-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddi ka shaqeeya dhamays-tirka qorsha dayn cafita dalka oo meel gebo gebo ah maraya. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda ayaa guddoomiye looga dhigay guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada maaliyadda, Boostada, Kalluumaysiga, qorshaynta, dekadaha, wasiiru dowlaha maaliyadda iyo guddoomiyaha Bangiga dhexe. Guddiga ayaa labadii todobaadba mar waxa ay yeelanayaan kulan looga hadlayo meesha uu marayo qorshaha dayn cafinta dalka iyo dardar gelintiisa si ugu dambayn dalka daynta looga cafiyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (AFP) - Somalia has for the first time used DNA evidence to obtain a criminal conviction, sentencing three men to death on Sunday for the gang-rape and murder of a 12-year-old girl, the Bureau of Forensic Science said. Source: Hiiraan Online
-
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka federalka ee Soomaaliya oo maanta ka aragti dhiibanayay xisaab xirka sanad miisaniyadeedkii 2017 oo wasaaradda maaliyadda ay soo gudbisay ayaa dalbadain misaaniyadda dib loogu celiyo wasaaradda oo ay soo faahfaahiso lacagaha baxay iyo halka lagu bixiyay. Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay inaan la heynin wax dhaqaala ah oo dalka soo galay oo lacag cadaan ah iyo wax dalka uu dhoofiyay, waxa uuna sheegay in wasaaradahu baarlamanaka ay ku tagri falaan. ” waxaa loo baahnaa marka hore catogores kii dhaqaale ee dalka dakhligii dibadda iyo midkii gudaha wixii naga soo galay, dadka qurbaha joogaha dhaqaalihii ama ceyraha ay qaataan daqliga dalka ayeey ka mid tahay waa External Ecome oo dalka soo galay lamana hayo,waxaan dhoofinay lama hayo ,lama hayo GDB gii lagu ogaan laha dhaqaalaha dalka, Decoment gan waa mid kala dhantaalan mana ahan Decoment gii Baarlaman la horkeeno waa xurmo darro Barlamanka loo halo annagu dad aan wax garaneyn maahin Barlamanku dad aqoon leh ayuu u badan yahay waana dhaqan aan ku arkay Wasaradaha midda Maaliyaddyadu ha ugu darnaato, waxaan codsanayaa inaan baarlamaan run ah aan moqono oo xisaabtamo oo waajibaadkeena aan ka baxno aan illaahey hortiisa iyo shacabka hortooda aan ugu dhaaranay ama inaan noqo Baarlaman Xildhibaan wasiir ah uu siduu rabo naga yeelo, intuu shaqadiisii ka soo bixiwaayay waliba uu faras cade uu saaran yahay mana ahay sida ay rabaan inay naga yeelaan. Sidoo kale Xildhibaan Zaynab Maxamed Caamir ayaa sheegtay in wasaaradda Maaliyadda ayna keenin jaawabo cusub ayna ku jawaabeen jawaabtii hore waxa ayna sheegtay in Xidhibaanadu ay wakiil ka yihiin dhaman shacabka Soomaaliyeed. ” Xildhibaano annagu shacabka Soomaaliyeed ayaan matalnaa, shacabkuna waxa ay sugayaan inay biilashooda qaataan haday askar yihiin haddii shaqaale ama Xildhibaan uu yahay, Xildhibaanadii nala midka ah mushaar ma qaadaneen guno ayeey qaadanayeen, Annagu waxaan ognahay dad maalin waliba qandaraasyo qaato oo maali kasto la siinayo 300.000$ ilaa 400.000$ oo la leeyahay Aqlo ayeey dhiisanayaan oo guryo qalabeestay oo wasaradda maaliyadu lacag siinayso. maxaa diiday in Xildhibaanka mushaar ku filan uu helo, maxaa diiday askartu inay helaan xuquuqdooda waa kuwa maalin waliba wadooyinka nagu qabsanaye, aaway agoontii ciidankii furumaha ku dhintay xuquuqdoodii, waxaan arkay Hooyo waayeel ah hal wiil ay dhashay uu qaranka u dhintay maxaa loo qabtay” dhanka kale Xidhibaan Aamina Maxamed Cabdi waxa ay sheegtay inay tahay wax laga xumaado ayadoo lamaraayo 2019 in laga hadlo xisaabxirkii 2017ka waxa ayna sheegtay in wasiirku uu si aan ha booneen uga jawaabay su,aalihii la waydiiyay. ” Misaaniyadda ku qorneyd arrimaha Emergency aheyd waxaa lagu sheegay labo milyon doller waxaana la isticmaalay afar milyon iyo in ka badan, waxaan ognahay in lacagahaan loo isticmaalo musiibooyinka iyo waxyabaha aadka u dhibka badan, gudahana faahfaahintooda kuma qorneyn marka laga reebo, warbixin guud oo aheyd waxaan u isticmaalnay 14kii Octobar, waxa uu ahaa qarax hal maalin dhacay oo dhib weyn naga soo gaaray, lakiin waxaa loo baahnaa faahfaahinta lacagta afarta miyon halka ay ku baxday in la cadeeyo 1 doller waliba meesha uu ku baxay ayaan u baahanay haddaan baarlamanka nahay” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somaliland: House of Representative Refuse To Remove Immunity From Dhakool & Criticizes Arrest The Somaliland House of Representative has refused to lift the parliamentary immunity from Representative Dhakool. The representative was arrested a few days ago by the administration of President Muse Bihi for uttering, allegedly, ‘seditious” remarks pertaining to the 18th May anniversary. The Marodi Jeh Regional court refused to hear the case against the representative and it’s Chief Justice, Qaw’dhan, ruled the arrest as illegal and unconstitutional, since the representative enjoyed parliamentary immunity. The Speaker of the House of Representative, Bashe Mohamed Farah, has called on the government to release the representative since the house has decided not to lift his parliamentary immunity. Representative Dhakool from Sool region is previously on record as stating that the 18th May anniversary is a national celebration, but recently declared that the date “belonged to Isaaq community, the Somali National Movement and not all communities were represented in Burao in 1991”. The representative is currently in remand at the CID Division in Hargeisa, where he has been incarcerated since his arrest. Qaran News
-
