Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Wiil Reer Burco Ah Oo Jeclaaday Gabadh Reer Hargeysa Ah Oo Ka Warramay Qisadiisa Iyo Maanso Cajiib Ah Oo Ka Sameeyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Kenya plans to shutter the world’s largest refugee camp, home to nearly a quarter of a million people, in the next few months, according to an internal UN document seen by AFP Tuesday. The three-decade-old Dadaab camp in north-eastern Kenya, which shelters mostly Somalis, would be closed by the end of August under the Kenyan plan, it said. A United Nations refugee agency (UNHCR) document dated February 28 said the Kenyan government had sent a note verbale informing it of “plans to close the Dadaab camps within a six-month period”. The note, which was dated February 19, asked UNHCR “to expedite the relocation of the refugees and asylum-seekers residing therein.” In the document, the UNHCR said it was committed to working with the government on voluntary repatriation to countries of origin, relocating refugees to other parts of Kenya and resettlement to third countries. An aid worker in Dadaab, speaking on condition of anonymity, confirmed to AFP that all international organisations were aware of a plan to close the camp, but the “government is keeping it low profile.” Dadaab is home to some 230,000 people, the vast majority of them Somalis who fled across the border following the outbreak of civil war in 1991. Many have lived there ever since. In mid-2016 there were 320,000 residents. In May 2016 the government unilaterally decided to close the camp, saying it was a terrorist training ground for Shabaab Islamist militants based in Somalia. Tens of thousands of refugees returned to Somalia under a repatriation package. However, many encountered drought, hunger and dire conditions in a country where five million lack enough food and where African and Somali forces are still fighting Al-Qaeda-aligned Shabaab militants. Amnesty International said it had documented government officials threatening refugees and telling them they had to leave, “raising serious questions about whether returns were voluntary.” Then in February 2017 Kenya’s High Court ruled the plan to close the camp was unconstitutional, violated Kenya’s international obligations and amounted to the persecution of refugees. The court also said the forced repatriation violated the 1951 United Nations Convention on refugees. Since sending troops into neighbouring Somalia in 2011, Kenya has come under repeated attack from Al-Qaeda-linked Shabaab militants. The government has presented Dadaab as a security risk, saying Somali Islamists inside the camp planned the Shabaab attacks at Nairobi’s Westgate shopping mall in 2013 and the Garissa University attack in 2015, though it has not provided evidence. The latest effort to shut it comes shortly after the January 15 attack on the Dusit Hotel and office complex in Nairobi that left 21 dead. At least 12 suspects were arrested in Dadaab in connection with the attack. View the full article
  3. A detachment of nine Individual Police Officers (IPOs) from the African Union Mission in Somalia (AMISOM), have been deployed in Dhobley in the Lower Jubba region, to embark on capacity building activities. The AU police officers who are specialists in different fields will work alongside Jubbaland State Police Force, to train local police and expand their presence in the region. “The reason for coming to Dhobley, is to deploy the first detachment of 9 Individual Police Officers from AMISOM, who will assist the local police in Dhobley in developing their capacity. We are going to do this through mentoring, training and support in infrastructural development,” Rex Dundun, the AMISOM Police Chief of Staff, who is also the Acting AMISOM Police Commissioner said on the arrival of the Individual Police Officers in Dhobley yesterday. The deployment of AMISOM Police to Dhobley is in fulfilment of the UN Security Council Resolution 2431(2018), which calls for a reduction of uniformed personnel and increased presence of the AU Police in the country, to support the expansion and maintenance of law and order; as security responsibilities transition to the Somali security forces. Dhobley and the rest of Lower Jubba region is secured by the Kenya Defence Forces under AMISOM. “We are aware of the tremendous responsibility the Kenya Defence Forces of AMISOM have, in securing Dhobley and ensuring that the area is safe. Now is the time to build the local police capacity, so that they can now take charge of the internal security of Dhobley and its environs,” stated DCP Dundun who had accompanied the IPOs. He added that AMISOM may also deploy a contingent of Formed Police Unit in the town, to assist in joint security operations. The AU Police Officers will be in Dhobley for the next one year, during which they will