Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,209
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Raysal Wasaare Abiy Axmed Oo Ka Hadlay Xiisadda kenya Iyo Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga UCID Oo Xukuumadda Somaliland Ugu Baaqay In La Xidho Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Kormeeray Waddada Laamiga ee xiriirisa gobolada Puntland, gaar ahaan inta u dhaxaysa Buundada Midigar iyo degaanka Sin-ujiif, taas oo bur-bur uu kasoo gaaray Roobab xoog leh oo ka da’ay Puntland. laamiga go’ay iyo bururka soo gaadhay wadada waxa ay xanibtey isu socodka dalka. Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey xubno ka tirsan Goleyaasha dawladda, Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo Masuuliyiin kale. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa markuu kormeerkiisa dhammaystay waxa uu ka hadlay waxyeelada Waddooyinka soo gaaray, ugu horayn Allah ayuu uga mahadnaqay nimcada uu ku manaystay shacabkiisa. Sidoo kale Kusimaha Madaxweynaha waxaa uu sheegay in daadadka roobku keeneen bur-bur xoogleh uu ka soo gaaray waddooyinka hal bowlaha ah, kuwaas oo dowladdu u xilsaartay guddi qiimayn ku samayn doona waxyeelada guud ee ka soo gaartay dadka, Xoolaha, Deegaanka iyo Waddooyinka goladada Puntland. Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in shacabka Puntland looga baahan yahay inay ka qayb qaataan dhismaha iyo dayactirka Waddooyinka bur-buray, waxaana uu tilmaamay in goobaha hadda waxyeelada xoogga leh ay soo gaartay 5 Sano kahor ku dhisteen iskutashi tisqaaday, iminkana si lamida taasi in la joogo wakhtigii ay kaalin tooda ka qaadan-lahaayeen. PUNTLAND POST The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland Oo Kormeeray Waddooyin ku Bur-buray Roobabkii Da’ay. appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa muddo labo bil ah kadib soo bandhigay xiriiradii kala duwanaa ee dadweynaha magaalada Muqdisho la sameeyeen Nambarka gaaban ee 991 oo dhawaan laga hergeliyay magaalada. Nambarkaasi gaaban ayaa ciidamada booliska waxay ugu talo galeen inay dadweynaha kala xiriiraan, si ay ula wadaagaan qataraha dhanka amaanka ah, xaalada deg dega iyo marka ay u baahdaan inay boolis deg deg usoo gaaraan. Taliska ciidamada Booliska ayaa sheegay in muddo 56 maalin oo uu dhisan Nambarkaasi gaaban inay la xiriireen 3339 ruux oo ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo macluumaad kala duwan la wadaagayay laamaha amaanka. Wicitaanadaasi ayaa 340 kamid ah waxaa la sheegay inay noqdeen Cabasho iyo xogo sirdoon oo muhiim ah, taasi oo laamaha amaanka u suurogalisay inay soo qabtaan dadka shacabka tuhmeen ee lala wadaagay laamaha amaanka. 10 kamid ah wicitaanada shacabka ay sameeyeen ayaa la sheegay in lagu soo qabtay maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Al Shabaab, sida lagu sheegay warbixin booliska ay soo bandhigeen oo u muuqday kuwo xayeysiis ah. Hay’adaha amaanka ayaa sidoo kale ku howlan ka jawaabista xogaha dhanka amaanka iyo sirdoonka ah ee loosoo gudbiyay, sida warbixinta lagu sheegay. Waxaa jirta Kalsooni yaraan dhanka Shacabka iyo ciidamada Booliska ah, taasi oo wali laga yaabo inay saameyn ku yeelatay xiriir wanaagsan oo dhex mara Shacabka iyo Laamaha Booliska. Shacabka ayaanan heysan damaanad qaad buuxda marka ay xogo dhanka sirdoonka iyo amaanka la wadaagaan laamaha amaanka dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Burco:SL-T)Wasaarada Shaqo Galinta Arimaha Bulshada Iyo Qoyska Oo Dharkii Ciidka U Qaybisay Caruurta Agoomaha Ah Ee Ku Nool Magaalada Burco. Source
