Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,751
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN): –Shir Madaxeedka Dalalka iskaashiga Islaamka ayaa maanta ka furmaya Magaladda Barakeysan ee Maka Almukarama ee Boqortooyadda Sacuudiga, waxaana ka qayb galaya Madax ka socota ilaa 57 Dal. Shirka oo ay sanadkan Martigalisay Boqortooyadda Sacuudiga ayaa waxaa diirada lagu saari doona Arimaha ugu waa weyn ee ka jira dalalka Islaamka. Madaxda ka qayb galaysa ee lagu casuumay shirka waxaa kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo oo shaley Gaarey Dalka Sacuudiga ayaa waxaa uu halkaasi kulamo gooni gooni ah kula yeeshay Madaxda Boqortooyadda iyo kuwa dalalka kale ee Shirka Iskaashiga Islaamka ka qayb galaya. Arimaha cajiibka ah ee laga calaamadiyey shirkan furmaya waxaa kamid ah Amiirka Qatar oo ka qayb galaya Shirkan, xili ay Xiisad u dhaxeyso Sacuudiga iyo Qatar. Boqor Salmaanka Sacuudiga ayaa warqad u diray Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani, isagoo ka codsadey in uu kazoo qayb galo kulanka Madaxda Dalalka Islaamka. View the full article
  2. Kismaayo (Caasimada Online)-Taliska Hay’adda Nabad Sugida ee degmada Beledxaawo ayaa soo bandhigay sarkaal sare oo katirsanaa ururka Al Shabaab, kaasi oo ka howlgalayay deegaanada gobolka Gedo. Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee degmada Beledxaawo oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in sarkaalka isku dhiibay ciidamada Jubbaland uu xubin muhiim ah uu ahaa ururka Al Shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay ku howlan yihiin sidii loosoo qaban lahaa saraakiil kale oo ka tirsan Al Shabaab, kuwaasi oo la sheegay inay kamid ahaayeen kuwa weerarada ugu badan ka geysanayay deegaanada Jubbooyinka. Sarkaalka ciidamada Jubbaland kusoo bandhigeen degmada Beledxaawo ayaa kamid ahaa kuwii fuliyay weerarada ugu badan ee Al Shabaab ka geysteen deegaanada gobolka Gedo, sida taliyaha uu sheegay. Taliyaha NISA ee Jubbaland ayaa shaaciyay in saraakiisha kale ee la shaqeyneysay sarkaalkaan ay fursad u heystaan inay isku soo dhiibaan ciidamada maamulka Jubbaland, ka hor inta aan la bilaabin dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab, iyadoo Al Shabaab wali weeraro ay ka geysanayaan deegaanada maamulka Jubbaland. Dhamaadka bisha Ramadaan ayuu madaxweyne Axmed Madoobe uu sheegay inuu bilaaban doono howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  3. Wararka saaka aan ka helayno degmada Badhan waxay sheegayaan in gudoomiyihii gobolka badhan ee maamulka Hargeysa uu is casilay Masuulkaan ayaa ku biiray saraakiil horey [...] Source
  4. Muqdisho (SMN): –Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye guuto Zakiyo Xuseen Axmed oo Xalay Shir Saxafadeed ku qabatay Xarunta Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixisay Howlgalo ay Ciidamada Amnigu ka sameeyen Magaalada Muqdisho. Ugu horeyn Taliyuhu waxaa ay sheegtay laamaha Amnigu in ay kusoo qabteen Howlgalo laga sameeyay Degmadda Hodan ilaa 3ruux oo lagu tuhmayo falal ka dhan ah Amniga, haatana ay kusocdan Baaritaano. Shaqsiyaad Laga soo qabtay Degmadda Xamarweyne iyagoo ka ganacsanaya Muqaadaraadka Maanka Dooriya iyo rag siyaabo kala duwan dilal uga fuliyey Muqdisho ayey Warbixinteeda ku dartay Zakiyo Xuseen Axmed oo sharaxaysay Howlgaladii ugu danbeeyay ee Booliska. Tan iyo Markii Dhawaan lagu dhawaaqay Howlgalo Balaaran oo Caasimada laga fulinayo Ciidamadu waxa ay wadeen Dadaalo kala duwan. View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-30052019.mp3 View the full article
