Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobo (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay Saacado kadib sabab yaableh u yeshay joojinta diyaaradaha ka taga magaalada Muqdisho ee sida toos ah u tagi jiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Sarkaal ka tirsan waaxda badbaadada Hawada dalka Kenya ayaa shaaciyay in sabab la xiriirta dhanka amaanka loo joojiyay diyaaradaha ka tagayay magaalada Muqdisho ee tagayay magaalada Nairobi. Sarkaalka oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in sababta dhanka amaanka ah ay keentay in diyaaradaha ka yimaada Somalia lagu baaro garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajeer. Kenya ayaa seddex maalin ka hor cadeysay inay joojisay diyaaradaha tooska u tagi jiray garoonka Jommo Kenyatta, islamarkaana lagu baari doono magaalada Wajeer. Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysay go’aanka dowladda Kenya ayaa sheegtay in amaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho uu ka wanaagsan yahay garoomo badan oo gobolka ku yaala. Dowladda Soomaaliya gaar ahaanna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Omaar ayaa sheegay in go’aanka Kenya ay ku soo celisay xayiraadda duullimaadyada Garoomada Aadan Cadde iyo JKIA ay tahay mid siyaasadi ka dambeyso. Lama oga go’aanka xiga ee ay dowladda Soomaaliya qaadan doonto. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  2. Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay dib ugu laabtay Kismaayo ayaa ka hadlay is rasaaseyn khamiistii la soo dhaafay Ciidamada Jubbaland iyo Ilaalada Musharrax Caddinaasir Seeraar ku dhex martay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Axmed Madoobe ayaa marka hore sheegay in uu aad uga xun yahay shaqaaqadaasi oo ay ku dhaawacmeen illaa 3 Askari oo ka mid ahaa Ilaalada Musharraxaasi. Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Musharrax Seeraar in uu carqalad cusub ka abuurayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka digay in mar kale ay dhacdo shaqaaqo la mid ah tii Garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. View the full article
  3. Gaalkacyo (SMN)– Ciidamada Xaslinta iyo kuwa ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa saaka howlgallo ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada ayaa yimid, kadib markii xalay magaaladaasi lagu dhaawacay Taliyaha Ciidanka Isku Dhafka ee magaaladaasi Khaliif Nuur Shiil. Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in ay toogteen Taliyaha, xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaalla halkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka oo AAN la xariirnay ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan Raggii ka dambeeyay falkaasi. Muddooyinkii dambe ammaanka Gaalkacyo ayaa ahaa mid dagan, waxaana howlgallo ka waday Ciidamada Xasilinta ee loo sameeyay magaaladaasi. View the full article
  4. Muqdisho ( SMN)- Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-12052019.mp3 View the full article
  5. Hargeysa (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Hargeysa ka taagan Khilaafka ka dhashay xariga ciidamada amaanka Somaliland ay u geysteen xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo kamid golaha wakiilada Somaliland. Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hor yimid xariga ciidamada Somaliland ay u geysteen xildhibaan Dhakool, waxaana uu sharci daro ku tilmaamay xarigaasi. Guddoomiye Baashe, ayaa ugu horeyn sheegay inuu ka xun yahay hadalka kasoo baxay xildhibaanka oo ahaa in maalinta xorriyadda Somaliland tahay maalin dad gaar ah leeyahay, balse wuxuu sheegay in Dastuurka Somaliland uu u ogolaanayo inuu aragtidiisa cabiro. Ciidamada Booliska Somaliland ayuu ku eedeeyey in Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ay sifo sharcidaro ah ay ku xireen, isla markaana isaga oo aan xasaanada laga qaadin Gurigiisa loo dhacay lana soo xiray. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in shalay loo diiday in isaga uu xabsiga ku booqdo xildhibaanka,taasina ay kamid tahay sharci darada ka jirta deegaanada Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa shalay isaga oo Gacmadaha ka xiran waxaa la horgeeyey Maxkamad,hayeeshee Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka maroodi-jeex uu diiday in uu furo gal dacwadeedka arrinta loo haysto xildhibaanka, maadaama xildhibaanka aan wali laga qaadin Xasaanadda. Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Guddoomiye-Baashe.mp3Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
  6. Legislators worry that the free zone, which will be beyond parliamentary oversight, will encourage 'irresponsible openness' in the small Gulf State ruled by Islamic law Source: Hiiraan Online
  7. Plenty of people thought Uber was going to make history–just not this kind. Source: Hiiraan Online
  8. (CNN)With a range of economic incentives like the freshly built industrial parks for garment manufacturing, Ethiopia has positioned itself to become one of the world's top exporters of textile and garments. Source: Hiiraan Online
  9. A Tanzanian man has been arrested for selling his six-year-old daughter to be killed so that her body parts could be used in a potion to make him rich, police said Saturday. Source: Hiiraan Online
  10. Madaxii hawl-gelinta ciidanka Isku-dhafka ah ee gobolka Mudug G/dhexe Khaliif Nuur Shiil ayaa xalay lagu dhaawacay koonfurta magaalada Gaalkacyo sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidankiisa. Dabley hubaysan ayaa sida la sheegay rasaas ku furay sarkaalka xilli uu ka soo baxay salaadda Taraawiixda masjid ku yaalla koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkq Mudug Shiil oo dhaawac culus qaba ayaa loola cararay isbitaal ku yaalla degmada Gaalkacyo halkaasi oo haaatan lagu dabiibayo. Kooxdii dhaawaca geystay oo goobta ka baxsaday ayaan ilaa iyo hadda lagu guulaysan in la qabto sidoo kalena ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi. PUNTLAND POST The post Madaxii hawl-gelinta ciidanka Isku dhafka gobolka Mudug oo la dhaawacay appeared first on Puntland Post.
