-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Saraakiil caafimaaad oo ku sugan magaalada Khartoum ee waddanka Sudan, ayaa laga soo xigtay in madaxweynihii la casilay ee dalkaasi, Omar Hassan al-Bashir lagu arkay astaamo u eg cudurka Faalliga ee xanniba xididada dhiiga qaada ee maskaxda. Mid kamid ah dhaqaatiirta gacanta ku haya xaaladdiisa oo diiday in magaciisa la xigto, ayaa warbaahinta u sheegay in uu al-Bashir ku arkay astaamo muujinaya in ay xirmeen qaar kamid ah xididada maskaxda ee dhiigga qaada, balse weli ay baaritaan ku hayaan xaaladdiisa caafimaad. Sidoo kale, dhaqtarka ayaa sheegay in xaaladda nololeed ee al-Bashir ka sii darayso, kadib markii uu cuntada diiday, nafaqada jirkiisana ay aad hoos ugu dhacday, isagoo xusay in xataa uusan daawooyina si toos ah u qaadan Karin wakhti xaadirkan. Omar al-Bashir ayaa haatan ku xiran xabsiga si weyn loo ilaaliyo ee loo yaqaan Kobar, kadib markii laga soo wareejiyay guriga martida ee magaalada Khartoum oo uu hore ugu xirnaa, waxaana laga qaaday taleefonkiisa gacanta ee khaaska ah. Mudane al-Bashir ayaa militarigu xilka ka qaadeen 11 bishan April kadib mudda ku dhow 4 bilood oo dalkaasi ay ka socdeen dibad-baxyo xiriira oo lagu dalbanayey in uu xilka ka dego. PUNTLAND POST The post Al-Bashir oo cuntada ka soomay iyo caafimaadkiisa oo laga deyrinayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wali Jahwareer iyo faham waa ayaa ka taagan Tubaha Qaranka oo ay sameeyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre. Afarta Tub ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa hey’adaha Dowladda ka abuurtay is bar bar yaac, doodo iyo sidoo kale in aysan xubno badan wali fahmin arintaan ayna dhaqaaqi la’dahay muddo dhowr bilood ah. Mid kamid ah Agaasimiyaasha Wasaaradaha ku midaysan Tubta amniga iyo Cadaaladda ayaa Caasimada Online u sheegay in Raysal Wasaaraha Soomaaliya uu Khamiistii canaan kala dul dhacay Wasiiro iyo Agaasimiyaal kuwaas oo kulan la qaatay Raysal Wasaaraha. Xubnaha uu Raysal Wasaaraha ku xanaaqay ayaa la sheegay in ay fulin waayeen qodobo quseeyo amniga, qaarkood waxay ka cabanayeen is hortaag lagu sameeyay, qaarna waxaysan fahamsaneen shaqada loo diray sida uu noo sheegay Sarkaal aan la hadalnay. “Waxaan ka xumahay in aan maalin walba idin sharaxo, idin fahamsiiyo shaqada aan ka rabo Tubtaan misane aadnan ku guulaysan in aad keentaan” ayuu ku yiri Raysal Wasaare Kheyrre xubnihii uu la kulmay sida uu noo sheegay Agaasime katirsan dadkaasi. “Aniga halkaan uma imaanin inaa cashir bixiyo, kaligiinna maahan ee tubaha dhanba waxaa ii muuqata in aanan la fahmin, war sidee idinla dhaqmaaa” ayuu yiri Kheyrre oo la hadlay Wasiiro iyo xubno kale. Xaqiiqda jirta ayaa in aysan socon shaqo marka laga reebo kulamo aan dhamaanin iyo isbar bar yaac joogto ah sida ay noo xaqiijiyeen Xubno badan. Wasiiro badan iyo Agaasimiyaal ayaa is weydiiya Su’aashaan (Tubaha Kheyrre ma fahamtay) waxa uuna mid kasta kuu sheegayaa in aysan aheyn wax soconaya qorshahaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale ka hadlay dhibaatada dadka Soomaaliyeed kasoo gaarta weerarada Al Shabaab ka fuliyaan Soomaaliya. Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in loo baahan in heshiis laga helo Al Shabaab si loo badbaadiyo dhiiga shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibaatooyin badan u geysatay Al Shabaab, islamarkaana dhankooda Al Shabaab ay dhibaato u geysteen Shacabka, taasina loo baahan yahay in laga gudbo. Wuxuu su’aalo ka keenay ilaa waqtiga ay sii socon karaan dhibaatada dadka shacabka loo geysanayo, maadaama labada dhinac ay dad Soomaaliyeed dhexdooda ku dhimanayaan. “Al-shabaab waa in hishiis laga keenaa maxaa yeelay, iyaga wan laaynay, anagana wey na`laayeen, dad Soomaali unbaana dhimanaya, ilaa goormeen wadeyna isdilka, mucaaradkana shisheeye ayey nooga dacwoonayaan “ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu balan qaaday in muddo labo sano ah ku soo Afjari doono dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana labo sano kadib muuqataa in loo awood waayay Al Shabaab. Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladdii Xasan Sheikh Xildhibaan C/risaaq Cumar ayaa horey u sheegay inay wadahadal la fureen Al Shabaab, islamarkaana ducement ku saabsan wadahadalkaasi ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay Shaacisay in ciidamadeeda badda ee burburay 1990-yadii ay 27 sano kaddib dib u soo celineyso dhawaanna shaqadooda billaabayaan. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa taagnaa Muran badan oo ku aadan halka ay ka howlgali doonaan Ciidanka Badda Itoobiya, Maadaama aysan la heyn wax bad ah, waxaana Soomaali badan ka walaacsan tahay inay usoo socdaan badda Soomaaliya. Sarreeya Guud Birhaanuu Julaa oo ah Taliyaha Ciidanka badda Itoobiya ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ku howlan tahay sidi ay u dhisasan lahayd ciidamo bad oo adag. Ciidamada badda ee ay Itoobiya dhisaneyso waxay noqon doonaan ayuu yiri kuwa tababar casri ah leh isla-markaana qalabki ugu dambeeyey ee ciidamada badda adeegsada. “Waa inaan muujinnaa sameynta siyaasadeed ee ay Itoobiya ku leedahay dhinaca badda. Waddama badan ayaa meela fogfog ka imanaya si ay badaha dariska nala ah ay saameyn ugu yeeshaan oo saldhigyo ka sameeysto. Annagu waxaan nahay waddan facweyn oo ay ku nool yihiin shacab ka badan 100 milyan. Marka ma jiri karto sabab aan bad la’aan u noqon karno” ayuu yiri. Itoobiya waxa ay sidoo kale leedahay machad lagu tababaro xirfadlayaasha badda, waxaana sanad kasta kasoo baxa 500 oo qof oo leh xirfado kala duwan, waxaana la qorsheynayaa in tiradaas la gaarsiiyo 1,000 qof. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xukumada Muuse Biixi oo Xayiraad dul-dhigtay laba Professor oo caan ka ah Dalalka lagaga hadlo Af-somaliga Xukuumada Muuse Biixi ayaa gebi ahaanba xayiraad kusoo rogtay kulan ka dhici lahaa magaalada Borama, oo ay ku qaban lahaayen labada Professor ee Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeydh, iyagoo maalmihii udambeyay kulamo kusoo qabtay qaar kamid gobolada Somaliland. Xayiraadan lagu soo rogey kulamada labadan Professor ayaa waxay kasoo baxday amarkeedu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyen ilo xog-ogaal ahi. Wasiirka ayaa amray in waraaqo loo qaybiyo hotelada Borama, kuwaasi oo ay ku qoranyihiin in aan wax shir ah ama kulana lagu qaban Hotelada iyada oo aan fasax laga haysan Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Hargeysa fadhigeedu yahay. Sida ay warbaahinta u sheegen qaban-qaabiyayaasha kulanka labadan Professor, waxa gebi ahaanba loo diiday hotelada Borama inay ka kireeyaan kulankaasi, iyaga oo ku sababeeyay inay amar dul-dhigtay xukuumada Biixi. Guddida ku howlanaa qaban-qaabada kulankan ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online, haddii xukuumada Muuse Biixi ay ka hadli weydo sababta ay kulankaasi u hor istaagtay inay warbaahinta dhawaan wax-walba la wadaagi doonan. Labadan Professor ayaa hore kulamo ugu soo qabtay qaar kamida gobolada Somaliland, iyagoo kaga hadla kulamadooda dimuquraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland. Qaran News
-
Fadeexad Uguba:Kaadiriinta Xisbiyada Mucaaridka Oo u Kala Dhuumanaya Muuse Biixi Hadh-cad Xisbiyada Mucaaridka oo markii horeba tayadooda bulshadu dhaliilaysay ayaa markale shaashadaha Ka Soo muuqday iyagoo qiimo jaban ugu kala dhuuntay Madaxweyne Muuse Biixi . Xoghayaha Xanaanada Xoolaha Xisbiga WADDANI Cali Cantar oo isagu marar badan ku dhaliilay Xubno Xisbiga WADDANI ka tirsan inay Xukuumadda u duseen ayaa isagu saaka hiirti waabari u kalahay soo dhawaynta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Imaraadka ka soo laabtay, kumuu tagin siyaasadda Xisbigiisa, waxayse u muuqata inuu qiimo jaban ugu hayaamay marxabaysiinta Madaxweyne Muuse Biixi oo aan safarkiisa bulshada u sharxin. Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse oo marka horeba Xisbigiisu darafu dawle aha ayaa isna ka socday Xisbiga UCID . Si kastaba ha ahaaye kaalintii Mucaaridnimo ayay bulshadu mudda dheertabaysay ilaa haddana ma muuqato. Qaran News
-
Abiy Ahmed iyo kacdoonkii guuleystay ee ay shucuubta Itoobiya uga taqaluseen Xisbigii TPLF oo 27 sano muquunin dalkaas ku haystay waa sanad jirsaday. Mudaddii sanadkaas ahayd waxaa dhacay is bedello badi la mahadiyey sida; nabadeynta xadka Ethio-Eritrea, sii deynta maxaabiistii siyaasadda u xirnaa, soo dhaweynta jabhadihii dibad joogga ahaa, siyaasad arrimo dibadeed oo saaxiibtinmo ku dhisan iyo bilowga hirgalinta dhaqaale xor ah! Hayeeshee, tallaabadii ugu dambeysay ee uu qaaday Raisul Wasaraha Itoobiya Abiy Ahmed waa mid TUHUN dhalinaysa iyo in dib ay sheekadu ugu laabaneyso meeshii hore (Square One) balse ay is bedeleen wajiyada uun. Maxaa dhacay? Sida ay warbaahinta dalkaas lagu xaqiijiyey Abiy Ahmed waxa uu is bedel ku sameeyey Golihiisa Wasiirada isaga oo magacaabay laba shaqsi oo udub dhexaad u ahaa kacdoonkii uu ku yimi. Labadaas shaqsi mid waa Madaxweynihii is maamulka Oromia Lemma Megersa oo uu geeyey Wasaaradda Gaashaandhigga kan kale waa Madaxweynihii ismamaulka Ahmara ee Gedu Andargachew oo uu ka dhigay Wasiirka Arrimaha Dibedda. Ujeedka labadaas shaqsi loogu magacaabay jagooyinkaas Maamulka uu hormuudka ka yahay Abiy Ahmed ee iminka majaraha u haya Itoobiya waxaa ka go’an in ay talada dalkaas si buuxda gacanta ugu dhigaan oo ay gebi’ahanba meesha ka saaraan reerka Tigreega loo yaqaan ee tirada yar balse 27 sano awoodda haystay. Taas oo jirta, Tigeeraga qolo kaliya meesha si fudud ugama saarteen oo waxaa is bahaysi DANI ku bidday ah sameystay Oromada iyo Amxaarada kuwaas oo wali isla socda! Yeelkeede, saaxiibtinimada labadaas qolo faro ayaa ku go’adan waxa ayna weydiimo saran yihiin ilaa iyo inta ay isla sidii jaan qaadi karaan! Waxaa taas tusaale u ah labada xi lee uu Abiy hadda u kala dhiibay! Oromada, siiba shaqsigii sababteeda lahaa in uu Ra’isul Wasaare noqdo Abiy Ahmed, Lemma Megersa oo ah Oromo waxa uu u dhiibay Wasaaradda