Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka deegaanka beeraha iyo waraabka Puntlans Ismaaciil Diiriye Gamadiid oo maanta waraysi gaar ah siiyay warsidaha Puntlandi.com ayaa waxa uu kahadlay kormeer uu ku marayo [...] Source
  2. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee M/Muqdisho. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku sii jeeda magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya. Xubno ka tirsan golayaasha dowladda ayaa Madaxweyne Farmaajo ku wehlinaya socdaalkaasi. Lama shaacin waxa uu salka ku hayo safarkan, balse Madaxweynaha ayaa la sheegay in kulamo gaar gaar ah uu la qaadan doono madaxda sare ee dalkaasi. Masar ayaa ka mid ah dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, iyadoona dhinacyo dhowr ah ka taageerto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
  3. Xamar Jajab (SMN) – Cudurkan loo yaqaano Daacuun Caloolaha ayaa ka dilaacay xaafado ka tirsan degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir. Ruqiyo Nuur Cali oo ka mid ah dadka ku nool xaafadda Buulo Gaal Jecel ee degmadaasi ayaa Shabelle u xaqiijisay in uu cudurkan soo ritay illaa sadex caruur ah oo haatan la’il daran xanuunka Daacuun Caloolaha. Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir ayey ka dalbatay in ay wax ka qabtaan Qashin ay sheegtay in uu dhex ceegaago xaafadaasi. Sidoo kale waxa ay Ruqiyo intaasi ku dartay in ay baqdin xoog leh ka qabaan in uu sii faafo cudurkani, madaama nadaafad darro baahsan ay ka jirto halkaasi. Inta badan marka la gaaro xilliyada kuleelaha ayaa waxaa gudaha Soomaaliya ka dilaaca cuduro uu ka mid yahay Shuban Biyoodka. View the full article
  4. Baladweyne (SMN) – Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle oo ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare,ku xigeenkiisa Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ku dhaliilay in ay wax ka qaban la’yihiin dhibaatooyinka dhanka nolosha ah i o mid amni ee haatan ka taagan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Xildhibaan Duniyo Daahir Dhicisow iyo Xildhibaan Tariik Ibraahim Axmed oo si wadajir ah Warbaahinta ula hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Madaxda sare ee HirShabelle aanu waxba u qaban dadka degan gobolladaasi, tan iyo markii loo doortay hoggaanka mamulkaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in ay indhaha ka laabteen dhibaatooyinka haatan ka jira guud ahaan dowlad goboleedka HirShabelle. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli xaalado daran oo dhinac nolosha ah ay ka taagan yihiin deegaano ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe ee maamulkaasi. View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan dalka Masar. Ilo ka tirsan waaxda Warfaafinta Madaxtooyada ayaa Shabelle u xaqiijiyay safarka uu Madaxweynaha ku tagayo dalkaasi. Xubno ka mid ah golayaasha dowladda ayaa la sheegay in Madaxweynaha ay ku wehlinayaan socdaalkaasi. Lama shaacin u jeedada rasmiga ah ee ka dambeysa booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Qaahira. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaga sii horreeyay Masar, kaas oo kulamo la qaatay madax ka tirsan dalkaasi. Masar ayaa ka mid ah dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, iyadoona ka taageerto dhinacyo dhowr ah. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu saxiixay heshiis Wasaaradu ay ku wareejisay 7-gaari oo looga talagalay howlawadeenada canshuuraha gobolka Banaadir, Dowlad goboleedyada Koofur galbeed iyo Hirshabeelle. Waxaanna madashii lagu saxiixayay goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow), ku-xigeenkiisa Maaliyadda iyo Wasiiradda Maaliyadda Dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo furayaasha gawaarida ku wareejiyay mas’uuliyiinta Dowlad goboleedka iyo gobolka Banaadir ayaa sheegay in Dowlad goboleedyada harayna ay ku wareejin doonaan gaadiid loo qoondeeyay oo diyaarsan ujeedkuna yahay xoojinta Hay’adaha canshuuraha heer gobol. Wasiirka Maaliyadda Maamulka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle oo ku hadlayay Afka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda Maaliyadda Gaadiidkani looga talagalay canshuur qaadista. Gaadiidkani ayaa qeyb ka ah dadaalo ay ku doonayso Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku horumariso Hay’adaha Maaliyadda ee heer gobol si loo gaaro isku filnaan ku dhisan iskaashi. View the full article
