Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mudane Madaxweyne, Gebiley ma laha cashuuraha kastamka! Maalin dhaweyd waxa madaxweyne Muuse Biixi uu sheegay hadal uu kaga jawaabayey cabasho iyo cadaalad-darro ka muqaata Xeerka lr. 12 oo ah xeerka midaynta cashuuraha degmooyinka. Madaxweynaha ayaa difaacay xeerkan oo ah mid ku salaysan cadaalad-darro. Waxa cadaalad-darro ah in degmooyinka kastamadu ku yaalaan ay saami dheeraad ah ku yeeshaan cashuuraha lagu qaado kastamka. Isla markaana ay saamigooda ku yeeshaan inta soo hadhay. Tan oo macnaheedu yahay in tusaale ahaan Gebiley ay 10 % oo u gaar ah ka helayso cashuuraha lagu qaado kastamka Gebiley. Sagaashanka soo hadhayna wax bay ku leedahay. Kastamku waa hay’ad ka mid ah laamaha dawladda dhexe. Cashuuraha laga qaado waa cashuuro ka dhexeeya dadka. Laakiin madaweynuhu waxa uu sheegtay in khayraadka Gebiley uu yahay kastamka Gebiley. In kastamka dekadduna yahay khayraadka Berbera. Saylada xoolahana wuxuu ku sheegay in ay tahay khayraad u gaar ah degmada Burco. Madaxweynaha ha loo sheego in kastamku aanu ahayn khayraad degmo, ama wax-soo-saar loo nisbeyn karo degmo gaar ah. Degmo kasta cashuur ha ku yeelayo wax-soo-saarkeeda. Sida wax-soo-saarka beeraha, warshadaha, xoolaha iwm. Xaq maaha in Burco cashuur dheeraad ku yeelato adhiga iyo geela ay ku soo tabceen reer Ceerigaabo. Xaq maaha in Gebiley saami dheeraad ah ka hesho qaadka lagu cuno Salaxley iyo degmooyinka kale ee waddanka. Xaq maaha in degmada Berbera loo leexiyo qayb-libaaxeed ka mid cashuurta kastamka dekedda. Waxa loo baahanyahay in cashuuraha la isugu keeno meel, kadibna degmo kasta loo kabo si u dhiganta baahideeda iyo baaxadeeda. Madaxweynaha waxa laga filayey in uu dib u eego nidaam-cashureeedkan aan caqli-galka ahayn. May ahayn inuu difaaco wax khaldan. Wakhtigan waxa jira guux iyo baraarug ku salaysan in wax laga beddelo xeerkan sida qaloocan u qaybinaya cashuuraha dadka ka dhexeeya. Madaxweynaha waxa laga rabaa inuu ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa nidaam-cashuureed casri ah oo cadaalad ah. Ahmed Abdirahman, Somaliland axmedx@hotmail.com Qaran News
  2. Coldoon!! Cabdimalik muuse Coldoon waa muwaadin dalka xaq iyo xuquuq ku leh , waana nin samafale ah , dad badan oo maskiin ahna wax u qabtay ama taakuleeyay taas oo aanay weli qaban in badan oo ka mid ah siyaasiin badan oo leh damac hugaamineed ama kuwa hada xilalka haya . Xirfadiisa suxufinimo waa mid inta badan diirada lagu saaro wax dalka iyo dadka dani ugu jirto marka laga reebo inta yar ee jecel musuqa iyo maalka dadka. Sidoo kale Abdimaalik waa qof bini Aadam ah wuuna khaldami karaa , laga soo caban karaa ama wax loo sheegan karaa , balse hadii la eegayo dastuurka iyo sharciyada umaddu dhigtay waa in si sax ah wax kasta loo maraa wadadeeda iyo wakhtigeeda . Tusaale ahaan qofka cidii ka dacwoonaysaa waa in ay tagtaa maxkamad oo laga soo dacweeyaa kadibna qofka dacwadaa loo geeyaa xili macquul ah oo aan dhib loo gaysan hantidiisa , Famligiisa iyo naftiisa toona. Balse in gurigiisa loo dhaco , hantidiisa la burburiyo , naftiisana wax la yeelaa waa bahalnimo iyo qaabkii jabhadnimad , waxaana waajib ku noqonaysa qofka in uu is difaaco waa wadad keliya ee u furan. 30 sano kadib hadii aynaan sharciga dhankiisa ka korin , xaga aqoonta ka korin , Aqoonsi ku waynay , Nidaam sax ah oo bulshada inta badan raali ka noqotay dhisan waynay , Cadaalad iyo cadaalad daradu inoo kala soocnaan wayday ma garan karo halka uu inoo wado wakhtigu!. Ugu danbayn waxaan alle ka baryaaya doonta ay wada saaranyihiin 4 million oo dadkaygii dhamaan ah oo aan wada jecelahay dhamaantood , in rabi mugdiga iyo mawjadaha ka badbaadiyo . Alla mahad leh. Kayse Abdillahi Dhisaaye dhisaaye122@gmail.com Qaran News