  11. Samira Gutoc cannot help but stand out from the crowded roster of candidates in the Philippines' midterm elections. The ebullient 44-year-old is a Muslim, and the only woman among the opposition's slate of eight candidates running for the Senate. Source: Hiiraan Online
  12. A pair of sisters born on the other side of the world, brought by their parents from Somalia seven years ago now thriving in Canada, thanks to some extra help from a Hamilton charity. Nimo and her younger sister Fardosa attend academic programs at Empowerment Squared designed to help with homework and develop skills. Source: Hiiraan Online
  13. The decision to close Kenya's largest refugee camp - home to almost a quarter of a million people - is raising difficult questions, says Mollie Gerver. Source: Hiiraan Online
  14. UNITED NATIONS, May 11 2019 (IPS) - More people are displaced inside their own countries than ever before, and only higher figures can be expected without urgent long-term action, a new report found. Source: Hiiraan Online
  15. The United States has warned it will respond harshly if Israel demolishes the Palestinian village of Sussia in the southern Hebron Hills. Source: Hiiraan Online
  16. The Queen has sparked a diplomatic row after refusing to allow the bones of a ‘stolen’ Ethiopian prince buried in the grounds of Windsor Castle to be repatriated. Source: Hiiraan Online
  17. Airlines have to provide significant delay compensation to passengers on flights departing European Union countries, and flights on EU airlines headed to the EU. That’s because of EU regulation 261 (2004). Source: Hiiraan Online
  18. ismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maalintii 3aad ay ka taagan Xiisad dagaal oo u dhaxaysa Ciidamo Taabacsan Milateriga Soomaaliya oo ilaalo u ah qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland ee ku sugan Kismaayo. Sidoo kale Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay u abaabulan yihiin qaab Ciidamo beeleed ah, Islamarkaana ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan kadib markii ay magaalada Kismaayo gashay xaalad kale oo dhanka amaanka ah. Ciidamada ugu badan dhaq-dhaqaaqa wada ayaa ka amar qaata Af-hayeenkii hore ee maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar, oo sidoo kale ah Musharax u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee doorashada Sanadka 2019. Ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in dhankooda ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo xoog leh waxayna isku ballaariyeen Xaafado katirsan magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel-gaarka ah ee Jubbaland. Gaadiidka dagaalka ee maamulka Axmed Madoobe ayaa laga soo saaray Xarumaha Ciidamada, waxayna qaarkood la geliyay heegan iyadoo dhinaca kale dibadda loo soo saaray Ciidamo xareesnaa oo katirsan Maamulka Jubbaland, kana amar qaata Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. Xiisadaan ayaa salka ku heysa arimaha doorashooyinka Jubbaland iyo Ciidamo dheeraad ah oo ay keensadeen Musharaxiinta qaarkood. Kismaayo ayaa u muuqato markale ay luguha la galayso xaalad dagaal oo salka ku heysa hogaanka Maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  19. Goobjoogayaal ku sugnaa halka lagu dhaawacay taliyaha ayaa waxa ay sheegeen in 3 nin oo dhalinyaro ah, ay weerareen taliyaha xilli uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday salaadii Taraawiixda mana jirin ilaalo la soctay sargaalka. Read More
