Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa kulan la qaatay jaaliyada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika. Farmaajo oo kulankaasi qudbad ka jeediyay aayaaka hadlay arimo kala duwan oo dalka Soonaaliya ah. Madaxweynaha ayaa ugu horeeyn jaaliyada ugu warbixiyay xaalada wadanka iyo wax qabadka Dowlada. Sidoo kale waxa uu balan qaaday in dowlada South Afrika uu kala hadlaayo dhibaatooyinka loo geeysto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi. Sidoo kale madaxweynaha uu u muuqday in uu u jawaabiyo dowlada Kenya ayaa sheegay in dalka Soomaaliyeed uu yahay dal awood badan. ” Soomaali laguma soo dhaco, hadii ay jiri jireen madax aad ka shaki qabtaan Annaga shaki hanaga qabina” ayuu yiri madaxweynaha. Dhibaatooyin badan ayaa dadka Soomaaliyeed loogu geeystaa dalka Koonfur Afrika kuwaasi oo isugu jiro dil iyo boob hantiyadees. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Farmaajo” Soomaaliya laguma soo dhaco hadii ay jiri jireen madax aad ka shaki qabtaan Annaga shaki hanaga qabina” appeared first on Puntland Post.
  2. Wasiiru-dowlaha wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa dafiray in uu mar kale suuqa galay imtixaanka shahaadiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sida qorshaysan loo fariisan doono maalinta berriya . Mudane Jaabiri oo caawo wareysi gaar ah siinayay teleshinka dowladda ee SNTV ayaa dafiray in suuqa laga helay imtixaanka ku celiska ah ee maalinta berriya laga qaadi doono ardayda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kadib markii uu fashilmay imtixaankii hore ee dowladda. Wasiirka ayaa sidoo kale u digay dad uu sheegay in ay dib u faafinayan imtixaankii hore u fashilmay ee dowladda Federaalka Soomaaliya balse ma soo bandhigin wax caddeyn ah oo muujinaysa in nuqullada hadda la helay ay yihiin imtixaankii hore. Hadalka wasiiru-dowlaha ayaa ku soo beegmay xilli fiidnimadii caawo ay warbaahintu heshay nuqullo imtixaan oo ka duwan kii hore baraha bulshada loo soo geliyay islamarkaana la sheegay in gudaha magaalada Gaalkacyo lagu kala iibsanayo maddooyin kamid ah imtixaanka berri. Halkaan ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dafirtay in uu mar kale suuqa galay imtixaanka Shahaadiga appeared first on Puntland Post.
  3. Imtixaanka Shahaadiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo sida qorshaysan maalinta berriya loo fariisan doono ayaa caawo markii labaad suuqa galay waxaana lagu kala iibsanayaa [...] Source
  4. Imtixaanka Shahaadiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo sida qorshaysnaa maalinta berriya loo fariisan doono ayaa markii labaad suuqa galay, waxaana lagu kala iibsanayaa gudaha [...] Source
  5. Imtixaanka Shahaadiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo sida qorshaysan maalinta berriya mar kale loo fariisan doono ayaa caawo suuqa galay waxaana lagu kala iibsanayaa gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dad kala duwan oo ku sugan koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in caawo guryo ku yaalla gudaha magaalada lagu kala iibsanayo maadooyinka imtixaanka ku celiska ah ee maalinta berriya loo fariisan doono. “Anigu caawo waxaan arkay maadooyinka Chemistry iyo Physics oo qol noo dhow lagu kala gadanayo maadooyin kalena waa la sheeg-sheegayey waxaanse la yaabay halka laga soo qufayo waxaan” ayuu yiri qof ku sugan koonfurta Gaalkacyo. Sidoo kale mid kamid ah ardayda soo