Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. 11-kii November 2018 ayay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabaka Sida Puntland ayaa ku riday Xukun dil ah Eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geelle), wixii xilligaas ka dambeeyay ayay soo qaateen Qareenada difaacayay Eedeysanaha rafcaan kaasi oo la keenay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Side ee heer Federaal Fadhigeeda Muqdisho. Inkastoo kiiskan muran ka dhex abuuray degmada Gaalkacyo ee u kala qeybsan maamulada Gelmudug iyo Puntland kiiska Cabdirisaaq hadane Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ayaa isku howlay baaritaanka eedeymaha loo heysto oo ah arrimo arga-gixisanimo. Xafiiska Xeer Ilaalinta oo safar ku bixiyay baarista kiiskan ayaa 24-kii bishii Sedaxaad codsaday in la hor geeyo Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, laba isbuuc kadib Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Side ayaa sedax jeer oo kala ah 6-13-27 bishii na dhaaftay u fariisatay eedda Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geelle). Mudda 21-cisha ah oo ay Maxkamadda Sare kiiskan ku dhex jirtay, waxa ay Guddoonka Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ku bixiyeen dadaal fara badan oo ah hubinta Eedda arga-gixisanimo ee Eedeysanaha u xirnaa weliba horay loogu soo xukumay balse buray markii ay aqbashay rafcaanka Maxkamadda Sare. Xafiiska Xeer Ilaalinta oo codsiyada ugu badan lahaa ee dib u dhigista eedda ayaa 27-kii bishii tagtay soo jeediyay in aysan sii wadi Karin xaggooda eedda ka dhanka ah eedeysanaha, waxa ay sidoo kale soo jeediyeen in tallaabooyin amni oo la dul dhigo eedeysanaha iyadoo la fiirinayo danaha guud ee gobalka Mudug. Qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa soo dhaweeyay soo jeedinta fadhigii ugu dambeeyay ee Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, waxa ay sheegeen in ay aqbalayaan wax kasta oo ay ku jirto danta guud ee dowladnimada iyo ilaalinta nabad galyada gaar ahaaneed ee degmada Gaalkacyo. 5-cisha kadib Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Side ayaa go’aan ka soo saartay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil, waxaana ay Maxkamadda Sare amartay in si deg-deg ah looga daayo xabsiga hadii aysan jirin dambiya kale, waxa ay sidoo kale amartay in uusan ka bixi Karin magaalada Muqdisho muddo 2-sano ah, ugu dambeyn Maxkamadda ayaa ku amartay ciidamada amniga in ay si gaar ah ula socdaan dhaq-dhaqaaqiisa ku dhawaad 5-sano iyo in uu todobaadkiiba mar iska diiwaan geliyo Xarunta Dambi Baarista Boliiska CID, sida uu u sheegay warbaahinta guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida jenaraal Liibaan Cali Yarow. Kiiska Cabdirisaaq Xuseen Tahliil ayaa soo jiitamayay tan iyo dabayaaqadii July 2017 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxay weerar ku qaadeen Xarakada Al-shabaab ee ku sugan deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban. Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa u suurtagashay iney la wareegaan deegaanka Bariire, mana la oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkii dhacay. Xaaladda deegaanka Bariire ayaa deggan, balse ciidanku waxay wadaan howlgallo ay ku sameynayaan dhammaan furyaha ku yaalla deegaankaasi. Saraakiisha xoogga dalka ee hoggaamineysa ciidankan ayaan wax faah faahin ah ka bixin howlgalkan ay kula wareegeen deegaanka Bariire. Ciidanka dowladda ayaa horey uga baxay deegaankan oo ay Al-shabaab kala wareegeen, lamana oga in ay sii joogi doonaan iyo iney dib uga soo laaban doonaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Nicolás Maduro claimed his troops have thwarted a botched attempt to topple him masterminded by Venezuela’s “coup-mongering far right” and Donald Trump’s deranged imperialist “gang”. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi. Dagaal ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sababay in Al Shabaab lagala wareego deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo sanadihii ugu dambeeyay Al Shabaab ay maamulayeen. Ciidanka dowladda ayaa dhowr jeer sidaan oo kale Al-Shabaab kala wareegay degaanka Bariire, laakiin ciidanka dowladda ayaa looga bartay in ay kasoo baxaan deegaankaasi oo ah mid inta badan Al-Shabaab ay kusoo qaadaan weeraro joogto ah. Al Shabaab ayaa waxay waayeen gacan ku heynta deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana kamid ah deegaanada Sabiid iyo Caanoole oo muddo ay maamulayeen. Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan u balan qaaday ciidamada amaanka inay heli doonaan mushaaraadkooda iyo xuquuqda ay leeyihiin, balse looga baahan yahay inay Al Shabaab ka saaraan deegaanada Shabeelaha Hoose. Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Sonna ayaa shaacisay in Al-shabaab dagaal looga saaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha,isla markaana weli uu socdo howlgal xoogan oo la doonayo in Al Shabaab laga saaro. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Sh/Hoose Caasimada@live.com
