-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta amray in muddo labo asbuuc ah lagu banneeyo Machadka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ku yaalla degmada Shibis, si dib loogu dhiso, looguna adeeggo bulshada Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in horey digniino loogu diray dadka dagan xarunta Machadka, iyadoo la farayo in muddada labada todobaad ah ee loo qabtay lagu banneeyo, maadaama ay Wasaaradda Boostadu u baahan tahay, looguna shaqeynayo Qaranka. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in la gaaray waqtigii horumarinta bilicda Caasimadda, bulshadana looga baahan yahay in ay qaataan doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka, isagoo xusay in xaruntan ay soo saari jirtay aqoonyahanada Isgaarsiinta Soomaaliyeed, xiligan oo dalku dib u soo kabanayana ay lagama maarmaan tahay in dib loo dhiso goobihii xirfadaha kala duwan lagu baran jiray. “Soomaaliya maanta waxay joogtaa waqtigii isla xisaabtanka, bacdamaa aan doonayo in Caasimadda loo soo celiyo bilicdeeda iyo sidii bari-samaadkii ahaan jirtey, waxaa waajib naga wada saaran dib-u-dhiska xarumaha danta guud, si bulshada loogu adeego, qofna loogu dulqaadan doono in goobihii danta guud uu deegaan gaar u ah ka dhigto”. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo weheliyo Wasiirkaa Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa kormeeray xarunta Machadka, waxana ay sheegeen in dhowaan dib loo dhisayo xarunta.
-
Duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta amray in muddo labo asbuuc ah lagu banneeyo Machadka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ku yaalla degmada Shibis, si dib loogu dhiso, looguna adeeggo bulshada Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in horey digniino loogu diray dadka dagan xarunta Machadka, iyadoo la farayo in muddada labada todobaad ah ee loo qabtay lagu banneeyo, maadaama ay Wasaaradda Boostadu u baahan tahay, looguna shaqeynayo Qaranka. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in la gaaray waqtigii horumarinta bilicda Caasimadda, bulshadana looga baahan yahay in ay qaataan doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka, isagoo xusay in xaruntan ay soo saari jirtay aqoonyahanada Isgaarsiinta Soomaaliyeed, xiligan oo dalku dib u soo kabanayana ay lagama maarmaan tahay in dib loo dhiso goobihii xirfadaha kala duwan lagu baran jiray. “Soomaaliya maanta waxay joogtaa waqtigii isla xisaabtanka, bacdamaa aan doonayo in Caasimadda loo soo celiyo bilicdeeda iyo sidii bari-samaadkii ahaan jirtey, waxaa waajib naga wada saaran dib-u-dhiska xarumaha danta guud, si bulshada loogu adeego, qofna loogu dulqaadan doono in goobihii danta guud uu deegaan gaar u ah ka dhigto”. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo weheliyo Wasiirkaa Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa kormeeray xarunta Machadka, waxana ay sheegeen in dhowaan dib loo dhisayo xarunta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Iyadoo lagu lagu jiro diyaar-garowga xuska dabaal-daga 18 May ayaa qaybaha kala duwan ee Ciidamada qalabka siddaa ay ku guddo jiree gaado ka ciyaar ay samaynayeen todobaadyadii ugu dambeeyay, Marka laga yimaado Gaado-ka ciyaarka ay sameenayaan Ciidamada Milatariga, Booliska, Asluubta, Badda, laanta socdaalka, iyo Damdamisku ayaa waxaa intaasi u dheer in uu dhexdooda ka jiro tartan gaaddo ka ciyaar ka dhexeeya lana xuso Ciidanka ugu marista wanaagsan. Haddaba saaka oo ciidamadu iskugu yimaadeen tartartankoodii koowaad ayaa waxaa ku guulaystay Ciidanka Asluubta Somaliland oo sanadahii ugu dambeeyay hogaaminayay guusha gaaddo ka ciyaarka ciidanka ugu wanaagsan, Guddida Dabaal-daga 18may ayaa qiray in saaka oo tartanka Boroobada koowaad bilaamay ay ku guulaysteen Ciidanka Asluubtu, Wali waxaa hadhay sidda saraakiisha Ciidamadu sheegeen laba tartan oo kale oo Baroobo ah kaas oo dhex mari doona ciidamada, waxaana halkaas marka ugu dambeeya lagu shaacin doono cidda ku guulaystay labada gaada-ka ciyaarkaasi. Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye-Guuto Axmed Cawaale Yuusuf “Libaax” iyo Taliye Xigeenka Ciidanka Asluubta Sarreeye-Guuto Xasan Cali Cawad ayaa bogaadiyay qaybaha kala duwan ee Ciidanka Asluubta, waxaanay Xuseen in Ciidanka Asluubtu majaraha u hayn doono Gaaddo-ka ciyaarkasta oo la soo bandhigo, Ciidanka Asluubta ayaa sanad-kasta ku guulasta in loo aqoonsado Ciidanka ugu gaardiska wanaagsan Ciidamad qalabka sidda ee dalka waxaana kal-hore Madaxwayne Muuse Biixi warqad bogaadin iyo Hambalyo ah u soo qoray Ciidanka Asluubta markii uu dhamaaday doola-tuskii 18May ee Kal hore. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisatay dhageysiga dacwad loo heysto dad ku eedeysan gubid iyo dil ay u geysteen marxuum Axmed Mukhtar Saalax (Axmed dowllo) Dadka maanta maxkamada ka soo hormuuqday ayaa la sheegay in tiro ahaan ay gaarayaan 6 ruux, kuwaasi oo dhamantood ku eedeysan in ay geysteen falkan isugu jirtay gubis iyo dil si arxan dara ah. Ilo wareedyo ayaa Caasimadda Online u sheegay in maxkamada ay ku qanci weysay eedaha la horkeenay Maxkamada, waxaa na la sheegay in dib loo dhigay kiiska Axmed Dowlo, inkastoo aan la shaacin waqtiga rasmi ah. Wararka qaar ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in maxkamada ay dalbatay in la soo dhameystiro eedaha loo heysto eedeysanayaashan. Maxruum Axmed dowlo ayaa 20-kii bishii September 2018 lagu dilay Garaash uu ku lahaa Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxaana dilkiisa ka dambeeyey Waalidiinta Gabar uu guursaday Wiil uu Adeer u yahay, iyada oo loo dilay sababo la xiriira heybsooc. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-San Jose)-Foos Cabdi Xaashi oo 70 jir ah ayaa waxaa Jimcihii la soo dhaafay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalada San Jose ee Gobalka California ee dalka Maraykanka, iyadoo lagu soo eedeeyey dilkii wiil 3 jir oo ay Ayeeyo u ahayd, waa sida hadalka loo dhigay. Booliska Degmadda Milpitas ee isla Gobalka California waxay sheegeen inuu falkaasi dhacay maalintii Isniinta ee toddobaadkii hore, kadib markii laga soo wacay Telefoonks 911, waxayna sheegeen inuu ilmaha yar hal saac kadib ku geeriyooday cisbitaal ku yaallaa Degmadda Milipitas oo ku taalla Koonfurta magaalada San Faransiisko. Gabadh la dhalatay wiilka geeriyooday oo lagu magacaabi jirey Ayuub waxay u sheegtay Booliska inay daawanaysay markii ay Ayeeyada wiilka yar dhulka ku tuurtay. Ayeeyada waxay Booliska u sheegtay inuu wiilka yar hunqaacayey, kadibna uu geeriyooday, markii ay sarriirta seexisay, si uu u nasto. Shabakadda Wararka ee AB7 News ayaa qortay in Foos Cabi Xaashi lagu soo oogay dilka ilmahaasi oo ah heerka 1-aad ee fal-dembiyeedka dilka. Dacwad-ooge Luis Ramos waxa uu dhegeysiga Dacadaasi ee Jimcihii la soo dhafaay waxa uu tilmaamay in caddaymaha ay hayaan u muuqdaan inay Ayeeyada ka dambeysay geerida wiilka yar ee la oran jirey Ayuub, waa sida hadalka loo dhigay. Foos Cabdi Xaashi oo uu Turjumaan u fasirayey dacwadaha lagu soo oogay way ka gaabsatay inay qirato eedeymaha loo haysto. Garsooraha waxa uu dib u dhigay dhegeysiga dacwadaasi oo dib loo qaadi oono bisha soo socota ee May 8-da, waxayna muteysan kartaa Xabsi 25-sanno, haddii lagu helo dilka wiilka yar ee ay Ayeeyada u ahayd. Source
