-
Content Count
212,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa soo saaray Wareegto ku aaddan Xaruntii Ciidamada Badda ee degmada C/Casiis iyo Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda Duqa Muqdisho ayaa Markii uu arkay Dastuurka JFS, Shariciga Maamulka Gobolada & Degmooyinka, Sharciga Maamulka Dhulka iyo Dhismaha G/Banaadir, Isla markaaba uu hubsaday inay lagama maarmaan ay tahay in Dib u hagaajin lagu sameeyo Qorshaha Guud (Master Plan) ee caasimadda, arkayna baahida deg-dega ah ee loo qabo in safaaradaha loo asteeyo goob ku habboon. Waxuu soo saaray Xeerkan: Waxaa cid allaale iyo ciddii ay khuseyso lagu wargelinayaa in Xaruntii Ciidamada Badda iyo Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda iyo dhulka dhanka danbe uga beegan illaa Xeebta Badda loo asteeyey goob ama deegaan diblomaasi ah, dhulkaas oo ahaa Dhul Dowladeed oo Dan Guud loogu talo galay. Qorshahan ayaa ujeedadiisu tahay in Safaaradaha iyo Hay’adaha Caalamiga ee dalka ka howlgala loo helo goobo ku habboon iyo in dib loo soo celiyo bilicdii Caasimada Muqdisho oo ah xarunta ay diblomaasiyiinta uga howlgalaan Dalka. Waxaa Xeerkan lagula wareegay ama dib loogala noqday dadka dokumentiyada u heysta dhulkan, maadaama dhulkaas uu ahaa dhul Dan Guud ah; Sidoo kale waxaan Hay’adaha Dowladda Federaalka ku wargelinayaa inay joojiyaan dhulalka ay bixiyaan ama siiyaan fasax dhismo, maadaama cidda kaliya ee maamul ahaan ay Dowladdu u wakiilatay ay tahay Dowladda Hoose ee Xamar. Waxaan ognahay in Taliyeyaashii Ciidamada Qalabka sida qaarkood ay goobtaas ka dhisteen guryo dabaqyo ah oo ay dantooda kaliya ka fikireen, halkii ay danta shacabka ka fikiri lahaayeen, waana inay u hoggaansamaan go’aankan si danguud ahaan loogu isticmaalo goobtaas. Yaa u maqan shacabka haddii ay mas’uuliyiintu ka fikiraan danahooda gaarka ah. Duqa Muqdisho Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyn ciddii amarkan jabisa ama u hoggaansami weysa sheegay in laga qaadi doona tallaabo sharci ah. View the full article
-
Addis Ababa (SMN) – Qaar ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa dalka Uganda ayaa sheegay in Christine Alalo oo aheyd madaxii Booliska howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay ka mid aheyd rakaabka diyaaradii shaly ku burburtay dalka Itoobiya. Wargeyska Softpower oo ka soo baxa dalka Uganda ayaa sheegay in dhimashada Alalo uu u xaqiijiyay ku xigeenka madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Simon Mulongo. Mr Mulongo ayaa sida la sheegay xusay in christiano Alalo oo shaqo wadaag ay ahaayeen loo xaqiijiyay in ay ku jirtay rakaabka diyaaradaasi saarnaa oo dhamaantood shilkaasi ku geeriyootay. Illaa iyo hadda madaxda sare ee howlgalka AMISOM si toos ugama aysan hadlin wararka la xiriira dhimashada Alalo. Diyaaradii Itoobiyaan Airlines ee shalay ku burburtay gudaha dalkaasi oo ay ku geeriyoodeen 157 ruux oo isagu jiray rakaab iyo shaqaale saarnaa diyaarada ayaa la sheegay in ay ku jireen tiro Soomaali ah oo qaarkood heystay dhalashada dalal kale. View the full article
-
Dhoobley (SMN) – Wararka naga soo gaaraya J/Hoose ayaa ku warramaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa Kenya qarax xoogan lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu haleelay mid ka mid ah kolonyada ay wateen ciidamadaasi, xilli ay marayeen inta u dhaxeysa deegaanada Haawina iyo Jaldeeshe oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Ciidamada Kenya ee qaraxa miino loo dhigay ayaa ka soo ambabaxay deegaanka Qooqaani, waxaana ay ku sii jeedeen magaalada Dhoobley ee isla gobolkaasi. Sidoo kale qaraxA kadib ayaa lagu soo warramayaa in dagaal toos ah uu ka dhacay hakaasi, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Kenya iyo Al Shabaab. Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxani iyo dagaalka xigay intaba mana jiro weli wax hadal oo ka soo baxay labada dhinac. Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli saaka gaari siday Qudaar ay miino kula kacday deegaanka Taabta ee G/Jubbada Hoose, kaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah. View the full article
