-
Content Count
213,176 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somaliland: President Muse Bihi Receives The Saudi Arabian Ambassador. Hargeisa,The(Qaran news)- Somaliland President, Muse Bihi Abdi, received the Saudi Arabian Ambassador, Dr. Mohammed Abdi-Qani Khayat in Hargeisa on Thursday. Dr. Khayat, who is the Saudi ambassador accredited to the neighbouring country of Somalia is on an official visit to Somaliland to discuss with administration areas of mutual interest, including Saudi support for the drought facing parts of Somaliland, the resolution on the issues of Somaliland livestock exports to Saudi Arabia, the conflict in Yemen and the general security of the region. The Saudi ambassador, Dr. Khayat, is expected to meet with senior Somaliland officials during his stay in the country to discuss investment, trade, endowments, the Hajj pilgrimage program and other areas of co-operation. Somaliland has been in the Saudi Arabian/United Arab Emirates corner with regard to the Arabian Peninsula political manoeuvres between Qatar and other GCC countries. Saudi Arabia does not, as of yet, have a diplomatic or consular presence in Somaliland. The Somaliland minister of Finance and the deputy Foreign minister attended the meeting. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal kooban kaga jawaabay meel marintii iyo wax ka badaladii lagu sameeyay xeerka doorashooyinka qaranka. Sharcigaasi ayaa shalay waxaa ansixiyay golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, waxaana uu Yuusuf Garaad sheegay in wax lala yaabo ay tahay in ruux sharcigii lagu doortay uu wax ka badalo, isaga oo muddo kororsi doonaya. Hoos ka akhriso qoraalka Yuusuf Garaad.:- Xisbi Siyaasadeed oo cusbaa laakiin caan ahaa oo ka jiray dal Afrika ah billowgii sagaashanaadkii oo aamminsanaa qof iyo cod ayaa haddana lagu eedeyn jiray in uu yahay Xisbi ka soo horjeeda Dimuqraaddiyadda. Waxaa lagu eedeyn jiray in uu amminsan yahay qof iyo cod laakiin ay wax kale u wehliyaan marka uu guuleysto. Eeddu waxay ahayd in uu aamminsanaa: Hal Qof, Hal Cod iyo Hal Mar. Waa sarriig la’aan siyaasadeed in siyaasi la doortay uu isku dayo in uu gacantiisa ku beddelo xeerkii isaga lagu soo doortay iyo muddadii loo doortay. Sida aan uga soo horjeedo Dowlad aan xilligii loo doortay dhammaan in la isku dayo in Madaxweynaheeda la maja xaabiyo oo laga rito kursiga, si le’eg ayaan uga soo horjeedaa marka Dowlad wakhtigeedu dhammaadaanayo in ay isku daydo in ay kororsato ama ay ulakac uga baaqsato qabanqaabada doorasho si ay isaga sii joogto. Labada arrimood midna dan uma ahan nidaamkeenna siyaasadeed, is aamminaadda iyo xasilloonida kuwaas oo la’aantood aan dalku horumar ku tallaabsan karin. Waan yeeli karaa looma yeelo. Dhaarta ha la xusuusto hana laga dhabeeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Isagoo ka jawaabayey warkii wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Mareykanka ay u gudbisay congresska kaasoo ahaa hawlgallada ciidanka Mareykanku ay u geystaan dadka rayidka ah ayaa Daphne Eviatar oo ah agaasimaha dhanka amniga ee hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International “USA” ayaa sheegay: “In war-bixintii ugu dambeysay ay tahay tillaabo in la soo dhaweeyo mudan lagulana xisaabtamayo waxyeellada soo gaarta dadka rayidka ah oo ay saameeyaan hawlgallada militari ee dalka Mareykanka laakiin wax badan ayaa weli loo baahan yahay si loo qiro baaxadda ay leedahay waxyeellada iyo waliba dadka ka badbaaday ee wali la tacaalaya dhibkii soo gaaray. “Waaxda gaashaandhigga nasiib-darro wali waxay hoos u dhigeysaa tirada dadka shacabka ah ee ay saameeyeen weerarrada ay geystaan hawlgallada Mareykanku hor kacayo, Sida lagu muujiyey war-bixinteennii faahfaahsaneyd ee tilmaameysay waxyeellada loo geysto shacabka Soomaaliyeed iyo Syria.” Hay’adda Amnesty International ee dalka Mareykanka waxay ugu baaqeysaa waaxda gaashaandhigga inay sameyso baaritaan madax-bannaan oo macne leh oo lagu ogaanayo shacabka ku dhibaatoobay hawlgallada ciidanka Mareykanka magdhawna la siiyo qoysaska dhibbaneyaasha. Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa bishii March soo uruurisay caddeymo ah in weerarrada dhinaca cirka ah ee dalka Mareykanka lagu dilay 14 qof oo Soomaaliyeed kuwaasoo dhammaantood ah dad shacab ah waxaana weerarkaas lagu dhaawacay 8 qof. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo shaqsiyaad uu sheegay inay leeyihiin talada dalka Soomaaliya. Prof Samatar, ayaa ugu horeyn sheegay in dadka Soomaaliyeed ay isweydiinayaan shaqsiyaadka ku jira daaha gadaashiisa ee leh awooda maamulka dowladnimada Soomaaliya. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ka dhisan aysan laheyn Shacabka Soomaaliya, balse ay leeyihiin shaqsiyaad uu sheegay inay dhaqaalo kasoo qaateen dowladda Qatar markii doorashada ay dhaceysay. Ku xigeenka Nabad Sugidda Fahad Yaasiin ayuu sheegay inuu kamid yahay dadka daaha gadaashiisa ka maamulaya dowladnimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. “Dadka Muqdisho jooga magac bey soo saareen waxay yiraahdeen, Yaa dowladdan Leh? Mulkiile ayaa jira oo dowladda leh, waxayna dadka ku tilmaameen ku xigeenka nabad sugidda, dadka waxay sheegayaan in talada halkaa ka go’do inay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ka go’in, taana waa Imaan daro”. “Dadkaa ku jeclaan lahaa haddaad wax qabato, Laakiin mar haddaad xukunka ku dhegsan tahay oo cidda aan doonaan geysanayaa meesha leedahay, taasi waxaa beylah ku noqonaya shaqadii dadweynaha loo qaban lahaa”ayuu yiri Prof Cabdi Ismaaciil Samatar. Prof Cabdi Ismaaciil, ayaa sheegay inuu goobjoog ka ahaa dhaqaalihii badnaa ee lagu soo doortay madaxda Soomaaliya. Hoos ka dhageyso codkiisa. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Kursiga-madaxweyne-Farmaajo-oo-cid-kale-iska-maamusha-waxyaabo-badan-oo-ka-qa.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Gedo (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa lagu eedeeyay inay bilaabeen canshuur yaab leh oo ay ka qaadayaan haweenka Uurka leh iyo caruurta ay dhalaan, sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda ee gobolka Gedo. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya Sheikh Maxamed Xuseen Al-Qaadi oo la hadlay mid kamid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in Al Shabaab ay canshuur yaab leh ku soo rogeen haweenka Uurka leh. Haweenka ku sugan deegaanada ay maamulaan ayuu sheegay in canshuurtaasi lagu soo kordhiyay, wuxuuna ku tilmaamay inay tahay culees kale oo lagu kordhiyay haweenka Soomaaliyeed. “Waxay bilaabeen inay dadka Muslimiinta lacag ka qaadaan, Tusaalaha xoolaha Nool way canshuureen, guryaha way canshuureen, waxaa ka daran, haweenka ayay canshuuraan marka ay wiil dhasho waa 100 doolar marka ay gabar dhashana waa 50 ayaa laga rabaa” “Iyagii ayaa hadda isku qabsaday xiisada arimahaasi ka dhalatay qaarkood ayaa isku eedeynaya inay daacish yihiin, dhibaato ayaa ka dhex taagan, culeeskaasi darteed dad badan ayaa kasoo cararay deegaanada ay maamulaan Al Shabaab”ayuu yiri Al-qaadi. Marka laga yimaado hadalka guddoomiye ku xigeenka Gedo, ma jirto war rasmi ah oo Al Shabaab kasoo baxay oo ay kaga jawaabayaan arintaasi. AL -Qaacida ayaa sidoo kale Al Shabaab ku eedeeyay inay canshuur ka qaadaan xoolaha nool, isagoo sheegay in neefta ariga ah laga qaado 2 Doolar, sida uu hadalka u dhigay. Dadka qaarkood oo u adkeysan waayay culeeskaasi ayuu sheegay inay bilaabeen inay ka cararaan deegaanada ay maamulaan Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
