Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,165
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Warbaahinta dawladaha Itoobiya iyo Ereteriya, ayaa warbixino ka qoray socdaalka uu Wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya iyo la taliyaha madaxweynaha Cismaan Saalax iyo Yemane Gebreab ay ku joogaan magaalada Hargeysa. Wakaaladaha wararka ee ay maamulaan dawladaha Itoobiya iyo Ereteriya, ayaa warbixino kooban ka diyaariyay socdaalkan uu Wasiirul khaarajiga Ereteriya ku joogo caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Shabait Wakaaladda wararka Ereteriya ee Shabait oo ay dawladda Ereteriya maamusho, ayaa qortay warbixin ay ciwaan uga dhigtay “Wefti sare oo Ereteriyaan ah oo wada hadalo la yeeshay madaxda kala duwan ee Somaliland” Shabait, waxay tidhi “Wefti sare oo Ereteriyaan ah oo ka kooban Cismaan Saalax, Wasiirka arrimaha dibadda iyo la taliyaha madaxtooyada Yeman Gebreab ayaa kulankii labaad saaka [shalay[ oo saacado qaatay la yeeshay Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi oo lagaga wada hadlay xoojinta arrimihii lagu soo bandhigay kulankii 1aad.” Wakaaladda wararka ee Ereteriya waxay intaas raacisay, “Weftigu waxa kale oo ay la kulmeen Wasiirada khaarajiga, arrimaah gudaha, maaliyadda iyo weliba xubnaha guurtida iyo wakiilada. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa weftiga u sameeyay qado sharaf. Weftiga Ereteriya ayaa 18 March Hargeysa, Somaliland ku tagay socdaal shaqo oo rasmi ah.” FANA Warbaahinta ay dawladda Itoobiya maamusho ee FANA, ayaa iyaduna qortay shalay warbixin ay ciwaan uga dhigtay “Wefti Ereteriyaan ah oo booqday Somaliland.” Wakaaladda wararka ee Itoobiya waxay warbixinteeda ku bilowday “Wefti Ereteriyaan ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Cismaan Saalax iyo la taliyaha madaxtooyada Yemane Gebreab ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kulan kula yeeshay xafiiskiisa.” Waxay wakaaladu intaas raacisay, “Ka dib kulanka, Cismaan Saalax, ayaa sheegay in kulanku ahaa mid xiiso leh oo muhiim ah. Wuxuu sheegay in weftiga uu Madaxweyne Biixi siiyay warbixin ku saabsan siyaasadda, arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo xaaladda Somaliland.” Cismaan ayay wakaaladu sheegtay inuu ammaanay nabadda ka aslaaxday gobalka Geeska Afrika, gaar ahaan Ereteriya iyo Itoobiya. Source
  2. Askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa maanta isaga soo baxay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla gobolka Shabellaha Dhexe. Meelaha ay ciidamadan kasoo baxeen waxaa ka mid ah, degmada Mahadaay, Garoonka diyaaradaha Jowhar, Cadalle iyo deegaanno kale. Ciidankan oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub aad u badan ayaa sheegay in sababta ay uga soo baxeen deegaannadaasi tahay mushaarkooda iyo sidoo kale xuquuqdii raashiinka ay lahaayeen oo aanay helin muddo Afar bil ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/COD-CIIDANKA.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Weftigii wasiirka arrimaha dibadda dalka Eriteriya uu hoggaaminayay ee saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa Somaliland ayaa maanta ka ambo-baxay magaalada Hargeysa. Weftiga waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa kusii sagootiyay xubno wasiirro ah oo uu hor kacayo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Sporadic, below average rains and persistent drought since 2016 sees an estimated 1.7 million people in critical need of humanitarian assistance in Somaliland, a figure ballooning by hundreds of thousands in recent months. Communal water resources are drying up at an alarming rate, forcing communities to truck in water that they can’t afford, and triggering appeals by Somaliland and Puntland authorities. “The warning signs are all negative. Famine was averted in 2016 because of a rapid, large-scale response. Resources and action must again be forthcoming, prioritized for women and children, who are the most vulnerable,” explains Amjad Ali, Oxfam’s Country Director in Somalia and Somaliland. Below average rainfall in late 2018 provided scant relief, as most communities remain unable to rebuild livestock herds to utilize the very limited new pasture. Vulnerabilities were further exacerbated by the devastation of