-
Content Count
213,209 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargaysa)Gudoomiyiha Garabka dhalinyarada Xisbiga Mucaaridkaa ee Waddani Mudane Maxamed Siddiiq Dhamme waxa uu malintii 31-aad Xabsiga ugu jiraa Aragtidiisa Siyaasigaa taasi oo Caqabad weyn ku ah Nidaamkii Siyaasadeed ee Dalka taasi oo ka horimanaysaa nidaamkii Dimuquraadiyadeed ee Dalka. Ma jirto waxa Faldabiyeeda oo uu faraha kula jiray Gudoomiye Dhamme oo uu Sameeyay, Ma jirto Abaabul iyo Arbushaad liddi ku ah Amniga Dalka oo uu Sameeyay, sidaasi oo ay tahay kaliya waxa lagu haystaa maxaad aragtida siyaasigaa u baahisay, waxa lagu haysta Gudoomiye Dhamme qoraal kooban oo uu ku qoray bartiisa Facebooga. Nidaamka Dimuquraadigii waxa uu ogal yahay in la dhaliilo oo wax laga sheego madaxda inta qaadatay Nidamanka Dimuquraadigaa, Tusaale ahaan Madaxweynaha Maraynkanka oo ah kan Dunida ugu Awooda Badan Si kasta waa loo dhaliila Xataa Cirdigiisa ayaa wax laga sheegaa mana jirto cid lagu tacadiyo oo loo xidhaa. Somaliland wali waxa ka shaqeeya Xeerarkii Dawladii Somaliya ee uu saxeexay Madaxweynihii Hore ee Somaliya Aadan Cabdule Cismaan (Aadan Cadde). xeerarkaasi ayaa loo adeegsaday oo uu u xidhan yahay Gudoomiye Dhamme, una Diiday xataa in la Damiinto! Falalka Noocani waa kuwo Caqabad ku ah Xuquuqal Iisaanka, waa kuwo liddi ku ah in si dhaba loo doodo oo lays qanciyo, waa kuwo Jalaafo ku ah Aqoonsiga Somaliland. Gudoomiye Dhamme waa shaqsi isku kalsoon oo aan inama waxa cidhiidhiyi ku ahayn Xadhiga uu xidhan yahay, kuna kalsoon Fikirkiisa, Ogsoona in uu guuleysan doono Sharcigu, waxaanu halgan ugu jiraa sidii ay Somaliland uga hirgali lahayd Nidaam Dimuquraadiya oo Sax ah. Source
-
Tripoli (PP) ─ Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qoxootiga ee UNHCR, ayaa waxay dalka Liibiya ka qaaday in ka badan 150-qof oo ka mid ah muhaajiriin dalkaas ku noolaa, waxaana dadkaan la geeyay Talyaaniga si loo dajiyo. Muhaajiriintan laga qaaday Liibiya ayaa waxay u kala dhasheen dalalka ay ka mid yihiin; Somalia, Itoobiya, Eritrea iyo Sudan, waxaana tallaabadan ay qayb ka tahay badbaadinta qoxootiga faraha badan ee ku sugna Liibiya oo ay dagaallo sokeeye ka socdaan. Dadkan badankood ayaa la sheegay inay u baahan yihiin nafaqo, waxaana ku jira 65 carruur ah iyo hooyooyinkooda, waxaana ay si nabad-galyo ah ku tageen dalka Talyaaniga oo ay markii hore dhibaato u mari lahaayeen si ay u gaaraan. Jean-Paul Cavalieri oo ka tirsan shaqaalaha hay’adda UNHCR oo ku sugan dalka Liibiya, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo daad-gureyn bani’aadamnimo oo dheeri ah, si loo badbaadiyo kumannaan qof oo Liibiya ku xayiran. Waddanka Liibiya oo ku yaalla Waqooyiga Afrika ayaa waxaa ka socda dagaal ay ku loolamayaan siyaasiyiinta dalkaas oo isku haysta maamulka dalkaas, waxaana dagaalladan ay sababeen in dad badan oo qoxooti ah ay waxyeello kasoo gaarto. Dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay dagaallada Liibiya ayaa waxaa ku jira kuwo Somali ah, waxaana la sheegay in lagu duqeeyay goob ay colaadaha uga gabbanayeen, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawacyo, inkastoo qaarkood haatan laga qaaday magaalada Tripoli ee caasimadda dalkaas oo uu dagaalka xooggiisu ka socdo. Ugu dmabeyn, dadka laga daad-gureeyay iyo kuwa weli ku harsan Liibiya ayaa waxay dhammaantood halkaas u tageen inay u safraan Yurub si ay uga raadsanaad nolol ka wanaagsan middii ay dalalkooda ku haysteen. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo Qoxooti ay Soomaali ku jiraan ka daad-gureysay Dalka Liibiya appeared first on Puntland Post.
