Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,165
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa si kooban uga hadlay xaaladda degdegga ah ee madaxweynaha Somaliland ku soo rogay magaalooyinka Ceerigaabo, Ceelafweyn iyo Garadag waxaanu sheegay in uu arrintaasi saxaafadda ka maqlay haddana aanu wax tafaasiil ah ka bixinayn mawqifkiisa arrintan ku aaddan. “Adeeraw sidaad xaaladdaa degdegga ah u maqashay uun baan aniguna uga maqlay warbaahinta waxa jawaab ahna hada ka bixin maayo,” sidaas ayuu maayar Ismaaciil Xaaji Nuur u sheegay suxufi Badri Koosaar oo ka tirsan telefishanka Eryal oo khadka telefoonka kula hadlay. Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbarow ayaa VOA-da u sheegay in ay hirgalinayaan xaaladda degdegga ah oo qayb ka ah dadaallada lagu sugayo ammaanka inta la soo qabanayo dablay hubaysan oo Salaasadii dilay laba sarkaal oo boolis ah. Madaxweyne Biixi ayaa u muuqda in aanay hayn xal ka duwan bandowda uu galiyay qaybo ka mid ah gobolka Sanaag waxaana arrintan ganafka ku dhuftay xisbiga WADDANI. Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun ayaa baarlamaanka ugu baaqay in aanay kulankooda Khamiista ku ansixin xaaladdan degdegga ah. Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa goor-dhow ku dhowaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumadda ra’iisul Xasan Cali Kheyre. Daahir Maxamuud Geelle ayaa is-casilaaddiisa sabab uga dhigay kala duwanaansho dhinaca fikirka ah oo u dhaxeysa isaga iyo madaxda dowladda Soomaaliya. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Daahir uu bilihii dhowaa aad uga soo horjeeday siyaasadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-010519.mp3-vv.mp3 View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Ciidamada Booliska Soamliland ayaa xabsiga u taxaabay guddoomiyaha Garabka dhalinyarada xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme sida ii xaqiijiyay afhayeenka xisbga WADDANI. Weli ma cadda sababta loo xidhay laakiin afhayeenka ayaa ii sheegay in Dhamme maalintii shalay qoray maqaal uu ku dhaliilayo madaxweyne Biixi, taasna ay u malaynayaan in loo xidhay. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse, ayaa ka hadlay dilkii loo geystay labada Sarkaal, iyo dilkii ka horeeyey ee labada qof ku dhinteen ee ka dhacay isla Gobolka Sanaag, Waxayna Xukuumadda ugu baaqeen inay waajibkeeda ka gudato, oo dadkii dilalka geystay sida ugu dhakhsaha badan gacanta ugu dhigto sida ugu dhakhsaha badan, waajibkoodana mariso. Salaadiinta oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa ugu horeyn Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo ka hadlay arimahan ayaa yidhi “Dil aad iyo aad u fool xun, oo aan dhaqan inoo ahayn ayaa dhacay, ceeb baa dhacday, waana ayaan daro weyn in jid loo galo, oo la laayo Saraakiil CIidan oo wax dambiya oo ay galeen jirin, markaas Dawladdu waa inay sida ugu dakhsaha badan gacanta ugu soo dhigtaa dadkii dilka geystay ee Saraakiisha laayey, walibana waa in Shacabkuna Dawladda iyo Ciidanka la shaqeeyaan, oo dadka dilka geystay ay soo sheegaan meel kasta oo ay joogaan, waana in dadkaas gacan ku dhiiglayaasha marka la soo qabto, waa in sharciga la hor keena, waxaan kale oo aan aad u cambaaraynayaa dilkii kan ka horeeyey ee isna labada qof ku dhinteen, Dawladduna nabada ha adkayso, oo cid kasta oo dhib iyo colaad wada gacan bir ah wax ha kaga qabato”. Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse ayaa isna yidhi “Nabadu waa qaali, ee ILLAAHAY xaqa ha ina garansiiyo, mar walbana samaha iyo wanaaga aynu ka shaqeeynayno, colaad iyo fidnadana looma baahna, ee aynu ka dheeraano, Dawladdu mar walba nabada ha ilaaliso, cid kasta oo dhib wadana wax ha ka qabato, bishiii khayrka badnayd ee Shabcaan ayeynu ku jirnaa, oo inoo dhammaynaysa, bishii Ramadaan oo ah bisha ugu khayrka badan bilaha ALLE ayaa iyana inoo soo galaysa, ee ALLE khayr ha inoogu soo galiyo, oo ALLE xumaanta iyo shaydaankaba ha inaga qabto,Saraakiisha la dilayna waxay ahaayeen Saraakiil Qaran ee ALLE ha u naxariisto, jannadiina ha ka waraabiyo, inagana samir iyo imaan ha inaga siiyo, cidda dishayna waa in la soo qabtaa”. Source
  6. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay Caasimada Online helayso, ayaa sheegaya in magaalo katirsan deegaanada Somaliland ay goordhoweyd ka bilowdeen mudaharaad balaadhan. Badhtamaha magaalada Boorama ayaa hadda waxa ka bilowday mudaharaad balaadhan oo ay dhigayaan dadweynaha reer Borama, kuwaasi oo ka biyo-diidan in talaabo adag ay Xukuumada Biixi ka qaadi waayey dadkii ka dambeeyay dilkii labada sarkaal. Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in dadweynahan ay taayiro ku gubeen wadooyin muhiim ah oo ku yaala badhtanka magaalada, iyagoona madaxa ku xidhnaa maro cas. Dadweynahan ayaa ka gadoodsan dilkii gobolka Sanaag loogu geystay Saraakiil katirsan Ciidanka Somaliland oo kasoo jeeday deegaan ahaan Gobolka Awdal. Dhinaca kale, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay kusoo rogay xaalad deg-deg ah degmooyinka ka tirsan Gobolka Sanaag, taasi oo ay daba socotay kadib dilkii Saraakiisha katirsanaa ciidanka Somaliland. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Taliyeyaasha Ciidammada Booliska Iyo Millatary-ga Somaliland Oo Ka Hadley Xaladii Deg Deg Aheyd Ee Shalay Madaxweyne Biixi Soo Saarey, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni ayaa hambalyo ku aadan maalinta fasaxa shaqaalaha Adduunka May, 01, 2019 u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan [...] Source
  9. The UK-funded Energy Security and Resource Efficiency in Somaliland (ESRES) programme is giving more people across Somaliland access to affordable, clean and renewable energy. Source: Hiiraan Online
  10. Waxaa laga yaabaa in dadka qaar aysan la socon in Abwaan Cismaan C/laahi Guure uu ahaa ninki lahaa fikradda iskaa wax uqabsada cusub ama “is xilqaan” oo ah ololaha ugu weyn ee ay dowladda maanta jirtaa ku dhistay qaar kamid ah xarumahi burburay ee dowladda. Waxay ahaataba, Abwaan Guure maanta waa la coleystay oo waxaa isaga oo dalka dibadda uga maqan laga qaaday xilkii agaasimaha golaha murtida!. waxaan maqli jiray ‘Kacaanku ilmihiisa yuu cunnaa’ Saxiibbayaal waxaan fursad uhelay maanta in aan qadka taleefoonka kula sheekeysto Abwaan Guure maareyihii hore golaha murtida Qaranka oo shalay xilki laga qaaday. Abwaan Guure ayaan ugu horeeyn weydiiyay sida ay wax u dhaceen? wuxuu iigu jawaabay ” Shalay saacaddu marka ay ahayd 1-di duhur-nimo waqtiga Muqdisho ayaa waxaa idaacadda Kulmiye (KNN) ka baxay war ku saabsan in uu socdo wadahadallo u dhaxeeya madaxda mucaaradka ,Maammul goboleedyada iyo Madaxweynaha oo ah in la baddalo RW Khayre. Abwaan Guure wuxuu yiri “qiyaastii wax yar kahor 1:30 waqtiga Muqdisho waxaa isoo wacay RW Khayre oo careysan wuxuuuna i faray in aan shaqada ka eryo wariyaha warka sheegay iyo agaasimaha idaacadda, islamarkaana aan raaligelin ka bixiyo warkaasi ka baxay Idaacadda”. Abwaan Guure wuxuu