Cyclone Sagar in mid-2018 that killed an estimated 80 percent of livestock in affected areas and decimated the few agricultural crops Somaliland grows. Coastal areas, Togdheer, Sool and Sanaag are the regions hardest hit. Through an existing response in these regions, Oxfam has been closely monitoring the situation, deciding it is now time to raise the alarm. “The decision to declare an emerging crisis is not taken lightly, as we are wary of donor fatigue, but the situation is bleak. As existing humanitarian support was scheduled to scale down, we are seeing a humanitarian cliff before our eyes. We must not walk blindly over the edge,” said Ali. Water and food availability are not the only concerns, as fears are growing of communicable diseases spreading due to deteriorating water quality, where weary communities have little resilience for cholera and other outbreaks that can quickly become a death warrant. Across Somaliland and Somalia, an estimated 4.9 million people are food insecure and 2.6 million internally displaced, of a population estimated at 14-15 million. The 2019 Humanitarian Response Plan is only 6.4 percent funded, leaving a gaping hole. Resources are urgently needed to avert catastrophe. In 2018, Oxfam reached over 375,000 people with humanitarian assistance in Sool, Sanaag, Toghdeer, Awdal and Nugal, regions at the centre of the emerging crisis. This included rehabilitation of water points, emergency water trucking, latrine construction and multi-purpose cash grants. Oxfam’s response is still ongoing but is unable to meet the rapidly growing needs. View the full article
  5. Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Saaka Xukun Dil ku riday Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) 23jir ah iyo Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) oo 25 jir ah, Kuwaas oo ka tirsanaa Argagaxisada Al shabaab sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamadda Qalabka Sida Xasan Cali Shuute. Eedaysanaha 1aad Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad), waxaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab, kana soo shaqeyay xiliyo kala duwan Qeyba ay ka mid yihiin Jabhada, weerarada baabuurta lagu fuliyo iyo Qaraxyada ismiidaaminta oo uu sahmiye u ahaa, isagoo si gaar ah ugu eedaysan inuu fuliyay falalka soo socdo:- Taariikhdu markay ahayd 15/08/2017,waxay weerar ku qaadeen isaga iyo labo ruux oo kale gaari Hartob Land-garuuzal ah oo ay saarnaayeen hal Qoys oo ah reer Xasan Cabdi Cawad oo ka mid ah Maamulka Shirkada Dahabshiil, kuwaas oo ay ku fureen rasaas Tacshiirad ah uuna ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Cabdi Cawad kuna Dhaawacmeen 5-ruux oo ka mid ah qoyska maamulaha. Taariikhdu markay ahayd 27/09/2017 isgoyska Via Roma ee Degmada X/wayne, waxay mar kale ku weerareen gaari ay saarnaayeen 2da Marxuum ee kala ah. 1)Marxuumad Canab C/laahi Xaashi oo ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka 2)Marxuum Axmed Jaamac Xirsi oo ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka qaranka, gaarigaasoo ay rasaas tacshiirad ah ku fureen ayna ku geeriyoodeen 2da marxuum ee sare ku xusan. Taariikhdu markay ahayd 09/11/2018, wuxuu qayb ka ahaa eedaysanuhu qaraxyadii ka dhacay Hotel Sahafi, isagoo sahmiye iyo hage u ahaa 3-dii baabuur ee qaraxyada ismiidaaminta ahaa iyo weerarkii hubaysnaa oo ay ku naf waayeen dad gaaraya 32ruuxkuna dhaawacmeen69ruux oo kale, Sidoo kale Taariikhdu markay ahayd 22/12/2018 wuxuu ahaa abaabulihii qaraxyadii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 27ruuxAyna ku dhaawacmeen 55ruux oo kale, Iyadoo Ciidamada amnigu ku soo qabteen kadib markii uu uga degtay gaarigii 2-aad ee Saarufka ahaa Taalada Daljirka Dahsoon, gaarigaasoo isagana qarxay ayna ku geeriyoodeen Marxuumiin ay ka mid ahaayeen 1)Marxuum Faysal Salaad Samow 2)Marxuum Axmed Maxamed Yuusuf oo labaduba macalimiin ka ahaa Iskoolka Yaasiin Cismaan. Eedaysanaha 2-aad Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin), waxaa lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab gaar ahaan Qeybta qaraxyada,isla markaana uu qayb ka ahaa Sahmintii Qaraxii lagu weeraray Degmada H/wadaag 02/09/2018 oo sababay Dhimashada8ruux iyo Dhaawaca 27 ruux oo kale, sidoo kale wuxuu qeyb ka ahaa eedaysanuhu isaga iyo