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Muuse Biixi ayaa gebi ahaanba xayiraad kusoo rogtay kulan ka dhici lahaa magaalada Borama, oo ay ku qaban lahaayen labada Professor ee Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeyr, iyagoo maalmihii udambeyay kulamo kusoo qabtay qaar kamid gobolada Somaliland. Xayiraadan lagu soo rogey kulamada labadan Professor ayaa waxay kasoo baxday amarkeedu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen ilo xog-ogaal ahi. Wasiirka ayaa amray in waraaqo loo qaybiyo hotelada Borama, kuwaasi oo ay ku qoranyihiin in aan wax shir ah ama kulana lagu qaban Hotelada iyada oo aan fasax laga haysan Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Hargeysa fadhigeedu yahay. Sida ay Caasimada Online u sheegen qaban-qaabiyayaasha kulanka labadan Professor, waxa gebi ahaanba loo diiday hotelada Borama inay ka kireeyaan kulankaasi, iyaga oo ku sababeeyay inay amar dul-dhigtay xukuumada Biixi. Guddida ku howlanaa qaban-qaabada kulankan ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online, haddii xukuumada Muuse Biixi ay ka hadli weydo sababta ay kulankaasi u hor istaagtay inay warbaahinta dhawaan wax-walba la wadaagi doonan. Labadan Professor ayaa hore kulamo ugu soo qabtay qaar kamida gobolada Somaliland, iyagoo kaga hadla kulamadooda dimuquraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Kulan maanta ka dhacay Nairobi oo dhexmaray Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullahi Dani, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayay uga [...] Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo jimcihii lasoo dhaafay ka dhacday isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho ayaa noqotay mid ku cusub shacabka magaalada Muqdisho, kadib markii isbitaalka laga xaday canug yar oo saacado uun dhalanaa. Iyadoo muddo ku dhaw 48 Saacadood la weysanaa canuga yar ee isbitaalka laga xaday ayaa hadda waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aadan in la helay canuga yar iyo dadkii la tuhmayay inay qaateen. Maamulka degmada Heliwaa iyo ehelka canuga yar ayaa saxaafadda u sheegay in la helay canuga yar oo la weysanaa saacado badan, waxaana xabsiga la dhigay dadka lagu tuhmay inay canuga isbitaalka kala baxeen. Xarunta dambi baarista ee CID ayaa la geeyay dhowr ruux oo falkaan lala xiriirinayo, sida masuuliyiinta maamulka Degmada Heliwaa ay sheegeen, waxaana socda baaritaanka ku aadan sida ay wax u dhaceen. Masuuliyiinta maamulka degmada ayaa sheegay in canuga yar ee la xaday maalmo ka hor uu caafimaad qabo, islamarkaana lagu wareejiyay qoyska lahaa, oo ku sugan isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho. Hooyo Naciimo Maxamed oo ah Hooyada laga xaday ilmaha yar ee lagu dhex xaday Isbitaalka SOS ayaa xaalad aan wanaagsaneyn ku jirtay, kadib markii ay si weyn kaga naxday ilmihii ugu horeeyay ee ay dhashay oo laga xaday. Ehelka canuga yar ayaa dowladda Soomaaliya horey kaga codsaday inay arintaasi wax ka qabtaan, waxaana saacadihii ugu dambeeyay socday baaritaanka iyo baadi goobka canuga yar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Waxaannu saaka biloownay dayactirka nalalka wadooyinka ee ku shaqeeya cadceedda. Nalalkan ayaa ah kuwa u baahan xannaano iyo fara ku hayn joogto ah in [...] Source
  7. (SLT-Riyadh)-Warbaahinta Sacuudiga ayaa ku warrantay in la dilay afar nin oo weerar ku qaadday saldhig ay ciidamada amaanka boqortooyada ku leeyihiin Magaalo ku taalla dhinaca waqooyi ee caasimadda Riyadh. Wargeyska maalinlaha ah ee ku hadla afka Carabiga ee kasoo baxa magaalada London, Asharq al-Awsat, ayaa ku warramay in bartilmaameedka weerarka uu ahaa saldhig ay ciidamada amaanka ku leeyihiin degmada Zulfi oo 260 kilometres dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Riyad. Kooxda weerarka soo qaadday ayaa isku dayay in baabuur ay wateen ku jiiraan xeyndaab ay ciidamada ku wareejiyeen albaabka laga soo galo, kaddibna billaabay in ay furaan rasaas. War laga soo xigtay booliska ayaa lagu sheegay in laba nin oo kasoo dagtay baabuurka ay ku dhinteen rasaas ay is weydaarteen booliska, mid kale ayaa isku dayay inuu carraro balse waxaa toogtay ciidamada, halka kan afraad la dilay xilli uu isku dayay inuu is-qarxiyo. Telefishanka Al-Arabia, oo ah TV laga leeyahay Sacuudiga ayaa isna xaqiijiyay dhimashada afarta qof ee weerartay saldhiga ku yaalla dalka Sacuudiga. Source