yiri “waxaan u sheegay raysil-wasaaraha in aan anigu awood u lahayn in aan shaqada ka eryo wariye ka shaqeeya KNN, kol haddii aanan hadda mas’uuliyadda idaacadda haynin, teeda kale idaacaddu xeer ayay leedahay, dalkana sharciga warbaahinta ee baarlamaanka la mariyay ayaa xaq usiinaya wariyaha in uusan sheegin ilo-wareedkiisa ilaa ay maxkamad ka codsato marka la horgeeyo. Abwaan Guure wuxuu yiri “ ugu yaraan 10 daqiiqo oo aan murmeynay waxba kalama dheefin, isaga oo careysan ayuuna Taleefoonka igu dhigay. kadib wax ka yar 5 daqiiqo waxaa isoo wacay Wasiirka warfaafinta Mudane. Daahir Maxamuud Geelle wuxuuna igu yiri “ Saxiib Abwaan Guure waxa aan kuu sheegayo ogoow wax lug ah kumma-lihi, laakin waa ammar la’iisiiyay, waxa uu ka soo baxay raysil-wasaare Khayre oo ifaray in aan xilka kaa qaado ee sidaa ula soco”! Abwaan Guure waxaan ku iri buu yiri “ Hagaag, mudane wasiir waajibkaaga guddo, waxaad iga dambeysaba waa deyrta maanta ahe, adiguba idaacad waad leedahay, xilna dalka waad ka haysaa ee la soco”. Intaas marki aan Daahir is dhaafsanay kadib wax aan dhameyn 10 daqiiqo gudahood waxaa warka xil kaqaadisteyda oo si deg deg ka muuqdo loo qoray, loogu daabacay wakaaladda wararka ee SONNA ee oo ku hadasha afka xukuumadda. Marka aan leeyahay deg deg ka muuqdo waxaa masuuliyadda leyga qaaday lagu sheegay agaasimihii golaha ‘martida’ halki ay ahayd golaha ‘murtida’!. FG: Waa inti aan ka qoray Abwaan Guure, dhinac kale warkooda mahayo, mana helin wali. W/Q: Ayaanle Xuseen Cabdi @hanoolaato.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI wuxu si adag uga soo horjeestay xaaladda deg-dega ah ee la geliyey ee deegaanada gobalka Sanaag. Xisbigu waxa kale oo uu jawaab adag ka bixiyey hadalkii Wasiirka Warfaafinta Somaliland, waxaana uu sheegay in hadalkaasi xurmo darro iyo meel ka dhac ba uu ku ahaa qaranka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah go’aan ka soo saartay kiiskii Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo labo jeer oo hore Puntland ku xukuntay dil toogasho. Maxkamadda sare ee ciidmada Soomaaliya ayaa maanta amartay in si deg-deg ah xabsiga looga sii daayo Cabdirisaaq Xuseen Tahliil, hadii aysan jirin dambiyo kale oo loo haysto, waxay sidoo kale amartay in uusan ka bixi karin magaalada Muqdisho muddo labo (2) sano ah. Sidoo kale Maxkamadda ayaa ku amartay ciidamada amniga in ay si gaar ah ula socdaan dhaq-dhaqaaqiisa ku dhawaad shan sano (5) iyo in uu todobaadkiiba mar iska diiwaan geliyo xarunta dambi baarista Boliiska (CID), sida uu u sheegay warbaahinta guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Janaraal Liibaan Cali Yarow. Puntland iyo Ina Calool Geel Markii ugu horeysay xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole ayaa 17-kii November 2012 magaalada Gaakacyo ku qabatay Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo la sheegay in uu ahaa madaxii dhaqaalaha iyo saadka Al-shabaab ee gobolka Mudug, waxaana la sheegay xiliga la qabtay in uu waday boorso ay ku jiraan walxaha qarxa islamarkaana uu qirtay inuu yahay Al-shabaab. Maxkamadda ciidamada Puntlnad ayaa 2-kii March 2013 Cabdirasaaq Xuseen Tahliil ku diray xukun dil ah, waxaana xukunkaasi sababay in labo qof shacab ah oo reer Puntland ah lagu afduubo koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug. Kadib doorashadii Madaxweyne Gaas 2014-kii, ayaa xasbiga laga siidaayay Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) , waxaana qaab nabad ah la isku dhaafsaday Calool Geel iyo dadkii shacabka ahaa ee lagu haystay Koonfurta Gaalakcyo. Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) ayaa lagu eedeeyay siideyntii sii kadib inuu ka dambeeyay qaraxyo iyo dilal ka dhacay gudaha Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale isku dhacyadii dhexmaray Puntland iyo Galmudug. Sidoo kale ina Calool Geel ayaa mar la sheegay in lagu dilay weerarkii 28-kii September 2016 ciidamada Puntland oo kaashanaya diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen meel bariga uga beegan Gaalkacyo, kaas oo lagu beegsaday koox lagu tuhunsanaa in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab. Puntland ayaa markale 23-kii July 2017 Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) iyo saddex qof oo kale ku qabatay howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada sirdoonka Puntland iyo Galmudug, kaas oo laga fuliyay Koonfurta magaalada Gaalkacyo. Puntland ayaa markale xukun dil ah ku riday 12-kii bishan November, 2018 Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel), sida uu sheegay Gudoomiyaha maxkamada ciidamada gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntland G/sare Cawil Axmed Faarax. Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug waxaa 13-kii bishan November, 2018 ka dhacay mudaharaad kooban oo ay dhigeen dad u badan dhalinyaro, kaas oo looga soo horjeeday xukunka Puntland ku riday Cabdirasaaq Xuseen Tahliil oo ay ku sheegeen in uu ahaa nin ganacsade ah. 17-kii November 2018 ayaa Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo dil toogasho ku xakunaa laga duuliyay magaalada Boosaaso, isagoo lagu wareejiayay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana amarkaas bixiyay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Ugu dambeyna Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo dhowr jeer u fariisatay kiiska Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) ayaa maanta sii daysay. PUNTLAND POST The post Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo la sii daayay, laguna amray in uusan 2 sano ka bixin Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  13. Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug ayaa magalada Galkacyo kawada ololaha Cashuurta Gaadiidka ee sedex bilood-laha ah . Ciidanka ilaalada Cashuurha ee dowlada Puntland Ayaa [...] Source
  14. In kasta oo aynu ku jirno bilihii khayrka laha Ramadaana sanka inoo saarantahay hadana Xaalada Dalkaygii Somaliland ku sugan yahay ayaa marar badan ku odhanaysa midh iyo laba ka dheh. Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ilaa bilawgii Xukunka ay qabteen laba sanno ku dhawaad Mucaarid iyo Muxaafid waxa marageeda laysku raacay inay farsamo xuntahay. Dhacdooyin badan oo maarayn kaliya u baahnaa ayay Xukuumadda Muuse Biixi is maqiiq ku gashay kuwaas oo natiijo la’aani ka dhalatay. Midan iminka ee Xaalada Deg Deg ah lagu galiyay Gobolkii Sanaag ayaa u danbaysay. Madaxweynuhu amar adag ayuu bixin laha lagu soo qabto danbilayaashi Sarakiisha laayay, adduunka oo dhan way ka dhacaan shilal noocan oo kale ahi, talaabadii ku haboonayd maha Bandow iyo awood Millatari oo ahayd halkii u danbaysay ee Madaxweynaha iyo Qaranku miciin san la hayeen… Duufaano iyo Dabaylo inamay rogin alle haynaga hayee,, layskumana rogman oo xaaladu faraha kamay bixin, koox shar wadayaal ah ayaa faldanbiyeed gaystay waxayna ahayd in la soo qabto oo cadaaladda la mariyo.. Midda kale waxa weeye farsamo xumadaas ayay Af-soomaali xumo ku darsatay