Eedaysanaha 1aad qaraxii ka dhacay Tiyaarka qaranka 22/12/2018 oo ay wadeen gaarigii 2-aad ee ku qarxay agagaarka Daljirka Dahsoon . DOOD DHEER KADIB. MAXKAMADDU: Markay Aragtay:- Qodabada 221,222,434,71 XCS . Markay Aragtay: – Maxkamaddu Qiraalka Eedaysane Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad), oo uu ka horcadeeyay garsoorka in uu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab kana soo shaqeeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid tahay weerarada lagu fuliyo baabuurta asigoo qayb ka ahaa weeraro ay ka mid ahaayeen weerarkii 15/08/2017 degmada hodan lagula beegsaday gaari hartoop langaruusal ah oo ay saarnaayeen hal qoys oo uu ku geeriyooday hal ruuxkuna dhaawacmeen 5 ka mid qosykii gaariga saarnaa. sidoo kale wuxuu eedaysanuhu sheegay in uu qayb ka ahaa weerarkii lagu qaaday gaari saruf ah oo marayayisgoyska via Roma ee degmmada xamar wayne 27/09/2017 oo ay ku geeriyoodeen labadii ruux ee saarnaa gaariga , sidoo kale eedaysanuhu wuxuu garsoorka u cadeeyay in uu ahaa sahmiyihii weerar iyo qaraxyo lala beegsaday09/11/2018, Hotel Sahafi weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux kuna dhaawacmeen 69 ruux oo kale, iyadoo ciidanka amniga ay soo qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay 22/12/2018 agagaarka daljirka daahsoon , qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen labo macalin oo ka tirsanaa iskuulka Yaasiin Cusmaan. Markay Aragtay:- Maxkamadda Qiraalka Eedaysane Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin), oo uu ka hor bixiyay garsoorka Ciidamada Qalabka sida hortiisa kuna cadeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda al-shabaab gaar ahaan qaybta qaraxyada isaguna sahmiye ka ahaa qaraxii lagu weeraray Degmada howl-wadaag 02/09/2018 ,sidoo kale eedaysanuhu wuxuu cadeeyay inuu qayb ka ahaa weerarkii 22/12/2018 lagu qaaday tiyaaterka qaranka, ciidamada amniguna ay qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay agagaarka daljirka dahsoon. Markay Dhagaysatay:- markhaatiyaasha la horkeenay maxkamaddda mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamada ka hor cadeeyeen in ay dad shacab ah u sheegeen in labada eedaysane ay ka degeen gaari ay dhigeen agagaarka daljirka dahsoon sidaasna ay ku qabteen inti ay waraysanayeena uu qarxay gaarigii ay ka degeen, qaraxaas oo sababay dhimashada 3 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen macalimin iskuul. Markay Aragtay:- Dembi muujinta ah 1- dukumiintiyo ay ka mid yihiin- cadaymihii iyo qiraaladii laga qoray eedaysanayaasha. 2- liiska dadkii ku geeriyooda kuna dhaawacmay qaraxyadii iyo weeraradii lagu eedeeyay eedaysanayaasha. 3- sawirada muujinaaya bur-burkii ka dhacay qaraxyada iyo weerarada lagu soo eedeeyay. Markay Dhagaysatay:- Doodii Qareenada oo ahayd in eedaysanayaasha loo naxariisto loona eego sifaalaha dembiga fududeeya. Sidaas Darteed Maxkamadda waxaa u Caddaaty in:- Dambiile Shabaab Canshuur Cismaan Abuukar Cumar iyoDambiile ShabaabMax’ed Cali Boorow Aadanay wada yihiin dambiilayaal galay dembiga lagu soo oogay waxayna ku wada xukuntay Dil Toogasho. Cidii aan ku qanacsanayn xukunka maxkamada waxaa u furan rafcaan. Source: goobjoog.com
  6. Somali security agencies have detained senior armed group al-Shabaab figure in Mogadishu on Wednesday evening. The unnamed figure is said to be the head of the armed group Islamic court in Barire, outskirts of Mogadishu. He was nabbed in a planned operation in the capital by the multi-agency force. In a separate incident, the security agencies also arrested two suspects of the group whose details were also not released to the media. They were said to be responsible for attacks in the city in recent past. Police said one of the two suspects conducted several assassinations while his colleague facilitated explosive attacks that were meant to harm the civilians. Meanwhile, US Africa command said it killed three al-Shabaab members during an attack on Monday 18. The command said it is investigating reports about damages caused on the civilian population during the raid conducted in Awdhigle, Lower Shabelle region of Somalia. The statement further said command will continue its support and cooperation to the federal government of Somalia armed forces and AMISOM troops. View the full article
