-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal aad loo qorsheeyay oo ciidamada amnigu Soomaaliya ay fuliyeen 19-kii Bishan ayay ku soo qabteen madaxii maxkamadda Al-Shabaab ee deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose. Sida ay sheegtay wasaaradda amniga Soomaaliya, hawlgalkaan lagu qabtay horjoogahaan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho. Ninkan wuxuu Al-Shabaab u qaabilsanaa inuu u rido xukunada dilka ah. Wasaaradda amniga Soomaaliya ma sheegin magaca ninkan la qabtay iyo faah-faahin ku saabsan qaabka loo qabtay. Sidoo kael, Howlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho 18-ka Bishaan ayaa waxay kusoo qabteen labo sarkaal oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda. Qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in mid kamid ah labada sarkaal ee la qabtay uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsana dilalka qorsheysan ee Muqdisho. Sarkaalka labaad oo laga soo qabtay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho, ayaa isna sidoo kale abaabulayey waxyaabo halis ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo nabad gelyada guud ee dalka, sida ay dowladda ay sheegtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-19032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhaawacantay markii qarax culus uu caawa ka dhacay Muqdisho. Qaraxa oo ah nooca baabuurka lagu xiro ayaa ka dhacay nawaaxiga xarunta dambi baarista ee magaalada Muqdisho. Labada ruux ee ku dhaawacntay weerarka ayaa lagu kala sheegay in ay ka kala tirsan yihiin ciidamada Booliska iyo hay’adda dambi baarista ee CID-da. Sarkaalka ka tirsan CID-da ayaa magaciisa lagu sheegay Daahir Xasan Xuseen, kaasi oo horey u soo noqday wasiirka howlaha guud ee Galmudug iyo gudoomiyaha Dayniile. Labada qof ayaa la sheegayaa in xaalada caafimaad lagula tacaalayo goobaha caafimaadka, inkasta oo aan la ogayn inta uu gaarsiisan yahay dhaawacooda. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyada falkaan oo imaanaya xili amniga caasimada uu maalmihii dambeeyay ahaa mid soo hagaagayey. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho 18-ka Bishaan ayaa waxay kusoo qabteen labo sarkaal oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda. Qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in mid kamid ah labada sarkaal ee la qabtay uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsana dilalka qorsheysan ee Muqdisho. Sarkaalkan oo aan la magacaabin ayaa la sheegay inuu ka qeyb qaatay, islamarkaana uu fududeeyey seddex qarax oo ka dhacay magaaladda Muqdisho, kuwaasi oo lagu waxyeeleeyey dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Sarkaalka labaad oo laga soo qabtay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho, ayaa isna sidoo kale abaabulayey waxyaabo halis ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo nabad gelyada guud ee dalka, sida ay dowladda ay sheegtay. Sida dowladda ay sheegtay, ma jirto waxyeelo ka dhalatay Howlgalka lagu qabtay raggaan ka tirsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-New Zealand)Ninka lagu eedeeyay inuu fuliyay weerarkii toogashada ahaa ee ka dhacay masjidka magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa markii maxkamadda lasoo taagay abuuray muran ku saabsan dhaqanka internet-ka iyo fikrad xagjirnimo ah. Brenton Tarrant, oo 28 jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu Jimcadii weerarro ka fuliyay 2 masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurch, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 50 ruux, oo ay ku jireen carruur. Waxaa maalintii xigtay ee Sabtida ahayd la hor