  7. Qaahira (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa kulan la qaatay Ra’iisal wasaaraha dalkaas Mustafa Madbuuli, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka Dawladaha Soomaaliya iyo Masar. Madbuuli waxa uu bogaadiyey dadaalada dib u kabashada ah ee Soomaaliya ay samaysay sanadihii dambe, waxaana uu balan qaaday inay sii wadayaan taageerada ay siinayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Mudane Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya waxa uu sidoo kale shir guddoomiyey kulanka wasiirada arrimaha dibadda dalalka Jaaamacadda Carabta oo looga hadlay qadiyadda Falastiin iyo xaaladaha wadamada ururka ku jira. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Halkan Hoose ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos Riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-22042019-we.mp3 View the full article
  9. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa go’aamiyay in dacwadda wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon lagu qaado Maxkamadda gobolka maroodi-jeex sida uu ii sheegay garyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil oo u doodaya. Maxkmadda gobolka maroodi-jeex ayaa hore u diiday in ay dhagaysato dacwadda Coldoon, iyadoo ku doodaysa in lagu celiyo Maxkamadaha Burco oo ah halka laga soo qabtay. Xeer ilaalinta iyo Booliska ayaa ka codsaday Maxkabadda sare in Hargeysa lagu qaado dacwaddan sababo ammaan Aw-geed. Source
  10. Magaalada Nayroobi gaar ahaan Hotelka Pan Afrika waxa uu shir uga furmay maanta Xidibaano ka tirsan labada aqal ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin xilal kala duwan [...] Source
  11. A Somali soldier holds a machine gun during a patrol in the streets of Merka, 90kms north of Mogadishu, on September 2, [...] Source
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qiray inay Dowladiisa wajaheyso Xaalad dhaqaale xumo kadib laba sano oo uu dalka Madaxweyne ka ahaa. Madaxweynaha oo ka hadlayey Caqabadaha hor taagan Dowladdiisa ayaa soo bandhigay qodobo badan oo ay kamid aheyd dhaqaale xume, Siyaasiyiin dowladda ku kacsan iyo faragelin dhanka Beesha Caalamka. Isagoo ka hadlayay shirka Culimada ayaa sheegay in dhaqaale xumada heysata dowladnimada ay tahay canshuuraha oo aan loo qaadin sidii la rabay. “Waxaa intaas ugu daran dhaqaale xumo baahsan ayaa dowladda heysata, wax kale ma ahan aruurinta canshuuraha ayaa sidii la rabay aheyn”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Hadalka Madaxweynaha ayaa dood badan dhalisay maadaama ay kusoo aaday xilli Ra’isulwasaare Kheyre iyo Wasiirka Maaliyadda ay isku raaceyn in sare loo qaaday Dhaqaalaha dalka isla markaasna horumar laga sameeyey Dhakhli uruurinta Gudaha dalka. Dadka Falanqeeyo Arrimaha Dhaqaalaha ayaa aaminsan in dhaqaale xumada soo wajahday Dowladda uu hoggaamiye Madaxweyne Farmaajo ay sabab u tahay dowlado badan oo Soomaaliya ka joojiyey caawinaadii dhaqaale oo ay siin jireyn. Sababta keentay inay dowlado badan joojiyaan Caawinaadda dhaqaale ee Soomaaliya siin jireen ayaa lagu micneeyey tallaabooyinkii u dambeeyay ee dowladdu qaaday ee la xiriiray siyaasadda Arrimaha dibadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waraysi uu siiyay warsidaha Puntlandi.com waxa uu kaga hadlay qorshaha amniga magaalada Bosaaso iyo [...] Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qaabilaya Odayaal Ka Qayb-galay Doorashadii Maamulka Puntland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Dood Xasaasi Ah Oo Ku Saabsan Wada-hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Xalay Lagu Qabtay Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay haysato dhaqaale la,aan si ay ula sii dagaalamaan Ururka Argagixisada Al-shabaab . Farmaajo ayaa sheegay [...] Source
