-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Dubai)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayo, ayaa khamiistii safar shaqo ugu kicitimay dalka Isu-tagga Inaaradka Carabta. Halka shalayna Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo looga yeedhay Sucuudiga. Socdaalka Madaxweyne Biixi ayaa salka ku hayaa martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo diyaar gaar ah u soo diray, taasi oo ka qaaaday Madaxweynaha iyo waftigii la socday Cigaal International airport. Mar uu la hadlaayay wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin xaaji Maxamuud xiir faratoon warfidiyeenka waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu safar shaqo labba ilaa hal maalin ah ku maqnaan doono AUE kaasi oo arrinaha labbada dal khuseeya ay ka soo wada xaajoon doonaan. Waftiga waxaa ku wehelinaayay Madaxweynaha wasiirka arrimaha dibadda iyo Wasiirka horumarinta Qorshaynta. Geesta Kala Madaxeyne Farmaajo ayaa shalay booqasho rasmi ah ka helay dalka Boqortooyadda Sucuudga oo la filaayo inuu kanwada hadlaan arrimaha dhoofka xoolaha. Labadan dal ee ku bahoobay quwadda Khaliijka ayaan la garan karin sabbata ay iskugu beegeen safarka labbada dowladeed ee somalia iyo somaliland. Source
-
Marxuum Cabdirishiid Maxamed Xirsi Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa maanta oo sabti ah ku geeriyooday magaalada Garowe ee xrunta Puntland. Allaha u naxariistee Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa sida la sheegay waxaa ku soo booday xanuun de deg ah, kaas oo ugu dambeyn u geeriyooday. Marxuum Cabdirashiid ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland soo noqday intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2013, sidoo kale wuxuu Wasiirada Howlaha guud iyo Kulluumeysiga Puntland soo noqday intii u dhaxeysay 2014 iyo 2018. Marxuum Cabdirashiid ayaa Aas qaran loogu sameyn doonaa magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Bahda PUNTLNAD POST waxay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii, geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxaristee Cabdirashiid Maxamed Xirsi, oo magac iyo maamuus weyn ku lahaa Puntland iyo Soomaali weynba. PUNTLAND POST The post Garowe: Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Hay’adda Cuntada Aduunka (FAO) ayaa shaaca ka qaaday in toddobaadka soo socda ay deegaamada Somaliland heli doonaan Roobab badan. Sida lagu sheegay qoraal hay’addani soo saartay Jimcahii shalay oo la xidhiidha saadaasha roobabka ee toddobada maalmood soo socda ayaa lagu yidhi; “Baddi Deegaamada Soomaaliya waxay ahaan doonaan kuwo qalallan saddexda maalmood ee soo socda, marka laga reebo geyiga Somaliland iyo meelo kale oo roobab koobkooban ka da’i doonaan.. Qoraalka FAO ayaa la raaciyey, saadaasha roobabka toddobaadka soo socda 18 April ilaa 24 April, sida jaantuska tilmaamayo ayaa muujinaya fursadaha roobab badan oo ka da’a dabayaaqada toddobaadkan Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya & deegaamda sarreeya ee Itoobiya. Si kastaba, Saadaasha ay hay’adda Cuntada Aduunka (FAO) bixisay, ayaa yididiilo wanaagsan muujinaysa, waxaana loo baahan yahay in bulshada Somaliland ka faa’iidaystaan weeleynta raxmaadka Alle, una samaystaan keydad taasoo wax badan ka tari doonta dhinaca biyo-yaraanta dalka iyo dhigaalka dhaqaalaha kaga baxa bulshadeena helitaanka biyaha. Source
-
(SLT-London)-Weeraryahanka kooxda Liverpool, Maxamed Salaax, ayaa sheegay in ragga ay “dhaqanka wadaagaan iyo kuwa Bariga Dhexe” looga baahan yahay inay si xushmad dheeraad ah leh ula dhaqmaan dumarka, xilli uu laacibkan ka mid noqday boqolka qof ee ugu saamaynta badan caalamka ee ay soo xulatay jariirada Time. Laacibkan 26 jirka ah ee Masar u dhashay, ahna nin si wanaagsan ugu dhaqma diinta Islaamka, ayaa kamid ahaa lixda qof ee sawirradooda lagu daabacay bogga hore ee jariiraddaasi Maraykanka ka soo baxda, waxaana waraysigii lala yeeshay uu uga hadlay xuquuqda dumarka. “Waxaan u baahannahay inaan wax ka bedelno dhaqankeena ku aaddan haweenka,” ayuu u sheegay jariirada Time. “Waa inaan sidaa samaynaa, oo ma aha wax khiyaari ah.” Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan u taageeraa dumarka si ka badan sidii aan horay ugu taageeri jiray, waayo waxaan dareensanahay inay u mudan yihiin wax ka badan waxa hadda la siiyo.” Waxaa Salaax liiskaasi ku wehliya dad caan ah oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ra’iisal wasaaraha Pakistan Imran Khan, asaasaha Facebook Mark Zuckerberg, xaaska madaxweynihii hore ee Maraykanka Michelle Obama iyo fanaaniinta kala ah Ariana Grande iyo Lady Gaga. Dadka ku soo baxay liiskan ayaa loo kala qeybiyay shakhiyaad horseed ah, fanaaniin, hogaamiyayaal, kuwo caanbaxay iyo shakhsiyaad aad muhiim u ah oo ka mid yahay Maxamed Salaax. John Oliver oo ah majaajileyste u dhashay Ingiriiska daadihiyana barnaamijka Last Week Tonight isla markaana taageero weyn u ah kooxda Liverpool ayaa maqaal kooban oo uu uga hadlayo Salaax u qoray jariirada. “Mo Salaax waxaa bani’aadan ka wanaagsan laacibka uu yahay,” ayuu qoray Oliver oo intaa ku daray, “waxaana uu kamid yahay laacibiinta ugu wanaagsan caalamka.” “Mo waa qof muhiim u ah Masaarida, dadka Liverpool iyo Muslimiinta dunida oo dhan, sidaa oo ay tahayna waa nin aan isla-weyni ku jirin, dadka ka fekera oo qosol badan.” Salaax ayaa noqday laacib ay aad u jecel yihiin taageerayaasha Liverpool Maxamed Salaax ayaa Juun 2017 Liverpool uga soo biiray kooxda Roma, waxaana xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay uu kooxdaasi u dhaliyay 44 gool. Xilli ciyaareedkan oo ay Liverpool dadaal weyn ugu jirto hanashada horyaalka Ingiriiska markii ugu horreysay tan iyo 1990, ayaa Salaax waxa uu dhaliyay 19 gool oo Premier league-ga ah. “Dadku markasta wax weyn ayay kaa filayaan,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray “Waxaad arkeysaa carruur xiran funaanadaada oo sheegaya in maalin uun ay ku haminayaan inay adiga oo kale noqdaan.” “Marka cadaadiska ayay ku kordhinayaan, balse dhanka kale waxa ay kaa dhigaysaa qof ku faraxsan guulaha uu ilaa hadda gaadhay.” Shanta qof ee bogga hore ku wehlisa Salaax ayaa kala ah fanaanada Taylor Swift, jilaayaasha kala ah Dwayne Johnson iyo Sandra Oh, weriyaha Maraykanka ah ee Gayle King iyo afhayeenka aqalka wakiillada Maraykanka Nancy Pelosi. Salaax ayaa kamid ah saddex xiddig oo caalami ah oo dheela ciyaaraha kala kuwan, waxaana labada kale ay kala yihiin Caster Semenya oo u dhalatay Koonfur Afrika laba goorna qaaday horyaalka orodka sideeda boqol ee mitir ee Olimbikada iyo gabadha kaalinta koobaad kaga jirta tennis-ka ee Naomi Osaka oo u dhalatay Japan. Laacibiinta kale ee liiska ku jira balse u dhashay Maraykanka ayaa kala ah LeBron James oo caan ku ah kubadda kolayga ee NBA, Tiger Woods oo golf-ga dheela iyo laacibka kubadda cagta ee Alex Morgan. Source
-
magaalada Abidjan ee caasimadda dalka Ivory Coast waxaa ka dhacday shirwaynaha 28 ee xiriirada Cayaaraha Fudud ee qaaradda Afrika kaasoo lagu dooranayay hogaanka cayaaraha fudud ee qaaradda. Dooraashan waxaa Soomaaliya uga qayb galay Guddoomiyaha Xiriirka cayaaraha Fudud Drs Khadiijo Aadan Daahir,waxaana ku loolamayay Hamad Kalkaba Malboum oo dalka Cameroon u dhashay iyo Amara Khaled dalka Tunisa u dhashay. Doorashadan oo ay codeeyeen 51 dal oo ku midaysan Xiriirka cayaaraha fudud ee qaaradda (Afrika(African Confederation of Athletics ) (CAA) waxaa44 cod helay Hamad Kalkaba Malboum halka 7 cod uu keensaday Amara Khaled, waxaana markale hogaanka qaaraddaloo doortay Hamad Kalkaba Malboum. Hamad Kalkaba Malboum oo xilkan hayay tan iyo 2003-di ayaa markii ay doorashada dhacday waxuu yiri” Aniga iyo Amara waxaan saaxiibo nahay tan 1999 waana nin wanaagsan oo halgan badan,” maanta aniga ayaa guulaystay berrina isagaa guulaysanaya. Xiriirka cayaaraha Fudud ee qaaradda Afrika ayaa ka mid ah xiriirada sida weyn loogu amaano cayaaraha fudud qaybtiisa orodka gaar ahaan 800 iyo waxii kasii sareeya,basle orodka 100 ilaa 400 aad looga gacan sareeya iyo qaybaha kale ee cayaaraha fudud, waxaana hogaanka cusub ee dib loo doortya laga doonayaan inuu horumariyo ciyaaraha qaaradda Afrika oo idil. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Riyadh)-Boqorka dalka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz ayaa martiqaad soo gaadhsiiyay madaxda dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle. Martiqaadka Boqorka Sacudiga ayaa la xidhiidha ka qeybgalka shirweyne u dhaxeeya Afrika iyo Sacuudiga, kaasoo lagaga hadlayo iskaashiga iyo wax wada qabsiga. Shirkan ayaa Magaalada Riyaad Bisha Ramadaan la filayaa in uu ka qabsoomo, Boqorka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiim ah oo sare loogu qaadaayo xidhiidhka ka dhaxeeya dalalka Carabta ee ku yaalla Afrika, si ay qeyb kaga noqday dadaallada dowladda Sacuudiga ay ugu jirto horumarinta dalalka Carabta. Maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho soo gaadhay Wasiir dowlaha Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Afrika Ahmed Abdul Aziz Kattan oo madaxweyne Farmaajo soo gaadhsiiyay martiqaad uu ka siday Boqorka Sacuudiga. Source
-