geeyay maxkamad, isagoo lagu soo oogay dacwad ku saabsan dil. Markii ugu horreysay ee uu kasoo muuqday maxkamadda, Tarrant ayaa la arkayay isagoo gacantiisa ka muujinaya astaanta “SAX”, taasoo ah marka uu qofka isa saaro suulkiisa iyo farta xigta isagoo faraha kalena fidinaya. Astaantan ayaa markii siyaabo kala duwan loo eegay lagu qeexay calaamad ay isticmaalaan dadka caddaanka ah ee jinsiyadaha kale neceb, balse waxaa kale oo suurta gal ah inuu dadka dareenkooda kusoo jiidanayay. Dhanka kale, calaamaddaas waxaa adeegsada kooxaha xagjirka ah iyo sidoo kale xisbiyada muxaafidka, siyaasiyiinta midigta-fog iyo hay’adaha aruuriya farriimaha xagjirnimada ah. Waligey kuma dhawaaqi doono magaciisa Dhacdadaii toogashada ee lagu bartilmaameedsaday dad muslimiin ah oo tukanaya ayaa noqotay mid si weyn looga falceliyay guud ahaan dunida. Ra’iisul wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa wacad ku martay inaan afkeeda laga maqli doonin magaca ninka falkaas geystay oo la xaqiijiyay inuu u dhashay waddanka Australia. “Waxyaabo badan ayuu ku raadinayay falkiisa argagixisanimada ah, balse mid ka mid ah waxay ahayd inuu caan noqdo, waana taas sababta aydaan waligiin iiga maqleynin anigoo sheegaya magaciisa, waa argagixiso, waa dambiile, waa xagjir. Ku dhawaaqa magacyada dadkii halkaas naftooda ku waayay intii aad xusi lahaydeen magaca ninkii laayay”, ayey tidhi Ms Ardern oo khudbad qiiro leh ka jeedineysay baarlamaanka New Zealand. Waxay sheegtay in isagu laga yaabo inuu caanimo raadinayay, laakiin dowladda New Zealand aysan waxba siineynin, oo xitaa magaciisa aysan u aqoonsaneynin marnaba. Source
-
Jamhuuriyada Somaliland iyo Qatar waxa dhexe maraya Collad Hawad dhexe mareysa mid waliba na wax uu toosh ku finayaa dantiisa gaar ah . Marka ay sidda tahay waa lagama-xanaaqan ,Been-sheega ,iyo Malo-awaalka ,waxa aan jirin oo labbad dhinac mid ba dhinacisa fidiya . Nin ba lagu yidhi Hebelow , hadda Hebel ayaa ku cayey? Wax uu ku jawaabay Hebel awilba Col,baanu ahayn . Haddii aynu Maqalno, Qatar ayaa Jamhuuriyada Somaliland wax ka sheegatay . Waxa aynu ka taagan nahay halka Ninkaa ee ah ee ah awilba Qatar, Colaad, Hawad dhexe ah ayaa ina dhex-maratay . Markaa meel aynu wanaag iyo Aaman-toonna ka sugeyno ma heyn Qatar iyo Wakallada Warark Beenta ah fidisa ay leedahay ee Aljazeera . Jamuuriyad Soomaliland ahaan hadda ayeynu ba ugu hadal iyo yabooh badan nahay . hasa yeeshe Arimaha Qatar waxaynu ka dhegaysanynaa Heestii uu tiriyey Abwaan Cabdi Aadan xayd (Cabdi Qays ) ee odhan jirtay ama ku bilaami jiratay ” Abidkay ba waan jiray ” ee AUH Mahamed mooge, Libaan ku Luuqeyey. Waxay na Heestu u dhigan tahay ayaado dhameystiran siddan: • Abidkay ba waa jiray jab intuu dhacaaye. • Waanba joogay dunidann,e wixii uu rag jiite. • Jilaalku ima karro,iyo jidiin cadaadkuye. • Ma Jilcamoo ma jifsaddo, mana jidhidhicoode. • Soo jiidh wanaagaa jeenigan ku soo qaad amba ooda soo jebi, Dhaxaan belo u joogee. • Jirid aan go,ayninoo, Xidida jidataanee, jar hadii aad isleedahay , jidiid ima karraye. •Jasha Eebe mooye cidi joogsin maysee. •Ha jidin cadaadnina ,Hadal ima jareeyee. •Soo jiidh wanaagaa jeenigan ku soo qaad amba ooda soo jebi, Dhaxaan belo u joogee. •Jeex bira ka hadhay iyo jab finiina baanee , Wadnahaygu Jalawdiyo ma yaqaano jugleyde. •Kolay jabaq ugaadh tahay jid aan raacay kama noqon. Kama joogsan waligay halkay laabtu jamatee. •Soo jiidh wanaagaa jeenigan ku soo qaad amba ooda soo jebi, Dhaxaan belo u joogee. waxa inta raacinaya Qatar Dagaalkeed iyo beenta ay la ordayso wax dhibaato u keeni karraya maah Jamhuuriyada Somaliland iyo Mawqufkeeda . Sidoo kale qatar waxay ka hadlaysa waxa weeye sidee ayaa Sacuudiag iyo Xulufadiisu isku kay raacan waxa inta u dheer waxay isku dayday wax kasta oo ay aduunka uga dacwooto cid ka hoos qaaday ma jirto . marka la yaabi mayno beenta iyo Xaasinimada ay ka sheekaynayso . Qorre Abokor I Mohamuud . Waa Bilaahi Towfiiq. abokorm@hotmail.co.uk Source
