-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u duulay dalka Masar. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee M/Muqdisho. Madaxweynaha ayaa magaalada Sharmal Sheekh ee dalkaasi uga qeyb galaya shir u dhexeeya Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub. Sidoo kale waxaa la filayaa in kulamo gaar gaar ah uu la qaato madaxweynaha Masar, guddoomiyaha shir guddoonka ururka Midowga Afrika, iyaga oo ay ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid tahay xiisada u dhexeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynuhu uu socdaal ku tagay Burundi iyo Jabuuti, halkaas oo uu kulamo kula soo qaatay madaxda dalalkaasi. The post Madaxweynaha JFS Oo u ambabaxay dalka Masar appeared first on Shabelle. View the full article
-
The state on Friday opposed bond terms for terrorist Ali Salim Gichunge’s mother Sakina Abdalla. She is charged with failure to disclose information related to terrorism acts. Sakina denied withholding information pertaining to her son’s whereabouts between 2015 and 2019. She told Milimani chief magistrate Francis Andayi the last time she was in communication with her son was 2015. Sakina is accused of breach of her duty to disclose the whereabouts of her son, which would have prevented the Dusit terror attack on January 15. She asked why her former husband is not facing similar charges. In an affidavit, anti-terrorism police unit’s inspector Monica Githaiga said data from Sakina’s mobile phone show she has been in constant communication with several phone numbers located in Somalia that are believed to be her son’s. Githaiga said investigations are ongoing to identify the individuals who might have been in communication with Sakina and Gichunge in relation to terrorist activity and particularly the Dusit attack. The detective said Sakina is likely to interfere with investigations if she is released on bond. She is the second suspect to be charged over the attack that claimed 21 lives and injured scores of others. Diamond Trust Bank Eastleigh branch manager Sophia Mbogo has been charged with aiding and abetting. The state sought additional time to conclude investigations against Mandera-based Imam Mukhtar Ali, who is said to have been recruiting and radicalising young men. State counsel Eddie Kaddebbe sought 20 days to allow the ATPU to conclude investigations against Mukhtar. He said the 30 days custodial orders sought on January 21 have not been sufficient. “The nature of investigations is fairly complex because they involve analysis of electronic gadgets, including 100 mobile phones’ call data records,” Kaddebbe said. But Mukhtar’s lawyer Gitobu Imanyara opposed the request, saying there is no need to keep his client in custody. The post Kenya wants mum of Dusit attack suspect detained appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo wuxuu sheegay in illaa iyo haatan aanay waxbo ka qabsoomin wadahadalladii madaxweyne Farmaajo iyo sidoo kale madaxda dowlad goboleedyada ee magaalada Garoowe. Wuxuu sheegay in maamul goboleedyada aanay wax qarashaad ah ka helin dowladda dhexe 8-dii bil ee lasoo dhaafay, isaga oo sheegay in caalamka u sheegayaan qarashaadkii ay soo dhiibeen in aanay helin. Xaaf ayaa dhanka kale sheegay in Galmudug iyo maamullada kaleba isku tashanayaan, islamarkaana bilaabi doonaan wax soo-saarkooda si ay wax u qabsadaan. Ugu dambeyn, Xaaf ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan dhismaha dekadda Hobyo, dhaka kalena iska difaaci doonaan wax walbo oo dhanka dowladda kaga yimaada. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/codka-XAAF.mp3SAX.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Shacabka ku dhaqan deegaannada K/galbeed ayaa ka sugaya xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweyne C/casiis Lafta Gareen iney degdeg kula timaado waxqabad muuqda. Dhallinyarada aqoonyahannada ah ayaa qaba in waxyaabaha hadda looga fadhiyo xukuumaddan tahay wax ka qabashada ammaanka, dhaqaalaha, dib u dhiska waddooyinka, caafimaadka, shaqo abuurka iyo sidoo kale furista waddooyinka xiran. Sidoo kale shacabka ayaa sheegaya iney rajo wanaagsan ka qabaan in xukuumadda uu soo dhiso Lafta Gareen ay wax badan qaban karto. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/WARBIXIN-WARCADE.mp3 Goobjoog News C/qaadir Abuu Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay wali dagaal kula jirto maamulkiisa. Xaaf, oo maanta tagay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka baxday wixii lagu heshiiyay dhamaan ballamihiina ka baxday. Madaxweyne Xaaf ayaa dowladda dhexe ku dhaliilay in ay si weyn uga soo horjeedo hormarka maamulka Galmudug, isagoo ugu baaqay qeybaha kala duwan ee Bulshadda in ay muujiyaan isku tashi. Xaaf iyo dowlada dhexe ayaa waxaa ka dhaxeeyay Khilaaf muddo soo socday kaasoo ku saleysan hanaanka dhismaha maamulka Galmudug oo waqtigiiso dhammaaday, waxaa sidoo kale khilaaf kala dhaxeeya Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Xaaf,waxaa uu ka soo haray maamulkii ugu sarreeyay Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada ee CIC, waxaana uu ka ahaa Guddoomiye ku xigeen. Madaxweynaha Jubaland oo golahaasi ku jira ayaa waxaa uu wadahadal kula jiraa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,halka maamulladii kale ay qaar la heshiiyeen dowladda dhexe kuwana ka dhaceen doorashooyin sababay isbeddel dhinaca hoggaanka ah. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu xarigga ka jaray xabsi weyn oo dhisme ahaan casri ah, kaasi oo laga furay magaalada Muqdisho. Dhismaha xabsigan ayaa socday muddo Saddex sano ah, waxaana markii ugu horreysay dhagax-dhigay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke. Xabsigan ayaa ka kooban qeybo kala duwan, waxaana loogu talogalay in lagu xiro maxaabiista, sidoo kalena loogu sameeyo dhaqancelin. Marka la eego xabsigan waxa uu ku jiraa liiska kuwa ugu casrisan ee qaaradda Afrika, iyadoo maxaabiista ay heli karaan nafis badan, goobo waxbarasho iyo goobo kale oo lagu ciyaaro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Kenya ayaa xilligan waxa ay cirka kusii toleysaa xiisadda Dimlomaasiyaseed ee kala dhaxeysa Soomaaliya, taasi oo hadal hayn badan ay ka dhalatay. Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in Kenya ay dooneyso xilligan iney qaadato dhul hor leh oo Soomaaliyeed, taasna waxaa loo sababeeyey hadalladii kala duwanaa ee dowladdaasi kasoo baxay. Aqoonyahan C/raxmaan C/laahi Dhubad oo u warammay Goobjoog wuxuu sheegay in sababta ugu weyn ee Kenya xiriirkii kala dhaxeeyey Soomaaliya u xumeysay ay tahay marin habaabinta go’aanka maxkamadda cadaaladda ee kiiska badda. Wuxuu sheegay aqoonyahankan in Kenya ay ogaatay in looga gacan sarreeyo kiiskaasi, sidaasi darteedna waxay sameeneysaa waddo walbo oo wax lagu joojin karo ama ugu yaraan dib loogu dhigo karo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Wareysi-Daqare.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay in ay xabad joojin kala dhex-dhigaan beello walaalo ah oo muddo isku hayey Tuulada Xaaji Cali ee degmada Cadalle. Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale ayaa maanta waxa ay degmada Cadalle kula kulmeen waxgaradka beelihii dagaallamay. Waxaa la isku raacay in xabadda la joojiyo islamarkaana wax walbo lagu dhammeeyo miiska wadahadalka bedalkii la dagaallami lahaa. Nabadoon Mukhtaar Axmed oo ka mid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog, in hadda ay isku diyaarinayaan wadahadallada nabadeed iyo sidoo Labadan beel u wada noolaan lahayd. Beelahan ayaa is hayey muddo Labo sano ah, iyadoo dhowr jeer lagu guul darreystay in xaalkooda la xalliyo, hase ahaatee hadda nabadda ayeey wada aqbaleen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Several people have been arrested after they attacked and looted Somali shops in South Africa. The police spokesperson Kay Makhubela says the suspects were followed after they targeted and robbed shops belonging to Somali nationals. Makhubela could not confirm reports that a Somali national was also killed during the robbery blaming Twitter users for publishing unconfirmed reports. “Some of the things which are Tweeted are misleading. There were incidents that happened in the area but we can’t give a number of people that were killed because that needs to be a fact.” Makhubela says they are still searching for some of the suspects who perpetuated these robberies and is appealing to members of the public to assist. The post Somali shops looted in South Africa, several suspects arrested appeared first on Shabelle. View the full article