President Muse Bihi Receives UK Ambassador The Somaliland President Muse Bihi Abdi received today at the presidency in Hargeisa, the United Kingdom ambassador accredited to the neighboring country of Somalia, Mr. Ben Fender, OBE. Ambassador Fender was part of the recent EU delegation to Somaliland, but is now making his first maiden visit to Somaliland. The president and the ambassador discussed areas of mutual interest including UK development to Somaliland, the security situation in the region and the prospective parliamentary and local elections scheduled for December, 2019. The meeting was also attended by head of the UK office in Hargeisa, Stuart Brown and the Somaliland deputy-Foreign minister, Abdilkadir Omar Jama. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Mahad Warsame Abuu Cabdiraxaman oo loo Yaqaan (Mahad Karataay) ayaa soo duubay cod la dhageysan karo illaa 19 daqiiqo oo uu kaga hadlayo howlgaladii ugu dambeeyey oo ay Al-Shabaab ka fuliyeen Soomaaliya iyo Kenya iyo fariimo uu sheegay inuu dirayo dadka Muslmiinta ah. Mahad Karataay ayaa ugu horeyn ka hadlay weerarkii ay bilowgii sanadkaan Al-Shabaab ku qaadeen Gudaha dalka Kenya, halkaas oo lagu dilay illaa 50 Ruux, sidoo kalana wuxuu kaga hadlay weerarkii lagu dilay Wadaadkii xirta ku lahaa Gaalkacyo. “Waxaa mudan In Allaah looga mahadceliyo camaliyaddii Barakeysneyd ee ka dhacday Nairobi laguna dilay tiro Saliibiyiinta iyo Yahuuda ah, Camaliyaddaas Barakeysan ee lagu difaacayayey Muqaddasaatka Islaamka ayaa ahayd mid ka mid ah malxamadaha Casrigan Taariikhda diiwaan galineysay. Waxaa iyaduna xusid mudan camaliyaddii barakeysneyd ee Mujaahidiintu ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo, taas oo lagu dilay Museylamihii Somalia ee Nabinimada sheegtay” ayuu yiri Mahad Karataay. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Mahad Karataay si kooban uga hadlay cadeymo uu sheegay inay banaanka soo dhigtay weerarkii Gaalkacyo ee muujinayey dabadhilifnimada uu sheegay inay wadaan maamullada ka jira, oo uu ku eedeeyey kuwa ku xiran xabashida Itoobiya iyo Mareykanka sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa hubaal ah in maamulka Somalia uu gabbaad hooy iyo difaacba siiyay Ninkii Nabinimada sheegtay, waxa uu usoo gurmaday Cidamadii Mareykanka hoos tageysay ee loo carbinayay la dagaalanka Al-Shabaab, wa murtadiinta iyo gaalada cidda ka tacsiyeysay ama cambaareysay difaacii nabigeena Muxamed salallaahu Caleyhi Wasalam” ayuu yiri. Xilli ay Al-Shabaab daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed ayuu Mahad Karataay kula dardaarmay inay Ciidamada Al-Shabaab iska ilaaliyaan dhigga Islaamka, wuxuuna soo qaatay dhawr aadayood, waxayna arrintaan kusoo aadeyso xilli culumo farabadan ay sheegeyn inay Al-Shabaab baneysteen Dhiigga dadka Muslimiinta ah oo ay ku xukumeyn Gaalnimo. “Qodobka 2aad maadaama Jihaadka iyo loolankan cadowga kula jirno ka aloosanyahay dadkeena Muslimiinta ah dhexdooda, waxaa nala ka doonayaa koow inaan ka taxadirno oo ka fogaano daadinta dhiiga qofka Muslimka ah si xaq daro ah, waxaa xaaraan naga ah inaan fudadeysano dhiiga Muslimiinta, waana inaan ogaanaa halista ay leedahay in la daadiyo dhiig Muslim oo Xaaraan ah” ayuu yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Ogaada dhiiga Muslimiinta oo si ula kac ah loo daadiyo waa dambi weyn oo dib u dhigaya inaan Cadowga ka guuleysano,waxaan aaminsannahay in dhiiga Muslimka ah iyo Maalkiisuba naga yahay xaaraan marnana aanan u qasdin inaan Xaq daro ku daadino”. Ugu dambeyntii Mahad Karataay ayaa sheegay in dagaalka ay Al-Shabaab ka wadaan Geeska Africa uu marayo meel wanaagsan sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Bayaan ay maanta soo saartay Dallada bulshadda rayidka ah ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee SONSA oo horay loo oran jiray SOSCENSA, kuna mideysan yihiin; Ganacsatada iyo xirfadleyda, ayaa walaac weyn ka muujisay sida uu kusoo dhammaaday shirkii Garoowe oo runtii rajo badan laga qabay in hishiis laga gaaro khilaafka hoggaamiyaasha Dowladda Federalka Somalia iyo kuwa maamul-goboleedyada. SONSA waxay nasiib-darro ku tilmaantay in hoggaamiyaasha siyaasadda ee ku shiray Garoowe aysan marna ku xisaabtamin xaaladda adag ee maanta uu dalka marayo, haddii ay ahaan lahayd dhinacyada Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha, waxayna arrintaas dhaawacaysaa rajadda ay bulshada ka qabeen hoggaamiyaashaasha siyaasadda dalka. Waxay SONSA ka digtay in aragti kala duwanaashaha hoggaamiyeyaasha siyaasadda uu saameyn mugdi ah ku yeesho mustaqbalka ayaaha Somalia, waxayna soo jeedineysaa inay ka waantooban khilaafka ku dhisan aragtida shaqsiga oo ay kala qabaan, wax walbana lagu xalliyo sharciga dalka, isla markaasna la ixtiraamo doorka iyo kaalinta gollaha shacabka ku leeyahay waxyaabaha ay isku haystaan. Dhanka kale, Daladda SONSA ayaa waxaysheegtay inay aaminsan tahay in khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-gobaleedyada uu ku noqday caqabad hannaanka dhismaha hay’adaha Dowladda, mana la aqbali karo bay yiraahdeen inuu sii socdo iyadoo xaalad adag lagu jiro. Ugu dambeyn, Ururrada bulshada rayidka ee SONSA, waxay ku baaqayaan in hoggaamiyaasha Dowlada dhexe iyo kuwa dowlad-goboleedyada – shirka dib la isugu soo laabto, iyadoo goob-joog ka naqonayaan ururada bulshada raydka ah. PUNTLAND POST The post Walaac laga muujiyay natiijo la’aantii uu ku dhammaaday shirkii lagu qabtay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Askari ka tirsan ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM ayaa toogasho ku dilay saddex askari oo kale oo uu ka mid ahaa sarkaal madax u ahaa, isagoo markii dambena is-dilay sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka ciidamada Uganda. Falkan oo Sabtidii ka dhacay xerada AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho ee Xalane ayaa la sheegay in askarigu uu si toos ah u toogtay kormeerihiisa oo uu muran kala dhexeeyay, kaddibna uu toogtay laba askari oo kale oo la shaqeynayay, markaasoo uu isagiina is-dilay. Afhayeenka millateriga Uganda, Richard Karemire oo ayaa sheegay in falka uu ahaa mid aad u naxdin badan, isla markaana ay baarayaan in askariga is-dilay ee toogashada geystay uu maskaxda ka xanuunsaa iyo in kale. “Weli sababta ma cadda, sidoo kalena waxaan baaraynaa in askarigan dilkan geystay uu madaxa ka xanuunsanaa iyo in kale,” ayuu yiri Karemire oo aan sheegin magacyada askarta la dilay iyo askariga dilay magaciisa. Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu sheegay in falkaan uu yahay mid aan horay loogu aqoon ciidamadooda ku sugan Somalia iyo kuwa kale ee waddamada kale ee Afrika ka hawl-gala. Dowladda Uganda ayaa waxaa Somalia ka jooga in ka badan 5,000 oo askari oo qayb ka ah hawl-galka AMISOM, waxaana ciidamadan ay ka hawl-galaan qaybo badan oo ka mid ah Somalia oo ay ku jirto Muqdisho. Ugu dambeyn, Ururka Midowga Afrika oo ay ciidamada AMISOM hoos-tagaan ayaan weli ka hadlin falkan lagu dilay askarta isla markaana askarigii dilka geystay uu isku toogtay.PUNTLAND POST The post Askari ka Tirsan Ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan oo Dilay Taliyihiisii iyo Askar kale appeared first on Puntland Post.