bolster the capacity and develop substantial police presence in the entire Lower Jubba region. “We would like our forces to get quality world-class training from this collaboration with AMISOM. Most especially, we hope to learn skills and benefit from the experience and expertise of AMISOM police officers,” Col. Haybe Ahmed Abdullahi, the police commander in Dhobley said. The Individual Police Officers expressed keen interest in embarking on their duties. “You know the work of the police is to protect the life and property. So, we have come to cooperate with our brothers in the Somali Police Force, to secure the lives of the populations” said SP Muhangi Edison, the team leader of the IPOs. DSP Tolulope Ipimmisho, another Individual Police Officer conveyed optimism about the future of the Somali Police Force in general. “We will work hand in hand with them, mentor them and help them restore peace and order,” she asserted. View the full article
  4. Dhoobley (Caasimadda Online) – Waxaa xalay la gubey xaruntii Shirkadda Hormuud Telecom ee Tuulada Jaldeys oo ka tirsan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose. Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay duqeynta, waxaase burburay Dhismihii shirkadda & dhammaan Agabkii isgaarsiineed ee ay ku shaqeyneysay xaruntu oo ka koobnaa Dhismo, ​BTS, Links, Motors iyo agabkii kale ee site-ka yiilay. Waxaa sidoo kale waxyeelo xoogan soo gaartay Taawarrada labada ah ee halkaa kadhisnaa iyo Taawarrada shirkado kale oo dhanka Isgaarsiinta ah. Waxaana hadda hawada ka maqan isgaarsiintii Dhoobley, Jaldeys, Diif iyo 7 Site oo ka tirsan magaalada Dhoobley & Tuulooyinka hoos yimaada, waxaana hawada ka maqan dhammaan shirkadihii Isgaarsiinta ee halkaas ka howlgeli jiray kadib markii ay saameyn ku yeelatay duqeynta Ciidamada Kenya. Ciidanka Kenya waxay Sal dhigga ugu weyn Gobollada Jubbooyinka ku leeyihiin Tuulada Taabta oo ka tirsan isla Degmada Afmadow, una dhow Xarunta la gubey ee shirkadda Hormuud. Arbacadii lasoo dhaaafay oo ku beegan March 20, ayaa ciidanka kenya oo isticmaalaya Helicopters Gunship waxay duqeeyeen Xarunta Shirkadda Hormuud ee Xiiso-Uguur oo ka tirsan Degmada Ceel waaq ee Gobolka Gedo, taasoo ka dhigan in muddoo usbuuc ah ay ciidanka kenya ay fuliyeen duqeyntii 2aad. Ujeeddada ay ciidanka kenya ka leeyihiin Burburinta xarumaha isgaarsiinta ayaa lagu sheegay in ay tahay in ay isgaarsiin la’aan dhigaan dhammaan magaalooyinka waaweyn ee xudduudda u dhow sida: Dhoobley, Beledxaawo & Ceelwaaq. Ciidanka Kenya ayaa horay u burburiyey xarumo ay leedahay shirkadda hormuud oo kala ah: Cali Buley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley & Dhamase oo kawada tirsan Gobollada Jubbada Hoose & Gedo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Cabsi xoogan iyo hadal heyn dhanka amaanka ayaa ka taagan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyadoo dadka ay hadal hayaan xaaladaha dhanka amaanka ee Muqdisho. Fariimo digniino ah ayaa aad loo hadal hayaa kuwaasi oo lagu sheegay in gaadiid ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa ay soo galeen magaalada Muqdisho, taasi oo cabsida dhanka amaanka ah dhalisay. Qoraalka digniinada ah ee aad loo hadal haya ayaa waxaa bixiyay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan amaanka UNDSS, walow warar soo baxaya ay sheegayaan in digniinaha ay ahaayeen kuwo hore loo baahiyay, waxaana la sheegay in afar gaari oo qaarkood ay yihiin kuwo waaweyn ay soo galeen magaalada Muqdisho. Digniinta ayaa lagu sheegay inay suuragal tahay in lagu beegsado Hoteelo iyo goobo ay dadweynaha ku kulmaan, waxaana laga digay in meelaha qaar laga fogaado. Weeraradan ayaa dhici kara Arbacadda Maanta ah illaa Sabti, sida warbixinta lagu sheegay, waxaana ku jira Baabuurta Qaraxyadda ah mid Xamuul ah oo sida Qarax Tankiisu wayn yahay. Dhawaan inta aan la weerarin xarunta wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha waxaa hay’adaha sirdoonka reer Galbeedka ay soo saareen digniino dhanka amaanka ah, iyadoo aan wax laga qaban. Cabsi xoogan ayaa soo wajahay shacabka magaalada Muqdisho oo dhibaatada ugu badan ay kasoo gaarto weerarada iyo qaraxyada Al SHabaab ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed oo saaka u socdaalay gobolada Bari iyo Karkaar ayaa haatan gaaray magaaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray magaalada Qardho waxaa ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada xubno ka tirsan golayaasha dowladda oo halkaasi uga sii horreeyay iyo dadweyne isaga yimid xaafadaha degmadaasi Qardho. Socdaalkan oo ah kii ugu horreeyay ee madaxweynuhu uga baxo caasimadda Garoowe tan iyo markii la doortay ayuu ugu kuur-gelayaa xaaladda ka jirta gobolada Bari iyo Karkaar gaar ahaanna magaalada Boosaaso oo waayadan dambe aan amnigeedu fiicneyn. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo gaaray magaalada Qardho appeared first on Puntland Post.
