Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka Kenya iyo Soomaaliya, iyagoo sidoo kalana dhiran-dhiriyay doodaha labada dal ay is dhaafsanayeen tan iyo Sabtidii. Wargeyska Daily Nation ayaa hilfaha u qaaday doodda Dowladda Kenya ee ku aaddan muranka badda, iyo inaysan sugin xukunka Maxkamadda Caalamiga ICJ. KENYA OO KA CABSATAY UGANDA, SOOMAALIYA AYEY KU ORDEYSAA! Qormo aragtiyeed uu qoray wariye Macharia Gaitho ayuu ku ceebeeyay siyaasadda arrimaha dibedda Kenya, isagoo soo qaatay sida illaa hadda Dowladda Kenya uga aamusan tahay jasiiradda Migingo ee ku taalla Lake Victoria oo muddo toban sano ka badan ay gacanta ku hayaan Ciidamada Uganda, iyadoo dadka ku nool halkaasi ay yihiin Kenyan. “Dadkaasi waxay hadda arkaan sida ay u ad-adag tahay Kenya marka dhulkeeda lagu soo xadgudbo. Nasiib darro, iyaga waxba uguma toorna laakiin [halka laga hadlayo] waa dhul biyood aan cidna deganeyn oo dacalka kale ee dunida ku yaal,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Macharia Gaitho ‘BILAA DIBLOMAASIYAD’ Wariyaha qormadiisa oo dheereyd, ayuu markale ku weeraray hab dhaqanka “bilaa diblomaasiyadda” ah ee ay ku kacday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, gaar ahaan Xoghayaha Joogtada Macharia Kamau, oo warqad dalka looga ceyrinayo danjiraha Soomaaliya soo saaray. “Warqadda, waxay mararka qaar xambaarsaneyd, calaamadda bilaa diblomaasiyadda ah, kana arradan is-xakameynta ee Xoghayaha Joogtada Macharia Kamau,” ayuu ku yiri qormadiisa. TALLAABADA KENYA QAADI KARTO? Wariyuhu wuxuu miisaamay (haddiiba ay dhacdo) tallaabada Kenya qaadi karto. Wuxuuna yiri: “Warqadda [Kenya] way ka aamustay waxa xaqiiqo ahaan Kenya sameyn karto. Midda muuqan karta ayaa ah inay hubiso inaysan Soomaaliya, oo aan ciidan bad iyo mid cir lahayn, si muuqata u qaadan karin saddex xagalka lagu muransan yahay ee badweynta.” “Ciidamada Kenya waxay kaloo awoodaan inay horjoogsan karaan shirkadaha British-ka iyo Norway ee shidaalka.” LABO ARRIMOOD OO KALE Wariyaha qormadan qoray Gaitho wuxuu kaluu soo qaaday labo arrimood oo kale: Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya iyo 400,000 qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Kenya. Wuxuu sheegay in isku dayo hore oo Kenya ku rabtay inay Soomaalida qoxootiga ku ah isaga saarto ay cadaadis kagala kulantay beesha caalamka, waxa ugu fudud ee ay sameyn kartayna ay ahayd barnaamijka dib u celinta mutadawacnimada ee labada dowladood iyo Qaramada Midoobay wadajirka u wadaan. Halka ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya, wariyuhu ku sifeeyay kuwo markii horeba danaha Kenya u aaday halkaa, markii dambana magac bedeshay oo AMISOM ku biiray si ay soohdin difaac Kenya uga sameeyaan weerarada al-Shabaab. “Ciidamadu waxay si caatanimo ah ugu fidsan yihiin dhulka iyagoo gadaal ka jooga xeryo lagu gedaamay derbiyo waaweyn, halka al-Shabaab si xor ah ugu meereysato dhulka miyiga intiisa kale, laakiin joogitaanka ciidamada [Kenya] waxay dhego iyo indho u tahay hawlgallada iyo dhaq-dhaqaaqa argagixisada. Sidaa darteed, waxaa dhacda in danta Kenya ay tahay inay Soomaaliya ku sii jirto.” ayuu ku yiri qoraalkiisa. QORMO KALE: Qormo tafatireed kale oo isla wargeyskan Daily Nation lagu daabacay ayaa ku talo bixisay in Kenya iyo Soomaaliya sida ugu fiican ee khilaafka ku xallin karaan ay tahay “wada hadal” saaxiibtinimo!!. W/T: Abdalle Ahmed Mumin
  2. (SLT-Washington)-Saraakiil sarsare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa dabada ka waday qorshe warshad hubka nuclearka ah sameysa, oo balaayiin dollar ku kacayso, lagaga dhiso dalka Sacuudi Careebiya. Saraakiishan ayaa sidoo kale doonayey in Maraykanku uu Sacuudiga la wadaago aqoonta teknolojiga nuclearka, iyada oo xitaa ay digniin bixinayeen saraakiisha amniga iyo kuwa anshaxa ee Maraykanku. Warkan waxaa laga soo xigtay warbixin cusub oo laga helay congresska Maraykanka. Warbixintan oo Talaadadii shalay ka soo baxday Guddi hoosaaska Kormeerka ee Aqalka Hoose ee Congresska oo hadda Dimoqraadigu uu hogaamiyo ayaa lagu sheegay in La-taliyihii hore ee Aminga Qaranka Micheal Flynn iyo labo kalkaaliye oo uu lahaa ay iska dhago tireen digniino is-xigxigay oo sheegayey in dadaaladoodu ay jabinayeen sharciyada Maraykankan. Mudanayaasha labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa welwel ka muujiyey in Sacuudigu uu hub nuclearka ah sameysan karo, haddii Maraykanku uu teknolojiga u gudbiyo iyada oo aan kormeer habboon lagu sameynin. Source