-
Two Saudi oil tankers were damaged in a "sabotage attack" off the United Arab Emirates coast, the official Saudi Press Agency reported on Monday, quoting the Saudi energy minister. Source: Hiiraan Online
-
Cabdalla Biroole (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar culus ku qaadeen deegaanka Cabdalla Biroole ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo ay Saldhig Militari ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee hoos tago AMISOM. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in madaafiic culus iyo rasaas xooggan ay ku weerartay saldhigga, islamarkaana ay dhowr jiho ka weerareen saldhigga ciidamada Kenya. Al-Shabaab ayaa dhinaca kale sheegtay in dhanka deegaanka Yootooy oo ku dhow magaalada Kismaayo ay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ku gaarsiiyay ciidamada maamulka Jubbaland, kadib iska hor-imaad ka dhacay halkaas. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada kooxda Al-Shabaab. Maamulka Jubaland iyo ciidamada Kenya wax weerar ah kama soo saarin dhacdadan. Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan looga bartay inay badiyaan weerarada ka dhanka ah Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM inta lagu jiro bisha Ramadan, maadaama ay aamisan yihiin inay ajar badan ka helayaan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Dubai (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in laba ka mid ah maraakiibteeda saliidda qaada ay “waxyeello xooggan” kasoo gaartay weerar arbushaad ah oo axaddii loogu gaystay xeebta Imaaraadka Carabta. Ilaa hadda wax faahfaahin ah lagama bixin waxyeelada la sheegay in maraakiibta ay gaartay. Wasiirka tamarta Sacuudiga ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibta la weeraray uu ku socday dekedda Ras Tanura, sii uu uga soo qaado saliid la gayn lahaa Mareykanka. Dowladda Mareykanka ayaa maanta soo saartay digniin ku aaddan “ficillo lagu arbushayo” maraakiibta ku safarta xeebaha Imaaraadka Carabta. Digniintan ayaa timid xilli ay sare usii kacayso xiisad ka dhex ooggan Mareykanka iyo Iran. Imaaraadka Carabta aya sidoo kale shalay sheegay in afar markab oo ganacsi weerar arbushaad ah loogu gaystay meel ku dhow biyaha Gacanka Cuman, hase yeeshee ma bixin wax faah-faahin ah. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran, Abbas Mousavi ayaa sheegay in weerarada lagu qaaday maraakiibta ay yihiin “kuwa lagu baraarugo oo laga qoomameeyo”. Waxa uu ku baaqay baaritaan lagu sameeyo weerarada, waxaana uu ka digay gacmo shisheeye oo halis faraha la galaya, si ay u arbushaan ammaanka badda. VOA
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo xalay khudbad ka jeediyey kulan Afur iyo casho isugu jira oo u sameeyey culimada waaweyn ee reer Somaliland, ayaa waxa uu sheegay in uu qaatay dar-daaran ay u soo jeediyen Culimadu. Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in gacan bira lagu qabanayo cidkasta oo isku deyday qal-qal gelinta nabada Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey in aan qofna looga leexanayn xil uu ka hayo Xukuumadiisa. Biixi oo arrimahaas ka hadlaya, ayaa sidoo kale waxa uu si mal-dahan uga hadlay xariga Xildhibaan Dhakool, wuxuuna yiri “Dar-daarankiini waanu qaadanay oo ay koow ka tahay in Diinta loo gargaaro oo wixii la qabanayaba dhanka Diinta laga bilaabo oo ay ku xigto in nabadda iyo amniga qaranka la ilaaliyo si wada jir ah”. “Ciddii qal-qal galineysa dalka xil kasta oo ay haysana waa in gacan bir ah lagu qabto waayo malaha Diiniyan ba way tahay ee qofka xilka haya fidnada uu bilaaba way ka wayn tahay ta qofka caadiga ah sidaas darteed baa loo yidhaahda qofka xilka haya dambiga uu gala wuu ka sii weynaada qofka caadiga ah ee kale ee aan xilka hayn”. Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii qof dambi galo ama qof dilo ama sharcigiiba dilo ama qarankiiba wax ku wado dee garaaddo kasta oo uu sito haddii uu madaxweynaha yahay xilka xayuubin baa u taalla oo la saaraya, haddii madaxweynuhu umaddii fasahaadinayo waa in la qabta oo xeer baynu ka dhiganay”. “Wasiirkii xumaynayana waa in la qabta oo xeer baa laga dhigtay haddii uu xildhibaankii qarankii kala duminayana xeer baynu ka dhiganay, marka in aynaan noqon dawlad dadka danyarta ah uun ku qabata dambiga ka madaxda ahi marka uu wax dumiyana ka daysa iyaduna waa inoo guddoon”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Culimada Dalka ugu baaqay inay soo kala dhex galaan Xisbiyada Qaranka oo ay heshiisiiyaan. Faysal oo khudbad ka jeediyey Munaasibad Casho-sharaf ah oo Xalay uu Madaxweynuhu u sameeyay Culimada Somaliland, ayaa sheegay in sababta ay Xisbiyada Qaranku ay doorashada ugu heshiin la’yihiin muddo 14 bilood ah ay tahay Faro-gelin shisheeye awgeed, ayaa Culimada u soo jeediyey inay dhexdhexaadiyaan Xisbiyada Qaranka ee WADDANI, UCID iyo KULMIYE. Guddoomiyaha UCID oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dawlado ayaa ina soo dhex galay, taasi waata keentay in Xisbiyadu heshiin waayaan 14 bilood, markaa si doorasho wanaagsani inoogu dhacdo waxaanu jecel nahay inaad inaad na soo kala dhex gashaan, si dalku hore ugu socdo.” Eng. Faysal oo hadalkiisii sii wata ayaa sheegay “Labada Xisbi waanu gaadhnay heshiis, heshiiskaa Macnahiisu maaha inay Labada xisbi doorashada galayaan, balse waxaanu ku heshiinay inay doorashadu wakhtigeeda dhacdo, oo ay qabtaan guddi cusub oo la Magacaabo oo aan kuwii hore u ahayn..”ayuu yidhi, Source
-