  20. Ethiopian President Sahle-Work Zewde is scheduled to make a one-day visit to Kenya on Tuesday for talks with President Uhuru Kenyatta. Source: Hiiraan Online
  21. 28 arday oo indho la' ayaa ku jiray 31,500 arday sanadkan u fariisatay imtixaanka dugsiga sare ee ay qaaddo Dawladda Federalka ee Somalia Read More
  22. Roobabka gu’ga oo laxaad leh ayaa xalay miray, degaanno badan oo ku yaalla gobollada Karkaar, Nugaal, Sool iyo Mudug oo hore kulayl iyo baaro daran ka jireen. Dhul ballaaran oo ka kala tirsan gobollada Karkaar,Mudug, Nugaal iyo Sool ayaa xalay roobsaday, sida ay warbaahinta Puntland Post u sheegeen dad ku sugan degaanno kala duwan oo gobolladaasi ah. Meelaha roobsaday waxaa kamid ah magaalooyinka; Garoowe, Qardho, Laascaanood, dooxooyinka Nugaal, jeexdimaha dhoodida Sool iyo Ciidka Mudug Magaalada Garoowe hiraabtii hore (Suxuurtii) saaka, waxaa ku da’ay mayay(bariise) ka dulka-hooryeeyay, gufaacadii uu soo kiciyay gud-gudihii xalay maaruqay gobollada Sool iyo Karkaar. Roobka oo si jawi deggan oo aan dabayl wadan u da’yay ayaa biyaha waray gudaha magaalada iyo dooxooyinka ku xeeran. Sidoo kale weli waxaa cirka ku marriiman daruuro biyaysan iyo fadad cas oo dhibcaynaya. Garoowe iyo saaka PUNTLAND POST The post Roobabka gu’ga oo xalay iyo saaka ka da’ay qaar kamid ah gobollada Puntland appeared first on Puntland Post.
  23. Sida wararka Garowe ka imanaya ay sheegayaan shirka DF iyo madaxda maamul goboleeddada waxaa ka dhacay muran ku dhowaaday in laysu gacan qaado oo dhex maray madax-weynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed- Madoobe), madaxa-weynaha maamul goboleedka Jubbaland, taasoo runtii ah mid aan marna la qaadan karayn!… Axmed-Madoobe, haddii uu garan waayay oo uu ku ixtiraami waayay Farmaajo wax kasta uu yahayba inuu yahay madax-weynihii Soomaaliya ma wuxuu garan waayay isagoo waliba wadaad ah inuu soomanyahay?! Ma wuxuu garan waayay in bishii rammadaan ee barakaysnayd lagu jiro?!… ma wuxuu garan waayay inuu ixtiraamo oo uu xaq dhowro malaayiinta shacabka Soomaaliyeed ee iyaga u haysta mas’uuliyiinta ee rajada ka qabay kana dhur sugayay iyaga?!…Farmaajo khayr kuma aynaan arag laakiin haddii uu ku soo baxay nidaam doorasho haba ahaato mid baarlamaan waxay ahayd Axmed-Madoobe inuu ilaaliyo magaca iyo waxa ay ummaddu wadaagto, waxayna ahayd in laga qaado tallaabo qaynuun haddii aan la awoodinna in maamulka shirka ay ka qaadaan tallaabo xagga anshaxa ah!… Waa KHalad!…Farmaajo waa madax-weynihii dalka, wuxuuna leeyahay mudanaan dastuuri ah oo ay tahay inuu mas’uul kasta iyo muwaadhin kasta ku ixtiraamo, in mudnaantaas la siiyana waxay ka mid tahay ilaalinta iyo hab-raaca dastuuriga ah!… Horay waxaa inoo soo maray Cabdi-Raxmaan Cabdi-SHakuur oo leh “…laakiin annagii martida naloo ahaa inaan sharciga wax ku doono!…” taasoo sida muuqata uu ula jeeday madax-weynaha, waxaana shaki la’aan ah in dad badan oo siyaasadda dalka saamayn ku leh aysan fahamsanayn waxa ay dowladnimmadu tahay, una baahanyihiin taba-bar qoto dheer oo la xiriira shaqadooda iyo waxa la kala mudanyahay… Haddii sida warar ka imaanaya shirki ka dhacay Garowe ay dhab yihiin in la kala qabtay madax-weynaha iyo Axmed-Madoobe si muran la’aan ah waxaa denbiga leh Axmed-Madoobe … Waxaas ma aha wax loo dul qaadan karo, mana aha arrin u cuntamaysa dadka Soomaaliyeed ee wali la kufaa-kacaya sidii ay qaranimmadooda dib ugu soo yagleeli lahaayeen. Madax-weynaha waa la dhaliili karaa siyaasaddiisa, fikirkiisa, shaqadiisa, iyadoo waliba la cadaynayo, ama waa lagu qabsan karaa ama looga hor immaan karaa arrimo qaynuun ah iyadoo qaynuunka loo soo marayo, laakiin laguma gefi karo sida aan loogu gefi Karin muwaadhin kasta oo kale, waxaana intaas u dheer mudnaanta dheeriga ee uu dastuurka sida gaarka ah u siiyaya oo ah inuu huwanyahay sharafta ummadda iyo dalka!