-
Ka dib markii Madaxeyne Geelaha Djibouti booqasho ku tegay Muqdisho dhawaan, si uu isaga jabiyo go’doonkii la geliyay ee geeska Afrika. waxay taa kaga jawaabeen dhinacii kale oo UAE hoggaaminayso in ay soo diraan wasiirka arrimaha dibadda Eriteria, oo uu yimaaddo Somaliland; waxa tan looga jeedaa in lagu edbiyo Farmajaha Muqdisho, maadaama uu ka hinaasi doono booqashada ugubk ah ee waftiga Eriteria. Marka uu Farmaajaha Muqdisho goor dhaw ku furtuuro madaxda Geeska iyo UAE, waxa loo sheegi doonaa in aanu odayga Djibouti xabsiga ka jabin; ma xasuusataa intaanu Geelle u duulin Muqdisho, Farmajo ayaa Djibouti tegay; taas macnaheedu waxa weeye jooji dhaq-dhaqaaqa, haddii kale Somaliland ayaanu kugu dhaq-dhaqaajin; haddii aan kuu soo koobo, waa siyaasaddii Kenya isticmaashay markii khilaafka baddu soo baxay; ma xasuusataa!!!! Haddaba, booqashadan wasiirka arrimaha dibadda Eriteria ka dib, waxaynu eegi in UAE iyo Eriteria ay ku guulaystaan in uu Farmaajo edebsado, oo uu joojiyo handaraabka uu ka furayo Madaxweyne Geele iyo dekadiisa!!!! Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waxa loo isticmaali doonaa warqad ay Ethiopia, Eriteia iyo UAE ay ku xakameeyaan, kuna jareeyaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee Farmajo, haddii uu isku dayo in uu baxo siyaasaddii uu hore ula qaatey ee lagu go’doominayay Djibouti. Haddaba, waxan odhan lahaa Somaliland ha u diyaar garawdo in ay si qoto dheer u fahanto ciyaarta meesha ka socota, xukuumadduna ha la timaaddo qorshe dhaafsiisan sawirada quruxda badan, oo lagaga faa’iidaysan karo fursadaha ka dhashay isbeddelka ka socda Geeska Afrika ee Alle keen ka ah. Cabdo; Maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga. Source
-
Muqdisho (SMN) – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa fahfaahin ka bixiyay duqeyn cirka ah oo ay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya. AFRICOM ayaa shaaciyay in weerarka cirka ah oo uu 18-kii bishaan Maaj ay ka geystay degaanka Awdheegle ee Shabeellaha Hoose ay ku dishay 3 kamid ahaa Al-Shabaab. Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska, ma jirto waxyeelo howlgalkaasi kasoo gaaray dad shacab ah. Dhinaca kale, xarakada Al-Shabaab illaa iyo haatan wax war ah kama aysan jawaabin sheegashada Mareykanka. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka View the full article
-
(SLT-London) Shimbirtan oo taariikhda gashay ayaa lagu iibsaday lacag gaaraysa 1.42 milyan oo doolar. Ol’ole xaraash ah oo tartan loo galay ayey dad badan oo maalqabeenno ah ku doonayeen iney ku iibsadaan shimbirtan. Qiimihii ugu horreeyay ee lagu soo beec geeyay ayaa ahaa 321 kun oo doolar, hase yeeshe tirada ayaa isbadashay ka dib markii uu yimid qof diyaar u ah inuu bixiyo qarashkan. Shimbirtan ayaa sannadkan waxay da’deeda noqoneysaa 5 sano. “Waa dareen cajiib ah, waa wax adduunka ka baxsan,” Ayuu yidhi Nikolaas Gyselbrecht, oo ah madaxa shirkadda PIPA oo ka ganacsata shimbiraha. “Kuma aanan riyoonin abid in qiimaha noocan ah ay gaari doonto . Waxaan rajaynayay oo kaliya ku dhawaad 400 kun oo doolar.” Mr Gyselbrecht ayaa sheegay in laba qof oo doonayay inay iibsadaan ay ka soo jeedaan dalka Shiinaha. Balse shimbirtan maha mid nooceedu uu yahay mid la helo. Source
-
