-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Saddex taliye oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag oo ka soo jeeda bariga gobolkaasi, ayaa sida la xaqiijiyay caawa ciidamadooda kala baxay Somaliland. Taliyaasha oo kala ah; Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere), Guray Cismaan Saalax iyo Xayle Xaaji Diraac, ayaa sida la sheegayo ka carooday, taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, kadib markii uu amar ku siiyay in ay si wadajir ah u weeraraan, degmada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay ku sugan yihiin wefdi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Gallan. Saddexda taliye ayaa gebi ahaanba diiday amarka Nuux Taani, waxaana ay u sheegeen in aysan dagaal ku qaadi doonin degaanka ay u dhasheen ee maxasta iyo maatadoodu taallo, sida uu Puntland Post u xaqiijiyay sarkaal la socday mid kamid ah saddexdaasi taliye. “Taani hadalkiisa, waxaa loo arkay in uu leeyahay, ordoo maxastiina iyo maatadiina dagaal ku qaada, taasina way u cunmi wayday taliyaasha, sidaasi ayayna uga goosteen Somaliland iyo taladeedaba, waayo? waxa meesha ka socdaa waa lafa geel iyagaa la isku jebiyaa” ayuu yiri sarkaalka. Sidoo kale, taliyaasha ayaa diiday, kadib markii Gen Taani uu ka dalbaday in ay wada-tashi u yimaadan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, si looga wada-hadlo khilaafka labada dhinac ee ku saabsan, sida loo wajahayo xiisadda ka aloosan degaanno ka tirsan gobolka Sanaag. “Anigu taliyaha aan la joogo dalabkaasi wuu diiday, wuxuuna u sheegay in talada Yubbe iyo Damala Xagarre u taallo dadka halkan u dhashay ee aan go’aan looga yeerin Karin meelo kale. Raggii kalena maba aadin oo waa kuwaan noo yimid ee hadda nala jooga” ayuu yiri sarkaal weheliya mid kamid ah taliyaashaasi. Sarkaalka ayaa sii raaciyay in caawa uusan ciidamada Somaliland ku harin, hal askari oo u dhashay degaannada bariga gobolka Sanaag, isagoo sheegay in awalba dhammaantood ay maamulayeen saddexda taliye ee ka baxay Somaliland. Taliyaasha ka baxay Somaliland, ayaa dhinaca kale caawa degaanka Ceelbuh kulan kula qaatay waxgaradka u dhashay bariga gobolka Sanaag oo isaga kala yimid degmooyinka Badhan, Laasqoray, Hadaaftimo, Xingalool, Dhahar, Damalla-xagarre, Ceelbuh iyo Carmale, sid aan ka soo xiganay qaar kamid ah wagaradkii kulankaasi joogay. Taliska ciidamada Somaliland ayaan dhankiisa weli ka hadal, taliyaasha iyo ciidamadooda ka goostay, iyadoo gobolkaasi ay ka aloosantahay xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland tan iyo markii ciidamada Somaliland ay qabsadeen, degmada Yubbe oo dhanka bari ka xigta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. PUNTLAND POST The post Xog: Ciidamadii u dhashay bariga gobolka Sanaag oo guud ahaan ka soo baxay Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Marxuumad Nimco Cumar Shire Xuuray Koox ku hubaysan toorayo ayaa caawo gabar ku dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Gabadha oo magaceeda lagu sheegay Nimco Cumar Shire (Xuuray) ayaa lagu dilay xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacy xilli ay ka soo baxday salaadda Taraawiixda sida ay sheegeen goobjoogayaal. Gabadha oo dhaawac culus ka soo gaaray toorey dhuunta looga dhuftay ayaa ku geeriyootay gudaha isbitaalka Gaalkacyo sida laga soo xigtay dhaqaatiirta caafimaadka ee ka hawlgala isbitaalkaasi. Ciidamada amniga ayaa hawlgallo ka sameeyay xaafadda gabadha lagu dilay balse sida la sheegayo ilaa iyo haatan cidna looma qaban dilkeeda. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Gabar u dhimatay tooray dhuunta looga dhuftay appeared first on Puntland Post.