… DHanka kale, Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, waxa meesha ka dhacay isaga aabbe iyo hooyo ka ah, isaga iyo ra’iisal wazaarihiisa KHeyre, labo sano oo ay xilka hayeen siyaasiyiinta Soomaaliyeed ama ha ahaadaan madaxda maamul-goboleeddada ama kuwo kale oo iyaga ka fikrad duwan waxay ula dhaqmayeen sidii siyaasiyiin dal ay xoog ku qabsadeen, waxayna ku maamulayeen xoog, khayaano, kala-qaybin, isku dir… qaynuun iyo xeerna wadanka oo dhan bay ka laaleen, waxayna qaynuunkii u qaateen mansabka iyo jagada la yiri ugu adeega qaynuunka!…Meelo badan markaad dhaqankooda siyaasadeed ka fiiriso waxaad dareemaysaa inay isku dareen labo nidaam siyaasadeed; midkii guumeystayaashii oo ahaa Qaybi oo Xukun, oo xataa golihii shacabka labo ayeey ka dhigeen kuwo muqarrabiin ah oo la soo dhoweeyay oo waziiro laga dhigay, ama dad ay wateen loo shaqaaleeyay, ama mushaar aysan lahayn laysaga qoray iyo kuwo la fogeeyay oo xataa gunnadii (Allowance) ay lahaayeen laga ilaashay, wixii nidaam uu dalka lahaa oo dhanna way la dirireen oo waxay ku dadaaleen nidaam iyaga si gaar ah ugu adeegaya, walina wadaan inay xididdada u siibaan xeer kasta oo ay ummaddu lahayd haddii uusan danahooda gaarka ah u adeegeyn! Nidaamka labaadna waa mid shabaha dabeecad ahaan kii Kacaankii Oktoober xagga marin habaabinta, dacaayadda, iyo inay sharciga u aqoonsanyihiin oo keliya waxay iyaga rabaan, xoog sheegashana aysan ka marnayn. Waxaa siyaasiyiinta la gudboon inay gartaan ixtiraamka dhexdooda ah iyo is-tix gelin kasta oo iyaga dhex marta inay noqonayso xudunta midnimmada iyo xiriirka ka dhexeeya shacabka, taasina waxay ku imaan karaysaa ilaalinta qawaaniinta iyo xeerarka ummaddu dhigatay, ixtiraamka dhaqanka iyo anshaxa ummaddu leedahay, waana middaas sirta qarsoon ee ka dambaysa awoodda iyo xoogga ay ummad kasta oo horumartay ku faanto!…Xukuumadda federal-ka faragelinta ay ku samaysay doorashadii ka dhacday Koonfur-Galbeed oo kale haddii ay doonayso inay maamul goboleeddada oo dhan kula dhaqanto taasi waxay horseedaysaa kala fogaanshaha xukuummadda federal-ka iyo gobollada, waxaase haboon oo doorka ugu wanaagsan ee xukuumadda federal-ka ay qaadan karto uu yahay inay kor joogto ka noqoto doorashooyinkaas haddii aysan bannaanka ka joogi karin, laakiin ay ku qasabto maamul goboleedka inuu sameeyo hay’adihii gar-soorka ee go’aanka ka gaari lahaa haddii uu khilaaf yimmado!…laakiin inay iyada keento madax-weynaha maamul goboleedka sida ka dhacday Koonfur-Galbeed. Waxaa sidoo kale aan suuro gal noqonayn xukuumad aan iyadaba lahayn gole shacab iyo maxkamaddii sare oo madax banaan sidee bay qaynuun uga hadashaa oo ay ku maamushaa nidaamka siyaasadeed oo uu dal leeyahay?! Waxaa sida laga war qabo illaa iyo hadda aysan xukuumadda Farmaajo iyo KHeyre ay diidanyihiin Aqalka Sare, kaasoo colaadda ay u qabaan sabab looga dhigay inay laaluush ku qancin waayeen inta badan xubnaha aqalka sare iyo gudoomiyaha Cabdi Xaashi Cabdullaahi sida ka dhacda golaha shacabka iyo Gudoomiye Mursal, marka madax-weynaha in lala murmo, in lagu af celiyo isagaa u sabab ah!