghanistan, Iraq, and Venezuela. Rather than build Somalia, flooding Mogadishu with cash fuels corruption that undermines its recovery. Dumping cash on Somalia will no more fuel progress than dumping billions in Iraq and Afghanistan did. Congress should instead demand the US government calibrate assistance to capacity: give aid to functioning systems; deny it to dysfunctional ones. There is greater danger: As Mogadishu hoards aid, regional inequity emboldens Al-Shabaab, al Qaeda’s regional chapter. Somaliland has transparent systems in place. Society is increasingly cashless, as even illiterate shoppers use mobile apps to pay for almost everything. Each transfer generates a receipt and ensures the kind of accountability that the bags of cash in Mogadishu do not. While Al-Shabaab thrives amongst Somali corruption and lawlessness, Somaliland has eradicated the threat. How counterproductive it is then to withdraw assistance from the only region in the Horn of Africa that works. That Somalia pockets US aid but embraces China while Somaliland seeks closer US ties is the icing on the cake. Winston Churchill supposedly said “Americans always do the right thing; they just try everything else first.” That may eventually become true in the Horn of Africa too, but unless Congress starts asking some hard questions about how US money is spent Somalia, taxpayers will be bilked and national security imperiled. Michael Rubin is a resident scholar at the American Enterprise Institute. A former Pentagon official, he teaches classes on terrorism for the FBI and on security, politics, religion and history for U.S. and NATO military units. He has a Ph.D. in history from Yale University. Source: The Hill
-
(SLT-Birmingham)-Marxuum la odhan jirey Siid Cali Maxamed oo 16-jir ah ayaa waxaa uu u geeriyooday dhaawac Tooreey oo lagu dhuftay toddobaadkii hore, isago oo dhowr maalmood ku jiray Cisbitaalka, isagoo miyir beelsanaa ama Koma ku jiray. Booliska dalkaasi ayaa sheegay inay qabteen 2 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen falkaasi oo ka dhacay magaalada Birmingham ee dalkaasi. Marxuumka geeriyooday waxay isaga iyo qoyskiisa u qaxeen dalka Britain si ay nolol fiican uga helaan. Dhinaca kale, wiil 16-jir ah iyo haweeney 18-jir ah oo ku eedeysan inay ka dambeeyeen dilka Marxuum Siid-Cali Maxamed ayaa la soo taagay Maxkamadda Birmingham, wuxuuna Garsooruhu amray in Xabsiga lagu sii hayo, waxaana dacwadooda dib loo la dhegeysan doonaa bisha soo socota ee Maarso 18-da. Wararka kale ee naga soo gaadhaya dalka Britain waxay sheegayaan inay Boliska heleen maydka nin Soomaali ah ka heleen hoygiisa oo ku yaallo Galbeedka Degmadda Hull ee Gobalka Yorkshire. Marxuumka maydkiisa la helay waxaa magaciisa lagu sheegay DAAHIR BAYGAS DIIRIYE, waana 60-jir, ilaa haddana booliska Britain waxay la’ yihiin qaraabadisia ama cid aqoonsata, iyagoo sheegay in uu wakhti dhawayd u soo wareegay Degmadda Hull. Source
-
(SLT-Halifax)-Toddobo carruur ah oo la rumaysan yahay in ay isku qoys yihiin ayaa ku dhintay, dab subixii hore qabsaday guri ku yaalla magaalada Halifax ee dalka Canada, sida ay booliisku sheegeen. Nin iyo haweenay ayaa sidoo kale ku dhaawacmay dabkaas oo kacay 01:00 saqda dhexe ee saacadda Canada Talaadadii. Dab damiska ayaa bakhtiiyay dabka oo durba dhibaato baaxad leh u gaystay dabaqa labaad ee dhismaha. Booliisku ma aysan shaacinin magacyada dadka dhintay, balse warbaahinta CBC ayaa ku warrantay in guriga gubtay ay daganaayeen qoys Suuriyaan ah. Qoyska ayaa Canada daganaa ku dhawaad sannad iyo badh, muddo lagu qiyaasay lix bilood