-
Militariga Maraykanka ayaa sheegay in ay duqeyn diyaaradeed ku dileen saddex xubnood oo ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari ee Puntland. Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ayey ku sheegeen in duqeynta oo lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya Axaddii todobaadkan laga fuliyay buuraleyda Golis ee gobolka Bari. Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyay in duqeyntaasi aysan wax khasaara u geysan dadka rayidka ah ee ku nool degaannada lagu beegsaday malayshiyaadka Al-shabaab. Sidoo kale waxa qoraalka lagu sheegay in duqeyntaasi ahayd tii lixaad ee laga fuliyo buuraleyda gobolka Bari ee Puntland tan iyo 14-kii April ee sannadkan xilligaasi oo Maraykanku sheegay in uu duqeyn ku khaarajiyay ku xigeenkii hoggaaamiyaha Daacish ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed has called on Somalis to unite and avoid tribalism, which previous fueled the civil war in the horn of Africa country. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Holland ayaa waxa ay aqoonsatay in dalkeeda lagu gali karo Baasaboorka Soomaaliga ee la siiyo shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta Soomaalida. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Holland ay si rasmi ah u aqoonsatay in dalkeeda lagu geli karo Baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan kan Shaqaalaha iyo kan diblomaasiyiinta. “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladda Netherlands ay aqoonsatay Baasaboorka Diplomaasiga iyo kuwa Service-ka laga soo bilaabo May 15 2019, Baasaboorada la aqoonsaday waxaa laga soo bilaabay kuwa la bixiyay 2014-ka” ayuu safiirka bartiisa ku qoray”. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ugu jirto sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ay Soomaaliya la leedahay dalalka Caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciridkaan arkaayo ilko kama soo muuqdaan. Wiilka yar ee Xamar u shaqo tagana waa la xidhaa, siyaasiyiinta kolka lagu qabto shir ay madaxda Soomaaliya la galaana waxa la yidhaa waa Hawl bay wadeen. Waar bal shacabkan la duleeyey ee wax walba loogu sheekaynayo ee aan waxba layskaga tirineynin eega. Sharcigii Baarlamaanku ansixiyey sowtii ku taalay “waa ka mamnuuc siyaasiyiinta Somaliland iyo kuwa Soomaaliya in ay hoos u wada shiraan kolka laga reebo wadahadaladda ay labadda dawladood wada galayaan mooyaane”. Horta Wasiirkii arrimaha dibaddu xagee buu qabtay Oo aanu isagu waftigan Kiiniya tegay u hogaamineynin? Arrinkani waa fadeexad hor leh Oo kalsoonidii shacabka hoos u dhigaysa. Waxeeniiba wax aan sidaa u sii ridneynin ayeey noqotay; hadduu inuun u sharci jiro waa fadeexad qaran arrinkani, dadkana sharaxaad iyo jawaabo waafiya, raaligelin, iyo talaabooyin hor leh ayeey ka sugayeen. Buunbuunintuu waday wataa, loo bud-dhigi waayey Xaqii ay bireeyeen wakaa, boqonka jiidaaya Bicil qodax leh waa kuwaa ku jaray, bohoradeeniiye Dal leh siyaasad yaroo caadifadaysan iyo hebel waa Libaax waa mid subaanaleh. Sharcigani Ma la jiifiyaana banaan baa? Yaab? Qaran News
-
Garowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay guud ahaan joojisay wada-shaqeyntii kala dhexasyay dowladda federaalka Soomaaliya, inta laga heshiinayo arrimaha ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac. Qoraal af-English ku qoran oo Puntland u dirtay beesha caalamka iyo dalalka daneeya Soomaaliya, ayay ku sheegtay in ay joojisay dhamman arrimihii ay ka wada-shaqeynayeen dowladda Federaalka Soomaaliya sida; dib u-eegista dastuurka, qorshaha amniga qaranka iyo hannaanka doorashooyinka dalka ee 2020/2021. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in aysan aqoonsan doonin, dhammaan shuruucda ay meel-mariyeen golayaasha dowladda federaalka Soomaaliya sida; sharciga doorashooyinka, sharciga shidaalka iyo xeerka canshuuraha dalka oo ay sheegtay in aan lagala tashan. Qoraalka ay Puntland soo saartay oo dheer ayaa looga sheekeeyay shirkii fashilmay ee Garoowe, waxaana Puntand ugu baaqday dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka in shirar kale lagu kulmo, si heshiis looga gaaro qodobada salka u ah khilaafka labada dhinac. Dhinaca kale xukuumadda Puntland, waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ku boorrisay in ay dastuurka ku dhaqanto oo ay ilaaliso heshiisyadii ay hore ula gashay dowlad goboleedyada ee dhigayay in laga wada-tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, islamarkaana ay joojiso shuruucda iyo xeerarka aan laga wada-tashan ee ay baarlamanka horgeynayso. Dowlad goboleedyada ayey sidoo kale u soo jeedisay, in ay adkeeyan iskaashiga, wada-shaqeynta iyo xoojinta xiriirka dhexdooda ah, iyadoo ku boorrisay in si joogto ah loo qabto shirarka ku saabsan iskaashiga iyo wax wada-qabsiga dowlad goboleedyada dalka. Hadalka Puntland ayaa u muuqday mid inta badan dhaliilalaya hannaanka ay dalka u hoggaaminayso xukuumadda federaalka Soomaaliya oo Puntland ku eedaysay tanaasul la’aan iyo maroorsi awoodeed. Hoos ka arag warqadda ay dirtay Puntland
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dilay Nin la sheegay in uu Odey ahaa galinkii danbe ee maanta . Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Nawaaxiga Masjid lagu magacaabo Shuhadda oo ku yaalla Cabdalla Shideeye,isla markaana waxaa Dilka ayaa waxaa geystay Rag kU hubeysnaa Bastoolado xili halkaasi uu ku sugna, Raggii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday. Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa sameeyay baaritaan kooban ayadoona aysan jirin cid loo soo qabtay dilka ka dhacay suuqa Bakaaraha. Magaalada M.uqdisho waxaa bisha ramadaan gudaheeda ka dhacay dhowr dil kuwaas oo loo adeegsay bastoolado, ayadoo malinimadii shalay magaalada lagu dilay laba nabadoon oo ka mid ahaa kuwii wax ka soo xulay BFS Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa ka hadashey qorshihii ahaa in la xirayo baraha bulshada inta uu socdo imtixaanka guud shahaadiga ah, kaasi oo ka socda intake badan gobollada dalka. Wasaaraddu waxey soo bandhigtay warqad ka soo baxday maxkamadda sare oo loogu ogolaanayo iney xiri-karto baraha bulshada haddii ay u aragto in Imtixaanka ay dhib ku hayaan ama laga cabsado in markale la xado imtixaanka . Halkan hoods ka akhriso qaraarkaa maxkamadda ee Laguna ogolaanayo in baraha bulshada Laguna xayiro : Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya degmada Cabdi Casiis ee gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in qarax xoogan uu caawa ka dhacay nawaaxiga Aargada Liido, kaasoo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqisho. Si dhab ah looma oga in gaariga qarxay uu ahaa mid laga soo buuxiyay walxaha