-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Puntland ayaa nawaaxiga tuulada Sinujiif ee gobolka Nugaal ka bilowday dadaal dib loogu furayo isu’socodka gaadiidka magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo hakad ku jiray tan iyo markii ay go’day wadadaasi. Hawlaha dib u furista wadada ayaa xalay ka bilowday dooxada Midigar ee degaanka Sinujiif halkaasi oo uu ka go’ay laamiga kadib daadad xooggan oo ay ku fataheen roobab mahiiggaana oo gobolka ka da’ay maalmihii la soo dhaafay. Qorshan ayaa sida la sheegay lagu doonayaa in lagu furo isu’socodka gaadiidka laamiga dheer ee magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo mudda xanniban ka hor la bilaabin dib u-hagaajinta iyo dhismaha wadada oo halbowle u ah isku’ xirka degaannada Puntland iyo guud ahaan dalka. PUNTLAND POST The post Dadaal dib loogu furayo isu’socodka wadada laamiga oo ka bilowday degaanka Sinujiif appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa xayiraadda ka qaaday taageeradii uu siin jiray maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, islamarkaana ogolaaday in dib loo billaabo. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa taageerada laga joojiyey bishii December ee sanadkii tagay kadib rabshado ka dhacay magaalada Baydhaba intii lagu guda jiray doorashada maamulkaas, taasi oo ka dambeysay markii la xiray Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo ka mid ahaa murashaxiinta. Booliska Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu eedeeyey waqtigaas inay ka qeyb galeen rabshadaha oo ay ku dhinteen dad badan oo u badnaa taageerayaasha Roobow. Warqad kasoo baxday Midowga Yurub oo ku taariikheysan 31-ka May oo ay heshay Caasimada Online ayaa lagu sheegay in go’aanka xayiraadda looga qaaday Koonfur Galbeed ay ka dambeysay ballan-qaadyo ay sameeyeen maamulka iyo dowladda federaalka oo Midowga Yurub warqad u qortay bishii Febraayo. Lama sheegin waxa ay yihiin balla-qaadyadaas. Warqadda kasoo baxday Midowga Yurub ayaa waxaa ku saxiixnaa wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo safiirada dalalka Jarmalka iyo UK ee Soomaaliya. Hoos ka aqriso warqadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ciid Mubaarak Dhamaan Madaxda Shirkadaha TransferGalaxy , waxay hambalyo iyo bogadin u dirayaan dhammaanba ummadaha Islaamk iyo dhamaan macaamiisha qaaliga ah ee ku xidhan shirkadda, bahda saxaafadda iyo dhammaanba umada somaliyeed meelkasta oo ay jogaan waxaanu leenahy ciid wanaagsan Insha Allahu in Ciidan Ciideeda ku gaadhan barwaaqo, nabad-gelyo, caafimaad qab iyo cibaado suuban. Ilaahayna (SWT) ha innaga aqbalo Acmaashii Saalixa ahayd ee aan soo gudanay Bisha Barakaysan ee Ramadaan. Aamin aamin amin Best Regards, Mustafa Ibrahim CCO Qaran News
-
Qaran News
-
PRESS RELEASE Spokesman’s reaction to escalation of Sudan crisis Mousavi underlined the need to address people”s demands and the importance of a quick transition of power to civilians TEHRAN, Islamic Republic of Iran, June 4, 2019/ — Foreign Ministry Spokesman Seyyed Abbas Mousavi has expressed deep concern over the re-escalation of tensions and deepening of internal conflicts in Sudan and condoled with the families of the victims of the recent clashes over the past days. In a statement on Tuesday, Mousavi underlined the need to address people”s demands and the importance of a quick transition of power to civilians. “It is imperative that all parties involved in this crisis refrain from taking accusatory approaches and deepening the internal hatred and lack of trust between various groups, and help end the crisis through adopting political and democratic approaches that promote dialogue between groups,” he said. The spokesman also urged Sudanese people to remain vigilant against the interference of parties who have a long record of instigating violence and extremism and nurturing and promoting terrorism in Sudan”s internal affairs. Mousavi warned against the interference of foreign powers which can prolong the crisis, and said, “We are deeply worried about the power clashes in this country and Sudan”s conversion into a battlefield for foreign axes.” “We hope all internal parties of Sudan, on the eve of the great Eid of Muslims and on the basis of respecting the people”s demand, end the conflicts and move towards returning internal stability and security to the Sudanese people.” Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Foreign Affairs – Islamic Republic of Iran. SOURCE Ministry of Foreign Affairs – Islamic Republic of Iran Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa warqad ay 21-kii May u dirtay dowladda Soomaaliya ku hanjabtay inay awood ciidan u adeegsan doonto muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay sheegtay inay burburin ama is-hortaag ku hayaan darbiga ay ka dhiseyso xuduudda Soomaaliya. “Arbushaad kasta oo sii socota oo ka dhan ah shaqaalaha Kenya, waxaa loogu jawaabi doonaa awood ciidan” ayaa lagu yiri warqadda oo ay saxiixday wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, islamarkaana safaaraddeeda Muqdisho ay u gudbisay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya 25-kii May. Warqaddan oo uu arkay wargeyska The Standard ee kasoo baxa Nairobi, ayaa ku eedeysay Soomaaliya “inay si joogto” isu hortaageyso dhismaha darbiga, ayada oo adeegsaneysa haween iyo caruur dhibaato ku haya ciidamada ammaanka Kenya iyo shaqaalaha darbiga dhisaya. “Kenya waxay qiimeyneysaa khasaaraha waxyeelada ay sababeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ayada oo dalban doonta magdhow” ayaa lagu yiri warqadda oo ka koobneyd laba bog. Kenya ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya inaysan uga abaal-celin sama-falkii ay sameysay. “Markii Kenya ay hakisay dhismaha darbiga muddo laba toddobaad ah, sanadii 2017, waxay muujisay dulqaad, wanaag, saaxiibnimo iyo deris wanaag” ayaa lagu yiri warqadda. “Sidaas darteed, Kenya waxa ay rajeeneysaa in Soomaaliya ay ku jawaabto ayada oo qaadeysa tallaabooyin lagu xaqiijinayo in amniga xuduudda Kenya aysan is-hortaagin muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayaa lagu qoray warqadda. Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay inay caqabad ku tahay dadaallada Kenya ay ku sugayso amniga xuduuddeeda. “Dowladda Soomaaliya waxay si qayaxan u diidaysaa eedeymaha ah inay ku lug leedahaa waxa lagu qeexay warqadda dowladda Kenya” ayaa lagu yiri warqad jawaab ah oo ay dowladda Soomaaliya u dirtay Kenya “Sidoo kale, dowladda Soomaaliya kama war-hayso, mana hayso wax caddeymo ah oo muujinaya in muwaadiniinteeda ay waxyeelo u gaysteen xeendaabka Kenya ay dhiseyso. Haddii Kenya ay rajeeneyso inay caddeymo usoo gudbiso Soomaaliya, Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay inay sida ugu habboon uga fakarto” ayey tiri Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa soo jeedisay dhismaha guddi farsamo oo labada dal ka kooban oo xal u hela khilaafka labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The African Union senior envoy in Somalia on Tuesday called for unity and forgiveness as Muslims in the Horn of Africa complete the holy month of Ramadan. Francisco Madeira, special representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia and head of African Union Mission in Somalia (AMISOM) also lauded security forces for beefing up security in the capital, Mogadishu, and other parts of the country and ensuring a peaceful Ramadan. “The holy month of Ramadan is a time to reflect on the teachings of Islam and reinforce the virtues of sharing and self-sacrifice. As we come to an end of Ramadan, let us use this opportunity to renew our commitment to a peaceful and prosperous Somalia and to remind ourselves of the responsibility that we have to one another and to the Almighty,” Madeira said in a statement issued in Mogadishu. The AU envoy reiterated AMISOM’s commitment to continue working with the Somali leadership to ensure a peaceful transition and in helping the country move forward in the direction of peace, unity and stability. Somali security forces backed by AMISOM chased al-Shabab militants from the capital in August 2011, but the militants are still able to stage attacks targeting government installations, hotels, restaurants and public places. View the full article
-
