-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillaahi jawaan ayaa waxaa uu ka hadley sida uu u arko kulankii shalay ku dhex-maray magaalada Addis Ababa madaxweynaha Somaliland iyo raysal wasaaraha Itoobiya Cabdilaahi Jawaan waxaa uu sheegay in markii ugu horeysay ay Itoobiya sidii ugu qiimaha badneyd u soo dhaweysay madaxweyne Somaliland ka socda, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Golaha wasiirada cusub ee Puntland, ayaa maanta yeeshay shirkoodii ugu horreeyay ee Khamiislaha, tan iyo markii ay xilka la wareegeen. Kulanka oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa looga hadlay; arrimaha amniga, xeer-hoosaadka xukuumadda, kobcinta dakhliga Puntland, wada-dhaqeynta wasaaradaha iyo warbixinno laga dhegaystay qaar kamid ah wasaaradaha. War-saxaafadeed ka soo baxay shirka ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu wasaaradaha ku amray in ay soo diyaariyaan qorsha-hawleedka dowladda ee sannadka 2019, islamarkaana u diyaar-garooban qorshaha horumarinta Puntland oo ay hoggaamin doonto wasaaradda Qorshaynta ee Puntland. PUNTLAND POST The post Golaha xukuumada cusub ee Puntland oo shirkoodii ugu horrreyay kulmay appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Warar laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Khilaaf cusub uu soo kala dhex galay maamulka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Shirkadda DP World. Wararka ayaa sheegaya in arrinta Khilaafkaasi la xiriirta uu magaalada Dubai u tagay madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici, waxaana uu doonayaa inuu dib u eegis ku sameeyo heshiiskii Xukuumadii Siilaanyo ay la gashay DP World. Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inaysan wali gacanta ku dhigin nuqulka saxda ah ee heshiiskii lala galay Shirkadda DP World, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in kulan dhex maray madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo masuuliyiinta shirkadda lagu ogaaday mugdiga soo kala dhex galay labada dhinac. Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa ayaa la sheegayaa inay saluugsan yihiin heshiiska DP World loo saxiixay, maadaama aysan waxba kala socon qoraalo badan oo horey labada dhinac ay isku weydaarsadeen, kuwaasi oo qeexaya waxyaabaha lagu heshiiyay, sida wararka soo baxaya ay sheegayaan. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in fulin la’aanta heshiisyadii DP World ee dhismayaasha laamiyada iyo arrimo kale ay keeneen in madaxweyne Biixi iyo xukuumadiisa ay walaac badan ka muujiyaan heshiiskii horey DP World loogu siiyaydekadda Berbera . Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa madaxda DP World u gudbiyay sharuudo kale oo ay doonayaan in lagu daro heshiiska Shirkadda DP World kuwaasi oo aan horey loogu heshiin, waxaana wararka ay sheegayaan in qodobada uu ula tagay ay kamid aheyd: 1 – In Imaaraatka Kabo Dhaqaalaha iyo miisaaniyadda Somaliland 2 – In Bangiyo maaraatki leeyahay laga furo Somaliland 3 – In Imaaraatka Safka hore ka galo u ololeynta ictiraaf raadinta Somaliland. Waxaa qodobadaasi ay keeneen in madaxda Shirkadda DP Word diidaan, iyada intaasi kadib Seylici loosoo daabacay nuqulka heshiiskii lala galay madaxdii ka horeysay, waxaana kadib loo bandhigay qodobo ay Somaliland ka gaabisay. Arintaasi ayaana keentay in Khilaafka cusub uusoo ifbaxo. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimad@live.com
-