-
The regional governor of Badhan in Eastern Sanaag, Ali Hussein (Ali Somali) has resigned and two Somaliland Defence Forces officers, Hussein Dhere and Xayle Da’ir defected to the Puntland administration. The former governor resigned, after in his words, “refusing an order from a senior member of the administration of President Muse Bihi Abdi, to mount an offensive against Puntland officials lurking in the region”. Qarannews.com Senior officials from the Puntland administration of Somalia, including the speaker of the assembly arrived in Badhan. These officials have begun to set up and ad-hoc administration in the city which is surrounded by a large group of Somaliland Defence Forces. All the officials and military officers who had either resigned or defected are from the majority community in the area. However, they have all stated the the reason behind their resignation or defection was based purely on political grounds, i.e, the refusal to mount an offensive against their kin folk from Puntland. A recent confrontation between Somaliland forces and the Puntland militia left six dead and countless other wounded. Qarannews.com The Somaliland Ministry of Justice, Abdirisak Ali Abdi is the senior political figure from the administration in the region, and has been unsuccessful in thwarting the political maneuvers by the Puntland officials. There has been no comment from the Somaliland government, including the Defence Minister, Abdiqani Mohamud Ateeye, nor the Home Minister, Mohamed Kahin Ahmed or the Somaliland Defence Forces chief, Major-General Nuh Tani. According to reliable sources, both sides appear to be reenforcing their troops in the area and possibility of a military conflict is very high. The Puntland administration has made its move at time when the political situation in Sanaag is very intense and the administration of President Muse Bihi has enforced a three month emergency rule in the region. Qarannews.com Qaran News
-
For the past year, Prime Minister Abiy Ahmed has led Ethiopia through dramatic changes. Entrenched ethnic tensions and complex regional conflicts have posed ongoing challenges to the young leader’s reform agenda, but he remains resolute in his desire to make the most of his time in office. Abiy spoke to VOA’s Eskinder Firew about Ethiopia’s relationship with neighbor Eritrea, judicial reforms and the imprint he hopes to leave. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud, ayaa ka hadlay go’aanadii ugu dambeeyay ee dowladda Kenya ay ka qaadatay Soomaaliya iyo aamusnaanta madaxda dowladda federaalka Soomaaliya. Todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa sii xoogeysanayay go’aanada kala duwan ee dowladda Kenya ka qaadaneysay dowladda Soomaaliya iyo ka bixitaankii heshiiskii horey ay labada dal u kala saxiideen ee ahaa duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi. Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya oo ka aamusan xaaladda siyaasadeed ee sii cakirantay inay keeneyno niyad jab weyn oo ku dhaca Shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in madaxda looga baahan yahay inay ka hadlaan culeesyada soo kordhay. Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa dhawaan qoraal kasoo baxay wuxuu u muuqday mid aysan si toos ah kaga jawaabeynin go’aanada waaweyn ee ay qaadaneysay dowladda Kenya, oo ay ugu horeyso ceyrintii Safiir Tarsan. Waxaa uu sidoo kale hadalkiisa intaasi ku daray in mar walba tallaabooyinka loo qaado xaalada Siyaasadeed ee dalka ay ka dhiidhiyaan Shacabka Soomaaliyeed oo sameeyo banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan, balse ay weli la’yihiin Madax garab ku siisa, sida uu hadalka u dhigay. Kenya iyo Ethiopia ayaa walaac badan ku abuuray Shacabka Soomaaliyeed, kadib markii ay qaadeen talaabooyin ka careysiinaya Soomaalida. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu xasuustaa sida uu ula kaftamo madaxda dowlad goboleedyada marka ay arrimo badan isku qabteen, balse wali kuma uusan kaftamin xaaladaha iyo go’aanada dalalka deriska ah ee ka dhanka ah Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)Wax cusub ma aha dagaalka xagga afka ee u dhaxeeya Ilhaan Cumar iyo Madaxweyne Donald Trump, balse waxaa hadda muuqata in xaaladdu ay yeelaneyso waji cusub oo xasaasi ah. Garyaqaanka khaaska ah ee Mareykanka Robert Mueller, oo markii ugu horreysay Arbacadii ka hadlay arrimaha ku saabsan baaritaanka ka dhanka ah madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in haddii uu kalsooni buuxda ku qabo in Mr Trump uusan wax dambi ah sameynin, uu mar horeba arrintaas caddeyn lahaa. Mr Mueller ayaa sidoo kale sheegay in uusan tix galin siinin maxkamadeynta madaxweyne xilka haya, maadaama uu dastuurka tallaabadaas aad u xaddidayo. Hadalkan ayaa caro galiyay siyaasiyiinta kasoo hor jeeda Trump, gaar ahaan kuwa xisbiga mucaaradka ah ee Dimuqraaddiga Mareykanka, waxayna sheegeen inay waajib tahay in madaxweynaha lala xisaabtamo. Ilhaan Cumar oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan ee loollanka galiya Mr Trump ayaa hadda billowday ol’ole ay ku dooneyso in xilka laga qaado madaxweyne Trump. Barteeda Twitter-ka ayey kusoo qortay mowqifkeeda, iyadoo soo xiganeysa hadalkii Mr Muller. “Haddii aan kalsooni ku qabi lahayn in madaxweynaha uusan wax dambi ah galin, waan sheegi lahayn inuu yahay qof nadiif ah… Dastuurku wuxuu dalbanayaa hannaan ka duwan midka caadiga ah ee waaxda caddaaladda ay kula tacaasho dambiileyaasha, marka si rasmi ah loo eedeynayo madaxweyne xilka haya”. “Kani waa dhawaaq lagu dalbanayo in tallaabo la qaado”, sidaas ayey Ilhaan kusoo qortay boggeeda Twitter-ka. Dhanka kale, siyaasiyiin badan oo Mareykan ah ayaa dalbanaya inuu iscasilo madaxweynaha, kadib markii uu hadalkaas kasoo yeeray Robert Mueller, oo ah garyaqaanka khaaska ah. Musharraxiinta xilka madaxweynaha ee kasoo jeeda xisbiga Dimuqraaddiga ayaa doonaya in kalsoonida lagala noqdo Trump islamarkaana xilka laga tuuro. Xisbiga Dimuqraadiga ayaa aqlabiyad ku leh aqalka wakiillada ee Koongareeska, halka xisbiga Jamhuuriga ee uu Trump ka tirsan yahay ay ku awood badan yihiin aqalka odayaasha ee Senate-ka. Taas ayaa horseedeysa in labada dhinac ay isku mari waayaan arrimo badan oo la xiriira howlaha dowlada, balse ma cadda in isku dayga xil ka qaadista Trump uu soo dagdagi karo Source
-
Dowladda Puntland oo digniin ka soo saartay daadadka roobka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada dowladda Puntland, ayaa ka digtay daadad ay sheegtay in ay ka dhalan karaan roobabka gu’ga ee ka da’aya degaannada Puntland, gaar ahaanna gobollada Sool iyo Nugaal. Qoraal ka soo baxay wasaaradda, ayaa lagu wargeliyay bulshada in ay ka baxaan dhulka hooseeya iyo meelaha biya-mareenka ah, sida togaga oo ay ka dhalan karaan daadad. “Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada DPL waxay ku war galinaysaa dadka deggan deegaanada dhulkeedu hooseeyo , meelaha biyo mareenka ah iyo Togaga in ay ka digtoonaadaa daadadka ka dhalan kara roobabka Da’ay asbuucaan khaasatan gobalada Nugaal iyo Sool” ayaa lagu yiri qoraalka Sidoo kale, wasaaradda ayaa wadayaasha gaadiidka ugu baaqday, in aysan gawaarida ku wadi togaga biyuhu socdaan iyo in ay baabuurta joojiyaan xilliyada roobku da’ayo, si loo ilaaliyo badbaadada rakaabka iyo hantida saaran. “Darawalada waxaa laga codsanayaa in aysan baabuurta ku dhexwadin togaga biyuhu soconayaan , xiliyada roobku da’ayona ay baabuurta joojiyaan (Barkimaan) si loo ilaasho badbaadada rakaabka iyo Hantidaba” Digniinta ayaa ku soo aadday, xilli maalmahan dambe ay degaannada Puntland ka da’ayaan roobab mahiiggaan ah oo meelaha qaar daadad xooggan ku celiyay, inkastoo aan weli la soo sheegin khasaare ka dhashay daadadkaasi. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo digniin ka soo saartay daadadka roobka appeared first on Puntland Post. -
Xoghaya Guud Ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku dhawaaqay magacaabista James Swan oo ah diblomaasi Mareykan ah kaasoo noqonaya wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhinaya Soomaaliya iyo madaxa xafiiska gargaarka ee Qaramada Midoobay (UNSOM). Swan ayaa beddelay Nicholas Haysom oo u dhashay Koofur Africa kaasoo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga mahadceliyey shaqada wanaagsaneyd ee uu u qabtay UNSOM iyo Soomaaliya. Mr Swan oo ah wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u fadhinaya Soomaaliya waa diblomaasi waaya-arag ah oo kasoo qabtay shaqooyin badan dalka Mareykanka. Waa siyaasi ku bixiyey waqtigiisa badankiis hawlo badan oo siyaasadeed dalal badan oo Afrikaan ahna kasoo shaqeeyey. Wuxuu mar soo nqoday safiirkii Democratic Republic of Congo sannadihii 2013 illaa 2016, Wuxuu sidoo kale soo noqday Wakiilka Gaarka ah ee dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya sannadihii 2011 illaa 2013 iyo waliba Safiirkii dowladda Jabuuti sannadihii 2008 illaa 2011. Shaqooyinka kale ee Mr Swan soo qabtay waxaa ka mid ah, inuu soo noqday Kaaliye Ku-xigeenkii Xoghaya Arrimaha Dibadda laga soo billaabo 2006 illaa 2008, iyo Agaasimaha Xafiiska Falanqeynta Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dhinaca Sirdoonka iyo Cilmi-baarista sannadihii 2005 illaa 2006. Ka hor shaqooyinkan, Mr Swan wuxuu hawlo badan kasoo qabtay dalalka Democratic Republic Of Congo, Soomaaliya, Cameroon, Nicaragua iyo Haiti. Mr. Swan wuxuu shahaadaha koowaad Scienceka ka haystaa jaamacadda Georgetown, Wuxuu sidoo kale shahaadadiisa labaad ee Arts ka haystaa jaamacadda Johns Hopkins sidoo kale wuxuu shahaadada labaad Security studies ka haystaa National War College. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Moscow)Ruushka ayaa laga yaabaa in ay meel uga dhacay xayiraaddii ka saarnayd in uu tijaabiyo hubka nukliyeerka ah ee qarixiisu uusan aadka u xoog badnayn, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Maraykanka. Sarreeye Guud Robert Ashley oo madax ka ah hay’adda sirdoonkooda difaaca ayaa sheegay “in ay u badan tahay in Moscow aysan u hoggaansamayn” heshiiska la aqoonsan yahay. Marka uu masuulku sidaas leeyahay wuxuu soo xiganayay heshiiska loo soo gaabiyo CTBT, kaas oo ah heshiis ay dalal badan galeen oo mamnuucaya in la tijaabiyo hubka nukliyeerka ah. Ruushka ayaa sannadkii 2008 sheegay in uu ku dhaqmi doono heshiiska CTBT. Maraykanka ayaa isna heshiiskaas saxiixay balse ma uusan meelmarin. “Fahamka aan ka qabno nukliyeerka ayaa nagu hagaya in aan aaminno in tijaabooyinka Ruushka ay ka caawin doonto sidii uu sare ugu qaadi lahaa tayada hubkiisa,” ayuu yiri Sarreeye Guud Robert Ashley. Wuxuu intaas ku sii daray in Maraykanku uu filayo in Ruushku uu hubkaas ku tijaabinayo jasiiradaha Novaya Zemlya, si uu sare ugu qaado hubkiisa nukliyeerka ah tobanka sano ee soo socda. Balse dadka arrimahan ka faallooda ayaa aad u naqdiyay hadalkaas, ururka CTBTO ayaana sheegay in aysan helin astaamo muujinaya dhaqdhaqaaqyo ka baxsan waxyaabihii caadiga ahaa. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi Cabdicasiis Xasan Giyaajo oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka ayaa ka hadlay daandaansiga dowladda Kenya ku heyso Umadda iyo dowladda Soomaaliya. Si dowladda Kenya looga aarsado go’aankeedii ahaa in diyaaradaha Muqdisho ka baxa ay sii maraan magaalada Wajeer, ayuu isna soo jeediyay in dhamaan diyaaradaha Jaadka wadda lagu amro inay yimaadaan magaalada Muqdisho si amaankooda iyo waxyaabaha ay wadaan loo xaqiijiyo. Wuxuu sheegay inay taasi culees ku noqon doonto ganacsatada diyaaradaha leh, haddii muddo labo bilood ah sidaasi lagu haayana ay qeyl dhaan ku celin doonaan dowladda Kenya, taasina ay qasbi doonto inay Kenya ka laabato go’aankeedii hore. Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in diyaaradaha jaadka haddii lagu amro inay soo maraan dhamaantood Muqdisho, inaan lagu canshuurin Muqdisho, maadaama canshuurtaasi ay leeyihiin maamul goboleedyada dalka. “Daandaansiga Kenya waa ka sii darayaa maalinba maalinta ka dambeysa waxaan kula talin lahaa Dawlada in Diyaaradaha Qaadka Keena oo tira ahaan gaaraya 19 doyaaradood in kuwa Gobolada geeya dhamaan lagu amro in ay Xamar soo maraan si loo sugo amniga ama security consultation arrinkaas waxay culays saareeysaa Ganacsatada diyaadaha iska leh” “Qaadka haddii laba bilood intaas la sameeyo waxaan shaki ku jirin in ay iyagana joojinayaan in Wajeer la sii marsiiyo dadka ka tegaya Somalia”ayuu yiri Mr Giyaajo. Kenya ayaa ka baxday heshiis horey u dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo dhigayay in diyaaradaha ka taga magaalada Muqdisho inay toos u tagaan magaalada Nairobi, waxaana lagu waramayaa in culeesyada Kenya saareyso dowladda Soomaaliya inay ku dooneyso ka laabashada dacwadda Badda ee ICJ hortaala. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Maalgelinta Dadweynaha ee UNFPA ayaa cambaareysay kufsi-wadareedkii loogu geystay gabar sagaal jir ah magaalada ku taalla bartamaha Soomaaliya ee Buula-burde oo 425Km uga beegan dhinaca galbeed magaalada Muqdisho. Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya Anders Thomsen ayaa ku baaqay in lagu sameeyo baaritaan degdeg ah dambiga laga galay gabadha yar. “Si adag ayaan u cambaareyneynaa falkaan murugada leh waxaana xaqiijineynaa inaan barbar taagannahay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in xadgudubyada ka dhanka ah haween la ciribtiro,” ayuu ku yiri Thomsen warbixin uu ka soo-saaray Magaalada Muqdisho. Wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay hubiso oo ku dadaasho sidii ay u heli lahayd tillaabooyin lagu ilaalinayo gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed. Sida lagu sheegay warkaan kasoo baxay UNFPA, xadgudubyada jinsiga ee haweenka lagula kaco waa mid aad u halis ah oo lagu waxyeeleynayo xuquuqda gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed. Gabadhan oo magaceeda la qariyey ayaa loo qaaday isbitaal kaddib markii si fool xun loogu kufsday magaalada Buula-burde. Qoyska gabadha ayaa dalbanaya inay gabadhoodu hesho caddaalad oo dadkii falkaan ka dambeeyey la soo qabto. Kufsigaan foosha xun ayaa yimid maalin kaddib markii gabar 20 jir ah toorrey lagu dilay woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee ku taalla bartamaha Soomaaliya. Bishii March, gabar 12 sano jir ah ayaa meydkeeda laga helay woqooyiga Gaalkacyo kaddib markii la afduubtay, la kufsaday oo la dilay. (Xinhua/NAN) Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN): – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterrs ayaa James Swan oo ah diplomaasi u dhashey dalka Mareykanka waxaa uu u magacaabay in uu noqdo