-
Content Count
212,155 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxa la ydhi madaxwayne Biixi wuxuu soo wadaa isku shaan-dhayn, hadaan talo muwaadin ku darsado waxa aan odhan lahaa wax ka badal qaar kamida qaab dhismeedka wasaaradaha dalka; TALO NO:- 1- Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga. Mudane waxa aad isku dartay laba wasaaradood oo culus markaasay isla fadhiisteen, waliba maanta uu daqaalaha dalku iyaga ku tiir san yahay, waxa aan odhan karaa waa ceelasha PATROL ka ee dalku leeyahay, waxa aan kugula talin lahaa inaad kala qaado kana dhigto sadex wasaaradood is loo gaadho horumar lataaban karo. 1- Wasaarada Xanaanada Xoolaha 2- Wasaarada Xoola dhoofinta 3- Wasaarada Horumarinta Kaluumaysiga TALO NO:- 2- Labada wasaaradood ee Arimaha dibada iyo Maalgashiga isku dar oo midee hal wasaarad kaliya kadhi, dhaqaalaha ku baxaya Wasaarada Maalgashigu ha kabo Wasaarada Arimaha dibada ; 4- Wasaarada Arimaha Dibada iyo Maalgashiga TALO NO:- 3- Wasaadadii Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka eed baabiisay soo celi Tusaale; markaad fadhiisato miiska wada hadalada Somaliland iyo Somalia ama aad la xaajoonayso beesha caalamka iyo ICAO UN CIVIL AVIATION eed ka hadasho sidii ay Somaliland ula soo noqon lahayd maamulka hawada, Markiiba Dunidu waxay is odhanaysaa dawlada baabiisay Wasaradeedii Duulista Hawada diyaar uma aha oo cilmi iyo aqoon uma laha maamulka hawo. 5- Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka. Intaa u qaado talo mucaarad oo gardaro ah. Alaa mahad leh Amb Ahmed Safiina Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa magacaabay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland. Guddiga la magacaabay ayaa waxaa uu ka kooban yahay todobo(7)xubnood oo kala ah; 1 – Xamse Cabdi Barre 2 – Axmed Cumar Maxamed 3 – Samsam Macalin Faarax Abuukar 4 – Mursal Siyaad Maxamed 5 – Ibraahim Aadan Ibraahim 6 – Maxamed Cusmaan Yuusuf 7 Axmed Maxamed Yuusuf
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee aan xilka ka aheyn Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxyadii iyo weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa tilmaamay inaan lagu sii jiri karin tacsi iyo silicaan loona baahan yahay in la keeno xal looga baxo dhibaatada dalka ka taagan. Cabdirxmaan ayaa sheegay inaysan caqli gal aheyn in lagu dhex noolaado Fashilka Dowladda iyo falka argagexiso ee Shabaab sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu dalbaday in haddii aysan hoggaanka dalka talo aheyn ay talada keenaan Siyaasiyiinta kale si dalka loo badbaadiyo sida uu hadalka u dhigay . Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Facebook soo dhigay Cabdiraxmaan Allaha u naxariisto masuuliyiintii iyo dadkii rayadka ahaa ee maanta lagu dilay qaraxyadii iyo weeraradii ay argagaxisadu ku qaadeen goobo kala duwan oo Muqdisho ka mid ah. Suuragal ma ah in silican lagu sii socdo, maan galna maaha in lagu dhex baaba’o fashilka dawlada iyo falka argagexiso ee Shabaab. Talo qaran oo dalka iyo dadka lagu samata bixiyo ayaa loo baahan yahay. Hoggaanka dawlada hadii uusan talo la haynin, inteena kale waa in aynu talo la imaanaa. Caasimada Online Xafiiska Marka Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa waxay kulan la yeeshen Golaha guurtida Somaliland, kuwaasi oo ugudbiyay Cabasho xaga wada-shaqeyn la’aanta ah oo ay ka tirsanayeen Golayaasha qaranka, Axsaabta qaranka iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kuwasi oo ka gaabiyey sidii loo dar-dar gelin lahaa doorashada. Markii uu soo idlaaday kulankan ayaa waxa warbaahinta ugu horeyntii la hadlay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa sheegay inay si fiican isku fahmeen Golaha oo ay ugudbiyeen xogta halka ay marinayaan arrimaha doorashoyinka, waxa kale oo uu sheegay inay isku af-garteen in doorashado dhacdo xiligey mudeeyen. Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo isagu kulankaasi gar-wadeen ka ahaa ayaa waxa uu sheegay inay Guddiga Doorashooyinku usheegen inaysan dhaceyn doorashadu wakhtigii loo asteeyay, waxa uuna yidhi: “Waxay soo kordhiyeen oo aan aheyn Doorashadii qabsoomi meyso majirin, eediina waxay saareen Labada Golle iyo Axsaabta iyo Madaxweynaha, Waxna wey ka jiraan”. Geesta kale, Xildhibaan Maxamuud M.Yaasiin Dheeg oo katirsan mudanayaasha Gollaha Guurtida Somaliland ayaa waxa uu isagna ka dhawaajiyey in la gaadhay wakhtigii Guddiga Doorashooyinka is casili lahaayen, maadama oo ay cadeeyen inaysan dalka ka qabsoomeyn doorasho. Isku soo wada-duubo Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa iyagu weli kusii adkeysanaya inay doorashadu qabsoomeyso, iyaga oo gollahana u gudbiyey inaysan qabsoomeyn doorashu ilaa ay ka heshiiyan Axsaabta qaranku, kuwaasi oo isku fahmi la’ hanaanka loo galayo doorashada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xoghayaha Arrimaha carabta iyo dowladaha islaamka ee xisbiga Waddani Axmed Safiina ayaa ka hadlay caqabadaha hortaagan waxqabadka wasiirada Somaliland, isagoo farta ku fiiqay in Madaxweyne Muuse Biixi yahay caqabada ugu weyn ee hor-taagan wax-qabadka laga filayey xukuumada. “Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Xildiid anigoo ixtiraam u haya shakhsiyadaada gaarka ah ileen madaxwayne ayaad noo tahaye, hadana waxa aan odhan karaa intii madaxwayne dalka soo martay waxa aad tahay madaxwaynihii u maamul ka liitay una cadaalad xumaa. Shantii sano ee dalka laguu dhaariyay sanad iyo badh way tagtay, sanadka u dambeeyaa waa olole, labada sano ee kuu hadhay marka jimcayaasha laga reebo waa iska bilo kooban. Wasiirada iyo masuuliyiinta xukuumadaada xakamaha aad kuhayso ka sii dalka ha u shaqeeyaane, bulshada dalka iyo shacabka maqal oo hagaaji kolay dhawaan adoo cod doonaya waad hor imane. Ugu dambayn waari mayside war hakaa hadho.” ayuu ku yidhi qoraal uu soo saaray Xoghaye Axmed Safiina. Si kastaba, Madaxweyne Biixi ayaa waxa lagu eedeeya inta badan inuu wasiiradiisa fara-gelin ba’an ku hayo wasaaradahooga, kuna noqday caqabad ka hortaagan hirgelinta wax-qabadka laga sugayo xukuumadiisa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegay in kulan xasaasi ah uu caawa ka socda halkaas. Kulankan ayaa u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisul wasaare Kheyre, wasiirka amniga Ducaale, taliyaha booliska Bashiir Ameeriko, iyo sii-hayaha taliyaha NISA ahna ku-xigeenka Fahad Yaasiin. Kulankan ayaa yimid saacado kadib markii la beddelay hoggaanka talisyada booliska gobolka Banaadir, taasi oo ka dambeysay weerar qorsheysan iyo qaraxyo dhowr ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Xogta naga soo gaareysa kulankaas ayaa sheegeysa in dood ay ka dhalatay magacaabista taliyayaashan oo uu sameeyey guddoomiyaha booliska gobolka Banaadir, Saadaq John. Wararka ayaa sheegaya in magacaabistan uu ka hor-yimid taliyaha booliska Jeneral Bashiir Ameeriko, oo aan lagala tashin, islamarkaana un ka ogaaday warbaahinta. Taliyaha booliska dalka ayaa leh awoodda magacaabista taliyayaasha degmooyinka, ayada oo taliyaha booliska heer goboleed uu leeyahay soo jeedin. Bashiir Ameeriko ayaa sidoo kale diidan shaqsiyaadka loo magacaabay xilalkan, oo badankood horey uga tirsanaa nabad-sugidda, isaga oo rumeysan inaysan aqoon xeerarka booliska. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale la sheegay inuusan ka war-hayn arrintan. Saadaq John ayaa waxa ay aad isugu dhow yihiin ra’iisul wasaaraha. Ka sokow doodad ka taagan magacaabista iyo heerka loo maray, waxaa sidoo kale kulanka looga hadlayaa in loo baahan yahay is-beddel ka weyn taliye boolis degmo oo la beddelo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa caawa isbedel ku sameysay Taliyayaasha Saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo qaar kamid ah xilalkii laga qaaday, halka kuwana la isku beelay. Arrintan waxa ay timid saacado kooban