The African Union Mission in Somalia has sent messages of goodwill to Muslims as they celebrate Id-Ul-Fitr Wednesday. Francisco Madeira, head of AMISOM on Tuesday extended his warm and best wishes to the government and the people of Somalia on the occasion of Eid al-Fitr. Madeira congratulated Muslims in Somalia upon completion of the holy month of Ramadan. “The holy month of Ramadan is a time to reflect on the teachings of Islam and reinforce the virtues of sharing and self-sacrifice. Head of AU mission expressed hope that as troops mark the day in solidarity with their Muslim brothers and sisters “As we come to an end of Ramadan, let us use this opportunity to renew our commitment to a peaceful and prosperous Somalia and to remind ourselves of the responsibility that we have to one another and to the Almighty,” said Ambassador Madeira. He congratulates the Somali security forces for beefing up security in the capital, Mogadishu, and other parts of the country and ensuring a peaceful Ramadan. Madeira reiterated AMISOM’s commitment to continue working with the Somali leadership to ensure a peaceful transition and in helping the country move forward in the direction of peace, unity, and stability. View the full article
-
A section of Garissa leaders wants the maritime boundary row between Kenya and Somalia resolved diplomatically. The leaders, among them county assembly Majority leader Mohamed Gabow, Kenya Livestock Marketing Council chair Dubat Amey and Garissa county peace secretary Hassan Osman, said separately on Monday that the case at the International Criminal Justice court should be withdrawn to pave the way for negotiations. The case at The Hague is over the boundary in the Indian Ocean. For Kenya, the boundary lies parallel to the line of latitude but Somalia wants the boundary extended to the southeast as an extension of the land border. In 2009, both countries agreed that the United Nations commission in charge of mediating border disputes should determine the borderline, the issue has ended up at the ICJ. Gabow said Kenya and Somalia have had a long-standing relationship even after Somalia degenerated into civil war following the ouster of Siad Barre as president. “Kenya who stood with Somalia to the extent of hosting over one million refugees for over two decades. The border dispute that can be resolved amicably should not be allowed to bring bad blood between the two countries,” Gabow said. He said there is growing tension between the citizens of the two countries especially in Northeastern which directly borders war-torn Somalia. Amey urged President Uhuru Kenyatta and his Somalia counterpart Mohamed Farmajo to initiate talks and have the matter resolved to foster good relations. “If we allow the ICJ to resolve the matter, it would most likely escalate the matter and may even result in war with both countries bound to incur heavy losses,” Amey said. He added, “I can see the hand of foreign influence in this matter because of the rich oil and gas that they want to exploit in the Somali coastline.” Osman said residents were keenly following the matter and hoped that reason will prevail. Source: The-star.co.ke
-
Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has performed on Tuesday the prayer of Eid al-Fitr at a military base in the capital, Mogadishu. The Eid prayer at Isbahaysiga mosque was attended by the Somali parliament speaker, Mohamed Mursal and other government officials. After the Eid prayer, the speaker congratulated the Somali citizens on the event of Eid al-Fitr and urged to the Almighty Allah to give the country reconciliation, unity, and stability. Somali people across the country are celebrating the Eid al-Fitr holiday after 29 days of fasting. The holiday is celebrated with prayers, small gifts for children and the distribution of meat to the poor. View the full article
-