Xukuumadeeni. Xalay waxa hadlay Wasiirka Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye, dee anigu Wasiir Qaran la hadlaaya meesha kuma arkayn ee Nin ka soo kacay Marfash oo wixii Marfashka shubaaya ayuunban u arkaayay. Kulaha “Dadkii Gobta aha way qanci jireen “ Yaa markaa gun gunuunucaysa ah. ? Isagu markaana UDUB tii Guul wadaynta la daxalaysatay ayuu aha oo TV-ga Qaranka ayuu joogay, KULMIYE yihii Axmed Siilaanyo ee 2003-doorashada galayna Rer ma ahayn WADDANI-ga 2017-kii doroashada galayna rer ma ahayn oo Somaliland oo dhan ayuu aha.. Masuuliyiinta Xukuumaddeena iyo ilaa Madaxweynaha mararbadan aamuska u Khayr badan, waayo looma wada dulqaadan karo farsamo xumo iyo Af-somaali xumo wada socda.. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal Sweden .. Source
  15. (SLT-Doha)-Dalka Maraykanka iyo ururka Daliban ee ayaa yeeshay wareegii 6aad ee kulan u socday tan iyo bishii July, kaas oo lagu raadinayo xal laga gaadho dagaalka Afghanistan. Masuuliyiin ka kala socda Ururka Daalibaan iyo dalka Maraykanka ayaa kulankan kaga wadaxaajoonaya arimaha dalka Afghanistan, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeen ka tirsan ururka Daliban maanta oo arbaca ah, waxaana labada dhinac ay cusboonaysiiyeen sidii loo dhaqaajin lahaa nabad ku soo dabaalida dalkaasi. Zabiullah Mujahid ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP oo uu soo xigtay Telefishanka HCTV “Wareega lixaad ee wadahadalada ayaa maraykanka iyo Taiban uga bilawday maanta magaalada Doxaha ee dalka Qatar,” Inkastoo Wafaarada Maraykanku uu ku leeyahay Kabul aanay wax war ah oo degdeg ah ka soo saarin, Balse waaxda arimaha dibada ee dalka Maraykanka ay sheegtay in ergooyinkooda nabad raadiska Afghanistan ahi, Zalmay Khalilzad, ay socdaal ku tagi doonaan Doxa bishan si ay ula kulmaan Taliban, Maraykankuna uu raadinayo in la soo afjaro dagaalka dheeraaday ee dalkaasi Afghanistan ka socda. Kulankii shanaad ee wadaxaajoodka nabada, ayaa bilaabmay bishii February iyo March oo socday 11 maalmood, inkastoo kulankaasi hore uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan ayaa hadana labada dhinac waxa ay wada saxeexeen Hanaan qabyo ah oo ay ku jireen in Ciidamada Maraykanka laga saaro Afghanistan, halka Talibana ay balan qaaday in dhulkooda Afghanistan aanay u ogolaan doonin kooxaha Caalamiga ah ee Argagixisada loo yaqaano. Source
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa go’aan ka soo saartay Kiiska C/risaaq Xuseen Tahliil oo loo yaqaano Ina Calool Geel, kaasoo labo jeer ay Maxkamad ku taal Puntland ku xukutay dil toogasho ah. 11-kii November 2018 ayay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabaka Sida Puntland ayaa ku riday Xukun dil ah Eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geelle), wixii xilligaas ka dambeeyay ayay soo qaateen Qareenada difaacayay Eedeysanaha rafcaan kaasi oo la keenay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Side ee heer Federaal Fadhigeeda Muqdisho. Inkastoo kiiskan muran ka dhex abuuray degmada Gaalkacyo ee u kala qeybsan maamulada Galmudug iyo Puntland kiiska Cabdirisaaq hadane Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ayaa isku howlay baaritaanka eedeymaha loo heysto oo ah arrimo arga-gixisanimo. Xafiiska Xeer Ilaalinta oo safar ku bixiyay baarista kiiskan ayaa 24-kii bishii Sedaxaad codsaday in la hor geeyo Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, laba isbuuc kadib Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Side