-
Dowladda federaalka ah gaar ahaan ciidammada ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay iney isku soo dhiibeen rag ka tirsan Al-shabaab Labadan horjooge ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Cabdi Maxamed (Aadan Coobbe) iyo Food Aadan Maxamuud. Ilo wareedyo laga soo xigtay saraakiisha ciidammada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in sababaha soo goosashadoodu ay qeyb weyn aheyd duqeymo culus oo muddooyinkii la soo dhaafay lagu beegsanayey saldhigyada Al-shabaab ay gabbaadka ka dhigaan ee ku yaalla dhulka Keymaha gobollada Dalka. Raggaan waxaa lagu tilmaamaa in ay ka mid ahaayeen horjoogayaasha is qariya ee tallada kooxda wax ka gooya, tanina waa farriin kale oo muujineysa in ay sii burburayaan argagixisada Al-shabaab. Labada nin ayaa la socday baabuur Suzuki ah oo ay kaga soo baxeen magaalada Bu’aale, iyagoo kaddibna ku soo galay tuulada lagu magacaabo Tubaako oo Koonfur ka xigta magaalada Baardheere. Aadan Coobe ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay ururka Al-Shabab, waxaana jagooyinkaas ka mid ahaa inuu xubin ka ahaa Golaha Shuurada isaga oo u matalin jiray gobolka Jubbada Hoose. Waxaa sidoo kale Aadan Coobe uu hore u soo noqday Madaxa Qeybta Saadka Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Jubbada Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdiosho (SMN) – Waxaa suuqyda magaalada Muqdisho laga dareemayaa sare u kac xoogan oo ku yimid nuucyada kala duwan ee Khudaarta, taas oo saameyn ku yeelatay nolosha Qoysas badan, gaar ahaan kuwa danta yar. Qaar ka tirsan ganacsatada Khudaarta oo an kula kulanay Suuqa Xamar Weyne ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen waxa keenay sare u kacan. Waxaana ay u sababeeyeen arrimo ay ka mid tahay xirnaashaha waddooyinka iyo Lacago looga qaado baraha koontarool ee K/ Soomaaliya. Inta badan ayaa waxaa xilliyada Jilaalka la dareemaa isbedal dhinaca qiimaha oo ku yimaada nuucyada Khudaarta lagu iibiyo suuqyada M/Muqdisho. View the full article
-
Beijing (SMN) – Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Maalgashiga iyo Wax Isdhaafsiga Shiinaha iyo dalalka kale ee caalamka ayaa waxa ay kala saxiixdeen heshiisyo is afgarad ah oo ku aadan in Shiinaha uu ku soo daro dalalkaasi uu maalgashiga ku sameeyo Soomaaliya. Heshiiskaan ayaa waxaa Soomaaliya qalinka ugu duugay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah Mudane Jamaal Maxamed Xasan. Warbaahinta dalka Shiinaha ayaa shaaca ka qaaday in shirkaan ku saabsan maalgashiga ay ka qeyb galeen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Shinaha iyo Ganacsatada waaweyn ee dalkaasi. Waana Fursad weyn oo Soomaaliya ay uga faa’ideysan karto dowladda Shiinaha oo ka mid ah dowladaha ugu horreeyo caalamka xagga dhaqaalaha. Ambassador Jamaal Maxamed Xasan oo ka hadlay heshiisyadaasi ay wada gaareen dowladda Shinaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay dadaal ba’an ugu jirto sidii ay u hagaajin laheyd xiriirkeeda ganacsi oo ay la leedahay dowladaha kale ee caalamka. Wasiirka ayaa intaas ku daray in Soomaaliya haatan tahay nabad gelyo , islamarkaana ay meesha ka baxeen Kooxihii Burcadbadeeda Soomaalida, isagoo xusay in Xukuumadda Soomaaliya ay haatan waddo qorshihii ugu dambeeyay ay ku dabar jareyso wax uu ugu yeeray Argagixisada. Ugu dambeyn Wasiir Jamaal ayaa tilmaamay in Soomaaliya dhankeeda Shixnado Ganacsi u iib geyn doonto Shiinaha, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dalaga wax soo saarka Beeraha oo dalku u dhoofin doono Shiinaha sida uu yiri. View the full article