  3. (SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka soo laabtay safar labo cisho qaatay oo uu ku tagay magaalada Bujunbura ee dalka Burundi ayaa xalay gaadhay dalka Jabuuti. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco uu kulan la qaato dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo la filayo in ay isla soo qaadaan xoojinta xidhiidhka, xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga amni ee labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Socdaalka madaxweynaha Soomaaliya ku tagay dalka Jabuuti ayaa imaanaya xilli uu xumaaday xidhiidhkii Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, lamana oga in labada madaxweyne isla soo qaadi doonaan arrimahan soo cusboonaaday ee labada dal. Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Maxamed Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo taliyaha Ciidamada xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho). Source
  4. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aaddan uu gaaro magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib casumaad uu ka helay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Warar soo baxaya waxya sheegayaan in sidoo kale magaaladaasi uu ku wajahan yahay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo haatan ku sugan dalka Jabuuti. Labadan mas’uul ayaa kulan fool ka fool ah ku yeelan doona magaalada Addis Ababa, waxaana ay ka wadahadli doonaan arrimo dhowr ah. Itoobiya ayaa dooneysa hadda in dib uu u bilowdo wadahadalladii dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Somaliland oo muddo hakad ku jiray. Lama oga ajendaha rasmiga ah ee shirka mas’uuliyiintan, hase ahaatee kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horreeyey ee Labada dhinac yeeshaan tan iyo markii madaxweynaha dowladda federaalka loo doortay maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Washington)-Ciidamada isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka ayaa digniin ku siiyay dagaalyahanno lagu sheegay in ay yihiin kuwi ugu danbeeyay Kooxda Daacish ee Suuriya in ay is dhiibaan ama ay la dili doono. Baabuur badan oo ah kuwa xamuulka ayaa Talaadadi shalay la geeyay nawaaxiga tuulada Baghouz ee dalka Suuriya si loogu daadgureeyo dagaalyahannada Daacish ee dagaalka ka baxa iyo qoysaskooda. Ciidamada Mareykanka iyo xoogaga Kurdiyiinta ayaa sheegay in ay weeraradi doonaan Baghouz marka laga daadgureeyo dadka rayidka ah. Laakin saraakiisha dhinaca xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan ilaa iyo 200 oo qoys ku xanniban deegaankaasi. Waxay sheegeen in dagaalyahannada Daacish ee ku haray Baghouz ay diideen in carruurta iyo dumarka ay ka baxaan halkaasi. Source
  6. (SLT-Tanzania)-Dowladda Tanzania, ayaa xabsiga u dirtay Yang Fenglan, oo ah ganacsato u dhalatay dalka Shiinaha, oo lagu naaneyso “Boqoradda Faanta Maroodiga”, waxaana lagu xukumay 15-sano oo xabsi ah. Waxaa lagu eedeeyay inay si sharci darro ah u dhoofineysay boqollaal faanta maroodiga ah. Yang, ayaa lagu eedeeyay inay ka shaqeyneysay mid ka mid ah shabakadaha Africa ugu weyn ee suuq geeya faanta maroodiga, waxaa la sheegay inay mas’uul ka yihiin ka ganacsiga faan maroodi oo qiima ahaan lagu qiyaasay 2.5m oo dollar, (£1.9m), oo laga soo gooyay 400 oo Maroodi ah. Labo nin oo u dhashay dalka Tanzania, ayaa lagu helay danbi ah inay la shaqeeyaan shabakaddaasi. Faanta oo maroodiga laga soo jaro ayaa la sheegay inay sababtay hoos u dhac 20% oo tobankii sano ee ugu dambeeyay ku yimid maroodiga Afrika. Ganacsiga sharci darrada ah ayaa waxaa dabka u sii huriyay dalabka ka imaanaya Shiinaha iyo koofurta Aasiya, halkaas oo faanta loo isticmaalo in laga sameeyo jijimaha, dhego dhegaha iyo wixii la midka ah. Yang, iyo rag kale ayaa xabsiga la dhigay, kaddib markii lala xiriiriyay in si sharci darro ah ay dalka Tanzania uga dhoofiyeen 800 oo faanta maroodiga ah, intii u dhaxeysay sanadihii 2000 iyo 2014. Ragga u dhashay Tanzania, ayaa si isku mid ah loogu xukumay 15 sano oo xabsi ah. Maxkamadda Dares Salam, ee caasimadda dalkaasi Tanzania, ayaa amartay in hantida Yang lala wareego. Muddo sanad ah ayaa baaritaan lagu hayay, waxaana la xiray sanadkii 2015-kii, kaddib markii lagu cayrsaday gaari xawaare sare ku socday. Yang waxay ahayd ganacsato caan ah oo maqaayad ku leh Shiinaha, sidoo kalena shirkad maalgelin ku lahayd Dar es Salaam. Waxay si fiican ugu hadashaa luqadda Sawaaxiliga, iyadoo ku nooleyd kana shaqeyneysay dalka Tanzania tan iyo sanadkii 1970-kii, waxayna madaxweyne ku-xigeen ka soo noqotay Golaha Ganacsiga Shiinaha ee Africa xaruntiisa dalka Tanzania. Ololaha deegaanka ayaa soo dhaweeyay xarigga haweeneydaasi, sababtoo waxaa loo arkayay inay door weyn ku lahayd ka ganacsiga sharci darrada ah ee faanta maroodiga. Source