The relationship between Kenya and Somalia continued to deteriorate even as a verdict on the maritime boundary dispute between the two neighbours draws nearer. In a diplomatic letter sent to Somalia on May 21, Kenya threatened to use force if Somali citizens continued to obstruct or destroy the fence it is building along the two countries’ border. “Any continued obstruction or destruction of the fence shall be responded to forcefully,” stated the letter signed by Kenya’s foreign ministry and delivered by Kenya’s mission in Mogadishu to Somalia’s ministry of foreign affairs on May 25. Construction teams In the letter, Kenya accuses Somalia of “continuously” obstructing the construction of the fence and using women and children to cause harm to security personnel and construction teams. “Kenya is assessing the cost of damage caused by Somali citizens with a view of demanding compensation,” stated the two-page letter seen by The Standard. In the letter, Kenya accuses Somalia of not reciprocating its goodwill. “When Kenya suspended the construction of the fence for two weeks in 2017, it exhibited the highest level of patience, good faith, friendship and good neighbourliness. “It is Kenya’s expectation that Somalia will reciprocate by taking appropriate action to ensure that Kenya’s border security is not obstructed or in any way inhibited by the actions of its citizens,” stated the letter. Kenya, however, said it was ready and committed to undertaking what it described as “a boundary reaffirmation exercise” at the earliest opportunity as long as the matter was communicated through proper diplomatic channels. Somalia has, however, denied that it is frustrating Kenya’s efforts to secure its border. “The government of Somalia categorically rejects the allegation that it is in any way involved in the alleged conduct described in the aforementioned Note Verbale,” said Somalia in response to Kenya’s letter. “The government of Somalia is, moreover, not aware of any and does not have any evidence of any damage caused by its citizens to the wall/fence. Should the Government of Kenya wish to share relevant information with the government of Somalia, the latter would be happy to give it appropriate consideration,” wrote Somalia. Somalia proposed the formation of a technical and legal working group to iron out any differences between the two countries. On the maritime border dispute that is currently pending before the International Court of Justice (ICJ), Somalia said it would respect Kenya’s borders and expected the same from Kenya. “The government of Somalia assures the Government of Kenya of its respect for the territorial integrity of the Republic of Kenya and trusts that the Government of Kenya equally respects the territorial integrity of the Federal Republic of Somalia,” wrote Somalia in a letter dated May 29. Between the lines, the letters spoke volumes of a diplomatic tussle between the two neighbours. The Kenyan government has since ordered planes originating from Somalia to first land in Wajir. On May 28, Kenya also banned unaccompanied luggage on planes from Somalia. Kenya is also said to have drawn a list of 66 Somalia officials banned from entering the country. The secret list, whose existence The Standard learnt of from a source who didn’t want to be named, contains the names of a Somali Cabinet minister, a former prime minister, a member of parliament, the deputy head of Somalia’s intelligence agency and the owners of a telecommunication firm. Kenyan nationals of Somali origin, some of whom are from the same clan as that of President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo are also included in the list. More restrictions A source at Somalia’s presidency told The Standard on condition of anonymity that Mogadishu is bracing itself for more restrictions by Kenya against its officials and business people ahead of the ICJ’s verdict. Somalia’s Foreign Minister Ahmed Isse Awad, however, told The Standard that Mogandishu was not ready to escalate the diplomatic tiff. “We’re not interested in a tit-for-tat. We’re interested in having a good relationship with Kenya,” he said. Awad laughed off reports that Kenya was aligning itself with Somalia’s regional administrations, particularly with the northern-western Somaliland region. “It is the Somali government that gave Kenya the permission to set up a consulate in Hargeisa,” he said, referring to the region’s capital. “Kenya has also allowed us to open a consulate in Mombasa if we want to,” he said. The ICJ’s final decision on the maritime boundary row between Kenya and Somalia is expected next year. Should Kenya lose the case, it will lose about 100 square kilometres of waters rich with natural resources. Source: The Standard