-
On Sunday, two fishing vessels were attacked by pirates off the coast of Somalia. The attempted boardings were both thwarted, but security officials said that they represent a reminder that antipiracy measures are still required when transiting the high-risk area off Somalia. According to EUNAVFOR, the fishing vessels Adria and Txori Argi were both approached by suspected pirates in the Indian Ocean on Sunday at a position about 280 nm off the coast of somalia. Both fishing vessels had private maritime security teams on board, and by exercising unspecified antipiracy best practices, the two attempted attacks were defeated. EUNAVFOR Operation Atalanta confirmed the attacks and said that it is likely that they were facilitated by a hijacked “mothership,” which was reportedly seized by armed men on Friday off the central Somali coast. EUNAVFOR searched the area with aerial assets and dispatches the warship ESPS Navarra from Mombasa. On Tuesday, the Navarra successfully intercepted and boarded the dhow mothership. View the full article
-
At least Three security guards were wounded when an inland explosive device targeted the car of Bari regional governor in Bosasso, Puntland regional state of Somalia on Tuesday. Yusuf Mohamed Wacays was not in the car during the explosion which sent huge smoke into the air in the strategic red sea port. Security agencies cordoned off the scene for investigation. No group has claimed responsibility for the attack, but armed group al-Shabaab and Islamic State militants who are active in the surrounding Galgala mountains in Puntland are blamed for attacks targeting security chiefs and government officials in the area. The US military conducted an airstrike last week that killed Abdulhakim Dhuqub, ISIS deputy commander in Bari region. View the full article
-
Hargeysa (SMN) – Wararka aan ka heleyno magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa tilmaamaya in la sii daayay 2 Gabdhood oo ka soo jeeda dalka Canada, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku xirnaa magaaladaasi. Haweeney Abuukaate ka ah Somaliland oo lagu Magacaabo Mubaarak Maxamuud Cabdi ayaa Warbaahinta u sheegtay in Meymuun Cabdi oo 28 jir ah iyo Karima Wats oo 24 jir ah horay ay Booliska uga soo qabteen guri ku yaalla magaalada Hargeysa oo Ciidamadu ay xoog ku galeen. Haweenkaan oo ka soo jeeda Ottawa ayaa lagu eedeeyay xilligaasi in Qamri ay ku isticmaalayeen guriga ay Boolisku ka soo qabteen, taas oo ka soo horjeeda Xeerka maamulka Somaliland. Nin u dooda Xuquuqda Adanaha oo ka soo jeeda dalka Maraykanka, kuna sugan New-Yorka, kaas oo lagu magacaabo Jason Girmas ayaa sheegay in Haweeneyda lagu Magacaabo Meymun ay Soomaalita u tagtay arrimo la xiriira ka hortagga xad gudubyada ka dhanka ah Dumarka. Gabdhahaasi oo la xiray Bishii January ayaa lagu xukumay Maxkamadeyntooda kadib 2 Bilood oo xariga ah iyo 40 Jeedal. Qareenadooda ayaa beeniyay in gabdhahaasi xilliga la qabanayay ay isticmaalayeen Maandooriyaha Khamriga. View the full article
-
Qaahira (SMN) – Cabdqaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda dalka, xilli uu gurigiisa oo ku yaalla magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar uu ku booqday Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Wuxuu Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd muujiyay sida uu uga xun yahay xaaladda amni ee Soomaaliya. Sidoo kale Cabdiqaasim Salaad Xasan aya siyaasiyiinta Mucaaradka ah ku tilmaamay kuwo himiladoodu ay tahay kursi doon, arrintaasina wuxuu xusay in ay dalka u horseedi karto burbur iyo kala dambeyn la’aan. Dhanka kale Xarakada Al Shabaab ayuu ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka, maadaama ay ku dhimanayaan dadka shacabka ah, sida uu hadalka u dhigay. Cabdiqaasim oo Madaxweyne ka ahaa Soomaaliya sanadihii 2000 illaa 2004-tii ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu xilka baneeyay ku noolaa qurbaha. Wuxuuna xilliyo kooban oo uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya ku baaqayay in laga shaqeeyo nabad galyada iyo midnimada dalka iyo dadka. View the full article