  7. Baardheere (SMN) – Inta la xaqiijiyey 8 askari ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 10 kalena waa ku dhaawacmeen , kadib qaraxyo waa weyn oo saaka aroortii hore lala eegtay cutubyo ka tirsan ciidamada Ethiopia ee ku sugan degmada Baardheere ee G/Gedo. Ciidamada ay Miinooyinkan ay la kaceen, xilli ay marayeen waddada Jayga ee gasha garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Xaaladda ayaa hadda dagan, iyadoona ciidanku baaritaano ay ka bilaabeen halkaasi, inkastoo aan la ogeyn natiijada howlgalkaasi. Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, balse Al Shabaab ayaa inta badan weeraro xoogan ka fuliya gobolka Geedo ee K/ Soomaaliya. The post Askar Itoobiyaan ah Oo lagu dilay M/ Baardheere appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ku kulmaan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay gaaray dalkaasi, kadib markii uu soo gabagabeeyey safar uu ku joogay dalka Burundi. Wararku waxay sheegayaan in kulanka maanta looga hadli doono arrimo u badan xiriirka dalka Jabuuti ee aynu walaalaha nahay. Arrimaha ammaanka iyo sidoo kale is garab istaagga ayaa ka mid ah waxyaabaha ay Labadan madaxweyne maanta ka hadli doonaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Garoowe (SMN) – Cabdi Samad Maxamed Galan wasiirka cusub ee amniga Maamulka Puntland ayaa ballan qaadey, xlli uu la wareegayey xilka in uu meesha ka sii wadi doono howlaha dhinaca amniga ah ee loo igmaday wasaaraddaasi. Wasiir Galan ayaa shaaciyay in sidoo kale uu dajin doono qorsheyaal cusub oo looga hortagayo Al Shabaab iyo Daacish. Waxaan uu intaasi ku daray in arrintan uu la kaashan doono hay’adaha hoos yimaada wasaaradda, sida talisyada Booliska iyo Sirdoonka maamulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Puntland oo wada qorshe lagu xoojinayo amniga appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Baardheere (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baradheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia halkaasi lagula eegtay Qarax, kaasi oo waxyeelo ay ka soo gaartay. Qaraxa ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana la sheegay in ciidamada Ethiopia xiligaasi ay marayeen bartamaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada ay hakiyeen gabi ahaanba dhaqdhaqaaqii xaafadaha magaaada Baardheere ee gobolka Gedo. Sidoo kale Ciidamada Itoobiya ayaa ku faafay xaafadaha ku hareereysan waddada bartamaha Magaalada marta ee qaraxyada lagula beegsaday. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyada, waxaana ay sheegeen inay ku dileen ciidamo Ethiopian ah. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
  11. Aqoonyahan C/laahi Maxamed Cismaan oo bartay xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in Khaadkii laga keenayey Kenya uu ka faa’ido badan doono kan Itoobiya, marka loo eego xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxa uu sheegay aqoonyahankan in Itoobiya dhankeeda iibsan doonto Kalluunka iyo Khudaarta dalka, taasi oo keeneysa in ganacsiga Labada dal uu sii ballaarto. Kenya ayaa khaadka ay keeneysay waxa ay ku bedalaneysay lacag, islamarkaana ma jirin wax ay dalka ka qaadan jirtay. Aqoonyahankan ayaa ku baraarijiyey ganacsatada Soomaaliyeed suuqooda cusub ee Itoobiya, sheegayna in markaan ay fursado ganacsi heli doonaan dalagyo badan oo dalka ka baxa. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/DIBLOMASI-CABDULLAHI-MAXAMED-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Gaalkacyo iyo Baydhabo ayaa sheegaya in ganacsatada Khaadka ee magaalooyinkaasi ay raaceen go’aankii ay qaateen Ganacsatada ku sugan magaalada Muqdisho. Qaar kamid ah ganacsatada magaalada Gaalkacyo iyo Baydhabo ayaa sheegay inaysan marnaba aqbaleyn inay Khaadka ka keenaan dalka Kenya, iyadoo ganacsatada Kenya ku hanjabeen inay Jaadka Somalia joojin doonaan. Laakiin waxaa soo baxaya warar sheegaya in wali Ganacsatada Kismaayo go’aan aysan qaadan inay joojiyaan Khaadka ay ka keenaan dalka Kenya, waxaana la sheegayaa inay maanta Khaadka keeni doonaan. Xaawo Cabdi Cali oo kamid ah ganacsatada Khaadka ka keena dalka Kenya kuna sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegtay inay gabi ahaanba joojiyeen Khaadka ay ka keeni jireen dalka Kenya islamarkaana ay raacsan yihiin go’aankii Ganacsatada Muqdisho. “Waxaan kamid ah Khaadka dadka Kenya ka keensada, waxaan hadda kadib garab taaganahay dowladeyda, waana joojinay inaan Khaadka ka keeno Kenya, dhibaato ayuu nagu hayaa Khaadka, kama safan karno qarankeena”ayuu yiri Xaawo Cabdi. “Dhibaato ayuu nagu hayaa Khaadka, Kenya inaga kuma noolin ee iyagaa nagu