-
Content Count
212,155 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Moscow)-Baarlamaanka Ruushka ayaa u codeeyay in ciidammada laga mamnuuco isticmaalka telefoonnada casriga ah ee smartphones-ka loo yaqaanno inta ay shaqada ku jiraan, kaddib markii walaac laga muujiyay in isticmaalkooda baraha uu wax u dhimo ammaanka dalkaasi. Sharcigan ayaa milatariga ka mamnuucaya inay isticmaalaan telefoonno sawirrada lagu qaadi karo, muuqaallada lagu duubi karo isla markaana internetka laga isticmaali karo. Ciidammada ayaanan ka hadli Karin arrimaha milatariga amaba la hadli Karin weriyeyaasha. In ka badan 400 oo ka mid ah 450-ka xildhibaan ee aqalka hoose ee baarlamaanka Ruushka, ee the Duma, ayaa taageeray sharcigaasi. Telefoonnada dadka laga waco farriimahana looga diro ayaa loo oggol yahay inay isticmaalaan, balse tablets-ka iyo laptop-yada ayuu sharcigu mamnuucayaa. Sharcigan ayaa sugaya inay meel mariyaan aqalka sare ee baarlamaanka iyo Golaha Federaalka, kahor inta uusan qalinka ku duugin madaxweyne Vladimir Putin. Maxaa loo mamnuucay? Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in tallaabadan ay muhiim u tahay ka hortagga in xogta milatariga inay helaan waaxaha sirdoonka. Sanadihii ugu dambeeyay, qoraallo lagu soo daabacay baraha bulshada ayaa lagu soo bandhigay milatariga Ruushka oo ku sugan bariga Ukraine iyo Suuriya, mararka qaarna waxay taasi ka hor imaaneysay sheegashada dowladda ee ah inaysan halkaasi ciidammo u joogin. Tan iyo sanadkii 2017, ciidammada Ruushka ayaa waxaa looga digayay inaysan wax xog ah ku wadaagin baraha internet-ka, sida inay soo dhigaan sawirro ay iska qaadeen. Ruushka ma aha dalkii ugu horreeyay ee ciidammadiisa ka mamnuuca adeegsiga baraha internet-ka, sababo ammaan awgood. Waxaa jirtay walaac laga muujiyay ammaanka milatariga Mareykanka, kaddib markii la baahiyay xog ku saabsan saldhigyada Mareykanka ee meelo ka mid ah dunida, sida Suuriya iyo Afghanistan intii ay dagaallada socdeen. Ciidammada Mareykanka ayaase weli loo oggol yahay inay isticmaalaan baraha bulshada, balse waxay raacaan shuruuc u degsan. Source
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen agab ciidan iyo rasaas la sheegay in loo waday Al Shabaab, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada Galmudug ee kusugan magaalada Dhuusomareeb. Ciidamada amaanka ee magaalada Dhuusamareeb ayaa soo bandhigay rasaastaasi la sheegay inay u socotay Al Shabaab, waxaana lagu qabtay gaari Homey ah. Saraakiisha Galmudug ayaa sheegay in hubkaan uu saarnaa gaari Caasi ah oo ka yimid dhanka Gobolka Bari uuna ku siijeeday deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, ayna gacanta ku hayaan hubkii iyo gaarigii uu saarnaa. Ciidamada amaanka ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan wadaha gaariga caasiga ah ee oo ka yimid dhanka gobolka Bari, waxaana la ogeyn halka uu u socday gaariga hubka waday. Saraakiisha ciidamada amaanka iyo taliska Nabad Sugidda ayaa sheegay in dhawaan ay xog badan ka bixin doonaan gaariga ay qabteen iyo halka uu ku wajahnaa. Caasimada online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com
-
Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa warka subaxnimo ee Idaacadda Goobjoog, waxaana idiin tabinaya wariyaheenna Maxamed Cabdi Xasan. Halkaan hoose ka dhageyso warka: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/SAAKAY-IYO-GOOBJOOG-21-02-2019.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT- Koofur Afrikaan)-Illaa 11 Soomaali ah ayaa sanadkan bilowga ah lagu dilay dalka Koofur Afrika, halka kuwa kale la dhaawacay, iyadoo uu sii kordhayo weerarada ka dhanka ah dadka Ajnabiga ah ee dalkaas ku ganacsada. Soomaalida ayaa noqday dhibanayaasha ugu horeeya ee waxyeelada ugu badan ka soo gaara weerarada budhcada Koofur Afrikaan. Dilkii u dambeeyay ayaa habeen hore, halka kii u horeeyayna uu dhacay 5-tii bishii hore ee January sanadka 2019. 19-kii bishan oo ku beegneyd habeen hore waxaa degmada Mamalodi ee hoos tagta Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur afrika lagu dilay labo dhalinyaro Soomaali ah, halka mid kalena la dhaawacay, dhalinyarada la dilay mid kamid ah waxa uu dalkaasi ku sugnaa oo kaliya 3 bilood. 17-kii bishan waxaa lagu dilay Xaafada New Brighton magaalada Port Elizabeth ee Gobolka Eastern Cape nin lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Ibraahim, iyadoo burcada Koofur Afrikaanta ah ay dileen isagoo gaarigiisa saarnaa. 5-tii bishan Tuulo hoostagta magaalada Johannesburg, waxaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/raxiin Xaale. 29-kii bishii hore ee January sanadkan cusub ee 2019, waxaa lagu dilay tuulo hoostagta magaalada Cape Town muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaai jiray Xasan Muxudiin Caddaan, kaasoo ku magac dheeraa (Carabeey). 24-kii January waxaa tuulada Delft ee magalada Cape Town lagu dhaawacay Maxamed Jiinoow Xuseen, kaasoo markii danbe u geeriyooday dhaawaca daran ee soo gaaray, xili dhakhaatiirta ay la tacaalayeen xaaladiisa Caafimaad. 11-kii January waxaa Rustenburg lagu dilay marxuum lagu magacaabi jiray Ceydaruus Maxamed Abuukar. 11-kii January, waxaa muwaadinkaas lala dilay marxuum kale oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Maxamuud. 5-tii bishii hore ee January, waxaa lagu dilay dalka Koofur Afrika C/casiis Rooroow, iyadoo marxuum Rooroow ahaa qofkii u horeeyay ee Soomaali ah ee lagu dilo Koofur Afrika sanadikan cusub ee 2019. Si kastaba, waxaa la yaab leh in 47 maalin oo kaliya dalka Koofur Afrika lagu dilo 11 muwaadin, kuwaasoo aaney jirin wax hadal ah oo ay ka soo saartay Wasaarada Arrimaha dibadda Soomaaliya, iyadoo dhowaan ay kulmeen Wasiirada arrimaha dibadda ee labada dal. Source
-
Ciidamo Ku Sugnaa Xarunta Degmada Baardheere Oo Laga Saaray
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Baardheere (SMN)- C/qani Maxamed Baroow oo ka mid ah Siyasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo oo la hadlay Idaacada Shabeelle ee Muqdisho ayaa sheegay in Xarunta Degmada Baardheere laga saaray ciidamadii halkaasi ku sugnaa. Mr Baroow ayaa tilmaamay in arintan ay suuragashay ka gadaal markii odayaasha dhaqanka ay dedaal dheer ku bixiyeen. Siyaasigaan oo hadalkiisa sii watay ayaa dhinaca kale beeniyay wararka sheegaya in heshiis rasmi ah laga gaaray xiisad mudooyinkii dambe ka taagneyd degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Magaalada Baardheere ayaa dhawaan waxaa kulan dib u heshiisiin ah uu ku dhexmray wafdi uu horkacayo madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan,odayaal dhaqameed iyo masuuliyiin katirsan maamulka degmadaasi. The post Ciidamo Ku Sugnaa Xarunta Degmada Baardheere Oo Laga Saaray appeared first on Shabelle. View the full article -