qarxa ama inuu ah mid qof loogu xiray, waxaana socota baaritaano ay wadaan laamaha amaanka ee dowladda. Taliye Kuxigeenka Ciidanka booliska Soomaaliya ahna Afhayeenka laamaha amaanka ee dowladda Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed, ayaa sheegtay ineysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxa, kaasoo loo adeegsaday gaari noociisa yahay Toyota filler. “Abbaaro 6.30pm ayaa baabuur noociisa yahay Toyota filler ku qarxay agagaarka aargada Liido. Nasiib wanaag dhimasho iyo dhaawac ma jiro” ayey tiri Zakiya. Xiliga qaraxa Caawa uu dhacayay waxa ay eheyd waqti dadka ay ku mashquulsanaayeen Af-furka, taasoo yareysay khasaaraha maadaama dadka ay ku kala xaroodeen goobihii ay ku af-furayeen. Bishan Ramadaan magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay ku dhowaad 10 qarax oo khasaare gaarsiiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Shaqaalaha iyo Ciidanka dowladda iyo dad kaloo Shacab ah. Meelaha qaraxyadaas ay ka dhaceen waxaa kamid ah Xarunta degmada Warta-Nabada, Kontoroolka NISA ee aagga Daljirka Dasoon, Nawaaxiga Hoteelka SYL iyo mid ka dhacay afaafka hore ee Iskuulka Jabuuti. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dib ugu soo laabtay dalka kaddib markii uu kasoo qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afika Mudane Cyril Ramaphosa. Madaxweynaha ayaa inta aanu kasoo ambabixin dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas, isagoona la wadaagay horumarka ay ku tallaabsanayso dowladda iyo muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay adkeeyaan midnimadooda meel kasta oo ay joogaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika doorka wanaagsan ee ay ku leeyihiin isu soo dhawaanshada labada dal. “Jaaliyadda dalkaan, waxaad ku tilmaaman tihiin dadaalkiina iyo saameynta dhaw ee aad ku leedihiin nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed, waxaan idinku boorrinayaa in aad ilaashataan midnimadiinna iyo sumcadda Soomaalinimo ee aad xambaarsan tihiin”. Dhankooda, xubnaha Jaaliyaddeena ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha xaaladdooda nololeed, fursadaha shaqo ee ay ka heleen dalkaas iyo caqabadaha ku xeeran, iyagoona uga mahadceliyay hoggaanka dalka dadaalka ay ku bixinayaan dib u dhiska iyo sare u qaadista magaceena qarnnimo. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Ethiopia kala hadashay sawirka khariidaddii ay wasaaraddooda arrimaha dibaddu soo daabacday ee markii danbe ay ka saartay website-kooda. Sawirkan ayaa muujinayey Soomaaliya oo laga saaray khariidadda laguna daray dalka Itoobiya. Wasiirka Arrimaha dibedda Somalia Ambassador Ahmed Ciise Cawad, ayaa VOA u sheegay in isla markii ay ka warheleen khariidadda la soo daabacay ay xiriir la sameeyen Ethiopia, xiriirkaasi kaddibna Ethiopia ay ka saartay sawirka khariiradda website-kooda. Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda Arrimaha dibedda Ethiopia ay cudurdaar ka siisay Soomaalia khaladka, sidoo kalena ay wadaan baaritaan la xiriira sababta ay arrintaas ku dhacday. Wasiir Cawad ayaa VOA u sheegay inay aqbaleen cudur daarka Ethiopia ay arrintaas ka bixisay oo ay aaminsan yihiin in falkaasi aanu ula kac ahayn. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa shalay lagu yiri “Waxaan ogaanay in sawir qaldan oo aan la aqbali karin oo ah map-ka qaaradda Afrika uu ku dhuuntay website-ka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya. Markii aan ogaanay durba waan ka saarnay website-ka.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Ku kalsoonaada in kooxdeena ICT ay ka shaqeynayaan amniga website-ka. Waxaan si shalayto leh uga cudur daaranaynaa jahwareerka iyo is-faham waaga laga yaabo in dhacdadan ay sababtay.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan soo saartay shirkadaha qaadaya Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan soo gudanaya Acmaasha xajka, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Dowladda ay dul-saaratay kumanaan lacag ah qarashka laga qaadayo Xujeyda Soomaaliyeed. Halkii qof ee ka baxaya Soomaaliya ee u socda Xajka ayaa laga qaadayaa lacag dhan 3600$ waxaana la sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qofkii saaratay lacag dhan 10$ islamarkaana ay taasi qayb ka aheyd heshiiskii lala galay Shirkadaha duulimaadka ee ku soo baxay tartankii Xejka loo galay. Sanadkaan waxaa soo xajin doona dadka gaaraya 11,500 oo qof, waxaana la sheegay in ay dowladda ka heli doonto lacag ka badan 115,000$ oo dollar. Barnaamijkaan waxaa mas’uul looga dhigay Guddi Culumo ah oo ay magacaawday Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya, kuwaas oo sidoo kale tartanka u qabtay shirkadihii ku guuleestay qaadista xujeyda Soomaaliyeed. Lacagta 10-ka dollar ah ee qofkiiba ay ka heleyso dowladda, waxaa sidoo kale dheer in Shirkadaha qaar ay dowladda Soomaaliya la gashay heshiiyo kale oo lacageed kuwaas oo suurta geliyey in ay ku soo baxaan tartanka qaadista xujeyda Soomaaliyeed. Arintaan waxaa noo xaqiijiyay madax ka tirsan Shirkadaha qabanaya shaqadaan iyo xubno ka tirsan Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya. Waa nuuc kamid ah Musuq maasuqa ka jira Xafiisyada Dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Uganda)-Sanadkii 2018, Qaramada Midoobay waxay ogaatay in malaayiin doolar oo lacago gargaar ah laga soo xaday Ugandha. Hadda Jarmalka ayaa qayb ahaan joojisay maal-galinteeda si ay ugu khasbaan Uganda in ay kor u qaadaan baadhitaannada. Dawladda Jarmalka ayaa Jimcihii shaaca ka qaaday in ay ka xayirtay Sh400 bilyan oo doollar ($ 106 milyan oo doolar) oo ka mid ah lacagtii loo ballanqaaday Kampala ee loogu talagalay dib-u-dajin qaxooti sanadkasta. Go’aanka ayaa daba socday go’aan Boqortooyada Ingiriisku 2018 ay ku joojisaya lacago ay Kampala siinaysay ka dib markii baadhitaan Qaramada Midoobay ay samaysay lagu sameeyay barnaamijka qaxootiga ee Uganda isla markaana ay heleen caddeymo musuq-maasuq oo malaayiin dollar ah. Fadeexaddan ayaa iftiimisay markii xukuumadda Ugandha ay ku wargelisay deeq-bixiyeyaasha in lacago badan oo laga soo saaray xisaabta lacagta taalay. Baadhitaan wadajir ah oo ay sameeyeen Qaramada Midoobay, Xafiiska La Dagaalanka Musuqmaasuqa ee Midawga Yurub (OLAF) iyo Dowladda Uganda ayaa ogaaday in Tirada Qaxootiga ee Ugandha La buunbuuniyey oo la xaday dhaqaale loogu talagalay qaxootiga. Xukuumadda Ugandha ayaa wali ku qasban in ay tuhmanayaasha u keento buug, taasoo u hogaaminaysa deeq-bixiyeyaasha si ay u waydiiyaan ballanqaadkii ay wadanku ku doonayeen in ay baadhitaan ku sameeyaan arrintaas, sidaas awgeed go’aanka ay ka qaateen Jarmalka iyo Ingiriiska si lacag ay haystaan u fasaxaan. Safiirka