  17. Nairobi (Caasimadda Online) – Kulan magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ku yeeshay hugaanka sare ee Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira ayaa dib u balaarin ku sameeyay xubnaha Xisbiga. Xubnaha cusub ee ku soo biiray Xisbiga ayaa waxaa isugu jiraan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka hada jira, Xildhibaano hore iyo xubno dhalinyaro ah. Xisbigan oo saddex xubnood kaliya laga yaqaanay, kana dhex muuqdeen sanadihii u dambeeyay ayaa haatan is bedel lagu sameeyay, iyadoo la kordhiyay xubnaha Golaha Fulinta. Kamaal Daahir Gutaale oo ahaa Guddoomiyihii Xisbiga Wadajir ayaa xilka laga qaaday, iyadoona Guddoomiye loo magacaabay Saciid Cabdi Muuse Baalle. Halka Guddoomiye kuxigeenka Xisbigana loo magacaabay Sayid Cali Macalin Cabdulle oo horay u ahaa Xoghayaha Guud Xisbiga. C/fataax Ibraahim Geesey oo ah Xildhibaan iyo Wasiir hore ayaa loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Xisbiga, halka C/weli Ibraahim Garyare uu yahay Kuxigeenka Xoghayaha Guud. Isbedelkaan lagu sameeyay hugaanka Xisbiga WadaJir ayaa u muuqda mid ka duwan hanaankii uu horay u dhisnaa Xisbiga oo hugaankiisu Sedax xubnood oo kaliya ku koobnaa. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  18. The United Nations has resumed making refunds for Kenya troops in Somalia with a Sh3.75 billion pay in March, boosting Treasury’s cash reserves at the end of the third quarter of the current financial year ending June. Latest document on exchequer transactions by Treasury secretary Henry Rotich shows refunds from African Union Mission to Somalia (Amisom) stood at Sh3.757 billion as of March 29. The Treasury had only received Sh10.20 million in the seven months to February for a refund meant to be paid quarterly, drawing concerns from Nairobi. The March compensation by UN represents 44.2 percent of the Sh8.5 billion the Treasury has budgeted for the current year, which has two and a half months to run. The amount released in the three quarters is Sh922.87 million less than Sh4.68 billion in the same period in 2018. Kenya is demanding more compensation this year from the UN than Sh6.1 billion it has budgeted for in the last four years. The UN has, however, been facing a record cash crunch, which its boss Antonio Guterres warned July last year would affect the delivery of its mandate if not expeditiously addressed. “Our cash flow has never been this low so early in the calendar year, and the broader trend is also concerning: we are running out of cash sooner and staying in the red longer,” Mr Guterres warned in a letter to staff, appealing to member states to timely pay their assessments in full. He also pledged austerity measures for non-staff expenditures. About 4,000 Kenyan soldiers are part of Amisom. The international community pays $1,028 (Sh103,728) for each soldier per month. Their respective governments then deduct about $200 (Sh20,180) for administrative costs, meaning the soldiers take home about $800 (Sh80,722). The soldiers receive the funds through the government. Kenya formally sent 4,660 soldiers to Somalia in October 2011 after incessant attacks and kidnapping of civilians by Al-Shabaab militants within its territory. A year later, the UN Security Council gave Kenya the green light to join the African Union Mission to Somalia, a decision that meant the Treasury would not bear the full costs of the incursion. Amisom’s soldiers are drawn from Uganda, Burundi, Djibouti, Sierra Leone and Kenya. View the full article
  19. Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu shir uga soconayo xubno siyaasiin ah oo mucaarad ku ah dowlada Soomaaliya. Shirkaasi ayaa waxaa goobjoog siyaasiin xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya xildhibaano labada gole ee Baarlamaanka katirsan. Waxaa shirkaasi ku sugan Cabdiraxmaan CabdiShakuur higaamiyaha xibsiga Wadajir ,Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur. Siyaasiinta ayaa ka shiraya xaaladaha dalka Soonaaliya iyaga oo gaba gabada sshirkoodasoo saari doobo warsaxaafadeed ku saabsan waxa ay ka wada hadleen. Sidoo kale magaalada Nairobi wwaxaaku sugan qaar kamid mmadaxdamaamul Goboleedyada dalka sida madaxweyne Dani Xaaf iyo Axmed Madoobe. Puntland Post The post Siyaasiin mucaarad ah oo shir uga soconayo Nairobi appeared first on Puntland Post.