(SLT-Beijing)-Shiinaha ayaa maanta sheegay inay canshuur kusoo rogi doonaan badeecadaha dalkaas looga soo dhoofiyo Mareykanka, oo qiimahoodu dhan yahay 60 bilyan oo dollar, laga billaabo 1-da June. Tallaabada Shiinaha ayaa u muuqata aargudasho kadib markii Washington ay ku dhowaaqday canshuur ka dhan ah ku dhowaad dhammaan badeecadaha laga keeno Shiinaha. Beijing ayaa canshuurta saari doonta badeecado Mareykan oo dhowr ah, waxayna u dhaxeysa 5 illaa 25%, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Guddiga Siyaasadda Canshuuraha ee Golaha Qaranka Shiinaha. Hadalka kasoo baxay Shiinaha ayaa yimid kadib markii wareegii ugu dambeeyey ee wada xaajoodyada ganacsiga ee labada dal ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ay dhammaadeen Jimcihii ayada oo aan heshiis la gaarin. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa jimcihii kordhiyey canshuurta la saaro badeecadaha laga soo dhoofiyo dalka Shiinaha, oo qiimahoodu yahay 200 oo bilyan dollar. Canshuurta oo ahayd 10% ayaa hadda la gaarsiiyey 25%. Jawaabta Shiinaha ee maanta ayaa timid kadib markii Trump uu maanta uga digay Beijing inaysan aar-gudan. Source
-
(SLT-Nairbi)-Madaxtooyada dowlada Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay warar la isla dhex marayay maalmahaan oo ah halka uu ku dambeeyay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta. Afhayeenka Madaxtooyada Kenya Ms Kanze Dena ayaa sheegytay in Madaxweyne Kenyatta uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay uuna ku mashquulsan yahay howl maalmeedkiisa caadiga. Wareysi ay siisay idaacad maxali ah maanta ayay afhayeenka Madaxtooyada Kenya ku sheegtay in xafiiskiisa uu ku sugna madaxweynaha tan iyo markii uu ka soo laabtay safar uu ku tegey dalka Shiinaha. “Waxaan la yaabay marka ay dadka leeyihiin Madaxweynaha waa la waayay,Madaxweyne Kenyatta xafiiska ayuu si caadi ah howlahiisa ugu wataa wuuna caafimaad qabaa.”ayay tiri Ms Dena. Hase yeeshee illaa iyo hadda lama soo bandhigin sawiradii ugu dambeeyay ee Uhuru Kenyatta inkastoo afhayeenku uu sheegay in ay dhaqso la soo wadaagi doonto sawiradiisa. Warkan ka soo baxay afhayeenka Madaxtooyada Kenya ayaa imanaya kadib markii baraha bulshada lagu qoray warar sheegaya in la la’ yahay madaxweyne Kenyatta. Source
-
The army is investigating the circumstances under which one of its soldiers deployed in Mogadishu, Somalia, shot his administration officer dead before killing himself. A source in Mogadishu earlier told this newspaper that the soldier who ran amok was irked by the supervisor, and that four soldiers in total died in the Saturday shooting incident. The UPDF spokesperson, Brig Richard Karemire, however, said only two soldiers perished and investigators are working to establish the motive of the errant soldier. “The motive isn’t yet known. We want to know whether he was insane or not,” Brig Karemire said by telephone yesterday. The incident happened at the main base, which is the central nerve of African Union Mission in Somalia (Amisom), to which Uganda was the first and to-date still the largest troop contributor. The identities of deceased have not yet been released. Shootings among UPDF soldiers are uncommon when on mission outside the country or at home. In recent times, most shootings by soldiers have targeted civilians, with a number attributed to love-gone-bad incidents and property wrangle. However, in 2016, Sgt Isaac Obua shot dead seven of his colleagues inside Makindye Military Police Barracks in Kampala. Pte Isaac Newton Okello was in December 2018 convicted for killing a pregnant woman, her husband and son in Alebtong District and sentenced to 80 years imprisonment. In 2013, UPDF soldiers Sgt Robert Okiror attached to the 7th battalion in Kisoro District,shot dead his girlfriend and the maid following a domestic brawl. In 2013, UPDF Pte Patrick Odoch killed 11 people near Bombo UPDF headquarters over similar reasons. Pte Odoch was later sentenced to a 90-year jail term. In December, 2012, L/Cpl Herbert Rwakihembo, attached to the Military Police, shot dead his fiancée, Irene Namuyaba and two others at Luzira. Source: Daily Monitor
-
Waxaynu halkaa ka arkaynaa carrabku in uu yahay waxa samaha iyo xummaanta inoo soo jiida, haddii waxaynu ku hadlaynaa yahay wax Alle SWT raali galinnayn sida xadiiska ka muuqata ayeynu waxaynu ku galabsannay naar kuna galaynaa. Ilaahay isaga oo inoo baanaya wuxu ina leeyahay “Miyaanan u samayn laba indhood, carrab iyo labadiisi daan.” intan aad ku socota ba ee aad wax ku arkaysaba annagaa leh. Sidoo kale carrabkan iyo labada daan ee isu hagaajiya ama isu toosiya hadalka annagu miyaanan ku siin weeye su’aashu, haa Allow adaa na siyey, sidaa awgeed waxa innala gudboon mahadcelin. Ilaahay SWT mar kale wuxu innoogu baanay in uu ina siiyey carrab hadalka soo saara, “Wuxu idin baray hadalka.” Ogow mar kasta oo aad hadal maqasho waxa hadalka soo saara waa carrabka, kaas oo aynnu ku kala duwannahay makhluuqaadka kale. Sida oo kale Alle SWT wuxu inoo sheegay eray kasta oo afkeenna ka soo baxa inuu yahay mid guntan oo la qorayo, “Kama soo baxo hadal ‘afkooga’ illaa waxa tirinaya oo ogsoon Malaa’ig.” Qofka sooman akhlaaq caynkee ah ayaa looga baahan yahay? Akhlaaq marka laga hadlayo waa habdhaqanka qofka oo toosnaada, waana mid diintu dhiirigalisay in lala yimaaddo, iyada oo dadka ku tartansiinaysana u tilmaantay in maalinta qiyaame sida loo kala akhlaaq roon yahay loo kala darajo sarrayn doono, waxaana taa muujinaya xadiiska sugan ee Rasuulku CSW leeyahay, “Waxa Mu’miniinta ugu darajo sarreeya kooga ugu akhlaaq wanaagsan.” Hubaashii habdhaqanka suubani wuxuu qofka gaadhsiiya sarreedo aan salaad badnaan iyo soon badnaan lagu gaadhin. Waa habdhaqan uu hormood ugu ahaa ummadda Rasuulku CSW miyaanad arag marka Alle SWT leeyahay, “Waxa kuu sugnaatay akhlaaq sarraysa.” Sida oo kale Caai’sha Rc ayaa mar la waydiyey habdhaqankii Rasuulka CSW waxay ku tidhi, “Habdhaqankiisu wuxuu ku salaysnaa Quraanka.” Rasuulku CSW wuxuu ahaa mid horseed u ah ku dhaqanka diinta sidaa darteed qofka ugu hor dhaqma ayuu ahaa. Habdhaqanka tolmoon waxa lagu gartaa af gaabni iyo dhawrsanaan sidaa ajligeed ayaa ergaygii Alle SWT lagu sheegi jiray in uu ahaa mid tilmaamaha ku suntan, xadiis ka suganna wuxu ahaa, “Alle wuxu ugu jecel yahay dadka qofka aan hadalka badnayn, wuxuna ugu neceb yahay qofka hadalka badan ee bilaa murtida ah.” Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com Tell: 063 440 85 03. 97 08 515 SheekhRakuub.wordpress.com Source
-