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Howgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dhamaadka bishan Febraayo ay isaga bixi doonaan kuliyada tababarka ee Jaalle Siyaad,isla markaana ay ku wareeji doonaan ciidanka xooga dalka. Wakiilka Midowg Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka oo booqdy xarunta kuliyada Jaalle Siyaad ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay ka guuri doonaan xaruntaasi oo ay deganaayeen in ka badan 10 sano. Sidoo kale Francisco Madeira ayaa shaaca ka qaaday in dib u dhis balaaran uu ka socday kuliyada Jaalle Siyaad tan iyo bishii December ee sanadkii la soo dhaafay,si xaruntaasi ay ula wareegaan ciidanka xooga dalka. Mr Madiera ayaa hadalkiisa intaa raaciyay in sidoo kale ciidanka xooga dalka ee dagi doona xaruntaasi ay ku wareejin doonaan agabkii Milatari ee ciidamada AMISOM ay uga howgalayeen xaruntaasi. Wasiiru dowlaha wasaarada gaashaandhigga xukuumada Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa AMISOM uga mahad celiyay dedaalada joogtada ah ay ku bixinayaan nabadeynta Soomaaliya iyo taageerada ay siiyaan ciidanka dowlada Soomaaliya. Marka laga soo tago Kuliyada Jaalle Siyaad Waxay AMISOM horay uga bexeen xaruntii jaamacada umadda Soomaaliyeed iyo garoonka kubada cagta ee Muqdisho Stadium oo ay baneeyeen bishii August ee sanadkii la soo dhaafay. The post AMISOM Oo Ka Bexeysa Kuliyada Jaalle Siyaad appeared first on Shabelle. View the full article
-
Washington (SMN) Taliyaha howgalka Africom ee Mareykanka uu ka wado qaarada Africa General Thomas Weldhauser oo magaalada Munich ee dalka Jarmalka uga qeyb galayay shir looga hadlayay amaanka ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka uu dhimi doono ciidamada ka jooga dalal dhaca qaarada Africa oo Soomaaliya ay kamid tahay. General Thomas Weldhauser ayaa sheegay in 10 boqolkiiba ay dhimi doonaan ciidamada ka jooga Africa gaar ahaan Soomaaliya,sababo la xiriira caqabado dhanka amaanka oo xukuumada Washington uga imaanaya meelo ka baxsan qaarada Africa. Mareykanka ayaa dalal ay kamid tahay Soomaaliya oo Africa ku yaalla waxaa ka jooga ku dhawaad 6 kun oo ciidamo ah,kuwaas oo Milatariga dalalka ay joogaan ka caawiya la dagaalanka argagixisada iyo tababarka. Taliska Africom ee Mareykanka ayaa sheegay in dhaqaalo badan uu ku bixiyo dalalka uu ka howgalo ee qaarada Africa oo ay kamidyihiin Soomaalya iyo Nigeria,halkaas oo ay kula dagaalamaan Al-shabaab iyo ururka Bokoharaam oo dagaal xoogan kula jira dowladaha dalalkaasi. Taliyaha howgalka Africom ee Mareykanka ayaa tilmaamay in laba qaab loo dhimi ciidamada dalkaasi ka jooga qaarada Africa,qeybta koowaad ayaa 600 askari laga dhimi doonaan howgalka Mareykanka ee Africa marka la gaaro bisha June sanadka 2020 halka qeybta labaad la dhimi doono bisha January ee sanadka 2022. Hadalka ka soo yeeray Mareykanka ayaa imaanaya xili dowlada Shiinaha ay kordhineyso ciidamada ka jooga qaarada Africa ee qeybta ka ah howgalka nabad ilaalinta QM ee ka soconaya dalal badan oo k yaalla qaarada Africa. The post Mareykanka Oo Dhimaya Ciidamada Ka Jooga Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Loolan u dhaxeeya wasiirka arrimaha dibeddda Soomaaliya iyo wasiiru dowlaha ayaa ka dhex socda xarunta wasaaradda, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online. Loolankan u dhaxeeya Axmed Ciise Cawad iyo Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, ayaa salka ku haya magacaabista shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibedda iyo diblomaasiyiinta Soomaaliya ee ka howl-galaya safaaradaha Soomaaliya ee dunida. Wasiirka arrimaha dibedda, Axmed Ciise Cawad ayaa la sheegay inuu ka carrooday xilal dhowr ah oo shaqaalaha wasaaradda ah iyo diblomaasiyiin sida qunsul iyo xigahayayaal safaaradeed oo Khayr uu magacaabay, isaga oo aan la socodsiin wasiirka. Cawad ayaa kadib soo saaray warqad ay heshay Caasimada Online oo ku