  20. HirShabelle State has launched the second phase of its police recruitment programme with the enlisting of 200 youths from Hiran region. The exercise was conducted in Beletweyne by Somali Police Force and African Union Mission in Somalia (AMISOM) officers. “We have a very good number of recruits, most important, we have a good percentage of women and they will be going in for medical checkups and other tests conducted by AMISOM Police,” said Superintendent of Police (SP) Philemon Dantim, AMISOM Police Team leader in Beletweyne. Of the 200 youths recruited, 125 are from Hiran region, while the remaining 75 came from Middle Shabelle region. HirShabelle State plans to recruit 800 police officers under a grand programme supported AMISOM, European Union and the UK Department for International Development. The current recruitment comes two months after the graduation of the first batch of police recruits who have since been deployed to various parts of HirShabelle to maintain law and order. SP Dantim noted that the recruitment and training exercise was aimed at establishing a strong police force capable of securing the region once AMISOM exits. Hiran Police Commander, Isak Ali Abdulle, said the recruits were selected not only on the basis of clan and regional representation but also on merit. “The recruits comprise both male and female. They were selected based on their merit. We allowed the clans to share the numbers so that we establish real federal police and not one from a particular clan,” said Mr. Abdulle. The youths were recruited from the districts of Belet Weyne, Mataban, and Mahas. Recruitment from other districts, mainly Bula-burde and Mataban, is planned for the 24th and 25th of this month. The recruits expressed their joy in joining the police force, saying they were ready for the three-month intensive training to be conducted by AMISOM officers. “I am pleased to be one of the new police recruits for HirShabelle State. [I am ready] to serve my region and apply what I learned so as to develop the state,” said Nasro Mohamed Elmi. Her sentiments were echoed by Urur Abdulle Mumin who said he will use his skills and education experience to contribute to the development of HirShabelle. Their colleague Yusuf Muhumed Mohamed added that it will be an honour to serve his community as a police officer. “The reason why I decided to join the police is due to the need for this region to have a trained police force that will effectively serve the community and meet needs of the residents,” said Mr. Mohamed. View the full article
  21. Magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland waxaa maanta ka furmay kulan looga hadlayey wada shaqaynta wasaaradda qorshaynta iyo Hay’adaha caalamiga ah. Kulanka ayaa waxaa ka [...] Source