  7. London (SMN) – Ha’yadda gargaarka ee OXFMAM ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in malaayiin ruux oo ku nool deegaano hoos taga gobollada woqooyi ee Soomaaliya ay wajahayaan abaaro iyo cunto la’aan baahsan. OXFMAM ayaa warbixinteeda ku xustay in roobabkii la filayay in aysan di’in, taasina ay sababtay n qoysas badan ay la kulmaan xaalado bani’adanimo ah. Amjad Cali oo ah madaxa hay’adda OXFAM ee Soomaaliya ayaa sheegay in abaarahani ay inta badan saameeyeen dumarka iyo caruurta oo wajahaya nafaqo darro xoogan. Sidoo kale Amjad Cali ayaa xusay in dadka ay sameeyeen abaarahu ay dhammaan xoolahooda ku waayeen abaaro horay ugu dhuftay dalka sanadkii 2017-kii,islamarkaana ay ku adagtahay in ay dib u sameystaan noloshoodii hore. Ugu dambeyn hay’addani ayaa shaaca ka qaaday in gobollada Togdheer, Sool iyo Sanaag ay ku nool yihiin dadka ay saameyeen abaaraha daran ee ka jira Soomaaliya. View the full article
  8. Ciidamada booliska Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabey laba mas’uul oo ka tirsanaa wasaaradda warfaafinta Somaliland. Labadan masu’uul ayaa kala ah, agaasimihii wasaaradda warfaafinta Dr. Cismaan Xuseen Warsame iyo agaasimihii Maamulka iyo Lacagta Wasaaraddaasi Xasan Maxamuud Muxumed. Xadhiga labadan mas’uul ayaa la sheegay in uu amray Hanti-dhawrka guud ee Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyay baadhis la xidhiidha masuqmaasuq ku waday wasaaradda warfaafinta Somaliland. Agaasimaha maamulka iyo lacagta ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay xubin awood badan ku dhex leh wasaaradda warfaafinta Somaliland. Muddadii ay hanti-dhawrku ay baadhista ku wadeen wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa waxaa gubtay dhisme muhiim ah oo ka tirsan wasaaraddaasi kaasi oo la sheegay in ay ku baxday lacag tiro badan. Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka ayaa howlgal qorsheysan oo 19-kii bishan ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho ku soo qabtay xubin ka tirsan Al Shabaab. War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda, islamarkaana lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Sonna ayaa lagu sheegay in ciidanka amnigu ay gacanta ku soo dhigeen madaxii maxkamadda Al Shabaab deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Hay’adaha amniga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ma shaacin magaca sarkaalka la soo qabtay. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Muddooyinkii dambe ciidanka amniga ayaa waday howlgallo xoogan, iyagoona 18-kii bishan gacanta ku soo dhigay labo ka tirsanaa Al Shabaab oo ku sugnaa Muqdisho. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Jubbaland ayaa go,aan ka soo saartey Warqad horey uga soo baxdey Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalaka Soomaaliya, taasi oo aheyd in Ardeyda Dugsiyada Sare Waajib looga dhigeyay in ay galaan labo Imtixaan. Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland ayaa ku baaqdey in dib loogu noqdo go,aanka maadaama aysan duruufta Ardeyga Soomaaliyeed u saamixi karin inuu galo Labo Imtixaan. Wasaarada waxbarashada Jubbaland ayaa sheegtay in golaha wasiirada iyo Madaxweynaha Jubbaland ay kala tashatay sidaasna lagu amray in hal imtixaan laga qaado ardada Soomaaliyeed gaarahaan kuwa deegaanada Jubbaland. Halkaan hoose ka akhriso go’aanka kasoo baxay Jubbaland Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Ehelada iyo xaaska agaasimihii wasaarada warfaafinta ee la xidhay ayaa warbaahinta la Hadley waxaana ay ka war bixiyeen qaabkii xalay loo xidhay masuulkaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil barqanimadii maanta Macalin Dugsi Qur’aan loogu geystay degmada Waabri ee gobolka Banaadir. Dilka ayaaa ka dhacay buundada Ansaloonti, iyadoona loo geystay Mukhtaar Abuubakar Xaamud oo Macalin ka ahaa Madarasada C/raxmaan Bin Cawf ee degmadaasi. Sidoo kale Marxuumka ayaa Imaam ka ahaa Masjidka Jaamac C/casiis oo ku yaalla laanta Hantiwadaag ee degmada Waabari, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Rag ku hubeysan ayaa la sheegay in ay toogasho ku dileen Macalinkaasi, xilli uu ku sugnaa dugsigiisa, iyagoona goobta isaga baxsaday. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ak dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa amniga Muqdisho uu dagan, iyadoona ciidamada amnigu ay howlgallo ka wadeen qaar ka mid ah degmooyinka G/Banaadir. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-20032019.mp3 View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal muhiim ah oo uu soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay dhibaatooyinka mushahar la’aan ee ay wajahayaan ciidamada dowladda, isaga oo uga digay madaxda dowladda inay siyaasadeeyaan. Hoos ka aqriso qoraalka. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Qaranka in aysan siyaasadayn mushaarka Ciidamada Qalabka Sida! Cutubyo ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa ka soo baxay degmada Mahadaay, Qalimow, Garsaale iyo fariisimo ay ku lahaayeen duleedka Jowhar. Soo bixitaanka Ciidamadaan ayaa lagu sababeeyay mushaar la’aan mudo 4 bilood ah soo jiitameysay, halka ciidamada qaarkood mudo 6 bilood ah aysan mushaar qaadan. Saraakiil katirsan ciidanka militariga oo aan la xariiray ayaa ii sheegay in ciidamadaan la diiwaan geliyay loona sheegay in mushaarka loogu soo shubi doono akoomadooda ilaa hadana aysan wax lacag ah qaadan. Sidoo kale xariir aan la sameeyay saraakiil katirsan ciidanka booliska ayaa ii sheegay in mushaar la’aanta ciidamada aysan ku koobnayn militariga kaliya ee sidoo kale ciidamadii Nabad Sugida laga soo wareejiyay ee Booliska lagu daray iyo kuwii 14kii Oktoobar iyagana mudo dhowr bilood ah aysan mushaar qaadan. Maalmo ka hor ayay aheyd markii ciidamo ka cabanaya mushaar la’aan oo katirsan qeybta 12-ka April ay isaga soo baxeen deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo markii dambe ay la wareegeen Al-Shabaab. Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Qaranka in aan la siyaasadayn mushaarka ciidamada, lagana dhaafo ciidamada hadalada xaqiiqada ka fog ee warbaahinta loo marinayo. Sababna aan loo noqon iska horkeenida ciidamada iyo saraakiishooda. Taasoo keeni doonta in ciidamadu furimaha dagaalka soo baneeyaan, cadowgana si sahlan gacanta loogu geliyo deegaano xoreyntooda loo huray naf iyo maal aad u badan. Mahadsanidiin Hon. Mahad Salad
  15. Xukumada Muuse Biixi ayaa xabsiga ku tuurtay xalay Agaasimiha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cismaan Xuseen warsame Sidoo kale xukumada Muuse Biixi waxay xabsiga dhigtay Saaka Agaasimaha Maamulka lacagta ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Xasan maxamed maxamuud Labadan masuul ayaa la sheegay inuu xadhigooda ku lug leeyahay Wasiirka warfaafinta Guri-barwaaqo oo dalbaday in hantidhawr la geliyo,maadaba labadoodaba uu ku tuhunsan yahay Musuqmaasuq,Wax-isdabamarin & Lunsasho Hanti Qaran. Qaran News
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Garsoore ka tirsan Maxkamadda degmada Hargeysa ayaa maanta waxa uu xukuno kala duwan ku ridey nin loo haystay kiis kufsi iyo weliba gabadh curyan ah oo kufsiga ka cabaneysay. Maxkamada ayaa waxay Ninkan ku xukuntay in dhagax lagu dilo, iyada oo gabadhii curyaanta aheyd ee kufsiga ka cabaneysayna lagu xakumay in 100 jeedal lagu dhufto. Kiiskan ayaa waxa uu udhexeeyay labadan qof ee maanta ku dhaceen xukunadan kala duwan. Geesta kale Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) ayaa dhaliilay habka uu u dhacay xukunkaasi, isagoo shegay in aanu xukunkaasi marin hannaanka sharciga ah balse garsooruhu qaatay go’aan. “Gabadh curyaan ah ayaa sheegtay in nin kufsaday, baadhistii dacwadda ayaa adkaaatay. Ninkii wuxuu ku dooday inaanu arag oo aan waxba dhexmarin noocay doontee ha noqotee, Inantii uur ayay qaaday, Qareenkeedii waxay ka codsatay maxkamadda degmada inay qaado DNA-ga ilmaha si loo oogaado cidda dhashay. Waxaay rabtay inay caddaynta u gudbiso xeer-ilaalinta si ay u yeesho ama u diido (mar haday iyadu awoodda sharci ee caynkaas ah leedahay). Garsoorihi DNA-ga qudha qaaday xukun ayuu ku xejiyay isaga oo aan dacwadba qaadin, xeer ilaalina sugin, baadhisna aan arag, Awood sharcina u lahayn. Inantii curyaanta ahayd ee sugaysay in hay’adaha baadhistu go’aan gaadhaan, waxa lagu yidhi 100 jeedal ayaa ku sugaya.” ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed Dafac oo ka waramayey qaabka ay wax udhaceen. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Guudlaawe ayaa beeniyay warar sheegayay in uu isaga baxay magaalada Jowhar kaddib markii ciidamada dowladda ay ka baxeen aagaggii Gobolka Shabeellaha dhexe. Cali Guudlaawe ayaa u sheegay warbaahinta in uu ku sugan yahay Jowhar kuna shaqeynayo,waxaa uu been abuur ku tilmaamay wararka la isla dhexmarayo. “Magaalada Jowhar ayaa ku suganahay, howlihii caadiga ee maamulka waa socdaan, Golaha Wasiirada, maamulka heerka degmo, heer degmo howlahooda ayay wataan, ciidamada amnigana magaalada waa ku sugan yihiin”ayuu yiri Cali Guudlaawe. Ciidamo ka tirsan qeynta 27aad ee Ciidamada Dowladda ayaa isaga baxay degaannada Mahaddaay, Qalimow, Garsaale iyo duleedka Jowhar saldhigyo ay ku lahaayeen. Ciidamadan ayaa cabanaya mushahar la’aan baahsan oo muddo bilooyin ay haysatay, xilli inta badan ciidanka dowladda aysan mushahar qaadan muddo afar bilood ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa wada-hadalladii magaalada Kismaayo ay ku yeesheen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo horey loo sheegay in la isku fahmay. Hase yeeshee, waxaa hadda soo baxaya, in heshiiska la galay uu ahaa mid si aad ah ugu daneynaya Axmed Madoobe, oo u muuqda bahdil dowladda lagu sameeyey. Axmed Madoobe ayaa diiday dhammaan qodobadii la hor-dhigay, marka laga reebo qodob ahaa inuu taageero nidaamka doorashada 2021 ee dowladda ay qorsheyneyso, oo si looga gado beesha caalamka loo baahan yahay taageerada maamul goboleedyada. Halkan ka aqri waxa uu yahay nidaamkaas. Ilo-wareedyo aad loogu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in saddexda qodob ee dowladda ay ka dalbatay Axmed Madoobe, ee uu ku gacan seeray, ay ahaayeen:- 1 – Inuu dowladda kusoo wareejiyo maamulka dekedda iyo garoonka diyaaradaha, sida ku cad heshiiskii uu dowladda kula galay dalka Ethiopia xilligii Xasan Sheekh oo dhigayey inuu lix bilood gudahood sidaas ku sameeyo. 2 – In ciidamada milatariga iyo nabad-sugidda Jubaland oo mushaharkooda ay bixiso dowladda ay noqdaan kuwa dowladda hoos yimaada, oo hoggaankooda ay soo magacowdo, islamarkaana ka amar qaataa. 3 – In doorashada madaxweynaha Jubaland ay noqoto mid furan oo dowladda iyo beesha caalamka ay goobjoog ka noqdaan. Axmed Madoobe ayaa la sheegay in saddexda qodoba uu ku gacan seeray, isaga oo dowladda u sheegay in haddii sidaas uu sameeyo uusanba madaxweyne ahayn, oo ay uga wanaagsan tahay inuu xilka isaga dego. Axmed Madoobe ayaa haddii ciidanka uu ku wareejiyo maamulka dowladda ka cabsi qaba ina lagu sameeyo wixii ka dhacay Baydhaba, halka garoonka iyo dekedda Kismaayo ay yihiin ilihiisa dhaqaale. Si kastaba, Kheyre ayaa la sheegay inuu sii aqbaly heshiiska Axmed Madoobe, ayada oo ujeedka ugu weyn ee dowladda uu yahay inay taageero u hesho nidaamka doorashada 2021. Waxaa xusid mudan, in doorashada Jubaland ay kasoo horeyso tan federaalka, sidaas darteed xitaa qodobka uu qablay Axmed Madoobe uu ka bixi karo marka dib loo doorto, taasi oo muujineysa sida Axmed Madoobe uga cayaar badiyey Kheyre. Dhinaca kale, heshiiska Kheyre iyo Fahad Yaasiin kasoo qaadeen ayaan la ogeyn inuu aqabli doono madaxweyne Farmaajo oo la hor-dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Muqdisho (SMN) – Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Saaka Xukun Dil ku riday Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) 23jir ah iyo Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) oo 25 jir ah, Kuwaas oo ka tirsanaa Argagaxisada Al shabaab sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamadda Qalabka Sida Xasan Cali Shuute. Eedaysanaha 1aad Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad), waxaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab, kana soo shaqeyay xiliyo kala duwan Qeyba ay ka mid yihiin Jabhada, weerarada baabuurta lagu fuliyo iyo Qaraxyada ismiidaaminta oo uu sahmiye u ahaa, isagoo si gaar ah ugu eedaysan inuu fuliyay falalka soo socdo:- Taariikhdu markay ahayd 15/08/2017,waxay weerar ku qaadeen isaga iyo labo ruux oo kale gaari Hartob Land-garuuzal ah oo ay saarnaayeen hal Qoys oo ah reer Xasan Cabdi Cawad oo ka mid ah Maamulka Shirkada Dahabshiil, kuwaas oo ay ku fureen rasaas Tacshiirad ah uuna ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Cabdi Cawad kuna Dhaawacmeen 5-ruux oo ka mid ah qoyska maamulaha. Taariikhdu markay ahayd 27/09/2017 isgoyska Via Roma ee Degmada X/wayne, waxay mar kale ku