Difaaca, ujeedka waa in qoymiyadaas oo boqolaal sano guumeysi iyo dacadiyo kala kulmeysay Ahxaarada iyo Tigreega oo la’isku yiraahdo ‘Abyssinian Stock” ay awood ku yeelato ciidama iyo dhammaan laamaha ammaanka! Amxaarada oo ay hadda kula jiraan is xulufeysi DANI ku bidday ah waxaa loo dhiibay Wasaaradda Arrimaha Dibadda! SAAMEYNTA AY SOOMAALIDA KU YEELAN KARTO Is beddeladan cusub ee uu Abiy Ahmed la yimi waa kuwo wata saameyntooda dhinac walba ha ahaatee, waxaa loo baahan yahay in Soomaalida ay ka feejignaadaan haddii ay ahaan lahaayeen kuwa Itoobiya ka tirsan, Jibuuti iyo Soomaaliya. Hadaan soo qaadanno Wasaaradda Difaaca ee loo dhiibay Lemma Megersa oo ah shaqsi qowmiyaddaas uga awood badan Abiy Ahmed-ka Raiusl Wasaaraha ah, ciidamada dalkaas iyo laamaha ammaanka oo ay Oromo gacanta ku dhigto waxa ay halis ku tahay Soomaalida ay dagaalada kala dhexeeyaan Oromada, Is maamulka Soomaalida waxaa looga baahan yahay in ay soo jeedaan oo aysan ku dagnaan dhagarta uga imaan karta halkaas. Dhinaca Wasaaradda Arrimaha Dibedda, caadiyan Qowmiyadda Ahxaarada waxa ay aaminsan yihiin in dhulka Soomaaliyeed ka tirsan yahay Itoobiya oo aysanba jirin wax la yiraahdo Soomaaliya! Hase yeeshee, waxaa iyadana lagama maarmaan ah in Jibuuti iyo Soomaaliya Wasaaradahooda Arrimaha Dibedda ah taas maanka ku hayyaan oo ay il dheer ku hayyaan heshiisyada ay hadda kaddib la galayaan Itoobiya! Gunaanad, Is bedeladda Itoobiya ilaa iyo hadda ka socda waa sida doon aan wali gaarin jihadi ay u socotay, dalkaas waa ka caadi in is bedel awoodeed oo qowmi ah ka dhaco balse waxaa habboon in Soomaalida ay ugu yaraan daristo oo ay la timaado istaraatiijiyad qowmi ah oo ay ugu babac dhigi karaan halis walba oo uga imaan karta. W/Q: Mohammed Kaafi Email: Muhamedkaafi@gmail.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Shirkadda DP World ee gacanta ku haysa dekadda Magaalada Berbera ayaa ka hadashay qorshe ay rabto in Alaabooyinka laga soo dejiyo dekeda Berbera ay kusii gaadhsiin laheyd Bariga Afrika. DP World ayaa sidoo kale sheegtay inay gabo-gabo ku dhowdahay daraasad ay ku wadey xarun ganacsi oo ay ku yeelan doonto magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, taasi oo dalalka Bariga Afrika loogu qeybin doono alaabta laga soo dejiyo dekada Berbera. Suhayl Al-Banna oo ah madaxa shirkada DP World ee B/dhexe iyo Afrika, ayaa sheegay in saddexda bilood ee soo socda lasoo gabo-gabeyn doono qorshaha ay ku rabaan in magaalada Diridhaba u noqoto xarunta bariga Afrika looga qeybiyo alaabooyinka dekadda Berbera laga soo dejiyo. Mr Suhayl ayaa sidoo sheegay in wax-badan laga qabtay dekadda Berbera intii ay gacanta ku haysay DP World, isagoona ka dhawaajiyey inay dekeda Berbera la doonayan inay noqoto xudunta G/Afrika wax laga soo dejiyo lagana dhoofiyo. Waxa kale oo uu sheegay Mr Suhayl in shirkada DP World ay wado daraasad ku aadan sidii la iskugu xidhi lahaa xarumaha gudaha Itoobiya iyo dekadda Berbera oo badda cas ilaa yurub iyo bariga fog isku xidheysa. Shirkada DP World ayaa u aragta haddii qorshahan uu hirgelo, mid wax-badan kusoo kordhin doono dekadda Berbera, kaasi oo saro u qaadi doona suuqa dekadda. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
PRESS RELEASE African Energy Chamber and Oil Industry Investors Welcome South Sudan Investment Drive in South Africa The Chamber believes South Sudan’s leadership also has an obligation to creating an enabling environment of investors to put more money into the country JOHANNESBURG, South Africa, April 21, 2019/ — South African and African private sector participants have an amazing opportunity to invest in South Sudans’ peace and make huge profits. This week the African Energy Chamber (https://EnergyChamber.org) will join Hon. Nhial Deng Nhial, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation and Hon. Salvatore Garang Mabiordit, Minister of Finance and Planning, South Sudan’s global investment drive is arriving in Johannesburg this week. South Sudanese Cabinet Ministers and business leaders will meet with the African Energy Chamber and other investors at the Sandton Convention Centre in Johannesburg on April 24th from 9am to 5pm, hereby closing a 4-city global investment drive that previously took them to Washington, New York and Dubai. The delegation is notably made up of Agriculture and Food Security Minister Hon. Onyoti Adigo Nyikwec, Mining Minister Hon. Gabriel Thokuj Deng, South Sudan Investment Authority Secretary General Dr. Abraham Maliet Mamer, Nilepet Managing Director Dr. Chol Thon Abel, and South Sudan Petroleum Commission Chairman Amb. Ceasar Marko. The African Energy Chamber commends Afrexim Bank for providing a $500m financing facility to fund power transmission, infrastructure and agricultural projects. We also commend President Cyril Ramaphosa and his Energy Minister the Hon. Jeff Radebe for committing 1 billion US dollars in oil and gas an infrastructure projects in South Sudan. These bankable deals should be closed quickly