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay, Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Madaxda qaar ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ayaa shir uga furmay magaalada Nairobi. Shirkaan oo ka socda Hotelka Pan Afrika ayaa waxaa looga hadlayaa xaalada Siyaasadeed ee dalka uu xilligaan marayo,waxaana Xubnaha ugu caansan ee shirkaas ka dhex muuqday uu ka mid yahay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame. Sidoo kale waxaa shirkaasi goobjoog ka ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax siciid Juxa, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur. Shirka ayaa inta uu socdo waxaa ay isla gorfeyn doonaan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo nidaamka ay dalka ku maamuleyso dowladda Federaalka uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyada oo geba-gabada laga soo saari doono War-murtiyeed. Shirkan ay leeyihiin Siyaasiyiinta ayaa ku soo beegmaya, iyadoo magaalada Nairobi ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, iyagoo wakiilada Beesha Caalamka kala hadlaya arrimaha Soomaaliya iyo sidii taageero gaar ah loo siin lahaa maamuladooda, halkii horay loogu soo marsiin jiray dowladda Federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Weerarkii lagu qaadey Dhowr Kaniisadood iyo Hotelo ku yaal Dalka Sri lanka maalinkii Axada ayaa waxaa ku naf waayay ku dhowaad 300 oo Qof. Hotelada [...] Source
  24. At least two civilians were reported to have been injured in an explosion in Mogadishu, the Somali capital on Monday morning. Eyewitnesses said the blast has resulted from an explosive device fitted to a vehicle that went off while passing the busy Tarabunka junction in the capital’s Hodon district. The wounded have been taken hospital for treatment, according the souraces. There was no immediate claim of responsibility for the bombing, but, police blamed Al-Shabaab for orchestrating the attack which was the latest in a series of insecurity incidents in the seaside city. View the full article
  25. Somaaliland, “Raqay Ninkii Lahaa Dabada Haysto Ma Kacdo Ayaa La Yidhaahdaa!” Qaybta 3aad – Qiimo Dhaca Dalka iyo Dadka Marka Qaranka Loo Agaasimo Sidii Qoys Qalinkii Xassan Cumar Hoorri Laba sano ayaa laga joogaa curashada colaaddii ka dhex aloosantay Gacanka Carbeed. Loollanka siyaasadeed ee Imaaraatka iyo Sacuudiga oo dhinac ka soo wada jeeda iyo dalalka Qadar iyo Turkiga oo lid ku ah, waxaa uu dab ku sii qabtay dogobyadii ka holcayay Somaaliya. Dhimbilahu, waxaa ay soo gaadheen Geeska Afrika. Suudaan, 5tii June 2017, waxaa ay la safatay Xulufada Sacuudiga. Somaaliland waxaa ay ku biirtay 10kii June, Eretriya 12kii June iyo Jabuuti 14kii June. Balse, dalalka Itoobiya iyo Somaaliya waxaa ay ku adkaysteen in ay dhex ka ahaadaan gulufka Khaliijka. Marka lagu xisaabtamo sayladda xoolaheenna nool, lana tixgeliyo dadkeenna faraha badan ee ku nool Imaaraatka iyo Sacuudiga, waxaa aan ku tollan nahay in aan taageerno Xulufada Sacuudiga. Ku dar, magaalada Dubai oo saldhigga u ah ganacsiga dalkeenna. Somaaliland waxaa ay asiibtay danteedii. Se, waxaa isweydiin mudan waxii aan kaga bedelannay Xulufada. Weliba, innagoo ugu sii darnay Deked Istraatiiji ah, Gego dheer iyo Saldhig Ciidan oo intuba is kor barkan marsada Berbera. Warbixin uu soo saaray, Machadka Xidhiidhka Caalamiga ee Netherland “Clingendael”, April 2018, waxaa ku soo aroortay, dalalka Khaliijko, in ay geliyeen Geeska Afrika lacag ka badan $13 Billion, mudadii u dhexaysay 