Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Most African countries have few to none forensic bureaus or institutions. Forensic science plays a vital role in the criminal justice system by providing scientifically-based information through the analysis of evidence. It is a big moment in Somalia’s history as a court in Garowe today used forensic DNA evidence to convict three men accused of the rape and murder of 12 year old Aisha Ilyas. This is the first time forensic DNA evidence is being used to land a conviction in Somalia. Ilyas was abducted on February 24 at a market in nothern Galkayo. Her body was found the next morning near her home. A post-mortem found that she had been gang-raped then strangled to death. The incident sparked mass demonstrations held across Puntland and the hashtag #JusticeforAisha was created. On Sunday, May 12, the men responsible for her rape and death were finally convicted thanks to forensic science. The Bureau of Forensic Science of Garowe, Puntland, Somalia, was officially inaugurated on Spetember 6, 2017, in Garowe, Puntland, Somalia. It is the first of its kind in Somalia. Funding for the bureau was by the Swedish government and was facilitated by the United Nations Population Fund. The bureau has three sections: forensic biology, forensic chemistry, and physical and trace evidence. According to the press release, crimes related to gender-based violence were of a priority since the inception of the bureau due to “habitual rapists” who were “let loose to prey in Puntland and other places in Somalia simply because there was no scientific proof linking these criminals to the horrific crimes they had committed”. Forensic DNA evidence worked by matching the DNA found at the crime scene with the DNA of the suspects. If a positive match is found, the suspect is thus linked to the crime scene and hence the crime. DNA evidence can be collected from semen, blood, skin cells, saliva, and hair with attached follicular tag, amongst others. The three men found guilty were sentenced to death. 7 others, mostly youths, were acquitted. The bureau is the sole operating forensic entity in Somalia. This reflects a similar situation in the African continent in general. Most African countries have few to none forensic bureaus or institutions. Forensic science plays a vital role in the criminal justice system by providing scientifically-based information through the analysis of evidence. Source: The African Exponent Header Image Credit: Forensics The post Forensic DNA Evidence Helps To Catch Rapists in Somalia for the First Time in History appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, gaar ahaan safaaradda ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijisay in Nin u dhashay dalkaas oo ahaa Engineer xagga dhismaha qaabilsan uu ku geeriyooday weerar loo adeegsaday Qarax oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Enigineerkaan Turkiga ka soo jeeday ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay nawaaxiga Isgoyska KM4, kaas oo Lagu Magacaabi jiray Mustafa. Waxaana uu dhaawaca qaraxaasi ka soo gaaray ugu geeriyooday Isbitaal loola cararay kadib qaraxa. Weerarkaan ayaa waxaa Masuuliyaddiisa dusha u ritay Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. View the full article
  3. Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay xaafadda Arjantiin, degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dileen askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka Booliiska ee DFS. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in askariga la dilay uu saarnaa Mooto Bajaaj, islamarkaana dilka kadib ay halkaasi isaga baxsadeen raggii falkaasi ka dambeeyey. Ciidamada ammaanka oo halkaasi gaaray ayaa goobta ka bilaabay howlgal aan weli la shaacin cidda lagu soo qabtay. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe ahaa mid soo hagaagayey, wallow 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay dhaceen falal amniga wax u dhimaya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Garowe (SMN ) – Shir saddex geesood ah oo madaxda maamullada Puntland, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ay ku yeesheen magaalada Garowe ayaa Warmurtiyeed ka soo baxay waxaa lagu sheegay in shirkani uu yahay mid lagu xoojinayo iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah DFS, sida uu qabo qodobka 52-aad Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. Waxaa diirada lagu saaray shirkan xaqiijinta dhinacyada federaaleynta, amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, tayeynta hay’adaha dowladda, is weydaasrsiga xogaha iyo qbiradaha. Warmurtiyeedka ka soo