  6. Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku lahaayeen degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Al Shabaab ayaa weerarka ku qaaday saldhig ciidamada Jubbaland ku leeyihiin waqooyiga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana weerarka oo ahaa mid qorsheysan uu ka dhacayay deegaanka ku dhawaad 30 daqiiqo. Ururka Al Shabaab ayaa labo jiho ka weeraray saldhiga ciidamada Jubbaland ku sugan yihiin, waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro kala duwan oo gaaray ciidamada Jubbaland. Walow Weerarka uu socday inka badan 20 daqiiqo, haddana waxaanan ilaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray dhinacyada dagaalamay, laakiin dadka deegaanka ayaa sheegaya in hubka noocdayadiisa kala duwan la isku adeegsaday. Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka kaga yimid ururka Al Shabaab, dhankooda khasaaro aan badneyn uu sogaaray. Al Shabaab ayaa inta badan weerarada noocaan oo kale ah marka ay ku qaadaan saldhiga ciidamada ku sugan yihiin waxay ka helaan saanad ciidan, waxaana marar badan ay weeraro ka geysteen gobolka Jubbada Hoose. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markii saddexaad muddo 10 cesho gudahood ah baaqday kulan afurin ah oo Madaxweynaha Soomaaliya ku casuumay odayaasha iyo siyaasiinta beelaha Habar-gidir, si looga hadalo arrimaha ka taagan degaanada Galmudug oo ay doorasho ku soo wajahantahay dhamaadka sanadkaan 2019. Kulamadaan oo ay abaabuleen Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame, Wasiir Qoor Qoor, General Gorod iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya oo dhamaantood ka soo jeeda beelaha Habar-gidir ayaa dhicisoobay sida ay noo sheegayn odayaal ka tirsan dadkii ka baaqday kulankaasi. Ballantii ugu dambeysay ee baaqata ayaa aheyd habeenkii talaadada oo lagu balamay in kulan Afurin ay ka soo qayb galaan odayaasha iyo siyaasiinta beelaha Habar-gidir balse markii dambe uu suurta geli waayay kulankaasi. Saddexda jeer ayaa laba kamid ah lagu balamay Madaxtooyada Soomaaliya ka hor inta uusan Madaxweynaha u bixin South Africa, halka kulanka kale lagu balamay Hotel Jazeera balse ay suurta geli waysay in ay dhinacyada aqbalaan ama ay ka soo qayb galaan. Xildhibaan Ubax Tahliil ayaa talaadadii si kulul u weerartay odayaasha beesha Sacad oo ay ka soo jeedo, waxayna sheegtay in ay qiimeyn waayeen kadib markii ay ka dalbatay in ay ka dhageestaan warbixinta ay wado ah oo ah kulanka Madaxweynaha kadibna ay ka qaataan wixii ka anfaca kulanka balse ay diideen. Odayaasha ayaa aaminsan hadii ay kulankaasi ka qayb galaan laga bixin doono fasiraad qaldan inta sawiro laga qaato kadibna ay dowladda ku dhaqaaqi doonto talaabooyin aan sax aheyn oo dadweynaha lala wadaagi doono in lagu heshiiyay. Villa Somalia ayaa kulamo kale ku casuuntay beelaha, Waceysle Abgaal, Murusade, Mareexaan, Dir iyo kuwa kale si ay uga wadahadlaan xaaladda Galmudug oo ay dhowaan ka dhici doonto doorashada Baarlamaanka iyo midda Madaxweynaha lamana oga in ay qabali doonaan iyo inkale. Dowlada Soomaaliya ayaa isku dayeeysa in ay dhinaca dhaqanka ka soo marto arinta Galmudug oo ay u xaal waysay balse waxaa socda kulamo kale oo dhaqanka looga wacyi gelinayo in ay la kulmaan hogaanka dowladda oo lagu eedeeyay in ay curyaamiyeen Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Muwaadin Itoobiyaan ah ayaa loo magaacabay Agaasimaha Guud Maamulka Hawada Soomaaliya, waxaana ku xigeen u ah muwaadin kale oo Itoobiyaan ah sida ay ogaatay Caasimada Online. Muwaadinkaan Itoobiyaanka ah oo ka tirsan Shaqaalaha hey’ada duulista hawada ee Qaramada Midoobay (ICAO) ayaa