(SLT-Ankara)-Turkiga ayaa xidhay laba nin oo looga shakiyay in ay u jaajuusayeen dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo sidoo kalana hadda la baadhayo in ay lug ku lahaayeen dilkii magaalada Istanbul sannadki hore loogu geystay Jamal Khashoggi. Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu, ayaa maanta sheegtay in raggaani uu xadhigooda qeyb ka yahay baaritaan ay dalbadeen dacwad oogayaasha Istanbul, kaasoo ku saabsan falal jaajuusnimo ah oo lagu eedeeyay Imaaraadka. Wargeyska taageera dowladda Turkiga ee Yeni Shafak, ayaa ku warramay in labada qof ee looga shakisanyahay in ay jawaasiis u ahaayeen dowladda Imaaraadka la xidhay Isniinti, kaddib howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada booliska Turkiga iyo kuwa sirdoonka Turkiga ee loo soo gaabiyo MIT. Wargeyska ayaa intaasi ku daray, in labadani qof oo ah muwaadiniin u dhashay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ay xiriir la sameeyeen qof ay booliska kor kala socdeen oo lagu tuhunsanyahay inuu ku lug leeyahay dilka wiriyihii u dhashay Sacuudiga Jamal Kashikji. Sacuudiga ayaa qirtay in rag iyaga iskood usu abaabulay oo ka tirsanaa ciidanka boqortooyada ay ku dhex dileen Kashikji, qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa warbixin dheer ka qoray isbadalka ku yimid taageerada madaxweynaha Soomaaliya uu ka heystay Shacabka Soomaaliyeed. Qoraal uusoo dhigay Bartiisa Facebook kaga hadlay arimo dhowr ah, wuxuuna ku sheegay in madaxweynaha marka uu wayay kalsoonida Shacabka Soomaaliya inuu ku tilmaamay Al Shabaab iyo Qabiilo is abaabulaya, waxaana uu qoraalkiisa uqornaa sidan:- AAMUSNAANTA & QAYLADA MASAAFO DHEER AYAA U DHEXAYSA! Marka fatwada culimadu ay kiro noqoto, siyaasi horey u fashilmayna uu u istaago difaacidda mid kale oo wadadiisii haaya, qaaqle shidaal lagu soo shubo, ogaada daaha gadaashiis waxaa ku jira hogaamiye fashilmay oo aan dayactir lahayn! Abu Xaamid Algazaali ayaa laga hayaa “Shacabka waxaa lumiya Madaxda xun, Madaxda xunna waxaa marin-habaabiya wadaad xumayaal. Haddii aanay jiri lahayn garsoorayaal xun iyo wadaad xumayaal, waxaa yaraan lahaa xumaanta & qaladaadka madaxda ayagoo ka cabsi qaba in ay ka hor-yimaadaan kuwaasi” Markii madaxweynihii dadkii uu taageeradooda taladaa ku yimid oo ka cabanaya dhibaatoooyinka ka soo gaarey hogaan-xumidiisa uu ku tilmaamay “qabiil iyo shabaab” uuna ugu hanjabay inuu ku qaban doono gacan-bir ah, meeshii laga sugayey in uu keeno xalka dhibkii dadku ka cabanayeen, fariimahaas hanjabaadaha ah waxay ku haboonaayeen in uu u diro kuwa “shacabkaas dhibaatada ay ka cabanyeen u geysanaya iyo argagixisada qaraxyada gaysanaysa, si maro loogu geliyo hadaladaas deelqaafka ah waxaa warbaahinta lagu soo yaacshay maalmihii na gudbay “wadaado fatwada laga ijaartay, iyo qaaqlayaal dalkaan laga yaqaano, waxaana heeso xawilaad ah soo qaaday fanaaniin beeleedyo”. Waxaa la isweydiinayaa haddii taageeradii madaxweynuhu ay ku soo koobantay kooxahaas, uuna dadka ka aragtida duwan ku tilmaamay “qaran dumis, siyaasiyiin xanaaqsan, qabiil, haddana uu marayo shabaab” tolow mudada u harsan ee labada sano ku dhow muxuu adeegsan doonaa maadaama kalimaad danbe oo erayo xun lagu cabbiri karo aysan harsanayn! Madaxweynaha waxaan xusuusinayaa in aamusnaan dheer iyo qaylada codka dheer lee soo biodada ah, ay jirto masaafo dheer oo u dhexeysa, halkaasna ay tahay barta laga baadi-goobayo xikamdda lunsan ee hogaamiye laga rabo, u wakiilashada in ay magaciisa ay ku hadlaan kuwa bulshadu ay nacday hadalkooda, kama ridayso mas’uuliyadda dastuuriga ah ee saaran ee laga rabo in uu dalkan ku hogaamiyo mudada kooban ee u dhiman si ka turjumaysa baahida dadka iyo marxaladda xasaasiga ah ee uu dalku marayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Yemen)-Gorgor lagu magacaabay Nelson ayaa dalka Yemen lagu qabtay isaga oo hawada Yemen duulaya, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada dalkaas. Markay ciidamadu gacanta ku dhigeen Shimbirka Gorgorka waxay ku xireen qol mugdi ah, iyagoo sheegay iney uga shakiyeen inuu ciidamada Yemen basaasayey. Gorgorkan oo ay ciidamadu ku qabteen magaalada Tiyaaz ee dalkaasi Yemen ayaa lugtiisa ka helay qalab loo maleeyey inuu wax duubo. Ciidamada qabtay gorgorkana waxay sheegeen qalabka ay gorgorka lugtiisa ay ka heleen ineysan horay u arag uuna yahay qalab ku cusub, waxa uu qabanayana ay u baahan tahay khubarada aqoonta u leh iney faahfaahin ka bixiyaan. Dagaal kasta oo dunida ka socda in noole lagu soo oogo dacwad ah inuu basaasnimo ku guda jiray waa dambi aad u adag oo xukun adag lagu muteysanayo, waloow waxa la qabtay uu shimbirka Gorgorka yahay iyadoo aan horay loo arag shimbir xukun lagu xukumay dalka Yemen. Ciidamada Yemen ee shimbirka qabtay oo taageero ka hela Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay sheegeen inay shimbirka uga shaki qabaan inuu u basaasayey kooxda Xuutiyiinta ee ka soo horjeedda dowladda Yemen ee gacanta ka heleysa xulafada uu sacuudiga hoggaaminayo. Khubaro ku sugan dalka Bulgaria ayaa shaaciyay in shimbirkaasi uu ka soo fakaday xilli ay howla cilmi baadhis u adeegsanayeen, waxay sheegeen in qalabka ay lugihiisa ku xireen ay ugu tala galeen oo kali ah iney kula socdaan shimbirka halka uu marayo, balse ay waayeen. Waxay dowladda Yemen ka codsadeen iney Shimbirka ka soo fakaday ee ay ku raad joogeen ku soo wareejiyaan. Balse ciidamada Yemen ee gacanta ku haya Gorgorka waxay ku adkeysteen iney sii deyn doonin oo shimbirka dambi culus looga shakisan yahay ilaa laga xaqiijiyana aan laga soo saari doonin xabsiga lagu haynayo. Cilmi baadhayaasha sheegay inuu ka soo fakaday Gorgorka basaasnimada looga shakisan yahay ayaa ku dooday in ay u adeegsanayeen cilmi baadhis oo kali ah, ayna dowladda Yemen wixi xiriir ah ay kala sameyn doonaan dhanka safaaradda Bulgaria ay ku leedahay dalka Yemen. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Uganda ayaa ah ciidamada ugu badan ee ilaaliya xarumaha Qaramada Midoobay ee ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana saraakiisha ciidamada Uganda ay ka hadleen sababta loogu doortay inay xarumahaasi ilaaliyaal ka noqdaan. Saraakiisha ciidamada Uganda ayaa sheegay in ciidamadooda ay yihiin kuwo ay ka go’an tahay inay xasilooni kusoo celiyaan dalka Soomaaliya, taasina ay tahay sababta loogu doortay inay ilaaliyaan xarumaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho. Ciidamadan waxaa ay ka koobanyihiin 530 Askari, 63 waa Haween halka 467 ay yihiin Rag, waxaa ay kaalin muhiim ah ka qaataan nabadeynta Soomaaliya, sababta oo ah waxaa ay ilaaliyaan Xarumaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. Korneyl Stuart Agaba, waa taliyaha ciidamadaasi, waxaa uu sheegay in sababta Uganda loogu dooray in ay ilaaliso xarumaha Qaramada Midoobey ay tahay in Uganda a ka go’antahay dowladnimada Soomaaliya. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Uganda ay yihiin kuwo daacadnimo u gudanaya waajibaadka iyo ilaalinta xarumaha ku yaala magaalada Muqdisho. Ciidamada Uganda ayaa ilaaliya xarumaha ugu muhiim Muqdisho sida garoonka diyaaradaha, Dekadda Muqdisho, madaxtooyada iyo xarumo kale oo ku yaala magaalada Muqdisho. Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho ka tagay ciidamo badan oo u dhashay dalka Uganda, kuwaasi oo dhameystay waajibaadka shaqo ee ay u joogeen magaalada Muqdisho, waxaana badalkooda soo dagay ciidamo kale oo dalkaasi ka socda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare Senator Abshir Maxamed Axmed oo ka hadlay muranka imtixaanaadka ee u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada JFS iyo dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in waxbarashada ay ka mid tahay arrimaha ay si gaar ah u maareysan karaan dowlad goboleedyada. Guddoomiye Abshir Maxamed oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “Arrinta tacliinta dalka waxa ay ka mid tahay arrimaha ay si gaar ah u maareysan karaan dowlad goboleedyada amaba uu wadaxaajoodku ka furan yahay sida ku cad Qod. 52aad ee Dastuurka” isaga oo intaasi raaciyey “ ee wasiirka waxbarashadu go’aan kuma laha maareynta waxbarashada Puntland”. Waxaa uu guddoomiyaha sidoo kale ka hadlay arrimaha u gaarka ah dowladda federaalka ah “Qod. 54 wuxuu xeerinayaa marka laga reebo awooda Arrimaha Dibadda, Difaaca Qaranka, Jinsiyadda & Socdaalka & Siyaasadda Lacagta, oo ay awoodeeda & xilkeeda yeelaneyso dowlada federaalka, in wixii ka soo hara ee awood qaybsiga siyaasadeed & dhaqaale ay wada xaajood u furan yihiin” Dhinaca kale, waxaa uu wasaaradda waxbarashada u soo-jeediyey iney qabsato shaqadii loogu talo-galay, oo ah tacliinta dalka sida dastuurka ku qoran isaga oo yiri “Sidaa awgeed, waxaan ku boorinayaa wasiirka in uu u abbaaro arrinta tacliinta dalka sida uu Dastuurka Dalka farayo oo ah wadaxaajood & iskaashi ee sax ma ahan in wasiirku ku goodiyo in wasaarada waxabarashada ee heer Federal ay halis ku noqon karto mustaqbalka ardeyda Puntland. Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee aqalka sare Abshir Maxamed waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “Ilaa iyo inta heshiis federaal ah ay ka gaarayaan Xukuumadda dhexe iyo kuwa Dowlad Goboleedyada; waxaa habboon in xukuumada Federaalku ay ka fogaato adeegsashada siyaasado aan laheyn sal sharci ah oo waxyeello gaarsiin kara nidaamka Federaalka. Hadalka Senator Abshir ayaa imaanaya xilli todobaadkii hore uu wasiirka waxbarashada dowladda federaalka ah Cabdullahi Goodax Barre sheegay in Puntland iska diiday imtixaanaadka mideysan ee dowladda federaalaka ah, isaga oo waalidiinta iyo bahda waxbarashada kala hadlay cawaaqib xumo uu sheegay in arrintaasi ka dhalan karto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxaas (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka xalay howlgal ballaaran ay ka sameeyeen degmada Maxaas ee gobolkaasi. Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu soo waramayaa in lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo badan dhalinyaro, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ujeedka baaritaanadaan ayey sarakiisha Ciidamadu ku sheegeen in uu qeyb ka yahay sugida amniga degmadaasi. Shalay ayey aheyd markii qarax miino lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii Maxaas iyo qaar ka mid ahaa ilaaladiisa, kaasi oo ka dhacay gudaha degmadaasi. View the full article