Sicirbararka ugu weyna ayaa ku habsaday somaliland taas oo ay shacabku uga qayliyeen sida fiinta, sixirbararka oo intuu xadhigga goostay, xadkiisana dhaafay marayana meel aad u daran oo laga murugoodo,Shacabku waxay baadi gobayaan habeen iyo malinba sidii ay uga bixi lahayeen dhaqaalo xumada haysada,. Sixirbararku wuxu sababay inuu yaraado wax kala iibsiga iyo maceeshadii oo cirka isku shareertay, sidoo kale wuxuu dhaawacay dhaqaalaha dalka,Sixirbararka waa aafo qaran oo asiibtay bulshada dhammanba.Sixirbararku wuxuu saameyn ba’an ku yeeshay qoysaska dakhligoodu hooseeyo, Muruq-maalka ama xoogsatada, Hooyooyinka khudaarta iibisa, sidoo kale wuxu saameeya wax kasta oo nagu wareegsan laga bilaabo waxyaabaha aasaasiga ah sida cuntada, biyaha, laydhka,waxbarashada, caafimadka,dhaqaalaha oo idil ayuu saameeya iyo shidaalka. Intaa waxaa sii dheer maheradaha yar yar ee aan iska xejin karin sixirbararka, shaqaalaha qaada mushaharka xadidan. (Constant wage) sida Askarta, Macalinka, shaqalaha dawlada. “Haddii xadiga lacagtu ay hoos u dhacto iyada oo aanay maceeshadii aanay hoos u dhicin balse lacagta suuqa dhaxa wareegaysa haddii ayka badan intii suuqu u baahnaa waxa isla markaaba hoos u dhacaya qiimaha lacagta, Lacagta suuqa ku jirtaa ay yaraatana qiimaha lacagtu kor bay u kacaa”.Dowlada ayaa ku fashilantay inay meel dhigaan siyaasad dhaqaale oo waxa ku ool ah iyo Maareynta siyaasadda bangiga , is-dhaafsiga lacagaha qalaad iyo dhaqaalaha guud ahaanba tallaabooyinka ay dawladu qaado oo aan meel marin intooda badan, dowlada oo aan maalgalin ganacsadada,dhiirigalina aan siinin ganacsadada ayaa keenta in lacagta dalka laga saaro dalkalana wax lagaga soo iibsado ama muqaadaraad(qaadka) lagu soo badasho. Hadaba waa in si toos ah ama si dadban loo yareeyo lacagaha dalka ka baxaya, Tusaale ahaan, iyada oo la adeegsanayo siyaasad lacageed(Monetary Policy) iyo mid maaliyadeed (Fiscal Policy)si loola dagaallamo sixirbararka, marka la eego dhammaan noocyada lacagaha ajnabiga ah waa inay gacanta u galaan dawladda, maadaama dowladdu tahay nidaam lacageed “bixinta lacagta”. ·Ma jiro ajande iyo qorshe cad oo u yaal dawlada oo lagu maamulo dakhliga dalka ama siyaasad lagu hago lacagaha qalaad. ·Ma jirto daabacaad sharci ah oo uu dalku leeyahay ( legal tender) ·Aqoon la’aanta dhanka dhaqaalaha. ·shaqaalaha bank dhaxe oo badiba lagu keena nidaam qabiil manalaha aqoon dhaqaale, taasina waxay sababtay guul darrada ku timid siyaasadda qaranka. MAXA KEENA SIXIRBARARKA:- 1.Qiimaha dhaca shilinka somaliland:- Lacagta dollarka oo wax lagu kala iibsado, iyadoo ay jirto kalsooni la’aanta lacagta dalka lagu qabo halka uu dadkeenu aaminsan yihiin in u dollarku yahay mid raaso-maal ah. 2.Mobile money transfer (Edahab and Zaad) bulshada ay la daaladhacaysa dhibaatooyinka zaad iyo edahab ay ku hayso shillinka somaliland, isticmaalka shillinku marka u yaraado ee u shaqayn waayo waxa ku dhacaya qiimo dhac, dib u dhac, mana yeelanayo waxtar, iyo niyad jab waxanay sababta sixirbarar, hadaba haddii ay yaraado lacagta suuqa wareegaysa ama uu kordho xawaaraha lacagta suuqa ku jirta, si kastaba ha noqotee edahab iyo zaad waxay yaraysay isticmaalka shillinka somalinad. 3. Lacagaha la soo daabaco (Printiga money) Daabacada lacago aan laga fiirsan loona meel dayin kuna fadhiyin cilmi oo dawladu soo daabacado lacago fara badan oo aan xadi lahayn, dawladu mataqaano xadiga lacagta ah ee dhax wareegaysa suuqyadeena. Tusaale ahaan:- Marka ay dawladu soo daabacado lacag cusub kuna soo dayso suuqa ma kordhiso dhaqalaha wadanku iyo dakhliga balse waxay sababta in shaygii hore suuqa uga ahaa 400 sl imika uu noqto 800sl waxay sababta sixirbarar iyo qiimo dhac shilinka Somaliland. 4. Qaadka Qaadka ayaa bulshada ku haya hagardaamo iyo mushkilad xag dhaqaale iyo mid caafimaadba balse imika ku darsaday in uu sababo sixirbarar, qaadka oo markii hore lagu kala iibsan jiray birr oo imika lagu kala iibsado dollar.waxaynu wada ogsoonahay oo markhaati madoon ah haddii la kordhiyo cashuurta qaadka in qaadkuna qaliyoobayo taasina waxba kamuu badalin sixirbarar. 5. kharashka dowladda (Government spending). kharashaadka aan mihiimka ahayn ee ay isticmaasho dawladdu waxay sababta sixirbarar. 6. Sarrifka (exchange money). maalinba maalinta ka danbaysa waxa kor u kacay qiimaha sarrifka lacagta,mana saldhiggin qiimaha shilinku, sababta oo ah dawlada baa ka gaabisay inay la timaadoSiyaasad-dejinta sarrifka iyo jaangoonta shilinka, 7.waxsoosaar la’aanta. Waxsoosaarka maxaliga ah ee dalka waa in la siiya maalgashi iyo dhiirigalin si loo kobciyo wax soo saarka wadanka lagama maarmaan u ah horumarinta dhaqan-dhaqaale si looga badbaado baahida loo qabo shisheeye,si uu u helo lacagta adag oo kobcisa dhaqaalaha waddanka sixirbararkuna u yaraado. 8. Xoolaha nool oo joogsaday Dhaqaalaha Somaliland in uu ku salaysanyahay ama ku tiirsanyahay waxyaabo fara badan, ayadoo ay ugu horayso nimcooyinka uu ilaahay siiyay wadankeena sida xoolaha, xoolaha ayaa sida aad wada ogsoontihiinba la joojiyay taasina waxay keenta inay curyaamiso dhaqaalaha dalka,marka aanay jirin lacag adag oo soo gasha dalka balse ay jirto mid ka baxta. TALO SOO JEEDIN SIDII LOO YARAYN LAHA SIXIRBARAR ·Waa in dawladu faro galin ku samaysaa suuqa isla markaan cashuurta ka yaraynaysa waxyaabaha daruuriga ah, sido kale cashuurta ku kordhinaysa waxyaabaha aan muhiimka ahayn. ·In la horumariyo xoolaha iyo wax dhoofinta wadanka. ·waa in la sameeya siyaasado iyo qorshoyaal tallaabooyin maareyneed oo loo isticmaali karo in lagu maareeyo hab-nololeedka, sarrifka iyo qiyaasta dollarka isbeddelka shilinka si loo badbaadiyo xaaladaha adag ee noolaanshaha nolosha, dawladdu waa inay dejiso oo meel marisaa salgoysa shillinka, waa in la xakameeya sixirbararka ka hor inta aanay ka bixin gacmaha. · In la dhiso habab wax ku ool ah oo loogu talagalay kormeerka bangiyada iyo bixiyeyaasha lacagta xawilaadaha. ·In la ilaaliyo tallaabooyinka kormeerka waqtigeeda iyo in loo hoggaansanaanta siyaasadaha iyo