talaadadii saxiixay qandaraas 2 sano ah oo uu ku hogaamin doono maamulka Hawada Soomaaliya, waxaana goobjoog ahaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar iyo mas’uuliyiin kale. Heshiiskaan ayaa is afgaradkiisa waxaa lagu gaaray dalka Morocco ee qaaradda Afrika, waxa uuna ninkaan saxiixay maalmo ka hor sida aan ku helnay xogtaan oo ay nala wadaageen mas’uuliyiin ka tirsan hey’adda duulista rayidka Soomaaliya. Waxa uu maamuli doonaa dhamaan Duulimaadka iyo Hawada Soomaaliya isagoo qaadan doono kumanaan dollar oo mushaar ah iyo lacago kale oo gunna ah. Sidoo kale waxa uu yeelan doonaa fasax iyo xuquuqo kale oo dhanka shaqada ah. Sidoo kale waxa uu maamuli doonaa dhamaan lacagaha laga helo duulimaadka hawada Soomaaliya ee qadka ama hawada Soomaaliya lagu kireeyo sida ay noo sheegayn dadka aan la hadalnay. Muwaadinkaan Itoobiyaanka ah waxaa ku xigeen u ah muwaadin kale oo Itoobiyaan ah oo hore u ahaa madaxa operation-ka ee hey’adda caalamiga ah ee duulimaadka Qaramada Midoobay ee dhanka hawada Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa sameysay laba dalab oo arintaan ku saabsan balse laga diiday markii ugu dambeysay. Xukuumadda waxay dalbatay in muwaadin Soomaaliyeed xilkaan loo magacaabo waxa uuna ahaa dalabkii 1-aad oo lagu gacan seeray halka markii 2-aad ay dalbatay in loo magacaabo muwaadin kale oo aan aheyn qof u dhashay Itoobiya iyo Soomaaliya iyadoo markii dambana laga diiday dalabkaas kale, waxaana lagu cadaadiyay in ay ogolaadaan ninkaan Itoobiyaanka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. JOHANNESBURG (AP) — South Africa’s president on Wednesday named a trimmed-down Cabinet that is 50% women, making the country’s one of few in the world to be “gender-balanced.” Source: Hiiraan Online
  10. Swimming is a good way to lose weight and get fit. This is especially true if it's an activity you already enjoy; which will make you more likely to continue doing it. Swimming burns calories and improves your heart health; but it can be especially beneficial for those with joint problems. Ask your health care provider before you begin a new swimming routine. Source: Hiiraan Online
  11. NEW YORK (AP) — Just days after a Lion Air Boeing 737 Max nosedived in Indonesia and killed all 189 people aboard, an Ethiopian Airlines pilot began pleading with his bosses for more training on the Max, warning that crews could easily be overwhelmed in a crisis and that one of their planes could be the next to go down. Source: Hiiraan Online
  12. Plane grounded after two crashes likely to remain grounded into peak season. Source: Hiiraan Online
  13. Women living in rural areas of Somaliland have been commending the new health services made available under a health programme that has seen the opening of 65 maternal and child health clinics in remote places. Source: Hiiraan Online
  14. Dowladda Itoobiya ayaa todobaadkan waxay qaaday laba talaabo, kuwaasoo aad uga careysiiyey dad Soomaaliyeed oo aad u badan. Tan hore, bogga rasmiga ah ee wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya, waxaa isbuucaan lagu soo daabacay khariiradda Afrika oo Soomaaliya laga saarey. Intaasi waxaa wehlisay in Somaliland laga dhigay dal madax banaan halka Soomaaliya inteeda kale lala mideeyey dalka aan badda lahayn ee Geeska Afrika dhaca. Daqiiqado kahor inta aysan soo shaac-bixin khariiradaasi ayaa si degdeg ah looga saarey, waxayna wasaaraddu arrintaasi ka bixisay raali gelin buuxda. Qoraal kooban oo wasaaradu soo saartay ayaa lagu sheegay in ay tahay khalad farsamo oo dhacay, balse waxay wacad ku martay in ay