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray Boqor Burhaan Boqor Muuse. Boqorka ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno wasiiro xildhibaano iyo odoyaaal dhaqmeedyo. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa garoonka Aadan Cadde, Boqor Burhaan Boqor Muuse ku soo dhoweeyay. Boqor Burhaan oo si kooban wariyaasha u gula hadlay xarunta Vip-da ee Garoonka Aadan cadde ayaa ka mahad celiyay qaabkii quruxda badneyd ee loo soo dhoweeyay. Kulamo ayaa lagu wadaa in Boqor Burhaan uu la qaato madaxda ugu sareeyso dowlada Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar cowke Puntland Post Muqdisho The post Boqor Burhaan Boqor Muuse oo Muqdisho soo gaaray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Shirweynaha qaran ee dhab u heshiisiinta oo uu daah furay gudoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay socday ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho. Shirweynaha ayaa oo uu soo xiray ra’iisal wasaare Kheyre ayaa waxaa lagu soo bandhigay nuqulka 1aad ee Hannaanka Dhab-u-heshiinta qaranka waxaana kasoo qayb galay ergo matalaysey dadka Soomaaliyeed oo ka kala yimid Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka banaadir iyo marti-sharaf ka kala socday qaybaha bulshada. Wasaarada arimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta oo shirkaasi qabatay ayaa gabagabada shirka soo saartay baaqyo kala duwan oo ku saabsan dib u heshiisiinta,kuwaas oo ku socday dowlada Soomaaliya. Laga soo bilaabo bartamihii sanadkii 2017, waxay Wasaaraddu qabatay Shirweyne Qaran iyo wadatashiyo lala yeeshay dadka Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan oo lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Kismaayo, Dhusamareb, Jowhar iyo Baydhabo oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 1400 oo qof oo kale socday qeybaha kala duwan ee bulshada iyo laamaha iyo hay’adaha dowlada heer federal iyo heer maamul goboleed. The post Raa’iisal Wasaare Kheyre Oo Soo Xiray Shirweynaha Qaran Ee Dib U Heshiisiinta Dalka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland ,Siciid Cabdullaahi Den ayaa magaca ka beddelay, wasaaraddii Degaanka iyo Isbeddelka cimilada ee Puntland. Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu sheegay in magacii wasaaradda loo beddelay, wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka cimilada ee Puntland. Sannad ka hor, 15-kii Febraayo 2018 madaxweynihii hore Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa sidaan oo kale magaca uga beddelay, isla waraaddan oo markaas ahayd ” wasaaradda Degaanka,Duurjoogta,Daaqa, iyo Dalxiiska”. Madaxweyne Gaas wuxuu magaca xilligaas u beddelay, wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka cimilada isagoo soo kordhiyay “Isbeddelka cimilada. PUNTLAND POST The post Mid kamid ah wasaaradaha Puntland oo magaca laga beddelay appeared first on Puntland Post.
-
Dawladda itoobiya oo 27kii sano ee ugu dambeeyey faragalin cad ku haysay dalka Soomaaliya, ayaa dib u bilowday faragalintii iyo la dagaalankii qaranimada dalka Soomaaliya. Abiy Ahmed, Raysal Wasaaraha itoobiya wuxuu dhawaan ku dhawaaqay in uu xurmaynayo Madax-banaanida dalka Soomaaliya, uuna quudaraynayo in ay Somalia iyo Itoobiya yeeshaan iskaashi dhanka ganacsiga iyo amniga. Hadaba, Arintaas waxaa ka baxay Raysal Wasaaraha itoobiya kadib markii uu Dalka Soomaaliya u soo magacaaabay Sadex Safiir oo u kala fadhin doona Hargaysa, Garowe iyo Muqdisho, arintaas ayaa waxay markhaati ka tahay weerarka uu Raysal-wasaare Abiy dib ugu bilaabay dalka Soomaaliya. Sidoo kale, Raysal wasaarabe Abiy wuxuu shalay martiqaaday Madaxweynaha Maamulka Somaliland ee dalka Soomaaliya, kaasi oo la sheegay in uu la galay heshiis badda Soomaliya iyo iskaashi deegaanka iyo dalka itoobiya. Dhanka kale, itoobiya waxay weerar dhul-boob ah ku haysaa Deegaanka Soomaali Galbeed arrintaas oo ilaa iyo hadda wax ka hadlay uusan jirin. Damaca itoobiya gaar ahaan Qoomiyada Oromo oo ah tan hadda talada dalkaasi haysa ayaa sidii dalka itoobiya loogu heli lahaa deked, taasi oo qorshaha itoobiya uu yahay in marka hore la kala qaybiyo Soomaalida kadibna la taageero qayb-ka mid ah si qaybta itoobiya ay taageerto ay uga hesho dhul-badeed itoobiya ay leedahay. Madaxweynaha Deegaanka Oromiya oo dhawaan la weydiiyey Ciidamada badda ee itoobiya, maadaama ayna bad itoobiya lahayn, ayaa ku jawaabay “Yaa og in Mustaqbalka ay Itoobiya bad-yeelan-doonto iyo in kale. Ugu dambayntii shacabka Soomaaliyeed iyo Dawlada dhexe ee Soomaaliya waxaa la gudboon in ay difaacdaan dalkooda bad iyo