as it will create opportunities for both the South African and South Sudanese people. “We are hopeful that the arrival of the South Sudanese delegation to South Africa will result in even more investment deals being announced,” declared Centurion Law Group CEO and AEC Executive Chairman NJ Ayuk. “Johannesburg is the financial capital of Africa and I am bullish that we will be able to raise more money to secure and promote lasting peace and investment in South Sudan”. The Chamber believes South Sudan’s leadership also has an obligation to creating an enabling environment of investors to put more money into the country. To achieve these great benefits, South Sudan needs to safely open up new oil blocks to exploration especially to African investors. It’s time to build refineries, pipelines, urea, ammonia, fertilizer plants, power plants, large agricultural fields and set up technology hubs. Recent discussions between The African Energy Chamber, South Sudan President Salva Kiir and his cabinet agreed that Economic growth must be front and center of the peace and recovery efforts of South Sudan. The African Energy Chamber believes that securing investments is not the problem. “Investors need an enabling environment and we are spending a lot of money to help South Sudan achieve that. It is business that creates jobs and hope. Economic revival and business are the solution; not aid. Our leaders in government need to understand this. We cannot afford smallness in our drive for peace, Investment and stability when what South Sudan and most of Africa really need are big pragmatic common sense solutions” added Mr Ayuk. The AEC will proudly and vigorously support South Sudan and it’s people, but we will reject narrow agendas wherever they come from and put the country first. We call upon all of African Energy Investors and corporate leaders to do the same. The Chamber will stand squarely with those who do. As a strong partner of South Sudan’s economic revival, the African Energy Chamber encourages all partners and interested parties, especially African entrepreneurs, to attend the investment drive and seal business deals with South Sudanese public and private sector leaders who will be present at the Sandton Convention Centre in Johannesburg on April 24, 2019. Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber. View multimedia content SOURCE African Energy Chamber Qaran News
-
The United Nations has resumed making refunds for Kenya troops in Somalia with a Sh3.75 billion pay in March, boosting Treasury’s cash reserves at the end of the third quarter of the current financial year ending June. Latest document on exchequer transactions by Treasury secretary Henry Rotich shows refunds from African Union Mission to Somalia (Amisom) stood at Sh3.757 billion as of March 29. The Treasury had only received Sh10.20 million in the seven months to February for a refund meant to be paid quarterly, drawing concerns from Nairobi. The March compensation by UN represents 44.2 percent of the Sh8.5 billion the Treasury has budgeted for the current year, which has two and a half months to run. The amount released in the three quarters is Sh922.87 million less than Sh4.68 billion in the same period in 2018. Kenya is demanding more compensation this year from the UN than Sh6.1 billion it has budgeted for in the last four years. The UN has, however, been facing a record cash crunch, which its boss Antonio Guterres warned July last year would affect the delivery of its mandate if not expeditiously addressed. “Our cash flow has never been this low so early in the calendar year, and the broader trend is also concerning: we are running out of cash sooner and staying in the red longer,” Mr Guterres warned in a letter to staff, appealing to member states to timely pay their assessments in full. He also pledged austerity measures for non-staff expenditures. About 4,000 Kenyan soldiers are part of Amisom. The international community pays $1,028 (Sh103,728) for each soldier per month. Their respective governments then deduct about $200 (Sh20,180) for administrative costs, meaning the soldiers take home about $800 (Sh80,722). The soldiers receive the funds through the government. Kenya formally sent 4,660 soldiers to Somalia in October 2011 after incessant attacks and kidnapping of civilians by Al-Shabaab militants within its territory. A year later, the UN Security Council gave Kenya the green light to join the African Union Mission to Somalia, a decision that meant the Treasury would not bear the full costs of the incursion. Amisom’s soldiers are drawn from Uganda, Burundi, Djibouti, Sierra Leone and Kenya. Source: Business Daily Africa
-