iibsaday imtixaanka ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in uu soo gatay maaddooyinka Chemistry iyo Biology isagoo tilmaamay in uu tegayo guri loogu tilmaamay maaddooyin kale in ay yaallan si uu u soo gato. Ardaygan ayaa sheegay in uu dadaal badan ku bixiyay diyaarinta imtixaanka uuna si fiican maddooyinka u soo akhristay balse haddii ardayda lamidka ah gadanayso ay khasab ku tahay in uu iibsado si aan looga buundo fiicnaan. Dhinaca kale Warbaahinta Puntland Post ayaa heshay maddooyinka ugu horreeya imtixaanka ee Tarbiyadda iyo Af-Soomaaliga oo ay weheliso maadada chemistry kadib markii suuqa la soo geliyay Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qishkan la sheegayo in uu baxay iyadoo hore imtixaanka loo joojiyay kadib markii uu qishkan oo kale baxay. Halkaan hoose ka eeg maaddooyinka PUNTLAND POST The post Imtixaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo markii labaad suuqa lagu kala iibsanayo appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT-Burco) Xaji Cismaan Badha-dhaba oo kamid aha odayaasha Caanka Ah Ee Burco ayaa Aas-qaran Loogu sameeyay Magaaladda Burco. Wariye Bashiir Nuux Ibrahim Oo HCTV ka tirsan ayaa warbixintan ka diyaariyay. Hoos ka DAAWO Source
  7. Dawladu waxa ay qiimo ku leedahay dadkeega oo ah kuwa dhistay. ee doortay ee cashuur bixiyaha ah ee u hogaansan awaamiirta qaranka in ay u ilaaliso rabitaankooga , xoriyaadkooda iyo xuquuqdooda iyo waliba raaligalintooda . Aduunku waxa uu ku qiimeeyaa dawladaha sida ay dadkooda u ixtiraamaan isugu wadaan danahooga uguna shaqeynayaan , waxii ay dhigteena u ixtiraamayaan ugana go’an tahay in ay ka midho dhaliyaan himilada iyo hiigsiga umadooda. Haddaba maalinta lagaa helo qaybsanaan iyo in la kala aamin baxo waa maalinta aad ugu nugushahay in cidwaliba danaheega kaa dhex fushato oo jiritaankaaga khatar la galiyo. Maanta waxa muuqata in loo kala dheeraynayo aduunka iyo daneeyayaasha doorashada somaliland oo dhaqaale badan inagu bixiya oo aynu ku qabsano doorashooyinka , cidina danaha gudahaaga ma soo farogalin karto ilaa adigu ay kaa muuqato gol-daloolooyin sida ; in aanad shuruucdii iyo waxii aad dhigatay ilaalin , sida in aanad ixtiraamin dadkii dawladnimada lahaa iyo rabitaankooga iyo xuquuqahooga . Xuquuqda doorashada iyo in wakhtigeeda la ilaaliya oo laga shaqeeyo xil wayna la iska saaraa waxa ay ka mid tahay meelaha ugu weyn ee lagu qiimeeyo dalalka oo waxa la eegaa xasiloonaanta iyo deganaanshaha siyaasadeed ee dalkaasi leeyahay hadii ay tahay cid ku taageeraysa iyo cid ku maalgashanaysa ama aad wada galaysaan heshiisyo mandaqadeed iyo qaar caalamiba. Maanta somaliland wax badan oo sumcad ahaan iyo qaran ahaan kor inoo qaadi lahaa inaga ayey inagu xidhan yihiin in aynu isku tashano oo hagar baxno hawlaha muhiimka ah ee qaran ahaan inoo yaalla oo aynaan cid kale ka sugin ee aynu soo celino iskaashigii iyo kalsoonidii gudaheena. Markaa waxa wanaagsan in aynu eegno danaha dalkeena iyo dadkeena ee aynaan eegin danaheena siyaasiga ah iyo kuwa shaqsiga ah ee ka hor imanaya kuwa umadeenu doonayso, waana in ay inta masuuliyadaha umada u haysaa iska bilowdaa oo aanay kuraasida jeclaysan hadii ay guurti tahay , hadii ay gole wakiilo tahay , hadii ay gole deegaan yihiin , hadii ay komishan doorasho yihiin , hadii ay xisbiyo siyaasadeed yihiin iyo hadii ay xukuumada talada haysa tahayba. Waar dalka iyo dadka ha loo tudho Bilahi Calayk Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Tell : +252634241005 Source