qorshe istaraatiijiyadeed kaasoo miisaaniyada sanadlaha ah lagu saleyn doono oo laga soo horjeediyo taas oo guud ahaan guusha laga gaari karo maaliyada iyo bangiga. ·Sixirbarar wuxuu saamayn ku yeesha hab nololeedka dhaqaale waa in la joojiya lacagaha adag ee habeen walba dalka ka baxaysa ee qaadka lagu badesho ·Waa in gabi ahaanba la joojiyo Adeega Edahab iyo Zaad. · Waa in kor loo qaado lana xoojiya sharafta isticmaalka shilinka somaliland oo la horumariya lacagta wadanka, wadan kasta waxa uu ku faana waa lacagtiisa u gaarka ah. · Dawladu waa inay ku dhiirrigelisaa ganacsadda inay sameyso maalgashi gudaha ah,si kor loogu qaado waxsoosaarka cuntada heerka maxaliga ah, iyo in la yareeyo soo dejinta cuntada, waxyaabaha maxalliga ah waa in ay kor u qaadaan xukuumadu sida cunnooyinka joogtada ah (Galley, digirta,garowga,iyo waxyaabaha kale ee dalagga ah). BANKA SOMALILAND Banka waa mid ka mid ah halboowlayaash ugu muhiimsan dowladda ee aarrimaha maaliyadda iyo dhaqaalaha,hadafyada ugu mihiimsan ee bankigu waa inuu ilaaliyaan xasiloonida, sharafta, waxtarka shilinka JSL.Hadaba banka somaliland oo aan awood ulahayn fulinta, dajinta, sharciyada , xeerarka,qawaanin iyo shuruudo adag oo lagula xisaabtamo cidkasta oo sharciga ku xad gudubta, banka ayaan ahayn mid sal go’oya qiimaha sarrifka lacagaha oo aanay noqon sarrifku mid hadba wixii lagu soo tooso aan lagu sarrifan, hoos u dhaca iyo kor u kac qiimaha lacagta labaduba midna uma fiicna horumarinta dhaqaalaha dalka, siwalbooy ahaataba waa inuu bankigu xaddido qulqulka lacagta dhax wareegaysa suuqyada waa inuu xakameeyo cadadka hantida dareeraha ah ee suuqa ku jirta. “If a nation’s economy were a human body, then its heart would be the central bank. And just as the heart works to pump life-giving blood throughout the body, the central bank pumps money into the economy to keep it healthy and growing.” WAAJIBAADKA BANKA DHAXE EE SOMALILAND ü Mas’uuliyadda ugu weyn ee bangiga dhexe waa dajinta iyo hirgelinta siyaasadaha lacagta waa in uu bangigu ilaaliya sarrifka joogto ah ee shilinka, si loo xaqiijiyo koritaanka dhaqaalaha ee qaranka si habsami u socodka lacagta loo xaqiiijiyo. ü Baanka waxa uu mas’uul ka yahay hubinta xasilooni lacageed iyo kor u qaadista ilaalinta qiimaha shillinka dalka iyada oo loo marayo sharciga iyo kormeerka,kobcinta hagaajita iyo isku dheelitirnaanta dhaqaalaha qaranka. ü Nidaamka lacagta bixinta iyo maamulida isku badalka lacagta dalka iyo lacagaha qalaad sida Birr,Dollar, iyo Riyaal. ü Bankigu waa inuu u tallaabooyin adag oo ka dhan ah kuwa ku lug leh daabacaadda lacagta been-abuurka ah ee dollarka.”Tani waa dembi weyn oo lidi ku ah dhaqaalaha“ ü Waa in uu koontaroola lacagaha soo galootiga ah, waa inuu bankigu xareeyo lacagaha qalaad ee ay soo saaraan ganacsadadu. ü Bankiga dhexe waa inuu door muhiimaha ka qaataa horumarinta nidaamka kobcinta dhaqaalaha (Economic growth) waa inay diirada saaraan kor u qaadida kobaca dhaqaale. ü Sidaa daraadeed, bangiga dhexe waa inuusan aheyn oo keliya doorka maamulka, laakiin sidoo kale doorka horumarinta ee dhaqaalaha dalka. CAQABADAHA HAYSTA BANKA DHEXE EE SOMALILAND Ø Qalabka oo aan ku filneyn. Ø Xoojin la’aanta xirrirka siyaasada iyo isku xidhnaansho la’aanta laamaha kala duwan ee qaranka, Ø Lacagta ku jirta wareegga ayaa ka baxsan xakameynta Bangiga Dhexe, Ø Kormeerka liita ee bankiga Ø Bangiga oo aan madax banaanay iyo awoodiisa maamul oo liitada. Ugu danbeyn dawladdu waa inay door muhiim ah ka ciyaartaa xakamaynta sixirbararka iyada oo sameyneyso qorshayaal horumarineed sida beeraha , kaluumeysiga, xoolaha, warshadaha,la dagaalanka shaqo la’aanta iyo shaqo abuurka, maalgashi caalami ah.waa in meel looga soo wada jeedsada dhibaatada soo noqnoqonaysa, Labada siyaasadoodba waxay labaduba hoos u dhigi doonan sixirbararka, si wax-ku-ool ah, Siyaasadda Lacagta (Monetary Policy) iyo Siyaasadda cashuurta (Fiscal Policy). Tixraac: – Suuqa sarrifka waqda iyo Google ALLE MAHAD LEH. Adeeca Yusuf Mohamed Economics and political science Hargiesa Somaliland 252634039289 adeecaqueen92@gmail.com Source
-
Waxaan shaki ku jirin qof kasta siduu yahay inuu isaga iska dhigay!!! Adigu wax kale ma tihid waxaad uun tahay Hankaaga!!!!! Ficilkaada inta badan wuxuu ka tarjumayaa waxa aad aaminsan tahay ama aad ka fekeraysid. Ilaahay sareeye waa wanaagsan yahay waxaan wanaag ahayna looma nisbeeyo,wuxuuna mar kasta la jiraa wanaagga!!! : “{وَلِلّهِ الْمَثَلُ الأَعْلَىَ} “Ilaahay Matal sare ayuu leeyahay” Xadiisul qudsi ayaa ahaa: يا عبادي ! إنما هي أعمالكم أحصيها لكم . ثم أوفيكمقا إياها . فمن وجد خيرا فليحمد الله . ومن وجد غير ذلك فلا يلومن إلا نفسه ” .•. “Adoomadaydoow waa uun acmaashiina waxaan idiin kaydinayo,ee ninkii wanaag hela alle ha ku mahdiyo,kii hela waxaan wanaag ahayna yuusun eedayn cidaan naftiisa ahayn” Rasuulka scw wuxuu yiri: عن عمر بن الخطاب رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول(إنما الأعمال بالنيات وإنما لكل امرئ ما نوى ). “Acmaasha oo dhan niyada ayay ku tacaluqdaa qof kastana wuxuu niyeystay uun buu helaa”. Ma dhici karto ama badna adoo wax wanaagsan niyeystay inaad wax xun hesho. Sidoo kale ma dhici karto adoo xumaan niyeysan inaad samaan samayso. Hadaad wanaag qalbiga ku hayso waxa kaa soo fulaya oo dhan waxay noqonayaan wanaag. Hadaad xumaan niyadda ku haysana waxa kaa soo fulaya xumaan uun bay noqonayaan. Si taa la mid ah qof aad xumaan ka aamintay ma dhacayso inta badan in uu kuu muuqdo wanaagiisa wax kasta oo uu sameeyana xumaan uun bay kula noqdaan. Si taa la mid ahna qof aad wanaag ka aamintay inta badan kuuma muuqanayso xumaantiisa oo wax kasta oo ka soo fula way kula fiicnaanayaan oo xitaa xumaantiisa tafsiir fiican baad uraadinaysaa!!! Soomaalidu waxay ku maah maahdaa haday laabi meel dhacdo indho wax ma arkaan. Waana sida fiican ee ay diintanaduna ina farayso inaan mar kasta wanaagga u janjeerno,Oo waxaad arkaysaa in islaamkanagu mar kasta inagu dhiiri galinayo inaan dadka wanaag ku malayno. { لَوْلَا إِذْ سَمِعْتُمُوهُ ظَنَّ الْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَات بِأَنْفُسِهِمْ خَيْرًا } “Maxaa Haddii ay xumaan maqlaan raga iyo haweenja muminiinta ah ay naftooda isugu malayn waayeen khayr”. Inta badan qof han sare leh xumaan kuma fakaro,qof wanaag doonayana himilo hoose kuma saqajaamo!!! Hadaad aragto caro,cuqdad,xiqdi,xumaan,nacayb,shaki,sas,cay,kibir,foobiyo,dagaal,iwn waxaad ogaataa in nafsadaasi tahay mid jiran oo liidata oo han hooseeya ku fakaraysa. Hadaadse aragto farxad,cafis,wax tar,wax quur,duco,wanaag,kibir la,aan,amaan,nabad,nolol,iwn waxaad ogaataa in nafsadaasi tahay nafsad sare oo caafimaad qabta oo himilo sare higsanaysa. Walaalayaal sirta nolosha waa wanaag ee hadeer ka bilow inaad wanaaga ka fakartid oo aad ka leexato dhabaha xumaanta. Ilaahay waxa uu ina leeyahay. – وَلَا تَسْتَوِي الْحَسَنَةُ وَلَا السَّيِّئَةُ ۚ ادْفَعْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ فَإِذَا الَّذِي بَيْنَكَ وَبَيْنَهُ عَدَاوَةٌ كَأَنَّهُ وَلِيٌّ حَمِيمٌ (34) Masina samaha iyo xumaha ee adiga mar kasta bixi midda wanaagsan waxaad arkaysaa iyada oo kii cadaawadda idinka dhaxaysay isu rogay xigaale ku jecel.. 1 Waxaa la xaqiijiyay in xumaha iyo samaha ay yihiin laba energy oo iska soo horjeeda oo hadba kii bata uu saamayntu yeesho Ummad kasta oo ay dadkeedu ku bataan sifooyinka wanaagsan jawigooda waxaa hareeya wanaag Ummad kasta oo ay dadkeedu ku bataan sifooyinka xunna jawigeeda waxaa hareeya xumaan Walaalayaal waxaa loo baahan yahay in aan u badano sifooyinka wanaagga si uu jawigeenu u hareeyo wanaag iyo wada noolaansho Haddaba, ma tahay adigu qof hammi leh, hadaf wata oo higsanaaya himilo? Ma rabtaa in aad ku guulaysatid wax walba oo aad guul ka rabtid? Ma rabtaa in aad yeelatid firfircooni aad ku abuuri kartid nolol sare? Ma rabtaa in hammi iyo dadnimo sare ay ku gasho? Ma rabtaa in kartidaadu korodho oo qof wax abuura aad noqotid? Ma rabtaa in aad nolosha wax ku soo siyaadiso oo aanad adigu siyaado ku ahaan ? Waxaas oo dhan hadaad rabti inaad ka meel gaadho oo aad jeceshahay inaad baalka wanaagsan taarikhda ka gasho oo lagugu xuso dariiqa quman, oo aad daneyneyso guusha ifka iyo aakhiraba, ogow ma aha jidka kugu hagayaa mid cusub ama ka duwan ka ay mareen dadkii kaa horeeyay ee ku guuleystey! – Kama duwana waddada ay maraan dadka guuleystaa. Waxaanad u baahan tahay inaad dheegto taariikhdooda, si aad uga hesho waayo aragnimo. Qofkuu hadafkiisu cad yahay wuxu u baahan yahay in uu ka gudbo caqabadaha, waxaana lagama marmaan ah ina uu helo waddo uu u hogaansanaado, si uu wakhti kooban ugu fuliyo waxa qayrkii u baahnaa inuu wakhti libinlaab ah ku fuliyo. Qofka tusaale iyo tilmaansi laheyn waa qof lunsan, dadka intooda badanina iskuma hawlaan inay dib u baadhan dadka uga horeeyay himiladooda, balse waa shuruudda uu fulinteeda u baahan yahay qofka guusha wacan doonaya in uu gaadhaa waa taas. Haddaynu dib u eegno dadka raadka ku reebay taariikhda ee qofka raaca dariiqoodu uu ku najaxayo waxa ka mid ah, macallinkeena iyo Rasuulkeena sharafta leh Muxammed binu Cabdillahi (CSW) ee Ilaahey inoo sheegay in uu yahay tusaale wanaagsan oo ku dayashadiisu tahay liibanta qofka mu’minka ah. Waxa u ahaa Rasuulku markii u yaraa agoon aan hooyo iyo aabbo toona helin, waxay maalmihii yaraantiisu muujinayeen rejo yaraan ka muuqata mustaqbalkiisa marka loo eego caruurta ficiisa ahaa, laakiinse Illaahay [SW], ayaa u doortay in uu noqdo hoggaanka umadda, waxaanu ku imtixaamay qoomkiisii oo way dhibeen, caayeen, cambaareeyeen, cidhiidhiyeen, cidleeyeen, wasakhna ku shubayeen, waxayn ku noqdeen cadow, xataa ay ka caymadiyeen/eryeen dhulkiisii hooyo ee uu aadka ujeclaa. Laakiin, arrimahani Rasuulka [CSW] kama aaney mamnuucin inuu sii inay guusha alle mar uun imanayso xataa uu dacwadii gaadhsiiyaye caalamka oo uu xaqii gaadhey dunida oo dhan. Ka baro taariikh-nololeedka Rasuulka suubban iyo dadka guuleystey waddada ay u mareen nolosha ay ku liibaaneen, oo kaga dayo dedaalka, kaga dayo dulqaadka, kaga dayo daacadnimada, kaga dayo geesinimada, kaga dayo kalsoonida, kaga dayo himilada sare ee ay lahaayen iyaga oo noloshoodu adag tahay, kaga dayo hami sare iyo himilo dheeriaad ah, kaga dayo u adkeysiga dhibaatoyinka iyo u dulqaadashad khasaaraha. Dadka noocas ahi waxay ina barayaan in hammiga sare uu yahay ka lagu najaxo aakhiro iyo adduunyaba, sababtoo ah, asxaabtii Rasuulku (CSW), waxa janno loogu bushaareeyay iyaga oo adduunka jooga, waxaanay taas ku gaadheen hammi sare oo ay lahaayeen oo aheyd inay jannada kula waraan Rasuulka (CSW). Walalayaal ugu danbayn waxa inaga dhigayaa qof wanaagsan o waxtar leh o waxsoo ssar leh o guulaysta if iyo aduuna insha allah waa Han iyo Himilo o hankeena iyo Himiladeenu ha sarayso insha allah. By: Mohammed Adam Hassan Engineer Developer Researcher and Politician. E-mail: moadam203@gmail.com Tell: 0634394700 ( isbaddel ka bilaabmay shakhsi isla markaana u xuub siibtey bulsho dhan si ay u noqdaan Hormuudkii Horumarka Ee dunidan aynu ku noolnahay ) Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobalada kale ee dalka si qarsoodi ah loogu iibinayaa su’aalaha imtixaanka dowladda ee ardayda dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedka 2018-2019. Ardayda ayaa su’aalaha hela 24 saac ka hor inta aysan u fariisan imtixaanka, waxayna class-ka imtixaanka lagu galayo ay tagaan iyagoo wata su’aalaha iyo jawaabaha oo ay guryahooda uga soo shaqeesteen. Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in imtixaanka suuqa yaalla uu yahay mid been abuur ah, hase yeeshee ardayda ayaa sheegay inuu yahay mid sax ah. Ardayda qaar ayaa kuu sheegaya in su’aalaha laga soo siiyay xafiisyada iskuuladooda halka qaarkoodna ay ka heleen internet-ka oo la soo dhigay, waxaana arintaan fududeeyay mas’uuliyiin ka tirsan guddiga imtixaanaadka qaranka ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare. Maamulada iskuulada ayaa la sheegay in imtixaaanka helitaankiisa ay ku bixiyeen lacag badan, si aysan u dhicin ardayda iskuulkooda ka socota ee ka qayb galaya imtixaanka qaranka. Haddii ay ardayda dhacaan waxay saameen ganacsi ku yeelanaysaa iskuullada ay ardaydaasi ka socdaan, maadaama lagu baahinayo baraha bulshada iyo warbaahinta oo dhan. Macalimiin iyo maamulo iskuul oo gaashaan ka ah in ardaydooda dhacdo ayaa la sheegay in ay lacag badan u hureen sidii ay ku heli lahaayeen su’aalaha imtixaanka, kadibna ay u qaybiyeen ardaydooda sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah. Goobaha waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho hada waa mid kamid ah ganacsiyada ugu wanaagsan ee dalka ka jira, waxaana laga sameeyaa malaayiin dollar iyadoo ay aad u hoosayso tayada waxbarashada. Si lamid ah sanad walba oo ay dowladda Soomaaliya qabaneyso imtixaanka dugsiyada sare ayaa la musuq maasuqaa, waxaana la sheegaa in guddiga su’aalo diyaarinta ay kumanaan lacag ah ka helaan bixinta qishka imtixaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargaysa) Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Markii Ugu horaysay si dadban uga hadlay xadhiga Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiilada, kaas oo aan Dastuurka loo marin xadhiiga. Madaxweyne Muuse Biixi oo xalay afurkii ka hadlaayay kulan Madaxtooyada ka dhacay ayaa yidhi. “Waxan dhigay halkii ay culimada waaweyni dhigeen, dardaarankiinniina waannu qaadannay oo ay kow ka tahay in Diinta loo gargaaro oo wixii la qabanayoba dhinaca Diinta laga bilaabo oo Diinta la taageero oo ay ku xigto in nabadda iyo amniga dalka si wada-jir ah loo ilaaliyo, ciddii khalkhal gelinaysa dalka xilkasta oo ay haysana in gacan bir ah lagu qabto.”Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Somaliland . Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender oo maanta dalka ku yimid safar shaqo. Kulankaa Waxa lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sidii looga wada shaqayn lahaa siyaasada guud iyo amaanka mandaqada geeska oo ay Somaliland ku leedahay door muuqda oo caalamku ku ixtiraamo, diyaar garawga iyo qabsoomida arrimaha doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka, geediga dimuquraadiyada, dardar-gelinta iyo kor u qaadida kaalmooyinka horumarineed ee dawladda Ingiriisku ku taageerto Jamhuuriyadda Somaliland iyo xoojinta xidhiidhka labada dal. Waxaanu madaxweynuhu safiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo warbixin mug iyo miisaan leh ka siiyey horumarka ay ku tallaabsadeen shacbiga iyo dawladda Somaliland oo ah mid ay horeba uga markhaati kaceen caalamku. Dhiniciisa waxa uu safiirku madaxweynaha ku bogaadiyey sida qiimaha leh ee uu u qaabilay iyo warbiximaha waafiga ah ee uu ka siiyey horumarka ay dal iyo dad ahaanba Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsadeen oo mudan in lagaga dayo. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa soo jeediyey goob uu sheegay inay mudan tahay in loogu magac daro alle haw naxariistee marxuun Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe). Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraal soo saaray waxa uu ku soo jeediyey in kulliyada nabada iyo xalinta khilaafaadka ee jaamacada Hargeysa loogu magac daro marxuun Xaaji Cabdi Waraabe. Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraalkiisa ku yidhi sidan:- Fikrad soo jeedin: Haji Abdi Warabe Institute for Peace and Conflict Studies – Hargeisa University. Anigu waxaan soo jeedin lahaa in lagu bilaabo Oo magacaa loo bixiyo qaybta lagu barto nabadda iyo xalinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa. Xaajigu Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyee maadama uu ahaa qof xagga nabadda ku xeel dheer, kuna suntan islamarkaana tacab badan geliyey waxa lama huraan ah in loogu magac daro goob muhiim ah Oo ay Bulshadu qadariso. Sidoo kale dalka Maraykanka gaar ahaan Jaamacadda Harvard university waxaa jira school ka mid ah Oo arrimaha dawladda iyo siyaasadda lagu barto Oo loogu magac daray madaxweynihii Maraykankee John F Kennedy, waxaana iskuulkaasi la yidhaa; ” John F Kennedy School of Goverment at Harvard University”. Sidoo kale inaguna waxaynu odhan karnaa; ” Haji Abdi Warabe Institute for Peace and Conflict Studies at Hargeisa University. Goob keliyana uma qalmee 2 iyo 3 ba wuu u qalmaa. Fikradaha laysla dhex marayo ee halkii lagu maamuusi lahaa ayaan aniguna ku soo dhex tuuraya fikradaasi haddii Eebbe yidhaa. Bal aniguna soo jeedintaydaasi diiwaanka ii geliya inshallah. Source
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb-galay munaasabad ay degmada Garoowe Sadex Dab-Demis iyo booyad kagala wareegaysay shirkadda isgaarsiinta Golis. Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb-galay maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Ganacsato maamulka sare ee shirkadda Golis iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyey goobta lagu wareejinayey agabka ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leeyihiin dab-damiskani iyo iskaashiga dowladda iyo shacabkeeda. “Dawladdu waa dadka, dadkana inay isku tashadaan waa wax waajib ku ah, hadaysan dabka iska demin oo colaadda iska demin oo gaajada la dagaalamin oo dhibaatooyinka kale ee bini’aadamka ku soo wajahan meel ugu soo wada jeesan, ogaada dad gaar ah wax ma gaarayaan ee bulshadoo dhan ayay gaarayaan” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Sidoo kale Madaxweyenaha dowladda Puntland ayaa shirkadaha kala duwan ee Puntland ka howl gala ku booriyay inay xoojiyaan adeegyada ay ku horumarinayaan bulshadooda. Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dhowaan lasoo bandhigi doono qorshe dowladdeed oo ku aadan dhinaca horumarinta, kaas oo in muddo ah laga shaqaynaayey, isla markaana arrimo badan lagu iftiimin doono. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ka qeyb-galay munaasabad degmada Garoowe dab-demisyo kula wareegaysay appeared first on Puntland Post.
-
Roob laxaadleh oo la da’ay magaalada Burco Iyo nawaaxigeeda
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News