-
Jemila Seid, 46, arrived in the eastern city of Dire Dawa along with many others here on September 2017, after conflict broke out along the border between Oromia and Somali regions. Like so many of the residents in the makeshift camp found in Dire Dawa’s Millennium Park, she says she fled the ethnic conflict in Somali Regional State capital, Jigjiga. She arrived here with two of her children, who were in grade three and five. Here they have no access to formal education facilities, which means it’s been two years now that they have been missed out of class. “We had a good life there. Here, we are crawling like a dog,” she says. “I would like to go back to my former village,” she says. But she adds that returning there at the present time is unthinkable. She doesn’t know when it will be. Source: Hiiraan Online
-
2nd child in fall at Minneapolis apartment expected to live
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
One child is dead and another is in serious condition after falling from an upper floor of an apartment building along Minneapolis’ Midtown Greenway on Thursday. Source: Hiiraan Online -
Amaal's origin story will be familiar to many. Her parents, a teacher and a pilot from Mogadishu, Somalia, fled their country in amidst the outbreak of the civil war in the early nineties. After spending some time in Alabama, they landed and settled in Toronto. "[Alabama] didn't last very long, it was not a place my parents felt very comfortable," Amaal tells me over the phone. "And Canada had this amazing reputation…to be just a safe haven and open door for people of different ethnicities." Thankfully, Toronto has lived up to that reputation, and in doing so has allowed us to nurture a truly promising female R&B artist. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusomareb (Caasimada Online)-Qoraal kasoo baxay maamulka Galmudug ayaa waxay ku qaadaceen qaabkii loo ansixiyay sharciga doorashooyinka dalka oo shalay ay ansixiyeen golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya. Wasiirka Dastuurka Galmudug Abshir Cabdi Shiikhow ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in meelaha xasaasiga ah iyo danta dalka loo baahan yahay in laga wada fariisto, islamarkaana laga wada tashado. Wuxuu sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay in dowladda Soomaaliya ay lasoo baxday inay go’aano iska qaadato iyada oo wadatashi aysan la yeelan maamul goboleedyada, islamarkaana la baal maray dastuurka dalka. Waxa uu sheegay in maalmihii dambe ay jireen wadatashi la’aan dhinaca dowladda ah,waxana uu sheegay in kastoo Baarlamanka aan weli sharcigaas la horgeyn hadana Maamulka Galmudug uu qabo in ansixinta sharcigaas lagu deg degay. Maamul goboleedyada ayaa sheegaya in dastuurka dalka uu cadeynayo in maamul goboleedyada ay xaq u leeyihiin in lagala tashado waxyaabaha qaar, balse arinta doorashooyin ay go’aan iska gaartay dowladda iyadoo aysan la tashan. Waxaa arintaan ay u muuqataa inay sii xumeyn karto xiriirka u dhaxeeya dowladda Somaaliya iyo dowlad goboleedyada oo muddooyinkii ugu dambeeyay arimo badan isku hayay. Sharciga doorashooyinka dalka ee shalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa horay waxaa u soo ansixiyey Baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya, balse wax ka bedel lagu sameeyey, iyada oo la filayo in dhawaan la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Sections of the Somalia border wall have been torn down by Bula Hawa residents in Somalia who say the barrier is interfering with families and trade. Source: Hiiraan Online