  8. Suxufiga indhaha iyo dhagaha furani wuxuu balaadhiyaa daawashada, dhegaysiga iyo wax akhriska, si uu u helo macluumaad uu ku kabo xirfadiisa suxufinimo. Qormadan waxa aynu si kooban uga hadli doonaa mid ka mdi suxufiyiinta adduunka ugu caansan marka laga eego dhinaca waraysiyada iyo qaab su’aaleedkiisa adaga (Tough interview). Macluumaadka aynu ka faa’idaysano suxufiga ayaa laga yaabaa inay wax badani inooga kordhaan xeeladaha uu adeegsado iyo farsamooyinka u gaar ah. Waa kuma Stephen Sackur? Stephen Sackur waa suxufi Ingiriis ah, kuna dhashay isla Ingiriiska sannadkii 1964-kii, waxaanu wax ku bartay Jaamacada guunka ah ee Cambrige (1985). Sidoo kale wuxuu aqoontiisa ku sii kordhistay jaamacada caanka ah ee Harvard gaar ahaan qaybta loogu magac-daray Madaxweyne Kennedy (John F. Kennedy school of Government). Stephen wuxuu ka hawlgalaa Tilifiishanka iyo Idacaacadda BBC-da qaybahooda la hadla dibada. Waan soo saaraha Barnmaamijka lagu lafa-guro arrimaha adduunka ee loogu yeedho Hal-adayg (Hardtalk). Ka hor intii aanu bilaabin Barnmaamijkan Hal-adayg, muddo 15 sanno ah ayuu ahaa suxufi ka soo warama dalalka dibada (foreign Corresponden), sidoo kale si joogto ah ayuu Barnmaamijyo ugu diyaarin jiray Idaacadda BBC-da ee (BBC Radio 4) iyo tiro badan oo wargaysyo kala duwan ah. Shaqadii ugu horraysay ee uu BBC-da ka bilaabaa waxa ay ahayd tababare mudadii u dhexaysay 1986 ilaa 1990. Wixii intaasi ka dambeeyey waxa loo magacaabay inuu noqdo suxufi ka faallooda arrimaha caalamka. Meelihii ugu horreeyey ee uu ka bilaabo shaqada suxufinimo waxa ay ahayd kacdoonkii Slovakia ee sannadkii 1989-kii dhacay ee la odhan jiray (Velvelt Revolution of Czechoslovakia), dib u midowgii labadii Jarmal iyo dagaalkii gacanka. Stephen wuxuu ahaa suxufigii ugu horreeyey ee soo tebiya duqayn dhinaca cirka ah oo dawladdii Ciraaq ee Saddaam Xuseen kula kacday kolonyo dad qaxaaya oo reer Kuweyt ah, taasina waxa ay soo dedejisay inuu dhaco dagaalkii gacanku. Stephen waxa markii dambe saldhig u noqotay magaalada Qaahira ee dalka Masar (1992-1995), halkaasina wuxuu si joogto ah uga soo tebin jiray wararka, faalooyinka iyo doodaha arrimaha Bariga dhexe. Ka dib wuxuu u wareegay Israa’iil, waxaanu si toos ah u soo tebin jiray geeridii Raysal-wasaarihii Yuhuud Yitzhak Rabin. Intii u dhexaysay 1997-2002 waxa loo magacaabay weriyaha gaar ah ee BBC-da uga soo warama Maraykanka gaar ahaan Washington, waxaanu warar, faallooyinka, waraysiyada, doodaha iyo lafa-gurida ku samayn jiray fadeexadii ku habsatay Madaxweyne Clinton ee la odhan jiray (Lewinsky Scandal). Waana halkay ka soo baxay hibadiisa waraysiyada heerka sare ah (Advanced Interveiws) iyo su’aalaha aan gabbasahada lahayn, taasina waxa ayaa markiiba siisay sumcad weyn oo uu ku yeeshay caalamka. 2002-dii wuxuu noqday Tifafiraha BBC-da ee Yurub, ka dib wuxuu ku noqday Ciraaq markii ay burburtay dawladii Saddaam Xuseen, isaga oo noqday suxufigii ugu horreeyey ee soo tebiya xabaal-wadareedyo ay ku jireen dad uu xasuuqay Saddaam Xuseen. Sidoo kale wuxuu ahaa xidhiidhiyihii doodihii is-beddelka cimilada adduunka oo ay ka qaybgaleen guddi shan qaybood ka kooban oo ay hogaaminayeen shan madaxweyne oo ka kala socday dalalak (South Africa, Maldives, Sweden, Australia iyo Mexico). Isaga oo maskaxda iyo maanka ku haysta waayo-aragnimadaasi shaqo ee baaxada leh, ayaa sannadkii 2004-tii loo magacaabay