  5. MINNEAPOLIS (WCCO) — The guilty verdict of former Minneapolis police officer Mohamed Noor angered several of his supporters in the Minnesota Somali community, and delighted Australians. Source: Hiiraan Online
  6. An air strike near the Somali town of Afgoye killed four people, a relative of one of the victims said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Warbixin dheer ayaa laga qoray dayacaad dowladda Kenya ay ku sameysay qaar kamid ah ciidamada kaga sugan Soomaaliya oo la sheegay inay xanuunada maskaxda ka qaadeen dagaalada ay la galaan Al Shabaab. Dowladda Kenya ayey warbixintan ku eedeysay in Askarta waxyeellada ka soo gaarto dhimirka aysan helin daryeel fiican beddelkeedana ay la kulmaan shaqo ka eryid iyo cadaadis kale oo ay kala kulmaan dowladdooda. Christopher Katitu ayaa kamid ah ciidamada dowladda Kenya dayacday ee kusugan dalka Soomaaliya, waxaana Mar Katitu la sheegay inuu ku qornaa bar ilaalineed ku taala magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Intaas waxaa u dheer nolosha qoyskiisa oo uusan ka warqabin, xaaskiisa oo ka careysan,waxaana uu intii uu ku sugnaa barta Koontarool billaabay in uu isla hadlo halkaasna ka qaado xanuunka dhimirka. Dowladda ayaa fasax siisay, markii uu ku laabtay dalkiisa halkii ay ahayd in la geeyo Isbitaalna waxaa lagu siidaayay qoyskiisa isaga oo dhimirka la’. Katitu,oo 32 jir ah aya ayiri “ waxaa noloo diraa halkaas si aan dagaal u galno, nalooma diyaariyo sida la isaga daweeyo cudurrada dhimirka” Kudhawaad sanad oo uu ka maqnaa shaqada Ciidanka ayuu isku dayay in uu shaqadii dowladda dib ugu laabto laakiin waxaa loo sheegay in mar hore shaqada laga eryay islamarkaana uusan ahayn Askari ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF. Ciidamada Kenya ee uu tababaro Mareykanka kuna jira dagaalka AL-shabaab waxaa qaarkood loo tababaraa wax ka qabashada xanuunnada dhimirka laakiin dowladda Kenya uma sameyso xarumo ay ku shaqeeyaan saraakiisha Caafimaadka sida ay qortay Washington Post. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa in magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ay gaaraan qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada. 2-da bishan May oo ku beegan maalinta berri ah ayaa magaaladaasi waxaa lagu wadaa inuu ka furmo shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo dhowaan uu ku dhaawaqay madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani. Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland ayaa la filayaa in saacadaha soo aaddan ay halkaasi gaaraan, iyadoo dhanka kalena shirkan ay ku casuuman yihiin maamullada kale iyo sidoo kale madaxda sare ee dowladda dhexe. Shirkan ayaa looga hadli doonaa arrimo ku aaddan xaaladda dalka iyo sidoo kale khilaafka madaxda DFS iyo dowlad goboleedyada. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti ayaa ugu baaqday Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya in ay dulqaad u muujiyaan shacabka culeys kasta oo soo wajaha, xilliyada ay ku jiraan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Muqdisho. Marwo Basmo ayaa sheegtay in la guda gali doono xilliga Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada sare iyo Soonka, loona baahan in loo turo shacabka Soomaaliyeed Dhinaca kale Maxamed C/laahi Tuulax guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in guddoomiyeyaasha degmooyinka looga baahan yahay in ay kalsooni ka sameystaan shacabka, si uu u hagaaga ammaanka M/Muqdisho. Hadalkan aya ku soo aadaya, xilli Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay Caasimadda ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga degmooyinka gobolka Banaadir. View the full article
