Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka cadaalada iyo arrimaha diinta dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamid, ayaa maanta shaaciyay in Puntland lagusoo qaaday dagaal xaga sacial mediyaha ah, kaasoo lagula diriyo [...] Source
  2. Xubno ka tirsan guddiga la magacaabay oo kulmay Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa magacaabay guddi-hoosaadka farsamo ee gurmadka abaaraha. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu magacaabay guddi-hoosaadkan oo ka kooban 8 xubnood kuwaasi oo ka kala socda qaar kamid ah wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Puntland. Sida dikreetada ku xusan guddoomiyaha guddi-hoosaadka gurmadka abaaraha waxaa loo magacaabay Cawil Maxamed Xirsi halka ku xigeenkiisana loo magacaabay Cabdirisaaq Cabdi Xaashi. Degaanno ka tirsan Puntland ayaa wakhtigan laga soo sheegayaa abaaro baahsan iyo biya la’aan daran inkastoo gobolada qaar ay ka da’een roobab yar ilaa iyo haddana warbaahinta looma soo bandhigin wax gurmad ah oo dowladdu gaarsiisay dhulka ay abaaruhu ka jiraan. Halkaan ka akhriso PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo magacaabay guddi-hoosaadka gurmadka abaaraha appeared first on Puntland Post.
  3. Burco:(SL-T)Maamulka Gobalka Togdheer Oo Magaacabay Guddida Qaban Qaabada Xuska Maalinta Qaran Ee 18 May 2019. Source
  4. Yaaqshiid (SMN) – Qaraxan oo ahaa nuuca Miinada oo la dhigay waddada dhinaceeda ayaa ka dhacay inta u dhexeysa halka loo yaqaano Ayaan daran iyo isgoyska Towfiiq degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxani ku dhintay hal Qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen 4 kale oo la sheegay in ay ahaayeen dad rayid ah. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga iyo maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan qaraxaasi. Sidoo kale ma jirto illaa iyo haatan cid sheegatay masuuliyadda qaraxan oo qeyb ka noqonayo falal ammaan dari oo muddooyinkii dambe ka dhacayay M/Muqdisho. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa halkaas ka bilaabay Olole uu taagero uga raadinayo xubnaha Beesha Caalamka u joogo Magaalada Muqdisho. Shiikh Shariif ayaa kulan la aqaatey Safiirka midowga Africa ahna madaxa ciidanka nabad ilaalinta ujooga Somalia ee AMISOM, Ambassador Francisco Madeira. Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey doorka nabad ilaalineed ee ay lagarab taaganyihiin Shacabka Soomaaliyeed. Waxaa uu sidoo kale qaabilay Qunsulka dalka Masar u jooga Soomaaliya Tamer Safwat oo booqasho sharafed ugu yimid Madaxweyne hore Sharif Sheikh Ahmed, isagoona uga mahad celiyey sida ay Shacabka Soomaaliyeed ugarab taaganyihiin. Shiikh Shariif ayaa Musharax u ah Xisbiga Himilo Qaran kaasoo la filayo inuu Guddoomiye looga dhigo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari. Shiikh Shariif oo labadii doorasho ee ugu dambeysay ee Soomaaliya ka dhacday musharax ahaa ayaa rajeenayo inuu markii seddexaad isku soo taago xilkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Ali Sheikh has been elected as a member of Somali House of the People following a by-election in Baidoa town, 139 miles South of Somali capital, Mogadishu. Somali National Independent Electoral Commission (NIEC) has held the election of the Parliamentary seat vacated by Hussein Osman Hussein, former head of Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA). The poll agency has announced the results, and Ali Sheikh was declared the election. Sheikh has garnered 51 out of the 51 votes to win the seat as his opponent Saed Ali got no votes. There were no invalid or spoilt votes. Officials from NIEC who were at the polling centre said the voting was free and fair. The process was observed by officials from Southwest state and Federal Government representatives. Sheikh previously served two terms in eighth and nineth parliament before he went abroad. According to sources, he returned to the country two months ago to take part in the electoral process. View the full article