  8. London (Caasimada Online) – Tifaftiraha BBC-da qaybteeda Afrika Mary Harper ayaa sheegtay in marka ay Al Shabaab wacaan ama farriin ugu diraan Emailkeeda ay qarracanto. Mary oo maqaal dheer ka qortay wicitaannada AL-Shabaab marka ay weerarrada gaystaan ayaa sheegtay in xilliyada ay weerarrada ka wadaan Hoteellada ay soo wacaan una sheegaan in ay dil badan wadaan, kuwa Hotelka ku jirana ay si fiican u leynayaan dadka deggan Hotelka. Mary ayaa sheegtay in ay qarka u saaran tahay luminta saaxiibadeeda Soomaalida ah, maaddaama wicitaannada Soomaaliya oo dhan ay u heysato in ay yihiin Al Shabaab. Sababta ugu badan ee ay Al-Shabaab u wacayaan ayey ku sheegtay in ay tahay in ay sheegtaan mas’uuliyadda weerar xilligaas socda ama dhamaaday. Waxaa ay sheegtay in maalinkii ay wacaan 17 illaa 15 jeer, marka ay ka qaban weysana ay Inbox-ka Emailkeeda, ay ugu diraan farriimo, waxaana ay ka muujisay walaac badan. Mary ayaa sheegtay in marka ay gaari waddo, ama ay waqti la qaadaneyso qoyskeeda ama ay shaqo ku jirto ay ku adag tahay in ay taleefan ka jawaabto, sidaas darteedna marka ay fursad hesho ku aragto wicitaanno badan oo Soomaaliya ah. Walwalka ugu weyn ee ay qabto ayaa waxaa ka mid ah in wicitaannadaas aysan ku celin karin xittaa haddii uu yahay qof muhiim u ah, sababta oo ah waxaa ay u heysataa in ay yihiin Al-shabaab. Mary ayaa sheegtay in dhawr jeer ay la kulantay hanjabaadyo dil ah laakiin ma ahayn Al-Shabaab sida ay sheegtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. (SLT-Addis Ababa)-Itoobiya ayaa sheegtay iney ciidamadeeda badda ee burburay 1990-yadii ay 27 sano kaddib dib u soo celineyso dhawaanna shaqadooda billaabayaan. Sarreeya Guud Birhaanuu Julaa oo wareysi ay la yeelatay wargeyska ‘Addis Zemen’ oo afka dowladda ku hadlo ayaa sheegay “iney dolwadda Itoobiya ay ka shaqeyn hayso sidi ay u dhisna lahayd ciidama bad oo adag.” “Ciidamada badda ee ay Itoobiya dhisaneysana waxay noqon doonaan ayuu yiri kuwa tababar casri ah leh isla-markaana qalabki ugu dambeeyey ee ciidamada badda adeegsada.” Abaanduula ku xigeenka ciidmada Itoobiya oo soo xigtay hadal horay uga soo yeeray xisbiga talada dalka Itoobiya haya oo lagu soo daabacay bogga ay baraha bulshada ku leeyihiin wuxuu yidhi: “Waa inaan muujinnaa sameynta siyaasadeed ee ay Itoobiya ku leedahay dhinaca badda. Waddama badan ayaa meela fogfog ka imanaya si ay badaha dariska nala ah ay saameyn ugu yeeshaan oo saldhigyo ka sameeysto. Annagu waxaan nahay waddan facweyn oo ay ku nool yihiin shacab ka badan 100 milyan. Marka ma jiri karto sabab aan bad la’aan u noqon karno”. Itoobiya waxa ay sidoo kale leedahay machad lagu tababaro xirfadlayaasha badda, waxaana sanad kasta kasoo baxa 500 oo qof oo leh xirfado kala duwan, waxaana la qorsheynayaa in tiradaas la gaarsiiyo 1,000 qof. In ciidamo meel eber ah laga soo dhiso, gaar ahaan kuwa badda waa shaqo aad u culus, una baahan dhaqaale badan. Madaxweynaha Faransiiska Emannuel Macron maruu booqasha ku tagay dalka Itoobiya wuxuu sheegay in ciidanka Badda uu Faransiiska u dhisayo dowladda Itoobiya. Wuxuuna Makron uu Itoobiya lasaxiixday heshiis ku kacaya Malaayiin doollar ah oo dhanka melleteriga ah gaar ahaan in Faransiisku uu gacan ka geysto dhismaha ciidamada Badda oo ay Itoobiya yeelaneyso 29 sano kaddib Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir Oo Ka Hadlay Xadhiga Coldoon Iyo Cabashada Dhulka Madaxtooyada Cusub, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Maamulda degmada Bosaaso ayaa daah furay barnaamij lagu diiwaan gelinayo baabuurta Tagaasida ah ka hawl gala gudaha magaalada Boosaaso . Ujeedka diiwaan galintan ayaa waxa uu [...] Source