weerareen gaari ay saarnaayeen 2da Marxuum ee kala ah. 1)Marxuumad Canab C/laahi Xaashi oo ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka 2)Marxuum Axmed Jaamac Xirsi oo ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka qaranka, gaarigaasoo ay rasaas tacshiirad ah ku fureen ayna ku geeriyoodeen 2da marxuum ee sare ku xusan. Taariikhdu markay ahayd 09/11/2018, wuxuu qayb ka ahaa eedaysanuhu qaraxyadii ka dhacay Hotel Sahafi, isagoo sahmiye iyo hage u ahaa 3-dii baabuur ee qaraxyada ismiidaaminta ahaa iyo weerarkii hubaysnaa oo ay ku naf waayeen dad gaaraya 32ruuxkuna dhaawacmeen69ruux oo kale, Sidoo kale Taariikhdu markay ahayd 22/12/2018 wuxuu ahaa abaabulihii qaraxyadii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 27ruuxAyna ku dhaawacmeen 55ruux oo kale, Iyadoo Ciidamada amnigu ku soo qabteen kadib markii uu uga degtay gaarigii 2-aad ee Saarufka ahaa Taalada Daljirka Dahsoon, gaarigaasoo isagana qarxay ayna ku geeriyoodeen Marxuumiin ay ka mid ahaayeen 1)Marxuum Faysal Salaad Samow 2)Marxuum Axmed Maxamed Yuusuf oo labaduba macalimiin ka ahaa Iskoolka Yaasiin Cismaan. Eedaysanaha 2-aad Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin), waxaa lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab gaar ahaan Qeybta qaraxyada,isla markaana uu qayb ka ahaa Sahmintii Qaraxii lagu weeraray Degmada H/wadaag 02/09/2018 oo sababay Dhimashada8ruux iyo Dhaawaca 27 ruux oo kale, sidoo kale wuxuu qeyb ka ahaa eedaysanuhu isaga iyo Eedaysanaha 1aad qaraxii ka dhacay Tiyaarka qaranka 22/12/2018 oo ay wadeen gaarigii 2-aad ee ku qarxay agagaarka Daljirka Dahsoon . DOOD DHEER KADIB. MAXKAMADDU: Markay Aragtay:- Qodabada 221,222,434,71 XCS . Markay Aragtay: – Maxkamaddu Qiraalka Eedaysane Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad), oo uu ka horcadeeyay garsoorka in uu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab kana soo shaqeeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid tahay weerarada lagu fuliyo baabuurta asigoo qayb ka ahaa weeraro ay ka mid ahaayeen weerarkii 15/08/2017 degmada hodan lagula beegsaday gaari hartoop langaruusal ah oo ay saarnaayeen hal qoys oo uu ku geeriyooday hal ruuxkuna dhaawacmeen 5 ka mid qosykii gaariga saarnaa. sidoo kale wuxuu eedaysanuhu sheegay in uu qayb ka ahaa weerarkii lagu qaaday gaari saruf ah oo marayayisgoyska via Roma ee degmmada xamar wayne 27/09/2017 oo ay ku geeriyoodeen labadii ruux ee saarnaa gaariga , sidoo kale eedaysanuhu wuxuu garsoorka u cadeeyay in uu ahaa sahmiyihii weerar iyo qaraxyo lala beegsaday09/11/2018, Hotel Sahafi weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux kuna dhaawacmeen 69 ruux oo kale, iyadoo ciidanka amniga ay soo qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay 22/12/2018 agagaarka daljirka daahsoon , qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen labo macalin oo ka tirsanaa iskuulka Yaasiin Cusmaan. Markay Aragtay:- Maxkamadda Qiraalka Eedaysane Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin), oo uu ka hor bixiyay garsoorka Ciidamada Qalabka sida hortiisa kuna cadeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda al-shabaab gaar ahaan qaybta qaraxyada isaguna sahmiye ka ahaa qaraxii lagu weeraray Degmada howl-wadaag 02/09/2018 ,sidoo kale eedaysanuhu wuxuu cadeeyay inuu qayb ka ahaa weerarkii 22/12/2018 lagu qaaday tiyaaterka qaranka, ciidamada amniguna ay qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay agagaarka daljirka dahsoon. Markay Dhagaysatay:- markhaatiyaasha la horkeenay maxkamaddda mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamada ka hor cadeeyeen in ay dad shacab ah u sheegeen in labada eedaysane ay ka degeen gaari ay dhigeen agagaarka daljirka dahsoon sidaasna ay ku qabteen inti ay waraysanayeena uu qarxay gaarigii ay ka degeen, qaraxaas oo sababay dhimashada 3 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen macalimin iskuul. Markay Aragtay:- Dembi muujinta ah 1- dukumiintiyo ay ka mid yihiin- cadaymihii iyo qiraaladii laga qoray eedaysanayaasha. 2- liiska dadkii ku geeriyooda kuna dhaawacmay qaraxyadii iyo weeraradii lagu eedeeyay eedaysanayaasha. 