-
The US military has escalated a battle against al-Shabab, an extremist group affiliated with al-Qaida, in Somalia even as president Donald Trump seeks to scale back operations against similar Islamist insurgencies elsewhere in the world, from Syria and Afghanistan to West Africa. A surge in US airstrikes over the past four months of 2018 pushed the annual death toll of suspected al-Shabab fighters in Somalia to the third record high in as many years. Last year, the strikes killed 326 people in 47 disclosed attacks, defence department data show. And this year, the intensity is on pace to eclipse the 2018 record. During January and February alone, the US Africa Command reported killing 225 people in 24 strikes in Somalia. Double-digit death tolls are becoming routine, including a bloody five-day stretch in late February in which the military disclosed that it had killed 35, 20 and 26 people in three attacks. Africa Command maintains that its death toll includes only al-Shabab militants, even though the extremist group claims regularly that civilians are also killed. The Times could not independently verify the number of civilians killed. The rise in airstrikes has also exacerbated a humanitarian crisis in the country, according to UN agencies and nongovernmental organisations working in the region, as civilians are displaced by ongoing conflict and extreme weather. “People need to pay attention to the fact that there is this massive war going on,” said Brittany Brown, who worked on Somalia policy at the National Security Council in the Obama and Trump administrations and is now chief of staff of the International Crisis Group. The war in Somalia appears to be “on autopilot”, she added, and one that is drawing the United States significantly deeper into an armed conflict without much public debate. The intensifying bombing campaign undercuts the Trump administration’s intended pivot to confront threats from great powers like China and Russia, and away from long counterinsurgency and counterterrorism campaigns that have been the Pentagon’s focus since 2001. Gen Thomas D. Waldhauser, head of Africa Command, said planned cutbacks elsewhere would not affect what the military was doing in Somalia. “We’ll maintain our capability and capacity there,” Waldhauser told the House Armed Services Committee on Thursday. – New York Times News Service View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-11032019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa dejisay dhammaan diyaaradaheeda nooca Boeing 737-Max 8 kadib markii mid ka mid ah oo shalay dhacday ay ku dhinteen 157 qof. Madaxda shirkadda, Tewolde GebreMariam ayaa sheegay in wax kasta ay sababi karaan in diyaaraddaas ay soo dhacdo. Waxa uu sheegay in shirkadda diyaraadaha Ethiopian Airlines ay ka mid tahay shirkadaha diyaaradaha ee ugu ammaanka badan caalamka. Shiinaha ayaa sidoo kale amray shirkadaha diyaaradaha dalkaas inay dejiyaan dhammaan diyaaradaha Boeing 737-Max 8. Sidoo kale shirkadda diyaaradaha Cayman Airways, oo ka shaqeysa dalalka Kareebiyaanka ayaa dejisay dhammaan diyaaradaheeda nooca 737-Max 8. Diyaaradda Boeing 737-MAX 8 ayaa sidoo kale ah nooca diyaarad badda Java ee dalka Indonesia ku dhacday bishii October ee 2018, markii ay ka kacday magaalada Jakarta, waxaana ku dhintay 189 qof. Source
-