nool, malaayiin doolar ayaa maalin walbaa nagala qaataa, inaga waxba nagama soo galaan”. Kismaayo ayaa Khaadka looga keena doomo dhanka xeebta soo mara, waxaana la sheegayaa inay maanta Khaadka soo dajin doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Laba qarax oo xooggan ayaa goordhow ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo kuwaas oo lala eegtay ciidamo ka tirsan Itoobiya. Qaraxyadan oo ka dhacay bartamaha degmada Baardheere ayaa la sheegayaa iney ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, laakiin tiro sax ah lama hayo. Wadada qaraxan uu ka dhacay oo ah waddo muhiim ah oo dadku ay isticmaalan ayaa la sheegayaa in gabi ahaamba ay xireen ciidanka Itoobiya. Qaraxyadan kadib ciidanka Itoobiya ayaa ku faafay, xaafadaha degmada Baardheere, waxaana dadka degaanku ay ka baqayaan dhibaatooyinka soo noq-noqday ee degmadiaasi ka dhaca. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Qorshaha Aqalka Cad ee nukliyeerka Sacuudiga oo baadhitaan galay Dawladda Maraykanka ayaa ku degdegaysa in ay macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan tiknoolajiyadda quwadda korantada ee nukliyeerka la wadaagto Sacuudi Carabiya, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saareen aqalka wakiillada. Guddigan aqalka uu xisbiga Dimuqraadigu hoggaamiyo ayaa billaabay baaritaan ku aadan walaaca laga qabo in Aqalka Cad uu boqortooyada Sacuudiga ka dhiso warshad quwadda korontada ka dhalisa nukliyeer. Dadka sirtan dusiyay ayaa guddiga u sheegay in arrintaasi waxyeelayn karto Bariga Dhexe ayna siyaadinayso nukliyeer samaysashada. Shirkado lala xiriiriyay madaxweynaha ayaa lagu soo warramayaa in ay dabada ka riixayaan wareejinta macluumaadkaas.Warbixinta guddiga dusha kala socoshada ee Aqalka Wakiillada ayaa xustay in baaritaankan “uu muhiim yahay maadaama oo ay u muuqato in ay socoto qorshaha ay dawladda Maraykanku ay macluumaad xasaasi oo tiknoolajiyadda nukliyeerka ku saabsan kula wadaagayso dawladda Sacuudi Carabiya.” Trump ayaa Aqalka Cad kula kulmay qolyaha quwadda nukliyeerka sameeya 12 Feebaraayo, si uu ugala hadlo warshado loo dhisayo dalal Bariga Dhexe ku yaalla oo Sacuudigu ka mid yahay. Wiilka uu sodogga u yahay Trump oo la taliye u ah Aqalka Cad ayaa lagu wadaa in uu bishan safar ku maro Bariga Dhexe. La taliye Jared Kushner Dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay in ay u baahantahay quwadda korontada ee Nukliyeerka laga dhaliyo si ay wax uga qabato baahida sii kordhaysa ee korontada. Balse walaacan waxaa qayb ka ciyaara in Iiraan oo ay is hayaan ay samaysanayso tiknoolajid dhanka nukliyeerka ah, sida ay ku warramayaan warbaahinta Maraykanka. Wadahadal hore oo ku saabsanaa tiknoolajiyadda nukliyeerka Maraykanka ayaa dhammaaday ka dib markii uu Sacuudigu diiday in uu galo heshiis ku saabsan in teknoolajiyaddaan aan hub ahaan loo adeegsan doonin, balse waxaa laga yaabaa in maamulka Trump uusan daruuri u arkin heshiiska noocaas ah, sida uu ku warramay ProPublica. Dadka arrintan dhaliishan ayaa sheegaya in haddii Sacuudiga la siiyo tiknoolajiyadda nukliyeerka ee Maraykanka ay arrintaasi horseedi karto loolan halis ah oo dhanka hubka ah oo ka dhaca gobolkaas aan daganayn. Qaran News
  16. Dadaalkii Muuse Biixi oo ugu dambeyn miro-dhalay+Abiy oo casuumad rasmiya u fidiyey+Ujeedka Casuumada Dowladda Itoobiya ayaa ugu dambeyn casuumaad rasmi ah u fidisay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kadib dadaal socday muddo ku dhow sanad. Muuse biixi ayaa lagu waddaa Arbacada u safro magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, waxaana uu kulan la yeelan doonaa ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed & Madaxweynaha Somalia Farmaajo. Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Biixi uu safar ugu baxo dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed. Muuse Biixi ayaa muddo dheer dadaal ugu jiray inuu la kulmo Abiy Ahmed, waxaana dadaallo dhowr ah oo horey u sameysay Somaliland ka cudur daartay Abiy Ahmed, waxaase muuqata in ugu dambeyn la aqbalay codsigii xukuumadda Somaliland. Muuse Biixi ayaa dhowr jeer oo horey weerar ku qaaday madaxweyne Farmaajo isaga oo ku eedeeyey inuu cunaqabateyn iyo go’doon geliyey Somaliland. Isu soo dhowaanshaha Farmaajo iyo Abiy Ahmed ayaa la rumeysan yahay inay kaalin xooggan ka qaaday in Itoobiya ay albaabada ka xidhato Somaliland, iyadoo doorbiday inay toos ula macaamisho xukuumadda Muqdisho. Halkan ka Daawo Eedaha joogtada ee Muuse Biixi Ku hurgufo Farmaajaha Muqdisho:- Qaran News
