-
Content Count
215,317 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda ciidda kula tukaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Masjidka Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Goordan. Salaaddii ciidda kaddib, Madaxweynaha ayaa goob fagaare ah kula hadlay Ciidanka waxa uuna ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga, isagoona xasuusiyey muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya. “Qof kast oo ku biira ciidanka waxa uu naftiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa, waana sharaf iyo waddaniyad tan ugu sarreysa. Waxaad raadineysaan waa inaad soo celisaan dalkeenna haybadiisa iyo sharafkiisa.” Ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradan u istaagay difaaca dalkooda ay ka tarjumayso rajada weyn ee aynu ka qabno dib u soo celinta qaran Soomaaliyeed oo ka tilmaaman Gobolka iyo Caalamkaba. Dhankooda, geesiyaasha uu Madaxweynuhu la ciiday ayaa muujiyey dareenkooda ku aaddan in hoggaanka dalku ay la qaybsadaan farxadda ciidda, waxa ayna la wadaageen erayo ay ku muujinayaan sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xaqiijinta amniga. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa isagana Madaxweynaha la wadaagay dadaallada ballaaran ee ku aaddan dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo tayeyntooda. Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta la socotay Madaxweynaha ee farxadda Ciiddul Fidriga la qeybsaday cutubyadan ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Dowladda Kenya ayaa diyaarisay liis ay ku qoran yihiin magacyada 66 sarkaal oo Soomaali ah, kuwaasoo ay ka mamnuuci doonto inay soo galaan dalkeeda. Tallaabadan ayaa noqoneysa tii ugu dambeysay ee salka ku heysa muranka labada dal u dhaxeeya ee ku saabsan xuduudda badda, sida ay ku warrameen qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee Kenya. Warqado diblomaasiyadeed oo uu arkay wargeyska The Standard ayaa muujinaya in Kenya ay dhiseyso xayndaab, kaasoo ay ku eedeysay Soomaaliya inay ugu xad gudbeyso “si joogto ah”. Magacyada ku jira liiskan sirta ah ayuu wargeysku sheegay inay ka mid yihiin wasiir ka tirsan xukuumada Soomaaliya, ra’iisul wasaare hore, xubin ka tirsan baarlamaanka, ku xigeenka madaxa sirdoonka ee Soomaaliya iyo milkiileyaasha shirkad isgaarsiineed. Muwaadiniin reer Kenya ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, kana dhashay qabiilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sidoo kale ku jira liiska, sida uu wargeysku xusay. Bishii lasoo dhaafay, saddex siyaasi oo Soomaali ah ayaa loo diiday inay gudaha u galaan Kenya. Sidoo kale waxaa dib loo soo celiyay xeerkii diyaaradaha Soomaaliya ka imaada ka hor istaagayay inay si toos ah uga soo dagaan garoonka caalamiga ah ee magaalada Nairobi, waxaana lagu amray inay ku hakadaan, laguna baaro magaalada Wajeer. Bishii Maarso unbay ahayd markii ay Kenya iyo Soomaaliya dib u cusbooneysiiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed, ka dib markii uu soo kala dhex galay muran xoog leh oo la xiriira lahaanshaha xadka badda, halkaasoo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah ee shidaalka. Bishii Febraayo, safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa laga eryay waddanka, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegayay in Soomaaliya ay beecisay shidaalka ku jira xadka badda ee lagu muransan yahay. Hase yeeshee, dowladda Soomaaliya ayaa beenisay inay iibineysay kheyraadkaas. Horay ayey Soomaaliya dacwad arrintan la xiriirta ugu gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, taasoo wali laga dhursugayo inay soo saarto go’aanka kama dambeysta ah. Muranka Kenya iyo Soomaaliya ee xadka badda waxaa uu haatan socdaa ku dhawaad 10 sano, wuxuuna ku saleysan yahay sida loo cabbirayo xadka badweynta Hindiya ee labada dhinac. Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo. Baaxadda ay ku fadhido badda lagu muransan yahay waxaa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah. Haddaba halkan ka akhriso taariikhda muranka badda Kenya iyo Soomaaliya April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac. Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah. Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya. Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya. August 1, 2009:- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya. Kulan aan caadiga ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodad ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad oo ku faahfaahiyo heshiiska. July 13, 2015:- Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali oo BBC-da la hadlayay xilligaasi ayaa sheegay in arrintan ay go’aankeeda gaari karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana BBC-da u sheegay in Soomaaliya aysan xaq u lahayn in kiiskan ay geyso maxkamaddaas. December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn inay go’aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal. Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda bixisay jawaabteeda ku aaddan codsigii Kenya ay maxkamadda uga dalbatay in arrintan dibedda maxkamadda lagu xalliyo. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaareen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso. Soomaaliya ayaa ku doodday in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas. Feb 02, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya. Hase ahaatee, maxkamaddu weli ma aysan qaban taariikhda la dhegeysan doono dacwadda. Feb 07, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya. Wasiirka betroolka ee Soomaaliya, Cabdirashid Maxamad Axmed, oo BBC-da u warramayay ayaa sheegay in goobaha sahminta laga sameeyay ay ku jirto qeybta badweynta Hindiya ee Kenya iyo Soomaaliya ay ku muransan yihiin, isagoo sheegay in Soomaaliya ay leedahay go’aanka la xiriira arrintaasi, inta ay maxkamadda cadaaladda caalamiga ee ICJ ay ka soo saareyso go’aankeeda ku aadan murankaasi. Feb 16, 2019:- Kenya waxay la soo noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa sheegtay in shirkii shidaalka Soomaaliya ee Lonodn lagu xaraashay “hantida shacabka reer Kenya,” taas oo ay sheegeen inay tahay tallaabo aan loo dulqaadan karin. Feb 17, 2019:- Danjiraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu amray inuu dalkiisa aado. Xigasho: BBC News Somali PUNTLAND POST The post Liis sir ah: Kenya ‘oo dalkeeda ka mamnuuceysa siyaasiyiin badan oo Soomaali ah’ appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimadda Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaasi askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu ku dilay gabar yar. Gabadha ayaa qoyskeeda waxay geeyeen magaalada Jowhar, si ay halkaasi ugu soo ciideysato, balse waxaa maanta lagu suuqa Jaadka lagu iibiyo ee magaalada Jowhar. Askariga ayaa xabad ku dhuftay Gabar yar oo da’deeda lagu qiyaasay Sideed Sanno jir,ayaa markii dambe la sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen. Wariyaha Caasimada Online ee ayaa sheegaya in Gabadhaas waqti yar kaliya ay ku sugneyd Magalada Jowhar kana tagtay Muqdisho si halkaasi ugu ciideysato. Dilka kadib Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hir-Shabelle ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay,iyaga oo Saldhiga Jowhar dhigay askariga dilka geystay. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.ciom
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda ciidda kula tukaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Masjidka Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Goordan. Salaaddii ciidda kaddib, Madaxweynaha ayaa goob fagaare ah kula hadlay Ciidanka waxa uuna ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga, isagoona xasuusiyey muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya. “Qof kast oo ku biira ciidanka waxa uu naftiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa, waana sharaf iyo waddaniyad tan ugu sarreysa. Waxaad raadineysaan waa inaad soo celisaan dalkeenna haybadiisa iyo sharafkiisa.” Ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradan u istaagay difaaca dalkooda ay ka tarjumayso rajada weyn ee aynu ka qabno dib u soo celinta qaran Soomaaliyeed oo ka tilmaaman Gobolka iyo Caalamkaba. Dhankooda, geesiyaasha uu Madaxweynuhu la ciiday ayaa muujiyey dareenkooda ku aaddan in hoggaanka dalku ay la qaybsadaan farxadda ciidda, waxa ayna la wadaageen erayo ay ku muujinayaan sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xaqiijinta amniga. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa isagana Madaxweynaha la wadaagay dadaallada ballaaran ee ku aaddan dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo tayeyntooda. Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta la socotay Madaxweynaha ee farxadda Ciiddul Fidriga la qeybsaday cutubyadan ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo farxadda Ciidda la qaybsaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka appeared first on Puntland Post.