2014-2017. Deeqahaas, haba yaraatee, waxba kama soo gaadhin dalkeennu . Waxaana innaga reebay maqnaanshaha siyaasad cad iyo aqoon qotto dheer oo aan wax kula qaybsan karno asaageen. Mar kale, Somaaliland waxaa ay ka gaabisay in ay badeecadeeda ku goosato qiimahii ay mudnayd. Runtii, Qiimo dhaca waxaa keenay taladii oo ku soo ururtay gacmo kooban iyo QARANKII oo loo agaasimay sidii QOYS (Qabiil). Xukuumadahii kala danbeeyay, ayaa ahaa kuwo aan u sahan tegin QARAN, iyo kuwo aan u talo badsan heshiisyadii ay la galeen shisheeyaha. Isla markaa, waxaa meesha ka maqnaa baqdin ay ka qabeen QARAN la xisaabtama. Nasiiib-xumo, ilaa haddana, isla giraantii ayaa wareegaysa. Sidaa awgeed, waxaa aan kor ka xaadinayaa sida weyn ee dalalka Geesku uga faa’iidaysteen heshiisyadii Khaliijka. Suudaan: Si ay ugu biirto Xulufada Sacuudiga, waxaa ay cawda u gooysay xidhiidhkii dalka Iiraan. Tallaabadaa, waxaa ay ku mutaysatay ($5 Billion) in uu ku abaal-mariyo Sacuudigu. Isla markaa, waxaa ay ciidan u daabushay Isbahaysiga Gacanka ee ka dagaalamayay Yamen. Madaxweyne Bashir, intaa kuma uu joogsan. Mar kale, December 2017, waxaa uu Khartoum ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, kaasoo la safnaa Xulufada Qadar. Waxaana uu Turkiga iyo Qadar ku wareejiyay Jaziiradda Suakin si looga dhiso deked casri ah. Saukin oo laga difaaci jiray dhulkii barakaysnaa ee Xijaaz, (Makkah iyo Madiina) waxaa gacanta ku hayn jiray Cismaaniyiinta Turkiga (1555-1865). March 2018, Al Bashiir, waxaa uu afar bilyan ($4 Billion) ku faasaxay dekeddii Saukin. Saamiga waxaa loo kala qaybsaday 51% Suudaan iyo 49% Qadar. Sidaa ayuu ahaa halbeegga caalami ee ay wax ku qaybsadaan hantiilaha dhulka iyo maalgeliyahu. Taasoo ka duwan 30%ka Somaaliland kaga soo hagaagay Dekedda Berbera. Ogow, Dekedda Jabuutina waxaa loo kala leeyahay 66% Jabuuti iyo 34%, DP World. Cumar Al Bashir, waxaa kaloo uu ku dhiirraday in uu isku maalo dawladihii dirirto ka dhexaysay. Isla March, waxaa uu ka helay Imaraatku Carabta deeq lacageed oo dhan hal bilyan iyo afar boqol oo milyan ($1.4 Billion) si loogu agaasimo qiimo-dhac sarrif iyo sicir barar ka taagnaa dalkiisa. Shirkadda Ozturk ee Turkiga ayaa iyana amaahisay deyn muddo dheer lagu bixinayo oo dhan labo bilyan ($2 bilyan). Isla markaa, Sacuudiga oo aan ka maqnayn tartanka ayaa u oggolaaday in uu ka haqabtiro shidaal aad u jaban, oo lagu bixinayo muddo dheer. Jabuuti: Dalku waxaa uu ku yaallaa buqcad istraatiiji ah oo u muuqata marinka Bab el Mandab ee isku xidha biyaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, ilaa uu ku shubayo Gacan Biyoodka Suez ee Masar. Jabuuti, iyadoo ay ku hareeraysan yahiin dalal ay ragaadisay colaaddu, sida Somaaliya, Eretriya iyo Yamen, waxaa loogu xillanayaa nabadgelyada iyo xasilloonida ka jirta. Tirada yar ee dadka, dhulkuna uu ka sii yar yahay, waxaa u sii dheer, dalka oo sabool ka ah khayraad dabiici ah. Hase yeeshee, Madaxweyne Geelle, si xeeldheer ayuu u maareeyay badweyntiisa. Waxaana uu ku kulmiyay saldhigyo dalal aan isu san bannaaneyn, sida, Maraykan, Shiine, Faransiis, Jabaan, Talyaani, Jarmal, Isbayn iyo Sacuudi. Meesha, waxaaa aan ka maqnayn Itoobiya