  10. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho. Howlgalkan ayeey ciidanka ku baarayeen guryaha iyadoo sidoo kalena la baarayey gaadiidka waddooyinka maraya. Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidanku ay soo qabteen dhallinyaro badan oo ugu dambeyn goob fagaare ah la isugu geeyey. Baaritaan kadib, inta badan waa lasii daayay dhallinyaradaasi, iyadoo saraakiisha howlgalkaasi hoggaamineysay ay dhallinyarada ka dalbadeen iney ciidamada ammaanka gacan siiyaan. Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxay wadeen howlgal ballaaran oo ammaanka lagu xaqiijinayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Wasaaradda haweenka ee Puntland ayaa sheegtay in ay soo bandhigi doonaan dhowaan rag kufsi ka geystay deegaanno ka mid ah maamulkaasi. Aamino Cismaan Xaaji oo ah wasiirka wasaaraddaasi ayaa sheegtay in aysan u dulqaadan doonin cabsi iney ku noolaadaan haweenka Puntland. Waxay tilmaantay in gabdhihii ay aadi la yihiin iskuullada iyo sidoo kale Jaamacadaha, si taasi looga hortagana ay cadaaladda keenayaan rag badan oo falalkaasi loo haysto. Dhanka kale, waxay sheegtay in ay hayaan jawaabo cad oo ku aaddan baaritaanno lagu sameeyey rag loo soo qabtay kiisas kufsi ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/WASIIRKA-HAWEENKA-PUNTLAND.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (SMN) – Wasaaradad Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya ayaa hambalyo ku aadan maalinta Shaqaale weynaha Adduunka u dirtay dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed. Sidoo kale Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa fasaxday shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda maalinta caalamiga ah ee shaqaalaha awgeed oo ku beegan maanta. Sadiiq Warfaa Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya oo la hadlayay Warbaahinta yaa shaqaalaha Soomaaliyeed u diray hambalyo iyo bogaadin,isagoo guul u rajeeyey shaqaalaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan. “Waxaan hambalyo u dirayaa shaqaale Weynaha Soomaaliyeed hambalyo ku aadan maalinta shaqaale weynaah adduunka,waxan leeyahay hambalyo,waxaana idin rajeynayaa guul iyo horumar,waxana idinku bogaadinaa in aad sare u qaadaan dadaalkiina dhanka shaqada,si aad horumar u gaartaan”. Ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa Kowda Bisha shanaad ee May ayaa dunida waxaa laga xusaa maalinta Shaqaale Weynaha caalamka,iyadoo guud ahaan caalamka uu siweyn u xuso,Soomaaliya ayaana kamid ah wadamada laga xuso maalintaasi. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya aayaa saacadihii la soo dhaafay raashin gargaar gaarsIiyay dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeelaha Hoose. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mas’uuliyiinta gaaray deegaanadaasi ayaa ka warbixiyay gaargaarka ay gaasriyeen halkaasi. Dalxa ayaa sheegay in Sabiid iyo Caanool ay ka mid ahaayeen meelihii dadka Soomaaliyeed looga gurman jiray, xilliyadii adka ee uu soo maray dalka. Dhanka akale Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaliya Siciid Maxamed C/laahi oo ka mid ah wasiirada booqaday Shabeelaha ayaa sheegay in ka wasaarad ahaa ay xarumo caafimaad ka furan doonaan gobolkaasi, si daryeel iyo daawo ay u helaaan dadka raydika ah ee ku dhaqan halkaasi. Dhawaan Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo howlgallo ka wada K/ Soomaaliya ayaa Al Shabaab kala wareegay deegaanada Sabiid iyo Caanoole. View the full article
  14. Buurhakaba (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa ku warramaya in xalay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska maamulka Koonfur Galbeed lagu dilay degmada Buurhakaba ee gobolkaasi. Kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa la sheegay in ay toogasho ku dileen sarkalkaasi, xilli uu ka soo baxay saldhigga Booliska ee degmadaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Shabelle u xaqiijiyay in raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen. Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka Al Shabaab ayaa shaaciyay in dilka kadib sarkaalkaasi ay ka furteen Qoray AK47 ah, sida ay hadalka u dhigeen. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka gobolka Baay iyo kan degmada Buurhakaba ee K/ Galbeed Soomaliya. View the full article
  15. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dab habeenkii xalay ahaa ka kacay suuqa Cabdalla Shideeye ee Bakaaraha, kaasi oo durba lagu guuleystay in la damiyo. Xarun ganacsi oo halkaas ku taallay ayaa la xaqiijiyey in dabkan uu ka kacay, waxaana dabdamiska iyo shacab badan oo halkaasi tagay ku guuleysteen iney damiyaan dabkan inta aanu meello badan sii gaarin. Dadkii lahaa xarumaha ganacsiga gaar ahaan kuwa gubtay ayaa saakay halkaasi jooga si ay u qiimeeyaan khasaaraha dabkaasi uu soo gaarsiiyay, sida uu inoo sheegay mid ka mid ah ganacsatada suuqaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/WAREYSI-GANACSADE-BAKAARAHA-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu socdo qorshihii ugu dambeeyay oo magaalada