-
Garbahaarey (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka so baxaya dagaal xoogan oo xalay Ciidamada dowladda iyo Al Shabaab ku dhex maray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Dagaalka ayaa bilowday, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerar qorsheysnaa ku soo qaadeen fariisimo Ciidamada dowladda ku leeyihiin halkaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkani oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Ethoipia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay dhowr madfac ku tuureen agagaarka degmadaasi . Xaaladda ayaa saaka dagan, balse Ciidamada dowladda ayaa baaritano ka bilaabay qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa Khamiistii kula kulmay Magaalada Qaahira dhiggiisa Masar Mudane Sameh Shoukry. Wadahadalka ayaa intiisa badan diiradda lagu saarray xiriirka walaalnimo iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar iyo habkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa dhinac waliba oo u adeegaya danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah, waxa ayna is dhaafsadeen aragtiyadooda dhacdooyinka iyo horumarka gobolka iyo dunida. Kadib markii uu idlaaday wadahadalka ballaaran, waxaa saxiixa lagu duugay seddex heshiis is afgarad oo ay ka mid yihiin abuuridda hab wadatashi siyaasadeed oo heer wasiir arrimo dibadeed oo labada dal ah, yagleelidda guddi wadaag ah oo ay hoggaamiyaan labada wasiir arrimo dibadeed iyo iskaashiga labada machad ee daraasaadka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Masar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxay madaxtooyada ka tidhi qoysaska uu dhulkoodii ka xoogay Muuse Biixi? Xukuumada Muuse Biixi ayaa markii uhoreysay ka hadashay cabashooyin maalmihii u dambeeyay ka taagna dhul ay ka dhisaneyso Madaxtooyo cusub oo ku yaala galbeedka caasimada Hargeysa. Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland, Maxamed Cali Bile oo arrintaas ka hadlaya, ayaa sheegay inaysan jirin qoysas uu Madaxweyne Biixi xoog kaga qaaday dhulka laga dhisayo Madaxtooyada cusub. “Dadkii lahaa halka Madaxtooyada Cusub laga dhisayo ee loogu tagay, boqolkiiba 99 way ka amba-baxeen, oo Salaan ayaa lagu kala tagay, laakiin hal Guri ayaa ku sii hadhsanaa Gurigiina saaka ayaa laga raray meeshii” ayuu yidhi Agaasime Maxamed Bile. Agaasimaha Madaxtooyadu, waxa uu sidoo kale beeniyay inay jiraan Balan-qaadyo Madaxweyne Biixi u sameeyay Qoys la yiraahdo reer Dalab, kuwaasi oo warbaahinta ka sheegay in Madaxweynuhu balamo uga baxay intuu dhulkoodi ka qaatay, wuxuuna yidhii “Qoyska reer Dalab malaha meesha Madaxtooyada laga dhisayo, waxa lahaa ummad dhan oo 72-Qoys ah oo meesha deganaa, cid wax loo balan-qaadayna ma jirto, cid wax la tarayana waa wax Dadkaas oo dhami u siman-yahay”. Muddooyinkii udambeeyay ayaa waxa isasoo tarayay qoysas sheeganaya dhulka ay xukuumada Muuse Biixi ka dhisaneyso Madaxtooyada, kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay warbaahinta ka hadlayey iyaga oo sheegaya in Madaxweyne Biixi uu dhulkooga kaga qaatay awood dowladnimo. Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer kadis ah jimcihii ku tagay deegaannadii dhawaan laga xoreeyeyAlshabaab ayaa faray hay’adaha Dowladda Federaalka ah in ay shacabka deegaannadan si deg deg ah u gaarsiiyaan adeegyada aasaasiga ah, si loo caawiyo muwaadiniinta ku nool oo ay Argagaxisadu muddo badan dhibaato ku haysey. Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sii laba-laabayso hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah, si looga xoreeyo dhammaan deegaannada ay kaga dhuumaalaysanayaan dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen argagixisada Alshabaab ee cadawga ku ah horumarka, nabadda iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed. “Hambalyo ayaan idin leeyahay inaad ka adkaateen cadawgii ummadda Soomaaliyeed oo ay idiin babac dhigi waayeen. Waxaa loo baahan yahay sidii aad magaalooyinkan uga erideen, Sabiib iyo Caanoole, oo aad uga adkaateen inaad u difaacataan, shacabka magaaladan deggan oo ay muddo gumeysi ku hayeenna inaad ka difaacdaan.” Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ah waajib wadaninnimo oo saaran muwaadin kasta. “Shabaab waa fulayo, waxay yaqaanaan in ay shacabka qarxiyaan, carruurtana laayaan. Laakiin wiilal idinka oo kale ah marnaba hortooda ma imaanayaan, waayo waxay og yihiin inaad geesinnimo iyo dhiirranaan la hortaagan tihiin. Waxaan ugu tageynaa meel kasta oo ay joogaan, annagana waan idin garab taagannahay, waa idin soo booqaneynaa, ciidamo kale ayaan idinku soo kordhineynaa, waana baacsaneynaa ilaa ay tirtirmaan.