(SLT-Hargaysa) Hoggaamiyeyaasha kooxaha u ololaynaya dimuqraadiyadda dalka Suudaan ayaa waxa ay wahadallo fool ka fool ah la yeesheen maamulka milateriga ee ay doonayaan in ay xilka kala wareegaan. Waxaa lagu soo warramayaa in magaalada Khartuum lagu xiray dhawr sarkaal oo sarsare oo xulafo la ah madaxweynihii hore ee dalkaasi Cumar Xasan al-Bashiir. Wadahadallada u dhexeeyo milatariga iyo kooxaha dalbanaya in maamul rayid ah lagu wareejiyo xukunka dalka ayaa ku soo dhamaaday ballanqaada ah in maalmaha soo socda la fulinayo dalabka shacabka Afhayeen u hadlay dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay cadeeyeen dalabkooda, ayna isku afgarteen in lasii wado wadahadallada, si xilwareejintu ugu dhacdo qaab nabad ah. Waxa jirtay rajo laga qabay in dabayaaqadii todobaadkan ay dallada xirfadleyaasha Suudaan oo ah kooxda hormuudka ka ahayd dibadbaxyada ay ku dhawaaqaan xukuumad isku dheelitiran, balse taasi wali ma dhicin. Waxaa sidoo kale jira warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in dhawr qof oo ka mid ah raggii ugu sarreeya dowladdii hore ee Cumar Al-Bashiir ee xukunka laga tuuray la soo xirxiray. Sidoo kale saraakiil sarsare oo ka mid ahaan jiray hay’adda sirdoonka qaranka ee dalkaasi Suudaan ayaa shaqada laga eryay. Tallaabooyinkan ayaa loo qaaday in lagu mideeyo awoodda maamulka cusub ee milatariga ah hase ahaatee sidoo kale waxay jawaab u tahay codsiyada qaar ee dibadbaxayaasha. Sidoo kale tallaabooyinka ayaa ah kuwo muhiim ah balse waxay u muuqataa in aysan soo afjari doonin dibadbaxyada isbadalka lagu dalbanayo. Arrintan ayaa imaameysa iyadoo shalay dacwad oogaha dalka Suudaan uu sheegay in uu billaabay baaritaan uu ku sameynayo madaxweynaha xilka laga tuuray ee Cumar Xasan al-Bashiir, kaasi oo loo haysto eedo ah inuu si sharci-darra ah lacago isugu kala gudiyay iyo weliba inuu haysto lacago badan oo qalaad. Guddiga la dagaalama musuqmaasuqa ee uu sameeyay goblaha milateriga ayaa sheegay in ciidammada ammaanku ay soo heleen lacago Euros, doolar iyo pound-ka Suudaan isugu jira oo wadartoodu ay ka badan tahay 130 milyan oo doolar. Lacagtaasi ayaa haatan waxaa lagu shubay Bangiga Dhexe ee dalkaasi Sudan. Al-Bashiir ayaa la dhigay xabsi kaddib markii xilka laga qaaday 9 maalmood ka hor kaddib bilooyin ay socdeen dibadbaxyo isaga loogaga soo horjeeday. Cumar Al-Bashiir ayaa xukunka dalka Suudaan heystay ku dhawaad 30, isagoo xilkaas qabtay ka dib markii afgambi aan dhiig lagu daadinin xilka looga tuuray hoggaamiyihii hore ee dalkaas Source
-
(SLT-Hargaysa) Xisbiyada Mucaaridka oo markii horeba tayadooda bulshadu dhaliilaysay ayaa markale shaashadaha Ka Soo muuqday iyagoo qiimo jaban ugu kala dhuuntay Madaxweyne Muuse Biixi . Xoghayaha Xanaanada Xoolaha Xisbiga WADDANI Cali Cantar oo isagu marar badan ku dhaliilay Xubno Xisbiga WADDANI ka tirsan inay Xukuumadda u duseen ayaa isagu saaka hiirti waabari u kalahay soo dhawaynta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Imaraadka ka soo laabtay, kumuu tagin siyaasadda Xisbigiisa, waxayse u muuqata inuu qiimo jaban ugu hayaamay marxabaysiinta Madaxweyne Muuse Biixi oo aan safarkiisa bulshada u sharxin. Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse oo marka horeba Xisbigiisu darafu dawle aha ayaa isna ka socday Xisbiga UCID . Si kastaba ha ahaaye kaalintii Mucaaridnimo ayay bulshadu mudda dheertabaysay ilaa haddana ma muuqato. Somalilandtoday/Hargaysa/Office Source
-
Bulshada Somaliland, gaar ahaan dhallinyaradu waxa ay hiil walaalnimo, mid waddaniyadeed, mid lexejeclo iyo mid nafhurnimo ah la barbar istaageen Ganacsade Axmed Cismaan Geelle horraantii bisha Abril 2019ka oo ay soo baxeen warar sheegaya in lagu oogayo dacwad ay soo xukumeen maxkamadaha Jabuuti, oo sidooda loo fulinayo. Hiilkaasi waxa uu Axmed Cismaan Geelle ku reebay raad iyo xasuus weyn. Waxa uu isu arkaa qof qaan ka mug weyn intii hore lagu leeyahay. Sidaas awgeed ayuu wakhti u siiyaa kulanka bulshada maalmahan. Booqashada aanu ku tegnay Shirkadda SBI taas ayay ku qotontaa. Waxa madarkan (shirkan) igu soo wargeliyay Garyaqaan Ayaanle Xaliye oo intii hawshu oognayd noo ahaa Guddoomiye iyo Hoggaamiye ruuxi ah, anina waxa aan casuumadda gaadhsiiyay Bare/Abwaan Axmed Yaasiin Dool. Saddex gaadhi oo ahaa bus ay wiilashu/raggu fuuleen iyo laba gaadhi oo Layla-calawi ah oo ay habluhu saarnaayeen ayaanu ahayn. Waxa aanu shidaalka kaga sii shubannay Kaah Hotel. Abbaaro 11:00 barqannimo ee Khamiistii hore 18kii Abril 2019ka, ayaanu Hargeysa ka baxnay, waxaanu maalin-badh gaadhay Deegaanka Jaleelo ee ay ku yaallaan wershadaha SBI, Lis iyo Miiran. Salaadda iyo suuliga ayaa judhii loo kala leexday. Wax yar kaddib waxa soo galay ganacsade Axmed Cismaan Geelle. Waxa aan la taagnaa laba ciyaaryahan oo waaweyn kana mid ah Xiddigaha Kubadda cagta Somaliland oo kala ah: Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) Laacibkii Naadiga Sooyaal (1998-2002) iyo Haybe Good Hurre Weeraryahankii Xulka HAWD (2011-2016). Annagu waxa aanu Axmed Cismaan Geelle is barannay sannadkii 2013ka, waxaanan isku barannay Jabuuti. Laba jeer ayaannu halkaas isku aragnay, is barannay. Wixii ka dambeeyayna xidhiidh taleefan iyo email ah ayaannu lahayn. Maadaama oo aannaan lix gu’ is arkin, bariidada kagama horraynnin, waxa aan