saxiixan 3-da Febraayo, oo uu ku amrayo inaan la magacaabin karin xil ama la qorin karin shaqaale, islamarkaana awooddaas uu isaga kaliya leeyahay. Warqadda Cawad ayaa loo diray wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo guddiga rayidka ah ee shaqaalaha, waxaana la ogeysiiyey wasiiru dowlaha iyo safaaradaha Soomaaliya ee caalamka. Xog kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in arrintan aysan ka marneyn xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Cawad ayaad aad ugu dhow madaxweynaha, halka Khayr uu ku xiran yahay ra’iisul wasaare Kheyre. Hoos ka arag warqadda kasoo baxday Cawad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga oo wareysi gaar ah siiyay Horseed media ayaa sheegay in khilaafka diblomaasiyadeed ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya ay keeneen siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo uu sida uu sheegay horey u galay heshiiyo qarsoodi ah oo ay dowladda kenya loogu saxiixay qeybo kamid ah badda Soomaaliya. Siyaasiga aya sdoo kale sheegay in ay jiraan arimo siyaasadeed oo uu salka ku haya khilaafka dibomaasiyadeed sida siyaasadda arimaha dibadda ee ay garwadeenka ka tahay Dowlada federaalka isagoona sheegay in Kenya ay u cuntami weyday barnaamijka siyaasadda arimaha dibadda ee dowlada federaalka ah ee Soomaaliya. Mar wax laga weydiiyay hadii ay jiraan qorshayaal kale oo Kenya ka damacsan tahay xiisadda diblomaasiyadda ee ay kicisay ayuu sheegay siyaasi Daahir Ciiro in hubanti ah tahay in dalalka geeska Afrika oo ay Kenya ku jirto aysan diyaar u ahayn Soomaaliya oo lasoo baxda kheyraadkeeda inkastoo uu dhaliilay hanaanka siyaasadda arimaha dibadda ee dowlada Federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn siyaasi Daahir Cabduqaadir Ciiro ayaa sheegay in xalka kaliya ee lagu wajahi karo arimahan nooca oo kale ah uu yahay qorshe cad oo ay yeelato dowladda Federaalka ayna ku garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay kiiska dacwadda ee ah yeela Maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ. Si kastaba ha ahaatee waxaa weli taagan xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyadoo aysan jiran wadahadal lagusoo afjjarayo xiisaddan soo kala dhex gashay dowladahan deriska ah. Wareysiga Siyaasi Daahir CIIRO https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Wareysi-Daahir-Ciiro.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid xildhibaanada baarlamaanka ee mucaaradka ah ayaa ka hadlay safarka madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagay magaalada Addis Ababa,Safar kaasi oo dhaliyay hadal heyn badan oo dhanka Baraha bulshada ah. Xildhibaanka ayaa sheegay inay muuqato inay dib usoo laabaneyso safaradii madaxda maamul goboleedyada looga yeeriyeeri jiray magaalada Adis Ababa isaga oo sheegay inay muuqato in dib ay u furmayaan albabaabadii horey loo xiray. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook soo dhigay ayuu ku sheegay in madaxda dalka looga baahan yahay inay la heshiiyaan madaxda maamul goboleedyada maadaama aan la isku haleyn karin Ethiopia. “Kanaalkii xiristiisa uu odogu noogu faanay dhowr bilood ka hor sow ma moodid in uu si weyn u furmay?mise furayaashii ayaa odoga laga jeep-tuugay? waxaan maqlayaa in saddex dawlad goboleed madaxdooda lagu casuumay Adis Ababa, oo qaarkood ay dhowaan u socdaalayaan!! Kanaalka la xiray waa kii jabhadda gobonimo-doonka ah ee ONLF, furayaashii iyo qaar ka mid ah halgamaayaasheedii oo garbaduubanna Villa Soomaaliya ayaa wareejisay! Itoobiya iskuma hubtide, dadkaada la heshii ayaan leenahay Oday Farmaajo, kanaalkana adigu iska soo xir, intaan Biyaha ka soo butaacayaa aadan ku hafan”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