baaritaan ku sameyn doonto. Xukuumada Muqdisho oo arrintaasi ka fal-celisay waxay sheegtay in ay aqbashay cudur-daarka Itoobiya, ayna rumeysan tahay in aysan ahayn “fal ola kac ah”. Mar kale, shalay, waxaa dibadda timid in Itoobiya ay saddex dal u kala qeybisay Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Barta xiriirka diblumaasiyadda ee wadamada caalamka ee wasaarada arrimaha dibada Itoobiya, waxaa kasoo muuqday Puntland iyo Somaliland, oo dal ahaan loo diiwaan-geliyey. Maamuladaasi waxaa Itoobiya u jooga Qunsulyo, halka dowlada federaalka ah ee Soomaaliya uu ugu magacaaban yahay danjire, kaasoo Muqdisho fadhigiisu yahay. Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed oo uu ku jiro Yuusuf Garaad, wasiirkii hore ee arrimaha dibada, ayaa falkaan ku sifeeyay “kala qaybin ay Itoobiya ku sameyneyso dalka Soomaaliya”. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia dalalka ay ku leedahay ergo diblomaasiyadeed waxay ku dartay Puntland, Somaliland iyo Soomaaliya. Dowladdeennu ma aha in ay u aammusto sidii ay u aammustay markii Ethiopia iyo Somalia ay isku dartyay Addis Ababa,” ayuu yiri Garaad. Mar kale, afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa shaaciyey in “dowlad ahaan aysan u aqoonsaneen Somaliland iyo Puntland ayna u arkaan maamulo hoostaga dowladda federaalka ah”. Talaabooyinka is-xig-xiga ee ay qaadeyso Itoobiya ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadda ay jirto xiisad salka ku haysa dacwada la xiriirta dhanka badda oo u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Addis Ababa ayaa horey u sheegtay in ay ka shaqeyneyso isu soo dhowaanshiyaha labada dal. Balse ficiladii ugu dambeeyay ayaa la sheegayaa in ay calaamad su’aal gelinayaan doorkaasi ay sheegatay. Nairobi ayaa qaadatay bilooyinkii lasoo dhaafay go’aano ay cadaadis siyaasadeed ku saareyso Muqdisho. Tusaale ahaan, waxay joojisay duulimaadka tooska ee labada caasimad. Intaasi kuma aysan simin, waxay mas’uuliyiin Soomaaliyeed kasoo musaafurisay garoonka xarunta dalkaasi, iyada oo u diiday Baasaboorka diblumaasiga ah. Xukuumada hadda talada haysa oo kaliya jawaabteeda kusoo koobtay “walaac” ayaa nan tan iyo xiligaasi qaadan go’aan adag oo ay uga fal-celineyso “daan-daansiga” Kenya. Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee kiiska badda labada wadan ay hortaalo, oo ay Kenya dooneyso in laga laabto, ayaa la filayaa in dhamaadka sanadkan 2019 ay soo saari doonto go’aanka ugu dambeeya. Dhanka kale, Dowladda Federaalka illaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin talaabada ay Itoobiya qaaday ee Somaliland iyo Puntland ay waddan ahaan ugu diiwaan-gelisay barteeda xiriirka diblumaasiyadda. Isha: Garowe Online
  15. WASHINGTON (AP) — Special counsel Robert Mueller said Wednesday that charging President Donald Trump with a crime was “not an option” because of federal rules, but he used his first public remarks on the Russia investigation to emphasize that he did not exonerate the president. Source: Hiiraan Online
  16. The U.S. appears to be stepping up airstrikes in northern Somalia’s Golis Mountains, where the country’s Islamic State affiliate and al-Shabaab have been battling for territorial control. Source: Hiiraan Online
  17. Somali security forces on Tuesday killed a senior al-Shabab terrorist and three other fighters as they intensified assault against the insurgents in the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