  17. Maareeyaha Dekadda Berbera oo ku qarwaya kuna Riyoonaya DP World oo wac ka siinaysa Dekad 400 oo Meter ah Bisha August 2020 ka: Waxaan ka halacsday Clip yar oo Yasiin Jaamac Cali oo ka tirsan TVgu uu uga soo diray Bulsho TV Berbera kaasi oo ku saabsanaa Ururka Sodra oo shahaado sharaf sare gudoonsiinaya Maareeyaha dekadda wayn ee Berbera, taasi oo aan la garanayn waxa uu ku mutaysatay. Inkastoo ay sheegeen inuu shaqo wanaagsan qaranka Somaliland u qabtay hadana maan fahmin shaqadaa wanaagsan, wax sharaxaad ah oo Dheeraadana kamay bixin laakiin mudooyinkan danbe waxay ka noqotay wax ka caadiya Somaliland inaad aragto shahaado sharaf duulaysa oo meel ay ka socoto iyo si ay u socoto toona aanay cadayn oo aad la yaabayso ka bixinaya iyo ka la siinayo. Eng;Siciid Hassan Abdulahi oo ah Maareeyaha Dekadda ayaa hadal aad moodo inuu mirqaan hadlayo oo uu kolba dhinac u tuurayo ku fatahiyay Mikirifoonkii, kaasi oo aad mar mar moodayso inuu yahay Af-hayeen u hadlaya Waaxda Socdaalka ee Somaliland oo ka sheekaynaya in shaqaale lagu soo tababari doono dalka Imaaraadka, oo bilahan soo socda u bixi doona tababarkaa oo ay ku tagi doonaan Passaport Somaliland oo ay waliba soo saari doonto safaaradda ay Somaliland ku leedahay Imaaraadka. Taasi oo uu ka sii taba tuuray in haddii wadamo kale ay u socdaalayaan dadka reer Somaliland inay qaadan doonaan Passport Ethiopian ama kuwa kale ee aynu jaarka nahay passport-kooda. Waxa kale uu aad ula dhacsanaa wax qabad balaadhan oo dhan walba ah oo uu sheegay inay Imaaraadku inala garab taagan yihiin had iyo jeer hase ahaatee aanu wax faallo ah ku darin. Haddiiba ay wax qabad dhan walba ah inala garab taagan yihiin Imaaraadku maxaa ay ugu fasaxi waayeen muwaadiniinta kale ee reer Somaliland ee doonaya inay u socdaalaan Imaaraadka kuwaasi oo haysta passortka Somaliland ? iyadoo ay waliba Sacad Cali Shire iyo intii hor boodaysay ay heshiis ku sheegii lagu balaadhinayay Dekadda Berbera hore ugu tibaaxeen in passport-ka Somaliland lagu tagi dooni Imaaraadka. Laakiin waxa cadaatay in ah taasina ahayd Dhagax karintii hadba ka kursiga fadhiyaa uu u Karin jiray Shacabka reer Somaliland. Waxa kale oo uu Eng Siciid ku dheeraaday inaan Somaliland la aqoonsanayn, malaha waxaanuu ogayn in aanay taasi shaqadiisa ahayn. ee ay Wasaarad u xilsaarini jirto iyadoo Wasaaradda lafteedu wax fikrad ah ka haysan halka uu Sal iyo Raad dhigay Raadintii aqoonsiga Somaliland kaasi oo kolba meel lagu taro ilaa 27 sanno ee u danbeeyay. Dhulalka uu hadalka Maareeyuhu maray waa uu badnaa, haddana waxa uu duray Xildhibaan Siciid Cartan oo ay beel ka soo wada jeedaan ahna xildhibaan laga soo doortay Berbera oo hal usbuuc ka hor sheegay hadal ah inaanay wax ka soo naaso cadayn dekad 400 oo meter ah oo DP World ka dhisto Berbera. Xildhibaanku waxa uu sheegay in ayna arintaa waxba ka jirin laguna kala bixi doono bishan February oo la hubsan doono inay heshiis ku sheegaasu run noqdo iyo inuu noqdo been. La hubsayoo Gorayo Haad bay noqotay. isagoo Maareeyuhu ka xanaaqsan hadalka uu Xildhibaan Cartan hore u sheegay oo ahaa in lagu hungoobay qalab la yidhi waxa soo wada Markab oo lagu dhisi doono dekadda cusub ee 400 Meter ah taasi oo uu maareeye Eng; Siciid hore u sheegay oo hadda ku soo gabagaboowday dhawr cagaf oo duugga iyo qalab aan sidaa u sii badnayn oo aan la rumaysan Karin in dekad cusub lagu dhisi doono. Waxa aan la yaabay waxa uu maareeyuhu u difaacayo beenta DP World. waxase run ah in maareeye Siciidkan xiiqsani aanu wali fahmin sida geo-politicka Geeska Afrika isu badalay, isbadalkaasi oo uu horsed ka yahay Abiya Ahmed. Waxa uu maareyuhu aad uga gubtahay hadaladdii Xildhibaan Siciid Cartan inkastoo aanu afka ka sheegin magaca xildhibaanka Haddana waad fahmi karaysay inuu isaga u jeedo haddii aad hadalka Xidhibaanka hore u dhagaysatay. Isagoo oo waliba si qayru masuulnimo ah u hadlayay, si aan looga baahnayn qof masuul qaran ah oo sidiisoo kale ahi inuu u hadlo. Kuye August 2020-ga ayaa faraha laga qadidoonaa dekadii casriga ahayd ee Berbera, iyadoo aanay Shacabka reer Somaliland hore u maqal wax dekad ah oo la bilaabay ugu na war danbaysay maareeyaha oo yidhi qalabkii lagu dhisayay ayaa nagu soo fool leh. Haddana waxaaba la bilaabay bishii November ee sanadkii tagay. Mareeye marka aan runta kuu sheegno haddii aanu nahay shacabkii Somaliland waxaanu rumaysanay hadalkii Xildhibaan Cartan, hadalkaaguna wax badan kama Duwana kii Sacad Cali Shire uu labo cisho oo isku xigta ku kala waramay wadhi iyo wax loo fadhiyin ee haddii taasi dhab tahay ku martiqaad warbaahinta Somaliland oo soo tus Dekadda la bilaabay bishii November ee sanadkii tagay ee DP World Somaliland u dhisayso. Markaa aanu ku rumaysanee hadii kale arinku wuxuu kusoo koobmayaa maareeyaha dekadda Berbera oo ku qarwaya kuna riyoonaya DP World oo wac ka siinaysa deked 400 Meter ah Bisha August 2020-ka. Qore: Cabdi Muxumed Qaran News