Jarmalka u fadhiya Ugandha, Albrecht Conze, ayaa sheegay in Germany ay ka naxday natiijooyinka baadhitaanka. “Waa inaan cadaynaa wixii dhacay bishii February ee sannadkii hore, 15 bilood ka hor, waxay noqotay arrin argagax ku ah Jarmalka, gaar ahaan xiligii lacago farabadan ay ka yimaadeen ilo gaar ah, , oo ka yimid dadka deeqaha bixiya. Ku-deeqidda si fiican looma kharash-gareeyo ” ayuu yidhi Mr Conze maalintii Jimcihii. Uganda waxay si rasmi ah u martigalisay 1.3 milyan oo qaxooti ah waxayna heshay $ 350 milyan oo deeqo kala duwan ah sannadkii 2017. Hada, Jarmalka ayaa go’aansaday in ay diido lacagta ay si toos ah u siiso dawladda Ugandha ilaa ay ka bilowdo dacwad ka dhan ah tuhunadaasi fadeexadaha musuqmaasuq ah, laakiin waxay sii deyn doonaan maalgelin hay’adaha caalamiga ah sida Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee mashaariicda gargaarka. Dawladda Uganda waxa ay si weyn ugu tiirsan tahay lacagta gargaarka ee ka timidaada deeq bixiyeyaasha caalamiga ah si ay ula tacaalaan xaaladda dhaqaale ee ay sababeen qaxootiga dalkeeda ku sugan. Mr Conze wuxuu codsaday in tallaabo la qaado si loo soo celiyo kalsoonida. “Ma bixinaynno [lacag] illaa aan aragno in kuwa la aqoonsaday waqtigaa la keenayo caddaaladda, waxayna u baahan yihiin inay ka jawaabaan eedeymaha yimid,” ayuu yidhi. Source
-
Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Xasan Cali caadle ayaa waxaa uu xilkii ka qaaday Duqii degmada Baladweyne Khadar Xasan Afrax, iyada oo duq Cusub loo Magacaabay qof dumar ah degmada Baladweyne. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa xilka duqa degmada loogu Magacabay Haweeney lagu Magacaabo Safiyo Xasan Sheekh Cali taas oo bedeleysa duqii hore ee degmada Baladweyne Khadar Xasan Afrax. Sababaha xilka looga qaaday duqii hore ee degmada Baladweyne ayaa lagu sheegay inay timid baahi loo qabo in isbedel lag sameeyo maamulka gobalka Hiiraan haseyeeshee faah faahin dheeraad oo intaas dhaafsan lagama bixin. Halkaan ka aqriso Source: goobjoog.com
-
PRESS RELEASE Dispatch of a Special Envoy of the Prime Minister for the Inauguration Ceremony of the President of South Africa Mr. Seki attended the Presidential Inauguration Ceremony held at the Loftus Versfeld Stadium in Pretoria, South Africa’s capital TOKYO, Japan, May 27, 2019/ — On May 25, Mr. Yoshihiro Seki, Member of the House of Representatives and State Minister of Economy, Trade and Industry visited the Republic of South Africa, as Special Envoy of Prime Minister Shinzo Abe, to attend the Presidential Inauguration Ceremony for H.E. Mr. Cyril Ramaphosa, President of the Republic of South Africa. 1. Mr. Seki attended the Presidential Inauguration Ceremony held at the Loftus Versfeld Stadium in Pretoria, South Africa’s capital. At the ceremony, President Ramaphosa took the oath and made his inauguration speech in front of dignitaries of the South African government, foreign dignitaries including heads of state from African countries, and the people of South Africa. 