  18. Seven years ago in 2012, a United Nations Security Council Resolution placed an embargo on the export of charcoal from Somalia. The embargo sought to address illegal logging, massive deforestation and land degradation which charcoal production in Somalia had been fueling, in addition to exacerbating communal violence and regional conflicts, which often led to humanitarian crises. Source: Hiiraan Online
  19. The Seychelles Supreme Court has formally charged five suspected Somali pirates who were transferred to Seychelles by EU NAVFOR in April, the Police said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa hawlgal gaar ah oo ammaanka lagu xaqiijinayay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyay Degmooyinka Hodan, Wadajir, Xamar Weyne iyo Warta Nabadda. Hawlgalkan ayaa inta uu socday waxaa lagu soo qab qabtay Dhalinyaro tiradooda ay gaareyso 30 qof oo ku kala eedeysan dambiyo kala duwan. Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay dadka la soo qabtay inay isugu jiraan xubno loo heysto ka mid ahaanshiyaha Al Shabaab iyo qaar kale oo lagu eedeynayo inay dhac u geysteen dad shacab ah. “Waxaa hawlgal ay sameeyeen Ciidanka Booliska lagu soo qab qabtay dhalinyaro badan oo dambiyo kala duwan loo heysto, sharciga ayaa la horgeyn doonaa dhammaan, waxaan mar walba u taaganahay inaan ka hortagno dhibaatooyinka ku wajahan shacabka”. ayay tiri Gen. Zakiya. Taliye kuxigeenka Booliska ayaa shacabka uga mahadcelisay sida ay fariimaha la xiriira amniga ugu soo gudbinayaan Number-ka 991, waxayna ka codsatay inay kordhiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa Hay’adaha ammaanka. Booliska Somaliya ayaa kordhiyay hawlgalada ammaanka lagu xaqiijinayo tan iyo markii la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan, si looga hortago khataraha amni daro ee ka imaan kara Shabaab iyo Daacish. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday tilaabooyin ka dhan ah dowladda Soomaaliya Shantii Bilood ee lasoo dhaafay , waxaana jiray heshiisyo ay galeen dowladda Soomaaliya iyo Kenya oo Mas’uuliyiinta Kenya ay ka baxeen. February 16, 2019 Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay u yeertey safiirkeeda Soomaaliya inuu dalka dib ugu soo laabto, iyadoo safiirka Soomaaliya ee Kenyana fartey inuu dowladiisa wadahadal la soo yeesho. Kenya ayaa sheegtey in ay ka careysan tahay sida ay dowlada Soomaaliya u beecgeysey shidaalka dhulbadeedka Kenya ee dhaca xuduuda Soomaaliya Qoraalkaas ayaa lagu sheegey in xaraashkaas uu ka dhacay magaalda London 7dii February ee sanadkan 2019ka. March 06, 2019 Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ku gaareen in dib loo soo celiyo xiriirka labada waddan, kadib wada-hadallo ay Nairobi ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta. Xiriirka labada dal ayaa xumaaday 16-kii February markii Kenya ay soo cayrisay safiirka Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan islamarkaana u yeeratay safiirkeeda Muqdisho, Lucas Tumbo. Dadaalka lagu soo Afjaray xiisadda labadda dal waxaa kaalin weyn ka qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo ay si wadajir ah Magaalada Nairobi u tageen Madaxweyne Farmaajo. March 19, 2019 Ciidamada Kenya ayaa ka baxay degaanka Buusaar ee hoostago degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo halkaasoo ay haysteen dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, waxaa sidoo kale xilligaasi ay ka baxeen degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Gedo taas ayaa lagu sheegay in ay tahay Culeys la saarayo dowladda dhexe ee Soomaaliya. May 10, 2019 Dowladda Kenya ayaa joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, Kenya ayaa ku sheegtay War kasoo baxay in dhammaan duulimaadyadii tooska