3- sawirada muujinaaya bur-burkii ka dhacay qaraxyada iyo weerarada lagu soo eedeeyay. Markay Dhagaysatay:- Doodii Qareenada oo ahayd in eedaysanayaasha loo naxariisto loona eego sifaalaha dembiga fududeeya. Sidaas Darteed Maxkamadda waxaa u Caddaaty in:- Dambiile Shabaab Canshuur Cismaan Abuukar Cumar iyoDambiile ShabaabMax’ed Cali Boorow Aadanay wada yihiin dambiilayaal galay dembiga lagu soo oogay waxayna ku wada xukuntay Dil Toogasho. Cidii aan ku qanacsanayn xukunka maxkamada waxaa u furan rafcaan. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil kooxo hubeysan ay ka geysteen degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, waxaana dilka loo geystay macalin Dugsi Qur’aan. Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta dilka kadib, waxaana la sheegay in macalinka lagu hordilay dugsigiisa oo ku yaala degmada Waaberi ee gobolka Banaadir. Macalinka dugsi qur’aanka ayaa si weyn looga yaqaanay xaafada uu dugsiga ku hayay, waxaana la ogeyn sababta ka dambeeya dilkiisa. Markii uu dilka dhacay kadib waxaa Goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo sameeyey baaritaano ay ku doonayaan inay kusoo qabtaan dadkii ka dambeeyey dilkaas. Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal loo geysto askar ka tirsan ciidamada Dowladda iyo dad kale,waxaaana inta badan mas’uuliyada dilalkaas sheegta Ururka Al-Shabaab. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax lagu dhaawacay sarkaal ka tirsanaa hay’adda CID-da, waxaana ay sheegeen inay iyaga ka dambeeyeen qaraxaasi. Al Shabaab ayaa sheegay in sarkaalka ay dhaawaceen lagu magacaabo Xarbi dhageey, kaasi oo kamid ahaa saraakiisha sarsare ee xarunta dambi baarista dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Maamulaha Guud Ee Shirkada Dahabshiil Group Oo Si Adag U Beeniyay Dacaayado Laga Fidiyey, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Ciidamada booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabey, Agaasimihii shaqada ka tegay ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Dr. Cismaan Xuseen Warsame. Hanti-dhawrka Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay baadhis ka waday wasaaradda warfaafinta Somaliland. Illaa hadda lama oga sababta loo xidhay Cismaan Xuseen Warsame. Source
  23. Fadeexad culus oo ku soo baxday Qoyska Siilaanyo & Baashe Morgan oo la baahiyey+Dacwad Qaramada Midoobay loo gudbiyey Telefishanka Aljazeera ayaa soo diyaariyey warbixin muddo badan laga soo shaqeenayey oo ku saabsan dagaalka Dekadaha ee ka socdo Geeska Africa. Warbixintaan oo ka baxday Telefishanka Aljazeera ayaa lagu soo bandhigay waxyaabo badan oo qarsoonaa kuna saabsan dagaalka dhanka Dekadaha Geeska Africa ee u dhaxeeyo dalalka Imaaraadka, Shiinaha, Turkiga iyo Dowlado kale oo waaweyn. Al-Jazeera ayaa Barnaamijkaan ugu magac dartay ”Almasaafa Sifir”, wuxuuna barnaamijkaan si gaar ah uga hadlay Loolanka DP Word iyo Dowladda Jabuuti kaasoo keenay in ugu dambeyn DP Word laga eryo dalkaas. Sidoo kale barnaamijkaan ayaa ka hadlay sida ay Imaaraadka Carabta ugu suurta gashay inay heshiis kula wareegto Dekadda Berbera oo lagu bixiyey lacago Malaayiin Dollar ah. Warbixinta Al-Jazeera ayaa qoyska Silaanyo ku eedeysay inay Musuq maasuqeen lacagihii laga qaaday Imaaraadka ee heshiiskii Debadda Berbera.Waxaa warbixinta lagu sheegay inay musuq maasuqaas qeyb ka ahaayeen Silaanyo, Xaaskiisa iyo Ninka uu sodogga u yahay . Xaaska Siilaanyo ayaa lagu magacaabaa Aamina Waris halka ninka uu Silaanyo Soddogga u yahay isna lagu magacaabo Baashe Moorgan . Waxaa lagu xusay warbixinta inuu Heshiiska Dekadda Berbera ahaa mid qarsoodi ah isla markaasna laga qariyey Baarlamaanka Somaliland. Baarlamaanka Somaliland ayaa loo qeybiyey qoraal Af-Soomaali ku turjuman iyadoo lagu heshiiyey inaan cidna la tusin heshiiska asalka ah, waxayna arrintaas keentay inay gacanta iskula tagaan guddoomiyihii golaha wakiilada iyo ku xigeenkiisii xilligii xukuumadii Siilaanyo. Al-Jazeera ayaa sheegtay in Baadhitaanka Musuq maasuqa lagu hayo Qoyska Siilaanyo loo gudbiyey guddiga dabagalka Soomaaliya iyo Eretariya ee Qaramada Midoobay. Heshiiska Dekadda Berbera ayaa muran weyn ka dhex abuuray Somaliland & Soomaalida dhexdeeda, wuxuuna keenay in Soomaaliya laga mamnuuco Shirkadda DP World kadib kulan xasaasi ahaa oo ay yeesheen Baarlamaanka Somalia inkastoo aysan arrintaas hirgelin maadaama shirkadaas ay weli dhaq dhaqaaq ka wado Gudaha Somaliland & Soomaaliyaba Qaran News