(SLT-Oslo) Nin Ku Hubeysnaa Tooreey ayaa ku weeraray Arday Iyo Macalimiintooda Iskuul ku yaalla magaalada Oslo Ee Caasimada Dalka Norwey. Weerarkaan oo ah mid goordhaweyd dhacay faah faahin badan lagama hayo in uu yahay mid argagaxiso. Inta la xaqiijiyey waxaa ku dhaawacmay Afar Qof oo Midkood Macalin yahay iyadoo Seddexda kale Shaqaalaha iskuulka ahaayeen. Wakaalada Wararka Reuters ayaa daabacday xigasho ah Booliska inay baaritaano durba bilaabeen,taas oo cid sheegatay aysan jirin. Dadka dhaawaca ah ayaa loola cararay Goobaha Caafimaadka,sida ay tebisey Wakaalada Wararka Norweey ufaafisa Ee NTB loo soo gaabiyo. Shalay ayaa sidaan oo kale weerar lagu qaaday Goob lagu sugo Basaska korontada ku shaqeeya,Magaalada Utrecht Ee Dalka Holland Dadna ku dhinteen kuwana ku dhaawacmeen Source
-
Muqdisho (SMN) – Qarax culus oo ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay ayaa ka dhacay nawaaxiga xarunta CID-da ee Muqdisho. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ugu yaraan hal ruux uu ku dhaawacmay qaraxa, kaasi oo illaa iyo haatan aan la ogayn waxa uu yahay. Gaadiidka gurmadka deg deg ah oo goobta durbadiiba yimid ayaa ula cararay shaqsigaasi goobaha caafimaadka si loogu daaweeyo. Ciidamada amaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa meesha ay wax ka dhaceen yimid. Wixii kusoo kordha kula soco wararkeena dambe View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay qarax. Qaraxa ayaa ahaa mid lagu xiray gaari ay wateen Sarkaal ka tirsan Xarunta Dambi Baarista CID iyo mas’uul horey usoo noqday Guddoomiyaha Degmada Dayniile. Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow Xarunta Dambi Baarista CID oo ku taal inta u dhaxeyso Isgoysyada Km4 iyo Zoobe. Baabuurka Qaraxa lagu xiray ayaa waxaa watay Sarkaal ka tirsanaa CID oo magaciisa lagu soo koobay Dhagey iyo Daahir Xasan Xuseen oo ah wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug horeyna usoo noqday Guddoomiyaha Degmada Danyiile Sanadkii 2013. Sida Caasimadda Online loo xaqiijiyey Sarkaalka CID ka tirsan ayaa qaraxa si xun ugu dhaawacmay kaasoo ka dhaawacyo daran ay kasoo gaareyn lug iyo Gacan, waxaana dhaawiciisa la geeyey Isbitaalka Digfeer oo hadda lagu dabiibayo. Waxaa Qaraxa ka badbaaday wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Daahir Xasan Xuseen oo gaariga la saarnaa, sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay wiil dhallinyaro ah oo wade ka ahaa Bajaaj mareysay meel u dhow gaariga qarxay. Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa soo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay waxaana daqiiqado kadib suurta gashay isku socodka dadwdeynaha iyo Gaadiidka. Sarkaalkaan ka tirsan CID ee qaraxa lala eegtay ayaa horey uga badbaaday qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay isla meesha uu hadda qaraxa kula qabsaday. Wixii warar ah ee kusoo kordho kala soco Caasimadda Online
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta furay Shirka wada-tashigga ah ee ku saabsan Fidinta adeegga cadaaladeed iyo doorka Nidaamka xeerka dhaqanka ee ka hor-tagga rabshadaha ka soo horjeeda xaquuqul insaanka iyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka, waxaana shirka garwadeen ka ah wasaaradda cadaaladda. Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday dowlad goboleedyada Qareenada Jaamacadaha, Culimada, ururada haweenka iyo dhinacyo kale. Ugu horeyn ayaa waxaa sharaxaad ka bixiyay Muhiimadda Shirku xambaarsan yahay iyo ajandeyaasha labada maalin laga doodi doono, Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda Cadaaladda XF Soomaaliya Dr Ismaaciil Jimcaale. Qaar ka mid ah dadkii ka qayb galay Shirkaan ayaa dood kulul ka dhiibtay habka ugu wanaagsan ee loo wajahayo ka hor-tagga tacadiyada Kufsigu ka mid yahay ee haweenka lagula kaco. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali daahir oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in xafiiskiisu si adag uga shaqeynayo siddii looga hortagi lahaa tacadiyada haweenka, isla markaana meel wanaagsan uu hadda marayo. Wasiirka Wasaaradda cadaaladda XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo si rasmi ah u furay Shirka wada tashiga ah ayaa sheegay in siyaasadda wasaaradda iyo guud ahaan dowladda ay tahay in meel looga soo wada jeesto tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo guud ahaan mawaadiniinta Soomaaliyeed. “Siyaasada wasaaradda waxaa ay tahay in meel looga soo wada jeesto arrinkaan tacadiyada haweenka waxaa la idinka rabaa inaad si aad ah uga doodaan arinkaas isla markaana ka soo saartaan go’aano rasmi ah oo lagu daro sharciga”ayuu yiri wasiirka Cadaaladda View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Taliyaha ciidamada millateriga Somalia, Jen. Daahir Aadan Cilmi [Indho-qarshe] oo la hadlayay warbaahinta ayaa asheegay in ciidamada AMISOM ay xilliyada dagaalka daba-socdaan kuwa Soomaaliya oo ka hub iyo qalab yar. Jen. Indho-qarshe ayaa sheegay in ciidamada Somalia ay iyagu dhibaatada inta badan ku dhacayso, balse ciidamada ka mushaarka badan ee AMISOM ay gabaad ka dhigtaan kuwa Somalia. “Ciidamada AMISOM ee mushaar ahaanta u qaata 1,000 doollar iyo in kasii badan, waxay xilliyada dagaalka daba socdaan kuwa Somalia, dhibaatada inta ugu badan waxay ku dhacdaa ciidamadeenna, waayo waxay og-yihiin inay u dhaarteen difaacadda dalkooda,” ayuu yiri Jen. Indho-qarshe. Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Somalia ay ay ka go’an tahay mar walba inay dalkooda ka difaacaan cadowga, isagoo hadalkiisa ku daray in ciidamada Somalia ay helayaan dhammaan xuquuqaha ay ku leeyihiin dowladda. Dhanka kale, Ciidamada AMISOM ayaa waxay saldhigyo kala duwan ku leeyihiin gobollada dalka qaarkood, waxaana inta badan lala beegsadaa saldhigyadoodaas weerarro khasaare badan ay kasoo gaarto. Ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia ayaa waxay tiradooda ka badan tahay 12,000 oo askari, kuwaasoo ka kala socda dalal dhowr ah oo ka tirsan kuwa Afrika, balse muddo toban sano ka badan ayay ku guuleysan la’yihiin inay ka adkaadaan Al-shabaab. Ugu dambeyn, Hadalka Taliyaha Millateriga Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli maalmahan si weyn loo hadal-hayay ciidammo kasoo baxay dhufeyso iyo saldhigyo ay kaga sugnaayeen qaybo ka mid ah dalka. PUNTLAND POST The post Jen. Indho-qarshe oo si adag uga hadlay Hawl-galka Ciidamada AMISOM appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa marti-gelisay tababar ku saabsan Barnaamij lagu maamulayo hirarka oo loogu talo-galay dalalka soo koraya (Spectrum Management System for Developing Countries – SMS4DC), kaasi oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU), laguna qabtay magaalada Muqdisho intuu u dhexeysay 14-kii illaa 18-kii Maarso 2019. Axmed Boraud oo ah tababare caalami ah oo ka socday ITU ayaa ugu horreyntii sheegay in ujeeddada tababarkan uu yahay sidii loo dhisi lahaa aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha sidii ay si habsami leh ugu isticmaali lahaayeen barnaamijkan arrimaha maareynta hirarka, isagoo intaasi ku daray in tababarkan uu diiradda saari doono shaqaalaha maamula hirarka noocyada kala duwan. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, C/casiis Duwane Isaaq, ayaa sheegay in ay tahay fursad taariikhi ah in Machadka Isgaarsiinta Qaranku uu martigeliyo tababar ay soo qabanqaabisay ITU, taas oo ah markii ugu horreysay tan iyo burburkii ka dhacay dalka, isagoo xusay in tallaabadani ay dhabbaha u xaari doonto barnaamijyo kale oo ay ITU ka fuliso dalkeena, laguna qabto Machadka. Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Cabdi Sheekh Axmed, ayaa sheegay in tababarkan uu ku soo aaday waqti munaasab ah oo dalkeenu uu si buuxda u ceshtay xubinnimadii Ururka ITU, isla markaana uu yeeshay hay’ad maamusha arrimaha isgaarsiinta oo haatan ku hawlan nidaaminta qeybaha kala duwan. Maareeyuhu wuxuu intaasi ku daray in tababarkan uu xoogga saaray in xogta ay ururisay Hay’adda Isgaarsiinta loo isticmaalo barnaamijkan, isagoo ku adkeeyay ka-qeybgalayaasha inay dalkooda uga faa’iideeyaan aqoontii ay ka kororsadeen tababarkan. “Waxaan u mahadcelinayaa ITU, gaar ahaan Xafiis-goboleedka Carabta oo gacan ka geystay sidii barnaamijkan u qabsoomi lahaa. Waxaan rajeyneynaa in ITU ay naga caawin doonto tababarro badan oo noocan oo kale ah si aan u dhisno awoodda farsamo ee shaqaalaheena,” ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay maareeyuhu. PUNTLAND POST The post Hay’ada Isgaarsiinta Qaranka oo Xamar ku qabatay Tababarkii ugu horreeyay appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga dib-u-eegista Dastuurka oo wareejiyay cutubyo cusub
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Munaasabadan lagu wareejinayay shanta cutub ee Dastuurka KMG ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xubno ka kala socda Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgalinta Dastuurka BFS, Guddiga Madaxa banaan ee la socodka iyo hirgalinta Dastuurka iyo Wasaarada Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgalinta Dastuurka BFS Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa ugu horeyn Kulanka ka sheegay in shantii Cutub ee ugu dambeysay ay ku wareejinayaan Guddiga Madaxa banaan ee la socodka iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya si ay Wada xaajood kaga soo yeeshaan. Muumino Sh. Cumar Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Madaxa banaan ee la socodka iyo hirgalinta Dastuurka ayaa dhankeeda sheegtay in shanta Cutub ee lagu wareejiyay ay waajibaadkooda shaqo ka gudanayaan. Sii hayaha ahna Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin gaba gabada uu marayo Dastuurka KMG ee dib u eegista lagu samaynayay dhawaana ay bilaabayaan wacyi galinta iyo la tashiga bulshada ku dhaqan dowlad goboleedyada iyo degmooyinka dalka. Dastuurka KMG ee dib u eegista lagu samaynayay waxaa horay loo dhamaystiray oo la gudbiyay 10 Cutub, iyadoo haatana shantii ugu danbaysay maanta la gudbiyay, iyadoo hada ka dib ay bilaabanayso wacyi galin iyo in la horgeeyo baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. View the full article -
Somaliland: The Case For De-Jure Recognition Somaliland become independent on 26th June, 1960 with defined borders and was recognized by more than 34 countries including all the then super powers. Somaliland is demanding to reinstate its original borders from June 26th, 1960. Nothing more nothing less. The union to form the defunct Somali Republic failed and Somaliland has withdrawn, just like Senegal and Gambia, just like the United Arab Republic, just like Czech and Slovakia. Somaliland’s case is not one of “separatism”, like Biafra in Nigeria or Katanga in the Congo Democratic Republic nor Cabinda in Angola. It was exactly like the union between Tanganyika and Zanzibar which formed the still existing Tanzania. With two exceptions, the union to from the defunct “Somali Republic” was never ratified and it’s constitution was overwhelmingly rejected in