Muqdisho loogu soo wareejinayo Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab. Sarkaalka ayaa la sheegay inuu ahaa ku xigeenkii madaxii dacwadda Al Shabaab ee Gobolka Gedo oo lagu magacaabo C/Wahaab Axmed Maxamed kaasi oo dhawaan isku dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo. Isa soo dhiibitaanka C/Wahaab Axmed ayaa ka dambeeyay kadib markii cabsi ay soo wajahday, taasi oo ku aadan in dhibaato loo geysto, sida laga soo xigtay saraakiisha ku howlan baaritaankiisa. C/Wahaab ayaa waxay saaxiibo ay ahaayeen Axmed Coobo oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab, kaasi oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda, waxaana taasi ay keentay in isaga shaki badan laga qaado. Ku xigeenka madaxii Dacwadda Al Shabaab ee gobolka Gedo ayaa waxaa la sheegay in gurigiisa ay tageen xubno Al Shabaab ka tirsan, iyaga oo ka qaatay agab kala duwan si ay baaritaano dheeri ah ugu sameeyaan. C/Wahaab ayaa hadda ku xiran saldhiga ciidamada booliska ee degmada Garbahaareey, waxaana socda baaritaanka ay sameynayaan ciidamada amaanka ee gobolka Gedo. Waxaa la filayaa in sarkaalkaasi loosoo wareejiyo magaalada Muqdisho, oo horey loogu soo wareejiyay sarkaalkii ka horeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. NBA playoffs - Boston Vs Milwake - Golden State Vs Houston Source: Hiiraan Online
  18. Somali businessman Farhan Warfaa, 48, was a victim of torture when he was 17. It's been over thirty years since he last saw his abuser. Now Warfaa will finally face him in a US court thanks to universal jurisdiction laws that allow victims of torture to testify in the United States. Credit: Courtesy of Center for Justice and Accountability Source: Hiiraan Online
  19. Garowe (Caasimada online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in diyaar garowgii ugu dambeeyay uu ka socdo magaalada Garowe. Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamo dheeraad ah la geeyay hareeraha magaalada Garowe, halkaasi oo uu beri ka dhacayo shir ay yeelanayaan madaxda maamulada iyo dowladda Soomaaliya. Saacaddaha soo socda ayaa lagu waddaa in Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ay gaaraan qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda, halkaasi oo uu ka furmi doono Shirweyne looga hadlaayo Xaaladda Soomaaliya. Madaxda maamulada Galmudug iyo Jubbaland ayaa la xaqiijiyay inay maanta tagayaan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha ka socdo qaban qaabada soo dhaweyntooda. Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ku casuumay magaalada Garowe, kadib markii shirar kala duwan ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirka ka furmaya magaalaa Garowe maalinta beri ah ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii xal loga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka iyo tabashooyinka ay qabaan madaxda maamul goboleedyada. Dowladda Soomaaliya ayaa culees kala kulantay beesha caalamka, waxaana ugu dambeyn ay go’aan ku gaareen madaxda dowladda Soomaaliya inay shirkaasi ka qeyb galaan iyaga oo ka baqaya in isbaheysi cusub uu markale kusoo dhismo. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulan ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka tirsan Diplomaasiyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa waxay kaga hadleyn xad gudubyo ay sheegeyn in lagula kacay Shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta Wasaaradda taasoo lagu eedeeyey inuu sameeyey Wasiir Axmed Ciise Cawad. Shaqaalahaa iyo Diblomaasiyiintaas kulanka yeeshay ayaa ugu horey cambaareeyey Xudgudyo ay sheegeyn inuu ku kacay Wasiir Cawad, kuwaas oo ay ka mid yihiin: 1) – Inuu ku xadgudbay Sharciga Arrimaha Dibadda (Foreign Service low) kadib markii uu magacaabay Diplomaasiyiin gaarayo illaa 42 qof si hareer marsan sharciga Arrimaha Dibadda, dadkaas oo dhammaantood laga xulay banaanka dalka weliba aan aheyn Shaqaale Dowladeed una badan Soomaalida degto Kenya iyo Gelinka Shanaad. 2) – Inuu dayacay ama waqtigooda uu riday fursado waxbarasho oo ay ku deeqeen Dowlado Saaxiibo la ah Soomaaliya oo qaarkood ahaa Master Degree iyo PHD. 3) – Inuu ku kacay Musuq maasuq Maaliyadeed kadib markii uu Diplomaasiyiinta u diiday lacago ahaa Safar iyo Kharashaad kale oo ay xaq u lahaayeen. Shaqaalahaa iyo Diplomaasiyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Cawad kusoo eedeeyey illaa 7 Qodob oo uu ku kacay sida aad ka akhrisan kartaan War Saxaafadeedka ay soo saareyn. Sidoo kale Waxay soo bandhigeyn qaar ka tirsan Documentiyadii uu Wasir Cawad ku magacaabay xilal diplomaasiyadeed oo kala duwan.