ayaa sedax jeer oo kala ah 6-13-27 bishii na dhaaftay u fariisatay eedda Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geelle). Mudda 21-cisha ah oo ay Maxkamadda Sare kiiskan ku dhex jirtay, waxa ay Guddoonka Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ku bixiyeen dadaal fara badan oo ah hubinta Eedda arga-gixisanimo ee Eedeysanaha u xirnaa weliba horay loogu soo xukumay balse buray markii ay aqbashay rafcaanka Maxkamadda Sare. 5-cisha kadib Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Side ayaa go’aan ka soo saartay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil, waxaana ay Maxkamadda Sare amartay in si deg-deg ah looga daayo xabsiga hadii aysan jirin dambiya kale, waxa ay sidoo kale amartay in uusan ka bixi Karin magaalada Muqdisho muddo 2-sano ah, ugu dambeyn Maxkamadda ayaa ku amartay ciidamada amniga in ay si gaar ah ula socdaan dhaq-dhaqaaqiisa ku dhawaad 5-sano iyo in uu todobaadkiiba mar iska diiwaan geliyo Xarunta Dambi Baarista Boliiska CID, sida uu u sheegay warbaahinta guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida jenaraal Liibaan Cali Yarow. Kiiska Cabdirisaaq Xuseen Tahliil ayaa soo jiitamayay tan iyo dabayaaqadii July 2017. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. (SLT-Sweden)-Wasiirka arrimaha dibadda Swedan Margot Wallström ayaa sheegtay in dalkeeda uu sii wadi doono in dal madax banaan u aqoonsado Falastiin iyo taageerada uu u Hayaan. Waan ku faanayaa go,aanka ay Swedan ugu aqoonsatay dal madax banaan Falastiin sanadkii 2014-tii ayey tiri Wallström oo ka soo muuqatay Tv-ga qaranka Swedan oo loo yaqaan (SVT). Waxay intaa raacisay in dalal badan ay qaateen si la mid ah Swedan oo noqotay dalka ugu horeeyay oo Yurub ah oo dowlad u aqoonsada Falastiin. Wasiirada arimaha dibeda Swedan ayaa intaa ku dartay in ay sii wadi doonaan taageerada shacabka iyo dalka Falastiin. 30-kii bishii October sanadkii 2014 kii ayaa dowlada Swedan waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in Falastiin ay u aqoonsan tahay dal iyo dowlad madax banaan. Si kastaba ha ahaatee hadalkaan ayaa waxaa aad uga carooday xukuumada Tel A Source
  18. Somali military has delivered food aid to villagers in Lower Shabelle region weeks after the government took control of the areas. Following operations to defeat al-Shabaab fighters, Somali forces recaptured two villages in the outskirts of Mogadishu this month. The villages include Sabiid and Anole located near Afgoye town, about 30 KM northwest of Mogadishu, the Somali capital. In an efforts to boost interaction between the army and locals, the forces distributed food in the villages ahead Muslim holy month, Ramadan. The distribution took place on Wednesday evening. The move comes at a time Somali government vowed to step up operations to liberate villages controlled by al-Shabaab. The group which lost control of the capital city in 2011 still mans remote villages in southern Somalia. Its members carry out deadly attacks in main towns. On Wednesday, the group targeted a car belonging to Bari governor with explosives in Bosaso town. According to sources, the governor, Yussuf Mohamed was not in the car. The blast killed three of bodyguards. View the full article