Axmed Cabdilaahi Aadan waa Aabe haysta 10 Caruur ah oo ku nool kaamka Barakacayaasha ee SYL ee magaalada Gaalkacyo. Waraysi uu siiyay warsidaha Puntlandi.com ayuu [...] Source
-
(GSL-T Burco)- Xisaabiyihii Xafiiska Maamulka Gobolka Togdheer Mustafe Macalin Oo La Goostay Lacag Gaadhaysa Ku Dhowaad 32000,000 Milyan Oo Shilinka Somaliland, Taas Oo Ahayd Mushaharkii Cuqaasha Iyo Shaqaalaha Xafiiska Badhasaabka Gobolka Togdheer Ayaa Ku Biiray Jabhada Kornayl Caare.MasuulkaniOo Maqan Mudo Ku Dhowaad Ah 5 Cisho Ayaa La Sheegay Inuu Ku Biiray Jabhada Kornayl Caare Islamarkaana Wakhtigan Ku Sugan Yahay Xarunta Jabhadaasi Ee Qardho.Khilaaf In Mudo Ah U Dhexeeyay Badhaasabka Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi Iyo Xisaabiyihii Xarunta Maamulka Gobolka Togdheer Mustafe Macalin Ayaa Sababay Inuu Masuulkani Ku Biiro Jabhada Kornayl Caare .Masuulkani Ayaa Waxay Isu Beel Yihiin Badhasaabka Gobalka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi Iyo Kornayl Caare Oo Ah Horjooga Jabhadaasi Uu Ku Biiray. WWW.SomalilandToday.com Office Burco Source
-
Somali Prime Minister, Hassan Ali Khaire and a high-level delegation he was leading have arrived in the southern port city of Kismayo on Monday. The PM received a warm welcome from Jubbaland state president, lawmakers officials and cheering flag-waving crowd upon his arrival at the city’s airport. The premier’s trip was delayed twice this week due to the demise of the country’s constitution minister, Abdi Hosh Jibril who passed away last Friday in UAE’s Dubai city. During his stay, Somali PM is expected to hold talks with Jubbaland state president Ahmed Madobe and other state officials to discuss the current issues in the country and way to restore cooperation between the regional administration and the Federal government. View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Safarka uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre maanta ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa shaki siyaasadeed abuuray xilli taageerayaasha madaxweynaha ay aad u dhaliileen. Kheyre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyay madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo la filayo in wada-hadallo ay yeeshaan. Siyaasiyiin ku dhow madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ayaa su’aalo ka keenay sida maamulka Jubbaland uu sare ugu qaaday soo dhoweynta Ra’iisal wasaaraha oo aan horey loo arag. Magaalada ayaa waxaa lagu wada dhejiyey sawirrada Kheyre iyo Axmed Madoobe, waxaanse ka muuqan sawirrada madaxweynaha Soomaaliya, taasi oo taageerayaasha madaxweynaha ay dhibsadeen. Arrimaha shakiga ugu weyn abuuray ayaa waxaa ka mid ah ayada oo horey ay u jireen warar sheegaya in Kheyre uu ku jiro hami madaxweynenimo, islamarkaana safarkan uu qeyb ka yahay isbaheysi uu sameysanayo ka hor doorashada 2020. Xubnaha madaxweynaha ku dhow ayaa walaac ka qaba in Kheyre uu awood baaxad weyn oo siyaasadeed yeelanayo xilli uu weli qeyb ka yahay dowladda. Sidoo kale xildhibaanada ku beesha ah madaxweynaha oo beesha Axmed Madoobe ay xurguf siyaasadeed kala dhaxeyso ayaa safarkan u arka mid Axmed Madoobe isbahaysi ka dhan ah madaxweynaha iyo beeshiisa uu ku sameysanayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
The commander of the Somali military in Gedo province has disclosed further details about the shooting of civilians by unidentified assailants in Bardhere town, south of the country. Colonel Ali Mohamed, of the top army commanders in the region, told Radio Shabelle that at least one resident was killed and two others wounded in the incident. He added that some of the attackers were detained and are now in police custody while the others are at large. The incident is attributed to a power struggle in the city that has been ongoing in the past few months. View the full article
