Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,239
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Eritreans are unable to access social media networks from yesteday, the BBC’s Tigrinya Service reports. People have thus been forced to turn to Virtual Private Networks, VPN, to exchange messages. In Eritrea, the internet cannot be accessed via mobile phones, the report added. The government is said to have taken the measure to avert an intended protest as the country gears up for its 26th Independence Day celebrations on May 24. Asmara has yet to officially respond to the development. Communication like media is strictly under government control in the country considered to be a one-party state. President Isaias Afwerki is the sole president since 1993, there is no opposition in the country. Eritrea has serially been accused of violently crashing on dissent and muzzling the media which is currently non-existent. Internet World statistics indicate that Eritrea has by far the lowest internet penetration on the continent. As at 2018, it had only 71,000 internet users, estimated to be 1.3% of the population. Daily News Qaran News
  2. Somali Islamist insurgents are making their own explosives, according to a confidential U.N. report seen by Reuters, as they mount more frequent and deadly attacks. Source: Hiiraan Online
  3. New York (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa u gudubtay heer qaraxyada ku sameystaan gacmahooda, sida ay shaaca ka qaaday warbixin ay diyaariyeen guddi khuburo ah oo ka tirsan QM. “Markii ugu horreysay taariikhda, taxliil lagu sameeyey sheybaar ayaa tilmaamaysa in is-beddel weyn uu ku yimid habkii ay Shabaab u sameyn jireen bambooyinka, waxay ka gudbeen inay isku haleeyaan miinooyinka militariga una wareegaan kuwa lagu sameeyo guryaha” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga khuburada QM. “Akhbaaraadka aan helnay ayaa soo jeedinaya xiriir weyn oo ka dhaxeeya horumarka ay Al-Shabaab ka gaareen in qaraxyada ku sameystaan gacmahooda iyo sare u kaca dhowaan ku yimid qaraxyada waa weyn ee Muqdisho” ayay tiri warbixinta. Daraasadda ay sameeyeen guddiga QM ayaa waxaa saldhig u ahaa 20 qarax oo waa weyn oo Muqdisho ka dhacay tan iyo bishii July ee 2018. Lama shaacin cidda taxliisha sameysay, hase yeeshee document-ga guddiga ayaa waxaa ka muuqda oo lagu xusay hay’adda minooyinka ee QM ee U.N. Mine Action Service, hay’adda FBI-da Mareykanka iyo hay’ado kale. Al-Shabaab ayaa markii hore isku haleyn jirtay miinooyinka milatari oo ay dib uga farsameeyaan miinooyinka iyo hoobiyayaasha ay ka qabsdaaan ciidamada dowladda iyo Amisom, balse waxay hadda gaareen heer ay si buuxda ayaga u sameeyaan qaraxyada. Tani waxay u sahashay inay sare u qaadaan weerarada Muqdisho, oo uu ka mid yahay weerarkii dhimashada badnaa ee October 2017 ee Zoobe. Khubrada ayaa muddo rumeysnaa in laga yaabo in Al-Shabaab ay mararka qaar adeegsdaana miinooyin ay ayaga sameeyaan, balse wax caddeyn ah looma hayn ka hor taxliishan. Warbixinta ayaa sheegtay in waxaayabaha Al-Shabaab ay isku daraan ee ay ka sameeyaan bambooyinka ay ka mid yihiin kiimikooyinka nitroglycerine oo lagu qasay ammonium nitrate ama potassium nitrate iyo dhuxul. Farsamadan cusub ee Al-Shabaab ay billowday ayaa adkeyn doonto in qaraxyadooda laga hortago ama la xakameeyo, sida ay warbixinta sheegtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Eng Faysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id kaga hadlay xaaladda dalka ka taaggan iyo xadhigga Xildhibaan Dhakool ayaa sheegay in xildhibaankaasi khalad weyn sameeyay xadhiggiisuna yahay mid sharci ah “Xildhibaan Dhakool haddii aan la xidhin shacbiga dili lahaa,” sidaas ayaa ka mid ah hadalka Eng Faysal Cali Waraabe, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Jabuuti)-Dalalka Jabuuti, Itoobiya, Uganda iyo Koonfurta Suudaan ayaa gaadhay heshiiskii u horreyay oo ay ku doonayaan inay ku dhistaan khad isku xidha caasimadohooda. Shir laba maalmood socday ayaa lagu soo afjarayay kormeerka lagu sameeyay hirgelinta khadka. Dhinacyada ay khuseysay waxay ka doodeen waxyaabihii lagu soo jeediyay kormeerka iyo xalka dhismaha oo ay fulin doonto shirkad deggan fadhigeedu yahay Nairobi, inkastoo dowladda Kenya aysan qeyb ka ahayn. Shirka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayay dhinacyada ku saxiixdeen heshiiska fulinta, waxaana goobjoog ka ahayd IGAD, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana ee Itoobiya. Baadhitaanka hordhaca ah ayaa muujinaya in dhaqaale xoog leh laga heli doono khadka isku xidhka ah ka dib marka la hirgeliyo. Waxaana hadda laga fikirayaa sidii loogu gudbi lahaa qeybta fulinta mashruuca. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Ujeedada Wefti ka Socda Jabuuti oo Hargaysa Soo Gaadhay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha diinta dowladda federalka ee Soomaaliya ayaa soo saartay tirada dadka Soomaalida ee Xujeyda ah,wasaaradda ayaana sheegtay in sanadkaan 1440 Hijriya ay gaarayaan dadka Soomaalida ah ee xajinaya 11.500 oo qof. Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay qiimaha sanadkaan dadka Soomaaliyeed ay ku xajinayaan, waxa ayna Xustay in qof waliba oo Xaaji ah uu bixinayo 3.600$ halka dadka Vip da ahna ay bixinayaan lacag gaaraysa 5000$. Halkaan hoose Guji si aad u aqriso warbixinta oo dhameys tiran Halkaan ka aqriso Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-310/052019, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Cafis Guud Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad; Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149aad; Markaan Tixgeliyey: In Xuska 18 May Awgeed Cafis Loo Fidiyo Maxaabiista Dembiyada Fudud Ku Xukuman; Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso; Waxaan Go’aansaday; 1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 517 (Shan Boqol Toddoba iyo Toban) maxbuus. 2) Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhashay dembiyadda ay ku xukunnaayeen maxaabiistaasi, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. 3) Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan. Source
  9. Kismaayo (PP) ─ Wararka ka imaanaya deegaanka Diif ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxa ay sheegayaan inuu halkaas ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Kenya, kuwa Jubbaland yo xoogagga Al-shabaab. Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar dhawr jiho ah ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaankaas. Kooxda Al-shabaab ayaa warar ay ku daabaceen Internet-ka waxay ku shegeen inay la wareegeen deegaanka Diif oo ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa Jubbaland. Sidoo kale, Al-shabaab ayaa waxay sheegeen inay salhigggaas hub badan ka qaateen, isla markaana ay la wareegeen deegaanka Diif, laakiinse ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Jubbaland iyo cidamada ka socda Kenya eek a tirsan AMISOM. “Xoogaggeennu waxay la wareegeen saldhiggii ay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ku lahaayeen Diif oo ku dhaw xadka Somalia iyo Kenya, halkaas waxaan ku qabsannay hub fara badan,” ayuu yiri Sarkaal u hadlay Kooxa Al-shabaab. Dhanka kale, Sarkaalka ayaa sheegay in dagaalkaas ay khasaarooyin aad u badan ku gaarsiiyeen ciidamada isbahaysanayay, balse ma sheegin khasaare dhankooda kasoo gaarya dagaalka. Ugu damben, Inta badna deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka oo ay ku sugan yihiin ciidamada DF iyo kuwa Kenya ayaa waxaa mararka qaar ku qaada weerarro xoogagga Al-shabaab oo dagaal kula jira dowladda Somalia iyo ciidamada caawinaya ee ka socda Midowga Afrika. PUNTLAND POST The post Ururka Al-shabaab oo sheegay in uu gacanta ku dhigay Saldhig ku yaalla Jubbada Hoose appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Somalia ayaa ku dhawaaqday hawl-gallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, kaasoo laga fulinayo deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose oo qaybo ka mid ah ay maamusho Al-shabaab. Hawl-galkan waxaa ku dhawaaqay wasiirka gaashaandhigga Somalia, Xasan Cali Maxamed oo sheegay in dagaalkaan uu noqonayo mid ka duwan kuwii horay u dhexmaray ciidamada DF oo kaashanaya AMISOM iyo Al-shabaab. Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in hawl-galkan ay fulin doonaan ciidanka dowladda Somalia oo keliya, si ay Al-shabaab uga saaraan labadaas gobol, isla markaana ay hoggaamin doonaan wasiirada, amniga, gaashaandhigga iyo cadaaladda. “Qorshayaasha dowladda ugu muhiiman waxaa ka mid ah in ciidamdeenna dagaal galaan, waayo waxaan bedelnay qorshihii hore ee ahaa in ciiidanka DF ay la hawl-galaan kuwa AMISOM, dagaalkaanna waxaa galaya ciidanka DF oo keliya,” ayuu yiri wasiirka. Wasiirka oo sii hadlayay ayaa xusay inay xoogga saari doonaan gobolka Shabeellaha hoose, halkaasoo uu sheegay inay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab, ayna doonayaan inay ka saaraan. “Dgaaalkeenna waa mid ku wajahan labada Shabeelle, balse qorshaheenna ugu weyn waa gobolka Shabeellaha hoose, halkasoo ay kooxdu qaybo badan oo ka mid ah ka xukunto,” ayuu hadalkiisa ku daray. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa labadii sano oo ay jirtay waxay dhawar jeer shaacisay in ay qaadayso dagaal ka dhan ah kooxda Al-shabaab, balse hadalkaas uusan weli dhaqan-gelin. PUNTLAND POST The post DF oo sheegtay inay ciidamadeedu billaabeen hawl-gallo ka dhan ah Kooxda Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  11. Laascaanood(SMN):– Wafuud ay hogaaminayaan Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Maamulka Gooni isku taaga ah ee Somaliland ayaa maanta gaarey Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Ujeedada Socdaalkooda Saraakiishan ka tirsan Somaliland waxaa lagu sheegay in ay xalinayan Xiisad xalay ka dhacdey Magaaladasi oo ah Dagal u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan Maamulka. Qasaaraha halkaasi ka dhashey iyo sababta kicisay xiisada, inkastoo aan la shaacin ayaa hadana Maamulka Somaliland waxa uu wadaa waan waan ku aadan arintaasi xili Maalinta Bari ah lagu wado deeganada Soomaaliland in looga Dabaaldago 18may oo ah Maalintii ay ku dhawaaqeen Hogaanka Maamulkasi gooni isku taaga. Saraakiisha Gaarey laascaano ayaa Magaaladaasi ka bilaabay kulamo gaar gaar ah oo ay ugu kuurgalayaan xiisada. Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay wali taagan tahay xiisada u dhaxeysa Maamuladda Somaliland iyo Puntland oo ay Ciidamadoodu isku hor fadhiyaan Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Labadaani degmo oo ku wada jira Group-ka B ee is araga labaad ayaa caawa ku madlan tartan aqooneedka faca weyne ee Idaacadda Shabelle. Dharkenley ayaa tartankii hore soo badisay, kadib markii ay isku dhaceen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale Xamar Weyne ayaa horay guul uga soo gaartay dhiggeeda degmada Warta Nabadda Ex Wardhiigley ee M/Muqdisho Tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan isu diyaarinaya ka qeyb galka barnaajimka caawa. Xalay oo ay wada baratameen degmooyinka Howlwadaag iyo Kaxda ayaa waxa ay guushu raacday tartamayaasha Howlwadaag oo la yamid dar dar xoogan. Degmooyinkan ayaa u dambeeyay Group-ka A ee is araga labaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa iska kaashanaya shirkadaha Beco iyo Coca-Cola View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Qaban-qaabada Xuska 28-guurada Jamhuuriyadda Somaliland ee sannad kasta loo dabbaal-dego 18-ka bisha May, ayaa u muuqata sannadkan 2019-ka mid ka liidata sidii sannadihii hore loo abaabuli jiray ee la isugu xidhi jiray qaybaha Bulshada, Warbaahinta iyo Dowladda-ba. Inkasta oo loo magacaabay sidii horeba caadada u ahayd Guddi qaban-qaabo oo badi Masuuliyiinta dowladda ah, haddana guddiga, ayaa u muuqata mid kooxo ah oo aan isugu xidhnayn sidii ay awalkii hore isugu xidhnaan jirtay, taasina waxay keentay maamul-xumo iyo wax kala jiidasho sababtay habacsanaanta ka muuqata amma laga dareemayo diyaarintii xuska Qaran ee 18-ka bishan May. Xuska 18 ka May oo Somaliland aad looga wayneeyo, isla markaana ku suntan maalintii ay madax-bannaanideeda dib ugala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya 18-kii May 1991-kii,xuska maalintan waxa doorka ugu mudan ka qaadan jiray amma ka qaata Warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawlgasha ee Website-yada (Shabakadaha wararka), TV-yada, Wargeysyada iyo Idaacadaha dalka dibeddiisa laga leeyahay. Hase-yeeshee, doorka ugu muhiimsan waxa qaata Shabakadaha Online-ka ee Website-yada loo yaqaanno oo isku xidha dal iyo dibed, baahiyana Qoraal, Sawirro, Muuqaallo live iyo Fiidyawyo, kuwaas oo, ah isha ugu fiican ee gudo iyo dibedba si toos ah wararka iyo waxa jiraba kala socoto Bulshada gudaha iyo dibeddaba ku nool ee Somaliand iyo dadyowgaa kale ee Af-soomaaliga ku hadla iyo ajaanibkaba, iyagoo qaarkood Luqadaha kale ku baahiya dhacdooyinka iyo wararka Somaliland,munaasibadan iyo kuwa kaleba. Balse, nasiib-darro, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ayaa dafirtay doorka shariifka ah ee Warbaahinta online-ku ugu jirto Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana kala saartay warbaahinta oo kharashkii loogu talo-galay hawlgalka maalintaas u gaar yeeshay TV-yada iyo Wargeysada, sida laga soo xigtay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mukhtaar Maxamed Cali oo iska indha tiray doorka muhiimka ah ee ay leeyihiin warbaahinta Online-ka ee ka hawlgala Somaliland. Agaasime Mukhtaar, wuxuu sheegay inaanay kharash ugu talo-gelin Website-yada, halka ay Madaxtooyadu Guddiga Ururka Website-yada ee (Somaliland Media Online) oo loo soo gaabiyo SOMA, iyo Mulkiileyaasha Shabakadaha wararka qaarkood la