Ergeyga gaarka ah ee xafiiska siyaasadada ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya(UNSOM). James Swan ayaa waxaa uu bedelaya Nicholas Haysom oo ah diplomaasi dalka Koonfur Afrika ka soo jeedo,kaasi oo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in aanay wadashaqeyn karin,taasi oo keentay in Qaramada Midoobey ay soo magacowdo Wakiil cusub. Antonio Guterrs ayaa magacaabista Mr. Swan kadib waxaa uu sheegay in mas’uulkan uu yahay shaqsi khibrad iyo aqoon durugsanba u leh arrimaha diblomaasiyadda,isagoo xusay in waqtigiisa inta badan uu ku soo qaatay qaaradad Afrika. Wadamada uu Ergey ahaan uga soo shaqeeyey waxaa kamid ah Jamhuuriyadd Dimoqraadiga ee Congo,2013 ilaa 2016, 2011-2013 Soomaaliya,2008-2011 Dalka Jabuuti,sido kale waxaa uu ka soo shaqeyeey Cameroon, Nicaragua iyo Haiti. Sidoo kale Antonio Guterrs aya intaasi ku daray in James Swan uu soo noqday ku-xigeenkii kaaliyaha xoghaya arrimaha dibada ee Mareykanak ee Afrika, 2006-2018,2005-2006 agaasimaha xafiiska sirdoonka iyo dabagalka ee Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka, View the full article
-
Garowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa dalacsiiyay saraakiishii ciidamada ee dhawaan kasoo goostay Somaliland, kuwaasi oo isku dhiibay Puntland, waxaaana munaasadda lagu dalacsiinayay ka qeyb galay wasiirka amniga Puntland. Wasiirka amniga Puntland C/Samad Maxamed Galan ayaa ka qeyb galay munaasabad ka dhacday deegaanka Bali-Busle, waxaana lagu dalacsiiyay saraakiisha hogaamineysay ciidamada kasoo goostay Somaliland. Wasiirka Amniga Puntland C/samad Maxamed Gallan ayaa sheegay in xukuumadda Puntland ay ballanqaaday xuquuqaha iyo mushaharaadka Ciidamada ka soo goostay Somaliland. “Puntland waxay jirtay 20 sanno, waxaa jiray taariikho adag oo inna soo maray, laakiin maanta waxay inna ilowsiinaysaa, oo inna hilmaamsiinaysaa taariikhigii madoobaa ee Puntland soo maray, waxaan rajaynaynaa in Sanaag ay Tusaale u noqon doonto gobolada kale ee Somaliland dhibka ku hayso ee Sool iyo Cayn” ayuu yiri wasiir Galan. Seddex kamid ah saraakiisha ciidamada hogaamineysay ayaa la dalacsiiyay, waxaana ay kala yihiin:- Taliyihii Guutada 93-aad ee Ciidanka Somaliland Gaashaanle Dhexe Xuseen Faarax Aadan, waxaa loo dalacsiiyay Gaashaanle Sare. Taliyihii Guutada 116-aad Gaashaanle Dhexe C/rashiid Axmed Jaamac , isaguna waxaa loo dalac siiyay Gaashaanle Sare. Taliyihii Ururka Koowaad ee aagga Dhahar Gaashanale Jaamac Cabdi Geesood, waxaa loo dalac siiyay Gaashaanle Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN): – Kulankan oo ay soo Agaasintay wasaarada Qorshenta Qaran ayaa loogu Duceynayey Allaha unaxariistee Wasiirkii Hore ee Arimaha Dibada Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye oo 22kii bishan may ku dhaf waayey Weerar loo adeegsaday Gaari qarax siday oo ka dhacey Nawaaxiga Taalada Daljirka Daahsoon Gaar ahaan Barkantarool oo ay Ciidamadu ku baaran Gaadiidka usocda dhinaca Madaxtooyadda. Waxaa kazoo qayb galay Kulankan oo ahaa Afur Xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya. Ugu Horeyn Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Amb Jamaal Maxamed Xassan ayaa Faahfaahiyey Ujeedada Munaasabadan Tacsida ah. Dhinaca Kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in amniga dalku uu soo hagaagayo Taasina ay Marqaati u tahay isku imaatinkoodan oo ku beegmay Xili Habeen ah. Xiliyadda Qaar Qaraxyadda ka dhaca Magaaladda Muqdisho waxaa ku geeriyooda Masuuliyiin xilal ka haya Dowladda Ama kazoo qabtay iyo Shaqsiyaad kale oo Bulshada Magac ku dhex Leh. View the full article
-