-
Somaliland: President Muse Bihi Abdi On Official Visit To UAE The Somaliland President Muse Bihi Abdi and a high ranking delegation are currently on an official visit to the United Arab Emirates. The delegation arrived on Saturday morning in Abu Dhabi and were received with the protocol of the highest level. The Somaliland delegation are expected to discuss with their UAE counterparts areas of mutual interest, including the concluding agreements on the United Arab Emirates Military base near Berbera, the proposed renovations of the Berbera airport into a civil and and military sectors and the on-going work on the Berbera port by the UAE’s DP World Group. President Muse Bihi’s delegation includes the Somaliland Ministers for Energy & Natural Resources, Jama Mohamud Egal, Religion & Endowments, Sheikh Khalil Abdillahi Ahmed, Trade & Industry, Mohamud Hassan Sa’ad. The delegation is also accompanied by the President’s press secretary, Mohamud Warsame Jama. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhaqaaqa Al-shabaab ayaa shaaciyay wareysi laga qaaday Raggii weeraray Hotelka Maka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.Al-shabaab ayaa mid mid u sharraxay Magaca saddexan, da’diisa ,Qabiilkiisa iyo degaanka uu ku dhashay,waxaana ka mid ahaa; 1-Siidoow Shariif Cabdulle, 30 jir,waxa uu ahaa qofka waday Gaariga 1aad ee Qaraxa sameeyay, waxaa uu ka dagaallami jiray gudaha Kenya kaddibna waxaa uu ku biiray qolada is qarxisa ee AL-shabab, waxaa uu ka dhashay Beesha Dabarre,waxaana uu ku dhashay Muddul Baraawe. 2-Cabdullahi Mukhtaar Mucallim, hoggaamiyaha kooxdii Hotelka weerartay, 24 jir ka dhashay Beesha Hadame,waxaa uu ku dhashay degaanka Rabdhuurre. 3-Aadan Macallin Caddoow. 30 jir, waxaa uu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee dagaalka ku dhinta waxaana Al-shabaab ay sheegeen in markii la dili waayay lagu dumiyay Gurigii uu ku jiray, lama sheegin beeshiisa iyo meesha uu ku dhashay. 4-Nuur Maxamuud Cismaan, 18 jir,waxaa uu ka dhashay Beesha Eelaay,waxaa uu ka soo dagaallamay Mudug,waxaana kaddib uu ku biiray qolada is qarxisa ee Al-shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ra’isilwasaaraha xuukumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray goordhow magaalada Kismaayo. Xubno katirsan wasiirada Ra’isilwasaare Kheyre ayaa ku wehlinaya socdaalkaan uu ku tagay Kismaayo. Wafdiga Ra’isilwasaaraha ayaa si balaaran loogu soo dhoweeyay Kismaayo. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayqq kaga hortagay wafdigaan garoonka Kismaayo. Amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana llaxiray inta badan wadooyinka Kismaayo. Sawiro iyo faah faahin intaan ka badan dib kala soco insha allah . Puntland Post The post Ra’isilwasaare Kheyre oo gaaray Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Wafdiga Mudane Xasan Cali Khayre waxaa garoonka Kismaayo si-weyn ugu soo dhaweeyay Madaxda Dowlad Goboleed Jubbalnd iyo dadweyne kala duwan oo ka yimid xaafadaha magaalo xeebeedka Kismaayo. Qaar kamid bulshada magaalada oo ka hadlay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in uu soo booqdo Ra’iisul wasaaraha qaranku, iyaga oo sheegay in socdaalku muujinayo sida dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah ay uga go’antahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa in uu la kulamo la qaato madaxwaynaha Jubaland, mudane Axmed Maxamed Islaam iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. View the full article
-