ahaa ee ka iman jiray magaalada Muqdisho ay soo maraan magaalada Wajeer ka hor inta aysan u gudbin Nairobi. Diyaaradaha ka imanaya Soomaaliya ayaa mar walba mari jiray Wajeer, hase yeeshee heshiis dhex-maray labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya, bishii March ee 2017, ayaa lagu ogolaaday duuliimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi. May 21, 2019 Saddex mas’uul oo ka tirsan hay’adaha dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Kenya u diiday in ay galaan Magaalada Nairobi ka dib markii loo diiday in Baasaboorka diplomaasiga ah ee ay wateen loogu dhufto Visa dalka ku galka Kenya. Saddexda Mas’uul ayaa kala ahaa wasiir ku-xigeenka tamarta iyo biyaha Cusmana Libaax Ibraahim , Senetor Sam Sam Daahir iyo Senetor Ilyaas Cali Xasan. May 29, 2019 Dowladda Kenya ayaa sheegtay inaysan ogolaan doonin inay dalkeeda soo galaan alaabo aan cidina la socon oo la soo saaro duulimaadyada kaga yimaada dhinaca Soomaaliya. War qoraal ah oo ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in shixnadaha noocaasi ah ay Kenya la wareegi doonto, ayna burburin doonto. Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in dhammaan Go’aamaddaan ay qaaday dowladda Kenya ay yihiin kuwo ay dooneyso in ay dowladda Soomaaliya ay Caddaadis ku saarto si ay uga laabato dacwadda Badda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Federaalku waa nidaam dowladeed kaasoo dastuurka dalku uu u qaybinayo awoodda dowladda maamul goboleedyada ka tirsan dawladda dhexe iyo dowladda dhexe. Awoodaha dowladda dhexe ee fedaraalka gaarka u ah waxaa ka mid ah: Siyaasadda Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga, Dhaqaalaha, Lacag Samaynta, Baasaboorada, Maamulidda Xuddudaha Dhulka, Hawada, Badda, Uruurinta Canshuuraha, Sugidda Amniga, iyo Horumarinta Kaabashaaya Dhaqaalaha (Infrastructure), iwm. Maamul goboleedyadu waxay iyaguna leeyihiin nidaam maamul hoosaad ah, oo dastuuurka waddanka u yaal uu si cad u qeexay si ay si gaar ah ugu maamushaan gobolladooda. In kasta oo dastuurka Soomaaliya aan wali la dhamaystirin, haddana intii badnayd waa la qoray, wayna ku heshiiyeen dawladda dhexe iyo maamul goboleedyadu, inkast oo ay jiraan caqabado hortaagan in dhakhsa ah loo dhamaystiro. Haddaba waxaa is waydiin leh maxay Puntland mar walba u horseeddaa khilaafka ka dhex dhaca maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe, iyadoo fagaare kastana uga faanta inay tahay hooyadii Federaalka? Jawaabtu waxay tahay Puntland waxay rabtaa inay federaalkana ka mid ahaato isla markaasna hesho sed bursi iyo xuquuqo dheeri ah oo aysan helin maamul goboleedyada kale, taladii ay soo jeediso iyo mowqifkii ay qaadatana aan laga daba hadlin. Runta marka laga hadlo bur-burka, musiibada, iyo fitnada ku dhacday Soomaaliya ilaa intii ay xorriyadda ka qaadatay waxaa badankiisa sabab u ahaa dad ka soo jeeda Puntland. Tusaale ahaan: Markii Qaramada Midoobay ay oggolaadeen in Soomaaliya la siiyo 10 sano oo daakhilyo ah (UN trusteeship) oo lagu diyaarinayo kaadirkii dalka maamuli lahaa, ayaa dawladda Ingriisku u timid madaxdii SYL iyo odoyaashii Italian Somaliland, waxayna ku dhaheen haddii aad Ingriiska u doorataan inuu 10-kaas sano idin maamulo waxaan idiin ballan qaadaynaa inaa shanta Soomaaliya aan midayno oo isu keeno. SYL iyo odayaashii koonfurtu waa diideen oo waxay yiraahdeen anagu Talyaani baan ku hadalnaa, Ingiriisna ma naqaan, haddii Ingiriis waddanka qabsadana dad kale (reer waqooyi) ayaa xukunka waddanka la wareegaya, anaguna cidlaan ku soo dhacaynaa. Sidaas baa Talyaani taladii waddankii loogu dhiibay. Talyaanina