-
Five al-Shabab militants including a senior bomb expert have surrendered to the Somali government this week, officials said on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Successes and failures in Kenya's eight-year-long military campaign against al-Shabaab are examined in a recently published history of the African Union Mission in Somalia (Amisom). Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimadda Online ayaa ogaatay in Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu hoos u dhigay awoodda Wasiirka Wasaaradda arimaha Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya kadib markii laga ag sameeyay koox culumo ah oo shaqadiisa qabata. Sheekh Cali Wajiis, Sheekh Soomow iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa gacanta loo geliyay maamulka Arrimaha Xejka iyo sidoo kale kala saaridda shirkadaha u tartamaya ka shaqaynta Xejka. Xubno ku dhow Wasiirka Arimaha Diinta ayaa Caasimada Online u sheegay in Raysal Wasaare Kheyre uu u keenay magacyada xubnahaan iyo kuwa kale, waxaana wasiirka loo sheegay in uu ku dhawaaqo Xubnahaan. Wasiirka Arimaha Diinta ayaa la filayaa inuu soo saaro magacyada guddigaan oo shaqada qaban doono balse waxaa la sheegayaa in laga Cabsi qabo in sanadkii 2aad dood iyo muran galo Xejka. Sidoo kale sanadkaan ayaa laga cabsi qabaa in qarashka Xejka laga kordhiyo sida sanadkii hore oo aheyd ku dhowaad 4 kun oo doolar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa arbacadii loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya kadib markii laga soo wareejiyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha. Wasiir Maareeye oo ah mas’uul aad ugu dhow Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre islamarkaana aan hadal dul saarin amar kasta oo Kheyre ka soo baxa sidiisana u fuliya ayaa la aaminsanyahay in loo adeegsan doono dagaal ka dhan ah oo lagu cuburin doono Warbaahinta maadaama bilooyinkii la soo dhaafay ay Xukuumadda Kheyre Warbaahinta u aragtay caqabad ku horgudban talaabo walba oo ay qaadi lahaayeen. Maanta magaalada Muqdisho waxaa ka jira hadal heyno iyo kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan Wariyaasha iyo Maamulada Warbaahinta kuwaas oo qaba cabsi ah in Xukuumadda Soomaaliya ay Maareeye ku caburiso Warbaahinta. Sidoo kale Waxaa jirta Warar sheegaya in Waxyaabihii uu meesha uga baxay Sheekh Daahir Maxamuud Geelle ay qayb ka aheyd in Wasaaradda Warfaafinta ay cadaadiso saxaafadda madaxabanaan Wasiir Geella-na uu diiday in uu hormuud ka noqdo Caga-Juglayn, Xarag iyo Cabsi gelin lagu Sameeyo Wariyaasha iyo Warbaahinta si loo aamusiyo. Si rasmi ah looma oga hadalka ay wax ku dambeyn doonaan iyo sida uu xaal noqon doono balse waxaa jira walaac Xoog leh oo ay qabaan Madaxda Warbaahinta madaxbanaan ee magaalada Muqdisho. Wariyaasha u arka Xukuumadda hadda jirta mid aad u xir xiran oo collaysata Warbaahinta Madaxbanaan balse waxaa la dhowrayaa sida ay xaaladda ku dambeyso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Gudoomiye Ciro Oo Hadhimo-Sharafeed ku maamusay Cali Khaliif & Prof.Axmed Ismaciil Samatar + Sawiro Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI wuxu Hadhimo-sharafeed u sameeyey Prof.Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeydh. Kulankan oo madaxda Xisbigu ka soo qeyb-gashay ayey kaga wada-hadleen xaaladda dalka iyaga oo isla soo hadal qaadey helidda Somaliland la wada leeyahay oo labada dhinacba sheegeen in ay tahay midda Somaliland ku badbaadeyso. Qaran News