oo dekedaha casriga ah uga adeegta 100ka milyan ee dadkeeda iyadoo laga dhoofiyo ama laga soo dejiyo 95% baahidooda. Shiinahu, waxaa uu geliyay Jabuuti maalgashi gaadhaya ilaa ($9 Billion) oo isugu jira dhismaha Dekedda casriga ah ee Dooraleh, Xarunta Suuqa Xorta ah ee ugu weyn Afrika ($4 Billion), Tareenka Korontada ee Jabuuti/Addis Ababa ($3.5 Billion), iyo Mashruuca Biyaha Itoobiya/Jabuuti ($300 million). Dhinaca kale, waxaa dekedda uga soo xerooda ($1-2 Billion) sannadkii. Kirada saldhigyadana, waxaa aan ka xusayaa Shiinaha ($100 Million), Maraykanka ($70 Million) iyo Faransiiska ($30 Million) sannadkiiba. Haddaba, innagoo soo aragnay qiimaha dekedaha deriska, Somaaliland immisa ayay ku dheeftay Dekedeeda? Sida uu warbaahinta ka sheegay Wasiirka Maaliyadda ee Somaaliland, Dr. Sacad Cali Shire, Dekadda Berbera waxaa ay ku kiraysan tahay $5 Million oo qudha, sannadkiiba. Dr. Sacad, waxaa uu ku ladhay, xukuumaddii hore in ay sii qadimatay kiradii 2018/2019! Hase yeeshee, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi ayaa madal ku beeneeyay warbixintii Dr. Sacad isagoo ku tiraabay kirada ay sii qaddimteen in ay ku koobnayd sannadahii ay xilka haysay xukuumaddii hore. Sidaa awgeed, miyaanay fadeexad ahayn in Dekeddii Berbera lagu xaraashay faro-guudkood? Balse, maxay tahay ceebta ka weyn in shacabka hortiisa laga qirto sida loogu takrifalay hantidii ummadda taasoo aan gelin miisaaniyadda qaranka, kuna bixin sifo sharci ah? Maxaase lagu daadifayn karaa qormadaydan tibaaxaysa in QARANKII loo agaasimay sidii QOYS? Waxaa dhici karta, dadka qaarkood in ay ku doodaan, aqoonsi la’aanta dalkeennu in ay keentay qiimo dhaca dalkeenna. Kuwaa, haddii ay ku qancayaan waxaa aan ugu warcelinayaa in ay milicsadaan warbixinta hoose oo biyo kama dhibcaan ah. Ha ila dhigteen sida Eretriya u maaraysay deked iyo saldhig ay heshiis ku la gashay Xulufada Khaliijka, xilli ay go’doon dhab ah kaga jirtay caalamka, isla markaana, ay ka maqaam hooseysay Somaaliland. Eretriya: Waxaa ay ka go’day Itoobiya 1991. Waxaana loo aqoonsaday dal madax bannaan. Balse, waxaa ay lumisay aqoonsigii bulshada caalmka, markii lagu eedeeyay in ay dagaallo daandaansi ah la gashay Yamen, Itoobiya iyo Jabuuti. Sidoo kale, in ay gacansaar la lahayd argagaxisada Al Shabaab, markaana ay farogelin mileteri ku sameysay Somaaliya si ay u dumiso xukuumad, waagaa, loo yagleelay. Haddaba, 23/12/2009, Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, waxaa ka soo baxay Go’aan Tirsi 1907 kaasoo Eretriya lagu saaray cunaqabatayn dhinaca hubka, xakamayn dhaqdhaqaaqa madaxda dalka iyo xayiraad hantida xukuumadda iyo madaxda qaranka. Tan iyo waagaa, Eretriya, waxaa ay ku sugnayd, duruufo aad u qalafsan iyo go’doomin ay iska kaashadeen dalalka derisku, iyo Ururada caalamka sida Urur Goboleedka IGAD, Ururka Midowga Afrika (AU), iyo Ururka Qaramada Midoobay (UN). Waxaana si qorshaysan la isaga hortaagay la dhaqanka adduunka ee dhinacyada diblomaasi, dhaqaale iyo ganacsi. Ugu danbeyntii, Eretriya oo col la ahayd Jabuuti, waxaa ay ka faa’iidaysatay muran soo kala dhex galay Imaaraatka Carabta iyo Jabuuti. Madaxweyne Isaias Afewerki waxaa