Somaliland. This is sovereign independent nation, Somaliland, formed a union with another independent nation, Somalia, with the hope of uniting all the five Somali regions in the Horn of Africa, Djibouti, Hawd & Ogaden and the Northern Frontier District. That vision was not realized and subsequently the union become unbalanced and eventually led to a civil war which ended in 1991. Somaliland has since then been a de-facto state awaiting de-jure recognition. That in a nutshell, is the Somaliland case. Ahmed Kheyre Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qabsashada al-Shabaab ee Balcad waxay runtii qeyb ka sheegi kartaa sida baahsan ee loogu fashilmay kalsooni-gelinta iyo dhirri-gelinta ciidamada dowladda oo markii labaad maalin cad lagala wareegayo gacan-ku-heynta degmada. Inkasta oo ay dib u qabsadeen, haddana ciidamada Soomaaliya marnaba ma ahayn inay joogaan xaalad magaalao caasimaddii dalka saaran, ay si sahlan ku qabsato Shabaab. Al-Shabaab ayaa bilihii ugu dambeeyey waxa ay muujinayeen heerka awooddooda. Qaraxyada iyo dilalka caasimadda ayaa joogto noqday, waxaana xalay ay magaalada usoo jirsadeen masafao dhow. Madxaweyne Farmaajo wuxuu markii la doortay ballan-qaaday in laba sanno gudahood looga adkaan doono al-Shabaab, lagana saari doono dalka oo dhan, hase yeeshee waxaa hadda muuqata in ballan-qaadkaas ay fulineyso Al-Shabaab, oo isaga ay uga adkaaneyso laba sano. Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxay al-Shabaab weeraro dhiig ku daatay ka fuliyeen caasimadda Muqdisho iyaga oo si aan dhuumaalaysi ku jirin uga dhex diriray meel madaxtooyada u jirta wax ka yar hal km. Waxaa xigay inay dharaar cad madaafiic kusoo asqeeyaan xarunta Villa Somalia. Hayeeshe, falalkani waxay caadiyan u muuqan karaan wax iska caadi ah oo dowladihii ka horreeyeyba ay la kulmi jireen. Balse iyada oo loo eegayo ballamihii Farmaajo iyo sheegashada Kheyre ee ah inay micno walba ugu diyaar-garoobeen la-dagaalanka al-Shabaab ma ahayn waqtigan in laga hadlo cabsida laga qabo qatartooda, waxay ahayd in la falan-qeeyo sida hadda kaddib loo dhimi karo halistooda. “Qabsashada al-Shabaab ee Balcad waxay iftiiminaysaa dayaca amni oo ka jira Muqdisho,” ayuu yiri Ali Dhuux oo dersa amniga gobalka. “Ma ahan wax la dheereysto in berrina ay qabsan karaan qeybo kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir.” Faallada Cali Dhuux uu ka bixinayo qatarta aan loo bareerin oo al-Shabaab ay ku muujinayaan awooddooda, ma ahan oo kaliya saadaal. Ilaha qaar ee amniga ayaa fahamsan in loo baahan yahay in mas’aladu hadda aysan joogin sugidda amniga gobolka, balse midda caasimadda ay ku jirto halis weyn. Qabsashadooda Balcad waa farriintii ugu danbeeyey ee si dhoolla-tusnimo leh loogu soo diray dowladda dhexe. In madaxweyne Farmaajo uu si muuqata uga fal-celiyo weerarada al-Shabaab uma baahnaan doonto canbaareyn iyo caga-jugelyn afka baarkiisa ku eg. Waxaa halhaleel loogu baahan yahay tallaab muuqata oo laga bixiyo hujuumkooda joogtada noqday. Waana talada ay siinayaan khubarada amniga. Inaan naan wax laga qaban sugidda amniga, ayay sii leeyihiin khubarada amnigu, waxay degmooyin badan hoos geyn doonta taliska al-Shabaab. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-19032019.mp3 View the full article
-