  21. “Cabdiraxman Cirro Waxa Uu Xisbiga WADDANI U Samaystay In Uu Somaliland Ku Burburiyo” Waa Hadal Madhan Iyo Hawo Been Ah” Maxamed Baashe Xaji Xasan . Waxa iyana meel-ka-dhac kale ah “raggii gobta ahaa ee aan waxba hiban jirin marka doorasho la galo ee wasiirku carrabka ku dhuftay!”. Cirro in aannu Waddani kelidii lahayn, isna siin waxa ka marag kacaya hadalkii maalintii uu waddanka yimi uu ku yidhi “marka aan madaxda xisbiga la tashado ayaan shir haraa’id qabanayaa”. Hadalkiisa maantu waa go’aan xusbi saw ma aha? Maxaa loo qofaynayaa? Qodobka labaad ee gobannimada iyo gunnimada kala soorayaa ma aha afkii mas’uuliyiinta qaran iyo kii dhaqanka siyaasadda midna. Teeda kale doorashadii iyo in Muuse Biixi madaxweyne yahay muran kama noola, Cabdiraxmaan Cirrona hibasho kama uu muujin ee waxa uu ka hadlay go’aankii kharribnaa ee Kulmiye iyo UCID wada gaadheen ee ahaa in ay qabanayaan doorasho uu Waddani ka maqan yahay, taas oo u muuqata jar-iska-xoornimo aan loo meel deyin iyo go’aanka ay taas iyagu (Waddani) ka qaateen. Hore ayaan uga tibaax bixiyey in aamusnaantu u roon tahay inta badan mas’uuliyiinta sare sare ee xukuumadda Muuse Biixi oo mar kasta oo ay hadlaan wax dhooqeeya, xalna aan keenin ee wax uun sii murgiya ama xumeeya. Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbiga Waddaniyow ma geydaan aflagaaddadaas aan loo miidaanka deyin ee wasiirka dhaqanka, wacyigelinta iyo warfaafinta ka yeedhay, ogaadana in xil iyo mas’uuliyad dheeraad ahi dushiinna timi oo la idiin ka baahan yahay waayeelnimo buuxin karta dayaca ka soo baxay kaalintii hoggaaminta ee hay’adda fulinta oo dhalliilo aan la dhayalsan karini ka muuqdaan. Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa go’aamiyey in dowladda ay ka qeyb-gasho shirka uu ku baaqay madaxweynaha Puntland ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Shirkaas oo la waqtiyeeyey labada bisha May, ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa ka arrinsanayey oo dood weyn uu ka dhex abuuray madaxda dowladda, oo marar badan ku fakaray inaysan ka qeyb galin. Sababta ugu weyn ee dowladda uga laba labeeneysay ka qeyb-galka shirkaas ayaa ahayd in haddii ay ka qeyb galaan shirka Garoowe, ay u muuqan doonaan in siyaasad ahaan laga adkaaday, maadaama madax goboleedyada ay diideen shirkii uu Farmaajo ku baaqay ee Muqdisho. Si kastaba, warar aan helnay ayaa sheegaya in dowladda ay go’aamisay inay ka qeyb-galayso shirkaas, ayada oo sababta ugu weyn ay tahay cabsi ay ka qabto in haddii ay ka baaqato ay madax goboleedyada kusoo dhisaan dowladda isbahaysi cusub oo caqabad kale ku noqdo. “Haddii inta aan ka baaqanno shirka, oo halkaas ibahaysi cusub lagu dhiso waa arrin dowladda aad u dhaawaceysa kadib dagalakii xoogganaa ee ay la gashay isbahaysigii hore” waxaa sidaas Caasimada Online u sheegay sarkaal ka tirsan Villa Somalia. Isbahaysigii hore ee madax goboleedyada ayaa burburay kadib markii qaar ka mid ah madaxweynayaashii maamul goboleedyada ay xilka ka degeen halka qaar kalena ay la safteen dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Madaxweyne Muuse, Markii looga Tanaasuley, Doorashaddii Abu Qureeb iyo Sagaljet , ee u Goaanka geesinadda leh qaatey Gudoomiye Cirro, waxaa laga filaayey in hore loo socdo, oo uu Madaxweynuhu ururinta isku soo jiidka, walaaleenta Bulshadda sharafta badan ee Somaliland uu ka shaqeeyo, oo Runtii la is lahaa Maanta muuse waa waayo arag, waa waayeel wax badan soo maray, waxuu ka shaqayn doonnaa Mideynta shacabka Somaliland, Taasi may dhicin ilaa maanta waxaad mooddaa inuu Muuse ka shaqaynaayo, Kala qaybinta , Colaad hurinta, qoqobka iyo kala fogeynta Shacabka walaalaha ah ee reer Somaliland. Wiilwaal waxaa laga hayaa, Ragg walaal wuxuu ku dhaamo la waa. Muuse shaqadda ugu mihiimsan ee laga rabbaa waxay tahay Mideynta shacabka, waayo Quluub kala jeeddaa Qaran ma dhisto, Marka shacbigga Jamhuuriyadda barakeysan ee Somaliland Meel u wadda socdo ayaa Horomar la gaadhi karaa, Waxaana marag ma doonto ah in shacbka Somaliland yahay dad xariir ah, oo dhaqan u leh wadda noolaashaha Waxaa Yaab leh, in Wasiirka ku hadlaya afka madaxweynaha ee warfaafinta, uu 70% boqolkiiba Toddobaatan Shacabka Sharafta badan ee Somaliland Aflagaadeeyo oo ah taageerayaasha Xisbigga qaranka ee Waddani, Waa Madaxweyne Muuse oo ka dhex hadlaaya Wasiirka, ileen af aan kugu oolin ma qabatid, Taloow ma ogyahay in taageeradda Madaxweyne muuse tahay GOLJANNO ilaa GABILEY oo aan dhamaantood taageero u haynin. Kadib falalka Arxandarradda ah Dhulboobka ah ee lagula Kacay, haweenka iyo caruurta reer Xassan Dalab. Haamihii Shidaalka waxuu siiyey Dawladdo shisheeye oo ay wadda shaqaystaan, Ina Geelle arab, Wuxuu rabey inuu si hoose ugu gudbiyo Djibouti Xarrun Boqortooyo ayaa xarraf oo ah xaafaddiisa ka dhisayaa, mulkiilahii dhulkaas ee INa xassan dalab waa loo awood sheegtey. Laba Wiish oo Duug ah, ayaa Dekaddii berbera dadka looga dhigayaa iney shaqqo socoto UAE ayaa lacag la’aan lagu siiyey Madaarkii berbera 30 sanno ayaa Dpworld la siiyey dekkaddii berbera oo ahayd dhaqaalaha Somaliland Sixir Barrarku waa halkiisii Maciishaddu waa Qaali Dhaaf Mashruucii Jidka Berbera -Wajaale oo Fashilmey oo hadda wadadii horre la xoqxoqayo Arrimaha culculus ee u baahan in wax laga qabto, aad bay u badan yihiin, laakiin arrintii ugu Mudnayd ee ahayd in shacabka la walaaleeyo, la isku soo dhaweeyo oo aan wax wuxumaan ah la kala dhex dhigin, waxaad mooddaa in muuse aanu fikirba ka haysanin, muhimadda ay midnimaddu leedahay, Muuse ma ogga. Madaxweynuhu Garashadiisu waa Qaybyaaladd Kala kaybin, taasi Qarran Dhisi mayso Kayse Kaahin keysekahin@gmail.com. Fiiro gaar ah: Dhamaan maqaalada ku soo baxaa shabakadani ma aha kuwo ka socda ama matala shabakadani ee waa fikrada ka timaada akhrisayaasha sida ka kor ku xusan. Qaran News