doonayay in aan jirrabo xasuustiisa. Kaddib markii uu si guud noo bariidiyay annaga oo saddex ah, waxa uu gaar igu yidhi “Warran?” “Fiican” “Muddo dheer la isma arkin” “Waa run, 2013kii ayaa aragti inoogu dambaysay” “Haa, saw lama fiicnaa” “Maansha Allah. Waan wada joognaa, is waraysan doonnaa” Intaas ayaannu is dhaafsannay. Kaddibna waxa uu hore ugu socday soo-dhaweynta dhallinyarada aanu socdaalka isku lugta ku wada ahayn. Axmed Cismaan Geele waxa uu ka mid yahay ganacsatada guubaabiya barbaarta, wakhiga la qaata ee hiil iyo hoo’ labadaba u hura. Aragtidiisu waa mid aan laga xiise goynnin. Waa qof deggan oo hadal yaqaan ah. Laba jeer ayaan arkay isaga oo warbaahin ka hadlaya, intaas iyo is-aragga aanu yeellanay ayaan qofnimadiisa iyo codkarnimadiisa ku bartay. Waa is-aragyo kooban, laakiin wada shaqeeyay, si run ahna la isu bartay. Markii ugu dambaysay ee aan la xidhiidhaa waxa ay ahayd dabayaaqadii 2017ka oo uu ka soo wareegay Jabuuti. “Aniga oo og inaad tahay qof sharciga ixtiraama, waxa aan rejaynayaa in khilaafka oogani ku dhammaado af-garad iyo wanaag” ayaan ku idhi. Waxa aanu guda-galnay eegmada hannaanka shaqo, waxsoosaar iyo dhisme ee wershadda SBI. Qolalka iyo xafiisyada kala geddisan ayay hawl-wadeenno carbisani mid mid noo tuseen. Halkaas waxa aanu ku cabsnay sharaabka Sprite oo markaas wershadda ku jiray. Cabbitaan jiray wax ka yar hal daqiiqo ayaannu dhuunta marinnay. Waad la amakaagaysaa maalgelinta heerka sarraysa iyo in wershad noocan ahi dalka ku taallo. Waxa aanu aragnay agabka shaybaadhka ee tayada lagu hubiyo, hannaanka biyaha loo sifeeyo, sida la isugu dheellitiro iyo wax aan qof arka mooyaane, qof kale looga sheekayn karin. Waxa aanu xidhannay dharka madaxa iyo gadhka oo muhiim u ah faya-dhawrka. Ugu dambayntiiw axa aanu dhaayaha saarnay sida ay wershadda SBI u baabbiiso qashinka wershadda, kaas oo la badhxo.. Waayo haddii deegaanka lagu sii daayo waxa uu yeelan karaa waxyeello. Raggii aanu halkaas isku aragnay waxa ka mid ahaa Cabdisamed Awdaahir Sumcada oo ah qoraha buugga HADYAD JACAYL kana hawlgala SBI. Habeen ka hor ayaan ku wargeliyay in aanu berri ku booqan doonno SBI, heegan ayaanu ku jiray. Dhammaan shaqaalaha waxaan uga mahadnaqayaa milgaha ay nagu qaabbileen. Markii aanu saacad daawannay, eegnay ee aanu barannay qaybaha shaqo iyo hannaanka shaqo ee SBI ayaannu hadhimadii u nimi. Nin kastaaba wixii Alle uga qoray ayuu halkaas ka quutay. Aniga oo amateedku iga xidhnaa baa malaha ugu yaraystay, haddana laba jeer waan ku noqday. Qadada waxa nala joogay Ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo awgayo u yimi Jaleelo. Intaas kaddib waxa aanu saacad iyo dheeraad kale illaa 03:30 galabnimo soo barannay qaybaha iyo hannaanka shaqo ee Wershadda Caanaha LIS iyo Wershadda Miiran oo saarta cabbitaanka kala geddisan. Waxa aanu indhaha soo saarnay beerta wershadda oo ay ku yaallaan kumannaan kun oo geed oo saytuun ah. Intaas kaddib waxa aanu Ganacsade Axmed Cismaan Geelle ugu nimi barxad ku xigta biyo-fadhiisin beerta ku dhex yaalla. Madal la dhigay kuraasi oo la saxar-tiray bay ahayd. Judhii ayaan la booday xabbad saytuun ah. Axmed Cismaan Geelle oo kaftamaya ayaa yidhi “Siciid wuxuu iska jaray xabbad saytuun ah markiiba. Ma beer ayaad lahaydeen?”. Waxa aan ku idhi “Haa. Aw Barkhadle ayay ku taallaa”. Waana meesha aan khudradda darayga ah ku bartay. Is-barasho la isku aqoonsaday kaddib, waxa hadalkii noo furay Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, waxa uu nagu soo dhaweeyayay SBI, LIS, Miiran iyo Beerta. “Runtii dhallinyarada iyo ummadda Somaliland waxa ay i gashadeen abaal aanan gudi karin. Waan ka fekerayaa sidii aan u celin lahaa. Dhallinyaradu waa quwad u baahan in laga faaiideeyo, hannaankii iyaga oo midaysan horumarka dalka loogu jihayn lahaa ayaan is weydiinayaa. Aad baad u mahadsan tihiin”. Annaguna waxa aanu Axmed Cismaan Geelle uga mahad celinnay soo-dhaweynta, sooryada iyo maamuuska uu nagu qaabbilay. Ma jirin wax gaar ah oo nalagu majeertaa, waxa aanu metelaynnay boqollaalka, kumannaanka iyo malaayiinta da’yarta Somaliland ee geesinnimada ku garab istaagay Ganacsade Axmed Cismaan Geelle. Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, waxa uu intaas kaddib yidhi “Waad i weydiin kartaan suaal kasta oo mugdi ku jiro”. Waxaanu na siiyay warbixin hordhac ah oo waafi ah, wax keli ah kuma garatide, waxa aanu u waraysannay sida suaalaha loogu hafiyo qofka lagu marti-qaado Barnaamijka Maqal Dadkaaga. Laba saacadood iyo dheeraad 04:00-06:00 ayaanu weydiimo ku darandoorrinay. Isaguna degganaan iyo masuuliyad ayuu kaga warceliyay. Ka geyoon maayo haddii aan faalleeyo xogihii la is dhaafsaday. Ugu dambayntii waxa uu Axmed Cismaan Geelle abaalcelin u hayaa guud ahaan ummadda Somaliland, wuu u han weyn yahay, una heellan yahay. W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr Source
-