inuu soo saare ka noqdo Barnmaamijka Hal-adayga (Hard talk), ka dib markii uu geeriyooday suxufigii halgamaaga ahaa ee Tim Sebastian oo hore Barnmaamijkan soo saare uga ahaan jiray (Veteran Journalist). Hard talka waa Barnmaamij socda muddo 25 miridh ah oo si qotodheer loo waraysto qofka martida ku ah iyada oo la soo hordhigo baadhitaano iyo caddaymo khuseeya mowduuca laga waraysanayo. Stephen wuxuu waraysiyo kala duwan ka qaaday dad adduunka caan iyo weliba inta badan madaxda caalamka, isaga oo ka qaaday waraysiyo caalami ah, iyo su’aallo qofku aanu jawaabtooda si fudud ku keeni karin, mararka qaarkoodna qofka kaga dhididiya (Tough Questions). Madaxda uu waraystay waxa ka mid ah: Lula da Silva Baraasiil, Hugo Chavez Finisweela, Sheikh Hasina Bangaaladheesh, Caldevon Mexico, Shimon Peres Yuhuuda, Mohamed Abbaas Falastiin, Mahathir Maaleesiya, Jalaal Talabani Ciraaq, Bush Maraykanka, Al Gore Maraykanka, Robert Gates Wasiir Difaacii Maraykanka, Meles Itoobiya IWM. Baadhistiisa iyo Bandhigiisa Wuxuu soo qaataa ilaha rasmiga ah iyo hadallada asalka ee mawduuca uu ka hadlayo khuseeya(Primary and original source). Markuu soo fadhiisanyo amaba uu fadhiyo Istuudayaha waxa miiska ka muuqata waraaqo fara badan oo qoraallo kala duwan xambaarsan, oo ay ugu diyaarsan tahay caddaymaha uu cuskanayo. Masuulka uu waraysanayo, markuu arrin taagan uu dafiro wuxuu markaba hordhigaa hadalka iyo xogta caddaynaysa arrinta uu dafirayo, isaga oo farta u saaraya cida tidhi hadalka si aanu meel kale ugu leexan la-waraystuhu. Hadalka ma badiyo wakhtiga waraysiga, waxaanu xariif ku yahay su’aalaha tixraaca ah ee ku xidhan hadalka ka soo baxay qofka (Follow up Questions). Dareenkiisuna ma baxo wuxuu toos ula socdaa dareenka la-waraystaha. Haddii uu la-waraystuhu su’aashiisa garab maro wuxuu ku soo celiyaa isla-su’aashii ilaa uu ka helo jawaab cad. Mawduuca uu waraysiga ka qaadayo wuxuu ku sameeyaa baadhis dhinac kasta ah (Deep Reseach). Waxaanu masuulka dareensiiyaa inuu mawduuc ka haysto xog dhammaystiran, si aanu u beerlaxawsan. Abaalmarinaha uu ku Guulaystay ü Sannadkii 2010-kii wuxuu noqday suxufigii ku guulaystay abaal marinta suxufigii ugu fiicnaa sannadkaasi oo ay bixisay ( Association for international Broadcasting) ü Sannadkii 2011-kii wuxuu ku guulaystay suxufigii ugu war-tebinta fiicnaa wararka dibada oo ay bixisay (International foreign Broadcasting). ü Sannadkii 2012-kii wuxuu ku guulaystay suxufigii ugu su’aalaha iyo xog-baadhista fiicnaa ee sannadkaasi oo ay bixiyeen (Global International Research Panel) ü Sannadkii 2013-kii wuxuu ku guulaystay suxufigii ugu codka macaanaa (Golden Voice) ee sannadkaasi oo ay bixisay (Sony Radio Award) Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan. CaliCoomay@gmail.com Tix-Raacyo: facebook.com/stephen.sackur wikipedia.org/wiki/Stephen_Sackur twitter.com/stephensackur famousbirthdays.com/people/stephen–sackur. Source
  9. AS/CALAYKUM DHAMAAN SHACBIGA SOMALILAND GUDE IYO DIBADBA SIYAADADA DUSHAAN KALA SOCDAA,MAALINBA MAALINTA KA DAMBAYSA, WAXA SII LICIIFAYA XUKUMADII IYO UCID….BAL CEEBTAN EEGA!!!! waxaan la yaabay kusoo-guryo noqoshada mataanaha Kulmiye iyo UCID ee Nairobi ay kaga soo noqdeen! waxaan ula yaabayna waxa weeye, Faysal C Waraabe oo ka dhigay maxamed kaahin nin uu hayo Xanuun Saxaafadeed, isla markaana aan qaadi karin in kalmad la waydiiyo…..ku lahaa faysal: Ta daa Ta daa Anidaa la tulmay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur….i