baxay kulankan waxaa Saxaafadda la wadaagay Afhayeenka maamulka Puntland Jaamac Dabaraani. Shirkan saddex geesoodka ah ayaa ku soo beegmaya, xilli uu is af garan waaa ku soo dhammaaday shir weyne ay madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada maalmihii ugu dambeeyay M/Garoowe uga arrinsanayeen arrimaha Soomaaliya Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Labadaani degmo oo ku wada jira Group-ka C ayaa xalay ku loomay tartan aqooneedka bishada barakeysan ee Ramadaan. Waabari yo Wadajir oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay tartan aad loogu riyaaqay. Degmada Waabari oo guusha la hoyatay ayaa waxaa la weydiiyay 7 Su’aal, waxaana ka Jawaabeen dhammaan, sidoo kale waxa ay ka faa’iideysteen Sua’aal soo hareermartay dhigooda Wadajir, sidaasina waxa ay ku heleen 16 Buundo. Dhinaca kale tartamayaasha degmada Wadahir oo iyana la weydiisay 7 Su’aal ayaa waxa ay ka Jawaab celiyeen 5 ka mid ah, mana jirin ka faa’iideysi ay heleen, sidaasina waxa ay ku keensadeen dhibaco gaaraya 10, sida uu ka u dhawaawaqay natiijada guddoomiyaha guddiga tartanka Maxamed Axmed Jimcaale. Barnaamijka tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo haatan maraya meel xiiso badan ayaa waxaa caawa laguda gali doono Group-ka D oo ay ku wada jiraan degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jabjab, Kaaraan iyo Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Kulanka ugu horreeya ee caawa waxaa iska hor imaan doono degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jabjab, waana labo degmo oo taariikh ka sameeyay tartanka sanadkii hore, kadib markii ay tiigsadeen Finalka. Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle abaal marin qaali ah ku bixinaya shirkadaha Beco iyo Coca Cola, halka su’aal diyaarintuna uu yaha Adult Commercial Secondary School. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedreaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, oo caawa kormeer amni ku tegay taliska Qaybta Guud ee booliiska gobalka Banaadir iyo Isgoysada ay ku sugaynyihiin ciidamada sugaya amniga caasimadda, ayaa booqday xarunta hagista iyo ka jawaabidda numberka 991 ee Booliisku dhawaan howl geliyeen si shacabku ay ugu soo gudbiyaan xogaha ay helaan. Howl-wadeennada Booliiska ee u xil saaran shaqada xooggna ee isku xirka booliiska iyo shacabka xogta usoo gudbinaya, ayaa Ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xariixta hannaanka ay u shaqeeyaan iyo wixii u qabsoomay booliika wixii ka dambeeyay markii dhawaan la howl geliyay nambarka 991. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay saraakiisha booliiska in wada-shaqaynta booliiska iyo bulshada inteeda kale ay muhiim u yihiin sugidda amniga, dalka nambarka gaabaanna uu kamid yahay wadiiqooyinka ugu muhiimsan ee isku xirka, waxa uuna laamaha amniga kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo booqday qaybo kamid ah goobaha ay bulshadu isugu timaado iyo xarumo ganacsi ayaa kormeeray taalladda SYL oo ay ka socoto howl dardar leh oo si is-xilqaan ah loogu dhisayo, iyada oo lagu jiro toddobaadka munaasabadda xuska dhallinyara Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirro:- View the full article
  7. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxay kulan ku leeyihiin xaruntooda magaalada Muqdisho. Habeenkii xalay ahaa ayaa lagu wargeliyey xildhibaannada in maanta uu jiro kulankaan, islamarkaana inta joogta ay soo wada xaadiraan. Ajendaha kulanka maanta ee golaha shacabka ayaa ah Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka jaangooynta iyo tayadhawrka Soomaaliyeed iyo sidoo kale ka doodista xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee Sanada 2017. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Kaaraan (SMN) – Sida Shabelle ay u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah Kooxo Hubeysan ayaa xalay waxa ay Xaafadda Argentine ee degmada Kaaraan ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada DFS iyagoo dhaawacay Askar kale. Wararka ayaa sheegaya in Askariga la dilay ay dableydaasi ka qaateen qorigii uu sitay. Waxaana la xaqiijiyay Kooxahaasi Hubeysan ay meesha wax ka dhaceen isaga baxsadeen kadib dilka. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha iyo laamaha Ammaanka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir oo ku aadan dilkaasi xalay ka dhacay gudaha degmada kaaraan ee ka dhanka ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Al Shabaab ayaa inta badan sheegta dilalka ka dhanka ah Ciidamada iyo Howlwadeenada dowladda Federaalka Soomaaliya. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Arbacow ee gobolkaasi. Weerarka kadib ayaa la sheegay in dagaal foolka fool ah labada dhinac uu ku dhex maray deegaankaasi oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho. Dagaalka ayaa la sheegay in uu socday ku dhawaad 30 daqiiqo, waxaana dad deegaanka ah ay Shabelle u sheegeen in la’isku aadeegsaday hubka nuucyadiiska kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa saaka dagan, hayeeshee dhaq dhaqaaqyo Milatari ayaa waxaa la laga dareemayaa deegaanada Ceelasha Biyaha iyo Arbacow ee gobolka Sh/ Hoose. Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaaq ah ku qaada fariisimaha Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. View the full article