-
Two Canadian women jailed in Somalia and facing 40 lashes were released Tuesday, according to sources. Maymona Abdi, 28, and Karima Watts, 24, were arrested in January after police entered a house in Hargeisa, their lawyer Mubarik Mohamoud Abdi said. The women, who are originally from Ottawa, were accused of having consumed alcohol, which is illegal in Somaliland, a self-declared republic still internationally considered to be part of Somalia. New York-based human rights activist Jason Jeremias said Abdi was in Somaliland to help women facing gender-based violence. Their lawyer said they signed confessions under duress, hoping to avoid jail, but they were sentenced to 2½ months in prison and 40 lashes. “[The prosecution] did not prove before the court that they used alcohol,” their lawyer said. In a statement, Maymona Abdi’s mother Fahima Hassan wrote, “Maymona and Karima were born and grew up in Ottawa, Canada, as best friends. When Karima’s mother died, she became our daughter.” Karima Watts was jailed in Somaliland on Jan. 19. She and her friend Abdi were accused of consuming alcohol and were facing 40 lashes. (Supplied) Jeremias, who has been advocating on their behalf, said both women struggled to cope in jail. “The conditions were awful,” he said. ” They didn’t understand why they were being detained — and detained for so long.” He said Abdi contracted pneumonia while in jail and was denied medical access. The women were also sometimes denied food, showers and sanitary pads he added. “They suffered physically and mentally, and they didn’t understand why this was happening to them.” Ayan Mahamoud, a representative of Somaliland to the U.K., and the Commonwealth said being sentenced to lashings is rare in Somaliland. “I thought, what’s going on?” she said. “I think the last capital crime in Somaliland was in ’92, ’93.” Mahamoud said initially it was challenging for her to confirm the arrest and to get details on the status of the women. “I asked around … no one was able to tell me anything about this story,” she said. After reaching out to journalists and human rights activists in Somaliland, she connected with their lawyer who informed her about their release. Canada cautions travelers to avoid Somalia and describes the country as “extremely volatile” with the threat of domestic terrorism “high.” Global Affairs Canada said it is aware two Canadian citizens have been released and is providing consular assistance. View the full article
-
Mudisho (Caasimadda Online) – Sarkaalkii ugu sareeyay ururka Al-Shabab oo ka tirsan Golaha Sare ee Shuurada Alshabaab ayaa isu dhiibay dawladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo, iyadoo loo duuliyey magaalada Muqdisho. Sarkaalkan oo lagu magacaabo Aadan Cabdi Maxamed (Aadan Coobbe) ayaa wadahadal kula jiray dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu khilaaf kala dhaxeeyay amiirka iyo madaxda sare ee Alshabaab, taasoo keenay inuu shalay iska dhiibo magaalada Baardheere, iyadoo uu la socday askari ilaalo u ahaa. Aadan Coobe ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay ururka