kkkkk. Bal ogow Siyaasigaa Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur waa ninka kaliya ee midayndoona Soomaaliya oo dhan. waa nin aan la gaban inaanay dhagihiisu maqal wax kala qaybsanaan iyo laanta iyo waxaas. Sida fagaarayaasha doodaha siyaasada uu ku tiraabo, waa siyaasi ka shaqeeya midnimada umada somaliyeed, soona celin doona nidaamkii Soomaaliwayn. Waxaan shaki ku jirin in wada hadalka dawlada somaliland ay la hadashay siyaasigan, uu yahay mid qalbi jabinaya kuwa qalbigooda ku haba ama ku xardha: SOMALILAND. ku sii dheeraan maayee, faysal baa aad iiga qosliyoo maalintii dhawayd ee Culimada somaliland lagu casuumay madaxtooyada wuxuu yidhi: WADANI WAANU TA ADTAAN WAYNEE, MEE HAYN INAA NASOO KALA DHEX GASHAAN….!!!!! Waxaan kaga baxayaa, Wadani wuxuu xukumada iyo ucid ka adkaaday maalintii ay is bahaysteen 4% IYO 48%. Ku darsadoo siyaasiyiin dhab u darsa waxay siyaasadi tahay iyo sida bulsho loo badalo, ayaa dalka ku nool!!!! U fiirso hadalka layskama yidhaahee, waxaan u jeedaa Wadani wuu ka adkaaday dawladii iyo UCID, waxay yidhaaheen laba xisbi ayaanu doorasho ku galaynaa, iminkana afka waysoo marin kari la’yihiin inay ku adkaystaan inay labadaa ay sheegeen doorasho ku galaan!!! iminkoo u dambaysay waa la waydiiyee mabay ka jawaabin ina kaahin iyo faysal toona!! halkan bal eeg ceebta fagaare saxaafada somaliland iyo waftigan margaday een biyana loo dhiibin!!! Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal! politicianbynature@outlook.com Source
  10. The former head of a notorious Ethiopian prison has been arrested and is expected to face trial. Hassan Ismail Ibrahim, also known as Hassan Dhere, was arrested in neighbouring Somalia.... Source: Hiiraan Online
  11. The Kenya-Somalia strained relations sunk even further following a new directive from the Ministry of Health & Human Services on Saturday. Source: Hiiraan Online
  12. Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dilal kala duwan kuwaas loo geystay odayaal dhaqameedyo ka mid ahaa kuwii wax ka soo xulay Ergooyinkii soo doortay Baarlamanka Soomaaliya. Dilka 1aad ayaa waxa uu ka dhacay dagmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafada juunle. waxaana loo geystay nin nabadoon ahaa. Nabaddoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Ibraahim Cariif, waxaana uu ka mid ahaa waxgaradka sidda si weyn looga yaqaano Xaafadda Juungal. Dilka Nabadoonka ayaa ka dhacay Gudaha Masjid Sheekh Xasan Cadde, waxaana dilka geystay Koox hubeysan oo goobta ka baxsatay. Nabadoonka ayaa ka mid ahaa Odayaashii soo xulay Ergooyinkii soo doortay xildhibaanada Golaha Shacabka ee maamulka Hirshabeelle. Dilka 2aad ayaa waxa uu ka dhacay dagmada Dharkenley ee gobalka Banaadir, gaar ahaan xaafada suuq liif ninka lagu dilay Dharkeynley oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen Maadey ayaa waxa uu kamid ahaa nabadoonada ku dhaqan xaafadda suuq liif. Dilka ayaa waxaa geystay kooxo ku hubeystaa bastoolado kuwaas oo markii dilka ay, ka geysteen goobta iskaga baxsaday, Nabadoonka la dilay ayaa waxa uu ka mid ahaa oErgadiii Xildhibaanada Baarlamaan Federalka Soomaaliya ku soo dooratay Magaalada Baydhabo ee Koonfur galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa awooddiisa iyo kursiga uu ku fadhiyo u adeegsaday inuu faro-gelin ku sameeyo maamulka deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, oo ay isku hayaan beeshiisa iyo beesha Abgaal. Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, Kheyre ayaa saddex goor goor is hor-taagay guddoomiye ku xigeenka degaanka Garasbaaley oo uu magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir, sababtana ay ahayd in qofka la magacaabay uu kasoo jeeday beesha Abgaal. Arinta magacaabista guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degaanka Garasbaaleey ayaa lugaha la gashay xaalad qabiil oo xooggan iyo nin jeclaysi waana degaan ay isku heestaan beesha Murusade ee Kheyre iyo beesha Abgaal. Odayaasha iyo maamulka degmada Deyniile ee Muqdisho waxay degaanka Garasbaaleey u yaqanaan waax ka tirsan degmadaasi halka odayaasha Abgaal, gaar ahaan Waceysle iyo Wacbuudhan u olaleeyaan in Garasbaaley noqoto degmo ka tirsan degmooyinka gobalka Banaadir oo madax banaan. Sanadihii ugu dambeeyey beelaha Abgaal, gaar ahaan Wacbuudhan iyo Waceysle ayaa Garasbaaley geliyay lacag xad dhaaf ah kana sameeyay dhismiyaal iyo xarun degmo, Saldhig Boolis, Isbitaalo, ceelal iyo adeegyo kale, kana dhigay deegaan ka hormarsan degmooyinka qaar ee Muqdisho. Guddoomiyaha Garasbaaleey waxa uu ka yimaada Abgaal, gaar ahaan Daa’uud oo ka tirsan Wacbuudhan, halka ku xigeenka 1-aad oo ah amniga iyo siyaasadda laga keeno Abgaal Waceysle oo aad degaanka ugu xoogan, balse sanadkaan waxaa dood geliyay beesha Murusade oo kursigaas ku dhaggan ku dhawaad hal sano waana sababta keentay in booskaas banaanaado muddo ka badan 6 bil. Arintaan waxaa lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin Xildhibaano, lat-aliyaal katirsan xafiiska raysal wasaaraha, guddoomiyihii xilka laga qaaday ee maaliyadda gobalka Banaadir iyo saraakiil kale. Geeska kale waxaa gaar ka socda Guddoomiye Yariisow, odayaal iyo siyaasiin kale oo degaanka matalo. Cali Xasan Cali oo ahaa guddoomiyihii ugu dambeeyay ee amniga iyo siyaasadda degaanka Garasbaaleey ayaa ahaa wiil dhalinyaro aqoon-yahaan ah oo degaanka u dhashay aadna u kala yaqaana. Ka hor inta aan xilka laga qaadin degaankaas qabin weerarada qaraxyada ah ee dhulka la geliyo waxa uuna ku guuleestay in uu Al-Shabaab halkaasi kula dagaalamo maadaama uu degaanka kala yaqaano. Hada waa halis oo aan la mari karin waxaana muuqata in degmada guddoomiyahaas gadaashiis ay halis amni wajahday. Odayaasha Abgaal ayaa Kheyre ku eedeeyey in kursiga uu qaranka ugu fadhiyo uu ugu eexanayo beeshiisa, ayaga oo wax yaab leh ku tilmaamay inuu doonayo inuu beeshiisa kursi kasiiyo deegaanka Garasbaaley, inkasta oo aysan degin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari dad badan ayaa bil walba waxa uu soo ritaa cudurka Duumada, taas oo sidookale lagu tilmaamo magaalada in safka [...] Source
  15. Puntland iyo Somaliland ayaa saxiixay heshiis kooban oo maxaabiis isweydaarsi ah kaasi oo ay fududaysay hay’adda caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC). Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in heshiiskani oo khuseeya maxaabiista dagaalkii Tukaraq ay aqbaleen labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland kadib markii ay u kala dab-qaadday hay’adda ICRC. Ilo’ xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Puntland iyo Somaliland si rasmiya ugu heshiiyeen in ay maxaabiista dagaalkii Tukaraq is-weydaarsadaan maalinta Isniinta ah ee ku beegan 3 bisha June ee soo socota. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Somaliland oo ku heshiiyay maxaabiis is-weydaarsi appeared first on Puntland Post.