Muqdisho (SMN): – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada barakaysan ee Makka kaga qeyb gali doona Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC). Meertada 14-aad ee Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan ayaa waxaa lagaga arrinsanayaa la dagaallanka argagixisada iyo fikirka gurracan ee xagjirnimada, qadiyadda Falastiin iyo dhibaatooyinka cunsuriyadeed ee ka dhanka ah Muslimiinta. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay shirkani maadaama Ururka Iskaashiga Islaamka ay muddadii u dambaysay tallaabooyin wanaagsan u soo qaadeen dhanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isla Magaaladda barakeysan ee Makka uga qeyb gali doono Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo looga hadlayo xaaladihii ugu danbeeyey ee Dalalkaas, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed. Wafdiga Madaxweynaha ee u amba-baxay magaalada barakaysan ee Makka waxaa hordhac usii ahaa diblumaasiyiin Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad oo la qaabeeyey ajandeyaasha shirarkan Wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta iyo kuwa Ururka Iskaashiga Islaamka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa bilaawday baahinta dacaayado ka dhan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyagoo qabiil u rogay muranka kala dhaxeeya Soomaaliya. Warbaahinta gudaha dalka Kenya oo soo xiganaya mas’uuliyiin ka tirsan waaxyaha amaanka iyo Wasaaradda Arimaha dibadda ayaa bilaabay in ay baahiyaan xogo ku saabsan dad ay ku sheegayn in ay qaraabo dhow yihiin Madaxweynaha Soomaaliya kuwaas oo qatar amni ku ah Kenya. Waxay aad wax uga qoreen in ay weerar Kenya ku soo yihiin dad ay ku tilmaameen qoyska Farmaajo oo ay ula jeedaan Beesha Mareexaan islamarkaana ka tirsan Al-Shabaab. Waxay sidoo kale Kenya sheegtay in ay qabatay Sarkaal aysan magaciisa shaacin oo ay sheegtay in uu kamid yahay NISA, kana tirsan yahay qoyska Farmaajo. Sarkaalkan ayaa la sheegay in laba habeen ka hor lagu qabtay garoonka Jomo Kenyatta isaga wata lacag dhan 1.7 milyan dollar, hase yeeshee ma jiraan wax caddeyn ah oo muujinaya sarkaal ama lacag la qabtay. Sidoo kale gudaha Kenya waxaa ka bilaawday kala sooca beelaha Soomaaliyeed ee dega Kenya waxaana walaac soo wajahay beelaha qaar. Arimahaas oo dhan waxay muujinayaan in Kenya ay dagaalka ay kula jirto Soomaaliya ka dhigeyso mid shaqsi ah, ayada oo beesha madaxweynaha beegsaneysa, si taas cadaadis loogu saaro madaxweynaha looguna qasbo inuu yeelo sida ay dooneyso. Kenya waxay dooneysaa in ay magac dil iyo sharaf dil ay ku sameyso Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo balse aysan aheyn wax loo dulqaadan karo arinkaasi. Madaxweynaha Soomaaliya waa astaanta dalka waxana weerar kasta oo lagu soo qaado ay dhaawac ku tahay sharafta Soomaalida oo dhan waxaana muuqata in Kenya ay ku guul dareysatay damaceedii Badda Soomaaliya waana sababta keentay in ay cadaadis saarto Soomaaliya gaar ahaan beesha uu ka soo jeedo Madaxweynaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-31052019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-James Swan oo ah Diblumaasi u dhashay dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay inuu noqdo xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaanaya Soomaaliya, kadib markii horaantii sanadkaan dowladda Soomaaliya ay ceyrisay Nicholas Haysom. Dadka falanqeeya Siyaasadda arrimaha Soomaaliya ayaa sheegaya in James Swan ay suuragal tahay inuu wax badan ka badalo khilaafaadka raagay ee u dhaxeeya madaxda Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyo xaaladaha kale ee siyaasadda Soomaaliya. James Swan, ayaa la rumeysan yahay inuu doorweyn ku lahaa qaab dhismeedkii