  7. (SLT-Sweden)-Maxkamadda ugu sarreysa ee dalkaasi ayaa laashay go’aan lagu soo mustaafurin lahaa Nin Soomaali oo lagu helay fal kufsi ah, laguna xukumay Xabsi Hal sanno iyo 10-bilood. Hadal ka soo baxay maxkamadda sare ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in aanay jirin sababo aan caadi ah oo khasbaya in Ninkaasi la mustaafuriyo marka uu dhamaysto Xukunkiisa. Taasi bedelkeeda, waxay Maxkamadda sare u kordhisay eedeysanaha Soomaaliga xukunkii hore loogu xukumay oo ahaa hal sanno iyo 710 bilood, waxaana Xukunkiisa la gaadhsiiyey xabsi dhan 2 sanno iyo 2 bilood. Maxkamaddu waxay kale oo Eedeysanaha ku xukuntay inuu bixiyo kharash lagu sheegay khasaaraha soo gaadhay haweeneyda dhibanaha oo lagu qiimeeyey 115,000 oo Lacagta Kroner-ka ee dalka Sweden, oo u dhiganta Dollar ahaan 12 kun iyo 70 Cent. Balse, Haweeneyda dhibanaha ayaa waxay ka hor-timid xukunka Maxkamadda Sare ee dalkaasi, waxayna ku tilmaamtay go’aan guud ahaan waali ah. Mar sii horreysay, Laba Maxkamado Heer Hoose ayaa waxay hore ugu xukumeen Eedeysanaha oo oo 33 jir inay waajib tahay in la mustaafuriyo marka uu dhamaysto xabsiga uu ku muteystay Falka Kufsiga Wargeyska The Local ee ka soo baxa dalka Sweden ayaa qoray in Ninka Soomaaliga markii ugu horreysay ay Maxkamadda Degmadda ee magaalladda Linköping xukun ku riday , kadib, markii lagu soo eedeeyey inuu Kufsaday Haweeney uusan aqoonin. Eedeysanaha waxa uu qirtay Kiiska lagu soo oogay, iyadoo Haweeneyda Dhibanaha ahayd iyo Milkiilaha Dhismaha ku caddeeyeen inuu kufsaday Haweeneydaasi, waxaana Xeer-beegtida Maxkamadda loo soo bandhigay Caddaymo ku aadan Hiddo-sidaha Eedeysanaha ee (DNA)-da oo laga helay Haweeneyda uu kufsaday. Sharciga dalka Sweden ayaa waxa uu dhigayaa in Dembiilayaasha lagu helo Dembiyadda Khatarta ah laga masaafurin doono Sweden, oo qeyb ka ah Ciqaabtodoa, haddii uusan Eedeysanuhu haysanin Muwaadinimadda Swedish-ka. Sidoo kale, Sharciga Sweden waxa uu dhigayaa inay Maxkamaduhu helaan haddii ay jiraan sababo aan caadi ahayn ee lagu amrayo Mustaafurinta. Source
  8. Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xariga ka jaray Warta Biyo Qabadka Degmada Boondheere oo Maamulka Gobolka Banaadir dib-u-dhis ku sameeyey. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhismaha Warta Biyo-qabadka Degmada uu ku yimid wadatashi bulshada deegaanka lala yeeshay, si baahidooda wax looga qabto, iyagoo codsaday in loo dhiso xarunta Biyo qabadka oo xili roobaadka dhibaatooyin badan ku haysay shacabka deegaanka. “Markii aan wadatashi la sameynay shacabka degmada Boondheere waxay naga codsadeen in loo dhiso xarunta Biyo qabadka degmada, bacdamaa ay sanad walba xili roobaadka dhibaatooyin kala duwan ka soo gaaraan, anagoo tixgelineyna codsiga shacabka ayaan dib-u-dhisnay Warta si biyhu ugu hakadaan, maantana waxay u diyaarsan tahay in aysan biyuhu gudbin”. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in biyo qabadka la ballaariyey, si casri ahna loo dhisay, tanoo qeyb ka ah qorshaha u diyaar garowga xili roobaadka, isla markaana la howlgelinayo dhammaan goobaha biyo qabadka ee Caasimadda, si looga hortago in biyuhu fariistaan waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah. Degmada Boondheere ayaa kamid ah degmooyinka uu shacabka dagan sanad walba roobabku u geysto khasaare naf iyo maal, waxana sanadkii hore ku dhintay 7-ruux. Dhanka kale, Duqa Muqdisho Eng. Yarisow ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo Maamulka Degmada Warta Nabadda oo si Isxilqaan ah u dhisay Warta biyo-qabadka Xamar Jadiid, waxuna si gaar ah ugu ammaanay muwaadin Axmed iyo shirkadda Gaagaale oo ku deeqday qalabka howsha lagu fuliyey. Maamulka Gobolka Banaadir oo ka duulaya casharadii laga bartay roobabkii sanadkii hore da’ay ayaa diyaariyey dhuumaha biyaha qaada ee degmooyinka iyo xarumihii biyo-qabadka Caasimadda, iyadoo la howlgeliyey booyaha biyaha saara. View the full article
  9. Washington (SMN) – War kasoo baxay taliska Mareykanka ee Africom ayaa lagu xaqiijiyay in saddex ka tirsanaa Daacish ay ku dileen duqeyn diyaaradeed oo shalay ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Puntland. Duqeynta oo ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ayaa lala eegtay goob ay ku sugnaayeen xoogaga Daacish oo ku taalla degaanka Timirashe, oo ku dhaw degmada Isku-Shuban ee gobolka Bari. Gregg Olson oo ah agaasimaha howlgallada Marykanka ayaa sheegay in dilka xubnahan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda Kooxdan oo weeraro ka fuliso gudaha Puntland. Weerarkan ayaa noqonaya midkii labaad oo bishan gudaheeda uu Mareykanka ka fuliyo gobolka Bari, iyadoo duqeyn ka dhacday nawaaxiga Tuuladda Xariiro ee gobolka Bari maalmo ka hor uu ku dilay ku xigeeenkii hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya Cabdixakim Maxamed Ibraahim [Dhoqob]. Africom ayaa tilmaantay in aysan jirin wax khasaaro ah oo shacabka ka soo gaarey duqeyntii shalay ee gobolka Bari. Daacish ayaa lagu aas-aasay deegaanada Puntland October 2015-kii, waxaana hoggaamiya Sheekh C/qaadir Muumin oo horey uga tirsanaa Al Shabaab. View the full article
  10. (SLT-Buuhoodle)-Waxgaradka Gobolka Buuhoodle ayaa sheegay in deegaannada gobolkaasi ay u baahan yihiin Gurmad biyo dhaamis ah. Sidaasna waxa sheegay Maxamuud Xuseen Jibriil oo ka mid ah Waxgaradka gobolka Buuhoodle oo u warramay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA), waxaanu sheegay in wax roob ah oo laga cabay weli ka da’in degmooyinka Buuhoodle, waxaanu tilmaamay in gobolkaasi ay ka jiro baahi biyo la’aaneed oo u baahan gurmad degdeg ah. Oday Maxamuud Xuseen Jibriil wuxuu sheegay in ay fadhiisteen ceel biyoodyada Xadhadhanka iyo Qabri-huluul, arrintaasina ay saameynta biyo yaraanta ka jirta deegaannadaasi. Waxa kaloo uu u mahadceliyey Hay’adda Save Children oo biyo-dhaamis u sameysay dhawaan Sagaal tuulo oo ka mid deegaannada Buuhoodle. Maxamuud Xuseen Jibriil wuxuu ugu baaqay Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland inay wax ka qabato ceelasha xumaaday isla markaana gurmad biyo dhaamis ah u sameysto bulshada Gobolka Buuhoodle. Geesta kalena, Isku-duwaha Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee Gobolka Buuhoodle, Axmed Cabdilaahi Sh. Cumar oo aanu la xidhiidhnay ayaa Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) u xaqiijiyey in Wasaaradda horumarinta Biyuhu ay ku hawlan tahay sidii loo dayactiri lahaa Ceel biyoodyada Gobolka Buuhoodle isla markaana aanay waxba kala hadhaynin sidii wax looga qaban lahaa biyo la’aanta ka jirta gobolka Buuhoodle. Axmed Cabdilaahi Sh. Cumar Iskuduwaha Wasaaradda Horumarinta Biyaha gobolka Buuhoodle,wuxuu xusay in 19 tuullo oo ku yaalla galbeedka Buuhoodle ay u baahan yihiin biyo dhaamis, waxaanu Hay’adaha ka shaqeeya Biyaha ku boorriyey inay ka qeybqaataan gurmadka biyo dhaamiska ee looga baahan yahay Gobolka Buuhoodle. Iskuduwuhu wuxuu uga mahadceliyey kormeer Wasiirka Biyuhu dhawaan ku tagay qaybo ka mid ah gobolka Buuhoodle, oo uu indhihiisa ku soo arkay baahida dhinaca biyaha ee ka jirta deegaannadaas. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Somaliland Oo Ka Digtay Arrimo Ka Cusboonaaday Maamulka Puntland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Xisbiyadda UCID Iyo KULMIYE ayaa waxaa ay maanta war ka soo saareen kulamo ay la yeesheen kominshanka doorashooyinka Somaliland isla markaana ugu soo bandhigayeen heshiiskii ay labadan xisbi ka gaadheen arrimaha doorashooyinka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Madaxweynaha ayaa waxa uu safar shaqo [...] Source
  14. The United States military said Saturday its special forces conducted an airstrike against ISIS terrorists in northern Somalia on Friday, killing three militants. The U.S. Africa Command (Africom), which oversees American troops on the African continent, said the latest strike was conducted in cooperation with Somali government in the Golis Mountains. “This airstrike eliminated ISIS-Somalia members staged in a remote location in northern Somalia,” Gregg Olson, U.S. Africa Command director of operations said in a statement. “Removing these extremists impacts ISIS-Somalia’s ability to terrorize innocent Somalis in the region and it creates confusion within the terrorist network,” Olson added. The Friday’s strike was the second the U.S. army has executed against ISIS-Somalia this month. The first airstrike occurred on April 14, killing the second in command of ISIS-Somalia, Abdihakim Mohamed Ibrahim. Pro-IS militants split from al-Shabab in October 2015 and later occupied Qandala, a key location in Bari region under Puntland State Administration north Somalia since 2016. Africom said no civilians were injured or killed as a result of this airstrike, adding that a detailed post-strike analysis continues and more details may be released as appropriate. The strikes have largely targeted al-Shabab figureheads and based in southern Somalia where the group still maintains a strong grip in some regions. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka baaqday kulan kale oo ka mid ahaa kalfadhigan 5aad. Waxaa Fadhiga maanta soo xaadiray 128 Xildhibaan,waxaana uu fadhiga ku furmaa 139 Xildhibaan. Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa sheegay in kulanka maanta uu u baaqdau Kooram la’aan sidaasna ku xiranyahay. Kulanka maanta ayaa waxaa qorshuhu ahaa in ay aqrinta 2aad marsiiyaan Hindise sharciyeedka Ganacsiga Soomaaliya. Howlwadeenada Xarunta Baarlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaanada ka maqna kulanka ay aadeen Xafladda Daah furka Xisbiga Himilo Qaran oo ka socda Hoolka weyn ee Sahal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Baydhabo (Caasimadda Online) – Cali Sheekh C/llaahi (Cali Afgooye) ayaa ku guuleytay kursiga xildhibaanimo ee uu baneeyay agaasimihii Hay’adda NISA. Cali Afgooye ayaa helay dhamaan codadkii Ergada dhiibteen , musharaxii kale ee loo diiwaan geliyay inuu la tartamo ayaa goobta ka maqnaa, dalka Canada ayuu jiraa sida guddiga sheegeen. Kursigan waxaa ku tartamayay Wiil uu dhalay Taliyihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen iyo Cali Afgooye waxaana dhamaan Ergadii codeysay ugu shubeen Cali Afgooye. Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxabanaan Xaliimo Ismaaciil ayaa doorasha inta aysan billaaban sheegtay in kursigan ay hayeen hal Sano iyo bar intaas ka badanna uusan banaanaan karin. Wiilka uu dhalay Xuseen Cismaan ayaa ku maqan Dalka Canada,waxaana Guddiga doorashada uu sheegay in uusan soo wargelin sababta uu ku maqanyahay maaddaaam 24kii Bishan doorashada u baaqatay. Taliyayaasha NISA iyo Kuraasta Baarlamaanka:Taliyihii hore ee Hay’addda Nabad Sugidda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa iska casilay Xldhibaannimo,waxaa uu qaatay xilka Taliyaha, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilka qaadis ku sameeyay. Waxaa uu dib ugu tartamay Kursigiisii Golaha shacabka,waxaana uga adkaaday Xildhibaan Nuur Iidow Beyle.Taliyihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa iska casilay kursiga Golaha shacabka waxaa loo magaacabay Taliyaha NISA, 8 bilood kaddib waxaa uu u tartamay Xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed isaga oo xilkii Taliyaha NISA iska casilay.Waxaa uu ku guuldarreystay xilkaas,waxaana uu Wiilkiisa u tartansiiyay kursigii Golaha shacabka ee uu horay isaga casilay kaas oo looga adkaaday. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  17. Taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sheegay in ay saddex ka tirsan malayshiyaadka Daacish ku dileen duqeyn dhanka cirka oo jimcihii shalay ay ka geysteen buuraleyda Golis ee gobolka Bari (Puntland). Qoraal Sabtida maanta ka soo baxay taliska AFRICOM ee ciidamada Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeynta oo lala kaashaday dowladd Federaalka Soomaaliya lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya. Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in aan wax khasaare ah soo gaarin dadka rayidka ah ee k nool degaannada duqeyntaasi ka dhacday. Militariga Maraykanku wuxuu intaasi raaciyay in uu duqeynta halkaasi ka dhacday faahfaahin kale oo dheeriya ka bixin doono wakhtiga ku habboon. 14-kii bishan April ayey ahayd markii diyaaradaha Maraykanku ay duqeyn ku dileen ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish ee SoomaaliyaCabdixakiin Dhuqub xilli uu marayey aga’gaarka tuulada Xiriiro ee gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Militariga Maraykanka oo sheegay in uu xubno Daacish ka tirsan ku dilay gobolka Bari ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa xilligan ka socota Hoolka Sahal ee ku yaalla agagaarka Isgoyska KM4 Xaflada Daah furka Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed. Xafladdan ayaa waxaa ka qeyb galaya oo lagu casuumay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole iyo Mas’uuliyiin kale. Xisbiga Himilo Qaran ayaa maanta si rasmi ah u shaacinaya xubnihiisa iyo dhoolatuskiisa siyaasadeed, iyadoo uu noqonayo Xisbigii labaad ee ugu miisaanka culus, Xisbiyadii bilihii la soo dhaafay looga dhawaaqayay Muqdisho. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa mar kale doonaya inuu boorka iska jafo, una sameysto isbaheysi siyaasadeed, si uu ugu diyaar garoobo doorashada soo socota ee 2021. Nidaamka Xisbiyada badan oo la filayo in dhowaan Soomaaliya ka bilaabato ayaa noqday mid ay ka soo muuqanayaan Siyaasiyiin hore oo xilal soo qabtay, kuwaasoo ku haminaya inay dalka hoggaamiyaan.
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Faatixa Suruur, oo ahayd ku-xigeenkii xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Qaramada Midoobe aan sharixi karin Fikirka Al-Shabaab ee ay kaga qayb qaadan karaan dhismaha nabadda. Waxa ay intaa ku dartay in Al-Shabaab ay wataan fikir gaar u ah oo ay adagtahay in laga dhaadhiciyo in miiska wada hadalka wax waliba ay geeyaan oo lagu dhameeyo, si loo dhiso nabadda. Faatixa suruur ayaa tusaale usoo qaadatay kooxda Daalibaan ee ka dagaalanka Afgaanistaan oo ay sheegtay in wada hadal lala furay. Dhibaatada Qaramada Midoobe ka heysata dhismaha nabadda Soomaaliya waxa ay ku sheegtay in Al-Shabaab aanu ogoleen in wada hadal ay abuuraan. Aragtidooda ayay sheegtay in ay dadka usii gudbiyeen, si ay usii joogaan mudo dheerna ay usii shaqeyso aragtidooda. “waxaan ku dhahay,waynu dhisi karnaa