  16. Madaxwaynaha dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa gobolka Mudug u magacaabay guddoomiye cusub, waxaana guddoomiyaha cusub loo magacaabay Axmed Muuse Nuur oo horay usoo noqday [...] Source
  17. (SLT-Addis Ababa)-Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ka xun tahay khariirad lagu soo daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya oo muujinaysay khaladaad. Qoraal lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa lagu sheegay in khariiraddaasi ay ahayd mid “khalad ah oo aan la aqbali karin.” Itoobiya waxay sheegtay in isla markii ay ogaatayba ay ka saartay maabkaasi bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Itoobiya waxay sheegtay inay ka xun tahay wixii jahawareer ama is-faham-darro ah ee ay arrintaasi abuurtay. Waxaa kaloo khariiradda ka maqnaa Suudanata Koonfureed iyo dalka Equatorial Gini ee Galbeedka Afrika. Source
  18. Madaxweynaha Puntland oo safar shaqo u aaday dalka China Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay [...] Source
  19. Maamulka Soomaaliland ayaa horay dowladdihii kala duwanaa ee soo maray Puntland uga qabsaday qaybo kamid ah gobolada Sool iyo sanaag, waxayna haatan u soo ruqaan [...] Source
  20. (SLT-Washington)-Shirkadda Facebook ayaa sheegtay inay meesha ka saartay 2.2 billion oo ciwaano been abuur ah ilaa bishii January iyo March, waxaanay arintani noqonaysaa talaabadii ugu balaadhnayd ee ay shirkadu ku dhaqaaqo ee ay ciwaano intaa leeg meesha kaga saartay. Tiradana waxay noqonaysaa mid inyar uun ka yar tirada 2.38 billion ee sida bilaha ah u isticmaala barta Facebook aduunka oo dhan marka la barbar dhigo tirada 1.2 billion oo ciwaano been abuur ah oo ay shirkaddu joojisay rubucii hore oo ahaa 694 million intii u dhaxaysay bishii October iyo December ee sanadkii 2017-kii. Tiradan cusub ayaa maalintii Khamiistii lagu baahiyey warbixinta sadexaad ee Guddiga Fulinta ee Jaangoynta hawlaha shirkadda. Waxaana lagu sheegay in shirkadda Facebook ay bilaabi doonto inay sii dayso warbixintan si sanadka soo socda. “Badqabka wada hadalku waa mid muhiim u ah warbixin kasta oo maaliyadeed oo aanu sameyno, sidaasi darteed waa inaan sida ugu dhaqsaha badan u sameynaa,” Agaasime Mark Zuckerberg ayaa sidaasi ku sheegay wareysi ay la yeesheen suxufiyiinti maalintii khamiistii. “Garawsashada baahinta waxyeellada leh waxay ka caawineysaa shirkadaha iyo dawladaha inay abuuraan nidaamyo wanaagsan oo wax lagaga qabanayo, waxaan aaminsanahay in adeeg kasta oo internetka ee muhiimka ahi ay tahay tan.” Shirkaddu waxay sidoo kale sheegtay in qoraal kale oo ay u gudbiyaan Alex Schultz uu sharxay sababaha keena in qaar ka mid ah ciwaanada been abuurka ahi ay kordhaan. Kaas oo ku tilmaamay in ay keento arimo ay ka mid yihiin weeraro sahlan oo ka dhaca dhinaca Facebook-ga. Source
  21. (SLT- Gol-dogob)-Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sarkaal sare oo ka mid ahaa Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar (Iley) ee Dawlad-deegaanka Itoobiya. Ninka la qabtay oo Magaciisu yahay Xasan Ismaaciil Ibraahim (Xasan-dheere) ayaa waxa 40 Qof oo uu ku jiro hore in la soo qabto Amar ugu bixiyey Xeer ilaaliyaha guud ee Dawladda Federaalka Itoobiya, waxaana lagu qabtay deegaan uu ku dhumaalaysanayey oo ah Gol-dogob. Xasan Ismaaciil Ibraahim ayaa ahaa korneyl ka tirsan ciidanka Liyuu Booliska ee kililka shanaad, waxaanu qabtay Xilal sar-sare oo kale, waxaana loo haystaa gabood-falo ka dhacay Jeelka loo yaqaano Jeel Ogaadeen ee Magaalada Jigjiga. Ninkan oo ka mid ahaa Saraakiishii dalka ka baxsaday markii Nidaamka Cabdi iley burburay, Balse markii uu u gudbay dhinaca Soomaaliya, wuxuu ku hakaday deegaannada u dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo haddana laga soo qabtay magaalada Gol-dogob. Sida ay faafisay wakaaladda wararka ee Itoobiya ee fana, xeeri-llaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in Ninkan loo haysto dacwado la ku saabsan gabood-falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed. Source