Al-Shabab, waxaana jagooyinkaas ka mid ahaa inuu xubin ka ahaa Golaha Shuurada, waana mas’uulkii ugu heer sareeyay ee muddooyinkan ka goosta Alshabaab. Waxaa magaalada Muqdisho keentay diyaarad kasoo qaaday magaalada Baardheere, iyadoo ay la wareegtay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA. Hay’adda NISA ayaa qoraal la soo baxay waxaa lagu sheegay in Horjooge Aadan Goobe oo isu soo dhiibay Ciidan uu soo gaaray magaalada Muqdisho, ee caasimaadad Soomaaliya. “Waxaa Muqdisho soo gaaray Aadan Coobe, oo ahaa sargaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa argagixisada Alshabab, kadib markuu ka dalbaday NISA inay u sahasho sidii uu uga soo goosan lahaa”. Ayaa lagu yiri qoraalkaasi ka soo baxay nabadsugidda Qaranka. Muddooyinkii ugu dambeyeye waxaa sii kordhayay tirade horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka isku soo dhiiba dowladda,kadib markii ay sii kordheen howlgalada lagu baacsanayo,iyadoo qaarna ay fahmeen fikirka qaldan oo ay ka dhaadhiciyeen Al-shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkan Hoose ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos Riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-24042019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga JSL Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid) oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Qaranka S/G Nuux Ismaaciil Taani, iyo Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada gaashaandhiga Maxamuud Cabdirisaaq, masuuliyiin ka kala socota hayada Axiom iyo taliska ciidanka Qaranka JSL ayaa qayb ka ahaa kulan kani ay yeesheen Sarkaalka Ugu Sareeya Ciidamada Ingriiska Ee Fadhigoodu Yahay Ethiopia Colonel Matt Munro, iyo Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid). Kulan kani oo noqonaya kii ugu horeeyey ee ay wada yeeshaan wasiirka cusub ee waasaaradda Gaashaandhiga JSL oo Qaabilay Sarkaalka Ugu Sareeya Ciidamada Ingriiska Ee Fadhigoodu Yahay Ethiopia, ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka weyn iyo wada shaqaynta balaadhan ee ka dhexeeya dawlada ingriiska iyo Jamuuriyada Somaliland. Geesta kale u jeedada ugu weyn ee kulankani ayaa ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa tayeynta iyo tababarada dhanka aqoonta ee ciidanka iyo wasaarada gaashaandhiga kaasi oo qayb laxaad leh ka qaadanaay dhisida aqooneed ee ciidanka Qaranka iyo hawl wadeenada wasaaradda gaashaaandhiga JSL. Source
-
(SLT-Asmara)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea. Waftiga Madaxweynaha waxaa Garoonka diyaaradaha ee Asmara ku qaabilay Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afawerki. Madaxweyne Farmaajo safarkiisa Asmara waxaa ku wehliya xubno uu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre iyo xubno kale oo ka mid ah dowladda Soomaaliya. Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Magaalada Qaahira kaga qeybgalay shir uu marti geliyay Madaxweynaha Masar lagagana hadlayay qalalaasaha Liibiya iyo Suudaan. Source
-
Waxaa goordhow furmay kulanka guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo arrimo badan looga hadlayo. Kulanka waxaa shir guddoominaya guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey). Halkan Ka Akhriso Jaendaha: Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu soo gaaro Magaalada Muqdisho. Sheekh Shariif Shiikh Axmed ayaa lagu wadaa inuu Berri oo ay taariikhdu tahay 25 April uu soo gaaro Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Diyaar garow lagu soo dhoweynayo Shariifka ayaa ka socota magaalada Muqdisho, iyadoo soo dhoweynta uu diyaarinayo Xisbiga Himilo Qaran. Wararka ayaa sheegaya