ayayna daganaayeen Halifax, sida uu BBC-da u sheegay Imaan Cabdalla Yuusri. Wuxuu sheegay in qoysku ay tageen masaajidka Ummah, halkaas oo aaska laga qabanqaabin doono. Yuusri ayaa sheegay in ilmaha ugu da’yaraa ee dabka ku dhintay uu jiray afar bilood kan u waynna uu 15 jir ahaa. Ururuka arrimaha qaxootiga ka shaqeeya ee Halifax oo maalgaliyay dib u dajintooda ayaa qoraal ay bartooda Facebook soo dhigeen ku tilmaamay in qoyska dhintay ay yihiin Barho. Dhaawaca aabaha soo gaaray ayaa lagu sheegay “mid halis ah” xaaladdiisu aad ayay u culustahay. Dhismaha oo laba dabaq ka koobnaa ayaa u muuqda in ay waxyeelo baaxad leh ka soo gaartay dabka. Masuuliyiinta Halifax ayaa xaqiijiyay in ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo waxa dabka dhaliyay, waxayna sheegeen in ay ka hordhicid tahay in hadda la mala awaalo waxa sababay. Source
-
Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka Kenya iyo Soomaaliya, iyagoo sidoo kalana dhiran-dhiriyay doodaha labada dal ay is dhaafsanayeen tan iyo Sabtidii. Wargeyska Daily Nation ayaa hilfaha u qaaday doodda Dowladda Kenya ee ku aaddan muranka badda, iyo inaysan sugin xukunka Maxkamadda Caalamiga ICJ. KENYA OO KA CABSATAY UGANDA, SOOMAALIYA AYEY KU ORDEYSAA! Qormo aragtiyeed uu qoray wariye Macharia Gaitho ayuu ku ceebeeyay siyaasadda arrimaha dibedda Kenya, isagoo soo qaatay sida illaa hadda Dowladda Kenya uga aamusan tahay jasiiradda Migingo ee ku taalla Lake Victoria oo muddo toban sano ka badan ay gacanta ku hayaan Ciidamada Uganda, iyadoo dadka ku nool halkaasi ay yihiin Kenyan. “Dadkaasi waxay hadda arkaan sida ay u ad-adag tahay Kenya marka dhulkeeda lagu soo xadgudbo. Nasiib darro, iyaga waxba uguma toorna laakiin [halka laga hadlayo] waa dhul biyood aan cidna deganeyn oo dacalka kale ee dunida ku yaal,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Macharia Gaitho ‘BILAA DIBLOMAASIYAD’ Wariyaha qormadiisa oo dheereyd, ayuu markale ku weeraray hab dhaqanka “bilaa diblomaasiyadda” ah ee ay ku kacday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, gaar ahaan Xoghayaha Joogtada Macharia Kamau, oo warqad dalka looga ceyrinayo danjiraha Soomaaliya soo saaray. “Warqadda, waxay mararka qaar xambaarsaneyd, calaamadda bilaa diblomaasiyadda ah, kana arradan is-xakameynta ee Xoghayaha Joogtada Macharia Kamau,” ayuu ku yiri qormadiisa. TALLAABADA KENYA QAADI KARTO? Wariyuhu wuxuu miisaamay (haddiiba ay dhacdo) tallaabada Kenya qaadi karto. Wuxuuna yiri: “Warqadda [Kenya] way ka aamustay waxa xaqiiqo ahaan Kenya sameyn karto. Midda muuqan karta ayaa ah inay hubiso inaysan Soomaaliya, oo aan ciidan bad iyo mid cir lahayn, si muuqata u qaadan karin saddex xagalka lagu muransan yahay ee badweynta.” “Ciidamada Kenya waxay kaloo awoodaan inay horjoogsan karaan shirkadaha British-ka iyo Norway ee shidaalka.” LABO ARRIMOOD OO KALE Wariyaha qormadan qoray Gaitho wuxuu kaluu soo qaaday labo arrimood oo kale: Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya iyo 400,000 qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Kenya. Wuxuu sheegay in isku dayo hore oo Kenya ku rabtay inay Soomaalida qoxootiga ku ah isaga saarto ay cadaadis kagala kulantay beesha caalamka, waxa ugu fudud ee ay sameyn kartayna ay ahayd barnaamijka dib u celinta mutadawacnimada ee labada dowladood iyo Qaramada Midoobay wadajirka u wadaan. Halka ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya, wariyuhu ku sifeeyay kuwo markii horeba danaha Kenya u aaday halkaa, markii dambana magac bedeshay oo AMISOM ku biiray si ay soohdin difaac Kenya uga sameeyaan weerarada al-Shabaab. “Ciidamadu