Cabdimalik muuse Coldoon waa muwaadin dalka xaq iyo xuquuq ku leh , waana nin samafale ah , dad badan oo maskiin ahna wax u qabtay ama taakuleeyay taas oo aanay weli qaban in badan oo ka mid ah siyaasiin badan oo leh damac hugaamineed ama kuwa hada xilalka haya . Xirfadiisa suxufinimo waa mid inta badan diirada lagu saaro wax dalka iyo dadka dani ugu jirto marka laga reebo inta yar ee jecel musuqa iyo maalka dadka. Sidoo kale Abdimaalik waa qof bini Aadam ah wuuna khaldami karaa , laga soo caban karaa ama wax loo sheegan karaa , balse hadii la eegayo dastuurka iyo sharciyada umaddu dhigtay waa in si sax ah wax kasta loo maraa wadadeeda iyo wakhtigeeda . Tusaale ahaan qofka cidii ka dacwoonaysaa waa in ay tagtaa maxkamad oo laga soo dacweeyaa kadibna qofka dacwadaa loo geeyaa xili macquul ah oo aan dhib loo gaysan hantidiisa , Famligiisa iyo naftiisa toona. Balse in gurigiisa loo dhaco , hantidiisa la burburiyo , naftiisana wax la yeelaa waa bahalnimo iyo qaabkii jabhadnimad , waxaana waajib ku noqonaysa qofka in uu is difaaco waa wadad keliya ee u furan. 30 sano kadib hadii aynaan sharciga dhankiisa ka korin , xaga aqoonta ka korin , Aqoonsi ku waynay , Nidaam sax ah oo bulshada inta badan raali ka noqotay dhisan waynay , Cadaalad iyo cadaalad daradu inoo kala soocnaan wayday ma garan karo halka uu inoo wado wakhtigu!. Ugu danbayn waxaan alle ka baryaaya doonta ay wada saaranyihiin 4 million oo dadkaygii dhamaan ah oo aan wada jecelahay dhamaantood , in rabi mugdiga iyo mawjadaha ka badbaadiyo . Alla mahad leh. Kayse Abdillahi Dhisaayedhisaaye122@gmail.com Source
-
Wadooyinka badan ee looga baxo Dib udhaca waxaa ka mid Laba sifo oo hadii laga hello dal kasta horumar uu gaadhi karo Siyaasi caqlibadan oo Indheergarad ah : Dalalka Dawladaha dib u dhacay waxaa horumariya ama dib u rida waa Hogaan fogaan-arag ah oo ay ka go,antahay in uu kala talaabsado dalkaa uu hogaaminaayo JAHLIGA iyo Baahida iyo Kala danbayn la,aanta ka jirta, Waa sidan sifooyinka Hogaamiyaha loo baahan yahay 1-Aqoon badan u leh nolosha waxbadan ka akhriyay qaybaha nolosha oo dhan “Joogtana u daalacda wixii cusub” ugu yaraan dhawr kun oo buug 2- Aqoon dheeraad ah u leh DIINTA Islaamka ah Uga aqoon roon Wadaadada ama la aqoon ah 3-Dhaqanka iyo Suugaanta dadkaasi leeyahay waxbadan ka yaqaan 4- Wax badan ka og Cudurada Bulshada ka dhex dhasha “Sociologists” 5-Waa inuu noqdaa guurti iyo Oday dhaqameed ah 6-Waa inuu hantiile yahay ama ka soo jeedaa qoys hanti la,aan jiray “Ina Cigaal” 7-Waa inuu Hibo u leeyahay talada iyo weliba Sida dadka loogu taliyo 8-Hadii laga helo ,Daacadnimo, Deeqsinimo,Balan Oofin, Naxariis, Dad ururin, Dad Aqoon …… Waa sifooyin fiican oo hogaamiyaha u wanaagsan Hadiise la waayo dhibaato ma jirto sifooyinkaa kaligood dal laguma taliyo Sifada labaad ee dal ku horumarkaraa ama dhibta kaga bixi karaa waa Shacab Wacyi Siyaasi ah leh “Garaad Siyaasi ah” Waxa si fiican u tilmaamay shacabka garaadkiisu hooseeyo Abwaan Hadraawi “INTUU MAANKU GAAJEYSAN YAHAY GUULI WAA WELI” Tusaale waxa inoo ah Maalmaha Doorashada ayaad dareemaysaa bulshada garaadkeeda siyaasiga ah halka uu gaadhsiisan yahay iyo waxa uu Musharax hebel ugu codaynaayo su,aasha wuu I XIGAA. Bilaahi Tawfiiq mxoosh09@gmail.com Source
-
Dhulgoosigu wuxuu ahaa dabeecad ka jirtay qaaradda Yurub waayadii Dhexe (medieval period), waxay ahayd Boqorka,maalqabenka ama mayorka ayaa lahaa dhulka dhamaan dadka kalena waxay u ahaayeen shaqaale beeraha u qoda, ama waabu kirayn jiray oo waxa ay dadka danyarta ahi beertaan ayuu sadex meelood meel qaattaa,sababtu waxa weeyaan boqorka ayaa ciidanka iyo howlihiisa ku dabaraya maadama boqorku masuul ka yahay arrimaha difaaca iyo Gashandhigga. Inta badan dhulgoosadku wuxuu ahaa qaab dhismeedka Bulshada,ama ilbaxnimada markaas jirtay hase ahaatee wuxuu sababay inay soo baxaan niman dhulkii yeeshay oo (Landlord) la yidhaa,waxana amaysmay dabaqado isku dul noolaansho ah,markii danbe waxay isu bedeshay Hantigoosi (Capitalism) waana meelaha ay ka abuurmeen kacdoonada shacabku ama isbeddel doonku (karl max ) oo ka mid ahaa dadkii soo saaray Mabda a Hantiwadaagga ayaa wuxu ku sharxay dhulgoosigu inay tahay arrin abuuraysa Isku dul nolansho iyo dhiigmiirad (explotation). Haddaba Hargeisa iyo magaloyin kale ee S/land, maanta ayuu ka jiraa dhulgoosadku, Waxanu la baxay magac kale oo la yidhaa Dhul-boob haddii aad u fiirsato hargeisa,Waxad arki kartaa niman (Landlord) ah oo dhulkii qabsaday,dadkii u dhowaa ama ehelka u ahaana ka dhigay canaasiir u difaacda dhulka,waxa laga yaabaa kan difaaca ku soo raacayaa inanu haysan hoy uu galo ama uu kiro ku jiroba,waana kii xaqa u lahaa in dhulkan wax laga siiyo, dulmi badan ayaa ka abuurmay waxayna bulshada dhexdeeda ku keentay dhibaato iyo muran,waxana jirta in xattaa laba walaalo ah ama ilmader ahi isku dilaan. Qofku wuxuu ku xisaabtanayaa inuu fadhiga ku qaatto lacag badan oo kumankun Dollar ah,oo aanu u soo dhididin meelna u soo marin,dabcan kii garabkiisa joogayna isaguna intaas in leeg ayuu rabaa oo halkii ay ka ahayd dhulka in la dego waxay isu bedeshay Ganacsi,dad badan ayaa arrimahan ku lug yeeshay oo ka