  12. Somaliland: Keep Armed Forces from Politics Somaliland Armed Forces, whether they are military, police or prison force, are self-less servants for the country and for the people and are solely responsible for the defense, internal security and safety and order of the country and the nation. Armed forces should not be politicized by politicians, opposition parties or traditional leaders that could affect the effectiveness of their duties and, as a result of that, could undermine the stability and peace of the country. In anyway, armed forces should not be used for political or for tribal gains. Joining armed forces is voluntary and not forcible. Once a person (soldier) is enlisted for the armed forces, takes oath of the service and puts on uniform for the national duties, they have no allegiance for particular tribe, party, region or group but for the nation and for the country. They should be given maximum respect for the service. Their sole duties are to defend the country from external aggression or invasion and to keep the internal security and safety to make sure that the nation lives in peace and safety for making progress and development in tranquility for self-sufficiency and better life. Politicizing armed forces undermines and weakens their patriotic duties to defend the country from external enemies and to protect it from internal insecurity, anarchy and chaotic situation. The public sleeps safe and works safe with the armed forces. So, people should support and respect their armed forces all the time. Politicization of the armed forces, especially military, weakens their ability and role to defend the country effectively. Political parties, especially opposition parties, or individuals who politicize armed forces break the laws governing the armed forces expressed in the constitution and should be liable to legal proceedings to protect the duties of the armed forces for the nation and for the country. The definition of a national military means that the members of the army are from all tribes or ethnic groups of a country balanced well in their enlistment and accepted by the public as national armed forces while militia is defined as an armed group of a particular tribe run by renegade political leader. Any political leader who organizes or forms an armed tribal militia fights the peace, stability and common good of a nation. According to military doctrine, the success and accomplishment of the armed forces depend on fulfilling military discipline and regulations expressed in military law of a particular nation. Military Discipline is a state of order and obedience existing within a command to promote patriotism and nationalism. Ibrahim Hassan Gagale April 19, 2019 Qaran News
  13. Maamulka iyo shacabka degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa ku guulaystay in ay si wada jir ah u dhamaystiraan waddada wayn ee dhexmarta magaalada Burtinle. [...] Source
  14. Dugsiga hoose/dhexe ee Ibnu-Baz ee magaalada Bosaso ayaa waxa uu xaflad sagootin ah u sameeyey ardayda fasalka 8aad ee Dugsiga hoose dhex ee ibnu Baz. [...] Source