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga Alshabaab, waxa uuna ku ammaanay feejignaanta ka muuqata iyo diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay meelo kale uga saari lahaayeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-200419.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo ka hadlayay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ayaa sheegay in Ciidamo dheeraad ah ay dowladdu geyn doonto gobolka Shabeelah Hoose ee K/ Galbeed Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in dowladdiisu ay ka go’an tahay la dagaalanka Al Shabaab oo weli ku xoogan gudaha Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Ciidamada Xoogga Dalka guulaha ay ka gaareen dagaalladii ugu dambeeyay ee ay la galeen Al Shabaab. Hadalkan ayuu Madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay G/ Shabeelaha Hoose, kadib markii shalay uu booqday deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/cod-madaxweynaha-.mp3 View the full article
-
Nin Soomaali ah oo hirgaliyay arrin ajaanib badan soo jiidatay Soomaali badan ayaa u socdaashay wadamada dibadda waxayna u tageen bulshooyin leh dhaqamo iyo sooyaal taariikheed oo soo taxnaa in badan. In bulsho aad taariikhdooda raadiso waxay u baahan tahay in aad booqato goobaha Madxafyada ah, halkaas oo aad ka soo helayso dhamaan macluumaadka aad uga baahan tahay barashda bulshada aad u timid. Soomaalidu inta badan malahan goobo loogu hagaago dhaqamada iyo taariikhda ay leeyihiin, marka ay dalalka kale joogaan. Laakiin Cabdinuur Maxamed waa Soomaali dagan dalka Sweden, wuxuuna sameeyey markii u horeysay Madxaf wareega oo uu ku soo bandhigo taariikhda iyo dhaqanka Soomaalida. “Markii hore Madxafkan aniga ayaa naftayda u sameeyey, xero ayaa la’igu xareeyay sadex jeerna cunto ayaa la’isiin jiray,waxaan garan waayay qofka aan ahay, bulshada aan u imid waxay ii arkayeen qof kaligii iska socda, si aan u ogaado qofka aan ahay ayaan u sameeyey Madxafkan, kadib waxa uu anfacay ummada Soomaalida oo dhan, hawshan waxay igu qaadatay mudo hal sanno ah kadib waan uruuriyay oo waxaan u bandhigay dadkii aan u nimid si aan u sameeyo Buundo u dhaxaysa Soomaalida iyo dadka kale”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay Cabdinoor Maxamed oo ah Soomaaligii u horreeyay ee sameeya madal lagu keydiyo sooyaalka taariikhda soomaalida. Dad badan ayuu soo jiitay madxafka wareega ee uu hirgaliyay Cabdinuur Madxafkan wareega ee casriga ah ayaa lagu dhex arkayaa Sawiro iyo agab ka turjumaya, Sheekooyinka qaxa, sawirro iyo qalabka ay Soomaalidu la soo gashay Sweden. Cabdinuur waxa ku weheliya uruurinta taariikha Soomaalida kaamarad iyo qalinkiisa. “Anigu waxaan xoogga saaray kaydinta taariikhda cusub ee Soomaalida qurbaha, waxaan la xariiraa dhammaan dadka ku nool daafaha dunida waxaan ka codsadaa in ay ii soo diraan muuqaallada taariikhaha ay hayaan, sida ku dhex shaqaynta xilliga barafka, dhrka ay xirtaan, cuntooyinka ay karsadaan iyo waayahooda nolosha qurbaha, si aan u helno sawir ka turjumaya waqtigii aan wadamadan ku qaadannay, xaaladihii kala duwanaa ee aan nolosha ka marnay, si jiilasheenna danbe ay u helaan hab iyo dhaqan ay hidda raacaan”, ayuu yidhi Cabdinuur wuxuu daafaha caalamka ka dalbadaa muuqaallada ku saabsan taariikhda Soomaalida Dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya waxay sababeen burburka astaantii ay Soomaalidu lahayd, halka waddamada qaar ee dibada aad ku arkayso raadadka taarikhaha la xariira xiriirkii Soomaalidii hore iyo Yurub. Sida ay sheegeen baarayaal Soomaaliyeed, dadka Soomaalida ah ayaa qaabab kala duwan ku tagay wadamda reer Yurub, waxayna isugu jireen kuwo u tagi jiray soo bandhigista riwaayadaha goobaha lagu madadaasho si ay lacag u sameeyaan, qaar ka qayb qaatay dagaalkii koowaad iyo labaad ee aduunka, halka wixii intaa ka danbeeyey ay u tageen nabad galo raadis ama qoxoontinimo. Qaran News
-