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Daahfurka tartanka Qandaraaslayda raashinka Ciidamada Xoogga dalka iyo Booliiska ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiiro Dowlaha Maaliyadda ahna ku-simaha wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiir ku xigeenka maaliyadda, Agaasimeyaasha guud wasaaradaha Maaliyada iyo Gaashaandhiga, saraakiil ciidan iyo guddi ka shaqeynaya kala saarirada shirkadaha u tartamaya, waxaana lagu qabtay xarunta wasaaradda Maaliyadda. Diiwaan gelinta shirkadahaan ayaa loo maray hab daah furan sida uu sheegay Wasiiru dowlaha Maaliyadda Soomaaliya ahna ku simaha wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim, waxaana ujeedkiisu yahay tartankaan in lagu xaqiijiyo daah furnaanta iyo tayada adeega la qabanayo. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa waxa uu soo dhaweeyay in qandaraasyadaan oo qaranka muhiim u ah loogu tartamo si furan. U tartamida qandaraasyada iyo howlaha kale ee qaranka ayaa hoggaamin karta xoojinta kalsoonida bulshada iyo hufnaanta howlaha ay qabanayaan shirkadaha ama shaqsiyaadka ku soo baxo si siman oo caddaalad ku dhisan.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ay weheliyaan xubno qoyskiisa ah ayaa hebeen saddexaad guure kaga soo baxay Magaalada Boorama, kadib markii uu maqlay dilka loo geystay laba sarkaal oo ciidanka Qaranka ka tirsan ee kasoo jeeday Awdal, kuwaas oo ay dablay hubaysin ku disshay Degeeno ku dhow degmada Yagoori. Badhasaabka Awdal oo isagu kasoo jeeda deeganada lagu laayey labadaa sarkaal ayaa la sheegay in ay sababaha uu uga soo boqoolay ay tahay cabsi soo wajahday, waxaana ka sheegay inuu hadda ku sugan yahay magaalada Hargeysa ilaa haddda . Siyaasi Cabdinaasi Buuni oo ka hadlay arrintaasi ayaa ku tilmaamay inay tahay nasiib darro weyn , waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan: “Waxa ayaan darro ah Badhasaabkii gobolka Awdal markuu maqlay dhac-dadaasi foosha xun ee dhacday inuu isaguna gobolkii kasoo anba baxo waa su’aal is weydiin leh waa su’aal masuuliyad daradeeda leh , ayuu matelayey Qaran ayuu matelayey, Qaran ayey u dhinteen ragga la laayey isna qaran ayuu matelayaa gobol Somaliland ah oo kamid ah goboladii ugu Taariikhda wanaagsanayd ayuu Badhasaab nasiib wanaagiisa ka ahaa waxa la gudboonay inuu bulshadii iyo ehelkii laga tegay ee soo yaacay markii ay maqleen waalidadoodii in lagu laayeye cid ladaasi Bariga Taliyayaashii intuu soo abaabuluu soo qaaduu gawaadhi kusoo kaxeeyo Madaxweynihii Qaranka u muukeeni oo muu odhanin waa kan dadkii eheladii ee Madaxweyne ka tacsiyadee , gobolkii kumuu noqon oo bulshadii iyo fariin umuudirin ilayn waa xidhiidhiyihii Dowladii iyo gobolkii , halkan ayuu ku soo nastay oo uu yimi , waxaasi masuuliyad mahaa Madaxweyne .” Dhanka kalene Siyaasi Buuni ayaa tusaale usoo qaatay sidii ay Dowladii hore u mareeyeen mashaqooyin kala duwan oo dhacay,isagoo sidoo kalene soo qaatay dhac-dii gobolka Awdal iyo Ex Badhasaab Ramaax “Waxa lagu yaqanaa Madaxweyne Xukuumaddii kaa horeeyey oo Xukuumaddii Riyaale ay kamid ahayd dhac-dooyinkii foosha xumaa ee ka dhacay wadada sidii Dowlad-nimada lahayd ee ay Dowladuna uga waajibaad qaadatay , shacbiguna ay u hoggaansameen , dhacdo taas lamid ah ayaa