  18. Waxaan idiin soo gudbineynaa warka Subaxnimo ee Goobjoog, waxaana akhrinaya, wariyaheenna Aweys Xaaji Nuur Aar. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/SAAKAY-IYO-GOOBJOOG-20-02-2019.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si kooban uga hadashay khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wax laga weydiiyay sida ay ka dawlad ahaan u arkaan khilaafkaas diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya oo sababay inay Kenya u yeedhato safiirkeedii joogay Muqdisho, dalkeedana ka saarto safiirka Soomaaliya, wuxuu Wasiir Faratoon yidhi “Arintaasi waa arin labadaas dal u taala, kolay xaaladu siday noqon doonto iyo waxay ku dambayn doonto ma ogin, waxaynu ka faa’idaysanaa ma yaalaan meesha hadeerto.” Wuxuu Wasiirku sheegay inay ka dawlad ahaan isha ku hayaan xiisadda diblomasiyadeed, “Xaaladana waanu eegaynaa oo labada dal bay u taalaa, waxaanu hadda ka nidhaahno khilaafkoodu nooma yaalaan, wixii shalay laga hadlaayey iyo waxa maanta laga hadlaayaa way kala duwan yihiin, arimahooduna way soo degeen.” Dawladda Somaliland ayaa Kenya ku leh xafiis diblomaasiyadeed, waxaanay dawladda Kenya dhawr goor sheegtay inay iyaduna xafiis diblomaasiyadeed ka furan doonto caasimadda Somaliland ee Hargeysa, taas oo aan weli hirgelin. Wasiirka arrimaha dibadda oo ayaa isagoo ka hadlaya xafiiska Kenya ee Hargeysa wuxuu yidhi “Xidhiidhka Kiiniya iyo Somaliland meel wanaagnsan ayuu marayaa waxaanay Kiiniya xafiis ka furanaysaa Somaliland, qorshiisuna wuu socdaa, waxaanay ahayd in sannadkan bilawgiisa ay furtaan, kulamo aanu madaxda dawladda Kiiniya wada yeelanay kadib waxay ku qanceen in ay xafiis dublamaasiyadeed ay ka furtaan Somaliland, dhakhsana way u furanayaan, Somaliland xafiiska ay Kiiniya ku leedahayna si wanaagsan ayuu u shaqeeyaa, xidhiidhka labada dalna aad ayuu u wanaagsan yahay.” Waxaa weli taagan xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya kadib markii toddobaadkan ay Kenya ay u sheegtay in uu dalkeeda ka baxo safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) isla markaana ay u yeedhatay safiirkeedii Lucas Tumbo. Kenya ayaa dawladda Soomaaliya ku eedaysay inay qandaraas ku siisay shirkado shidaal dhul ay leedahay. Soomaaliya waxay sheegtay inaanay bixin dhul ay Kenya leedahay, waxayna tilmaamtay in khariiradda ay Kenya sheegayso ay muujinayso dhulka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  20. Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya Muxuu Salka Ku Hayaa? Dawladda Kenya waxay si lama filaan ah ugu dhawaaqday inay dib ula soo noqonayso safiirkeedii fadhiyay Soomaliya, ayna amartay safiirkii Soomaaliya ee fadhiyay Kenya inu si deg-deg ah uga baxo waddankeeda. Tallaabadaan waxay yaab iyo amakaag ku noqotay dawladda iyo dadwaynaha Soomaalida, waayo ma jirin xiisad wayn oo taagnayd oo u baahnayd in si deg-deg ah wax looga qabto. Way jireen khilaafyo la xiriira badda Soomaaliya oo Kenya damac ka galay ka dib markii ay ogaatay in shidaal badan laga helay. Laakiin arrintaan dacwadeeda waxaa ku jiray maxkamadda caalamiga ah ee ku taal Hague. Sidoo kale, waxaa jiray xiisad ka dhalatay shirkii ka dhacay Londan 7-dii Febraayo ee 2019-ka, kaas oo lagu soo bandhigay macluumaad ku saabsan khayraadka ku jira badda Soomaaliya. Maxaa sababay in Kenya cayriso safiirkii Soomaaliaya, keediina u soo ceshato? Afhayeenka dawladda Kenya wuxuu ku andacooday in Soomaaliya ay dhul ka haysato Kenya isla markaasna xaraashtay khayraad ku jira baddaa Kenya. Afhayeenku wuxuu yiri Soomaaliya waa cadowga koowaad ee Kenya. Sidoo kale, wuxuu shacabka Kenya ku boorriyay inay kacaan oo hal meel uga soo wada jeestaan cadaawadda Soomaaliya. Hadalka afhayeenka ka soo yeeray ma ahayn hadal cabbiraya firkad shakhsi ee wuxuu ahaa mid muujinaya fikirka dawladda Kenya, isagoo waliba ku nuux-nuuxsaday in loo baahan yahay in shacabka Kenya kacaan. Dadka fallanqeeya siyaasadda waxay aamminsanyihiin inysan Kenya iskeed tallaabadaan u qaadin ee dawlado waawayn ay dabada ka riixayaan, waayo si kasta oo Kenya cadaawad ugu haysay Soomaaliya waxay muujin jirtay siyaasad maldahan oo qarinaysa dareenkeeda, iyadoo isla markaas hoos ka maja xaabinaysa dawladda Soomaaliya. Soomaaliya Ma Dhul-Bad Bay Ka Haysataa Kenya? Soomaaliya dhul iyo bad toona kama haysato Kenya, balse Kenya ayaa waxay haystaa dhul wayn oo Soomaaliya leedahay kaas oo uu Ingiriisku ku wareejiyay Kenya sanadkii 