  15. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlayay shirka culummada Soomaaliyeed ee maanta ka furmay Xamar, ayaa sheegay in dhibaatooyinka dalka ka jirta ay ka mid tahay dhaqan-xumo siyaasadeed, isagoo xusay inaan la kala garaneyn mucaarad iyo waxa loo yaqaano dumin. Farmaajo ayaa sheegay in Somalia ay heysato faragelin shisheeye, wuxuuna ku tilmaamay wax aan la qaadan karin xubno ka tirsan maamullada dalka ka jira iyo mucaaradku ay dowladdiisa ku dacweeyaan beesha caalamka. “Dumin Qaran ayaa jirta, marka laga hadlayo Dowladnimada geedka jiridda in laga gooyo oo xasillooni loo diird oo la bilaabo qalalaase siyaasadeed oo dowladda dhan in la beddelo oo inta Beesha Caalamka loo tago lagu dacweeyo taasi dumin weeye,” ayuu yiri maaxweyne Farmaajo. Isagoo sii hadlaya ayuu wuxuu hadalkiisa ku daray. Caqabadaha na haysta ayay ka mid tahay arrintaan, faragelin shisheeye ayaa jirtay tan iyo intii ay dowladnimada Soomaaliya burburtay.” Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa cidna si gaar ah farta ugu fiiqin, wuxuuse wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda laga tashado oo sidoo kale intii lala hadli lahaa madaxda dalka loo kala dhuunto in caalamka lagu daweeyo. Hadalka Madaxweynaha ayaa laga dareemayay inuu jawaab u yihiin dhaq-dhaqaayada siyaasadeed ee ka socda magaalada Nairobi oo ay wadaan xubno ka tirsan maamullada dalka ka jira, kuwaasoo doonaya inay beesha calaamka weydiistaan in si toos ah kaalmooyinkooda loo soo gaarsiiyo intii loosoo marin lahaa dowladda dhexe ee dalka. Ugu dambeyn, Tan iyo markii ay Dowladda Federaalka Somalia ka eriday Muqdisho ergaygii Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Haysom ayaa waxaa dowladda la saaray cadaadisyo caalami ah, iyadoo la billaabay in si gooni-gooni ah loola kulmo madaxda maamullada dalka ka jira. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo si adag uga hadlay dacwo uu sheegay in laga gudbiyay Dowlada appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada online)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee mucaaradka ah ahaa weeraray madaxweyne Farmaajo isagoo arimo badan ku dhaliilay. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa u muuqda mid ka jawaabayay hadal maanta uu jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, taasi oo ku saabsaneyn in dowlanimo aysan aheyn in dowladda Soomaaliya lagu dacweeyo Beesha caalamka. Qoraalka xildhibaanka ayaa u qornaa Sidan:- Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta sheegay in kulanka beesha caalamka ay Nairobi kula yeelanayaan Madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Galmudug uu yahay QARAN DUMISNIMO. Haddaba, Qaranka Madaxweyne Farmaajo ka sheekeynayo tolow waa kee ma midka Maraykankaa mise waa midka Soomaaliya?! Madaxweyne Farmaajo markii la doortay bishii Febaraayo 2017 wuxuu diiday in uu ka tanaasulo dhalashada Maraykanka ee uu haysto, taas oo ay ka dhalanayso xuquuq iyo waajibaad badan oo dastuurka Maraykanka farayo qof kasta oo dhalasahada Maraykanka heysta ee dal kale madax ka noqda. Wuxuuna doortay in uu noqdo muwaadin Maraykan ah oo ka shaqeeya masaalixda Maraykanka, intii uu noqon lahaa Madaxweyne xalaal ah oo mudnaanta koobaad siiya dalkiisa iyo dadkiisa. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo wuxuu rabaa in uu been iyo boor isku qaris ku indho sarcaadiyo dadka Soomaaliyeed si uu uga dhuunto eedeynta la xariirta lacago la lunsaday oo beesha caalamka ugu talo gashay in lagu maalgeliyo adeegyada aasaasiga iyo mashaariicda horumarineed ee dowlad goboleedyada. Lacagahaas oo Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis labadii sano ee lasoo dhaafay ku qarash gareeyeen duminta iyo kala qaybinta dowlad goboleedyada. Shirka Nairobi na waxaa looga arinsanayaa sidii beesha caalamka iyo madaxda dowlad gobleedyada isaga waraysan lahaayeen meesha lacagtaasi aaday iyo cida lunsatay! Sidaas daraadeed, waa nasiib daro aad u weyn runtii in maanta Madaxweynaheena la soo istaago wadamo shisheeye ayaa lala shirayaa iyo wadaninimo been ah oo faruuryaha Madaxweyne Farmaajo aan soo dhaafin labadii sano ee uu Madaxweynaha ahaa! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa oo maanta ka hadlayey kulan culimada Soomaaliyeed ah oo ku saabsan amniga iyo dib u heshiisiinta ayaa sheegay sida uu u arko in mucaaradka uu labo yahay, mid wax dhisa iyo mid wax dumiya. Farmaajo oo arrinkaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Dhibaatooyinka aan ka qabno waa dhaqan xumo siyaasiyiinta ah ama siyaasadeed oo runtii aan la garaneynin qofkan siyaasiga ah waxaa uu u yaqaano mucaarad iyo waxa loo yaqaano dumin, mucaaradka waa wax wanaagsan, in lagu kala feker duwanaado, qof walba ra’yigiisa soo jeediyo uu ka hadlo ajende, uuna sheego xalka..kaasi mucaarad ma aha” Farmaajo oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay iney mucaaradka ku dacweynayaan beesha caalamka “Laakin dumin ayaa jirta, marka laga hadlayo dowladnimada geedka jirida in laga gooyo oo xasillooni loo diiro oo la bilaabo waxyaabaha aan naqaano, oo qalalaase siyaasadeed iyo khilaafaad, oo la laga hadlo dowladda dhan in la bedelo oo loo beesha caalamka loo tago lagu dacweeyo taasi dumin weeye, mucaarad ma aha, iyada nafteeda waa caqabadaha na heysta ayay ka mid tahay, faragelin shisheeye ayaa jirtay tan iyo muddooyinkii dowladnimada burburtay caado noqotay, mar hadii aan tabar darnaaney”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii la doortay ku guuldareystay kasbashada mucaaradkiisa, horay waxaa uu u sheegay inuu albaabkii uu ka soo xiran, isla isagii ayaa leh maanta waxaa ay igu dacweeyeen beesha caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Galmudug state president Ahmed Dualle Gelle has met with the EU’s envoy for Somalia, Fulgencio Garido-Ruiz in the Kenyan capital, Nairobi on Sunday. The two officials discussed several issues related to Galmudug, as confirmed by sources close to the meeting. The president, who is currently in Nairobi, held a series of meetings with diplomats in Kenya and met with the UK’s ambassador to Somalia later Saturday. The Presidents of Jubbaland and Puntland states, Ahmed Madobe and Said Abdullahi Deni respectively met with members of the international community in Kenya. These meetings were focused on maintaining consistent support from agencies and donors to Galmudug, Jubbaland and Puntland states in Somalia. View the full article
  19. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo daah-furay Shirka Culummada Soomaaliyeed ayaa adkeeyey in culimadu ay hormuud ka noqdaan sidii loo wacyigelin lahaa dhallinyaradeenna ay marin habaabiyeen argagixisadu, kaalin muuqatana ay uga qaadan lahaayeen toosinta iyo talo-siinta dowladda. Madaxweynaha ayaa xasuusiyey Culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga kala yimid, caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin xagjirnimada, qabyaaladda iyo musuqa. “Waa waqtigii culimada Somaaliyeed ay qaadan lahaayeen kaalintooda iyaga oo mideysan. Waxaan ku faraxsanahay in culimadeenna iyo Dowladdu ay maanta u mideysan yihiin ka shaqeynta amniga iyo dib u heshiisiinta, aynuna iftiiminno lana dagaalanno xagjirnimada oo dhibaato weyn ku haya dalkeenna.” Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u dhigay lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada iyo dowladda, waxa uuna tilmaamay in sare u qaadidda dowlad-wanaagga, ilaalinta ammaanada shacabka iyo xaqiijinta caddaaladdu ay aasaas u yihiin xalka. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dib u dhiska Ciidanka Qalabka Sida, taas oo kaalin weyn ay ku leeyihiin culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhanka taakuleynta iyo wacyigelinta. Ugu dambeyn, Furitaanka Shirkan waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan, Culimo Soomaaliyeed oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibaddiisa, Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xassan iyo Wasiirro kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah. PUNTLAND POST The post MADAXWEYNE FARMAAJO: Culummadu waa inay dowladda kala shaqeeyaan sugidda Amngia appeared first on Puntland Post.