Ma jirto cid ka badbaaday diyaaradda Ethopia Air line oo shalay ku dhacday magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Diyaaradda oo ah Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada ayaa burburtay xilli ay u kala gooshaysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi. Sida ay sheegen masuuliyiinta sharikadda Ethiopian Airlines,diyaaraddan ayaa la rumaysan yahay in ay saarnaayeen 149 rakaab ah iyo sideed kamid ah shaqaalaha diyaaradda. Dadka diyaaradda saaran ayaa u kala dhashay 33 jinsiyadood, oo Soomaaliya ay ku jirto. Waxaa la helay magacyada qaar ka mid ah dad Soomaaliyeed oo ku dhintay diyaaraddii ay lahayd Ethiopia Airlines,waxayna kala yihiin 1- C/shakuur Maxamed Shahaad 2- Siraaji Xuseen Cabdi 3- Sahro Saciid Xasan 4- Nasrudiin C/qaadir 5– Aamina Ibraahim Odowaa 6- Axmed Nuur Maxamuud PUNTLAND POST The post AKHRISO: Magacyada muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dhintay bur burkii Ethiopian Airline appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Sidoo kalena ah Xildhibaan Ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa wasiirkii Dastuurka Soomaaliya oo dhawaan ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala Dalka isu taga imaaraadka Carabta, islamarkaana aas qaran shalay loogu sameeyay Magaaladda Muqdisho. “Innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun, marxuumka rabi naxariistiisa haka waraabiyo,kitaabkiisa gacanta midig Allaha haka siiyo ehelkii iyo qaraabadii iyo sidoo kale guud ahaan umadda Soomaaliyeed oo uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Allaha haka wada siiyo, anagana gadaashiisa Illaahey nama fidneeyo” Ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliiya ayaa sheegay in Allaha ha u naxriistee Wasiir Xoosh Jibriil uu kaalin wanaagsan kasoo qaatay Dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana dowr muuqda ku lahaa sidii Soomaaliya ay u yeelan laheyn dastuur ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed. “Allaha u naxriistee marxuumka waxa uu ahaa muwaadin ay quluubtiisa ku weyn tahay in dalkeenna uu horumar gaaro, islamarkaana aan gaarno horumar dowladnimo,isagoo inta uusan geeriyoon ka shaqeynayay howlaha dib u eegista iyo dhammeystirka Dastuurka KMG ah ee dalka” ayuu hadalkiisa kusii daray Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Allaha ha u naxriistee Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo dhawaan Magaaladda Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta ku geeriyooday, islamarkaana Aas qaran loogu sameeyay Magaaladda Muqdisho ayaa waxa uu ka tirsanaa Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya,isagoo Sidoo kale xilal kala duwan soo qabtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa amar deg deg ah kasoo saaray dhulkii ciidamadii Badda Soomaaliya iyo gurigii taliyaha ciidamada Badda ee degmada C/casiis ee gobolka Banaadir. Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa aqriyay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, oo lagu amrayo dhamaan dadka degen dhismaha xaruntii ciidamada Badda Soomaaliya. Wuxuu sheegay inuu ku amrayo dhamaan dadka degen inay sida ugu dhaqsiyaha badan kaga baxaan dhismahaasi, isaga oo sheegay in loo badalay dhul Diblumaasiyadeed, maadaama uu ahaa dhul dan guud ah. Ma cadeyn waxa uu kaga jeeday Dhul Diblumaasiyadeed, balse wuxuu amray in dhamaan dadka degen ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga guuraan, isaga oo sheegay in arintaan qeyb ka tahay in safaaradaha loo asteeyo meelo qurxoon. Sidoo kale wuxuu nasiib daro ku tilmaamay in saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka inay dabaqyo dhaadheer ka dhisteen xaruntii ciidamada Badda, isaga oo sheegay inaan la aqbali doonin. Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in dhulkaasi ay la wareegeyso dowladda Soomaaliya. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/aa.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