meeshuu Soomaaliya dhigay cid walba way ogtahay oo iska daa in shantii Soomaaliya midowdo e, labadii midoobay baa sii kala bur-buray. Madaxwayne Cabdirashiid Cali Sharmarke waxaa dilay nin reer Puntland ah. Afgambii 1978-dii oo sababta u noqday in dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay bur-burto waxaa hoggaaminayay Cabdullahi Yusuf. Jabhaddii ugu horraysay oo dawladdii cadowga ahayd ee Itoobiya hoos tagta oo halkaas dagaallada iyo xasillooni darrada ka soo abaabusha waxay tii SDF. Nidaamka Federaalka ee qabiilka iyo 4.5-ka ku dhisan waxaa noo keenay Puntland. Maamul goboleedyada waxaa noo sameeyay reer Puntland. Ciidamadii Itoobiya waxaa markii ugu soo horraysay si buuxda u soo galiyay Cabdullahi Yusuf. Heshiiyadii fitnada keenay ee maamul goboleedyadu ay ugu samaysteen is bahaysiga ka dhanka ah dawladda dhexe waxaa noo horseeday Cabdiwali Gaas oo reer Puntland ah. Hanjabaadda lagu hayo dawladda dhexe iyo xiriirka hadba loo jarayo waxaa mar kasta bilaaba Puntland. Caqabadda ugu wayn oo hor taal inuu dhamays tirmo dastuurka waxaa horseed u ah Puntland. Marka aan is waydiino ee Puntland ma Hooyadii Federaalkaa Mise Hooyadii Fitnada oo Soomaaliya ka dhaqaaqi la’dahay oo ka midoobi la’dahay. Waxaad kaloo is waydiin leh maxaa madaxda Puntland midba midkuu ka dambeeyo uga waddaniyad liitaa oo ugu adeegaa shisheeyaha, Puntland iyo Soomaaliyana u hagardaameeyaa? W/Q: Axmed Bashir bashir1631@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  23. Ummad isku maqan kala maqan kalana maahsan kala maan ohoo, muxuu yahay mudankooda? Maqaalkan waxa uu daba socdaa kii aanku tilmaamaye abaalka Kenya taasoo aan sarbeeb ahaan idiinku tusay damaca Kenya anigoo markaasi hab fikir aanan keyga ahayn hase ahaate ka tarjumaya damaca Kenya idiinla wadaagay, anigoo markaasi doonayay inaan idiinku xamaasad kiciyo. Dhawaan dalka itoobiya waxay soo bandhigtay qariirad caddeyneysa mustaqbalka ay ka leedahay gobolada koonfureed ee Talyaaniga gumeysan jiray, taasoo umuuqato hankeeda ku aadan in goboladan lagu daro Itoobiya halka goboladii waqooyina laga dhigay dal madax banaan!!! iyadoo markaasi damacaasi mustaqbalka Itoobiya ku tusaya, in fikirkaasi ay dadaalkeeda ku howlantahay! Sawirkaasi qariirada Itoobiya way ka fal celisay balse qariiradaas Itoobiya soo bandhigtay waxay sheegtay inuu ku dhacay qaab qaldan markaasina si maskaxiyan bay noogu cadeysay in rajada ay naga qabto uu yahay in goboladeena koonfureed la wareegto. Dhanka kale fal celin shacab mooyee ilaa iyo hada lama hayo mid dowladeed, waxayna wado fur u noqon doontaa hanka Itoobiya iyo damaceeda qaawan ee mustaqbalka ay ka leedahay gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya. Hadaba aan tixraac ku sameeyo bandhigga qariiradan Itoobiya soo gudbisay, ma noqon karyaa mid dhaboobi kara mustaqbalka? Ma laga yaabaa in gobolada koonfureed ay noqdaan kuwa hoos taga Itoobiya? Hadafka Itoobiya hada ma socotaa libtii ay kaga gun gaadhi lahayd inay koonfurta dalka gacan ku heynteeda qabtaan!!? Baaritaanadan isku day adiguba inaad afkaartaada aad ku cabirto siday kula tahay adigoo ka eegaya marxaladaha qalafsan ee goboladan koonfureed maamulkoodu yahay!! Burburkii dowladii dhexe ee Kacaanka ee uu hogaaminaye Alle ha u naxriistee kornayl Maxamed Siyaad Barre, ka dib Soomaaliya waxaa ka bilowday is jabhadeysi oo aan loo kala harin kuwaasoo markii dambana reebay in laysku baa ba’o layskuna dilo, dowlad xumina ka dhalato, walibana kala qaybsin ay dhacdo oo jabhadihii xiligaasi dilaacay mid ka mida sheegtaan in ay ka goosteen Soomaaliya. In ku dhow 10sano