  7. Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa saaka ku dhawaaqay in saddex degmo oo Puntland ka tirsan si tijaabo ah doorasho qof iyo cod ah looga samayn doono dhammaadka sannadkan 2019. Wasiirka ayaa sheegay in saddex degmo si tijaabo ah looga qaban doono doorashada golayaasha degaanka oo loogu tartami doono habka qof iyo cod balse ma uusan magacaabin degmooyinka qorshaysan. Mudane Dhabancad ayaa sheegay in haddii tijaabadaasi guulaysato dhammaan degmooyinka Puntland sannadka soo socda laga qaban doono doorashooyinka golayaasha degaanka oo loogu tartami doono nidaamka qof iyo cod. Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulan-bulsho oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Dhabancad oo sheegay in sannadkan degmooyin ka tirsan Puntland laga qaban doono doorasho qof iyo cod appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Hargeysa)-Michael Rubin, oo ah aqoonyahan Maraykan ah oo madax ka ah machadka American Enterprise Institutute dhawaana socdaal ku yimid magaalada Hargeysa, ayaa safiirka Maraykanka ee Soomaalida danjire Donald Yamamoto ku canaantay sida uu uga gaabiyay inuu Somaliland socdaal ku yimaado, iyadoo ay xaaladeeda nabadgelyo tahay mid sugan oo ammaan ah. Mrichael oo baahiyay qormo dheer oo uu kaga hadlay qorsheyaasha Maraykanka ee ku waajahan Soomaaliya, wuxuu sheegay inuu dhawaan socdaal ku tagay magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Borama iyadoo aanay ciddi ilaalinaya. Wuxuu nasiib darro ka xun markab sii degaya ku tilmaamay go’aamada sida ula kaca ah loogu curdo duubayo baahiyaha nolosha si ay hoos ugu sii dhacaan, “Nasiib darro.” Ayuu yidhi “Waxay u muuqataa inay tahay siyaasadda Ambassador Yamamoto. Sidii diblomaasiyiintii hore ee Maraykanka ahaa ee loo asteeyay xafiiska Soomaaliya, weli cagta muu dhigin gobalka. Arrinta ammaanku maaha cudur daar. Waxaan dhawaan booqday Hargeysa, Berbera iyo Borama oo aan degenaa hoteelada caadig aah islamarkaana dhex socday iyadoo aanay ilaalo ila socon.” Wuxuu Mr. Michael intaas raaciyay inaanu danjire Yamamto oo keliya diidanayn inuu xidhiidh dhex maro ciidamada ammaanka Somaliland iyo ciidamada Maraykanka ee saldhiga ku leh Djibouti, laakiin ay sidoo kale safaaradda Maraykanka ee Soomaalidu diidantahay in xidhiidh dhex maro Somaliland iyo saldhiga Maraykanka ee Djibouti, “Yamamato oo keliya ma diidana inuu taageero gaadhsiiyo Somaliland si ay u sii wado inay isaga difaacdo Al Shabaab, laakiin wasaaradda arrimaha dibadda iyo safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya waxay ka soo horjeedaan inuu xidhiidh dhex maro ciidamada Maraykanka ee Djibouti jooga iyo wasaaradda difaaca Somaliland iyo ciidanka ilaalada xeebaha.” Ayuu yidhi. Wuxuu sheegay in 1% ka mid ah lacagta Maraykanku uu ku bixiyo Muqdisho oo uu siiyo ciidamada ammaanka Somaliland ay wax weyn u tari lahayd ciidamada ammaanka Somaliland “Wax qiimo ah kuma qaadanayso Maraykanka inuu xafiis uga asteeyo saldhiga Maraykanak ee Djibouti si joogto ah ula xidhiidhaa ciidamada Somaliland. 1% ka mid ah inta uu Muqdisho u qoondeeyay, ayaa ciidamada Somaliland wax u tari kara iyadoo hadaba hawlgao guulo ah gaadheen oo lagula dagaalamo Budhcadeeda, Alshabaabna loo diidayo inay cagaha soo dhigaan deegaanka, laguna joojinayo tahriibinta hubka sharcid arada ah.” Wuxuu dawladda Maraykanka ugu baaqay inay door ka ciyaarto wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo ilaa hadda Turkiga gacantiisa ku kooban, waxaanu u soo jeediyay inay ergay gaar ah u magacowdo qorshahaas wada hadalada, waxaanu uga digay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mr. Mike Pompeo in haddii uu dusha ka daawado arrimaha ay malaayiin dollar ku qaadan doonto Maraykanka qas iyo jaho wareerna ka bilaabi doono deegaano imika nabdoon. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Saddex bilood ayaa laga joogaa markii ay dawladda Soomaaliya caydhisay ergaygii Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom, welina Qaramada Midoobay waxay u muuqataa inay ka war-wareegayso inay danjire cusub u soo magacowdo. 2 January ayay dawladda Soomaaliya ku dhawaaqday inay caydhisay ergaygaas, ka dib markii uu dawladda Soomaaliya u jeediyay eedaymo islamarkaana weydiiyay su’aalo ku saabsan xuquuqal insaanka markii ay Soomaaliya xidhay Sheekh Mukhtaar Roobow. 12 toddobaad amaba 84 maalmood ayaa laga joogaa tan iyo markaas ay Soomaaliya ergayga caydhisay, inkastoo ay Qaramada Midoobay aqbashay oo ay bedeshay danjiraheedii, haddana waxa soo baxday qorshe siyaasadeed oo ay dad badani saadaalinayeen oo ah inaanay Qaramada Midoobay soo magacaabi doonin ergay cusub balse uu shaqadii ergayga ay Soomaaliya caydhisay sii qaban doono ku xigeenka ergaygaas hore. Sidoo kale halkii laga sugayay inay Qaramada Midoobay soo magacowdo ergayga cusub, waxa ay ergay cusub u soo magacowday gobalka Geeska Afrika, waxaanay dad badani su’aalo aan jawaabtooda la helin iska weydiinayaan shaqada ergayga cusub. Source
  10. The international partners on Tuesday welcomed reforms in Somalia’s security sector to help flush out the al-Shabab militant group. The partners from the United Nations, African Union, European Union, Britain, and the United States welcomed the initiative by Prime Minister Hassan Ali Khaire to brief them on reforms in the security sector and the government’s plans to continue to improve security. “We believe the full implementation of these reforms will contribute to stability and prosperity for the Somali people and the wider region,” the partners said in a joint statement issued in Mogadishu. They called on the stakeholders to support and coordinate collective efforts to help the government and people of Somalia achieve security, economic and political reforms through an inclusive dialogue process. “We are encouraged by the determination of the Federal Government of Somalia to implement necessary security, economic and political reforms, and we underline our support for this work,” they said. The partners said they looked forward to the important decisions in the context of continued support to African Union Mission in Somalia as it transfers security responsibilities to Somali-owned security. The AU mission is supporting the transition through the priority tasks including securing main supply routes, securing key population centers, mentor and assist Somali security forces, both military and police, in close collaboration with UN Assistance Mission in Somalia. View the full article
  11. (SLT-New Zealand)-Booliiska dalka New Zealand ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen nin la tuhunsanaa inuu xidhiidh la leeyahay weerarkii lagu qaaday masaajidada dalkaasi 15kii bishan March. Booliiska ayaa xalay hawlgal ay sameeyeen ku galay guriga uu leeyahay nin la tuhunsan yahay halkaasi oo ay ka heleen hub aad u badan, hawlgalkan ayaa bilowday kadib markii hay’adaha amniga xog ka heleen shacabka. Ninkan ayey booliiska ku qabteen saaka oo Arbaca ah isagoo wata gaadhigiisa duleedka magaalada Christchurch oo ah halkii uu ka dhacay weerarkii lagu qaaday laba masjid 15kii bishan oo lagu dilay 50 qof oo Muslim ah. Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in ninkan diiday inuu is dhiibo isla markaana isku dilay toorey u saarneyd gaariga, wuxuuna u dhintay dhaawaca uu gacantiisa isugu geystay. Hay’adaha amniga ayaa sheegay inay wadaan baaritaan balaaran oo ay ku eegayaan in ninkan uu xidhiidh lalahaa weerarkii 15kii March. Laamaha amniga ee dalka New Zealand ayaa sare u qaaday heeganka ay ku jiraan isla markaana bilaabay inay baadhitaano ku sameeyaan kooxaha xagjirka ah ee dalkaasi ku sugan ee cunsuriyiinta ah, waxaana horey loogu eedeeyey sirdoonka dalkaasi inay ku mashquuleen oo kaliya kooxaha xagjirka ah ee muslimiinta taasna u fududeysay cunsuriyiinta dalkaasi inay geystaan weerarkii lagu qaaday muslimiinta. Source