1962-63. Sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya waxay bilaabatay ka dib markii ay Kenya ogaatay in shidaal badan ku jiro badda Soomaaliya dhanka xiga xadka labada dal u dhexeeya. Shidaalka Kenya damucu ka galay waxaa sannadkii 1982-dii baaritaan ku helay shirkad Norwegian ah, laakiin soo saaritaankii saliidda ayaa waxaa isku afgaran waayay dawaladdii Soomaaliya iyo shirkaddii baaritaanka samaysay, ka dibna, waa iyadii ay bur-burtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya. Waxaa la yaab leh in ilaa markii Kenya xorriyadda qaadatay sanadkii 1963-dii ilaa iyo 2009-kii xilligii uu Shiikh Shariif ahaa madxawaynaha dawladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, aysan Kenya marna sheegan in Soomaaliya dhul ka haysato, laakiin markii ay ogaatay in saliid badan ku jirto badda Soomaaliya ee xuduudkeeda u dhow ayay, aragtayna sida dawladdii Shiikh Shariif oo ku meel gaar ahayd ay u taag darnayd, dagaalladii sokeeya ee waddanka ka socday, hoggaamiye kooxeedyadii fadhigoodu ahaa Nairobi, iyo kala qaybsanaanta dhex tiil shacabka iyo gobollada Soomaaliya ayay ku dhiiratay inay sheegato badda Soomaaliya. iyadoo ka faa’idaysanaysa duruufihii adkaa ee Soomaaliya haystay xilligaas ayaa Kenya fursadahaas heshiis hoosaad la gashay Shiikh Shariif, Raiisul wasaare Cumar Cabdirashiid, iyo wasiirkii qorshaynta qaranka Cabdiraxman Cabdishakuur, oo intuba wali damac siyaasadeed ka leh Soomaaliya, ahna mucaaradka ugu way ee dawladda hadda jirta. Ugu dambayntii Cabdiraxman Cabdisharkuur baa u saxiixay Kenya in si is faham hoose ah Kenya ula wareegto qayb ka mid ah badda Soomaaliya. Hase yeeshee heshiikaan dawladdii Shiikh Shariif la gaashay Kenya waxaa ka dhiidhiyay oo qaadan waayay shacabkii Soomaaliyeed meel ay joogaanba gudo iyo dibad. Sidaas ayuuna heshiis hoosaadkii ku fashilmay ka dib markii shacabkii Soomaaliyeed kaceen oo sameeyeen mudhaharaadyo iyo wacyi galin aad u ballaaran. Waxaan halkaan mahad gaar ah mudan madaxwaynihii hore Xasan Shiikh Maxamud oo isagu dacawd ka dhan ah Kenya u gudbiyahy maxkamadda caalamidga ah. Maxkamaddu waxay xukuntay in sheegashada Kenya ayasan haysan daw iyo culays sharci midna, laakiin waxaa la siiyay waqti dheeraad ah oo ay ku soo dhamaystirtaan sheegashadooda. Taana wali waa la sugayaa wixii ka soo bixi doona maxkamadda. soomaaliya ma Cadow bay u tahay kenya? Qof kasta oo Soomaali ah oo aad waraysato wuxuu kuu sheegayaa in shacabka Kenya ay yihiin dad aad u wanaagsan. Soomaalidu waxay aaminsan yihiin in Kenya tahay dawlad aysan kala maarmin oo ay aad isugu dhow yihiin, ayna wadaagaan deegaan, dad, ganacsi, iyo maal gashi intaba. Laakiin fikirka Kenya ka qabto Soomaaliya waa mid cuqdad cadaawadeed huwan sidii uu sheegay madaxwaynahii hore ee Kenya. Madaxwayne Arap Moi wuxuu yiri Kenya marna oggolaan mayso in Soomaaliya ka dhisanto dawlad dambe oo awood leh. Sidaas oo ay tahay, Soomaalidu aad ayay u maal gashatay Kenya, cadaawad gaar ah uma hayaan dadka iyo dawladda Kenya midna. Maxay noqon kartaa Saamaynta Dhaqaale, Ganacsi, Iyo Maal Gashi? Haddii khilaafkaan cirka isku sii shareero, dhibaatada dhaqaale badankeedu wuxuu gaarayaa Kenya waayo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal wuxuu u jan-jeeraa dhinaca Kenya oo iyagaa ku faa’ido ganacsi oo aad u badan qaba Soomaaliya. Tusaale ahaan, bil walba waxaa Kenya ka soo gala Soomaaliya boqollaal milyan oo dollar oo ka yimaada qaadka, caleenta shaaha, iwm, oo Kenya u dhoofiso Soomaaliya. Iyadoo la og yahay in wax nacfi ah aan laga helin cunidda qaadka ayaa haddana Soomaalidu malaayiin dollar ku bixisaa bil walba, haddii keenidda qaadka la joojiyana dhibaato wayn oo dhaqaale baa soo gaaraya Kenya. Taa baddalkeeda Soomaaliya wax la sheegi karo uma dhoofiso Kenya, sidaa awgeed dhib dhaqaale oo wayn ma soo gaarayo haddii ganacsiga labada dal istaago. Waxaa kale oo jira ilaa tiro kor u dhaafaysa 30 kun oo shaqaale Kenyaan ah ay ka dhex shaqeeyan Soomaaliya, ha ahaadeen kuwa u shaqeeya, UN-ta, NGO-yada, ama shirkado gaar loo leeyahay. Gudaha waddanka Kenya, waxaa iyana jira kumanaan kun oo Kenyan ah oo u shaqeeya ganacsiyada, iyo degaanada Soomaalida ku nool Kenya Saamayta xiriirk labada dal iyo siyaasadda caalamiga ah Waxaa hubaal ah in dawladda Kenya aysan si fudud u qaadan go’aankaan. Waxaa la aaminsan yahay in dawlado waawayn ay ku lug leeyihiin tallaabada ay qaadaday Kenya. Kenya waxay rabtaa inay Soomaaliya ku cadaasiso inay dacwadda maxkamadda ka noqoto oo wada hadal lagu dhameeyo khilaafka badda. Waxaa kale oo laga yaabaa in Kenya rabto inay cadaadis ku furto go’aan qaadashada maxkamadda caalamiga