  19. (SLT-Adhaama)-Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar ayaa maalintii shalay gaadhay magaalada Adhaama ee degaanka Oromiya, madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Adhaama iyadoo shacabka magaaladaas ay waddooyinka taagnaayeen iyagoo caleemo qoyan wata. Soo dhawaynta Madaxwayne Mustafe ayaa sidoo kale waxaa ka qayb qaatay masuuliyiinta u saraysa Dawladda degaanka Oromiya oo u horeeyo madaxwaynaha degaanka Oromiya Shimalis. Madaxwaynaha ayaa ka qeybgalaya kulanka maanta ka furmaya Adhaama ee loogu xaadhayo nabad waarta oo ka dhex dhalata Soomaalida iyo Oromada oo muddooyinkii dambe colaad ka dhaxaysay. Madaxwaynaha dowlada deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa gaadhay caasimada deegaanka Oromiya ee magaalada Adama halkaa soo siwayn ay uugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta sare ee deegaanka Oromoda uu horkacayo madaxwaynaha deegaanka Oromiyae Shimallis Abdiisaa,waxana waftiga madaxwaynaha loo soo galbiyay dhanka magalada Adama halkaaso ay maanta uu kaga qayb gali doonaan shirka nabadaynta labada shacab. Source
  20. (SLT-Washington)-)-Aqalka Cad ayaa shalay sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka fikirayo inuu ururka Akhwaanul Muslimiin uu ku daro liiska ururada argagixisada. Afhayeenka Aqalka Cad, Sarah Sanders ayaa qoraal email ah ku sheegtay “Madaxweyne Trump wuxuu uu la tashaday kooxda amniga qaranka Maraykanka iyo waliga hoggaamiyayaasha Bariga Dhexe, kuwaasi oo la qaba welwelkiisa ku aadan ururka Akhwaanul Muslimiin” Haddii ururka lagu daro liiska kooxaha argagaixsada, waxay taasi Washington u oggolaan doontaa inay cunaqabteyn ku soo rogto shaqsiyaadka ama kooxaha xiriirka la leh ururka Akhwaanul Muslimiin. Talaabadan ayaa timid saddex toddobaad kaddib markii uu Madaxweyne Trump uu Aqalka Cad ku martigaliyay madaxweynaha Masar Cabdulfataax El Sisi, oo uu ku ammaanay inuu yahay “madaxweyne wanagasan”, isagoo sheegay in xiriirka u dhaxeeya Maryakanka iyo Masar uu yahay mid aad u xoogan. Qaar ka tirsan xildhibaannada Maraykanka, siyaasiyiin calami ah, iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadana ayaa canbaareeyey Sissi, taasoo la xiriirta tacadiya xuquuqda aadanaha ee Masar ka dhacay, iyo waliba aftidii dhawaan la meelmariyay ee muddada madaxtinmada kordhinaysay, taasoo madaxwyne Sissi u oggolaanaysa inuu xukunka sii hayo ilaa 2030. Ururka Akhaanul Muslimiin waxaa Masar laga mamnuucay 2013-kii, markii madaxwyne Sissi uu xukunka ka tuuray madaxweyne Mohammed Morse, wixii intaasi ka danbeeyayna, Sissi wuxuu kor kala socday talaabooyinka ad-adag iyo gacanta birta ah ee lagu hayay kooxaha siyaasadoodu furfuran tahay iyo Islaamiyiinta mucaaradka ku ah Sisi, isago xabsiga dhigay kumannaan kun oo ka mid Akhwaanul Muslmiinta iyo waliba hoggaanka ururkaasaba. Source
  21. Unknown gunmen were reported to have shot and killed a Somali police force member in Burhakaba district in Bay region, south of the country on Tuesday night. The officer was gunned down while on his way to house after work, according to the witnesses. Sources confirmed to Radio Shabelle that the killers have escaped before the local security forces arrived in the crime scene and launched a search operation. Al-Shabaab, the Al-Qaeda-linked militant group has claimed responsibility for the assassination, saying the militants seized the soldier’s gun following his murder. View the full article
  22. iyadoo sabtidii aynu soo dhaafnay madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdilaahi Deni uu ku dhawaaqay shir wada tashi ah in ay isgu yimaadaan madaxda maamul goboleedyada [...] Source