  6. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Habeen-1062019.mp3 View the full article
  7. Roobab xoogan oo ka da,ay magaalada Qardho ee gobalka Bari ee Puntland iyo tuulooyinka ku xeeran ayaa geestay khasaare soo gaaray dad reer guuraa ah ku dhaqan magaalada Qardho.. Roobabka oo bilaawday galinkii danbe ee shalay ayaa soo gaaray ilaa 9:00 kii subaxnimo ee saakay asagoo biyo badan dhigay Togaga waaweyn taas oo keentay in daaday ay soo rogmadaan. Inta la xaqiijiyay qoys ka 8 ruux ka koobnaa 3 ka mid ah waxaa qaaday dadadkii Roobka ayagoo aan la heyn geeri iyo nololba halka 5-tii ruux ee kale gurmad loo fidiyay oo ayagoo kooma ku jira loo qaaday Isbitaalka guud ee Garowe. Degaanka Xaaji kheyr waa halkii ay daganaayeen qoyska dhibku soo gaaray, caruurta ayaa kala ahaa daadku qaaday gabadh 17 sano jir ah iyo laba carruur ah oo ka yaraa waxaana la tagay daadkii ka soo rogmaday tuulada Xaaji Cali. Waxaa sidoo kale sidoo kale daadku ay la taageen xoolo iyo Gaadiid sidda ay xaqiijiyeen maamulka degmada Qardho ee Puntland oo ku howlanay gurmadka dadka ay waxyeelado soo gaartay. Qaar ka mid ah waxgaradka degaanada qaar ayaa sheegay in roobka uu da’aayay Saacaddo badan taas oo keentay in uu daaday badan ku soo rogo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhowaan warqad u qortay Qaramada Midoobay iyo hey’adaha iyo deeq bixiyaasha kale in aysan Nairobi ku qaban shirarka iyo tababarada quseeya Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Warqad ka soo baxday Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in siyaasiinta iyo shaqaalaha dowladda Soomaaliya ay ku aadkaatay gelista Kenya sidaas darteedna loogu baaqayo Qaramada Midoobay iyo hey’adaha kale in shirarka iyo siminaarada Soomaaliya ku saabsan ku qabtaan dalalka Itoobiya, Yugaanda iyo Ruwaanda. Soomaaliya oo ah dal sabool ah oo sakabasho ku jiro islamarkaana ay bur bursan yihiin dhamaan ilahiisa dhaqaalaha ayaa dad badan waxay u arkaan in aysan laheyn doorasho iyo jiheyn lagu sameeyo Qaramada Midoobay. Dad badan ayaa u arka in arintaan ay sababi karto in Soomaaliya ay ku wayso taageeradii ay heli jirtay hadii ay isku day’ado in ay Kenya ka weeciso barnaamijyada quseeya Soomaaliya sababtuna waxaana lagu sheegay in aysan Qaramada Midoobay iyo deeq bixiyaasha kalaba ay ribtaankooda tahay joogista Kenya islamarkaana ay ku qabaan dano kale oo badan. Deeq bixiyaasha iyo hey’adaha Qaramada Midoobay waxay aragti qaldan ka qaataan in la jiheeyo ama la amro waxayna inta la xasuusto ay laaleen dalabyo badan oo uga yimid wadamo badan oo la biilo ama la caawiyo sida Soomaaliya oo kale. Falanqeeyaasha arimaha siyaasadda Soomaaliya iyo diblomaasiyiinta Soomaalida ee la soo shaqeeyay Qaramada Midoobay waxay sheegeen in aysan Soomaaliya laheyn doorasho oo ay tahay kaliya in ay qaadato wixii loo keeno ama loo yeeriyo, sidii lagu soo waday ku dhawaad 20-kii sano ee la soo dhaafay. Hadii ay Soomaaliya ku adkaysato in Kenya laga wareejiyo barnaamijyada quseeya Soomaaliya waxay noqon doontaa in aysan helin dhamaan shirarkii iyo tababaradii loo qaban jiray, iyagoo sabab uga dhigay in Soomaaliya aysan doorasho laheyn iyo Kenya ay dano kale oo waa-wayn ku qabaan hey’adaha la doonayo in laga wareejiyo Nairobi. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Hargeysa (Caasimada Online) ― Yuusuf Cismaan Cabdule Shaacir oo kamida Abwaanada Somaliland, ayaa waxa uu dhaliilay xus ay qabatay Xarunta dhaqanka ee Hargeysa, kaasi oo loogu magac daray “Maalinta caalamiga ah ee Fayo-dhowrka caadada”. Yuusuf Shaacir oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in Xarunta dhaqanka ee Hargeysa ay ku gaftay dhaqanka Somalida, isagoona ka dhawaajiyey inuu dacwad ka dhan ah ka gudbiyey Xaruntan. Abwaan Shaacir ayaa sidoo kale waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu arrintaasi ka qaado talaabo adag, isagoona sheegay inay tahay arrin wax u dhimeysa Diinta, wuxuuna yiri: “Kulankaa waxa loogu Magac-daray ‘Maalinta Caalamiga ah ee Fayo-dhowrka Caadada haweenka’ arrinkaasi wuxuu ahaa arrin ku cusub Dadka, dhaqanka iyo Diintaba. Facebook-gooda markaa gasho waxa ku sii qoran aynu jabino deyrka ka hadal la’aanta Caadada Dumarka”. “Caadadu waynu ognahay waa wax Caafimaadka Dumarka la xiriira oo Diinteedu si wanaagsan oo asturan uga hadashay, laakiin in Xaflad loo sameeyo oo la yiraahdo maalin baa lagu xusayaa gaar ah, waa wax aad u cajaa’ib ah oo innagu soo kordhay”. Wuxuuna intaas kusii daray “Meelo badan baan u gudbiyey Dacwadda, waxaan u gudbiyey Wasaaradda Warfaafinta oo kale, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Labada Gole ee Baarlamaanka Guddiyadooda anshaxa waanu u gudbinay, Ciddii kale ee ay khusaysana waanu u gudbinaynaa, sida Guddida wanaag-farista”. “Madaxweynahana halkan farriin baan uga gudbinayaa ah, wuxuu ku dhaartay inuu ilaalinayo Diinta, Dalka iyo Dadkaba, markaa inuu arrintaa Tallaabo ka qaado ayaan farriin ugu dirayaa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  10. (SLT-London)-Boqortooyada Ingiriiska ayaan laba toddobaad ah isticmaalin Shidaalka lagu kiciyo Warshadaha iyo Mishiinnada Laydhka, muddadaasi ayaa noqonaysa tii ugu dheerayd tan iyo 1880-kii. Qofka Hawshan Maamulay ayaa sheegay in dab dhalileyaal shidaal loo adeegsaday ay markii ugu dambaysey ee ay isticmaaleen ahayd 17-kii bishan dhamaanaysa ee May. Fintan Slye oo ah Agaasimaha Qaranka Uk ee Korontada (ESO), ayaa sheegay in Britain ay bishan tijaabisay Adeegsiga Tamarta laga dhaliyo Cadceedda iyo Hawada, kaasina waa sababta aan muddo 2 toddobaad ah loo isticmaalin Warshadaha Shidaalka lagu kiciyo. Mr Slye wuxuu sheegay in Dawladdu qorshaysay in marka Wejigan Tijaabada ah laga baxo in la waajaho in wixii ka dambeeya 2025-ka laga gudbo Isticmaalka Shidaalka, loona gudbo laydhka laga dhaliyo awoodaha kale, laakiin wuxuu xusay in loo baahan yahay in shaqo badan la qabto “Weli waxa taalla hawl ay tahay in la qabto..”ayuu Slye oo sheegaya inaan Tamarta Cadceedda isticmaalkeedu dhamaystir u baahan yahay. Masuulkani wuxuu sheegay April illaa 14-kii bishan May ay kaydinayeen Tamarta Cadceedda. Wasiirka Tamarta ee Ingiriiska Chris Skidmore ayaa sheegay in Cadceedda oo keliya aan Tamarta laga dhalilayn, balse Hawaduna tahay waxa ugu badan ee Laydhka laga samaynayo. Warbaahinta Ingiriisku waxay sheegtay in 4.5 Milyan Guri ay ku filan tahay Laydhka Hawada laga dhaliyo. 35% Hawada ah iyo 21 cadceedda ah ayaa laydh laga dhaliyey, sida ay Warbaahinta Ingiriisku sheegtay, taasi oo ah ta muddada 2-da Toddobaad ah lagaga maarmay Laydhkii Shidaalka laga dhalinayey. Source
  11. Fatahaadda ay sameeyeen roobabka Qoyska reer Maxamed Bile oo ku noolaa miyiga tuulada Xaaji Khayr ee gobolka Nugaal, kana koobnaa 8 ruux, ayaa xalay waxaa qaatay diiqalyo xooggan oo ku rogmatay dooxada reerku yaallay. 3 xubnood oo kamid ah qoyska ayaa ku dhintay daadadka, halka 5-tii xubnood oo kale ayaa la soo badbaadiyay, kadib markii saaka laga soo helay geed dhaladiisa haatana waxa lagu dabiibaya isbitaalka guud ee magaalada Qardho. Haddaba, Saynab Maxamed Bile oo reerka uga shaqeyn jiray magaalada Garoowe, ayaa saaka la soo gaarsiiyay warka sheegaya in qoyskoodii biya la tageen, waxaana ay orod kaga baxday magaalada Garoowe, si ay bal raq iyo ruux u raadiso qoyskeedii, balse mowjadaha daadadka ayaa ku xannibay tuulada Sinujiif. Saynab oo aad u murugaysan ayaa telefishinka Puntland kula hadashay duleedka magaalada Garoowe, markii ay soo laabatay, iyadoo ka warbixisay xogta ay ka heshay musiibada dhacday. Halkaan hoose ka daawo hadalkeeda PUNTLAND POST The post Daadadku waxay qaateen qoyskaygii oo dhan appeared first on Puntland Post.