-
Tooriyaha lagu qabtay dhalinyarada Taliska Booliiska gobolka Nugaal ayaa maanta soo bandhigay in ku dhow 30 dhalinyaro ah oo lagu soo qabtay hawlgallo ay ciidamada amnigu ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee magaalada Garoowe. Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Xassan Cabdullaahi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay saldhiga Garoowe ayaa sheegay in dhalinyarada la soo qabtay ay ku eedaysan yihiin dhaca iyo furashada dadweynaha magaaalada isagoo xusay in qaar kamid ah raggan ay ka soo carareen dhinaca magaalada Boosaaso oo hawlgallo culus ka socdan. Taliska ayaa sidoo kale soo bandhigay tooriyo la sheegay in ay dhac iyo furasho ku geysanayeen dhalinyarada la soo qabtay waxaana taliyuhu sheegay in maalinta berri ah maxkamad la isku geyn doono iyaga iyo qalabkoodaba. PUNTLAND POST The post Dhalinyaro tooriyo ku hubaysan oo Garowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
The main streets in Mogadishu have been locked down on Saturday for the commemoration of the 49th anniversary of the establishment of Somali custodial corps. A well-organized ceremony which took place in an army base was attended by Somali Prime Minister Hassan Ali Kheire, the chief of custodial corps, Bashiir Mohamed Jama’a and other officials from security agencies. During the event, the Prime Minister inspected a guard of honour mounted by the forces. After the guard of honour, Mr. Kheire visited newly constructed premises for the custodial corps. The prime minister commended the forces for their achievements after his tour to the construction. For his part, the new chief of custodial corps extended congratulatory message to the forces. “I congratulate the commissioners, deputy commissioners and all the custodial corps on the 49th anniversary of the establishment of the forces,” said the chief. The prison corps who had been working through difficulties since the government of late Mohamed Siyyad Barre who was toppled early 1990s have taken step forward and marked remarkable achievements. The post Mogadishu streets locked as Somali custodial corps marks 49th anniversary appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Labo sano kadib maanta oo kale ayay aheyd markii la magacaabay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, taasi oo lama filaan noqotay magacaabistiisa. Xasan Cali Kheyre ayaa la magacaabay 23 February sanadkii 2017, waxaana lagu magacaabay qoraalka Barta Twitter-ka uuso dhigay madaxweynaha Soomaaliya. Markii la magacaabay kadib wuxuu codka kalsoonida ka helay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu kadib soo magacaabay golo wasiiro oo marar badan isku shaandheyn iyo wax ka badalid lagu sameeyay. Kheyre ayaa hadda xilka haya muddo labo sano ah, waxaana mudada xilka hayay soo wajahay culeesaad siyaasadeed oo kaga imaanaya siyaasiyiin kala duwan iyo xildhibaanada baarlamaanka. Wuxuu noqanayaa ra’iisul wasaarihii seddexaad oo muddo labo sano oo xiriir ah xafiiska jooga, waxaana sidaan oo kale labo sano dhameystay Cali Maxamed Geedi ra’iisul wasaarihii KMG ahaa iyo Cumar C/rashiid Cali. Labada sano ee soo socota ayaanan la ogeyn in madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ay wada dhameysan doonaan, waxaana sidaasi horey u balanqaaday madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda ayaa saaka xiray qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo dadka shacabka ee shaqooyinka u socda ay yihiin kuwa lugeynaya wadooyinka waaweyn ee Magaalada. Ciidamada