kulantay, una sheegtay in qorshaha lagu halgalayo iyo wixii kharash ah loogu weeciyey Wasaaradda Warfaafinta oo Wasiirka wasaaraddaas Maxamed Muuse Diirye yahay Guddoomiye ku-xigeenka guddiga qaban-qaabada 18 May, balse Masuuliyiinta Wasaaraddu dafirtay arrintaa. Haddaba, tani waxay u muuqataa, caaglaysi iyo musuqmaasuq ay ku kacday Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta oo ay masuuliyiinta hadda hoggaamisaa muddo kooban oo bilo ah joogeen amma xilkeeda hayeen, iyagoo u muuqda inay gabeen amma ku fashilmeen kaalintii maamul-wanaag, hufnaan iyo musuqmaasuq la’aan ee laga filayey, maaddaama oo madaxdii iyaga Wasaaradda uga horreeyey intii Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi jirtay xilka looga qaaday eedo musuqmaasuq iyo maamul-xumo. Shabakadaha online-ka ee Somaliland ka shaqeeya oo Tiradoodu boqollaal Website ah, ayaa ah kuwa wararka iyo warbixinnada qoraalka, codadka, muuqaallada iyo sawirrada ah maalmaha qaranka iyo guud ahaan horumarka iyo hawlaha hadba dalka ka socda si waddaniyad leh dunida u gaadhsiiya, iyaga oo aan kab, taakulo iyo mahad-naq midna kaga helin dawladda, balse iyagu inta awooddooda ah muujiya karti iyo xilkasnimo ay waajibaadkooda si mutaddawacnimo ah ula garab-taagan yihiin Qarankooda. Hase-yeeshee, iyaga oo doorkaas leh may mudnayn, manay filayn in dowladdooda, weliba Wasaaraddii Warfaafinta qaabbilsanayd oo ay ahayd in ay isku ururiyaan ay sidaa u kala faquuqdo amma u kala saarto Saxaafadda dalka oo waaxdii ugu mudnayd ay doorkeeda iska indha-tiraan Wasiirka, Wasiir Ku-xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Warfaafintu. Dastuurka Qaranka iyo Xeerka Saxaafadda Somaliland, ayaa waajibiyey inay Warbaahintu u sinnaato Wararka, Xogaha iyo Manfacba wixii dowladda ka soo baxaya. Hase-yeeshee, iyadoo marka horeba warbaahintu ka cabanaysay nidaamka war-helista Xukuumadda, ayey tanina muujinaysaa faquuq Warfaafintu kula kacday Saxaafadda isku-duubnida Qaranka ugu adeegi jirtay iyo inay jebisay shuruucda waajibisay inay dowladdu Warbaahinta u sinnaato. Sida ra’yul-caamka badi bulshadu qabto, warbaahintuna xog-ogaalka u tahay, waxay arrintan warbaahinta lagu kala saaray sii murginaysaa natiijada ka dhalan karta, habacsanaanta iyo maamul-xumada hadhaysay Guddiga Xukuumaddu u saartay qaban-qaabada 18-ka May ee sannadkan 2019-ka. Waxa kale oo maamul-xumada iyo wax-kala-jiidashada Guddiga qaban-qaabada iyo hay’adaha Xukuumaddu u xil-saartay Xuskani sababeen inay meesha ka baxdo isku duubnidii bulshadu ku qaabbili jirtay waynaynta Maalintan Qaran, iyada oo aan magaalooyinka waawayn ee dalka sidii looga dareemi jiray iyo diyaar-garawgii bulshada midna si wacan uga muuuqan, iyadoo ay hal maalin oo keliyi innaga xigto 18-ka May, isla markaana taa beddelkeeda maalmihii ugu dambeeyey caasimadda Hargeysa lagu xidh-xidhay dhalinyaro si badheedh ah ugu labbistay Dhar ka samaysan Calanka Buluugga ah ee Soomaaliya, halkii Calanka Somaliland ay kaga labbisan lahaayeen. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumaddiisa, ayaa ku dhalliilan wax kasta oo iska beddela Xuska Maalinta Qaranka ee 18-ka May iyo isku-duubnimada Bulshada iyo Saxaafadda, isla markaana waxa looga fadhiyaa in Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta uu dirsaday saxaan nidaam-xumada muuqata, si Qarankani isugu sii duubnaado. Source
  14. Mahadaay (SMN):-Wararka ka imanaya deegaanka Buulo Axmed Cigow oo ka tirsan degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabelle uu ku fatahay deegaankaas kuwo kale oo hoostaga Mahadaay, waxaana halkaasi ka barakacay dadkii degenaa. Wabiga Shabelle oo Maalmihii ugu Danbeeyay Biyuhiisu ay kor dhayeen ayaa ku fatahay Deegaanka Buulo Axmed Cigow oo dhinaca Galbeed ka xiga Wabiga Shabelle. Fatahaada wabiga ayaa geysatay qasaare lixaadleh, taasoo gaartay beeraleyda ku nool Tuulada, iyadoo uu ku fatahay qeybo kamid ah xaafado ay dadku degenaayeen islamarkaana baabi’iyay beero ay ku abuurnaayeen dalagyo kala gedisan. Guddoomiyaha Tuulada Buulo Axmed Cabdiqaadir Muuse Cumar ayaa ka codsaday Maamulka Gobolka Sh/dhexe iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle in ay ka caawiyaan sidii loo xiri lahaa buqda ka fatahday deegaankaas. Wabiga Shabelle ayaa xilliyada jiilaalka qalala halka uu xilliyada Guga iyo deyrtana uu fataho, waxaana loo aaneynayaa sababaha fatahaada inay tahay iyadoo Wabiga Salkiisa ay fadhido Ciid badan, taasoo aan laga saarin tan iyo markii ay Burburtay Xukuumadii Siyaad Barre. View the full article