  12. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray dilkii Maxamed Cabdi Khayre oo ka mid ahaa shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Gobolka Mudug. War saxaafadeed ay soo saartay Qaramada Midoobay ayey ku cambaareysay dilka Maxamed oo ka mid ahaa shaqaalaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ee fadhigoodu yahay Gaalkacyo. Siihayaha ahna ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, ayaa Maamulka Galmudug ka dalbaday in ay gacanta ku soo dhigaan dadkii dilkaas geystay. Waxaa uu tacsi u diray qoyskii uu ka baxay Maxamed Cabdi Kheyre oo xalay lagu dilay Koofurta Magaalada Gaalkacyo xilli uu ka soo baxay Masaajid. Raisedon Zenenga, ayaa sheegay in dhamaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay ka xun yihiin geerida Maxamed kana tacsiyadeynayaan. Dabley hubeysnayd ayaa xalay dilay Maxamed Cabdi Kheyre ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Xoghayaha guud ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Khadar Xusen Cabdi ayaa waxaa uu si adag u cambaareyey xadhiga ay xukuumadu muddo bil ka badan ay wali xabsiga ugu sii hayso guddoomiyihii garabka dhalinyarada ee xisbigaasi Maxamed Sadiiq Dhamme, waxaana uu sheegay in guddoomiyuhu ku xidhan yahay sharci-darro. Sidoo kale xoghayaha ayaa waxaa uu ka Hadley isla markaana uu nasiib daro ku tilmaamay in ciidamo Somaliland ka goostaan isla markaana ay ku biiran maamulka Puntland, waxaana uu xukuumada ugu baaqay inay faahfaahin dadka qanciya ay ka bixiso arimaha sababtey arintaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. The United Nations mission in Somalia on Saturday condemned the murder of one of its security staff in the central town of Galkayo on Friday evening. Mohamed Abdi Khayre, a UN local security assistant, was killed as he was leaving a mosque in the city of Galkayo, said Raisedon Zenenga, officer-in-charge of UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) and the deputy special representative of the UN secretary-general in Somalia. “We mourn the passing of Khayre, who served with distinction in the UN Department of Safety and Security during his tenure with the organization,” Zenenga said in a statement issued in Mogadishu. No individual or group has thus far claimed responsibility for the killing of Khayre, who was rushed to a local hospital but later died of his wounds. “We urge the authorities to spare no effort in tracking down the gunmen responsible for this heinous murder of a courageous colleague who put himself in harm’s way to protect UN personnel based in the city of Galkayo,” Zenenga said. “The entire UN family in Somalia extends their heartfelt condolences to the family and friends of Mr. Khayre,” he added. View the full article