Booliska ayaa lagu arkayaa wadooyinka iyaga oo celinaya gaadiidka dadweynaha, balse ogolaanaya kaliya gaadiidka Dowladda inay maraan wadada. Wadooyinka xiran waxaa ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama oo ka xiran illaa Ex-Control Afgooye, halkaasi oo ay buux dhaafiyeen Ciidamada Booliska ee qaabilsan ammaanka Muqdisho. Ujeedada wadada loo xiray ayaa waxa ay tahay in madaxda ugu sareysa dalka ay ka qayb galayaan Xafladda lagu daah furaayo Xabsi wayn oo dowladda Somaliya ay ka dhistay duleedka Magaalada Muqdisho. Sidoo kale Ciidamada Asluubta Somaliya ayaa u dabaaldagaya maanta 49-sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay Ciidamada Asluubta oo maanta ku beegan. Madaxda Dowladda Federalka Somaliya ayaa la filayaa inay ka qayb galaan munaasabada Xabsigaasi xariga looga jaraayo ee maanta ka dhaceysa duleedka dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Agaasimaha Maxadka horumarinta manaahiijta ee Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Cabdilaahi Yaasiin Diiriye, ayaa sheegay in ay wax sharciyadda ka baxsan oo aan meelna kaga jirin qaanuunka dalka iyo ka caalamiga ah ee socdaalka in ay kula kaceen madaxda shirkadda diyaaradaha ee Al-Carabiya masuuliyiinteeda u jooga Somaliland. Waxaanu intaa ku daray in ay xafiiska shirkadda diyaaradaha ula tageen baasaboorka Somaliland oo laba qof ah, isla markaana wata fiiseyaashii dal ku galka ee dalka Turkiga ka dibna ay ka iibiyeen tigidhadii ay ugu safri lahaayeen dalka Turkiga, iyagoo socdaal (Taraansid) ku sii mayara magaalada Shaariga, ballanta socdaalka dhoofkooduna uu ahaa in ay maalinta Jimcaha ay afarta subaxnimo ku kallahaan madaarka oo ay sidaa ku dhoofaan. Waxa kale oo uu aad ugu mahad naqay wasaaradaha waxbarashada iyo sayniska iyo arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah oo uu sheegay in ay dedaal aad u wayn u galeen sidii dhakhtar caafimaad oo dibedda ah loogu diri lahaa iyo qunsuliyadda Turkiga ee Hargeysa oo uu iyadana ku ammaanay in ay fiiseyaashii dal ku galka siisay oo ay u fiisaysay baasaboorka Somaliland. Waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay in shirkad diyaaradeed oo ka hawl gasha Somaliland in ay diido in ay dadku ku raacaan baasaboorka Somaliland iyada oo waliba markii hore tigidhadii diyaaradda kaga iibisay baasaboorka Somaliland. Agaasime Cabdillaahi oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan, ayaa yidhi. “Muddooyinkii u dambeeyay waan xannuunsanayay oo dhakhtar ayaan ku jiray, wasaaraddayda waxbarashada iyo sayniska iyo wasaaradda arrimaha dibedduba waxay dedaal ballaadhan u galeen sidii aan u heli lahaa cisbitaal dibadeed oo aan caafimaad ugu boxo, taasina waxay sababtay in wasaaradaha waxbarashada iyo arrimaha dibeddu ay ka hawl galaan in safaarada Turkigu ku leeyahay Somaliland ee Hargeysa in ay fiise iiga raadiyaan, nasiib wanaag safaaraddaasi waxay na siisay laba fiise oo aanu ku tagno Turkiga aniga iyo xaaskaygu, iyadoo noogu fiisaysay baasaboorka Somaliland oo ay dal ku galkii noogu soo saartay laba baasaboor oo Somaliland ah oo aanu kala leenahay aniga iyo xaaskaygu, markii aanu fiiseyaashii aanu helnay waxaan tigidhadii diyaaradda aanu ku tegi lahayn Turkiga aan ka iibsaday shirkadda diyaaradda ee Al-carabiya oo noo sheegtay in aanu taraansid ahaan ku sii marayno Shaariqa, ballanta dhoofkayaguna waxay ahayd maalinta Jimcaha in aanu afarta subaxnimo tagno madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee Hargeysa oo aanu subaxnidii saaka (shalay) aanu ka dhoofi lahayn.” Agaasime Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa raaciyay in markii ay madaarka tageen in ay kala kulmeen arrin aanay filayn oo u cuntami wayday oo kaga yimi shirkaddii ka iibisay tigidhada diyaaradda ay ku raaci lahaayeen. Waxaanu yidhi “Markii aanu tagnay madaarka ayay shaqalihii diyaaradda u joogay madaarku waxay naga qaadeen baasabooradayadii markii ay arkeen in ay Somaliland yihiin ayay meel gaar ah na fadhiisiyeen waxaanay nagu yidhaahdeen waxaanu la hadlaynaa Shaariga in