  10. Muqdisho ( SMN)- Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-subax-13052019-Sx.mp3 View the full article
  11. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedreaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo xalay kormeer amni ku tegay taliska Qaybta Guud ee booliiska gobalka Banaadir iyo Isgoysada ay ku sugaynyihiin ciidamada sugaya amniga caasimadda, ayaa booqday xarunta hagista iyo ka jawaabidda numberka 991 ee Booliisku dhawaan howl geliyeen si shacabku ay ugu soo gudbiyaan xogaha ay helaan. Howl-wadeennada Booliiska ee u xil saaran shaqada xooggna ee isku xirka booliiska iyo shacabka xogta usoo gudbinaya, ayaa Ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xariixta hannaanka ay u shaqeeyaan iyo wixii u qabsoomay booliika wixii ka dambeeyay markii dhawaan la howl geliyay nambarka 991. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay saraakiisha booliiska in wada-shaqaynta booliiska iyo bulshada inteeda kale ay muhiim u yihiin sugidda amniga, dalka nambarka gaabaanna uu kamid yahay wadiiqooyinka ugu muhiimsan ee isku xirka, waxa uuna laamaha amniga kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo booqday qaybo kamid ah goobaha ay bulshadu isugu timaado iyo xarumo ganacsi ayaa kormeeray taalladda SYL oo ay ka socoto howl dardar leh oo si is-xilqaan ah loogu dhisayo, iyada oo lagu jiro toddobaadka munaasabadda xuska dhallinyara Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay waxqabadkii dowladii Xasan Sheikh Maxamuud iyo waxqabadka dowladda hadda dhisan ee dhanka dhismaha maamulada. Yuusuf Garaad ayaa sheega in dowladii uu hogaaminayay madaxweyne Xasan Sheikh Dhibaato badan kadib iney ku guuleysatay dhismaha maamul goboleedyada hadda ka jira dalka qaarkood. Wuxuu sheegay in awood, isku dhac iyo Khilaaf badan kadib uu ku guuleystay inuu dhiso maamulada Hirshabeelle, Galmudug, Jubbaland iyo Koofur Galbeed, waxaana ka horeeyay maamulka Puntland. Wuxuu sheegay in dowladda hadda dhisan looga baahan yahay inay ka shaqeyso dhismaha maqaamka gobolka Banaadir, waxaana uu si dadban u weeraray dowladda. “Dowladdii xilka qabatay 2012, Khilaaf, muran, gacan maroojis xanuun badan iyo isku dhac ka dib waxay aqbashay ama iyadu ay hirgelisay unkidda Afar Dowlad Goboleed” “Dowladda Xilka qabatay 2017 ma ahan in uu culeys ku noqdo Maqaamka Caasimaddu, si uu u dhammaystirmo heykalka Federaalku”ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda xiriir aan wanaagsan uu kala dhaxeeyaa dowlad goboleedyada kale ee dalka, waxaana muuqata in hadda isbaheysi cusub uu ka dhex abuurmay Puntland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed. Shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Garowe ayaa lagu kala booday, waxaana Galmudug iyo Jubbaland ay ku qanci waayeen waxyaabaha shirka la keenay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedreaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeer amni ku tegay taliska Qaybta Guud ee booliiska gobalka Banaadir iyo Isgoysada ay ku sugaynyihiin ciidamada sugaya amniga . Taliyaha Booliska ayaa kormeerkaan ku wehlinayay Ra’isilwasaaraha. Ra’isilwasaaraha ayaa saraakiisha ciidamada kula dar daarmay sii wadida qorshayaasha lagu sugayo amaanka. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale booqday qaybo kamid ah goobaha ay bulshadu isugu timaado iyo xarumo ganacsi. Puntland Post The post Ra’isilwasaare Kheyre oo kormeeray Isgooysyada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  14. Shir ay xalay Garoowe ku yeesheen saddexda dowlad goboleed ee Puntland, Hirshabeelle iyp Koonfur Galbeed ayay ka soo saareen, war-murtiyeed ka kooban 7 qodob oo ay ku heshiiyeen. War-murtiyeedka ayay ku sheegeen in ay ku heshiiyeen, iskaashi cusub oo ku saabsan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga, federaalaynta dalka iyo tayaynta hay’adaha dowladda. Halkaan ka akhriso war-murtiyeedka PUNTLAND POST The post Puntland Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo heshiis iskaashi gaaray appeared first on Puntland Post.