  15. J/Hoose (SMN):-Wararka laga helayo Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in Deegaano ka tirsan Gobolkaasi ay dhaqdhaqaaqyo Militari ka wadaan Ciidamo Huwan ah oo Ka tirsan Jubaland iyo Kenya. Howlgaladan ayaa waxaa looga gol leeyahay sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Ilo Xog-ogaal ah sidii Al Shabaab looga saari lahaa meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi iyo kuwa kale ee Jubooyinka iyo Gedo. Xoogag taabacsan Xarakadda Al Shabaab ayaa shalay gacanta ku dhigay Deegaan lagu magacaabo Diif oo hoostaga Gobolka Jubadda Hoose ee Maamulka Jubaland. Al Shabaab ayaa soo dhigey Barahooda Internetka in ay Deegaankaasi kala wareegen Ciidamadda Maamulka Jubaland, xili uusan wax dagaal ah dhexmarin. Sidoo kale Al Shabaab ayaa tilmaamay in ay Ciidamada Maamulka Jubaland kala wareegen Saldhigyo ku yaala Deegaanka iyo Saanad Ciidan. Dhinaca Kale majirto wax war ah oo kazoo baxay Jubaland oo ku aadan Deegaanka Diif ee Gacanta looga Dhigay. View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Guddiga baadhista Xasuuqa Somaliland, ayaa Meydadka 29 Ruux Xabaal-wadareed ugu sameeyay Xabaalaha Masallaha ee Koonfurta Magaalada Hargeysa. Meydadkan Xabaal-wadareedka loo sameeyay ayaa waxa bishii Afraad ee sannadkan laga soo saaray Xabaal-wadareedyo ku yaalla Xaafadd 150-ka ee Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo la aamisan yahay inay ku aaseen Ciidammadii Dawladdii Milletariga ahayd ee Soomaaliya oo badan ku dilay Somaliland, siddeetamaadkii. Aaska loo sameeyay Meydadkan Xabaal-wadareedyada lagu aasay, markii si Diinta Islaamka waafaqsan loogu tukaday ka dib, waxa Saxaafadda uga warramay Guddoomiyaha Guddiga baadhista Xasuuqa Khadar Axmed Like iyo Agaasimaha fulinta ee Guddiga baadhista, Axmed Ismaaciil Cali. “Waa markii labaad ee aanu Dumar ku dhex aragno Dadkaa la aasayey, waxaanu u ku aragnay Saddex dumar ah iyo laba Carrur ah, kuwaasi oo ka mid ah Dadka ay Diyaaraddu bannaanka ka heshay ee ay Garaacaysay. Dadkan aanu Qalfoofkooda meesha ku haynaa waa Ummad aan qori sidanin oo Shacab ah oo wax Alaale iyo wax ay geysteen aanay jirin oo gacan ka xaq-darani dishay. Dadkan waxaanu ka soo saarnay Xabaashii 18-aad, Dadkii aanu hore halkan ugu aasnayna waxay marayaan 203 hore iyo 29-kan.”ayuu yidhi, Guddoomiye Khadar Axmed Like. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Shirkadda Facebook ayaa sheegtay inay xidhay 265 baro warbaahineed oo ay lahaayeen shirkad Israa’ilyiin ah oo lagu bartilmaameedsan jiray Lix wadan oo qaarada Afrika ku yaalla iyo wadamo ku yaalla koonfurta Maraykanka iyo koonfur bari ee Aasiya. Barahan ayaa lagu faafin jiray warar maxali ah, xogo qarsoon oo leeyihiin siyaasiyiinta iyo wararka la xidhiidha doorashooyinka wadamada Nigeria, Senegal, Togo, Angola, Niger and Tunisia ”Kooxaha waxay isku muujinayeen inay yihiin degaanka, iyagoo faafinaya wararka maxaliga ah ee degaanka iyo xogo sir ah oo laga soo ururiyo siyaasiyiinta wadamada Africa qaarkood” Sidaas Waxaa yidhi madaxda ka hortega dambiyada internetka ee shirakdda Facebook Nathaniel Gleicher Baadhitaano ay samaysay shirkadda Facebook waxau ku ogaatay in qaar kamid ah Baraha la xiray lala xiriirinayo Shirkadda Archimedes oo laga leeyahay wadanka Israa;iil. Shirkadan ayaa laga joojiyay dhammaani Akoomadii ay ku lahaayeen facebooga. 5 ka mid ah Lixda wadan ee bartilmaameedku ahaa ayaa doorasho madaxweyne iyo Barlamaanka qabsaday saddex sanno ee la soo dhaafay, iyadoo dalkasi Tuuniisayana uu bisha December ee sanadkan uu doorasho gali doono Dhinaca kale, Facebook waxay sheegtay in Kooxahan baraha la xidhay ay ku kharash gareeyeen xayaysiinta iyo faafinta wararkooda lacaga dhan $812,000 intii u dhexaysay December 2012kii iyo April 2019kii. Lacagaha inta badan waxaa lagu bixin jiray Dollar, lacagta Israal ee Sheke iyo lacagta Riyaaska la yiraahdo ee Baraasiil. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sameeyey dakhli ah 434 milyan oo dollar sannadii 2018, sida ku cad warbixin uu ugu gudbiyey Xafiiska Anshaxa Dowladda oo shaaca laga qaaday. Lacagtaas ayaa waxyar ka yar dakhligii madaxweynaha soo galay sanadii 2017 oo ahaa 450 milyan dollar. Trump ayaa dhaqaalahan ka sameeyey hantidiisa ma guurtada ah, sida hoteello iyo daaro kirooyin loogu jiro oo uu leeyahay, taasi oo dib usoo noolaysay su’aalaha ku sabsan in madaxweynaha uu lacag ka helayo dowlado ajnabi ah, isaga oo ka faa’iidaysanaya xilka uu ka hayo dowladda. Hotel-ka Trump International Hotel ee magaalada Washington DC ayaa waxa uu madaxweynaha sanadii 2018 ka sameeyey 41 milyan oo dollar. Si kastaba, hoteellada madaxweynaha ayaan faa’iido wada sameyn, ayada oo hotelka Mar-a-Lago ee gobolka Florida, oo xiliiyada qabowga uu madaxweynaha ku nasto, uu dakhligiisa hoos u dhaca 2.5 milyan oo dollar oo uu ahaa 22.7 milyan dollar sanadii 2018. Hotel-ka Trump ee Washington oo la furay 2016, islamarkaana wax yar un u jira Aqalka Cad ayaa waxaa aad u adeegsaday diblomaasiyiinta ajnabiga iyo madaxda shirkadaha. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan in madaxweynaha uu saraakiil ajnabi ah lacag ka sameynayo, isaga oo magaciisa madaxweynenimo ka faa’iideysanaya, waxaana dadka dhaliila ay sheegeen in dad badan ay hoteelkiisa usoo degayaan kaliya inuu leeyahay madaxweynaha. Source