ay idin aqbasho in aad baasaboorka Somaliland ku tegi kartaan iyo in kale, ka dib waxaan u sheegnay in aanu ku socono Stanbul oo aanaan Shaariqa u socon, laakiin aanu taraansid ku nahay, laakiin siday noo meer meerinayeen ayay gaadhay xilligii ay diyaaraddu kacaysay, waxaanay ugu dambayn noo sheegeen in aanaan ku raacayn diyaaradda baasaboorka Somaliland oo ay diideen, sidaas ayaa diyaaraddii naga iibisay tigidhada aanu kaga soo goosanay baasaboorka qaranka oo fiisaysan oo fiiseyaashii dal ku galka ee Turkiga oo sharci ahna aanu u wadanay ay ku diideen.” Waxaanu agaasime Cabdilaahi oo qiiraysani uu intaa raaciyay, “Haddii aanay ogolayn shirkaddu in baasaboorkeena lagu raaco, waa in aanay dalka ka shaqayn oo aanay macaash inoo soo doonan, iyadoo inna diidan.” Waxaa uu intaa raaciyay in markii ay arrintaasi ku dhacday in uu masuulkii shirkadda Al-carabiya airline u joogay madaarka in uu ka qortay waraaq uu ku caddaynayo in uu isagu ka reebay diyaaradda, sababta uu uga reebayna ay ahayd oo keliya in ay siteen baasaboorka Somaliland oo ku fiisaysan fiisaha dal ku galka ee Turkiga. Waxaanu yidhi “Markii aanu diyaaradda sidaa kaga hadhay waxaan ka qoray masuulkii shirkadda AL-carabia airline u joogay madaarka in uu isagu iga reebay diyaaradda waxaanu ii qoray waraaq uu ku caddaynayo sababta uu diyaaradda noogu diiday in ay tahay baasaboorka Somaliland ee aanu sidano, haddaba waxaa loo baahan yahay in hay’adaheena ku shaqada leh ee ay wada shaqaynta leeyihiin shirkadaha noocaa ula dhaqmaya baasaboorkeena in ay tallaabo ka qaadaan oo aanay madaarkeena bahdilaad dambe kaga dhicin baasaboorkeena oo ka mid ah astaamaha qaran ee aynu leenahay.” Source
-
(SLT-Muqdisho)-Waxaa maanta la filayaa in magaalada Muqdisho xadhigga lagaga jaro Xabsigii ugu weynaa ee qaab casri ah loo dhiso, kaasoo dhismihiisa uu socday muddo sanado ah. Xabsigan ayaa furitaankiisa lagu soo beegay sanad-guurada 49aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliya. Saraakiisha Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in xabsigan uu la mid yahay sida xabsiyada caalamka ku yaalla, waxaana lagu tilmaamay mid ka mid ah xabsiyada ugu weyn Geeska Afrika. Munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa maanta ka dhaceysa Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galayaan Madaxda ugu sareysa Soomaaliya. Xabsigan oo uu sanadkii 2016 dhagax dhiggay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa dhisay hey’ado caalami ah, waxaana lagu tilmaamay inuu ka mid yahay xabsiyada ugu weyn ee Afrika. Source
-
(SLT-Switzerland)-Maxkamadda Federalka ee dalkaasi ayaa xaqiijisay Xukun ay Maxkamad Heer Gobal horey ugu riday Haweeney Soomaali ah oo lagu helay inay 2 gabdhood ay dhashay u dhoofisay Somalia si loogu soo sameeyo Gudniinka Fircooniga oo mamnuuc ka ahaa dalka Switzerland iyo inta badan dalalka aan Muslimka ahayn. Haweeneydaasi oo aan magaceeda la shaacinin ayaa la sheegay in lagu xukumay Xabsi 8 bilood ah, waana Xukunkii ugu horreeyey ee Kiiskaasi ee ka dhaca dalka Switzerland. Xukunkaasi oo dhacay shalay oo Jimco ahayd waxay Maxkamadda Federalka ee dalkaasi ku gacan-sayrtay sheegasho ay Haweeneydaasi ku sheegtay inaysan ka war haynin inuu Gudniinka fal Dembi ah ka yahay dalka Switzerland. Gabdhaha ay Haweeneydaasi dhashay ee lagu sameeyey Gudniinka FGM ayaa la sheegay in sannadihii 2013-kii iyo 2015-kii loo dhoofiyey dalalka Somalia iyo Somalia, si loogu soo gudo, waa sida ay Dacwad-oogayaasha u gudbiyeen Maxkamadda. Hooyadda Soomaalida ee xukunka lagu riday ayaa la sheegay inay ku nooshahay Gobalka Nejutel ee dalka Switzerland ee looga hadlo Luqadda Faransiiska Haweenydaasi ayaa la sheegay in Somalia loo soo dhoofin doono marka ay dhamaysato Xukunka 8-da bilood, halka ay carruurteeda la joogi doonaan Aabahooda oo isna ku nool dalka Switzerland. Sannadkii hore DFS waxay bilowday kiiskii ugu horreeyey Dacwadda Gudniinka FGM, kadib, markii ay gabar 10-jir ah u geeriyootay markii lagu sameeyey Gudniin nooca FGM. Si kastaba ha ahaatee, 55 million oo gabdho ku nool Qaraadda Afrika ayaa lagu sameeyey gudniinka FGM, iyadoo Somalia heerka ugu sarreeyo kaga jirto Gundniinka noocaasi ah oo 98% gabdhaha lagu sameeyo Gudniinkaasi oo loogu dhaqmo dhaqan ahaan. Source