Kooxaha kubbadda cagta #Madbacada Qaranka iyo Muqdisho City Club ayaa wada dheelay kulan ka tirsanaa horyaalka Somalia Premier League kol ciyaareedka 2018-2019. Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar aad u saraysa waxaana qeybta 1aad lagu kala maray 2-1 oo ay hogaanka ku hayaan xidigaha Muqdisho City Club waxaanan u dhaliyay xidigaha kala ah Maxamed Kulul Jeynaa iyo Qeys Cabdulle Macalin Aadan . Qeybta labaad kooxda Mogadishu City Club ayaa heshay fursado gool ah waxaana labo gool oo mid ahaa gool ku laad u dhaliyay xidiga reer Kenya #Marcel Odhaimbo waxayna ciyaarta kusoo dhamaatay 4-1 oo ay guusha ku qaateyn xidigaha kooxda dowladda hoose ee Mogadisho City. “Waxaan ciyaarnay kulan adag iyo todobaad kale oo xiiso badan iminka kooxda aad ay iskula qabsatay kulamada inoo haray waxaan ku da’daalaynaa in aan sii wadano guulahan muhiimka”waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Macalinka reer Uganda ee hogaamiyo kooxda Mogadishu City Club Hussein Mbalangu. Natiijooyinka M.C.C Iyo Lixdii Kulan Ugu Horeesay Horyaalka 08/02/2019 Jeenyo 1:0Mogadishu City Club 26/02/2019 Mogadishu City Club 1:2 Horseed 18/02/2019 Mogadishu City Club 1:1 Midnimo 06/03/2019 Mogadishu City Club 1:0 Heegan 13/03/2019 Gaadiidka FC 1:2 Mogadishu City Club 19/03/2019 Madbacada Qaranka 1:4 Mogadishu City Club “Horayna ayaa warbaahinta ugu sheegay in aan kusoo laabanayo wadada guulaha iminka waxaa diirada saarno kulamada inoo horay wareega 1-aad ee horyaalka” waxaa sidaas kulanka ka dib Goobjoog Sports u sheegay Abdiwali Olad Gaatamow oo tababare ku xigeynka kooxda M.C.C. Kooxda Mogadishu City Club Wareega 1-aad waxaa u haray saddex kulan labo ka mid ah waxa ay wajhaysaa kooxaha u adag ee kala ah Elman-Sports Club iyo Dekedda,halka kulanka kale ayaa la ciyaarayso naadiga Jazeera Sports Club. Saddex Kulan Ee Wareega 1-aad Uga Haray Muqdisho City Club 25-03-2019-Elman VS Muqdisho City Club 29/03-2019-Jazeera Sports Club VS Muqdisho City Club 04/04-2019-Dekedda VS Muqdisho City Club Kulanka waxaa Garsoore ka ahaa Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Baari),Calanhayaha 1-aad waxa uu ahaa Aadan Cilmi Maxamed,Calanhayaha 2-aad waxa uu ahaa Xuseen Xaaji Basir,garsooraha keydka Axmed Cali Jimcaale,halka xer ilaaliyahay ciyaarta uu ahaa Aweys Nuur Axmed. Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Booliiska dalka Jabuuti Korneel Cabdullaahi Maxamed oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta khubad u jeediyay Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya kadib markii uu booqday Dugsiga Tababarka Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee General Kaahiye. Taliyaha ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay Soomaaliya u tababari doonto Ciidamo Booliis ah oo ka hortaga Qaraxyada iyo dilalka qorshaysan oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan magaalooyinka iyo Gobalada dalka. “Waxaan Soomaaliya u tababari doonaa Ciidamo gaar ah oo Booliis ah kuwaas oo ka badan kun Askari, waxaan bari doonaa ka hortagga qaraxyada iyo weerarada”, ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliiska dalka Jabuuti Taliyaha Jabuuti ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhibaato badan ku qabto dilalka ay fuliyaan Al-Shabaab iyo kooxo kale, sidoo kalane ay dhib badan ku qabto qaraxyada Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho sidaas darteedna ay Dowladda Jabuuti u tababari doonto Ciidamo arimahaan u tababaran. “Waad ogtihiin Soomaaliya malahan Ciidamadii loogu talagalay ka hortagga Qaraxyada, iyo muusiibooyinka kale ee la midka sida weerarada tooska ah, waxaan rabnaa in aan ka caawano oo aan tababarno dhalinyaro wadaniyiin ah”, ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliiska dalka Jabuuti Korneel C/llaahi Maxamed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa booqasho ku tagay Wasaarada Maaliyada ee Æuntland. Booqashada ayaa ahaud u nuur galid iyo Barasho la xiriirta qaabka [...] Source
-
Popular Contributors