London (Caasimada Online) – Wiil uu dhalay Muwaadin Somali-British oo muddo 20-sanno ah shaqaale ka ahaa Safaaradda Dowladda Qatar ayaa doonayaa in qoyskiisa lagu taageero Dhaqaale, si ay u sii wadaan Dacwadda ka dhanka ah Safaaradda Qatar. Wiilka Aabihiisa oo lagu magacaabo Maxamuud Axmed oo 73-jir ah waxa Safaaradda Qatar ee u shaqeynayey muddo 20-sano laga ruqseeyey sannadkii 2015-kii. Maxamuud Axmed oo ah Muwaadin British ah waxa uu ku eedeeyey in Madaxii Waaxda Daaweynta ee Safaaradda Qatar ee xilligaasi oo lagu magacaabo C/llaahi Al-Ansaari, kaasi oo uu sheegay inuu isaga ugu yeeri jirey Dameeryahow iyo Eeyahow iyo inuu ugu yaraan 2 jeer soo weeraray. Dacwadda Dhibanahaasi ayaa la sheegay inay Maxkamaduhu ka gaabsadee, sababo la xiriira Xasaanadda Diplomaasiyiinta iyo Shuruucda Xiriirka Caalamka awgiis. Dhibane Maxamuud Axmed oo in ka badan ku noolaa dalka Britain ayaa sheegay in bishii August ee sannadkii 2013-kii uu Diplomaasiga ka tirsan Safaaradda Qatar ugu yeeray Dameer, Eey iyo Addoonkii Madoobaa, isla markaana markii uu Aflagaadaaasi ka dacwoodayna laga ruqseeyey Safaaradda Qatar ee uu shaqaalaha ka ahaa. Warbaahinta dalka Britain iyo Caalamka ayaa qoray in Qoyska Maxamuud Axmed ay weli sugayaan haddii Maxkamad ku taalla gudaha dalka Britain qaadi doonaan Kisikaasi. Ugu dambeyntii, Sarkaalka ka tirsan Safaaradda Qatar ee magaalladda London ee lagu magacaabo C/llaahi Al-ansaari oo lala xiriiray waxa uu ku gaabsaday inuu beeninayo Eedeyntaasi. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
-
Balcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariirin ciidamada dowladda ku leeyihiin degmadaasi. Ciidamada Al Shabaab ayaa weeraray bar ilaalineed (Control) ku yaala dhanka Galbeed ee degmada Balcad, halkaasi oo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku sugnaayeen, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Balcad ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar kaga yimid Al Shabaab, waxaana ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan khasaaraha ka dhashay weerarka oo xalay dhacay. Dadka deegaanka degmada Balcad ayaa sheegaya in maalmihii ugu dambeeyay la hadal hayay weerarka Al Shabaab ay qorsheynayeen inay ku qaadaan degmada Balcad, waxaana soo wajahay cabsi kale kadib weerarkii xalay. Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Balcad iyo Al-Shabaab si rasmi ah ugama hadlin dagaalkaas,hayeeshee degmada Balcad ayaa dhowr jeer waxaa weerar kusoo qaaday Al-Shabaab,iyada oo Bartamihii Sanadkii tegay ee 2018 mar la wareegay wallow markii dambe isaga baxeen. Al Shabaab ayaanan sidoo kale wali ka hadal weerarka ay ku qaadeen galbeedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in askar badan ay waxyeelo kasoo gaartay weerarka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Afgooye (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaanka Baladul amiin ee duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ajaaniib ah iyo kuwa dowladda ay weerareen deegaankaasi. Ciidamada Kumaandooska dowladda ayaa la sheegay inay labo diyaaradood ay ku tageen deegaanka, iyaga kadib weerar dhanka dhulka ay ku qaaday saldhigyada ciidamada Al Shabaab ku leeyihiin deegaankaasi. Saraakiil ka tirsan ciidamada DANAB ayaa sheegay in weerarka oo ahaa mid qorsheysan ay qeyb ka ahaayeen ciidamo ajaaniib ah, waxaana lala eegtay saldhiga ciidamada Al Shabaab ee deegaanka Baladul amiin. Lama shaacin ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarka qorsheysan oo ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Cadaanka ah, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in weerarka xalay uu ahaa mid xoogan. Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya deegaanka ayaa sheegaya in weerarka kadib duqeyn ay ka dhacday deegaanka, waxaana la maqlayay dhawaqa duqeynta lala eegtay Al Shabaab. Al Shabaab wali kama aysan hadlin weerarkan, waxaana adag in la ogaado khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka dhulka ah iyo duqeynta ka dhacay duleedka degmada Afgooye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Onlkine) – Ciidanka dalka Burundi ee ku jira Howlgalka AMISOM ayaa maanta oo ah 21-ka Febraayo billaabaya in qeyb ka mid ah ay ka baxaan Soomaaliya. Cidamada Burundi ee ka howlgala Soomaaliya waxaa ay tiradoodu gaareysaa 5,432 Askari, waxaana ay ka midyihiin howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya. Ciidamada Burundi ee ku geeriyooday howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa tiradooda lagu sheegay 800 ilaa 1,000 Askari sida ka muuqata lacagta magdhowga ah ee Midowga Afrika uu siiyo Waddadama askarta uga dhintaan Soomaaliya. Wargeyska New Vision ee ka soo baxa Dalka Uganda ayaa sheegay in ciidamada Burundi ee ku geeriyooday Soomaaliya ay tiradoodu tahay 800 ilaa 1,000 Askari, waxaana uu is bar bardhig ku sameeyay lacagta Magdhowga ah ee ay Burundi ka heshay Midowga Afrika,taas oo gaareysa $18 Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Ciidamada Burundi ee ku jira Howlgalka AMISOM ayaa 1,000 Askari oo ka mid ah waxaa ay berri billaabayaan in ay ka baxaan Soomaaliya,waxaana ay daabuliddooda soconeysaa ilaa 26ka Bishan. Magacyada Askarta baxeysa ayey Burundi u gudbisay Midowga Afrika,waxaana sida qorshuhu yahay Ciidanka Burundi qeybta baxeysaa loo qabtay in ay Soomaaliya uga baxaan 28ka Bishan iyada oo la doonayo in labo maalmood ka hor waqtigaas ay isaga baxaan Soomaaliya. Ciidamada ka socda Dalka Burundi waxaa ay ka howlgalaan Gobolka Shabeellaha dhexe oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle. Ciidanka Burundi waxaa ay Soomaaliya qeybtii ugu horreysay soo caga dhigatay Bishii November ee sanadkii 2007dii,waxaana ka soo horreeyay kaliya dalka Uganda oo ay ciidankiisa ku jira AMISOM soo galeen Soomaaliya Bishii March 2007dii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dowladnimada iyo dadka hoggaamiya maxaa la isugu khaldayaa?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warqado been abuur ah, sawirro lasoo farsameeyay iyo muuqaalo lasoo jarjaray, kuwaasoo aan sal iyo raad toona laheyn waxaad maalin walba ugu imaaneysaa baraha bulshada, gaar ahaan Facebook. Qaar ka daba taga beentaas iyo kuwo ku kadsooma ayey dadki wada noqdeen. Waxaanse is weydiiyay, dadka howshaan qabanaya, miyaanay diin iyo damiir celiya laheyn? Inta badan, adduunka dadka howlaha been abuurka sameeya, waa kuwo dhaqaalo ka sameeya amaba sidaas lagu shaqaaleysiiyay, laakin midkan Soomaaliga ah isagoon haba yaraatee wax faa’ido ah ugu jirin ayuu amin iyo enerjiba ayaan walbaku bixinayaa. Waxaa maalmahan leysla dhexmarayay baraha bulshada sawir madaxweyne Farmaajo oo hab maamuus sare loogu soo dhaweeyay magaalada Bujanbura ee dalka Burundi, isagoo matalaya qaranka Soomaaliyeed. Bedelkii la bogaadin lahaa laguna faani lahaa, diin iyo damiir kuwo aan u nisbeyn karin baa sawirka madaxweynaha intay farsameeyeen sifo xun ku sheegeen, si kale, waxay