-
Eid Mubaarak Jun 4, 2019 Eid MubarakShawal 1,1440 It’s that time of the year when we celebrate Eid-al-fitr after the end of Ramadan—-a month of of fasting for the worshipers closer to Allah—our protector and sustainer—-with a day of joyous prayer, feast and celebration with family members and friends. As we reflect, what we have accomplished during the month of Ramadan—-fasting, long nights of sleep deprivation and prayers and giving away to charities and house of worships, but we should thank to Allah for giving us another chance to be those who follow to his commands and guidance, to be closer to him. Eid-Al-fitra is also a time for forgiveness. Please reach out to your relatives and friends, especially those who you are holding a grudge against and renew your relationship with them. How should we expect Allah to accept our repentance if you are still having hard feelings or grudges towards one another. May Allah, the merciful, forgive our sins and and accept our Ramadan. Because we’re only human beings, we’re not angels. Our deeds alone are not enough to get a pass to Paradise. May this Eid bring peace, happiness, satisfaction and prosperity to all of us, especially those who are living in our homeland. Lately, the Somaliland people are suffering because of economic hardship due to run away inflation, greedy merchants who are gauging prices even during the holiest days of Islamic calendar, and a government that lacks regulations to crack down on these unscrupulous merchants. Please accept my warmest greetings to you and your family on the occasion of Eid-Al-Fitr. May Allah accept our good deeds and hard work during the month of Ramadan. May Allah shower you and your families with his blessings. Ameen Thanks, Ali-Guban Lewis Center, Ohio Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay dalkaasi ka mamnuuceysa Soomaali badan oo Siyaasiyiin ay ku jiraan. Liis Sir ah oo ay shaaciyeen warbaahinta dalka Kenya ayaa waxaa ku jiray masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasi oo la sheegay in laga mamnuucaysa inay tagaan dalka Kenya. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in siyaasiyiintaasi ay gaarayaan ku dhawaad 66 xubnood, waxaana la sheegayaa in dhamaantood laga mamnuucayo inay gudaha Kenya tagaan. Arintaan ayaa qeyb ka ah cadaadiska dowladda Soomaaliya ay kala kulmeyso dowladda Kenya, kaasi oo xoogeystay maalmihii ugu dambeeyay. Siyaasiyiinta ayaa sida liiska la arkay ku xusan waxaa ku jira ra’iisul wasaare, wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, milkiilayaal isgaarsiin iyo xubno hore. Laakiin wargeysyada dalka Kenya ma aysan shaacin magacyada iyo goorta la mamnuucayo siyaasiyiinta, walow ay soo bandhigeen inay gaarayaan ku dhawad 66 xubnood oo siyaasiyiin Soomaali ah. Kenya ayaa dooneysa in dowladda Soomaaliya ay ka laabato kiiska dacwadda dhanka badda ah oo dhamaadka sanadkaan la filayo in maxkamadda ICJ go’aan ka gaarto. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa kulan deg deg ah iskuugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kadib qoraal kasoo baxay xafiiska Xaaf. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Xaaf uu doonayo inuu iskuugu yeero dhamaan madaxda maamulada, si ay kaga wada hadlaan xaalada dalka, sida qoraalka lagu sheegay. Qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweyne Xaaf, ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ay ku fashilantay dhamaan waxyaabaha loo igmaday, sida lagu sheegay qoraalka. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, taasi badalkeedana ay ku mashquushay duminta maamulada. Kulankaan ayaa ka dhici doona Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana sidoo kale beesha Caalamka ay ugu baaqday in ay il gaar ah ku heyso Xaaladda Soomaaliya. Maamulka Galmudug ayaa eedeyn adag u jeediyay dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in ay duulaan kusoo qaadeen maamulka Galmudug ayna ka jarteen dhaqaalihii loogu tala galay. Galmudug iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya Khilaaf xooggan oo sababay in ay xiriirka u jaraan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda ciidda kula tukaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Masjidka Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Goordan. Salaaddii ciidda kaddib, Madaxweynaha ayaa goob fagaare ah kula hadlay Ciidanka waxa uuna ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga, isagoona xasuusiyey muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya. “Qof kast oo ku biira ciidanka waxa uu naftiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa, waana sharaf iyo waddaniyad tan ugu sarreysa. Waxaad raadineysaan waa inaad soo celisaan dalkeenna haybadiisa iyo sharafkiisa.” Ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradan u istaagay difaaca dalkooda ay ka tarjumayso rajada weyn ee aynu ka qabno dib u soo celinta qaran Soomaaliyeed oo ka tilmaaman Gobolka iyo Caalamkaba. Dhankooda, geesiyaasha uu Madaxweynuhu la ciiday ayaa muujiyey dareenkooda ku aaddan in hoggaanka dalku ay la qaybsadaan farxadda ciidda, waxa ayna la wadaageen erayo ay ku muujinayaan sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xaqiijinta amniga. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa isagana Madaxweynaha la wadaagay dadaallada ballaaran ee ku aaddan dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo tayeyntooda. Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta la socotay Madaxweynaha ee farxadda Ciiddul Fidriga la qeybsaday cutubyadan ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) oo kamid ahaa, mas’uuliyiintii dowladda ee salaadda Ciidda shacabka Garoowe kula tukaday garoonka Mire Awaare, ayaa sheegay in dowladda Puntland ay bilowday, gurmad xooggan oo lagu dhisayo meelaha uu ka go’ay laamiga xiriiriya Garoowe iyo Boosaaso. Mudane Gu’jir ayaa sheegay in burbur xooggani gaaray, waddada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, oo halbowle u ah isu-socodka gaadiidka ee degaannada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, isagoo intaasi raaciyay in dowladda Puntland ay markiiba magacowday guddi hawshaasi ka shaqeeya haatanna gacanta lagu hayo. Guddoomiyaha ayaa shacabka Puntland ee gudaha iyo debadda jooga ugu baaqay, in ay dowladda kala qeyb-qaataan dib u-dayac-tirka iyo dhismaha laamiga oo sida uu sheegay ilaa 80km in ka badan ay boholo noqdeen. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo sheegay in uu socdo gurmad lagu dayac-tirayo laamiga Garoowe iyo Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Kooxda ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Ex-control Afgooye qeybta Garasbaaley waxa ay ku dileen nin ka tirsanaa Ergadii soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somaliya. Dilalkan oo dhacay ayaa si gaar ah uga dhacay ka soo horjeedka xarunta Taliska Asluubta, halkaasi oo loo yaqaano xaafada Maslax. Ninkan la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Gaabow ayaa ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo oo uu ku shaqeeyo Maamulka Koonfur Galbeed. Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay Kooxaha dilaka ayaa si nabad ahna meesha dilka ay ka gaysteen uga baxsadeen. Goobtii uu dilka waxaa mar dambe waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Somaliya, kuwaasi oo sameyay hawlgalo aanan la sheegin cida ay ku soo qabteen. Kooxaha dilaka qorsheysan ka qeysta ayaa kordhiyay weeradooda intii lagu guda jiray bisha Ramadaan ayadoo magalaada Muqdisho iyo duleedkeeda lagu dilay dhowr Erko. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda ciidda kula tukaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Masjidka Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Goordan. Salaaddii ciidda kaddib, Madaxweynaha ayaa goob fagaare ah kula hadlay Ciidanka waxa uuna ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga, isagoona xasuusiyey muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya. “Qof kast oo ku biira ciidanka waxa uu naftiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa, waana sharaf iyo waddaniyad tan ugu sarreysa. Waxaad raadineysaan waa inaad soo celisaan dalkeenna haybadiisa iyo sharafkiisa.” Ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradan u istaagay difaaca dalkooda ay ka tarjumayso rajada weyn ee aynu ka qabno dib u soo celinta qaran Soomaaliyeed oo ka tilmaaman Gobolka iyo Caalamkaba. Dhankooda, geesiyaasha uu Madaxweynuhu la ciiday ayaa muujiyey dareenkooda ku aaddan in hoggaanka dalku ay la qaybsadaan farxadda ciidda, waxa ayna la wadaageen erayo ay ku muujinayaan sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xaqiijinta amniga. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa isagana Madaxweynaha la wadaagay dadaallada ballaaran ee ku aaddan dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo tayeyntooda. Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta la socotay Madaxweynaha ee farxadda Ciiddul Fidriga la qeybsaday cutubyadan ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta oo ay Taariikhda Hijriyadu ku beegan tahay 1-da Shawaal 1440-ka, kuna beegan 4 June 2019-ka Miilaaddiyada, waxaa inta badan laga Ciiday Dunida Islaamka, waloow ay jiraan Waddamo dhowr ah oo weli laga laga Sooman yahay. Dalka Soomaaliya oo ka mid ah Dunida Islaamka ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha sida weyn loogu Ciiday, iyadoo ay Shacabku ay isu dirayaan hambalyada Munaasabadda Ciidul Fidriga, kuna faraxsan sidii ay Sanadkan usoo guteen waajibaadka Bisha Ramadaan. Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalkeenna Soomaaliya ayaa xilli hore oo Saakay ah laga oogay Takbiirta, iyadoo Salaadda Ciiddana lagu gutay Masaajidda iyo goobo kale oo ay isugu yimmaaddeen Dad weyne aad u tira badan. Goobaha Maanta lagu Tukaday Salaadda Ciidul Fidriga ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa Masjidka Is-bahaysiga Islaamka, halkaas oo ay ku sugnaayeen Kumanaan Shacab iyo Mas’uuliyiin isugu jirta. Madaxdii ka qeyb gashay Salaadda Ciidul Fitriga ee Maanta lagu Tukaday Masjidka Is-bahaysiga Islaamka oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mursal Sheekh C/raxmaan,Ra’iisul wasaaraha Dalka, Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa dhammaantood waxay Dad weynihii halkaa ku sugnaa iyo Shacabka Soomaaliyeedba la wadaageen farxadda Ciidul Fidriga. Tukashada Salaadda ka dib ayaa waxay mas’uuliyiintu Alle ugu baryeen Shacabka Soomaaliyeed in uu dhibka ka saaro, Ciiddan teeda xigtana uu ku gaarsiiyo Nabad iyo bawaaqo. Sidoo kale goobaha sida weyn Maanta looga oogay munaasabadda Ciidul Fidriga waxaa ka mid ahaa, degaannada Puntland, qeybo ka mid ah Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland. Magaalooyinka Puntland ee sida weyn looga Ciiday waxaa ka mid ahaa Magaalada Garoowe oo Salaadda lagu Tukaday Garoonka Kubbadda Cagta ee Mire Awaare. Waxaana Salaadda ka qeyb galay Kusimaha Madaxweynaha Puntland, Axmed Cilmi Cusmaan, mas’uuliyiin , Isimo, Cuqaal, Nabad-doonno, wax-garad iyo Shacab aad u tiro badan, iyagoo si weyn isugu hambeeyay Munaasabadda Ciidul Fidriga. Magaalada Baladweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale waxay Dad weynaha iyo Madaxda Gobolka ku wada Tukadeen goob bannaan ah, halkaasoo ay Shacabka isku marxabbeeyeen, waxaana kelimado dardaaran iyo ducooyin ah ka aqriyay qaar ka mid Culimada Magaalada. Waxaa sidoo kale iyana si weyn Maanta looga Ciiday degaannada Jubbaland gaar ahaan Magaalada Kismaayo, waxaana goob fagaara ah si niyad sami leh ugu wada Tukaday Madaxda iyo Shacabka Jubbaland. Ducada Culimada iyo is marxabbayn Dad weyne ka dib, waxaa Shacabka reer Jubbaland la hadlay Madaxweynaha maamulkaasi , Axmed Maxamed Islaam, isagoo Bulsha weynta Soomaaliyeed usoo jeediyay in ay is cafiyaan Gacmahana is qabsadaan. Magaalada Baydhaba ee Caasimadda KMG Koofur galbeed ayaa sidaa si la mid ah laga oogay Maanta Salaadda Ciidul Fidriga, iyadoo ay Dad weynaha ka muuqatay farxad, Waaliddiintuna ay Carruuraha u daadahaynaya goobaha Cibaadada iyo Dalxiiska. Goobjoog News Source: goobjoog.com