Nabada,hadii aanay isku dayno in la xaajoono kuwa masuulka ka ah dhibaatada,Dhab ahaantii waa sida xaalada afgaanista iyo taalibaan. Tobon sano kadib maanta wada hadal ayay ogol yihiin waana lala bilaabay,Wan ku wareeray kuwa aan la laheyn Darajo sare hadana aadaya xaafadaha sida ay ula kulmaan wakiilada alshabaab,Waxaa jira qaar aragtideyda ah oo ku aadan arinta. Waxaa jira dad faqiir ah kuwaas oo ayaga ku biira sababta ah in ay cuno siiyeen,Waa Tusaalee,kama leexaneyn in aan la furno wada hadal nabadeed,Waynu ku guuldareysanay. Anaga qaramada midoobe ahaan,Nabada Waa waxa ugu weyn ee aan hada wajaheyno” ayay tiri Faatixa Suruur oo ahayd ku xigeenkii Wakiilkii Qaramada Midoobe ee Soomaaliya. Qaramada Midoobe ayaa isku dayda ka miro dhalinta heshiisyada dhinacyada is haya, si aanu saameyn ku yeelan dadka shacabka oo ah dhibanayaasha koowaad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir, ayaa talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha, waxaanu ugu baaqay inuu mar walba wanaag, tixigelin iyo cadalaad umadda ugu adeego, waxaanu guud ahaan Shacabka ugu baaqay inay Madaxweynahooda tixgaliyaan. Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay go’aanka ay sida wada jirka ah u gaadheen Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Go’aankan la gaadhay maaha mid cadaalada oo soconaya, go’aan Xisbiyadu ku wada socdaan in la gaadho ayaa loo baahan yahay,laakiin maaha inay kala socdaan, oo kala fogaadan, Komishan laftiisa ayaan cadaalad ku dhisnayn, maxaa yeelay shan xubnood waa Kulmiye, aniguna waligayba Komishanka waan ku kacsan nahay, ee ha la simo, oo Xisbiyadu ha u sinaadan”. Mar uu ka hadlaayey Golaha Guurtida ayaa yidhi “Golaha Guurtida laftoodu muddo dhaaf weeye, in la kala diro oo la soo doorto Guurti cusub weeye, cidda soo xulaysaana waa Salaadiinta,maxaa yeelay Salaadiintu ninka wanaagsan iyaga ayaa garanayaa, Guurtidu nabadna wey keentaa, fidnana wey keeni karta, markaas Guurti cusub baynu u baahan nahay”. Mar uu ka hadlaayey Madaxtooyada cusub ee la dhisayo ayaa yidhi “Madaxweynayaashii hore waxba wey qaban kari waayeen, laakiin Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu keenay kalsooni iyo firfircooni, Madaxtooyadana suuqa dhexdiisi ayey noqotay, laakiin anigu waxaan u arkaa inay haboon tahay inay meel gaar ah deganaato, oo Madaxtooyadu ka baxsanaanto Magaalada dhexdeeda, oo meelaha u dhaw oo dhan Madaxtooyada aan laga dhisin wax dhismo ah, dad baana deganaa dhulkan loo asteeyey in Madaxtooyada laga dhiso, ee Madaxweynaha waxaan leeyahay si fiican dadka ula macaamil, madaama tahay Madaxweynihii Jahmuuriyada Somaliland,dadku waxay leeyihiin Muuse Biixi waxaad mooda inuu taliskii Ciidanka afraad la odhan jiray inuu wali xukumayo,ee anigu waxaan leeyahay Madaxweynuhu waa Madaxweynihii Somaliland cod shacab baa lagu doortay, ee ha la tixgaliyo, markii uu Madaxweynuhu taliska afraad uu joogay halgan baa lagu jiray, wax kasta oo yimaadana inuu garabka ku dhufto waa loo baahnaa, laakiin hadda waa inuu mar walba danta qaranka eega, dadkaas degana halka laga dhisayo Madaxtooyadana waa in dhulkooda loo qiimeeyaa, oo waxay xaqa u yeeshaan la siiya, si fiicana loo baashira, laakiin maaha xadhig iyo cadaadis in lagula kaco” Qaran News