  19. (SLT-Jubba)-Dowlada Suudaanta Koonfureed ayaa Khamiista shalay sheegtay in 40 diblumaasi ay shaqada ka caydhisay kadib markii waajibaadkooda shaqo ay gudan Waayeen. War saxaafadeed ka soo baxay xarunta wasaarada Arimaha dibada ee magaalada Jubba ayaa lagu xaqiijiyay in shaqaalahan si aan sharci aheyn ay u qaateen fasax ayna wasaaradu Ogolaan. Diblumaasiyiintaan ayaa qaarkood ka howlgalayay safaaradaha ku yaalla Mareykanka iyo UK. Wasaarada ayaa sheegtay in ay ka xun tahay go,aanka ay ka qaadatay shaqaalahaan, balse aysna doorasho kale ayna laheyn si loo dardar galiyo howlaha Safaarada. Afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibedda Suudaan ta Koonfureed Mawien Makol ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in magacyada diblumaasiyiintan shaqada laga joojiyay ay soo daabici Doonaan. Shaqaalahaan ayaa qaarkood loo magacaabay xilalka muddo hada laga joogo afar Sanno Source
  20. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-170519.mp3 View the full article
  21. (SLT-Iran)-Dowladda Iiraan ayaa ku eedeysay Mareykanka ficilada uu ka wado bariga dhexe iyo cunaqabateynya uu ku soo rogay arin aan la aqbali Karin. Arintaan ayaa timid iyadoo Washington ay xoojisay cadaadiska ay ku heyso dowlada Islaamiga ah ee Iiraan. Wasiirka arimaha dibeda Iiraan oo Javad Zarif oo Khamiista maanta ah ka hadlayay magaalada Tokyo ee dalka Japan ayaa wuxuu sheegay in Tehraan aysan wadahadal la gali doonin Washington. Wuxuu intaa raaciyay in ficilka ku haboon ay ka bixin doonaan millatariga Mareykanka uu ku daabulay bariga Dhexe. Zarif ayaa intaa raaciyay in ay aaminsan yihiin xadgudubka Mareykanka uu yahay wax aan la aqbali Karin. Wasiirka arimaha dibeda Iiraan oo mudo todobaad ah safar dibada ah uga maqan dalka Iiraan ayaa la filayaa in Jimcaha barri ah uu u duulo dalka Shiinaha. Source
  22. (SLT-Afghanistan)-Duqeyn ay militariga ajnabiga ah ee jooga dalka Afghanistan ka fuliyeen gobolka koonfureed ee Helmand ayaa si qaldan u dishay 17 ka mid ah ciidamada dowladda, islamarkaana dhaawacday 14 kale. Sarkaal amni oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa VOA u xaqiijiyey dhimashadan, isaga oo sheegay in weerarkan uu ka dhacay duleedka magaalada caasimadda u ah gobolka ee Lashkar Gah, halkaasi oo ciidamada booliiska ay kula dagaalamayeen kooxda Taliban. Attaullah Afghan, oo ah madaxa guddiga gobolka Helmand, ayaa VOA u sheegay in taliyaha guutada booliska waddooyinka uu ka mid yahay dadka dhintay. Goor sii horeysay, wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan ayaa bayaan ku sheegtay in duqeynta lagu dilay sideed boolis ah, 11 kalena lagu dhaawacay, ayada oo xustay in baaritaan lagu hayo dhacdadan. Wasaaradda ayaa sheegtay in isbahaysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ee Afghanistan ay fuliyeen duqeynta kadib markii ay ka codsatay dowladda Afghanistan, si gacan looga siiyo iska caabinta weerar culus oo Taliban ay kusoo qaadeen degmada Nahr-e-Saraj. Ciidamada isbahaysiga weli kama aysan jawaabin codsi ay VOA ku weydiisatay inay ka hadlaan dhacdadan. Source
  23. ISIOLO, Kenya (Reuters) – A youth recruited while watching football. A Catholic school graduate. Girls desperate for cash and jobs. The al Qaeda-linked al Shabaab insurgency is using some unconventional accomplices to step up attacks beyond Somalia’s borders. January’s assault on an office and hotel complex in the Kenyan capital, Nairobi, was the first to be led by a someone who is not an ethnic Somali since al Shabaab began major cross-border operations in 2010. Twenty-one people were killed. The attack’s leader, Ali Salim Gichunge, nicknamed Farouk, was a 26-year-old Kenyan who attended a Catholic school and whose largely Christian Meru ethnic group has no ties to Somalia. He led four other assailants, including at least one non-Somali used as a suicide bomber, Kenyan security officials said. All