-
Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland, Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, oo saaka hadal ka jeediyay goob lagu tukaday salaadda Ciidda, ayaa ku dhaliilay bulshada Boosaaso in aysan la shaqeyn laamaha amniga magaalada. Taliyaha ayaa digniin adag u jeediyay, dad uu sheegay in ay guryahooda ku hayaan kooxaha amnni-darrada iyo dhibaatada ka wada magaalada Boosaaso, isagoo ku hanjabay in dowladdu la wareegayso guryaha lagu qabto kooxahaasi. Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa ka sheekeeyay Qiso naxdin leh oo sida uu sheegay maalmo ka hor ka dhacday magaalada Boosaaso, kadib markii koox hubaysan ay masjid ku dhex dileen nin 70 jir ah oo Qur’aan akhrisanayey. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in meheradaha Boosaaso badankoodu u kiraysan yihiin burcad-diimeed islamarkaana tallaabo adag laga qaadi doono. Hoos ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Gen. Muxiyadiin oo sheegay in meheradaha Boosaaso u kiraysan yihiin burcad-diimeed appeared first on Puntland Post.
-
Parlin (SMN) – Iyadoo maanta si weyn loogu dabaal dagayo maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga ayaa waxaa ka mid ah dalalka sida aadka ah looga Ciidayo Jarmalka oo ay ku nool yihiin Soomaali fara badan. Wariyaha Shabelle Mustaf Abdi Abshir oo ku sugan gudaha dalkaasi ayaa la kulmay qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan halkaasi. Mustaf oo tagay magaalooyinka ay ku badan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Jarmalka ayaa ka soo diray Warbixintan. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/war-mustaf-Ciida-jarmalka-.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-04062019.mp3 View the full article
-
At least one National Police Reservist (NPR) was killed and another injured in a clash between Kenya security agencies and Al-Shabaab militants in Dawaduba, Fino in Mandera County. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (SMN) – Cali Gacal Casir guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga u diray shacabka maamulkaasi iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Guddoomiye Casir oo la hadlayay Shabelle ayaa u rajeeyay dhammaan dadka Soomaaliyeed in sanadkan kiisa xiga uu alle ku gaarsiiyio nabad iyo barwaaqo. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay is cafiyaan, islamarkaana ay is caawiyaan, si loo gaaro hormar iyo xasilooni waarta. Maalinta koowaad ee Ciida ayaa maanta si weyn looga dabaal dagayaa dalal badan oo ay ka mid tahay Soomaali, waxaana dadka Soomaaliyeed ay isugu hambalyeynayaan munaasabadda qiimaha badan ee Ciidul Fidriga. View the full article
-
Hambalyada Ciidanka Dab-demiska Somaliland ee Munaasibada Ciida awgeed. Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo ka ciidanka Dab-demiska wuxuu Hambalyo u dirayaa Dhamaan shacbi weynaha ku nool Somaliland, gaar ahaan xubnaha Ciidanka Dab-demiska iyo xaasaskooda meel kastooy joogaan. In Ilaahay Ciidaa ciideeda enagu gaadhsiiyo Bash bash , Barwaaqo, nabad iyo Caafimaad qab. Aaamiin Aaamiin Aaamiin Qaran News
-
Click here Qaran News
-
There is a possibility of terrorist attack along the Kenya-Somalia border within Mandera county during the last days of Ramadan, a police intelligence seen by the Star shows. Source: Hiiraan Online
-
Kusimaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo saaka hadlal ka jeediyay munaasabadda iidda, ayaa sheegay in Puntland aysan qaadan doonin, nabadda uu ku baaqay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, inta Somaliland ay haysato degaanno ka tirsan Puntland. “Dhulkeennii waa la haystaa, Sanaag baa u dambaysay waa la soo galay, Sool baa ka horraysay, isagoo halkaa jooga Muuse Bixii wuxuu leeyahay nabad baan qaatay, reer Barigu waxay yiraahdaan aa la tahay, inta uu ku jiro Puntland dalkeenna oo Puntland dalkeeda ku jiro aa latahay baan leeyahay” ayuu yiri Karaash. Madaxweyne ku xigeenka, ayaa sheegay in Puntland ay nabad rabto weligeedna doonaysay, balse aysan nabadi suurtoobi Karin ilaa Somaliland ay ku laabato xuduudaheeda “ma dhacayso nabadi, mana suurtoobayso, waxaanu leenahay: xuduudaadii tag, haddaad nabad doonayso” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Sidoo kale, wuxuu u hambalyeeyay taliyaal ciidamadooda kala soo baxay Somaliland oo ku biiray ciidamada Puntland ”waxan u hambalyeynaya, ciidamadii halkaas reer Sanaag ee guusha soo hoyiyay, hambalyo baan leeyahay Ciid wanaagsan”. Hadalka Axmed Karaash ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland ay la kala wareegeen maxaabiis lagu kala qabsaday dagaalladii ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool. hoos ka daawo hadalkiisa oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Axmed Karaash: Muuse Biixi waxaan leeyahay aa la tahay! appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Shirkadda Spectrum Geo, kadib markii ay boggeeda rasmiga ku baahisay in sharciga Batroolka uu ansixiyey baarlamaanka federaalka ah isla markaana uu saxiixay madaxweynaha JF. Arrintaas waxaa Senator-ka ku tilmaamay marin habaabin sharciyeed. Haddaba, Halkan Ka Akhriso Qoraalka Guddoomiye Abshir Axmed: Shirkadda Spectrum Geo waxa ay boggeeda rasmiga ku daabacday 30 May 2019 qormo ka soo horjeeda dastuurka dalka sida aad ka heli karto lifaaqan https://bit.ly/2Wa8HsP. Qormadaas oo ay cinwaan uga dhigtay Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ansixiyay Sharciga Batroolka (Somalia’s Parliament Approves Petroleum Law Legislation). Qoraalka waxaa kale oo ay ku sheegtay in Hindise Sharciyeedka Batroolka uu sugayo oo kaliya saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Haddaba, si loo ogaado marin habowga sharciyeed ee Shirkada Spectrum Geo ay ku faafisay boggeeda waxaan halkan kula wadaagayaa Dadweynaha Soomaaliyeed habraaca dastuuriga ah ee ay tahay in xeer dejinta Dalku ay marto ka hor inta uusan noqon hindise sharciyeed kastaa sharci dhaqangal ah. Marka hore, awoodda xeer dejinta Dalka waxaa u xilsaaran labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ku cad Qod.55aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu ka kooban yahay labo gole oo kala ah: Golaha Shacabka Golaha Aqalka Sare Madaxa Afaraad (Qod.79aad – Qod.86aad) ee Cutubka Lixaad ee Dastuurka KMG ah wuxuu xeerinayaa dhammaan tallaabooyinka loo baahan yahay in sharci kasta oo qabyo ah uu maro si uu noqdo sharciga dalka. Nuxurka tallaabooyinkaas waa sida hoos ku qoran: In sharci kasta oo qabyo ah ee la horkeeno mid ka mid ah labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu maro golaha kale ee Baarlamaanka Federaalka iyada oo la raacayo habraaca dastuuriga ah oo si faahfaahsan loogu qeexay Qod.82aad iyo Qod.83aad ee Dastuurka KMG ah. In nuqulka kama dambeysta ah ee ay meel mariyeen labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.82aad, Qod.83aad iyo Qod.90aad(f) ee Dastuurka KMG ah; si uu uga dhigo SHARCI dhaqangal ah. In nuqulka uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.82aad, Qod.83aad iyo Qod.85aad ee Dastuurka KMG ah. Sidaas darteed, Sharciga Batroolka ee ay ka hadashay Shirkadda Spectrum Geo waxaa ansixiyay oo kaliya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka waxaana