uu la kulmay Boqorka Sacuudiga, 29kii April, 2015, isla maalintaa oo ciidamada Imaraatka laga eryay Jabuuti. Sida uu u qorshaystay, waxaa uu qalinka ku duugay iskaashi dhexmara dalkiisa iyo dalalka Gacanka. Waxaa uu ku xisaabtamayay qiimaha adeegyada uu u fidinayo Xulafada iyo godobta dalkiisu uu ku mudan karo. Afewerki waxaa uu si weyn uga baaraan-degay in uu heshiiska ku dheefo dhammaan baahida dalkiisa. Nasiib wanaag, durba, wada hadaladii, waxaa uu ku jebiyay qufulkii saarnaa dalkiisa. Heshiiskii Afawerki uu Jiddah kula saxiixday dalalka Gacanka, waxaa uu suurta geliyay in, July 2018, la soo afjaro colaaddii Itoobiya iyo Eretriya ee soo jiitamaysay 20 sannadood, taasoo sababtay dhimashada 100,000, iyo qaxa ama barakaca dhowr milyan oo qof. Xulufada ayaa dhexdhexaadisay labada dal, isla markaana, ku deeqday maalgashi lexaad leh oo lagu furdaamiyo colaadda labada dal. Ka sokow, horumarinta dalkii, kabista miisaaniyaddii, dhismaha dekedahii, garoomadii iyo kaabayaasha dhaqaalaha, Madaxweyne Afawerki, wada xaajoodkii, waxaa uu ka dheefay nabad taam ah, la soo noqoshada dhulkii iyo dadkii (2 milyan) ay ka haysatay Itoobiya, 20 sannadood. Waxaa laga qaaday cunaqabatayntii adduunku saaray tan iyo 2009. Waxaana la filayaa, dhowaan, dekadaha dalka in uu uga soo xeeroodo dhaqaale balladhan iyagoo Itoobiya kula heshiiyay in ay adeegsadaan dekedaheeda. Runtii, Eretriya oo ku jirtay xayiraad caalami ah oo ka hortaagnayd in ay la macaamisho adduunka, waxaa ay ku hanatay heshiiskii, wax kastoo ka maqnaa. Hase ahaatee, Somaaliland oo haysatay madax-bannaani (De Facto State) u jidaynaysay in ay heshiisyo buuxa la geli karto dalalka, shirkadaha iyo hay’adaha caalamka, waxba kuma ay dheefin heshiiskii dalalka Gacanka. Mana ay jirin wax kaga gudbanaa in ay dunida la gasho heshiisyo u qalma, aan ka hayn aragtideenna dhow iyo hankeenna gaaban. Itoobiya: Dalkaa oo dhaqaalahiisu aad u xidhxidhan yahay, dimuqraadiyadiisu aad u kooban tahay, nabadduna ciirciirayso, waxaa Xulufada Sacuudigu dhexdhexaadisay in uu Dekedda Berbera ku yeesho saami dhan 19%. Isla markaa, sannadahan danbe, waxaa uu ka helay dalalka khaliijku kaalmo gaadhaysa lix bilyan iyo laba boqol oo milyan ($6.2 Billion). Waxaana ugu danbeeyay 3.0 bilyan oo dollar ($3 Billion) oo ay ugu deeqday Imaaraatka Carabtu, June 2018. Ayaan-darro, dekeddii, garoonkii iyo saldhiggii ciidan waxaa ay innoo jareen daleel. Isku soo xoori, haddii aan talada hareeraha laga wada joogin; haddii aan indheer-garadku mayalka u qaban qorshaha, sahanka iyo geeddiga QARAN; haddii aan la helin aragti QARAN oo loo dhan yahay; alaylahe agaasinka QOYS, ma uu deeqi karo QARAN. “Nin anbaday halkuu aaday, way ula ekoonayde, Anigoo arkaayaan waddadii, eerigoo maraye.” Abwaan Axmed Dirir Somaaliland, “Raqay Ninkii Lahaa Dabada Haysto Ma Kacdo Ayaa La Yidhaahdaa!” La soco Qaybta 4aad “Gunnaanad: Maxaa Ka Baylahay Somaaliland, Maxaase Talo Ah?” ………… Xassan Cumar Hoorri, Qoraa ka faallooda waayaha Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaa aad kala xidhiidhi kartaa hassanhorri@gmail.com, iyo hassan.horri@hornid.org ama ku raadraac Twitter @Horrimania Qaran News