-
Muqdisho (SMN) – Qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay wadahadallada cusub ee u bilaabanaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Dadkan oo la hadlay Shabelle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadalladan oo uu hormuud ka yahay R/wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Halkan hoose ka dhageyso codka. The post Shacabka Muqdisho Oo soo dhaweeyay wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Venezuela)-Wararka laga helayo dalkaasi Venezuela ayaa sheegaya in koox dadka asal ahaan ka soo jeeda Venezuela ay isku dhaceen ciidammada ammaanka ee uu soo amray madaxweyne Nicolas Maduro – kuwaasoo isku dayayay inay ka hortagaan gargaar ka soo gala xadka Brazil. Hoggaamiyaha mucaaradka Juan Guaido, oo isagu bishii hore isku magacaabay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi, Mareykankuna uu u sacabba tumay, ayaa sheegay inuu doonayo in gargaar ka socda Mareykanka iyo mid caalami ah la geeyo dalkaasi. Waa tallaabo uu madaxweyne Maduro hore u diiday, isagoo dafiraya in xasarad bani`aadannimo ay dalkiisa ka jirto. Dhanka kale, Xadka Venezuela uu la wadaago dalka Colombia, tobnaan kun oo qof ayaa ka qayb galay isu imaatin uu soo qaban qaabiyay bilyaneerka Richard Branson. Madaxweynayaasha Chile iyo Colombia ayaa ka soo qayb galay. Isu imaatin kale oo uu meel halkaasi 300m u jirta uu ka soo abaabulay madaxweyne Nicolas Maduro ayaysan dad badan ka qayb galin. Source
-
(SLT-Khartoum)-Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo uu ku soo rogay dalkiisa muddo sanad ah, iyadoo kala diray Xukuumadda iyo Maamulada Gobolada dalka. Al-Bashiir oo la hadlayay shacabka Sudan ayaa sheegay inuu si weyn u qiimeynayo banaan baxyada ka socda Sudan iyo xaalada murugsan ee ay ku jirto dalkiisa. Waxaa uu ku wargeliyay Baarlamaanka inuu dib u dhigo is bedelka Dastuurka dalkaas, kaasoo u ogolaanaya inuu mar kale isku soo sharaxo doorashada Madaxtinimada sanadka 2020. Dibad baxyo looga soo horjeeday Madaxweyne Al-Bashiir ayaa bilihii la soo dhaafay ka dhacayay qeybo ka mid ah dalkaas, waxaana dibad baxyadaas ay sababeen dhimasho iyo dhaawac. Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa muddo 30 sano hayay talada dalka Sudan, waxaana sanadkii 2016 uu ku dhawaaqay in aanu dib dambe isku soo sharaxi doonin. Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada ICC ayaa sanadkii 2009-kii ku soo oogtay dacwad la xidhiidha dambiyo dagaal iyo xasuuq ka dhacay Gobolka Darfur, inkastoo uu beeniyay eedeymahaas. Source
-
Muqdisho (Caasimada online)-Ciidamadii ugu horeeyay oo ka socda dalka Burundi ayaa isaga baxay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, kuwaasi oo qeyb ka ah ciidamada la filayo inay dhawaan ka baxaan dalka. Ciidamada oo gaaraya ku dhawaad 200 oo askari ayaa la sheegay inay isaga baxeen magaalada Muqdisho gelinkii dambe ee shalay, waxaana ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee Bujumbura. Ku dhawaad kun askari oo kamid ah ciidamada dalka Burundi ayaa la qorsheynayaa inay shan maalin kadib isaga baxaan Soomaaliya, waxaana horey loogu heshiiyay qorshaha ciidamadan ay kaga baxayaan Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan ciidamada Burundi ayaa xaqiijiyay in ciidamadan diyaarad gaar ah ay ka qaaday magaalada Muqdisho islamarkaana laga dajiyay caasimada Dalka Burundi ee Bujumbura. Dowladda Burundi ayaa walaac ka muujisay in ciidankeeda oo kaliya laga saaro Soomaaliya, waxaana ay ku hanjabtay in dhamaan ciidamadeeda ay ka saari doonto Soomaaliya. Dhawaan waxaa magaalada Bujumbura tagay madaxweynaha Soomaaliya isaga oo madaxweynaha dalkaasi kala hadlay arimaha bixitaanka ciidamada, iyaga oo ku baaqay in madaxda dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay tagaan dalka Burundi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com