-
Content Count
215,317 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The UK officially opened a training facility in Somalia on Saturday for the Somali National Army (SNA), as the Horn of African country readies to take up security responsibilities. Source: Hiiraan Online
-
Maymuuna Cabdi 28 kir ah iyo Kariima 24 ah oo haysta dhalashada dalka Canada, ayaa maalmahan warkoodu aad u dhex socdaa warbaahinta iyo boggaga Arrimaha bulshada, sida FB-ga. Wararka hablahan oo sumcada qaranka Somaliland aad ugu xun, ayaa ah in lagu xidhay Hargeysa, iyadoo lagu eedeeyay markii hore inay maandooriye cabeen, kadib, markii ay tacadi iyo iyadoo loo diiday waxay xuquuq lahaayeenoo dhan aan la siin, si lama filaan looga sii daayay xabsiga. Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa iyo hadda ka hadal sababta xadhiga hablahan,iyadoo ay muddo bil ku dhawaad ah warka xadhiga habalahani uu haystay warbaahinta iyo fagaarayaasha laysku dhaafsado xogaha ee social media-ha. Dhabahaantii waa waajib saaran xukuumadda Muuse Biixi inuu wax ka qabto talaabooyinka sumcad dilista ah ee dalkeena u ekaysiinaaya meel lagu tacadiyo xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta. Iyadoo aynu ognahay in tan iyo intii uu xilka la wareegay madaxweynaha muddada koobani xilkiisii uga hadhsan tahay in ay xabsiyo muteen dad dalkan u dhashay oo qaarkood markii muddo xabsiyada lagu hayay layska sii daayay, qaar la masaafuriyay,halka in badan oo kalena ay wakhtigan xabsiyada ugu jiraan oo keliya fikir ay cabireen. Tacadiyada xuquuqiga ah ee ay xukuumaddani ku kacayso ayaa sababay in qaar ka mid ah dalalka Somaliland ka caawiya dhinaca horumarka iyo dumuqraadiyadu ay ka fiirsanayaan sidii ay ula sii shaqayn lahaayeen Somaliland. Sida laga soo xigtay Safiirka dawlada Ingiriiska u fadhiya arrimaha Soomaalida Nayroobi uu soo hadal qaaday haddii xukuumadda Muuse Biixi ay wax ka bedeli weydo hawlahan in ay ku soo rogi doonaan xayiraad xagga socdaalka ah. Si kastaba xaalku ha noqdee waxa xukuumadda looga fadhiyaa inay cadeeyaan sababta hablahaa loo xidhay, haddii la waayo wax cad oo lagu xabisayna waa in madaxweynuhu tallaabo ka qaadaa cidii xadhigooda ka danbeysay, si loo ilaaliyo sumcada qaranka Somaliland uu ku leeyahay fagaarayaasha caalamiga ah,sidoo kalena ooda laga qaadaa maxaabiista ra’yigooda u xidhan oo dhan. W/Q: Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka. Guddiga ayaa kulankooda maanta kaga dooday arrimo ay ka mid yihiin in dib loo furo kalafadhiga Golaha oo hakad galay bishii Ramadaan oo Xildhibaanada Golaha ay u baxeen cumro iyo iney gutaan waajibaadka Alle uu saaray. Sidoo kale, guddiga joogtada ayaa ka hadlay kalafadhiga hadda lagu gudajiro agendihiisa in la dhammeystiro. Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in 15 bishaan dib loo furo kulamada golaha shacabka,waxaana Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya loogu baaqay iney dalka dib ugu soo laabtaan. Xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa xildhibaanada dalka ka maqan ugu baaqay iney si deg deg ah ku soo laabtaan ka hor 15-ka bishaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somaliland: President Muse Bihi To Visit Sweden The Somaliland President Muse Bihi Abdi is expected to head to Sweden tomorrow after receiving an invitation from the Swedish political party, KD. Sweden is one of the many Scandinavian countries with a large Somaliland community and have been a great supporter with regard to social aid. The President is expected, during his visit, to meet with various political officials in Sweden, as well as, the members of the Somaliland community. Somaliland has expressed its preference for Sweden as one of the proposed facilitators in any future talks with Somalia. The Somaliland delegation is expected to include