  15. The Prime Minister of Somalia Hassan Ali Kheyre has on Saturday left the country’s capital for Qatar, his office has confirmed. During his stay, the PM will meet senior Qatari official during his visit in Doha aimed at strengthening cooperation between the two Arab league member states. Mogadishu and Doha developed close diplomatic cooperation since Saudi Arabia, Bahrain, UAE, and Egypt announced blockade on Qatar a year ago. Qatar financed ambitious development projects in Somalia, including the upgrading Mogadishu-Jowhar and Mogadishu-Afgoye which was launched in February. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeedo Siyaasadda ay Dowladda Soomaaliya ku maamusho dalka isla markaasna ka tirsan Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dowladaha Qadar kala kaashaneyso burburinta Maamulada Galmudug iyo Jubbaland sida uu hadalka u dhigay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Ca Cabdullaahi Farmaajo uu Ra’isulwasaaraha Qadar saakay kula kulmay Makka Al-Mukarama, isla markaasna wuxuu sheegay inuu dalka Qadar u diray Ra’isul wasaaraha Kheyre iyo Taliye xigeenka NISA taasina ay qeyb ka tahay qorshe la doonayo in meesha looga saarayo Galmudug iyo Jubbaland. Sidoo kale wuxuu sheegay in qorshahaan uu Taliye ku xigeenka NISA Fahad Yaasiin u tagay dalka Itoobiya si loo helo awood ciidan iyo mid dhaqaale oo lagula dagaalamo Galmudug Jubbaland. Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay dadka uu ugu yeeray kuwa Samaha jecel inay ka hor tagaan Shirqool uu sheegay in loo maleegayo Labadaas Maamul. Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka uu Cabdiraxmaan soo dhigay bartiisa Facebook: Madaxweynaha Sacuudiga ayuu kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qatar, saakayna Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliye xiggeenkii Nabadsugidda ayuu dalka Qatar u diray. Maalmahan waxaa Addis Ababa isaga daba noqonayey Taliye xiggeenka Nabadsugidda. Waxaan kaloo maqashiisanahay in Madaxweynuhu uu Addis Ababa tegayo. Wax kala maaha dagaal Galmudug iyo Jubaland ka dhan ah ayaa awood ciidan iyo mid dhaqaale loo raadsaday. N&N waxay masiirkooda siyaasadeed ku lareen guusha iyo guuldarrida ay ka soo hooyaan labadaa Dowlad Gobol. Waxaan haddaba ugu baaqaynaa inta samaha Soomaaliyeed jecel in ay shirqoolkaas ka hortagaan oo ay garabsiiyaan labada Dowlad Gobol. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha degaanka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale ayaa ka warbixiyey roobab waaweyn oo ka da’ay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo sidoo kalena kormeeray qaybaha kala duwan ee magaalada Laascaanood. Maayarka ayaa sheegay in roobabkani ay ahaayeen kuwo xoogan, kuwaas oo sababay in ay korantadu magaalada ka tagto, laakiin ay saaka dib u soo noqotay korontadii, waxaanu maayarku caddeeyey in sababo amni dartood loo damiyey korontada, iyada oo xadhkaha magaalada dhexdeeda mara qaarkood ay soo dhaceen. Ilaa hadda ma jiro wax khasaare ah oo uu roobkaasi geystay sida uu Maayarku u sheegay Weriyaha Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama gobolka Sool Barkhad Cumar Axmed. Shacabka ku dhaqan degmooyinka magaalada Laascaanood ee uu maayarku la kulmay ayaa iyaguna warbixinno ka siiyey roobabkaasi ka da’ay magaalada iyo sida ay xaaladda degmooyinkaasi tahay, iyaga oo soo dhoweeyey kormeerkan maayarku ku maray magaalada Laascaanood. Source
  18. (SLT-Muqdisho)Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,isagoo kusii jeeda dalka Qatar. Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa waxaa Garoonka kusii sagootiyay qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Wasaaraha Dalka ayaa inta uu joogo Qatar sida la Sheegay wuxuu kulamo looga hadlayo xoojinta xidhiidhka labada dal la yeelan doonaa mas’uuliyiinta dalkaasi. Source