died in the attack. They are among a growing number of Kenyans with no family links to Somalia drafted by the militants in recent years, according to relatives, security officials and analysts. Widespread poverty and unemployment mean al Shabaab can tempt recruits by offering cash or promises of work, researchers who interviewed defectors said. Even small gifts have lured some young men, their families said. These new recruits have expanded the militants’ reach and complicated efforts by Kenyan security forces to thwart them. “In the past, the security forces concentrated their efforts in parts of the country that are Muslim majority, Muslim-dominated,” said Murithi Mutiga, a project director for the International Crisis Group think-tank. “Now it’s much harder because al Shabaab has shown its adaptability by recruiting from outside the traditional areas.” At the same time, al Shabaab has expanded operations from Somalia into East Africa, where it has shown it can hit high-profile targets, such as the offices of Western multinational companies. FOOTBALL, DRUGS AND MOTORBIKES Gichunge, the son of a Kenyan military officer, was radicalised while working at a hotel Internet cafe in Isiolo town, his sister told Reuters. “It all started there. He was able to access new materials online, go to Facebook. He started studying Arabic language and all sorts of things,” Amina Sharif said. His Muslim family had sent him to a mission school in Isiolo, a dusty northern town that is a gateway to three vast, arid counties neighbouring Somalia. Many in Isiolo were reluctant to discuss him, fearing police attention. But some said al Shabaab recruiters had been targeting young, unemployed men from outside the ethnic Somali community there for years. Abdi Bidu, 53, said smooth-talking recruiters befriended his son Boru, then 20, three years ago while the young man was watching European football matches at video parlours. They offered cigarettes, motor-bike rides and khat, a mildly narcotic leaf, he said. The Bidu family are ethnic Boranas, a religiously mixed community not previously associated with Islamist violence. Police caught Boru trying to join al Shabaab near the Somali border in 2017, his father said. The young man went to court, but authorities inexplicably dropped the charges. His father keeps him at home now, forbidding him to use the phone. Bidu refused to allow Reuters to speak to his son, fearing a backlash. “There is a big problem in Isiolo,” Bidu said. “Many have been persuaded to join the militants. Many others have been caught by authorities and returned.” He said he knew three other families whose sons were recruited. Parents feel angry and helpless, and want the government to step up security. Martin Kimani, Kenya’s chief counter-terrorism official, said statistics on al Shabaab recruitment are classified. But a USAID-funded study in 2018, quoted in a local government strategy document, estimated the group had recruited about 200 young men in the county to which Isiolo belongs since 2013. Another 2018 survey asked 190 young Kenyans and 23 community leaders about violent extremism in Isiolo, neighbouring Garissa county, the coastal counties of Kwale, Kilifi and Mombasa, and Nairobi. Seventy percent of respondents had a family member, close peer or neighbour involved in such activities, including recruitment, the British-funded study found. SOPHISTICATED MESSAGING Al Shabaab grew out of a political movement that used Islamic courts to impose order on war-ravaged Somalia. U.S.-backed Ethiopian soldiers defeated the Islamic Courts Union in 2006, but its youth wing split off and launched an insurgency. Al Shabaab pledged loyalty to al Qaeda four years later, as the insurgency battled African Union peacekeepers in Somalia. Kenya sent troops there in 2011 after al Shabaab started recruiting and kidnapping on Kenyan soil. Two years later, the insurgents massacred 67 people at Nairobi’s Westgate mall. As al Shabaab morphed from a nationalist insurgency into an al Qaeda franchise, it increased its messaging to other nationalities. The first such outreach came after it killed 76 people watching the World Cup football final in twin suicide attacks in Kampala in 2010. Al Shabaab released a video threatening further attacks from militants who “speak your language and walk your streets”. Since then, the group’s messaging has grown more sophisticated. Kenya’s 2012 election was denounced in a press release and radio statement as a tool for infidels. Ahead of the 2017 election, the