the Foreign, Finance and Trade ministers, along with other senior officials. Qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka fallanqeeya siyaasadda Geeska Afrika ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay maalmihii dambe kordhisay cadaadiska ay saareyro dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaalida. Dhowaan Kenya waxay dalkeeda ku xirtay afar qof oo uu ku jiro aqoonyahan lagu magacaabo Ibraahim Bursaliid oo dhaliili jiray boobka Kenya ee badda Soomaaliya Maxamed Xaadir Nuur oo ka fallanqooda siyaasadda Geeska Afrika oo la hadlay warbaahinta Simba ee Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Kenya ay bilowday in ay beegsato muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Kenya, Waxa uu sheegay in Kenya taasi ay ugu gun leedahay in cadaadis ay ku saarto Soomaaliya, si ay dowladda soomaaliya uga tanaasusho dacwada badda ee hadda taala maxkamada caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ. Waxaa hadda aad looga cabsi qabaa in sidoo kale Kenya ay xabsiga dhigto aqoonyahanno kale oo Soomaaliyeed ama siyaasiyiin ku nool magaalada Nairobi. Hoos ka dhageyso wareysiga Maxamed Xaadir Nuur https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/wareysi-siyaasi-2.mp3Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Sanca (Caasimada Online) – Ciidamada Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa qarka u saaran inay qabsadaan gobolka Najran ee dalka Sacuudiga kadib dagaal xooggan oo dhacay maalintii ciidda iyo wixii ka dambeeyey. Mucaaraadka Xuutiyiinta ayaa weerar xooggan ku qaaday gobolka, waxaana ay qabsadeen dhowr goob oo milatari oo ku yaalla gudaha gobolkan dhaca Koonfurta Sacuudiga, sida ay sheegeen. Afhayeenka Xuutiyiinta, Yahya Sarei ayaa wakaaladda wararka Yemen ee SABA u sheegay inay gacanta ku dhigeen 20 goob oo milatari oo ku yaalla gobolka Najran. “Ciidamdeenna waxay ka awood badiyeen kuwa naga soo horjeeda, kadib saddex weerar oo aan uga soo qaadnay saddex dhinac” ayuu yiri Yahya. Waxa uu sheegay inay dileen ama ay dhaawaceen in ka badan 200 oo ah dagaal-yahannada calooshood u shaqeystayaasha ah ee u dagaalamaya Sacuudiga, intii uu socday dagaalka, halka qaar kalena ay gacanta ku digeen. Waxa uu sidoo kale sheegaya inay qabasadeen agab ciidan. Taleefishinka Xuutiyiinta ee Al-Masirah ayaa baahiyey muuqaallo muujinaya ciidamadooda oo dilaya ciidamada daacadda u ah Sacuudiga ee gobolka Najran ka dagaalamaya. Inta badan ciidamada Sacuudiga u dagaalmaya ee gobolka Najran ayaan ahayn Suucidyiin. Badankood waxay kasoo jeedaan dalka Yemen, waana maleeshiyo sabool ah oo u dagaalamaya lacag darteed. Mid ka mid ah dagaal-yahannadaas ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye “Markii uu ramadaanka dhammaad ahaa, ciidamo badan ayaa naga tagay oo aaday qoysaskooda si ay ciidda ula soo qaateen. Xuutiyiinta way ogaayeen tan, sidaas darteedna waxay naga soo qaadeen dagaal culus.” Dagaalka ayaa weli ka socda Najran, waxaana Xuutiyiinta ay sheegeen inay u dhow yihiin inay gacanta ku dhigaan gobolka oo Idil. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi ayaa lagu wadaa in uu maalinta bari ah uu u socdaalo dalka Sweden, wararku waxa ay sheegayaan in aanu dawlada Sweden haba yaraatee aanu ka helin wax marti qaad ah. Hase ahaatee uu casuumad ka helay Xisbiga Christian Party oo ka mid ah xisbiyada ka jira dalkaasi Sweden. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa todobaadkani maalintii ciidka mar uu dadweynaha kula hadlaaya salaadii ciidka ka dib sheegay in aan hay’adaha samafalka aan waxba laga sugin madaama oo ay waxa ay keenayaan laga soo urururiyo Kiniisadaha Kiristanka. Dhanka kalelna warar la isla dhex maraayo magaalada Hargeysa, ayaa sheegaaya in madaxweynahu uu xaalad caafimaad dalka dibadiisa ugu baxaayo, mana jirto ilaa hada wax war ah oo Ku saabsan socdaalka madaxweynaha oo ka soo baxay xaga xukumadda Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Xuseen Buuni ayaa si wada jir ah u sharraxay sababta uu Madaxweynaha Somaliland uu Wasiirka Maaliyadda si ku meel-gaadh ah ugu magacaabay inuu ku sime u noqdo Wasiirka Qorshaynta oo Xaalad Caafimaad dibedda ugu maqan, xilli uu Wasiir ku-xigeenkii Wasaaraddu joogo, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Galabnimo khamiis ah, oo ay taariikhdu ku beegnayd 6/6/2019 waxaan si kadis ah uga war-helay -anigoo daalacnaya bartayda aan ku leeyahay Fecebook-ga- in Dr.Ibraahim Qaasim Faarax (Bur-Saliid) loo taxaabay xabsi ku yaal magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Dhacdadaas lama filaan bay igu noqotay, waxaa wer wer igu abuuray xarigga saaxiibkey Ibraahim Bur-saliid, oo ah aqoonyahan bareer u hadla markuu falanqeynayo arimaha siyaasadda dalkiisa hooyo ee Soomaaliya; amaba kuwa aan dariska nahay. Waxaan labadii maalmood ee tagay ka fakarayay maxaad u qaban kartaa saaxiibkaa Ibraahim Bur-saliid? Tollow! dhambaal aan qoraa maciin iyo taageero ma u noqon karaa dadaallada loogu jiro in Bur-Saliid xorriyaddiisa dib u helo! Waxaan arinkaa rog rogaba, waxaan wada hadalnnay saaxiibkey Faysal Cabdi Rooble, wuxuu igu dhiiri-galiyay in aan dhambaal ka qoro xabsi-u-taxaabidda Ibraahim Bur-Saliid. Wuxuu xoojiyay fikirkaygii ahaa in qoraalada loogu dooddayo Ibraahim Bur-Saliid la badiyo, aniguna waxaan bahda qalinlayda Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay qalinkooda ugu hiiliyaan walaalkood Dr.Ibraahim Bur-saliid, waa tuu Sallaan Carabay yiri : Afkuba wuxuu la xoog yahay magliga xowda kaa jara’e! Waa kuma Dr. Ibraahim Bur-saliid? Dad badan oo akhristayaasha ka mid ahi, waxaa suurowda in aysan aqoon durugsan u lahayn Dr.Ibraahim Bur-saliid, waxaan jeclaystay in aan si kooban uga warbixiyo “Bur-saliid” oo ah muwaadin Soomaaliyeed, waxna ku bartay dalkiisa hooyo, ee Soomaaliya. Wuxuu ku koray kuna hanaqaaday magaalada Kismaayo, dugsigiisii hoose, dhexe, iyo kii sareba kaga baxay isla magaalada Kismaayo. Wuxuu ka qalin-jabiyay jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed, isagoo dhigtay Culuumta Siyaasadda, qaran-jabkii ka dib, wuxuu ku jiray dadkii Soomaaliyeed ee u qaxay Kenya, ma niyad jabin, dibadna uma dhoofin, ee wuxuu sii watay waxbarashadiisii isagoo darajada labaad ee “Master’s Degree” ilaa shahaadada “PhD” ka diyaariyay jaamacadda “Nairobi University” dabadeedna, Jaamacadda Nairobi ka noqday bare wax ka dhiga kulliyadda Culuumta Siyaasadda iyo xiriirka dibadda, isagoo muddo 8 sano ka ahaa jamacaddaas macallin -ay ardaydu iyo jaamacadduba- ixtiraam iyo qaddarin weyn u hayaan. Iminka wuxuu ka shaqeyn jiray shirkad la-talin oo uu isagu lahaa “consultancy firm”. Maxaan ku bartay “Bur-Saliid”?! Horraantii sannaddii 2016-kii ayaan is barannay Ibraahim Bur-Saliid, waxaan dhawr jeer ka wada qayb-qaadannay -aniga iyo isaga iyo Dr.Cabdiwahaab Cabdi Samad- doodda Jimcaha ee idaacadda BBC-da, laanta AfSoomaliga. Waxaan ku bartay Bur-Saliid in uu ahaa waddani difaaca danaha umadda Soomaaliyeed, geesi aan ishiisu libiqsan, dooddaa dhiirran, ruux waxbadan ka akhriyay taariikhda iyo sida ay siyaasaddu u fal-gasho. Waxaan kaloo ku bartay – muddadii aan saaxibada ahayn- in uu ahaa ruux bareer u hadla, oo wuxuu aaminsanyahay aan qarsan, markay dhinaca siyaasadda arintu gashana, wuxuu ka aaminsanaa siyaasaddu in ayan ahayn humaag iyo boor-isku-qaris; balse ay tahay: run sheeg iyo daah-furnaan, waa halka uu jeclaa -dadka Soomaali siyaasadda u matalaa- in ay fahmaan, mabda’aasna ku dhaqmaan. Muxuu xabsiga ku mutaystay Bur-saliid ?! Subaxnimadii Jicmada -maalintii xigtay xariggiisii- ayaa waxaa maxkamad la soo taagay Bur-Saliid iyo saddex ninoo kale oo aanan garanayn. Maxkamaddu