  23. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse,ayaa ka hadlay dilkii loo geystay labada Sarkaal, iyo dilkii ka horeeyey ee labada qof ku dhinteen ee ka dhacay isla Gobolka Sanaag, Waxayna Xukuumadda ugu baaqeen inay waajibkeeda ka gudato, oo dadkii dilalka geystay sida ugu dhakhsaha badan gacanta ugu dhigto sida ugu dhakhsaha badan, waajibkoodana mariso Salaadiinta oo warbaahinta u waramay ayaa ugu horeyn Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo ka hadlay arimahan ayaa yidhi “Dil aad iyo aad u fool xun, oo aan dhaqan inoo ahayn ayaa dhacay, ceeb baa dhacday, waana ayaan daro weyn in jidka loo galo oo la laayo saraakiil oo wax danbiya oo ay galeen ayna jirin, marka waa in dowladdu sida ug dhaqsiyaha badan ay gacanta ugu soo dhigtaa dadkii dilka geystay ee Saraakiisha laayey, walibana waa in Shacabkuna Dawladda iyo Ciidanka la shaqeeyaan, oo dadka dilka geystay ay soo sheegaan meel kasta oo ay joogaan, waana in dadkaas gacan ku dhiiglayaasha marka la soo qabto, waa in sharciga la hor keena, waxaan kale oo aan aad u cambaaraynayaa dilkii kan ka horeeyey ee isna labada qof ku dhinteen, Dawladduna nabada ha adkayso, oo cid kasta oo dhib iyo colaad wada gacan bir ah wax ha kaga qabato” Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse ayaa isna yidhi “Nabadu waa qaali, ee ILLAAHAY xaqa ha ina garansiiyo, mar walbana samaha iyo wanaaga aynu ka shaqeeynayno, colaad iyo fidnadana looma baahna, ee aynu ka dheeraano, Dawladdu mar walba nabada ha ilaaliso, cid kasta oo dhib wadana wax ha ka qabato, bishiii khayrka badnayd ee Shabcaan ayeynu ku jirnaa, oo inoo dhammaynaysa, bishii Ramadaan oo ah bisha ugu khayrka badan bilaha ALLE ayaa iyana inoo soo galaysa, ee ALLE khayr ha inoogu soo galiyo, oo ALLE xumaanta iyo shaydaankaba ha inaga qabto,Saraakiisha la dilayna waxay ahaayeen Saraakiil Qaran ee ALLE ha u naxariisto, jannadiina ha ka waraabiyo, inagana samir iyo imaan ha inaga siiyo, cidda dishayna waa in la soo qabtaa”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Munaasabada Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed oo maskax iyo muruqba geliyey dib u dhiska iyo horumarinta dalkeenna. Waxaan xasuusannahay dadaalladii wax ku oolka ahaa iyo doorkii taariikhiga ahaa ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyagoona saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna. Inkastoo shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku shaqeynayeen duruufo adag sanaddadii la soo dhaafay, haddana waxa ay muujiyeen hawlkarnimo iyo dhabar adayg, iyagoona fashaliyey yoolka argagixisada Alshabaab ee ku aaddan kala dhantaalidda rajada iyo yididiilada shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ka tacsiyeynayaa waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee maskaxdooda iyo muruqooda iyagoo ugu adeegaya dalkooda iyo dadkooda ku naf waayey falalkii ay argagixsada soo maleegtay. Dowladdu waxa ay xoogga saartay dhammeystirka shirciga shaqaalaha oo xaqiijinaya in ay ku shaqeeyaan xuquuq dhammeystiran iyo deegaan shaqo oo fayoow. Sidoo kale, waxaan mudnaanta siinay kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaarad ku filan nolashooda, taasoo aan uga golleenahay yareynta shaqo la’aanta ka jirtay dalkeenna. Waxaan dardar gelinaynaa dadaalladeenna ku aaddan xoojinta Iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah, si aan u adkaynno xuquuqda shaqaalaha, horumarka iyo wada jirka umaddeenna. Puntland Post The post Madaxweynaha oo Dhambaal hambalyo ah u diray shaqaalaha Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.