madaxweynaha u muuq ekeysiiyeen inuu u rukuucayo ciidamada gaarka ee qaabilsanaa soo dhaweyntiisa. Bal Dameeroo geeso leh intee laga geli lahaa. ”Dadka sidaa yeelaya, oo awood intaa ka badan lahaan lahaa, bal maxay sameyn lahaayeen?” ayaan is weydiiyay. Been iyo run kala raad la’e, mahadi ha gaartee, taageerayaaasha Nabad iyo Nolol oo aalaaba geed dheer iyo mid gaabanba u fuula, inay fashiliyaan fowda kasta, oo lala damco muumuuska iyo maqaamka dowladnimada ayaa dadaalkooda ka dhigay hal bacaad lagu lisay. Madaxda dowladda waa ASTAANTA qaranka soomaaliyeed, waxayna metelaan shacabka. In la ceebeeyaa oo lagu been abuurtaa waxay ka dhigantahay inaad qaranka iyo dowladnimada ceebeysay. Iyagu berri wey tagayaan, laakin qaranka iyo dowladnimada baaqi ayey ahaan doonnaan. Waxaa jiri kara arrimo badan oo lagu naqdin karo madaxda dowladda xagga siyaasadda, laakin maxay micno ah ayey sameyneysaa in shaqsiyadooda lagu been abuurto, tiiyoo ay dheertahay in madaxda meel kasta ay tagaan metelaan magaca qaranka Soomaaliya. Ma filayo waxaan ka aheyn carro Ilaahey iyo cadaab aakhiro in laga dhaxlayo. Ugu danbeyn, qolooyinka howlahaas caadeystay waxaan leeyahay, bil saddex reerkana way kaa kaxeysaa reer kalena kuma geyso, si kale kuma garatide, ficilka iyo fiirooyinka ceynkaas ah adduunyana waxba idnkama tarto aakhirana cadaab mooyee. Ilaaheyna wuxuu Qur’aanka inoogu caddeeyay, kuwa been abuurka sameeeya inay qiyaamaha CADAAB dulleeya la kulmi doonaan. Waxaa kaloo ayaan darro ah, afka iyo addinka aad maanta madaxda ku aflagaadeyneysaan in berri la arko idinkoo ku amaanaya. W/Q Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid -
Eithiopian Prime Minister Dr Abiy Ahmed received at his office today the President of the Somaliland Administration Muse Bihi Abdi and his delegation. The two parties discussed and agreed on a number of key points including strengthening their people-to-people relations; ensuring the wellbeing of Ethiopians in Somaliland and working in unison on matters of peace and security. President Muse Bihi Abdi acknowledged the strides being made by Prime Minister Dr Abiy towards regional integration and accepted the Prime Minister’s call to further strengthen the close working relationship between the Somaliland Administration and Federal Government of Somalia. Relatedly, agreements have been made to undertake one-to-one and bilateral discussions in the future. In concluding their discussions, the two parties also discussed on ports utilization and other economic ties, according to Office of the Prime Minister. President Muse Bihi Abdi arrived in Addis Ababa today. Upon arrival at the Addis Ababa Bole International Airport, he was received by Ahmed Shide, Minister of Finance and Hirut Zemene, State Minister of Foreign Affairs. The post PM Abiy Holds Talks With President Of Somaliland Administration appeared first on Shabelle. View the full article
-
DFS WAY BOGAADINEYSAA WADA SHAQEYN DHAW OO AY LA YEELATO MAAMULKA SOOMAALILAND Faafin Degdeg Ah Feb 20, 2019 Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan. Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar. DHAMMAAD Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya E-mail: media@presidency.gov.so Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/ Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/ Twitter: @TheVillaSomalia Qaran News
-