kadib weerarkii Shabaab ee degmada Shangaani, halakas oo ay ku qabsadeen dhismaha Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya, waloow markii dnabe laga saaray. Halkan Ka Aqriso Taliyayaasha Cusub: Maxamed Jeego oo hore u ahaa Taliye Kuxigeenkii Nabadsugida gobolka Banaadir, waxaa hada loo magacaabay Taliye Ku Xigeenka Booliska qaybta guud ee Gobolka Banaadir. Cabdi Fitaax Mire oo ahaa Taliyihii degmada Hodan, waxaa loo magacaabay Taliyaha qeybta Waliyo Cadde ee booliska, iyadoo Kuxigeen looga dhigay Shuceyb Abdi. Yaasiin Nur Khayre, waxaa loo magacaabay Taliye Ku xigeenka qeybta bartamaha . Bashiir Cabdi SIyaad, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga booliska degmada Hodan. Najiib Carab, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Boondheere. Liibaan Shidane, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Kaaraan. Xuseen Cadceed oo si KMG-ah u hayay xilka Taliyaha Saldhiga Warta-Nabada tan iyo markii la dilay Taliyihii hore macalin Daahir, ayaa Caawa si rasmi ah xilkaasi loogu magacaabay. Ismaaciil Muuse Yuusuf, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska Dharkiinley. Axmed Taree, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Kaxda Axmed Khadar, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Xamar weyne. Maxamed C/qaadir, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Waaberi, waxaana Kuxigeen looga dhigay gabar lagu magacaabo Taliso Abtidoon.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___Qubanaha-23032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa ka soo baxaysa qaabkii uu u dhacay weerarkii cuslaa ee maanta Al-Shabaab ku qaadeen dhismooyin ay daganaayeen 2 wasaaradood oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xarunta Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir. Ragga weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay xarunta ka weerareen Al-Baabka ku yaala dhabarka dambe ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo ka soo horjeeda xarunta Fisha Taraafika ee degmada Shangaani. Sidoo kale qorrax ka soo bax waxaa ka xiga dhismaha Safaaradii Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho taas oo ay ka guurayn sanadkii hore kadib markii ay isku dhaceen dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka. Gaadiidka weerarka fuliyay ayaa la sheegay in ay ka yimaadayn dhinaca Xamar-wayne waxayna ku soo jiheesnaayeen qorrax ka soo bax sida ay sheegayn dadkii halkaasi ku sugnaa. Xarunta ay Al-Shabaab maanta weerarayn afarta gees waxaa kaga yaala baro control oo muhiim u ah dhismooyin badan oo halkaasi ku yaala kuwaas oo kala, Laba bar kontarool oo ku taala wadadada ka timaada Xeebta liido iyo labada kale oo ku yaala dhinaca Fisha Taraafiko iyo Jubba oo ay kala joogaan Booliis iyo Nabad Sugid waxaana la yaab ah sida ay ku soo gudbayn Ciidankaasi. Dhismiyaasha la weeraray kaliya maahan Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Shaqada iyo Shaqalaaha balse waxaa ku dhaggan Wasaaradda Caafimaadka, Dhismaha Fisha Taraafiko, Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir, Dhismaha Baarlamaanka Aqalka Sare iyo Taliska ugu wayn hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Magaalada Muqdisho maalintii ma jirto wax baaritaan ah oo lagu sameeyo gaadiidka iyo dadweynaha marka laga reebo dhowr meelood oo ah meelo muhiim ah, oo ay ku yeelaan xarumaha DF-ka Soomaaliya. In Alshabaab ay weeraraan xarumahaan waxay ka dhigantahay in DF-ka dadaalkeeda uu aad u liito, sidoo kalane Al-Shabaab ay u fududahay in ay weeraraan goobaha muhiimka ah ee xarumaha Dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