in ujeedada safarka Sheekh Shariif ee Muqdisho uu yahay Shirweyne uu Xisbiga Himilo Qaran ku qabanayo Muqdisho, kaasoo lagu dhisayo xubnaha Golaha Fulinta Xisbigaas. Shir uu leeyahay Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu wadaa in maalinta Sabtida uu ka dhaco magaalada Muqdisho. Kulankaas ayaa waxaa looga dhawaaqi doonaa xubnaha Golaha Fulinta Xisbigaas, waxaana lagu casuumay dad aad u farabadan. Sheekh Shariif oo looga adkaaday doorashadii 2017 ayaa isu diyaarinaya in markii saddexaad uu diyaar garow xoog leh u galo Tartanka doorashada soo socota ee 2020/21. Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa laga yaabaa inuu noqdo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kaasoo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Sheekh Shariif ayaa musharax u noqon doono Xisbiga Himilo Qaran. Xisbiga Himilo Qaran ayaa u muuqdo inuu kamid noqon doono xisbiyada ugu adagee dalka ka jiro inkastoo aan weli go’aan laga gaarin nooca ay noqon doonto Doorashada ka dhici doonto Soomaaliya iyadoo weliba shaki weyn laga qabo inay dowladda hadda jirto isku daydo inay sameysato waqti kororsi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyey dalka kadib safar uu muddo ugu maqnaa dalka dibadiisa. Guddoomiye Cirro ayaa si adag uga hadlay heshiiskii ay shalay arrimaha doorashooyinka ka gaadheen xisbiyada KULMIYE iyo UCID waxaana uu sheegay in labadaas xisbi ay anbadeen isla markaana aanay suurto gal marnaba noqon doonin in masiirka Somaliland laba xisbi ka go’aan gaadhaan. Sidoo kale Guddoomiye Cirro waxaa uu si kulul uga hadley dadka laga qaadey dhulka laga dhisaayo madaxtooyada cusub iyo dhibaatooyin xun oo xukuumadu ku hayso saxaafadda madaxa-bannaan ee ka hawl-gasha Somaliland. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Kooxaha kubbadda cagta Muqdisho City Club iyo L.L.P Jeenyo ayaa wada dheelay kulamoodii 10-aad horyaalka Soomaaliya iyo gudd ahaa ciyaartii 47aad xili ciyaareedka 2018-2019. Qeybta 1aad labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar ku dheehan weerar iyo weerar celis,balse waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan waxaana garoonk si weyn usoo camiray taageerayaasha labada dhinac. Qeybta labaad markii la isku soo laabtay kooxda Muqdisho City Club ayaa heshay labo gool waxaana u dhaliyay laacib ssimpoa oo (No.23) goolka 3aad Waxaa M.C.C u ansixiyay Maxamed Cabdirisaaq Jaayna Waxaana bandhigii goolasha soo qatimay laacibka reer Kenya Marcelo Odhimabo wuxuuna kulanka kusoo idlaaday 4-0 oo ay guusha ku qaateen xidigaha dowladda hoose ee Muqdisho City Club. Maxaa Laga Bartay Kulanka -Mogadishu City ayaa gaartay guushii ugu horeesay wareega 2aad horyaalka Soomaaliya olalaha 2018-2019. –Feysal Axmed Xasan ayaa kulankii ugu horeeyay kasoo muuqday horyaalka Soomaaliya tan iyo markii uu bishii October 2018 caasimada Muqdisho u yimid ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulsho. -Gool haye Saciid Aweys Cali ayaa kusoo laabtay kooxdiis Muqdisho ka dib dhaaawac soo gaaray bishii Janaayo 2019. -Garsoore Maxamed Nuur Muxidiin (Maxamed Soomaali) ayaa labo kaar casaan siiyay xidigaha kala ah Feysal Axmed iyo Liibaan Muqtaar oo kawada tirsan safafka Muqdisho City iyo Jeenyo ka dib qalad ay wada galeen. -Kooxda Jeenyo waa guul daradii 9aad oo kasoo gaarta horyaalka Soomaaliya olalahan,kaliya waxa ay badisay wajiga 1aad hal kulan oo qura waxayna ka adkaatay isla kooxda dowladda hoose ee Mogadisho City Club. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankkii Dhexmaray Kooxaha Muqdisho City Club VS Jeenyo W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com