  12. Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta lagu wadaa in uu furmo kalfadhiga shanaad ee mudanayaasha Golaha Shacabka ee BFS,si ay u dardargeliyaan howlaha horyaala. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa lafilayaa in uu u furo kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka,kadib markii ay ka soo laabteen xildhibaanadu fasax ay ku jiree, kaasi oo dhamaaday. Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda munaasabadda furitaanka ayaa haartan ka socota xarunta dugsiga tababarka booliska ee Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho,sida uu ku soo waramayo wariyaha warbaahinta Qaranka ee Golaha Shacabk Ibraahim Guudle Isxaaq oo goobtaasi ku sugan. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey,waxaana ammaanka siweyn u sugaya ciidamada nabadgelyada. Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaala ajandayaal dhowr ah,kuwaasi oo muhiim u ah dalka,waxaana la filayaa in ay dardargeliyaan meel marinta shuruucda hortaala. View the full article
  13. (SLT-Qasa)-Diyaraadaha Dagaalka Israa’iil waxay xalay duqeeyeen Xarumo Milliteri oo ay Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS ku leeyihiin Koonfurta Marinka Qasa. Idaacadda Radio of Al-aqsa ee magaalada Qasa ayaa sheegtay inay Diyaaradaha Dagaalka iyo kuwa Darooniska ee Isreal ay xalay duqeeyeen 3 Fadhiisin oo ku yaalla Deegaanka Khaan Yoonis ee Koonfurta Marinka Qasa, iyada oo uu burbur xooggan soo gaadhay goobaha la duqeeyey. Ilo dhinaca Caafimaadka ayaa sheegay in aanay cidna wax ku noqonin duqeymahaasi, balse uu dab ka kacay xarumaha la duqeeyey. Dhinaca kale, Dagaalamayaasha XAMAAS waxay xalay Hoobiye ku duqeeyeen Koonfurta Israel, iyadoo Maamulka Golaha Gobalka Eshkol ee Isrel ay yeeriyeen Dayaaanka Digniinta, si ay dadka rayidka u galaan goobo ay kaga badbaadi karaan duqeymaha XAMAAS. Duqeymaha ay Israel iyo XAMAAS isweydaarsadeen ayaa waxa uu imaanaya iyadoo ay Dowladda Masar heshiis xabbad-joojin ah kala dhex dhigtay labada dhinac. Hoggaamiye Sare oo ka tirsan Ururka Islaamik Jihaad, Khadiir Xabiib waxa uu ku eedeeyey in dhinaca Israel doonaynin inay ku dhawaaqaan Xabbad-joojin, iyagoo ka baqanaya carro dadweyne, ka hor Doorashadda Barlamaanka ee Israel ka dhici doonta bisha soo socota ee April 9-da. Source
  14. (SLT-Degmada Rockland ee gobolka New York ayaa salaasadii shalay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, kaddib markii uu deegaankaasi ka dillaacay cudurka jadeecada oo ah cudur horay looga ciribtiray Mareykanka. Degmadaan oo 40 km dhanka waqooyi ka xigta magaalada New York, ayaa maamulka waxa uu ka mamnuucay carruurta aanan ka tallaaneyn jadeecada in aysan iamaan xarumaha waaweyn ee ay dadka isugu yimaadaan. Xaaladda deg degga ah ayaa deegaanka Rockland ka dhaqangashay xalay, waxaana ay socon doontaa muddo 30 cisha. Ujeedada ayaa lagu sheegay in la dhiirri-geliyo tallaalka cudurkaan jadeecadda oo tan iyo bishii hore kiisas dhowr ah laga helay gobollo ku yaalla Mareykanka. Degmada Rockland ee gobolka New York oo ay ku noolyihiin ilaa iyo 300,000 oo ruux ayaa sannadki 2000 laga ciribtiray cudurka jadeecada, hase yeeshee waxaa hadda laga helay kiisas dhan 153 oo la xiriira cudurka jadeecada. Source