G/sare Xuseen Cali Daan Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa taliye cusub u magacaabay taliska qaybta Booliiska gobolka Bari. Dikreeto ka soo baxday xafiiiska madaxweynaha, ayaa taliyaha qaybta Booliiska gobolka Bari lagu magacaabay, G/sare Xuseen Cali Maxamed (Daan), halka ku xigeenkiisa loo magacaabay G/dhexe Cabdirashiid Barre Maxamed (Aamusane). Taliyihii hore qaybta Booliiska gobolka Bari G/sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa 6-dii December 2018 loo doortay, xildhibaan ka tirsan Baarlamanka dowladda Puntland, waxaana xilka sii hayay ku xigeenkiisi G/dhexe Axmed Abshir Axmed (Jaraale). PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo taliyaal cusub magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
The scene of a suicide explosion after gunmen stormed a government building in Mogadishu. Five people, including the country’s deputy labour minister, have been killed in an Islamist extremist attack on a government building in the capital, Mogadishu, a Somali police officer has said. Capt Mohamed Hussein said the minister, Saqar Ibrahim Abdalla, was killed in his ground-floor office shortly after gunmen stormed the building in Mogadishu. At least five gunmen stormed the building after a suicide car bombing at the gates. Somali security forces, fighting to take control of the building, exchanged fire with the militants. Al-Shabaab has claimed responsibility for the attack. The Somali Islamist extremist group frequently carries out suicide bomb attacks targeting public places and government offices. Source Theguardian Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa sii batay Khasaaraha ka dhashay Weerarkii ku bilowday Qaraxyada ee lagu qaaday Xarunta Wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Wasaaradda Howlaha Guud. Sida ay Caasimadda Online u sheegeen Kooxaha Gurmadka deg deg ah Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhinteen Qaraxyadii maanta ka dhacay Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa weerarkaas ku dhaawacmay in ka badan 20 qof sida ay xaqiijiyeen howl-wadeenada Isbitaalada Magaalad Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa weerarkaas looga dilay Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Saqar Ibraahim isla markaasna ahaa XIldhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa weerarkaas ku dhintay Shaqaale ka tirsanaxa Wasaaradda la weeraray oo waqtiga ay dhaawacmayeen ku guda jiray howlahooda shaqo. Sidoo kale waxaa dadka dhintay ku jiro dad shacab ah, waana tirada ugu badan ee halkaas dhibaatada kasoo gaartay maadaama ay Wasaaradda ku taalo jid si weyn ay u isticmaalaan Shaqaalaha Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Kooxaha ka tirsanaa Al-Shabaab ee Xarunta weeraray ayaa ku labisnaa Dharka Ciidamada Boolisk Soomaaliyeed oo maalmihii dambe lagu wareejiyey Amniga Muqdisho. Wasaaradda Howlaha Guud iyo Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa soo gaaray Burbur xooggan. Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya , maamul goboleedyadda iyo qaar ka mid ah dalalka Caalamka ayaa siyaabooyin kala duwan uga hadlay Qaraxyadii Muqdisho. Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa hadda ah mid dagan kadib qaraxyadii Shanta ahaa oo ay Maanta marti gelisay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO ka difaacay eedayn xisbiga mucaaridka ah ee Waddani u jeediyay oo Ururkaasi la xidhiidhiyay inay ku dhexmilmeen siyaasadda. Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga caddaaladda iyo daryeelka UCID, Jiir Cali Madoobe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay taageersan yihiin dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO, isagoona ku amaanay doorka firfircoon ee kaga jirto bulshada, gaar ahaan dhallinyarada Somaliland. Mr. Jiir waxa uu sheegay in Dalladda SONYO ay madax-bannaan tahay oo aanay ku milmin arrimaha siyaasadda “Maalin dhawayd, waxa laga hadlay oo xisbi ka hadlay, ururka dhallinyarada ee la yidhaa SONYO oo la mid ah ururadan kale ee aan dawliga ahayn, waxaanay dhallinyarada u qabataa waa wacyigalin iyo dhiirigalin. Ciddii (Xisbiga Waddani) markaasi ka hadlaysayna waxay uga hadlaysay si siyaasadaysan oo inay ku dhexmilantay xukuumadihii iyo dawladihii dalkan ka soo jiray. Waxaan u sheegayaa uun inay SONYO tahay urur madax-bannaan oo ka madax-bannaan siyaasadaha dalkan, isla markaana ay tahay urur aan dawli ahayn,una qaabilsan dhalinyarada horumarin iyo dhiirigalin.” Ayuu yidhi Jiir Cali Madoobe, Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga caddaaladda iyo daryeelka UCID. Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani ayaa dhawaan eeddo aan caddaymo wadan u jeediyay dalladda SONYO, oo ay ku eedeeyeen inay aad ugu dhexmilantay arrimaha siyaasadda xukuumadda markaasi jirta. dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo ah urur aan dawli ahayn, ayaa ka shaqeeya arrimaha dhalinyarada, oo ay siiyaan wacyigalin dhinaca balwadaha iyo tahriibta, isla markaasina dhiirigaliyaan horumarka dhallinyarada. Source
-
(SLT-Dubai)-Dhismaha ugu dheer Caalamka ee Burji Khaliifa ee ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa laga lulay Sawirka Raysal wasaaradda New Zealand, Jakiinda Andren oo laabta ku haysa Haweeney Muslimad oo ku sugnayd Masjidka lagu magacaabo Kilbirmiye oo ku yaalla caasimadda dalka NZ ee Wellington. Sawirkiisa oo uu qaaday Sawir-qaade lagu magacaabo Hagen Hopkins ayaa waxaa lagu dul qoray Erayga Salaama ee la micno ah Nabad. Dhismaha Burji Alkhaliifa oo uu ku yaalla magaalladda Dubai, waxa uu dhererkiisu dhan yahay 829 mitir. Sheekh Maxamed Bin Rashiid Almakhtuum oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Ra’isul-wasaaraha dalka Imaaraadka Carabta, ahna Xaakimka Imaaraadda Dubai waxa uu Ra’isul-wasaaradda dalka NZ, Jakiinda Andren ugu hambalyeeyey taageeradda ay u muujisay Mujtamaca Muslimiinta, kadib, geeridii 50-kii qof ee Muslimiinta ee lagu dilay dalka New Zealand. Qoraal uu Sheekh Maxamed Bin Rashiid Almakhtuum soo dhigay bartiisa Twitterka waxa uu tilmaamay in Taageeradda Jakiinda Andren ku kasbatay xushmadda Muslimiinta Caalamka oo ay tiradoodu dhan tahay 1.5 Billion oo qof, kadib, weerarkii Argagixiso ee ay ka argagaxeen Muslimiinta Caalamka oo idil. Source
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Taliska Howl-galka AMISOM iyo dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab. Kulanka deg degga ah ayaa aad loogu falanqeeyay tageeradda qorsha uu diyaariyay taliska ciidanka xoogga dalka oo la doonayo in Shabaab looga saaro deegaanadda kamid ah dalka ee ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulanka ka tilmaamay in aan loo sii dul qaadan karin in kooxaha dagaalka kula jira ay sii dhibaateeyaan dalka ayaa dhammaan ka qayb galayaasha kulanka waxa uu ka dalbaday in dagaalka argagaxisada loo wajaho si wadajir ah laguna gacan siiyo dawladda sidii ay dalka oo dhan uga dhigi lahayd mid nabdoon. Safiirrada Maraykanka, Ingiriiska, Midawga Afrika iyo safiir ku-xigeenka Midawga Yurub ee Soomaaliya iyo Taliyaha Hawlgalka AMISOM oo goob joog ka ahaa shirka looga arrinsanahay qorshaha argagaxisada looga saaryo dalka ayaa taageeray in si wadajir ah loo fuliyo qorshaha dawladdu soo bandhigtay ee lagu doonayo in dalka looga sifeeyo argagaxisada. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Taliska Howl-galka AMISOM iyo dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada. Kulanka deg degga ah ayaa aad loogu falanqeeyay qorsha uu diyaariyay taliska ciidanka xoogga dalka oo la doonayo in kooxaha argagaxisada ah looga saaro deegaannada kamid ah dalka ee ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulanka ka sheegay in aan loo sii dul qaadan karin in kooxaha arxan-laawayaasha ah ay sii dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ayaa dhammaan ka qayb galayaasha kulanka waxa uu ka dalbaday in dagaalka argagaxisada loo wajaho si wadajir ah laguna gacan siiyo dawladda qorsha cusub ee dalka dhan looga dhigayo mid nabdoon. Safiirrada Maraykanka, Ingiriiska, Midawga Afrika iyo safiir ku-xigeenka Midawga Yurub ee