barinba weerarka lagu soo qaaday ayna ka gudbaan is-qabqabsiga dhexdooda ah, haddii kale cadow aadan waligaa iska dulqaadi Karin ayaa dalkan la wareegaya. W/Q: Ahmed Mohamed ahmedaftaag@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Dhuusamareeb (SMN)- Ciidamada amaanka ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulkaasi ay ku qabteen hub loo siday Al-shabaab. Saraakiisha amaanka ee Galmudug ayaa tilmaamay in ay gacanta ku dhigeen hub isugu jiray noocyo fara badan iyo gaarigii waday oo ka yimid sida ay sheegeen magaalada Boosaaso isla markaana ku sii jeeday deegaano ay maamulaan Al-shabaab. Sidoo kale taliska booliiska magaalada Dhuusamareeb ayaa shaaca ka qaaday in ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan hubkaasi isla markaana ay warbaahinta la wadaagi doonaan waxa ka soo baxa baaritaankaasi. Sarkaal ka tirsan Booliiska Galmudug oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay aaminsanyihiin in hubkaasi loo waday qeybo kamid ah maamulka Galmudug iyo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Ma jiro wax war oo ka soo baxay Al-shabaab oo ku aadan lahaanshaha hubka lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb,sida ay sheegeen ciidamada amaanka Galmudug. The post Maamulka Galmudug Oo Hub Ku Qabtay Dhuusamareeb appeared first on Shabelle. View the full article
-
Mareykanka oo shaaciyay Cadadka dhaqaallaha uu Somalia ku maal-galinayo sanadkan 2019-ka Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ku maalgalin doonto boqolaal milyan oo dollar oo loogu tala galay in sare loogu qaado Kabayaasha dhaqaallaha iyo Arrimaha Gargaarka. Qorshahan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaadhan oo dowladda Mareykanka ay ugu tala gashay dalal ay ka mid ah tahay Soomaaliya oo ay ka jiraan dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhanka Ammaanka iyo Xasilooni daro. War kasoo baxay Waaxda Arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in sidoo kale lacagtaan ay ka qeyb ka tahay la dagaalanka Al-Shabaab. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo USAID waxay ku maal-galin doonaan in ka badan $ 500 milyan Soomaaliya sanadkan. Taasi waxay ku darsan tahay in ka badan $ 1 bilyan oo ka mid ah gargaarka Qaramada Midoobay. Mid waliba waxan rajeynaynaa in maaliyaddani ay dib u soo celiso barwaaqo iyo xasilooni Soomaaliya”ayaa lagu yidhi Warka kasoo baxay Mareykanka. Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in ay hubin doonto halka ay ku baxayso lacagtaan iyo in ay gaahdo meeshii loogu tala galay. “Waxaan hubin doonaa in lacagtaan ay marto Waddo sax ah oo keeni karta xasillooni iyo Al-qaacida laga tirtiro geeska Afrika” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay Mareykanka. Horaantii toddobaadkan ayaa sidoo kale Mareykanka waxay shaaciyeen lacag kale oo middan ka baxsan taasi loogu talo-galay in lagu caawiyo shirkadaha yaryar ee Soomaalida, si maal gelin loogu sameeyo. Qaran News
-
Muqdisho (SMN)- Ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM ayaa ka walaacsan dhibaatooyin ciidamadooda ka haysta is gaarsiinta saadka Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay uga doodeen sidii xal loogu heli in ciidamadooda ku sugan furuumaha dagaalka loo gaarsiin lahaa sahay ku filan. Andrew Alele oo ka tirsan saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in caqabad weyn ay ka haysto sidii ciidamadooda ku sugan goobaha dagaalka ay ku gaarsiin lahaayeen shidaal iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah Waxaana uu intaasi ku daray in haddii aan la helin saad ku fulin ciidamooda ka ag dhaw aagaga dagaalka ay saameyn ku yeelanayso howlgaladooda Ciidamada AMISOM ayaa waxaa inta badan ay dhibaatooyin ka haysataa qaar ka mid ah wadooyinka deegaanada ay ku sugan yihiin halkaasoo oo ay Al-shabaab ku weeraraan sahayda u socota ciidamada AMISOM. The post AMISOM Oo Ka Walaacasan Gaarsiinta Saadka Ee Ciidamadeeda appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa waxaa caqabad weyn ka heysataa sidii Golaha Wasiirada ee uu dhawaan magacaabay loo hor geyn lahaa Golaha Baarlamaanka Maamulkaas. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa cadaadis xoog leh kala kulmayo Beelaha deegaanadaas, waxaana soo baxayo beelo badan oo ku qanci waayey xilalkii loo magacaabay. Lafta Gareen ayaa hadda wado olole uu ku doonayo inuu Beelahaas ku qanciyo inay aqbalaan Wasiirada loo magacaabay. Beelaha qaar ayaa lasoo sheegayaa inay Lafta Gareen si cad ugu sheegeyn inaysan marnaba aqbali doonin wasiirada la siiyey waxayna u sheegeyn inay kalsoonida kala noqon doonaan. Bilowgii Bishaan ayu Lafta Gareen magacaabay Golihiisa wasiirada waxaana durba is casilay qaar ka tirsan Wasiiradii la magacaabay. Wasiirada is casilay qaarkood ayaa sheegay in xilka loo magacaabay uusan u qalmin beeshooda isla markaasna aysan qaadan Karin halka kuwa kalana ay sheegeyn inaan lagala tashan markii loo magacaabay sidaas darteedna aysan diyaar u aheyn inay qaataan. Sida ay xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online, haddii aan la qancin beelaha tabashada qabo waxaa macquul ah inuu Madaxweynaha Koonfur Galbeed mar kale dib ugu laabto Xukuumadda oo uu isbadal ku sameeyo dibna uu usoo dhiso mar kale. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la aaminsan yahay inu taageero weyn ka heysto Villa Soomaaliya balse wuxuu hadda wajahayaa caqabado badan oo ay ugu horeyso sida uu Beelaha ugu qeybiyey Golihiisa Wasiirada. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimad@live.com
-
Muqdisho (SMN)- Askari ilaalo ka ahaa isbitaalka ah u geestay mid kamid ahaa dhalinyarada ku shaqeysta moota Bajaajta. Dilka ayaa ka dhacay afaafka hore ee isbitaalka waxaana dilka uu yimid sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkii ka ag dhawaa halka uu falka ka dhacay kadib ciriiri xooggan oo ka dhashay isbitaalka hortiisa ,taas oo keenta in askariga uu rasaas ku furo wadihii Bajaajta oo ugu danbeyn goobta ku geeriyooday. Saraakiisha Booliska Soomaaliya oo googta ka ag dhawaa ayaa la xaqiijiyay in gudaha isbitaalka ay ka soo qabteen ninka ilaalada ah ee dilka geystay. Ma ahan markii ugu horeysay oo wade mooto Bajaaj lagu dilo gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho,waloow inta badan cadaalada la horgeeyo dadka dilalkaasi geysta. The post Wade Mooto Bajaaj Oo Lagu Dilay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Oslo (SMN)-Hay,adda Spectrum oo dowladda Soomaliya ay u xil saartay baaritaanka shidaalka Soomaliya ayaa beenisay hadalkii kasoo yeeray dowladda Kenya ee ahaa in dowladda soomaaliya ay shirkii London ku iib geysay dhul ay leedahay dowladda Kenya oo shidaal laga helay. Madaxweyne ku xigeenka shirkada Spectrum Graham Mayhew ayaa kashaaca ka qaaday in heshiis ay ku galeen in shidaal ay ka baraan kaliya dhulka Somaliya.slamarkaana ay ka fogaadeen dhulka Kenya. Ku xigeenka madaxweynaha shirkadani arrimaha shidaalka ee fadhigeedu yahay dalka Norway ayaa hoosta ka xariiqay in baaritanadaasi ay kasameeyeen dhul 20,185 km u jira xeebaha maamulka Puntland iyo Badda dhanka waqooyi uga beegan xadka ay wadaagaan Soomaliya iyo Kenya. Hadalka shirkada shidaalka Spectrum ayaa imanya xilli dhawaantan ay cirka isku shareertay khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhexeysa dalalka Soomaliya iyo Kenya kadib markii dowladda Kenya ay xukuumadda Soomaliya ku eedeysay in ay xarashaatay xirmooyin shidaal oo laga helay Badda ay leedahay Soomaaliya oo dowlada Kenya ay sheeganeyso. Sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya ayaa haatan u muuqata mid fashilantay madamada shirkadii caalamiga ahayd ee baaritaanka sameysay ay qirtay in ay baaritaan ka sameysay dhulka Soomaaliya. The post Shirkada Spetcrtum Oo War Cusub Ka Soo Saartay Badda Ay Sheeganeyso Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Duhur. Hoos riix si aad u dhagyesato The post Dhageyso: Warka Duhur Ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baardheere (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa si buuxda u sheegatay mas’uuliyadda qaraxyo ciidamada Itoobiya shalay lagula eegtay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegatay in kooxda ay ciidamada Itoobiya la beegsatay qaraxyada xilli ay ka biya dhaansanayeen gudaha magaalada, islamarkaana ay ahaayeen qaraxyo is xig-xigay. Al-Shabaab ayaa warbaahinteeda ku sheegatay in sagala askari oo Itoobiyaan lagu dilay qaraxyada. Qaraxa koowaad ayay sheegtay inay ku dishay afar askari. “Markii qaraxa koowaad uu dhacay ayay ciidamo farabadan kusoo xoomeen goobta iyagoo ku mashquulsan daabulidda dhaawacyada iyo meydadka ayuu mar qura qarax kale qabsaday ciidamada Itoobiya waxaana qaraxa dambe ku dhintay 5 askari” Ayaa lagu yiri qoraal ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab. Toddobaad ka hor ayay aheyd markii sidoo kale weerar is-miidaamin ah lala eegtay Itoobiyaanka ku sugan garoonka diyaaradaha Baardheere. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay uga mahadcelinaysaa Dawladda Federaal-ka iyo shacabka Itoobiya sidii milgaha iyo maamuuska lahayd ee ay u soo dhaweeyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga ballaadhan ee uu hogaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa. Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay soo dhawaynaysaa, lana qabtaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed in Geeska Afrika noqdo meel nabad ah. Dalalka Geeska Afrikana iyadoo mid walba la qadarinayo jiritaankooda dhuleed iyo madax-bannaanidooda qarannimo, in ay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarka mandaqadda. Shirkii weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia waxa la isku af-gartay in arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal iyo fagaare caalami ah, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara colaado cusub iyo xasarado hor-leh oo ka curta Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaanna dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo ay hore u dhex-mareen colaado lagu hoobtay. Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku aas-aasantay go’aan shacbi, waxaanay tixgelinaysaa deris-wanaagga iyo nabad ku-wada-noolaanshaha waddamada deriska ee geeska Afrika iyo kuwa beesha caalamka. Balse wada-hadal iyo nabad waarta waxay ku imanayaan Soomaaliya oo ka waantowda been abuurka, cadaawadda, iyo colaadda ay u hayso shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo horumarkooda Qaran News
-
Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa wareegto ku magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Luuq ee Gedo, isaga oo xilkii ka qaaday guddoomiyahii hore. Maxamed Xasan Cismaan ayaa loo magacaabay guddoomiyaha degmada Luuq, iyadoo guddoomiyahii horena loo bedalay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo uu ka shaqeynayo. Halkaan hoose ka akhriso: Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (SMN)- Maamulka Somaliland ayaa qoraalka kasoo saaray booqashada Madaxweyne Biixi uu ku tegay magaalaa Addis Ababa iyo kulamada halkaasi ka socda. “Somaliland waxa ay uga mahadcelinaysaa Dawladda Federaal-ka iyo shacabka Itoobiya sidii milgaha iyo maamuuska lahayd ee ay u soo dhaweeyeen Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga ballaadhan ee uu hogaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa. Somaliland waxa ay soo dhawaynaysaa, lana qabtaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed in Geeska Afrika noqdo meel nabad ah. Dalalka Geeska Afrikana iyadoo mid walba la qadarinayo jiritaankooda dhuleed iyo madax-bannaanidooda qarannimo, in ay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarka mandaqadda. Shirkii weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia waxa la isku af-gartay in arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal iyo fagaare caalami ah, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara colaado cusub iyo xasarado hor-leh oo ka curta Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaanna Somaliland iyo Soomaaliya oo ay hore u dhex-mareen khilaafyo siyaasideed. Somaliland waxay ku aas-aasantay go’aan shacbi, waxaanay tixgelinaysaa deris-wanaagga iyo nabad ku-wada-noolaanshaha waddamada deriska ee geeska Afrika iyo kuwa beesha caalamka”. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa waxaa diirada lagu saaray sidii meesha looga saari lahaa khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya. Warbaahinta Itoobiya oo wax ka qortay kulankan waxaa ay sheegtay Somaliland in ay aqbashay wada hadal y la yeelato dowlada Somaliya. The post Somaliland Oo Ka Hadashay Kulan Dhex Maray Madaxweyne Biixi Iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwo la sheegay iney ahaayeen Maraykan ka fuliyeen deegaanka Baladul-amiin ee gobolka Shabellaha Hoose. Weerarkan oo dhacay xalay ayaa ugu horreyn diyaarado dagaal waxa ay duqeeyeen saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaankaasi. Duqeynta waxaa xigtay ciidan lug ah oo deegaanka galay, waxaana ay la dagaallameen ciidamada Al-shabaab, iyadoo halkaasi khasaare ay ka dhalatay. Lama oga illaa iyo hadda inta uu khasaaraha la egyahay, hase ahaatee saraakiil u hadashay ciidanka xoogga dalka waxay sheegeen iney dileen xubno ka mid ah Al-shabaab. Al-shabaab dhankooda waxay sheegeen iney iska caabiyeen ciidankii soo weerareen, islamarkaana khasaare ay soo gaarsiiyeen. Marar badan sidan oo kale, ciidanka xoogga dalka iyo kuwo ajaaniib ah ayaa weeraro uga fuliyey deegaanno ay ku sugnaayeen Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somaliland ayaa war kasoo saartay arrimaha wadahadalka ee ku aaddan dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale safarkii madaxweyne Muuse Biixi ku tagay magaalada Addis Ababa. War-saxaafadeedka ayaa sidan u qornaa: Somaliland waxa ay uga mahadcelinaysaa Dawladda Federaalka iyo shacabka Itoobiya sidii milgaha iyo maamuuska lahayd ee ay u soo dhaweeyeen Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wafdiga ballaaran ee uu hogaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa. Somaliland waxa ay soo dhawaynaysaa, lana qabtaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed in Geeska Afrika noqdo meel nabad ah. Dalalka Geeska Afrikana iyadoo mid walba la qadarinayo jiritaankooda dhuleed iyo madax-bannaanidooda qarannimo, in ay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarka mandaqadda. Shirkii wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia waxa la isku af-gartay in arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal iyo fagaare caalami ah, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara colaado cusub iyo xasarado hor-leh oo ka curta Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaanna Somaliland iyo Soomaaliya oo ay hore u dhex-mareen colaado lagu hoobtay. Somaliland waxay ku aas-aasantay go’aan shacbi, waxaanay tixgelinaysaa deris-wanaagga iyo nabad ku-wada-noolaanshaha waddamada deriska ee geeska Afrika iyo kuwa beesha caalamka. Balse wada-hadal iyo nabad waarta waxay ku imanayaan Soomaaliya oo ka waantowda been abuurka, cadaawadda, iyo colaadda ay u hayso shacbiga Somaliland iyo Horumarkooda. Source: goobjoog.com
-
Balcad(SMN)- Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-shabaab ay weeraran ku qaadeen saacadihii la soo dhaafay fariisimo ciidanka dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin dhanka galbeed degmada Balcad ee gobolkaasi. Ilo dadka degaanka ah ayaa shabelle usheegay in dagaalka uu socday ku dhawaad hal saac isla markaana ay jiraan qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ma jirto wax war oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe iyo saraakiisha amaanka ee dowlada Soomaaliya. Dhinaca kale Al-shabaab ayaa barahooda Internet-ka ku sheegtay mas’uuliyada weerarkaasi ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. The post Warar Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay Balcad appeared first on Shabelle. View the full article