Abiy iyo Muuse Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay kulan ay Addis Ababa ku yeesheen Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Qoraalka oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa u qornaa sidan. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan. Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay kulan ay yeesheen Abiy iyo Muuse Biixi appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay bogaadineyso go’aanka uu Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Biixi Cabdi uu ku aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib wada-hadal galabta ay magaalada Addis-Ababa ku yeesheen madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Bayaan kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed kadib wada-hadalladaas ayaa lagu yiri “Muuse Biixi, waxa uu aqbalay baaqa ra’iisul wasaaraha ee ah in lasii xoojiiyo xiriirka wada-shaqeyna ee Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Mid taas la xiriirta, waxaa lagu heshiiyey in la qabto wada-hadallo fool ka fool ah mustaqbalka” War-saxaafadeed caawa kasoo baxay Villa Somalia ayaa u qornaa sidan: – Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan. Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-London) Wiil uu dhalay Muwaadin Somali-British oo muddo 20-sanno ah shaqaale ka ahaa Safaaradda Dowladda Qatar ayaa doonayaa in qoyskiisa lagu taageero Dhaqaale, si ay u sii wadaan Dacwadda ka dhanka ah Safaaradda Qatar. Wiilka Aabihiisa oo lagu magacaabo Maxamuud Axmed oo 79-jir ah waxa Safaaradda Qatar ee u shaqeynayey muddo 20-sano laga ruqseeyey sannadkii 2015-kii. Maxamuud Axmed oo ah Muwaadin British ah waxa uu ku eedeeyey in Madaxii Waaxda Daaweynta ee Safaaradda Qatar ee xilligaasi oo lagu magacaabo C/llaahi Al-ansaari, kaasi oo uu sheegay inuu isaga ugu yeeri jirey Dameeryahow iyo Eeyahow iyo inuu ugu yaraan 2 jeer soo weeraray. Dacwadda Dhibanahaasi ayaa la sheegay inay Maxkamaduhu ka gaabsadee, sababo la xiriira Xasaanadda Diplomaasiyiinta iyo Shuruucda Xiriirka Caalamka awgiis. Dhibane Maxamuud Axmed oo in ka badan ku noolaa dalka Britain ayaa sheegay in bishii August ee sannadkii 2013-kii uu Diplomaasiga ka tirsan Safaaradda Qatar ugu yeeray Dameer, Eey iyo Addoonkii Madoobaa, isla markaana markii uu Aflagaadaaasi ka dacwoodayna laga ruqseeyey Safaaradda Qatar ee uu shaqaalaha ka ahaa. Warbaahinta dalka Britain iyo Caalamka ayaa qoray in Qoyska Maxamuud Axmed ay weli sugayaan haddii Maxkamad ku taalla gudaha dalka Britain qaadi doonaan Kisikaasi. Ugu dambeyntii, Sarkaalka ka tirsan Safaaradda Qatar ee magaalladda London ee lagu magacaabo C/llaahi Al-ansaari oo lala xiriiray waxa uu ku gaabsaday inuu beeninayo Eedeyntaasi. Source
-
Addis Ababa (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay Madaxwaynaha Somaliland, Muus Biixi Cabdi, oo halkaasi booqday. Kulanka labada mas’uul oo diirada lagu saarey arrimo badan ayaa waxaa qayb ka ahaa wasiiro ka kala socda labada dhinac. Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xafiiska Abiy Axmed, waxay isla meel-dhigeen xoojinta cilaaqaadkooda iyo ka shaqeynta amniga iyo nabada. War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Muuse Biixi uu ogolaaday in uu xoojiyo wadasheyn dhow oo uu la yeesho dowlada dhexe ee Soomaaliya. Sidoo kale, Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in laga shaqeeyo in dib loo bilaabo wadahadalada DFS iyo Somaliland oo hakad ku jira. Ugu dambeyntii, bayaanka ayaa lagu cadeeyay in ay isku afgarteen in ay yeesheen Ethiopia iyo Somaliland xiriir dhinaca isticaalka dekadaha iyo dhaqaalaha ah. The post Ethiopia oo isku soo dhaweyneysa DF iyo Somaliland appeared first on Shabelle. View the full article