-
(SLT-Washington)-Dawladda Maraykanka ayaa Maalintii Khamiistii soo saartay Digniin ay 10-March Oo Shalay ku beegnayd ay Muwaadiniinteeda uga digtay Khataro kusoo fool leh Itoobiya sida mudaharaado iyo arimo kale, waxa kale oo ay gabi ahaanba ka mamnuucday Muwaadiniinteeda inay wax safar ah galaan, Gudaha iyo dibadda Dalka. Dawladda Maraykan ayaa Digniintan ugu sheegtay Muwaadiniiteeda inaanay iman, kana dhoofin Garoonka Diyaaraduhu ka haadaan ee Bole International ee Adisababa 10-March oo Shalay ahayd oo diyaaraddii Shalay ka duushay garoonkani ay burburtay, iyadoo si gaar ah arintan loogu xusay Shaqaalahood safaaradda Maraykanka iyo danjirayaasha dalkaasi ka joogaba. Waxay ku xuseen arintani cabsi laga qabo mudaharaado dhaco, iyadoo bishan illaa 6-deedii ay mudaharaado badani ka dhaceen deegaamo badan oo ka tirsan Dhulka Oromadu degto. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Qaban qaabadii ugu dambeeysay ayaa ka socota magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, taasi oo lagu soo dhaweynayo ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre. Amaanka magaalada ayaa la adkeeyay, waxaana xiran waddooyinka gala madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, iyadoo la dhigay ciidamadii ugu badnaa si amaanka ay u xaqiijiyaan. Wafdiga ra’iisul wasaaraha kaga horeeyay magaalada Kismaayo ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha, waxaana waddooyinka ku sugan arday iyo haween badan oo laga keenay xaafadaha magaalada Kismaayo. Madaxtooyada Jubbaland ayaa shaacisay in Kheyre iyo Axmed Madoobe ay ka wada hadli doonaan dardar gelinta howlaa horyaala dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada iyo xalinta Khilaafka u dhaxeeya labada dhinac. La soco waxii kasoo kordhaa Safarka Xasan Cali Kheyre ee magaalada Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku soo dhigay Nin xirnaa Xijaab iyo Indho-Shareer. Ninkan ayaa la sheegay in laga soo qabtay xaafadda Iskuul Goday, kadib markii ay ka shakiyeen ciidanka amniga ee degmadaasi. Taliska Booliska Kaaraan oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in wax hub ah uusan wadan ninkaasi, balse ay weli ku hayaan baaritaano dheeraad ah. Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay laamaha amnigu soo qabtaan nin xiran dharka Haweenka, iyadoona marar badan rag xirnaa lagu soo bandhigay M/Muqdisho. View the full article
-
(SLT-Addis Ababa)-War ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in 19 ka mid ah shaqaalaheeda ay ku dhinteen burburka diyaaradii Ethiopian Airlines ee bur burtay maalintii shalay. Hay’adda cunada aduunka ee WFP ayaa waxaa shilka diyaaradeed uga dhintay 7 ka mid ah shaqaalaheeda, xafiiska qaxootiga UNHCR Labo shaqaale ah ayaa uga dhitay shilka, halka Ururka caalamiga ah ee Isgaarsiinta dunida ITU burburka diyaarada ay uga dhinteen tiro la mid ah. Hay’addaha FAO, IOM iyo waliba xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobey waxaa burburka diyaarada Ethiopian Airlines uga geeriyooday min hal shaqaale ah. Lix shaqaalaha xafiiska Qaramada ee Nairobi (UNON) ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay burburka diyaarada sida lagu sheegay warka ka soo baxay Qaramada Midoobey. Dad ka kala socda ilaa 35 dowladdood ayaa la sheegay in ay ku dhinteen burburka diyaarada, iyadoo tirada ugu badan dadka dhintay ay u dhasheen Kenya oo ka geeriyoodeen 32 ruux. Waxaa sidoo kale dadka dhintay ka mid ahaa 18 u dhashay dalka Canada, Sagaal Itoobiyaan ah iyo waliba Siddeed Ameerica ka soo jeeday. Soomaaliya waxaa waxaa la sheegay in uu hal qof oo kaliya kaga dhintay burburka diyaarada sida ku cad liiska Jinsiyadaha ay ka soo jeedeen dadka ku dhintay diyaarada. Source