mida bulshada qaybeheeda kala duwan ah, taas ayaa aburaysa Muran dhul iyo iska hor imaad. Waxa kaloo jirta in dad badan,noloshoodii ay noqotay inuu maxakamad ku sii kallaho muddo aad u dheer,wuxuuna dhaxal ahaan uga tagayaa carruurtiisa marka uu dhinto oo iyaguna isla halkii dacwadda ka sii ambaqaadaya,waxa kaloo jirta in dad badan oo hanti lahaa oo bulshada magac iyo sharaf ku dhex lahaa inay hantidoodii ku waayeen siday arrimahan ugu jireen oo ay noqdeen dad musalafay arrintaasi dhib faro badan ayay bulshada ku haysaa. Xukuumadda ayay ahayd inay dhulka iyadu lahaato,oo qofkii u bahan ay meel dejiso,dadkana sidaas ayay dantoodu ku jirtaa oo ay ku kala nabad geli karaan,hase ahaatee taasi ma jirto waxana dhulkii gacanta ku dhigay dad gaar ah oo aanay jirin sabab ay ku leeyihiin,wuxu dhufays ka dhigtay qabiil,dadkii reerkooda ahaa ee dhulka u baahnaa ayaa isagii difaacaya,lkn ma odhanayan dhulka wax naga sii aanu kula difaacnee. Xukuumaddu siyaasad cad umay dejin oo arrintan wax lagaga qabanayo,waxa fiicnan lahayd in hab loo dejiyo iyadoo loo tixraacayo diinta islaamka,waxay ahayd in suaalahani la isweydiiyo.qaabkee ayuu qofku u mari kara inuu dhul faro badan yeesho?sidee ayuu xalaal ugu noqon karaa ama ku hantiyi karaa? Iyo suaalo kaloo badan. Diinta islaamku waxay jidaysay in qofku dhulka uu sheeganayo uu ku camiro muddo sanad ah,macnaha uu ka sameeyo Beero ama dhisme,haddii aanu ku camirayn dadka kale kama laha waxana dhulka la waregaya xukuumadda. Soo jeedin 1-Waa in xukuumaddu u dejisaa Siyaasad cad qaabka dhulka qofku u yeelan karo ee anay noqon iska sheego uun iyo waan qabsaday. 2-Waa in cashuur qaali ah la saaraa qofka dhul sheegta si uu faraha ugaga gubto oo uu uga cararo,ama uu deg deg u dhiso. 3-Waa in laga wacyi geliyaa dadka oo loo sheegaa Diin ahaan inay xaaran tahay in qofku dhul aanu lahayn iska sheegto oo uu dadkii degi lahaa ee masaakiinta ahaa ka horjoogsado inuu naar ku mutaysan doono. 4-waa in dadka laga wacyigeliyaa inanay noloshu dad ahaan iyo dal ahaanba ku hagaagayn in dhulka la boobo oo ay ka haboontahay in qofka dhul rabaa sifo xalaal ah ku raadsado. 5-In dadka dhalinyarta ah ee loo adegsanayo dhulboobka ee balwadaha dhex muquurtay,lala raadiyo shaqo abuur iyo mustaqbal wanaagsan. Rashiid Odowaa khadarsalaan@gmail.com 063-4101213 Source
-
Ku , Maxamed Xasan Siciid Maxamed ( Sali-dhige) . Marka ugu horaysa iga gudoon duco iyo Alle barri aan rabigeen ,ilaaha isaga mooyee aanu ilaah kale oo xaq laggu cabaadaa aanu jirin , ilaha Cadaaladda badan , Cadaaladda jecel ee inagu amray in aynu Cadaalad samayno , aan kuu waydiinayo , Danbi dhaaf ,Naxariis iyo raxmadiisa waasaca ah. Saaxiibkayoow , waxaynu ahayn saaxiib , Isku jaamacad ayaynu ahayn , isku fasal baynu ahayn , afarsanadood ayaynu jidkaas soo wada maray . in badan baynu sheekaysanay , wax wada faalaynay oo aynu iska war qabnay. Waayihii aad soo martay ee xanuunka badnaa , wixii hawl culus kusoo food saartay , wixii dhib iyo imtixaan kusoo maray waan ogaa oo waynu iska war haynay . Wax kasta oo aad soo martayba maanta waad nagga guurtay, waxaad u guurtay gurigaagii dhabta ahaa , dibna halkan uguma soo noqon doontid .waxaad marti iyo magan u tahay ilaahay , ilaahay baad gacantiisa ku jirtaa , cid danbe oo aan isaga ahaynina arrintaad ma geli doonto . Saaxib adiga maanta kuu ooyi maayo , waayo Aduunyadii iyo waayaheedii waad ka hayaantay ,waxaanad gaadhay Cadaaladii Rabi, aniga ayaase ooyaya maxaa yeelay Aduunyadii aad ogayd ayaan joogaa . Nabadgelyo iyo Naxariista eebe oo waasaac ah . W/Q:Ahmed Nuur Guruje Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mudooyinkii udambeeyay waday qorshe uu ku doonayo inuu waqti kororsi ku sameysto. Madaxweyne Farmaajo ayaa habeenadii la soo dhaafay kulamo gaar-gaar ah la yeelanayey odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaanada Beelaha ku matala Golaha Shacabka, isagoona ku qancinayey inuu sameysto muddo kororsi. Madaxweynaha ayaa dadaal badan ugu jira sidii uu taageero ugu heli lahaa qorshe dowladdiisa ku dooneyso muddo kororsi, iyadoo muddo xileedkiisa uu ka dhiman yahay 20 bilood. Haddaba, Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay qorshahan uu Madaxweyne Farmaajo ku doonayo inuu waqti kororsi ku sameysto, isagoona sheegay inuu kasoo horjeedo qorshahaasi oo uusan marnaba dan u aheyn nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo midka xasilooniyadeedba. Yuuruf Garaad Cumar, ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu arrintas kaga hadlayo, wuxuuna ku yiri: “Sida aan uga soo horjeedo Dowlad aan xilligii loo doortay dhammaan in la isku dayo in Madaxweynaheeda la maja xaabiyo oo laga rito kursiga, si le’eg ayaan uga soo horjeedaa marka Dowlad wakhtigeedu dhammaadaanayo in ay isku daydo in ay kororsato ama ay ulakac uga baaqsato qabanqaabada doorasho si ay isaga sii joogto. Labada arrimood midna dan uma ahan nidaamkeenna siyaasadeed, is aamminaadda iyo xasilloonida”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com