loo diyaariyay maamul goboleedyada dalka, waxaana la sheegaa inuu saameyn ku lahaa siyaasadda Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay, gaar ahaan xiligii Xasan Sheikh Maxamuud. Cabdullaahi Cali Macow oo ah falanqeeye ka faalooda arrimaha Soomaaliya iyo gobolka, ayaa sheegay in James Swan loo badaniyo inuu wax badan ka badali doono xaaladda Siyaasadeed ee dalka. Korneyl Macow ayaa sheegay inuu Sidoo kale qeyb ka qaadan karo sidii maamulada iyo dowladda Soomaaliya ay iskuugu fahmi lahaayeen hanaanka doorashada ka dhaceyso dalka dhamaadka 2020. James Swan ayaa galaangal weyn ku leh arrimaha Soomaaliya, waxaana uu sidoo kale ka shaqeyn doonaa danaha Mareykanka ee Soomaaliya. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Cod-Falanqeeyaha.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
UN condemns gang rape of 9-year-old girl in central Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The UN Population Fund (UNFPA) on Thursday condemned the gang rape of a nine-year-old girl in the central Somali town of Bulo-Burde, some 425 km west of Mogadishu. Source: Hiiraan Online -
Cuban first Vice Ppresident, Salvador Valdes Mesa honored today the memory of his country''s combatants killed during Ogaden Battle that put end to Somalia invasion to Ethiopia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo gaar gaar ah oo ay wadaan wakiilo ka socda Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana lala yeelanayaa qaar kamid ah beelaha daga Galmudug. Caasimada Online ayaa ogaatay in kulamadaan lagu doonayo in odayaasha degaanka iyo siyaasiinta ay ka soo horjeestaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo hogaamiyaasha maamulkii Ahlu-Sunna ee dhowaan ku biiray Galmudug. Muqdisho waxaa ka dhacay dhowr jeer kulamo aan loo dhameyn oo lala qaatay siyaasiinta iyo odayaasha Galmudug, waxaana kulamadaasi hormuud u ahaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka iyo xubno Golaha Wasiirada ka tirsan. Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in odayaasha loo ballan qaaday adduun lacageed islamarkaana laga dalbanayo in ay ku dhawaaqaan in uu dhamaaday Waqtiga Madaxweyne Xaaf dowladda Soomaaliyana ay kala shaqayn doonaan sidii ay doorasho uga dhici laheyd Galmudug. Villa Soomaaliya waxay dadaal adag ugu jirtaa sidii ay doorasho uga qaban laheyd dhamaadka sanadkaan degaanada Galmudug, balse waxay wajaheysaa caqabado badan oo uga imaanaya Xubnaha Xildhibaanada ah ee Galmudug iyo siyaasiinta degaanka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa arrinta Galmudug u maraya Xildhibaano ay isku heyb yihiin, Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa iyo siyaasiin la dhacsan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in odayaal badan iyo siyaasiin loo balan qaaday xilal muhiim ah oo laga siin doono dowladda federaalka Soomaaliya iyo Galmudug halka qaar kalane loo balan qaaday malaayiin lacag ah hadii ay soo afjaraan khalalaasaha Galmudug. Lama oga sida ay ku dhamaan doonto xaaladda Galmudug, hase yeeshee waxaa muuqata in uu jiro is jiid jiid iyo kala jiidasho ka bilaabatay dhinaca dhaqanka oo hadda ka madaxbanaan khilaafka Galmudug. Hadii ay dhaqanka ku biiraan xiisadda Galmudug waxaa laga cabsi qabaa in dhibaatada Galmudug isu rogto dagaalo Sokeeye oo aan laga soo kaban maadaama ay degaanka dagaan beelo lagu tiriyo dadka mayalka adag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
I am not trying to shun opinions, but I am trying to reason why injecting biased analyses into the conversations on important issues can be unethical and latterly uncover our concealed motives. Source: Hiiraan Online