  24. Hargeysa (Caasimada Online) ― Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa maanta mar uu ka hadlayey kulan doodeed ka dhacay magaalada Berbera, wuxuu ka hadlay halkuu ku dambeeyay heshiiskii u dhaxeeyey Khaatumo iyo Somaliland ee sanadkii 2017 ka dhacay magaalada Caynaba. Dr Galeyr ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu ilaa hadda fulin heshiiskii uu hore ula galay madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo, isagoona ka dhawaajiyey ujeedka ay u dalbadeen in la furo dastuurka Somaliland. “Heshiiskaanu Somaliland la saxeexnay ee magaalada Caynaba ku kala saxeexanay bishii October 20-keedi 2017-kii, Youtube-ku ku jira meel walbana waa yaala, ‘Baabu-ijtihaad-maftuux’, Haddii aad raadineysan, qodobadiisi kama wada hadli karo, waxa muhiim ah in aan isla ogolaanay in heshiiska la hirgeliyo, qodobka ugu dambeeyana wuxuu leeyahay, cidii maamuulka kan ka dambeysa qabata, waxa maslaxad loogu yahay, inay fuliyaan oo ay hirgeliyaan heshiiskaa, mana hirgelin”. Wuxuuna intaas kusii daray “Hadaan leenahay Somaliland baanu-nahay ee cidii Somaliland iga sheeganeysa inay i qanciyaan ugama baahni, waa ahay Somaliland, cirka soo leefa”. “Bal cidda naga leh ee odhaneysa adiguna haraa baa tahay, ana mujaahid baan ahay, dadku hadeyna taariikh wada-laheyn oo wax la isla ogolyahay, balaayo waxay ka dhacday waxa hada nool wax iskuma hayaan, war taariikhda isku haynaa, bahashii haday abtirsiimo ku qorantahay, dee waxan isku nahay ma jirto, cid walba abtirsiintiisa iyo geeliisu aadaya”. Dhinaca kale, Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa waxa la waydiiyey ‘haddii uu heshiiskaasi fuli waayo, muxuu noqonaya mustaqbalka Khaatumo’, wuxuuna yiri: “Inaan dagaal soo qaadi doono iyo inaanu tabliiq wadi doono taladaa dad baa leh, laakiin aniga la igu cabsi galin mayo himika ma dagaal baad nagu soo qaadeysa, hadey gartaan dadkaasi, go’aanka iyaga leh”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  25. Warbixin cusub oo uu soo saaray, sanduuqa difaaca carruurta ee lagu magacaabo The Children’s Defense Fund, ayaa lagu sheegay in qiyaastii 13 malyan oo carruurta Maraynkan ah ay ku nool yihiin xaalad ka hooseeya heerka saboolnimada. Sanduuqan oo qaabilsan ilaalinta xaquuqda carrruurta , ayaa warbixintiisa ku sheegay, in 12malyan iyo 800 oo kun oo carruurta Maraykanka ah, ay ku nool yihiin heer ka hooseeya khadka saboolnimada, taasi oo u dhiganta in 5-tii carrruur ah ee Maraykanka joogtaba mid kamid ah ku nool yahay xaalad ka hoosaysa heerka saboolnimada. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay, in carruurta ku nool heerkaasi ay u nugul yihiin darbi-jiifnimada, daroogada iyo gaangiska, waxaana sanduuqu dowladda Maraykanka ugu baaqay, in ay taageero dhaqaale la garab istaagto qoysaska noloshoodu ka hoosayso heerka saboolnimada, si loo badbaadiyo carruurtooda. 3-dii carruur ah ee ku nool heer ka hooseeya saboolnimada 2 kamid ah waxay kas soo jeedan qoysaska Madowga ah ee Maraykanka, taasi oo u dhiganta in carruurta ugu badan ee ku nool heerkaasi ay yihiin kuwa Madowga ah, sida ku xusan warbixinta. Halkaan ka akhriso warbixinta oo dhan PUNTLAND POST The post Qiyaastii 13 malyan oo kamid ah carruurta ku nool Maraykanka ayaa noloshoodu ka hoosaysaa heerka saboolnimada appeared first on Puntland Post.