Markii aad madax u noqoto wadan bur buray, oo aaney dadkiisu waqti dheer Dowladnimo xoogan arag, laxawgii iyo lahaanshihiina uu dadkii ka guuray waxaa ku hortaala shaqo badan. Waa inaad faham badan u leedahay baahida guud ee dalkaas, waase iney jirto mudnaan.Bishii September 2012 Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wareegay tallada Villa Somalia. Intii aanan magaciisa lagu xardhin boorarka doorashada Xasan wuxuu ahaa qof aad looga yaqaano Koonfurta iyo baratamaha Somalia, isagoo ku suntana macalin ,nabad raadiye ka tirsan CRD iyo dhaqaale yahan maamulay qaar ka mid ah shirkadaha waa weyn ee dalka. Horumarinta dhaqaalaha iyo Hagaajinta hanaanka maaliyada ayaa ka mid ahaa lixdisii tiir ee bud-dhiga u ahaa balan-qaadkisii doorashada. Ka hor 2012, dhaqaalaha dalka ayaa bur bursanaa, waxaana aad u yaraa daqliga gudaha.Qarashka kasoo xarooda Dakada Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha ayaa liitay.Ma jirin canshuurta iibka, ajaanibta lama canshuuri jirin, sidoo kalana dalku malaheyn miisaaniyad rasmi ah oo uu Baarlamaanku ansixiyay. Wax walba waxey u baahan yihiin Cilmi iyo Curin. Hal asbuuc ayuu joogay Villa Somalia markii uu madaxweyne Xasan Sheekh amray in la diyaariyo misaaniyada saddexdii bilood ee ka dhimaneyd sanadka 2012.Waxaa aheyd 24kun oo dollar. Waa lacag aad u yar laakiin in sharciga la dabaqo ayaa wax walba ka weyn. Saddex bilood kadib wuxuu Baarlamanka geeyay miisaaniyadii sanadka 2013 isagoo noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee miisaaniyad geeya Baarlamanka burburkii kadib.(Taariikhdu qofkeeda ma qariso). Wixii ka horeeyay dowladii madaxweyne Xasan Sheekh, Bankiga dhexe ee Somalia wuxuu u jiray magac ahaan.Mar mar dhif ah ayey lacago ku shuban jirtay Dowladii Sheekh Shariif.Wuxuu ahaa mid local ah.Madaxweyne Xasan wuxuu xooga saaray in Bankigu noqday mid caalami ah, lacagta Dowlada oo dhan la dhigo, lacagaha Dowlada lagu soo shubo, oo la aamini karo. Waxaa la badalay gudoomiyihii Bankiga dhexe, hanti dhowrkii iyo xisaabiyihii guud waxaana la keenay dad wax badan ka yaqaanay shaqada waxaana uu madaxweynuhu siiyay awood iyo madxbanaani, taas oo sahashay in maanta uu Bankigu yahay mid si hufan u shaqeeya. Dakadda Xamar waa isha ugu weyn ee dhaqaalaha, intii aan la dooran madaxweyne Xasan Sheekh lacag aad u yar oo ilaa 100-150-kun oo dollar ah lagu sheegay ayaa laga heli jiray bil walba.Ma jirin Kuteenero imaan jiray taas oo iyaduna dhaqaalaha dishay. Dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh waxey abuurtay su’aalo badan oo la xiriiray sababta aan dhaqaale badan looga helin Dakadda iyo waxa u sabab ah, waxaana usoo baxday in maamulka la badalo oo shirkada Abeyrak oo iyadu wax badan balan qaaday lagu wareejiyo. Heshiiska Albeyrak ee Dakada Muqdisho wuxuu dhigaya in lacagta Dakada laga helo 60% ay qaadato Dowlada Soomaaliya, halka 40% ay leedahay shirkada Albayrak waxaase shirkada u raacsan iney bixineyso dhamaan qarashaadka looga baahan yahay Dakada kuwa joogtada ah sida mushaarka, dhismaha iyo wax walba oo kale oo Dakada looga baahdo. Dowladu waxey leedahay 60 nadiif ah. Waxaa la isticmaalay fikrado kale iyadoo aan gacansatada canshuurta lagu siyaadin sidii dhacday labadii sano ee lasoo dhaafay.Faa’iido badan ayaa laga dhexlay isbadalkii Dakada. Meeshii marka hore laga heli jiray 150kun bisihii, waxey isu badashay hal milyan iyo sideed boqol oo kun ilaa 2 milyan oo dollar bil walba. Albayrak ayaa dib u dhis xoogan ku sameysay qeybaha Dakadda. Heshiiska garoonka Aadan Cade isagu sidaa waa ka duwan yahay, oo markii la bixiyo qarashka joogtada ah ayey Dowladda Somalia iyo shirkada Favori qolo walba qeybteeda qaadata. Meeshii uu madaxweyne Xasan Sheekh ka bilaabay hanaanka maaliyada iyo meeshii uu geeyay waxaa tusaale kuugu filan in misaaniyadii u horeysay ay aheyd 24kun halka uu 2017 Baarlamanka ka ansixiyay misaaniyadii sanadka oo aheyd 260 milion oo dollar.(Farqigu waa mid aad u balaaran). Afartii sanno ee Xasan Sheekh ma jirin sanad aan xisaab xir lagu sameyn misaaniyada wadanka oo aan Baarlamanka la hor geyn, laakiin nasiib daro labadii sanno ee madaxweyne Farmaajo wax miisaaniyad ah lama xirin, dood ayaana ka dhalatay markii lagu eedyay maqnaashaha 42milion oo dollar. Sidoo kale 4tii sanno ee dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa website-ka wasaarada maaliyada bil walba lagu soo bandhigi jiray qarashka Dowlada soo galay iyo midkii ka baxay bishaas, balse Dowlada madaxweyne Farmaajo ayaa xirtay website-kaas, bishii March 2017 ayaana ugu dambeysay wax lagu daabaco. (Yaa hunfnaantii diiday?). Xalane waa goob xiran, oo aan la ogeyn waxa lagu qabto, cadaan badan iyo shirkado kala duwan ayaa degan. Lama canshuuri jirin, laakiin dowladii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa canshuur kusoo rogtay shirkadaha halkaas degan, waxaana ay taasi kaabtay daqliga Dowladda. Sidoo kale sidii loo mareeyay canshuurta iibka iyo gaadiidka oo ay Dowladii Xasan Sheekh bilaawday waxey aheyd arrin bogaadin leh. Dhismaha hanaanka maaliyadu wuxuu usoo maray heerar badan afartii sanno ee Xasan Sheekh iyadoo ay amaan mudan yihiin wasiiradii soo maray wasaarada maaliyada, oo mid walba uu cutub fiican la yimid, iyagoo raacay aragidii daah-furnaanta maaliyada ee madaxweynaha. Xasan Sheekh wuxuu daqliga ka qaaday 1.2% wuxuuna gaarsiiyay 4.4% markii uu xilka