waxay ku eedaysay afartuba in ay yihiin argagixiso. Saddexda nin oo kale anigu wax aqoona uma lihi, Ibraahin-na waxaan ku difaacayaa waa aqoontaan isaga u leeyahay.! Fal-dambiyeedkiisu wuxuu hor-yaalaa maxkamad, xeer-dheerayaasha dhinaca qaanunkuna waxay yiraahdaan eedaysanuhu waa dembi laawe ilaa tuhunku cadaado “accused is innocent until proven guilty”. Xariggaa Bur-Saliid” wuxuu ku soo beegmay xilli ay dowladda Kenya u miciyo-lisanayso Soomaalida, waxay faafisay liis dheer oo ah Soomaali ay dalkeeda ka mamnuucday, xawaaladihii bay qaarkood kala noqotay aqolaanshihii hawl-gal. Waxay muujisay colaad dhinaca Soomaalida xukuumad iyo shacabba. Xarigaan lagula kacay “Bur-Saliid” waxaa loo fahmi karaa cabburin ay Kenya kula kacayso aqoonyahannada Soomaaliyeed ee xorta ah, ama cadaadis Kenya ku saarayso xukuumadda Soomaaliyeed oo la xiriira kiiskii badda ee Maxkamadda Caddaaladda dunida hor-yaal. Tuhunka aqoonyahan “Bur-Saliid” dowladda Kenya ku tuhuntayse -oo ah argagixiso- waa mid culus, erayga argagixisana wuxuu noqday mid dhinac walbaale ah, qaadan kara in ka badan hal macne. Halgamaagii weeynaa ee koonfur Africa Nelson Mandela wuxuu xusuus-qorkiisii “long wolk to freedom” markii la tarjumana noqonaya “ Socdaalkaygii dheeraa ee xoriyadda” ku sheegay sidaan: “ shalay waxay igu sheegayeen argagixiso, maantana markii xabsiga layga soo daayay waxay igu soo dhaweeyeen ubaxyo, waxay ku tilmaamaan kuwa dalkooda u halgamaa oo difaacaa argagixiso.” Waxaan is iri malaha Kenya waxay ugu tilmaantay “Bur-Saliid” argagaxiso waa mowqifkiisii waddaniyadeed, dal jecaylkii uu muujiyay, aftahamadiisii iyo ra’yigiisii tolmoonaa markay arrintu u weecato dhinaca difaaca danaha qaranka Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya maxaa la gudboon? Xukuumadda iminka Soomaali talada u haysaa, waxay ka gaabisay difaaca danaha dalka ee dhinaca xiriirka dibadda. Waxay si jilicsan ula tacaamusha gefafka is-daba-joogga ah, ee kaga imanaya dowladaha aan dariska nahay. Ilaa hadda wax talaabo ah kama ayan qaadin waxa lagula kacay, duulimaadyadii tooska ahaa baa la joojiyay, xawaaladihii baa la xiray qaarkood, Soomaalidii baa la cabburiyay, welina ma ayan qaadin xukuumaddu tilaabo ku habboon tacadiyada dhinaca diblumaasiyadeed ee lagula kacay. Arrinka saaxiibkay Ibraahim Bur-Saliidse waxaan u arkaa in ay tahay: ninkii walaalkii loo xiiirow! adna soo qoyso! Waxaa suuragal ah, in ay xigi karto tilaabadaan kuwa kaloo ka sii daran, oo lagu cabburinayo hal-doorka Soomaaliyeed; si xukuumadda cadaaddis loo saaro, arinkaanna waxaa ila gudboon in xukuumadda Soomaaliyeed ay dadaal dheeri ah galiso sidii wax looga qaban lahaa, loogana hortagi lahaa falal noocaanoo kale ah in lagula kaco hal-doorka Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed ilaa iminka wuxuu dhawrayaa xukuumaddiisu waxay ka qabatay xiriirka sii xumaanaya dalka aan dariska nahay ee kenya. Fal-celis la’aanta xukuumadda federalka ahna waxay sii xoojinaysaa dareenka ah in xukuumadani danaha Soomaaliyeed ku badalatay doorashada soo socota ee dhici doonta 2021-ka iyo waxqabadkii laga sugayay ee ay ka gaabisay sida sugida Amniga, u adeega shacbiga Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dhaqaalaha. Gunnaanadkii, waxaan saaxiibkay Ibraahim Bur-saliid ugu duceeynayaa ducadii nabigeenii suubanaa ee Yuusuf Bin Yacquub ugu duceeyay dadka xiran; taaso ahayd: ilaahayow u jilci quluubta kuwa naxariista badan, waxaan Eebbe saaxiibkay u baryayaa in sii deyntiisa ay u kacaan soomaalida weli damiirkoodu noolyahay. Dr. Cabdulfitah Nuur Axmed (Ashkir) Email: ashkir2009@live.com Dr. Ashkir waa qoraa ka faallooda arimaha Siyaasadda iyo Taariikhda. Md. Ashkir waxa uu horey u ahaa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland. Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Qaran News