Soomaaliya iyo Taliyaha Hawlgalka AMISOM oo goob joog ka ahaa shirka looga arrinsanahay qorshaha argagaxisada looga saaryo dalka ayaa taageeray in si wadajir ah loo fuliyo qorshaha dawladdu soo bandhigtay ee lagu doonayo in dalka looga sifeeyo argagaxisada. Hoggaanka dawladda Soomaaliya oo muhiimadda koowaad ay u tahay sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed, maalkooda iyo gayiga Soomaaliya guud ahaan ayaa wada qorshe uu ku doonayo in lagu soo af-jaro ficillada gurracan ee kooxaha nabad-diidka ah ay ku diidanyihiin horumarka dalka, kuna bannaysanyaan dhiigga dadka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Warbaahinta qaranka Somaliland ayaa telefishanka madaxa-bannaan ee SAAB TV ku tilmaantay, in uu yahay mid loo sameystay mashaariic macaash doon ah oo dalal shisheeye u adeegga. Sidoo kale, waxay telefishanka SAAB ku sheegtay mid mashaariic lagu siiyo hagar-daameynta iyo kala fogeyn bulshada Somaliland. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (SMN) – Madaxda maamul goboleedyadda dalka ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho. Weerarada oo ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu beegsaday dhisme ay degan yihiin wasaaradaha Shaqada iyo Howlaha Guud. Inta la xaqiijiyay 15 ruux ayaa ku dhimatay dhacdadaasi, oo ay sheegatay in ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab. Hogaamiyaasha dowladaha xubnaha ka ah xukuumada dhexe ayaa soo kabasho deg deg ah u rajeeyay dadka dhaawaca ah. Madaxda Qaranka ayaa horey tacsi uga diray dhibayaasha oo uu ku jiro wasiir ku xigeenkii shaqada iyo shaqaalaha, marxuum Saqar Ibraahim Cabdullaahi. View the full article
-
Somaliland: Yeeli Mayno Muddo Kordhis Dambe iyo Doorashooyin Baaqday Waxaa maanta Hargeysa ku kulmay Golaha Guurtidda Somaliland iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka. Waxay ka wadahadleen qabitaanka doorashada barlaamanka iyo dawladda hoose oo la filayey in la qabto bisha Disember, 2019. Shirkaa ka bacdi, Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, “Saleebaan Gaal” ayaa u sheegay warbaahinta Somaliland in aan la qaban doonin doorashooyinkaas. Wuxuu Saleebaan Gaal marmarsiyo ka dhigtay, warbixinta ay Golaha Guurtida siiyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka. Haddii ay arrintani run noqoto, waa nasiib daro. Waa wax aan la aqbalayn. Waa markaa seddexaad ee barlaamaan fadhiyey dhowr iyo tobban sannadood, oo qudhmay, oo bukhuuray, oo fashilmay, oo an waxba isku falayn, muddo kordhis loo sameeyo. Waa ayaan darro. Waxaa ka sii daran, Golaha Guurtidda iyo Guddiga Doorashooyinku waxay eedeyeen xukkuumadda, xisbiyadda Qaranka Somaliland iyo barlamaanka Somaliland, oo ay leeyihiin waxay ka soo bixi waayeen hawlahoodii, hadday noqoto maalgelinta doorashooyinka, ama sharciga lagu qabanayo doorashooyinka amaba xisbiyaddii oo kala noqday kalsoonidii Guddiga Doorashooyinka. Markaa, Saleebaan Gaal iyo Guddiga Doorashooyinku waxay ina leeyihiin, Somaliland way fashilantay. In wixii loo soo halgamayey, ee dad farabadan naftooda u horeen, in ay kuwa maanta jooggaa iska lumiyeen. Yeeli Mayno. Warkaa maanta ka soo baxay afka Saleebaan Gaal, haddii wax laga qaban waayo, cadowgii inoo jabi, saxiibadeenna niyad jabi. Yeeli Mayno. Maanta, haddii aan ahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaan isticmaali lahaa “emergency decree” xukun deg-deg ah, waxaan eryi lahaa dhamaan Golaha Guurtida, Golaha Barlaamanka iyo Guddiga Doorashooyinka, oo aan ku bedel laahi, Golayaal ku meel gaadh ah, ilaa iyo inta doorashooyin la qabanayo sannadkan. Yeeli mayno muddo kordhis dambe, yeeli mayno been iyo musuqmaasuq lagu burburiyo dalka iyo dadka, yeeli mayno qabiilnimmo ina kala firdhisa, yeeli mayno wixii loo soo halgamey in lagu ciyaaro. Yeeli mayno in Somaliland ay geed ku xidhaan golayaal iyo guddiyaal iyo siyaasiyiin fashilmaay. Yeeli Mayno. Wa Bilaahi Towfiiq Axmed Kheyre Qaran News