jirtay oo badhasaabkii Awda Ramaax lagu soo weeraray gurigiisii lagu dilay laba askari iyadoo maydkoodu yaalo ayuu subaxnumadii shaqo tegay .” Geesta Kalene Siyaasi Cabdinaasi Buuni ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu xilka ka qaado Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali , isagoo ku eedeeyey inuu dayacay masuuliyadii uu Qaranka u yahay “Waxaanu Madaxweyneha leenahay ninka masuuliyda daradaa sameeyey talaabo deg deg ah ayaa Madaxeeyne lagaaga baahan-yahay in aad ka qaado maanta Masuulka gobolka Awdal kuu matalayey ee ahayd adiga iyo shacbigaa inuu biriishkii isku kiin xidhayey ahaa ee nabad gelyada ka turjumayey ee astaanta Qaranka ahaa inuu halkan kusoo nasto saddex cisho ka hor markii uu dhac-dada maqlay, taasi masuuliyada maaha .” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa qaadacay oo ka hor yimid qaabka loo meel mariyay Ansixinta Xeerka Doorashooyinka oo ay meel mariyeen shalay Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya. Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Madaxda Sare dalka ku eedeeyay in ay si bareer ah ugu tunteen Dastuurka ayna isku garyeeleen go’aan ka gaarista arrimaha masiiriga ah ee dalka sida dhameystirka dastuurka qabyada ah, Qaabeynta howlaha doorashooyinka, qeybsiga awoodaha iyo kheyraadka dalka, iyo xasilinta Amniga dalka. Hoos ka aqriso Puntland Post The post Gal-Mudug oo ka hortimid ansixinta xeerka doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxa uu ka hadlay kulan ay shalay si wada-jir ah u yeeshen labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland. Gudoomiye Ciro ayaa bogaadiyey xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka oo saaka iskugu yimid fadhi wada-jir ah isla markaana diiday xaaladii deg-deg aheyd ee uu soo rogay Madaxweyne Muuse Biixi. Ciro oo warbaahinta kula hadlayey gudaha Magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu yiri “Waxaan saxaafada u horyimid inaan bogaadiyo baarlamaanka Somaliland, Labadiisa aqalba Golaha guurtida iyo golaha wakiilada oo qaatay talaabo taariikhiya, talaabadaas oo ah inay diideen inay ansixiyaan xukunkii Militeri ama xukunkii deg-dega ahaa ee lagu soo rogayey Gobolka Sanaag”. Wuxuuna intaas kusii daray “Xukunkaa deg-degii kuma koobnaaden Gobolka Sanaag waxa ku xigi lahaa gobolada kale, Awdal baa ku xigi laheyd, markaa inaad shacbiga la dareen noqoteen waan idinku bogaadinayaa, waxaad u hiilisen guud ahaanba dadkii ku noola gobolka Sanaag, degmooyinkiisa lagu soo rogayey xukunka Militeri ee kala ahaa Gar-Adag, Ceel-Afweyn iyo Ceerigaabo”. Ugu dambeyntiina, Gudoomiye Ciro ayaa waxa uu baaqyo kala duwan u jeediyey Xukuumada Muuse Biixi, Shacabka iyo Ciidamada Somaliland, wuxuuna yiri: “Waxaan xukuumada uga digeynaa inay isku deydo xukun Militeri o aan goleyaashu xalaaleyn oo aan sharci aheyn inay shacbiga ku fuliso, waxa kale oo dhamaan shacbiga reer somaliland gobol kasta oo ay jooganba ugu baaqeyna inay ilaashadan xasiloonidooda iyo nabad-galyadooda. Ciidamada Somaliland waxan ugu baaqeyna inay sharciga u hogaansamaan, inay shacbigooga u tudhaan iyo inay ka fogaadan talaabo kasta xasilooni daro iyo amni daro ka dhalin karta dalka”. Si kastaba, Hadalkan Gudoomiye Ciro ayaa kusoo beegmaya xili u fadhigii labada gole ee barlamaanka Somaliland uu ka dhashay buuq, taasi oo sababtay in aanu Gudoomiyaha golaha wakiiladu ku dhawaaqin natiijada rasmiga ah ee codeyntaas, kaasi oo fadhigaasi kusoo dhamaaday natiijo la’aan iyada oo loo balamay kulan kale maalinta Sabtida. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com