iyadoo marxaladaasi tahay ayaa dhacday in caalamka ama waxa loogu yeero beesha caalamku sameeyaan dowlado lagaga hor tagi karo burburka wali dalka ka taagnaa, markaasina waxaa dowladahaasi lagu soo dhisay wadamo dariska ah. Dhisiddii dowladahaas oo midba sanadihiisa la tagayay, waxaa dhacday in la sameeyo hanaan federaal kaasoo awood siinayo in jabhadihii ka dilaacay Koonfurta Soomaaliya loo magac wanaajiyo. Sida aan xigashada ku ogahay hanaankaasi waxaa lagu soo hindisay Wadank Itoobiya si markaasi xal loogu helo is qab qabsigii iyo jabhadeyntii wadanka ku bur buray, muddo 11 sanadood oo marxalada dowlad kumeel gaar ah iyo islaamiyiin ka curtay Koonfurta iyo bartamaha dalka, dabadeedna waxaa 2012kii markii ugu horeysay doorasho barako ku bixis ah! lagu qabtay Muqdisho, iyadoo markaasi la leeyahay in laga gudbay heerarkii Kumeel gaarka ahaa, ka dibna la bilaabay dhisidda hanaankii federaalka, waxaana dhacday in dowladii waqtigaas la doortay ay hagaajiso islamarkaana ku guuleysato dhismihii maamul goboleedyada marka laga reebo Puntland, oo ayana ahayd maamulkii labaaad ee ka curtay Wadanka Soomaaliya, Howlihii ugu badnaa waxaa lagu bixiyay in maamul goboleedyo gaaraya ilaa 4 dowlad goboled laga hir galiyay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, taasna waxay keentay in madaxdii loo magacaabay maamul goboleedyadaas ay isu aqoonsadaan inayba ayagu dowladyihiin ka dib doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi farmaajo 2017kii, hase ahaatee muddo xilligan ku siman ay wali jirto isla amar diidii dowladii dhexe. Waxayna qariiradan cadeyneysaa in Koonfurta dalka aysan ka jirin dowlad awood leh, damaca Itoobiyana yahay in ay la wareegto, sababtoo ah dal 30sanadood marnaba isku waafaqin dadkiisu in hal dowlad ku shirkoobaan ay dhici karto in la qabsado lana qaybiyo. Horaana loo yidhi Ummaddii tashan weydo waa loo taliyaa! Waxaana muuqato in aan nahay doqomo isku tali karin, kala tagi karin, iskuna dhiban badalkeedana ay noqon doonto in loo awood sheegto waxaana taasi ku kalifeyso kala qaybsanaantooda iyo kala maan sanaantooda. W/Q: Ismaaciil Ibraahim Xasan ismasitowsi2019@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. Borama (Caasimada Online) ― Badhasaabka gobalka Awdal, Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa weli firxad kaga maqan magaalo madaxda gobalka Awdal ee Borama. Badhasaabka ayaa muddo bil ku siman firxad ku jooga magaalada Hargeysa, isagoo ka soo cararay gobalkii uu guddoomiyaha ka ahaa, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdi Cismaan Dhegaweyne oo ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Borama. Xildhibaan Dhegaweyne oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Boorama, ayaa waxa uu sheegay in Badhasaabkii gobalka Awdal uu deegaanka uu Mas’uulka ka ahaa uga baxsaday dilkii loo geystay labada Saraal ee ka soo jeeday G/Awdal. Dhegaweyne ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu Badhasaabka ugu tagay magaalada Hargeysa si uu ugu soo qanciyo in uu ku soo laabto gobalka uu ka talinayey, balse wuxuu sheegay inuu ku gacan sayray Badhasaabku, wuxuuna yiri “Badhasaabkii gobalku wuu ka baxsaday waanu ka maqanyahay ilaa hadda, cidna ma eryin, cid gobalka uu maamulka ka yahay u sheegatay ma jirto. Saraakiisha la laayay anigaa u xigay, waan u yeedhay intaan Hargeysa ugu tagay, inaan gobalka ku soo celiyo hase ahaatee wuu ka baxsaday”. Wuxuuna intaas kusii daray “Kuna soo noqon maayo, hortiina ayaan ka sheegayaa, walaahi inaanan la gabanayn ku soo noqon maayo gobalka”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com