group released seven videos in local languages. In one video, eight al Shabaab fighters from Kenya spoke about grievances specific to their ethnic groups, such as land-grabbing on Kenya’s coast, according to a 2019 report by the London-based Royal United Services Institute for Defence and Security Studies. Other videos discussed the rising price of flour, or used graphics and statistics to build an economic case for Kenyan troops to leave Somalia. “Religious ideology … is entirely absent,” the report said. “It seeks to relate to educated, non-Muslim audiences.” COUNTER RADICALISATION Kenya launched counter radicalisation programs in 2014. Reuters attended one meeting organised by a grassroots peace group two weeks after the January attack. Fifteen parents who feared their sons had been recruited met at Isiolo’s dilapidated main police station. Organisers asked not to be named. Over samosas, boiled eggs and milky tea, police explained they needed information to thwart the militants. The police had been criticised after previous attacks for making mass arrests and hauling in suspects’ families for questioning. This was a softer approach. “These meetings encourage us … We are not alone,” said a mother whose son disappeared three years ago. She is furious at Islamist recruiters she blames for targeting her son. “We don’t know them. If we knew, we would lynch them,” she said. NEW TARGETS About two hours drive west from Isiolo, officials in Nyeri town say al Shabaab recruiters have penetrated one of its biggest slums. The central Kenyan town, far from traditional militant hotspots along the Somali border and the coast, is a staging point for Mount Kenya hikers and home to the grave of Boy Scouts founder Lord Baden-Powell. “It is not (only) people of Somali origin; we also have Kikuyu who have become members of the al Shabaab movement,” said Fredrick Shisia, the county commissioner. The recruiters were mainly local Kikuyus who had converted to Islam, two intelligence sources in Nyeri told Reuters. Shisia declined to provide figures on recruitment but confirmed that promises of cash and gifts are often made, sometimes under false pretences. One female recruiter in the city of Mombasa approached a tailor who was struggling to feed her family and offered the woman 30,000 shillings ($300) to make dresses, according to a 2018 study by Fathima Badurdeen, a researcher at the Technical University of Mombasa. When the woman went to deliver the dresses near the Somali border, she was seized and taken to an al Shabaab camp in Somalia, the report said. It did not say what happened next or how she escaped. Others were lured to Somalia for as little as 3,000 shillings ($30), said Badurdeen. The first female-led attack in Kenya came in September 2016. Three women entered a Mombasa police station, stabbed an officer and set off a petrol bomb before being shot dead. Gichunge’s wife, Violet Kemunto, was another non-traditional recruit. The Nairobi-born woman from the mainly Christian Kisii ethnic group described herself as an al Shabaab bride on social media. Police believe she has fled to Somalia. Editing by Katharine Houreld, Alexandra Zavis and Giles Elgood Source: Reuters
  24. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ururka Al Shabaab ay deegaan muhiim ah kala wareegeen ciidamada dowladda Kenya iyo kuwa Jubbaland. Al Shabaab ayaa baahiyay wararka la xiriira inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka DIIF ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Kenya iyo Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in dagaal dhowr Jiho ahaa Al Shabaab ay ku qaadeen deegaanka, kaasi oo sababay in ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay isaga baxaan, kadibna Al Shabaabla wareegtay gacan ku heynta deegaanka. Al Shabaab ayaa shaaciyay in dagaal xoogan uu ka dhacay deegaanka, islamarkaana khasaaraha ugu badan ay gaarsiiyeen ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM. Sidoo kale Al Shabaab ayaa baahiyay inay hub badan ka qaateen saldhiga deegaanka oo ay la wareegeen, waxaana muuqata inay saacado kadib ay isaga baxeen saldhiga deegaanka Diif oo weerarka uu ka dhacay. Inta badan deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ayaa waxaa mararka qaar weeraro ku qaada Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM. Majiro war kasoo baxay dowladda Kenya iyo maamulka jubbland oo ku aadan weerarka Al Shabaab ay sheegeen inay kula wareegeen gacanta ku heynta deegaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com