  20. The minister of Finance, Abdirahman Dualle Belleh has laid the foundation stone for the third installation of the Ministry in Mogadishu, the Somali capital on Sunday. The building was completed with support of the World Bank and is said to be crucial for the staff of the Ministry of Finance to adequately carry out the national obligations The Minister of Finance of the Federal Government of Somalia, has pledged to boost the transparency of the funds and thanked to the World Bank. “It’s a pleasure to lay the foundation stone of the third complex of the Ministry of Finance as we’ve just cut the ribbon of the second building that supported by the Swedish government and we are moving to the new building,” he said. The finance minister added that the country is making progress in the development of key infrastructure for social services and infrastructure. View the full article
  21. The security forces of Somalia’s central Federal state of Galmudug have succeeded to seize illegal weapons in a lorry truck near the town of Dhusamareb on Saturday. The local officials say several suspects were arrested in connection with the arms as an investigation is still underway for find out the destination and the owners. This is the latest in an attempt to prevent illegal weapons being smuggled into the Galmudug controlled areas in central Somalia. View the full article
  22. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ugu maqnaa waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo oo safar maalmo qaatay dalka kaga maqnaa, ayaa waxa madaarka Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey xubno kamid ah golaha wasiirrada, saraakiil ka socday axsaabta mucaaridka ah, maamulka gobolka Maroodi-jeex, saraakiil xukuumadda ka tirsan iyo agaasimeyaal guud. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiinta Imaaraadka carabtu ka wada-hadleen muddadii ay safarka shaqo halkaas ugu maqnaayeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay in si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha iskaashiga iyo nabadgelyada, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa aad looga wada-hadlay is-kaashiga xagga nabadgelyada, sida aad og tihiinna mandaqadda waxa aad ugu soo xoogaysanaya Argagixisada oo meelo badan ku sugan, sidii arrintaas looga hor tagi lahaa, la isagana kaashan lahaa ayaa kamid ahaa qodobbada ugu waaweyn ee uu wada-hadalkaasi ku saabsanaa.” Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay kulamada ay weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa la qaateen masuuliyiinta ugu sarreeya dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta lagaga wada hadlay arrimo dhinaca horumarinta dhaqaalaha Somaliland la xidhiidhiidha, kuwaas oo ay ugu weyn tahay Aas-aasidda shirkad ka shaqaysa xoolaha Somaliland, “Arrinta nabadgelyada waxa wehelinayey arrimo kale oo muhiim ah oo ku saabsan xagga dhaqaalaha, waxana kamid ahaa in Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Imaaraadka carabtu ay si wada-jir ah u sameeyaan hay’ad dhoofisa xoolaha Somaliland, taas oo iyadu qaadda oo usii gudbisa caalamka intiisa kale, ama dalalka carabta ha noqoto, ama dalal kale oo kasoo fog ha noqoto’e, arrintaasina waa arrin weyn oo lasoo galay oo la filayo inay dhaqaalaha dalkan wax badan ka qaban doonto. Qodobbada kale ee laga wada hadlay waxa kamid ahaa sidii Somaliland baankeeda dhexe loo xoojin lahaa, dalkastana dhaqaalihiisa qayb weyn buu ka yahay baanku, Baanka, ayaana dalka maaliyaddiisa haya oo xukuma oo qorsheeya, haddii uu dhaqaale haystana wax badan kuu tari karaa,” ayuu yidhi wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), waxa uu intaas ku daray inay Masuuliyiinta Imaaraadka Carabta isla garteen in Madaarka Berbera ee ay dib-u-dhiska ku waddo dawladda Imaaraadku ay diyaaradaha rayidka iyo kuwa ganacsiguba isticmaali doonaan, waxana uu yidhi, “Arrimaha kale ee muhiimka ah ee dhinaca dhaqaalaha la xidhiidha ee laga wada-hadlay waxa kamid ahaa madaarkii Berbera ee aad maqlayseen inuu markii hore kamid ahaa saldhigga ay halkaas Imaaraadku ka samaysanayaan, waxa la isla gartay inuu madaarkaasi noqdo mid diyaaradaha rayidka ah iyo kuwa ganacsiguba ku degi karaan oo ka shaqaysan karaan oo aan ku koobnaan doonin madaar militeri.” halkan hoose ka DAAWO Source