wareejiyay, laakiin labadii sanno lasoo dhaafay daqliga wuxuu ahaa 2.3% sanadkii 2017, halka uu 2018 ahaa 3.1%. Dib u socosho ayaa jirta walise lagama doodin sababta. Dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh waxay dalka dib ugu soo celisay hay’adda lacagta adduunka ee IMF, taasoo ay la gashay heshiiskii Article IV oo suurtogeliyey inay IMF Soomaaliya ka saxiixato heshiisyadii SMP ee deyn cafiska, waxaa waqtigaas la gaaray heerkii ugu fiicnaa ee deyn cafinta. Waxey ku guuleysatay barnaamijka New Deal kaasoo waddada u furay inay Soomaaliya iyadu keensato mashaariic horumarineed, madaxweyne Farmaajo waxaa uu sii waday barnaamijka SMP iyo xiriirka hey’addda IMF iyo bangiga adduunka oo kaliya. (Laba sanno kadib waxaba lama nuuxin). Deyn cafintu waa saddex nooc. Mida koowaad waa in lagaa joojiyaa lacagaha bil walba kugu kordhaya inta ay deyntu xagaaga jirto, mida labaad waa in lagaa cafiya dul-saarka kugu taagan ,mida u dambeysana waa in deynta laga wada hadlaa. Dowladdii Xasan Sheekh oo shaqadaan bilaawday waxey ku guuleysatay wajigii koowaad oo ahaa in la joojiyo lacagta sanad walba ku kordheysay deynta ku maqan Soomaaliya. Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay ku guuleysto in adduunku Soomaaliya ku aamino dhaqaale ay maamusho burburkii kadib, lacagta maamul goboleedyadda loogu talagalay waxaa lasoo marin jiray dowladda, is qab-qabsi lacageed ma uusan dhicin, taasoo muujinaysa Hufnaantu halka ay gaartay. Dowladdii Xasan Sheekh waxey gaartay isku filanaan maaliyeed dhinacyada qaar. Meeshii 100% la caawin jiray dowlada,waxey isu badashay 78% iney iyadu is bixiso, balse 22% la caawiyo.(Hada waxaa Somalia la caawiya 40% hadaba maxa sababay hoos u dhaca?). Waxaa jirtay afar waxyaabood oo loo yaqaanay mudnaanta maaliyada oo ah dhinacyada loo isticmaalo lacagta Dowlada waana 1) mushaarka ciidanka, 2) mushaarka Baarlamaanka, 3) mushaarka shaqaalaha rayidka ah iyo 4) running costiga wasaaradaha. Intaas iyo in ka badan ayaa lagu xasuusan karaa hufnaanta maaliyadeed iyo dhaqaale abuurkii madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaa jirta lacag deyn ah oo 50 milyan aheyd oo u badneyd mushaaraad oo ay ka tagtay Dowladii Xasan Sheekh, laakiin dhowaan ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay iney xukuumadiisu bixisay 100 milion oo ay ka tagtay Dowladii hore. Lacagaha deymaha ee Dowladda lagu lee yahay qaar waxaa leh dad ganacsato ah.Lacagahan waxaa qaarkood la qaaday xiligii madaxweyne Sheekh Shariif waxaana ku jira isbitaalo gaar loo lee yahay oo lagu daaweeyay ciidanka Dowladda. Hadaba ma waxaa jirta lacag deyn ah oo ay bixisay Dowladda madaxweyne Farmaajo Sida caadiga ah hadii ay Dowladu deyn bixineyso waa in lagu soo cadeeya miisaaniyada Qaranka, mana ku jirin wax deyn bixin ah miisaaaniyadii loo gudbiyay Baarlamaanka, taas oo sidoo kale beenineysa sheegashada Ra’iisul wasaaraha. 24 bilood kadib, Jidadka inta badan xiran, gadoodka ganacsada, kaluunka ajaanibtu qaadatay, qandarasyada qaraabanimada lagu bixiyay iyo hanti loo boobay oo Bankiyo dibbada ah la dhigtay ayaa loo sababeynaya hoos u dhaca dhaqaalaha Soomaaliya.Labadii sanno ee lasoo dhaafay Somalia ayaa loo magacaabay dalka ugu musuqa badan aduunka. Taariikhdu isma qariso.Shacabka waxaa hortaala iney si dhab ah uga doodaan waxa sababey dib u dhaca dhaqaale ee dalka iyo sababta dowlada hada jirta u diidan tahay daah-furnaan maaliyadeed. Waxaa qortay: Xaqiiq iyo Xigasho
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar xubno ka tirsan Al Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo. Weerarka ayaa ka dambeeyay markii ururka Al Shabaab ay xalay weerareen saldhig ciidamada isbaheysanaya ku leeyihiin degmada, waxaana la sheegay in muddo uu dagaal halkaasi ka socday. Saldhiga oo ku yaala dhanka Koofureed ee magaalada ayaa waxaa ku sugan ciidamo Ethiopian ah iyo kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay magaalada ka jiray cabsi ku aadan weerarka Al Shabaab. Saraakiil u hadashay ciidamada dowladda ayaa sheegay in weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ay iska caabiyeen Al shabaab, islamarkaana ay dib u riixeen, iyaga oo sheegay inay khasaaro gaarsiiyeen. Kadib weerarka ciidamada Ethiopia ayaa la sheegay inay madaafiic ku garaaceen deegaano ku dhow degmada Garbahaareey iyo duleedka magaalada, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Ilaa iyo hadda ma jirto cid xaqiijin karto khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay degmada Garbahaareey, balse saraakiisha ciidamada dowladda ayaa guulo ka sheegtay weerarka. Ma jiro war dhanka Al Shabaab kasoo baxay, balse Al Shabaab ayaa inta badan weerara saldhigyada ciidamada AMISOM kuleeyihiin dalka iyo xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