  19. (SLT-London)Kooxda kubada cagta saville ee ka dhisan wadanka Spain ayaa shaacisay inuu shil gaadhi ku dhintay ciyaaryahankeedii Jose Antionia Reyes oo 35 jir ahaa. Way soo saartay kooxda Saviile ayaa lagu sheegay in ciyaaryahankani uu ku dhintay shil gaadhi ” xidigii ay jeclayd kooxda Saville ee Jose Antonia Reyes waxa uu ku dhintay shil gaadhi, nabad ayaan u rajaynaynaa” ayaa lagu yidhi fariin lagu baahiyey boga Twitter-ka ee kooxda Saville. Ciyaaryahankan geeriyooday ee Jose Antonia Reyes ayaa sideedii sanadood ee ugu dambeeyey u ciyaarayey kooxda Saville isaga oo ka soo mid noqday kooxdaha Athletic Madrid iyo Real Madrid ee dalka Spain isla markaana ka mid ahaa kooxdii Arsenal ee sanadkii 2003-2004 ku qaadday horyaalka Ingiriiska iyada oo aan laga badin. Sidoo kale dalka Spian oo uu u dhashay ayuu u saftay 21 tartan oo caalami ah. Hoos ka DAAWO siduu shilku u dhacay.. Source
  20. Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland, maamulka gobolka Nugaal iyo laamaha amniga gobolka ayaa maanta booqday dooxooyinka dhanka bari ka xiga magaalada Garoowe oo ay fataxaad ka sameeyeen roobabka gu’ga. Wasiirada wasaaradaha Degaanka iyo Gaadiidka Puntland oo ay weheliyaan guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal, taliyaha qeybta Booliiska iyo mas’uuliyiin kale ayaa booqday dooxooyinka loo yaqaan “Ayaxda” oo gebi ahaanba qarsoomay kadib markii roobab mahiiggaana oo ka da’ay mowjado fatahaada ka sameeyeen. Mas’uuliyiinta ayaa ku xannibay oo shishay u dhaafi waayay, tuulada Sinujiif oo 60 km dhinaca bari ka xigta caasimadda Puntland, halkaasi oo wadada laamiga laba meelood ka go’day, islamarkaana isu-socodkii gaadiidka ku xayirmay. Wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale oo doonayay in ay u gudbaan tuulada Xaaji Khayr oo daadadku aaseen ayaa dib ugu soo laabtay Garoowe, kadib markii ay u suurta-geli wayday. Sidoo kale, wararka laga helayo tuulooyin badan oo ku yaalla bariga gobolka Nugaal, ayaa sheegay in ay go’doon yihiin tuuloyinkaasi oo ku haftay mowjado daadad ah oo roobabku fataheen halka qaar ay aasmeen. Isgaarsiinta ayaa guud ahaan ka go’an degaannada fatahaaddu ka dhacday, waxaana yar in xog sugan laga helo khasaaraha naf iyo maalba leh ee roobabku geysteen. Dhinaca kale, Kusimaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa galabta faafin deg deg ah ku magacaabay guddi la tacaala fatahaadda oo ka kooban golayaasha dowladda. Halkaan ka eeg sawirada fatahaadda PUNTLAND POST The post Qeybo kamid ah gobolka Nugaal oo qarsoomay kadib markii fatahaado ku dhufteen appeared first on Puntland Post.
  21. Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka. Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa loo xilsaaray in ay soo qiimeeyaan, isla markaasna warbixino ka soo [...] Source
  22. Muqdisho (SMN) – Illaa 82 caruur ah oo isugu jira gabdho iyo wiilal agoon ah ayaa maanta la guddoonsiiyay deeq lacageed, kuwaas oo ay ka dhinteen Wariyeyaal siyaabo kala duwan ugu dhintay gudaha dalka. Munaasabad kooban oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa caruurtaasi mid mid waxaa loogu guddoonsiiyay lacag dhan 50 Dollar. Abaabulka barnaamjikan waxaa lahaa Wariyeyaasha Muqdisho, balse waxaa fuliyay waaxda Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya. C/risaaq Cilmi Jaamac Black oo ka mid ah bahda Warfaafinaha ee xafiiska Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay deeqdan, waxaana uu sheegay in caruurtaasi ay ka tageen Wariyeyaashii dhinta ay ka war heyn doonto dowladda Soomaaliya. Waa sanadkii labaad oo deeq lacageed la gaarsiinayo Agoontan, si ay ugu dabaal dagaan maalmaha Ciidul Fidriga. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article