  15. WELLINGTON, New Zealand — Prime Minister Jacinda Ardern of New Zealand will attempt this week to use the terrorist attack that killed 51 Muslim worshipers in Christchurch mosques in March to demand that the biggest internet platforms do more to stamp out violent and extremist content. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in odayaasha dhaqanka ee matala dadka dega magaalada Muqdisho ay dhamaadka todobaadkaan Muqdisho ku yeelanayaan kulan looga tashanayo dhibaatooyinka ka jira magaalada Muqdisho. Odayaashaan ayaa Caasimada Online u sheegay in ay dhib badan wajahaan dadka ku nool Gobalka Banaadir, oo ah Canshuur bixiyaal Islamarkaana ay kala-kulmayaan Dowladda Soomaaliya. Kulankaan ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco Guriga Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ku yaala degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir, oo kulankii kan ka horeeyay lagu qabtay. Odayaashaan ayaa sheegay in Muqdisho ay ku jirto xaalad aysan waligeed soo marin oo asyan kala kulmin dowladihii dalka soo maray bur burkii kadib. Sidoo kale waxay sheegayn in ay dhowaan soo saari doonaan go’aano lagu badbaadinayo dadka ku nool Gobalka Banaadir oo wajahaya Xaalad adag oo aysan ku sii noolaan karin sida ay hadalka u dhigayn. Kulanka todobaadkaan oo la filayo in uu qabsoomo Khamiista soo socota ayaa la aaminsanyahay in dhinacyada ay ka soo saari doonaan baaqyo hadii ay dowladda Soomaaliya ay wax kaqaban waysana ay soo saari doonaan go’aano xal u ah Muqdisho, sida ay noo sheegayn Odayaal katirsan waxgaradka arimahaan ku howlan. Khamiistii la soo dhaafay ayaa kulan ay yeesheen Odayaasha Abgaal iyo Habar-gidir waxay ku sheegeyn in Dowladda Soomaaliya ay diiday in lagala hadlo Cunaqabataynta ay saartay magaalada Muqdisho iyo dilalka Ciidamada Booliiska Soomaaliya ay u geestaan dadka Shacabka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Revolutionary Guards chief says presence of US aircraft carrier in Gulf poses no threat Source: Hiiraan Online
  18. Windows locked shut, the cell was stifling and smelled of urine and feces. There were about 20 women crammed into a space half the size of a standard hotel room; one of them was pregnant, another held her infant son. Source: Hiiraan Online
  19. It is a big moment in Somalia's history as a court in Garowe today used forensic DNA evidence to convict three men accused of the rape and murder of 12 year old Aisha Ilyas. Source: Hiiraan Online
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la sheegay in Kismaayo uu ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo Saraakiisha amaanka ee maamulka Jubbaland, gaar ahaan xubnaha aadka ugu dhow maamulkiisa. Saraakiil katirsan Milateriga Magaalada Kismaayo ayaa Caasimada Online u sheegay in Saacadihii la soo dhaafay uu u yeeray Dhowr Sarkaal iyo la-taliyayaal uu leeyahay oo dhanka amaanka ah, waxayna kawada hadleen Xaaladda magaalada Kismaayo iyo doorashada 2019 ee hogaanka Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa Saraakiishii uu la kulmay u sheegay in Kismaayo uu ka bilaabin doono qorshe hubka looga qaadayo dhamaan Ciidamada hubeysan ee taabacsan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada kale ee ka tirsan Maamulka Jubbaland ee ku dhow Musharaxiinta qaar. Arrinta ayaa u muuqato beegsi loo geysanayo dhamaan Saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Ciidan ee loo arko in ay ka hor imaan karaan Axmed Madoobe, kuwaas oo aan loo fiirin doonin oo kaliya in Dowladda ay ka tirsan yihiin balse sidoo kale laga dhax-raadin doono Ciidamada iyo Saraakiisha Jubbaland. Howlgalkaan waxaa lagu wadaa in ay qayb ka qaataan Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo, kuwaas oo la aaminsanyahay in ay daacad u yihiin hogaanka Axmed Madoobe maadaama ay dano dhaqaale oo badan ay ku qabaan Gobalka Jubada Hoose, gaar ahaan magaalada Kismaayo. Qorshahan Axmed Madoobe ayaa qeyb ka ah dadaal uu ku xaqiijinayo in dowladda Soomaaliya aysan awood u yeelan inay fara-geliso doorashada maamulka Jubaland ee dhowaan dhacaysa. Waxaa aad looga cabsi qabaa in Kismaayo ay mar kale marti geliso dagaalo Sokeeye oo dhiig badan ku daato, hadii aysan xaaladda sidaan iska badalin. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  21. Garoowe (Caasimada Online) – Maamullada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, ayaa shir saddex geesood ah oo ay ku samaysanayeen is-bahaysi ka furay magaalada Garoowe ee xarunta Galmudug. Shirkan oo furay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni, ayaa waxaa ku wehelinaayey Madaxweynayaasha Maamulada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wasiirada sadexda garab ee shirku u furmay. Illaa iyo hadda ma cadda sababta saddexdan maamul ay u yeesheen shir gaar ah oo ay ka maqan yihiin maamul goboleedyada Jubaland iyo Galmudug, inkasta oo Puntland ay isbahaysi kale oo gaar ah la leedahay maamulladaas. Si kastaba, shirkan oo looga wada-hadlay iskaashiga dhinacyada federaalaynta dalka, amniga, horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, tayaynta hay’addaha dowladda iyo isweydaarsiga xogaha iyo khibradaha, ayaa waxaa kasoo baxay qodobada soo socda:
  22. Sadex Maalmul Goboleed oo ku shiray Garowe ayaa heshiis iskaashi oo todoba qodob ka kooban kala saxiixday. Read More
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Iskaashiga Wasaaradaha Maaliyada ee xubnaha ka ah Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ka hor-yimid xeerka Cashuuraha dalka ee Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka uu horgeeyey Golaha baarlamanka federaalka Soomaaliya. Qoraalka kasoo baxay maamul goboleedyada ayaa lagu sheegay inay yaab ku noqotay in wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle “uu Xeerka Cashuuraha Dalka horgeeyey Golaha Baarlamaanka Soomaaliya isagoo aan cidna kala tashan kung xadgudbay hiigsiga nidaam federal ah oo ka dhaqangala dalka oo dhan.” Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xeerkan “uu Wasiirku afduubay islamarkaana uu si buuxda uga hor-imaanayo Dastuurada Maamullada iyo hab-fulinta xeerarka cashuuraha dalka. “ Maamul goboleedyada ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamanka in aysan ansixin xeerkan, maadaama ay sheegeen inuusan ka dhaqan gali doonin deeganadooda. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedreaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, oo xalay kormeer amni ku tegay taliska Qaybta Guud ee booliiska gobalka Banaadir iyo Isgoysada ay ku sugaynyihiin ciidamada sugaya amniga caasimadda, ayaa booqday xarunta hagista iyo ka jawaabidda numberka 991 ee Booliisku dhawaan howl geliyeen si shacabku ay ugu soo gudbiyaan xogaha ay helaan. Howl-wadeennada Booliiska ee u xil saaran shaqada isku xirka booliiska iyo shacabka xogta usoo gudbinaya, ayaa Ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xariixta hannaanka ay u shaqeeyaan iyo wixii u qabsoomay booliika wixii ka dambeeyay markii dhawaan la howl geliyay nambarka 991. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay saraakiisha booliiska in wada-shaqaynta booliiska iyo bulshada inteeda kale ay muhiim u yihiin sugidda amniga, dalka nambarka gaabaanna uu kamid yahay wadiiqooyinka ugu muhiimsan ee isku xirka, waxa uuna laamaha amniga kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo booqday qaybo kamid ah goobaha ay bulshadu isugu timaado iyo xarumo ganacsi ayaa kormeeray taalladda SYL oo ay ka socoto howl dardar leh oo si is-xilqaan ah loogu dhisayo, iyada oo lagu jiro toddobaadka munaasabadda xuska dhallinyara Soomaaliyeed.