  21. Xaalada Degmada Faqaayuub Oo Cirka Isku Shareertay+Shirkadu Boobku Wada Khayraadka Ku Duugan Buuraha +Xaalada Ugu Dambaysay Ee Deegaankaas Xaalad Degmada Faqaayuub Oo Cirka Isku Shareertay Iyo Shirkadu Boobku Wada Khayraadka Ku Duugan Buuraha +Xaalada Ugu Dambaysay Ee Deegaanadaasi Xaalada Deegaanada Faqaayuub Iyo Ceel Baxay Ayaa Aad Looga Dayriyaan Ka Dib Markii Halkaas Hawlo Macdan Qodidi Ah Ka Bilaabeen Shirkado Shisheeye Oo Laga Yeeyahay Dalka Chine ] Shirkadaha Ayaa Gurnaya Khayraadka Ku Duugan Buuraha Gaar Ahaan Dhagax Loo Yaqaano Jeedhka Dadka Ku Nool Deegaanadaasi Ayaa Walaac Xoogan Ka Muujiyay Shirkadaha Shisheeye EE Gurnaya Khayraadka Dalka Taas Oo Sababta In Ay Sameeyaa Iska Caabin Dhowaan Waxa Halkaas Gaadhay Wafti Wasiiro Ah Oo Uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Macdanta Jaamaca Maxamud Cigaal Kuwaas Oo Halkaas Ka Dhagax Dhigay Xarumaha Iyo Fadhiismaha Shirkadaha Guranaya Macdanta Ku Doogan Buurahaasi Ay Ku Yeelan Doonaan Halkaasi Wasiiradan Ayaa Dadka Degamada Faqaayuub U Sheegay In Macdantan Laga Qodayo Deegaanka Ay Faaido U Tahay Dadka Deegaanka Ismarkaana Lagu Hor Marinayo Degmada Waxa Halkaas La Geeyay Ciidamo Tiro Badan Oo Isku Jira Boolis Iyo Milatiri Si Loo Sugo Amniga Shirkadaha Soo Saaray Macdanta Geesta Kale Ilo Xogo Gaal Ah Oo Aanu Helayno Ayaa Sheegaya In Salaadiin, Cuqaal ,Madax Dhaqameed Iyo Siyaasi Shirar Ku Yeelanayaan Magaalooyinka Berbera Iyo Burco Kuwaas Ka Arinsanaya Xaalada Ka Soo Cusboonaatay Deegaanada Ceel Baxay Iyo Faqaayuub Ila Hadan Lama Oga Halka Ay Saldhigan Doonto Xaaladan Cakiran Ee Ka Deegaanadan . Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta ee golaha shacabka BF ayaa todobaadkan golaha waxaa uu hordhigay warbixin la xiriirta khasaaraha ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ay u gesyteen shirkadaha Hormuud Iyo Somtel. Shirkadda Hormuud: 05/10/2012, Ciidamada Kenya ayaa miino ku xiray Tower-ka shirkadda ee ee tuulada Dhegalaab ee Baardheere, khasaaraha waa $255,528,16. 17/09/2017: Ciidamada ayaa burburiyey Site-k tuulada Khadiijo Xaaji ee Beled Xaawo, khasaaraha waa $388,344,34. 20/01/2018: Ciidamada ayaa miino ku xiray Site-ka Tuulada Ceelbaade ee Gedo, khasaaraha waa $307,594.36 02/03/2018: Ciidamada ayaa burburiyey Site-ka Dhamase ee Ceel-waaq, khasaaraha waa $390,410.56. Mar 3aad, waxaa ay burburiyeen Site-ka tuulada Dhuuntow ee Ceel-waaq, khasaaraha waa $267,778.16 13/08/2018: Waxaa ay burburiyeen BTS-ka matoorada soolarada iyo Towerka shirkadda ee Cali-buley ee Dhoobley, khasaaraha waa 298,461.16. 20/01/2019: Waxaa ay burburiyeen agab, ateennada, soolarka, BTS-ka keydka shidaalka ee xarunta Dhuyac goron, khasaaraha waa $331,294.00 27/03/2019: ciidamada ayaa yimid xarunta Jaldeys ee u dhaxeysa Qooqaani iyo Dhoobley , waxaa ay burburiyeen qalabkii sida BTS-ka, Soolarada, Matoorada, Tower-ka, systemka iyo keydkii shidaalka iyo ugu dambeyntii 20/03/2019 waxaa ay soo weerareen xarunta shirkadda ee Xiisin guur, wax khasaaraha ma gaarsiin. Dhinca kale, shirkadda SOMTEL ayaa sheegtay iney ciidamo Kenyaan ah ay yimaadeen xaruntooda Jaldeys March 27, 2017 iyaga oo miino ku xiray Tower-ka halkaasna ku burburiyey dhammaan qalabkii, khasaaraha halkaasi ka dhashay waa $165,760.00 Haddaba, Khasaaraha guud ee ciidamada Kenya ay ka geysteen goobaha ay burburiyeen sida: Dhegalaab, Khadiijo Xaaji, Ceel-baande, Dhamase, Dhuuntow, Cali-buley, Dhuyac,garon iyo Jaldays waa $2,493,410.76 Xigasho Goobjoog Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahan safar ku joogay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa haatan ka soo degay caasimadda Puntland ee Garoowe. Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda maamulka gobolka Nugaal kan degmada Garoowe iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland. Mudane Deni ayaa daqiiqado kadib faahfaahin doona safarkiisa dibadda ee uu ku tegay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay madax iyo mas’uuliyiin kala duwan. Faahfaahinta Puntland Post The post Madaxweynaha Puntland oo haatan ka soo degay Garoowe appeared first on Puntland Post.