2. Mr. Seki handed over the personal letter from Prime Minister Abe to President Ramaphosa and offered his congratulations on the inauguration of President Ramaphosa. Mr. Seki stated that Japan will strive to further develop bilateral relations focusing on trade and investment and that he looks forward to welcoming President Ramaphosa to Japan on the occasions of important events which will be held in Japan this year including TICAD7. President Ramaphosa stated that he appreciates Mr. Seki’s attendance at the Presidential Inauguration Ceremony and that he looks forward to visiting Japan this year. 3. Mr. Seki had short conversations with dignitaries including heads of state of African countries as well as special envoys from non-regional countries on the occasion of the Presidential Inauguration Ceremony. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Foreign Affairs of Japan. SOURCE Ministry of Foreign Affairs of Japan Qaran News
-
Click here Qaran News
-
Qoraalkan & Naqshadan hoose ee Maabka “Map” Afrikada cusub “New Africa”, ee lagu Daabacay Bogga Wasaarada Arimaha Dibada ee Dalka Itoobiya wuxuu cadaynaya Qaabka loo Qorsheeyey Mustaqbalka dhow ee Maabka Afrikada Cusub. Waxaa Xaqiiqo ah in Qorshahani yahay mid in ka badan 60 Sano daraasaad lagu samaynayey, balse la sii dardar-geliyey 30kii Sano ee ugu dambaysay. Hadaad Akhriste u haysatid waxaan dhici karin, waxaad u Baahan tahay inaad fiiriso Qodobadan Hoose. Maxaa Cadayn u ah: . Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter ayaa yidhi “Ma dhacayso in 100-Milyan Bad la’aan ahaato halka 10-Milyani haystaan Badda Labaad ee Africa ugu dheer 3330 Km2” . Waxaa Xoojiyey Hadalka Madaxweynaha Wakiilkii Africa u qaabilsanayd Maraykanka Mrs Jandayi Frazer oo iyaduna mar labaad hadalkaas ku celisay. . Ku dhawaaqistii Xuseen Caydiid oo ahaa Wasiirkii Arimaha Gudaha Soomaaliya in Itoobiya & Soomaaliya la isu furayo oo ay yeelanayaan Passport isku mid ah. . Ku dhawaaqidii Abiya Ahmed ee In Somaliya & Itoobiya isku dal Keliya yihiin. . Qabsashadii Itoobiya ee Soomaaliya 2007, oo ay Caasimadii & Madaxtooyadiiba Qabsadeen. . Xafiisyada Maamul & Siyaasadeed ee Itoobiya uga furan Maamul walba oo Soomaaliyi Samaysatay. . Heshiisyada is-dhexgal ee ay la gashay Itoobiya Maamulada Soomaalida iyo Xukuumada Federalka ahba. . Rugaha Waxbarasho & Caafimaad ee Itoobiya ka Furatay Gobol walba oo Soomaali ah. . Samaysashada Maraakiib Ciidan & Ganacsi iyagoon Bad lahayn. . Samaysashada Ciidan Badeed Xoogan. . Ogolaanshaha inay Maamulaan Amniga Baddaha Soomaalida. . La wareegida Hogaaminta Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga. . Ku-soo Qulqulka Shacabka Itoobiya ee Gobolada Soomaalida oo aad u sii badanaya. . La Wareegida Ganacsiyadii yaryaraa ee dhamaanba Gobolada Soomaalida. . La wareegida dhamaanba Waardiyayaasha Guryaha iyo Xafiisyada Gobolada Soomaalida. . Isticmaalka Gaadiidka Itoobiya si Xor ah oo Cashuur la’aan ah dhamaan Jidadka Gobolada Soomaalida. . Isticmaalka Dekedaha Soomaalida si Cashuur la’aan ah iyo Baadhis la’aan waxa uga soo dega. . Kenya oo Sheegatay Maamulka iyo Lahaanshaha Kismaayo. . Kenya oo Sheegatay Qaybo ka mid ah Badda Soomaalida. . Ku dhawaaqida Madaxweynaha Ugaanda in Dal Soomaaliya la yidhaahdaa Jirin. Ku dhawaaqida Madaxweynaha Eritrea ee In Dalkii Soomaaliya Burburay oo aysan jirin Wax Soomaali la yidhaahdo. Intani waa Qaybo aad u yar oo ka mid ah xogta dhabta ah ee Map–kani Xambaarsan yahay. “Doqonta Usha agteeda ku dhufo, Haduu Dareemi waayona Korkiisa ku dhufo”. Waa in arintan Soomaalidu meel adag ka istaagtaa, oo Itoobiya ugala garnaqsataa si adag. Mahadsanidin W/Q: Qaasim Saleeban