ah. Balse, waxaa wanaagsanayd in Kenya aysan muquunin iyo cadaadis ku raadin wax markii horeba aysan xaq iyo sharci toona u lahayn. Sidaan hore u soo sheegnay, tan iyo markii Kenya xorriyadda qaadatay ilaa sanadkii 2009-ka marna ma aysan sheegan bad iyo dhul uga maqan Soomaaliya. Haddana xalka badankiisana laga rabaa inuu ka yimaado madaama iyadu ay hor qaadday tallaabadaan. Maxaa la gudboon Soomaaliya? Jawaabta Soomaaliya bixisay ee ahayd inaysan waxba xaraashin waxna xaraashi doonin ilaa maxkamadda caalamiga ah ka soo saarayso go’aankeeda. Tallaabada ay qaadday Kenay waxay ahayd mid ay ugu talo gashay inay ku damiso xiisadda ay abuurtay Kenya, waxay jawaabtii ugu habboonayd ee ay hadda bixin kartay. Waxaase muhiim ah in dadka iyo dawladda Soomaaliyeed ay u midoobaan difaaca midnimada, madax banaanida, xuquuqda, iyo xorriyadda dalkooda (dhul, bad, iyo hawaba). Waxaa kaloo muhiim ah in la kala saaro khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya siyaasiyiinta mucaaradka iyo dawladda, iyo qadiyadda ilaalinta xuduudyada dhulka, badda Soomaaliya, iyo madax banaanida waddanka, xuquuqda dadka Soomaalida meel kasta oo ay ku nool yihiinba, gaar ahaan ku nool gudaha Kenya, ha ahaadeen qaxooti, ganacsato, ama Soomaalida Kenya. Gabo-Gabo War iyo dhammaanti, adduunka maanta aan ku nool nahay ninkaan wax dulmin isagaa la dulmiyaa ee waa in aan feejignaanteena sarre u qaadno, had iyo jeerna heegan u ahaanaa ilaalinta danaha dadka iyo dalka Soomaaliyeed, anagoo ilaalinayna xuquuqda shucuubta iyo dawladaha aan deriska nahay, laakiin isla markaa aanaan oggolaan xad gudub lagu sameeyo xuduudaha, madax banaanida iyo jiritaanka Soomaaliya. Allow Sahal Libaax Seexday Baa Niman Salaaxeene! Axmed Bashir – bashir163@gmail.com – @bashir1631
  21. Nairobi (Caasimada Online) – Kaluumeysatada Kenya ee ku dhaqan agagaarka harada Magingo ee ismaamulka Migori oo xad wadaag la ah dalka Uganda ayaa eed u jeediyay booliska Uganda oo xanibaad saaray howlahooda Kaluumeysi. Ciidanka Uganda ayaa maalin ka hor waxay ciidan soo dhoobeen harada Magingo oo ah dhul ay ku muransan yihiin Kenya iyo Uganda walow ay si rasmi ah u degan yihiin muwaadiniin u dhalatay Kenya. Gudiga ay ku mideysan yihiin kaluumeysata Kenya ayaa sheegay in markii hore ay cabsi galin kala kulmi jireen booliska uganda balse ay kordhiyeen xariga iyo jirdilka ay u geysanayaan. Waxay ay sidoo kale sheegeen in Uganda ay sheeganeysoin dhulkan uu yahay dhul ay leedahay. Dhulkan ayaa muddo sanado ah ay labadan dal isku haysteen lahaanshihiisa. Si kastaba ha ahaatee shacabka Migori ayaa ku eedeyay dowlada Kenya in aysan ka jawaabin dhibaatada ay booliska Uganda ku hayaan shacabka Kenya. Caasimada Online Xafiska Nairobi Caasimada@live.com
  22. Kulamo ka tirsan lugta hore ee wareega 16-ka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League-ga ayaa caawa laga ciyaaray qaarada Yurub. Kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich oo ka kala tirsan Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa kulan xiiso badan ku dhexmaray gagida Anfield ee Liverpool, wuxuu kulankaasi ku dhamaaday barbar-dhac gool la’aan ah (0-0). Bayern Munich ayaa awooday in ay ka badbaado halistii iyo cabsidii ay ka qabtay gagida Anfield, waxayna haysataa fursad weyn, haddii ay gagideeda Allianz Arena guul ku gaarto, halka Liverpool oo mari noqon doonta kulanka dambe ay haysato fursad badin iyo barbar-dhac gool. Kunka lugta labaad ee labadan kooxood ayaa ka dhici doona gagifa Allianz Arena ee Munich, waxaana kooxdii baxda u dugbaysaa wareega siddeed dhammaadka tartankan. Dhanka kale kooxaha Lyon iyo Barcelona oo ka kala tirsan Faransiiska iyo Isbayn ayaa iyana ku kala bixiwaayay goolal la’aan (0-0). Barcelona ayaa fursado badan oo goolal loo filan karay heshay, balse waxay awoodi weyday in ay soo taabato shabaqa Lyon, halka Lyon ay awooday in ay goolkeeda ka difaacato Barcelona oo kamid ah kooxaha ugu awooda badan Yurub. Labada kooxood ayaa ku kala bixi doona kulanka lugta labaad oo ka dhici doona gagida Barcelona ee Camp Nou. PUNTLAND POST The post Maxaa kala qabsaday Liverpool iyo Bayern, Lyon iyo Barcelona? appeared first on Puntland Post.
  23. Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo has wrapped up a two-day visit to Burundi, which is one of the troop-contributing nations to AMISOM. The office of the President has released a joint communique following the talks between the two leaders, who agreed on a range of key issues. The post Joint Communique following the State Visit by President Mohamed Abdullahi Farmajo to Burundi appeared first on Shabelle. View the full article