loo soo gudbin doonaa Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya; si uu uga guto waajibkiisa dastuuriga una dhammeystiro habraaca dastuuriga ah ee kor ku xusan. Ugu dambeyntii, waxaan u soo jeedinayaa Shirkadda Spectrum Geo in ay dib u saxdo qormada ay ku faafisay boggeeda rasmiga ah, aniga oo ugu baaqaya in ay ilaaliso sharciga Dalka u yaal ayna ka fogaato tallaabooyinka ka hor imaanaya sharciga Dalka. Sidoo kale, waxaan kula talinayaa Shirkadda in ay ka feejignaato qoraallada noocaan ah ee baalmarsan habraaca sharcidejinta Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somali forces on Monday killed two al-Shabab militants and injured three others in an offensive in the country's southern region of Gedo, officials said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Dowladda Kenya ayaa ku gooddisay in uu sii soconayo dagaalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya xitaa haddii Maxkamadda ICJ ay xukunto in Badda Kenya dooneyso loo xukumo Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa warqad ay soo marisay safaaraddeeda Muqdisho waxaa ay u soo dirtay Soomaaliya,waxaana warqaddaasi daarneyd dhowr qodob oo kala ah; -In Kenya ay awood xoog leh u adeegsaneyso Shacabka Gedo ee bur burinaya derbiga ay Kenya ka dhiseyso Dhulka Soomaalida. -In Guddi baaris ah u saartay Kenya arrinta darbiga,wixii waxyeello ah ee gaartayna ay magdhow ka bixin doonto dowladda Soomaaliya. -In Kenya aqoonsaneyso Somaliland, haddii ay dowladda Federaalka ah sii waddo muranka Badda islamarkaana toos ula xiriiri doonto Somaliland. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo warqaddaasi ay soo gaartay 25-kii May ayaa 29-kii isla bishaas ku jawaabtay in dowladda Soomaaliya aysan hayn caddeyn ku filan in shacabka Gedo ay bur buriyeen darbiga ay Kenya dhistay. Waxaa kale oo ay oo dowladda Soomaaliya sheegtay in Kenya ay u oggolaatay in ay xafiis ka furato Hargeysa, haddii Kenya hanjabaaddeeda ka dhameysana Soomaaliya go’aan noocaas ah ka qaadan karto gooni u goosadka Mombasa ee dalka Kenya. Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Kenya ayaa la xiriiray Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad,markii la weydiiyay go’aanka Kenya ee Somaliland ayuu Wasiir Cawad ku qoslay isaga oo arrinta Mombasana miiska imaneyso. Xigasho Mustaqbal Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ayaa Umadda Soomaaliyeed waxa uu diray hanbalyada Ciidul fidriga, waxa uuna u rajeeyay in sanadka sanadkiisa ay ku gaaraan nabad iyo barwaaqo waxa uuna fariin u diray madaxda dowladda federalka iyo dowled-gobaledyada. Dhinaca kale, madaxweyne Xasan waxaa uu baaq u diray dowladda federaalka isaga oo sheegay in loo baahanyahay iney dadka isku wadaan. Mudane Xasan oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yri “waxaan rabaa inaan si gaar ah ugu baaqo madaxda dowladda dhexe ayaga ayaa laga rabaa in ay dadka is ku wadaan, ayaga ayaa laga rabaa in ay gacanta fidiyaan, ayaga ayaa laga rabaa kii caroodo in ay daba kacaan kii aan soconeyn maba soconayee kii sonaya in ay socod siiyaan, ayaga ayaa laga rabaa in ay noqdaan Ratigii Hayinka ahaa aan marna dideynin”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Iyadoo maanta magaalada Muqdisho siweyn looga ciiday munaasabadda Ciidaul Fitriga ayaa madaxda Qaranka waxaa ay boqolaal dadweyne ah Salaadda Ciida ay kula oogeen Masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanaka federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya,raiiusl wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Khayre,madax kale oo ka tirsan Dowladda,xubnaha golayaasha