  15. (SLT-Muqdisho)-War ka soo baxay Dowlada Soomaaliya laguna daabacay Wakaalada Wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa lagaga hadlay mowqifka Dowlada Federalka ee ku aadan lahaanshaha Buuraha Golan. Warkan ka soo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mowqifka dowlada ee rasmiga ah uu yahay in dhulka buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go’aannada sharciyeed ee caalamiga ah. “Waxa aan si waafi ah u sheegaynaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go’aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go’aankii Israa’iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna la diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulkaasi buurralayda ah.”ayaa lagu yiri go’aanka ka soo baxay dowlada federalka Soomaaliya. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa go’aan waliba oo loogu aqoonsanayo madaxbanaanida Israa’iil ee buurralayda Golan uu yahay go’aan laalan oo baadil ah oo ku tumanaya Qaanuunka Caalamiga, oo uu ku jiro Cahdiga Qaramada Midoobey, xiisadana ku sii kordhinaya dhibaatada Bariga Dhexe, dhantaalayana geeddi-socodka nabadda, ammaanka iyo xasiloonida.” Ugu dambeyntii Dowlada Federalka ayaa waxa ay ugu baaqay Beesha Caalamka inay si mideysan ugu istaagto si loo xushmeeyo go’aannada sharciyada caalamiga ee diidaya in xoog lagu qabsado dhul. Si kasta ha ahaatee Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa codeyn ay xubnaha xuquuqda aadanaha ee qaramada midoobay u qaadeen go’aanka Trump ka mid noqotay dowladihii ka aamusay cambaareyn uu goluhu ujeediyay dowlada Maraykanka. Hase yeeshee Wasaarada Arrimaha Dibbada ee Soomaaliya ayaa si deg-deg ugu amartay in dalka ay ku soo laabato wakiilkii dowlada Soomaaliya ee Golaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda aadanaha. Source
  16. Ceelwaaq (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Kenya ay ka taagan tahay degmadaasi. Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo Sahal Macalin Aadan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xiisadda ay ka dambeysay kadib markii ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland oo isku dhinac ay ka hor yimaadeen saldhig ciidamada dowladda dhawaan ka sameysteen Degmadaasi. Guddoomiyaha ayaa sheegay in marka hore ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay ka dalbadeen inay siiyaan saldhig ay degaan ciidamada dowladda Soomaaliya, balse markii la siiyay kadib lagu amray inay isaga guuraan degmada Ceelwaaq. Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Kenya aysan dooneyn in ciidamada dowladda ay ku sugnaadaan saldhiga ay ku leeyihiin degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, taasina ay ka dhalatay xiisadda ka taagan degmada. Gudoomiye Sahal ayaa sheegay in Degmada Ceelwaaq ay qarka u saaran tahay in ay ku dagaalamaan Ciidamada Kenya ee la socda kuwa Maamulka Jubbaland oo dhinac ah iyo Ciidanka Dowladda ee Degmada Ku sugan. Masuuliyadda xiisadda ka taagan degmada iyo waxyaabaha ka dhaca ayuu sheegay inay qaadayaan ciidamada dowladda Kenya ee kusugan degmada Ceelwaaq oo la saftay ciidamada Jubbaland. Ciidamada Kenya ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka baxay saldhigyo militari oo ay ku lahaayeen qaybo kamid ah Gobolka Gedo, waxa ay sidoo kale dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan degmooyin kale oo katirsan Gobolka Gedo. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
  17. (SLT-Aljeeriya)-Taliyaha Militariga dalka Aljeeriya Gen.Ahmed Gaid Salah ayaa khudbad uu xalay ka baahiyey telefishinka dalkaasi ugu baaqay Baarlamaanka inay xilka ka qaadaan Madaxweynaha waayeelka ah ee Cabdicasiis Bouteflika oo xiligan xanuunsan. Hogaamiyaha militariga oo awood badan kuleh dalkaasi ayaa sheegay in qodobka 102aad ee Dastuurka dalkaasi u fasaxayo in Baarlamaanka xilka ka qaado Madaxweynaha hadii uu xanuunsan yahay oo uusan shaqadiisa gudan karin. Xildhibaanada ayaa awood u leh go’aankan hadii Sadex meelood ay laba meel ay u codeeyaan in Madaxweynaha xilka laga qaado, hadii xilka laga qaado Madaxweynaha waxaa si kumeel gaar ah xafiiska u qaban doona Guddoomiyaha Aqalka Sare oo xilkaasi heynaya muddo 45 maalmood ah, sida uu dastuurka qorayo. Hadalka kasoo yeeray hogaanka militariga Aljeeriya ayaa imaanaya xili ay wadankaasi ka socdaan banaanbaxyo balaaran oo ay shacabka ku codsanayaan in xilka laga qaado Madaxweynaha. Tan iyo bartamihii bishii Feberaayo ayey shacabka dhigayeen mudaharaadyo looga soo horjeedo in Madaxweyne Bouteflika oo ah 82 sano jir uu markii 5aad xilka u tartamo doorashadii la qorsheeyey inay dhacdo bisha soo socota ee April. Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in uusan doorashada soo socota isu sharixi doonin balse uu dib u dhigay doorashadii isla markaana uu xilka sii heyn doono kaliya illaa inta laga ansixinayo dastuur cusub, go’aankaasi oo ah mid xilka uu kusii kororsaday, shacabka ayaa diiday go’aankaasi iyagoo weli sii wada banaanbaxa. Militariga iyo xisbi xaakimka dalkaasi ayaa hada u muuqda inay qorshahoodii wax ka bedaleen iyagoo horey u doonayey in Madaxweyne Bouteflika ay xilka kusii hayaan, ayna hada rabaan inay hogaamiye cusub ku bedalaan. Shacabka dalkaasi ee Mudaharaadka wada ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan qorshaha Militariga isla markaana doonayaan in isbedal dhameystiran oo dimuquraadi ah uu dalkaasi ka dhaco. Source
  18. Siyaasi C/rashiid Macallin Gaas oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Jubbaland ayaa sheegay in aanay rajo wanaagsan ka qabin doorasho xalaal ah oo ka dhacda magaalada Kismaayo. Wuxuu sheegay in Axmed Madoobe uu haatan doonayo inuu dib u noqdo madaxweynaha soo socda ee maamulkaasi. Safarka uu madaxweyne Axmed Madoobe ku joogo ayuu sheegay inuu yahay mid sharci darro ah, dowladana looga baahnaa in aanay wax wadahadal ah la furin waa sida uu hadalka u dhigaye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/SIYAAASI-CABDIRASHIID-MACALLIN-GAAAS-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Yemen)-Ugu yaraan 7 qof oo ay afar ka mid ahi carruur yihiin ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, kaddib marki uu gantaal ku habsaday cisbitaal ay taageerto hey’adda Save the Children dhinaca oo ku yaalla waqooyigalbeed ee dalka Yemen. Save the Children, waxay sheegtay in madfaca ku dhacay cisbitaalka Kita see magaalada Sacda ay ku dhaawacmeen sideed kale oo isugu jiray bukaannada iyo howlwadeennada cisbitaalka. Madaxa hey’adda Save the Children, Carolyn Miles ayaa cambaareysay madfaca lagu dhiftay isbitaalka, waxay ku tilmaantay weerarkaasi mid jibinaya qaanuunka caalamiga ah. Wali ma kala cadda cidda soo gantay madfacaasi, balse isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee dagaalka kula jira jabhadda Xuutiga, ayaa horay u duqeeyay isbitaalo, iskuullo iyo xaafado ay daganyihiin dad rayid ah. Source
  20. Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa mowqifkeeda sugan oo ah in dhulka buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go’aannada sharciyeed ee caalamiga ah ee arrinkaasi laga soo saarray, waxa ayna si waafi ah u sheegaysaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go’aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go’aankii Israa’iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna la diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulkaasi buurralayda ah. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa go’aan waliba oo loogu aqoonsanayo madaxbanaanida Israa’iil ee buurralayda Golan uu yahay go’aan laalan oo baadhil ah oo ku tumanaya Qaanuunka Caalamiga, oo uu ku jiro Cahdiga Qaramada Midoobey, xiisadana ku sii kordhinaya dhibaatada Bariga Dhexe, dhantaalayana geeddi-socodka nabadda, ammaanka iyo xasiloonida. Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka inay si mideysan ugu istaagto si loo xushmeeyo go’aannada sharciyada caalamiga ee diidaya in xoog lagu qabsado dhul. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in gabi ahaanba ay dhowaan xireyso xerada qaxootiga Dhadhaab oo ah midda ugu weyn ee xeryaha qaxooti caalamka, waxaana ku nool kumanaan qof oo u badan Soomaali. Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP, dowladda Kenya ayaa dooneysa in bisha August ee sanadkan 2019 dooneyso iney gabi ahaamba albaabada isugu dhufato xeradan. Caddeymaha ay heshay AFP ayaa sidoo kale sheegaya in Kenya ay dooneyso in si hoose usoo gabagabeyso xeradan, maadaama horey u jirtay ballanqaad ahaa in aan dadka lagu qasbin ku laabashada dalkooda. UNHCR ayaa horey waxay u sheegtay in mar walbo diyaar u tahay sidii ay dowladda Kenya uga caawin lahayd dib u celinta dadka deggan xeradan iyadoo aan wax qasab ah lagu dayeen. Waxyaabaha ay UNHCR ballanqaadday waxaa ka mid ahaa in dadkaasi qaarkood dal Saddexaad la geyn doono, halka kuwo kalena dib u dejin loogu sameyn doono gudaha dalka Kenya. Kenya ayaa ku andacooneysa in xerada Dhadhaab ay hoy u noqotay Al-shabaab, islamarkaana si amniga dalkeeda u xaqiijso u xireyso. Sanadkii 2016 ayeey ahayd markii ay Kenya sheegtay in ay xireyso xeryaha Dhadhaab, taasi oo hadalhayn badan dhalisay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cismaan Barre oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xiisadaha ka jira maamulkaasi. Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa sheegay in ka maamul ahaa ay wadaan xalinta colaadaha ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan ay wadaan dadaalloo oo looga hortagayo dagaallada ka soo cusboonaday duleedka degmada Cadale ee gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-jaamac.mp3 View the full article
  23. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney gacanta ku dhigtay sarkaal ka tirsanaa xarakada Al-shabaab, kadib howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen gobolka Shabellaha Hoose. Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in sarkaalkan laga soo qabtay deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabellaha Hoose, 26-kii bishan kadib markii ay ciidanka isku gadaameen goob uu ku sugnaa. Lama sheegin magaca sarkaalkan Al-shabaabka ah ee ay ciidanka dowladda gacanta ku dhigeen iyo sidoo kale waxa uu Al-shabaab u qaabilsanaa. Maalmahan dambe, ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo qorsheysan waxa ay ka wadeen deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Dhoobley (SMN) – Saraakiil ka tirsan howgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa gaaray degmada Dhoobley gobolka Jubadda Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Xubnahan gaaray Dhoobleey oo ka kooban illaa 9 sarkaal oo Boooliis ah ayaa maamulka Jubbaland kala shaqeyn doona dhinaca tababarka ciidamada,baarista xad gudubka ka dhanka ah aadanaha. Rex Dundun oo hoggaaminayay saraakiishaasi ayaa sheegay in u jeedka socdaalkooda uu yahay,sidii ay dhinaca tababarada uga caawin lahaayeen ciidamada Booliiska dowlad goboleedka Jubbaland. Si kastaba ha’ahaatee saraakiishani ayaa joogi doona halkaasi ku dhawaad sanad,waxaana muddadaasi ay howlo kala duwan ka qaban doonaan gobolka Jubada Hoose. Ugu damgbeyn Haybe Axmed Cabdullahi oo ah taliyaha Booliska degmada Dhoobleey ayaa ugu baaqay Ciidanka Jubbaland in ay ka faa’ideystaan xirfadaha iyo qibradda saraakiisha ka socota AMISOM ee gaaray halkaasi. View the full article
  25. Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in uu furmo Kalfadhiga Shanaad ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kadib fasax ay xildhibaannadu ku maqnaayeen. Waxaa la filayaa in furitaanka Kalfadhigan ay ka qeybgalaan mas’uuliyiin dhowr ah, iyadoo munaasabadda furitaanka Kalfadhigan la filayo in lagu qabto Dugsiga Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Amaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo la xiray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho. Xildhibaannada golaha shacabka ayaa waxaa horyaalla shaqooyin aad u badan, soo laabashadooda kadib. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com