waxay si caatanimo ah ugu fidsan yihiin dhulka iyagoo gadaal ka jooga xeryo lagu gedaamay derbiyo waaweyn, halka al-Shabaab si xor ah ugu meereysato dhulka miyiga intiisa kale, laakiin joogitaanka ciidamada [Kenya] waxay dhego iyo indho u tahay hawlgallada iyo dhaq-dhaqaaqa argagixisada. Sidaa darteed, waxaa dhacda in danta Kenya ay tahay inay Soomaaliya ku sii jirto.” ayuu ku yiri qoraalkiisa. QORMO KALE: Qormo tafatireed kale oo isla wargeyskan Daily Nation lagu daabacay ayaa ku talo bixisay in Kenya iyo Soomaaliya sida ugu fiican ee khilaafka ku xallin karaan ay tahay “wada hadal” saaxiibtinimo!!. W/T: Abdalle Ahmed Mumin
-
(SLT-Washington)-Saraakiil sarsare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa dabada ka waday qorshe warshad hubka nuclearka ah sameysa, oo balaayiin dollar ku kacayso, lagaga dhiso dalka Sacuudi Careebiya. Saraakiishan ayaa sidoo kale doonayey in Maraykanku uu Sacuudiga la wadaago aqoonta teknolojiga nuclearka, iyada oo xitaa ay digniin bixinayeen saraakiisha amniga iyo kuwa anshaxa ee Maraykanku. Warkan waxaa laga soo xigtay warbixin cusub oo laga helay congresska Maraykanka. Warbixintan oo Talaadadii shalay ka soo baxday Guddi hoosaaska Kormeerka ee Aqalka Hoose ee Congresska oo hadda Dimoqraadigu uu hogaamiyo ayaa lagu sheegay in La-taliyihii hore ee Aminga Qaranka Micheal Flynn iyo labo kalkaaliye oo uu lahaa ay iska dhago tireen digniino is-xigxigay oo sheegayey in dadaaladoodu ay jabinayeen sharciyada Maraykankan. Mudanayaasha labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa welwel ka muujiyey in Sacuudigu uu hub nuclearka ah sameysan karo, haddii Maraykanku uu teknolojiga u gudbiyo iyada oo aan kormeer habboon lagu sameynin. Source
-
(SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka soo laabtay safar labo cisho qaatay oo uu ku tagay magaalada Bujunbura ee dalka Burundi ayaa xalay gaadhay dalka Jabuuti. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco uu kulan la qaato dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo la filayo in ay isla soo qaadaan xoojinta xidhiidhka, xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga amni ee labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Socdaalka madaxweynaha Soomaaliya ku tagay dalka Jabuuti ayaa imaanaya xilli uu xumaaday xidhiidhkii Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, lamana oga in labada madaxweyne isla soo qaadi doonaan arrimahan soo cusboonaaday ee labada dal. Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Maxamed Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo taliyaha Ciidamada xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho). Source
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aaddan uu gaaro magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib casumaad uu ka helay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Warar soo baxaya waxya sheegayaan in sidoo kale magaaladaasi uu ku wajahan yahay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo haatan ku sugan dalka Jabuuti. Labadan mas’uul ayaa kulan fool ka fool ah ku yeelan doona magaalada Addis Ababa, waxaana ay ka wadahadli doonaan arrimo dhowr ah. Itoobiya ayaa dooneysa hadda in dib uu u bilowdo wadahadalladii dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Somaliland oo muddo hakad ku jiray. Lama oga ajendaha rasmiga ah ee shirka mas’uuliyiintan, hase ahaatee kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horreeyey ee Labada dhinac yeeshaan tan iyo markii madaxweynaha dowladda federaalka loo doortay maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com