kaladuwan ee dowladda ayaa si wad jir ah boqolaal dadweyne ah ugala dukaday salaadda Ciida Masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaaliya mudane cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa dhankiisa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay dabaal dega ciida,isagoo u rajeeyey in ilaahay uu dhibta ka saaro,sanadkan sanadkiisana auu ku gaarsiiyo guul iyo barwaaqo. Madaxdan ayaa shacabka Soomaaliyeed dhamaantoodi ugu hambalyeeyey dabaal dega munaasabadda ciidul fitriga,maadaama ay guteen waajibaadkii alle uu saaray,isalamarkaana waxaa ay u rajeeyeen umadda Soomaaliyeed in ilaahay uu dhibta ka saaro. Guud ahaan Soomaaliya iyo muslimiinta kale ee dunida kunool ayaa waxaa ay oogeen salaada cida meelo kaal duwduwan,iyagoo farxadda isala wadaagayay,maadaama ay dhamaatay bishii barakeysanayd ee Ramadaan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dawladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay Qaraarkii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee ka soobaxay dhawaan. Soodhoweyn: Dawladda Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2472 (2019) ee ka soo baxay kulankii Goluhu yeeshay 31 May 2019. Mahadcelin: Waxaanu u mahadcelinaynaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, Hay’adaha Qaramada Midoobay, AMISOM, AU, EU iyo dhamaan Dawladaha taageera dib-u-soo-kabashada, dhismaha Dawladnimada iyo horumarka Soomaaliya. Ammaan: Waxaanu ku amaanaynaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay taageerada joogtada ee ay u muujiyaan Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo ilaalinta Qaranimada, xaduudaha, wadajirka iyo midnimada Somalia. Soodhoweyn iyo Xoojin: Waxaanu mar labaad soo dhoweynaynaa oo xoojinaynaa soojeedinta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee la xiriirta:- 1-Muhimada ay Soomaaliya u leedahay in hay’adaha Dawladda ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed ka wadashaqeeyaan degganaan Siyaasadeed oo sahasha in la dedejiyo dhismaha Ciidan Qaran iyo hirgelinta qorshaha kala guurka amniga (transition plan) ee masuuliyada Aminga dalka kula wareegayaan hay’adaha amniga Soomaaliya. 2-In la xoojiyo xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhexaysa Dawladda dhexdeeda (Dawladda Federaalka ah iyo Dawlad Goboleedka), Qaramadda Midoobay, AMISOM, AU, EU iyo Dawladaha daneeya arimaha Soomaaliya si loo dedejiyo oo loo dhameystiro dhismaha Qaran iyo Dawladnimo Soomaaliyeed oo mid ah, Dimuqraadic ah, oo hanan karta masuuliyada dadkeeda iyo dalkeeda. 3-Iyadoo la fulinayo heshiiskii Baydhabo, laguna dhaqmayo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, In Hay’adaha Dawladda ee heer Federal iyo heer Dawlad Goboleed dardargeliyaan sidii horumar looga gaari lahaa oo loogu heshiin lahaa dhamesytirka Dastuurka, qaybsiga kheyraadka, Muuqaalka uu yeelanayo qaab-dhismeedka Dawladnimo ee Soomaaliya iyo awood qaybsiga Siyaasadeed. 4-Ugu dambeyn, Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa oo xoojinaysaa in Dawladda Federaalka ah, Dawlad Goboleedyada iyo xoogaga taageeraya Soomaaliya ee ay ugu horeeyaan AMISOM, UNSOS, UNSOM iyo Diplomaasiyiinta Dawladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ka wadashaqeeyaan in markasta oo maamul jira waqtigu ka dhamaado laga dheeraado waqti kordhin oo la qabto doorasho loo dhan yahay, si nabad ah ku dhacda, xor iyo xalaal ah. iyo sidoo kale in 50 sano ka dib sanadka 2020/2021 Soomaaliya laga hirgeliyo doorasho hal qof iyo hal cod ah si shacabka Soomaaliyeed u soo doortaan wakiiladooda ku metelaya Siyaasadda. View the full article