…Farmaajo iyo KHeyre waxyay la dagaalameen hay’adihii madaxa bannaanaa ee isu dheeli tirayay awoodaha siyaasadeed ee dowladda marka maxaa diidaya in maamul-goboleeddada ay walaacaan oo ku kalsoonaan waayaan dowldda?!…Cahdiyada iyo xeeraka ay ummaddu wada dhigato ama ay ku heshiiso waa tiirarka ay ku taaganyihiin nidaamyada siyaasadeed ee dalka lagu maamulo, haddii la dumiyana waxa soo baxaya waa la garan karaa, waa siyaasad wareersan oo aan jiho lahayn, waa is qab-qabsigaas joogtada ah ee aan dhammaadka lahayn, iyo shirarkaas aan natiijada lahayn … Golaha SHacabka iyo gudoomiyo Max’ed Mursal, ha ogaadaan shacabka inay danbi ka galeen dalkiina ay dib ugu celiyeen qaynuun la’aan!…Waana siday ahaan jirtay markii dastuurka laga tago!….. W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Xasan Gaafaadhi, oo maanta warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa ayaa sheegay inay jiraan Shabakado xulafo ah oo dhibaato weyn ku haya nabad-galyada Somaliland. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in kooxahani ay ka koobanyihiin dad badan oo la yaqaano iyo kuwa kale oo aan la aqoon. Gaafaadhi ayaa waxa uu Kooxahani ku sheegay wuxuu ugu yeeray ‘Casaabado’, isagoona ka dhawaajiyey inay kamid yihiin kooxahaasi Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo dad ajaanib ah. Wasiirka ayaa ku eedeyay kooxahaasi inay ka dambeeyan xasarado badan oo amni-darro oo ka dhaca deeganada Somaliland. Wasiir Gaafaadhi oo arrimaha ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Casaabado Abaabulan oo nooco badan isugu jira oo Cid walba leh, Madax-dhaqameed leh, shaqaale leh, Ganacsato leh, Dad ajaanib ah oo Shisheeya ah leh, ayaa dhibaato ku haya fulinta Sharciga Qaranka, masuulna ka ah Xasarado iyo dhibaatooyin badan oo dhaca”. “Casaabadahaasi waa Casaabado dhibaato weyn ku haya nabadgalyada, waxay ka Ganacsadaa wuxuu isugu jiraa wax la yaqaano iyo waxaan la aqooninba”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu leenahay Dadkaa maanta iftiinkaa haya, wixii ay geysteena waxay ila tahay meel ay la tagaan in aanay jirin, siyaasiyiin baa ku jirta, markaa maaha wax la fudaydsan karo, Ciidanka Qaranka, Booliska iyo Xukuumadduba waxay diyaar u yihiin inay ka shaqeeyaan sidii ay Dadkaa u iftiimin lahaayeen ee ay Sharciga u horkeeni lahaayeen”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  25. Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Jubbaland Maxamed Naasir Guuleed Xasan ayaa war kasoo saaray amniga murashaxiinta Madaxweynaha maamulka Jubbaland, xilli dhawaan lagu waddo in Kismaayo lagu qabto doorashadda Madaxweynaha Jubbaland. Taliyaha ayaa xusay in aan la ogolaan doonin in murashxiinta qaarkood ay amniga Magaalada Kismaayo ay qalqal galiyaan, islamarkaana ay abuuraan xaalad nabadgaliyo daro. Taliyaha ayaa sheegay in Jubaland aysan aqbali doonin in ciidamada hubeysan lagu haysto magaalada, taasi oo caqabad ku ah amniga magaalada, sida uu sheegay. Waxaa uu sheegay in suggitaanka amniga murashaxiinta ay iska kaashan doonaan Ciidanka AMISOM ee ku sugan degaanada maamulka Jubbaland iyo Ciidanka Booliska Magaalada Kismaayo. Waxaa uu tilmaamay in ugu dambeyntii in la diyaariyay Ciidamo gaar ah oo ka shaqeyn doona Ammaanka goobaha ay ka dhaceyso doorashadda Jubbaland. Ciidamada Jubaland iyo kuwa murashax Cabdi Naasir Seeraar ayaa isku dhac uu ku dhex maray garoonka Kismaayo khamiistii, halkaasi oo afar askari ay ku dhaawacmeen. Jubaland ayaa falkaas ku eedeysay dowladda federaalka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com